Author: Jibril Qoobey.

Dekeda Garacad amaankeeda iyo maamulkeeda,waxaa ka masuul ah Dowlada Puntland ee ku timid Dastuurka lawada dhigtay. Mid kale waxay tahay dhaqaalaha galay Dekeda,waxaa ku jira ku dhawaad 20-Milyan oo dolar oo ahaa Dhulkii Dowlada ee loo iibshay. Cabdinaasir Biixi Soofe waa mid ka mid ah Gudiga sare ee Dekeda,hadana ah maalgashade saami ku leh magacaabistiisana,waxaa soo gudbiyay isla Gudiga. Waxaa jira Maareeye kale oo ay leedahay Shirkada maalgashatay Dekeda ee Wadaagsin. Labada Maareeye shaqadooda iyo miisaaniyada ay kala maamulayaan way kala duwan tahay. Horay,ayaa Dowladii Gaas,wax badan kala qortay oo dajisay habka loo wada shaqaynayo. Muxuu yahay doorka Dowlada? Dowlada…

Read More

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphose, ayaa ku ku dhawaaqay in daadadkii qaaday gobollada KwaZulu-Natal iyo Eastern Cape masiibo qaran. Madaxweynaha ayaa hawl geliyey toban kun oo ciidan ah oo ka qayb qaadanaya hawlaha gurmadka ee gobolladaa ka socda ee biyo nadiifa iyo cunto lagu gaadhsiinayo. Bashiir Macallin Cabdullahi oo ku nool magaalada Durban, ee gobolka Kwazulu-Natal oo kamid ah dadka ku wax yeeloobay daadkaasi ayaa khasaaraha hantidiyeed ee soo gaadhay uga waramay Axmed-badar oo marka hore weydiiyey bal hadda sida ay tahay xaaladda guud ee gobolkaas uu ku nool yahay.

Read More

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa siisay digniin kama dambays dagaalyahanada Ukraine, kuwaas oo ku sugan dhismo warshadeed ku yaalla magaalada dekedda ee Mariupol, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. “Ciidanka qalabka sida ee Ruushka, oo ku socda kaliya mabaadi’da bini’aadantinimada, waxay mar kale soo jeedinayaan in dagaalyahannada guutooyinka qaranka Ukraine iyo calooshood u shaqeystayaasha shisheeye ay joojiyaan hawlahooda millatari laga bilaabo saacadda marka ay tahay 1400 wakhtiga Moscow 20-ka Abriil ayna dhigaan hubka,” ayay tiri Wasaaradda Difaaca Ruushka. Ma jiro hal askari oo ka tirsan ciidamada Ukraine oo aqbalay dalabkaas, sida ay wasaaradda ku sheegtay bayaan ay soo saartay.…

Read More

David Hannon, oo 67 jir ah, taageerana u ah madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa qirtay inuu Ilhaan Cumar u diray farriin sannadkii 2019-kii, isagoo ugu hanjabay inuu madaxa ka toogan doono. Ninkan oo ka soo jeeda Florida ayaa Talaadadii maxkamada horteeda ka qirtay inuu xildhibaan Ilhaan Cumar ugu hanjabay inuu dili doono, sida ku cad qoaal uu u diray Ilhaan Cumar. Farriinta uu u diray xildhibaanad Ilhaan ayaa sidan u qornayd “Waad dhimatay, Muslim xagjir ah ayaa tahay,” isaga oo intaas ku daray inuu doonayo inuu madaxa ka toogto,. Eedeysanaha ayaa dambiga lagu helay waxa uu sabab…

Read More

Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ay iska diiday qaadista dacwadda uu Fahad Yaasiin ka gudbiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee ku saabsanayd kursiga HOP086. Maxkammadda sare waxay aqbashay hor-is-taagga xafiiska garyaqaanka Guud ee Dawladda oo matalaya Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ee ah in aanay Maxkamadda Sare awood u lahayn ka-garnaqida cabashooyinka la xidhiidha doorashada dadban ee Baarlamaanka 11-aad. Xigasho BBC.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26 ee 19-ka April 2022, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Haylaan. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Markuu la tashtay : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Maxamed Faarax Aadan loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee 19ka April 2022, kuna saabsan magacaabid Mareeyaha Dekadda Garacad. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Cabdinaasir Biixi Soofe loo magacaabay Maareeyaha Dekadda Garacad. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 19ka April 2022 kuna saabsan magacaabid xubnaha Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad. Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhammaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland. Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn leh ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda. Marku la tashaday: Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland Wuxuu Xeeriyey: Magacaabid Waxaa Maxamuud Caydiid Dirir loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda, Isgaarsiinta,Tiknoolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha.Waxaa Cabdullaahi Maxamed Ciise (Qoor dhuub) loo magacaabay Wasiiru…

