Author: Jibril Qoobey.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay, Wefti ay hoggaaminayso Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo Wafti ay hoggaaminayso. Waftiga uu maanta qaabilay Madaxweynuhu waxaa ka mid ah Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Ku-xigeenkiisa Fiona Lortan iyo Ibraahim Maxamed Cabdi oo ka socda IGAD. Kulanka,ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Doorashadda iyo Abaaraha, waxaana Madaxweynaha Kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada…

Read More

Mid kamida ergadii Soomalida ayaa maanta su’aal ka keenay Barnaamijka siyaasadeed ee Barwaaqo,wuxuuna soo jeediyay in lagu noqdo siyaasadda xoolla dhaqatada ku wajahan. Abiye Ahmed oo arrintaas daba socda ayaa Soomalida usoo jeediyay arrimahan hoose: ⤵️ 1.Soomalidu inay midnimo la timaado,wuxuuna xusay inay is kala qaad-qaado(Ciise & Ogaaden). 2.Maamulka Soomalidu inuu bulshada addeeg fiican siiyo.Abiye Ahmed,wuxuu sheegay inay hayaan xog tibaaxaysa inaan si hufan dadka loogu addeegin. 3.Abiye Ahmed ayaa Soomalida usoo jeediyay inay xadidaan musuqa/tuugganimada(Dhanka maamulka). VOSS TV

Read More

Muuse Biixi tagidiisa Maraykanka,waxaa ka danbeeya Koox olelayaal ah oo Lacag badan ku qaatay socdaalkaas. Kooxda,ayaa galgal ku dhex leh xarumaha Dowladeed ee Maraykanka,waxayna isku dayayaan in ay waxuun udhaqaajiyaan Muuse. Balse Dowlada Maraykanku wax shaqo ah kuma laha socdaalkiisa. Basaboorka uu isticmaalayo ee loo saaray Visa-ha waa kan Diblomaasiga Jabutiyaan oo ay Dowlada Maraykanku aqoonsan tahay. Somalida ku nool Maraykanka waa in ay kala hor tagaan Mudaahaaraadyo looga soo horjeedo kala goynta Somaliya. Somaliya waa mid. Jibril Qoobey.

Read More

Ciidanka Booliska Gobolka Mudug,ayaa gacanta ku Soo dhigey Gacan ku dhiigle Mowliid Maxamuud Nur (ina cana booro) oo Galabta ku dilay Labo Nin oo lagu magacaabo Axmed Raawe iyo Maxamud Siciid Muuse. Mowliid Caana boore,ayaa ahaa Dadka ku dhex jira ka Ganacsiga Maandooriyaha khamriga. Maxkamada Darajada Koobaadn,ayaa horey Xukun ugu riday. Ugu danbayn Ciidanka Booliska Puntland Qaybtiisa Mudug,ayaa Gacan ku dhiigle Mowliid Caana Booro Galabta Gacanta kusoo dhigay. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan,ayaa caawa kulan la qaatay Isimada iyo Nabadoonada gobolka Mudug oo uu hogaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle. Wuxuuna si weyn ugaga mahadceliyey Isimada iyo Nabadoonada doorkooda wanaagsan ee ay ka qaataan nabada iyo horumarka Puntland, gaar ahaan Gobolka Mudug,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Shan Qof,ayaa dhintay saddex kale, oo uu ku jiro nin u dhashay dalka Shiinaha, dhaawacmay ka dib markii rag hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen goob uu dhisme ka socday oo ku taalla gobolka xeebta ah ee Kenya, sida ay booliisku ku warrameen. Weerarka ayaa Jimcihii ka dhacay gobolka Lamu oo ku dhow xadka Soomaaliya. Shaqaalaha ayaa markii la weerarayay ka shaqeynayay dhismaha buundada Dekedda Lamu ku xireysa Suudaanta Koonfureed iyo Ethiopia. “Afar qof ayaa qaba dhaawac daran,” ayay warisay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa warbixinta ay booliisku ka diyaariyeen weerarka. Warbixinta ayaa sheegeysa in qof saarnaa…

Read More

Beesha caalamka,ayaa wada cadaadis ku aadan in aan la shaacin kuraasta Garbahaarey. Sidoo kale RW Rooble,ayaa laba wajiileynaya oo Musharaxiin Beeshiisa ah ushaqaynaya,maadaama damac kaga jiro Kuraasta in ay xubno ku yeeshan. Sidaa daraadeed,waxaa macquul ah in dib u dhac ku yimaado shaacintii Goobta loo wareejiyay Doorashada Xildhibaanada Garbahaarey ku astaysnaa. Jibril Qoobey.

