Author: Jibril Qoobey.

Liiska Tirada Xildhibaanada Guud ee qaatay Shahaadada Xildhibaannimo ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya: Abdisalam Haji Ahmed Liban GSH#038Yusuf Gelle Ugas GSH#026Mohamed Ali Omar (Caanonuug) GSH#108Mustaf Sheikh Ali Dhuhulow GSH#049Mohamed Harun Abdullahi GSH#208Mohamed Abdi Hayir Mareye GSH#225Abdirahman Mohamed Sheikh GSH#070Abdinasir Haji Shirwa Mohamed GSH#004Abdirisaq Abdullhi MoalimGSH#063Abdirizak Omar Mohamed GSH#011Mohamed Omar Aimoy GSH#005Mohamed Nur Abukar GSH#265Abdi Ahmed Dhuhulow-Dhegdheer AS#11Jawaahir Mohamed Ahmed GSH#001Qaali Ahmed Diiriye GSH#096Nuuriya Adan Ciise GSH#212Muse Said Jama GSH#263Ahmed Abdi Koshin GSH#205Hirsi Adan Roble GSH#101Abdi Hassan Awale Qaybdiid AS#15Mohamed Ibrahim Ali -Cajiib GSH#064Nadra Salah Abdi GSH#257Duniya Mohamed Ali AS#014Qaladla Cali Cawaale GSH#017Mohamed Ibrahim Cabdi GSH#206Omar Shariif Mohamed GSH#266Omar Ali Abdi…

Read More

Midowga Murashaxiinta wuxuu Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) ugu hambalyeynayaa munaasabadda aasaaskooda oo ku beegan 12-ka April. Goluhu wuxuu caddeynayaa in xuska 12- ka April uu yahay maalin weyn oo ay tahay in ay ummadda, balse wuxuu marna aqbali karin in loo adeegsado dano siyaasadeed, sida uu horay ugu kacay Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday oo ciidanka xoogga dalka ku weeraray madax hore, siyaasiyiin, maamullo iyo golaha intaba. Halkan ka akhriso:-

Read More

Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa boggaadiyay hannaanka dimuqraadiyadda Puntland oo si wanaagsan u socda iyo Golaha deegaanka cusub ee degmada Qardho oo doortay Guddoomiye iyo ku-xigeen. “Aniga oo ku hadlaya Magacayga, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland-ba Waxaan u hambalyaynayaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka cusub ee degmada Qardho iyo labada Urur ee Mideeye iyo SINCAD oo ay kasoo baxeen muujiyeyna dedaal dheeri ah. Sharaf bay u tahay dowladda iyo shacabka Puntland in maanta si dimuqraadiya loo dooranayo maamul degmooyin, taas oo ah natiijo aynu ka dhaxalnay sidii aynu gacmaha…

Read More

Ra’isalwasaare Rooble Maanta kulankii uu la yeeshay Beesha caalamka si adag,ayuu udifaacay shaqada doorashada ee uu hogaaminayo. Wakiiladu waxay ku yiraahdeen na fahansii sababta aad ureebteen 4-ta Kursi? Rooble muxuu ku jawaabay? 4-ta Kursi,waxaan uhakinay anagoo ku dadaalayna in aan ka qabano khaladaadkii dhacay oo Umada Somaliyed aan waxuun ku qancino. 4-tan waxay noola muuqdeen kuwii ugu liitay habka loo maamulay doorashadooda,anagoo og in guud ahaan khaladaad fara badan ay dhaceen. Kursiga Fahad,ayaa si gaar ah loo waydiiyay sababta loo haysto. Rooble muxuu uga jawaabay? Fahad dalkan 5-tii sano ee udanbaysay,waxuu qayb weyn ka ahaa xumaan waxii ka dhacay. Hadii…

Read More

Mideeye beri,waxuu hawada ka qaadan doonaa Duqa Magaalada Qardho oo doorashadiisa loo balansan yahay. Caawa,waxaa diyaar ku ah xarunta Xisbiga Mideeye ee Qardho 20-Xubnood oo ka mid ah Golaha la doortay. Waxaa Qardho ka baaqday Wasiirka Maaliyada oo Dowladu uwakiilatay hawlgalka Doorashada Duqa Qardho. Baaqashadiisa,ayaa ku salaysan baqdin amni oo la xiriirta ku lug lahaanshihiisii dagaalka Bosaso. Xasan dagaalkii Bosaso kadib,waxuu inta badan Garowe iyo Bosaso ukala raacaa diyaarad. Sida xogo igu soo gaareen caawa goor danbe,ayaa Dowlada Xisbigeeda Kaah masuuliyiin ka socdaa qaybin doonaan lacag usoo dhiibay Xasan Midgaan. Balse lacagtaas iyo dadaal walba oo ay Dowladu geliso doorashada…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland oo caawa Afur usameeyay Xildhibaanada Fadaraalka ee laga soo doorto Jubaland,ayaa si cad usheegay in aysan macquul ahayn soo jeedinta ka timid Beesha caalamka qaarkeed. Dalalka qaar,ayaa qaba 16-ka Kursi ee Garbahaarey in loo kala qaybiyo Madaxweyne Axmed iyo Farmaajaha mudo xileedkiisu dhamaaday. Dalalkaas,waxay kaloo qabaan in qolo walba meeshay rabto ku qabsato doorashada qaybtooda. Sida ay ii xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah Maraykanka,ayaa hor istaagay qorshihii Jubaland ee ku qabashada doorashada Ceelwaaq,waxuuna cadaadis saaray Kenya. Sidoo kale Maraykanku,waxuu hor istaagay qorshe kale oo garabka Farmaajo ay ku rabeen in Ciidamada Itoobiya ay ku adeegsato,isagoo cadaadis saaray…