Read More

Deni oo ay galbinayaan ku dhawaad 160-Qof oo iskugu jira Golayaasha Dowlada iyo haldoorka kale ee reer Puntland,ayaa ka degay Xamar. Soo dhaweyn aad loo diyaariyay oo laga dareemay Muqdisho,ayaa loo sameeyay. Sida wararku sheegayaan Deni,waxuu mar kusoo laaban doonaa Garowe Doorashada Gudoonka Baarlamaanka kadib. Tagidiisa Xamar si gaar ah reer Puntland waxay ugu tahay sharaf ,sababtoo ah,waxuu huwan yahay maqaamkoodii Dowladnimo. Sidoo kale in laga helo reer Puntland Musharax han Madaxweyne leh oo saamayntiisu culus tahay waa magac sare. Gabadhii Jaarles Taylar codkeeda siisay si uu Liberia Madaxweyne uga noqdo waxay tiri…. “Anoo og in uu Aabahay,Hooyaday iyo Walaalkay…

Read More

Wali Ergadii doorashada ee Ceelwaaq ma bixin,waxaana jira xoogaa dagaal hoosaad dhanka diyaaradaha ah oo lagu wado,balse waa xalismaysaa oo ma’ahan caqabad weyn. 8-Xubnood oo ka mid ah 16-ka Kursi,ayaa la hor shaacin doonaa ilaa Caawa. Ka hor Isniinta soo socota,waxaa lasoo gabagabaynayaa Xildhibaanada Gedo. Dhanka kale Diyaarad uu la socday Col.Cabaas oo ah Talyaha Ciidanka Ceelwaaq ee Jubaland,ayaa shalay kasoo baxday kismaayo tagtayna Dhoobley. Col.Cabaas,ayaa Ciidan dheeriya ka sii kaxaysanaya Dhoobley. Ceel-waaq,waxaa horay usii joogay 300-Askari oo hoos taga Dowlada Jubaland.

Read More

Madaxa Olalihiisa,waxuu udhiibay Labada Wasiir ee kala ah Maxamed Dhabancad iyo Caarshe. Qabanqaabada looga soo anba baxayo Garowe,iyagaa abaabulaya hada. Caarshe waa Nin mudo badan qurbajoog ahaa oo aan Dalka iyo Dadka xog badan kala socon. Balse Dhabancad waa Qorax joog,inkastoo xiriirkiisa Bulshada,Saxaafada,Ciidamada iyo galaangalkiisuba aad uhooseeyaan oo uu yahay Nin aan soo jiidasho lahayn. Olale doorasho,waxaa madax ka noqon kara Qof furfuran,shacbiyad leh,xog heli kara oo abuuran kara kooxo daacad u ah oo ka dhex kaluumaysan kara meelo aan la fili karin. Labada Wasiir waxa kaliya ee lagu xushay waa daacada ay uyihiin Madaxweynaha.

Read More

Madaxweynihii hore Sh.Shariif,waxuu kusii jeedaa Jowhar oo uu ku geli doono Doorasho Kursi Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah. Kursigaas,ayaa uxiran oo uu mudo naawilayay Sh.Shariif. Soo qaadashadiisa Kursiga Xildhibaanimo,waxay muujinaysaa in fursada uu ku noqon karo Madaxweyne ay hoosayso oo uu rajo xun yahay. Dadka la socda olalihiisa Musharaxnimo,waxay xaqiijinayaan in dhaqaale yari ay haysato baahsan,balse siyaasiyan uu nool yahay. Xildhibaanada kasoo baxay Koonfur-galbeed intooda badan Qofka ay uhayaan rabitaanka waa Sh.Shariif waxayna u arkaan ka Digil iyo Mirifle ahaan in isaga dani ugu jirto oo ay la shaqaysan karaan xushmad horana ay uhayaan. Madaxweyne Sh.Shariif oo dhaqankiisa iyo dabeecadiisa…

