Author: Jibril Qoobey.

Sacdiyo waxay sheegtay in ay Calaf ku heshay kursiga markale. Sacdiya waxay ka mid ahayd xildhibaannada baalamaankii hore, haddana mar kale ayaa dib loo soo doortay. Sida ilo muhiim ah ay xaqiijinayaan Sacdiya,waxaa kaga hagoogtay Deni oo rabay in uu tuuro Jubaland. Ugu yaraan 5-Xildhibaan oo ah kuwa Fadaraalka ee laga soo doortay Jubaland,ayaa Damaanad qaad Sacdiyo codkeeda ah uyimid Garowe. Sacdiyo waxay qayb ka ahayd 4-tii sano ee lasoo dhaafay Xildhibaanadii sida adag uga soo horjeeday hogaaminta Farmaajo.

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Safiirada dalalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo kulanka lagaga hadlayay arrimaha amaanka Soomaaliya iyo qorshaha ATMIS ee lagu badalayo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Madaxweynaha ayaa ugu horayn ka hadlay xaalada amaanka Soomaaliya oo uu sheegay in ay wali gabi dhaclaynayso isla markaana uuna muuqan hanaan isku xiran oo lagaga shaqaynayo amniga dalka. Waxaa Madaxweynuhu uu sheegay in howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM uu shaqo Wanaagsan soo qabtay bilowgii kaas oo lagu xoreeyay qeybo badan oo dalka kamid ah isla markana natiijooyin wax ku ool ah laga gaaray balse…

Read More

Turkiga ayaa muujiyay in uu si aad ah u daneynayo dhexdhexaadinta Ruushka iyo Ukraine – tasina waxay caddeyneysaa in arrintaas ay u hirgashay. Galankii dambe ee Khamiistii, Madaxweyne Putin ayaa telefoonka kasoo wacay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, waxa uuna u sheegay qodobbada ay Ruushku heshiis nabadeed kula gali karaan dowladda Ukraine. Nus saac gudihiis markii uu wada sheekeysigaas telefoonka dhacay, tifaftiraha BBC-da ee Arrimaha Caalamka, John Simpson, ayaa wareysi la yeeshay afhayeenka Erdogan, ahna la’taliyihiisa ugu sarreeya, Ibrahim Kalin. Mr Kalin waxa uu ka mid ahaa dad kooban oo dhageysanayay hadalka telefoonka la isku weydaarsaday. Dalabaadka Ruushka waxay u…

Read More

– Saaxiibada caalamiga* ah waxa ay la socdaan in doorashada in ka badan boqolkiiba 80 ee kuraasta Golaha Shacabka lagu dhameystiray waqtigii ay u qabteen Golaha Wadatashiga Qaran ee 15-ka Maarso. Waxaan si xoog leh ugu boorrineynaa dhammaan daneeyeyaasha in caqabadaha hortaagan dhameystirka geeddi-socodka ee goobaha codbixinta weli harsan ay ku xalliyaan wadahadal iyo wadar ogol, si si dhaqse ah oo lagu kalsoonaan karo loogu soo afmeero doorashooyinka. Sidaa darteed, waxaan dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda ugu baaqeynaa inay ka foggaadaan hannaanada oo ka mid tahay geeddi-socodyo is garab socda, oo aan ku saleysneyn heshiis ey u dhan yihiin dhinacyada muhiimka ah.…

Read More

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 70 muhaajiriin ah lagu la’yahay xeebaha dalka Liibiya, kuwaas oo loo maleynayo inay dhinteen labadii toddobaad ee lasoo dhaafay. IOM ayaa sheegtay in 12-kii Maarso lasoo sheegay in doon ay saarnaayeen 25 muhaajiriin ah ay ku dagtay meel u dhow xeebaha Liibiya ee Tobruk, iyadoo intaas ku dartay in ciidamadu ay soo badbaadiyay lix tahriibayaal ah, iyo sidoo kale toddobada ruux oo kale oo meydkooda badda laga soo helay, halka 12 kalena la la’yahay. Mashruuca diiwaan gelinta muhaajiriinta la waayay ee IOM ayaa intaas ku daray in…