Read More

ATMIS waxay xaqiisay dhaarinta xildhibaannada iyo xayiraadda Xalane wax xiriir ah in uusan ka dhaxeyn. Taliska ATMIS wuxuu baaritaanno amni ka sameyn doonaa saldhigga Xalane laga bilaabo 10-ka ilaa 16-ka bishan April. Haddaba si baaritaanno amni oo aan joogsi lahayn ay u dhacaan, saldhigu wuxuu noqon doonaan mid xayiraad la saaray inta u dhaxeysa muddadaasi kor ku xusan.” Sidaasi ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay howlgalka ciidamada Midowga Africa ee ATMIS. Halkan ka akhriso Warqada kasoo baxday ATMIS:-

Read More

Heshiiska cusub ee Dekeda Bosaso,waxay ubadan tahay in uu hirgalo. Dhismaha Dekeda Bosaso,waxaa la filayaa in ay dhaqaaqdo markan. Deni markale,ayuu heshiis cusub la galay DPWorld. Sababta ugu weyn ee loo fili karo in uu shaqeeyo heshiiskan cusub oo dhismihii Dekeda uu bilowdo,waxay tahay fasixii Dowlada Fadaraalka oo la helay,sida ay xaqiijinayaan Ilo muhiim ah. Ra’isalwasaare Rooble,ayaa siiyay Deni Warqadii looga baahnaa Dowlada Fadaraalka si loo bilaabo dhismaha Dekeda Bosaso. Hadii heshiiskan cusub ee Dekeda Bosaso ufulo sidii loogu talagalay,waxuu Deni uyahay waxtar dhinacyo badan leh. Jibril Qoobey.

Read More

Ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa sheegay in dhaarinta xildhibaannada iyo xayiraada Xerada Xalane aysan wax xiriir ah lahayn. Iluhu waxay sheegayaan in ra’isalwasaare Rooble loo xaqiijiyay fulinta qorshihii dhaarinta Xildhibaanada ee 14-ka Bishan. Rooble,waxaa loo xaqiijiyay in Ciidamada ATMIS kaliya ay hubinayaan amniga gudaha Xalane,isla markaana ay nadiifinayaan Xerada maadama halkaasi lagu qaban doono doorashada madaxtinimada Somaliya. Ku dhawaad 200 oo Xildhibaan iyo Senetero,ayaa qaatay Shahaadada. Jibril Qoobey.

Read More

Inta badan Xildhibaanadii Fadaraalka ee Puntland laga soo doortay dib,ayaa loogu ceshay Garowe. Sababta loogu amray in ay soo laabtaan,ayaa waxay tahay Deni oo wal-wal ka qaba xod-xodasho in lagu sameeyo. Agaasimayaal ka tirsan Madaxtooyada Puntland,ayaa Xildhibaanada uga horeeyay Xamar si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqooda uguna diyaariyaan Hotelo,isla markaana soo celintooda uga shaqeeyaan. Madaxtooyada Puntland waxay siisay Mushahaarkii Bishan oo dhan 3000 oo dolar calaa Xildhibaan. Sawirka diyaarada waa mid hore. Jibril Qoobey.

Read More

Rooble waa ku dhagay,waana diiday in la sii daayo Kursiga Fahad Yaasiin. Taa badalkeeda,waxuu ogolaaday in 3-da Kursi ee Koonfur-galbeed 2-ka mid ah loo sii daayo midna laga reebo,sida ilo muhiim ah xaqiijinayaan. Dhanka kale ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble ayaa la kulmay qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya iyo u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee la qorsheeyay 14-ka bishan. Sidoo kale ra’iisul Waaaaraha Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa la kulmay Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee Labada Aqal ee BFS…

Read More

Warqadda kasoo baxday Midowga Afrika waxay u muuqataa mid lagu carqaladaynayo Doorashada. Midowga Afrika,waxuu doonayaa in dhaarta Xildhibaanada ay dib u dhacdo,waana argoosi ninkii la eryey. Dhaarta Xildhibaanada oo ku beegan 14-ka April dib ayey u dhaceysaa oo Hoolkii dhaarta loo balamiyey,wuxuu ku yaal goobaha ay xirteen. Sidoo kale,waxaa jira warar sheegaya in Itoobiya ay qayb ka tahay qorshe balaaran oo doorashada lagu fashilinayo. Dad badan,ayaa dood ka keenay in maalinta loo qorsheeyay dhaarinta xildhibaanada uu Wakiilka la cayrshay dhihi karo wax walba waa la xiray,iyadoo sabab looga dhigayo arimo Amni? Su’aal kale oo Dadku iswaydiinayaan,ayaa waxay tahay…Muxuu Madera og…

