Author: Jibril Qoobey.

Dad daneeya arimaha Somaliya,ayaa xiriir la sameeyey IMF, World Bank iyo FGC,kuwaasoo iskugu jira Somaliya iyo ajaanib diidan arintan khaldan. Dagaalka Social media-yaha,ayaa qayb weyn ka qaatay hakinta saxiixa Xurmooyinkaas. Sidoo kale da’daalka aqoonyahanada Somaliyed ee aqoonta gaarka ah u leh Cilmiga baarista shidaalka iyo Macdanaha,ayaa door weyn iyaguna qaatay. Farmaajo iyo Fahad waxaa dib uriixay kadib markii loo xaqiijiyay laba arimood oo kala ah… 1.Barnaamijka dayn cafinta oo loo xaqiijiyay in la joojinayo haddii ay sixiixaas galaan. 2.Shirkadaha qaadanayay Xirmooyinka Shidaalka oo ku adkaystay in aysan xiligan bixin karin Lacag ka badan xuquuqul qalin,taasoo dhan Laba ilaa Sadex Milyan…

Read More

La kulankiisii hore xiligii la magacaabay Rooble,waa lagu dhaliilay C.C.Warsame oo taageerayaashiisu waxay u arkeen fudayd siyaasi ah in uu muujiyay. Markale Rooblaha aan saamaynta lahayn in uu la kulmo waxay sii xoojinaysaa xanta oranaysa C C.Warsame eenta uu leeyahay waa “Fudayd”. Farmaajo waxaa laga hayaa Roobloow waxaad tahay Ninkaan ubaahnaa waad iga soo daahday ee maxaan horay kuugu heli waayay?? Wax walba oo C.C.Warsame uu cudurdaar iyo marmar siiyo uga dhigto la kulanka Rooble ma gadmayso. Jibril Qoobey.

Read More

Islaan Bashiir Islaan Cabdiile waxuu ku hakan doonaa Muqdisho kadib 2-beri waxuu usii gudbi doonaa Turkiga. Garowe maantadii hore,ayuu ka anba baxay Islaan Bashiir Islaan Cabdille. Sagootin maqaamkeedu sareeyo,ayaa loo sii sameeyay Islaanka. Jibril Qoobey.

Read More

Guddiga Doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi,ayaa la filayaa in afar xubnood oo ka socota dhanka Guddoomiye Cabdi Xaashi lagu daro Guddigii horay ay u magacawday Xukuumadda. Qodobkan waxuu ka mid ahaa is fahamkii lagu soo gaaray Garowe ee ka dhashay shirarkii dhex maray Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mahdi Guuleed. Is afgaradjaadwaxaa qayb ka ahaa Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland, Galmudug iyo Jubbaland. Jibril Qoobey.

Read More

Maanta waxaa la kulmay Farmaajo Ugaas Maxamed Xaashi iyo Odayaal Beesha Mareexaan ah,waxayna kala hadleen arinta Gedo iyo xildhibaanada Mareexaan ee la sheegay in la gaynayo Kismaayo. “Kuraasta Mareexaan intii kismaayo la geyn lahaa Gedo ku wareeji Axmed Madoobe,ayay si cad ugu yiraahdeen Farmaajo Odayaashu. Sidoo kale Odoyaashu waxay uga dacwoodeen Farmaajo Madaxweyne Qoorqoor oo ay ku eedeeyeen in uu faragalin ku hayo arimaha Gedo iyo Doorashada Xildhibaanada. Odoyaasha uu hogaaminayay Ugaaska Mareexaan iyo Farmaajo go’aan islama qaadan mar kale ayayna la balameen. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa ku sugan Muqdisho Laba Isin,ganacsato iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Cali Saleebaan. Beeldaaje Maxamed,Suldaan Maxamuud,Caaqil Siciid Xuseyn,Xildhibaan Cabdirxmaan iyo Liibaan Dheere. Caawa waxay shir kula qateen Hotel Decale Kulane Jiis iyo Fahad Yaasiin. Sidoo kale waxaa jira dhalinyaro lacag lasoo siiyay oo Codad ka duubaya Dadka caadiga ah ee ku nool Bariga fog ee Puntland,kuwaasoo aan wax badan kala socon siyaasada. Ujeedka waxaan loo abaabulayo waa dhabar jabin siyaasadeed oo Puntland ku wajahan. Jibril Qoobey.

