Halkan ka daawo muuqaalka
Author: Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan la daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Ciidamo Mushahaar la’aan ka gadoodsan oo xirtay Madaxtooyada Villa Somaliya maanta,hoos ka daawo muuqaalka. Hakan ka daawo muuqaalka
Kooxda kubadda cagta Muqdisho City Club,ayaa lagu soo dhaweeyay Garowe. Kooxdu waxay Qardho kulan saaxiibtinnimo kula ciyaari doontaa kooxda Horseed FC ee ka dhisan horyaalka heerka koowaad ee Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka
“Madaxweynaha waxa uu sameynayo waxba kama duwana nin naag uu qabay furay haddane ay ilmo u dhalayso”Ayuu yiri Xasan Shiikh. Xasan Shiikh oo hadalkiisa sii wata,ayaa yiri.. “Caawa la joogo Dowladanimada waa Maxamed Cabdullahi Farmajo kaligiis,xukuumadii majirto,Baarlamaankiina waa kala jiraa Somali ha ogaato”. Hadalkii ugu adkaa oo laga maqlo Xasan Shiikh,ayuu noqonayaa midkan uu maanta sii daayay. Halkan ka daawo muuqaalka
“Dalka in uu dowlad la’aan yahay wey soo dhacday,laakin in Baarlamaankii jiro iyo Madaxweynihii jiro oo Raisul Wasaare la’aan dalka ahaado wali wax soo dhacay ma ahan”Ayuu yiri Shariif Xasan. Shariif oo hadalkiisa sii wata kuna hadlaya afka Madasha,ayaa yiri markale.. Madaxweynaha in uu sharciga ku tumanayo wax loo dulqaadan karo ma ahan”. Hadalka Madashu waa ka xoog badan yahay kuwii horay looga bartay,waxuuna umuuqda mid Farmaajo loogu dirayo figniintii ugu danbaysay. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam,ayaa kulan talo wadaag ah la qaatay Madaxweynahii hore ee JFS Xasan Shiikh Maxamuud. Madaxweynaha oo hoyigiisa ku booqday Madaxweynahii hore Dalka,ayaa kulankan waxa ay kaga wada hadleen Arimaha Doorashooyinka iyo wakhtiga kala guurka ah. Sida ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan labada Madaxweyne way isla fahmeen arimihii ay kawada hadleen. Muhiimada kulanku waxuu daarnaa in isku aragti laga ahaado sidii Farmaajo cadaadis loo saari lahaa.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam,ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka,kuwaasoo kala ah.. Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan. Safiirka Ingiriiska Ben Fender. Wakiilo ka kala kasocday Maraykanka iyo Midowga Afrika. Kulankan,ayaa lagaga hadlayay Arimaha Doorashooyinka iyo amaanka,iyadoo si qoto dheer loo falanqeeyay Xaalada kala guurka ah iyo sidii ay u dhici lahayd Doorasho la isla ogolyahay. Kulankan ilaa iyo hada lama hayo waxa ay isla fahmeen beesha caalamka iyo Axmed Madoobe.
Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 2aad farqadiisa 3aad waxay dhigeysaa sida tan “ Lama soo saari karo sharci aan waafaqsaneyn Mabaadi’da guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiiddeeda.” Sidoo kale qodobkiisa 3aad farqadiisa 1aad wuxuu leeyhay “ Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada Nabigeenna Muxammed (NNKH), wuxuuna ilaalinayaa maqaasidda (ujeeddooyinka) shareecada iyo caddaaladda bulshada.” Waxaa la yaab leh in masuuliyiin lagu aaminey xilal waa weyn kuna dhaartey ilaalinta dastuurkan in ay la soo taagan yihiin waxaan waafaqsanayn dastuurka aan sharci ka dhigano. Qodobkii 4aad ee hindise Sharciyeedkii ay soo gudbisey Wasiiradda haweenka…
Kulanka Maraykanka iyo Puntland,ayaa ku salaysnaa dhawr arimood oo ay ugu waa weynaayeen Amniga iyo siyaasada. Maraykanku waxuu Saldhig balaaran ka samaysanayaa Puntland dhawaan,kaasoo wada xaajoodkiisu waayahan soo socday. Sidoo kale Maraykanku waxuu hoos udhigay dhaqaalihii uu ku bixin jiray Ciidamada Somalida ee uu taageero. PSF oo ka mid ah Ciidamada Maraykanku taageero,ayay saamaysay dhaqaali dhimistaas,waxaana Puntland ka baxaysa Shirkadii dhaqaalaha loosoo marsiin jiray ee gacanta ku haysay. Sida xoguhu sheegayaan Maraykanku xiligan waxuu dhaqaale uhayaa Ciidanka Danab ee ka hawlgala bartamaha iyo Koonfurta Dalka. Puntland way iska diiday in Ciidankeedu ku mushahaar qaato Magaca Danab oo loosoo jeediyay. Wada…
Jubaland waa in ay heegan sare galisaa Ciidankeeda. Alshabaab waxay badaleen hogaankii Amniyaadka ee Kismaayo,waxayna ka dhigeen Nin udhashay beesha Dhulbahante,kadib hogaankii hore oo ay ku eedeeyeen waxqabad xumo. Waxaa jira xogo muhiim ah oo sheegaya in Qaraxyo kale ay maagan yihiin maalmaha soo socda Alshabaab. Si gaar ah waxaa jira xog lagu kalsoonaan karo oo sheegaysa in Gaari walxaha qarxa ka buuxaan oo ku jiro gudaha Magaalada Kismaayo
Qoor qoor iyo Cabdikariin Guuleed waxay kulan ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee Nairobi. Sida xogtu igu soo gaarayso Qoor-qoor wuxuu isku dayayaa in uu ku qancinyo Cabdikariin Guuleed Raysalwasaaraha 3-bilood uhartay in uu qaato.La soco …
Kulankii looga xaajoonayay sida loo qaybsanayo golaha Deegaanka Degmada Bursaalax,ayaa fashilmay oo lagu soo kala kacay. Beelaha Degmada qaybtood,ayaa lagu eedaynayaa in ay wadaan sadbursi aysan xaq ulahayn. Bursaalax waa Degmo ay deganaayeen beelo kala duwan hadana isku mid ah oo is tixgalin jiray 10-sano ka hor.
Halkan ka daawo muuqaalka
Burtinle waxay khaati ka taagan yihiin shacabkeedu dhalinyaro xiliyada danbe ee habeenimada iskugu yimaada kulamo Muusig. Nin dhalinyaro ah oo la yiraahdo Caydaruus oo qurbaha laga soo celiyey,ayaa meel ka mid ah goobaha ay ku kulmaan iska leh.. Dhalinyaradan xiliyada danbe habeenkii ayay isku yimaadaan,iyagoo Khamri wata kadibna waxay shitaan Muusig aad u cod dheer una xoog badan. Waa muhiim in maamulka Degmada iyo Laamaha amaanku arintan ka hawlgalaan lana hadlaan Bulshada.
