Author: Jibril Qoobey.

Shirka Amniga Gobolka mudug ayaa maanta Lagu qabtey Magalada Galkacyo Taliye ku xigeenka qaybta booliiska gobalka Mudug, Gaashaanle Dhexe, Cabdi Siciid Xuseen Jamac (Koomaad) ayaa Shir gudoomiyay Shirka amniga gobolka Mudug. Shirkaan oo Asbuucla ahaa,ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Taliyayaasha Saldhigyada Magaalada Galkacyo . Shirkaan ayaa looga hadlayay Xaaladihii udanbeeyay talaaboyinki lagu talaabsaday ee dhanka amniga Gobolka mudug.

Read More

Dekeda Garacad oo si buuxda uheshay aqoonsi dhamaystiran,kaasoo kala ah.. 1.Mid heer Caalami ah. 2.Mid heer Dowlada Fadaraalka ah. 3.Mid heer Dowlada Puntland ah. 4.Mid Qalab iyo Farsamo ah. Garacad waxay ka mid noqotay Dekedaha caalamiga ah ee Bariga Afrika,waxayna ufuran tahay cid walba oo danaynaysa in ay ka faa’idaysato,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweyne Biden ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta Maraykanka ee weli jooga Ukraine in ay degdeg uga baxaan dalkaas. Wuxuu sheegay in Ruushku ciidamo soo dhoobaya xadka uu dalkaa la leeyahay oo ay xiisaddu cakirantahay isaguna aanu doonayn inuu u diro ciidammo soo samatabixiya muwaadiniinta Maraykanka ah ee dalkaa jooga hadiiba ciidamadaa Ruushku dalkaa galaan. Biden ayaa sheegay in Arrimuhu si degdeg ah ay isu baddeli karaan, waxa uuna hadalka madaxweynaha imaanaya kadib markii hogaamiyayaasha Estonia, Latvia iyo Lithuania ay ugu baaqeen xulafadooda NATO inay xoojiyaan taageerada militari ee bariga Yurub. Ruushka ayaa si isdaba joog ah u beeninayay inuu jiro…

Read More

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa diiday baaritaanka caafimaad ee Covid-ka ka hor kulankii uu la yeelanayay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sida ay Kremlin-ka Ruushka looga rrimiya ay xaqiijisay. Baadhitaankan ay rabeen kooxda hab-maamuus caafimaadka ayaa ahaa mid aan la aqbali karin oo aan ku habboonayn jadwalka hoggaamiyaha Faransiiska. Arrintan ayaa daba socota warbixino sheegaysay in Mr Macron uu diiday baadhitaanka PCR sababo la xiriira cabsi laga qabo in Ruushka ay kaydsadaan DNA-diisa.Hogaamiyayaashan ayaa intaa ka dib yeeshay kulan la hirgeliyey kala fogaanshihii lagama maarmaanka ahaa ee feyraska covid, iyaga oo haba yaraatee aan isu soo dhawaan. Intii kulankaasi socday oo…

Read More

6-ka mid ah Ergedii dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraalka ee Golaha Shacabka,ayaa lagu dilay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho. Sarkaal katirsan Laamaha amaanka Somaliya oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP,ayaa xaqiijiyay dhimashada ergadu ay tahay 6-Qof halka 12-kale oo shacab u badnaa ay ku dhaawacmeen. Qaraxa,ayaa ka dhacay is goyska Ceelgaabta ee Degmada Xamar-Jajab halkaas oo ah is goys si weyn loo ilaaliyo kana mid ah iridaha laga galo Madaxtooyada Villa Somaliya. Ergada la qarxiyay,ayaa markaas kasoo laabatay codaynta Xildhibaanada. Al-Shabaab,ayaa sheegaray weerarka,waxaana war kasoo baxay lagu yiri. “Is-miidaaye ka tirsan xarakada,ayaa fuliyay qaraxaas, bartilmaamedkiisuna,waxuu ahaa Afar Bas oo siday…

Read More

Mid ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee dalka Mareylkanka ayaa isagoo ka fal celinaya hadallo uu khudbad ku jeediyay madaxweyne Biden waxa uu isbarbar dhig ku sameeyay magaalooyinka Muqdisho iyo New York. Si la mid ah siyaasiyiinta kale ee xisbiga Jamhuuriga ee daawanayay khudbaddii uu madaxweyne Biden jeediyay Arbacadii, taasoo uu shaaca uga qaaday dhowr mashruuc oo isaga iyo xeel ilaaliyihiisa guud, Merrick Garland, ay aaminsan yihiin inay gacan ka geysan doonaan yareynta dambiyada hubka, ayuu Senator John Kennedy madaxa ruxay isagoo muujinaya inuusan ku qanacsaneyn arrimahaas. Waxa uu kasoo hor jeestay hadallada uu Biden ku sheegay in qorshihiisa…

