Author: Jibril Qoobey.

Xasan Shire Abgaal Wasiirka Maaliyada Puntland oo ka talo qaadanaya Cali Gaab,ayaa fawdeeyay imaanshihii Wasiirka Arimaha dibada Fadaraalka ee Garowe. Dadkii iyo Gaadiidkii soo dhaweyn lahaa,ayaa loo diiday Garoonka,waxaana la jeexjeexay sawiradiisii. Sida xogtu igu soo gaartay Ciidanka jooga Barta koobaad ee Kayntaroolka Garoonka looga leexdo,ayaa loo diray min 50$ si ay ucarqaladeeyaan soo dhaweynta. Fawdaynta Wasiirka,ayaa ku salaysan Cali Gaab oo ka masayrsan yahay badalida Walaalkii Cawad.Waxii ka dhacay maanta Garoonka isla xisaabtan bay ubaahan yihiin. Jibril Qoobey.

Read More

Guddiga Arrimaha Dhaqaalaha Sarifka iyo Dhaqdhaqaqa Suuqyada Puntland Kuwaaso Ku Soo Kooban Qodobadan Hoos Ku Xusan:- 1.Bankiga Dawlada Iyo Bangiyada Gaarka Loo Leeyahay Ee Ka Hawlgala Deeganada Puntland Waxaa laga Furaya Furuuc Lagu Kala Sarifto Lacagaha. 2.Wasaaradaha,Hay”ada Dawlada,Dowlada Hoose Iyo Shirkadaha Bixiya Adeegyada Guud Sida Biyaha,Korontada Iyo wixii La Mid au Waxaa Lagu wargelinayaa in ay si toosa u Dhaqan Geliyaan Isticmaalka Lacagta Shilling Soomaliga Ee Lagu isticmalo Degaamada Puntland.Mana Jiro Doono Muwaadin Puntland oo Lagu Khasbi Karo in uu Ku Bixiyo Dollar USA. 3 Shirkadaha Bixiya Adeega Lacagta ee Danabaysan iyo Applications kooda Waxaa lagu wargelinaya In ay Farac…

Read More

Safiirka Ingriiska: Khubaddii uu ka jeediyey Shirkii Somalia iyo Beesha Caalamka (Somali Partnership Forum 7 December 2020) Ambassador Ben Fender oo ah Safiirka UK u fadhiya Soomaliya waxay ahayd tilmaan culus. Wuxuu soo qaatay nin Philosopher ahaa oo ka hadlay xaaladda waddanka Ingriisku ku suganaa 400 sano ka hor. Ninkaas oo la oran jiray Thomas Hobes ayaa wuxuu la yaabay colaadaha, dagaalada sokeeye, burcad badeedka, heshiis la’aanta iyo Amni darada wakhtigaas ka jirtay Waddanka Ingriiska. Wuxuu yiri: ma arki doonaa UK oo nabad ah, warshado leh, dhisata guryo dhaadheer, beero waa weyn oo baahida daboola iyo Amni la isugu socdo…

Read More

“Ben Fender, the British Ambassador to Somalia quoted philosopher Thomas Hobbes to highlight his points” “Waxaa jiray Nin Filasoofi ahaa 500-sano ka hor ku noolaa Dalka Ingiriiska,Ninkaasi markuu ka yaabay Bulshadii Ingiriiska ahayd waagaas dhaqamadoodii iyo kala dhicidoodii Digirtii iyo Baradhadii ay beeran jireen,ayaa yiri..Mar arki doono Dal Ingiriisa oo Calankoodu babanayo,Sara dhaadheer dhisanaya oo Mashaariic samaysanaya,,, hada sheekadaas mid la mid ah,ayaan ku arkay Somaliya oo isoo xasuusisay Sheekadii Filasoofi Thomas”Ayuu yiri Fender. Isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yiri”Siyaasiga Somaligu waa danayste tiisa ilaalsada, mana jirto Dowlad dhexe oo Dowlad Goboleed uturaysa” Sidoo kale Safiirka Sweden,ayaaa ka yiri Shirkii SPF”Waa…

Read More

Weerar ka dhacay meel udhow Guriceel,ayaa lagu laayay 5-Sarkaal oo kasoo jeeda Beesha Mareexaan,halka 4-,kalana ay dhaawacantay. Saraakiisha la laayay,ayaa tababar kusoo dhamaystay Xerada Xoosh,waxayna kusii jeedeen Balanbale. Maleeshiyada Weerarka gaysatay,syaa kasoo jeeda Beesha Cayr. Saraakiishan la laayay,ayaa loogu aaray kuwii lagu layn jiray Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur,sida wararku xaqiijinayaan. Jibril Qoobey.

