“Rabshadu ma ahan wado horay uwadaysa Somaliya”ayay ku bilowday qoraalkeeda Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya. “Midowga Yurub,waxuu canbaaraynayaa falalka argagixisada iyo dilalka ku salaysan siyaasada” Ayay tiri markale. Qoraalka Tiina,ayaa laga dhadhansan karaa in uu jiro tuhun weyn iyo xogo lagu kalsoonaan karo oo ku aadan dilka Xildhibaanada in uu yahay mid Siyaasadeed. Wakiilka,ayaa qormadeeda kusoo xirtay Tacsi ay udirtay Qoyska Marxuumad Xildhibaanad Aamino. “Tacsi ku socota qoyska Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi Beledweyne @EU_in_Somalia”.
Author: Jibril Qoobey.
Wefti ka socda Midowga Yurub,ayaa Maanta booqday dhismaha Wadada isku xirta Garowe ilaa Gaalkacyo. Weftiga,waxaa weheliyay masuuliyiin ka mid ah Wasiirada Puntland sida Qorshaynta iyo Hawlaha Guud. Wadadan oo ay maalgelisay dhismaheeda Midowga Yurub,ayaa dhererkeedu gaaraya ku dhawaad 80-km. Ilaa iyo hada,waxaa la dhamaystiray 40-km oo ah Burtinle ilaa Xarfo. Qaybta harsan ee Wadada oo ah Burtinle ilaa Jalam,ayaa iyadana gacanta lagu hayaa dhismaheeda. Wadadan oo horay ufadhilantay xiligii Dowladii Gaas ayaa hada umuuqata in ay dib udhaqaaqday oo Dowlads Deni qarka usaaran tahay in ay dhamaystirto,iyadoo kaashanaysa Midowga Yurub.
Marxuumad Aamina ayaa lala beegsaday qarax,waxaana sheegatay masuuliyada Qaraxaas ay ku geeriyootay Kooxda Al shabaab. Marxuumadda,ayaa lagu aasi doonaa magaalada Muqdisho oo Maydkeeda loosoo qaaday. Waa tumaa xildhibaan Aamino? Xildhibaan Aamino Maxamed ayaa ku dhalatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo waxbarshadeedii dugsiga hoose, dhexe, sare ilaa heer jaamacdeed ay ku so qaadatay. Waxaa ay shahaadada culuumta ganacsiga ay sanaddii 2010-kii ka qaadatay jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho. Waxaa ay sidoo kale isla jaamacadda ka sameysay shahaadada Mastarka. Marxuumadda ayaa waxaa ay siyaasadda ku soo biirtay sanaddii 2012 markaasi oo xildhibaan loo doortay. Xildhibaan Aamino Maxamed ayaa mar kale…
Madeleine Albright, oo ahayd haweeneydii ugu horreysay ee Xoghaye Arrimaha Dibadda ka noqota Mareykanka, ayaa u geeriyootay cudurka Kansarka, sida qoyskeeda ay Arbacadii shaaciyeen, waxayna aheyd 84-jir. Madaxweyne Bill Clinton ayaa Albright u doortay diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka sannadkii 1996-kii, waxayna xilkaas ku soo shaqeysay afartii sano ee ugu dambeysay ee maamulkii Clinton. Waxay hore u ahayd safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay. Wakhtigaas, waxay ahayd haweeneydii ugu darajada sarreysay taariikhda dowladda Mareykanka. “Waxaa inaga geeriyootay hooyo, ayeeyo, walaal, eeddo iyo saaxiib qaali ah. Waxaa ku hareereysnaa ehelka iyo asaxaabta” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay qoyska Albright oo lagu daabacay…
Mareykanka ayaa sheegey in xubno ka tirsan ciidamada Ruushka ay dambiyo dagaal ka geysteen dalka Ukraine, sida uu sheegey xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken Arbacadii. Blinken wuxuu intaa ku daray in go’aan gaarista Washington ay ku saleysan tahay “qiimeyn taxaddar leh” oo lagu sameeyay xogta laga heli karo dadweynaha iyo kuwa sirdoonka. Waxa uu sheegay inay jireen warbixinno badan oo lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan in weerarro aan loo meel dayin oo si ula kac ah loogu bartilmaameedsado dadka rayidka ah, iyo waliba tacadiyo kale oo ay ciidamada Ruushka ka gaysteen dalka Ukraine, isagoo tilmaamay weerarro ka…
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Garoowe: 23 March 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo qarax lagula beegtay magaalada Baladweyne. Madaxweynaha ayaa cambaareeyay falkaasi iyo cidii ka danbeysay, wuxuuna ummada Soomaaliyeed iyo Golaha Shacabka JFS uga tacsiyeeyay geerida Aamina Maxamed Cabdi oo ka mid ahayd Baarlamaankii 10-aad , hadana u tartamaysay si ay usoo laabato. “Alle ha’unaxariisto Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ku geeriyootay Qarax ka dhacay Beledwayne, waxay ka mid aheyd Xildhibaanadii Baarlamaanka 10-aad sida weyn uga dhex muuqday hadana Olole ugu jirtay inay tartanto. Waxaan cambaareynayaa falkaasi…
Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegay in qarax culus uu caawa ka dhacay magaalada.Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka tirsaneyd golaha shacabka Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dhammaaday. Qaraxa ayaa lala beegsaday gudaha xerada Lama Galaay oo ah goobta doorashada lagu qabto. Xildhibaan Aamina ayaa ku jirtay gudaha xarunta marka uu qaraxu dhacay.Waxaa la aaminsan yahay in qarxa gudaha lagu sii diyaariyay. Qarax kale ayaa isna dhacay wax yar kaa kadib, oo ka dhacay meel fariisin u aheyd ciidamada dowladda.Rasaas xoog leh ayaa dhaceysa oo magaalada oo dhan laga maqlayaa. Ma cadda heerka…
