Author: Jibril Qoobey.

Madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin u dusha u ridan doono mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata duulaanka uu ku qaaday Ukraine. Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanka iyo gaashaanbuurta Nato ay muujiyeen taageerada ay u hayaan Ukraine. Joe Biden wuxuu yiri “Haddii kuwa kalitaliska ah lala xisaabtami waaye dhibaato weyn ayay horseedeyaan” Isago oo canaanayay Ruushka ayaa yiri, “Weerarka lasii qorsheeyay ee aan laga fiirsan” “Putin wuu nagu khaldamay, diyaar baan nahay” Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ciidamada Ruushka oo laga soo daadiyey diyaarado ayaa maanta oo Arbaco ah cago dhigtay magaalada ku taalla bariga Ukraine ee Kharkiv, waxaa sidaas sheegay ciidamada Ukraine, oo intaas ku daray inuu jiray isku dhac deg deg ah. “Ciidamada diyaaradaha lagu sido ee Ruushka ayaa soo cago dhigtay Kharkiv… waxayna weerareen isbitaal ku yaalla magaalada,” ayey ciidamada Ukraine ku yiraahdeen bayaan ay soo dhigeen Telegram.“Waxaa socda dagaal u dhaxeeya ciidamada duulaanka ah iyo kuwa Ukraine.” Kharkin, oo dadka degan ay inta badan ku hadlaan luuqadda Ruushka kuna dhow xuduudda Ruushka, ayaa waxaa ku nool 1.4 milyan oo qof.Waxay bartilamameed u aheyd…

Read More

Kulankii,waa soo dhamaaday jawi degan oo isku soo dhawaansho ah,ayuu kusoo gabagaboobay. Waxaa loo balamay mid kale oo isla maalmahan ah hadii rabi idmo. Madaxweynuhu,waxuu dalbaday in uu Golayaasha Xukuumada talo kula laabto,waana laga aqbalay. PSF muhiim ayay utahay awooda Dowladeed ee Puntland,taasna waxay umuuqataa mid uu Deni hada soo fahmayo. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa maanta xilka Guddoomiye ku-xiigeenka Guddiiga doorashooyinka ee heer Puntland iska casilay Caynaanshe Yuusuf Xuseyn. Is casilaaddiisa,ayaa imaaneysa xili Guddiigu ku guda jiray qabashada doorashada kuraasta Baarlamaanka Federaalka ee Bosaso taalla. Caynaanshe,ayaa xaqiijiyay inuu iska casilay xilka Guddoomiye ku xigeenlka Guddiga Doorashada ee heer Puntland balse ma uusan cadeyn sababta ku dhalisay inuu is casilo.

Read More

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo ka hadlayay Baarlamaanka Yurub isaga oo isticmaalaya videolink ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la aqbalo in uu xubin ka noqdo midowga Yurub. “Waxaan u dagaalamaynaa xuquuqdeena,xoriyadeena, nolosheenna, waxaan u dagaalamaynaa badbaado, waana mid ugu sareysay ee dhiirigalinteena ah, laakiin waxaan sidoo kale u dagaalamaynaa inaan noqono xubin kamid ah midowga Yurub. Waxaan aaminsanahay in maanta aan qof walba tusnay waxa aan nahay”Ayuu yiri M.Ukrain. Hadii aan anaga kusoo biirno Midowga Yurub aad ayuu u xoog badnaan doonaa – taasina waa hubaal. Waxaan cadeynay awoodeena, waxaana hubaal ah in ugu yaraan aan isku mid…

Read More

Magaalada Kyiv, cabsidu way sii kordhaysaa, kolonyada Ruushku ayaa ku soo wajahan magaalada waxayna sitaan hub aad u farabadan oo xoogan. Qof kasta oo dunida ku nool ayaa isha ku haaya waxa ka soo bixi doono kolonyadan Militariga Ruushka ee ku sii socoto Kyiv, shacabka caasimadda UKraine ayay cabsi xoogan soo wajahday,waxayna isu diyaarinayaa sidii ay isaga caabin la haayeen. Dad badan oo u dhasahay Dalka Ukraine ayaa ka soo talaabay xadka Pooland si dagaalka qeyb uga nooqdaan. Burbur badan iyo dhimasho badan ayaa laga cabsi qabaa, sawirradda dayax gacameedka ayaa muujinayaa in uu Ruushka aad ugu dhawyahay caasimadda Kyiv.

