Author: Jibril Qoobey.

Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo Danab ayaa Duleedka Deegaanka Cadalle ku qabtay Maleeshiyaadka ka tirsan Al shabaab iyo Gaari ay kasoo buuxiyeen Walxaha Qarxa. Daraawiishta Galmudug ayaa xaqiijiyay inay Maleeshiyaadkaan iyo Gaarigii ay wateen Ciidanku gacanta ku dhigeen ka dib Howlgal qorshaeysan oo laga fuliyay inta u dhaxeeysa wisil iyo Bajeela. Saraakiisha waxay tilmaameen inay Maleeshiyaadku doonayeen inay qaraxyo dhigayaan Wadada Gaalkacyo iyo Hobyo laakiin Ciidamada oo ka war helay Dhagarta Nabad diidka Al shabaab ay waqti ku bixiyeen sidii Gacanta loogu dhigi lahaa ayna Suuro-gashay. Xigasho:-Galmudug Tv.

Read More

Waxaa qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanada hoos ku qoran: Salah Ahmed Jama AS#34Guled Bihi Abdi GSH#255Ahmed Osman Dirie GSH#233Abdinur Ali Aden GSH#028Mohamed Sheikh Noor Osman GSH#107Abas Ali Ibrahim GSH#111Mohamed Abukar Ali GSH#025Adar Hared Jibril GSH#132Mohamed Abdurahman Nadif GSH#124Bihi Iman Egeh GSH#237Abdiqani Ismail Said GSH#241Mohamoud Abdirahman Omar GSH#272Adnan Osman Elmi GSH#236Omar Yusuf Qaladid GSH#136Ahmed Mohamud Jama GSH#029Nasro Mahdi Arale GSH#023Leylo Nur Maah AS#07Sahra Jama Ali GSH#134Dr. Ahmed Adam Ahmed GSH#127Hassan Dahir Yarow AS#05Zaynab Mohamed Amir GSH#267Asad Abdirisaq Mohamed GSH#120Yusuf Mohamed Ismail GSH#118Ilyas Badal Gabose AS#01Mohamed Hassan Adam GSH#133Hamza Abdi Barre GSH#203

Read More

Ra’isal wasaaraha Pakistan, Imran Khan, ayaa ka badbady cod kalsooni kala noqosha ah oo awoodda lagaga xayuubinayey hase yeeshee gudoomiye ku xigeenka baarlamanku ku sheegay sharci darro. Go’aankaas ayaa waxa ka dhashay mudaharaadyo ay dhigayaan xisbiyada mucaaradka ah oo sheegay in ay haatan dacwad u gudbinayaan maxkamadda ugu sarraysa dalkaas. Imran Khan ayaa ku sheegay arintaas shirqool Maraykanku wado hase yeeshee Washington way ku gacansaydhay eedaaas. Mr Khan ayaa ahaa nin si weyn uga soo horjeeda musuq maasuqa, waxaana uu xisbiyada mucaaradka ku eedeeyay inay lacago ku bixiyaan xubnaha baarlamaanka si ay isaga u codeeyan, eedeymahaas oo ay beeniyeen kooxaha…

Read More

Warshad saliidda sifeysa oo ku taal bartamaha Ukraine ee magaalada Kremenchuk ayaa gebi ahaanba ku burburtay weerar uu Ruushku ku qaaday xaruntaas, guddoomiyaha gobolka Poltava ayaa sidaa u sheegay telefishinka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. “Dabkii ka kacay warshadda sifaynta waa la damiyay, laakiin gebi ahaanba xarunta ayaa baaba’day, mana sii shaqayn karto,” Lunin Dmytro Lunin, guddoomiyaha gobolka Poltava ayaa sidaasi yiri. Wargeyska The Independent ee ka soo baxa Kyiv ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in weerar gantaal oo ku dhacay warshadda sifeysa saliidda uu burburiyay – oo ah tan ugu weyn Ukraine. Kremenchuk waa xarun…

Read More

Ra’isul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa Axadda maanta ah ka badbaaday tallabo lagu doonayey in xilka looga tuuro, kadib markii guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka uu hor istaagay mooshin kalsooni kala noqosho ah oo uu ku tilmaamay mid aan dastuuri ahayn. Inkasta oo uu badbaaday, hadana jihada Khan weli cadda, iyadoo mooshinkan uu horseeday xasillooni darro siyaasadeed oo cusub oo ka dhacda waddanka heysta hubka nukliyeerka ah ee 220-ka milyan oo qof ah. Mucaaradka ayaa isla markiiba wacad ku maray inay kahortagayaan horistaagga codbixinta, oo uu sameeyay xubin ka tirsan xisbiga Ra’iisul Wasaaraha, halka Khan uu kula taliyay madaxweynaha dalka inuu…

Read More

Khabiirka Madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Isha Dyfan ayaa ugu baaqday xukuumadda Soomaaliya inay si deg deg ah u joojiso dhammaan xukunada dilka ah. Isha ayaa baaqan jeedisay kadib markii ay booqash ku bixisay Soomaaliya 28-kii Maarsho ilaa 2-dii April, taasi oo ay ugu kuurgashay xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya. Khabiirka ayaa dhaliishay sida loola dhaqmo iyo xaaladaha ka jira jeelasha Soomaaliya, kuwaasi oo ay sheegtay “inay aad uga hooseeyaan heerka caalamiga ah.” “Xabsiyadu aad bay u buux dhaafiyeen dadka waawayn iyo kuwa aan qaan-gaarin ee la xirxirey mar walbana lama kala saaro. Waxaa…