Read More

Golis keliya,ayaa 2,500 fuusto ku deeqday. Sidoo kale Wasaarada Waxbarashada 1,000 Fuusto. Lanbar kale oo aad u badan,ayaana la helay isugeynta tirada Gudida,ayaa laga sugayaa. Waxaa la isku dhex wadaa shacab,shirkado iyo wasaradaha Puntland oo dhamaantood wax ku deeqey. Lanbaro kala duwan sida 100, 200, 50 iwm. Shaqo fcn ayaa maanta qabsoontay. Ka qayb qaado Ceeldaahir-Ceerigaabo. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Maanta dadkii ka soo qayb galay oo u badnaa shaqaalaha Dowlada Puntland iyo Baarlamaanka ay ku yabooheen in kabadan 10kun oo foosto. Shirkadda Golis waxay ku yaboohday lacag dhan $200,000 dollar. Waxaa goobta laga soo jeediyay xisaab celin wajigii 1aad ee mashruuca wadada waxaana ku baxday lacag dhan $10 Malyan oo dollar oo inta badan ay bixisay Dowlada Puntland. Waxaa hada laqorsheeyay wajiga labaad ee mashruuca oo kukacaya lacag dhan $10 Milyan dollar waxaana ka soo qayb galayaasha munaasadaan ay ku yabooheen lacag ku dhaw $600,000 Dollar. Masharuucaan oo ah mid iskutashi ah ayna dowlada Puntland hormuud katahay ayaa noqonaya…

Read More

Mahdi Guuleed markii uu Xamar ku noqday Kooxdiisii hoos bay udhigtay oo jir xumayn siyaasadeed ayay ku sameeyeen oo xataa looma yeerin lamana oran maxaad lasoo kulantay,sida ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan. Xalay waxaa ku ekaa markay 3-saac saacadu ahayd Sadex beri oo ay qabsadeen Ragii Garowe ka laabtay. Kulankii Madaxtooyada Puntland ka dhacay waxaa lagu gaaray isfahan,kaasoo ay qaadeen ragii Farmaajo uwakiilka ahaa,waxayna balameen 3-beri kadib in ay jawaab ka keeni doonaan Farmaajo. Warar,ayaa sheegaya in uu Farmaajo aqbalay isfahanka laga gaaray Gedo iyo Xildhibaanada Waqooyi,balse ma xoog badna warkaas. Saakay kulan ZOOM-ka ah,ayaa jiri doona oo ay ku…

Read More

Boqorka Daarood oo soo dhaweeyay heshiiska gacanka! Boqor Burhaan Boqor Muuse boqorka beesha Daarood ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay ku heshiiyeen dalalka walaalaha ah ee Sacuudiga iyo Qatar; isagoo bogaadiyay tallaabada hordhaca ah ee furidda Xuduudaha cirka iyo dhulka ee labadaa dal. Boqorka ayaa intaa ku daray war-murtiyeed uu soo saaray maanta kuna qornaa Afka-Carabiga “ waxaan bogaadin iyo mahad-celinba u dirayaa dowladda Kuwayd oo dadaal midho-dhal leh ka soo hooyday heshiisiintaan taarikhiga ah, waa mid baal dahabi ah ku qormi doonta oo la xusi doono.” Boqorka waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in khilaafkii la dhameeyay. Wuxuuna hoosta…

Read More

Wararka ka imaanaya Muqdisho,ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay caawa fiidkii degmada Waaberi nawaaxiga Iskuulka 21-ka Oktoobar. Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in qaraxa ay sababtay miino kuwa la hago ah, oo qaraxday waqti ay baabuur fara badan goobta marayeen. Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxan. Laamaha amaanku ilaa iyo hada war kama soo saarin Qaraxa.