Read More

Galinkii dmabe ee Arbacada, oo ay taariikhdu ku beegneyd, March 9, 2022, ayuu si lama filaan ah gantaalkaas ugu dhacay magaalada Mian Channu ee hoos tagta maamulka degmada Khanewal ee dalka Pakistan. Dadka deegaanka ayaa arkay shey xawaare aad u dheereeya ku socday oo ku dhacay dhulka, wararkii ugu horreeyay ee soo baxayna waxay sheegayeen in diyaarad khaas ah ay halkaas ku burburtay. Goor dambena, Maj. Babar Iftikhar, oo ah Agaasimaha Guud ee Waxada militeriga u qaabilsan dhinaca xiriirka dadweynaha ayaa shir jaraa’id oo uu u qabtay warbaahinta ku sharraxay sida ay wax u dhaceen, isagoo sheegay in “shey xawaare…

Read More

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in masjid ku yaalla magaalada dekedda leh ee Mariupol ee koonfur-bari dalkaasi oo gabbaad ay ka dhiganayeen ilaa 80 qof oo rayid ah ay duqeeyeen ciidamada Ruushka, sida ay warisay wakaaladda wararka AFP. “Masjidka Sultan Suleyman the magnificent (Suldaan Suleymaan Al-Qaanuuni) iyo xaaskiisa Roxolana (Hurrem Sultan) ee Mariupol ayay Ruushku duqeeyeen. In ka badan 80 qof oo isugu jira dad waaweyn iyo caruur oo ay ku jiraan muwaadiniin u dhashay Turkey ayaa gabbaad ka dhiganayay” ayay Twitter-ka ku qortay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine. Wasaaradda ayaan sheegin goorta ay duqeyntu…

Read More

Marka la eego dalalka awoodda badan ee ku tiirsan Jabuuti, waxa uu waddankan yar isu baddalay buul ay ku xaroodaan sirdoonka adduunka, sida uu Telegraph ku sheegay maqaalkiisa. Arrintan oo aan mar dhow billaabanin waxay soo socotay muddo aad u dheer. Mareykanka iyo Shiinaha ayaa tartan xooggan ugu jira sidii ay awooddooda dhanka sirdoonka ugu xoojin lahaayeen gudaha Jabuuti, mid walbana waxa uu doonayaa inuu ku adkaato ciyaartaas. Wariyaha diyaariyay maqaalka ayaa marka uu ka warramayay sida ay quwadaha caalamka ugu loollamayaan dalka yar ee ku yaalla geeska Afrika waxa uu ku qeexay “buulka basaasiinta”. “Horaantii sanadihii 1920-meeyadii booskan waxaa…

Read More

Wasiirka ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa Ka tanaasulay loolankii uu ugu jiray kursiga xildhibaan ee HOP#69. Al-Cadaalada ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaan halkaan uga hambalyaynayaa adeerkey Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo noqonaya Xildhbaanka I matalidoona afarta sano ee soo socota insha allaah.”. Xildhibaan Odowaa oo hore kursigan ugu fadhiyay,ayaa maanta qaatay shahaadada musharaxnimada.

Read More

Hanti lagu qiyaasay nus-malyuun doolar,ayaa ku gubatay Dab Xalay ka kacay magaalada Doolo Addoo ee Gobolka Liibaan ee Dowlad Deegaanka Somalida ee dalka Itoobiya. Dabkaasi oo sida la sheegay ka kacay suuq ku yaal magaaladaasi ayaa waxaa ku hanti beelay dad u badan ganacsato oo ay u suurtagale weyday in ay hantidooda badbaadiyaan maadaama xilli habeen ah ay ahayd. Dabkan,ayaa noqonaya Dabkii Afraad muddo Lix billood gudahood ah oo ka kaca magaaladaasi.

Read More

Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya,ayaa waxa uu si rasmi ah maanta uga billowday shir weynaha Xisbiga hayo talada dalkaasi ee PP. kulankaa oo ay ka qeyb galayaan Ergo aad u badan,ayaa ah kii ugu horreeyay tan iyo markii uu Xisbigaasi si weyn ugu guuleystay doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday. Si kastooy ahaataba Shir-weynaha,waxaa ka soo bixi doona go’aanno go’aano muhiim u ah xigan adag Itoobiya.

Read More

Guul,ayuu kusoo idlaaday kulankii reer Muduga iyo Madaxweyne Deni. 1.Kuraasta Cumar Maxamuud Gabar kuma jirto. 2.Ergada dooranaysa Kuraastaas waa mida Cumar Maxamuud iska soo dhex xulay ee rasmiga ah. 3.Doorashada Kuraasta,waxaa goobjoog ka noqonaya Islaanka iyo Nabadoonada Beesha. 4.Xildhibaanada Cumar Maxamuud ee soo baxa,waxay codkooda siinayaan Madaxweyne Deni oo xataa kii ay ishayaan hada waa la heshiisinayaa. Intaas,ayaa lagu kala soo faataysaytay laguna quraan akhristay. Islaan Bashiir waa bogaadinaynaa hogaamintiisa qurxoon. Jibril Qoobey.