Read More

Guddiga doorashooyinka Heer federaal,ayaa maalintii 2-aad wada bixinta shahaadada xildhibaanimo si habsami leh. Maanta,waxaa qaatay Xildhibaano laga soo doortay maamulka KGS oo kalsoonidii kala laabtay Gudiga Doorashooyinka heer Fadaraal. Waa talaabo dhabarjab ku ah Laftagareen oo laga reebay 3-ka mid ah Xildhibaanada KG kasoo baxay kuwaasoo loo tiriyo in ay isaga la jaal yihiin. Sidoo kale waa waji gabax iyo fariin ku socota Fahad oo ku xisaabtamayay in reer KG aysan cidlo uga tagayn. Xildhibaanada Maanta Shahaadada qaatay,waxaa ku jira Siyaasiga culus ee Sh.Aadan Madoobe oo usharaxan Gudoomiyaha Baarlamaanka laguna xamanayo in ay Sh.Shariif gacansaar leeyihiin. Dadka falanqeeya siyaasada waxay…

Read More

Ciidamada booliska Kenya ayaa sheegay in ay ku guulaysteen inay gacanta kusoo dhigaan ilaa 17-qof oo lala xiriirinayo inay qeyb ka ahaayeen weerar dhagax tuur ahaa oo lagu qaaday diyaariyada uu la socday musharaxa xisbiga Azamio, horayna u soo noqday Ra’iisal Wasaaraha Kenya Rail Odinga. Xubno ka tirsan Xisbiga Azimio ee Raila,ayaa falkaas ku tilmaamay shirqool loo maleegayay hoggaamiye Raila Odinga.

Read More

Taariikh,ayuu sameeyay haduu ku adkaysto oo uusan udabcin cadaadisyada ama uusan Qiimo dhaqaale ku badalan guusha uu keenay. Waa Ninka sida tooska ah Fahad uga tuuray Kursiga Xildhibaanimo Gudoomiyaha Gudiga Doorashada heer Fadaraal. Xaqiiqdii macno weyn ayay leedahay in Fahad laga hor istaago ka dhex muuqashada Hay’ada Sharcidejinta Jamhuuriyada. Fahad waa khatar Qaran oo muuqata ee xataa ma’ahan mid dadban ama qarsoon. Gudoomiyuhu bogaadin buu ku mutaystay in uu bilaabo bixinta Shahaadada iyo ku dhiirashada Jadwelkii deganaa. Horay usoco,waxaad haysataa taageerada Shacabka intiisa badan,Xukuumada inteeda muhiimka ah iyo Beesha Caalamka. Dowladnimada Somaliya oo Fahad ka maqan yahay waa Aamin. Jibril…

Read More

Gaas marna lagama filayn in uu xataa si dadban ugu noqdo Fahad taageero. Sababtoo ah Gaas ma’ahan Qof Ajanabiya oo wax laga waydiiyay Arimaha Somaliya ama ma’ahan Faaloode madax banaan. 1.Waa Muwaadin Somaliyed oo damiir Wadaniyadeed looga fadhiyo. 2.Waa Ra’isalwasaarihii Jamuhuuriyada mar soo xukumay oo masuuliyad gaar ah ay saaran tahay. 3.Waa Madaxweynihii Puntland oo masiirka Dadkaas ay tahay in uu utoog hayo si gaar ah. Si walba oo aad isku diidan tihiin ama aad usaluugsan tahay hogaamiyaha markaa fadhiya Qasriga Buurta saaran ee Garowe khatarta Umadu waa mid. Siyaasiga hadana noqda hogaamiyaha saamayn,ayuu ku leeyahay Bulshada ay tahay in…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Puntland ee leh tixgelin maxaliya iyo mid heer caalamiba leh,waxuu ku gaaray Imaaraadka socdaal. Waa socdaal ay muuqato in isagu iskiis ugu baxay oo aan casuumad ka haysan Dowlada Imaaraadka. Waxuu ka degay Dubai ee kama degin Abu-dhabi,taasoo cadayn u ah in uusan Saldanada ka haysan soo dhaweyn. Dubai waa magaalo siyaabo kala duwan loo tago oo xataa ay ku jirto arin Siyaasadeed,badanaase Wafuudaha haysta casuumadaha Saldanada waxay ka degaan Abu-dhabi. Mid kale oo sii xoojinaysa hadal hayntaas waa in aysan jirin wax Diblomaasiya oo ugu tagey garoonka oo uu la mid ahaa Ganacsade Doon soo raranaya. La…

Read More

“Labada dhinac ee siyaasadda isku haya waxay ka dhex hadlayaan guddiga doorashada, markii horena guddi fiican oo shaqadiisa gudanaya ma aheyn, howshii laga rebay guddigaas ma qaban, waxa hadda isku jawaabayana ayaga maahane, cid kale ayaa ka dhex hadleysa,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas. Gaas oo la hadlay BBC,ayaa waxaa kaloo la weydiiyey go’aanadii ka soo baxay Hir-Shabelle iyo Koonfur-galbeed,Ayuu yiri. ‘“Afarta kursi sababta ay liiska uga reebeen Guddigu ma aysan sheegin, dalka dhan doorasho kama socon ee xulasho aan xalaal aheyn,ayaa ka socotay, marka maxaa afar kursi loo qabsanayaa? Waa in guddoomiyuhu uu dadka u sheegaa sababta,”. Gaas oo hasalkiisa…

