Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Hirshabeelle ayaa shaaciyey qabashada doorashada kuraasta hoos ku qoran… Halkan ka akhriso:-
Author: Jibril Qoobey.
Maxkamad Militari oo ku taalla dalka Burkina Faso ayaa maanta Xabsi daa’in ugu xukuntay madaxweynihii hore ee dalkaas Blaise Compaore dilkii 1987-kii ee hoggaamiyihii hore ee dalkaas Thomas Sankara. Sacab xooggan ayaa is-qabsaday gudaha maxkamadda kadib markii la aqriyey xukunka muddada la sugayey, taasi oo soo geba-gebeysay kiis soo jiitamayey 34 sano. Maxkamadda ayaa sidoo kale xabsi daa’in ku xukuntay Hyacinthe Kafando, oo ah sarkaal la tuhunsan yahay inuu hogaamiyey kooxdii dilka fulisay, iyo Jeneraal Gilbert Diendere oo ahaa taliye ciidan xilligii khaarijinta, oo la kowsaday afgambi uu xukunka ku qabsaday Compaore. Compaore, oo dibad-joog ku ah dalka Ivory Coast…
Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska,ayaa maanta magaalada Garowe xaflad sagootin ah ugu sameeyay Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka Puntland. Shaqaalaha Wasaaradda qaar ka tirsan oo xaflada ka hadlay ayaa wasiir Aamina ku aamanay waxqabadkii iyo kaalinteedii hogaamineed ee Wasaaradda iyagoona isla qiray in wasiirku ahayd hawl-kar daacad ah. Shaqaalaha ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin erayo ku filan oo ku muujin karaan mahadnaqa iyo wixii Wasiir Aamino u qabatay horumarinta shaqaalaha wasaaradda, haweenka iyo carruurta Puntland. Ugu danbayntii shaqaalaha wasaaradda ayaa Wasiir Aamina Cismaan gudoonsiiyey bilad, shahaado sharaf hadyado ay ku mutaysatay maamul wanaag, hawl-karnimo iyo…
Sarkaalka ugu sarreeya ciidamada Maraykanka ayaa ka digaya in dagaalka Ukraine ay u badantahay inuu socdo muddo sanado ah, taasoo kor u qaadaysa walaaca ah in dunidu ay noqoto mid aan xasilloonayn iyo suurtagalnimada isku dhac caalami ah oo u dhexeeya quwadaha waaweyn. Intii lagu guda jiray dhageysiga Guddiga Adeegga Ciidmada Qalabka sida ee Golaha Congresska Talaadadii, ayaa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Maraykanka General Mark Milley uu sheegay in duulaanka Ruushka ee Ukraine uu yahay “khatarta ugu weyn ee nabadda iyo amniga Yurub, iyo addunkaba” ee uu arko muddadii 42 sano aheyd ee uu xirnaa tuutaha ciidanka…
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiiro, Wasiiro Ku-xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal cusub oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland kuwaasi oo maanta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Guddiga doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya (FEIT) ayaa sheegay inay go’aamiyeen in dib loogu laabto doorashada afar kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya. Afarta kursi ayaa kala ah; HOP#086, HOP#103, HOP#154 iyo HOP#204. Kursiga HOP#086 ayaa ah kan uu kusoo baxay la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya iyo agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin. “Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal waxaa uu go’aamiyey in dib loogu noqdo doorashada dhammaan kuraastan, si loo saxo habraacii qaldamay,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray guddiga oo lagu daabacay bartooda Facebook. “Iyadoo la tixraacayo habraacii doorashadii 2016kii ayuu guddigu dib ka soo…
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee shahaadada qaatay waa 139-Mudane. Seneterada Aqalka sare ee qaatay,waa 38-Mudane. Wadarta Guud ee Xildhibaanada shahaadada qaadatay waa 178-mudane. Xildhibaanada dooran ee aan weli shahaadada qaadan waa 128-Mudane Wadarta Guud ee Xildhibaanada aan qaadan Shahaadada waa 151-Mudane. Aqlibiyada Labada Aqal,waa 165-Mudane oo musharaxii Madaxweyne ee helaa wareega Koobaad ku soo bixi karo. Xildhibaanada aan weli la dooran,waa 23-Mudane oo laga kala dugayo….. 1.16 Jubbaland Hirshabeelle
Axmed Abshir Sacid oo noqday qofkii ugu horeeyey ee Soomaaliya (marka laga reebo Gobollada Waqooyi) ee lagu doortay Qof iyo Cod, 54 sano kaddib. Maanta,ayuu ku guuleystay Duqa degmada Ufeyn (Mayor of Ufeyn district), isagoo kasoo baxay Xisbiga Sinaan iyo Cadaalad. Sidoo kale,waxaa Gudoomiye ku xigeen kusoo baxay Xisbiga kale ee Mideeye. Ururadda Mucaaradka ayaa kusoo baxay Doorashadda Ufeyn. Gole Deegaan oo ka kooban 27-Xubnood oo ay ku jiraan 8-Haween ah,ayaa doortay Duqa iyo ku xigeenka Degmada Ufeyn. Haddii la kala saaro damaca siyaasiga iyo dareenka shacabka; dalkani wuxuu yeelan rajo mug leh. Guul taariikhiya ayay utahay eer Puntland.