Read More

Guddiga Badbaadinta doorashooyinka qaran ayaa maanta yeeshay kulan ka mid ah kulamdoodii caadiga ahaa. Guddigu wuxuu dhamystiray guddiyadiisii, wuxuuna xubnaha u qaybiyay shaqooyin. Guddigu, wuxuu caddaynayaa in Murashixiintu diyaar u yihiin doorashooyin xor ah oo xalaal ah isla markaasna waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii doorashooyinka. Sida ku cad dastuurka qodobkiisa 111G guddiga doorashadu waa inuu ka madaxbanaanaado Hey’adaha Fulinta. Doorashadu waxay u dhexaynaysaa murashaxiinta ee uu ka mid yahay Madaxweynaha xukunka haya sidaa daraadeed waa in labada dhinacba ku kalsoonadaan guddiyada si wadanku doorasho u aado.

Read More

MADAXWEYNAHA OO KORMEERAY WASAARADAHA CAAFIMAADKA IYO DEEGAANKA. Garoowe: 09, December, 2020:Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo Wasaaradda Caafimaadka. Madaxweynaha ayaa kormeeray qaybta ladagaalanka Ayaxa ee Wasaaradda Deegaanka iyo dhammaan xafiisyada Wasaaradda, waxa uu la kulmay Shaqaalaha Wasaaradda ee xarumaha Saadaasha Cimilada ee degmooyinka Puntland oo ku Jira tababar, waxaana uu kulan la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda oo ay weheliyaan Guddiga dhowaan dowladdu u saartay Ayaxa, halkaasi oo ay ku kala xog qaateen. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa kormeeray Wasaaradda Caafimaadka qaybta wicidda deg-degga ah ee ka jawaabidda cabashada caabuqa Covid-19,…

Read More

Garoowe: 09 December 2020: Guddiga dib-u-habeynta Shaaqalaha Dowladda oo isugu jira Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada, iyo Shaqaalaha iyo Madaxtooyada. Guddigan ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin ku saabsan halka uu marayo, qorshaha nidaamka mushahar kordhinta shaqaalaha rayidka ah oo muddooyinkii u danbeeyay ay Guddigu ka shaqeynayeen. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada la qabtay wuxuuna faray guddiga in dhakhso loo dhameystiro qorshahan, si mushahar kordhinta shaqaalaha ay u bilowmato Bisha January 2021. Waa markii u horeysay mushahar kordhin la sameynayo tan iyo markii la asaasay dowladda Puntland, waxaana tani ay qeyb ka tahay siyaasadda Madaxweynaha ee tayeynta dowladdnimada. =DHAMMAAD= XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA…

Read More

Afhayeenka Dowlada Itoobiya,ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Difaaca dalkiisu ay toogteen shaqaale ka tirsan Qaramada midoobey. “Spokesperson for Ethiopia government operations in Tigray Redwan Hussein confirms ENDF shot at and detained UN workers on Sunday, accusing them of breaching two checkpoints. “This country is not no-mans land, it has a government,” Hussein told journalists in Addis Ababa” Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Qoor-qoor waa laga baajiyay Garowe maalinka beri ah booqashadiisii uqorshaysnayd. Madaxtooyada Puntland,ayaa sidaa ku wargalisay caawa Madaxweyne Qoor-qoor sida ay ii xaqiijiyeen masuuliyiin sar sare. Madaxweyne Deni ayay ubadan tahay in uu Dhuusamareeb tago kadibna isaga iyo Qoor-qoor ay uwada dhoofaan Kismaayo. Madaxweyne Deni,ayaa abaabulay shir madaxda Somalidu iskugu imaanayso oo ka dhici doona Kismaayo 6-beri kadib,kaasoo lagu dhamayn doono khilaafka doorashada ee taagan. Shirkaas waxaa Dowlada Fadaraalka ku matali doona Ra’isalwasaare Rooble. Beesha caalamka,ayaa Deni cadaadis ku saartay in uu qaato door isku soo dhaweyn. Jibril Qoobey.