Maxamuud isagoo isboohinaya,ayuu isku agtuuray Deni oo leh war khaldan,ayaa nalooga kaa keenay. Hal Milyan oo dolar,ayuuna ugeeyay oo uu yiri ku kabo Olalahaaga oo Ninyahow yaan laysku kaaya dirin,sida ay ii xaqiijiyeen xog ogaal lagu kalsoonaan karo. Garowe,waxaa laysla dhexmarayaa in Lacag badan oo Khayre leeyahay lasoo geliyay,taasoo lagu baayacayo Xildhibaanada Deni soo saartay. Waxaa aad usoo xoogaysanaya in uu jiro kala fogaansho dhexyaal Deni iyo shayaadiinta,waxaana ka mid ah arimaha ay ku kala fogaadeen…. 1.Aaran waxay rabeen in ay maamulaan Dhaqaalihii lagu soo saarayay Xildhibaanada,taasoo la xaqiijinayo in laga fogeeyay. 2.Aaran waxay rabeen in ay gal-gal ku yeeshaan…
Xalay,ayuu si gaar ah uqaabilay Saraakiisha Ciidamada Madaxweyne Deni. Mid walba,waxuu ka dhagaystay cabashadiisa iyo baahiyaha Ciidanka uu hogaamiyo. Ujeedka laga lahaa la kulanka Saraakiisha Ciidamada,ayaa ahaa in laga daba tago khaladaad fara badan oo Xasan Shire sameeyay mudadii uu waday Barnaamijkii dib uhabaynta Ciidamada. Sida ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan Xasan,waxuu ka dhex abuurtay Ciidamada Wiilal yar-yar oo isaga daacad u ah una badan beeshiisa hoose,kuwaas oo uu udhiibay hogaamada. Dagaalkii Bosaso,ayaa wax badan fashiliyay oo lagu ogaaday. Deni,waxuu hada isku dayayaa in uu ka daba tago arimahaas,iyadoo ay ii xaqiijiyeen Saraakiisha Madaxtooyadu in caro badan oo ku aadan…
Maalmahaan oo idil waxaa ina soo gaarayey digniino isi soo tarayey oo ku aaddan amnigeenna shakhsiga ah iyo in la qorsheynayo weeraro lagu qalqal gelinayo amniga, laguna abuurayo cabsi gelin. Weerarka maanta ka dhacay xerada Xalane waa billowgii hawlgalladaas. Al-shabaab xoog kuma soo gelin gudaha, wayna cadahay in lala shaqeeyey, loona fududeeyey hawlgalka. Waxaa kaloo iyana muuqata in weerarkii maanta uu jawaab u ahaa farriintii ahayd in doorashada guddoonka Baarlamaanka lagu qabto teendhada Afisyoone. Dalku wuxuu ku jira xilli xasaasi ah oo kala guur ah, welina hay’adihii amnigana waxay gacanta ugu jiraan koox aan sariig lahayn oo waddo kasta u…
Sideed kaalmood oo ka mid ah dhowr iyo afartanka kaalmood ee ku yaal dawlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayay xukuumadda Deegaanku xiray,iyadoo kaga jawaabaysa shidaal yaraanta bilahanba ka jirtay Deegaankaasi. Kaalmaha la xiray oo ku kala yaal dhawr magaalo oo ku yaal magaalooyinka waaweyn ee deegaanka Somalida.
Wakaaladda wararka ee Reuters iyadoo soo xiganaysa ilo-wareedka, ayaa sheegtay in Maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka ay ka fakarayaan, in Ruushka ay ka saaran wadamadda G20. Wakaalladda Wararka ayaa sidoo kale sheegtay in Poland ay Salaasadii u soo jeedisay Saraakiisha Maraykanka inay Ruushka kasaaraan G20, waxayna sheegeen inay heleen “jawaab wanaagsan”. G20 waxaa ku mideysan wadamadda dhaqaalaha ugu weyn adduunka ujeedadooda ugu weyna ay tahay in la isku dubbarido wax ka qabashada arrimaha saameeya dhaqaalaha adduunka, oo ay ku jiraan isbeddelka cimilada iyo horumarka.
Booliiska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in rasaas ka socoto garoonka diyaaradaha ee Muqdishu kadib markii ay weerareen laba nin oo dablay ah. Booliisku waxay sheegeen in labada nin ay isku dayen inay gudaha u galaan qayb ka mid ah xero ku dhow garoonka dhinaca xerada Mariino. Boolisku wuxuu sheegay in ciidanka ammaanku ay hor istaageen, mana aysan sheegin khasaaraha weerarkan. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegteen oo kale in maleehsiyaadkoodu ka dagaalamayeen gudaha garoonka ayna dab qabadsiiyeen meelo ka mid ah garoonka. Sarkaal ka tirsan ddwladda Soomaaliya oo magacisia qariyey ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka gudbeen baraihii…
Kala xanaaqii Madaxweyne Deni iyo Wasiirkiisa Maaliyada waa fogaaday,waana ka weyn yahay inta la filayay. Deni,waxuu Warqad kharash joojin ah udiray Bangiyada ay Dowladu ku leedahay Akoomada. Salaam Bank oo ay Dowladu ku leedahay Akoon,ayuu damcay Xasan in uu Lacag kala baxo,isagoo Sacuudiga jooga,waase usuuroobi wayday. Kadib,waxuu la xiriiray Bangiga xaruntiisa ,waxaana loo sheegay in Madaxweynuhu Warqad soo gaar siiyay. Xasan,waxuu ku khasbanaaday in uu soo gaabiyo joogistiisii Sacuudiga oo Sweden iska soo aado. Jibril Qoobey.
