Author: Jibril Qoobey.

Kulamadii ka socday Garoonka Diyaaradaha Bosaso ee udhaxeeyay Madaxweynaha iyo Isimada,Ciidanka iyo Ganacsatada,way soo gabagaboobeen. Kulankii Isimada iyo Madaxweynaha oo ahaa mid albaabadu uxirnaayeen,ayaa xogo hoose oo aan ka helay,waxay iisheegayaan in uu kusoo dhamaaday is afgarad iyo jawi wanaagsan dhamaan arimihii ay kawada hadleen. Sidoo kale kulankii Ganacsatada iyo Madaxweynaha,ayaa laysku afgartay,waxuuna aqbalay Madaxweynuhu dalabkii Ganacsatada. Ganacsatada,ayaa usoo jeedisay Madaxweynaha in laga saaro Dekeda Shirkada P&O laguna wareejiyo mid kale,waana aqbalay Madaxweyne Deni. Kulankii Laamaha amaanka iyo Madaxweynaha,ayaa lagu kala qaatay Awaamiir cusub oo mu aadan amaanka. Jibril Qoobey.

Read More

Saakay,ayuu isagoo oradaya dabadana kawada Wasiirada Haweenka ugalay Dhabancad Madaxweyne Deni. Dhabancad,wuxuu ku yiri Gabadhan iga qabo,waana udiyaarsan tahay booskii Xildhibaanka,sida aan ka helay Il Xog-ogaal ah. Balse Madaxweyne Deni,ayaa ugu jawaabey Dhabancad”Anoon kala tashan Odoyaasha Cumar Maxamuud ma isku taabanayo booska Xildhibaanka ee iikaadi” Dhabancad markuu ka socon waayay loogana digay u olalayntii Wiilka Agaasimaha Duulista ah Hawada jooga,ayuu uwareegay Gabar in uu raadiyo. Ujeedka Dhabancad,waa yuusan soo bixin Qof macno leh oo ku qarin kara. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Dugsiga Agoomaha ee Garoowe ku daah-furay qaybinta Manhajka Dugsiyada hoose ee Puntland. Daahfurka,ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda iyo Taclliinta sare ee Dowlada Puntland.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso oo horumarin lagu wado. Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso waxaa ka socda balaarin lagu sameynayo Dhabaha ay Diyaaraduhu ku ordaan oo lagu daray 800-m iyo 300-m oo amniga Diyaaradaha loogu talagalay. Sidoo kale waxaa ka socda Garoonka dhismayaasha.. 1.Hangar-ka Diyaaradaha la dhigo. 2.Siliga Garoon-ka. 3.Wadada Garoonka oo Laami laga dhigayo. 4.Qorshaha Garoon-ka loogu diyaarinayo in uu habeenkii shaqeeyo oo duulimaad habeen ah billaabo. Jibril Qoobey.

Read More

Fadhiga 8-aad ee Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland,ayaa qabsoomay saakay. Fadhiga,waxaa madax-gudiyeedyada Golaha Wakiillada looga dhegaystay warbixino la xiriira….. 1.Arrimaha bulshada. 2.Abaaraha 3.Dhaqaalaha 4.Deegaanka 5.Xuquuqda Aadanaha. Sidoo kale waxaa Guddiga warbixin la wadaagey Guddiga gaarka ah ee u-xilsaaran soo gudbinta xaaladda ay ku sugan yihiin dadka baahiyaha gaarka qaba. Jibril Qoobey.

Read More

Shirar isdaba joog ah,ayaa ka socda Garoonka Diyaaradaha Bosaso qaybtiisa VIP-da. Shirarkaas,waxaa ugu horeeyay kan Isimada soo jireenka ah,Saraakiisha Amniga iyo Madaxweynaha. Hada,waxaa socda Shirka Madaxweynaha iyo Ganacsatada oo looga hadlayo arimo ay ka mid yihiin Dekeda Bosaso. Madaxweynaha,ayaa la filayaa kulamadaas kadib in uu uduulo Garowe. Jibril Qoobey.

Read More

Beeldaajaha Beesha Siwaakhroon Beeldaaje.Ismaaciil Cal Bari,ayaa ugacan qaaday Cabuud oo sheegta isna Suldaanka Beesha Siwaakhroon. Beeldaaje Calbari,waxuu ka carooday Cabuud oo soo dhex fariistay Shirka Isimada iyo Saraakiisha Amniga ay la lahaayeen Madaxweyne Deni. Gacan qaadka,waxaa lahaa Beeldaaje Calbari oo Uleey Cabuud oo sheegta Suldaan isla Beesha Siwaakhroon ah. Suldaan Cabuud,waa laga saaray Shirka gacan qaadka kadib. Gobolka Bari lagama ogola Isimada soo jireenka in ay soo Agfariistaan kuwa Bugaanbugta ah. Jibril Qoobey.

Read More

Ilaalada Madaxtooyada Puntland,ayaa Shil gashay,waxaana ku dhintay Afar Askari,iyadoo ay ku dhaawacantay 7-kale. Shilka,ayaa ka dhacay Aaga Dangoronyo,waxayna ahaayeen Gaadiidka Ciidamada ee galbiya Madaxweynaha. Deni,ayaan la socon Gaadiidka Madaxtooyada,waxayna ahaayeen Askartii Madaxtooyada oo kaliya. Madaxweyne Deni,ayaa socdaal cirka ah ku tagaya Garowe Maanta.

