Kala iibsiga Hubka ee Suuqyada Muqdisho oo cirka isku shareeray. Baqdinta ugu weyn ee jirta waa in doorashadu dib udhacdo dalkuna galo xaalad dagaal sokeeye 30-sano kadib.
Author: Jibril Qoobey.
Guuleed Saalax waa ku degdegay in uu booskan umagacaabo Faysal Barre. Shaqooyinkan oo kale qof Wadaniyadiisa la hubo,ayaa loo dhiibaa. Hadii Ninku ubaahnaa meel uu mushahaar ka qaato in si kale loo meeleeyo ayay ahayd!!!
Waxaa loo sheegay in uu marka hore marinadii Diblomaasiyada soo celiyo. Waxaa la xasuusiyay in uu jaray xiriirkii diblomaasi kuna dhawaaqay dagaal. Waxaa la tusay jawaabihii Kenya ee asluubaysnaa ayna ka muuqatay masuuliyad iyo bisayl. Waxaa lagula taliyay Farmaajo in uu marka hore wax saxo isagu dibna xaalada caadi ugu soo celiyo,markaas kadibna IGAD ay doorkeeda qaadanayso. Shirka waxaa diirada ugu weyn la saaray arimaha Itoobiya iyo Sudan. Jibril Qoobey.
Dowladda Taliyaaniga,ayaa maanta Dowladda Puntland soo gaarsiisay Gargaar loogu talo galay in lagu caawiyo dadkii ay saamaysay duufaanta GATI ee ku dhufatay Gobolka Bari ee Dawladda Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland Axmed Cismaan Karaash waxa uu maanta degmada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ka daahfuray Shirka U Qareemidda Adeeg Bixinta Baahsan ee Barnaamijka horumarinta degmooyinka Puntland (JPLG).
Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Mohamed Xuseyn Rooble,ayaa hoygiisa Gaalkacyo salaan sharafeed ugu tagay Islaan Bashiir Islaan Cabdille oo ay ka wada hadleen kaalinta dhaqanka ee nabadeynta iyo isku haynta bulshada.
Isku aadka Koobka Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Gobolka Banaadir. Qolooyinka ka socda Puntland iyo Jubaland ilaalinta Dastuurka waa in aysan hilmaamin!!
Madaxweyne Axmed Madoobe waxuu ku sugan yahay Kismaayo mana aadin Nayrobi sida ay wireen warbaahinta taageerta Nabar iyo Naxdin. Dhanka kale waxaa jira safar uu kusoo aadi doono Garowe maalmaha soo socda. Jubaland si weyn ayay ugu diyaar garowday iska caabinta gardarada Fahad ee adeegsiga Farmaajo. Jibril Qoobey.
Maxamed Cabdirisaaq sidee u khiyaamay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf??? “Somalia’s Government Teeters on Collapse” By Jeffrey Gettleman March 29, 2008 MOGADISHU, Somalia � The trouble started when government soldiers went to the market and, at gunpoint, began to help themselves to sacks of grain last week. Islamist insurgents poured into the streets to defend the merchants. The government troops took heavy casualties and retreated all the way back to the presidential palace, supposedly the most secure place in the city. It, too, came under fire. Article(ka) New York Times:Mincaha siyaasadeed Waa sidan… “Dawladda aan Anigu madaxtooyadeeda maamulo waa ka gardaran tahay…
Wasiirka Amniga Jubaland oo ujawaabay Farmaajo iyo kooxdiisa. Cabdirashiid Janan waxuu sheegay in Jubbaland aysan waxba ka khuseyn xiriirka ay Villa Somaliya u jartay Kenya,hoos ka dhagayso. Halkan ka daawo muuqaalka
Rooble beri galab in uu ka baxo Gaalkacyo oo dib ugu laabto Xamar ayay ubadan tahay. Madaxweyne Deni waxay ubadan tahay in uu ka baaqdo Gaalkacyo boqolkiiba todobatan. Qaraxii shalay Ninka fuliyay ee ismaadimiyay waxuu udhashay beesha Sacad reer Hilowle. Ilaa iyo hada waxaa la xaqiijiyay in muran ka dhex jiray maamulka Galmudug ee Baraxley iyo Ciidanka Qooje watay,iyadoo laysku qabtay sugida amniga Ra’isalwasaaraha. Ciidan ay diyaariyeen Maamulka Baraxley,ayaa laga saaray garoonka Kubada Cagta taasoo keeni kartay fursad ay ka faa’idaysan kareen argagixisadu. Sidoo kale Ciidanka markii danbe la wareegay amaanka garoonka Kubada Cagta ee Baraxley ee dadka baarayay waxay…