Read More

DECLARATION OF HAWIYE CLANS CONFERENCE INMOGADISHU DATE: 5 JANUARY 2021 More than a thousand delegates representing Hawiye clans held a oneday conference on 5 January at Hotel Afrik. The conference participants deliberated at length on many issues, including the lack of representation of the Banadir Region, rampant insecurity in the country, lack of a just judicial system, violations within the armed forces and civil servants and political instability and insecurity due to the dispute over the election. After lengthy debates, the following points were agreed: Reconciliation and Unity: 1- The Conference agreed that the Hawiye clans reconcile and unite for…

Read More

Xasan Wardheere waxuu diiday in uu bahdil ka qaato iyo hogaan xumo Wasiir Dhabancad iyo Gudoomiye Sanyare. Hadaba iyagoo raba in ay iska hor wareejiyaan ayay isku kaashadeen oo diyaariyeen Ninkii ay ku badali lahaayeen. Wasiir Xaange,ayaa kala shaqeeyay in Xasan ay iska hor leexiyaan labadaas Nin. Xasan Wardheere waa Nin dhalinyaro ah oo gob ah,wadaniya oo daacad ah dalkana u yimid in uu dadkiisa u adeego xaaladi Gobolku markaa ku jirayna iska daawan waayay. Xasan mudadii uu joogay Gobolka wax la taaban karo,ayuu qabtay waana muuqatay shaqadiisu. Xasan waxuu haystaa Dhalasho reer Galbeed mana waayin Nolol iyo shaqo wanaagsan.…

Read More

Hawiye way shireen waxayna soo saareen Warmurtiyeed qodobo muhiim ah ka kooban,kuwaasoo laga soo qaadan karo dhawr ka mid ah… 1.In Maamul Goboleed loo dhiso Banaadir State. 2.In gole Qaran la dhiso hadii Dowladan mudo xileedkeeda uu dhamaado,iyadoon doorasho la qaban. 3.In Shirweyne Qaran oo Somaliyed layskugu yimaado. 4.In doorashada Xildhibaanada Waqooyi looga danbeeyo Gudoomiyaha Aqalka-sare. 5.In Musharaxiinta iyo Saraakiisha Ciidan ee kasoo jeeda Beelaha Hawiye laga joojiyo beegsiga gaarka ah. Hoos ka daawo qodobada oo dhamaystiran.

Read More

Dowlada Turkiga,ayaa ka furatay Xaafiis shaqooyinka uu qaban doono ay ka mid yihiin Viso bixinta caasimada Dowlada Puntland ee Garowe. Sida qorshuhu yahay bilooyin kadib Qunsuliyad buuxda ayay Turkigu ka furan doonaan Puntland. Xaafiiskan waxuu buuxin doonaa baahiyihii dhanka Visa-ha ee shacabka Puntland ay qabeen,iyadoo hada waxii ka danbeeya ay si toos ah Visa-ga uga qaadan doonaan Garowe uguna duuli doonaan Turkiga. Shacabka Puntland ee Caafimaadka iyo Waxbarashada u aada Turkiga,ayay culays ku ahayd tagida Xamar,taasoo hada meesha ka baxday. Turkigu waxay soo diri doonaan wafti balaaran dhawaan,waxayna balan qaadeen in ay mashaariic uu ugu horeeyo Iskuul Boodhin ah oo…

Read More

Qaadidda xayiraadda Qadar,ayaa qaadatay bilooyin dulqaad ah, iyadoo ay inta badan dhexdhexaadinta ay wadday Kuwait, balse dhowaan wuxuu cadaadis xooggan ka imaanayay Aqalka Cad. Go’doomintii muddada saddexda sano iyo barka ahayd ayaa galaafatay dhaqaalaha Qadar. Dadka Qadar ma cafin doonaan degdegna kuma iloobi doonaan waxa ay u arkaan dhabar ka toogasho ay ku sameeyeen walaalahooda kale ee reer Khaliij. Imaaraatka Carabta,ayaa shaki weyn ka muujinaya in Qatar ay isbedel sameyn doonto. Qatar arimaha lagu eedaynayay waxaa ugu weynaaa in ay taageerto argagixisada. Xoogaga Gaza, Libya iyo Ururka Akhwaanul Muslimiin oo Imaaraatku u arko inuu khatar ku yahay ayay Qatar taageertaa.…