Read More

Kursiga Kismaayo iyo culayska Xasan Shire haysta !! Xasan Shire,waxuu Deni ka codsaday,isagoo Bosaso jooga in uu la hadlo Axmed Madoobe si uu ufasaxo Ninka wata Saxiixa Suldaanka ee Kursiga Beesha Abokor Ciise. Codsiga Xasan,waa diiday Deni oo waxuu ku yiri anigu hawshaas geli mahayo,taasoo keentay in uu caro uga soo tago Bosaso kuna yimaado Garowe. Kursiga Beesha Abokor Ciise Maxamuud,waxaa Axmed Madoobe uga badashay Kursi Wiil uu Abti uyahay oo Beesha Ajuuraan udhashay Maxamuud Shido. Sida aan xogta ku helay Maxamuud Shido iyo Suldaan Garaase waa is og yihiin,waxaase laga hoos guuray Xasan Shire. Beesha Abokor Ciise oo aad…

Read More

Xasan,waxuu usocday Kismaayo sida xaqiiqda ah oo Cimrada waa ku raadgadanayay,sida ay ii xaqiijiyeen Ilo xog ogaal hoose ah. Aadistiisa Kismaayo,waxaa diidanaa Madaxweyne Deni oo ay caro kusoo kala tageen,waana mida keentay in laga celiyo garoonka diyaaradaha Garowe. Lama cadayn karo in xarigiisii Muqdisho uu daba socdo isku dhacaas isaga iyo Madaxweyne Deni. Xasan,waxuu Kismaayo ugu socdaa xaajada Kursigii Beeshiisa ee Maxamuud Shido uga badashay Axmed Madoobe Wiil uu Abti uyahay oo udhashay Beesha Ajuuraan.

Read More

Odoraska Roobabka Gu’ga ee Puntland 2022 Baahinta Xogta Filashada roobabka Gu’ga ee ka imaanaysa urur goboleedka IGAD Xarunteeda Saadaasha cimillada ee (ICPAC) laguna soo sooray Madasha (GHACOF60) waxa ay tibaaxaysaa in la filankaro roobab dhex-dhexaada iyo kuwo lixaad leh meelo ka mida degaanada Puntland. Degmooyinka Laasqoray, Badhan, Dhahar, Taleex iyo Garoowe Waxaa la filayaa inay helaan xaddi roobab wanaagsan (Normal and/or above normal)Sidoo kale Qaybo ka mid ah degmooyinka Bosaaso, Qardho, Ballidhidin, Ufeyn, Carmo iyo Boocame ayaa loo saadalinaya xaddi roobab wanaagsan. Degaanadda kale ee Puntland ayaa la filayaa inay helaan roobab dhex-dhexaad ah, waxaase weli jiri kara saamaynta abaaraha…

Read More

Abaanduulihii hore ee Ciidamada Xoogga dalka Sweden, Owe Wiktorin ayaa sheegay in duullaanka Ruushku uu muujinayo Khatar amaan, wuxuuna ugu baaqay dalkiisa Sweden iyo Finland inay go’aan geesinimo leh qaataan ,wuxuuna yiri sidan. ” Sweden hada wada shaqayn keliya ayay la leedahay NATO ,oo xubin kama aha Xulafada Nato taasina inookuma filna Damaanad ammaan,kama helayno NATO taageero lamid ah markii xubin laga yahay gaashaan buurtan. Waa inay Go’aan adag qaataan dalalkan Cidlada jooga hadiiba aanba lagu nabad-gelayn Loolanka Gobolka kuma aan jirno,Marka ay Sweden & Finland ku biiraan NATO waxay hannaan gaashaandhig oo wadajir ah ka heli karaan xubnaha kale,…

Read More

Wasiir Xasan Shire oo Xamar lagu xiray goordhaweyd!! Fariin hada iga soo gaartey Xamar,ayaa laygu sheegay in Xasan Shire Abgaal lagu xiray Caawa Muqdisho. Xasan,waxaa ku dhegay Nabadsugida Dowlada Fadaraalka oo ku amartay in uusan ka bixi karin Hotelka uu degan yahay ee Decale. Lama oga sababta ay ugu dhageen Nabadsugida Fadaraalka,waxana ay ubadan tahay in uu ka haro diyaarada oo beri raaci lahaa. Xasan,waxuu usocday Cimro,waxuuna sii marayay Xamar oo uu Caawa kusii hoyanayay. Waxaa xusid mudan in Maantana laga celiyay garoonka diyaaradaha Garowe,inkastoo markii danbe uu dib uga soo dhoofay. Jibril Qoobey.