Read More

Askar xoogaa ah,ayaa jooga SYL Hotel,waxaa kaloo ku sugan C/nuur-kii Madaxtooyada. Xogo lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in F&F Xildhibaano gacantooda lagu tirinayo la dajinayo Hotelka. Sidoo kale Hotelada Xaawo Taako & Dorpen,ayaa iyagana la dajinayaa Xildhibanadaas qaybo ka mid ah,sida wararku sheegayaan. Tiro lagu qiyaasay 40-Xildhibaan,ayaa hada loo tirinayaa in ay ku jiraan gacanta F&F. Dadka la socdaa olalaha Labadaas Nin,waxay sheegayaan in ay maalgashteen Kutlad gaaraysay 160-Xildhibaan,balse xaailku uu umuuqdo 4-meelood oo meel in la hayo. Xataa Xildhibaanada hada la jooga F&F,ayaa si cad kuugu sheegaya in ay Odayga Farmaajo ah saarka ka tumayaan balse siyaasiyan uu dhintay…

Read More

Gudoomiyaha Aqalka-sare,waxaa noqonaya hadii rabi idmo Cabdi-xaashi. Puntland,Jubaland,Galmudug,Hir-shabelle iyo Somaliland oo aan Seneteradooda si hoose u xog waraystay,waxay isku waafaqsan yihiin iyagoon iska warqabin in Cabdi-xaashi uqalmo markale in la doorto. Si gaar ah PL iyo JL dood kama jirto codkooda in ay siiyaan Cabdi-xaashi halka Somaliland isagu kasoo jeedo oo uu ku dhex jiro. Ninka la fili karo in uu loolanka ugu weyn la galo waa Dube oo aan cidna rabitaan uhayn.

Read More

Gudoomiyaha Maxkamada sare,ayaa horay uxaqiijiyay in Doorashada Garsoorkeeda ugu sareeyaa uu yahay Madaxdii heshiiska wada gashay. “Doorashada hadda socota laguma salayn sharciga Doorashada,balse waa mid lagu maamulayo dano siyaasadeed,Siyaasiyiinta tartamaya ayaa ah Maxkamada ugu sareysa ee u dacwooda… waxaad u dacwooneysaa kuwa soo dejiyay nidaamka” ayuu yiri Doodaas isagaa ka hor cadeeyay Shirkii Garsoorka Somaliyed. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe ayaa ku dhawaaqey in fadhiga Maanta ee dhageysiga Dacwadda Fahad Yaasiin xiran yahay, islamarkaana uu go’aan kasoo bixi doono Maxkamadda dhawaan. Doorashada Baarlamaanka Somaliya,waxaa lagu galay heshiis Siyaasadeed oo ay wada qaateen Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Gobolka Banaadir. Maxkamada sare xataa haday fasaxdo Kursiga Fahad Yaasiin aqoonsiga toos uma heli karo,waxuuna ubaahan yahay Shahaadada Xildhibaanimada.

Read More

Itoobiyan tiro baddan ayaa ku xoomay safaarada Ruushka,kadib markii ay maqleen in la qorayo dad dalkaas ka dagaalama. Xubno dadka safaarada safafka ugalay kamid ah ayaa yidhi; “waxaan maqalnay in halkan laga qorayo dadka khibrada ciidan leh.Intii aan nolasha adeegee Itoobiya ku silci lahayn,waxaan go’ansanay inaan nasiibkena tijaabino”. Dhanka kale,Safarada oo ay Bbc-du arrintan wax laga waydiisay ayaa sheegtay inaysan ahayn goob dadka laga shaqaaleysiiyo,xiligana aysan qoranayn ciidan. Itoobiyankii waxay leeyihin silica iyo nolashan adag dagaalka Ukraine,ayaa noo dhaantee na qaada. VOSS TV