Booliska Mudug maanta waa lagu dhaliili karaa mashaqadii ka dhacday Magaalada Gaalkacyo. Nin shacab ah,ayaa Nin kale oo shacab ah ku hor dilay Taliska Qaybta Booliska. Kadib dilkaas oo ay Ciidanku damceen in ay qabtaan Ninkaas waa ku guuldaraysteen,waxayna isku daygii qabashadu dhalisay khasaare kale. Guud ahaan Mudug waa nabad amaankeedana waa soo kabtay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa Caawa loo diray Fariin lagu wargalinayo inuu baaqday kulan maanta la Iclaamiyay inuu qabsoomayo maalinimada berrito ah, kaas oo Ajandihiisu ahaa “Akhrinta 2-aad ee Sharciga Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha”. Lama oga sababta loo baajiyay kulanka maanta lagu wargaliyay Xildhibaanada, Fadhiyada Golaha Shacabka BJFS ayaana habacsanaan ku jirtay tan iyo wixii ka dambeeyay radistii Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Kheyre. Abdirashiid A. Warsame
Madaxda labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo Dekedaha ayaa ku mashquulsan dhoofinta xoolaha ka amba baxaaya Dekeda boosaaso. Caawa galinka dame ayaa lafilaayaa in uu dekada ka dhoofo Markab sida 25,000 labaatan iyo Shan kun oo geela. Markabkan ayaa xoolaha uu sido gayn doona dalka Sucidiga sida ay Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda u sheegeen qaybo ka mid ah masuuliyiinta labada Wasaaradood. Dekeda boosaaso waxaa kormeer shaqo ku tegay Wasiirku- xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdi Ibraahim Ibraahim Warsame, Wasiirku- xigeenka Dekedaha Yaasiin Cartan, Taliyaha Ciidamada Dekeda Cornel Maxamed Cali xaashi,Maamulaha furdada Maxamed Yuusuf iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan…
Farmaajo waxaa dhici karta in uu Turkey aado maalinka Beri foog ah,sida uu lasoo qaaday Deni iyo Axmed Madoobe. Mudo laba maalmood ah,ayuu codsaday in la sugo oo uu kusoo laaban doono hadii ay dhacdo in uu baxo. Sidoo kale socdaalkan,waxaa la ogaysiiyay wakiilada Beesha caalamka ee fadhiya Xalane. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Deni markale,ayuu Farmaajo ku gacansayray bilaabida wada xaajoodka. Deni waxuu usheegay Farmaajo in Pl iyo Jl aysan galayn wada hadalo ay ka maqan yihiin Maamulada kale. “Khasab waxaa ah in la helo 3-da maamul ee kale hadii aan rabno in aan soo afjarno khilaafkeena xalna ka gaarno hanaanka doorashada”Ayuu yiri Deni. Markale sida xogtu sheegayso Deni waxuu Farmaajo kula taliyay magacaabista Ra’isalwasaaraha. Jibril Qoobey.
SIIDAYNTA MAXAABISTA SIYAASADEED Enginer Yiliqal Getinet ayaa maanta lasii daayay,waana qofkii saddexaad ee muddo labba maal-mood gudahooda lasii daayo. Siddaad wararkeenii hore kula socoteen waxaa bilawday qorshihii Abiye Ahmed ee ahaa siidaynta maxaabista siyaasada u xidhan. Xigasho..VOSS TV
Madaxweynaha iyo waftigiisu waxay gaari doonaan Muqdisho maalinka Arbacada ah hadii rabi idmo. Madaxweynuhu waxuu degi doonaa meel ka baxsan Madaxtooyada Villa Somaliya. Amaanka xarunta waxaa lasii wareegay Ciidamada amaanka Puntland oo hadaba ku sugan Muqdisho. Gaadiidka Ciidanka amaanka Puntland ay isticmaalayaan waxay ka kala imaan doonaan dhawr jiho oo ay ka mid tahay Villa Somaliya. Sida xoguhu xaqiijinayaan Gaadiidka khaaska ah ee uu isticmaali doono Madaxweyne Deni waxaa laga qaadi doonaa Garowe waxayna ubadan tahay mid ka mid ah kuwa Madmadow in uu noqon doono. Madaxtooyada Puntland si heegan sare leh,ayay ugu diyaar garowday tagida Muqdisho ee Madaxweynaha. Jibril…
Waa iska cadahay waxa carada xooga badan ee uu kala dul dhacay Xaafiiska Qaramada midoobey ka keenay Abuukar Baalle waana in xaqiiqda indhaha laga saaray. Warbixintii Abuukar Golaha siiyay ee uu ku difaacayay Villa Somaliya,ayaa noqotay mid aan saamayn yeelan oo aan hal qodob xataa looga hakan,taa badalkeeda warbixintii Swan Golaha siiyay ayay dhamaan xubnaha fadhiyay uriyaaqeen waxayna noqotay mid aan dhinacna raacsanayn oo soo gudbisay xaalka Somaliya xiligan ku sugan yahay. Warbixintii Swan waxay wajigabax ku noqotay Abuukar Baalle iyo Villa Somaliya waxayna ka hor timid qorshahoodii xaqiiqda ka fogaa. Golaha amaanka waxuu mudadii usii dheereeyay Swan iyo Xaafiiskii…