Read More

Maxay ahayd sababta garoonka looga celiyay Xasan Shire? Xasan,waxaa laga waayay Warqadii fasaxa ee Madaxtooyada. Xeerka Nidaam ee Puntland,ayaa dhigaya masuulku haduu gaaro Agaasime,waxaa laga rabaa fasax Madaxtooyo haduu dalka ka baxayo. Laanta socdaalka ee Garoonka,ayaa ka hor istaagtay in uu dalka ka baxo,taasoo sababtay in Alaabtiisii dib looga soo dejiyo Diyaarada. Madaxweyne Deni oo fariintu gaartay,ayaa kasii carooday hab dhaqankiisa,waxuuna diiday in loo sameeyo Warqada. Balse markii danbe,waxaa soo dhexgelay Maxamuud Shido oo Deni kala hadlay. Deni iyo Xasan maalmahan iskuma wacnayn. Xasan,ayaa Cimro usocday siduu sheegtay.

Read More

Qaali Cali Shire oo garaacday Ubax Tahliil oo mudo kusoo fadhiday Kursiga Beesha Sacad ee Golaha Shacabka Fadaraalka. Guusheeda kadib,waxaa Koonfurta Gaalkacyo ka socda dabaaldeg Xabado xoog leh la ridayo. Qoriga loo yaqaan BKM-ka,ayaa aad loo ridayaa,iyadoo Dadka qaar leeyihiin isku dhac,ayaa ku dhex jira. Qaali waxay si adag uga soo horjeedaa Kooxda Nabar iyo Naxdin,halka Ubax ahayd 4-tii sano ee lasoo dhaafay mid ka mid ah Guulwadayaashii ugu qaylada dheeraa.

Read More

Safarkii Qatar ee Farmaajo,waxuu ahaa mid bahdil ku ahaa Qaranimada Dalka. Mida kale ee mudan in la dul istaago,waxay tahay in si hoose loo qaabilay ,oo loola dhaqmay. 1.Diyaarada caadiga ah ee Qatar,ayuu sii raacay,taasoo sii marta Jabuti oo Dad ka qaadata. 2.Salaanta Labada Gacmood,ayuu ku salaamay Amiirka si uu qadarin sare ugu muujiyo,halka Amiirka Qatar ku salaamay Hal Gacan oo mida kale uu ku haystay Okiyaale si Kibir uu ka muuqdana waa u istaagay. 2.Barsad caadiya oo ah kuwa xiliyada jawigu degan yahay lagu cabo Shiishada,ayaa lagu qaabilay. 3.Hal Masuul oo Xukuumada ka mid ah ma raacin safarkiisa oo…

Read More

Degaanka Budunbuto ee Gobolka Nugaal. Ardayda dugsiga hoose/dhexe ee Budunbuto ayaa nidaamka hal qof iyo hal cod ku doortay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka ardayda dugsiga ee deegaanka Budunbuto. Maymuun Cabdirisaaq Maxamed oo u tartamaysay Guddoomiya ardayda dugsiga kana tirsan xisbiga Aflax ayaa ku guulaysatay Guddoomiyaha ardayda dugsiga, iyada oo heshay codad dhan 68 cod halka musharrixii la tartamayey Cabdiweli Muuse Warsame oo ka tirsan xisbiga Barbaarshe uu helay 61 cod. Waxaana doorashada Guddoomiyaha ardayda dugsiga kasoo qaybgalay Gudddoonka waxbarashada degmada Dangoroyo Cabdullaahi Xaaji Ciise. Guddoomiyayaasha jaamacadaha Garoowe,Guddoomiyaha deegaanka Budunbuto Axmed Ducaale Cilmi, Guddiga Waalidiinta, culimada, waaliddiinta iyo dhallinyarada degmada.Xafladda ayaa loogu…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si diirran loogu soo dhaweeyey Golaha Amiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ayaa halkaas kula yeeshay wada-hadallo wax ku-ool ah Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad Al Thaani. Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dhameystirka mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka waddo Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee dalkeenna, isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha, horumarinta Waxbarashada Hoose/Dhexe ee Soomaaliya iyo dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamiim ayaa kulankooda ku lafa-guray arrimo dhowr…

Read More

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u hanjabay jiritaanka dalnimo ee Ukraine xilli duulaanka ciidamadiisa ay ka wadaan dalka deriska la ah uu wajahayo iskacaabin xooggan, islamarkaana dhaqaalaha dalkiisa ay cunaha qabteen cunaqabateeno sii kordhaya. Dadaalladii ugu danbeeyey ee Mosow looga hakinayo dhaqaalaha adduunka, ayaa shirkadaha nidaamka lacagaha la isugu gudbiyo ee Visa iyo Mastercard ee fadhigeedu yahay Mareykanka waxay ku dhowaaqeen inay hakinayaan howlahoodii Ruushka. “Mas’uuliyiinta Ukraine waa inay fahmaan in haddii ay sii wadaan waxay ay sameynayaan, inay su’aal gelinayaan mustaqbalka dalnimo ee Ukraine,” ayuu yiri Putin. “Haddii ay sidaas dhcadana, ayagaa ayaa si buuxda mas’uul uga noqon doona.”…