Read More

Agaasimihii hay’ada Sirdoonka Puntland Qaybteeda Gobolka Mudug oo iscasilay. Agaasimaha oo ahaa midka ugu shaqo badnaa uguna firfircoonaa Guud ahaan qaybaha Hay’ada ee Puntland,ayaa isku casilay wada shaqayn xumo uu kala kulmay Agaasime xigeenka Guud ee Hay’ada. Waxaan xog ogaal ka ahay duruufaha uu Agaasimuhu kusoo shaqeeyay,isagoo waliba ka hawlgalaya Gobol xasaasiya. Pisa qaybteeda Mudug si gaar ah,waxaa uhaysta dayac fara badan oo laga xusi karo… 1.Dhaqaalo yari.2.Qalab yari3.Ciidan yari.4.Gaadiid yari. Agaasimaha Sirdoonka Mudug ee Puntland waa Ninka keenay guusha amni ee laga gaaray Gobolkaas ee uu maanta ku faano Madaxweyne Deni. Marna,waxaanan ilaawi doonin shaqadiisii lahayd Wadaniyada,daacadnimada iyo Lexjeclada…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa caawa kulan Afur iyo is-xogwareysi isugu jira Qasriga Madaxtooyada kula qaatay Golaha Wakiilada Dowladda Puntland. Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland,Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland .

Read More

Caawa Afur,waxaa Madaxtooyada Garowe loogu sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland. Afurkaasi,waxuu ahaa kala xog qaadasho iyo balamid,maadaama Xamar la aadayo. Diyaaradii Beri ka bixi lahayd Garowe,waxaa loo baajiyay safarka Madaxweyne Deni ee Xamar. 160-Qof,ayaa raacaya Madaxweynaha oo iskugu jira Wasiiro,Xildhibaano iyo Ciidan. Xamar,waxaa loo diyaariyay Hotel Airport Xalane. Jibril Qoobey.

Read More

Kulankii maanta ee labada gole ee baarlaamka Soomaaliya ayaa ku soo idlaaday buuq iyo in mudnayaasha qaar ay ku sigteen inay isu gacan qaadaan. Ujeedada kulanka maanta ayaa ahaa ansixinta isbedal lagu sameeyay xeer hoosaadka doorashada guddoonka labada aqal, doorashada madaxweynaha iyo jadwalka doorashada kuraastaas. Xildhibaannada ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay habraaca doorashada guddoonka baarlamaanka, kadibna waxaa la maqlay jug culus oo ahayd hoobiyeyaal lagu weerarray xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa. Ugu yaraan 7 ruux oo u badan askarta goobta ku sugnayd ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarka. Inta uu socday buuqa ayaa waxaa guddoonka baarlamaanka u tagay…

Read More

JADWALKA DOORASHADA GUDDOONKA Golaha Shacabka BJFS BFS Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ee BFS wuxuu maanta shaaciyay Jadwalka Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo noqon doona sida hoos ku xusan:- Is-diiwaangelin musharixiinta Guddoonka Golaha Shacabka (Xilliga shaqada: 09:00 Am ilaa 04:00 pm) taariikh 19, 20 iyo 21 April, 2022.Hadal jeedinta musharixiinta Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeennada ee Golaha Shacabka BFS taariikh 23 iyo 24 April, 2022.Is-diyaarinta Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BFS 25 April, 2022.Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taariikh 27 April, 2022. Xafiiska Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BFS.

Read More

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ay weheliyaan ku-xigeenkiisa Axmed Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf,ayaa xarigga ka jaray dhisme cusub oo casri ah oo ay yeelatay Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah. Dhismahan,ayaa kamid ah waxyaabaha uu maanta wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi Xil.Xaange.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu cambaaraynayaa falalka argagixisada ee la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah. Isku dayga Maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato. Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu bogaadinayaa dadaalka Baarlamaanka ee dhammaystirka iyo dardargalinta doorashada. Ra’iisul Wasaaruha oo bogaadinaya shaqada naf hurnimada ah ee Ciidamada Qaranka ayaa faray Taliyeyaasha Ciidammadu in ay labalaabaan dadaalkooda ku aaddan suggidda amniga iyo ka hortagista isku day kasta oo lagu carqaladaynayo amniga dalka, gaar ahaan…

Read More

Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee BFS wuxuu maanta shaaciyay Jadwalka Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo noqon doona sida hoos ku xusan:- Is-diiwaangelin musharixiinta Guddoonka Golaha Aqalka Sare (Xilliga shaqada: 09:00 Am ilaa 04:00 pm) taariikh 19, 20 iyo 21 April, 2022.Hadal jeedinta musharixiinta Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeennada ee Golaha Aqalka Sare BFS taariikh 23 iyo 24 April, 2022.Is-diyaarinta Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee BFS 25 April, 2022.Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taariikh 26 April, 2022. Xafiiska Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare BFS.