Read More

Rooble waxaa lagula taliyay labo arimood mid in uu ka qaato Wasiirka Arimaha dibada,kuwaasoo kala ah… 1.In uu isku shaandhayn kooban sameeyo oo Wasiir kale oo Beesha Daarood ah keeno Arimaha dibada kan hada joogana geeyo Wasaarad kale. 2.In uu iskaba daayo xilka qaadistiisa,maadaama uusan waxbadan uga baahnayn oo Wasaaradii Amnigu ay fulisay shaqadii looga baahnaa xaqiijinta Wakiilka la cayriyay. Waxay ubadan tahay in Rooble Qodobka danbe qaato. Warqada kasoo baxday Midowga Afrika,waxay ahayd mid ilhaano ku ah maqaamka Dowladeed ee Dalka. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Deni waa saxiixay heshiiskii cusbaa ee Dekeda Bosaso,isagoon la shaacin. Saxiixaas,waxuu ku qaatay dhaqaale kale,waxaana lagu wareejiyay Walaalkiis u wakiishay. Cadadka Lacagtaas lama xaqiijin karo intuu dhan yahay. Hada,waxuu sugayaa dhaqaale kale oo uga imaanaya dhanka Dowlada,waxaana dib riday kala maqnaansho masuuliyiintii hawshaas ku xirnayd. Sidoo kale,waxaa dhici karta in uu si qarsoodiya ku tago Ingiriiska oo uu kula balansan yahay Shirkado shidaal. Arinka Shirkadahaas oo soo jiitamayay in badan,ayaa lagu xiray in uu warqad ka keensado Dowlada Fadaraalka,waxaase usoo fududeeyay Rooble. Saxiixa heshiiskaas Shidaal haduu hirgalo isagana,waxuu ku helo doonaa xoogaa fiican oo xuquuqul qalin ah. Jibril Qoobey.

Read More

Waa rug cadaa milateri oo darajooyin kala duwan ka soo qabtay ciidamada Ruushka tan iyo sagaashameeyadii. Waxa uu hogaamiyay qeybta lixaad ee ciidamada lugta, qeybta 10-aad ee ciidamada taangiyada iyo weliba qeybta labaad ee ciidamada lugta. Waxa uu mar noqday taliye kuxigeenka ciidamada Ruushka. December 2012 ayaa loo dalacsiiyay sarreeye guud, halka September 2015 uu noqday taliyihii u horreeyay ee ciidamada Ruushka kaga sugan Suuriya. March 2016 ayaa la guddoonsiiyay billada geesinimada ee ugu saraysa Ruushka. Madaxweyne Putin ayaa rumaysan in janankan khibrada badan uu wax ka bedali doono duullaanka Ukraine oo ilaa haatan u muuqda mid aan laga gaarin…

Read More

Mas’uuliyiin reer Galbeed ah ayaa xaqiijiyay in Ruushka uu isbedal ku sameeyay taliska duullaankiisa Ukraine, iyadoo uu hoggaanka la wareegay janan cusub oo khibrad u leh dagaal gelinta, kana soo shaqeeyay Suuriya. Jenaraalka ayaa magaciisa lagu sheegay Alexander Dvornikov, waana taliyaha aagga Koonfureed ee Ruushka. Magacaabista janankan ayaa looga gol leeyahay in lagu wanaajiyo isku xirka ciidamada kala duwan ee qeybta ka ah duullaanka, iyagoo markii hore hoos tegi jiray abaanduulayaal kala duwan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Ruushka ayaa 44 maalin kadib weli gaari la’ yoolkiisa ahaa inuu gacanta ku dhigo Ukraine, gaar ahaan caasimadda Kyiv. Waxa uu hadda xoogga…

Read More

1.Waxaa la amray in waraaqaha dal-ku joogga lagala laabto,laguna wargeliyo Danjire Francisco Madera. 2.Dib danbena looma siin karo Waraaqaha Dal ku galka. 3.Waxaa lagu wargeliyay dhamaan dhinacyada ay quseyso in aan dalka aan la keeni karin Danjire Madeira. 4.Waxaa la faray dhammaan hay’adaha Amniga in uusan Danjire Madeira dalka soo geli karin maadaama uu yahay qof aan laga rabin dalka.” 5.Dowladdu waxay si kumeel gaar ah u xirtay “dhammaan howlihii terminaalka MOVCOM” ilaa amar danbe. Jibril Qoobey.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay Midowga Musharrixiinta oo ay ka wada hadleen arrimaha dhammeystirka doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya, dhaarinta xildhibaannada iyo dhammeynta arrimaha turxaan bixinta u baahan. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Midowga Musharaxiinta warbixin ka siiyay halka ay marayso howsha doorashada, u diyaargarowga munaasabadda dhaarinta xildhibaannada iyo dadaalladiisa ku aaddan xal u helista arrimaha harsan ee doorashada la xiriira. Waxa uu Ra’iisu Wasaaruhu adkeeyay in ay ka go’an tahay in jadwalka dhaarinta xildhibaannada loo dhaqan geliyo sidii ay u soo saareen guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT, isagoo sheegay…