Read More

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasna Sheekh Aadan ayaa sheegay maanta in loo diiday inuu u dhoofo magaalada Baydhaba si uu ugu tartama kursi ka mid ah baarlamaanka oo degaan doorashadiisu tahay magaalada Baydhaba. Shariif Xasan ayaa arrintan ku eedeeyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, hase yeeshee VOA oo isku dayday inay la xiriirto maaxdaweynaha koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen, weli uma suurtogelin,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka JFS ee shalay lagu doortay Boosaaso. Madaxweynaha oo kulan Qado ah la qaatay Mudaneyaasha Golaha Shacabka, ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo doortay Wuxuuna alle uga baryay in masuuliyaddaasi uu u fududeeyo. Kulanka waxaa ka qeybgalay Qaar ka mid ah senatarada iyo xildhibaanadii hore loogu doortay Garoowe iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Kireev oo ahaa xubin ka tirsanaa wefdigii Yukreyn u metelayey wada xaajoodka Ruushka ayaa la khaarajiyey maanta ,sirdoonka Yukreyn ee SBU ayaa madaxa ka toogtey isagoo joogey meel u dhow maxkamad ku taalla Kievsida, uu sheegay Aleksandr Dubinsky oo ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Yukreyn. inta aan maanta la dilin Dawladda Yukreyn ayaa magaciisa ka reebtay 6-dii qofood ee Yukreyn metelaysey ku metelaysay Wada-hadalada lamana faahfaahinin sababta. TVga Yukreyn laga leeyahay ee la yiraahdo Channel 5 ayaa sheegay in Kireev ay dabagal ku hayeen Sirdoonka Yukreyn SBU ,waxaana la ogaaday inuu ninkani xiriir la lahaa Sirdoonka Ruushka . Abdirisak Juba.

Read More

Madaxweyne Deni 16-Kursi oo uu soo xushay,ayaa Maanta Bosaso loogu doortay Xildhibaano ka mid noqon doona Golaha Shacabka Fadaraalka. Xildhibaanada la doortay,waxaa ka mid ah Xubin reer Hargaysa,balse saan xogta ku helay damaanadqaad buuxa loo helay. Wasiir Jamaal,Wasiir Xayir iyo Wasiir Ciid Dhabaha ayay cagta saareen,iyagoo Goroda laalidanaya. Ugu yaraan Doorashadan saakay Bosaso ka dhacday,waxaa loogu hakan karaa in lagu gumaaday Wasiiradii ahaa Guulwadayaasha Nabar iyo Naxdin. Jibril Qoobey.

Read More

Laamigan hada inta la dhisay waa 120-Mitir Gurya-samo,Cawaale ilaa Amal Bank. Sida qorshuhu yahay 400-mitir,ayaa la gaarsiinayaa,sida uu iisheegay Duqa Magaalada. Qorshaha lagu dhisayo waa iskaa wax uqabso oo ay keentay Dowlada hoose ee Gaalkacyo,sida uu ii sharaxay Duqa Magaaladu. Dadka leh Meheradaha Jidku marayo oo ay ugu horeeyaan Shirkada dhisatay Kaalinka Shidaalka,ayaa Lacagta laga ururinayaa,kadibna Dowlads hoose kabaysaa. Fikradan oo kale waxay Dowlada-Hoose kusoo dhistay Wadada isku xirta Labada Suuq,sida Duqu ii sheegay. Tusaale” Wadada Hotel Guure,waxaa Mashruuca JLPG laga helay 660-Mitir,balse waxaa la gaarsiiyay 1000-Mitir,iyadoo ay iska kaashadeen Bulshada aagaas degan iyo Dowlada Hoose. Hadaba Muwaadin bixi qaaraanka…

Read More

Duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine ayaa galay maalintii 10-aad, magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Ukraine waxaa ka socdaa duqeymo iyo gantaallo lagu garaacayo halkaas. Wararka waxay sheegayaan in meelaha qaar uu kasoo socdo dagaal fool ka fool ah oo u dhexeeyo ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine. Ruushka iyo Ukraine waxay ku heshiyeen xabad joojin kumeel gaar ah oo looga dhawaaqay magaalooyinka Mariupol iyo Volnovakha. Muuqaal ay baahiyeen ciidamada Ukraine ayaa muujinayaa diyaarad uu leeyahay Ruushka uu ku dhacay dagaal gudaha Ukraine,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Gudiga qiimaynta Garbahaarey ee uu magacaabey Rooble,waxay soo gabagabeeyeen wadatashiyadoodii Kismaayo. Xamar kadib,waxay u anba bixi doonaan Garbahaarey hadaan laga hor istaagin. Jubaland waxay qabtaa in Deegaan Doorashada Labaad loosoo wareejiyo meel kale oo ka mid ah Deegaamadeeda. Fahad iyo kooxdiisa oo quus ka taagan sida wax usocdaana,waxay danaynayaan in Xildhibaanada halkaas yaala gebigoodba la laalo. Halka Musharaxiin ay ka mid yihiin Cabdikariin Guuleed iyo Khayre ay cadaadis ku saarayaan Rooble in uu Xamar usoo wareejiyo Doorashadaas. JL iyo PL,waxaa laga rabaa in ay sameeyaan galgal dheeriya si ay toodu umeelmarto. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Xoghayaha arrimaha Mareykanka Antony Blinken ayaa,sheegay inuu rumeysan yahay in Ukraine ay dagaalka kaga adkaan doonto Ruushka. Ma uusan soo hadal qaadin xilligga lais dhihi karo wuu soo afjarmayaa dagaalka balse wuxuu sheegay in aanay soo dhaweynin jab soo gaara Ukraine. Blinken wuxuu ammaanay ‘adkeysiga aan caadi aheyn’ ay muujiyeen shacabka Ukraine. Wuxuu sidoo kale in Ruushku uu isku dayo in uu afgembiyo dowladda Ukraine ay shacabka dalkaas si weyn uga soo horjeesan doonaan. “Haddii ujeeddadu Ruushka ay tahay inuu isku dayo inuu afgembiyo dowladda si uu hirgeliyo dowladda uu isaga wato, 45 malyan oo shacabka Ukraine ah ayaa kasoo…

