Author: Jibril Qoobey.

Donald Trump ayaa ugu baaqay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, oo bishii hore duulaan ku qaaday Ukraine, inuu sii daayo xog kasta oo uu hayo oo wax u dhimeysa wiilka madaxweyne Joe Biden, Hunter. Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa mar kale dib ugu laabtay eedeymaha soo noqnoqda ee uu marar badan u jeediyey Biden, intii lagu guda jiray ololihii doorasho ee looga adkaaday 2020. Qeyb ka mid ah wareysi uu Talaadadii siiyey barnaamijka “Just the News” ee warbaahinta Real America’s Voice, ayuu Trump ku sheegay in xaaska duqii magaalada Moscow ay Hunter Biden siisay $3.2 milyan.…

Read More

Dhanka kale Deni waxuu si cad ugu dhagay in uu isagu maamulo Wasaaradaha Amniga,Arimaha Gudaha iyo Maaliyada. Karaash,ayaa diiday soo jeedintaas oo yiri “Ma Daaqa Qaranka,ayaad iiga tagaysaa hadaad Wasaaradihii noolaa qaadatay”. Balse ukala dabqaadid kadib,Karaash,ayaa dabcay oo aqbalay in Deni meel uu joogaba maamulo Wasaaradahaas. Deni,waxuu rabaa in Sadexdaas Wasaaradood aysan Karaash hoos tagin,xataa haduu Dalka ka maqan yahay. Ujeedka Deni,waa in uu maamulo Wasaaradahaas isagoo Xamar jooga. Dastuuriyan hadii Madaxweynaha uu dalka ka baxo ku xigeenku waa Madaxweyne buuxa. Jibril Qoobey.

Read More

Karaash ugu danbayn,waa aqbaley in Deni magacaabo Wasaaradaha cusub,waxuuna galay gorgortan. Wasaaradaha uu ku dhagey,waxaa ka mid ah Amniga Arimaha Gudaha,waxuuna taagan yahay Dhulbahante hala siiyo in la aqbalo ayayna ubadan tahay. Beesha Cali Saleebaan oo Kursiga Amniga ku fadhida,waxaa dhici karta shaqada iyo shaqaalaha in la geeyo.

Read More

Maanta,ayuu baxayaa sida aan kasoo xiganay Madaxtooyada Puntland Madaxweyne Deni. Socdaalkiisa,ayaa ku wajahan Imaaraadka,waxuuse sii marayaa Kenya,sida wararku sheegayaan. Magacaabista Wasiirada iyo Agaasimayaasha Guud,ayaa la sheegayaa in uu sii dayn doono marka uu garoonka ka dhoofayo. Sidoo kale waxaa dhici karta in soo laabashadiisa danbe ay udhacdo magacaabista,ayay leeyihiin. Aadbaa loo hadal hayaa gudaha iyo dibada isku shaandhayntaas. Jibril Qoobey.

Read More

1.Maaliyada,Cumar Maxamuud,Majeerteen. 2.Caafimaadka,Ciise Maxamuud,Majeerteen. 3.Waxbarashada,Ciise Maxamuud,Majeerteen. 4.Warfaafinta,Reer Bicidyahan Majeerteen. 5.Arimaha Gudaha,Jaamac Siyaad,Dhulbahante. 6.Qorshaynta Cumar,Warsangeli Wasiirka Maaliyada Xasan Shire,waxuu ku dadaalayaa in uu difaacdo Wasaaradiisa oo hadba Xildhibaano,ayuu udirsanayaa Madaxtooyada,waxaana ugu danbeeyay Laba Xildhibaan oo kasoo jeeda Beesha Dhulbahante ah oo leh Odayga hala daayo,waa la shaqayn karnaa. Wasiirka Maaliyada Xasan Shire hadaan Golaha laga saarin,waxay ubadan tahay in Caafimaadka la geeyo. Qayladii uu ku sasabanayay Deni ee uu kasoo bilaabay Bosaso waxba waa utari wayday oo Deni ku qanci waa. Jibril Qoobey.

Read More

Afhayeen u hadlay Roman Abramovich ayaa xaqiijiyay in maalqabeenkan u dhashay dalka Ruushka ee saameynta siyaasadeed leh laga shakisan yahay in la sumeeyay horaantii bishan kaddib markii uu ka qayb galay wadaxaajood nabadeed oo uu la yeeshay ergo ka socotay dhinaca Ukraine. Abramovich ayaa la sheegay in ay hadda xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay, maadaama falkaas uu dhacay dhowr isbuuc ka hor. Waxa uu sheegay in uu sii wadi doono ka qayb galidda wadahadallada looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine. Hase yeeshee afhayeenku ma uusan sharrixin cidda kale ee wax ku noqotay sunta la tuhunsan yahay iyo cidda…