Read More

3-sano in ka badan oo uu ka dhex taagnaa khilaaf siyaasadeed oo sababay in xiriirka laysku jaro,ayay soo afjareen. Cirka,Dhulka iyo Badda,ayaa dib layskugu furay Dowladaha Qatar,Sacuudiga,Baxrayn iyo Masar. Maxamed Bin Salmaan,ayaa Amiirka Qatar kusoo dhaweeyay Magaalo ku taala Waqooyi Galbeed Sacuudiga,halkaas oo uu ka dhacayo shirka Wadamada Khaliijka. Wafti ka socda Masar oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha dibada,ayaa kasoo qaybgalaya Shirka oo lagu shaacin doono in uu dhamaaday khilaafkii. Maraykanka iyo Kuwayt,ayaa si weyn uga soo shaqeeyay heshiiskan. Qatar,ayuu saamaynta ugu weyn ku ku yeeshay khilaafkan meesha sare gaaray. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Mahadnaq ballaaran naga guddooma Reer Puntland. Toban maalin oo aan joognay magaalada Garoowe kadib galabta ayaan Muqdisho ku soo laabannay. Wuxuu noo ahaa safar aan wax badan ka faa’iidnay, waxaan kulamo gooni gooni ah la qaadannay madaxda iyo shacabka Puntland sida Madaxweyaha H.E Said Abdullahi Deni, Madaxweyne ku Xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirro, Xildhibaanno, Odayaasha Dhaqanka, Bulshada Rayidka, Haweenka, Dhallinyarada iyo in ka badan 200 oo qof oo aan gooni gooni u gaari waynay oo habeenkii xalay ahaa kulan su’aalo waydiin ah yeelannay ayaga oo i waydiiyey su’aal kasta oo ku soo dhacday anne aan uga jawaabay si waafi ah oo…

Read More

12- xubnood oo ka mid ah Guddiga doorashada lagu muransan yahay,ayaa maanta gaaray Baydhabo,iyadoo la dejiyay Xarunta Madaxtooyada Koonfur-Galbeed. Waxaa jira heshiis Laftagareen lala galay oo uu ku bilaabayo doorashada Aqalka sare,taas badalkeedana loo fuliyo dalab uu watay. Labada Xubnood oo Laftagareen udoonayay xilal,ayaa loo kala magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada. Jibril Qoobey.

Read More

Galaal xogtiisa waa la helay,waxaa soo riday Nabar iyo Naxdin ujeedkuna waa in laga jeediyo Somalida Shirka Beelaha Hawiye waxa kasoo baxay. Sidoo kalena la abuuro xaalad Daarood iyo Hawiye la yiraahdo. Galaal waa Bam ay soo tuurtay Nabar iyo Naxdin ee yaan lagu kadsoomin oo laga mashquulin ka hor imaadkii qorshayaasha guracan ee Nabar iyo Naxdin. Cajil Hawiye iyo Daarood yaan laydin shidin shacaboow!!! Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Sacuudiga,ayaa u furay dalka Qatar xuduudooda Cirka, Dhulka iyo Badda, sida uu Wakaaladda Wararka ee AFP u xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait. Waxaa loo furayo hawada si beri uu Sucuudiga utago Amiirka Qatar oo uu uga qeyb galo shirka Dowladaha Khaliijka oo halkaas ka dhacaya. Sida lagu wado Shirkaas,ayaa lagu dhamayn doonaa khilaafka Dowladaha Khaliijka iyo Masar. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa soo socda isbadal weyn oo lagu samaynayo Maamulka Gobolka Mudug. Duqa shaqada laga joojiyay Saahid,waxaa xubintiisa golaha deegaanka badalan doona beeshiisa,waxaana la dooran doonaa Duq cusub,iyadoo aan golaha Deegaanka lakala dirin. Gudoomiyaha Gobolka Sanyare lama taabanayo,balse ku xigeenkiisa Xasan Wardheere,ayaa la cunayaa,waxaana buuxin doona booskiisa Nin reer Nayrobi ah oo lagu magacaabo Ina Ciribeey. Xisaabiyaha Gobolka waa la tuurayaa,waxaana lagu badalayaa Nin beeshiisa ah oo Ingiriiska laga soo waariday. Sidoo kale waxaa la badalayaa si buuxda Madaxa Sirdoonka Gobolka Sanweyne Cali Xaashi,waxaana lagu badalayaa Nin hadaba shaqada sii wada. Guud ahaan isbadal weyn,ayaa Gobolka Mudug laga dareemi doonaa maalmaha…