“Haddii inta la dhinac maro guddiga Feit, Seit iyo guddiga xallinta khilaafaadka oo barlamaanka lagusoo galo qori, hadde annagu maxaan bannaanka u joognaa?, idinku maxaad bannaanka ujoogtaan?” Ayuu yiri wasiir Alcaddaala oo ka hadlayay dood looga hadlayay khilaafka arrimaha doorashada. Hadalka Alcadaala,ayaa si toos ah ugu socda Fahad Yaasiin oo Kursigiisii Xildhibaanimo la hakiyay,kadibna uu ka dhashay buuqa hada kusii siqiya gacan ka hadalka ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaa soo xoogaysanaya warar laysla dhexmarayo oo sheegaya in Farmaajo diyaarsaday Ciidamo uu rabo in uu Dalka ku inqilaabo. Qorshahaas,ayaa la sheegayaa in lagu diyaariyay gudaha Muqdisho iyo Gobolka Gedo. Ciidamada la isticmaalayo,ayaa kuwii lagu soo tababaray Eretereya oo si hoose loosoo geliyay gudaha Dalka,sida ilo wareedyo aan la xaqiijin karin ay sheegayaan. indhacade oo mar soo noqday Wasiir horayna uga mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii hore ee Koonfurta Dalka ka arimin jiray,ayaa xogtaas ka sheegay Shir ay iskugu yimaadeen Waxgarad udhashay Beesha Habargidir,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa ka warbixiyey Shahaado bixinta Xildhibaanada la doortay ee labada Gole ee Baarlamaanka 11aad,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Gokaha Deegaanka Degmada Ufeyn,waxay maanta iska dhex dooranaayaan Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada ufeyn. Puntland Sedex Degmo ayay kadhacdey doorasho Qof iyo Cod,kuwaasoo kala ah…. 1.Eyl 2.Qardho 3.Ufeyn. Ufeyn,ayaa noqon doonta Degmadii ugu horeysey ee soo saarta Duq Magaalo oo kusoo baxay Codka Shacabka. 27 -xubnood oo 8 ka mid ah ay Gabdho yihiin oo lasoo doortay 25/10/2021,ayaa maanta la wareegaya talada Degmada. Dib udhac 6-bilood gaaraya,ayaa ku yimid dhismaha 3-da Degmo ee Eyl,Ufayn iyo Qardho,waxaana in badan cabasho kasoo gidbiyay Ururada Siyaasada. Dowlada,ayaa lagu tuhmayaa in ay ka carootay Doorashadii Degmooyinkaas oo looga adkaaday. Sida la filayo Ufeyn,waxaa…
Waxaa qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanada hoos ku qoran: Samira Maxamud Haji AS#51Saynab Ismail Mohamed AS#45Mohamed Abdi Osman AS#49Daud Abdikarim Sh Omar GSH#014Farhan Ali Hussein AS#47Abdulrahman Ahmed Osman GSH#010Mohamed Farah Nur GSH#192
Hadal jeedinta Senator Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade oo maanta qaatay kaarka Aqoonsiga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad,hoos ka daawo hadal jeedintiisa. Halkan ka daawo muuqaalka
Maxamed Xusseyn Rooble waxaa dagaal naf dilid ah kuwada labo koox labadaasi koox waxay kala yihiin sida tan.. 1.Koox joogta Gudaha madaxtooyada Villa Somaliya oo leh ciidamo ciidamadaasi waa isla kuwa Dowladda federaalka Somaliya mar kasta ayey ciidamadaasi soo galaan kana baxaan madaxtooyada Villa Somaliya waxayna madaxtooyada Villa Somaliya kasoo galaan dhan kasta Albaab kasta. 2.Kooxda Labaad waa Ururka Alshabaab waxay leeyihiin Adeegayaal isla Ciidamada Dowladda federaalka dhexdooda ah Gudiga shuurada ururka Alshabaab ilaalada layiraahdo Xisbada iyo Amniyaadka Ururka Alshabaab oo shaqada fuliya dhamaantood guul ayey u tahay isku dhaca Farmaajo iyo Rooble sababtoo ah wada shaqeyn xoog badan iyo…
Barnaamijka Galka baarista ee uu daadiheeyo Wariye Haaruun Macruuf kana baxa idaacada VOA laanteeda Afka Somaliga,ayaa ka diyaariyay warbixin hawlgalka Atmis ee badalaya kan Amisom ee nabad ilaalinta Somaliya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Dadkii ku hanti beelay Dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee Hargaysa,ayaa fariin udiray Madaxweyne Muuse Biixi hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Dhaqaalle xumada dalka iyo sicir bararka” Xukuumada Abiye Ahmed shirwaynihii Barwaaqo wixii ugu waynaa ee ay ballan qaaday wuxuu ahaa in wax laga qabto sicir bararka iyo in jaho cusub la qaado oo la isla xisaabtamo. Dhaqaallihii dalka Itoobiya wuxuu hadda u muuqda mid ay saameyen caddaadiskii ree galbeedka ee soo jiitamayay,dagaalkii waqooyiga dalka iyo caqabadaha kale dunida ka alloosan. Noloshii Bulshadu way adkaatay.Sicir barar ayaa dalka saameyay.Shidaalkii iyo maciishadii Dowladdu kabaysay ayaa cirka isku sharreeray.Wax soosarka liidata ee dalku wuxuu keenay in lacagtii dalku qiimo jabto,taas oo sababtay inaan waxbadan dunida lagasoo iibsan. Shirkadihii shidaalka Jabuti ka keenayay ayaa…