Read More

Guutadii 331 ee ahayd Xulka Ciidamada Ruushka aadna loogu hanweynaa oo marka ay Dhoolatus samaynayaan,iyagoo Dalaayado uga soo boodaya Diyaaradaha aad maqsuud looga noqon jiray,ayaa Ciidamada Mintidka ah ee Ukrain waxay ka dhigeen Bisad,waxayna ugaystayn Jab weyn. 39-Askari oo uu ku jiro Talyihii Guutadaas ayay dileen Ciidamada Ukrain. Guutada 331-aad e Ciidamada Ruushka oo lagu rajo weynaa in ay hormuud ka noqdaan guusha dagaalka,ayaa hadda u muuqda in ay yihiin kuwa burburiyey hamigii Ruushku u ka lahaa dagaalka Ukrain. Ujeeddada howlgalka Ciidamadaas Cirka ee loo yaqaan VDV,ayaa ahaa qabsashada caasimadda Ukraine ee Kyiv. Jibril Qoobey.

Read More

28-Qof ayaa dhaawacyo kala duwani ka soo gaareen Dabkii xalay ka kacay suuqa Waaheen ee bartamaha magalada Hargeysa. Sidoo kale Boqolaal Ganacsi iyo Dhismooyin,ayaa ku bas beelay. Suuqan oo Bedka uu ku fadhiyo lagu qiyaaso ilaa Shan kiiloomitir oo laba jibbaaran,ayaa waxaa gabi ahaanba baab’iyey dabki ka kacay oo socday 20-saacadood waxaa ku gubatay ‘Hanti Malaayiin Doolar ah.’ Inkastoo masiibada dhacday ay tahay mid rabaani ah hadana,waxaa la iran karaa in Wado xumida Suuqa ay sababtay. Gurmadka Dabka Suuqa ka kacay,waxaa ka qayb qaatay Dowlad Deegaanka Somalida oo soo diray Gurmad dhakhso kusoo gaaray. Halkan ka daawo muuqaalka Jibril Qoobey.

Read More

Taariikh: Suuqa Waaheen ee Hargeysa Suuqa Waaheen, wuxuu sidan oo kale u gubtay 26,June 1969. Markiiba waxa yimid Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaake, wuxuu siiyay dadkii khasaaruhu gaadhay 80% wixii halkaas kaga gubtay. Sidoo kale Masjid Jaamaca Hargeisa ayuu siiyay 50,000 shiling oo u dhigmaysay kala badh khasaaraha suuqa gaadhay. Source: Somaliland Affairs (Archive)

Read More

Ciidamada Ruushka ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga baxeen garoonka diyaaradaha ee Hostomel oo ku dhow caasimadda Ukraine, kaas oo tan iyo markii uu bilowday dagaalka uu ka socday dagaal, sida ay sheegeen sirdoonka militariga UK. “Ciidamada Ukraine waxay sii wadaan inay iska caabiyaan ciidamada Ruushka lagana saaro agagaarka Kyiv,” Wasaaradda Difaaca UK ayaa sidaas ku sheegtay warbixin ay soo saartay subaxnimadii hore ee Sabtida. “Dhinaca bari, Ukraine waxay dib u qabsatay dhowr tuulo. Ciidamada Ukraine waxay xaqiijiyeen inay la wareegeen waddo muhiim ah oo ku taal bariga Kharkiv ka dib dagaal culus,” ayay wasaaraddu ku dartay. Garoonka Hostomel…

Read More

Ra’iisal wasaraaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya, Maxamed Xuseyn Rooble ayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo guddoomiyehooda Muuse Geelle Yuusuf ugu hambalyeey howsha bixinta shahaaddooyinka xildhibaannada la soo doortay ee baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.Sida lagu sheegay farrin lagu baahiyay bogga Facebook ee ra’iisal wasaaraha.Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku bogaadiyay xildhibaannadii u horreeyay ee maanta qaatay shahaaddooyinka, isaga oo sheegay inuu rajeynayo in howsha shahaado siinta iyo dhaarinta xildhibaannadu ku soo idlaato ka hor xilligii loo asteeyay.Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT),ayaa maanta oo sabti ah magaalada Muqdisho ka bilaabay diiwaangelinta xildhibaannadii shalay natiijooyinkooda uu shaaciyay guddiga heer federaal.Guddoomiyaha Guddiga…

Read More

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay kalsoonidii ay kala laabatay guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal. Koonfur Galbeed ayaa sheegtay inay tallaabadaasi qaadday kaddib markii guddigaasi uu takoor kula dhaqmay maamulkooda. Arrintan ayaa waxa ay soo baxaysaa xilli maanta magaalada Muqdisho laga wado diiwaangelinta xildhibaannadii shalay natiijooyinkooda uu shaaciyay guddiga heer federaal.