Read More

Madaxweyne Deni in uu la kulmo Agaasimaha Sharciga ah ee PSF waa talaabo uu ku dhiiraday oo uusan Aaran-jaan ka talogelin. Kulankaas in uu guulaysanayo oo wax la taaban karo,kasoo baxayaan,ayaa lagu han weyn yahay. Sida ilo muhiim ah xaqiijinayaan horay,ayaa arinkan looga soo shaqeeyay kaliya kulankan,waa jadwal diyaarsanaa oo la marayo. Ugu danbayn 12-ka Bishan,ayaa Madaxweynuhu Wareegto rasmi ah dib ugu aqoonsanayaa Agaasime General.Maxamuud Diyaano. Soo afjarida xiisada PSF waxay Puntland utahay Waran ku taagnaa oo laga soo afjaray. FAAHFAAHINTA NAGALA SOCDA

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay wejiga labaad ee shirka nabadaynta Beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka Saax-meygaag. Shirkaan oo ah wajigii labaad ee beelaha u furma, waxaa madasha beelaha walaal ah ay ku saxiixeen ogolaanshaha gardhiibashada guddiga dhexdhexaadinta oo iyagana madasha lagu dhaariyay. Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shirka guul u rajeeyay iyo inuu horseedo nabad iyo barwaaqo. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa sheegay in dowladdu ay garab taagan tahay Isimada dhaqanka iyo guddiyada kala duwan ee arintan ku hawlan, isla markaana ay juhdi gelinayso…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Xudur ee Gobolka Bakool,ayaa sheegaya in ciidamada dawladda Soomaaliya ay iska difaaceen weerar xalay uga yimid maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab. Ilo dhinaca amniga ah,ayaa u sheegay idaacadda in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay soo weerareen saldhig ay Ciidamaada Dowladdu ku leeyihiin dhinaca galbeed ee magaalada Xudur wax yar ka dib saqdii dhexe. Saddex ka tirsna maydka Maleeshiyaadka Al-Shabaab,ayaa la sheegay in lagu arkay goobta dagaalku ka dhacay, hase yeeshee mas’uulyiinta amniga ee Dowlada waxay dhimashada Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee weerarkaas gaarsiinayaan ilaa Toddoba. Mas’uuliyiinta Dowladda,ayaa sidoo kale sheegay in saddex qori ay ciidamada ku qabsadeen dagaalkaasi.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa shir la yeeshay Taliyeyaasha hay’adaha ammaanka dalka iyo Ciidammada AMISOM. Kulankaas,ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud ee dalka, gaar ahaanna caasimadda Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Rooble,ayaa faray hay’adaha amnigu inay xoogga saaraan dardar gelin howlgallada ka dhanka ah argagixisida ee guud ahaan gobollada dalka iyo in si gaar ah loo adkeeyo amniga caasimadda oo lagu qabanayo doorashooyinka guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Read More

Guddoomiyaha Guddiga Qiimeynta Xaaladda Deegaan Doorashada Labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey Avv. Cumar Maxamed Cabdulle ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka socotay Madasha Wadahadalka Somaliyed (Somali Dailogue Plattform) oo ay ka wada hadleen qorshe howleedka guddigan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseyn Rooble. Guddoomiyaha Guddiga ayaa Madasha faahfaahin ka siiyay qorshe howleedka guddigan oo loo xilsaaray in uu ka soo talo bixiyo xaaladda deegaan doorashada Garbahaarreey, isagoo ka codsaday inay ku gacan siiyaan fulinta qorshe howleedkooda.

Read More

Garoowe: 28 February 2022 : Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Manhajka Waxbarashada Dugsiyada Sare ee Puntland. Manhajkan oo muddo howshiisu socotay waxaa soo diyaarintiisa iska kaashaday wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland , Barayaasha dugsiyada sare iyo Madbacadaha Midoobay. Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in dhamaystirka Manhajkan dugsiyada sare uu tusaale cad u yahay inaynu wax qabsan karno,taasoo muujisay horumarka laga gaaray waxbarashada Puntland. Madaxweyne ku xigeenka ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada Dowladda Puntland, barayaasha Dugsiyada Sare iyo Madbacadaha Midoobay ee Puntland Shaqada wanaagsan…