Madaxtooyada Puntland si weyn ayay uga digtoon tahay kooxda Villa-da degan. 120-Askari iyo koox hab maamuuska ah,ayaa gaaray Muqdisho. Halka uu dagayo Madaxweynaha,ayaa ugu muhiimsan in la qorsheeyo oo la sugo amaankeeda. Sida warar kala duwan oo aan lawada xaqiijin karin sheegayaan Madaxweyne Deni waxuu dagayaa dhawr meelood midkood… B.Hotel Decale garoonka Aadan-cadeT.Hoygii uu daganaan jiray waayihiisii WasiirkaJ.Gudaha Madaxtooyada Villa Somaliya Sida xoguhu iftiiminayaan way ka diyaar garowday Madaxtooyada Puntland socdaalkan. Balse feejignaanta ugu saraysa waxaa laga rabaa in ay ka galaan halka Madaxweynuhu dagayo,iyagoo ay tahay in Qolalka dhexdooda aad ay ubaaraan gacantana ku qabtaan. Muhiimadu waa in Camera…
Aqalka-sare ee Fadaraalka Itoobiya,waxuu ka arin sanayaa Doorashada Tigreega ee todobaadka danbe. Worku Adam,Madaxa Gudiga Arrimaha Dastuurka oo saxaafada la hadlayay,ayaa sheegay in Doorashada Tigreegu ay tahay mid sharci daro ah oo aan noqon karin xor iyo dhex’dhexaad. Worku Adam waxuu sheegay in Aqalka sare lka arinsanayo laba qodob oo kala ah…. B.Sidii loo joojin lahaa Doorashada Tigreega. T.Sidii laga yeeli lahaa Doorashadaas haddii ay qabsoonto. Gudoomiyaha Aqalka-sare Aadan Faarax,ayaa warqad horay ugu qoray Madaxweynaha Tigreega,balse wax jawaab celin ah kama helin. Ugu yaraan 5-hay’adood oo caalami ah,ayaa udirsanaya goobjoogayaal Doorasgada Tigreega,kuwaasoo ay ku jirto ICJ. Tigreega,ayaa horay uqaadacay dib…
Gudiga dib uhabaynta & diiwaan galinta Ciidanka Dowlada,ayaa maanta waxay diiwaan galinta & dib uhabaynta ciidanka ka sameeyeen xeryaha ciidanka ee kala ah Barda Dheere & Xerada ciidanka ee Teerage.
Warbaahinta dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in maanta uu madaxweynaha dalkaas ahna amiirka magaalada Abu Dhabi, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan uu qaaday xayiraddii dhanka dhaqaalaha ee uu dalkaasi ku hayay Israel. Tallaabadaan ayaa waddada u xaareysa heshiisyo dhanka ganacsiga ah oo la filayo in ay wada gaaraan Israel iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo qeyb ka ah caadiyeynta xiriir diblamaasiyadeed oo ay dhowaan labada dhinac sheegeen in ay gaari doonaan. Israel iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa 13 kii bishaan sheegay in ay yeelan doonaan xiriir diblamaasiyadeed, ka dib markii uu labada dhinac dhexdhexaadiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Go’aanka…
Turkey ayaa sheegtay in labada toddobaad ee soo socda ay howgal milatari ku qaban doonto dhanka waqooyi galbeed ee Qubrus, xilli ay sii kordheyso xiisadda kala dhaxaysa Greece oo ku saabsan muran ka taagan sheegashada xuquuqda sahminta ee bariga badda Mediterranean ka. Murankan mudada dheer soo jiitamayay ee u dhaxeeya Turkiga iyo Giriiga, oo labaduba ka tirsan isbahaysiga NATO, ayaa sii kordhay kadib markii labada dal ay heshiisyo isdiidan oo dhinaca xuduudahooda badda ah la kala saxiixdeen dalalka Libya iyo Masar, iyo ka dib markii uu Turkigu bishan markab sahan ah u diray biyaha lagu muransan yahay. Labada dhinacba waxa…
Halkan ka daawo muuqaalka
Waa wax laga xumaado in Bosaso aysan maanta lahayn Dabdamis macno leh oo laysku halayn karo. Caawa dabka ka kacay Suuqa Bosaso waxaa ka gurmaday Dabdamiska Shirkada isgaarsiinta Golis. Duqa Magaalada Bosaso oo hada nasasho ku jooga Sweden waxuu mudan yahay in lagula xisaabtamo dayaca taagan. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Magacaabay Guddiga Farsamada ee Soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle.