MADAXWEYNE DENI OO DEGMADA BALLI-DHIDDIN U MAGACAABAY GUDDOOMIYE IYO GUDDOOMIYE KU-XIGEEN KU-MEEL-GAAR AH. Garoowe: 19, December, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Lambar Lr-48 ugu magacaabayGuddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen ku-meel-gaar ah degmada Balli-dhiddin ee Gobolka Bari. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Markuu garowsaday: in ay dhammaatay mudo xileedkii Golaha Deegaanka Degamadda Billi-dhiddin, walinna aysan suurto gelin in la dhiso Gole deegaan oo cusub. Markuu tixgaliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Maxamed Axmed Muumin si ku-meel-gaar…
Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay wefti uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Malawi,Eisenhower Nduwa Mkaka oo safar shaqo ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland. Kulanka waxa lagaga wada hadlay xiriirka Somaliland iyo Malawi oo ah mid bilow ah oo umuuqda iska dhoolatus iyo farsamo kale mid ku yimid. Malawi mahan dal saamayn leh oo wax kusoo kordhin kara qadiyada gooni goosadka ah ee Somaliland. “Dalkii aan booqano ama na booqda xiriirka ha ujaro Farmaajo waa istiraatijiyad siyaasadeed oo aan helnay”Sidaa waxaa tiri Somaliland. Farmaajo saakay muxuu ka samayn doonaa Malawi??? Jibril Qoobey.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa u duulay dalka Djibouti. Madaxwaynuhu, waxa uu ka qayb galayaa shirka urur goboleedka IGAD oo ka furmaya magaalada Djibouti, sidda uu ballanku ahaa. Somalia ayaa horre ugu gud-bisay IGAD warqad ay kaga cabanayso Kenya. Shirka ayaa lagaga wadda hadli doonaa khilaafka u dhaxeeya Kenya iyo Somalia iyo arrimaha Ethiopia ee ku aaddan khilaafkii TPLF iyo dawladda dhaxe. Ka hor inta uusan bixin waxuu soo saaray warqad uu kaga ashtakoonayo faragalin uu sheegay in Kenya ku hayso Somaliya. Danbiga ugu weyn ee Kenya loo haysto waxuu yahay… “Maad fududaysid reer Diini…
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa lagu soodhoweeyay magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Soo dhoweynta Madaxweyne ku-xigeenka Puntland waxaa ka qeybgalay xubnaha goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka, kan degmada, Saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Boosaaso.
MADAXWEYNAHA OO DEGMADA QANDALA U MAGACAABAY GUDDOOMIYE IYO GUDDOOMIYE KU-XIGEEN KU-MEEL-GAAR AH. Garoowe: 19, December, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Lambar Lr-62 ugu magacaabay degmada Qandala Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen ku-meel-gaar ah. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Markuu garowsaday: In uu dhintay Guddoomiyihii Degmada, walina aysan suurto galin in la dhiso Gole Deegaan oo cusub. Markuu tixgaliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Axmed Yuusuf Maxamed (Khuurshe) si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Qandala.Waxaa…
Dowlad goboleedka Jubbaland oo warsaxaafadeed kasoo saartay faragelinta iyo khal-khalka amni ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo gobolka Gedo ee Jubbaland, ayaa sheegtay in cawaaqib xumada ka dhalata dhibaatada ay DFS ka waddo gobolka Gedo uu masuuliyadeedda dusha saaran doono Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaadka yahay ee DFS. Jubaland waxay ku wargalinaysaa umadda Soomaaliyeed “ Kenya iyo Soomaaliya waxay leeyihiin xudduud dhan 860km ee ma 7KM ee u dhaxeysa Malkaariyey iyo Baladxaawo ayay dawladda Soomaaliya ka difaaceysaa Kenya. “ Hadal gar ah.