Read More

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa fartay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya in ay “kala laabato waraaqaha dal-ku joogga, kuna wargeliso Danjire Francisco Madeira, dib danbena looma siin karo waraaqaha dal ku galka,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga. Warqaddan amarka ah oo uu ku saxiixan yahay wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sidoo kale lagu faray agaasimaha hay’adda socdaalka in uu ku wargeliyo dhamaan dhinacyada ay quseyso in dalka aan la keeni karin Danjire Madeira, iyadoo loo cuskaday amarkan go’aankii Khamiistii ka soo baxay Xafiiska Ra’iisulwasaaraha ee lagu sheegay in Danjire Madiera loo aqqoonsaday qof…

Read More

Liiska Tirada Xildhibaanada Guud ee qaatay Shahaadada Xildhibaannimo ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya: Abdisalam Haji Ahmed Liban GSH#038Yusuf Gelle Ugas GSH#026Mohamed Ali Omar (Caanonuug) GSH#108Mustaf Sheikh Ali Dhuhulow GSH#049Mohamed Harun Abdullahi GSH#208Mohamed Abdi Hayir Mareye GSH#225Abdirahman Mohamed Sheikh GSH#070Abdinasir Haji Shirwa Mohamed GSH#004Abdirisaq Abdullhi MoalimGSH#063Abdirizak Omar Mohamed GSH#011Mohamed Omar Aimoy GSH#005Mohamed Nur Abukar GSH#265Abdi Ahmed Dhuhulow-Dhegdheer AS#11Jawaahir Mohamed Ahmed GSH#001Qaali Ahmed Diiriye GSH#096Nuuriya Adan Ciise GSH#212Muse Said Jama GSH#263Ahmed Abdi Koshin GSH#205Hirsi Adan Roble GSH#101Abdi Hassan Awale Qaybdiid AS#15Mohamed Ibrahim Ali -Cajiib GSH#064Nadra Salah Abdi GSH#257Duniya Mohamed Ali AS#014Qaladla Cali Cawaale GSH#017Mohamed Ibrahim Cabdi GSH#206Omar Shariif Mohamed GSH#266Omar Ali Abdi…

Read More

Waxaa maanta qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanada hoos ku qoran: Farhan Ali Mohamoud AS#10Abdirisaq Mohamed Osman AS#03Zahra Abdulahe Igal (Bundubte) GSH#094Ali Haji Adam Abukar GSH#039Abdirahman Abdulkadir Ade GSH#105Khadra Mohamed Tukale GSH#247Amina Omar Jama GSH#202Dahir Ayanle Said AS#48

Read More

Waxaa xalay magaalada Hargeisa lagu qabtay kulan afur ah oo qaaraan loogu ururinayey masiibadii ka dhacday suuqa Waaheen ee ku yaalla bartamaha magaalada, waxaana kulanku ka dhacay madaxtooyada, iyada oo ay kasoo qaybgaleen inta badan madaxda sare ee Somaliland iyo ganacsatada waaweyn. Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada ayaa lagu sheegay in xafladdii afurka ahayd in lagu ururiyey qaaraan lacageed oo gaaraya illaa 8 million oo dollar oo ay ku yabooheen ganacsatada kala duwani. Wasiirka Wasasaradda Diinta iyo Aw-qaafta ee Somaliland oo guddoomiye u ah guddida qaadhaan ururinta, ayaa sheegay in dawladdu ay xisaabta guddida qaadhaanka ee suuqa waaheen ay…

Read More

Sacuudi Carabiya ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay u oggolaan doonto hal milyan oo Muslimiin ah oo ka kala imanaya gudaha dalkaasi iyo dibaddiisaba in ay gutaan xajka sanadkan, waana sare u kac weyn ka dib markii xannibaado loo soo rogay xakameynta Covid-19 ay muddo laba sano ah aad u dhintay tirada xujeyda. Tallaabadan, oo ka hooseesaysa in dib xajka loogu celiyo sidii uu ahaan jiray, ayaa raja gelineysa Muslimiin badan oo ku nool daafaha caalamka kuwaasi oo tan iyo 2019-kii ay mamnuuc ka ahayd in ay u safraan Sacuudiga si ay xajiyaan. Xajka oo ka mid ah shanta…

Read More

Nin asal ahaan Soomaali ah oo loo haysto dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka UK, Sir David Amess, ayaa ka hadlay waxa ku dhaliyay falkaas. Cali Xarbi Cali oo 26 jir ah ayaa sheegay inuu u dilay xildhibaanka sababo la xiriira inuu u codeeyay duqeynta Suuriya. Sir David Amess oo laga soo doortay deegaanka Southend West ayaa toori lagu dilay 15-kii October 2021. “Haddii ay ii muuqatay in falkaas uu khalad yahay, ma ba samayn lahayn,” ayuu yiri Cali oo beeniyay in falkaas uu ahaa argagixisannimo. Isaga iyo xildhibaanno kale ayaa u codeeyay xeer baarlamaan oo lagu dhibaateeyay Suuriya. Haddii aan…