Read More

Russia,ayaa Khamiista maanta ah uga digtay Mareykanka inay Moscow ay halka uu mudan yahay dhigi doonto dalka ah quwadda koowaad ee adduunka, ayada oo ku eedeysay Reer Galbeedka inay abuurayaan shirqool Ruushiyaan naceyb oo lagu kala dhantaalayo Ruushka. Dmitry Medvedev, oo 2008 illaa 2012 ahaa madaxweynaha Ruushka, haddana ah xoghaye ku-xigeenka Golaha Ammaanka Ruushka, ayaa sheegay in Mareykanka ay kiciyeen Ruushiyaan naceyb “laga yaqyaqsiyoodo” si ay jilbaha ugu dhigaan Russia. “Taasi ma shaqeyn doonto – Russia waxay dhammaan cadowgeeda dhigi doontaa halka ay mudan yihiin,” ayuu yiri Medvedev. Tan iyo markii Russia ay ku duushay Ukraine 24-kii Febraayo, Mareykanka iyo…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacadii ka jawaabay codsigii Ukraine, kadib markii uu saxiixay $800 milyan oo gargaar ah oo ay ku jiraan noocyo kala duwan oo hub iyo qalabka difaaca ah, taas oo dhaca kale ka hooseysa codsigii Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ee ahaa in hawada Ukraine laga dhigo aagga duulimaadka ka caaggan. Laakiin Biden, wuxuu sidoo kale kor u qaaday heerkulka dagaalka afka ah ee u dhexeeya isaga iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. “Waxaan u maleynayaa inuu yahay dambiile dagaal,” ayuu yiri Biden, oo la hadlayay suxufiyiinta munaasabad ka dhacday Aqalka Cad. Afhayeenka Ruushka Dmitry Peskov ayaa isaga…

Read More

Dowladda Mareykanka,ayaa ballaarisay tirada dadka Somalida ah ee lagu soo rogay xayiraadaha fiisaha, kuwaas oo lagu eedeeyay wiiqista hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya, sida uu ku dhawaaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken Arbacadii shalay. Tallaabadan,ayaa timid kadib markii uu mar kale dib u dhac ku yimid dhameystirka doorashada Golaha Shacabka, iyadoo dhinaca kale Maraykanku aanu weli shaacin magacyada shakhsiyaadka la cunaqabateeyey.

Read More

Xukuumadda DDS, ayaa soo-saartay go’aammo looga jawaabayo ciriiriga shidaal ee ka jira magaalada Jig-jiga. Kulankan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Deegaanka,ayaa waxaa kasoo baxay go’aamadan…. In shaqsiyaadka kaalmaha jooga ee sida sharci-daradda ah usaaraya shidaalka la qab-qabto.In hay’adaha amniggu ay sii xoojiyaan daddaalkoodii ku aaddanaa ka hor-tagga shidaalka sida sharci-darada ugu baxaya xudduudaha Deegaanka.In la kordhiyo qoondadda shidaalka caasimadda.in la sameeyo isla-xisaabtan dhab ah oo ku qotoma mulkiilayaasha kaalmaha shidaalka iyo ashkhaasta u xil-saaran daba’galkooda. SRTV Somali

Read More

War qoraal ah oo lagu Daabacay Twitterka Safaaradda Mareyanka ee Muqdisho ayaa lagu taageeray jadwalka ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee la Xariira dhameystirka Xildhibaannada iyo dhaarintooda. Qoraalka Safaaradda ayaa lagu yiri” Waxaan rajaynaynaa in aan la kulanno Xildhibaannada cusub ee Soomaaliya kaddib markii la dhaariyo Bisha Apriil 14-keeda”

Read More

Midowga Musharraxiinta wuxuu soo dhowaynayaa jadwalka dhammaystirka doorashooyinka 2020/22 ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT). Goluhu wuxuu caddaynayaa, in kaalinta Dawlad Gobolleedyada ay ku eg tahay fududeynta doorashooyinka ee deegannadooda. Wuxuuna Goluhu ugu baaqayaa in ay faraha kala baxaan hawlaha GHDHF. Halkan ka akhriso:-

Read More

Maraykanku wuxuu kordhinayaa tirada Ciidamadiisa ku sugan Somaliya. Go’aankan oo uu qaatay Madaxweynaha Maraykanka,ayaa waxaa keenay dalab fara badan oo ka yimid Waaxaha difaaca Dalkiisa. Wasaaradda Gaashaan dhiga Maraykanka,ayaa lagu wadaa in ay dhawaan cidamo dheeraad ah u dirto dalka Somaliya. Khatarta kooxda AlShabaab ay korodhay wixii ka danbeeyay markii Ciidamada Maraykanka laga saaray Somaliya maalmihii ugu danbaysay ee Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump uu joogay Aqalka Cad. Aqalka Sennedka Maraykanka,ayaa taageeray qorshaha Ciidamada cusub Somaliya dib loogu celinayo.