Read More

Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa dhaleeceeyay senetar ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo lagu magacaabo Lindsey Graham kadib markii uu u muuqday in uu ku baaqay in la dilo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Sanatar oo qoraal soo dhigay barta Twitter-ka ayaa sheegay in sida kaliya ah ee lagu soo afjari karo duulaanka Ruushka ee Ukraine uu yahay ‘in qof ku sugan Ruushka ay tahay in Putin uu kasoo saaro halkaas’ Dhanka kale, xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad, Jen Psaki ayaa ku gacan seyrtay hadalka kasoo baxay sanatarka isla markaana sheegtay in ‘hadalkaas ma ahan mowqifka dowladda Mareykanka mana aha hadal kasoo…

Read More

Bosaaso waxaa maanta lagu qabtay doorashada 16-kii kursi ee taalay Magaaladaas. Guud ahaan 16-kii Kursi oo ay ahayd in Laba maalmood lakala qabto,ayaa Maanta hal mar la wada qabtay. Dadka dooraashadaas ku soo baxay,waxaa ka mid ah Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Guddiga doorashooyinka ee heer Puntland. Hal Gabar,ayaa ku jirta xildhibaanada Boosaaso lagu doortay saakay. Wax saamayn ah kuma yeelan Amniga Magaalada,waxaana Doorashadu ka dhacday garoonka diyaaradaha Bosaso Teendho laga dhex dhisay.

Read More

Madaxweynaha mudo xileedkiisu idlaaday ee Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa goordhaweyd u kicitimay dalka Qadar halkaas lagu wado in uu joogo labo maalmood ee nagu soo aadan. Farmaajo,ayaa la filayaa in uu kulmo amiirka Qadar oo ay ka wadahadli doonaan arrimo ay kamid yihiin xiriirka labad dal iyo arrimaha horumarka. Safarka Farmaajo,ayaa waxaa horey usii shaacisay warbaahinta Qatar oo sheegtay in Doxa ay casumad u fidisay Farmaajo iyo waftigiisa. Socdaalka Farmaajo ee Qatar,ayaa ku soo beegmay xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiro gaba-gabadii doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Fadaraalka.

Read More

Waa bilow fiican , marba hadii dhibaatooyinka africa baadhitaan laga bilaabay , Madaxa Hay’adda Xuquuqul Insaanka Hayada Ramada midoobay u qaabilsan ,Ayaa Magacaabay Koox Soo baadha Dambiyada Dagaal & Xadgudubyada ka Dhanka Ah Xuquuqul Insaanka Ee Ka Dhacay Itoobiya. Madaxa Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay,ayaa u Magacaabay Xeer Ilaaliyihii hore ee ICC Fatu Bensouda in ay Noqdoto Gudoomiyaha saddexda Qof ee Komishanka Caalamiga ah ee Khubarada Xuquuqul Insaanka u qaabilsan Itoobiya. Ambassador Federico Vilegas (Argentina)ayaa U magacabay Fatu Bensouda oo u dhalatay Gambia, Carrie Betty Murungi oo Kenya u dhalatay iyo Steven Ratner oo Maraykan ah inay Noqdaan baarayaal.

Read More

Puntland Security Commando Force ,waa waxa ay horay u ahaayeen ee mahan wax cusub oo lagu soo kor dhiyay. PSF waa Ciidan qaba tababarka ugu sareeya ee Ciidan yeesho,waana Kumandoos. Balse magac ahaan waa PSF,sidaa ayayna ku hawlgeli jireen kuna hawlgalayaan,waxba lagama badalayo Logo-da iyo Data ay ku shaqeeyaan. Sidoo kale,waxay leeyihiin garab sirdoon oo xoog badan,kaasoo loogu yeero (Sirdoonka Mileteriga). (Puntland Intelligence Special Forces) Waa Qayb cusub oo leh awood kooban oo ay ku fuliyaan hawlgal gaar ah oo loo igmaday.. Kama badnaan doonaan 100-Askari,waxayna ka amar qaadan doonaan Madaxtooyada. Ciidankan,waa gacan kale oo kusoo korodhay awooda wax soo…

Read More

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka UK ayaa sheegay in duqeymaha uu Ruushku ku hayo warshada Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee dalka Ukraine uu yahay “weerar halis ah oo aan ka fiirsasho lahayn oo lagu qaaday goob Nukliyeer ah” ayna tahay in dhammaan beesha caalamku ay si dhab ah u qaataan, Wadamo badan ayaa ka digay halista ka dhalan karta weerarkan waxayna sheegeen in ay saameyn weyn ku yeelan doonto midowga Yurub. Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa dhankiisa ku baaqay kulan deg deg ah oo golaha ammaanka Qaramada Midoobay ay ku yeelanayaan magaalada New York si “loo kordhiyo cadaadiska la saaray Putin”.