Read More

Talyihii Booliska Gobolka Bari Diriir,ayaa la geliyay Xabsi Guri 3-maalmood ka hor. Talyaha guud ee Booliska Puntland,ayaa bixiyay amarka Xabsi Guriga lagu geliyay Talyaha Bari. Dirir,waxuu ka carooday kulankii ka dhacay Madaxtooyada Bosaso ee is dhexgalka Ciidanka,waxaana jirtay kulan si gaar ah udhexmaray Jeneralada Ciidamada Booliska,PSF iyo Daraawiishta. Kulankaas ugaarka ah Jeneralada,ayuu soo fariistay Dirir,kadibna Talyaha Booliska Puntland,ayaa usheegay in uu Shirkan ugaar yahay Talyayaasha Guud oo uu banaanka uga baxo. Intaas kadib,ayuu Dirir ka carooday Madaxtooyada horayna usii kaxaystay Ciidankii joogay ee Booliska ahaa. Balse Talye Cali-xaashi oo fariin gaartay,ayaa amar ku bixiyay in Ciidanku dib usoo laabto Talye…

Read More

Dab,ayaa ka kacay xarunta Saadka ee Ciidamada Amisom oo ku dhextaala Xalane. Xarunta saadka Ciidamada Amisom waxaa u dhow Teendhada Afisyooni ee shalay ay isla booqdeen Ra’iisul Wasaaraha Somaliya mohamed Xuseyn Rooble iyo Safiirka Mareykanka ee Somaliya. Meesha Dabku ka kacay,waxaa kaloo u dhow safaarado iyo Xarunta Midowga Yurub ee Somaliya.

Read More

Rooble 16-ka Kursi ee Garbahaarey loo asteeyay soo wareejintooda,waxuu ka rabaa heshiis dhaqaale. Ugu yaraan Nus Milyan Dolar hadaan loo sheegin ma qaadanayo go’aan deg-deg ah. Waxaa jira Musharaxiin kasoo jeeda Beesha Hawiye oo ku qalqaalinaya in uu Xamar usoo wareejiyo oo uusan Kismaayo gayn. Musharaxiintaas waxay u arkaan Jubaland in ay dhisayso Deni,sidaa daraadeed ugu yaraan si wax looga boobo in Xamar la keeno. Khayre iyo Cabdikariin Guuleed waxay u ogol yihiin Rooble Lacag Cadaan ah oo fara saar ah si uu uqaato go’aanka Xamar. Hogaanka Puntland ee musharaxa ah,waxaa laga rabaa in uu dhiirado oo Rooble wax usheego…

Read More

Laftagareen kulanka uu la leeyahay Fahad iyo Farmaajo,waxuu ku aadan yahay hankiisa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Fadaraalka. Waxuu fahansan yahay Laftagareen hadii kooxdiisan ay awooda banayso in uusan sii joogi doonin Madaxtooyada Baydhabo,sidaa darteed,waxuu danaynayaa in uu hadaba kasii tabaabushaysto. Kuraasta harsan ee Koonfur-galbeed,waxaa ku jira Kursigii Laftagareen ku fadhiyay ka hor intuusan noqon Madaxweynaha Koonfur-galbeed. Dhinaca kale Fahad,waxuu u arkaa Laftagareen Nin buuxin kara Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Fadaraalka oo kooxdiisuna si weyn u aamini karto. Balse isla kooxda Nabar iyo Naxdin,ayaa qayb ka mid ah waxay qabtaa in Laftagareen Baudhabo loo daayo booskiisana la geliyo Talyaha Asluubta Mahad Shub. Waxaase…

Read More

Labada Kursi ee Beelaha Dhulbahante Xildhibaanadooda ka harsan ayay isku qabteen Deni iyo Axmed. Balse isqabashadoodu ma’ahan mid sii buuran,waxayna ubadan tahay in xal laga gaaro. Deni,ayaa muujiyay ilaa iyo hada dabacsanaan dheeriya oo Axmed uhoyday uguna tagey Hoygiisa.

Read More

Xaaladda Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Baraxley,ayaa kacsan. Waxaa qeybo ka mid ah Xaafadaas oo ka arimiyo Maamulka Galmudug lagu arkayaa Maleeshiyo Beeleed hubeysan oo wata Gawaarida Dagaalka. Gaar ahaan Hoyga uu ka degan yahay Xaafadaas Madaxweyne Qoor-qoor ayay Maleeshiyadu hareeraysay. Gadoodka Maleeshiyadan,ayaa salka ku haya Seddex kursi oo oo doorashadooda dib Maanta loo dhigay loona asteeyay in ay qabsoonto Doorashadooda Maalinka Axada ah hadii eebe idmo. Maleeshiyada,ayaa sheegay in rabitaankoodu yahay in la si xor ah oo furan loogu tartamo Kuraasta taala Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo aan Dad gaar ah loo xirin.

Read More

Sacdiyo Salaad in ay dib uhesho Kursigeeda ayay ubadan tahay,waxaana difaaceeda ku jira madax kala duwan. Madaxweyne Axmed Madoobe,waxuu taagan yahay Kursiga Kismaayo ee Beesha Abokor Ciise lama dooranayo ilaa Sacdiyo keeda la doorto. Dood adag oo dhexmartay Labada Madaxweyne ee Deni iyo Axmed oo ku aadan Kursiga Sacdiyo meel adag,ayuu ka istaagay Axmed. In Cali Gaab 4-tii sano ee lasoo dhaafay Nabar iyo Naxdin usacabtumayay lasoo cesho oo Sacdiyo Salaad la reebo wax la aqbali karo ma’ahan. Sacdiyo,waa in ay soo baxdaa shuruud la’aan!! Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Gabdhaha Beelweynta Ciise Maxamuud,ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen bixinta Qaaraanka Tolka ayna Isin ugaar ah samaysanayaan. Gabdhuhu ,waxay ka caraysan yihiin diidmada loo diiday in ay qayb ku yeeshaan Kuraasta Xildhibaanimo ee Beesha. Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase,ayaan ogolayn in ay Gabdhaha ku daraan Siyaasiyiinta utartanta Kuraasta Xildhibaanimo. Sidoo kale Beesha Ciise Maxamuud,ayaa ah mida kaliya ee aysan Gabdhuhu wax matalaad ah ka dhex helin,markii la ag dhigo Labada Beelood ee Maxamuud Saleebaan ee Cismaan iyo Cumar. Carada ka dhalatay Gudoonka ugaar ah Isimada waxay fulkaano ku dhex noqotay Beesha oo haatan gaartay in xataa Gabdhuhu ku hanjabaan in…