Dalka Itoobiya ayaa sheegay inay waddaan qorshe sicirka shidaalka kor loogu qaadayo.Itoobiya waxay sheegtay in hadda Dowladdu shidaalka kusoo dajiso lacag ka badan saddex bilyan oo Dollar(3-Bilyan).Qorshahan wasaaradda ganacsigu shaacisay ayaa lagu xusay in Dowladdu kala badh lacagta shidaalka kabto,si dadku shidaal jaban u helaan. Itoobiya waxay sheegtay inay dalalka dariska ka shidaal jaban tahay.Naaftada oo Jabuti ka taagan 100-Birr,ayaa Itoobiya laga siiyaa 30-Birr.”Arrintaas waxay keentay in shidaalkii aan Dollarka kusoo iibinay dib loogu dhoofiyo Jabuti ama Somaliland,oo uu qaali ka yahay”;ayaa warbixinta lagu yidhi. Itoobiya waxay qorshaynaysaa in qiimaha shidaalka la gaadhsiiyo caddadka dalalka darisku ku iibiyaan.Waxayna ka dhigan…
Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in ay cunaqabatayn dheeraad ah ku soo rogaan Ruushka Arbacada maanta, taasoo jawaab u ah eedeymaha Ukraine ee ah in ciidamada Ruushka ay dambiyo dagaal ka geysteen magaalada Bucha. Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Psaki ayaa sheegtay in Maraykanku uu cunaqabatayn ku soo rogi doono maalgashiga cusub ee Ruushka, isla markaana uu cunaqabatayn dheeraad ah saarayo hay’adaha maaliyadda ee Ruushka, iyo sidoo kale saraakiisha Kremlin-ka iyo qoysaskooda. Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in Washington ay ka fiirsaneyso cunaqabateyn dheeri ah oo lagu soo rogo laba gabdhood uu dhalay Putin. Danjirayaasha Midowga…
Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee Galmudug,ayaa sheegaya in Ciidamo amaan ay gacanta ku dhigeen Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo laba qof oo wadey. Gaariga,ayaa ka yimid dhanka deegaanka Dhagaxyaale, oo qiyaastii 50-km dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Guriceel marka gacanta lagu dhigayo. “Qaraxyada waxay isugu jiraan kuwa baabuurta lagu dhejiyo iyo jaakadaha ka sameysan qaraxyada, ee naftood halligeyaasha ay adeegsadaan, Ciidamada oo ka feejigan dhagaraha iyo shirqoolada ay maleygayaan nimankan cadowga ah baa waxay gacanta ku dhigeen gaarigan iyo raggii watayba.” ayuu yiri sargaalka oo hogaaminaya Ciidanka qabtay Gaarigaas. lama oga ilaa iyo hada bartilmaameedka qaraxyadan…
Mareykanka,ayaa ugu baaqay Labada Maamul ee Jubaland iyo HirShabelle in ay si degdeg ah ku soo dhameystiraan kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya ee iyaga ku harsan. “Waxaan ku boorineynaa Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen inay si deg deg ah u soo dhameystiraan kuraasta ka harsan Baarlamaanka,Waxaan rajeynaynaa in 14-ka April la dhaariyo Xildhibaanada cusub, waxaana boorinaynaa wada-hadal iyo isu tanaasul si loo xaqiijiyo in doorashada la soo geba-gabeeyo si nabad ah iyo iyadoo la wada ogolyahay.” ” ayaa lagu yiri qoraal caawa ka soo baxay Safaaradda Mareykanka. Warka Maraykanka oo qayb ka ah soo jeedinta…
Ururka Alshabaab,ayaa beeniyay qoraal dhowaan kasoo baxay Hey’adda NISA. “Ururka Alshabaab uu qorsheynayo weerar ka dhan ah madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha Somaliya”Ayaa lagu yiri warkii kasoo baxay Nisa. Sarkaal uhadlay Alshabaab oo Waraysi siiyay Idaacada Somalimemo oo ay badanaaba isticmaalaan,ayaa yiri.. “Sheegashada @HSNQ_NISA ay tahay mid lagu qoslo. Sarkaalkan,ayaa diiday in Madaxda Somalida ay bartilmaameed u yihiin Al-Shabaab waxa uuna ku dooday in NISA aysan lahayn awood ay ku ogaato weerarada Al-Shabaab” Alshabaab waxay kaloo iska fogeeyay in uu ka tirsanyahay shakhsiga ay Magaciisa hey’addaasi sheegtay in uu weerarkaasi qorsheynayo. Inta badan Siyaasiyiinta Somalida,ayaa ka falceliyay hadalka Nisa,waxayna ka sinaayeen tuhun…
Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxaa dhiirigelin u ah in tiro ka badan 91 boqolkiiba kuraasta Golaha Shacabka hadda la doortay. Waxaan aaminsannahay in tani ay ka dhigan tahay dardar aan la joojin karin si loo dhamaystiro kuraasta harsan si dhakhso leh. Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Dowlad Goboleedka Jubaland oo kaliya ayaan weli soo dhameystirin geedi-socodka doorashada Golaha Shacabka. Waxaan ku boorinaynaa inay sidaas sameeyaan iyadoo aan jirin dib-u-dhac, isla markaana mudnaanta siiyaan wadahadalka iyo wadatashiga lagama maarmaanka u ah soo gabagabeeynta qabanqaabada doorashada – ee gaar ahaan u socdo Jubaland – si loo hubiyo in beelaha ay khusayso ay…
Waxaa goor sii horeysay gaaray magaalada Baydhabo xildhibaano ka tirsan kuwa dhawaantan lagu doortay Baydhabo iyo Baraawe oo Muqdisho ka tagay si ay garab istaag ugu muujiyaan maamulka Koonfur Galbeed. Xildhibaannada dib ugu laabtay Baydhabo waxa kamid ah Cabdalla Xuseen Cali,ayaa sheegay in sababta ay ugu laabteen magaalada Baydhabo ay tahay inay wadatashi la sameeyaan bulshada Koonfur Galbeed qaybaheeda kala duwan iyo maamulka.
Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka,ayaa soo jeediyey in lasoo saaro tallaabo lagu xakeymayo NISA, si looga hor istaago dhaq-dhaqaaqa ay billowday. “Haddii aan la soo saarin tallaabooyin lagu xakameynayo Taliska NISA, Hey’addu waxay noqon doontaa Masrax laga soo maleego dhaq dhaqaaqyo halis ku ah Doorashooyinka,si kastaba ha ahaatee, digniintii ugu dambeysay ee Twitter-ka ee NISA waxay muujineysaa argagaxa N&N ee ku aaddan qabsoomida doorashada” Cumar Cabdirashiid,ayaa sheegay in NISA ay halis ku tahay dhammeystirka doorashada Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in digniinteedu muujineyso argagaxa N&N.
Ra’iisulwasaare Kuxigeenka JFS,ayaa maanta qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxa ayna Guddoomiyaha Guddiga ka wada hadleen dardargelinta Doorashada iyo ka dhabeynta Jadwalka Doorashada ee Guddiga FEIT. Waxa uuna bogaadiyey shaqada baaxadda leh uu guddigu qabtay inta shaqadu socotay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.
Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa dhaliilay qoraal xalay kasoo baxay hay’adda NISA oo ay ku sheegtay in Al-Shabaab ay isku dayeyso inay beegsato madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka. Qoraalkaas oo lagu daabacay bartta twitter-ka ee NISA, ayey hay’addu ku tiri “Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh.” Sheekh Shariif oo bayaan soo dhigay boggiisa Facebook ayaa yiri “Waa ayaan…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Saaladda Janaasada ku tukaday maydka Alle Ha’unaxariistee Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare oo ka mid ahaa Isimada Puntland. Masuuliyiin ka tirsan xildhibaanada heer Faderaal, Goleyaasha Dowladda Puntland, Isimmo, Culimaa’udiin iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb-galay Aaska. AHUN Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare oo dhowaan ku geeriyooday dalka Turkiga, ayaa maydkiisa maanta laga soo dejiyay Garoonka diyaaradaha ee Garoowe, halkaasi oo Madaxweyne Ku-xigeenka, Xildhibaano heer Federaal ah, Goleyaasha Dowladda, Hoggaanka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadu ay ku tukadeen salaadda janaasada. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa Tacsi u diray dhammaan…
WAR-SAXAAFADEED: Maanta 05.04.2022, Muqdisho, Soomaaliya: Waxaa maalintii afraad qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 31 Xildhibaan oo ka mid ah Mudanayaasha Labada Gole BJFS. Hoos ka akhriso magacyadooda: Abdirashid Mohamed Hidig GSH#072Said Mohamed Ali GSH#093Iftiin Hassan Iman (Baasto) AS#04Sadak Omar Mohamed (Saadaq-Joon) GSH#248Osman Ali Yusuf GSH#198Abdullahi Sheikh Ismail AS#02Muse Sudi Yalahow AS17Abdihakim Moalim Ahmed AS#13Qali Ali Shire GSH#060Sadiq Abdullahi Abdi GSH#092Maryan Farah Kahiye AS#08Ahmed Mohamed Said AS#41Mahdi Mohamed GulaidMohamed Adam Dini GSH#036Mohamed Ali Yusuf (Gaagaab) AS#50Said Ali Muse GSH#027Ismail Shire Jama GSH#142Abdiqani Mohamud Mohamed GSH#075Abdikani Gelle Mohamed AS#44Abdullahi Farah Mire GSH#228Abdullahi Mohamed Jama GSH#191Abdullahi Ali Hersi (Timacadde) AS#53Farhiya…
Ra’isalwasaaraha iyo Wakiilada Beesha caalamka,waxaa usocda kulan deg-deg ah. Kulanka,waxaa dalbaday Rooble,kadib warkii kasoo baxay Nisa. Shir jaraa’id in saxaafada loo qabanayo ayaa la sheegay markii kulanku soo idlaado.