Read More

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u doortay dacwad-oogihii hore ee maxkamadda dambiyada caalamiga ah inay hoggaamiyo guddi baaraya xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhacay waqooyiga Itoobiya. Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa bishii November 2020 dagaal la galay ciidamada Tigreega, iyada oo tan iyo markii uu dagaalku uu qarxay ay wakaaladda wararka ee Reuters soo warinaysay gabood-fallo ay geysteen dhammaan dhinacyadii dagaalamay, kuwaas oo dhinacyadii dagaalamay ay beeniyeen. Goluhu wuxuu u codeeyay bishii Diseembar in la dhiso guddi baaritaan oo madax-bannaan, si ay u eegaan xadgudubyada lagu eedeeyay dhammaan dhinacyada iyo in la caddeeyo dembiilayaasha, si loola…

Read More

Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay Masaajid ay ku badan yihin dadka Shiicadda ah oo ku yaal Waqooyi Galbeed ee waddanka Pakistaan, Waxaan ku geeriyooday 30 qof, halka 60 kalena ay ku dhaawacmeen. Weerarkan khasaaraha badan dhaliyay ayaa dhacay xilli lagu jiray saaladda Jimcaha. Mohamed Aasim oo ah afhayeen Isbitaal la yiraahdo Lady Ready oo ku dhow halka weerarka uu ka dhacay ayaa xaqiijiyay tirada dhaawacyada, wuxuuna suxufiyiinta u sheegay in inka badan 12 qof oo dhaawaca ka mid ah ay ku jiraan xaalad khatar ah, dhimashaduna ay sii kordhi karto xilli kastaba. Haruun Rashiid oo ah sarkaal sare oo…

Read More

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,ayaa sheegay in hawlgalkiisa khaaska ah ee Milatari, laakiin loo yaqaano duulaanka Ruushka uu ku socdo qorshe la jeexay. Hadalkiisan ayaa yimid kadib markii falanqeeyayaal badan ay sheegeen in dagaalka Ukraine uu yahay mid qorshe la’aan ah. Khudbad laga sii daayay television ka ayuu ku eedeeyay ciidamada Ukriane in ay afduubteen kumanaan dad ajanabi ah, ayna u isticmaalayaan dadka “gabaad ay xabada isaga dhigaan” arintaan wax cadeyn ah uma uusan hayn Putin. Wuxuu intaas ku daray in dadka Ruushka iyo Ukraine ay ahaayeen hal dad, uuna burburin doono kuwa ka soo horjeeda ee reer galbeedku abuureen.

Read More

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay wadada ugu dhaw ee lagu joojin karo dagaalka Ukraine in ay tahay wadahadal toos ah oo ay wada-galaan isaga iyo madaxweyne Vladimir Putin. “Ma dooneyno inaan weerarno Ruushka, mana qorsheyneyno in aan weerarno. Maxaad naga rabtaan annaga? Nooga taga dhulkeena” ayuu yiri Wuxuu intaas ku daray isaga oo soo xiganaya wada hadal ka dhacay miis dheer bishii hore: “Aan wada fariisano. 30 mitir meel ay noo dhaxaysana ha fariisan, sidii aad sameysay markii aad la kulmeysay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron”.

Read More

Ruushka iyo Ukraine ayaa Khamiistii ku heshiiyay fududeynta howlaha gargaarka bini’aadinimo, si loo caawiyo dadka rayidka ah ee ka baxsanaya duullaanka Moscow ee galay maalintii siddeedaad, taasoo ah horumarkii ugu horreeyay ee laga gaaro wadahadallada labada dal. Wadahadalladan oo ka dhacay meel qarsoodi ah ayaa Ruushu wuxuu sheegtay inay natiijo muhiim ah kala kulmeen, halka Ukraine ay dhinaceeda sheegtay in fahankeeda wadahadaalladan ay ahaayeen caawinta dadka caadiga ah ee reer Ukraine, laakiin aysan kasoo bixin natiijadii ay Kyiv rajeyneysay. Ciidamada Ruushka ayaa sii wada hareereeyn ay ku weerarayaan magaalooyinka Ukraine, oo ay ku jirto Mariupol, oo ah dekedda ugu weyn…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni. Kadib markii uu qiimeeyey xaaladda amni iyo dhaqan dhaqaale ee Magaalada Boosaaso. Kadib markii uu la tashaday Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland. Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Isimada, Madaxweynayaashii hore, Waxgaradka iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland. Kadib markii uu tixgaliyey dadaaladdii kala duwanaa ee muddada ka socday Magaalada Boosaaso ee ku wajahnaa xal u helista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada. Madaxweynaha Dowladda Puntland oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 009 , 04 March 2022, wuxuu xeeriyay. Waxaa S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka…

Read More

Weli waxuu ku maqan yahay 2-dii saac ee uu qabsaday,waana la sugayaa in uu si rasmi ah usaxiixo Warqada. Mid kale,ayaa dhici karta oo ah in saxiixa Warqada ilaa Caawa saq dhexe laysla gaaro. Si kastooy tahay lataliyayaasha Deni waa kula taliyeen in uu Warqada saxiixo,isaguna waa aqbalay. Madaxweynuhu saxiixa Warqada kadib,waxaa dhici karta in uu ka tago Bosaso.