Read More

Ninkaas reer Puntland intaan qol ku xiranay,ayuu iskaaya dhiciyay oo waliba dhibco nagala soo tagay. Xasan waxuu muujiyay in uu yahay khabiir aysan Hawiye Nin ulahayn. Abgaalna waxay xaqiijiyeen in ay weli yihiin Hawiyaha kaliya ee lala shuraakoobi karo. Reer Puntland hadaan nahay Abgaal waa lama taabtaan gaashaan buursigoodu ee yaan lagu degdegin. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

“Aan dadka ka qosliyee oo hala yiraahdo Suldaanka iyo Ra’isalwasaaruhu waa is arkeene ,waxaa goobta fadhiya R’isalwasaarihii deeqsiga ahaa”Suldaan Garaase,ayaa sidaa yiri.. Hadalkaasi ma qurux badnayn mana ahay Isin reer Puntland in uu ka hor yiraahdo madal Somali hormuudkeed iskugu timid. Suldaanku hadalka waa yaqaanay,balse kaasi waa ka dhacay. Dad badan,ayaa qaba in aysan kuba haboonayn in Suldaanku nacfi soo hadal qaado si walba oo xaalku yahay.

Read More

Maanta waxaa dib u dhac ku yimid munaasabadii lagu saxiixi lahaa Xirmooyinka ceelasha shidaal ee Xeebaha Baraawe iyo Hobyo. Munaasabadan oo ay goobjoog ka noqon lahaayeen RW Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed,ayaa waxaa saxiixi lahaa Wasiirka Batroolka C/rashiid Maxamed. Xaflada Saxiixeeda dib ayay udhacday maalinta beri ah,waxaana soo baxaya warar sheegaya in uu soo kordhay culeys dhanka habraacyada loo marayo saxiixa heshiiskaas iyo qaabka loo waafajinayo arrimaha deyn cafinta ee shuruuda Hey’adda IMF, waxaana arrintaas loo saaray Gudi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle. Heshiiskan waxaa aad uga hor yimid Hay’adaha World Bank, IMF iyo Wasiirka Maaliyadda Beyle. Shirkadaha…

Read More

Kate Foster,ayaa Dowlada UK u magacawday in ay noqoto safiirka UK ee dalka Somaliya. Kate oo heyasata abaalmarinta sare UK ee OBE waxay mudo ka soo shaqeyneysay qeybo kala duwan oo ka mid ah xukumada UK gaar ahaan waaxda horumarinta caalamiga ah Kate waxay xilka la wareegi doontaa oo shaqadeeda ay rasmi u bilaabeysaa bisha Febaraayo ee soo socota. Waxay badaleysaa Mr Ben Fender oo ilaa 30-Janaayo 2019 ahaa safiirka UK ee Somaliya “Ben Fender has become deeply involved in Somali politics in recent weeks, expressing support for Somalia’s disputed electoral commission, which his government is unhappy with that. Analysts…

Read More

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna kusimaha madaxweynaha mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha amniga Jubbaland, kaas oo bishiiba mar qabsooma islamarkaana looga hadlo xaaladda Amniga guud ee deegaanada Jubbaland. Sidoo kale waxaa kulanka ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee qaybta ka ah golaha Amniga, Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Jubbaland, Xooga Dalka iyo kuwa howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM. Waxaana kulanka diirada lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhameystirka qorshaha horumarinta Amniga, Xoojinta la dagaalanka Al-Shabaab, Xoreynta…

Read More

Kulankii Madaxtooyada Puntland ka dhacay ee lagu gorfaynayay doorashada dalka waxuu kusoo gabagaboobay is afgarad ah in Shir layskugu yimaado. Mahdi Guuleed oo loo xilsaaray in uu Farmaajo la xiriiro,ayaa fadhigii kusoo ceshay in Farmaajo aqbalay shirka lasoo jeediyay,balse uu codsaday in isagu soo qabto wakhtiga la kulmayo iyo meesha lagu kulmayo. Shirkaas oo ay iskugu imaanayaan madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Madaxweynaha Fadaraalka,ayay ubadan tahay in ka dhaco Dhuusamareeb. Cadaadis waxaa jira xoog badan oo la rabo in xal laga gaaro doorashada. Jibril Qoobey.