Reer Axmed,Reer Xasan,Reer Ugaas Sharmarke,Talxe iyo Awrarsame oo ka midaysan gardarada Farmaajo iyo damaca beeshiisa gaar ahaaneed,ayaa udiyaar garoobay dagaal ay dib ugu xoraysanayaan dhulkooda Gobolka Gedo. Beelahan oo kaashanaya garabna ka helaya Ciidamada Jubaland,ayaa kusii jeeda Degmooyinka Luuq,Baardheere iyo Garbahaarey,waxayna hada ku diyaarsan yihiin duleedka Beledxaawo. Jubaland waxay dib uxorayntan ku xoojisay Ciidamo gaaraya 1200 oo Askari iyo 60-Tikniko ah. 5-ta maalmood ee soo socota ayay ubadan tahay in ay bilaabato dib uxoraynta Gedo. Farmaaajo danta reer Diini,ayuu rabaa in uu ubadalo danta Qaranka,balse nasiibdaro Dadku waa soo jeedaan!! Jibril Qoobey.
Caawa waxaa la hakiyay shaacinta Agaasimayaal Guud iyo Gudoomiyayaal xilalka laga qaadi lahaa iyo kuwo kale oo la magacaabi lahaa. Sababta loo baajiyay waa dhacdada Gaalkacyo ka dhacday danqasho loo muujinayo darteed. Ma cada goorta lasiin dayn doono wareegtadaas. Jibril Qoobey.
Madaxweyne xigeenka Puntland Axmed Karaash beri waxuu ku kala hayaa Bosaso hadii rabi idmo. Bosaso waxaa ka dhico doona Shir muhiim ah oo ku saabsan Mashruuca JPLG. Shirka JPLG waxaa sanadkan loo wareejiyay Bosaso in uu ka qabsoomo. Jibril Qoobey.
Dhaqaalihi Midowga Yurub uu ku taageeri jiray Dowlada Fadaraalka Somaliya oo laga joojinayo.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Duqa Magaalada Gaalkacyo shaqada way banaynayaan caawa ama beri hadaan wax isbadalin,sida wararku sheegayaan.
Madaxweyne Deni waxay ubadan tahay in uu beri soo gaaro Gaalkacyo sida ilo muhiim ah sheegayaan. Deni iyo Rooble waxay yeelan doonaan kulan gaaban,sida la ii sheegay. Kulankaas kadib Rooble waxuu uduuli doonaa Muqdisho sida wararku sheegayaan. Guud ahaan qaraxu waxuu badalay qorshihii Rooble ee safarkiisa Gaalkacyo. Jibril Qoobey.
Ra’isalwasaare Rooble iyo Qoor-qoor waxaa laga soo kaxeeyay Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo. Labadoodaba waxaa la keenay Guriga Madaxweyne Gaas oo hada amaankiisa la adkeeyay. Wasiirka Arimaha dibada oo daganaa Guriga Gaas,waxaa loo raray Hotel Sugulle Gaalkacyo. Jibril Qoobey.
Geerida Saraakiisha waa 12 oo uu ku jiro Qooje oo naf baxay hada. Sidoo kale Shacabku waa 8-Qof Dhimashada. Saraakiisha ugu Magaca Wayn waa 2-ba Habar Gidir ah Qooje, Moorshe, iyo 2-Mareexaan ah oo uu ka mid yahay Mukhtaar Gaadaale. Inta kale waa Saraakiil hoosaad Ciidamada 21-aad & Danab iskugu jira. Guud ahaan Saraakiisha geeriyooday waa 7-Habargidir ah iyo 5-Mareexaan ah. Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Jibril Qoobey.
Qooje Dagaari waa nool yaha dhaawac culus,ayaa gaaray oo waa soo naaxay hada,waxaana loosoo qaadayaa dhanka Puntland ee isbitaalka Dhagacade. Intaas waxaa ii xaqiijiyay Ciidamada amaanka Puntland. Sidoo kale Taliye ku xigeenkii Ciidanka Danab ee Galmudug Marsho Mire iyo Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka 21-aad oo la yiraahdo Baar raaf,ayaa iyagana la xaqiijiyay geeridooda.
