Howlgalka Midowga Afrika ee Kmg ah ee Somaliya ayaa la filayaa in uu yeesho hoggaamiye cusub maalmaha soo socda kadib markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeya dowladda martida loo yahay iyo madaxa howlgalka todobaadkii hore. Howlgalka Midowga Afrika ee Kmg ah ee Somaliya,ayaa la filayaa in uu yeesho hoggaamiye cusub maalmaha soo socda kadib markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeya Dowladda martida loo yahay iyo madaxa howlgalka todobaadkii hore. Ilo diblomaasiyadeed,ayaa u sheegay Wargeyska The EastAfrican in ay tahay “wax aan macquul ahayn” in Francisco Madeira uu ku soo laabto Somaliya ka dib markii Waddanku ka xayuubiyay mudnaanta diblomaasiyadeed. Ilahaas…
Author: Jibril Qoobey.
The African Union Transitional Mission in Somalia is expected to have a new leader in the coming days after the relationship between the host government and the head of the mission soured last week. The African Union Transitional Mission in Somalia is expected to have a new leader in the coming days after the relationship between the host government and the head of the mission soured last week. Diplomatic sources told The EastAfrican it would be “unrealistic” for Francisco Madeira to return to Somalia after the country stripped him of diplomatic privileges. The source said Mr Madeira, a Mozambican, was being pressured…
Waxaa goor dhow furmi doona Baarlamaanka 11-aad Kalfadhigiisa 1-aad, Kulankiisa 1-aad. Ajendaha Kulanka Maanta… 1-Furitaanka Aayadaha Quraanka Kariimka ah. 2-Ansixinta Ajendaha. 3-Dhaarinta Xildhibaano. 4-Hadal-jeedinta Guddoomiyaha KMG ahXil.Cabdisalaam Axmed Liibaan. 5-Qeybinta Dastuurka. 6-Qeybinta Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka BJFS. 7-Qeybinta habraac kumeel gaar ah ee kala guurka Baarlamaanka 10-aad-baarlamanka 11-aad iyo xeer hoosaadka u gaar ah doorashooyinka Guddomiyaha Golaha Shacabka Iyo Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaliya iyo Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya.
Waa filayay in uu diboodayo oo uusan Deni daacad unoqon doonin. Caawa,waxaan arkay fariimo uu udiray Deni oo uu ugu hanjabayo,isagoo aad ucaraysan. Xoosh-ka loo dhacay Beeshiisii loona bahdilay Islaankiisii in uu dood sii qabo anaaba la yaabay. Ninbaa laga sheegay ..”Wanqalkii oo aan Bawdo ka cunay maxaa reerka iigu haray ma Umushaan….” Xoosh-ka haysta Xildhibaanka aan aqoonsiga Deegaan haysan,waxa uu Deni ku haystaa waa maxaad Agaasimihii Duulista ee aan ka tagey ugu magacaabi waday Nin lagu magacaabo Ina Cilal. Cilan waa Nin dhibadan oo Qoyska reer Xirsi faarax ugaystay lugooyo door ah oo laga xusi karo… 1.Laba Duq Magaalo…
OGEYSIIS:Dhamaan Sanatarada Golaha Aqalka Sare waxa lagu wargelinayaa in bari oo SABTI ah Tariikhdu : 16.04.2022 , ay soo xadiraan Fadhiga Guud ee Golaha.Saacadda:10:00 Am Subaxnimo. Ajandaha; Warbixin kooban ee Guddoomiyaha KMG hawlaha horyaal Golaha2.Qaybinta Xeer-Hoosaadka u gaar ah doorashooyinka Gudoomiyeyaasha iyo Madaxweynaha. Mahadsanidiin.
Abiye Ahmed, khudbadii uu saraakisha ciidamada ujeediyay,wuxuu aad u amaanay ciidanka oo uu sheegay inay shaqo kasta oo wanaagsan iyagu qabtaan.Abiye Ahmed,wuxuu ciidanka uga digay in la adeegsado, oo ay qowmiyad ahaan ugusoo gabadaan hoggaaminta, oo uu ku tilmaamay kuwo xatooyo,maamul xumo,qabyaalad iyo musuq baahsan ku sifoobay. “Xiligii dagaalka kuwii carraray ayaa dooni inay idin qiimeyaan.Meelkasta oo ay shaqaaqo ka jirto idinkaa xaliya.Ka digtoonada inay idinku milmaan maamulka tuuggada ah.Ha noqonina ciiddan arrimaha qowmiga dhex dabaasha”; ayuu yidhi Abiye Ahmed. Abiye Ahmed,wuxuu kaloo sheegay in la dhisi doono ciidan xoog baddan,si looga gudbo caqabadaha dalka ka alloosan iyo caddaadiska dibada(Ree…
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo soo gaaray Xarunta Golaha Aqalka Sare oo maanta yeelanaya kulankoodii koowaad.