Read More

Saxiixa Heshiiska Shidaalka oo ay ka hor yimaadeen World Bank, IMF iyo Wasiir Beyle. Soomaaliya waxaa dib u dhac weyn ku yimid Doorashadii Dalka. Kaddib markii Madaxweyne Farmaajo go’aansaday inuu boobo nidaamka Doorashada. Dalka,ayaa ku jira xaalad adag oo siyaasadeed sidaas awgeed u baahan arrimaha masiiriga ah sida shidaalka inaan lagu deg degin. Madaxweyne Farmaajo,ayaa doonaya in uu heshiis u saxiixo laba shirkadood oo kala ah.. Coastline Exploration (loo yaqaan SOMA OIL)Liberty Oil Labadaas shirkadood midkoodna ma leh farsamo ay ku qodaan Shidaalka badda hoostiisa. Balse waxaa Shirkadahaas u qorsheysan in ay ka sii gadaan shirkado kale Data Dalka. Heshiiska…

Read More

Saakay waxaa xiran Wadada u dhexeysa xarunta NISA ilaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho. Wadadu waxay ka Xiran tahay dhanka iskool Boolisiya,waxaana xiray Ciidanka NISA. Sidoo kale dhanka kale Madaxtooyada Villa Somaliya qeybo ka mid ah,ayaa wadada iyana laga Xirey. Gaadiid Ciidan oo uu wato Fahad Yaasiin,ayaa ugudbay Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade. Ujeedka Wadooyinka loo xiray,waxay tahay soo galbinta Shirkado Shidaal oo saakay heshiis lagula galayo Madaxtooyada Villa Somaliya. Jibril Qoobey.

Read More

Cabdikariin Guuleed oo ku booqday fadhigiisa Garowe Islaan Bashiir Islaan Cabdille Islaan Faarax. Kulanka Islaanka iyo Musharax Madaxweynr Cabdikariin Guuleed waxuu ahaa mid muhiim ah. Islaanka waxaa kaloo booqan doona masnta Madaxweyne Axmed Madoobe,Xasan Shiik iyo Sh.Shariif. Islaan Bashiir,Boqor Burhaan iyo Islaan Ciise waxay hada kuwada sugan yihiin Garowe,iyadoo ay ubadan tahay in ay yeeshaan kulan guud oo marka danbe uu kusoo biiri doono Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Karaash. Jibril Qoobey.

Read More

Maxaa hor taagan dhamaystirka Dastuurka Somaliya?? Caalamka oo idil Dastuurka ugu dhakhsiyaha badan sida loo qoray waa kan dalka Japan? Waxaa qoray afar iyo labaatan 24-Nin oo Mareykan ah. 7-beri gudahood,ayaa lagu diyaariyay,Gabadha keliya ee qeybta ka aheyd waxay qaabilsaneyd turjumada iyo in loo bedelo luuqada dadka Japan-ka. Xafiiska Jeneral Douglas MacArthur oo ahaa Abaan duulihii hogaaminayey Ciidamadii Mareykanka ee qabsaday Dalka Japan,ayaa lagu dhex qoray. Dastuurkaas waxuu ka kooban yahay 103-Qodob. Waa kee Dastuurkii ugu wakhtiga dheeraa qoristiisa iyo diyaarintiisa?? Dastuurka ugu wakhtiga, diyaarinta iyo doodda dheeraa casrigan waa kan dalka Hindiya. Guddi Sadex iyo Toban xubnood ka kooban…

Read More

Waa aqoonsiga Golaha shacabka oo dhabarkiisa dambe ay ku qoran tahay taariikh muujinaysa xiliga uu dhacayo. Taariikhda uu dhacayo,ayaa ah 31-Dec-202,taasoo muujinaysa Sanad dheeriya in lagu darsaday mudo xileedka Xildhibaanada oo ku ekayd 27-kii Dec-2020. Dec sanadkii hore,ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Xildhibaanada qaar loo qaybiyay Aqoonsiyo cusub. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda kulan kula leh Madaxtooyada Villa Somalia Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo maanta ka soo laabtay safar uu ku maqnaa dalka Turkiga. Ilo ku dhow dhow kulanka ka socda Madaxtooyada,ayaa sheegaya in looga hadlayo xaalada siyaasadeed gaar ahaan arrimaha cakiran ee doorashooyinka. Wada hadalada caawa u bilowday Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed waxaa la filayaa inuu ku soo biiro Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo maalinta berri ku soo wajahan Muqdisho. Jibriil qoobey