Read More

Waare fariinta uu udiray Beesha Caalamka markii xigmad ahaan lasoo ururiyo,waxay noqonaysaa.. “Carqaladeynta loo qorsheeyay in ay berri ka dhacdo Baarlamaanka ee ah isku daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayo in lagu waxyeeleeyo habsami u socodka doorashada,hadaan hada talaabo laga qaadin oo aan lasii dayn Liiskii Cunaqabataynta mar kale macno yeelan mayso ee waa in aad talaabo aad qaadaan”. Kooxda F&F ,ayaa laga yaabaa in ay isku dayaan carqaladayn fadhiga Wadajirka ah ee Baarlamaanka. Jibril Qoobey.

Read More

Maalinta barri ah Waxaa jira kulan Wadajir ah oo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Ajendaha kulanka,ayaa ah…. Warbixin kooban ee Guddiga qaban-qaabada iyo baahinta Jadwalka.Ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka Labada Gole iyo Madaxweynaha. Dhanka kale waxaa jira aragti la abaabulayo oo oranaysa dib haloo dhigo Doorashada Gudoonka Baarlamaanka. Tiro Xildhibaano ah,ayaa durba soo bandhigay taageerada ay uhayaan aragtidaas. Xildhibaanadaas,waxay ku doodayaan si Bishan Barakaysan loogu helo firaaqo cibaadada ku dhex jirta Gudoonka hala doorto Ciida kadib. Balse,waxay ilo muhiim ah xaqiijinayaan in fikradan ay gadaal…

Read More

18-ka April waxaa labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka iskugu imaanayaan kulan wadajir ah oo lagu ansixinayo xeerarka doorashada Guddoonka labada Aqal. 19-ka ilaa 20-ka Bisha oo ku aadan Talaadada iyo Arbacada,waxaa dhacaysa diiwaan-gelinta murashaxiinta Guddoonka Golaha Shacabka,saacadu markay tahay 9-ka Subaxnimo ilaa 4-ta Galabnimo. Bisha 23-keeda,waxaa dhacaysa hadal jeedinta musharaxiinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Bisha 24-keeda April,waxaa dhacaysa hadal jeedinta musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka. Bisha 25-keeda ilaa 26-keeda waa Labo maalmood oo la siiyay Musharaxiinta si ay olale usameeyaan. 27-ka bisha,waxaa dhacaysa Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka Fadaraalka. Jibril Qoobey.

Read More

Warar laga soo xigtay Xildhibaanada Puntland ee ku sugan Magaalada Muqdisho,ayaa sheegaya in Xildhibaanada labada Beelood ee Leelkase iyo Xawaadle uu shir uga socdo Muqdisho. Shirkan ayaa waxaa soo abaabulay… Xildhibaan SanbaloosheXildhibaan Ahmed Taajir Shirkan,ayaa waxaa ka biyo diiday qaar ka mid ah Raga ugu dhow madaxda Puntland sida Maxamud Shiddo oo isku dayey inuu baajiyo shirkan balse ku guul dareystay. Labada beelood,ayaa ka wada hadlaya sidii ay u sameysan lahaayeen gaashaanbuur siyaasadeed. Arrintan ayaan la hubin cidda ka dambeysa ama ka faa’ideysan doonta. Sidoo kale, qaar ka mid ah Xildhibaanada Puntland,ayaa aad uga xumaaday arrintan oo ay u Arka…

Read More

Gudoomiyaha Aqalka-sare saadaashu waxay muujinaysaa in markale Cabdi-xaashi kusoo laaban doono. Odaygu waxuu isku duwday 9-10 Seneter oo Gobolada Waqooyi kasoo jeeda. Sidoo kale 18-ka PL iyo JL,ayuu heli doonaa,sida xoguhu sheegayaan. Cabdi-xaashi Labada Madaxweyne ee PL iyo JL,waxay isla qaateen in uu doorkiisa ka qaato hanka Madaxweyne Deni. Gudoomiyaha Aqalka-sare,waxuu ubaahan yahay in uu helo wax ka yar 30-Cod. Cabdi-xaashi,waxaa ku filan 18-ka JL iyo PL iyo 9-Cod oo uu ka helo Gobolkiisa Somaliland. Jibril Qoobey.