Read More

Wafuud ka kala socota Ruushka iyo Ukrain ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga wadahadaladii u horeeyay muddo todobaadyo ah. Ukraine ayaa sheegtay in muhiimaddeeda ay tahay in laga wada xaajoodo xabbad joojin, balse Maraykanka iyo Ukraine ayaa sidoo kale shaki ka muujiyay damaca Ruushka. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka dalbaday dalalka quwadaha adduunka in ay adkeeyaan cunaqabateynta saaran Ruushka, oo ay ku jirto cunaqabateynta shidaalka. Dhanka kale madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in labada madaxweyne ee Ukraine Zelensky iyo Putin-ka Ruushka ay yihiin “saaxiibo qiimo leh”, isaga oo saaka ka hadlay wada-hadallada Istanbul lagu qabanayo ee…

Read More

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,ayaa Isniinti shalay aheyd sheegtay in lasii daayay ilaa 348 -Arday oo Soomaali ah oo ku go’doonsanaa dalka Ukraine. Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ardaydan ay barakac ku ahaayeen gudaha Ukraine iyo xuduudahiisa, iyadoo ay ku jireen qaar aanan heysan warqadaha aqoonsiga. Warbixinta ayaa lagu sheegay, in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay fududeysay in ilaa 65 arday Soomaali ah oo ka qaxay Ukraine lagu meeleeyay jaamacadaha dalka Hungary, halkaas oo ay kasii wada doonaan waxbarashadooda heerka sare. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Fadaraalka Somaliya ayaa ku boorrisay dhammaan ardaydi Soomaaliyeed ee…

Read More

Kooxda Daacish ayaa maanta sheegatay mas’uuliyadda toogasho ka dhacday waqooyiga Israel oo lagu dilay laba sarkaal oo boolis ah, sida uu ka warramay bayaan lagu baahiyey website-ka dacaayadda kooxdaas faafiya ee Amaq. “Laba xubnood oo ka tirsan booliska dalka Yahuudda ayaa lagu dilay kuwa kalena waa lagu dhaawacay weerar toogasho ah,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Daacish oo aan inta badan sheegan weeraro ka dhaca gudaha Israel. Kooxda ayaa sheegtay in laba ka mid ah dagaal-yahanadeeda ay fuliyeen toogashada oo Axaddii ka dhacday waddada Herbert Samuel ee magaalada Hadera ee waqooyiga Israel. Waxay sheegatay in 10 kale lagu dhaawacay…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa sheegay in haddii la sii hagaajiyo xiriirka ay la leeyihiin waddamada saaxiibka la ah ee ka tirsan Ururka Jaamacadda ay heli doonaan “xalka kaliya” ee ka caawin kara in ay ka guuleystaan khatarta uga imaan karta Iiraan. Waxa uu wasiirku hadalkan jeediyay kaddib markii Israa’iil lagu qabtay shirkii ugu horreeyay ee ay isugu imaadaan diblomaasiyiinta sar sare ee Jaamacadda Carabta iyo Mareykanka. Saddex ka mid ah waddamada ku bahoobay Ururka dalalka Carbeed – oo kala ah Isu tagga Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Morocco – ayaa xiriir la sameystay Israa’iil sanadkii 2020-kii, horayna wax xiriir…

Read More

Wafuud ka kala socota Ruushka iyo Ukrain ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga wadahadaladii u horeeyay muddo todobaadyo ah. Ukraine ayaa sheegtay in muhiimaddeeda ay tahay in laga wada xaajoodo xabbad joojin, balse Maraykanka iyo Ukraine ayaa sidoo kale shaki ka muujiyay damaca Ruushka. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka dalbaday dalalka quwadaha adduunka in ay adkeeyaan cunaqabateynta saaran Ruushka, oo ay ku jirto cunaqabateynta shidaalka. Dhanka kale madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in labada madaxweyne ee Ukraine Zelensky iyo Putin-ka Ruushka ay yihiin “saaxiibo qiimo leh”, isaga oo saaka ka hadlay wada-hadallada Istanbul lagu qabanayo ee…

Read More

Hogaanka Ciidanka Booliska DPL G/dhexe Cabdi Fataax Cabdi Qaadir Axmed,ayaa Qalab isgaarsiin iyo agabyo kala duwan oo loogu talagalay Booliiska Gobalka Cayn gaar ahaan Degmada Buuhoodle ku wareejiyay Xilibaan Axmed Xariir oo ka tirsan Baarlamanka DPL kaas oo loo wakiishay gaarsiiyay qalabka Gobolkaas. Qalabkan,ayaa ka caawinaya Booliiska in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa waxkasta lidi ku ah amniga Shacabka Soomaaliyeed ee Gobalka Cayn.