Read More

Laftagareen oo ka diiday Villa Somaliya in uu bilaabo doorashada Aqalka sare oo heshiisku ahaa 10-ka bisha in ay qabsoonto. “Ma noqonayo Jiirka lagu tijaabinayo Talaalka Corona-ha”Ayuu yiri Laftagareen. Villa Somaliya,ayaa cadaadis ku saartay Laftagareen in uu aqbalo codsigooda ah in uu bilaabo doorashada. Laftagareen markii hore waa rabay in uu bilaabo doorashada oo danihiisa,ayuu ka dhex arkayay,balse dhinacyo kale,ayaa cadaadis uga yimid. Horay waxaa uga diiday Villa Somaliya bilaabida doorashada Galmudug iyo Hir-shabelle. Jibril Qoobey.

Read More

Maraykanku digniin adag,ayuu udiray Madaxda Somalida. Safiirka Maraykanka Somaliya Yamamoto,ayaa ka sheegay shirkii SPF in Madaxda Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay fuliyaan heshiiskii ay horay uga galeen doorashada. Yamamoto waxuu digniin ka diray dhankii aan fulin heshiiskaas ay u aqoonsan dooonaan Qaswade. Hadalkiisana waxuu kusoo gabagabeeyay in la wada hadlo. Jibril Qoobey.

Read More

Maamulkii Gobolka Gedo ee Nabad iyo Nolol oo laga soo saaray halkaas dibna loogu soo celiyay Muqdisho. Cadaadis beesha caalamka ka yimid,ayaa keenay in Maamulka Mucalimow uu hogaaminayo dib loo soo cesho. Balse Nabad iyo Nolol,ayaa qorshaynaysa in Maamulka Jubaland markuu soo gaaro Gedo mudaahaaraad laga horkeeno si beesha caalamka loogu tuso in aan Axmed Madoobe laga doonayn Deegaanka. Weli Gedo waxaa kusii sugan Ciidamadii Villa Somaliya ay ku daabushay. Jibril Qoobey.

Read More

Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska James Duddridge iyo Safiirka Dowlada Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya oo Maanta Baydhabo Gaaray. Safarka Diblomaasiyiintaa,ayaa looga hadlay dib u dhiska Ciidamada,la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo dadaallada dib u heshiisiinta. Shidaalka Baraawe waxaa heshiis ku gashay Shirkad Ingriiska 1980-kii. Ingiriisku waxuu ku leeyahay Baydhabo xarun sirdoon oo qalab casriya ay yaalaan. Jibril Qoobey.

Read More

Garowe waxaa kusoo wajahan laga bilaabo maalinka beri foog ah wafuud ka kala socota Dowlada Fadaraalka iyo Galmudug. Wafuudu sidaan ayay ukala imaanayaan Garowe… 1.Madaxweyne Qoor Qoor berrito,ayuu Garowe imaanayaa. 2.Wasiirka Arimaha dibada Maxamed Cabdirisaaq iyo Wasiir Duraan Khamiista ayay kusoo aadan yihiin Garowe. 3.Ra’isalwasaare Rooble waxuu imaanayaa Garowe maalinka Jimcaha ah. Puntland horay shuruud ayay ugu xirtay imaanshaha Garowe ee wafuudan. Ilaa iyo hada lama hayo aqbalaada Puntland ee socdaalka madaxdan waxa ay ku aqbashay. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Axmed Madoobe waxuu tagay Nayrobi oo uu uga sii gudbay caawa Dalka Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Axmed horay,ayuu casuumad uga haystay madaxda sare ee dalkaas. Axmed Madoobe intii uu joogay Jubaland wax weyn ayuu ka badalay hawlgalinta Ciidamada amaanka kuwaasoo habac sanaan laga dareemayay bilihii udanbeeyay. Jibril Qoobey.