Read More

Bayaan xaley saqdii dhexe ay soo saareen Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ee Somaliya,ayaa waxey shaaciyeen jadwalka dhameystirka doorashada. Shalay ayey ku ekeyd waqtigii loo asteeyay in lagu dhameystiro qabashada kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya. Guddiga,ayaa sheegay in maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 16-ka bisha 3-aad illaa 23-ka bishan lasoo uruurin doono dukumiintiyada Xildhibaanada labadda Aqal, isla markana guddigu ay hubinta dukumintiyada qaadan doonto 24-ka bishan illaa 29-ka bishan. Xildhibaanada la doortay ee labada Aqal, ayaa lasoo xareyn doonaa, oo Muqdisho imaan doona 2-da illaa 4-ta bisha April ee bisha soo socota. Guddiga,ayaa sheegay in 14-ka…

Read More

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in wada hadalada ay la leeyihiin Ruushka ay haatan u muuqdaan kuwo macquul ah, oo yeelanaya natiijo mira dhal ah. Hadalkan ayaa yimid ka gadaal markii mar kale ay is hor fariisteen xubno ka kala socdey Ukraine iyo Ruushka talaadadii. Muuqaal la baahiyey xaley, ayuu ku sheegay Zelensky in ay soo baxayaan mowqifyada wada xaajoodyada, iyadoo ay jirto ifafaalo wanaasan. Ha yeeshee wuxuu intaa ku darey “wali in loo baahan yahay waqti dheeraada, oo ay go’aanada ku noqon karaan danta Ukraine”. Wada hadalada u dhaxeeya Ruusha iyo Ukraine, ayaa lagu wadaa in xili dambe…

Read More

Dibu dhaca ku yimaada doorashada Soomaaliya, ayaa wuxuu la macno noqon karaa in qorshaha Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ee isbedelka aan dib loo eegi Karin, waqtigeeduna uu ku aaddan yahay bartamaha bisha May. Waxay xilligaas IMF joojin kartaa barnaamijyadeeda Soomaaliya muddo saddex bilood ah. Dib u eegistaas barnaamijyada hay’adda ee Soomaaliya, ayaa waxay u baahan yihiin in la dhammeystiro ka hor 17-ka May, haddii aan xilligaas la dhammeystirinna laga yaabo inuu barnaamijka istaago. Arrintan,ayaa waxay saameyn adag ku yeelaneysaa miisaaniyadda dalka, iyo heshiishyadii deyn cafinta.

Read More

Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland,ayaa shaaciyey in muddo labo toddobaad gudahood ay ku qabanayaan doorashada 16-ka kursi ee u danbeysa kuraasta Jubbaland ku metalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo u astaysnaa in lagu qabto magaalada Garbahaarey, balse warqadda guddiga meelna loogama xusin goobta lagu qaban doono kuraastan. Kuraastaan,ayaa muddaba waxaa ka taagnaa muran u dhexeeya dowlad goboleedka Jubbaland iyo maamulka gobolka Gedo, waxaana hadda soo baxaya khilaaf hor leh oo ka taagan halka lagu qabanayo doorashada kuraastan. Waxaa jira warar aad la’isula dhexmarayo oo sheegaya in Jubbaland ay qorsheynayso in doorashada kuraastan ku qabato meel aanan Garbaaharay…

Read More

Dowladda Ruushka ayaa sheegay Talaadadii in ay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo tobannaan ka mid ah saraakiisha sarsare ee Maraykanka ay gelisay liiska ”Stop list” ee ka mamnuucaya inay dalkeeda soo galaan.Biden ka sokow, saraakiisha Maraykanka ah ee liiskan ku jiray waxaa ka mid ah xoghayaha difaaca Lloyd Austin, madaxa CIA-da William Burns, la taliyaha amniga qaranka Jake Sullivan iyo xoghayihii hore ee arrimaha dibadda iyo murashaxa madaxweynenimada Hillary Clinton. Mamnuuciddan ayaa jawaab u ahayd cunaqabataynta ay Washington kusoo rogtay saraakiisha Ruushka. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa markii dambe Ra’isul Wasaaraha Canada Trudeau ku dartay liiska…

Read More

Maamul goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa ka horyimid go’aan shalay kasoo baxay guddiga doorashada heer Federaad, kaas oo lagu faah-faahiyay dhammeystirka xildhibaannada Baarlamaanka ee labada Aqal, waxayna sheegeen in Madasha Wadatashiga Qaran ay leedahay go’aanka dhammeystirka. “Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal waxay qaadeen tallaabo ka baxsan awooddooda, waxeyna kasoo horjeedaa heshiiyadii iyo habraacyadii Doorashooyinka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Galmudug. “Dowladda Galmudug waxay caddeyneysaa inaysan aqbali doonin jadwal iyo go’aamo aan kasoo bixin Madasha Wadatashiga Qaranka. Galmudug waxay ka digeysaa waxkasta oo caqabad ku noqon kara dhammeystirka hanaanka doorashooyinka” ayuu raaciyay bayaanka Galmudug.