Read More

Shirkii ugu horreeyay ee Midowga Yurub iyo Shiinaha muddo laba sano ku dhow ayaa dhacay Jimcihii shalay, waxaana Midowga Yurub uga digay Shiinaha in uusan taageerin dagaalka Ruushka ee Ukraine ama uusan faragelin cunaqabateynta caalamiga ah ee ka dhanka ah Moscow. Shir madaxeedkan oo socday laba saacadood oo qura ayaa ahaa qaab fogaan-arag ah, wuxuuna shirkan ku guuldareystay inuu yareeyo kala duwanaanshaha ba’an ee u dhexeeya dhinacyada dagaallamaya.Madaxa Midowga Yurub Ursula von der Leyen oo kulanka kadib warbaahinta la hadashay ayaa soo bandhigtay qiimayntan ku saabsan waxa ay saraakiisha Midowga Yurub ku tilmaameen in ay yihiin kuwo si hufan oo…

Read More

Kooxaha ku dagaalamaya dalka Yemen ayaa markii ugu horraysay muddo toddoba sano ah ku heshiiyey xabbad-joojin dalka oo dhan ah oo soconaysa muddo laba bilood ah, taas oo la filayo inay horseeddo in xoogaga Xuutiyiintu inay awood u yeeshaan inay la soo degaan shidaal iyo inay bilaabmi karaan duulimaadyadii tegi jiray caasimadda dalka Yemen ee Sanca, sida uu sheegay ergeyga Qaramada Midoobay. Dhexdhexaadinta ay Qaramada Midoobay ka dhex waddo isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo iyo kooxda Xuutiyiinta ee garabsaarka la leh dalka Iran, ayaa ah tallaabadii ugu mudnayd ee loo qaaday, in xal waara laga gaadho colaadda dalka Yemen, oo ay ku…

Read More

Guddiga Doorashada Heer Federal ee FEIT,ayaa Sabtida maanta ah bilaabay bixinta shahaadada xildhibaannimo ee xubnaha Baarlamaanka 11-aad Federalka Soomaaliya, waxaana xildhibaankii ugu horreeyay ee qaata shahaada uu noqday Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug), sida uu goor dhaweyd shaaciyay guddigu. Guddiga doorashada,ayaa shalay ku dhawaaqay liiska xildhibaannada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, iyaga oo xildhibaannada ugu baaqay inay qaatay shahaada, si loo dhammeystiro jadwalka doorashada. Ilaa iyo hada Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaa qaatay, xildhibaanada kala ah: Abdisabir Nur Shurie HoP#071Mahad Mohamed Salad HoP#147Omar Shariif Mohamed HoP#266Mohamud Abdulkadir Haji- Jeego HoP#084Abdikarim Abdow Haydar HoP#252Ali Mohamed Omar HoP#115Hussein Kasim Idow HoP#043Omar Ali Abdi…

Read More

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa maanta Shir-gudoomiyey shirka Amniga Puntland oo looga hadlay xoojinta Amniga guud ee Puntland iyo dar-dargelinta hawl-galada lagu beegsanayo Kooxaha nabadiidka ah ee Alshabaab. Madaxweyne ku xigeenka,ayaa faray Saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida in ay feejignaan dheeri ah sameeyaan inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Read More

Wararka ka imanaya magaalada Hargeisa ayaa sheegaya in dab xooggani uu caawa fiidkii ka kacay, suuqa weyn ee ku yaalla bartmaha magaalada Hargeisa., iyada oo ciidamada dabdamiska iyo Dawladda Hoose ee magaalada ay ku guda jiraan gurmad lagu deminayo dabka. Duqa Caasimadda Hargeisa Cabdikariin Axmed Mooge oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dabkani uu burburiyey hanti aad u badan, hase ahaatee aanay illaa haatan jirin wax khasaare nafeed ah oo uu geystay. Wuxuuna baaq u diray maayarada magaalooyinka kale ee Somaliland inay gurmad u soo diraan. Suuqa bacadlaha ah ee Waaheen ayaa ayaa ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeisa,…

Read More

RAMADAAN WANAAGSAN. Ku-simana Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shacab weynaha Puntland ugu hambalyeeyay bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan. “Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Hambalyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba gaar ahaan Shacabka reer Puntland Alle weyne Subxaanahu Watacaalaa ayay mahadi u sugnaatay nabad iyo Caafimaad inagu soo gaadhsiiyey bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan, Ebbe ha unaxariisto intii aan wakhtigu ku simin inta xanuunsana ha caafiyo. Walaalayaal bishani waxay kusoo beegantay xili Abaaro ay ka jiraan deegaano badan oo ka mida dhulka Soomaalida sidaas darteed waxaa la inooga baahan yahay in aynu caawino…

Read More

Wargelin muhiim ah: Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) wuxuu ku wargelinayaa in Xildhibaanada jooga Muqdisho ay billaabanayso Barri Subax bixinta shahaadada Xildhibaannimo. Sidaas darteed, waxaa lagu wargelinayaa inay yimaaddaan Xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotel Saacaddu markay tahay 8:00AM (Aroornimo), Taariikhda: 02/04/2022. Sidoo kale Xildhibaanada Gobollada iyo Dalka Dibeddiisa ku maqan waxaan ku wargelinaynaa inay yimaaddaan sida ugu dhakhsaha badan, si loo hirgeliyo Jadwalka Dhammeystirka Doorashada ee GHDHF ay soo saartay. -Dhammaad-