Read More

“Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u jooga Somalia James Swan ayaa maanta kulamo la qaatay qaar ka mida musharaxiinta u taagan guddoomiyaha golaha shacabka ee Somaliya.”Ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta twitterka ee xafiiska UNSOM. James Swan iyo musharaxiinta uu la kulmay,ayaa ka wada hadlay arrimaha mudnaanta u leh xildhibaanadan u taagan jagada Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Jibril Qoobey.

Read More

Dhaqaalo yari ama Lacag la’aan Doorasho kama reebayso Madaxweyne Deni. Dhawr jiho,ayuu dhaqaale ka diyaarsaday,kuwaasoo laga tilmaami karo… 1.Puntland magaceeda iyo maqaamkeeda. 2.Dowlada iyo Shirkadaha Imaaraadka. 3.Shirkadaha Shidaalka Somaliya daneeya. Ugu yaraan 15 ilaa 20-Milyan oo dolar si fudud,ayuu ku heli karaa. Xildhibaanada” Puntland iyo Jubaland,waxaa laga soo doortaa 100-Xubnood oo iskugu jira Aqalka-hoose iyo kan sare. Intooda badan Deni,ayaa lasoo baxay oo saamayn kulahaa. Hadaf ahaana Labada maamul waxay dhisayaan Deni. Meesha ugu hoosaysa markii la istaago waa ka helayaa 100-kaas 50-Xubnood. Cabdi-xaashi oo raba in loogu hiiliyo dib usoo noqoshadiisa Gudoonka,waxuu haystaa ugu yaraan 9-Seneter oo uu Deni…

Read More

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka Fadaraalka,waxaa loo doortay Cabdirisaaq Cumar. Wasiirka Amniga,ayuu soo noqday ee Dowladii Xasan Shiikh. Xildhibaan Cabdirasak Cumar waa Xildhibaanada taageersan Madaxweynihii hore Somaliya Xassan Shiikh Maxamud. 3-dii sano ee udanbeeyay,waxuu ka mid ahaa Siyaasiyiinta sida adag uga soo horjeeday F& F. Doorashadiisu waxay niyad jab ku yahay rajada Kooxda Villa-da sii degan. Jibril Qoobey.

Read More

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Fadaraalka,waxuu soo gaaray Kismaayo. Maalinka Beri foog ah,ayaa jadwalka doorashada la mudaynayaa. Sidoo kale kursigii marxuumku ka dhintay Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) Beri buu dhici doonaa hadii aan maalin dib loo dhigin. Guud ahaan 17-ka Kursi ee Jubaland ku harsan maalmaha soo socda,ayay soo gabagaboobayaan. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa hardin ka jiraa Gudoonka cusub ee Baarlamaanka Labadiisa Aqal. Cabdullaahi Black iyo Aadan Madoobe,waxaa wata mucaaradka. Halka kooxda F&F ay riixayaan Shariif Cabdallah. Qoladii Reer Puntland ee Aqalka Sare waxaa ka muuqda is dhex yaac khatar ku ah midnimadooda Waxaa Gudoomiyaha 2-aad isku sharaxay: Sareedo JeyteMajiindheTimacaddeLaba kale Mid waliba murashax,ayuu hoos galay. Tan kale, maqnaanshaha Deni waxay keentay in kutladii Puntland ay suuqa galaan oo qaraabasho bilaabaan. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa taagan doorashadii Ceelwaaq iyo qolo reer Gedo ah oo raba in ay Garbahaarey doorasho ku qabsadaan,inkastoo aysan haysan sharciyad iyo taageero. Gudiga Doorashada waxay soo gaareen Kismaayo,iyagoo diyaarinaya qorshihii hirgelinta doorashada Ceel-waaq. Majirto caqabad hor taagan ku qabashada doorashada Ceel-waaq. Beesha caalamku si diblomaasiyaysan ayay utaageertay in Garbahaarey laga soo wareejiyo goob doorashada,waxayna hada riixaysaa in la dadejiyo oo uu fulo qorshaha Ceel-waaq. Jibril Qoobey.