Deni,waxuu wadaa diyaarinta wax lagu sheegay Xeerar kala hagi doona Labada Hay’adood ee PSF iyo mida Ina Xaaji Khayr loo macmalay. Ujeedka Xeerarkan waa in PSF laga dhigo mid maxaliya oo la micno ah Daraawiishta kaliya goobaha dagaal ka jirana ka hawlgasha. Halka mida ina Xaaji Khayr la rabo in laga dhigo mid caalami ah oo dhamaan xiriirka dibada iyo sirdoonku ay hoos yimaadaan. Waa dagaal kale oo uu kusoo qaadayo PSF,waxaana muuqata in uusan weli waantoobin ilaalinayna heshiiskii Bosaso Madaxweyne Deni. Jibril Qoobey.
Nabadoonada ku saxiixan Warqadan kala bar waa kuwii ku kalifay Fiqigu in uu iscasilo. Waxaa Saldhig u ah Guriga Maxamuud Shido,halkaas,ayaana laga soo abaabulaa dhibaataynta Fiqiga. Wax laga xumaado ayay ahayd in Fiqigii oo Cumar Maxamuud-weynihii kale la saxiixdsy Bayaan laga daba qayliyo,iyadoo aysan jirin jifi kale oo ka dabahadashay Caaqilkoodii. Dhabancad waa Ninka loo adeegsaday cayda Fiqiga oo Odoyaashan 6-ka mid ah Qol kusoo xirtay kadibna Lacag uqaybiyay isla habeenkii Bayaanku soo baxay. Fiqi Cabdinaasir waa hormuud runtii wax wanaagsan ka shaqeeyay sababayna in la helo midnimo dhaqan oo reer Mudug mudadii uu talinayay,waana mida loola dirirayo. Ugu yaraan…
Taliyaha Ciidanka booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi,ayaa ka qayb galay daahfur ka tababar ku saabsan Boolisaynta bulshada. Daahfurka tababarka waxaa ka qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amnida DDRta DPL Cabdullahi Cabdisalan XasanMadaxa UNDP Puntland Mr. Muse Duale, Eunice oo ah lataliye sare oo ka tirsan hay’adda UNSOM, hogaanka tababarada ciidanka booliska Puntland,agaasimaha qorshaynta wasaaradda amniga iyo saraakiil kale . Tababarka ayaa loo qabtay afar degmo oo kala ah, Is-kushuban,Waaciye,Dangorayo iyo Jariiban.
Habeenkii shaacinta musharaxnimadiisa,waxaa diiday in ay yimaadaan dhamaan Isimadii reer Puntland. Hal Isin oo reer Puntland ah ma joogin waliba,iyagoo lagu casumay kuwo badan way ka baaqdeen. Taasi waxay muujinaysaa sida Bulshada Puntland uga niyad jabeen hogaamintiisa. Deni hiil iyo Miisaan ayay unoqon lahayd hadii lagu arki lahaa garbihiisa Isimadii reer Puntland. Waxgaradka hoos Sawirkoodu idin kaga muuqdo,waxay ahaayeen kuwo loogu talagalay in ay buuxiyaan booskii dhaqanka,gaar ahaan Beesha Cismaan Maxamuud oo lagu casumay Xaflada,balse Irida Madaxtooyada laga celiyay. Waxgaradkan la ilhaamaystay,waxay kala ahaayeen… 1.Axmed King-kong. 2.Nabadoonka Isxul . 3.Nabadoonka Muuse Suldaan iyo Odoyaal kale. Isha,waxaa lagu hayay ku dhawaaqista…
Lax dhukani Abaar moog!! Deni Qasrigaas 10-ka Km ah ee Madaxtooyada Puntland aadkana uQuruxda badan lehna adeega sareeya oo xataa loogu daray Madaxweynaha dabaal iyo jimicsi,ayuu ku dhex nool yahay. Halkaas,ayaa loogu geeyaa Canshuurta shacabka laga qaado oo maalinkii gaaraysa 300-kun oo dolar. Canshuurtaas oo ay dheer tahay Lacagta kabida ee Mashaariicda,ayuu u isticmaalaa danihiisa siyaasadeed inteeda badan,waxaana tusaale loosoo qaadan karaa doorashadii Xildhibaanada Fadaraalka. Deni taa badalkeeda shacabka maqaamka ay maalgashteen uu ku helay haybadaas iyo dhaqaalahaas uma hayo wax abaal ah. Ma tuso naxariis,dabacsanaan iyo dareen damqasho masuuliyadeed. Abaar daran oo Dalkii iyo Dadkii aafaysay,ayaa taagan lagamana hayo…
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA SHEEKH SHARIIF SHEEKH MUXYADIIN CELI Muqdisho, Maarso 22, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo tilmaamay in Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin ahaa caalim diineed iyo aqoonyahan sare oo ka mid ahaa macallimiintii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ka soo qaatay arrimaha dacwada Islaamka, waxbaridda ubadka, faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii,…
Milateriga Ukraine,ayaa ku warramaya in shirkadda soo saarta sidookalena dayactirta taangiyada Ruushka ay joojisay shaqadii. Warshadan oo ku taal gobolka Chelyabinsk ee badhtamaha Ruushka, ayaa shaqada joojisay kaddib markii ay gabaabsi noqdeen qaybo ka mid ah qalabka dibadda laga keeno, sababo laxiriira cunaqabateynadda Ruushka lagu soo rogay. Warshadan,ayaa ah midda kaliya ee soo saarta Tangiyadda Ruushka. Sidoo kale Wasaaradda difaaca ee Ukraine,ayaa sheegtay in ciidamada Ruushku ay haystaan kaydad rasaas iyo cunto ah oo kufilan wax aan ka badnayn saddex maalmood”. Ciidamada Ruushka,ayaa heysta sahay shidaal oo ku filan muddo saddex maalmood oo kaliya, waxaana jira Taangiyo badan oo hareer…
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhankiisa sheegay in uu aaminsan yahay in Vladimir Putin uu “gidaarka soo taabtay” taasoo kordhinaysa suurtagalnimada inuu isticmaalo hubka kiimikada ama bayoolojiga. Munaasabad ganacsi oo ka dhacday Washington DC Isniintii, Biden wuxuu sheegay inuu rumeysan yahay in Ruushka uu diyaarinayo “dhacdooyiin kale oo been abuur ah”. “Waxay sidoo kale shegayaan in Ukraine ay haysato hub bayooloji iyo kiimiko ah “Taasi waa calaamad cad inuu ka fikirayo isticmaalka labadaas hub.” ayuu yiri madaxwyne Biden. Horaantii bishii Maarso, Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa uga digay Ruushka in Moscow ay la kulmi doonto cawaaqib haddii ay…