Read More

Golaha Guud ee QM ayaa Talaadadii ansixisay qaraar aas-aasaya in 15-ka March ay noqoto Maalinta Caalamiga ee la-dagaalanka Islaam Naceybka. Qaraaarkan, oo ay isku raaceen 193-ka xubnood ee QM, islamarkaana ay soo jeediyeen 55 dal oo badankood Muslim ah, ayaa adkeynaya xuquuqda xoriyadda diinta iyo rumeynta. Wuxuu sidoo kale dib usoo nooleynayaa qaraarkii 1981-kii ee ku baaqaya “baabi’inta dhammaan nooc kasta oo ah dulqaad la’aan iyo takoor ku saleysan diinta iyo waxa uu qofku aaminsan yahay.” Qaraarka ayaa walaac xooggan ka muujiyey “sare u kaca xaaladaha takoorka dulqaad la’aanta iyo rabshadaha, ciddii doonta ha gaysatee, ee ka dhanka ah dadka…

Read More

Islaaanka iyo waxgaradka kale,waxaa usocda kulankii xalay loo balamay. Go’aanka ay isku raacaan,ayaa la shaacin doonaa oo shir jaraa’id,ayaa jiri doona. Labada Islaan kulankoodii xalay wax badan ayay iskula jeex-jeexeen hadana,waxaa Madaxtooyada shir uga socdaa Islaan Ciise iyo Madaxweyne Deni. Xaalku halkaas,ayuu marayaa oo hada taagan yahay. Jibril Qoobey.

Read More

Weerar,ayaa xalay ka dhacay Kantaroolkii hore ee Bosaso meel udhow oo fariisin u ah Ciidamo Puntland ah. Sidoo kale Qarax,ayaa maantay lala beegsaday qaar ka mid ah Ciidamada Puntland oo marayay Toga Baalade oo ah Afaafka hore ee Magaalada Bosaso. Labadaas dhacdo khasaaro dhaawac ku kooban,ayaa kasoo gaaray Ciidamada Puntland. Ilaa iyo hada cid sheegatay majirto balse,waxaa la tuhmayaa kooxaha argagixisada ah. Jibril Qoobey.

Read More

Kulan deg-deg ah ayay iskugu yimaadeen Waxgaradkii iyo Musharaxiintii Beesha Cumar Maxamuud si ay uga xaajoonayaan xaalka iyo talaabada xigta. Balse,waxaa yimid Halka kulanku ka socday Islaan Ciise oo ka codsaday Islaan Bashiir in uu raaco,waana israaceen. Kulankii sidaa,ayaa lagu hakiyay,waxaana la balamay Beri subax in go’aan wadajir ah soo baxo. Jibril Qoobey.

Read More

Maraykanka ayaa soo dhoweeyey dhamaystirka doorashooyinka Galmudug iyo Koonfur Galbeed xiligii loo asteeyey ee 15-ka Maarso, balse waxaan ka xunahay ayaa la raaciyay qoraal uu Maraykanka soo saaray in Axmed Madoobe, Saciid Deni iyo Guudlaawe aysan gabagabaynin doorashada ayna ka dib dhaceen xiligii muhiimka ahaa ee loo qabtay.

Read More

Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho maanta ayaa lagu dilay Daahir Xasan Tooxow oo ahaa maamulaha iskuulka Dayniile oo ka mid ah iskuullada ay wax ku bartaan carruurta degmada Dayniile. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka. Al-Shabaab waxay ku eedeeyeen inuu ka mid ahaa ergadii ka qaybgashay doorashadii ka dhacday maamul goboleedka Galmudug, sheegashadaasi oo aan si madaxbannaan loo xaqiijin.

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka martida ku qaabilay wafdi kasocday beesha Caalamka oo ay hogaaminaysay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tinna Intelmann, Waxaa kale oo wafdi kamid ahaa Safiirada dalalka Norway, Sweden, Netherlands iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka. Madaxweynaha ayaa wakiiladan heerka caalamiga ah la wadaagay xaalada abaaraha ee Jubaland ka jira taas oo ay la qabto qeybaha kala ee dalka iyo marxaladaha ku gaarka ah. Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in gurmadka gargaar ee hada loo baahan yahay uu yahay kii ugu muhiimsanaa ee lagu samata bixinayo dadweynaha ay abaartu saamaysay. Madaxweynahu wuxuu sheegay…

Read More

Lixda xildhibaan ee Garowe ku harsan.,ayaa la filayaa in uu sii daayo goor dhow Madaxweyne Deni waxayna kala noqon doonaan sida la filayo… 1) Xildhibaan Sanyare ( Cumar Maxamuud Gudoomiyaha Gobolka Mudug) . 2) Xildhibaan Cismaan Dheere ( Cumar Maxamuud Agaasimaha W.Duulista Hawada) 3) Xildhibaan Cabdulaahi (Leelkase Xirsi Muumin. ) 4) Cabdirisaaq Xassan Dhookir ( Bahrarsame Askari Ciidanka PMPF badda Puntland ) 5) Cabdirixmaan Ama Jaamac Xassan Khaliif ( Cali Gari Dhulbahante) 6) Sacdiyo Salaad ( Carab-Saalax Reer Naaleeye )