Halkan ka daawo muuqaalka
Mulkilihii Hotel Doorbin Muqdisho oo aad ugu dhawaa xarunta Sirdoonka Nisa,ayaa geeriyooday. Ganacsadaha,waxaa lagu magacaabi jiray Xasji Maxamuud Cali Gaange rabi ha’unaxariisto. Waa Geeri ubaahan baaris oo shaki ku jiri karto.
Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay Munaasabadda dhaarinta masuuliyiinta Maxkamadda sare ee Puntland. Waxaa la dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland.. 1.Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran).2.Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare Nuur Ciise. 3.Xubnaha Maxkamadda sare.
Waxaa qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanada hoos ku qoran: Abdirashid Mohamed Hidig GSH#072Said Mohamed Ali GSH#093Iftiin Hassan Iman (Baasto) AS#04Abdullahi Sh. Ismaaciil Fartaag AS#02
Dalka Qatar ayaa sannadkan marti-gelinaya koobka dunida, isaga oo noqonaya dalkii ugu horreeyey ee muslim ah ee koobkaas lagu qabto. Inkasta oo dalkani si weyn ugu diyaargaroobay martigelinta koobka, haddana waxaa la soo sheega inay jiraan caqabado soo foodsaaraya qaban-qaabiyayaasha oo la xidhiidha dhinaca goobaha la degayo. Dalka Qadar oo aad u yar, ayaa noqonaya dalkii ugu yaraa ee martigeliya koobka dunida, halkaas oo ay isugu imanayaan taageerayaal iyo ciyaaryahanno ka kala socda illaa 32 waddan, kuwaas oo la filayo inay ka qaybgalaan ciyaaraha koobka dunida oo lagu kala qabanayo illaa sideed garoon oo ku hareeraysan caasimadda Doha. Arrimaha togan…
MOWQIFKA DOWLADDA GALMUDUG Dhuusamareeb,Abriil 5, 2022: Dowladda Galmudug waxay aad uga walaacsantahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee ku yimid hanaankii doorashada oo marayay meel gebogabo ah. Dowladda Galmudug waxay ka xuntahay doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka. Dowladda Galmudug waxay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran. Dowladda Galmudug waxay adkayneysaa baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu…
Subax wanaagsan. Shaqada Shahaado bixintu waa noo billaabatay saaka. Si habsami leh bayna u socotaa. Xildhibaanada jooga waddanka waxaan ku boorrinaynaa inay yimaaddaan xarunta guddiga FEIT, si aan uga guul gaarno yoolkeenna dhammeystirka doorashada. Caqabadaha Amni ee waddankeennu waxa kaliya oo looga bixi karaa dhammeystirka doorashada iyo dhismaha dowlad sal leh.