Shir lagu hirgelinayey Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso amniga dalka oo dib-u-habayn lagu sameeyey, kaas oo uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa maanta ka dhacay Muqdisho. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galeen masuuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo metelayey Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Saaxiibbada Soomaaliya ka taageera dhanka amniga. “Dib-u-habayntan Qorshaha ay Soomaaliya si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga ka taageera uga la wareegayso mas’uuliyadda sugidda Amniga Dalka, oo muddo laga shaqaynayey ayaa maanta la isku raacay hirgelintiisa, iyada oo 31-da bishan Qorshahan la horgayn doono…
Garaad Maxamed Cilmi Shirwac,waa mudan yahay in lagula xisaabtamo hagardaamaynta Beesha Cabdi-ciise uu sida joogtada ah ugu hayo. Jagadii Cabdi-ciise usoo baxda Qoyskiisa hoose,ayuu la raadsadaa. 1 Xeer ilaaliyaha Xamar waa Qoyskiisa.2.Gabadhii Xildhibaanada ahayd waa Qoyskiisa.3.Wasiirkii Sayid waa Qoyskiisa.4.Agaasimihii waa Qoyskiisa. Boqolkiiba Sideetan Dadka Cabdi-ciise matalaya ama soo matalay waa Qoyskiisa. Taasi kama dhigna in Beesha inteeda kale aysan lahayn Dad geya boosaskaas. Cadaalad xumida Garaadka,waxaa udanbeeyay waxii hada Garowe ka dhacay. Cumar Maxamuud oo isku raacsan in Cabdi-ciise Kursi ay helaan,ayuu dhaafiyay oo dhanka kale istaagay. Garaadku danihii jifida uu xoojiyaha uyahay ilaalinteeda,waxuu uga tanaasulay oo ku badashay Dhulka…
Waa Aafooyinka uu ka tagey Deni mid ka mid ah. Isin iscasila,Isin aan la xurmayn iyo Isin la weeraro. Xaqiiqdii Fiqi Cabdinaasir,waxuu mudan yahay in loo istaago,sababtoo ah Maanta Qof helay Shaabad uu ku qaraabto oo hadana iskaga tanaasulay,waxuu leeyahay Imaan xoog badan. Isinimadu waxay ka mid tahay Shaabadaha Dhaqaalaha joogtada ah laga sameeyo. Hadii Xukuumadii xurmayn wayday Tol uga hiiliyana uu waayay in uusan bahdil ku dhex joogin,waa go’aan geesinimo leh. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Sheekh Aaadan Cabdiraxmaan Warsame “Sunne” oo dhawaan ay mas’uuliyiinta Somaliland ku dhawaaqeen inuu ka baxsaday magaalada Hargaysa oo uu degenaa ayaa wareysi siiyay BBC-da, isagoo ku sugan deegaannada ay maamulaan kooxda Al-Shabaab. Waxa uu xaqiijiyay in uu kasoo baxsaday Somaliland, isagoo eedeyn u jeediyay maamulka Jamhuuriyadda iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. “Magaalada Hargeysa waxaan uga soo baxay aniga oo reerkeygii wata in waddankii aan ku dhashay oo aan ka ahaa nin culimo ah oo ku howlan dacwada Islaamka iyo tarbiyada Islaamka ay igu timid carqalad xooggan oo ku wajahan howlsheyda, taasoo kaga timid nidaamka ka jira meesha,” ayuu yidhi.…
Dowladda Mareykanka ayaa ayaa shaacisay in lacag dhan $5 milyan oo dollarka Mareykanka ah ay siin doonto ciddii keenta xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay Jihaad Serwaan Mustafa oo loo yaqaan Axmed Gurey oo la rumeysan yahay inuu xubin sare ka yahay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. “Mustafa waxaa la rumeysan yahay inuu yahay muwaadinka ugu darajada sareeya ee u dhashay Mareykanka ee dibada uga soo dagaalama urur argagixiso,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Mareykanka Robert Brewer. “Maamulka argagixisada Al-Shabaab waxay khatar ku tahay amniga qaranka Mareykanka, xulafadayada caalamiga ah iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.”…
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkey ayaa wareysi uu bixiyay Axaddii ku sheegay in Russia iyo Ukraine ay ku dhow yihiin in ay ka heshiiyaan arrimaha muhiimka ah, wuxuuna muujiyay raja ah in xabbad-joojin la gaari karo, waa haddii buu yiri, aysan labada dhinac ka laaban horumarka ay ilaa hadda gaareen. Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov iyo dhiggiisa Ukraine Dmytro Kuleba ayaa horraantii bishan ku kulmay magaalada Antalya, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Turkey Mevlut Cavusoglu uu isna kulankaasi ka qeybgalay. wadahadalkaasi ayaan dhalin wax natiija ah. Laakin Cavusoglu oo toddobaadkii hore tagay Russia iyo Ukraine wada-hadalna la yeeshay…
Garoowe, 21, March, 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 11, ku magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Dowladda Puntland.. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay:Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1.Waxaa Maxamed Cabdiweli Nuur (Timire) loo magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Dowladda Puntland. 2.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. DHAMMAADXAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+. Arimaha ay ka wada hadleen,waxaa ka mid ahaa.. 1.Dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Hirshabelle . 2.Hirgalinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada Labada Aqal ee BFS. 3.Xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira iyo sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka Somaliyed ee abaartu saameysay.