Guddiga Doorashada Hirshabeelle,ayaa shahaadadii Murashaxnimo Gudoonsiiyay Murashaxiinta kala ah.. 1 Osman Mohmed Mohamud ( Xaadole)2 Shadoor Haji Mohamud3 Fowziya Shiikh Ali Mohamud4 Bashiir Mohamed Yusuf5 Yusuf Abdi Abdulle6 Yaxye Abuukar Aden Waxa ay u wada tartamayaan kursiga tirsigiisu yahay HOP#106 Golaha Shacabka BJFS, Doorashada,ayaa dhici doonta maalinka Bari ah . #Doorashada Golaha Shacabka #Hirshabelle #JOWHAR.
Dagaal kooban,ayaa hadda ka dhacay Gudaha Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb. Ururka Alshabaab,ayaa weerar kusoo qaadey Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb reer Dhuusamareeb waxay maqlaayaan Qoriga layiraahdo Dabojeex iyo Saban iyo tiri Hoobiyeyaal ah. Hadda wax rasaas ah kama socoto garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb.
Talyaha Booliska Gobolka Bari,waxaa si gaar ah ugu xiran Wiil dhalinyaro ah oo Meherad kulahaa Suuqa Bosaso. Wiilka,ayaa lagu magacaabaa Mahad Cabdi-kariin Yuusuf oo Beeshiisu ay tahay Cumar -Maxamuud Bah-habaskuul. Wiilkaas mudo,ayuu ku xirnaa Saldhiga Bartamaha hadana,waxaa loo wareejiyay Saldhiga cusub ee Bosaso. Danbi baarista Puntland,ayaa wax danbiya ku wayday 35-Qof oo uu ku jiro Mahad,balse waxaa si gaar ah ureebtay Talyaha Qaybta. Markale ayay Danbi baaristu qortay Warqad ay ku cadaynayso in uusan Mahad danbi lahayn,waxaase diiday Talyaha Qaybta. Intaas kadib si danbi loogu sameeyo Mahad,waxuu Talye Dirir udhiibay Mobile Talyihii Saldhiga Qaasaali,kaasoo si been abuur ah ugu shirqoolay…
Talyaha Ciidanka Asluubta Fadaraalka Jen.Mahad,ayaa xilkii Taliska ku wareejiyay Ku xigeenkiisa. inkastoo Warqada xil wareejinta ay ku qoran tahay in uu soo laaban doono. Dastuurka,ayaa qaba in Xildhibaanku uusan qaban karin xil ka hooseeya Wasiir. jen.Mahad,ayaa ka mid noqday Baarlamaanka Fadaraalka Aqalkiisa hoose. Halkan ka akhriso:-
Siyaasiyiinta Ogadeen qaybtooda Jubaland oo ugu weyn yahay Madaxweyne Axmed waxay muujiyeen si hoose in ay ka xun yihiin isa sharixida Xidig. Balse ilaa iyo hada majiro Siyaasi miisaan leh oo si cad uga hadlay,inkastoo ay ka dhex jirto Siyaasiyiintaas fikrad oranaysa ma mudna Xidig in loo jawaabo. Dhamaan Siyaasiyiinta Ogaadeen waxay isku raacsan yihiin in uu khiyaamay oo balan ka bax ku sameeyay ayna ka hor imaanayaan. Xidig ugelidiisii N&N kadib waxaa lala galay heshiis buuxa,waxaana layskugu daray Xil iyo Xoolo loogama fadhiyin markale dhabar jabin iyo hanyari. Ujeedkiisu muxuu yahay?? 1.In uu dhaqaale ka sameeyo isa sharixidiisa. 2.In…
Ugu yaraan 152 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay iska horimaad maanta ayaga iyo ciidamada booliska Israel ku dhex-maray gudaha Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa ee magaalada Qudus. Inta badan dhaawacyada Falastiiniyiinta ayaa waxaa sababay rasaasta caagga ah, bambooyinka qiica kaliya sii daaya, iyo garaacis ay sameeyeen booliska, sida ay sheegta hay’adda Bisha Cas ee Falastiin. Ciidamada Ammaanka Israel ayaa heegan culus ku jiray tan iyo markii weeraro dhowr ah oo dhimasho leh ay Israel ka dhaceen labadii toddobaad ee tegay. War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ciidamada Israel ku sheegeen in boqolaal qof oo Falastiiniyiin ah ay dhagxaan iyo baaruud…
Halkan ka daawo muuqaalka
Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Ruushka oo waxyeelo kasoo gaartay qarax Arbacadii lasoo dhaafay dhacay ayaa quusay, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ruushka. Markabkani ayaa waxay horey dowladda Ruushka u sheegtay in uu dab qabsaday. Dabka ayaa sababay qaraxa rasaasta markabka dagaalka saarneyd, Ruushka ayaa sheegay in gabi ahaan shaqaalihii markabkaasi markii dambe loo daad gureeyay maraakiibta Ruushka ee ku dhowaa badda madow. Dowladda Ruushka wax faahfaahin ah kama bixin qaabkii uu u dagay markabka dagaal. Markii hore waxay wasaarada gaashaandhiga ee Ruushka ay sheegtay in markabka dagaal uu dul sabeynayo badda, balse gelinkii dambe ee Khamiistii warbaahinta…
Guddiga doorashooyinka SEIT ee Jubbaland,ayaa shaaciyey 16-kii Kursi ee ku harsanaa Deegaan doorashadooda Labaad,kuwaasoo loosoo wareejiyay Ceel-waaq. Halkan ka akhriso:-