“Siyaasadda amniga ee Farmaajo laba tiir ayey ku taagan tahay, kan koowaad waa in maamul goboleedyada lala diriro oo Itoobiya la garabsado, iyadoo wixii ay dalbato la siinayo, tiirka labaadna waa in Shabaab is-faham lala yeesho oo dalka loo qeybiyo meel Shabaab xukumo iyo meel dowladdu xukunto, cid kalena aan xukunka loo ogolaan,” Ayuu yiri Waare. Halkan ka daawo muuqaalka
Qoraal xalay xilli dambe ka soo baxay hay’adda nabadsugidda dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay inay heleen xog la xidhiidha, in kooxda al Shabaab ay beegsanayaan madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha, Maxamed Xuseyn Rooble. Qoraal lagu baahiyey barta twitterka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay inay xogta ay heleen ay la wadaageen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarahaba. Ha’adda nabadsugidda ayaa qoraalkooda ku magcaabay xubin ay sheegeen inuu ka tirsan yahay kooxda al-Shabaab oo ay ku tilmaameen inuu qayb ka yahay qorshahaas, hase ahaatee ay hay’addu ku dabo jirto. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada…
Waa markii ugu horaysay oo masiibo ka dhacda meel Somaliya ka mid ah ay Alshabaab Tacsi ka diraan. Taasi waxay meesha ka saaraysaa tuhun jiray oo oranayay Alshabaab,ayaa gubay Suuqa Waaheen. Dhanka kale Tacsida Alshabaab waxay xoojinaysaa tuhunkii isa soo tarayay ee lahaa (Suuqa waa la gubay,waxaana fuliyay ficilkaas Dad u adeegaya Muuse hadafkuna waxuu ahaa in aan Habar-Awal lagula loolamin Siyaasada oo si gaar ah looga reebo Gar-xajis). Hargaysa Laba Suuq ayay leedahay,kuwaasoo lagu kala magacaabo Waaheen iyo Gobanimo. Waaheen Garxajis iyo Arab,ayaa ubadan Ganacsigiisa waliba Garxajis hantidiisu halkaas ayay taalay. Gobanimo,waxaa ubadan Habar-Awal. Beesha Isaaq,waxaa ka dhex jira…
DOWLADDA KOONFUR GALBEED OO JOOJISAY WADASHAQEYNTA RW ROOBLE EE ARRIMAHA DOORASHOOYINKA Baydhabo, 5ta Abriil, 2022: Dowlad Koonfur Galbeed waxay caddeynaysaa in go’aanka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid sharci darro ah oo baal marsan go’aannadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dajisay Madasha Wadatashiga Qaranka. Dowladda Koonfur Galbeed marnaba ma aqbali doonto damaca shakhsiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble oo muddooyinkii u dambeeyay xadgudub joogta ah ku hayay madax bannaanida Guddiyada Doorashooyinka. Dowladda Koonfur Galbeed waxay si dhaw ula socotay in Ra’iisul Wasaaraha uu si sharci darro ah oo dano siyaasadeed ay ku jiraan uu u hor istaagay kuraas…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseyn Rooble, waxa uu bogaadinayaa dadaalka Guddiga FEIT iyo guddoonkooda iyo xoghayeyaasha Guud ee Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee ku aaddan hirgelinta Jadwalka dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, waxa uuna sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu u hambalyaynayaa Xubnaha Baarlamaanka ee ilaa hadda qaatay Shahaadada xildhibannimo Ra’iisul Wasaaruhu waxa ku boorrinayaa xubnaha dhiman in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u qaataan shahaadada xildhibaannimo una diyaar garoobaan dhaarinta xildhibaannada si ay u bilaabaan gudashada waajibaadka dastuuriga ah. Dhinaca kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka war hayaa ficillada gurrucan ee…
Gudiga Doorashooyinka heer Fadaraal,ayaa udigay Xildhibaanada aan weli qaadan Shahaadada. “Waxaan ku wargelinayaa dhammaan Xildhibaanada aan qaadan Shahaadada Xildhibaanimo inay yimaaddaan Xarunta Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) inta aysan dhammaan mudada ku xusan Jadwalka dhammeystirka Doorashada Soomaaliya” Xildhibaanada qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, 02 ilaa 04 Bishan April, 2022,waxay kala yihiin… Abdisalam Haji Ahmed Liban GSH#038Yusuf Gelle Ugas GSH#026Mohamed Ali Omar (Caanonuug) GSH#108Mustaf Sheikh Ali Dhuhulow GSH#049Mohamed Harun Abdullahi GSH#208Mohamed Abdi Hayir Mareye GSH#225Abdirahman Mohamed Sheikh GSH#070Abdinasir Haji Shirwa Mohamed GSH#004Abdirisaq Abdullhi MoalimGSH#063Abdirizak Omar Mohamed GSH#011Mohamed Omar Aimoy GSH#005Mohamed Nur Abukar GSH#265Abdi Ahmed Dhuhulow-Dhegdheer AS#11Jawaahir Mohamed…
Halkan ka daawo muuqaalka
Dagaalka Da’da,ayaa bilaabanaya goordhow,waxaana lagu tartamayaa cida sii noqonaysa Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka. Jen.Mahad Cabdirahmaan Aadan Taliyaha Ciidamada Asluubta oo xildhibaan noqdey Da’diisu waa 67-jir. Dhabancad oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorto Galmudug,ayaa jira 78-sano. Jen.Shaahiyow oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorto Jubaland,ayaa isaguna jira 67-sano. Maalmaha soo socda,waxaa bilaaban doona tartanka Da’ada,waxaana dhici karta in wax ka badal uu yimaado. Kooxda Fahad,waxay isku dayi karaan in ay Jen.Mahad ukordhiyaan Da’da oo dhaafiyaan Xildhibaan Dhabancad. Meesha kaliya ee laga qaadan karo Da’da Qofka ee hada la awoodo waa Basaboorka. Jibril Qoobey.