Read More

Kulankiii Islaan Bashiir iyo Waxgaradka kale ee Beesha Cumar Maxamuud ay la lahaayeen Madaxweyne Deni,waa soo dhamaaday. Isa salaamid kadib,waxaa hadalka bilaabay Fiqi Cabdinaasir oo ah mid ka mid ah Fiqiyada jifi hoosaadka Reer Xirsi Faarax oo loo wakiishay in uu ku hadlo afka Beesha,waxuuna yiri.. “Madaxweyne,waxaan kuula soconay labo arimood oo kala ah,in Beesha Kuraasteedu ay yihiin tartan furan oo xor ah iyo in aanan doorkan Gabar qaadanayn”. Intaas markuu yiri,waxaa warka dhanka Beesha soo xiray sida xeerku yahay Islaan Bashiir oo yiri.. “Warku waa intaas Fiqigu yiri,wax kale nooma harin,waana ku dhan yahay Madaxweyne”. Kadib,waxaa qaatay Madaxweyne Deni…

Read More

Suldaan Siciid Maxamed Garaase,ayaa Xasan Shire ka dalbaday in uu iscasilo oo kursiga Wasiirka Abokor Ciise la siiyo Idiris Ugaar. Ilaa iyo hada Xasan Shire ma aqbalin dalabka Suldaanka. Sidoo kale Beesha idiris Ugaar oo aan haldoorkeeda,wax ka waydiiyay arinkan,waxay ii sheegeen in aysan uhakanayn wararkaas la sheegsheegayo. Suldaanku,waxuu isku dayayaa in uu damiyo carada Beesha Idiris Ugaar iyo Isinka ay soo wadaan. Dhawaan,ayaa la filayaa in Idiris Ugaar ay ku caano shubi doonaan Ugaas ay yeelanayaan. Jibril Qoobey.

Read More

Dowladda UK ayaa xayirtay hantida milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich, sidoo kalena kusoo rogtay xayiraad socdaal, taasi oo jahwareer gelisay qorshaha uu ku iibinayo kooxda difaacaneysa horyaalka Yurub iyo kan kooxaha dunida. Milkiilaha kooxdan ka tirsan horyaalka Premier League ayaa ka mid ah toddoaba maal-qabeeno Ruushiyaan ah oo xayiraado lagu soo rogay, kuwaasi oo uu ku jiro saaxiibkiisii hore ee ganacsiga Oleg Deripaska. Dadka kale ee xayiraadda la saaray waxaa ka mid ah madaxa shirkadda Rosneft Igor Sechin, oo dowladda Britain ay ku qeexday “gacanta midig” ee Putin, iyo madaxa shirkadda Gazprom Alexei Miller. Waxaa sidoo kale liiska ku jira…

Read More

Kulankii Saraakiisha Ciidamada Puntland ee ka dhacay saakay Madaxtooyada Bosaso si gobanimo ah,ayuu kusoo idlaaday. Laabtaa laysku furay oo waa lays cafiyay,waana lays dhexgeliyay Ciidamada. Xaqiiqdii wax qurux badan,ayaa ka dhacay Maanta Madaxtooyada Bosaso. Saraakiishu waxay isla qireen in amaanka Guud ee Puntland dabcay xiligii qalalaasuhu jiray. Waxaa lagu balamay in deg-deg loo dardargeliyo la dagaalanka argagixisada iyo danbiyada kale. Guud ahaan jawigu,waxuu kusoo gaba-gaboobay in loo wada adeego Dalka iyo Dadka. Jibril Qoobey.

Read More

Wasiirka arimaha dibada Dalka Ukraine Dametro Koliba, aya gaarey Magaaalada Antalaya ee dalka Turkiga halkaas oo uu maabta wadahal ka fool ka fool ah kula yeelan doono dhigiisa Ruushka Sergei Lavrov. Wasiir arimaha dibada Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa soo dhaweeyey waftiga Ukraine waxayna wada yeesheen kulan gaar ah. Turkiga oo horay u diiday fulinta cunaqabataynta reer galbeedka ee Ruushka ayaa hada xiisada labada dal wadahal lagu dhamaynayo marti galinaya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba,ayaa Khamiista maanta ah kullan saddex geesood ah uga bilowday…

Read More

WAR-SAXAAFADEEDFadhigii 88aad Ee Golaha Wasiirrada Oo Lagu Go’aamiyey Qodobo Muhiima. Fadhigii 88-aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir Guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 10/03/2022, ayaa goluhu war-biximo kaga dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Arrimaha la xidhiidha Amniga dalka iyo howsha agaasinka iyo qaban-qaabada xuska 18 May ee sannadkan 2022. Sidoo kale Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa golaha uga war-bixiyey xaaladda abaarta dalka iyo safarkii ay Guddida Gurmadka Abaaruhu ugu…