Mogadishu – International partners* welcome today’s swearing-in of newly-elected members of Somalia’s House of the People and Upper House. After a period of more than one year in which all Somali elected institutions exceeded their constitutional timelines, we are pleased that the new parliament is now in place. We strongly condemn the mortar attack, claimed by al-Shabaab, that occurred earlier in the day near the location of the swearing-in ceremony. We look forward to rapid completion of the remaining stages of the electoral process, notably election of the parliamentary leadership and then the President. We note that there remain some…
Saaxiibada caalamka* waxay soo dhaweynayaan dhaarinta maanta ee xubnaha dhowaan la doortay ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Soomaaliya. Kaddib muddo ka badan hal sano oo dhammaan hay’adaha Soomaaliyeed ee la soo doortay ay dhaafeen waqtigoodii dastuuriga ahaa, waxaan ku faraxsanahay in baarlamaanka cusub uu hadda diyaar yahay. Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarka hoobiyaasha ah, ee ay mas’uuliyadiisa sheegteen al-Shabaab, oo subaxnimadii hore ee maanta ka dhacay meel ku dhow goobta ay ka dhaceysay xafladda dhaarinta. Waxaan ku hanweynahay in si degdeg ah loo dhamaystiro marxaladaha haray ee geedi-socodka doorashada, gaar ahaan doorashada hoggaanka baarlamaanka, kadibna Madaxweynaha. Waxaan…
Waxaan u hambalyeeynaya xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ee maanta la dhaariyay, waxaan Alle uga baryaya in uu u fududeeyo metelaada iyo masuuliyadda loo dhaariyay. Dhaarinta xildhibaanada labada Aqal waa billowga Hay’addo sharciyad haysta oo bud-dhig u noqonaya Dowladnimada dalkeena. Sidoo kale waxaan iyana hambalyo lee’ahay Guddoonka ku meel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanku yeesheen, Senator Maxamed Cali Yuusuf iyo Xildhibaan Cabdisalaam Xaaji Axmed Dhabancad, waxaan u rajeynaya in Alle u fududeeyo shaqada hortaalla oo ay ugu weyntahay diyaarinta doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS. Dalku in uu doorasho aado waxay ahayd masuuliyad wadareed ina wada…
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, hirgelinta dimuqraadiyadda Puntland, Xaaladda Abaaraha, Nabadeynta Saax-maygaag/ Sangejebshe iyo qodobo kale. Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa warbixin ka dhegaystay guddiga Golaha ugu xilsaarnaa xaaladda Abaaraha, wuxuuna faray in la dardargeliyo dadaalka socda dhinac kasta, dhakhso wax loola gaaro dadka Abaartu saameysay. Ugu danbeyn Golaha ayaa boggaadiyay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo meel wanaagsan maraya, waxaana la dardargelinayaa in dhammaan degmooyinka Puntland laga wada hirgeliyo. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble isagoo tixgalinaya xaqa matalaadda dadka Gobolka Gedo iyo ahmiyadda dhammaystirka doorashada wuxuu bogaadinayaa soona dhaweynayaa go’aanka Guddiga Doorashooyinka FEIT ee ku aaddan deegaan doorashada 2aad ee Jubaland. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku boorrinayaa Guddiga Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland in ay si dhaqso ah u soo dhammaystiraan kuraasta dhiman.
Liiska Xildhibaanada Shahaadada qaatay ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaa xusid mudan Xubnaha Baarlamaanka Labada Gole ee Koonfur Galbeed ay dhammaatooda qaateen Shahaadada Xildhibaanimo maanta oo tahay 14.04.2022: Nura Mustafe Mukhtar Gudow GSH#041Hamza Said Hamza GSH#194Mukhtar Ahmed Hassan GSH#057Aweis Hussein Moalin GSH#080Lul Ibrahim Omar GSH#168Maria Moalin Isak GSH#181Mohamed Osman Omar GSH#162Farah Abdi Dini GSH#007Abdiweli Mohamed Ibrahim (Habsade) AS#030Ismail Eid Mohamed GSH#275Ayan Adan Abdullahi AS#28Mohamed Sheikh Abdullahi Osman GSH#077Alwiya Sid Abdullahi GSH#148Mohamed Mursal Mohamud (Boorow) GSH#176Mohamed Abdi Mohamed GSH#188Omar Ali Isak (Balash) GSH#197Adan Abdinasir Mohamed AS#27Dr. Ali Said Fiqi GSH#187Ahmednur Sh. Mohamed Lohos GSH#050Mukhtar Mohamed Guled GSH#183Dr. Abdirashid Mohamed Nor (Jilley)…