Read More

Kulan dhexmaray Xalay Islaam Bashiir Islaam Cabdille iyo Madaxweyne Deni,ayaa fashil kusoo idlaaday. Deni,ayaa mar Sadexaad Islaamka ka codsaday in uu ufasaxo Labada Kursi ee Beesha Cumar Maxamuud si uu ugu soo saarto Dad uu wato. Balse Islaam Bashiir,ayaa diiday dalabka Deni mar Sadexaad kuna adkaystay in Kuraastaas loo tartamo loona furo dhamaan Musharaxiinta. Waxuuna ku yiri Islaam Bashiir Madaxweyne Deni.. “Dadka namatalaya ,Anaga soo xulanayna,Adigana Codkaad helaysaa” Madaxweyne Deni,ayaa inta badan Kuraasta taaley Puntland ka adeegtay,waxaase laf dhuungashay ku noqday kuwa Beeshan. Deni Caro,ayuu xalay uga laabtay Islaamka lamana oga in uu aqbali doono go’aankiisa iyo in kale.

Read More

Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo Mudane Aadan Faarax ayaa sheegay in qiimeyn uu xisbigu sameeyay masuuliyaddii ay hayeen lagaga xayuubiyay 2 kun iyo 574 masuul. Mudane Aadan Farax ayaa bixiyay war-saxaafadeed ku qotoma geeddi-socodka u dhaxeeyay kal-fadhigii hordhaca ahaa illaa shir-weynihii 1aad ee xisbiga ee qabsoomay. War-saxaafadeedka ayuu ku sheegay in qiimeyn lagu sameeyay 108 kun 258 masuuliyin ah, waxaana laga tallaabo qaaday 10 kun 658. Waxaana xilkooda laga xayuubiyay 2 kun 574 ka mid ah 10 kun iyo 658da masuul ee laga tallaaba qaaday. Masuuliyiinta dhimman ayuu sheegay madaxweyne-ku-xigeenku in la siiyay digniino culculus iyo kuwa fudfudud. SRTV Somali

Read More

Safiirka Maraykanka,ayaa Waraysi uu siiyay Garowe Online kaga gadlay mowqifka Dowlada Maraykanka ee qadiyada gooni goosadka Gobolada Waqooyi ee Somaliya. “Waan xushmeynaa guulaha Gobolka Somaliland, marka ay noqoto maamulka dimuqraadiyadda, horumarka dhaqaalaha iyo ammaanka. Waxaan mas’uuliyiinta Somaliland kala shaqeynaa hadafyada aan wadaagno, si la mid ah sidaan ugala shaqeyno maamullada kale ee federaalka,”Ayuu yiri Safiirku. Dowladda Mareykanka waxay aqoonsan tahay madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xuduudaheeda taariikhiga ah oo ay ku jirto Somaliland,”Ayuu yiri. Waxaan su’aasha maqaamka Somaliland u aragnaa arrin u taalla shacabka Somaliyed oo ay ku jirto Somaliland inay go’aan ka gaaraan.” Waa albaabkii…

Read More

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka,ayaa sheegtay in Somaliland ay qeyb ka tahay hal siyaasadeed oo Mareykanka u u ku wajaho Somaliya. Hadalkan,ayaa yimid ayada oo Washington uu booqasho ku joogo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ay casuuntay hay’adda daraasaadka siyaasadda ee Heritage Foundation. Hadalkan,waxuu niyad jab ku yahay dadaalka Muuse Biixi uu ku raadinayo fursad ictiraaf. Sidoo kale waji gabax,ayuu ku noqday socdaalka Lacagta badan ku baxday ee Muuse ku joogo Washington. Waxaan soo dhoweynay fursadda aan kula kulmay maanta Muuse Biixi Cabdi oo aan uga wada-hadalnay xoojinta la macaamilka Mareykanka ee Somaliland ayada oo la raacayo siyaasaddeena midda ah…

Read More

Maanta Waxaa Magaalada Baydhabo lagu soo gabagabeynayaa doorashada kuraasta Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe . Saacadaha soo socda ee maanta Talaadada ah Waxaa la qabanayaa 7 kursi ee ku harsaneyd deegaan doorashada koowaad ee Magaalada Baydhabo, Waxaa horey tartankooda loo qabtay 62 kursi, 7-da maanta hadii loo geeyo waxay ka dhigan tahay in 69 kursi ee taaley Koonfur Galbeed lasoo gaba gabeeyey . Kuraasta maanta lagu tartamayo waxaa ku jira HOP 172 kaas oo sanadihii lasoo dhaafey ku fadhiyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana loo xirey Taliyaha ciidanka Asluubta…

