Dadka ku nool magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine ayaa billaabay qaarkood in ay ka baxaan magaaladaasi kadib weerarkii Ruushka uu ku qaaday Ukraine oo billowday saaka. Qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ayaa kamid ah dadka isaga baxaya magaalada caasimadda ah ee Kyiv, oo ka mid ah magaalooyinka uu beegsanayo Ruushka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Author: Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan. Ugu horayn golaha ayaa si wadajir ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariistee sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Kismaayo. Wasaarada amniga ayaa faahfaahin ka bixisay xaalada amniga iyo howlgalada hay’adaha amaanka oo ay kamid yihiin sugida amniga magaalooyinka iyo doorashooyinka, wasaaradu waxaa ay sheegtay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen duleedka Degmada Jamaame lagu dilay lix katirsan kooxaha argagixisada ah sidoo kalana lagu soo qabtay tiro maxaabiis ah. Sidoo kale golahu…
“Ku dhowaad 60 kun oo qoys oo ah dadka abaartu saamaysay ee ku sugan gobolka Faafan ayaa la gaadhsiiyay raashinka gargaarka ah”, guddoomiyaha guddiga abaaraha heer deegaan ee gobolka Faafan. Mudane C/qaadir Maxammed Xasan, wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga ahna guddoomiyaha guddiga abaaraha heer deegaan ee gobolka Faafan oo waraysi siiyay war-baahinta Deegaanka ayaa tilmaamay in 58,182 qoys oo ah bulshada abaartu saamaysay ee gobolka la gaadhsiiyay raashinka gargaarka oo qeyb ka ah dadaallada xukuumaddu ugu jirto samata-bixinta bulshada. Masuulkani waxa uu shaaca ka qaaday in gargaarka dadkan la gaadhsiiyay uu ka kooban yahay noocyada kala duwan…
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble oo qaabilay ku-xigeenka wakiilka Xog-hayaha Guud ee QM u qaabilsan Arrimaha bani’aadminimada Adam Cabdulmowlaa. Rooble iyo Cabdulmowlaa arimaha ay kawada hadleen,ayaa ku saabsan gurmadka Abaaraha,waxaana ugu muhiimsanaa.. 1.Arrimaha abaaraha dalka 2. Gurmadka la gaarsiinayo dadka abaartu saameysay. 3.Isu duwidda dadaallada gurmadka abaaraha ee dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka.
Xiisadda ka dhex aloosan Ukraine iyo Turkiga ayaa saameyn toos ah ku yeelan karta Turkiga oo xiriir wanaagsan la leh labada waddan. Dalalka Galbeedka ayaa intooda badan shaaciyay cunaqateyn ka dhan ah Moscow, kadib markii uu Ruushka aqoonsaday madax bannaanida laba gobol oo ka tirsan Ukraine. Turkiga oo xiriir ganacsi iyo difaac ba la leh Ruushka ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo, oo wadahadal lagu dhameeyo tabashada labada dhinac. Hase yeeshee xukuumadda Ankara ayaa tibaaxday in haddii xaaladdu ay isu rogto dagaal toos ah oo u dhexeeya Ruushka iyo NATO – oo uu Turkiga ka tirsan yahay – in…
Waxaa la qiyaasayaa in ciidammada Ruushka ee gudaha iyo daafaha Ukraine jooga ay u dhaw yihiin 90 kun. Jimcihii la soo dhaafay Mareykanka ayaa sheegay in Ruushka uu halkaas geeyay 169,000 illaa 190,000 oo askari. Michael Carpenter, safiirka Mareykanka u fadhiya Hay’adda Yurub u qaabilsan Ammaanka iyo Iskaashiga, ayaa sheegay: “Tiradan waxaa ku jira ciidammada jooga xadadka Ukraine iyo Belarus, iyo gobolka la haysto ee Crimea. Waxaa intaasi dheer, in tiradaas ay ku jiraan ciidammada ammaanka ee Ruushka ee aagagaas ku sugan.” Ciidammada ilaalada iyo kooxaha kale ee ammaanka maxalliga ah ayaa sidoo kale ku jira, iyo weliba ciidammada uu…
Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dagaalka ay uga adkaadeen fallaagada TPLF balse ay jirin wadahadallo rasmi ah oo ay TPLF la billaabeen. Abiy wuxuu sheegay iney ciidamadiisu had iyo jeer ay diyaar u yihiin daandaansi kasta oo dhanka TPLF ka yimaadda iney si buuxda uga hortagaan balse go’aanki dowladda ee ahaa iney gobolka Tigreeda gudaha u gelin uu weli waxba iska baddalin. “Ilaa iyo hadda wax wadahadal ah oo lala galay TPLF ma jiraan. Laakiin wadahadal ma gelin ama gabi ahaanba wadahadal ma jirayo kama dhigno” ayuu yiri Abiy Axmed. Hoggaamiyaha fallaagada TPLF Drbretsion Gabre-Michael wuxuu sheegay…
Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM,ayaa xaqiijiyay in iyaga oo kaashanaya Ciidamada Dowladda Federaalka Somaliya ay qaadeen weerar dhanka cirka ah oo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo huwanta ah meel u dhow deegaanka Dudubley 22-kii bishan. “Qiimaynta khasaaraha dagaalka ayaa wali la sugayaa. Qiimeynta bilowga ah ee taliska ayaa ah in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray taliska AFRICOM. Bayaankan,ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Maraykanka loo fasaxay inay fuliyaan weeraro lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya ee la howlgala kuwa Mareykanka…
Russia waxay wajaheysaa “go’doomin aan horey loo arag” sababo la xiriira weerarka ay ku qaaday Ukraine, waxaana la saari doonaa “cunaqabateynadii ugu xoogganaa” ee Midowga Yurub uu soo rogo abid, waxaa sidaas yiri madax siyaasadda arrimaha dibedda ururkan, Josep Borrel. “Tani ma ahan su’aal ururo. Tani ma ahan su’aal cayaar awood diblomaasiyadeed. Tani waa arrin nolol iyo geeri ah. Tani waa mustaqbalka bulshadeena,” ayuu yiri. Madaxa Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, oo ka dhinac hadleysay, ayaa iyana sheegay in xayiraadaha cusub ee ka dhanka ah Ruushka lagu go’aamin doono shir deg deg ah oo maanta dhacaya. “Waxaan wiiqi…
Ciidamada Ruushka ayaa gantaalo ku garaacay magaalooyin badan oo Ukraine ka tirsan, sida ay sheegeen saraakiisha iyo warbaahinta, kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu fasaxay waxa uu ugu yeeray hawlgal milatari oo gaar ah oo laga fuliyo bariga dalkaas. Wax yar kadib markii uu Putin ka hadlay khudbad laga sii daayay TV-ga qaranka Ruushka, ayaa waxaa laga maqlayay qaraxyo caasimadda Ukraine ee Kyiv.Rasaas ayaa ka dhaceysa meel u dhow garoonka diyaaradaha ee caasimadda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Interfax, waxaana magaalada laga maqlayay dhawaqa digniinta ah ee weerarada. “Putin waxa uu hadda bilaabay duullaan buuxa oo uu ku qaaday…
Si rasmi ah,ayuu ufurmay kulankii Isimada iyo Dowlada ee Bosaso. Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin (Calbari)iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad. Waa kulan Bulshadu ay wada sugaysay oo xal kama danbaysa loogu raadinayo khilaafkii PSF. Isimadu,iyagaa Qadada usameeyay Madaxweynaha. Halkan ka daawo muuqaalka
Gudiga khilaafaadka,ayaa ka daba tagey Warqadii lagu fasaxey Kursiga Fahad Yaasiin,waxayna ku tilmaameen been abuur,iyadoo laga saaray Bartooda. Dhanka kale Cadaadis Rooble ka yimid iyo Khilaaf soo kala dhex galay Gudiga Xalinta Khilaafadka ,ayaa sababay in Warqadii lagu Fasaxay Kursiga Fahad Yaasin laga saaro Barta Facebook ee GXKHD,sida warar kale sheegayaan. Balse,waxaa xaqiiq ah in Warqadaas hada aysan ku jirin bartooda lana beeniyay sax ahaanshaheeda.