Read More

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay in shan ka mid ah 12-kii tahriibayaasha dhawaan qabowga ugu dhintay xadka Turkiga iyo Giriiga ay ahaayeen Soomaali. Qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si weyn uga xumaatay dhacdadaas naxdinta leh, waxyna dalbatay in la sameeyo baaritaan ku aadan dhimashada muwaadiniinta Soomaaliyeed. Shanta qof ee ku dhintay ee Somaalida ayay dowladdu magacyadooda ku sheegtay: Cabdi Mahdi Cali oo ka soo jeeday magaalada Muqdisho. Yaxye Jamaal Muumin oo ka soo jeeda Boorama. Abuubakar Axmed Ibraahim oo ka soo jeeda magaalada Boorama.…

Read More

Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay inuusan mar dambe hortageyn maxkamadda kiiskiisa gacanta ku haysa. Madaxweyne Cabdi iyo Soomaalida kale ee la xiran oo maxkamada la horkeenay ayaa sheegay iney mardambe maxkamadda ay hor imaneyn maadaama aysan caddaalad helin. Cabdi wuxuu maxkamadda ka sheegay in dadkii ay isku kiiska ahaayeen ama kiisaska loo haysto ay ka sii cusleyd la sii daayay balse maxabiista Soomaalida uu isagu ka mid yahay oo keli ah xabsiga lagu sii hayo, ayna jirin sabab Soomaalida oo keli ah xabsiga ay ugu sii jirayaan. Cabasho ay maxkamadda u gudbiyeen Cabdi…

Read More

Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, oo in muddo safar shaqo ugu maqnaa Dalka Gudihiisa iyo dalalka Dariska ah ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland. Masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowladda iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweyne Kuxigeenka kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo.

Read More

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash wuxuu ku sii jeedaa Bosaso. Qaar ka tirsan Golaha Wasiirada,ayaa hada uga sii hormaray Boosaso. Sababta waa in Madaxweyne Deni isaga u soo xilaaartay arrimaha Bosaso ka jira oo ay ugu horeeyaan qaban-qaabinta Doorashada 16-ka kursi. Deni waa baaqday isagoo shirar kula leh Nairobi Xildhibaanada Jubaland ee dhawaan la doortay,musharaxiinta Madaxweyne qaarkood sida Khayre oo Nairobi ku sugan. Sidoo kale Nayrobi,waxaa ku xanuunsan Madaxweynaha Hooyadii,sida wararku sheegayaan. Kulamada Nayrobi uu ka wado Deni,waxay ku salaysan yihiin balamo kala qaadasho. Jibril Qoobey.

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kormeeray Dhismaha Isbitaalka Guud ee Garoowe oo dayactir lagu samaynayo. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Cabdirisaaq Xuseyn Xassan,ayaa ka warbixiyey kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenku maanta ku booqday hospital guud ee Garowe. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Kismaayo, 10, Feb, 2022- Madaxweynaha Dowlada Jubaland mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha wasiirada. Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa golaha wasiirada oga warbixiyey xaalada guud ee amniga, arimaha abaaraha oo guud ahaan si siman u sameeysay dhamaan dadka ree Jubaland iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, iyadoo Dowlada Jubaland ay wado gurmad baxaad leh oo lagaga gaarayo dadka ay dhibaatadu gaartay. Wasaaradda Caafimadka iyo Daryeelka Bulshada Jubaland, waxa ay warbixin guud ka bixisay xaaladda isbitaalada Kismaayo, Dhoobley iyo Ceelwaaq, shirweynaha caafimadka oo sanadkii 5-aad oo xiriir ah wasaaraddu qabatay ayuu wasiirka oga warbixiyey golaha wasiiradda kaas oo…

Read More

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan ayaa ka wadahadlay kor u kaca qiimaha shidaalka iyo arrimaha Bariga Dhexe oo ay ku jiraan Iran iyo Yemen, kadib kulan khadka telefoonka ah oo dhexmaray labada hoggaamiye.”Labada hgogaamiye waxaa ka go’an inay hubiyaan xasiloonida sahayda tamarta dunida” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Aqalka Cad. Salmaan, oo ah hoggaamiyaha dalka ugu badan dhoofinta shidaalka ee kooxda OPEC, ayaa ka hadlay ilaalinta dheelitirka iyo xasilloonida suuqyada shidaalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Sucuudiga ee SPA. Boqor Salmaan ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ilaaliyo heshiiska OPEC…

Read More

Qaramada Midoobay ayaa rajo wanaagsan ka muujisay iney mira dhalaan wadahadallada u socda madaxda dowladda iyo fallaagada TPLF oo muddo ka badan sanad ku dagaallamayey waqooyiga dalkaasi. Qaramada Midoobay waxay sheegtay iney wadahadallada labada dhinac u socda ay meel wanaagsan marayaan. Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Aamina Maxamed waxay booqasho ku soo martay deegaannada Amxaarada, Cafarta iyo Tigraay oo ay dagaalladu saameynta badan u geysteen. Amina oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Addis Ababa waxay sheetay marka loo eego dagaalkii waqooyiga Itoobiya ka socda mudda ka badan sanad ay xaaladdu hadda deggan tahay marka laga reebo isku dhacyo…