Ceel-waaq 3-maalmood gudahood,ayaa lagu soo gabagabaynayaa Doorashada 16-ka Kursi. Madaxweyne xigeenka Dowlada Jubaland Maxamuud Sayid,ayaa tegi doona Ceel-waaq Ceel-waaq,waxaa fadhiya Ciidan Jubaland oo hadii loo baahdo ay kaabayaan kuwa Kenya. Kooxda N&N waxa kaliya ee ufuran,waa in ay weeraraan Magaaladaas masaafada fog ujirta iyaga. Waxa kaliya ee ay ku weerari karaan,waa in ay garab waydiistaan Ciidamada Itoobiyaan ,taasoo ay adag tahay in ay helaan xiligan. Itoobiya,waxaa haysta laba cadaadis oo kala ah.. 1.Iyada oo aysan danaheeda siyaasadeed ku xirnayn Hal Qof rabtana nidaamka badali doona Farmaajo in ay la noolaato. 2.Maraykanka oo kal hore si adag ugaga digay isku day…
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddiga doorashooyinka heer Federaalka ee lagu dardar galinayo doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu mar kale ku celinayo inaan kuraasta taala gobolka Gedo laga reebaynin doorashooyinka guud ee dalka isla markana ay lagama maarmaan tahay qabashada kuraasta gobolkaas taala si dadka deegaanka ay u helaan matalaad dhab ah. Waxaa kale oo Madaxweynahu sheegay in mar walba ay muhiim tahay in gobolkaas ay kasoo baxaan Xildhibaano ku yimid rabitaanka bulshada deegaanka isla markana aan meel kale oo gobolka ahayn aan loo rari Karin doorashada taasna…
Hogaamintii Baarlamaanka Labadiisa Aqal waxay si KMG ah ugu gacan gashay reer Mudug. Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab Gudoomiyaha Aqalka-sare ee KMG ah. Danjire.Dhabancad Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee KMG ah. Sabtida ayay Labada Aqal fariisanayaan oo guda galayaan Doorashada Gudoonka rasmiga ah.
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, ayaa shaaciyay go’aanka deegaan doorashada labaad ee Jubbaland. Halkan ka akhriso:-
Waxaa si rasmi ah teendhada Afisyooni uga bilaabatay munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labada aqal. in ka badan 200 oo xildhibaan ayaa maanta la dhaarinayaa. Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, ciidanka dowladda iyo kuwa ATMIS ayaa sugaya amniga goobta lagu qabanayo dhaarinta xildhibaanada. Koox koox ayaa loogu yeerayaa xildhibaanada cusub, waxaana dhaarinaya ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobleayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeedin doono madasha.
Britain ayaa la filayaa inay muhaajiriinta iyo dadka magan-galyo doonka ah ee kasoo gudba marin biyoodka u dhexeeya dalkaas iyo France ee loo yaqaan The Channel u dirto dalka Rwanda, sida lagu sheegay heshiis muran badan oo lagu dhaowaaqay Khamiista maanta ah. Tallaabadan ayaa qeyb ah isku day ay dowladda ku dooneyso inay ku yareyso tirada dadka badan ee soo sameeya safarkan silica badan. Qorshahan ayaa durba horseeday carada siyaasiyiinta mucaaradka oo ku eedeeyey ra’iisul wasaare Boris Johnson inuu isku dayayo inuu dareenka dadka uga weeciyo in lagu ganaaxay inuu jebiyey xeerarka xayiraadaha Coronavirus, halka kooxaha xuquuqda aadanaha ay mashruuca…
Siihaayaha Agaasimaha NISA Yaasiin farey,ayaa qaatey shahaadada Xildhibaanada,isla maanta ayuuna qayb ka noqonayaa xildhibaanada la dhaarinayo. Marka la dhaariyo Yaasiin Farey,waxuu si Dastuuriya ulimanayaa Agaasimaha Nisa. Dastuurka Fadaraalka Somaliya ayaa udiidaya in Yaasiin Farey sii ahaado agaasimaha NISA,isla markaana uusan qaban karin masuuliyad ka hoosaysa Wasiir.
Wasiirka Amniga Fadaraalka Somaliya Cabdullaahi Nuur iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Abdulaziz bin Saud bin Nayef Wasiirka Amniga Somaliya oo ku tagey Boqortooyada casuumad rasmi ah,ayaa sheegay Arimaha ay kawada hadleen Wasiirka Arimaha Gudaha Dalkaas in ay ka mid ahaayeen… 1.Iskaashiga Amniga.2.La dagaalanka argagixisada.3.Adkaynta xiriirka Labada Dal. Warar,ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga uu wakiil ka yahay ra’isalwasaare Rooble,soona qaadi doono fariin toos ugu socota Rooble.
Guddomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan,ayaa Qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad ayaa qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS Hon Khadija Mohamed Diriye ayaa qaadatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale Xildhibaanadii iyo Seneteradii Koonfur-galbeed intoodii badnayd,ayaa qaatay Shahaadadii.
Laba Xildhibaan,ayaa Fahad Yaasiin 20-kii uxaraysnaa kasoo fara baxsatay,waxayna qaateen Shahaadadii Xildhibaanimo. Labada Xildhibaan,ayaa kala ah… 1.Xildhibaan Dayax Cumar2.Xildhibaan Faarax Cabdi Diini Maalmaha soo aadan waxaa la filayaa in ay soo baxsadaan Xildhibaano door ah oo Fahad meel ugu xirnaa. Jibril Qoobey.