Bosaso waxay ku jirtaa maalmihii ay ugu camirnayd uguna quruxda badnayd. Si gaar ah Maalmahan oo ay Siyaasadii Puntland usoo wareegtay,iyadoo horayna u ahayd xaruntii Ganacsiga. Balse guud ahaan Bulshada Somaliyed waa Danyar inteeda badan,waxaana sii jira caqabado Maamulka Deni sababay,balse uma xuma guud ahaan Somaliya markii laguQiimeeyo. Dadku aad bay ugu farxeen imaanshaha Madaxweynaha hadana waxay walwal ka qabaan in xal kama danbaysa laga gaari waayo xaaladaha taagan. Shacabku,waxuu rabaa oo isha ku hayaa in laga soo afjaro arinka PSF si kama danbaysa. Bosaso waa magaalada ugu muhiimsan guud ahaan 51-Degmo ee Puntland. Waa Magaalo aan laga lahayn Qof…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirka Amniga Qaran oo looga hadlayay xooninta amniga Dalka, la dagaalanka Argagaxisada , dardargelinta sugidda amniga Muqdisho iyo adkaynta amniga Doorashada. Shirka oo ay ka soo qayb galeen Hay’adaha Amniga iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo lagu xoojinayo amniga dalka iyo howlgallada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah. Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa faray hay’adaha amniga in ay xil gaar ah iska saaran sugida amniga caasimadda oo lagu qaban doono doorashadda Guddoonka barlamaanka iyo Madaxweynaha J.F Soomaaliya. Eng. Rooble ayaa ku boggaadiyey hay’adaha amniga iyo…
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,ayaa ku qadqaaday madaxa sirdoonka dalkaas xilli uu madaxweynaha kulan la lahaa saraakiisha ugu sarreysa amniga xilli ay ka hadlayeen aqoonsiga gobollada ay heystaan kooxaha gooni u goosadka ee Ukraine. Markii madaxa sirdoonka Ruushka uu la wadaagay aragtidiisa ku aaddan xaaladda haatan jirta, Putin wuxuu ku celceliyay inuu caddeeyo waxa uu sheegayo, wuxuu ka codsaday dhowr jeer in waxa uu ka hadlayo uu sharraxaad ka bixiyo. “Sergei, hadalkaaga caddee, caddee waxa aad sheegeyso,” ayuu marar badan ku celceliyay Putin xilli uu socday shirka. Madaxa sirdoonka Ruushka ayaa shirka ka sheegay in loo baahan yahay in la dhaqan…
Haddaba maxaan ka naqaannaa jabhadda la magac baxday “Guutada Soomaalida” ee ka tirsan fallaagada ka jirta bariga Ukraine ee taageerada ka hela Ruushka. “Guutada Soomaalida” Waxaa guutadan lagu magacaabaa “Somali Battalion”, waa garab militeri oo ka tirsan jabhad ka dagaallanta gobolka Donestk ee bariga Ukraine, jabhaddan waxay ka qeyb qaadaneysaa dagaalka haatan ka socda Donbas ee Ukraine, waxay dagaal kula jiraan ciidamada Ukraine. Dhammanatood waa muwadiniin u dhashay Ukraine oo ma jira qof Soomaali ah oo ka tirsan, balse magacaas uun ayay la baxeen. Waxaa horraan guutadan la oran jiray 1st Separate Tank Battalion Somalia, waxaa hoggaamin jiray taliye la…
Itoobiya ayaa qorshaynaysa in ay ganacsigeeda bangiyadeed u furto tartan shisheeye sida ugu dhakhsaha badan marka uu baarlamaanku meel mariyo siyaasadaha oggolaanaya maalgashiga caalamiga ah, sida uu sheegay Abiy Axmed, isaga oo tilmaamayay dib u habeyntii ugu dambeysay ee dhaqaalaha Itoobiya.Ra’siul Wasaare Abiy Ahxmed ayaa markii uu xafiiska la wareegay sanadkii 2018, waxa uu ballan qaaday in uu dib u habeyn weyn ku sameyn doono qeybaha isgaarsiinta iyo maaliyadda.Tallaabooyinka lagu furayo qaybta isgaarsiinta ayaa socday dhawaanahan, iyadoo shirkadaha helay shatiyada shaqaqda sanadkii hore ay ka mid yihiin Safaricom Kenya, Vodacom oo South Africa laga leeyahay, Vodafone oo ay leedahay Britain…
Mas’uuliyiinta Sweden,ayaa dib isaga riixaya warar ku saabsan in hay’adaha Adeegga Bulshada dalkaas “ay afduubanayaan” caruurta Muslimiinta, ayaga oo cambaareeyey “olole been abuur ah” oo kalsooni darro loogu abuurayo qoysaska Muslimiinta. Arrintan ayaa ka dhalatay muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ee luuqadda Carabiga daba-yaaqadii 2021, kuwaas oo muujinayey hay’adaha daryeelka caruurta Sweden oo canug oynaya ka qaadaya waalidiintiisa. Ayada oo aan si dhab ah loo sharxin xaaladda ku hareereysan dhacdadaas, ayaa muuqaallada waxay Sweden ku eedeeyeen inay tahay dal fashiiste ah, oo caruurta Muslimiinta ku wareejiya qoysas Kirishtan ah, halkaasi oo lagu qasbo inay cunaan hilibka doofaarka, khamrigana cabaan. Kadib…
Kismaayo, 23,2,2022-Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta daahfuray mashruuca dhismaha wadooyin laami ah oo ka kooban 31km oo qeybtii ugu horaysay oo ka kooban 8km uu Madaxweynahu maanta dhagax dhigay. Wadooyinkan ayaa ahaa kuwo mudo soo jiitamayay isla markana daraasayntooda ay wakhti dheer qaadatay iyadoo laga baaran dagayay sida ugu wanaagsan ee loo heli lahaa shirkad tayo leh oo mashruucan fulisa. Shirkada Chonging Overseas Construction Corporation(COCO) ayaa heshay qandaraaskan oo hadii wajiga hore sidii loogu tala galay ay u fuliso mudnaan gaar ah la siin doono. Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa bulshada ugu baaqay…
Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug,ayaa shaaciyey Guddiga Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ah ee soo xulaya ergada 3-Kursi oo ka mid ah kuwii dhawaan la shaaciyey. Halkan ka akhriso:-
Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahin Macallimuu,ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii dalka Turkiga looga soo daaweyay dhaawac ka soo gaaray qarax argagixiso oo lagula beegsaday Muqdisho bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan. Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo bahda saxaafadda ayaa ku soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa qaabilay Macallimuu isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu ka bogsooday dhaawacii argagixisadu la beegsadeen, una rajeeyay in uu ku guuleysto dadaalladiisa uu ku doonayo in uu dalkiisa ugu adeego.