Read More

“Deni oo loogu baaqay in uu iscasilo” Xildhibaano,Siyaasiyiin iyo waxgarad reer Puntland ah oo ku sugan Nayrobi,ayaa soo saaray Baaqku aadan xaalada Puntland. Baaqa,ayay ku sheegeen in Puntland ay marayso meel halis ah,maamulka talada gacanta ku hayana uu dhaxalsiiyay.. B.Colaad sokeeyeT.Dhaqan burbur.J.Maamul xumo. Baaqa,ayaa uqirnaa sida tan… 1.Isimada Puntland in ay shir guud isugu yimaadaan kaasoo lagu xallinayo.. B.Wixii ay khaldeen maamulka talada haya, laguna soo celinayo kalsoonidii beelaha walaalaha ah ee Puntland wada dhistay. T.Lagaga wada hadlo inaanay dowladnimadu ahayn wax laysku dulmiyo ama lagu kala aar goosto, laguna soo saaro fikir wadajir ah oo dib loogu hagaajinayo Puntland…

Read More

Wareegtooyinka xilka qaadista iyo xil magacaabista ee uu Deni sameeyay kuna astaysan 1-da Bishan waa sharcidaro baalmarsan Dastuurka. Laba Qodob ayay Sharcidaro ku yihiin Wareegtooyinka Madaxweyne Deni kaga qaaday xilka Talyaha Qaybta Karkaar kuna magacaabay hogaanka ilaalada Canshuuraha iyo xoghayaha Rugta Ganacsiga. 1.Dalka,ayuu ka maqan yahay oo waxuu baxay shalay Subax. 2.Maanta oo 1-da Bisha ah waa fasax Jimcaad sharciyana majiro Xaafiis Dowladeed oo furan. Dadka falanqeeya siyaasada,ayaa qaba in wareegtooyinkan ay Mashkax lagu tijaabinayo M.xigeenka oo Dastuuriyan isagu hada ah Madaxweyne buuxa. Ilaa iyo hada Axmed Karaash kama hadlin lamana oga sababta uu uga aamusan yahay. Jibril Qoobey.

Read More

Ugu yaraan 33-Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ka mid ah,ayaa loo daabulayaa Xamar. Ujeedka daabulaadu waa in aan Madaxweyne Deni gadaashiisa laga adeegan,waxayna la joogayaan Xamar inta Doorashadu dhinac udhacayso. Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abwaan Jibriil,ayaa isaguna aadaya fasax Ingiriiska ah oo Madaxtooyadu ku casuntay. Madaxweyne Deni cid uu aaminayo majirto,wal-walka ugu weyn,waxuu ka qabaa M.xigeenks Axmed Karaash iyo kooxda Sxb-ka dhow la’a ah ee Aaran-shaydaan in ay isgaanbuursadaan oo ay karkaarka waydaariyaan. Jibril Qoobey.

Read More

Safarkiisa Imaaraadka,waxuu daaran yahay hal ujeedo oo ah Lacag raadis ah. Imaaraadku horay Shilin uma siin hadana uguma jiro 3-da Qof ee ay ku bari taarayaan Doorashada,sida ilo muhiim ah xaqiijinayaan. Deni,waxuu ku dadaalayaa markan Laba arimood midkood,kuwaasoo kala ah.. 1.In uu waxuun soo helo. 2.In uu been guur sameeyo. Inta badan Xildhibaanadii lagu doortay Puntland,waxuu ku amray in ay sugaan. Ujeedkiisu,waa haduu wax soo waayo iyo haduu soo helaba in uu iyaga ku yiraahdo dhaqaalihii gacantaan noogu hayaa si aysan uga tagin,sida xog ogaalku xaqiijinayaan. Ilaa iyo hada dhaqaalaha uu wax ku wadey,waxuu ahaa mid ka yimid Miisaaniyada Dowlada…

Read More

Kani waxa uu ahaa mashruuc siyaasadeed oo horseedi karay in isbaddal weyn lagu sameeyo hannaanka siyaasadeed ee Kenya iyo dastuurka. Maamulka waddanka Kenya ayaa u ololeynayay in wax laga baddalo dastuurkii la ansixiyay 2010-kii, si dowladda loogu yeelo waji kale. Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah shacabka gobollada ayaa ka soo horjeestay mashruucan, balse waxa uu u muuqday mid dadaal badan lagu bixinayay. Waxaa tallaabada garsooreyaasha maxkamadda racfaanka loo arkayay mid dhabarjab ku ah madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii hore miiska soo saaray hindise sharciyeedkaas. Laakiin Dowladda ayaa usii gudubtay maxkamadda ugu sarreysa dalka, taasoo maanta mowqifkeeda caddaysa, isla markaana…

Read More

Guul darro aad u wayn ayaa ku dhacday Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kaddib markii ay Garsooreyaasha Maxkamadda ugu sarreysa dalka hor istaageen qorshe ay Dowladdu wadatay oo aasaasi u ahaa isbaddal la damacsanaa in lagu sameeyo dastuurka. Garsooreyaasha xukunka kama dambeysta ah ku dhawaaqay,ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu si aan sharciga waafaqsanayn ugu howlanaa isbaddalka, oo loo yaqaanno Mashruuca Dhismaha Buundooyinka (BBI). Waxay Garyaqaannada Maxkamaddu sheegeen in mashruucan loo baahnaa in ay hoggaamiyaan shacabka balse aan loo baahneyn inuu horkaco madaxweynaha xilka haya. Guul darradan,ayaa timid xilli aad muhiim ugu ah dowladda oo ay soo socdaan doorashooyinka guud ee bisha…