Fiqi Cabdinaasir Maxamuud Mire oo is casilay Ujeedo: shir saxaafadeed 21/3/2022 Anigoo ah Abdinaasir Mohamud Mire waxaa la ii doortay taariikhdu markay ahayd 25 Dec 2019 inaan Fiqi u noqdo beesha Reer Xirsi Faarax ee Cumar Maxamuud . Waxaa dhacday in shir aan isugu nimid magaalada Garoowe odayaasha beesha .markii ay kasoo wareegtay caleema saarkaygii hal sano iyo siyaado oo aan la iisheegin waxa la iidoortay iyo waxa aan qabanayo waxay yihiin.waxaan weydiiyey su’aalo sadex ah. 1) Maxaa idinku dhaliyey inaad Fiqi doorataan ama Isim.2) Maxaad rabtaan in uu idiin qabto.3) Sidee rabtaan inaad u wada shaqaysaan.Iigama aysan jawaabin su’aalihii…
Koox aan magacooda la aqoon ayaa Ruushka la beegsaneysaa weerarada Internet-ka tan iyo markii uu duulaanka ku qaaday Ukraine, waxay kooxdan ku dhawaaqeen weerar dhanka Internet-ka ah oo lagu bartilmaameedsanayo madaxweyne Putin si ay uga aargoostaan duullaankii Ukraine. Dhawr qof oo ku howlan dagaalkan ayaa BBC-da uga warramay ujeeddooyinkooda, xeeladahooda iyo qorshahooda ku aadan weeraradaas. Dhammaan weeraradii internetka ee la qaaday tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Ukraine, waxaa soo if baxay in burcad aan la gareynin ay weerar dhanka Internet-ka ah ku qaadeen teleefishiin laga leeyahay Ruushka. Markii la jabsaday teleefishinka waxaa laga soo duubay muuqaal gaaban oo muujinaya…
Hoggaamiyaha Ruushka ayaa ku go’doonsan duni uu isagu isku xiray, waa waxa ay rumeysan yihiin sirdoonka reer galbeedka, waana arrinta ay si weyn uga walaacsan yihiin. Muddo sanado ah waxay dadaal ku bixiyeen sidii ay u darsan lahaayeen maskaxda Putin, si ay si fiican ugu fahmaan waxa uu damacsan yahay. Iyada oo ciidamada Ruushku ay u muuqdaan in ay kuwa ku guuldareystay dagaalka Ukraine, baahida loo qabo in la ogaado waxa maskaxdiisa ka guuxaya ayaa noqotay mid loo baahan yahay iyaga oo isku dayaya in ay ogaadaan sida uu uga falcelinayo cadaadiska haatan saaran. Fahamka xaaladdiisa maskaxeed waxay noqon doontaa…
Xuutiyiinta Yemen ayaa Axadda maanta weeraro isugu jira gantaallo iyo drone oodda kaga qaaday Sacuudiga kuwaas oo beegsaday goobo muhiim ah oo ay ku jiraan xarumo laga soo saaro shidaalka iyo kuwa lagu nadiifiyo, sida ay ku warrameen warbaahinta Sacuudiga. Weerarada ma aysan sababin wax khasaare ah, balse waxay waxyeeleyeen baabuur shacab iyo guryo, ayey yiraahdeen xulufada militari ee Sacuudigu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen. Duqeymaha ayaa yimid ayada oo shirkadda Sacuudiga ee Aramco ay maanta ku dhowaaqday in macaashkeeda sanadkii 2021 uu sare u kacay 124%, oo uu gaaray 110 bilyan oo dollar. Aramco ayaa warbixinteeda dakhli sii daysay toddobaadyo…
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa sheegay inay dawladda Maraykanka ka go’an tahay inay taageeraan dib usoo noolaynta Soomaaliya deggan, nabad ah, islamarkaana dimoqraadi ah. Safiirka ayaa u sheegay idaacadda VOA in Maraykanku yahay deeq bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya ka gargaara dhinacyada bani’aadminnimada, amniga iyo horumarinta.Danjire Larry André waxaa kale oo uu idaacadda VOA u sheegay in Maraykanka ay ka go’an tahay taageerista xorriyadda saxaafadda guud ahana caalamka. Waxa uu sheegay in suxufiyiinta oo la siiyo tababar, iyo in la difaaco xuquuqda hadalka ee Soomaaliya inay ka mid tahay waxyaabaha safka hore ku jira ee ay mudnaanta siinayaan.…
Inta badan Xildhibaanada Karaash kuma qabsan Deni oo waa usii daayay,isagoo ilaalinaya balan ay wada galeen. Karaash,waxaa lagula heshiiyay in uu Deni dhiso oo uusan caqabad ku noqon hankiisa Xamar. Dhankiisa,waxaa loo balan qaaday dhawr arimood oo ay ugu horeeyaan… 1.In Deni iscasili doono marka uu ku dhawaaqo Musharaxnimadiisa. 2.In Karaash aan lagu faragashan doonin cida unoqonaysa M.xigeenka oo lagala shaqayn doono sidii loo dooran lahaa Masuul ay isla jaanqaadi karaan. 3.In Wasiirada hada banaan iyo kuwa noqday Xildhibaanada iyo Agaasimayaasha uu toos usoo magacowdo Karaash si uu udiyaarsado Dad la shaqayn kara. Durba,waxaa xoguhu sheegayaan in looga baxay mid…