Read More

Paludan oo ah qareen Denmark u dhashay ayaa sanadkii 2017 asaasay xisbiga Stram Kurs oo micnihiisu yahay “Xagjir”. Xisbiga oo ah mid ku dhisan afkaarta Islaam naceybka iyo soo-galooti diidka ayaa isku tilmaama inuu yahay “kan ugu waddanisan Denmark”. Doorashadii guud ee Denmark ka dhacday 2019, xisbiga Stram Kurs ayaa helay 1.8% codadkii la dhiibtay, taasoo muujinaysay in aanu shacbiyad ku lahayn gudaha waddankaas. Muuqaal uu sanado ka hor duubay Paludan ayuu waxaa ku jiray qeyb uu ku sheegay inuu jeclaan lahaa in Muslimiinta laga “tirtiro dunida oo dhan”. Bishii August 2020. Xisbiga Stram Kurs ayaa xaafadda Rosengård ee magaalada…

Read More

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay 100 milyan oo dollar kasoo saartay sanduuqa wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, si ay u caawiso malaayiinta wajahaya gaajo daran, kuwaas oo ku nool dalalka South Sudan, Soomaaliya, Sudan, Nigeria, Kenya, Ethiopia iyo Yemen. Malaayiin ku nool toddobadaas waddan ayaan quudin karin naftooda iyo qoysaskooda sababo la xiriira iska horimaadyada hubaysan, abaarta, iyo qalalaasaha dhaqaale ee uu uga sii daray COVID-19. Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadaninimada ayaa sidoo kale sheegay in saameynta dagaalka Ukraine ay khatar ku tahay in malaayiin qof ay u sii dhawaadaan macluul. Afhayeenka OCHA Jens Laerke ayaa…

Read More

Sanyare,waxaa ku furan Guri uu ka dhistay Nayrobi. Gurigaas dhismihiisa,waa dhameeyay kadib markii uu dayn ka qaatay Bank. Kiro,ayaa loogu jiraa gaaraysa bishii 15-kun oo dolar,waxaase culays ku ah Lacagta Bilaha ah ee Bangigu ka rabo Bil walba oo dhan 15-kun oo dolar. Baahidaas joogtada,waxay sababaysaa in uu raadiyo dhaqaale uu wax ku dabaro,waana mida isaga iyo Xasan Khayre isku gaysay. Sanyare,waxuu ka dalbaday Khayre hadii uu rabo in uu la shaqeeyo codkiisana siiyo 100-kun oo dolar oo uu 6-da bilood ee soo socota iskaga dabaro Biilka Bilaha ee Bangiga. Khayre weli ma siin Lacag mana aqbalin shuruudaas,waxaase usocda wada…

Read More

Nayrobi sida la filayay kulamadii u qorshaysnaa waa ka baaqdeen haday noqon lahayd Dowlada Kenya iyo Haldoorka Somalida. Ma cada sababta ay kulamadaas uga baaqdeen,waxaase ay sheegayaan warar ka agdhow in uu xanuunsanaa oo Elerjig aad ugu kacsanaa maalmihii ugu danbeeyay. Deni beri Garowe in uu ka dego,ayaa la filayaa hadii rabi idmo. Maalin kadib,waxaa kaloo la rajaynayaa in uu uga sii gudbo Muqdisho. Tegidiisa Xamar waa umuhiim olalihiisa iyo guud ahaan qorshaha doorasho ee lagu wajahayo kooxda talada soo haysay ee N&N. Sidoo kale tegidiisu waxay wax weyn ka taraysaa isku haynta iyo abaabulka Xildhibaanada gacantiisa ah. Deni waa…

Read More

MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY GUDDOOMIYEYAASHA KUMEEL GAARKA AH EE LABADA AQAL Muqdisho, Abriil 16, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Guddoomiyeyaasha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) iyo Golaha Aqalka Sare Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa ugu hambalyeeyay masuuliyadda qaran ee loo igmaday. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee BFS sida habsamida leh ee ay u fureen Kulanka 1aad ee Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo Alle uga baryey in uu ku garab galo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo…

Read More

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa maanta yeeshay kulankoodii koowaad waxayna doorteen Guddoon. Senator Aadan Cabdinaasir Maxamed ayay u doorteen Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Aqalka Sare. Senator Samsam Daahir Maxamuud guddoomiyaha Diiwaan gelinta murashaxiinta Guddoonka Golaha Aqalka Sare. Senator Farxaan Cali Xuseen Guddoomiyaha Maaliyadda Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare

Read More

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qoraal u diray Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ayiday hakinta lagu sameeyey kursiga HOP086 ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ay hakinta kursiga HOP086 u mareen habraacii saxda ahaa ee loogu talagalay habraaca fulinta doorashada dadban. Xafiiska ayaa sidoo kale difaacay awoodda iyo sharciyadda guddiga doorashada, wuxuuna sheegay in gudidga ay awooddiisu tahay inuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta inay si isku mid ah u dhacdo hannaanka doorashadu iyo dabagalkaa fulinta hannaankii…

Read More

Sareedo Jeyte iyo Majino oo kasoo wada jeedaa Puntland,ayaa isku sharaxay jagada Gudoomiye xigeenka Aqalka-sare. Waa khasaare weyn oo ay tahay in laga shaqeeyo in mid tanaasulo si aysan u dhicin wixii dhacey 2017-kii ee Juriile iyo Mashruuc isku jabeen kadibna laga dhexqaadey. Sidoo kale Sacdiyo Salaad,ayaa raadinaysa Gudoomiye xigeenka Golaha Shacabka Fadaraalka. Waxaa jira isku dhexyaac badan iyo qorshe xumo ka muuqata Xildhibaanada iyo Srneterada Puntland laga soo doorto. Sida Madaxweyne Deni wax uhogaaminayo waa liidataa. Waxaana jira wal-wal ah in hogaaminta Deni ay sababto Madaxweyne la’aan iyo ra’isalwasaare la’aan in uu dhigo Puntland. Jibril Qoobey.

Read More

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka BJFS Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Liibaan “Dhabancad” ayaa magacaabay xubnaha qaban qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo ka kooban 10-xubnood waxayna kala yihiin. 1-Xildhibaan Xuseyn Maxamed Nuur2-Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar maxamed3-Xildhibaan Nasra Mahdi Alaale4-Xildhibaan Maxamed Xuseen Haadi5-Xildhibaan Dahado Suusow Maxamuud6-Xildhibaan Cumar Shariif Jeeg7-Xildhibaan Qaasim Cilmi8-Cabdullaahi Xasan Rooble9-Xildhibaan Cali Sheekh Maxamed Nuur10-Xildhibaan Maxamed abuukar Guddigan,ayaa Berri 17-04-2022 yeelanaya kulankooda ugu horreeya si uu uga arrinsado howlaha loo igmaday. Halkan ka akhriso:-

Read More

Xubnaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka 11-aad. Xubnahan waxaa iska soo dhex doorteen 5-ta beelood, waxaana la galinayaa hadda cod kalsoonida ee Golaha. 1- Cabdullaahi Rooble- kasoo jeeda Puntland (Daarood). 2- Mohamed Husseyn Haadi- Kasoo jeeda Somaliland (Dir). 3- Cabdirisaaq Cumar- kasoo jeeda Hirshabeelle. (Hawiye). 4- Xuseyn Maxamed Nuur- kasoo jeeda Galmudug (Hawiye). 5- Xaaji Cali Max’ed Nuur- Kasoo jeeda Koonfur Galbeed (Digil iyo Mirifle). 6- Maxamed Abuukar- Kasoo jeeda Koonfur Galbeed (Digil iyo Mirifle). 7- Dahabo Suusow Maxamud- Kasoo jeeda Hirshabeelle (Beesha 5aad). 8- Qaasim Cilmi Seed- kasoo jeeda Galmudug (Daarood). 9- Cumar Sharif Jeeg- kasoo jeeda Banaadir (Beesha 5aad).…

Read More

Madaxweyne Deni,waxuu kawadaa Nayrobi kulamo uu la leeyahay Siyaasiyiinta iyo haldoorka Somaliyed. Madaxweynihii hore Sh.Shariif ayay shalay wada Afureen oo kulan wada qaateen. Maanta,waxaa la filayaa in uu la kulmo reer Puntland-ta waxii Nayrobi ka jooga Siyaasiyiin,Ganacsato iyo haldoor kale. Mid ka mid ah Ragii ay isku seegeen kuraasta Xildhibaanimo oo la kulmay,waxuu ii sheegay in umuuqday Nin daalan oo hawshu ku badatay aadna umashquulsan. Culayska Deni haysta,waxaa ka mid ah in uusan cidna aaminin oo wax walba isagu qabsado ama maamusho. Dhaqaalaha,waxaa uhaya Walaalkii,dhamaan qorshayaasha Olale ee Doorashadiisana,isagaa Gudoomiye ka ah oo xogta toos loogu geeyaa go’aankana gaara. Maleh…

Read More