Read More

Saraakiisha maamusha khadka tareenada ee dalka Ukraine ayaa sheegay in illaa 50 qof ay ku dhinteen, oo ay ku jiraan shan carruur ahi, weerar gantaal oo lagu qaaday xarun tareen oo ku taalla bariga dalka Ukraine oo la doonayay in laga daadgureeyo dadka rayidka ah ee ka cararaya colaadaha dalkaas ka jira. Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay illaa 87 qof oo kale. Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay weerarkaas dhimashada badan geystey ee Jimcihii lagu qaaday xarunta tareenada ee Ukraine iyo werarada kaleba “mid aan gabi ahaanba la aqbali karin” iyo inay yihiin “xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah sharciga…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kuso dhoweyey Wafti uu Hogaaminayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor. Waftiga waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan Baarlamanka cusub gaar ahaana kuwa kasoo jeeda Beesha Hawiye. Ueedka safarkooda,ayaa salka ku haya sidii ay garowshiyo uga bixin lahaayeen tabashada koonfur galbeed ee xildhibaanada loo diiday in la siiyo shahaadada xildhibaanimo. Madaxweynaha koonfur Galbeed ayaa shalay ku eedeeyey RW Rooble inuu si gaar ah uu hor istaag ugu sameeyey xildhibaanadii lagu soo doortay Koonfur Galbeed.

Read More

Golaha Guud ee QM ayaa Khamiistii shalay u codeeyey hakinta xubinimada dawladda Ruushka ee Golaha Xuquuqda Aadamaha ee QM. Go’aanka ayaa la xiriira xadgudubyada lagu eedeeyey in Ruushku uu ka geysanayo dalka Ukraine. 93 dal ayaa u codeeyey go’aanka joojinta, 24 way diidday, halka 58 dalna ay ka aamuseen. Golaha ayaa xubinimadii Ruushka u hakiyey arrimaha la xiriira “xadgudubyada waaweyn ee abaabulan ee xuquuqda aadamaha” iyo xadgudub dhinaca sharciga dawliga ah, kuwaas oo laga galay dalka Ukraine. In qaraarku meel maro waxaa loo baahan yahay labo meeloodow saddex, iyada oo dalalka ka aamusayna aan la tirineynin. Afartan iyo toddoba dal…

Read More

Golaha Senate-ka ee Mareykanka ayaa haweenaydii ugu horraysay ee madaw ah u ansixiyey inay noqoto garsoore rasmiya oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka Maraykanka. Codbixin ka dhacday golaha Senate-ka oo ay goobjoog ka ahaayeen dhammaan 100-ka xubnood ee golahaasi ka kooban yahay, ayaa 53 Senator oo ka mid ahi waxay ogolaadeen ama ansixiyeen in Ketanji Brown Jackson ay noqoto garsoore ka tirsan maxkamadda sare, halka 47 Senator oo kalena ay ka soo horjeesteen. Xubnaha xisbiga Dimoqraadiga iyo saddex xubnood oo kale oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga oo kala ah Susan Collins, Lisa Murkowski iyo Mitt Romney ayaa hore u…

Read More

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii nin aan heybtiisa weli la shaacin uu Khamiistii rasaas ku furay baar ku yaal bartamaha magaalada Tel Aviv ee Israel. Lix qof oo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah ayaa loo qaaday isbitaalka, sida ay sheegtay waaxda adeegga ambalaasta ee Magen David Adom, taas oo sidoo kale sheegtay inay soo gaareen warbixinno la xiriira in weerarradu ay ka dhaceen dhowr meelo oo faras-magaalaha ah. “Ilaa hadda, 10 qof oo dhaawac ah ayaa soo gaaray qolka dhaawacyada ee isbitaalka Ichilov. Laakiin nasiib darro, inkasta oo dhakhaatiirtu…

Read More

DOWLADA JUBALAND WAXAY U ARAGTAA DANJIRAHII HORE EE MIDOGWA AFRIKA INUU LID KU AHAA HANAANKA DOWLAD DHISKA IYO MADAXBANAANADI DALKA. Kismaayo, 07, April, 2022-Dowlada Jubaland waxay soo dhawaynaysaa go’aanka masiiriga ah ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka gaartay Danjirahii hore ee Midowga Afrika Francisco Madeira, oo dalka laga caydhiyay kadib markii uu ku xadgudbay arimaha gudaha ee dalkeena taas oo xad gudub ku ah xeerarka Caalamiga ah ee diblomaasiyada kana baxsan shaqadii loo igmaday. Inta uu madaxa ka ahaa howlgalka midowga afrika ee AMISOM Madeira, waxaa uu si dulaalnimo ah uga dhex shaqaynayay siyaasada gudaha ee dalkeena isagoo…

Read More

Diyaarada Qaramada Midoobey oo saakay usoo raaci lahaa Madera way diiday in ay soo qaado. Midowga Afrika maleh diyaarad joogta ah,waxaase leh Qaramada Mudoobey. Sababta ay udiiday diyaarada Qaramada midoobey ,waa uhogaansamid go’aanka Xukuumada Fadaraalka Somaliya. Madera marka uu soo baxayay go’aanka cayrintiisa,waxuu ku sugnaa Kenya. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanada hoos ku qoran: Abdikarim Omar Hussein GSH#074Mohamed Ibrahim Nur (Macalimu) GSH#068Bashir Abdi Mohamed GSH#273Faisal Ahmed Mohamud GSH#149Abdullahi Hassan Roble GSH#249Said Siyad Shirwac AS#09Hussein Ahmed Ulusow GSH#021