Dowladaha reer Galbeedka oo ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo Britain ayaa lagu wadaa in ay maanta ku dhawaaqaan cunaqabateyn dheeri ah oo ka dhan ah Ruushka. Arrintan ayay Galbeedku uga jawaabayaan tallaabadii uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Isniintii ku ictiraafay madaxbannaanida gobollada Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine. Ingiriiska ayaa durbaba billaabay cuna-qabateynta ka dhanka ah Russia, isaga oo goor dhaweyd xayiraaad saaray shan banki iyo saddex maal-qabeen oo Ruush ah. Mareykanka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo scoda uu ku dhawaaqo cuna-qabateyn cusub oo ka dhan ah Ruushka.Midowga Yurub,ayaa iyana qaadi doona tallaabo taas la mid ah.
Xaafada Calanley Gaar ah Isgoyska Darsoonka Leegada Ee Magalada Kismaayo,waxaa Goordhawayd Ka dhacay Qarax. Qaraxa,ayaa lagu xirsy sida lasheegay Gaari kuwa Raaxada ah. Inta La xaqijiyay Waxaa Ku geeriyoday Qaraxaasi Labo qof oo mid kamid ah uu ahaa Shiikh Cabdinaasir oo magaalada Kismaayo u joogay Howlo Dacwo ah .
Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer Jubbaland ayaa Maanta Magaalada Kismaayo ku qabtay doorashada 5- kamid ah kuraasta Golaha Shacabka. Kursiga Koowaad ee Hop#072,ayaa waxaa utartamay Cabdirashiid Maxamed Xidig oo horay ugu fadhiyay iyo Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi,waxaana markale ku guulaystay Xidig. Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo natiijada ku dhawaaqay,ayaa sheegay Cabdirashiid Maxamed Xidig uu helay 75-Cod halka musharrixii la tartamay ee Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi uu helay 18-Cod,waxaana xumaaday 2-Cod.
Masar” Waxaan muran uusan ka taagnayn in dalka Masar uu yahay dalka ugu awoodda badan dhanka ciidamaad cirka ee qaaradda Afrika. Tirada diyaaradaha ee ciidamada cirka Masar ayaa gaaraysa 1062 diyaaradood. Diyaaradaha dagaalka ayaa waxay tiradooda gaarayaan 250 diyaaradood. Tirada diyaaradaha fuliya howgalada gaarka ah ayaa gaaraysa 11 diyaaradood. Diyaaradaha nooca loo yaqaano Helekobtarka ayaa waxay tirada ay ciidamada Masar haystaan ay gaarayaan 313, halka diyaaradaha qaada ciidamada iyo saanada militariga ay gaarayaan 59. Itoobiya” Militari ahaan dalka Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka dhanka militariga ahaan ugu awoodda sareeya qaaradda. Tirada diyaaradaha Itoobiya ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa guud…
6-Beri,ayaa dib loo dhigay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Bosaso lagu qabanayo. Sababta dib loogu dhigay Doorashada,ayaa ah kulamo ay wada yeelanayaan Madaxweynaha iyo Bulshada Qaybaheeda kala duwan ka hor bilaabida Doorashada. Arimaha ugu waa weyn ee horyaala Madaxweynaha,waxaa ka mid ah.. 1.Arinka PSF. 2 Go’aanka Isimada 3.Tabashada Beelaha 4.Amaanka Gobolka. Madaxweyne Deni,waxaa looga fadhiyaa in uu xaliyo tabashooyinka iyo arimaha ka taagan Gobolka Bari,isagoo talada ka fogaynaya kooxda Aaran-jaan lana tashanaya Dadka haldoorka ah ee ehelka u ah. Sidoo kale Madaxweynuhu,waxuu furayaa dhawr Mashruuc oo aan waa waynayn,kuwaasoo kala ah… 1.Mashruuca Balaarinta Garoonka Bosaso. 2.Mashruuca Solarka ee Korontada 3.Mashruuca…