Read More

Dhismaha Xafiiska Xisbiga Barwaaqo oo ay ku baxday lacag dhan 895-Milyan oo Birr,ayaa xarigga laga jaray Maanta. Dhismaha ayaa ku fadhiya dhul bedkiisu dhan yahay 4,700 oo karamitir. Xafladda xarig-jarka Xaafiiska Guud ee Xisbiga Barwaaqo waxaa ka soo qeyb-galay Madaxweynaha Xisbiga, ku-xigeennada iyo Xubnaha Golaha Dhexe. Dhismaha ayaa ka kooban Sagaal dabakh ama oo isugu jira Xaafiisyo iyo Hoolalka shirarka. Lacagta ku baxday dhismahan,ayaa lagu sheegay in ay tahay qaaraan laga ururshay xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga.

Read More

Gudddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC,ayaa ka qaybgalay kulan ay Hey’adda PDRC kusoo bandhigeen daraasad ku saabsan casharadii laga bartay doorashadii hordhaca ahayd ee 25-ka Oktoobar. Xog-ururintan oo soo bandhigideeda ay kasoo qaybgaleen dhamaan dhinacyada ay khusayso Doorashadu ayaa sharraxaysay qaabkii ay u dhacday doorashadii horudhaca ahayd iyo dhammaan wixii dhacay 25-kii Oktoobar oo ahayd maalintii doorashada. Gudoomiye ku xigeenka TPEC Ali Cali Jaamac Faarax iyo Afhayeenka Guddiga Cabdinuur Sheekh Isxaaq ayaa PDRC uga mahadceliyay xogta ay soo bandhigeen waxayna kula taliyeen inay ku darsadaan talo soo jeedinta daneeyayaasha geedi socodka dimoqraadiyadda Puntland ee kasoo qaybgalay kulanka.

Read More

Cumar Maxamuud Cad Libaax ayay kuu ogol yihiin ee ugolow mid Bisadeed Deniyoow. Haldoorka Beesha oo in badan aan ka waraystay aragtidooda ku aadan hanka Deni ee Xamar waa ku faraxsan yihiin oo ma diidana. Fuli heshiiskii aad la gashay oo umadax banee matalaadooda,iyagaa codka farta kaa saarayee !! Hadaad diid oo aad u isticmaashid Maah-maahdii ahayd “Ninkaad xumaynayso Doqontiisaa la Boqraa” ku dhaqaaq,waxaad ka hesho waxba hanaga siin. Mudo xileedka ku fadhiya sharciyada aan dhiganay,ayaa macno kuu yeelaya Deniyoow !! Islaan Bashiir oo fadhiya meel kuu jirta 500-Mitir hadaad ilhaamaysato,waxaa khasab ku ah ilaa Xamar in ay kaala dagaal…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 9-aad ee Guddiga joogtada ah. Fadhiga maanta Guddigu wuxuu uga doodey ansixinta iibka dhulka degmada Garoowe oo Xukuummaddu u soo gudbisey Golaha Wakiillada. Dood iyo falan-qeyn dheer ka dib, Guddigu waxay go’aamiyeen in la horkeeno ansixinta iibka dhulka degmada Garoowe, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, oo furmi-doona 15 Juune, 2022, haddii Alle Idmo. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Read More

Mareykanka ayaa sheegay in Shiinaha uu cawaaqib xumo waa haddii uu Ruushka ka caawiyo duulaanka uu ku qaaday Ukraine, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka. Saraakiil aan magacooda la sheegin ayaa lagu soo waramayaa inay u sheegeen qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Mareykanka in Ruushka uu ka codsaday Shiinaha inuu siiyo kaalmo militari ka dib markii uu bilaabay duulaanka. Safaaradda Shiinaha ee Mareykanka waxay sheegtay in aanay ka war heyn arrintani. Digniintan ayaa ku soo beegantay ka hor shir maanta oo Isniin ah ka dhacaya magaalada Rome ee u dhaxeeya madaxda ugu sarreysa Mareykanka iyo Shiinaha. Saraakiisha ayaa…

Read More

Wuxuu yiri Abiye Axmed ooXukuumada Deegaanka Somalida ka hadlaya.. Xukuumada Deegaanka Somalida,ayaa lacagta musuq ah Wajaale ka talaabisa !.Xukumada Deegaanka Somalida ayaa Shidaalka Xuduudka ka talaabisa !.Deegaanka Somalida biyo la’aani kama jirto ee maamul xumo ayaa ka jirta !. Somalidu waa Dadka ugu horeeya ee ka faa’iday PP.,Somalida anagu ma faragelino oo Mustafaa xukuma. Hadalkan,ayaa ku ah waji gabax hogaaminta Madaxweyne Mustafe oo ku faana in u hirgeliyay nidaam Dowladeed oo hufan.