Read More

Maxkamadda sare ee dalka Kenya,ayaa is-hortaagtay hindisahan isbedelka loogu samaynayey dastuurka oo uu horkacayey Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Lix ka mida Toddobada Garsoore ee Maxkamadda sare,ayaa sheegay, in isbeddelada lagu samaynayo dastuurka dalkaasi ay ka yimaadaan muwaadiniinta caadiga ah, hase ahaatee aanay ahayn inay yimaaadaan Madaxweynaha. Ka dib doorashadii sida weyn loogu tartamay ee kala qaybisay dalkaas ee sannadkii 2017, Madaxweynaha xilka haya ee Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa soo bandhigay, qorshe ay ugu magacdareen “Hindisaha isu-keenidda bulshada”. Hindisahan ayay ku jiraan qodobo ay ka mid yihiin in la hirgeliyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo joogto ah iyo 70…

Read More

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cod la isku raacay ku ansixiyey hawgalka cusub ee nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Somaliya, ee loosoo gaabiyo ATMIS, oo bedelaya hawlgalka Midawga Afrika ee haatan ee AMISOM. Qaraarka lagu meelmariyey hawlgalkan cusub ayaa lagu xusay in si aayar-aayar ah loo dhimo shaqaalaha hawlgalka oo haatan ah illaa 20,000 oo isugu jira militari, boolis iyo shaqaale rayid ah, ilaa la gaarsiyo eber sannadka 2024. Hawlgalkan cusub ee ATMIS oo bedelaya hawlgalka AMISOM oo wakhtigiisu ku ekaa Khamiistii shalay ahayd, ayaa ka shaqayn doona inuu u diyaariyo laamaha ammaanka ee Soomaaliya inay la wareegaan masuuliyadda…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maaxmed Xuseyn Rooble waxa uu u hambalyeynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT oo shaaciyay najiijada doorashada mudaneyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee JFS ee lagu soo doortay deegaan doorashooyinka kala duwan ee dalka si waafaqsan habraacyadii doorashada ee lagu heshiiyay. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale ku bogaadinayaa Dowlad-goboleedyada, Guddiyada doorashooyinka heer Dowlad goboleed ee SEIT iyo Guddiga xallinta khilaafaadka shaqadii adkeyd ee ay soo qabteen, waxa uuna rajeynayaa in ay doorashada xildhibaannada dhiman ee wadartoodu tahay 30 Golaha Shacabka ah loo soo dhammeystiro sida ugu dhaqsiyaha badan. Ra’iisul…

Read More

Ku: Dhammaan xubnaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl Ku: Guddoomiyaasha Gobolada Nugaal, Bari iyo Karkaar Og: Iskuduwayaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee 3da GobolkaOg: Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah – TPEC Og: Madaxweynaha Dowladda Puntland Ujeeddo: Wargelin Jadwalka Dhismaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan xubnaha Goleyaasha Deegaanka ee 3da Degmo in ay u diyaar garoobaan waajibaadyada u dhimman ee dhaarta iyo doorashada Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen degmo kasta. Sidoo kale, waxaa Guddoomiyaasha Gobolada lagu wargelinayaa in ka qayb qaataan fududeynta fariisinta iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee…

Read More

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY XOGHAYAHA GUUD EE RUGTA GANACSIGA DOWLADDA PUNTLAND. Garoowe: 01 April 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 22 ee 30ka March 2022 kuna saabsan magacaabista Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Dowladda Puntland. Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Wuxuu Xeeriyey: Magacaabid Waxaa Cabdinaasir Maxamuud Daad loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo,…

Read More

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY TALIYAHA QAYBTA BOOLISKA GOBOLKA KARKAAR IYO HOGAANKA ILAALADA CASHUURAHA. Garoowe: 01 April 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 22 ee 31ka March 2022 kuna saabsan Magacaabis Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka karkaar iyo Hogaanka Ilaalada Cashuuraha. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar iyo Hogaanka Ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Wuxuu Xeeriyey: Magacaabid Waxaa G/sare Cabdiwaaxid Cabdille Warsame loo magacaabay…

Read More

Wasaaradihii muhiimka ahaa ee ay ahayd in la dul istaago dhankooda ma eegin 3-sano kadib Madaxweyne Deni. 1.Wasaarada Arimaha Gudaha.2.Wasaarada Amniga.3.Wasaarada Maaliyada.4.Wasaarada Caafimaadka.5.Wasaarada Waxbarashada. Sidoo kale laamihii amaanka oo ubaahnaa dul istaag ma taaban sida.. 1.Taliska Daraawiishta.2.Taliska Sirdoonka.3.Taraafikada liidata4.Abuurid Talis Dabdamis. Isbadalka uu sameeyay Deni,waa mid ku salaysan qancinta Dadkii Doorashada Xildhibaanada ay isku seegeen ama ugu hiiliyay. Ma ahayn isbadalka dhacay mid ku yimid isaga aragtidiisa ama ku jaan go’an qorshe Xukuumadeed. In Maanta uu hogaamiyo Puntland-ta guunka ah Siyaasi awoodiisa hogaamineed ay sidaa tahay waa niyad jab. Jibril Qoobey.