Read More

Kulankii xalay ee Beelweynta Cumar Maxamuud ay ku yeesheen Garowe. Kulankaas,waxaa layskula jeex-jeexayAjandaha rasmiga ah ee Isimada Beesha la hor fariisanayso Madaxweynaha. Is-afgarad,ayuu kusoo idlaaday,waxayna Isimadu sheegeen in ay qaadayaan Qodobadaas,waxii ay kala soo kulmaana kusoo celin doonaan Madasha Guud. Xaqiiqdii Islaan Bashiir,waxuu muujiyay hogaamin xili loo baahnaa timid. Habayaraatee Wasiirka Arimaha Gudaha ma imaan Shirka oo xataa salaan uguma imaan Islaanka iyo Waftigiisa. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda oo maanta lagaga hadlay qodobo kala duwan. Madaxweynaha ayaa ugu horayn golaha uga warbixiyey xaaladda amaanka xili ciidamadda ay ku howlanyihiin sugida amniga deegaanada Jubaland iyadoo Madaxweynahu uu ku amaanay Ciidaamada sida ay diyaarka ugu yihiin badbaadinta iyo ilaalinta shacabka xili dalka uu doorasho ku jiro. Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu golaha warbixin ka siiyay doorashooyinka kasocda guud ahaan dalka iyo si gaar ah Jubaland isagoo sheegay in ay socdaan dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii losoo dhameeystiri lahaa xubnaha xildhibaanada dhiman ee deegaan doorashadoodu tahay Jubaland.…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa kulan la yeeshay safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Larry Andre oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo ay heer gebogebo ah mareyso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS. Ra’iisu Wasaare Rooble iyo Danjire Andre ayaa ka wada hadlay habsami u socodka doorashada iyagoo isla soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ku soo idlaato xilligii ay horay ugu heshiiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee 15-ka Maarso. Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble oo soo dhaweeyay xowliga ay ku socoto doorashada, iyadoo ilaa hadda la doortay…

Read More

BAYAANKA QURBA-JOOGTA DAL-UDUG BAAQII III-aad Qurba-joogta Dal-udug ee ku kala-nool daafaha caalamka waxay si farxad leh u soo dhoweynayaan go’aankii dowladda Dal-udug ay ku soo afmeertey shiqaaqadii ka dhacdey Boosaaso muddadii u dhexeysey 21 illaa 23 disember 2021. Waxaanu Hambalyo iyo bogaadin hawada u marineynaa madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ku dhiiradey go’aan munaasib ah si loo qaboojiyo khilaafkaas. Tanaasulka uu sameeyey waa mid ku dhisan tusmo dowladnimo oo muujineysa maamul iyo shacab wada socda. Sidaas si lamid ah ayaanu u qiimeeneynaa dadaalka ay khilaafkan ku bixiyeen isimada Dal-udug. Iyada oo dunidu gebi ahaan ay gashay xaalad aanan wanaag laga…

Read More

Ilhaan Cumar, oo gobolka Minnesota u matasha Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress), ayaa hoggaaminaysa koox u ololeyneysa in maamulka Joe Biden uu abuuro gole qaabilsan la dagaallanka Islaam-naceybka. Gabadhan ka tirsan xisbiga talada haya ee Dimiqraaddiga, ayaa arrintan la kaashanaysa xildhibaanno kale oo ay isku xisbi yihiin. Ilhan iyo kooxdeeda ayaa ugu baaqay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken inuu yagleelo xafiis gaar ah oo ka shaqeeya howshaas, xilli dembiyada la xiriira Islaam naceybka ay kusii fidayaan caalamka. Farriin ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay Ilhaan Cumar ku tiri: “Waa in aan ku baraarugnaa Islaam naceybka, waana in aan sameyno…

Read More

Shukri Cabdiraxmaan oo muddo toban sano ah ka tirsanayd ciidamada Maraykanka, qaab qaxootinimo ahna ku tagtay dalkaas, ayaa doonaysa inay doorashada soo socota uga guulaysato xildhibaan Ilhan Cumar oo ka tirsan Congress-ka. Waxay sheegtay inay ka tirsan tahay xisbiga mucaaradka ah ee Jamhuuriga, isla markaana ay wax badan ku dhaliilsan tahay siyaasadaha ay mudnaanta siisay Ilhaan, sida arrinta qaxootiga iyo xakameynta awoodda booliska. “Ma hilmaami doono fursadaha uu Maraykanka i siiyay. Markii aan qaadanayay sharciga muwaadinnimada iyo markii aan ku biirayay ciidamada Maraykanka, waxaan ku dhaartay in aan difaaci doono, mana aha dhaar waqtigu ka dhaco,” ayay Shukri ku qortay…