Read More

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii dhiggiisa Mareykanka Joe Biden uu ka sheegay wareysi lala yeeshay, kaas oo ahaa inuu Putin u arko “Dilaa”. “Waa inuu qofku barto kan kale,” Mr Putin ayaa ka yiri telefishin Ruushka laga leeyahay, wuxuuna Mr Biden ugu baaqay inuu si toos ah ula hadlo. Mr Putin ayaa diiday eedeymaha ah in waaxihiisa ammaanka ay isku dayeen inay dilaan siyaasiga mucaaradka ah ee Alexei Navalny. Ruushka ayaa u yeeray safiirkiisa si uu ugala hadlo in laga hortago in xiriirka uu sii xumaado. Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in Anatoly Antonov lagu wargeliyay inuu ka…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka,ayaa telefishinka ABC News u sheegay in Mr Putin uu “Uaayi doono” faragelinta la sheegay in uu ku sameeyay doorashadii Mareykanka ee 2020. Mr Biden,ayaa ka hadlayay warbixinta sirdoonka Mareykanka oo lagu sheegay in Mr Putin uu amray olole faragelin ah, doorashadii madaxtinnimada Mareykanka bishii Novermber ee sanadkii hore. Warbixinta,ayaa Ruushka ku eedeyneysa in uu isku dayay faragelinta doorashada isaga oo u xaglinaya Madaxaweynihii hore ee Jamhuuriga Donald Trump, oo uu ka adkaaday Mr Biden, oo Dimuqraaddiga ka tirsan. Mareykanka,ayaa la filayaa in uu cunaqabateynno ku soo rogo Ruushka wixii loo gaaro toddobaadka soo socda, sababo la xiriira warbixintan.

Read More

Iiraan,ayaa digniin culus u dirtay Israel kaddib markii ay gantaaladeeda ridada dheer ee baalistiga ah ku weerartay Kurdistaan. Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa sheegtay mas’uuliyadda gantaalo baalistig ah oo xalay lagu duqeeyey magaalada Erbil, oo ah caasimadda Ismaamulka Kurdiga ee dalka Ciraaq ee Kurdistan. Ku dhowaad ​​10 gantaal ayaa magaalada ku soo dhacay 1-dii habeenimo, waxaana gantaalada lala beegsaday dhismaha cusub ee Qunsuliyadda Maraykanka ee magaalada erbil Iiraan waxa ay sheegtay in ay bartilmaameedsatay xarun istiraatijiyadeed oo lagu maleego shirqoolka iyo xumaanta Sahyuuniyadda waxaa lagu beegsaday gantaallo shiish saxan leh oo xooggan oo ay rideen Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah.…

Read More

Waxuu ka degay qaybta Dadka caadiga ah ee Garoonka mana la siin maqaam gaar ah oo xataa gaarsiisan Diblomaasi heerkiisu hooseeyo. Looma dhigin Roogii casaa,lagama dejin qaybtii VIP-da,mana soo dhaweyn Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka. Dad yar oo koox ah,ayaa usoo dhaweeyay sidii Qof ehelkooda ah oo uyimid,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Wiilkaan dhintay allaha u naxariisto janadiina haka waraabiyo. Maantaa iigu horeysay Warqad noocaan oo kale ah 5-tii sano ee lasoo dhaafay intii qarax lagu dilay intii Dad la laayay iyo intii musiibo rabaaniya ku dhimatayba iyadoo loo tacsiyaynayo ma arag. Waa Geeridii ugu horeysay ee uu Madaxwaynuhu la kulmo 5-tii sano ee la soo dhaafay. Marka Madaxweynaha si weyn haloogu Tacsiyeeyo. Qore:-Oday Somaliyed.

Read More

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa xaqiijiyay in iska horimaad toos ah oo dhexmara gaashaanbuurta NATO iyo Ruushka uu ka dhalan doono dagaalkii saddexaad ee adduunka. “Waxaan rabaa in aan caddeeyo: Waxaan ilaalin doonaa gobol kasta oo NATO ah in uu lahaado leh awood buuxda oo isku dhafan oo la xoojiyay” ayuu yiri Biden. “Laakiin ma qaadi doono dagaal ka dhan ah Ruushka oo duulaan ku qaaday Ukraine, iska horimaad kasta oo toos ah oo dhexmara NATO iyo Ruushka wuxuu noqon karaa dagaalkii 3-aad ee aduunka” Biden ayaa marar badan diiday inuu u diro ciidamo Maraykan ah si ay isaga hor…

Read More

Baaritaano militari ayaa lagu ogaaday hoggaan xumo, tababar aan ku filneyn iyo “dhaqan is hooseysiin ah” oo ka dhex jira ciidamada Mareykanka uu wiiqay dadaalladii lagu doonayey in lagaga hortago weerar ay sanadkii 2020-kii lagu qaaday saldhigga Manda Bay ee ciidamada Mareykanka ee Kenya. Weerarkaas oo ay fuliyeen maleeshiyo ku sugan Kenya ayaa lagu dilay saddex qof oo Mareykan ah, waxaana sheegtay kooxda Al-Shabaab. Xogta baaritaanka ayaa waxaa wakaaladda wararka ee AP la wadaagay saraakiisha Mareykanka ee baaritaanka la socda kahor inta aan la sii deyn natiijada.