Gaalkacayo-: 4 april 2022: Kusimaha wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Iyo DDR ee Dawladda Puntland Cabdullaahi Cabdisalaan Xassan oo u waheliyo Taliyaha Ciidanka booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi Iyo masuuliyiinta Gobolka Mudug ayaa maanta dhagaxdhigay dhismaha cusub ee ay yeelanayaan Ciidanka ilaalada Wadooyinka Puntland. Munaasabadda dhagaxdhiga waxaa goob joog ka ahaa Hogaanka ilaalada Wadooyinka Puntalnd,Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug,Gudoomiye ku xigeenada Gobolka,Gudoomiye kuxigeenka Degmada iyo masuuliyiin kale. Dhismahan habka casriga ah loo dhisayo,ayaa la filayaa in ay ku shaqeeyaan Ciidanka ilaalada Wadooyin,waxuuna door weyn ka qaadan karaa xoojinta Ciidanka Taraafikada ee dayacan.
Biyo xireenka Degaanka Washington ee Degmada Baargaal. Biyo xireenkan oo ay shaqadiisu socoto muddo illaa sadex bilood ku dhow,ayaa dhulka joog ahaan ka hooseeya 5-mitir dherer ahaana gaaraya 80-mitir. Waa Mashruuc ay kawada shaqsynayaan Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland oo iyo Bangiga Aduunka oo bixinaya maalgalinta.
Isaga iyo Xoghayihii shaqada laga cayriyay,ayaa soo galay xarunta ay ka socoto bixinta Shahaadada Xildhibaanada,waxayna ka bilaabeen buuq iyo qaylo. Marmarsiiyo waxay ka dhiganayaan Gudoomiyuhu hanala fariisto,taasoo Muuse diiday. Balse ujeedka dhabta ah waa in ay waxuun fawda ah sameeyaan,waxayse ilowsan yihiin in ay ku dhici waayeen kuwa iyaga soo diray in ay hor istaagaan shaqada socota. Jibril Qoobey.
Kusimaha Madaxweynah Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Kooxda Ilaalinta Xuquuqul Iinsaanka UNSOM ee Somaliya Mrs Kirsten Young Ahna Wakiilka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR) iyo wefti ay hogaaminayo. Kulanka ayaa looga hadlay arimo ay ka mid yihiin… 1.Xaalada xuquuqul Aadanaha ee Puntland, 2.Hir-gelinta Xeerka Caalamiga ah ee dhowrista Xuquuqda Maxaabiista iyo xukunka da’yarta lagu helo dembiyada culus. 3.Dhismaha xarunta dhaqan celinta da’yarta, 4.Horumarinta iyo Dhisidda Xabsiga Galkacyo. 5. Xarunta Maxkamadda Ciidamada, 6.Tababarka Garsoorka dhanka shuruucda Caalamiga ah. 7. Xoojinta Xaafiiska xuquuqul Aadanaha Puntland iyo dhisida xarunta dhexe…
Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaa Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qaatay tiro Xildhibaano ah oo uu ku jiro Wasiirka Kalluimeysiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale Xildhibaanada kale ee qaatay Shahaadada ilaa iyo hada,ayaa kala ah… Ibrahim Awgab Osman AS#06Hassan Idow Mohamed A#22Nor Mohamed Gedi AS#10Abdiwahab Abdi Omar GSH#270Mohamud Abdullahi Ahmed (Abuukaate) GSH#006Yusuf Ibrahim Afrah (Kabaale) GSH#033Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) GSH#058Malik Ibrahim Abdalla GSH#66Ifrah Mohamed Awed GSH#037Abdirahman Mohamed Mohamud (Faroole) AS#46.Fardowsa Osman Egal GSH#232Saredo Mohamud Hassan (Jeyte) AS#54Deeqo Hassan Hussein AS#51Cabdisamad Yusuf Mohamed AS#52Mohamed Bashiir Ali GSH#083Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore)GSH008.Cabdillaahi Bidhaan Warsame GSH#235.