Read More

Hay’adda dawladda Maraykanka ee maamusha Kaydinta Xogaha Madaxtooyada ayaa ka codsatay waaxda caddaaladda in ay baadhitaan ku samayeen Donald Trump sidii uu u maamulay waraaqihii rasmiga ahaa ee dawladda. Madaxweynayaasha Mareykanka waxaa looga baahan yahay sharciga inay ku wareejiyaan dhammaan warqadahooda, dukumeentiyadooda shaqo iyo iimaylkooda ku aaddan Keydka Qaranka. Balse saraakiisha haayaddan ayaa sheegay in madaxweynihii hore uu si sharci darro ah u jeexjeexay dukumentiyo badan oo muhiim ahaa. Qaar ka mid ah waxay in dib loo isugu dhajiyo maadaama ay lagama maarmaan ahaayeen. Waxa kale oo soo baxday in 15 sanduuq oo waraaqo ah oo ay ahayd in Mr…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qarax xooggan uu goor dhaweyd ka dhacay agagaarka isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqudisho. Qoraal kooban oo kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in qaraxan uu ahaa is-miidaamin, kaas oo ay ku sheegeen in qofka is qarxiyay uu la eegtay dad rayid ah, iyadoo aysan jirin faahfaahin intaas dheer oo laga bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxan. Wixii ku soo kordha warkan halkan ayaad kala socon doontaan.

Read More

12 qof ayaa lagu dhaawacay firirka diyaarad Drone ah oo lagu weeraray garoonka diyaardaha Abha ee dalka Sacuudiga, taasi oo Sacuudiga ay sheegeen inuu dhexda ka qabtay barnaamijkooda difaaca hawada. Howlgalkii diyaaradaha ee garoonka ayaa caadi kusoo laabtay kadb markii muddo kooban la hakiyey, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yemen. Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa isugu jira shaqaalaha garoonka iyo dad safar ahaa oo kasoo kala jeeda dhowr dal, ayuu intaas ku daray bayaanka oo ay baahisay warbaahinta Sacuudiga. Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa inta badan beegsata garoonka Abha oo ku yaalla…

Read More

Looguma yeerin waftiga Somaliland ee tagay Taiwan magaca Jamhuuriyad. Sidoo kalena looma dhigin ama lagama soo dhaweyn Calanka Somaliland kamana muuqan barsada lagu qaabilay. Lama siin wax baratakool Dowladeed ah,waxa kaliya ee loo muujiyay ,waa in ay yihiin wafti yimid Dalkaas oo la mid ah Hay’ad ka shaqaysa Dimuqraadiyada iyo Maamul wanaaga. “Waxaan ku faraxsanahay in aan la kulmo Wasiirka Dr.Essa Kayd waftiga ka socda Somaliland, saaxiibkayaga dimuqraadiga ah ee Bariga Afrika, kuna soo dhaweeya Taiwan markii ugu horeysay”Ayaa lagu yiri qoraal kooban oo Twitter-ka ay soo dhigtay Madaxweynaha Taiwan. Somaliland waxay dadaal xoog badan gelisay sidii ay xiriir ula…

Read More

Guddiga Doorashooyinka Kenya ee loo yaqaan IEBC,ayaa soo saaray tirada Guud ee Dadka ka codaynaya Degmo walba (County). Kenya waxay ka kooban tahay 47 County,waxaana la baab’iyay 8-dii Gobol ee hore. Soomaalida,ayaa leh Seddex County oo aan lagu tarixin,kuwaasoo kala ah.. 1.Gaarisa, 2 Mandheera 3.Wajeer Sannadkan,waxaa ka muuqda kor u kacay dadka codayn kara. Tirada Soomaalida Gobolka Waqooyi Barri Kenya ee codayn karta,ayaa ah… 1.Mandheera 211,098 qof 2.Gaarisa 207,435 qof 3.Wajeer 196,466 qof Wadarta Guud waa 614,999 Qof-Somali ah. Hoos waxaa ku qoran shaxda Guud ee County-da Cadadka ka codayn kara. Waxaa ugu badan Nairobi County oo ay ka codayn…

Read More

Kuraastii ugu horreysay ee Golaha Shacabka Fadaraalka Soomaaliya,ayaa maanta lagu doortay magaalada Baraawe. Baraawe,ayaa ka mid ah labada Deegaan doorasho ee maamulka Koonfur Galbeed Somaliya. Toddobo kursi,ayaa lagu doortay Baraawe oo noqotay magaaladii labaad ee hal maamul Goboleed uu ku qabto doorashada Golaha Shacabka. Dhanka kale 4-qof oo rayid ah,ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen hoobiyayaal ku soo dhacay gudaha Magaalada xili ay Doorashadu ka socotay,halka 8-kalena ay ku dhaawacmeen.

Read More

Bosaso Qarax baa ka dhacay dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac. Dhimashadu waa 3-Qof iyo 10-dhaawac ah. Qaraxu,waxuu ka dhacay meel Mehered ah oo ay ku sugnaayeen Askar ka tirsan Ciidanka Dowlada. Ilaa iyo hada Laamaha amaanka Puntland kama hadlin Qaraxan. Jibril Qoobey.