Read More

Garoowe: 08 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiga arrimaha dhaqaalaha oo maalmahan ka shaqeynayey kasoo talabixinta sicirka sarifka lacagaha. Guddiga ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda sicirka sarifka oo soo hagaagaya tan iyo markii ay dowladdu qaaday dhowr tallaabo oo wax looga qabanaayo cabashada la xiriirta sicirka sarifka. Madaxweyne Deni ayaa maanta faray Bangiga Dowladda, Bangiyada gaarka loo leeyahay iyo shirkadaha xawaaladaha inay sameystaan qeyb sarifta lacagaha, iyadoo Hay’addaha dowladda ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dowladda si dhow ula soconayaan wadashaqeynta Bangiyada iyo sicirka sarifka lacagaha. =DHAMMAAD= XAFIISKA WARFAAFINTA…

Read More

Wasaaradda amniga Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Hay’adda UNOPS ee Qaramada Midoobay kala wareegtay gaadiid loogu tala galay Hormarinta Booliska. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga Jubbaland Nuur Shaafi Cabdullaahi ayaa gaadiidka kala wareegay Wakiillo ka socday Hay’adda. Gaadiidkaan waxaa loogu tala galay in ay ku hawlgalaan ciidanka Booliska Jubbaland.

Read More

“Laga billaabo berito Bangiga Dowladda waxaan farayaa inuu Sarifo Doolarka, si dadka Shillin Soomaaliga u haysta uu doolar u siiyo, kuwa Doolarka watana uu Soomaali ugu bedelo”Sidaa waxaa yiri Madaxweyne Deni. Isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yiri markale Madaxweyne Deni “Bangiyada kale ee gaarka loo leeyahay iyo shirkaddaha xawaaladaha iyagana waxaan faraynaa in ay qeyb sarif sidaasi oo kale ah sameeyaan”. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

MADAXWEYNAHA OO FARAY BANGIGA DOWLADDA IYO KUWA GAARKA LOO LEEYAHAY INAY QEYB SARIF SAMEEYAAN. Garoowe: 08 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay ganacsatada heerarkeeda kala duwan, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland. Madaxweynaha oo hadal u jeediyay Bulshada ayaa aad u faahfaahiyey arrimaha la xiriira sicirka sarifka , cabashooyinka dowladda soo gaaray iyo go’aamada ay kasoo saartay dowladdu oo waxbadan xaaladda dejiyay. Wuxuu Madaxweynuhu bulshada la wadaagay in Dowladdu go’aamisay in Bangiga Dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay iyo Shirkaddaha xawaaladaha la faray inay sameeyaan qeyb sarifta lacagaha. “Laga billaabo berito…

Read More

Dhabancad oo Isku shuban laga soo saaray. Ururada Mideeye iyo Kaah,ayaa dagaal siyaasadeed kulul ku dhexmaray Degmada Iskushuban,waxaana ku adkaaday Ururka Mideeye. Odoyaal saamayn ku leh Deegaanka oo loo tirinayo Ururka Mideeye Karkaar iyo Cabdicasiis Boqor,ayaa hor istaagay qorshihii Kaah ee ay hor boodayeen Wasiirada kala ah Dhabancad iyo Ina Taaraan. Ugu danbayn Dhabancad waa iskaga soo huleelay Degmada,iyadoo aysan waxba ka socon Golihii Deegaanka iyo wax qaybtiisi. Dhabancad Degmadii 3-aad oo uu ku fashilmo dhisida Golaheeda Deegaanka,ayuu wajahay mudo gaaban. Jibril Qoobey. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Shacabka Gaalkacyo oo ka cabanaya Qiimihii dolarka ay Dowladu ugoysay in lagu sarifo oo aan ka hirgalin Magaaladaas. Qiimaha dolarka,ayaa maanta Gaalkacyo ka marayay 45000/55000 halkii dolar. Maamulka Gobolka,Taliska Booliska oo ay ahayd in ay fuliyaan amarka Dowlada sida Magaalooyinka Bosaso iyo Garowe,ayaan udhaqaaqin fulintaas. Jibril Qoobey.

Read More

Farmaajo waxuu Qatar ka codsaday taageero dhaqaale mar uu xalay Taleefoon kula hadlay Amiirka Qatar. Farmaajo,ayaa xogo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in uu dareemayo gacan bidixayn kaga imaanaysa Fahad iyo Qatar. Qatar bilihii udanbeeyay waxay hakisay taageeradii dhaqaale ee ay siin jirtay Villa Somaliya,waxayna warar lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in uu jiro musharax kale oo ay Qatar dhabarka ka taabatay. Jibril Qoobey .