Read More

Kismaayo, 03, Maarso, 2022- Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Jubaland mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha wasiirada. Kulanka ayaa ugu horeeyntii looga hadlay xaalada amniga, doorashada, iyo abaaraha oo wali ka jira deegaanada Jubaland iyadoo warbixintaa uu jeediyey Madaxweyne kuxigeenka. Warbixinada guud kadib Wasiirka Wasaaradda Caafimadka Jubaland ayaa golaha wasiiradda oga warbixiyey xaalada isbitaalka guud ee Kismaayo oo dib u habeen ku sameeysay Wasaaradda iyo isbitaalka Buurdhuubo, sidoo kale waxa uu wasiirku sheegay in la wado dhismaha qaybo kale oo lagu soo kordhin doono isbitaalka, iyo sadex xarumood oo ah (MCH) kuwaa laga hirgalin doono magaalada si loogu…

Read More

Haddii aad hada nagu soo biirayso, waa kuwan wararkii ugu dhanbeeyay ee xaalada Ukraine. Afar qarax oo waaweyn ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga maqalay gudaha magaalada Kyiv balse ma cadda cidda lala beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay. Sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka,ayaa sheegay in kolonyo baabuur ah oo Ruushku leeyahay oo ku dhow Kyiv “ay istaageen” shidaal iyo Cunto yari awgeed.

Read More

Kulankii bilowday saakay xili hore ee udhaxeeyay Madaxweyne Deni iyo Isimada,ayaa weli socda. Warar aan ka helay Madaxtooyada Puntland,ayaa xaqiijinaya in xoogaa is afgarad ah jiro oo intii hore layskaga soo dhawaaday. Wada xaajoodka,waxaa hada ku biiray Agaasimaha Ciidamada PSF Jen.Maxamuud Diyaano. Shirka Madaxweyne Deni Iyo Isimadda,ayaan rajo badan laga qabin markii hore in xal kama danbaysa la gaaro Maanta. Jibril Qoobey.

Read More

Kulanka guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta loogu codeeyay qaraar lagu cambaareynayay duulaanka Ruushka, waxayna ka dalbadeen Ruushka in ay ciidamadooda si dhaqsi ah ugala baxaan Ukraine. Qaraarka ayaa waxaa taageeray 141 wadan oo ka mid ah 193 wadan ee xubnaha ah, inta lagu guda jiray kulanka guud ee Qaramada Midoobay oo ahaa mid degdeg ah oo ay goluhu isugu yeereen. Intii ay socotay codeyntu ayaa safiirka Ukraine ee Qaramada Midoobay Sergiy Kyslytsya wuxuu sheegay in Ruushku u yimid in uu burburiyo Ukraine. Waa kulankii ugu horeeyay oo degdeg ah oo goluhu isugu yeeray xubnaha tan 1997 kii.

Read More

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Somalida ee dalka Itoobiya,ayaa sicir-bararka baahsan ee ka jira halkaasi u aaneeyay dhawr oo kala.. 1.Wax-soo-saar la’aantadadka Deegaanka, 2 2.Sarrifka dolarka. 3.Ku tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga keeno. Masuuliyiinta ayaa sheegay in ay haatan qaadayaan tallaabooyin lagu dhimayo sicirka Cunnada Daruuriga ah. Tallaabooyinkaasi waxaa ka mid ah in maamulka deegaanku uu la socdo qiimaha badeecadaha kala geddisan ee kasoo dega Dekadda Berbera, si ay u sahlanaato in la xakameeyo macaashka ay ganacsatadu ka raadiyaan badeecadahaasi.

Read More

Duulaanka Ruushka ee Ukraine,ayaa si lama filaan ah waxaa u hareeyey khaladaad istaraatiiji, kuwa xeeladeed, shidaal iyo cunno yari, gawaari dagaal oo laga cararay, diyaarado lasoo riday iyo dhimashada askar badan, waxaa sidaas shaaciyey khuburo Mareykan ah. Hase yeeshee guuldarrooyinka Ruushka ee maalmaha hore ee dagaalka, oo ay ku jirto inay yareysteen sida ay Ukraaniyiinta uga go’an tahay inay dagaalamaan, ayaa hoggaamin kara in Moscow ay go’aansato inay oodda ka qaado dhammaan awoodaheeda, ayna si aan kala sooc laheyn u burburiso qeybo badan oo ka mid ah Ukraine, sida ay sheegeen khubarada. Khubarada Mareykanka ee darsa militariga Ruushka ayaa sheegaya…