Markii uu Ruushka gudaha u galay Ukraine waxa uu weerarkiisa ujeeddadiisa ahaa in aan la ballaarinin isbahaysiga Nato oo uu Putin ka baqayay in ay xuduudihiisa ku sii fidaan. Tallaabadaas ayaa horseedday in isbahaysiga reer Galbeedka uu dhankiisa adkeysto difaaca, waxaana muhiim noqotay in sare loo qaado xiriirta uu Mareykanka la wadaago waddamada xubnaha muhiimka ka ah Nato, oo uu ka mid yahay Turkiga. Turkiga ayaa isagana dhankiisa muujiyay sida uu u diiddan yahay dagaalka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine, inkastoo uu xiriir xooggan oo dhanka dhaqaalaha ah la leeyahay xukuumadda Moscow. Dhanka kale, ciidamada Ukraine ayaa sheegay in…
Maraykanka,ayaa si aan rasmi ahayn ula soo qaaday dowladda Turkiga suurtogalnimada haddii ay Ukraine u dirto gantaalaha difaaca hawada ee S-400 ee uu Ruushku sameeyay, si ay uga caawiyaan la-dagaallanka ciidamada Ruushka ee kusoo duulay, sida laga soo xigtay saddex ilo wareed oo arrintan la socday. Saraakiisha Mareykanka ayaa soo jeedintan bishii lasoo dhaafay u gudbiyay dhiggooda Turkiga, balse ma jirto codsi gaar ah ama mid rasmi ah oo loo gudbiyay Turkida, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters. Waxay sidoo kale sheegeen inay arrintan si kooban u soo baxday booqashadii ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Wendy…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa soo dhoweeyey xil ka qaadista uu madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ku sameeyey guddoomiyihii guddiga doorashada maamulka HirShabeelle (SEIT) Axmed Xasan Diini. Guudlaawe ayaa sheegay in Axmed Xasan Diini uu xilka ka qaaday kadib markii uu “ka laeexday habsami u socodka iyo habraacyada doorashada 2020/2022.” Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu si dhow ula socdo dhammaystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka BFS ee wali harsan isagoo kala shaqaynaya, sida uu yiri, Madaxda Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo HirShabeelle. “Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u hambalyaynayaa Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada…
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseyn ayaa xilkii Gudoomiyenimo iyo xubinimada Gudiga Hirgalinta Doorashada Dowladda Hirshabeelle ka qaaday Axmed Xasan Diini. Waxaana Xubinimada Gudiga loo Magacaacabay Mudane Maxamed Xuseen Maxamed ( Waadi ) -DHAMAAD-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE
Awooda Deni caawa gacanta ugu jirta hadii mid ka weyn uu hantiyo waa khatar soo korortay oo aan laga badbaadayn. Niyukleerka Waqooyiga Kuuriya laga ilaalinayo ayay la mid tahay awooda Dowladnimo ee Somaliya oo Deni ugacan gasha. Waxa kaliya ee ukordhaya markuu noqdo Madaxweyne Fadaraal,waa ….. 1.Isla weyni.2.Kibir.3.Macangagnimo4.Musuq iyo Eex5.Cadaalad xumo6.Cuqdad iyo Ciilqab. Ma dareemi doono oo uma saa’idi doonto habayaraatee wax masuuliyad ah… 1.Ma dareemi doono masuuliyada ukorortay.2.Ma dareemi doono deganaan iyo culays.3.Ma dareemi doono dulqaad siyaada ah.4.Ma dareemi doono Naxariis iyo dabac.5.Ma dareemi doono hufnaan iyo M.wanaag.6.Ma dareemi doono cadaalad iyo Eex yari Deni awooda Dowladnimo oo idil,waxuu…
Marka uu ku dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne Fadaraal ma jirin dareen isbadalay iyo Dad u istaagay oo soo dhaweeyay. Waxaa wajigiisa ka muuqatay carro uu ka qaaday dareenka hooseeya ee lagu soo dhaweeyay Musharaxnimadiisa. Gobolada Puntland oo aan la xiriiray,waxaan ka ogaaday in Dadku kuugu jawaabayaan Erayga ah “Rabi hana dhaafiyo”. Muqdisho oo aan la xiriiray Caawa Dadku waxay qabaan aragti oranaysa “Hana caayina reer Puntland-noow Nin aad kasoo quusateen nama xukumayo Anaga”. Guud ahaan Shacabka Somaliya waxay ka qabaan aragti isku dhow oo niyad jab ah hanka Deni.