Read More

Dowladda Ukraine ayaa dib u soo ceshan doonta ciidamadeeda iyo agabka militari oo ay ku jiraan diyaaradaha helikobterrada, kuwaas oo ka qayb qaadanaya howlgallada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Afrika iyo Yurub, si ay u xoojiyaan difaaca gudaha ee ka dhanka ah duullaanka Ruushka. Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay dalka Ukrain ku dhawaad laba toddobaad kahor, iyaga oo duqeymo iyo go’doomin kuwada magaalooyinkeeda, waxaana ay ku qasbeen in inka badan 2 milyan oo qof oo u badan haween iyo carruur ay ka baxaan dalkaas. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa Talaadadii saxiixay wareegto dib loogu yeerayo dhammaan ciidamada nabad ilaalinta,…

Read More

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada Puntland,ayay Deni iyo Maxamuud Shido udirayaan Kismaayo. Agaasimaha,ayaa looga qoray Warqad kale Suldaan Garaase si uu unoqdo Xildhibaanka Beesha Abokor Ciise ee Kismaayo. Madaxweyne Axmed oo horay uu heshiis wax kala badalasho ula galay Maxamuud Shido,ayaa ka carooday soo jeedintan danbe,sida aan xogta ku helay. Kursiga Abokor Ciise ee Kusmaayo,waxaa markale raba in uu ka adeegto Maxamuud Shido. Jibril Qoobey.

Read More

Xasan Shire ugu danbayn,waa la fasaxay,balse waxaa loo diiday socdaalkiisii Kismaayo. Warqadii Corona-ha iyo tii fasaxa waa la siiyay,waxuuna aaday Cimradii uu horay usheegtay. Sida aan xogta ku helay Xasan,waxaa ka hor istaagay Kismaayo Madaxweyne Deni iyo Maxamuud Shido oo usii maray Rooble. Deni iyo Maxamuud Shido waxay utashteen Kursigii Beesha Abokor Ciise ee Kismaayo loo wareejiyay. Jibril Qoobey.

Read More

Ruushka ayaa ah dalka saddexaad ee shidaalka ugu badan soo saara. Waa ka horreeya Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya. Kala bar shanta milyan ee barmiil ee uu maalintii soo saaro Ruushka ayaa waxaa loo dhoofiyaa Yurub. UK ayaa 8% shidaalkeeda ka soo iibsata Ruushka. Maraykanka ayaa isna 3% shidaalka ka iibsada Ruushka. Ben McWilliams oo ah khabiir ku xeel dheer siyaasadaha tamarta ayaa sheegay in la heli karo dalal buuxiya kaalinta shidaal ee Ruushka, balse ay adag tahay in la buuxiyo kaalintiisa gaaska. Maraykanka ayaa ka codsaday Sacuudi Carabiya inay kordhiso shidaalka ay soo saarto, balse xukuumadda Riyadh ayaan marar hore…

Read More

17-Xildhibaan oo ka mid Baarlamaanka Puntland,ayaa diyaariyay Warqad looga dalbanayo Gudoomiyaha Baarlamaanka in uu furo Kalfadhi aan caadi ahayn. Ujeedka Xildhibaanada,ayaa ah in ay soo gudbiyaan Mooshin ay isna saxiixeen 25-Xildhibaan oo lagu dalban doono in Madaxweyne Deni iscasilo ka hor inta uusan ku dhawaaqin musharaxnimadiisa Xamar. Qorshaha Xildhibaanada,waxaa ka danbeeya sida aan xogta ku helay Siyaasiyiin iyo Ururo reer Puntland ah. Madaxweyne Deni,ayaa fududaystay arinkaas markii hore. Jibril Qoobey.

Read More

Kremlin-ka ayaa Arbacada sheegay in Mareykanka uu qaaday dagaal dhaqaale oo ka dhan ah Moscow, taasi oo uu ku sifeeyey cunaqabateenada dalkaas loo saaray duulaanka uu ku qaaday Ukraine. Dhaqaalaha Ruushka ayaa wajahaya xasaraddii ugu darneyd tan iyo burburkii Midowga Soviet ee 1991-kii kadib markii Reer Galbeedka ay cunaqabteyn curyaamisay saareen dhammaan hannaanka maaliyadda Ruushka, sababo la xiriira duulaanka Ukraine. Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa cunaqabateenada Reer Galbeedka ku macneeyey “cadowtooyo waali ah” oo qastay suuqyada caalamka, wuxuuna ka digay in tani Ruushka ay ku qasbeyso inay u fakaraan si dhab ah. Mar wax laga weydiiyey mamnuucidda uu madaxweyne Joe…

Read More

Dube,waxuu joogaa Garowe,isagoo ku sheekaynaya,waxaan usharaxanahay Gudoomiyaha Aqalka-sare ee Fadaraalka. Sida aan xogta ku helay Deni,ayaa laga waasteeyay si uu ula kulmo oo taageero uga helo. Dube ma’ahan Nin Fadaraalisim aaminsan oo hogaamin kara Aqal utaagan ilaalinta Fadaraalka. Sidoo kale ma’ahan Nin shaqsiyadiisa Qofnimo ay adag tahay oo qiyam aaminsan. Jibril Qoobey.

Read More

Ma jirin Wasiir Puntland ah,gaar ahaan Wasiirada Mudug oo maanta yimi soo dhoweynta Islaanka. Wasiirka arrimaha Guddaha Maxamed Dhabancad oo Garowe jooga,ayaan imaan soo dhoweynta Islaan Bashiir Islaan Cabdille iyo waftiga la socda. Dhabancad,ayaa tan iyo shalay ku mashquulsanaa baajinta Isimada,waase ku guuldaraystay,waana mid keentay in uu Maanta hor imaan waayo Beesha. Jibril Qoobey.