Read More

Goldogob waxaa xalay soo galay Cabdiweli Qurux oo ka tirsan Gudiga Doorashada lagu muran san yahay ee Farmaajo magacawday. Cabdiweli waa xubin Gudiga Doorashada lagu muransan yahay ka mid ah,waxaana kusoo daray Xildhibaan Cabdirashiid Daahir Gaboobe oo ku dhow Villa-da. Ujeedka uu u yimid waa in uu beelaha abaabulo oo ay ka hor yimaadaan Dowlada Puntland iskoodna olale udiyaarsadaa. Beri,ayuu Cadiweli Qurux shir ku qabanayaa Goldogob,kaasoo Odoyaasha Beelaha,Haweenka iyo Dhalinyarada,si ay taageero ugu muujiyaan Farmaajo iyo Gudigiisa Doorashada. Guud ahaan Gudiga doorashada lagu muransan yahay ee Farmaajo waxaa loo kala diray Deegaamada ay kasoo kala jeedaan. Maamulka Degmada iyo Taliska…

Read More

ILMO FARMAAJO IYO GANACSIGA QAADKA Somalia 🇸🇴 ka ganacsiga Qaadku ama Jaadku waxaa uu soo jiray muddo dheer. Waxaa uu ahaa bilowgii ganacsi ceebeed. Horaantii wax xun bay ahayd in dadka sharafta lihi ka ganacsadaan ama xitaa cunaan. Qaadka Koofurta Somalia waxaa uu ka imaan jiray Kenya 🇰🇪 halka Qaadka Waqooyigu ka imaan jiray Ethiopia 🇪🇹 . Dowladda Madaxda uu ka yahay FARMAAJO ka hor, Qaadk Kenya laga keeni jiray ayaa waxaa ka ganacsan jiray 22 shirkadood oo Somali & Somalia Kenya leeyihiin. Waxaa dalka imaan jiray maalin walba celcelis ahaan ilaa 20 diyaaradood. Waxaa dalka soo geli jiray ugu…

Read More

Duqii Gaalkacyo ee shaqada laga joojiyay waxuu wadaa xod-xodasho uu Hanti dhawrka ku laalushayo si shaqada loogu soo cesho. Hanti dhawrka,ayuu min 300$ siiyay ragii ka socday ee loo xil saaray baarista Hantida ku maqan. Saahid waxuu qorshaynayaa in Hanti dhawrku beri soo saaraan warqad ay dib ugu fasaxayaan shaqadiisa. Arinkan waxaa si hoose ula wada Dhabancad Wasiirka A.Gudaha. Shacabka Mudug oo aad uga caraysan warkan oo soo baxay 24-kii saac ee lasoo dhaafay,ayay ubadan tahay in caradoodu Kacdoon shacab isku badasho. Saahid markii uu khasnada D.Hoose soo xaalufiyay,waxuu usoo gudbay Lacag xoog leh oo loogu tala galay la dagaalanka…

Read More

Madaxtooyada Puntland waxaa ka socda kulan muhiim ah oo iskugu yimaadeen madaxda Dowladaha Puntland,Jubaland,Galmudug,labada Gudoon ee Baarlamaanka iyo R-xigeenka. Sidoo kale waxaa qayb ka ah kulanka Musharixiinta xilka Madaxweyne Fadaraalka. Kulanka waxaa looga doodayaa arimaha doorashada,iyadoo uu jiro dareen ah in kulankan aan lagu kala kicin oo xal lagu gaaro. Cadaadis waxaa jira lagu saaarayo Farmaajo in uu Garowe tago oo ay wadaan beesha caalamka iyo madaxda Somalida. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaan ka faa’iidnay xogta ah in Ciidanka Dowlada loo kala qaybiyay Qaran iyo Tuugo. Waliba in Ciidanka Alshabaab la dagaalay ee u badan qabiilka Hawiye lagu sheego tuugo. Kuwo Caabudwaaq, Buuhoodle, Gedo iyo Goldogob laga keenay laga dhigo Ciidan Qaran. Arrintan waxay ahayd inayvka hadlaan Madaxda Hawiye ee xilka haysa ama hayn jirtay ee kala ah….. Kheyre Qoorqoor Waare Guudlaawe Ducaale Finish. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More