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Furay Shirka Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka Dalka,ayaa Xildhibaanada laga Doortay Deegaanada Koonfur Galbeed kula Dardaarmay inay muujiyaan isku duubni ku aadan Midnimada iyo Wadajirka Koonfur Galbeed. Kulankan kadib,waxuu dib usoo celin doonaa Xildhibaanada uu ugu yeeray Baydhabo,sida uu usheegay Wakiilada Beesha Caalamka. Wakiiladu xalay ayay la hadleen,waxayna usheegeen in 3-Xildhibaan aan loo xayiri karin 70-kale. Maalmaha soo socda ayay ubadan tahay in Xildhibaanada Baydhabo ku sugan ay dib ugu soo laabtaan Muqdisho. Jibril Qoobey.

Read More

“Codkaani waa xad gudub weyn oo ka dhan ah dhexdhexaadnimada AU. Cayrinta Danjire. Madeira waxay u adeegi doontaa si loo ilaaliyo kalsoonida & sawirka ATMIS. Tani waa inay sidoo kale soo dedejiso AU inay soo magacawdo hoggaan si taxadar leh u dhaqma xiriirka uu la leeyahay xaaladda siyaasadeed ee Somaliya ee hadda”Ayuu yiri Cumar Csbdirashiid.

Read More

“Anigoo 20 Sano jir ah,ayaan diiday in nala gumeysto hada oo 50-jir aan ahay oo 2022 la maraayo ma aqbalaayo in nala gumeysto”Ayuu yiri Laftagareen. Su’aalaha iswaydiinta mudan,ayaa waxay yihiin…. Yaa gumaysanaya Maanta reer K.Galbeed? Yaa soo gumaystay taariikhdii hore? Jawaabtu way fududahay marna lama gumaysan reer K.Galbeed isku day aabi oo uga yimid Beelo ama hogaamiye kooxeedyana si karaamo leh ayay iskaga caabiyeen. Laftagareen luuqadan,waxuu rabaa in uu ku beerlaxawsado Shacabka K.Galbeed. Hadii cid ay ky xadgudubtay reer Baydhabo,waxaa ilhaameeyay Nabad iyo Nolol. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa ka qayb galay munaasabadda gunaanadka shirka nabadaynta beelaha walaala ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanada Saax-maygaag iyo Sangajabiye. Guddiga nabadeynta howshan loo xil saaray ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka iyo guud ahaanba munaasabadda la wadaagay go’aamada lagu heshiiyay oo faahfaahsan. Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan, ayaa Munaasabadda kaga dhawaaqay in Dowladdu qaadatay go’aanka guddigu soo saaray, waxa uu sheegay in lagu shaqayn doono, isla markaana ciddii ka hortimaada la iska qaban doono, Dowladd iyo shacabba. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta kala…

Read More

Francisco Madera ayaa sida oo kale soo noqday safiirka Mozambique u metalaya dhowr waddan oo Afrikaan ah, laga soo bilaabo 1984 ilaa 1989, iyo lataliyaha diblomaasiyadeed ee madaxweynaha dalkaas. Wuxuu xubin ka ahaa wafdiga dowladda ee wadahadalada nabada ee uu la yeeshay Renamo, kaas oo sababay in la saxeexo heshiiskii Guud ee Nabadda ee Rome ee ku aaddanaa Mozambique. Wuxuu qabtay sida oo kale xilal wasiirnimo, isagoo ahaa, 1995 ilaa 1999, wasiirka xafiiska Madaxweynaha ee arrimaha baarlamaanka iyo, laga soo bilaabo sanadkii 2000 ilaa 2010, wasiirka xafiiska Madaxweynaha ee arrimaha diblomaasiyadeed. Magacaabistiisa ahayd Madaxa Cusub ee AMISOM ayaa timid waqti…

Read More

Ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa ku baaqay in Tigraay laga howlgeliyo ciidamo nabad ilaalin oo caalamka ka socda Midowga Afrikana uu hoggaamiyo. Labadan urur ee caalamiga ah oo u dooda xuquuqal insaanka ayaa codsigaasi soo jeediyey xilli ay soo bandhigayeen warbixin ku saabsan dambiyada ay sheegeen iney ka dhaceen galbeedka Tigraay. Waxayna ururrada xuquuqda aadanah u dooda sheegeen natiijada ka soo baxday baaritaan ay muddo 15 bilood wadeen, ay lagama maarmaan ka dhigeyso ciidamo nabad ilaalin in halkaa laga howl geliyo. Warbixintooda waxay ku sheegeen xadgudubyada ay sheegeen iney ka dhaceen galbeedka…