“Waxaan utaaganahay qabashada xilka Madaxweynaha Fadaraalka Somaliya”Ayuu yiri Deni. Khudbad dheer oo qaadatay Laba Saac,ayuu Caawa sii daayay,balse aan wax nuxura oo badan lahayn. Dadkii fadhiyay Goobta,ayaa intooda badani ku caajiseen khudbadiisa,waxayna ku mashquulsanaayeen isla sheekaysi dhexdooda ah. Waxaa madasha ka muuqatay in aan xiiso loo hayn hadalka Madaxweyne Deni iyo hankiisa Xamar. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa caawa ku dhawaaqay in uu yahay musharrx u tartamaya xilka Madaxweynaha Fadaraalka Soomaaliya. In uu yahay Musharax utaagan xilka Madaxweynaha Fadaraalka,ayuu Caawa si cad uga hor sheegay Deni Dad kooban oo lagu casumay casho ka jirta Madaxtooyada Puntland. Jibril Qoobey.
Shan-Xildhibaan,ayaa la waayay oo aan kasoo qaybgalin kulankii Maanta. Xildhibaanada,ayaa laga waayay Hoteladii lagu ogaa,waxayna dansadeen Taleefoonadii horay loogu qaybiyay. Ma cada halka ay ka cid galeen ilaa iyo hada,waxaase ku socda baadigoob xoog badan.
Waxuu usocdaalaya Imaaraadka oo uu kasoo qaadanayo Lacag Madaxweyne Deni. 10-Milyan oo dolar,ayaa taala Imaaraadka,taasoo ah Lacagtii uu ku wareejiyay Garoonka Diyaaradaha Bosaso. 30-sano,ayaa Garoonka Bosaso loo saxiixay Imaaraadka. Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo Garoonka,waxaa isticmaali doona si dadban Ciidamada Maraykanka,balse,waxaa heshiiska galay Imaaraadka. Waxaa jira 25% waxa kasoo baxa oo la siiyay Deni laguna qoray Walaalkii Xasan Deni. Lacagtaas waxay toos ugu dhacaysaa Koonto iyo Xaafiis reer Deni ka furteen Imaaraadka. 10-ka Milyan lagama soo qaadin hal Dolar oo toos,ayaa loogu wareejiyay Koonto Dubai ah markii la bixiyay. Imaaraatiyiinta,ayaa la yaabay oo yiri xataa 2-Milyan gudaha looma…
Waa Ciidanka kaliya ee bilaabay Biyo dhaamin guud ahaan laamaha kala duwan ee Hay’adaha Dowlada. Xukuumadii u xilsaarnayd in ay Dadka ugurmato xiligan adag,waxay ku bixinaysaa Lacagtii Umada soo saarista Xildhibaan la yeesho. 100-kun,ayaa halkii Qof lagu iibsanayaa,halka Abaarta aan lagu bixin Hal Dolar. Halkan ka daawo muuqaalka
Sida wararku sheegayaan,waxaa Beri la abaabulay in uu shir jaraa’id ku qabto Garowe Axmed King-kong. Ujeedka shirka jaraa’id laga leeyahay,waa Sadex arimood oo kala ah… 1.In Dadka laga jiheeyo xaalka taagan oo mowduuc cusub loo furo,gaar ahaan ixtiraamdaradii Isimada Mudug. 2.In Boqor Burhaan la qaniino oo Axmed laga dhigo Boqorkii oo ka hadlay xaalada Puntland. 3.In Deni loo muujiyo taageero maadaama ay isgafeen isimadii oo dhan. Waa talaabo muujinaysa in uusan daacad ka ahayn heshiiskii Bosaso Madaxweyne Deni. Looba jooge,waxuu badali karo Warkaas. Jibril Qoobey.
Safiirka Maraykanka oo ugu hanbalyeeyay Madaxweyne Deni soo gaba-gabaynta Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Fadaraalka. “Waxaan la qaadanay in lasoo dhameeyay dhamaan Doorashada Baarlamaanka,waxaana la wajahayaa waj8ga labaad ee Geedi socodka Dimuqraadiyada”Ayaa lagu yiri Twitter-ka. Doorashadii Baarlamaanka Labadiisa Aqal ee ka dhacday Puntland,ayaa ah midii ugu hoosaysay.
Saxiixii Suldaan Garaase ee uu kufsaday Maxamuud Shido kuna badashay Wiilka uu Abtiga u yahay ee Ajuuraan waa usocday. Madaxweyne Axmed Madoobe ma khaldana,sababtoo ah Kursiga,waxaa looga badashay Kursigii Wiilka Ajuuraan. Wiil Sawir qaade uga ah Madaxtooyada,ayuu ku qortay Kursigii Abokor Ciise Axmed Madoobe. Dadaalkii labada Isin waa mira dhali waayay. Meeshaa,waxaa lagu ilhaameeyay Suldaan Garaase,Islaan Ciise iyo Xasan Shire Abgaal.