Read More

Waa war weyn oo farxad ah hadii ay dhab noqoto in Farmaajo lagala laabtay Basaboorkii iyo Green Card-kii Maraykanka ee uu qarsanayay. Madax kale oo ay ku jiraan kuwa Dowlad Goboleedyada,ayaa talaabadu saamaysay sida la sheegayo. Hadii la waayay nidaam Dowladeed oo la xisaabtama hogaamiyayaasha Somalida in la helo mid caalami ah waa guul weyn. Taariikhda Somalida waa hogaamiyayaashii ugu liitay ee soo mara Dalka,waxay si cad ugu tunteen Dowladnimadii dhan walba… 1.Garsoorkii ayay ka dhigeen wax Jeebka ugu jira. 2.Sharci dejintii ayay ka dhigteen wax iyaga u adeega. 3.Hawl fulintii ayay ka dhigteen Shirkado iyagu leeyihiin. 4.Hanaankii is doorashada…

Read More

Macno ayay samayn lahayd hadii ay dhab noqoto Xanta soo baxaysa ee sheegaysa in hogaamiyaha Puntland Siciid Deni uu ku jiro Madaxda xilalka haya ee lagu soo rogay xayiraadaha socdaalka iyaga iyo Qoysaskooda. Xaqiiqdii wax mudan in lagula xisaabtamo,ayuu Deni ku kacay,balse aysan jirin Hay’ado Dowliya oo shaqadaas qaban kara. Dadka,waxaa ubilaabatay 3-bilood oo Diraac adag ah,mana hayaan ilaa iyo hada gurmad Dowladeed haba yaraatee. Sidoo kale shaqo la’aan baahsan iyo Dhaqaale yari xoog badan,ayaa Dadkii soo food saartay. Hal Mashruuc oo gudaha Dalka ka socdaa majiro. Lacagtii wareegi jirtay markii laga reebo adeega Dowlada kharashaadka ku baxa oo gaaraysay…

Read More

Dowladda gobolka Cafarta ee Itoobiya ayaa sheegtay in dad ka badan 300,000 oo qof ay ku barakaceen dagaalladii halkaas ka socday tan iyo bishii December, waxayna ku eedeysay ciidammada Tigrayga inay dil iyo dhac u geysteen dad rayid ah. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ka socda Canfarta uu xannibay raashin la geeyn jiray gobolka Tigray ee dariska la ah, halkaasi oo dhowr boqol oo kun oo qof ay ku sugan yihiin xaalad macaluul ah. “Dadku waxay u cararayaan cabsi buuxda oo dhan walba ah,” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Canfarta, oo codsaday inaan la magacaabin.…

Read More

“Maanta,iyada oo ay ku beegan tahay sanad-guuradii koowaad ee marka uu muddo xileedka ka dhammaaday madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhowaaqayaa fulinta xeerka Socdaalka Qaranka qeybtiisa 212(a)(3)(C), kaasi oo diidaya in Visa la siiyo shakhsiyaad xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”Ayaa lagu yiri bayaan usoo saaray Blinken. Blinken ayaa sheegaya in shakhsiyaadkaas ay rabshado u adeegsanayaan dibad-baxayaasha,ay xirayaan ama cabsi gelinayaan suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, ayna boobayaan hanaanka doorashada dalka. Waxa uu intaas ku daray in xubnaha qoysaska shakhsiyaadkaas ay sidoo kale saameyn karto…

Read More

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa isugu yeeray saddexda reer ee doonaya labada Kursi ee Beesha Cismaan Maxamuud ku leedahay Golaha Shacabka ee Hop#234 iyo Hop#228. Shirka Nabadoonada iyo cuqaasha Xarigyada Bah-yaaquub, Bah-gareen iyo Bah Dubeys ayaa ka dhacay Hotel Tropical. Boqorka iyo odoyaasha saddexda reer oo ka tirsan Beesha Cismaan Maxamuud ayaa isla qaatey in Xariga Bahgareen ay qaataan hal kursi oo baraxan oo keligood ku tartamaan kaas oo ah Dumar. Labada Xarig ee Bahyaaquub iyo Bah- dubeys ayaa la wadaajiyey in ay ku tartamaan hal kursi oo Nin ah. Warbixinta kasoo baxday Boqorka sida tan ayay uqornayd:- Ujeedo: Qoondeynta…

Read More

Deni wuxuu soo kireeystay 8-Nin Beelaha HG u badan laakiin Hawiyaha kalena ay ku jiraan oo takhasus gaar ah u leh, ridida noocyada Hubka uu kamid yahay Hoobiyaha. Lacag badan,ayaa Ragaas iyo dulaaladooda lagu baxshay, waxaana iska kaashaday Deni, Xasan Shire Abgaal iyo Xasan Deni. Dhowr cisho ka hor,waxaa u timid Dooni Hub u sidda Dowlada,waxaana xaqiijiyay 3-Qof oo ka mid ah shaqaalaha Dekeda Bosasi. Dhanka PSF waxaa ka jira heegan iyo diyaar garow buuxa. Suurtagal waxaa ah Doorashada kadib ama ka hor inay weerar kale Dowladu ku qaado Xerada PSF. Maxamuud Shiddo iyo Abgaalow,ayaa weli waxay ku adkeysanayaan in…