Read More

Waxaa kala cadaan doonta laba arimood midkood,kuwaasoo kala ah… 1.In uu Deni weli sii yahay madiidin Aaran-shaydaan meel ugu xiran. 2.In uu Deni yahay hogaamiye umadax banaan go’aamadiisa oo xanta aadka u xooga badan beenin kara. Saakay waxay ahayd in la kulan siiyo isaga iyo Maxamuud Diyaano,waase qaban waayay Taleefoonada ilaa xalay. Markii Isimadu ku wareereen oo ay go’aansadeen in ay qabtaan Shir jaraa’id,ayuu soo wacay oo ku andacooday waa hurday. Ilo muhiim ah,waxay xaqiijinayaan in Xasan Shire xalay utagay una sheegay haduu la kulmo Maxamuud Diyaano in uu iscasilayo oo Golaha ka baxayo,taasoo Deni culays ku noqotay. Sidaan oo…

Read More

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Fadaraalka Muuse Geelle Faroole,waxuu rabaa in uu qaato Xildhibaanka Beeshiisa Bicidyahan Cali Saleebaan,sida wararku sheegayaan. Deni,ayaa dabada ka riixaya oo wata sida ilo muhiim ah xaqiijinayaan. Muuse waa Nin isa suuxiya oo munaafaqad badan in la fahmo jihadiisana ay adag tahay. Sagaashameedyadii,waxuu dhoofin jiray Xoolaha Dhedig iyo Ugaarta,taasoo maamulkii SSDF ee xiligaas uu amray in toogasho lagu dilo,waxuuna lug ku galay Berbera. Kadib markii Cabdullaahi Yuusuf qulqulatadu ka qabsatay Bosaso,waxuu ka mid ahaa Dadkii horboodayay ka hor imaadkiisa. Balse soo laabadkii Cabdullaahi Yuusuf,waxuu hadana ka mid ahaa Dadkii soo dhaweeyay oo soo galbiyay,waxuuna sameeyay dhacdo caan baxday…

Read More

Dadka qiimayntan sameeyay,waxay soo gudbiyeen jacaylkooda,lamase oran karo waxay taabteen xaqiiqda. Dalka guushiisu waa Deni iyo Farmaajo oo wada baxa,sababtoo ah Labadooduba waxay khatar ku yihiin Bulshada. Waxay wada leeyihiin dabeecado isku mid ah oo aan Umadan dan ugu jirin. Xalka Somaliya ee xiligan,waa Madaxweyne dabacsan,Dimuqraadi ah,Dulqaad leh oo waaqiciya. Si gaar ah,waxuu ku qurux badan yahay markan in uu ka yimaado Beesha Hawiye Madaxweynaha badalaya Farmaajo. Deni iyo Farmaajo dalka dan uma ahan xiligan,hadaan Qabyaaladu wax indho tirayn !! Jibril Qoobey.

Read More

Isimada iyo Madaxweyne Deni ugu danbayn saakay way kulmeen,kadib xoogaa iswaayitaan ah. Kulanka oo daba socday kuwii hore,ayay Isimadu ugu gudbiyeen Madaxweynaha xoogaa cabasho ah oo ku aadan daahid fulimeed arimihii lagu balamay iyo deg-deg la geliyay Doorashada Xildhibaanada Fadaraalka. Balse ugu danbayn,waa lays fahmay oo la dhameeyay xoogaagaas caajiska ahaa ee soo kordhay. Beri,waxaa laysku gaynayaa Madaxweynaha iyo Agaasimaha sharciga ah ee PSF. Sida la filayo,waxaa sideedii hore lagu celin doonaa PSF. Sidoo kale Qoondada Gobolka Bari,ayaa laga dhigi doonaa Boqolkiiba Todobo. Arinka DP World,ayaa loo dayn doonaa Madaxweynaha xal ka keenkiisa. Jawiga aadbuu uwanaagsan yahay,waxayna ubadan tahay in…

Read More

Wafti ka socda Ukraine, ayaa gaarey xuduudda dalka Belarus, si ay wada hadal ula yeesheen wakiilada Ruushka Isniinta. Wada hadalada, ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo gaari lahaa xabad joojin degdeg ah, iyo ka bixitaanka ciidamada Ruushka. Warkan ayaa lagu sheegay qoraal kasoo baxey madaxtooyada Ukraine. Waxaan kasoo xiganey Wakaaladda Wararka ee Reuters. Wafdiga ayaa sida lagu xusay qoraalka waxaa kamid ah wasiirka gaashaandhiga, Oleksii Reznikov, iyo la taliyaha Madaxweynaha Mykhailo Podolyak.

Read More

Dadka Jarmalka, ayaa waxey goobjoog u noqdeen maalin taariikhi ah. Ra’iisal wasaare, Olaf Scholz, ayaa waxa uu xukunka qabtay bishii December ee sanadkii hore 2021-ka. Laakiin 24 saacadood gudahood waxa uu wax ka bedelay siyaasadda arrimaha dibadda ee Jarmalka, ee xiligan casriga ah. Intii lagu guda jiray fadhi degdeg ah oo uu baarlamaanka Jarmalka ka yeeshay dagaalka Ukraine Axaddii, Ra’iisal wasaare, Scholz, ayaa waxa uu ku dhawaaqey 113 bilyan Doolar, oo looggu tala galey ciidamada Jarmalka. Waxaa baarlamaanka dhexdiisa ka dhacey naxdin iyo anfariir. Xildhibaanada qaar ayaa sacaba tumay, qaarna waxa ay u ekaayeen kuwo yaab la amakaagay. Isagoo hadalkiisa…

Read More

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland,ayaa maanta daahfuraysa buugaagta cusubka ee manhajka dugsiyada sare ee Puntland. Hal sano gudihiis,waxaa lagu daahfuray Buugaagta Manhajka Dugsiyada hoose ee Puntland iyo Buugaagta Manhajka Dugsiga sare ee Puntland. Waxaa meel fiican oo gabagabo ah maraya Manhajka Dugsiyda dhexe ee Puntland. Manhajka cusub ee buugaagtiisa la soo daabacay,ayaa la rajaynayaa in uu kaalin shariif ah ka qaadan karo kobcinta garaadka ardayga iyo soo saarista jiil tayo leh. Xigasho:-W.Waxbarashada.

Read More

Qiimaha lacagta Ruushka ee ruble ayaa Isniinta maanta ah hoobatay marka loo eego dollar-ka iyo Euro ee Suuqa Sarifka Lacagaha ee Msocow, xilli Reer Galbeedka ay Moscow ku ciqaabeen xayiraado dhaqaale oo ka dhashay duulaanka ay ku qaaday Ukraine. Qiimaha ruble-ka ayaa maanta gaartay 100.96 halkii dollar-ba, halka ay ka aheyd 83.5 Arbacadii, maalin ka hor duulaanka Ukraine. Sidoo kale halkii Euro ayaa waxaa lagu sarifayey 113.52 ruble, halka ay kahor weerarka ka aheyd 93.5. Qiimo dhacan ayaa ka dhashay kadib markii Reer Galbeedka ay ku dhowaaqeen inay qaar ka mid ah Bankiyada Ruushka ka saari doonaan nidaamka SWIFT ee…

Read More

Ciidamada Ukraine,ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta magaalada muhiimka ah ee Kharkiv, sida uu sheegay guddoomiyaha Gobolka. Xoogaga Ruushka waxaa u suurtagashay in ay gudaha u galaan magaalada, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine, hal habeen oo kali ah laakin dib ayaa loo celiyay. Putin,ayaa markaas kadib si lama filaan ah ugu dhawaaqay in uu heegan geliyay awoodiisa Niyukleerka. “Russia’s Putin puts nuclear forces on high Alert”

Read More

Guddiga doorashada ee Heer Puntlaand,ayaa sii daayay Jadwalka doorashada 16-ka Kursi ee taala magaalada Boosaaso. Shaacinta Kuraastan,waxay ka danbaysay kadib markii isimada iyo Madaxweynuhu isku afgarteen kulankii shalay foog ee Madaxtooyada Bosaso. Waa Kuraastii ugu badnayd ee halmar la shaaciyo loona asteeyo Labo Maalmood oo isku xiga doorashadooda. Deni oo arimihii uu uyimid Bosaso ay ka mid ahaayeen qabashada Doorashada Kuraastan,ayaa raba in uu mar isdhaafiyo culayskooda kaga imaanaya gudaha iyo dibada. Isimada,ayuu shalay ka balanqaaday in uu ka talogelin doono Kursi walba Isinka uu khuseeyo. Waxay umuuqataa in Madaxweyne Deni dhimay Xawaarihii isla qumanaanta kalinimada ee khaldanayd. Jibril Qoobey.

Read More

Qorshaynta mashruuc 50-Milyan oo dollar ku kacaya oo markii ugu horreysay Bangiga Adduunku si toos ah ugu taageerayo Somaliya,ayaa saakay ka dhacay Xaafiiska M.xigeenka Puntland. In Wasaaradu noqoto mid xaalad ka jirto oo dhawr Wasiir lagu khasbo in ay iscasilaan,waxaa qayb ka ahayd Mashruucan 50-ka Milyan. Sidoo kale in Wasiir ku xigeenku noqdo Madaxweyne Deni Seedigiis,isla markaana Agaasimaha Guud uu noqdo Wiil uu Adeer uyahay Shido,waxaa qayb ka ahayd naawilida Mashruucan 50-ka Milyan. In Wasiirka Kaluumaysiga laga leexiyo Beesha Sawaakhroon oo saami qaybsi uqaadanaysay waayahan danbe,iyaduna waa qayb kale. Dowlad Siyaasadeeda ay jaangoynayaan Ganacsato raadinaysa faa’ido deg-deg ah. Jibril Qoobey.

Read More

Shirkan,waxaa goobjoog ka ahaa dhanka Itoobiya Talyeyaasha Qeybta 3-aad iyo 6-aad ee Ciidanka difaaca Itoobiya. Dhanka Jubaland,waxaa goobjoog ka ahaa Talyaha Guutada 5-aad ee Lugta iyo Talyaha Nabad-sugida Jubaland. Madaxweyne Axmed oo Shir Gudoonka lahaa,ayaa sheegay in ay muhiim tahay wada shaqayn dhexmarta Labada Wadan si looga adkaado argagixisada. Dhanka Itoobiya Talyaha Qeybta 6-aad ee Ciidanka difaaca Itoobiya, Sarreeye Guuto Ababaw Seid,ayaa sheegay in si looga hortago khatarta Al-Shabaab in ay lagama maarmaan tahay si dhow in loola shaqeeyo. Itoobiya oo ka dhex ganacsanaysa u adeegida danaha Fahad Yaasiin waxay mar isku dayday in ay soo qabato Madaxweyne Axmed Madoobe.…

Read More

The Ethiopian National Defense Forces (ENDF) said a discussion was held on the security situation in the Jubaland state of Somalia and the security situation along the border between Ethiopia and Somalia. According to ENDF, the meeting was attended by the President of Jubaland state, Ahmed Madobe, ENDF Sector 3 and Sector 6 Commanders, and Commander of the 5th Motorized Battalion, as well as Head of Jubaland Security and Intelligence unit. ENDF quoted President of Jubaland State, Ahmed Madobe, who chaired the meeting, as saying that Ethiopia and Somalia share similarities in history, culture and language. “Al-Shabaab is working day…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa maanta qaabilay Agaasimaha guud ee wasaarada Kallumaysiga iyo Khayraadka Badda dowladda Federaalka ee Soomaaliya,Maxamuud Shiikh Cabdullaahi iyo Saraakiil ka socday Bangiga Adduunka (World Bank). Kulanka ayaa looga hadlay baahiyaha Kalluumaysatada Puntland iyo qorshaynta mashruuc 50-milyan oo dollar ku kacaya oo markii ugu horreysay Bangiga Adduunku si toos ah ugu taageerayo Somaliya. Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Kalluumaysiga Puntland, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha guud ee wasaarada Kallumaysiga Puntland iyo Saraakiil kale.

Read More

Gaalkacyo Wado si casriya loo diyaariyay oo ay dhistay Shirkada gacanteedu fadhido ee Kebarco,ayaa Xaafadaha Magaalada mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan laga higeliyay. Waa Mashruuc looga faa’idaystay siduu ahaa. Sidoo kale Shalay,waxaa la dhagax dhigay Dhismaha Saldhiga Bartamaha Gaalkacyo oo si casriya loo dhisi doono. Inkastoo baahiyaha jira ay baaxad weyn yihiin hadana isbadal,ayaa ka jira Magaalada Gaalkacyo. Jibril Qoobey.

Read More

Xog ogaalka la socda dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed iyo danaha shisheeye ee Geeska waxay qaarkood qabaan in Muuse Biixi xiriirkiisa Taiwan uu ku salaysan yahay dano dhaqaale oo isaga ugaar ah. Tusaale waxay usoo qaadanayaan Laba jeer oo Wefti ka socda maamulkiisu ay tageen Taiwan,waxaa la soo siiyay marna 2-Milyan oo dolar iyo markale oo 4-Milyan oo dolar ah. Lacagtaas,waxaa soo qaaday Wasiiro,waxayna gacanta ka geliyeen Muuse,waana mid aan marin Golayaasha laguna darin Miisaaniyada cid ka warqabtaana aysan jirin. Halka Shiinuhu bixinayay bil walba 3-Milyan oo dolar oo kabid Miisaaniyadeed oo Golayaasha Maamulkaas maraysay,taasoo Muuse ay yarayd waxa uu ka faragelin karay.…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya Tiina Intelmann oo ay ka wada hadleen qodobbo dhowr ah ku saabsan doorashooyinka, amniga iyo abaaraha ka jira dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in howsha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ay mareyso heer gebogebo ah, uuna filayo in ay ku soo dhammaato xilliga loo asteeyay ee 15ka March, taas oo ay xigi doonto doorashada Guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Kulanka ayaa sidoo kale la iskula soo qaaday taageerada Midowga Yurub ka geysanayaan gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay, iyadoo safiirku sheegtay in Midowga Yurub ay 41…

Read More

Dagaalkan,waxuu noqon karaa billowga dhammaadka Putin marka la qiimeeyo wax iska caabinta geesinimada leh ee Ciidanka Ukrain ay kala hor tageen Ciidamada sida weyn uga xooga badan ee Ruushka. Ilaa shalay wax horumar ah oo la taaban karo Ruushku kama samayn furimaha hore ee dagaalka. Waxay khuburada falanqeeya colaadaha hada isla qirayaan in dagaalku daba dheeraan doono oo ay dhici karto in uu noqdo mid Ruushku ku fashilmo. Walwalka soo kordhaya,waa in Putin isticmaalo Hub ka xoog badan kan hada uu adeegsanayo,hadii ay ku adkaato in uu dardaro Ciidamada mintidaya ee Ukrain. Maxkamada Danbiyada dagaalka,ayaa durbaba bilowday in ay la…

Read More

Waa niyad jab weyn oo ku dhacaya shacabka Somaliyed in Maanta oo 2022 ay taarikhdu tahay Amisom ay ka dhex samayso garoonka Aadan-cade khad Cagaaran. Waa la fahmi karaa wal-walka Amisom waxa uu ku salaysan yahay,sababtoo ah waxaa isku milmay Dowladii iyo argagixisadii,waxaana lumay kalsoonidii lagu qabay. Gaar ahaan Laamaha amaanka oo ay ugu horayso hay’ada Sirdoonka Qaranka. Talaabada Amisom waxay saamaynaysaa Talyayaasha Ciidamada Dowlada Fadaraalka iyo Wasiirada Xukuumada oo aan wax ilaalo ah la geli karin Xerada Xalane. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

5-jeer oo uu ka badbaaday Weeraro oo kii udanbeeyay uu dhaawiciisu ka muuqdo,waxaa loo doortay Maanta Xildhibaan Mucalimuu. Ma quuste aysan niyad jabin argagixisadu oo ka mira dhaliyay hankiisa diidayna in uu Dalka uga cararo,ayaa lagu tilmaami karaa Mucalimuu. Moalimuu oo shan goor,ayuu ka badbaaday weeraro iyo qaraxyo ay fuliyeen maleeshiyada Al-shabaab.

Read More

Shiinuhu,waxuu joojiyay ugu yaraan 7-Mashruuc oo ku kacayay 100-Milyan oo dolar oo uu ka wadey Somaliland. Mashaariicdaas,waxaa ku jiray Warshado shaqo bilaabay. Shiinuhu,waxuu Lacag Cadaan ah ku kabayay Miisaaniyada Dowlada hoose ee Hargaysa iyo Dowlada Dhexe. Dhankiisa,waxuu qaadanayay Dhagax muhiim ah,waxuuna rabay in uu sii sameeyo Maalgashi intaa ka balaaran. Balse banaanka,ayaa loo tuuray Shiinihii,waxaana iskaga baxay Somaliland ugu yaraan 36-Qof oo halkaas ka joogay,todobaadkana,waxuu raranayaa Qalabkiisii. Somaliland taa badalkeeda,waxaa loo tilmaamay Taiwan si ay ubuuxiso booskii Shiinaha. Taiwan,waxay dhankeeda ka dhiganaysaa Somaliland Xubin kusoo biirtay ehelkeeda baadigoobka ugu jira aqoonsiga. Si cad looma tilmaami karo cida ka danbaysa arinkan,waxaase…

Read More

Jamaal Puntland waa dhibaateeyay oo waxuu ka hor istaagey Mashaariic door ah,waxuuna uqaatay in Puntland ay leedahay Beesha Majeerteen oo kaliya. Siyaasiyiinta MJ haday isqabteen ma ahayn in uu ku dabakho guud ahaan Beesha ee waxay ahayd in uu wax kala sooco. Puntland waa maamul ay dhismihiisa leeyihiin Beelaha Daarood balse manficiisa uu gaaray Somaliweyn. Markale Xildhibaan in uu helo Jamaal waa khatar Puntland kusoo laabatay. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Mashruuca laga dhalinayo Quwadda layrka Dabaysha ee Ayshica,ayaa 77% boqolkiiba la soo gabo’gabeeyay. Wafti uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta JDFI dr. Habtamu Itefa,ayaa soo kormeeray mashruuca Quwadda Layrka ee laga dhalinayo Dabaysha ee Ayshica. Wafdigan oo ay wehelinayeen masuuliyiinta Xafiiska Biyaha DDS ayaa kormeer ku soo sameeyay qeybaha kala duwan ee mashruuca, islamarkaana ka xog-waraystay hawl-wadeennada geeddi-socodka guud ee mashruuca. Injinneerada gacanta ku haya mashruuca ayaa sheegay in muddo ahba uu mashruucu u hakaday dhinaca miisaaniyadda. Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarka JDFI ayaa sheegay in caqabadaha dhammaantood sida uga dhakhsaha badan loo xallin doono. Guud ahaan, mashruucan oo…

Read More

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa weydiistay dhiggiisa Russia Sergei Lavrov in la dhammeeyo duullaanka Ukraine, mar ay khadka telfoonka ku wada hadleen, sida ay Reuters ka soo xigatay ilo dublumaasiyadeed. Ankara ayaa ku celcelisay in ay ugu yeerto duullaanka Ruushka ee Ukraine mid “aan la aqbali karin” waxa ayna dalbatay in ay wadaxaajood ka dhex bilowdo Moscow iyo Kyiv. Cavusoglu ayaa u sheegay Lavrov in sii wadista howlgalka militari uusan cidna waxtar u laheyn, waxaana sidaasi sheegay dublumaasi diiday in magaciisa la sheego. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa khadka telfoonka kula hadlay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky isaga…

Read More

Ciidamada Ukraine,ayaa isku dayaya in ay magaalada caasimadda ah ee Kyiv ka difaacdaan ciidamada Ruushka ee magaalada ku sii siqaya. Madaxweynaha Ukraine ayaa beeniyay inuu sheegay in la is-dhiibo, wuxuuna hadal muuqaal ah ku sheegay in Kyiv uu joogo islamarkaana uu dalkiisa difaacanayo. Ukraine waxa ay sheegtay in ku dhawaad 200 oo qof oo rayid ah oo ay caruur ku jirto ay ku dhinteen duqeynta iyo duullaanka Ruushka. Dhinaca kale, Isbahaysiga NATO ayaa ciidamo dheeraad ah u diraya bariga Yurub si uu u xoojiyo difaaca dalalka NATO ee u dhow Ruushka.

Read More

Kulankii labaad ee Isimada iyo madaxweynaha Puntland 26 Feb 2022 Bosaso: Shir u dhexeeyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed iyo Isimadii gacanta ku hayey dhibaatadii ka dhacdey magaalada Bosaso ayaa ka qabsoomey isla magaalada Boosaaso, kulanka ayaa ahaa kii labaad waxaana uu ka dhacay Madaxtooyada. Shirkan ayaa ku soo dhamaadey jawi wanaagsan iyo is afgarad arrimaha looga hadlaayey, waxaana mar saddexaad loo ballamey kulan kale, oo aan rajeynayno in uu noqdo kii lagu soo dhamaystiri lahaa arrimaha taagan. Arrimaha doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Madaxweynaha Puntland ballan qaadey in uu marinaayo waddo sax ah, uuna kala hadli doono Isimada…

Read More

Boosaaso: 26 February 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Isimada kala ah Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad. Kulanka,ayaa ah wajigii labaad ee kulankii hore ee dhexmaray Isimada iyo Madaxweynaha,waana mid lawada sugayay.

Read More

Madaxweyne Joe Biden waxa uu dadaallo aad u xooggan oo dhanka diblomaasiyadda ah u sameeyay si uu uga hortago farogelin uu Ruushka ku sameeyo Ukraine. Maamulkiisu waxay digniino aad u clus ka jeedinayeen in Ruushka uu xoog ku gali rabo dalkaas – taasoo run noqotay – waxa ayna ku dhawaaqeen in tallaabadaasi ay khatar gelineyso xaaladda guud ee caalamka. Balse Mr Biden waxa uu sidoo kale caddeeyay in Mareykanku aysan dooneynin in uu dagaal galo, inkastoo ay sida cad ay Ruushka diyaar u yihiin dagaal. Intaas waxaa sii dheer in Biden uu meesha ka saaray inuu ciidamo Mareykan ah u…

Read More

Wafti sare oo uu hoggaaminaya wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta JDFI, dr. Habtamu Itefa iyo masuuliyiinta Xafiiska Biyaha DDS ayaa soo kormeeray mashruuca wajiga labaad ee biyo-gelinta magaalada Jig-jiga. Mashruuca biyo-gelinta magaalada Jig-jiga qeybtiisa labaad ayuu dhagax-dhigay madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxumed Cumar. Masuuliyiintan iskugu jiray heer federaal iyo heer deegaan ayaa soo kormeeray mashruucan oo maalintii siin doona magaalada biyo dhan 10-kun oo mitir kuyuub, kaas oo dabooli doona baahiyaha biyaha magaalada Jig-jiga 50% boqolkiiba marka uu soo dhammaado. Sida oo kale, waftiga,ayaa soo kormeeray keydka biyaha ee Shabeelley, kaas oo qaban doona 1 kun oo mitir kuyuub, dhismihiisuna…

Read More

Xoghayaha Gaashandhigga UK ayaa sheegay dagaalka Ukraine iney Ruushka kaga dhinteen 450 askari. Bell Wallance oo u warramayey idaacadda Radio 4 wuxuu sheegay ciidamada Ruushka in dagalkaasi looga dilay ay ku ogaadeen xog sirdoon oo ay heleen. Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyey ayaa muujinaya Taangiyada Ruushka oo dhex mushaaxaya waddooyinka waaweyn ee caasimadda Kyiv. Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka,ayaa xaqiijisay iney gudaha u galeen mid ka mid ah degmooyinka deegaanka ee Magaaladaasi. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenesky ayaa sheegay weerarka uu Ruushka maalinti shalay ahayd uu ku soo qaaday in lagu dilay ugu yaraan 137. madaxweynuhu wuxuu sheegay dadkaasi iney isugu jiraan askar…

Read More

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay shanta kursi ee beelaha Benaadiriga ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo dhowr jeer oo hore uu dib u dhac ku yimid doorashadooda. Safiirka Soomaaliya ee Pakistan Khadija Maxamed Al-makhzoumi ayaa ku guuleysatay kursiga HOP034 kaas oo uu hore ugu fadhiyay Khaalid Macoow. Taliye ku xigeenkii hore Ciidanka Booliska Goblka Banaadir Maxamuud Cabdulqaadir Jeego ayaa isna ka mid noqday saraakiisha kusoo baxay kuraasta Golaha Shacabka, kaddib markii uu ku guuleystay kursiga HOP84. Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg ayaa ku guuleystay kursiga HOP266 oo ay hore ugu fadhisay Biibi Khaliif…

Read More

Warar dheeriya,ayaa laga helayaa Shirkii Zoom-ka ee Madaxda Wadatashiga Qaran. Wararka,ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Jubbland Axmed Madoobe uu ka sheegay kulankii Zoom-ka in aan amaanka Garbahaarey la isku haleyn karin. Axmed Madoobe,ayaa Golaha usheegay in laga fakaro halka lagu qaban lahaaa doorashada Xildhibaanada. Madaxweyne Lafta-Gareen,ayaa ka hor yimid soo jeedinta Axmed Madoobe,waxuuna yiri.. “Ma aqbaleyno,qaybna kama noqoneyno hadii doorashada magaalo aan Garbahaarey ahayn lagu qabanayo” Wali war sugan oo dhammaystiran lagama hayo,waxii ay iskaga raaceen arinkaas,maadaama ay isku daaheen.

Read More

Si buuxda,ayaa isimadu uhor istaageen shaacinta 8-Kursi oo ka mid ah 16-ka yaala Bosaso oo caawa la shaacin lahaa. Kuraasta lagu waday in la sii daayo caawa,waxaa ka mid ahaa kuwa Beelaha.. 1.Yibraha. 2.Leelkasaha. 3.Dishishaha Isimada oo wada jira,ayaa kulanka ugu sheegay Madaxweyne Deni in uusan shaacin karin wax Kuraas ah ilaa uu aqbalo go’aamadoodii. Deni,ayaa ciyaaray Kubad ahayd la kulan Isimada hawshaadana wado,balse waa ku qaraxday hada taasi,waxaana wax walba ku xiran yihiin uhogaansamida Isimada.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee Todobaadlaha ah. Todobaadkan,ayaa looga hadlay arimo ay ugu waa weyn yihiin.. 1.Amniga, 2.Doorashada Golaha Shacabka JFS. 3.Mashaariicda Horumarinta ee ka socda Bosaso sida Mashruuca Horumarinta Garoonka Diyaaradaha Bosaso. 4.Xaaladda Abaaraha. 5. Xaalada Saax-Maygaag iyo Sangejabiye.

Read More