Deni,waxuu amray marka ay dhaarta maraan in horay Garowe looga soo celiyo Xildhibaanada Fadaraalka ee Puntland laga soo doorto. Sidaanoo kale,waxaa lagu sameeyay markay qaateen Shahaadada. Agaasimyaal ka tirsan Madaxtooyada Puntland,ayaa horkaca oo udiyaariya Hotelada dibna usoo celiya Xildhibaanada. Majiro Xildhibaan iskiis Xamar usii joogi kara,Magaalada Labaad ee loo ogol yahay in uu tago waa Nayrobi. Jibril Qoobey.
Tirada xildhibaannada cusub ee NISA ka tirsan,waxaa lagu qiyaasaa 20-Xildhibaan. Maysan qaadan Shahaadada oo waxay ku xiran yihiin Fahad Yaasiin,sababtoo ah isaga,ayaa ka dhigay Xildhibaano. Ilaa iyo hada masiirkoodii,waxuu ku xiran yahay Ninkaas masiirkiisa. Balse loo joojin mahayo oo sida saakay looga tagey,ayaa looga tagi doonaa lana dooran doonaa Madaxda Qaranka. Baarlamaanku,waxuu hada haystaa Kooram ku filan oo ay xataa ku dooran karaan Madaxweyne. Jibril Qoobey.
Kursigii ay ka geeriyootay Xildhibaanad Aamino rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo,waxaa utaagan Walaasheed Samira Maxamed Cabdi. Maamulka Hir-shabelle,waxuu usoo wareejiyay Deegaan Doorashadiisa Magaalada Jowhar,halka markii hore uu ka ahaa Beledweyne. Balse,waxaa Guudlaawe cadaadis saaray N&N ,waxayna ku khasbayaan in uu ku celiyo Beledweyne. Ujeedka ay uga hor yimaadeen in Kursigaas loosoo wareejiyo Jowhar,waa in uusan Madaxweyne Axmed Madoobe ku dayan oo fursad uhelin kuwa Garbahaarey in uu uwareejiyo Magaalo kale,sida ay xaqiijinayaan Ilo muhiim ah. Jibril Qoobey.
Madaxweyne Deni,waxuu soo gaaray Nayrobi,kadib mudo uu ku maqnaa Imaaraadka. Nayrobi,waa ubucda olalaha Doorashada Madaxweynaha Somaliya oo waxaa ku sugan in badan oo Musharaxiin iyo Xildhibaano ah. Deni waa Ninka ugu awooda badan xiligan musharaxiinta utartamaya Madaxtooyada Fadaraalka. Ugu yaraan 70-Xildhibaan iyo 40-Milyan oo dolar oo Cash ah,ayuu heli karaa. Balse hal cilad,ayaa khatar ku ah,taasoo ah Olalihiisa oo aan qaabaysnayn ama Saldhig rasmi ah aan lahayn. Ilaa iyo hada lama yaqaan Madaxa Olalihiisa si waadixa halka Musharaxiinta kale la yaqaan oo ay toos uwadaan Olale iskugu jira kulamo,balamo iyo xod-xodasho. Deni,waxaa lagu tilmaamaa Nin ku fiican Olalaha,balse ku xun…
Xubno ka mid ah Guddiga FEIT oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Guddiga Mudane Muse Gelle Yusuf, oo u aaday Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Koonfur Galbeed xallinta tabashadii ka soo laabatay 3 kursi oo deegaan doorashadoodu ahayd Koonfur Galbeed, ayaa go’aan ku soo saaray in kursiga HoP#204 iyo HoP#103 ay fasaxanyihiin, halka kursiga HoP#154 lagu celindoono doorashadiisa. Halkan ka daawo muuqaalka
Minnesota maxkmada Fadaraalka ee Gobolkaas,ayaa xukun ku riday 2-Nin oo reer Chicago ah kuwaas oo sanadkii 2017-dii qarax u gaystay xarun masaajida oo Muslimiintu ku lee yahiin gobolkaas. Maxkamadeynta Labadaas nin ayaa soo jiitamaysay ku dhawad shn sano isolamarkana waxaa si wayn uga war sugayay go’aanka Muslimiinta dalkaasi.
Cali Xarbi Cali oo 26 jir ah ayaa lagu xukumay xabsi daa’iin ka dib markii lagu helay dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka UK oo lagu magacaabo Sir David Amess. Xildhibaanka oo laga soo doortay deegaanka Southend West ee magaalada London ayaa 20 jeer toorrey la geliyay 15-kii October 2021. Xeerbeegtidii qaadeysay dacwadda Cali ayaa waxay keliya ku qaadatay 18 daqiiqo iyagoo sidoo kale xukmiyay inuu qorsheynayay falal argagixiso. Cali oo ka soo jeeda Magaalada Kentish, waqooyiga London, hayaa hore u beeniyay eedeymahaas wuxuuna sheegay in sababta uu u beegsaday xildhibaanka ay tahay inuu u codeeyay duqeymihii Suuriya. Kaddib weerarka, Cali…
Ciidamada Maamulka Somaliland,ayaa Xabsiga dhigay ku dhawaad 10-Wariye, kuwaas oo jeelka u tagay sidii ay u soo tebin lahaayeen wararka la xirriir xaaladda jeelka weyn ee magaalada Hargeysa oo maanta rabshado yar ay ka dhaceen. Weriyayaasha halkaasi lagu xiray ayaa waxaa ka mid ah weriye Xassan Galaydh oo BBC-da si madax-banaan uga soo warramo magaalada Hargeysa. Waxaa la sheegay in wasiiro iyo Taliyayaal ciidan ay hadda ku sugan yihiin xabsiga dhexe ee magaalada Hargaysa.