Read More

“Kursiga aad ku fadhido waxaad u kululeyneysaa kan kugu xiga, macnaha, ha dareemin in aad meesha leedahay adigu, laakiin waxaad dareensanaataa in aad u warm-up gareyneyso (kululeyneyso) kursiga, for the next guy (qofka ku badali doona). Laakiin dadka hada jooga iyo dadkii horaba, waxaad moodaa hadii aad mar soo fariisatay wax kaa kicin kara ma leh. Waa dhaqan xumo waxaan ma lihid, umada baa isa leh, waa wareegto”Ayuu yiri Farmaajo. Aadan-cade hal maalin kuma darsan mudo xileedkiisa kumana xadgudbin sharciyada dalka,taa badalkeeda waxuu ka tanaasulay mudo xileedkiisii qaar si uusan dalku meel cidlo ah ugu soo dhicin. Farmaajo Hal sano…

Read More

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar, ayaa maanta kulan ballaaran la qaatay oday dhaqameedyada iyo waxgaradka beesha xawaadle ee tabashada ka qabay maamulka Hirshabeelle, sida lagu sheegay qoraal lagu shaaciyay bogga xafiiska warfaafinta madaxtooyada Hirshabelle. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in heshiis rasmi ah laga gaaray tabashadii ay ka qabeen maamulka, iyaga oo ku balamay in maanta wixii ka dambeeyo laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu u mahadceliyay odayaasha uuna aqbalay dhamaan qodobadii ay soo jeediyeen beesha.

Read More

Madaxweynaha Faransiiska ayaa maanta booqasho ku jooga dalka Ukraine, waxa uuna noqonayaa hoggaamiyihii ugu dambeeyay ee reer galbeed ah oo taageero u muujiyo xukuumadda Kyiev. Kulanka Emmanuel Macron uu la yeelanayo dhiggiisa dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto cabsi ah in Ruushku uu qorsheynayo in uu weeraro dalka deriska la ah ee Ukraine. Dhanka kale, wasaaradda gaashaan-dhigga Ruushka ayaa xaqiijisay in lix markab oo kuwa ay diyaaradaha xambaara ah ay badda Black Sea ka soo galayaan dhanka badda Mediterranean-ka. Isniintii shalayto ahayd ayaa madaxweyne Macron waxa uu magaalada Moscow kulan muddo shan saacadood ah socday…

Read More

Warbixintii ugu dambeysay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada dowladda Islaamiga ah iyo Al-Qaacida iyo xulafadooda, oo si rasmi ah loo shaaciyay toddobaadkan, ayaa lagu sheegay in Talibaan aysan sameynin wax xaddidaya dhaqdhaqaaqyada argagixisada shisheeye. Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in wiilka Usama Bin Ladin oo lagu magacaabo Cabdullaahu uu booqday Afgaanistaan bishii Oktoobar ee sannadkii hore, si uu kulan ula yeesho Talibaan. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Al-Qaacida ay sii wadayso ” istiraatiijiyaddeeda” ka dib markii ay ugu hambalyeysay Taaliban guushii ay gaartay Ogosto 31-dii ee sannadkii hore, oo sida muuqata “aanay wax u…

Read More

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta magaalada Muqdisho soo gaarsiisay gargaar raashin ah oo loogu talo-galay abaarta ka jirta gobollo ka mid ah Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in gargaarka ay dowladda Imaaraadka “uga jawaabtay” codsigii Ra’iisul Wasaaraha uu u jeediyay dunida ee ah in loo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso. Diyaarad sidday sahaydan gargaar ee raashinka ah, ayaa waxaa Muqdisho soo gaarsiisay Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku guddoontay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan…

Read More

Madaxweynaha Masar ayaa Isniintii marti-geliyey dhiggiisa Jabuuti oo ay yeesheen wada-hadallo lagu horumarinayo xiriirkooda iyo biyo-xireenka muranka uu ka taagan yahay ee Ethiopia ay ka dhiseyso Webiga Nile, kaasi oo Masar ay u aragto halis. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Axaddii cago-dhigtay magaalada Qaahira, waxaana garoonka ku qaabilay madaxweyne Cabdifataax Al-Siisi. Booqashada Geelle ayaa timid sideed bil kadib markii Al-Siisi uu booqasho naadir ah ku tegay dalka Jabuuti. Al-Siisi ayaa xilligaas noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Masri ah ee booqda Jabuuti tan iyo markii uu dalkaas xoriyadda qaatay 1977-kii. Waxay qeyb ka aheyd dadaal ay Masar ku dhiseysay xulufo…

Read More

Dawladda Israa’iil ayaa magacaabi doonta guddi baadhitaan oo ogaada xaqiiqada in ay booliisku adeegsadeen barnaamij basaas ah kaas oo ay samaysay kooxda NSO si ay u jabsadaan telefoonnada dadwaynaha Israa’iil fasax la’aan. Dadka talefoonadooda la jabsaday waxaa ka mid ah saraakil sar sare, dad dibebaxyay, wariyeyal iyo wiil uu dhalay Ra’isal wasaarihii hore ee Benjamin Netanyahu, sida lagu sheegay wargeys maxali ah. Waxaa kale oo la bartilmaamedsaday talefoonka mid kamid ah dadka markhaatiga ka ahaa kiiska musuqa ee Mr Netanyahu. Ra’isal wasaaraha dalkaasi Naftali Bennett ayaa sheegay haddii la xaqiijiyo wararkaasi inay yihiin kuwa aad u culus. Barnaamijka Basaaska ayaa…