Rooble Dadku inta badan way ku jahwareersanaayeen sida uu ushaqeeyo. Balse xogo,ayaa sheegi jiray in uu hadaf dajistay oo uu ku taagan yahay ka miro dhalintiisa. Qorshahaas,waa lagu murmi jiray oo wax badan,ayaa layska waydiin jiray jiritaankiisa.. Balse mid-mid ayay uhirgaleen oo loo arkay.. 1.Xamar,ayuu colaad sokeeye ka badbaadiyay. 2.Fahad,ayuu xilkii Agaasime ka qaaday oo Goobe udhiibay,kadib qaraxii ka dhacay,waxaa lagu baandhaystay in Villa-da loo daayo Yaasiin Farey oo ay keentay Rooblena helo Labo Wasiir. 3.Jubaland,ayaa Kursigii Cabdiraxmaan Dheere oo ah Fahad Gacantiisa Midig lagu cunay. 4.Puntland,ayaa Kuraastoodii Dhulka looga jiiday tiro Wasiiro ah oo Nisa toos ugu xirnaa. 5.Galmudug,ayaa…
1.Waxuu la kulmay Agaasime Waaxeed hoose ee uma suuroobin in ay is arkaan Agaasimaha Guud,taasoo muujinaysa hoos udhigid. 2.Kulanku ma’ahayn mid rasmi ah oo Shirkadu waxay kasoo saari lahayd Warmurtiyeed. 3.Ma jirin heshiis ama Qodobo macno leh oo kasoo baxay kulanka oo la tilmaami karo. 4.Waxaa kulanka fadhiyay Xasan Deni oo maqaamka uu ku fadhiyay Goobta ay ahayd in uu Madaxweyne Deni la dhashay,taasoo ceebaynaysa Dowladnimada. 5.Agaasime Waaxeed-ka DP World waxay ahayd in loo diro ugu sarayn Agaasimaha Guud ee W.Dekedaha. Isku soo duuboo dhan walba oo laga eego kulankii DP World iyo Weftiga Puntland ee Madaxweynuhu hogaaminayay,waxuu ahaa mid…
Rooble lacagta uu ufasaxay Somaliland waa mid kabid Miisaaniyadeed ahayd oo ay ugu deeqeen Somalida Deeq bixiyayaasha caalamka. Lacagtaas way qaateen qoondadii ay ku lahaayeen Maamulada kale. Balse Somaliland qoondadii ay ku lahayd Lacagtaas,waxaa hor istaagay Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday ee Farmaajo,waxuuna ku xiray shuruud ahayd.. In ay soo raadsadaan Lacagtaas oo ay yimaadaan Xamar ama in Wasiir Beyle in keeno oo uu tago Hargaysa,taasoo SL ay iska diiday. Waa mid ka mid ah dhaqamada iyo aragtiyada uu Dalkan geliyay Farmaajo mudadii uu dalka soo hogaaminayay. Ma dhicin Madaxweyne ka horeeyay Farmaajo oo sidaa ula dhaqmay SL oo ka…
Kama darin iftiimintayadii oo Deni,waxuu aqbalay in uu Bulshada ogaysiiyo halka uu joogo iyo waxa uu ujoogo. Maanta,waxuu la kulmay Madaxda Shirkada DP World ee maamusha Dekeda Bosaso. Sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay barta FC-ga Madaxtooyada Puntland,waxaa laysku afgartay in dhakhso loo dhaqaajiyo balaarintii iyo dhismihii Dekeda Bosaso oo mudo laga sugayay DP World. Inkastoo uusan warkan faahfaahsanayn hadana,waxuu dhaamaa ugu yaraam isqarintii Bulshadu karahsatay. Waa bogaadinaynaa in Deni garowsaday in uu sido maqaam Umadeed oo uusan ahayn Ganacsade dantiisa ubaxay. Dhanka kale,Madaxweyne Deni,waxuu booqasho ugu tagay Garaad Saleebaan oo xaalad caafimaad ujooga Dubai. Jibril Qoobey.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble ayaa kulan la leh Ganacsatada Somaliyed, kaas oo looga hadlayo sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii ku hanti beeshay dabkii weynaa ee baabi’iyay suuqa weyn ee Hargeysa. Kulanja Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble uu la yeeshay ganaacsatada Somaliyed,ayaa Looga hadlayay sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii Dabkii weynaa ee baabi’iyay suuqa weyn ee Hargeysa. Kulanka,ayaa looga dhawaaqay lacag gaareysa 3-Milyan oo Dollar taas oo 1-Milyan oo ka mid ah ay bixineyso XFS halka 2 -Milyan oo Dollar ay bixinayaan Ganacsatada Somaliyed.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS. Lacagtan,ayaa ahayd deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland. Lacagtan,ayaa Ra’isalwasaaruhu u amray fasixideeda si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.
WAR SAXAAFADEED: Maanta; 03.04.2022, Muqdisho-Soomaaliya: Maanta oo ay ahayd maalintii labaad ee Bixinta Shahaadada Xildhibaanimo ee ka socotay Xarunta Guddiga FEIT, Waxaa qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanada hoos ku qoran, kuwaas oo isugu jira Mudanayaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare, oo ka kala yimid; Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Somaliland, Puntland iyo Jubband. Sheikh Adan Madoobe GSH#189Shariif Abdalla GSH#085Abdillahi Abdi Mohamed GSH#264Hussein Mohamed Nur GSH#051Ahmed Abdi Hashi (Ahmed Taajir) GSH#166Mohamed Abdullahi Keyse GSH#073Sadiya Yasin Haji Samatar GSH#129Hassan Abdi Ismail GSH#217Omar Ibrahim Hashi GSH#114Roda Arab Abdi GSH#219Khadra Mohamed Tukale GSH#274Sahra Olad Abdi GSH#018Zamzam Dahir Mohamud AS#12Leila Ahmed Ismail…