Ciidamada PSF ee Puntland oo la wareegay amaankii Ra’isalwasaare Rooble,iyadoo loosoo qaaday Madaxtooyada Gaalkacyo. Sidoo kale goobta Qaraxu ka dhacay waxaa ugurmaday Ciidanka amaanka Puntland. Qaraxa waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay ilaa iyo hada 7-sarkaal oo iskugu jira Ciidamada Danab iyo 21-aad. Qaraxu waxuu ahaa mid qorshaysan oo bartilmaameedkiisu ahaa Rooble iyo Qoor-qoor oo waxyar dib dhacay. Qaraxa shaki weyn,ayaa ka jira sida uu ufulay.
Rooble ilaa iyo hada war cad lagama hayo kaliya,waxaa la og yahay in lagu soo dhawaynayay Makarafoonka. Goobta qaraxu ka dhacay waa garoonka Kubada cagta ee Baraxley oo uu dad kula hadli lahaa. Dadka dhintay waxaa ugu miisaan culus inta la xaqiijiyay Duqii hore ee Gaalkacyo Tumey iyo Talyihii Ciidamada 21-aad Qooje Dagaari. Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Jibril Qoobey.
Hadii hadal macno leeyahay oo looga hadlay arinka Kenya iyo xaalka Farmaajo,waxaa soo koobay Prof.Xasan Shiikh,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam,ayaa saaka Xarunta Madaxtooyada kulan sagootin ah kula qaatay xulka kubada cagta Jubaland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis,ayaa soo bandhigtay Adeega Sahal oo ay ku soo kordhisay Shilin Soomaali. Waa mid ka mid ah Amaradii Madaxweyne Deni ee lagu xakamaynayay Sicirka Dolar-ka,hoos ka daawo muuqaalka.. Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaan rajeynayaa in Madaxweyne Maxamed Farmaajo uu muujiyo biseyl la mid ah tii Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay muujiyeen doorashooyinkii 2012 iyo 2016. Soomaaliya waxay u baahan tahay tanaasul ee ma ahan iska horimaad.
MADAXWEYNAHA OO SHIR GUDOOMIYAY KULANKA GOLAHA XUKUUMADA. Kismaayo, 17, December,2020- Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo ay kasoo qeyb galeen Xubnaha golaha oo uu kamid yahay Madaxweyne ku xigeenka koobaad. Ugu horayn Wasaarada Maaliyada ayaa golaha usoo bandhigtay miisaniyada Sanadka 2020-2021 iyadoo akhrin iyo ka doodis dheer kadib ay golahu ansixiyeen waxaana miisaaniyadu ay dhan tahay 25,032,449,70 taas oo ka kala imanaysa meelo kala duwan. Waxaa kale oo golahu uu doodii ugu danbaysay ka yeeshay xeerka Cusub ee hormarinta Jubaland oo ay soo gudbisay Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah waxaana…
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland waxay cadeynaysaa in xilka qaadista Gudoomiyaha Degmada Dhahar uusan ahayn mid loomaray sifo waafaqsan qawaaniinta iyo habraacyada sharciyadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee ku xusan sharciga Law Number-7 iyo xeer hoosaadka lagu maamulo golayaasha Degmooyinka Puntland. Sidaas darteed Wasaaradda waxay ku wargalinaysaa dhamaan inta ay warqadaan sida tooska uga socoto iyo inta ogaysiinta kulehba in go’aanka xubnaha Golaha deegaanka Degmada Dhahar ay 16 December 2020 ku sheegeen inay xilka Gudoomiyenimo kaga qaadeen Gudoomiyaha Degmada Dhahar uusan ahayn mid loomaray sifo waafaqsan qawaaniinta iyo habraacyada sharciyadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee ku xusan sharciga…
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali oo dhacdadii shalay Xuduudka ku dhexmaray Ciidamada Suudan iyo Itoobiya ka hadlay,ayaa sheegay In dowlada Itoobiya ay si dhaw ula socoto dhacdadaas. “Dhacdooyinka noocan oo kale ah ma Jabin doonaam Xiriidhka udhexeeya Labadeena Wadan, maadama aanu had iyo Jeer Wadahadal u Isticmaalno arimahan si aan u Xalino”.Ayuu yiri Abiy.
Masar waxay Dowlada Somaliya kadal batay in ay la shaqayso,lana heshiiso imaaratka iyo Sucuudiga,isla markaana hoos udhigto xiriirka Ethopia iyo Qatar ay hoos udhigto. Masar waxay si qayaxan ugu sheegtay hadii Dowlada Somaliya ay ka dhaga adaygto dalabkeeda in ay toos utaageeri doonta mucaaradka. Masar dalabkeeda waqti xasaasi ah,ayuu kusoo beegmay. Xarunta Wasaarada Arimaha dibada Somaliya Muqdisho,ayuu kulan ka dhacay. Waqtiguu ahaase lama sheegin lamana shaacin maadaama ilaa hada waxba laysku afgaran oo wada xaajoodku socdo. Jibril Qoobey.
Xulka kubada cagta Dowladda Puntland oo maanta ka amba baxay magaalada Garowe,ayaa gaaray Magaalada Muqdisho oo ay ka bilaaban doonaan ciyaataha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Gobolka Banaadir.
Waa udigaynaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Nuur yare Kamas. Waa la soconaa in aad Doraad kula shirtay Hotel Five Star Baraxley Axmed Khayre Xoghaynta Rooble oo uu kaa codsaday in aad u abaabusho 200 dhalinyaro reer Pl ah Calamana usoo dhiibto si Dadka Rooble uga hortagaya Bandiiradley ay uga qayb noqdaan. Sidoo kale waxaa lagaa dalbaday in aad Rooble si lama filaan ah ugu keento Islaan Bashiiir. Nabadoonada Beelaha in aad iyagana ugayso,ayaaa heshiiska lagula galay ka mid ah. Gudoomiye kala saar Xiditinimada iyo shaqada!!! Kala saar hankaaga Xamar iyo Gudoonkaaga Mudug ee Puntland!! Ilaali danaha,qiyamka,masiirka Umada reer Puntland ee…
Garoowe : 17 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta sagootiyey xulka kubadda cagta ee Puntland oo ka qeybgalaya tartanka Dowladdaha xubnaha ka ah DFS ee ka furmaya Muqdisho. Madaxweynaha ayaa u rajeeyay ciyaartoyda Puntland inay guulo kasoo Hooyaan tartankam, oo Puntland hore ugu guuleysatay marna ay kaalinta labaad gashay.
Garoowe : 17 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka 23-aad ee Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland. Kulanka oo Madaxweynaha uu ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa looga hadlay xaaladda degmooyinka Puntland, Saameynta duufaanta GATI, Ansixinta Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Hab-raaca samaynta siyaasadaha Hay’addaha Dowladda. *Golaha ayaa ka dooday kadibna ansixiyey soo-jeedinta Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta ee wareejinta degmada Xaafuun, oo lagasoo wareejiyay Gobolka Karkaar lana hoosgeeyay Gobolka Bari. *Golaha Wasiirada ayaa ka dooday oo ugu danbeyna ansixiyey Hab-raaca samaynta siyaasadaha Hay’addaha Dowladda, oo todobaadkii hore ay…
Waxay ku leeyihiin Cumar Maxamuudnimo halagu soo dhaweeyo!!! Waligiis Gabar wax maku taray hiil Cumar Maxamuud?? Waligii qadiyad Cumar Maxamuud leeyahay ma usoo istaagay?? Maalmaha hada uu ahaa Wasiir dibadeedka laba Qof,ayuu magacaabay oo ukala diray Kenya iyo Turkiga,waana Habargidir iyo Abgaal!! Cabdisiciid oo Farmaajo kabaha uqaada,ayaa galbinaya!! Sonkor Jaamac Geyre oo Ilkihiisii daryeelan waayay oo ay la weyn tahayba maalmaha qadada iyo Qaadka baa daba sabcinaya!! Ina Dhiig Sokeeye oo Dowladii Adeerkii ee uu ka ahaa Talyaha Madaxtooyada iibsan jiray kana Lacag qaadan jiray Maxkamadihii xiligaas lala dirirayay,ayaa ka mid ah kuwa galbinaya!! Shacabka Mudug wax badan iswaydiiya waliba…
Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu cadaynayaa in Madaxweyne Farmaajo uu qaadayo masuuliyadda ka dhalata daandaansiga dagaal iyo kicinta xaaladda colaadeed ee lagu qalqalaniyo aminga dalka guud ahaan iyo gaar ahaan midka hoggaamiyayaasha midowga murashaxiinta. Halkan ka akhriso warqada
Xoosh waa soo dhigtay markay ku filnaan wayday olalihiisa lacagihii kale ee uu k dhici jiray Garoomada diyaaradaha Puntland. Waa qorshe cusub oo dadka lagu baaranayo ugu danbayna sababi doona in garoonku xirmo oo shaqadiisu istaagto. Xoosh horay,ayuu garoonka Gaalkacyo usoo xiray oo Shirkada HRM kula shirkoobay lacag dul saar ahayd,taasoo keentsy in uu xirmo garoonku. Shacabku yaysan bixin lacagtan sida tooska ah ugu dhacaysa jeebka Xoosh.
Madaxweyne Axmed Madoobe dib,ayuu ugu soo laabtay Kismaayo maanta. Madaxweynuhu waxuu isku soo maray dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya,isagoo kula soo kulmay madaxda dalalkaas. Kismaayo waxaa qorshaysnaa in madaxda Somalidu iskugu tagto ,balse hada waxay umuuqataa in uu baaqday. Jibril Qoobey.
Farmaajihii Xil-Jaaliyadeed laga qaadi waayay miyaa mid ka sareeya in uu wareejiyo laga sugayaa?! Maamul Jaaliyadda Soomaalidu ku lahayd magaalada Buffalo ee dalka Maraykanka ayaa sanadkii 2005 Gudoomiye u doortay Madaxweyne Farmaajo. Muddo xileedkiisu wuxuu ahaa 2 sano. August 2007 ayaa doorasho looga adkaaday Farmaajo, kaddibna wuxuu diiday in uu aqbalo natiijadii doorashada iyo in uu xilka wareejiyo isagoo marmarsiiyo ka dhigtay habraacii doorashada loo maray in uusan saxnayn. Sidaas ayaana maamulkii Jaaliyadda ku burburay. Dhacdadaan la yaabka leh ayaa waxa iiga sheekeeyay mas’uuliyiin katirsanaa maamulkii burburay ee Jaaliyadda iyo dad kale oo goobjoog u ahaa dhacdadaan. Haddaba, sidee nin…
Xasan Shire waa mudan yahay in lagu bogaadiyo shaqadan sida uu uga soo dhalaalay. Baahiyaha ugu weyn ee Puntland haystay ayay kow ka ahayd dib uhabaynta Ciidamada. Boqolkiiba Todobaatan dib uhabayntu waa hirgashay. Ugu yaraan 4-Guuto oo Ciidamada Daraawiishta ah diyaarsana ayay Puntland yeelanaysaa bilo kadib. Dugsiyada tababarka Ciidamada Abqaale iyo Godod,ayaa waxaa hada ku jira 860-Askari,kuwaasoo dhawaan soo aflixi doonaan. Sidoo kale Booliska,ayaa iyaguna meel fiican maraya. Puntland horay waxaa ugu diyaarsanaa Ciidamada Badda,PSF iyo Asluubta. Jibril Qoobey.
Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya inuu dhex dhexaad ka noqdo arrimaha la xiriira doorashada Soomaaliya, iyagoo sheegay inay ka xun yihiin in Safiirka uu taageero iyo boggaadin u muujiyo Guddiga doorashada heer Federaal ee lagu muransan yahay. Safiirka Turkiga Mehmet Yilmaz ayaa shalay Xarunta Safaaradda Turkey ee Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray Telefishinka iyo Idaacada Dowladda Puntland, wuxuuna warbixin ka dhegaystay Ku-simaha Agaasimaha Guud, Ahna Agaasime Kuxigeenka Telefishinka iyo Idaaca,dda Dowladda Mudane Daahir Cabdulqaadir Axmed (Daahir Aflow).
Sida dad badan oo haldoor ah una damqanaya danta guud ee Umada Somaliyed uga hor yimaadeen go’aanka Villa Somaliya ee xiriirka loogu jaray,ayaa Prof.Samatar ugu biiray haldoorkaas. ” Wax guul ah lagama gaari doono xiriir jarida Kenya sababtoo ah markaa doonaysid in gaashan samaystid waa labo mid in aad haysatid Ciidan xoog badan oo aad dalkaas iskaga difaacdid iyo in aad haysid Siyaasad dadkaagu ku midaysan yahay Soomaaliya midna ma haysato labadaas”Ayuu yiri Pro.Samatar. Inta badan Bulshada Somalida,ayaa qaba in aysan sax ahayn in danaha Fahad Yaasiin iyo midka Beesha Madaxweynaha in danta Qaranka lagu dabakho. Jibril Qoobey.
Dowlada Kenya,ayaa ugu jawaabtay Nabad iyo Nolol si asluubaysan oo bissyl iyo masuuliyadi ka muuqato. Afhayeenka Dowlada Kenya war usoo saaray,ayuu kaga jawaabay talaabadii Villa Somaliya. “Ma sameyn karno wax la mid ah wixii ay Soomaaliya sameysay,hadii aan sidaa yeelno waxay umuuqataa aargudasho,waxaan u ogolaan doonaa IGAD iyo Comesa in ay la wareegaan howshan, ”ayuu yiri Cyrus Oguna, Afhayeenka dawladda Kenya. Dad badan,ayaa u arka talaabada Farmaajo iyo Fahad ku dhaqaaqeen masuuliyad daro,fudayd iyo ilaasasho dano gaar ah.
Beesha Caalamka ayaa bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ayaa waxay ku baaqeen baahida loo qabo inay kulmaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, iyagoo walaac ka muujiyay is afgaran waaga hadda ka taagan hirgelinta doorashooyinka 2021. “In la billaabo hannaan is barbar socda ama in la isku qasbo guddiyada maareynta doorashada ee lagu muransan yahay ee aan buuxin shuruudihii lagu heshiiyey waxay wiiqeysaa sharcinimada hannaanka doorashada waxayna abuureysaa xasillooni darro”ayaa lagu yiri bayaanka. Waxaa ay ku baaqeen is afgaran waaga taagan in lagu xalliyo qaab ixtiraamaya heshiiska siyaasadeed ee la gaaray 17 bishii September iyo hab maamuusyada…
Madaxweyne Deni waxay ubadan tahay in uu bilaabo safaro uu ku tagayo Gaalkacyo,Adis-ababa iyo Nayrobi maanta iyo waxii ka danbeeya. Gaalkacyo waxay ku kulmi doonaan sida loo badinayo Qoor-qoor iyo Rooble Adis-ababa waxaa casumay Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Kenya waxuu uga qaybgeli doonaa kulan siyaasadeed muhiim ah oo 25-ka bishan lagu balamay.
Maanta waxay abaabulaan Nabar iyo Naxdin laba arimood in ay sameeyaan.. 1.Mudaahaaraad Gobolka Banaadir soo abaabulo oo lagu soo saaro Barakacayaasha,iyadoo calaa Qof la siin doono min 10$., Mudaaharaadka waxaa lagu taageerayaa arinta Kenya ay xiriirka ugu jartay Nabar iyo Naxdin. 2.Waxay kaloo soo saari doonaan go’aan kale oo Kenya ka dhan ah oo ay ku leeyihiin waa in ay Ciidankeeda kala baxdaa Somaliya,Deegaamada JL waa goob cadow haysto. Qodobadaas maanta in ay fuliyaan ayay ubadan tahay Nabar iyo Naxdin. Jibril Qoobey.
Goobtu waa Kenya waana doorashadii hore 2016. Maanta Kenya waa cadow sida ay noo sheegayso Nabar iyo Naxdin. Sawiradan waxaa ku jira madaxa Sirdoonka Qatar ee Somaliya iyo NISA Fahad Yaasiin. Kenya sababta Fahad ula dagaalsan yahay waxaa qayb ka ah Lacag kaga xayiran Nayrobi oo uusan filayn in laga hakinayo oo Dowlada Kenya aysan faragalinayn Bangiyada gaarka ah. Lacagta Fahad waxay sababtay in mustaqabalka Dalka khatar loo galiyo. Jibril Qoobey.
Musharaxiin,Siyaasiyiin iyo masuuliyiin xilal haya oo Somaliyed waxay Shir ku yeelan doonaan Nayrobi. Kulankoodu waxuu daaran yahay laba arimood oo kala ah… 1.In Shacabka Kenya ee aan Walaalaha nahay loo muujiyo wanaag iyo darisnimo. 2.Kulan iyaga danahooda siyaasadeed ugaar ah. 2016-kii Nayrobi waxay ahayd Saldhiga musharaxiinta iyo olalaha doorashada Somaliya. Maanta Farmaajo waxuu rabaa in uu doorashada ku galo Wadaniyad Kenya ku wajahan. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Safaarada Turkiga ee Somaliya oo la gaarsiiyay cabasho ku aadan Hub fara badan oo Ciidanka Haramcad ay ugudbiyeen. Hubkaas oo Turkigu usiiyay Ciidankaas la dagaalanka argagixisada,balse si khaldan loo isticmaalay. Shalay banaanbaxayaashii waxay Ciidanka Haramcad u isticmaaleen Rasaas fara badan. Halkan ka akhriso Warqada!!! Date: 12 Dec 2020 To: Mehmet Yılmaz,Ambassador of Turkey in Somalia Your Excellency, The Council of the Presidential Candidates’ Union is deeply concerned about a planned delivery of weapons and ammunitions from the Turkish government to the Harma’ad unit of the Somali Police Force at this sensitive time. The council has learned that a Turkish military…
Madaxweyne Deni fariintan uhako!! Cid kaleba yeelkeede Wasiiradaada u ogolow in ay kula kulmi karaan xiliyada munaasibka ah. Ka qabo Taleefoonada oo uga jawaab celi xogaha muhiimka ah ee ay kuugu soo dirayaan Whatsap-kaaga. Shalay waxaa laga celiyay Madaxtooyada Wasiirkii Arimaha Gudaha. Waxaa fariintiisa ah in uu kula kulmo lagu soo gaarsiiyay Lugatoor Wasiirka Duulista oo aad diiday in aad la kulanto. Madaxweyne hadaadan la kulmayn Wasiiradaada,haldoorka Bulshada,Sirdoonka,Dadka xogaha hela see rabtaa in aad wax ku hogaamiso??? Wasiiradaada hadaadan ku kalsoonayn oo aad saluugsan tahay iska badal shacabkuba dareenkaas waa kula qabaa!! Hadii kale Wasiirkaagu yuusan cadow kugu noqone qiimee…
Saakay Golaha Wasiirada waxay saxiixayaan Akoonka midka ah ee Dowlada Puntland yeelanayso. 18-ka Wasiir iyo Agaasimayaashooda,ayaa fadhiya,waxaana goobjoog ka ah Madaxweyne Deni. Akoonka midka ah waxuu noqon doonaa guud ahaan dhaqaalaha soo gala Dowlada iyo kan baxa noocuu rabo ha noqdee in halkaas ay mari doonaan. Marka la saxiixo kadib waxaa xaaraan noqon doonta Akoon gaar ah oo Wasaaradi leedahay. Waa talaabo xoojinaysa Dowladnimada Puntland. Jibril Qoobey.
Qoddobada ay ku heshiiyeen Kenya iyo Somaliland!!! 1.In Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa Bisha March ee sanadka 2021, isla markaana kor loo qaado xafiiska Somaliland ee Nairobi. 2.In Diyaaradda Kenya Airways ay duulimaad toos ah ka bilowdo bisha March Somaliland. In laga bilaabo bisha March dadka reer Somaliland ay garoonada diyaaradaha ee Kenya ka heli doonaan dal-ku-galka Kenya “On arrival” sidoo kalena ka goosan karaan Internet-ka. Madaxweynayaasha abada dal waxay isla garteen in ay is waydaarsadaan arimaha horumarinta sida… B.Ardayda T.Dhakhaatiirta J.kal-kaaliyayaasha caafimaadka X.khubarada Beeraha iyo xirfadlayaasha kale. Waxaa xusid mudan in Muuse Biixi uu ku yimid casuumad…