Read More

Khubarada dhanka ammaanka marka ay ka hadlayaan sugidda ammaanka dal ayaa waxa ugu horeeya ee ay ku taliyaan waxay tahay helidda hay’ad sirdoon oo awood leh. Sababtaas ayay dalalka dunida dhaqaalaha ugu badan ugu bixiyaan casriyenta iyo horumarinta awoodahooda sirdoon iyo xog-helid. Sirdoonka waxaa uu ka mid yahay waxyabaha udub dhaxaadka u ah dal walba islamarkaasna xogaha dibadda iyo gudaha ee ay keenaan ayaa lagu saleeyaa danaha qaranka iyo sugidda amniga. Hay’adda sirdoonka qaranka waa difaaca ugu horeeya ee qaran uu leeyahay, waana hay’adda u qaabilsan helista xogaha qarsoon, iyo hagarmaadooyinka loo maleygayo dal, laakiin dalalka oo dhan ma noqon…

Read More

Bishii November ee sanadkii 2020-kii, kolonyo gawaari ah oo uu la socday seynisyahankii ugu sarreeyay dhinaca nuclear-ka Iiraan, Mohsen Fakhrizadeh, ayaa la weeraray. Waxaa lagu dilay qori lagu hagayay qalabka meelaha fog laga isticmaalo. Weerar sidaasoo kale loo diyaariyay oo lala beegsaday gawaari socda, iyadoo aan waxba la yeelin cid kale oo rayid ah, waa mid u baahan wadashaqeyn sirdoon oo tallaabo tallaabo isugu xidhan, goobtana ku sugan. Dilkaas kaddib, Wasiirka Arrimaha Sirdoonka ee Iiraan, Mahmoud Alavi, ayaa sheegay in labo bilood ka hor waqtigaas, uu isagu digniin u gudbiyay ciidanka amniga, una sheegay inuu jiro fal dil ah oo…

Read More

Sida ay Qaramada Midoobay ku sheegtay warbixin lagu shaaciyay warbaahinta, Kuuriyada Waqooyi ayaa lacago malaayiin doollar ah ku xadda dhinaca internet-ka si ay ugu maalgeliso barnaamijyadeeda sameynta gantaallada ee uu kharashka badan ku baxo. Baareyaasha ku howlanaa arrintan ayaa sheegay in lacag dhan $50 milyan oo doolar oo nooca digital-ka ah la xaday intii u dhaxeysay 2020-kii ilaa 2021-kii, taasoo lagu qaatay qaabka xatooyada internet-ka. Waxa ay saraakiishu sheegeen in habkaas dhaca internet-ka ah ee lagu jabsado bangiyada uu il dhaqaale oo muhiim ah u yahay Kuuriyada Waqooyi, si ay ugu kharash gareyso hubkeeda nuclear-ka iyo gantaallada riddada dheer. Waxaa…

Read More

Diyaarada Maraykanka ah ee B-52 oo awood uleh in ay xanbaarto Hubka wax gumaada ee Niyukleerka,ayaa todobaadka danbe kasoo dagaysa Uk. Xiisadda ka taagan Bariga Yurub ee udhaxeeya Nato iyo Ruushka,ayaa marba marka kasii danbaysa cirka iskusii shareeraysa. Ruushka,ayaa u arka hadii Ukrain ay ku biirto Gaashaanbuurta Nato khatar weyn oo soo wajahday,isla markaana Gantaalada Niyukleerka xanbaara ee Nato lasoo dhigi karo goobo ku dhow dhulkiisa oo laga soo weerari karo. Dadaal diblomaasiyadeed oo xal loogu raadinayo arinkan,ayaa socda.

Read More

Xilli doorashada Golaha shacbaka ay ka socota Soomaaliya ayaa guddiga doorashooyinka ee heer federaal waxaa ay sheegeen inay haysato cabaqad dhaqaale oo ay la qabaan sidoo kale guddiyada heer maamul goballeed. Afhayeenka guddiga doorashada ayaa sheegay in muddo sedex bilood ah aysan qaadanin wax mushahaar ah , guddigana uu soo food saaray dahaqaala yaraan baahsan. Waxaa ay sidoo kale beeniyeen in guddiga guryahooda laga saaray ayna been abuur tahay waraqadda barha bulshadda la kula dhex marayyo ee lagu sheegay in gudiga la siiyay maalmo kooban in ay uga baxaan guryaha ay deggan yihiin. Guddiga ayaa sheegay in dhaqaalihii loogu tala…

Read More

Israel ayaa Axaddii sheegtay inay hakin karto duulimaadyada diyaaradaha Israel ay ku tagaan Dubai maalmaha soo socda, sababo la xiriira muran ku saabsan nidaamka amni, balse loo weecin karo magaalada Abu Dhabi. Sarkaal Israeli ah ayaa sheegay in nidaamnka amni ee iminka ee saddex diyaaradood oo Israel ah oo u duala Dubai, kuwaas oo kala ah El Al , Israir iyo Arkia uu dhici doono Talaadada, taasi oo ku qasbeysa in wada-xaajoodayaasha labada dal inay isku raacaan mid cusub kahor waqtigaas. Duulimaadyada tooska ah ee Israel iyo Imaaraatka Carabta ayaa billowday kadib markii labada dal ay yeesheen xiriir rasmi ah…