Read More

Gudiga badbaadinta Doorashada ee Musharaxiintu ay dhawaan dhiseen,ayaa dooranaya Gudoon. Gudiga waxaa la filayaa maalinka beri ah in ay iska dhex doortaan Gudoonka. 28-Xubnood,ayuu ka kooban yahay Gudigan matalaya 14-ka musharax,waxaana loo qaybsaday min 2-xubnood. Horay waxay musharaxiintu ubalan qaadeen in ay qaadi doonaan talaaba walba oo doorashada dalka lagu badbaadinayo. Jibril Qoobey.

Read More

Gabar Soomaali ah oo la baafinayey mudo dheer tan iyo Juun 2014-kii, ayaa 6 sano waxayna kasoo muuqatay maxaabiista Suuriya lagu hayo gaar ahaan xaasaskii kooxdii Daacish. Nasra Abuukar ayaa ka tagtay guriga qoyskeeda oo ku yaala koonfurta London, iyadoo xilligaa 18-jir ahayd. Waxaana la xaqiijiyey inay Suuriya u safartay oo ay halkaa ku guursatey nin Daacish ka tirsanaa. Nasra waxay hada ku jirtaa xeryaha ay Kurdigu maamulaan ee woqooyi bari Suuriya. Nasra waxay doonaysaa inay dib ugu laabato Britain, iyadoo dhalashadii British-ka lagala laabtay . Waxaa la helay farriimo ay soo dhigtay baraha bulshada, 2015-kii iyadoo ku faraxsan weerar…

Read More

Dec 7, 2020: Fadhiga 22aad kal-fadhiga 47aad Golaha Wakiilada Dawlada Puntland. Fadhiga oo Ajandihiisu ahaa La Xisaabtanka Golaha Xukumadda ayaa waxaa maanta hor-yimi masuuliyiinta Wasaaraddaha kala ah; Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta DPLWasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta DPLWasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska DPLWasaaradda Amniga & DDR-ta DPLWasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha, dhaqanka iyo Dalxiiska DPL Waxay Goaha la wadaageen warbixinta Wasaaradaha kadibna mudanayaasha golaha Wakiilada DPL ayaa su’aalo weydiiyey mas’uuliyiinta wasaaradaha. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Shacabka caadiga ah waxa dhibka ku hayay waxay ahayd Lacagta laysku xawilo,taasna Dowladu talaabo bilow ah oo sii socon doonta sida aan ku xogta ku hayo ayay ka qaaday. Dadka Danyarta ah ee haysta Sh.S gaarsiisan 1-Milyan ama nolosha hoose ee Shilinka aan looga maarmin,waa loo daneeyay,waxaana laga joojiyay waxii gaar siisan 1-dolar in aan laysku xawli karin. Balse ganacsatada kasoo waarida Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya Shilin Somaliga ee ku xareeya Canshuurta Dekeda Bosaso ee ka qaata 40% Lacagahaas,ayuu go’aanka Dowlada taabtay. Tusaale” Hadaad joogto Deegaamada Somaliyada kale oo aad haysato 100-Milyan oo Sh.S. una baahatid Dolar ma heli kartid.…

Read More

Faarax Maxamed Goobe waa wasiir ku xigeenkii hore e Wasaaradda Caafimaadka hadana wuxuu u yahay la taliye Arimaha bulshada ah M.xigeenka Axmed Karaash. Waa Xerta Masjid Rowda Bosaso iyo Maamulihii hore ee Manhal Hospital waxayna isku xer yihiin shiikh Daahir AwCabdi Waxay si khaas ah uwada shaqeeyaan Safiirka Somaliya ee Turkiga Caydiid iyo Safiir Siyaad Shire Garaase oo asna usharashan kursiga Baarlamaanka ee Beesha Naaleeye Axmed. Waxaana si hoose u riixaaya Agaasimaha mudada badan joogay ee Wasaarada Caafimaadka Puntland Cabdirasaaq Xirsi Xasan(Rabiile) oo ka mid ah Dadka qarsada lashaqaynta Nabad iyo Nolol. Faarax Goobe waa Ninka hada loosoo diray Xildhibaanada…

Read More

Madaxweyne Axmed Madoobe dib,ayuu ugu laaban doonaa Kenya maalmaha soo socda. Madaxweynuhu waxuu Kenya kasii aadi doonaa Imaaraadka Carabta. Dareenka shacabka Jubaland waxuu tilmaamayay lwax ka qabashada laba arimood oo kala ah… 1.Amaanka oo dabcay2.Magacaabista Wasiirada cusub. Arinta Amaanka si weyn,ayuu uga hawlgalay Madaxweynuhu,waxaana uu qaaday talaabooyin xoojin ah. Wasiirada magacaabistooda dib,ayuu udhigay Madaxweyne Axmed Madoobe ilaa doorashada Fadaraalku dhinac udhacayso. Jibril Qoobey.