Wasiiru Dawllaha Madaxtooyada Cabdiraxmaan Cali Axmed oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda xafiisyada EUCAP iyo EUDEL ee Soomaaliya oo uu hogaaminayo Kuxigeenka EUCAP Dr. Fabian Loewenberg oo ay weheliyaan Mr Cabdullaahi CabdiNuur oo ah madaxa xafiiska EUDEL iyo Mr Pedro oo madaxa xafiiska EUCAP ee Puntland. Kulanka ayaa looga hadlay dib u eegis loogu samayn lahaa howlgaladda Xafiiska EUCAP ee Puntland.
“Doorashada baarlamaanka 2022-ka waxa ay meelo badan uga egtahay doorashadii 2004-tii, xagga qaabka loo maray iyo xataa muddada. Haddii ka falcelinta ay noqotay soo bixitaankii maxaakiimta Islaamiga aheyd, maxay horseedi karaan tacadiyada sharaci darrada ah ee dhacay haddii aan wax laga qaban khadarteeda”.Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.
Ruushka waxa uu leeyahay mid ka mid ah militeriga ugu awoodda badan caalamka, balse arrintaas kama muuqato dagaalka uu ku qaaday waddanka Ukraine. Khubaro badan oo falanqeeya arrimaha militeriga oo ku sugan Galbeedka waxay la yaabeen sida uu yahay dagaalka Ruushka ilaa hadda, mid ka mid ahna wuxuuba ku tilmaamay “ceeb”. Waxay u muuqataa in militeriga Ruushka ay horay u dhaqaaqi la’ yihiin, haddana waxaaba su’aalo la iska weydiinayaa in jabka soo gaadhay ay dib uga soo kaban karaan. Isbuucan, sarkaal sare oo ka tirsan militeriga Nato ayaa BBC-da ku yidhi: “Ruushku way caddahay in aysan ujeeddadooda gaadhin mana gaadhi…
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa uga digay hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping jimcihii ‘cawaaqib xumo’ haddii Beijing ay taageero agab ah siiso duullaanka Ruushka ee Ukraine, iyado labada dhinac ay ka wadahadleen baahida loo qabo xal diblomaasiyadeed, sida uu sheegay Aqalka Cad. Inkasta oo Aqalka Cad aanu faah-faahin waxa ay noqon karaan cawaaqi xumada uu Shiinu la kulmi karo, ama sida Mareykanka uu u qeyxi doono “taageerada agabka”, ayaa xoghayaha warfaafinta Jen Psaki waxa ay tilmaanty in ganacsiga ballaaran ee Shiinaha ay saameyn ku yeelan karo. Psaki waxay sheegtay in Maraykanku uu Beijing si toos ah ugala xiriiri doono cawaaqib xumo…
Bangiga Horumarinta Afrika ee AfDB ayaa xaqiijiyay lacag dhan 32.8 bilyan oo doolar oo lagu maalgelinayo mashaariicda qaaradda Afrika, sida uu guddoomiyaha bangigaas ka sheegay xiritaanka shir uu la yeeshay maalgashadayaasha.Heshiiskii ugu weynaa ee lagu xaqiijiyey Madasha Maalgashiga Afrika oo saddex maalmood socotay ayaa ahaa $15.6 bilyan oo doollarka oo loogu talagalay waddada isku xirta Lagos iyo Abidjan, taas oo isku xirta Galbeedka Afrika ee labada magaalo ee waaweyn ee dalalka Nigeria iyo Ivory Coast, sida uu Khamiistii sheegay guddoomiyaha AfDB Akinwumi Adesina. Waddadan oo qiyaastii 1,200 kiilo mitir ah waxay yeelan doontaa afar ilaa lix haad, iyada oo lagu…
Halkee la saadaalinayaa in ay u codeyn doonan 48-da Xildhibaan ee PL kasoo baxay? 1 – Cabdiraxmaan Faroole – Shariif. 2 – Daahir ayaanle – Deni 3 – Samira awad – Deni 4 – Timacade – Farmaajo 5 – Saredo jeyte – Kheyre. 6 – Cabdisamad Abwaan – Deni 7 – Saynab ismaciil – Deni 8 – Gaa-gaab – Deni 9 – Cabdiqani Geele – Farmaajo 10 – Majiino – Xasan shiikh 11 – Farxaan Cali – Deni 12 – Cabdi-Qowdhan – Deni 13 – Cali xoosh – khayre 14 – Cabdi dhoombe – Deni 15 – Axmed Taajir -…
Halkan ka daawo muuqaalka
Dowladda Shiinaha ayaa Gaadiid dagaal ugu deeqday Ciidanka Milateriga Dowlada Fadaraalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Beelaha Daarood ee dega Deegaamada Puntland Qabiilo ahaan waxay cadaalada iyo xaq aqoonida uraadsan jireen markii hay’ada Dowliga ah laga soo tago Reer Faarax Shirwac /Cumar Maxamuud iyo Bah-dirooble/Cismaan Maxamuud. Waa labada Jifo oo Qof laga gardaran yahay dhihi karay waa lagu gafay ee halaga joogo. Reer Mudug doorkaas,waa lumiyeen 3-sano ee Deni hogaaminayay Puntland. Hortoodaa loogu gafay M.xigeenkii Karaash oo ay uraaciyeen erayga ah “Muxuu ismooday”. Gudoomiyihii Baarlamaanka,ayaa lagu xijiyay oo la kufsaday si ilhaamaysan Qosol bay ku kabeen. 8-Xildhibaan oo Baarlamaanka ka tirsan,ayaa lagu tuntay Sacabay ku xoojiyeen. Bosaso iyo Bah-dirooble,ayaa Duhurkii gardaro lagu gubay oo madaafiic lagu…