Read More

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay marin-habaabiyeen la taliyeyaashiisa oo aad uga baqaya inay u sheegaan saameynta ba’an ee dagaalka Ukraine. Waxay sidoo kale ay sirdoonka reer galbeedka sheegeen in madaxweyne Putin aan loo sheegin saameynta dhabta ah ee cunaqabateynada ku yeelan karaan dhaqaalaha Ruushka, sida uu aqalka cad sheegay. Aqalka Kremlin ayaan weli ka jawaabin warkan ka soo baxay sirdoonka dalalka reer galbeedka. Afhayeenka Aqalka Cad Kate Bedingfield ayaa sheegtay in Mareykanka uu hayay war ah in Putin uu dareemay inay marin-habaabiyeen militariga taasna ay ka dhalatay xiisad joogto ah oo u dhaxaysa…

Read More

Wasaaradda difaaca Ukraine,ayaa xog ay maanta soo bandhigtay ku sheegatay inay khasaare baxad weyn leh gaarsiisayay ciidamada Ruushka ee ku soo duulay dalkeeda, waxaana ay ku shaacisay barteeda Twitter-ka inay dileen qiyaastii 17,500 oo ka tirsan askarta Ruushka. Warbixinta militariga Ukraine,ayaa sidoo kale lagu sheegay inay gubeen ugu yaraan 614 taangi, 311 madaafiicda goobta ah, 1201 gawaarida gaashaaman, 54 lidka diyaaraha ah, 131 helicopter, 7 markab iyo 75 booyadaha shidaalka qaada. Ruushku ilaa hadda ma qiran, mana dafirin jiritaanka sheegashada warbixinta Ukraine. Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in difaaca dalkiisa ee ka dhanka ah duullaanka Ruushka uu…

Read More

Rooble,waxa uu sheegay in loo soo diray farriimo hanjabaad ah, kadib markii isaga iyo madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ay isku raaceen in la furo kuraasta maamulkaasi taalla, gaar ahaan magaalada Beledweyne. Ra’isul Wasaaraha,ayaa si gaar ah u xusay kusigii ay u tartameysay Allah ha u naxariiste xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi. Rooble oo kahor hadlayay dad fara badan oo ka qeyb-galay munaasabad loogu duceynayay xildhibaan Aamina,ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in dilkeeda ay maleegeen kooxihii horay u dilay Ikraan Tahliil Faarax,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Dacwad-ooge Turkish ah ayaa maanta weydiistay maxkamadda Istanbul inay baabi’iso kiiska dilka Jamaal Khaashuqji kuna wareejiso Sacuudi Carabiya, waxaa sidaas xaqiijisay gacalisadii weriyaha la dilay. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo Turkey ay isku dayeyso inay hagaajiso xiriirka Sacuudi Carabiya ee xumaaday 2018 kadib markii Khaashuqji oo ahaa suxufi wax ku qora Washington Post lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Isnatbul. “Dacwad-oogaha wuxuu weydiistay, sida waafaqsan dalabka Sacuudiga, in faylasha kiiska lagu wareejiyo Sacuudi Carabiya lagana soo geba-gebeeyo Turkey,” ayey Hatice Cengiz ku qortay twitter kadib dhageysi maanta ka dhacay Maxkamadda ugu weyn Istanbul. “Maxkamadda ayaa eegi doonta aragtida Wasaaradda Cadaaladda Turkey,…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa la kulmay Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee BFS. Rooble,ayaa kala hadlay qorshaha shahaaddo siinta iyo dhaarinta Xildhibaannada labada aqal si waafaqsan jadwalkii Guddiga FEIT horay uu usoo saaray.

Read More

Beelaha ay kasoo jeedaan Wasiiradda,Ku xigeenada & Wasiiru-dowlayaasha Puntland ee la magacaabey. Isku bedel Wasiiro: Waxaa Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha. – (Waa Dhulbahante – Cali Geri).Waxaa Cabdullaahi Cabdi Xirsi loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka – (Waa Leelkase)Waxaa Axmed Shire Siciid loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Beeraha – Waa Beesha (Waa Maajeerteen – Caji Jibraahil) Magacaabid: Waxaa Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga. – (Waa Majeerteen – Biciidyahan)Waxaa Dr. Naciimo Cabdiraxmaan Guuleed loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska. – (Waa Leelkase)Waxaa Dr.…

Read More

Garoowe: 31 March 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 21 ee 30ka March 2022 kuna saabsan dhismaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90-aad Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland. Markuu la tashtay : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Wuxuu Xeeriyey: Magacaabid Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda PuntlandWaxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiyah Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda PuntlandWaxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay…

Read More

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY XUBIN KA MID AH GUDDIGA DOORASHOOYINKA PUNTLAND. Garoowe: 31 March 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne, Lr. 24 ee 31da March 2022, kuna saabsan magacaabid xubin guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo. Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Maxamuud Yaasiin Maxamed Aw-Cali loo magacaabay xubin guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY AGAASIMEYAAL GUUD Garoowe: 31 March 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 20 ee 30ka March 2022 kuna saabsan magacaabid Agaasimayaal Guud. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabista Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Puntland. Wuxuu Xeeriyey: Bedel Waxaa Maxamed Cali Nuur (Jubba) loo Bedelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Magacaabid Waxaa Maryan Maxamed Abshir loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.Waxaa Maxamed Cabdi Cilmi loo magacaabay…