Read More

Hay’addaha xuquuqaha aadamiga u doodda ee Amnesty iyo Human Rights Watch ayaa xooggaga Axmaarada ku eedeyay inay gaysteen isir sifayn ka dhan ah Tigreega. Warbixin dheer oo ay siwada jir ah usoo saaren ayaa lagu sheegay in gabood fallo iyo tacadi shacabka Tigreega loo gaystay( Deeganka Axmarada dhexdiisa). Eedaymahan ayay maamulka Axmaaradu waxba kama jiraan ku tilmaameen,waxayna buurralaydii uga falcelisay si cadho ku dheehan tahay. Buurralayda dalka dibadiisa(Axmarada) ayaa maalmahan taagerayay qorshaha Maraykanku ku doonayo in gabood falladii dagaalka waqooyi ka dhashay lagu baadho,sigaar buurralaydu waxay calamada u luxayeen in la meel mariyo cunaqabataynta miiska saarran ee ka dhanka ah…

Read More

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa mar walba ka fiirsada marka ay timaaddo su’aalaha ku saabsan qoyskiisa. Sanadkii 2015, mar uu qabanayay shir jaraa’id, wuxuu ka gaabsaday su’aal ku saabsaneyd xogta gabdhihiisa. “Gabdhaheyga waxay ku nool yihiin Ruushka waxayna keliya wax ku barteen Ruushka, waan ku faanaa,” ayuu yiri. “Saddex luqadood ayay si fiican ugu hadlaan. Weligey cidna qoyskeyga kalama hadlin.” “Qof walba xaq ayuu u leeyahay wuxuu mudan doono, noloshooda gaarka ah ayay ku nool yihiin si sharaf leh ayayna ugu nool yihiin,” ayuu intaas raaciyay. Waxaa laga yaabaa inuusan dooneyn inuu magacaabo, balse meelaha kale ayaa magacyadooda lagu soo…

Read More

Ururka al-Qaacida ayaa shaaciyay muuqaal laga arkayo hoggaamiyahooda, Ayman al-Zawahiri, kaasoo caddeyn u ah in uu nool yahay. 2-dii bishii May ee sanadkii 2011-kii, ayaa Ayman al-Zawahiri laga dhigay hoggaamiyaha ugu sarreeya al-Qaacida kaddib markii ay ciidamada Mareykanka dileen aasaasihii ururka, ahaana hoggaamiyahooda, Cusaama Bin Laadin. Cusaama waxaa lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Abbottabad oo ka tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee dalka Pakistan. Dr. Ayman al-Zawahiri ayaa muddo dheer soo ahaa ku xigeenka Cusaama Bin Laadin, waxaana la aaminsan yahay in uu yahay maskaxdii ka dambaysay weerarradii Mareykanka lagu qaaday 11-kii bishii September ee sanadkii 2001-dii (oo loo yaqaanno…

Read More

Waxaa jira cod sir ah oo laga duubay ku Danjire.Madera oo shir Guddoominayay kulan ay iskugu yimaadeen mas’uuliyiin ka mid ah Amisom Somaliya. Madera,wuxuu ku amray masuuliyiinta kale ee Amisom in ay qeyb ka noqdaan olalaha dib u doorashada Farmaajo. Sidoo kale Mandera wuxuu si weyn ugu gafay Madaxweynayaashii hore ee Somaliya iyo Beel ka mid ah Beelaha Somalida. Waxuu aflagaadeeyay Alle ha’unaxariistee Xildhibaanad Aamino Maxmed Cabdi,waxuuna isku dayayaa in uu ka difaaco kooxda Farmaajo ku luglahaanshahooda Dilka Gabadhaas. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland,ayuu si weyn ugu xadgudbay. Warkan oo cod ah dhawaan,ayaa la faafinayaa. Hadalka laga duubay Madeyra qayb ka…

Read More

DOWLADDA FEDERAALKA WAXAY BOGAADINEYSAA DAWRKA MIDOWGA AFRIKA EE NABADEYNTA SOOMAALIYA Muqdisho, 07 Abriil, 2022: Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu bogaadinayaa dawrka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika iyo qeybta libaax ee ay ka soo qaateen dowlad dhisidda Soomaaliya iyo dagaalka aan kula jirno kooxaha argagixisada. Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira iyo danjireyaasha kale ee caalamka waxaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddooma Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ah ilaaliyaha madaxbannaanida dalka. Go’aan kasta oo taabanaya xiriirka aan dunida la leenahay iyo joogitaanka Safiirada shisheeye ee dalka waa mid saameynaya iskaashiga aanu la leenahay caalamka, waana…

Read More

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble oo lagu baahiyey barta twitterka ayaa lagu sheegay in dalka laga caydhiyey wakiilka Midawga Afrika ee Somalia Danjire Franciso Madeira, iyada oo loo qabtay inuu dalka kaga baxo 48 saacadood gudahood. Qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa lagu sheegay in dawladda Somalia ay u aqoonsatay wakiilka midawga Afrika ee Soomaaliya inuu yahay shakhsi aan dalka laga rabin, waxaana qoraalka xafiiska ra’iisal wasaaraha ka soo baxay lagu sheegay in wakiilka midawga Afrika ee Somalia oo ah inuu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa, iyada oo uu…