Read More

Safarka Rooble ee Kismaayo waa jiraa balse xiliga rasmiga ah ee uu ku beegan yahay macada. Wararka qaarkood,ayaa sheegaya in uu tagi doono Rw Rooble Kismaayo maalinka Arbacada ah. Rooble waxuu isku dayayaa in uu dhexdhexaadin wax ku dhameeyo,inkastoo kooxda uu la shaqeeyaa aysan ku faraxsanayn hawsha uu wado. Jibril Qoobey.

Read More

Safaarada Uk oo wakiil ka ah Beesha caalamka,ayaa lasoo xiriirtay Madaxweyne Deni. Safaaradu waxay Madaxweynaha ka xog waraysatay laba arimood oo kala ah… 1.Magacaabistii Gudiga doorashada ee heer Puntland. 2.Doorashada guud ee Fadaraalka Somaliya. Deni waxuu xasuusiyay beesha caalamka in ay ku balameen qodobo magacaabista Gudiga ka hor… Qodobada Deni ku xiray magacaabista Gudiga doorashada ee heer Puntland,ayaa kala ahaa.. B.In Gedo looga danbeeyo Axmed Madoobe. T.In Gudiga Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi dib loo saxo. J.In Doorashadu noqoto mid xor iyo xalaal ah. Dood dheer kadib beesha caalamku waxay ka codsatay Deni in uu hormuud ka noqdo socod siinta doorashada…

Read More

Guddiga doorashada heer Federaal oo aysan qaybta ka ahayn Puntland iyo Jubaland ee shalay iska doortay Guddoonka,ayaa qorsheynaya in ay soo saaraan Jadwalka doorashada Senatarada Aqalka Sare. Ilo ku dhow dhow Guddiga,ayaa sheegaya in maalmaha soo socda hirgelinta Jadwalka doorashada Senetarada Aqalka Sare laga bilaabi doono Maamulka Koonfur-galbeed. Puntland,Jubaland,Hir-shabelle iyo Galmudug ilaa iyo hada kama muuqato ifafaalo doorasho. Musharaxiinta Doorashada waxay dhankooda soo saareen Gudiyo. Jibril Qoobey.

Read More

Muran xoog badan,ayaa dhexmaray Puntland iyo Beesha caalamka maalmihii lasoo dhaafay. Murankaas waxuu ku salaysnaa Xildhibaanadii lagala noqday xasaanada ee 8-da ahaa. Wakiilada Beesha caalamku waxay usoo gudbiyeen Puntland dareenkooda,kaasoo ay ku sheegeen in ay u arkaan wado aan sax ahayn in loo maray Xasaanad kala laabashada Xildhibaanadaas. Dowlada Puntland,ayaa hadalka Beesha caalamka ku gacan sayrtay kuna dooday in aysan sharciga ka talaabsan. Beesha caalamku ma siiso Puntland dhaqaale toos ah oo ay ku taageerto Baarlamaanka,Madaxtooyada iyo Ciidanka. Saamaynta ugu weyn ee hadalka beesha caalamku ku yeelan karo Puntland waa nidaamka Xisbiyada badan oo taageero dhaqaale looga rabo. Balse Puntland…

Read More

Puntland shuruud ayay ku xirtay imaanshaha Rooble ee Garowe. Shuruuda ay ku xirtay Rooble in uu yimaado Garowe,ayaa ah.. B.In uu ka hor yimaado doorashadii Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka ee heer Fadaraal shalay ay sameeyeen. T.In aan wax talaabo ah la qaadin inta laysku imaanayo ee mucaaradka iyo Dowlada laysku keenayo. Rooble soo jeedintaas way ku adkaatay in uu fuliyo,waxaana sidaa ku baaqday safarkiisii Garowe. Sidoo kale Kooxda Fahad badalkii Rooble waxay udirayaan Garowe Qoor-qoor inkastoo Puntland aysan weli aqbalin socdaalkiisa. Safarka Rw Rooble ee Kismaayo waxuu ku xirnaan doona natiijada kasoo baxda tagida Qoor-qoor ee Garowe hadii Puntland aqbasho.Xigasho Suxufi…