Read More

Midowga Afrika ayaa Soomaaliya u soo magacaabay haweeney beddaleysa Simon Malungo oo ay horey dalka uga ceyrisay dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ahaa ku xigeenkii wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Somaliya. Haweeneydan loo soo magacaabay in ay ka shaqeyso Soomaaliya ayaa beddaleyso ku xigeenkii hore ee ergeyga Midowga Afrika, Simon Malungo oo ay Soomaaliya ah dalka saartay, kadib markii bishii November ee sanadkii hore lagu eedeeyey inuu dambiyo waa weyn ka geystay dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ku lug yeeshay howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM. Ururka Midowga Afrika ayaa shaaciyey in Marwo Fiona Lortan ay door muhiim ah ka qaadan…

Read More

Madaxweynaha dalka Senegal Macky Sall ayaa ku dhawaaqay maanta oo Isniin ah maalin fasax ah si uu ugu dabaaldego guushii ay xulka qaranka kubadda cagta ka gaareen koobka qaramada Afrika. Madaxweynaha oo ku maqnaa dalka dibaddiisa ayaa soo gaabiyay safarkiisa si uu u soo dhaweeyo xiddigaha kubbadda cagta ee qaranka Senegal. Madaxweyne Sall ayaa salaasada kooxda ku soo dhaweyn doona qasriga madaxtooyada, sida uu sheegay telefishinka dowlada ee RTS TV. Senegal ayaa ku guuleysatay finalkii ugu horeeyay ee cayaaraha Afcon ka dib laba guuldaro oo hore oo qabsatay sanadahii 2019 iyo 2002. Axadii ayay dalka Masar ku garaaceen rigoorayaal 4-2…

Read More

Madaxweynaha mudo xileedkiisa sharciga ah dhamaadey Maxamed Farmaajo oo ku matalaya Somaliya Meertida 35-aad Midowga Afrika,ayaa si weyn ugu mahad celiyay Ra’isalwasaaraha Itoobiya. “Waa kaaga mahadcelinayaa Walaal Abiyoow soo dhaweyntaada diiran adiga iyo dadkaaga Geeska Afrika ee cajiibka ah”Ayuu yiri Farmaajo. “Mar horeba waa ka faaidaysanay hadaan nahay Somalida isdhexgalka ganacsi oo waxaan nasiib uyeelanay Laba duulimaad oo diyaarada Itoobiya ah maalin walba”Ayuu yiri Farmaajo markale. Ugu danbayn waxuu kusoo afmeeray hadalkiisii mahadnaqa ahaa Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaadey ee Farmaajo.. “Anigoo og hamigaaga balaaran,waxaan ku rajo weynahay in Jiilkeena xiga ay midoobi doonaan oo ka faa’idaysandoonaan”. Amaanta Farmaajo waxay…

Read More

On February 4, on the sidelines of the 35th Assembly of Heads of State and Government of the African Union in Addis Ababa, Special Representative of the President of the Russian Federation for the Middle East and Africa, Deputy Minister of Foreign Affairs of Russia Mikhail Bogdanov met with President of the Federal Republic of Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed. During the conversation, M.A. Mohamed shared his assessments and thoughts in connection with the emerging socio-political situation in Somalia at the final stage of the parliamentary elections. The Russian side confirmed its consistent and principled support for the efforts of the…

Read More

Addis Ababa, Febraayo 06, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya Meertada 35-aad ee Shir-madexeedka Midowga Afrika ayaa khudbad ka jeediyey fadhi uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ku soo bandhigeen warbixin ku saabsan xaaladda guud ee nabadda iyo amniga Qaaradda Afrika. Madaxweynaha oo ka warbixiyey guulaha la taaban karo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xaqiijisay la dagaallanka argagixisada iyo nabad kusoo dabbaalidda Dalka, ayaa xusay muhiimadda ay qaaraddeenna u leedahay in meel looga soo wada jeesto ururrada argagixisada ah. “Argagixisada Alshabaab waxa ay cadow ku tahay xasilloonida Qaaradda Afrika.…

Read More

Ciidamadii ugu horreeyay ee Mareykan ah ayaa Sabtidii gaaray waddanka Poland, si ay u xoojiyaan xulafada NATO ee ku sugan Bariga Yurub, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Poland, iyadoo laga cabsi qabo in Ruushka uu ku duulo dalka deriska la ah ee Ukraine. “Sida lagu dhawaaqay, cutubyada ugu horreeya ee guutooyinka dagaalka ee qaybta 82-aad ee hawada sare ee ciidamada Maraykanka ayaa soo gaaray Poland,” ayuu yiri afhayeen u hadlay militariga Poland. Ciidamada Mareykanka ayaa gaaray saldhiga milatari ee Rzeszow oo ku yaala koonfur bari Poland, una dhow xadka uu la wadaago Ukraine, ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden…

Read More

Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen ku xigeenkii Yuusuf Dabageed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkiisa. Wararka ayaa intaas ku daraya in dhowr madfac ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha kahor inta aanu madaxweyne Guudlaawe kasoo degin, waxaana ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa dowladda lagu daadiyay waddooyinka magaalada, xilli laga cabsi qabo isku dhac hubeysan. Kooxda la baxday Kacdoonka Hiiraan ee diiddan imaatinka Guudlaawe ayaa ku sugan meel ka baxsan magaalada. Madaxweyne Guudlaawe ayaa lagu wadaa inuu daahfuro doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee kuraastoodu ay taal magaalada Beledweyne.