Read More

C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ku guuleystay doorashada kursiga #HOP058, waxaa uu helay 54 cod wareeggii koowaad, taasoo ka dhigan in cod hal dheeri ah uu ku soo baxay. “Kursigan waxaa idiin qaaday Qof han iyo howlkar leh”Ayuu yiri Sanbalooshe oo dib loogu doortay Kursigii Beeshiisa Maanta,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF,ayaa horay dhowr jeer u sheegtay in ay joojin doonto lacagaha ay siiso Ciidamada dowladda Fadaraalka Somaliya hadii Bisha May aysan ka dhicin Soomaaliya doorasho. Hadaba Danjire André iyo madaxa Bangiga Adduunka Kristina Svensson,ayaa ka wada hadlay walaaca laga qabo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha Somaliya. “Danjire André iyo madaxa Bangiga Adduunka Kristina Svensson,ayaa ka wada hadlay walaaca laga qabo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, Haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan Dowlad loo dhisin, Taageerada maaliyadeed ee caalamiga ah ee joogtada ah iyo deyn cafinta ayaa halis ku jira” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay…

Read More

Waxay ahayd khudbad kulul balse la miisaamay – aadna u waafaqsaneyd hadalladii ay muddo bilooyin ah dhahayeen saraakiisha Mareykanka ee ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu hoggaamiyo Antony Blinken. Laakiin, wax yar ka hor inta uusan soo gabogabeynin khudbadda oo uusan dhihin “waad mahadsan tihiin” iyo “nabadgelyo”, ayuu Mr Biden khudbadda gadaal uga darsaday hadallo aan lala ogeyn oo ku wajahnaa dhiggiisa Ruushka: “Ilaah dartiis, ninkan xukunka kuma sii nagaan karo.” Dowladda Ruushka ayaa ka hadashay durbadiiba. “Khudbaddan iyo hadallada khuseeya Ruushka waxay ahayd in loo adeegsado erayo akhlaaq ku dheehan tahay,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay Ruushka oo…

Read More

Xulka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa ka haray is reeb reebka loogu soo baxayo Koobka Qaramada Afrika, kadib markii ay Eswatini ka badisay laba kulan oo ay ciyaareen. Soomaaliya ayaa wadarta labada kulan looga badiyay 5-1. Xulka kubadda cagta ee Soomaaliya oo la asaasay 1951, FIFA na ku biiray 1962 ayaan weligii u soo bixin Koobka Qaramada Afrika. Haddaba waxaan halkan ku faaqidi doonnaa afar arrimood oo caqabad ku ah xulka kubadda cagta ee Soomaaliya… Dhismaha kooxda” Xulka u ciyaara Somaliya ayaa u badan dhallinyaro qurbaha laga soo uruuriyay oo la isu keeno maalmo uun ka hor inta aanay dhicin…

Read More

Dowladda Canada,ayaa la sheegayaa in ay qorsheyneyso inay musaafuriso dhallinyaro Somali ah oo dalkaasi ku tagay siyaabo kala duwan. Saraakiisha dowladda Canada,ayaa ku doodaya in dhallinyaradaasi ay yihiin Kenyan, maadaama ay ku galeen dalkaasi baasaboor Kenyan ah. Lama oga tirada rasmiga ah ee dowladda Canada ay qorsheyneyso inay musaafuriso. Wakaaladda xudduudaha Canada waxey sheegtay inay gaarayaan 157-Qof, balse dadka u doodaya dhallinyaradan ayaa rumeysan inay gaarayaan boqollaal qof. Dhalinyaradaas,ayaa ku doodaya in ay yihiin Somali lagu soo dhibaateeyay Dalalkoodii oo Canada kusoo galay Basaboorka Kenya.

Read More

Si rasmi ah,ayaa loo shaaciyay Beeldaajaha Guud ee Beesha Ciise Maxamuud oo ay iska soo dhex xushay Beesha Idiris Ugaar. Nabadoonka Beesha Xasan Idiris Maxamud Axmed Xaaji,ayaa soo jeediyay hadalka lagu shaaciyay Beeldaajaha. Guud ahaan Isimada Beelweynta Ciise Maxamuud maanta laga bilaabo waa Afar kala ah… 1.Garaad Siciid.2.Beeldaaje Maxamuud.3.Islaan Ciise.4.Suldaan Siciid. Si kale hadii loo dhigo,waa Labo Abokor Ciise ah iyo Labo Muuse Ciise ah oo kala ah.. Muuse Ciise” 1.Garaad Siciid2.Islaan Ciise. Abokor Ciise” 1.Beeldaaje Maxamuud.2.Suldaan Siciid. Jifida Maxamed Ciise oo ah Jifida Sadexaad ee Beelweynta Ciise Maxamuud,ayaa iyana soo wada Isinkoodii maalmaha nagu soo aadan. Ciise Maxamuud baahi…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa kulan la yeeshay madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. Ra’isalwasaaraha,ayaa faray Saraakiisha uu la kulmay in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarradii argagixiso ee u dambeeyay. Sidoo kale,waxuu ku amray in la xoojiyo amniga doorashooyinka & kan guud ee dalka.

Read More

Ra’isul Wasaaraha Pakistan Imran Khan,ayaa wajahaya olole xooggan oo ka dhan ah xukuumaddiisa, kaas oo xisbiyada mucaaradka iyo xubno ka tirsan xisbigiisa ay qorsheynayaan inay u qaadaan codka kalsoonida. Mucaaradka,ayaa ku andacoonaya in ay heystaan codad ku filan oo ay ku afgambiyaan xukuumadda Khan, iyagoo u maraya codka kalsoonida, waxaana in ka badan 12 xubnood oo ka tirsan xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf ay si rasmi ah u taageerayaan mooshinka ay horkacayaan mucaaradka, iyaga oo sabab uga dhigaya inay xukuumaddu ku guul-darraysatay maaraynta sicir-bararka iyo inaysan si sax ah loo maamulin. Qaar ka mid ah isbaheysiga talada haya,ayaa ku biiray mucaaradka, halka…

Read More

Waa Xafladii 3-aad oo Lacag lagu bixiyay oo fashilanta. Finland mid laysku dayay in lagu qabto,waxay noqotay Cashadaada iska bixi oo imow,waana la waayay Dad badan. Turkiga mid,ayaa laga diyaariyay,waxaana tagey Caruuro ay dhaleen Aaran-shaydaan. Minisota,ayaa ugu danbaysay oo xalay ay ku fashilantay Xafladii ugu danbaysay loona waayay Dad macno leh oo taga. Lacag gaaraysa min 5000 oo dolar,ayaa loo soo diray dhawr Magaalo Qurbaha ah. Jibril Qoobey.

Read More

Weerarkii Alshabaab ay kusoo qaadeen Fadhiga Ciidamada Difaaca Puntland ee Af-urur xalay saqdhexe si fiican,ayaa loogu xasuuqay argagixisada. Khasaare,ayaa la gaar siiyay argagixisada iskugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxaana looga dilay dagaalkaas 10-Maleeshiyadooda ah. Dhanka Ciidanka,waxaa khasaare kasoo gaaray Baabuur Miino kala qaraxday. Sidoo kale,waxaa jira Baabuur Shacab oo Miino haleeshay. Buuraha fog,ayuu dagaalku kasii socdaa oo ay Ciidamada Puntland kasii wadaan sifayn haraadigii argagixisada. Jibril Qoobey.

Read More

Juxaa,Caasho Geelle iyo Cali Cabdi Awaare shalay kulankii Qadada,waa laga joogi waayay sida aan ku helay xog la hubo. Haldoorkaas,waxay lasoo istaageen aan dhisno Madaxweynaha oo Gudiyo ayay qorayeen. Laba warba waa laysla dhexmarayaa in ay haldoorkan loo hanweyn yahay ay ka shaqaysiisay. 1.Cali in la siinayo Wasiirka Cismaan Maxamuud. 2.Juxaa jago iyo dhaqaale 3.Caasho jago iyo dhaqaale. Xaqiiqdu waxay tahay in uusan Deni Somaliya Madaxweyne ka noqonayn cid walba oo dhista. Jibril Qoobey.

Read More

1.Shabaab xataa lama oran karo is afgarad baa ka dhaxeeya ee Xubin buu ka yahay. 2.Daacish haduu ku biiray. 3.Deni,waxuu umuujiyaa Sxb-tinimo iyo daacadnimo. 4.Khayre,waxuu ula dhaqmaa sidii Nin u adeegaya. 5.Fahad,ayuu hada ugalay oo kasoo qaaday Lacag. Muxuu qayb ka yahay? 1.Ganacsiga Puntland. 2.Mashaariicda socota 3.Shaqaalaha Puntland. 4.Dilalka iyo Qaraxyada dhaca. 5.Isku dirka Beelaha iyo jaa’ifaynta Dhaqanka. 6.Musuqa iyo maamul xumada jirta. 7.Soo dejinta Hubka iyo Tahriibinta Danbiilayaasha. 8.Jariifka Baddaha Puntland. .9.Danaha Somaliland dhinaca Puntland. Yuu ku adeegtaa? 1.Deni 2.Xasan Shire. 3.islaan Ciise iyo Suldaan Garaase. 4.Todobo-Wasiir oo Xukuumada ka tirsan. 5.Sideed-Agaasime oo Wasaaradaha ku kala jira. Halkee kaga…

Read More

Idiris Ugaar si fiican ayay ugu diyaar garoobeen shaacinta Isinkooda oo beri ka dhacaysa Garowe. Ciidamo ka mid ah Daraawiishta Puntland,ayaa sugaya amniga xaflada oo Aaran ay weerar ku yihiin. Talyaha Qaybta Booliska Nugaal,ayaa iska diiday amar uga yimid Xasan Shire oo oranaya in uu talaabo qaado. Talye Xuseyn,ayaa sheegay in uusan ku xadgudbayn Beel dooranaysa Isin Dhaqan. Jibril Qoobey.

Read More

Cumar Cabdirashiid,waxuu ku qanciyay Axmed Madoobe in uu lasoo saaro Sh.Shariif sida ay ii sheegeen ilo wargal ah. Axmed Madoobe si gaar ah,waxaa Xeer ugu leh Cumar Cabdirashiid oo Axmed laftigiisu u aqoonsan yahay Mulkiilaha JL. Cumar waa Ninkii Axmed ku xiray KDF iyo Sirdoonka. Sidoo kale ,waa Ninkii Axmed ku xiray inta badan Safaaradaha reer Galbeedka. Sida wararku sheegayaan Cumar iyo Axmed waxay isla fahmeen in danta JL iyo mida guud ahaan Somaliyed ay ku jirto Sh.Shariif oo la dhiso. Dhanka kale Xildhibaanada ugu saamaynta badan kuwa kasoo baxay JL,ayaa habeenadii ugu danbeeyay kala ag fadhiyay Khayre,Xasan Culusow iyo…

Read More

Dagaalkaas,waxuu udhaxeeyaa Aaran-jaan oo adeegsanaya Ciidanka Ina Xaaji Khayr iyo Beesha Idiris Ugaar oo difaacanaysa Xaflada shaacinta Beeldaajahooda. Aaran-jaan oo adeegsanaya Gudoomiye ku xigeenka 2-aad G.Nugaal oo udhashay Beesha Cumar Maxamuud,ayaa shalay Warqad lagu baajinayo Xaflada soo saaray. Berina waxay damacsan yihiin in ay adeegsadaan Ina Xaaji Khayr Ciidankiisa oo Cismaan Maxamuud ah. Arinkaas,waxaa ka dhalan kara isku dhac Beelaha Cumar Maxamuud,Cismaan iyo Ciise Maxamuud oo aaran ka danbeeyo. Labada Beelood ee Cismaan iyo Cumar waa in ay la hadlaan Ina Xaaji Khayr iyo Gudoomiye xigeenka 2-aad Nugaal ee la adeegsanayo. Aaran si toos ah uguma bareeri karaan Beesha Idiris…

Read More

Beesha Caalamka,ayaa ka hortimid in Saciid Deni soo dego hotel Airport oo ku dhexyaala gudaha Xalane. Sababta,ayaa la xiriirta Deni oo sheegay in uu la imaanayo Ciidan gaaraya 300-Askari, 21 Cabdi Bile iyo 5 Baabuur oo Bullet Proof ah. Ciidanka AMISOM iyo UNSOM,ayaa u arka in aysan suurto gal ahayn Ciidaankaas faraha badan in la dhex keeno Ciidamada AMISOM. Saraakiisha amniga ee Dowladda Federaalka,ayaa dhinacooda ka soo horjeeda keenista Ciidan intaas le’eg oo laga yaabo in isku dhac ka yimaado. Dhinaca kale, Saraakiisha iyo Siyaasiyiinta reer Puntland,ayaa wel wel ka muujiyay dhibaatada ay keeni karto in Deni Xamar la’aado Ciidamadii,…

Read More

Anton Gerashchenko, oo ah la taliyaha wasiirka arrimaha gudaha ee Ukraine, ayaa sheegaya in wasiirka difaaca ee Ruushka uu wadno xanuun soo wajahay. Sergei Shoigu oo ah wasiirka difaaca ee Ruushka , lama arag 11-kii Maarso, ilaa Khamiistii 24-kii Maarso, markaasi oo uu si kooban uga soo muuqday muuqaal uu Putin sii daayay. “Shoigu wadne xanuunka waxa uu ku dhacay ka dib eedayn adag oo uu Putin u soo jeediyay in oo ah in uu gabi ahaanba ku guul daraystay duulaankii Ukraine,” ayuu Gerashchenko ku soo qoray Facebook-giisa, isaga oo intaa ku daray in uu haatan “ wasiirka baxnaanin kujiro.…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dhammaan la kulmay Xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdiasiis Xasan Maxamed (Laftgareen), madax ka socotay Gudigga doorashada Heer Fadaraal iyo midka Dowlad Gobaleedka ayaa kasoo qeyb galay munaasabada Shahaadooyinka lagu siinayaa xildhibaanada. 69 Xildhibaan oo Golaha shacabka ah iyo 8 Senator oo aqalka hoose ah ayaa shahaadooyinkooda uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed mid mid u gudoonsiiyey. Arrintan,ayaa ku soo adeeysa xilli Guddiga Doorashooyinka heer federaal ay sheegeen in xildhibaanadda labada gole ay shahaadooyinkooda u soo doontaan Muqdisho ,iyagana ay sameyn doonaan Shahaada siinta.

Read More

Guud ahaan, waa mid kalsooni buuxda leh. Gantaalka waxaa laga ganay garoonka diyaaradaha ee Pyongyang Sunan, haddii gantaalka lagu guuldareysan lahaa wuxuu burbur xooggan gaarsiin lahaa garoonka diyaaradaha iyo dhismooyinka ka ag dhaw. Gantaalka Hwasong-17- waa hub uu si weyn ugu faano hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un. Wuxuu farriin u diraya caalamka- gaar ahaan Mareykanka- oo uu u sheegayo in Kuuriyada Waqooyi ay gantaalka ku garaaci karto meel kasta oo dunida ka tirsan waa haddii lagu soo xaadgudbo. Farriintan qaabka filimka Hollywood-ka loogu diray waxaa uu dareen ka dhaliyay gudaha Kuuriyada Waqooyi. Gantaalka riddada dheer ee Hwasong-17 ayaa sannadkii 2020-kii…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bogaadiyay jawaabta Poland ay ka bixisay dhibaatada qaxootiga ee ka dhalatay duullaanka Ruushka ee Ukraine, xilli uu booqasho ku tagay Poland Jimcihii. Mareykanka ayaa sheegay in Ruushku uu u muuqday inuu ka weeciyay weerarkii militari ee uu ka waday caasimadda Ukraine ee Kyiv oo uu u jiheystay dhanka bari.Biden ayaa jimcihii la kulmay shaqaalaha gargaarka bini’aadantinimada ee Poland iyo ciidamada Maraykanka meel u dhow xadka Ukraine.”Waxaad dhexda kaga jirtaan dagaalka u dhexeeya dimuqraadiyadda iyo kuwa kasoo horjeeda ee Ruushka,” ayuu yiri Biden mar uu saldhigga Rzeszów kula kulmay xubno ka tirsan Ciidanka Maraykanka qeybta 82-aad…

Read More

Beeldaajaha Beesha Idiris Ugaar ee Abokor Ciise Maxamuud,ayaa beri loo qabanayaa xaflad lagu shaacinayo. Iskudayadii ay Aaran-shaydaan damceen in ay ku hor istaagaan shaacinta Beeldaajaha waa fashilmeen. Beeldaajaha Idiris Ugaar ,ayaa noqonayaa Isimkii Labaad ee isla bishan Garowe lagu shaaciyo. Guud ahaan Beesha Ciise Maxamuud waxay horay ulahayd Laba Isin,hadase waxay noqdeen Afar kala ah.. 1.Islaan Ciiise.2.Suldaan Garaase.3.Garaad Siciid.4.Beeldaajaha Waxaa la filayaa 3-kale in ay kusoo biirto Sanadka inta ka hartay oo ay Todobo noqdaan. Jibril Qoobey.

Read More

Siyaasiyiintii Caawa ka hadashay kulankii Bulshada waxay diideen xalay in ay ka qaybgalaan Xafladii loo qabtay Deni. Madaxtooyada,ayaa rabtay in ay marsato oo muujiso in Shacab iyo Siyaasiyiinba lawada taageersan yahay hanka Madaxweyne Deni ee Xamar. Balse siyaasiyiintan,ayaa fahamsanaa oo diiday ka qaybgalka xafladaas. Madaxtooyada oo ogayd in siyaasiyiintu diyaarsadeen madal ay aragtidooda kusoo bandhigi doonaan,ayaa isla xalayba Qado ku casuntay. Siyaasiyiintu waa ku kala qaybsameen ka qaybgalka Qadada Madaxtooyada,balse waxay isla qaateen in aysan ka baaqan Madashoodii oo ay kusoo gudbiyaan aragtidooda ku aadan Musharaxnimada Deni. Madaxtooyadu waxay isku dayday in ay si dadban u hor istaagto Madasha caawa…

Read More

Waxaa loo baahan yahay in wakhtiga kala guurka, la qaado talaabooyinkan… 1-In Hufnaanta Maaliyada dalka la ilaaliyo, wakhtigan kala wareega ah. 2- In Madaxweynaha uu wareejiyo Awooda iyo Maamulka, iyadoo Madaxweyne Karaash loo promote- gareeynayo, (Care-taker President 2-sano) sida uu qabo Dastuurka. 3-In dhibtii ka dhacday Bosaso,Dadkii waxyeeladu gaartay laga fakaro in ay gaarto Kaalmada Madaxweynaha. 4- In Xulashadii Xildhibaanada oo dil-dilaac iyo tafaraaruq Bulsho abuurtay Dadka la mideeyo oo Madaxweynaha uu qaato door, maadaama laga eexday dad badan oo xaq u lahaa in ay tartamaan oo Lacago badan ay kaga soo baxday, helida kuraasta Xildhibaanimada. Sharma’Arke Abshir

Read More

Kulankii Maanta uu la yeeshay Siyaasiyiinta reer Puntland qaarkood Madaxweyne Deni,waxuu ahaa istus saxaafadeed. Maadaama uu xalay ka baaqday Xafladii loo qabtay,ayuu ugu talagalay in uu Bulshada ku mashquuliyo Maanta. Hadafka kale ee uu ka lahaa kulankan,ayaa ahaa muujinta in uu la kulmi karo Siyaasiyiin aan Aaran-jaan ahayn ama ku ah Mucaarad. Waxaa laysku raacsan yahay in uusan taladooda tixgelinayn uguna yeeran talo ka qaadasho ee kaliya ay ka ahayd dhoolatus Bulsho iyo in Saxaafadu wad-wado maalmahan. Deni loogama baran garowshiyo,khalad qaadasho iyo in la sixi karo. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Puntland ee xilligan ku sugan Garoowe. Kulankan oo ah is-xogwareysi iyo wadatashi ayaa Madaxweynuhu la yeeshay Siyaasiyiin isugu jira kuwo xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, falanqeeyayaal siyaasadeed iyo xubno arrimaha Bulshada ka shaqeeya.

Read More

Dowladda Itoobiya,ayaa ku dhawaaqday Xabbad joojin bini’aadantinimo ka dib 16-bilood oo ay dagaal ay kula jirtay Ciidamada ka soo jeeda Waqooyiga Gobolka Tigray. Dagaalka sokeeye ayaa sababay in in ka badan shan milyan oo qof ay u baahdaan cunto gargaar ah, ilaa haatan ma jirto wax cunto ah oo la gaari siiyay Tigrayga tan iyo bartamihii bishii December. Warkan,ayaa daba socda booqasho uu dalka Itoobiya ku tagay ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika David Satterfield. Ciidamada Tigreega,ayaan wali wax jawaab ah ka bixin talaabada ay qaadday dowlada. Balse waxaa jira warar sheegaya in kooxda TPLF aysan taasi…

Read More

Kuuriyada Waqooyi,ayaa ku dhawaaqday in ay ku guulaysatay tijaabinta gantaalkeeda ugu weyn ee qaaradaha isaga kala goosha ee ICBM. Waxay calaamad u tahay markii ugu horreysay ee waddanku uu tijaabiyo gantaalka ICBM ee Kuuriyada Waqooyi laga mamnuucay tan iyo 2017-kii. Gantaalada ICBM waa gantaalada riddada dheer, oo awood u leh inay gaaraan Maraykanka. Kuuriyada Woqooyi waa laga mamnuucay in la tijaabiyo, waxaana hore loogu soo rogay cunaqabatayn adag si ay u joojiyaan balse hadda dib ayay u bilowday. Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in hogaamiye Kim Jong-un uu si toos ah u hagayay tijaabada. Tallaabadan ayaa waxa ay sii murjinaysa joojinta…

Read More

Ter Minassian Taline, oo ah taariikhyahan ka tirsan Machadka Qaranka ee Luqadaha Oriental iyo Ilbaxnimada (INALCO) ee Paris, wuxuu ku tilmaamay saaxiibtimo “wax ku ool ah”. Madmadow badan ayaa ka jira xiriirka u dhexeeya Ruushka iyo Turkiga, Putin iyo Erdogan si fiican ayay isu fahmeen oo midba midka kale waxa uu fahmayaa dhibka haysta, waa saaxiibo, laakiin isla markaana cadaw isu ah,” Khabiirka ku takhasusay daraasaadka Soofiyeedka iyo bariga dhexe ayaa u sidaasi u sheegay BBC Mundo. “Runtii waa saaxiibtimo macquul ah oo qof walba uu danihiisa ilaalinayo,” ayuu sii raaciyay. Minassian Taline wuxuu sheegay in mowqifka Turkiga ee iskahorimaadka…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay jiri doonto jawaab ay bixin doonaan reer Galbeedku, haddii Ruushku uu hub kiimiko ah u adeegsado Ukraine. Madaxweyne Biden ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay xarunta Isbaheysiga NATO ee magaalada Brusseles ee dalka Belgium oo uu booqasho ku joogo. Wuxuu sidoo kale sheegay in Ruushka laga saari doono xubinnimada ururka dalalka ku horumaray dhaqaalaha ee loo yaqaan G20, iyada oo Ukraine lasoo gelin doono booska Ruushka. Sidoo kale madaxweyne Biden ayaa ballan qaaday in Mareykanku uu qaadan doono qaxooti gaaraya 100,000 oo ka mid ah dadka ka…

Read More

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii argagixiso ee ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyo magaalada Beledweyne, 23-kii March 2022, kuwaas oo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab, laguna dilay tobannaan qof, ayna ku dhaawacmeen tira intaas ka badan. Warsaxaafadeed kasoo baxay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin, isla markaana ay uga tacsiyeynayaan ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadaas, iyaga oo u rajeeyeen kuwa dhaawaca ah in ay si degdeg ah u bogsadaan. “Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dembiilayaasha,…

Read More

Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo,waxaa lagu wareejinayaa Shirkad uu leeyahay Nin Ganacsade Itoobiyaan ah. Ninkaas,ayaa Qaadka keena Somaliya,gaar ahaan Puntland,waxaana loo saxiixayaa maamulida garoonka 20-sano. Ninkan,ayaa sheegaya in uu dhisayo garoonka oo casriyaynayo,waxaana horay looga qaaday Lacag yar oo lagu sheegay dayactir Run-wayga ah. Saxiixa heshiiskan,waxaa Adis-ababa u Aaday Wasiir Lugatoor iyo Agaasime Xoosh. Sadex Milyan oo Dolar ayay Dowlada Puntland ka heli doontaa Ninkaas Ganacsada ah marka heshiiska lakala saxiixdo. Deni,ayaa aad udanaynaya dhaqaalahaas yar in uu helo si uu ugu adeegsado hankiisa Doorashada Madaxweynaha Fadaraalka. Deni,waxuu Garoonka Bosaso usaxiixay Imaaraadka mudo 30-sano ah,isagoo ku qaatay dhaqaale 10-Milyan…

Read More

Deni iyo Karaash waxay isku ogaayeen in Karaash uusan ku faragelin Deni soo xulashadii Xildhibaanadii Fadaraalka,waana fuliyay Karaash isfahankaas. Taas badalkeeda Deni,waxuu balan qaaday dhawr arimood oo kala ahaa… 1.In Deni iscasilo markuu soo saarto Xildhibaanada mudo xileedka harayna Karaash dhamaystiro. 2.In Gole Wasiiro uu soo dhisto Karaash isla maalmahaas. Qodobadaas sida muuqata Karaash,waa looga baxay.. 1.Is casilaadii Deni,waxaa ku dhagay Maxamuud Shido oo ku cataabay hadaad wax soo waydo soo laabo si aan Doorashada soo socota ee Madaxtooyada PL ugaga faa’idaysano joogistaada. 2.Golihii Wasiirada Deni,ayaa magacaabaya maalmahan mana ahan kuwo Karaash laga tixgeliyay oo la shaqayn kara,waxaana ku jira…

Read More

Xafladan caawa,waxaa loo dhigay Madaxweyne Deni in lagu taageero,balse ma suuroobin in uu kasoo qaybgalo,waase qorshaysnayd. Baaqashada Madaxweynaha,ayaa ku salaysnayd xog amni. Waxaa jira xog aad u xoog badan oo sheegaysa in uu jiro qorshe lagu khaarajinayo mid ka mid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada. Tuhunka amni,waxaa Puntland ay caawa difaac gaar ah uga gashay,waa xog wadata magacyo ay ku jiraan shaqsiyaad reer Puntland ah oo fulinaya hawshaas. Jibril Qoobey.

Read More

Iyadoo lagu gudo jiro Xaalad Abaar Daran hadana filashada Hordhaca ah ee Roobabka Gu’ga ayaa ah mid Rajo galin leh. Sida ka muuqata khariidada Saadasha Satimaanka iyo midda 3 maalmood ka nagu soo fool leh ayaa la filayaa Bilowga Curashada Roobabka Gu’ga meelo kooban oo kamid ah degaanada Puntland. Xaddiga Roobabka la filan karo ayaa aad u yar; qiyaas ahaanna gaaraya 10 -20 mm. Isla markasna meelaha qaar lagu qabowsan karo. Meelo kamid ah degmooyinka Buhoodle,Goldogob, Bursaalax,Burtinle iyo Boocame,ayaa la filayaa in Gu’gu ka curto maalmaaha nagu soo Aadan. Waxaa arrintaan caawa laga dareemaya meelo kaimd ah degmooyinkaas Waxaa weli…

Read More

Markab laga leeyahay Ruushka ayaa lagu burburiyay magaalo-dekadeedka la heysto ee Berdyansk, iyadoo labo doomood oo kalena ay waxyeello ka soo gaartay, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine. Militarig Ukraine ayaa subaxnimadii saakay soo dhigay muuqaalka waxayna sheegeen in markabka Orsk ay weerareen ciidamadooda. Faahfaahin ku saabsan waxa sababay qaraxa iyo dabka ka kacay markabka lama oga. Berdyansk, oo ku talla galbeedka dekadda go’doonsan ee Mariupol, ayaa lala wareegay afar maalin kahor kaddib markii Ruushku uu ku duulay Ukraine,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Dagaalka sokeeye ee ka qarxay Itoobiya ayaa in ka badan shan malyan oo qof ku qasbay in ay u baahdaan gargaar cunto kaas oo aysan heli Karin ilaa iyo bishii December. Go’aanka dawladda Itoobiya ayaa imaanaya kadib booqashadii wakiilka gaarka ah ee Maraykanka ee Geeska Africa David Satterfield. Ciidamada Tigreyga,ayaan ilaa hadda ka jawaabin talaabada ay dawladda Itoobiya qaaday. Dagaalka Itoobiya,ayaa qarxay bishii November ee 2020 kii kadib mudo bilo ahayd oo ay jirtay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay dawlada Itoobiya iyo ururka TPLF ee xukumayay gobolka Tigray.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Madaxdii hore ee dalka,ayaa salaadda Janaasada ku tukaday maydka Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo ka mid ah dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixiso ee xalay ka dhacay Baladweyne.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay arimo ay ugu waa weyn yihiin.. 1.Amniga 2.Xaaladda Abaaraha, 3.Maciishada 4.Nabadeynta Saaxmeygaag iyo Sangejabiye. Shirka Golaha Wasiirada Waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Read More

Inta u dhaxaysa 7,000 ilaa 15,000 oo askari oo Ruush ah ayaa ku dhintay hal bil ka dib duulaankii Ukraine, Waxa sidaasi wakaalada wararka ee AP u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Nato. Sarkaalka ayaa intaa ku daray in 30,000 ilaa 40,000 oo Ruush ah loo malaynayo in lagu dilay ama lagu dhaawacay dagaalka. Ruushka ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee dhimashada tan iyo 2-dii Maarso, markaasoo ay sheegtay in 500 oo ciidamadeeda ah ay dhinteen. Marka loo barbar dhigo duullaankii uu Ruushka ku qabsaday Afqaanistaan islamarkana socday 10 sano ayaa waxa kaga dhintay ilaa 15,000 oo askari…

Read More