Halkee Al-Shabab ka keenaan Hubka? Samiira Axmed Geydh oo ah agaasimaha guud ee machadka Hiraal,ayaa sheegtay in Shabaab ay Hubka ku helaan siyaabo kala duwan. Samiira,ayaa farta ku fiiqday in waxyaabaha warbixinta ay ku ogaadeen ay ka mid tahay in Sahabab ay u sahlan tahay inay Hubka helaan. Waxaa ay sheegtay in Hubka intiisa badan ay shabab ka helaan dalka Yemen islamarkana dhanka badda loo soo soo mariyo. “Hubkooda saddex meel ayuu ka soo baxaa meesha kowaad waa Yemen oo hubka badan ka yimaada oo waxay isticmaalaan badda,” ayay tiri Samiira. Samiira Axmed Geydh,ayaa intaa ku dartay in qaababka kale…
Machadka cilmibaaridda ee Hiraal ayaa warbixin uu dhawaan soo saaray waxaa faahfaahin looga bixiyay qaabka ay Al-shabab hubka ku helaan iyo inta u dhan yahay dhaqaalaha ay habab u adeegsadaan hubka iyo ciidanka. Warbixinta oo ahayd mid ku saleysayd xog uruurin uu machadka sameeyay ayaa sheegaysa in Al-shabab ay sanad walba iibsadaan hub tira badan. Cilmibaaridda uu soo saaray michadka Hiraal ayaa lagu xusay in Shabaab ay adeegsadaan hubka fudud iyo midka clus intaba. Hubka fudud ee ay al-Sabab haystaan ayaa waxa u badan qoriga AK47 oo ah nooc uu Ruushku sameeyay. Waxaa sidoo kale sida warbixinta lagu xusay ay…
Saddexda Aag oo uu Ruushka ka billaabi karo duullaanka milateri ee la rumaysan yahay inuu ku qaadayo Dalka Ukraine ayaa kala ah… Bariga Ukraine” Waxaa si weyn indhaha loogu hayaa gobollada Donetsk iyo Luhansk ee ku yaalla bariga Ukraine balse sheegay inay ka go’een dalkaas. Waa labada gobol ee uu hadda Ruushka u aqoonsaday dalal madax bannaan. Tan iyo sanadkii 2014, waxaa deegaannadaas ku dagaallamayay ciidamada Ukraine iyo fallaago gooni u goosad ah oo gacan ka helaysa Ruushka. Khubarada milateriga ayaa rumaysan in aaggan uu yahay kan ugu sahlan ee uu Ruushka ka billaabi karo duullaankiisa, maadaama uu horay u…
Ciidammada Ruushka ayaa lagu amray inay labada gobol ka fuliyaan waxa loogu yeero “howlgal nabad ilaalin ah”. Wararka ka imaanaya gobolka Donetsk oo ka mid ah labada gobol ee ka go’ay bariga Ukraine ayaa sheegaya in kolonyo gaadiid ah oo gaashaaman oo Ruushku leeyahay lagu arkayay gudaha magaalada ugu weyn. Amarkan,ayaa waxaa bixiyay madaxwaynaha dalka Ruushka Vladimir Putin. Dhanka kale, waxaa isa soo taraya cambaareynta loo so jeedinayo go’aankii madaxwayne Putin ee uu labada gobol Donetsk iyo Luhansk ugu aqoonsaday dalal madaxbanaan. Aqalka Kremlin ee Ruushka ayaa sheegay in Putin uu go’aankaas ku wargeliyay hogaamiyayaasha Faransiiska iyo Jarmalka. Madaxwaynaha dalka…
Xoghayaha caafimaadka ee UK,ayaa sheegay in Ruushka ay durba u direen taangiyo iyo ciidamo gudaha dalka Ukraine, taasoo muujineysa duulaan. Sajid Javid ayaa u sheegay Sky News sidan: “Waxaan ku soo toosnay maalin aad u madow , marka loo eego waxa aanu arkayno ee socda, way cadahay in ruushku go’aansaday inuu weeraro Ukraine” “Waanu aragnay inuu aqoonsaday goboladan bari ee ka go’ay dalka Ukrain, waxaa hada muuqata inuu u soo diray taangiyo iyo ciidan badan, markaa waxaa iska cad in duulaanka Ukraine uu bilaabmay” ayuu sii raaciyay. Ra’isulwasaaraha Dalka UK ayaa la filayaa in uu arrintan ka hadlo sacaadaha soo…
Kulan usocday ilaa Xalay Guurtida Beesha Dubeys oo uu shir Gudoominayay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdullaahi Cartan,ayaa si rasmiya u go’aamiyay in kursiga Hop#169 laga wareejiyo jifida Wasiir.Jamaal Maxamed Xasan. Guurtida,ayaa kursigaas u xirtay jifida Reer Maxamed Cumar ee Beesha Dubays. Jamaal,ayaa horay si musuq maasuqa uga faramaroojiyay Kursigaas Jifidii haysatay. Jamaal,ayaa ku sugan Bosaso,isagoo kawada olale u eg kacdoon shacabka looga horkeenayo maamulka.
Dawladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa dhowaan shaaciyey inay heshiis ka gaadheen qaabka uu u ekaanayo hawlgalka cusub ee lagu magacaabo ATMIS ee beddeli doona hawlgalka Midowga Afrika ee lagu magacaabo AMISOM. Hawlgalka AMISOM waxa uu soo shaqaynayey tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2007-da. Dawladda Soomaaliya ayaa in muddo ahba doonaaysay in hawlgalka Midowga Afrika uu noqdo mid ka turjumaya baahida ciidamada Soomaaliya, si ay ugu suurtogasho inay mas’uuliyadaha amniga kala wareegaan AMISOM. Hawlgalka ayaa la filayaa inuu isku beddelo ATMIS kadib marka ay ansixiyaan Qaramada Midoobay. ATMIS waxa kusii jiraya ciidamada AMISOM ee haatan…
Ugu yaraan burinta Natiijada Kursiga Fahad Yaasiin ay udoorteen ergada uu Xamar kala tagay,waxay tari kartaa sadex arimood.. 1.In Kursigu uu noqdo mid laysku haysto oo aan sharciyadiisu dhamaystirnayn. 2.In uusan Golaha fariisan oo uusan ka mid noqon Xildhibaanada dooranaya Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. 3.In aan Fahad ka mid noqon Dadka utartami doona Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka Fadaraalka. Gudiga Doorashada Fadaraalka xataa haday ku kala qaybsan yihiin talaabada ay qaadeen waa mid guul ah oo dhagarta Fahad ka yaraynaysa Qaranimada Dalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Boosaaso: 21 February 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay magaalada Boosaaso. Madaxweynaha ayaa Bulshada reer Boosaaso ugu baaqay ka shaqeynta amniga iyo horumarka, isagoo la wadaagay qorshaha cusub ee lagu horumarinayo Dekadda Boosaaso, dhismaha Shirkadda Korontada Puntland, dhismaha iyo dayactirka ay Dowladdu ku wado Wadooyinka Gobollada Puntland iyo ka qeyb qaadashada waxqabadyada Isku tashiga ku dhisan sida Garoonka Kubadda Cagta ee Boosaaso. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaannada cusub ee loo doortay in ay Puntland ku metelaan…
Inta la xaqiijiyey Laba Askari ayaa ku geeriyooday ilaa Afar kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii Qarax Miino dhulka lagu aaso ah lala eegtay baabuur ciidan oo kamid ah weftiga madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Qaraxa,ayaa la sheegay inuu ka dhacay aga-gaarka Ex.Kaantarool oo ah afaafka laga soo galo magaalada Bosaso oo ay marayeen waftiga Madaxweynaha Puntland. Al-Shabaab,ayaa sheegatay in ay ka dambeeyeen qaraxa kolonyada Madaxweyne Deni ee la-gula eeg-tey Boosaaso.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey,ayaa gaaray dalka Jabuti. Waxaa madaarka diyaaradaha ee dalka Jabuti ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Siciid Nuux Xasan, Wasiirka Ganacsiga Maxamed Warsame Diiriye iyo Wasiirka Warfaafinta Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusyen Rooble,ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo diiradda lagu saarayo sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta ba’an ee dalka ka jira. Shirka waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaasha Dowald-goboleedyada, Midowga Musharixiinta , siyaasiyiin iyo qeybaha kale duwan ee bulshada sida Ganacsatada, Culimaa’udiinka, Haweenka, Dhallinyarada, Odayaasha dhaqanka, bahda waxbarashada. Ujeedka Shirkan,ayaa lagu sheegay in uu yahay sidii shacabka Somaliyed uga qeyb qaadan lahaa gurmadka loo fidinayo dadka Somaliyed ee abaartu hayso.
Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Xiddig ayaa qaatay shahaadada musharaxnimada kursiga tirsigiisu yahay 072 oo uu horey ugu fadhiyay. Kursigan ayuu ka jirey tartan adag, waxaana horey u shaaciyay in uu u tartamayo la taliyaha doorashooyinka ee madaxweyne Farmaajo Cabdi Cali Raage, oo sidoo kale horey la taliye u ahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Balse waxa ay hadda u muuqataa in Cabdi Cali Raage uusan tagin Kismaayo, islamarkaasna uusan ka mid ahayn dadka isu diiwaangaliyay musharaxnimada. Cabdirishiid,ayaa waxa haatan kursiga kula loolamaya Nin aanan aad loo aqoonin oo lagu magacaabo Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi. Cabdirishiid Xidig oo horey mar ugu tartamay kursiga…
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble oo ka qeyb galay gebogebada doorashada xildhibaannada labada aqal ee dalka ku matalaya Gobollada Woqooyi, ayaa hambalyeeyay xildhibaannada cusub. Maanta waxa la doortay saddexdii xildhibaan ee ugu dambeeyay doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi ee Golaha Shacabka. Doorashadu waxay qaadatay saddex billood iyo 20 maalmood. 46 xildhibaan ayaa la doortay kuwaas oo Gobollada Waqooyi ku matali doona Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka. 23 xildhibaan ayaa ku cusub Barlamaanka, halka 23 kale ay horey uga tirsanaayeen Golaha. 46 xildhibaan ee la doortay waxa dumar ka ah 13. Rooble,ayaa sidoo kale Dowlad-goboleedyada kale ee Dalka ku boorriyay in…
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Jubaland,ayaa shaaciyay magacyada Guddiga Xulista Ergooyinka 5-kursi oo kamid ah kuraasta ay hore u shaaciyeen. Halkab ka akhriso:-
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxba iskama badalin go’aankii ay ku hakiyeen kursiga HOP#086, sidaasi darteed waa waxba kama jiraan natiijada talaabadii maanta lagu baalmaray. DOORASHADA 5ta KURSI EE BELEDWEYNE… Natiijada Hordhaca ah ee Doorashada 5-tii kursi ee maanta lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee deegaan Doorashada 2aad ee Hirshabelle, waxaa ku soo baxay: 1-HOP#015 Xiis Xasan Aadan 2-HOP#008 Maxamed Deeq X.Cumar. 3-HOP#274 Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux). 4-HOP#109 Cabdifataax Qaasim Maxamuud. 5-HOP#074 Cabdikariim Cumar Xuseyn.
Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee qaranka ayaa sheegay in hannaanka iyo habraacayada loo maray heshiiska ay shaacisya Wasaarada Batroolka iyo Macdanta ay baalmarsan yihiin dastuurka, isla markaana ay khatar mug leh ku yihiin khayraadka Ummadda Soomaaliyeed. Xafiiska ayaa sheegay inuu ku wargeliyey wasaaradda iyo dhinacyada ay khusayso inuu heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka. War saxaafadeedkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu xafiisku gal dacwadeed u gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka si tallaabo sharci ah looga qaado. Xafiiska Hanti-dhowraha ayaa talo ugu jeediyey Ra’iisul Wasaaraha in shaqada laga joojiyo shaqsiyaadka ku…
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Cabdiraxman Cabdi Axmed,ayaa kulan la qaatay kusimaha Safirka Safaaradda Ingiriiska ahna madaxa arrimaha gargaarka ee Safaaradda. Wasiirka,ayaa uga mahadceliyay Dowladda UK balan qaadkii $10M in ay uga qayb qaateen abaaraha Somaliya, kadib markii ay Safiirka Ingiriiska ay la kulantay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Wasiirka,ayaa kala hadlay taageeridda qorshaha shanta sano ee Wasaaradda iyo xal u helidda barakaca badan ee ka jira Jubbaland.
“Waa in degdeg loo burriyaa heshiiska shidaalka, si loo dhowro dhaxalka Ummadda iyo hantida Qaranka”Ayuu yiri C.C.Warsame. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo booqasho ku tegay deegaanka Xiddo ee Gobolka Karkaar, ayaa kulan la qaatay Beeldaaji Cali Beeldaaje Faarax. Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo booqasho ku tegay Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar, ayaa hoygiisa ku booqday Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin.
Madaxwayne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Puntland. Guddoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Puntland ee HADMA Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed (Ceerow) ayaa ka warbixiyay kulanka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhaggax dhigay sahminta Wadada Isku xirta Qardho iyo Banderbeyla, halkaasi oo qorshuhu yahay in marka sahmintu dhammaato laga dhiso Waddo Laami ah. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti balaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar. Madaxweynaha oo fagaare kula hadlay dadweynaha soo dhoweeyay, uga mahadceliyay soo dhoweynta wuxuuna la wadaagay shaqada Wanaagsan ee dalka ka socota sida dhismaha iyo dayactirka Wadooyinka Puntland iyo qorshaha cusub ee Dowladdu ku horumarinayso Dekadda Boosaaso. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaannada cusub ee loo doortay in ay Puntland ku metelaan labada Aqal ee Baarlamaanka JFS iyo Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA…
Gudiga Doorashooyinka heer Federaal,ayaa Sheegay in Barahoodii Bulshada lala wareegay wixii Lasoo dhigo inta ay dib usoo ceshanayaana ay yihiin kuwa aan Sax ahayn.