Read More

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta isugu yimid shir uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey miisaaniyad KMG ah oo dhan $206,474,223. Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in miisaaniyaddan deg deg ah loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee bilaha April ilaa June ee sanadkan. “Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa golaha wasiirrada u soo bandhigay Miisaaniyadda KMG ah oo faahfaahsan una sharaxay muhiimada ay u leedahay dalka, iyadoo goluhu si buuxda leh u meel mariyay miisaaniyadda rubaca labaad ee sanadka, si aysan hakad u galin howlaha dowladda, maadaama dalku ku jiro doorashooyin,” ayaa lagu…

Read More

Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Xuseyn Odowaa,ayaa lagu doortay Magaalada Gaalkacyo qaybteeda Koonfureed. Kursiga tirsigiisu yahay HOP#069 oo uu uga tanaasulay tartankiisa Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Fadaraalka Alcadaala,ayuu kusoo baxay Odowaa. Odowaa,ayaa markale qeyb ka noqon doonaa Golaha Shacabka ee Baarlamanka Fadaraalka Soomaaliya 4-ta sano ee soo socota.

Read More

Dowladda Ukraine ayaa shaaca ka qaadday in ciidankeeda ay adeegsadeen diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee uu ka iibiyay Turkiga, arrintaas oo xukuumadda Ankara ay u muuqatay in ay qarineysay. Warbixin uu daabacay wargeyska Financial Times ee kasoo baxa dalka Britain ayaa lagu sheegay in militeriga Ukraine ay Ruushka isaga caabiyeen diyaaradaha lagu magacaabo Bayraktar, oo Turkiga ay ka heleen, iyagoo mahad celin weyn u jeediyay Turkiga. Ciidamada Ukraine ayaa isticmaalka diyaaradahan u bogay, waxayna gaadheen heer ay sameystaan hees ay ku sheegayaan sida ay awood ugu yeesheen in ay jabiyaan askarta Ruushka ee duulaanka soo qaaday, sida uu wargeysku ku…

Read More

Saraakiisha ammaanka ee dalka Ciraaq ayaa sheegay in 12 gantaal oo ah nooca balistitikada ah lagu garaacay magaalada woqooyiga Ciraaq ku taala ee Erbil. Gantaaladan ayaa ku dhacay agagaarka Safaraaradda Mareykanka ee kutaala Ciraaq. Saraalkisha Mareykanka ayaa sheegay in wax dhibaato ah aysan gaarin dhismaha Safaraadda dhismaha Safaaradda. Telifeshen afka Kurdhishka ku hadla ayay dhibaato kasoo gaartay balse wax dhimasho ah weli lama soo sheegin. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaa uu ka yimid dhinaca Iran.

Read More

Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay inay gantaalo ku beegsadeen “xarun istaraatiiji ah” oo Israel ay ku leedahay Iraq kadib markii mas’uuliyiinta Kurdish-ka ay ku warrameen weerar gantaallo oo ka yimid xuduudda. “Xarun istaraatiiji ah oo loogu talo-galay shirqoollada iyo xumaanta Sahyuuniyadda ayaa waxaa gantaallo la hagayey oo xooggan ku beegsaday Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan lagu daabacay Sepah News, oo ah website-ka rasmiga ah ee Ilaalada. Goor sii horeysay, ciidamada ammaanka gobolka Kurdistan ee Iraq ayaa sheegay in “toban gantaal oo ballistic” ah lagu beegsaday magaalada waqooyi ee Arbil, oo ay ku jiraan xarumo…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Marwo Aamina Cismaan Xaaji oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Maxamed Abdirisaaq Nuux,ayaa wax ay maanta Xafiiska wasiirka ku qaabishay Madax ka socday Haya’dda EUCAP Gaar ahaan Xafiiskeeda Puntland. Wax ayna ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa Arrimaha ku saabsan tacadiyadda ka dhanka haweenka iyo Gabdhaha yar yar. Intaas kadiba Agaasimaha guud iyo Madaxdda Hay’adda EUCAP ayaa wax ay kormeer ku tageen xarunta dabd-baadadda Haweenka ee (GBV save house And Shelter) ee Wasaaradfa Haweenka.

Read More