Read More

Garoowe: 31 March 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 19 ee 30ka March 2022 kuna saabsan magacaabid iyo isku bedel xubnaha Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad. Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhammaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland. Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn leh ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda. Marku la tashaday: Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland Wuxuu Xeeriyey: Magacaabidda iyo isku bedelka xubnaha Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo ka kooban, Wasiiro, Wasiir kuxigeeno iyo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa maanta qaabilay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid. Arimaha ay kawada hadleen,ayaa lagu sheegay in ay ka mid yihiin… Amniga Galmudug, 2.La dagaallanka argagixisada. 3.Dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta bulshada Galmudug. Marka laga soo tago warka lagu shaaciyay Page-ka Xaafiiska Ra’isalwasaaraha,waxaa jira khilaaf xoog leh oo dhexyaal Qoor-qoor iyo Cali Ciid. Khilaafka Labada masuul,ayaa la sheegayaa in uu ku salaysan yahay Doorashadii Xildhibaanada. Bishii ugu danbaysay,waxay xogo hoose sheegayaan in Qoor-qoor ka jaray Adeegii Xaafiiska M.xigeenka. Sidoo kalena Xalay,ayuu dib umagacaabay Wasiirkii Arimaha Gudaha Waayeel oo Cali Ciid horay xilka uga…

Read More

Maalmihii la soo dhaafay Farmaajo wuxuu ka dhex waday Ciidamada isbedelo lagu samaynayo taliyeyaasha hoose Ciidamada Qalabka sida. Ujeedada isbedelka ayaa ahayd in meesha laga saaro dhamaan Taliyeyaashii ka aragtida duwanaa Farmaajo xiligii Badbaado Qaran. Farmaajo habeen kasta wuxuu arkaa saraakiil ciidan. Walina lama soo sheegin Xildhibaano uu arkay iyo wax ififaalo doorasho ah oo Villa Soomaaliya ka socda, xili Muqdisho ay ku suganyihiin in ka badan 200 Xildhibaan oo dhawaan la soo doortay. Waxa sidoo kale la soo werinayaa in ay socdaan qorsheyaal lagu beegsanayo siyaasiinta qaar,iyadoo la adeegsanayo gacmo kale sidii maalmo kahor ka dhacday Afisyoone iyo Beledweyne.…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay xog-hayeyaasha Guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee BJFS Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo Cali Maxamed Jaamac oo ay kala qaateen warbixin ku saabsan u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada Labada Aqal, si waafaqsan jadwalkii uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT. Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa mareysa heer gebogebo ah, waxaana lagu wadaa in dhawaan ay mudaneyaasha labada Aqal soo wada gaaraan Muqdisho, si loo siiyo shahaaddooyinka rasmiga ah, loona dhaariyo, ka dibna loo doorto Guddoonnada labada Aqal. Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal,ayaa 14-ka April u asteeyay in lagu soo…

Read More

Waxaa soo baxayay xogo sheegaya in Axmed Karaash uu yahay Musharax Madaxweyne Fadaraal. Ku dhawaaqista arinkan,ayaa la sheegayaa in ay dhici karto habeenada nagu soo aadan,sida wararku sheegayaan. Sida aan kasoo xigtay Madaxtooyada Puntland Karaash,waxuu ku xumaynaya musharaxnimadiisa Siciid Deni oo udiiday wax walba oo nacfi lahaa. Habeenadii udanbeeyay,waxaa taagnaa ishayn labada Nin oo salkeedu ahaa Deni oo ka baxay balamo uu la galay Karaash. Ugu danbayn Xalay,waxaa la fahansanaa in ishayntaasi soo afjarantay oo Karaash dabcay,balse hadii xogtani dhab noqoto xaalku ma dhawa shaacinta isku shaandhayntuna waa laalmaysaa. Jibril Qoobey.

Read More

Dhanka hubka wax gumaada ee nukliyeerka, Ruushka ayaa kaalinta koobaad uga jira caalamka, waxaana uu haystaa hub ka badan kan Maraykanka. Marka la eego dhinaca ciidamada cirka, Ruushka ayaa kaalinta labaad uga jira caalamka, waxaana ka sarreeya Maraykanka. Tobankii sano ee la soo dhaafay, Ruushka ayaa kordhiyay awooddiisa ciidamada cirka, waxaana uu ku biiriyay in ka badan kun diyaaradaha dagaalka ah, oo ay kamid yihiin nooca casriga ah ee SU-35, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga dalkaas. Awoodda badda marka la eego, Ruushka ayaa leh ciidamada iyo maraakiibta dagaalka ee caalamka ugu awoodda badan marka laga reebo Maraykanka. Waxaa cududaas kamid…

Read More

Waraysiga Safiirka Maraykanka uu siiyay VOA,waxuu iftiinshay laba arimood oo muhiim ah… 1.Siyaasada Maraykanka ee Midnimada Somaliya oo cadeeyay in Dalkiisu aaminsab yahay hadafkiisa Siyaasadeed ee ku aadan arinkaasna uu yahay Somaliya mid ah,Dimuqraadi ah oo Nabad ah. 2.Doorashada Xildhibaanada Fadaraalka,ayuu sheegay in Boqolkiiba Sagaashan ay soo dhamaystirantay lana dhaarinayo inta la doortay oo aan la sugayn kuwa dhiman. Qodobka 1-aad ,waxuu dharbaaxo ku yahay Somaliland iyo hankeeda gooni goosadka si gaarka dadaaladii Muuse Biixi ee ugu danbeeyay. Qodobka 2-aad,waxuu fariin uyahay garabyada isku haya Xildhibaanada laga soo dooranayo Gedo,waxaana loo sheegay in aan loo joojin doonin. Halkan ka daawo…

Read More