Read More

Ajandaha shirka berri ee ka furmaya Muqdisho. Shirka Somalia Partnership Forum, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa furi doona. Shirku waxuu iskugu jiraa mid toos looga qeyb galayo iyo mid dhanka muuqaalka Zoomka looga qaybgalayo. Xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa kaga qaybgeli doona Zoom-ka. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland,ayaa uga qayb gali doona dhanka Zoomka. Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Qoor-qoor oo Muqdisho joogay,ayaa lagu yiri Dhuusamareeb tag si Beesha caalamka loo tuso cida Shirka ka maqan in aysan ahayn oo kaliya Puntland iyo Jubaland. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Qoor-qoor oo asna khudbeeyay,isagoo isticmaalaya Aalada Zoom-ka kuna sugan Dhuusamareeb,ayaa ku raacay Qodobada Madaxweyne Deni ka hadlay. Qodobka muhiimka ah ee Qoor-qoor taabtay isku mawqifkana ay ka noqdeen Deni,ayaa ahaa. B.In Shirkii hore uu ahaa mid wanaagsan balse hada loo baahan yahay in mid deg-deg ah ay iskugu yimaadaan madaxda Qaranka. Madaxweyne Axmed Madoobe waxuu hadli doonaa beri subax ama beri galab midkood. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Deni Khudabdiisa shirka SPF qodobada ugu muhiimsanaa” In kulan deg deg ah Madaxda Qaranku isugu timaadoIn Musharaxiinta loo ogolaado ka qeyb galka doodaha siyaasadda si hufan oo xor ahIn Guddiga Doorashada ay ahaadaan Dad Bulshada dhex dhexaad u noqon kara laguna wada kalsoon yahay. Lana joojiyo fara gelinta tooska ahIn Gobolka Gedo xaaladiisa lagu dhameeyo is afgarad. Maamulkooda heer State loo daayo. Fara gelinta ciidan laga daayoIn Doorashada Gobolada Waqooyi lagala tashto hogaanka ugu sareeya Mudane Abdi Hashi oo ah hogaanka siyaasadeed ee ugu sareeya xukunka Awood qeybsiga Beelaha Goboladaas ahna Gudoomiyaha Aqalka Sare ee DalkaIn la joojiyo dib…

Read More

Waxaan si rasmi ah u furmay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka (Somali Partnership forum) oo looga hadli doono arrimo muhiim ah ku saabsan doorashooyinka, amniga,dhaqaalaha, saameynta dhaqaale ee COVID-19 iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

Read More

Xerada Ciidamada Milatariga Itoobiya ee Garabcase Jigjiga waxaa ka dhacay iska hor imaad udhaxeeya Ciidanka dhexdiisa. Askari Oromo ah,ayaa dilay Askari kale oo Amxaara ah,taasoo sababtay in uu dhaco dagaal socday 20-daqiiqo. Dhimashada dagaalkaas ka dhalatay,ayaa gaaraysa 9-Askari.Dagaalku waxuu ka dhacay xerada Garabcase maalinkii shalay.

Read More

Abaanduulaha Ciidamada Tigreega oo hadlay,ayaa guulo waa weyn sheegtay. Jeneral Taadhase Gabra Isgahbeer,ayaa sheegay in dhanka Raaya sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay dagaalkii socday maantay soo afjareen. “Hal diyaarad oo kuwa qumaatiga ukaca ah,ayaan soo ridnay,waxaana gubnay Taangiyo fara badan”Ayuu yiri Taadhase. Jeneral Taadhase oo hadalkiisa sii wata,ayaa yri “Gebi ahaanba garoonkii diyaaradaha Bahardar ee Diyaaraduhu nalagu weeraro ay kasoo duuli jireen waan burburinay” Sidoo kale ciidankiiDhinaca Adagiraad kasoo socday dhexda,ayaan ugalnay oo waa Jabinay,Ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More