Read More

Hoggaamiyaha TPLF,Debretsion ayaa Kiniisadaha Orthodox-ka ku eedeyay inay siyaasadda ku dhex-milmeen oo ay la kala safteen shacabkoodi,isagoo xusay inay dabka kusii shidayeen dagaal shacab baddan oo Tigree ah lagu xasuuqay,waa sidduu haddalka u dhigaye. “Xadhigoodii waan jarnay,xidhiidh dambe yeellan mayno.Diinteena annagoo Tigree ah ayaan ilaashanaynaa”; ayuu yidhi Debretsion. Laba Sanno kahorna Oromada Orthodox-ka ayaa sheegay inay samaysan doonaa hanaan u gaar ah(Luuqada Oromada),xiligaas waxay sheegen inay ka lug-baxayaan qorshaha kiniisadaha Orthodox-ka.” Af-Oromo ayaan ku baryaynaa,Iyasus-ku wuu naga aqbali”;ayuu qays Belay oo qorshan haggaya(Axmari kaliya inay Ilaahoda ku baryi karaan ayaa laga dhaadhiciyay.” Kiniisadaha Orthodox-ka ayaa ahaa kuwo qarniyo baddan siyaasada…

Read More

Wararka ka imaanaya dalka Turkiga,ayaa sheegaya in la xaqiijiayay labo qof oo hor leh oo Soomaali ah inay ka mid yihiin dadkii qabowga barafka ugu dhintay xadka u dhexeeya dalkaas iyo Gariiga. Horey waxaa xalay loo aqoonsaday meydka labo qof oo kale oo Soomaali ah. Waxay tan ka dhigeysaa tirada guud meydadka dadka Soomaalida ah ee la aqoonsaday afar, sida uu BBC Somali u xaqiijiyay Cabdullaahi Xuseen Aadan (Abtidoon) oo ka mid ah madaxda Jaaliyadda Soomaalida ee Turkiga. Wadarta guud ee meydadka dad la rumeysan yahay inay tahriibayeen ayaa gaareysa… Turkiga ayaa ku eedeeyay saraakiisha xadka ee Giriigga inay masuul…

Read More

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in laga helay cudurka Coronavirus. Wuxuu intaa ku daray in xaaskiisa Emine Erdoğan iyana laga helay cudurka Covid-19. Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisu isku arkeen calaamadaha Covid-19 . Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inuu guriga ka sii wadi doono shaqadiisa iyo waajibaadka saaran. Madaxweyne Erdogan iyo xaaskiisa ayaa todobaadkan booqasho rasmi ah ku tagay dalka Ukraine.

Read More

Dowladda hoose ee Magaalada Kismaayo,ayaa markale Ganacsatada ku wargelisay in ay baneeyaan Waddooyinka dhex mara Suuq yare. Horay ayay Dowlada hoose usoo saartay amar loogu sheegayo Ganacsatadu in ay ku baneeyaan Wadooyinka Suuqaas. Halkan ka akhriso wareegtada:- Dhanka kale Waxaa maanta Dekada Kismaayo ku soo xirtay Markab sida Gaadiid nooca xamuulka ah,Cagafyo iyo Agab kale oo loo adeegsan doono dhismayaasha Waddooyin Laami ah oo dhowaan laga bilaabi doono magaalada Kismaayo. Qalabkan iyo Gaadiidkan oo ay Magaaladu baahi weyn uqabtay,ayay kaga faa’idaysan doontaa Barnaamijyada horumarinta Magaalooyinka.

Read More

Waxaa Goordhawayd furmay Shir madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika. Xarunta Midowga ee caasimadda Itoobiya Addis Ababa,ayuu ka furmay. Ajandayaasha ugu waa weyn ee horyaala Madaxda Afrika,ayaa waxaa ka mid ah.. 1.Afgambiyada Military ee Qaarada oo dib usoo laba kacleeyay. 2.Israa’iil iyo dalabkeeda ah in la siiyo maqaamka Xubin goobjooge Ururka ah. 3.La tacaalida Virus-ka Corona ee Qaarada. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Boosaso waxaa ka socota abaabul dhaqaale baaxad leh loogu yaboohayo dhismaha Dekeda Bosaso. Lacagta ugu badan waxaa isku qoraya ganacsatada reer Bari iyo reer Mudug. Sidoo Qabiilada iyo Issimada,ayaa iyagana lacag badan isku qoray. Waxaa soo dhamaatay qiimeyn hordhac ah oo ku aadan qiimaha lagu dhisi karo Dejeda Bosaso,wax badan ayay ka tiro yar tahay Qiimayntu tii ku baxday Dekeda Garacad. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More