Dooarshada lix kursi oo ka mid ah Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ee xubnaha kasoo galaya maamulka HirShabelle, ayaa maanta ka billaabatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Kursiga u horreeyey ee doorashadiisa la qabtay ayaa ah kursiga HOP#086, waxaana ku tartamayay Fahad Daahir Axmed oo ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, horeyna usoo nqoday Agaasimha hay’adda Nabd-sugidda NISA. Fahad ayaa helay 70 cod, halka musharraxa la tartamayey Axmed Dayib Axmed uu helay 24 cod, waxaa la sheegay inay saddex cod ay xumaadeen. Kursiga Fahad ku guuleystay ayaa waxaa Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhammaaday ku fadhiyey xildhibaan Faarax…
Ra’iisul-wasaare Dr. Abiy Axmed oo daah-furay Mashruuca korontada laga dhalinayo ee biyo-xireenka Abay. Waxuu noqonaya mashruucii ugu waynaa ee koronto laga dhaliyo ee ku yaalla Africa ayaa udub dhexaad u ahaa khilaaf ka taagnaa gobolka tan iyo markii ay Ethiopia dhaqaajisay dhismaha biya-xireenkan sanadkii 2011-kii. Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa u sheegay AFP Sabtida maanta ah in berri la bilaabi doono in tamar laga dhaliyo biya-xireenka. Sarkaal labaad ayaa isna xaqiijiyay warkan. Labada sarkaal ayaa hadlay iyagoo diiday in magacooda la adeegsado maadaama guushan aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin. Waddamada uu u burqado wabiga Nile ee Masar iyo…
Ra’iisal wasaaraga Britain, Boris Johnson, ayaa sheegay inay hayaan caddeym muujinaya in Ruushka uu qorsheynayo “dagaalkii ugu weynaa ee Yurub ka dhaca tan iyo 1945-tii.” Johnson oo waraysi siiyay BBC ayaa sheegay in “astaamaha oo dhan ay muujinaya in qorshahaas uu hadda si ahaan dhaqangalay.” Hogaamiyahan ayaa intaa raaciyay in xogta sirdoonka ay muujinayso in Ruushka uu billaabi rabo duullaan uu dhinac kasta uga go’doomin doono caasimadda Kyiv. “Dadku waa in ay fahmaan khasaaraha bani’aadannimo ee ka dhalan karta duullaanka noocaas ah,” ayuu yiri Johnson. Ra’iisal wasaaraha ayaa waraysiga bixiyay xilli uu ku sugnaa magaalada Munich, halkaas oo ay hogaamiyayaasha…
Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa labaduba sharci darro ku tilmaamay heshiis uu wasiirka batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed la galay shirkad shisheeye. Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska oo khuseeya 7 xirmo oo la tuhunsan yahay inuu shidaal ku jiro uu yahay mid wax soo saar wadaag ah, isagoo ku tilmaamay guul u soo hoyatay Soomaaliya. Injineer Cabdikadir Abiikar Xuseen oo horay la-taliye sare ugu ahaa wasaaradda batroolka ee Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska uu markii hore ahaa mid aan dhameystirneyn oo aan ka shaqeyneynin danaha Soomaaliya. Wuxuu sidoo sheegay in xitaa Maamul Goboleedyada aysan waxbo kala socon heshiiska. “Waxay shirkadda…
Qoraal lagu daabacay Bogga Facebook-ga ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal FEIT,ayaa lagu faray Guddiga SEIT ee Hirshabeelle adkeynta qoraalkiii kasoo baxay Guddiga FEIT ee lagu hakiyey kursiga tirsigiisu yahay HOP#086.
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT), wuxuu Bulshada Soomaaliyeed, daneeyayaasha Siyaasadda iyo Caalamkaba ku war gelinayaa in gacanta guddiga ay dib ugu soo noqdeen dhammaan ciwaannadii Baraha Bulshada ee GHDHF.
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT waxa uu halkan ku soo gudbinayaa jadwalka qabashada doorashada 5 kursi oo kamid ah Kuraastii ka harsanaa 43-da kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Jubaland. Halkan ka akhriso:-
Wasiir Cabdirashiid,ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la ogaa heshiiskaan oo lagu qaatay 7 Milyan oo dollar, isla markaana uusan garaneyn sababta uu hadda uga hor yimid, isagoo ku macneeyey in culeyska dhanka baraha bulshada ka soo wajahay uu isaga difaacayo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka dhagayso Codka Wasiirka
Wax yar ka dib qoraalka Villa Somaliya,ayuu Xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble isagana gaashaanka u daruuray heshiiska. Qoraal la soo dhigay barta facebook ee xafiiska,ayaa sidaan lagu qoray. “Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan. Ra’iisulwasaraha,ayaa qaadi doonaa tallaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed”