Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu si kulul u canbaaraynayaa rasaastii ay ciidanka dawladda Federaalka ahi sida arxan darrida ah ugu fureen shacabka Soomaaliyeed ee sida nabadda ah ugu mudaaharaadayey magaalada Muqdisho. Golohu wuxuu mas’uuliyada eeddaas dusha ka saarayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo ciidanka Gorgor, iyo Haramcad ee ay dawladda Turkiga tababartay u adeegsaday caburinta shacabka mudaaharaadayey.
Author: Jibril Qoobey.
JOINT COMMUNIQUÉ ISSUED BY HIS EXCELLENCY UHURU KENYATTA, PRESIDENT OF THE REPUBLIC OF KENYA AND HIS EXCELLENCY MUSE BIHI ABDI, PRESIDENT OF SOMALILAND ON THE OCCASION OF THE OFFICIAL VISIT TO KENYA FROM 13TH TO 14TH DECEMBER, 2020 At the invitation of His Excellency Uhuru Kenyatta, President of the Republic of Kenya, His Excellency Muse Bihi Abdi, President of Somaliland made an Official Visit to Kenya from 13th to 14th December, 2020.The Presidents re-affirmed their unwavering commitment to deepen the cordial bilateral relations between Kenya and Somaliland. They noted with deep satisfaction that the cooperation between Kenya and Somaliland lay…
Halkan ka daawo muuqaalka
Dhuusamareeb waxaa ka dhacay dagaal udhaxeeya Ciidamada Dowlada ee Magaaladaas ku sugan. Hal Askari,ayaa ku dhintay,waxaana ku dhaawacmay 2-kale. Dagaalku mar danbe,ayuu istaagay. Dhuusamareeb waxaa ku sugan RW Rooble.
Dagaal udhaxeeya Ciidamada Dowlada oo ju kala qaybsamay kala dareerinta Shacabkii banaanbaxayay,ayaa ka dhacay isgoyska Fagax. Dagaalka waxaa ka dhashay khasaare gaaraya 4-Qof oo dhaawac ah,mana jirin wax dhimasho ah. Xaalada Magaalada Muqdisho,ayaa aad ukacsan,waxaana la filayaa in Mudahaaraadyadu sii socdaan.
Halkan ka daawo muuqaalka
Ergo codeedka Mareykanka ee loo yaqaan Electoral College ayaa Isniintii u doortay Joe Biden inuu noqdo madaxweynaha Mareykanka isaga oo helay 306 cod, halka madaxweyne Trump uu ka helay 232 cod. Biden ayaa si waafi ah uga sare maray tirada uu u baahnaa oo aheyd 270. Tirada 306-ka ah ee Biden uu helay ayaa la mid ah tii uu afar sano kahor helay madaaxweyne Donald Trump, markii uu ka adkaaday musharaxii Dimoqraadiga Hillary Clinton. Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa doorta ergo loo yaqaan Electoral College, kuwaasi oo shacabka ay kusoo doorteen doorashadii madaxweyne ee dhacday 3-dii November. Tartanka madaxtininimo ee Mareykanka…
Halkani waa Adis-ababa ee mahan Nayrobi!! Amar lama bixiyo hadaad og tahay in uusan shaqaynayn. Heshiiska Kenya iyo Somaliland beri,ayuu soo baxayaa,kaasoo ay ka mid tahay in Kenya Airways toos uga degto Hargaysa iyadoo qaad sida. Axmed Madoobe iyo Muuse Biixi waxay ku kulmayaan Nayrobi. Deni saacaduu rabo,ayuu udhoofi karaa Kenya. Xiriir jarida Farmaajo ee Kenya waxay saamaynaysaa garoonka Aadan-cade oo qura. Danta reer Diini ee ah Kismaayo in la helo miyaa Qaranka loo dhiibaataynayaa!! Farmaajo iyo Barre Hiiraale saakay waa isku mid!! 4-sano kadib Kismaayo waa kasii libidhay Farmaajo iyo beeshiisa reer Diini. Jibril Qoobey.
Qorshaha Mudaaharaadyadu waa mid balaaran. 10-beri oo min 10.000 oo Qof soo baxayaan,ayaa la diyaariyay. Dhaqaalaha guud ahaan ku baxaya Mudaaharaadyadaas waa Hal Milyan oo dolar. Maalinkii Boqol Kun oo dolar,ayaa baxaysa,waxaana qaybsaday 10-Musharax. Beri Mudahaaraadka qorshaysan waa tijaabo oo kaliya,balse Mudaaharaadyada rasmiga ah waxay bilaaban doonaan Janaayo 1-deeda 2021. Hadafku waa in Farmaajo lagu khasbo in uu iscasilo. Jibril Qoobey.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa madaxbannaanideeda qarannimo ee uu dammaanad qaadayo xeerka iyo qaanuunka caalamiga ah, gudanaysana waajibka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta midnimada, qaranimada iyo xasilloonida dalka waxa ay go’aansatay in ay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto Dowladda Kenya” Ayaa lagu yiri warkan. Xiriir ujarida Kenya mahan mid qiimo fudud ugu kacaysa Somaliya. Kenya waxaa gudaha Somaliya ka jooga Ciidan xoog leh oo qayb ka ah hawlgalka Amisom. Sidoo kale Nus Malyuun Qof oo Qaxooti Somali ah,ayay hoy utahay iyo in ka badan Hal Milyan oo ganacsato iyo Qurba joog iskugu jira. Diblomaasiyada,dhaqaalaha,siyaasada iyo barnaamijyada bini’aadantinimo ee…
Qorshaha Mudaaharaadyadu waa mid balaaran. 10-beri oo min 10.000 oo Qof soo baxayaan,ayaa la diyaariyay. Dhaqaalaha guud ahaan ku baxaya Mudaaharaadyadaas waa Hal Milyan oo dolar. Maalinkii Boqol Kun oo dolar,ayaa baxaysa,waxaana qaybsaday 10-Musharax. Beri Mudahaaraadka qorshaysan waa tijaabo oo kaliya,balse Mudaaharaadyada rasmiga ah waxay bilaaban doonaan Janaayo 1-deeda 2021. Hadafku waa in Farmaajo lagu khasbo in uu iscasilo. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Beri waxaa Muqdisho ka dhacaya mudaahaaraad looga soo horjeedo ama lagu diidan yahay Nabad iyo Nolol waxaana soo abuubulay mucaaradka. Mudaahaaraadka,ayaa larabaa waxa Muqdisho ka socda in laga hor yimaado. Sidoo kale lagu soo bandhigo rabitaanka shacabka ku dal banayaan is badal. Mudaahaaraadka,ayaa la filayaa in uu noqdo isu soo bixii ugu balaarna ee abid kadhaca Muqdisho. Puntland iyo Jubaland waa in laga abaabulaa Mudaaharaadkaas oo kale si caalamku il gaara ugu hayo waxa dalka ka socda iyo in aan dib loo celin xasiloonidii iyo dawlad nimadii cagaha badan aan ku taagnayn ee dalkaan laga yag leelay. Jibril Qoobey.
Shir jaraa’id ayay wada qabteen Madaxweyne Deni iyo Ra’isalwasaare Rooble. Qofkii xog ogaal ah macno saa uweyn usamayn mahayo shirkan jaraa’id. Balse Deni waxuu muujiyay qaangaarnimo siyaasadeed iyo Bisayl. Rooble safarkiisa Puntland laba jeer oo hore,ayaa loo baajiyay arin la xiriirta Ajando la’aan,waxuuna mar walba lahaa Dadkaan soo salaamayaa. Puntland waxay Somalida iyo caalamkaba ka hor muujisay in ay waajibkeedii gudatay oo si gobanimo leh usoo dhawaysay una sagootisay Rooble iyo waftigiisii. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Xulka Kubada Cagta Puntland oo udiyaar garoobay tartanka Koobka Dowlad Goboleedyada. Xulku waxuu soo dhamaystay tababar usocday Todobaadyadii udanbeeyay. Puntland mar ayay qaaday Koobkaas mar kalena waxay noqotay kooxda Labaad,si weyn,ayaana loogu amaanaa Kubada Cagta. Jibril Qoobey.
Deegaanka Ceel-daahir,ayaa laga bilaabay leexinta Laamigga teggi doona ilaa Ceeri-gaabo ee Gobolka Sanaag kaas oo ka mid ah Mashaariicda Isku-tashi ee ugu waaweyn ee ka socda deegaanadda Puntland. Sidda Qorshuhu yahay 25-KM,ayaa lagu bilaabi doona dhigista Daamurka.
Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland waxay maanta Dawooyin loogu tala galay ka jawaabista duufaanihii ku dhuftay qaar kamid ah Gobolada Puntland kala wareegtay hay’adda caafimaadka Aduunka (WHO). Agaasimaha Guud ee W.Caafimaadka Cabdirisaaq Xasan Xirsi,ayaa la wareegay Dawadan. Walwalka ugu weyn ee Bulshadu muujinayso,ayaa ah musuqa Wasaarada dilooday. Agaasimaha Guud waxuu gaar uleeyahay Isbitaal iyo Farmasi uu ku maalgaliyay dhaqaale laga musuqmaasuqay Wasaarada,sida baaris rasmi ah xaqiijisay. Farmasiga Agaasimaha Guud waa mid Dawadiisu ka qiimo badan tahay kana jaban tahay Farmasiyaasha kale ee Magaalada,waxaana sabab u ah Dawada Deeqda ah oo loo leexiyo halkaas,sida la xaqiijiyay. Cabdirisaaq waa Agaasime Mulkiyay Wasaarada kana…
Door ka qaado dhismaha Wadada Bursaalax-Gaalkacyo oo si isku tadhi Bulsho ah loo bilaabay. Ilaa iyo hada waxaa shaqada dhismuhu ka socdaa Aaga Dhagaxyo cado oo ah inta ugu adag uguna dhibka badan. Qorshuhu waxuu yahay in Laami laga dhigo Wadadaas muhiimka u ah isku socodka Galbeedka Mudug. Jibril Qoobey.
Xulka Kubada Cagta Jubaland oo hada haya Horyaalka,ayaa ku jira diyaar garow sare. M-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan,ayaa maanta soo booqday Xulka si uu udhiirigaliyo.
Xulka Kubada Cagta Ee Dowlada Puntland oo Tababarkooda Ku Wata Garoonka Kubada Cagta Garowe Ee Mire-Awaare.
Garoowe: 14 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Gen. Mohamed Abshir Airport ee Garoowe ku sagootiyey Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
Dowladda Soomaaliya,ayaa ashtako ka dhan ah Kenya u gudbisay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan ahna Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD Abdalla Hamdouk. IGAD,ayaa shir ku qaban doonta Jabuti oo arrintan looga hadlayo, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliya. Farmaajo iyo Fahad Yaasiin iyaga haya shaqadii wasaarada arimaha dibada iyo tii raysal wasaaraha intaba.
“Deni iyo anigu waa is haynaa ee na dhexgala”Ayuu ku yiri Rooble Isimada uu kula kulmay Garowe. “Siyaasada Deni,ayaa nagu matala anaga ee waxii dhaqan ah,ayaan ku shaqo leenahay”Sidaana Isimadaa ku yiri. Rooble waa saqiiray,waxuuna muujiyay khibrad yari siyaasadeed iyo in uusan lahayn awood hogaamineed oo uu dalka uga gudbiyo xiligan adag. Door,ayaa ufurnaa uu taariikh ku samayn lahaa mustaqbalkiisa siyaasadeedna sii wadi lahaa,balse kama faa’idaysan. Jibril Qoobey.
4-sano waxaan ka diidnay Farmaajo miyaan 4-saac uga yeelnaa Wiil meel laga jiro aan aqoon. Qorshuhuba ma ahayn in uu la yimaado Garowe Gudiga isiiya RW Rooble. Waxaa laysku ogaa in uu Garowe yimaado Rooble kadibna Dhuusamareeb ugudbo. Deni iyo Qoor-qoorna iskugu tagaan Gaalkacyo oo uwada duulaan Kismaayo. Kismaayo ay ku kulmaan madaxda Dowlad Goboleedyada marka danbana Rooble ka daba tago,halkaana lagu xaliyo arimaha laysku hayo. Rooble oo gacmo maran markuu ku laabto Xamar Farmaajo warbaa uyaala waana fursadii ugu danbaysay. Puntland taariikh bay horay usamaysay caawana markale ku celisay. Sida kaliya ee Farmaajo dalka looga saari karo waa go’aan…
Maareeyaha Ol-laha madaxweyne Farmaajo, Mohamed Hussein Roble, waa nin aan waxba dhamayn karin- oo hargaanti maahan. Wax lagama dhamaysan karo- oo nin madax bannaan maahan. Nin gar loo dhigan kara maahan- oo go’aanba asagu malahan. Waxuu kusoo aaday waqti adag, waayo adag, iyo rag adag oo 4 sano muddo ku dhow hadba geed iskala hoos baxaayay. Midda ugu cajiibsan laakiin waxay tahay- Gobolkii dhamaa ee uu joogay inuu ku dhiiran waayay casho sagoontin ah inuu la cuni waayo. Maahan nin garan waayay intaas, laakiin shaqo ayaa kala dhaxaysa nin Macan-gag ah oo aan waxba xeerin! @Said Xaraf
Rooble oo kusii socda xaflad caawa loogu sameeyay Qasriga Puntland,ayaa laga soo wacay Xamar laguna amray in uusan tagin hadii heshiiskii laga diiday. Xafladu hada waa socotaa loomana joojin maqnaanshaha Rooble. Beri subixii,ayuu kasoo duuli doonaa Garowe isagoo fara maran. Rooble waxaa lagu dhaliilay in uusanba wax ajandaha la imaan Garowe. Jibril Qoobey.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka “UPD” Xasan Shiikh Maxamuud oo warqad kasoo saaray dib u dhaca ansixinta iyo afti u qaadista dastuurka KMG ah ayaa ugu baaqay madaxda ugu sarreysa ee dalka in si deg deg ah ay talaabo ugu qaadaan arintaasi. “Waxaan ummaddeena la socodsiinayaa in muddada dhaqangalka dastuurka KMG ah ay la dhamaaneyso muddo xileedka baarlamaanka 10aad, maadaama duruufaha jira aysan saamaxeynin in dastuurka afti dadweyne lagu meel mariyo waxaan madaxda ugu baaqay in si degdeg ah tallaabo loo qaado” Ayuu yiri Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud. Halkan ka akhriso…
Khilaafkii Shahaada ardayda Puntland oo xal laga gaaray, waa talaabo bogaadin mudan, in laga waantoobo siyaasadeynta Waxbarashada Ubadka Soomaliyeed. Heshiis dhex maray Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland iyo Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya.
Imaaraadku Abiy waxay si weyn uga garab siiyeen dagaalkii Tigreega,iyagoo ku caawiyay diyaaradaha Drones-ka oo 30 ah. Sidoo kale dhaqaalaha dhankiisa ayay Abiy ka caawiyeen oo waxay Bangiga Dhexe ee Itoobiya ku shubeen lacag 4-Bilyan ah. Imaaraadku arimaha Abiy ay hor dhigeen ee uu ogolaaday waxaa ka mid ah in uusan ka qayb qaadan soo laabashada Farmaajo qorshaysanayo sida ay sheegeen ilo wareed muhiim ah. Farmaajo quwadaha uu ku xisaabtamayay taageeradooda waxaa ugu horeeyay Abiy tanaasul badana uu galiyay siduu ukasban lahaa. Warkan waxuu ku yahay dhabarjab xoog leh Farmaajo. Jibril Qoobey.
Qoor-qoor waa diiday in uu Gaalkacyo yimaado kulana kulmo RW Rooble. Qoor-qoor waxuu ku adkaystay in loogu yimaado Dhuusamareeb oo la maamuuso si la mid ah madaxda kale. Rooble caawa waxaa xaflad loogu qabanayaa soo dhaweyn ah Qarsiga Madaxtooyada Puntland. Beri ayayna ubadan tahay in uu usafro Dhuusamareeb hadii rabi idmo Rw Rooble. Jibril Qoobey.
Muuse Biixi wuxuu gaaray Nayrobi loomana soo dhaweyn si maqaam leh. Qaybta VIP-da lagama soo dajin masuul Dowlada Kenya ka tirsana garoonka uguma hor imaan. Kenya waxay muujisay masuuliyad iyo in ay wax xeerinayso. Jibril Qoobey.
Farmaajo waxuu udiray Masar Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Xasan Khaliif. Ilo wareedyo,ayaa sheegaya fariinta uu siday Xasan Khaliif in ay tahay wada hadaladii Imaaraadka Carabta oo dowladda Farmaajo danaynayo in dib loo soo nooleeyo. Sida muuqata Farmaajo waxuu argagax ka qaaday abaabulka Masar ee musharaxiinta Doorashada,waxuuna isku dayayaa in uu tanaasul muujiyo. Masar,ayaa xilligan door weyn ka ciyaaraysa doorashada Soomaaliya, waxaana dhowaan Qaahira tagay qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynayah iyo Siyaasiyiin. Masuuliyiin hada xil haya,Siyaasiyiin iyo Musharaxiinta Masar tagay lana soo kulmay madaxda dalkaas,ayaa kala ah, Madaxweyne Deni,Xasan Shiikh, C/raxmaan C/shakuur, Daahir Geelle,Cumar C/rashiid.
Xarig jiidka toban sano jirsadey ee u dhexeeya Federaalka iyo Puntland, wuxuu salka ku hayaa ismaandhaafsanaan ka imaaneysa waxa lakala aaminsan yahay iyo kaalimaha lakala leeyahay. Federaalku waxay Puntland u arkaan maamul la mid ah maamullada kale, ayna tahay in kaalinteedu ku koobnaato, in ay ka hadasho danaha deegaankeeda. Puntland-na waxay isu aragtaa hooyadii dhashay dowladda Federaalka iyo maamullada ka sii farcamay labadaba, waxay na aaminsan tahay in ay masuuliyad dheeraad ahi ka saaran tahay deegaannada kale, ayna xuquuqdooda u doodeyso inta ay ka xoogeysanayaan. Waana sababta maanta la isugu mari la’yahay arrinta Gedo iyo Cabdi Xaashi, oo labaduba ka…
Warbixinta uu soo saaray xafiiska Hantidhawraha Guud, waxa ay tusaale cad ka bixisay sababta aan kaalinta koowaad ee musuqa dunida ugu jirno. Muqaal dhab ah ayay naga siisay warbxintu sida musuqa, ku takrifalka awoodda iyo baalmaridda sharciga ay astaan lagu aqoonsado u tahay nidaamka uu hoggaamiye Farmaajo. Waribixinta qaybteeda dulmarka guud, waxaa lagu xusay in hay’adaha Dowladda 55% aanay soo gudbin warbixin sanadeedkii laga sugayay, taasoo ka dhigan in 55% aanay wax xisaab celin ah ka sameyn miisaaniyaddii la qorsheeyay iyo qarashaadkii dhab ahaan u baxay 2019-kii. Xafiisyada aan soo gudbin xisaab celinta, waxaa ka mid ah xafiiska Madaxwaynaha, oo…
Ciidamada Badda Puntland waxay ka cayriyeen Alshabaab Deegaano maalmihii lasoo dhaafay ay kusoo noqnoqdeen. Howl-galkan oo ay fuliyeen ciidamada badda Puntland kuwooda la dagaalanka argagixisada ayaa ka dhacay buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag. Deegaanada ay Ciidamadu ka cayriyeen Alshabaab,ayaa kala ah Xidid iyo Milxo oo hoos yimaada Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag. Ciidamada,ayaa ku raadjooga saddex qof oo Al-Shabaab ay ka afduubteen Deegaamadaas, kuwaas oo ahaa Macdan qodayaal. Jibril Qoobey.
Heshiisku wuxuu dhigayaa in saldhig milatari ay ciidamada badda Ruushku ka samaystaan Sudan, saldhigaas oo ay ku soo xidhan karaan maraakiibta dagaalka ee ku shaqeeya tamarta nukliyeerka. Saldhiggaa cusub ee lagu wado in laga dhiso meel u dhaw dekadda Port Sudan, ayey ka hawl gali doonaan ilaa 300 oo qof oo milatari iyo rayid iskugu jira. Sidoo kale waxa saldhiggaa markii keli ah ba ku soo xidhan karan afar markab. Saldhiggan waxaa loo adeegsan doonaa hawlaha dayactirka iyo in ay maraakiibku ka qaataan shidaalka iyo agabka kale ee ay u baahan yihiin iyo sidoo kale in ay ku nastaan ciidamada…
Muuse Biixi saakay,ayuu uduulay Kenya,waxuuna casuumad ka helay Madaxweyne Uhuru. Kenya waxay kor uqaadaysaa xiriirka Somaliland,iyadoo ku cadaadinaysa Dowlada Fadaraalka Somaliya. Siyaasad xumida Farmaajo waxay keentay in uu la macaamiilo waayo caalamka iyo Shacabka Somaliyed. Somaliland waa qayb ka mid ah Somaliya oo ubaahnayd la dhaqan siyaasadeed oo aragti iyo Wadaniyad ku fadhida. Muuse Biixi Nayrobi si maqaam Madaxweyne leh in loogu soo dhaweeyo waxay dharbaaxo siyaasadeed ku tahay Dowladnimada iyo Midnimada Somaliya,waxayna niyad jab ku tahay Qof walba oo Somaliya. Jibril Qoobey.
Xaafiiska Wakiilka Puntland ee Waqooyiga Maraykanka. Waa Xaafiiska kaliya ee si sax ah oo loo jeedo ushaqeeya. Dowlada Puntland waxaan ka codsanaynaa in ay dhaqaalaha ku baxa Xaafiiskaa xoojiso. Danjire Mulki waa bogaadinaynaaa.
Garoowe: 12 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee Dowladda Puntland Mudane Cawil Shiikh Xaamud. Qodob Dastuuriya,ayuu jabiyay Wasiirka Cadaalada Fadaraalku kadib markii uu dafiray maqaamka Nidaamka Puntland oo ah Dowlad,balse uu ku sheegay ,wMaamul. “Dowlada Puntland ee xubinta ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya”
Wasiirka Dastuurka Fadaraaka Iyo Madaxweyne Deni. Qodobada muhiimka ah ee Dowladan ku fashilantay waxaa ugu horeeya Dastuurka dib u eegistiisa iyo ku dhaqankiisa. Si gaar ah Farmaajo waxuu uga soo horjeeda Dastuurka iyo nidaamka Fadaraaliga ah. Khilaafka Madaxda Fadaraalka dhexdooda ka dhaca iyo sidoo kale kan ka dhex qarka Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka waxaa sabab u ah Dastuurka oo aan dhamaystirnayn. Puntland waa ilaaliyaha Dastuurka waana Hooyadii nidaamka Fadaraalka. Jibril Qoobey.
Waraaqdaas waxaa ku xusan in aan Puntland haba yaraatee wax deeq Waxbarasho ah aysan ka helin Dowlada Fadaraalka,isla markaana dhamaan Deeqihii magaca Somaliya lagu helay laga qadiyay. Raga iyo Dumarka hada ku sugan Garowe ee la socday Rooble majiro hal mid oo arinkaas ka hadlay,ka hawlgalay ama dareen gaar ah siiyay. Maalinka Puntland lasoo aadayo,ayaa loo yeeraa oo diyaarada lagu soo buuxsadaa,iygana intaas ayay nafis ka dhigtaan oo kusoo baxaan. Xamar waa in aan dib loogu dirin Qof aan matali karin qadiyada muhiimka ah ee Puntland. Jibril Qoobey.
Waxuu isku dayay in uu joojiyo Mashruuca Baxnaano ee Dadka Danyarta reer Puntland ah lagu siiyo lacag lagu taageero. 31-kun oo Qoys oo reer Sanaag ah,ayaa lacag gaaraysa 13-Milyan oo dolar ah loogu qaybinayaa xiligan. Jamaal waxuu warqad uqoray World Bank,WFP iyo Unucef isagoo ku wargaliyay in la joojiyo Mashruucaas qaybtiisa Sanaag. Balse Dowlada Puntland dadaal ay samaysay kadib waxaa lagu guulaystay 2-beri kadib in Mashruucu sidiisii Badhan uga sii socdo. Jamaal hal ujeedo,ayuu ka duulayaa oo ah nacayb iyo xumaan reer Puntland. Jobril Qoobey.
Lacagta iyo Haweenkaba ma jecla Deni intaan xog ka hayo!! Labadaas Ragu aadku ujecel yahay intiisa badan,hogaamiyayaal badana fashiliyay Deni aad looguma xanto. Xayir iyo Bidhaan sheekada ay suuqa soo galiyeen ee ah 6-Milyan,ayaan Deni uwadnay umalayn mahayo in ay wax ka jiraan. Jibril Qoobey.
In badan oo Xayir iyo Bidhaan ay taagnaayeen Iridaha Madaxtooyada Puntland caawa ayay uduuragashay in ay galaan oola kulmaan Madaxweynaha. La kulankoodii caawa ee Madaxweynaha waxay durba suuqa soo gashteen lacag 6-Milyan ah oo Fahad noosoo dhiibay,ayaan ugaynay Deni!! Siciid Xuseyn Ciid,Xayir,Saadiq Warfaa,Gaboobe,Bidhaan Jamaal iyo Burhaan waa kooxda Xildhibaanada ah ee ay tahay in aysan sinaba ugu soo laaban Baarlamaanka. Waa kooxdii sida qaawan ugu shaqaysay Nabad iyo Nolol Puntland dhan walba kaa dagaalantay. Jibril Qoobey
Caawa waxaa Madaxweynaha utagay Wasiirka Waxbarashada Fadaraalka. Kulankaasi muhiim,ayuu ahaa marka loo eego kala fogaanshaha arimaha Waxbarashada ee Puntland iyo Fadaraalka. W.Waxbarashada Fadaraalka xiligii Goodax hogaaminayay waxay noqotay xarun lagu hagardaameeyo Ardayda. Si gaar ah ayay Puntland iyo Jubaland ugala kulmeen hagar daamayn Wasaarada Waxbarashada Fadaraalka. 12500 oo Arday oo reer Puntland ah,ayuu Gaadax hamigoodii jabiyay kana hor istaagay Shahaadadii Waxbarashada. Jibril Qoobey.
Marka laga soo tago ka gilgilashadii dadka faraha badan soo saartay ee ahayd in aan Nin masuul ah oo Cumar Maxamuud ah oo Dowlada Puntland fasax ka haysta shaqsiyaad ku bahdilaan Garowe Maxamed muxuu noo hayaa??? Maanta Puntland,ayuu joogaa ee ma awoodaa in uu 2-arimood sameeyo?? 1.In uu Rooble Garacad geeyo 2.In Safaaradaha 36-da ah ee laga ilaaliyay reer Puntland Cawad miskiin oo jooga uu naga siiyo awood qaybsiga aan ku leenahay. Labadaas qodob haduu fuliyo hogaamiye soo baxay oo mustaqbal leh iga dheh. Hadii kalese Laba ama Sadex bilood Wasiir magac uyaal ah iga dheh!! Jibril Qoobey.
“Baarlamaankan 10-aad wuu sii shaqeyn doonaa ilaa iyo inta laga dhaarinayo Baarlamaanka soo socda ee 11-aad”Ayuu yiri Gudoomiye Mursal Halkan ka daawo muuqaalka
“COVID19 iyo Siyaasada Doorashada dalka ayaa hoos u dhigay Dhaqaalaha Soomaaliya”Ayuu yiri Wasiir Beyle. Halkan ka daawo muuqaalka
“Waa laga baaqsan karaa in dalku dagaal iyo barakac shacab oo cusub galo hadii Farmaajo aqbalo in doorashadu noqoto mid hufan oo xor iyo xalaal ah”. Halkan ka daawo muuqaalka
Faadumo dhaqankeedu waxuu calaamad su’aal saarayaa Haweenka iyo siyaasada??? Faadumo Geriyow waa Xildhibaanad laga soo doortay Jubaland kana mid ah Baarlamaanka Fadaraalka. Kursiga ay kusoo baxday markii horeba waa laysku haystay oo Beesha Harti,ayaa sheeganaysay,waxaana looga qaaday doorashadii hore Nin kasoo jeeda Buuhoodle. Haatan sida xogo sheegayaan Kursiga waxaa dib loogu celiyay Beesha Harti. Faadumo sida ay hada udhaqmayso oo u hadlayso kana muuqata dareenkeeda way ka samirtay markale iyo Kursigaas.
2-Maalmood oo maalmo shaqo ahaa,ayuu Puntland ka khasaariyay Rooble!! Waxba masoo kordhin safarkiisu mana jirto wax uu awood uleeyahay go’aaminteeda. Marka laga soo tago hab maamuuska muuqda ee ah in uu yahay ra’isalwasaarihii Jamhuuriyada macno kale majiraan. Kulanka maanta dhacay Rooble waxuu ku yiri Madaxda Puntland Xubnaha Gudiga doorashada kusoo darsada. Puntland waa ku qososhay waxayna usheegtay wax badan oo ay tahay in laga wada hadlo,ayaa ka horeeya arimahaas. Rooble isagoo ra’isalwasaare ah in uu yimaado Garowe,ayaa macno usamaynaysa. Beri,ayuu tagayaa,waxaana soo bixi doona warqad iska farsamo wado furid ah. Halkan ka daawo muuqaalka
Garoowe : 11 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe kusoo dhoweeyay Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Soo dhoweynta waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka koowad iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka iyo kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.
Al-Shabaab militants have kidnapped three gold miners in Milho, Sanaag region. Milho was controlled by Al-Shabaab for several hours in the middle of the night. Puntland has not released any information on the incident so far. Source.VOA
Maleeshiyo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab,ayaa saddex qof oo shacab ah oo ka ganacsada Dahabka Buuraha laga soo qodo waxay ka afduubteen deegaanka Milxo oo ka tirsan Gobolka Sanaag, Milxo ayay saqdii dhexe ee habeenimadii xalay mudo saacado ah gacanta ku hayeen Shabaab. Puntland wax war ah kama soo saarin dhacdadan ilaa iyo hada. Xigasho.VOA
Gudoomiyaha Gudiga lagu muransan yahay ee Doorashooyinka Ciro iyo Fahad Yaasiin waxay kala qabaan laba Gabdhood oo wallaalo ah oo ilmo Faarax taani ah???? Sidoo kale waxaa Seedigood ah Safiirka Somaliya ee Qatar oo la dhashay Gabdhaha. Cirro waa xubin ka tirsan Sirdoonka Nisa waana madaxa diiwaan galinta ee hay’adaas.
Ciidanka Badda Puntland oo lagu amaanay shaqo ay gabtay Dowlada Hoose ee Bosaso oo ay fuliyeen. Ciidanku waxay nadiifiyeen Xeebta Bosaso kadib cabasho uga timid Bulshada. Xeebta waxaa buux dhaafiyay Qashin,kaasoo khatar galiyay Caafimaadka Magaalada.
“Israel, Morocco agreed to full diplomatic relations, US President Donald Trump has announced. Within the past few months, Israel normalised relations with UAE, Bahrain and Sudan” Israa’iil iyo Morocco waxay ku heshiiyeen in ay yeeshaan xiriir Diblomaasi oo buuxa,sida uu sheegay Madaxweynaha Maraykanka. Dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa xiriirkoodu caadi usoo laabtay Israa’iil iyo dalalka kala ah Imaaraadka,Baxrayn,Sudan. Talaabooyinkan waxay Israa’iil u yihiin guul siyaasadeed oo weyn. Jibril Qoobey.
Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM),ayaa shaaca ka qaaday inay laba duqeymood ka fuliyeen magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe maanta, kuwaas oo lala beegsaday khubarro Al-Shabaab u qaabilsaneyd qaraxyada.
Cunna-qabateynta Hubka SoomaaliyaSannadkii 2019-kii ayay ahayd markii Qaramada Midoobeey ay muddo sannad ah ku kordhisay cunna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Warbixin ay gudbiyeen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobeey oo baaritaan ku sameeyay cunna-qabateynta hubka ayaa sheegay “in marar kala duwan la jebiyay cunaqabateynta”, uuna Soomaaliya “galo hub sharci darro ah”. Bishii Agoosto ee 2019, koox khubaro ah ayaa diiwan geliyay hub dhan 38 qori, kuwaas oo lagu iibinayay suuqa hubka madow ee kooxaha hubka ka ganacsada, kuwaas oo leh sumada hubka ay dowladda la soo degtay. Kooxda khubarada ee Qaramada Midoobay waxaa kale oo ay dabagaleen qaar kamid ah hub…