Read More

“Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo maqan haddii baarlamanka la dhaariyo ma noqonayo Baarlamaan Federaal ah ee wuxuu noqonaya Dowlad goboleedyo is kaashaday”Ayuu yiri Gudoomiye Mursal. Masoo xigan Qodob Dastuuri ah oo qeexaya waxa uu ka hadlayo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Fadaraalka Mudane Mursal. Dastuurku,waxuu qorayaa oo kaliya in Kooram wax lagu doorto hadana waa dhamaystirmay. Majiro hal Qodob oo Dastuuriya oo oranaya Maamul hebel ama Gobol hebel oo maqan lama dooran karo Madaxda Qaranka. Mursal mudadii uu soo ahaa Gudoomiyaha si qaawan,ayuu ugu xadgudbi jiray Sharciga hal marna masoo xigan Dastuur iyo tixraax sharci oo hore. Warkiisu waa ciyow waa ka…

Read More

Qaraxa,waxaa ku dhaawacmay Yuusuf Aadan Gaas Gudoomiyihii hore ee xaafada Bandarqaasim Bosaso waxaana ugu tagey firir gudaha Gaarigiisa,kaasoo ka galay Bawdada. Xarunta lagu tuuray Qaraxa,waxaa iska leh Shirkada Bulsho,waana qayb lagu gado Qalabka dhismaha waxayna cirifka ku haysaa Dowlada hoose. Qaraxa,waxaa tuuray kooxaha argagixisada ah,waxaana ujeedkoodu yahay Lacagta Sakada ay uyaqaanaan oo shirkadu ka dhaga adaygtay bixinteeda. Jibril Qoobey.

Read More

Jen.Tashuma Ayelo sirdoonka Itoobiya raga ugu cad-cad iyo Kulane Jiis oo ka mid ah Sirdoonka Fahad Raga ugu muhiimsan. Gedo ayay ku kulmeen oo uu tagey Kulane Jiis, oo dhawaan Galmudug loogu soo doortay Xildhibaan. Hadafku waa iska cad yahay kooxda Fahad,waxay Itoobiya ka rabtaa hiil wada shaqayneed oo ku aadan Xildhibaanada Gedo ku magacaaban doorashadooda. Sidoo kale,waxaa jira warar aan la xaqiijin weli oo sheegaya in ay Itoobiya qayb ka tahay qorshe weerar oo Jubaland ka dhan ah.

Read More

“Saddexda Wasiir Maaliyadeed ee Jabuuti, Itoobiya iyo Somaliya waxay ka wada shaqaynayaan sidii muwaacimo deg dega loogu raadin lahaa suuqi dhawaan bas beelay ee Waaheen Hargaysa” Qoraalkan,waxaa ka carooday Wasiirka Arimaha Dibada SL oo yiri.. “Somaliland mar horeba waa la xiriirtay cid kasta oo gacan ka geysan karta Aafada suuqa Waaheen” Waxuu hadalkiisa kusoo af xiray”Wasiiradu in ay ixtiramaan madaxbannanida iyo dawladnimada Somaliland”.

Read More

“XFS waxa ay galabta Guddiga Gurmadka Suuqa Waaheen u dirtay lacag dhan $12,700,000 USD oo loogu talo-galay “Gurmadka Suuqa Waaheen”Ayuu yiri Mahdi Guuleed. Waa talaabo wanaagsan oo xoojinaysa midnimada Umada Somaliyed,gaar ahaan kuwa Jamhuuriyada Fadaraaliga ah kuwada jira. Waxay waji gabax ku tahay kooxda Farmaajo ee abuurayay nacaybka,kala dilka iyo xumaanta Umada Somaliyed. Midnimada Somaliya waxay lama huraan u tahay Qof walba. Waa guul taariikhiya markale in Dowlada Dhexe ee Somaliya ay si toos ah oo waadix ah ugu taageerto Maaliyad Dowlada Somaliland ee qaybta ka ah Dowlada Fadaraalka. Jibril Qoobey.

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo Maareeyaha Arrimaha Afrika Mu’asasada Boqor Salmaan ee Dalka Sacuudiga Mudane Yuusuf Bakheet Rahmah. Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa kulanka kala qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, waxaana looga hadlay sidii mu’asasadu gacan uga geysan lahaayeen Abaaraha saameeyey deegaanada Puntland. Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa uga mahadceliyey masuuliyiintan boqashada ay ku yimaadeen Puntland, wuxuuna Wasaaradaha ay shaqadoodu khuseyso uu faray in lala fududeeyo wixii farsamo shaqo ah. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

6-dii April 1988, 34 Sano ka hor maantoo kale maxaa dhacay?? 1). Galabnimadii 6dii Bishii Abril 1988, waxaa Magaalada Muqdisho heshiis ku kala saxiixday Talisyadii Militari ee Somaliya iyo Itoobiya ka jiray ee madaxda ka ahaayeen General Siyad Barre iyo Col. Mingiste Xayle Maryam. Wafdiga Itoobiya waxaa hogaaminayey Wasiirkii Arimaha Dibadda Mr. Burhane Baye, dhanka Somaliyana Wasiir Mr. Cabdirahman Jamac Barre. Labadaas xukun ee askartu horseedka ka aheyd oo kacdoon badan kasoo horjeedeen waxay isla garteen in ay isnabad geliyaan kana bilaabaan joojinta taageerada mucaaradka ka dhanka ah labadooda maamul ee saldhigyada ku lahaa labada dal. 2). 8dii Abril 1988,…

Read More