Booliska iyo saraakiisha federaalka ayaa raadinaya nin lagu tuhmayo weerar toogasho ah oo shalay ka dhacay goobta tareenada laga raaco oo ku taalla magaalada New York, halkaasi oo uu ku dhaawacay in 23 qof kahor inta aanu ka baxsan. Weerarka oo dhacay saacadihii hore ee Talaadadii xilli dadka ay u kala ordayeen shaqooyinkooda ayaa ah dhacdadii ugu dambeysay ee rabshado sanadihii tegay hareeyey nidaamka tareenada magaalada. Booliska ayaa sheegay in 10 ka mid ah dadka ay si toos ah u haleeshay rasaasta, kuwaas oo shan ka mid ah ay dhaawacyadooda daran yihiin balse xaaladduodu degan tahay, halka 13 qof oo…
Rasaas daran doori ah ayaa ka dhacaysa gudaha hore ee Xabsiga dhexe ee Hargaysa. Ciidamo farabadan oo gurmada ayaa hadda la wareegay aaga xabsiga oo u badan ciidanka asluubta kuwaas oo daqiiqad daqiiqad iska soo dabadhacaya. Ciidamada gaarka u tababaran ee RRU ayaa iyaguna hadda lagu xoojiyay ciidanka Asluubta oo xidhaya wadooyinka gala xabsiga .
Itoobiya,ayaa go’aamisay in ay kordhiso qiimaha Jaadka loo dhoofiyo Soomaliya. Qiimaha Halkii Kiilo oo Jaad ah,ayaa laba jibaar laga dhigay marka la barbar dhigo Qiimihiisii hore. Qaadka(Jaadka) ayaa kaalinta saddexaad kaga jira dhanka dakhliga Itoobiya usoo xarooda,Waxaana ka horeeya.. 1.Bunka 2.Dahabka. Itoobiya,ayaa ka heshay Qaadka dakhli gaaraya 280-Mlyan oo Dollar Sideedii Bilood ee udanbaysay.
In ka badan 700 oo mashruuc oo dalka Itoobiya ka socday ayaa istaagay.Mashaaricdan oo u badnaa dhisme, ayaa joojintooda loo sababeeyay dhaqaalle xumada dalka soo food-saartay. Itoobiya, waa dal wax soosarkisu ka yaryahay waxa dibada uga soo degga.Ilaa shan jeer ayuu ku laba laabmaa waxa ay soo dhoofsato,marka la bar-dhigo,waxa ay soo saarto. Sicir bararka,nolosha bulshada ee adkaatay,rabshadaha guddaha,saameynta dagaalkii waqooyi,xidhiidhka xumaaday ee ree galbkeeda(Maraykan) iyo dhaqaallaha dalka oo ahaa mid deeqaha & deymahoda ku tiirsanaa ayaa keenaya in hoos u dhac yimaado.Waxayna sababtay inay yaraatay oo la waayo lacagti adkayd ee wax lagusoo iibsan lahaa. VOSS TV
Madaxwayne ku-xigeenka Koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa shir ku qabsoomay habka fogaan aragga la yeeshay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan. Waxaa shirka sido kale qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland iyo qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee matala Gobolka Gedo, Waxaana kulanka diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira masiirka 16ka kursi ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland. War kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Koowaad ee Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Kulanka uu kusoo dhammaaday is-afgarad iyo guul sida ay sheegeen masuuliyiinta…
Su’aal ay dad badan iswaydiinayaan ayaa ah “Maxaa Nato ka hor taagan dagaalka?” Jawaabta oo sahlan waa in ay ka cabsanayaan Dagaal wayn oo qarxa. Hoggaamiyeyaasha dalalka Reer Galbeedku waxay ka cabsanayaan in Ruushka uu Ukraine u adeegsado hubka nuclear-ka ee ridada gaaban, ama in Dagaalka Ukraine uu noqdo mid aad u wayn oo ku faafa Yurub oo dhan. Saddex arrimood ayaa sabab u noqon kara in Nato ay si toos ah ugu biirto dagaalka Ruushka iyo Ukraine. 1- In diyaarado dagaal la siiyo UkraineIlaa hadda, in ka badan 30 waddan oo Reer Galbeed ah ayaa gargaar militeri siiyay Ukrainne.…
Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga FEIT ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Gudoomiyaha iyo weftigiisa,Waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Masuuliyiinta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Muuse Geelle,ayaa utagay Baydhabo si usoo horkaco Xildhibaanada halkaas ku go’doonsan,waxaana jira tanaasul ay Gudigu usameeyeen KG oo ku aadan 3-da Xildhibaan ee laga reebay 77-da kasoo baxay Deegaankaas. Sida ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan 2-Xildhibaan,ayaa loo sii daynayaa Madaxweyne Laftagareen halka mid laga reebayo 3-da hada laga haysto. Tagida Weftiga Gudiga doorashada ee Baydhabo,ayaa kusoo aadaya,iyadoo loo balansan yahay maalinka beri ah in la dhaariyo Xildhibaanada Fadaraalka.
Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa xalay fiidkii ka dhacay magaalada Kismaayo, waxaana lagu weeraray guri uu daganaa mid kamid ah masuuliyiinta maamulka Jubbaland. Masuulka la qarxiyay waxaa lagu magacaabaa Carab,waxuuna ka shaqaynayay Dekada kismaayo. Gurigiisa,ayaa lagu soo garaacay afurkii kadib qaraxa,ayaa lagu sameeyay,waxaana ku geeriyooday xaaskiisa iyo Wiil uu dhalay isagana dhaawac,ayaa soo gaaray. Xaaladu Magaalada Kismaayo way degan tahay Qaraxaas kadib. Jibril Qoobey.
Waxaa la rumeysanyahay in Ruushka uu dagaalka ku waayay boqolaal taangiyadeed ah iyada oo uu dagaalka Ukraine socdo muddo labo bil ah. Qubarada amniga waxa ay sheegayaan in ay ugu wacantahay hubka lidka taangiyada ee ciidamada Ukraine ay ka heleen reer Galbeedka. Waxase ay sidoo kale qabaan in Ruushka ay si qaldan u isticmaaleen taangiyada, taasina ay keentay in la burburiyo. Sida uu sheegay bogga Oryx iyo qiimeyntooda, kala bar taangiyada Ruushka waa la burburiyay, ama waa la qabsaday ama goobaha dagaalka ayaa looga cararay. Prof O’Brien ayaa yiri “Waad aragteen ayaan filayaa in nin beeralay ah oo reer Ukraine…
Somalia is one of the last major unexplored petroleum frontiers globally. In the past, it attracted the attention of international oil and gas majors – ExxonMobil, ConocoPhillips, BP, Shell, Chevron and ENI all of whom held large concession agreements in the country. 30 years of a tragic civil war has led to a protracted hiatus in petroleum exploration in Somalia since then. While capital expenditure in the oil and gas industry has been declining in recent years, according to the African Energy Chamber’s latest report, spending trends within Africa are expected to increase materially in 2022 and beyond. Somalia is…
SOMALIYA MA LEEDAHAY CIIDAMO QARAN? Wax ka ogow xaqiiqada dhabta ah ee ciidanka xoogga soomaaliyeed. Ciidankan oo marka xaqiiqada laga hadlo ah ciidan lagu khasaaray ayaa dad badani aaminsan yihiin inuu yahay ciiddan dhab ah oo jira, lehna nidaam iyo shuruuc uu raaco oo ku dhaqmo. Marka kowaad aan isla qirno oo hoosta ka xariirqno inaan ciidankani jirin mudo 62 sano ah. Qof kastaa waa uu og yahay in ciidanka soomaaliyeed uu kala yaacay oo burburay sanadku markuu ahaa 1991dii. Waxaa ka dib dib loo yagleelay 2010kii ka dib markii uu saaxadda ka maqnaa ku dhawaad 20 sano. Ciidankani marna…
Nicmooyinka ilaahay tirokoob laguma samayn karo. Dhamaantood se waan uga shukriyaa. Waxaana kamida dulqaadka aan ku dhageystay 33:33daqiiqo khudbadii Mweynaha. Mweynuhu burburkii 1990 waa sheegay. Balse sababtii burburka waa ka booday.Mweynuhu nooma sheegin waxqabad ciidanka 5tii sano ee la soo dhaafay.Mweynuhu marna ma soo hadal qaadin abaarta ba’an ee dadka Somaliyeed ku habsatay. Malaha waxay u joogtaa “udub islaameed abaar kama mudna”!!!Mweynuhu ma soo hadal qaadin doorashada iyo deganaasho la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirta.Mweynuhu kama hadlin khilaafka siyaasadeed ee dalka hareeyay. Sababayna in Rwasaarihiisii iyo kuxigeenkiisiba ay ka maqnaayeen munaasabada.Mweynuhu kuma nuuxnuuxsan xaalada amni darro ee dalka ka jirta,…
Bil walba Dowlada Imaaraadku waxay ku kabtaa Miisaaniyada Puntland 700-Kun oo dolar. Lacagtaas waxaa loogu shubaa Puntland Akoon uu masuul ka yahay Xasan Deni oo Imaaraadka ku yaal. Lacagtu waxay gaartay 20-Milyan oo dolar Sadexdii sano ee udanbeeyay,waxaana dhanka Puntland loosoo qaaday dhawr Milyan oo qura. Lacag dhan 15-milyan iyo dolar,ayaa Akoonkii hada ku jirta. Deni oo Dowlada Imaaraadka ka sugayay dhaqaale siyaasadeed oo ay ku taageeran,ayaa loo sheegay in uu isticmaalo Lacagta Akoonkaas ku jirta lana soo kabi doono haday ku filnaan waydo. Madaxweyne Deni si weyn,ayuu uga carooday arinkaas,waxaase dhaaftay in uu Lacagta ka saaro Dalka markii hore.…
Ciidamada Difaaca Puntland waa bogaadinayaa” Dib udhiska Ciidan Qaran waa Qodob ka mid ah Qodobadii horyaalay Dowlada Fadaraalka Somaliya 4-sano ka hor,balse ay ku fashilantay fulintiisa. Majiro Maanta Ciidan Qaran oo Somali wada leedahay oo ay ku faani karto,waxaase jira Ciidamo gaar-gaar ah oo ay leeyihiin Maamulada Somaliyed. Puntland waa mid ka mid ah Maamuladaas dhisay Ciidamo kala duwan oo Somaliyed sugayana in ay la midoobaan Ciidamada Maamulada kale. Dib udhiska Ciidamada Somaliyed ilaa Sadex jeer,ayaa laga fariistay gudaha iyo dibada Dalka,waxayse ka socon waayeen qorshayaashii la dajiyay Farmaajo. Dib udhiska Ciidan Somaliyed waa Qodob muhiim ah oo weli taagan…
Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal ee FEIT, ayaa maanta ku wargaliyay dhammaan xildhibaanada cusub ee la doortay in maalinimada Khamiista ah ee ay taariikhdu ku beegantahay 14 April 2022 ay yimadaan hoolka Teendhada Afisooni ee xayndaabka Xalane si loo dhaariyo xildhibaanada marka ay saacaddu tahay 10:00 subaxnimo. “Waxaan halkan idinku wargelinaynaa in maalinta Khamiista 14-ka April, 2022 ay tahay maalinta la qabanayo munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub.Waxaan Xildhibaanada Sharafta leh ka codsaneynaa in Saacaddu markay tahay 10:00AM, ay isugu yimaaddaan Hoolka Teendhada ee Afisooni.Waxaana si xushmad leh idiinka codsaneynaa inaad ilaalisaan waqtiga islamarkaana aad u soo diyaar garowdaan Munaasabaddaas.” Mahadsanidin!
Farmaajo Ma ahan Qofkii u horeeyay ee asagoo Waalan Hoggaan Dal Qabta. 1996 ayaa Dadka Reer Ecuador(Laatiin America) oo Markaas Qalalaase Siyaasadeed, Musuq Baahay iyo Busaarad Xun Haysay ayaa Waxaa usoo Baxay Wiil Hoog La Yiraahdo Cabdala Bucaram (oo Lagu Naynaasi Jiray ILBUUNDO). Ilbuundo Wuxuu Ballan Qaaday Hadday Doortaan inuu Dhib Kasta oo Jira Soo afjari Doono, Dadkuna ay Fadhigooda Ku Dhargi Doonaan, Waa Say Rabeene Cod aqlabiyad ah ayay Ku Doorteen. Balaayaba Waa Tan Danbaysee Xaalka Dalku Wuxuu Noqday (KUD KA GUUR OO QANJE U GUUR) 6 Bilood Ka Dibna Waxaaba La ogaaday in Cabdala Bucaram ” ILBUUNDO” uu…
Xubno katirsan Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Dalka,ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo. Xubnahan,ayaa Guddiga xalinta khilaafaadka wakiil uga ah doorashooyinka ka dhacaya Jubbaland waxay qayb kaso ahaayeen xildhibaanadi lagu doortay deegaan doorashada 1-Aad ee Jubbaland hadana waxay qayb ka noqon doonaan doorashada Deegaan Doorashada 2-Aad ee Jubbaland. Caawa ilaa Habeen danbe dareen baa jira ah in warqada lagu qeexayo Deegaan Doorashada Labaad ee Jubaland ay soo baxdo. Sidoo kale waxaa suurtagal ah maalinka dhaarintu dhacayso galinkeeda danbe in Warqad lagu sharaxayo Deegaan doorashada Labaad ee Jubaland ay soo baxdo. Isku soo wada duuboo Dowlada Jubaland,waxay wadaa dadaal ay ku doonayso…
Xildhibaanada Fadaraalka ee Jubaland laga soo doortay kuma soo noqon doonaan Xamar ilaa xal kama danbays ah loo helo Xildhibaanada Gedo. Jubaland waxay taagan tahay lama xaqiri karo Gedo Xildhibaanada ka imaanaya waana in xal loo helaa dhaarta 14-ka ka hor. Rooble iyo Gudiga Doorashada,waxaa looga fadhiyaa in ay Jubaland is afgarad kala gaaraan Xildhibaanada Gedo ka hor dhaarinta. Arimaha xalka noqon kara ee Jubaland lagu qancin karo,waxaa ka mid ah… 1.In Goob doorasho cusub laysla qaato.2.In Habraacii horay ujiray la raaco. Hadalkii Madaxweyne Axmed ee Xalay fariin buu ahaa adag. Jibril Qoobey.