Read More

Dayuuradaha dagaalka Ruushka ayaa kusoo xadgudbey hawads Sweden, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Cirka Sweden, Carl-Johan Edström oo bayaan soo dhigay webka Wasaaradda Difaaca. Diyaaradaha Ruushka oo 4 ahaa ayaa kala ahaa 2 SU 27 iyo 2 SU 24, waxayna soo galeen hawada biyaha Badda Baaltigga ee bariga gasiiradda Gotland. Ciidanka Cirka Sweden ayaa kiciyey diyaaradaha dagaalka Jas 39 Gripen si ay hawadooda uga Hawadooda uga saaraan diyaaradaha Ruushka ayna sidoo kale sawirro uga qaadaan. “Waxay tani muujinaysaa heegankeenna. Waxaan u joognaa ilaalinta qiyamka dhuleed iyo madaxbannaanida xadka Sweden,Talaabada Ruushku qaaday waxay muujinayso Xirfad xumo “ Wasiirka Difaaca Sweden, Peter…

Read More

Shirkadda Dhismaha Albashid (ACCOM) oo gacanta ku haysa mashaariicda waaweyn ee dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ayaa ku guda jirta dib u dhiska buundada Qayaadsame oo kamid ah buundooyinka ugu waaweyn ee isku xira gobollada Puntland. Shirkadda ayaa horay u soo gabagabeysay dib u dhiska Buundada labaad ee ugu weyn Bulsho Koriso oo iyana la furay bishii October ee sanadkii hore. ACCOM waxa ay hadda ka waddaa SINUJIIF waddo laami ah oo dhererkeedu dhan yahay 9 KM taas oo lagu rakibayo 54 dhuumood (Culvert pipes) oo biyuhu maraan si aanay xilli roobaadka waddadu u xirmin. PLTV.

Read More

Wuxuu sheegay in doorashooyinka ka socda dalka ay yihiin kuwo aan sax aheyn oo doorasho la dhihi karin, isaga oo sheegay in qof la soo xulaayo kadibna loo keenayo qof Malxiis u ah taasina ay tahay boob cad. ” Horta dadka doorashada kusoo baxay waa dad waqti badan dalka soo joogay oo xaaladsa la socda eedna kuma lahan in kursiga loo boobay ee kii u boobay ayaa loo heystaa, waxaa jira dad eedo kala duwan loo heysto oo Baarlamaanka kujira waase kooban yihiin ayuu yiri” Ayuu yi Cumar Cabdirashiid. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Waxaa isa soo taraya xogaha laga helaayo Dadka ku jira liiska cunaqabateynta ee ay dowlada Mareykanku ku soo rogtay madaxda Soomaalida ee lugu eedaynayo iney musuqmaasuqeen ama carqaladeynayaan doorashooyinka socda Xog kooban oo la helay waxay sheegeysaa in liiska ay ku jiraan; madax heer federal, madaxweynayaal maamul goboleed, saraakiil hore, kuwo hadda xilal haaya, xildhibaanno dooran, kuwo hadda u taagan iyo musharraxiin madaxweyne. Haddii ay dhabowdo arrintani waxay si aan hore loo arag isugu dhex yaacin kartaa siyaasadda Soomaaliya iyo gobolka ama u yeeli kartaa waji cusub. Xigasho: Ali Halane

Read More

Cabdulaahi Maxamed Cali,ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-178 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS,isagoo heley codad gaaraya 70-cod halka musharaxii la tartamayey Bile Xasan Cabdi 25-cod. 2-cod,ayaa xumaaday. Aadan Maxamed Cali,ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-253 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo heley codad gaaraya 70-cod halka musharaxii la tartamayey Cabduqaadir Ibraahim Buule 21-cod.

Read More

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa todobaad ka hor duullaan aad looga digay ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine oo ku eedeeyay inuu ku yahay khatar amni. Duullaanka Ruushka ayaa waxaa ka dhashay cunaqabateyn ballaaran oo uga timid dalalka Galbeedka, isla markaana dhalin karta saameyn dhaqaale oo ballaaran. Dagaalka uu Putin ku qaaday Ukraine ayaa u muuqda mid uu muddo qorsheynayay, ujeedkiisuna yahay inuu meesha ka saaro xukuumadda Kyiv ee taabacsan Maraykanka iyo xulafadiisa. Hase yeeshee sideed maalmood kadib, Ruushka weli ma uusan qabsan caasimadda Kyiv, waxaana uu iska caabin xooggan kala kulmay ciidamada Ukraine. Khasaare xooggan ayaa xukuumadda…

Read More

Ganacsadaha u dhashay waddanka Ruushka ee Roman Abramovich ayaa Arbacadii sheegay inuu iska iibin doono kooxda kubada cagta ee Chelsea, 19 sano kadib, wuxuuna ballan qaaday in uu lacagta kasoo xaroota ugu deeqi doono dhibbanayaasha dagaallada ka dhacay dalka Ukraine.Iyadoo ay sii kordhayaan baaqyada loogu baaqayo Abramovich in lagu soo rogo cunaqabatayn kadib duullaankii Ruushku ku qaaday dalka ay deriska yihiin, ayaa ninka awoodda iyo saameynta badan wuxuu bayaan uu soo saaray ku sheegay in iibka ay dani ugu jiro kooxda haysata horyaalka kubbadda cagta Yurub iyo adduunka. “Xaaladda hadda jirta darteed waxaan qaatay go’aan ah inaan kooxda iska iibiyo,…

Read More