Read More

Xuseyn Khaliif oo markan usharaxan Ra’isalwasaare,isagoo dhisaya Sh.Shariif,ayaa Garowe kusoo wajahan. Ujeedkiisu,waa in uu ka dhex kaluumaysto Xildhibaanada Puntland kasoo baxay. Si gaar ah,waxaa ugu dabada ka riixaya in Wasiirada Haweenka Puntland ay noqoto Xildhibaan. Xuseyn,waxuu ku dadaalayaa in uu PL ka helo 7-Xildhibaan oo ay ugu horayso Wasiir Aamino oo ay Walaalo yihiin. Jibril Qoobey.

Read More

Guuldarrooyinka militari ee Ruushka ee Ukraine, oo ay weheliso cunaqabatayn dhaqaale ee curyaamisay, ayaa waxay u badan tahay inay ku dhiirageliso madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu dagaalka magaalada Kyiv u adeegsado awood culus. Sida lagu sheegay qiimayntii ugu dambaysay ee saraakiisha sirdoonka Mareykanka, wuxuu Putin sidoo kale adeegsan doonaan awood aan kala sooc lahayn. Saraakiishu waxay sawir aan fiicneyn ka bixiyeen xaaladda Ukraine Talaadadii intii lagu jiray dhageysiga Congress-ka oo ku saabsanaa qiimeynta khataraha sanadlaha ah ee sirdoonka Mareykanka, iyagoo ka digaya in kasta oo ay sii kordhayaan iska caabbin adag, magaalooyin badan ay wajihi doonta rajo xumo sii kordheysa.Caasimadda…

Read More

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Golaha AMmaanka ku-boorriyay in aan la dhimin shaqaalaha howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika Soomaaliya ee AMISOM illaa dhammaadka sanadkan, sida uu ku sheegay warqad ay heshay wakaaladda wararka ee AFP Talaadadii. Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa ka kooban 20,000 oo askari, booliis iyo dad rayid ah, kuwaas oo loo xilsaaray inay taageeraan dowladda Soomaaliya ee dagaalka ay kula jirto Al-shabaab. Hawlgalka AMISOM ayaa ku eg 31-ka Maarso, laakiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in 30-ka bishan March ay u codeeyaan in AMISOM lagu beddelo howlgalka cusub ee…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda laanqayrta cas ee ICRC Soomaaliya Mr Juerg Eglin iyo wefti uu hogaaminayo. Kulanka,ayaa looga hadlay xaalada Abaaraha, Barakacayaasha iyo qodobo kale.

Read More

Dhabancad caawa,waxaa laga soo cayriyay Madaxtooyadii kadib markii uu ku guuladaraystay in uu baajiyo Isimada Cumar Maxamuud ee Garowe usoo safrayay. Geed dheer iyo mid gaaban,ayuu ufuulay celinta Isimada,markii ay ucadaatay Madaxweyne Deni in uusan ku filnayn,ayuu ku yiri “Iga ag dhaqaaq”. Dhabancad oo ku fadhiya kursigii awood qaybsiga ee Beesha,ahna Wasiirkii Arimaha Gudaha in uu caawa baajin waayo Islaankiisii,waxay ku tusaysaa macnaha uu leeyahay. Ilhaamadaas in ay ku dhacdo,waxaa ukeenay matalaad xumada iyo hogaan liidashadiisa. Tobonkii beri ee udanbeeyay,waxuu hadba Madaxtooyada gaynayay Gabar uu leeyahay way noqon kartaa Xildhibaan,kadibna waa lagu soo diidayay. Cumar Maxamuud oo uusan waji ku…

Read More

Isimada Beelweynta Cumar Maxamuud oo uu horkacayo Islaan Bashiir Islaan Cabdille,ayaa beri ku waabariisanaya Garowe. Laba arimood ayay usocdaan in ay Madaxweynaha markale uxaqiijiyaan. 1.Ergada dooranaysa Kuraastooda,waa mida iyagu ay soo xusheen ee ma noqonayso mid loo xulo. 2.Kuraastooda Gabar kuma jirto Tookadan oo waa diideen. Madaxweynaha caawa,ayaa balan looga sameeyay oo isla beri ayay la kulmayaan. Cumar Maxamuud waxay rabaan in kuraastooda loo tartamo oo Qofkii kusoo baxa Tartankaas furan oo waadixa ah loo hanbalyeeyo lalana shaqeeyo. Waa diideen kufsi in lagu sameeyo Kuraastooda. Ergada Cumar Maxamuud ee dooranaysa Kuraastooda mar horaba waa la qaybsaday,waxayna Garowe ku xaroon doonaan…

Read More

Mid ka mid ah kulamadii dhexmaray Madaxweynaha iyo isimada ee waxtarka ahaa. Qodobada ugu waa weyn oo mid ka mid ah laga xusi karo,waxuu ahaa kulansiinta Saraakiisha Ciidamada iska soo horjeeday. Agaasimaha PSF,Talyaha Ciidanka Daraawiishta iyo Talyaha Booliska,ayaa gaar ukulmay,waxayna astaysteen Maalin iyo Goob ay ku jaangoostaan jadwalkooda shaqo. Todobaadyada soo socda,waxaa bilaaban doona hawlgalo amni oo ay wada fulin doonaan Ciidamada oo midaysan. Arinkii Bosaso ee cakirnaa waa furdaamay ugu danbayn. Jibril Qoobey.

Read More

Maalinti 13-aad,ayuu maanta galay duullaanka uu Ruushka ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine, iyadoo wararki ugu danbeeyay ee aan ka helnay Ukraine ay sheegayaan in ciidanka Ruushka ay xalay sii wadeen duqeymaha ay ku hayaan magaalooyinka waaweyn. Isniintii shalay, Ruushka ayaa u soo jeediyay dowladda Ukraine, qorshe abuuraya dariiq nabadeed oo ay dadka go’doonsan looga saaro meelaha ay duqeynu ku socoto, hase yeeshee dariiqaas nabadeed ayay Moscow sheegtay inuu yahay mid ku dhamaanaya Ruushka ama Belarus. Dhanka kale, qaxooti gaaraya ku dhawaad 2-milyan oo ruux ayaa gaaray dalalka jaarka la ah Ukraine.

Read More

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayay munaasabad uu ciidanka Somaliland kala qeybgalayay,ayaa sheegay in doorashada lagu kala reebayo ururada xisbiyada siyaasadda ay ka soo hormari doonto tan madaxtinnimada. “Sanadkan waxaa inagu soo beegan saddex doorasho,waxaa ugu horreysa tii xisbiyada. Waa in xisbiyada hadda jiraa ay tartamaaan. 13-ka November waa inay dhacdaa doorashada madaxtinnimada. Waxaa xigi doonto tan guurtida oo waxa ay noqon doontaa in la soo xulo oo aan doorasho badan gelin,” ayuu yiri Muuse Biixi. Waxaa hadalkaa ka falceliyay musharraxa xilka madaxweynaha ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo sheegay in doorashada madaxtooyada ay soo horreyn doonto, iska…

Read More

Xeer-ilaaliyaha guud ee Jabuuti ayaa sheegay in xisaab hubin la sameeyey lagu helay in lacag balaayin franc ah lagu lunsaday heshiis khiyaano ku dhisan oo dhex-maray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda iyo ganacsato. Warbixin uu soo saaray xeer-ilaaliyaha ayaa lagu sheegay “in Wasaaradda Miisaaniyadda ay lunsatay hanti dadweyne oo loogu dhiibay inay ku daboosho kharashaadka dowladda ayada oo cadad aad u ballaran ku bixineysa adeegyo u muuqdo kuwa la been abuur ah oo aan jirin.” Warbixinta ayaa lagu sheegay in lacagtan lagu lunsaday qalab iyo alaabo aan loo baahneyn oo si soo noqnoqsho leh looga dalbay shirkad, taasi oo lagu…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hogaaminayo Ergayga gaarka ah ee Dowladda Norway u jooga Soomaaliya Mr Haakon Svane oo maanta booqasho ku yimid Garowe. Kulanka ayaa looga hadlay Abaaraha, Dimuqraadiyada, Geedi socodka doorashooyinka, La dagaalanka Argagixisada iyo Kulluumaysiga. XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Waa Warqadii lagu fasaxey Wasiir Xasan Shire Abgaal ee kasoo baxday Madaxtooyada Puntland. Shalay markii lagu dhagay ee Garoonka Garowe laga soo ceshay,ayuu baryo ku helay Warqadan. Nidaamka Dowladeed ee Puntland,ayaa dhigaya in masuulkii gaarsiisan Agaasime Guud oo aan ka haysan fasax Madaxtooyada uusan ka bixi karin Dalka. Xasan oo isku arka awooda Labaad ee Puntland horayna Warqada Corona-ha iyo tan fasaxa loogu soo diyaarin jiray,ayay waji gabax ku noqotay dhacdadii shalay. Dadka xog ogaalka ah,ayaa qaba in ay ahayd ilhaamadii shalay ku dhacday Xasan fariin ka timid Madaxweyne Deni oo isaga toos loo tusayay awoodiisa. Xasan Bosaso,ayuu caro uga…

Read More

Laba askari ayaa dhimatay halka midkalana uu dhaawacmay kadib markii maleeshiyo hubaysan ay rasaas ku fureen ciidanka oo saarnaa baabuur dhexmarayey magaalada Dhuusamareeb maanta. Askarta dhimatay,ayaa ilo wareedyo sheegayaan in ay ka tirsanaayeen Ciidamada Milatariga Soomaaliya, gaar ahaan qaybta Gorgor Warar,ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka weerarka gaystay ay baxsadeen iyaga oo horey usii kaxaystay baabuurkii ay saarnaayeen Ciidanka. Wararku waxay intaas ku darayaan in maleeshiyaadkaasi ay babauurka ula kaceen dhnaca degaanka Bohol oo fariisin u ah maleeshiiyaadka ururka Ahlu-Suna Wal Jamaaca. Saraakiisha Ciidamada,ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan weerarkan Askarta lagu dilay. Dhinaca mas’uuliyiinta Deegaanka Bohol,ayaa iyaguna ka gaabsaday in…

Read More