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Maxkamada sare ee Somaliland ,ayaa go’aamisay in doorashada soo socota lagu galo diiwaan galin la’aan. Go’aanka Maxkamada sare waxuu ka danbeeyay codsi hore uga yimid Madaxweyne Biixi. Sida muuqata dib udhac iyo ceeb ayay ku tahay doorashada Somaliland in hanaankii 2005 dib loogu laabto. Doorashada,ayaa ah arimaha Somaliland ay ku faanto udub dhexaadkana u ah aqoonsi raadiskeeda. Go’aanka Maxkamada sare waa wajigabax ay wajahday dimuqraadiyada Somaliland. Jibril Qoobey.
” Soomaaliya Afartii sanaba mar waa in ay Doorasho ka dhacdaa, Waana Dowladnimada Soomaaliya”.sidaa waxaa yiri Shariif Xasan. Soo laabashadiisa Muqdisho ee maanta waxay ka dhigan tahay in laacib siyaasadeed oo culus kusoo biiray garoomada ciyaaraha siyaasada Somaliya. Halkan ka daawo muuqaalka
Xeerka saxaafada ee Farmaajo sida ka fiirsasho la’aanta ah usaxiixay waxaa si cad uga hor yimid Saxaafada Xamar ee uu saamaynayo.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa Maxkamada Sare ee maamulkaas u gudbiyey qoraal ku taariikhaysnaa 12/08/2020 oo summadiisu ahayd JSL/XM/MS/100-545/08/2020, kaas oo ujeedadiisu ahayd dacwad dastuuri ah oo ku saabsanayd qodobka 12aad, faqraddiisa 1aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada Xeer Lr.20-2/05 oo uu madaxweynuhu hore ugu gudbiyey Maxkamada Sare. Sidaa darteed, Maxkamada dastuuriga ah ee Somaliland,ayaa maanta qaraar ka soo saartay qoraalkii Madaxweynuhu u gudbiyey, waxaana uu u dhignaa sidan:-
Maalintii labaad xerada ugu wayn ciidanka dowlada Puntland ay ku leeyihiin gobolka mudug ee godod oo Gaalkacyo u jirta 30Km dhanka bari waxaa si wanaagsan uga socda howsha tira koobka & dib habaynta ciidanka dowlada Puntland. Gudiga dib habaynta ciidamada dowlada Puntland, xubno kasocda baarlamaanka dowlada Puntland, taliska guud ee ciidanka daraawiishta dowlada Puntland,taliska guud ee ciidanka booliska dowlada Puntland ,& Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa halkaasi kusugan. Dhamaan ciidanka daraawiishta ee dowlada Puntland ee kusugan gobolka mudug ayaa halkaasi ku maraya habka casriga ah ee diiwaan galinta ciidamada waana hab lagu xaraynayo xogta askariga oo dhamaystiran. Howsha dib uhabaynta &…
Casuumadii uu udiray Xildhibaanada Beelaha Hawiye ugu jira Baarlamaanka Fadaraalka way ku gacan sayreen waxayna shuruud uga dhigeen in uu magacaabo Ra’isalwasaaraha. Wargelin: “Madaxweynaha JFS ayaa soo dalbaday xildhibaanada HAWIYE maalinta Khamiista habeenka jimcuhu soo galaayo oo taariikhdu tahay 27/08/2020 8:00 Fiidnimo inay isugu yimaadaan xarunta madaxtooyada villa somaliya. NB. Xildhibaan waqtiga ilaali oo gaarsii sxbadaa Ajandaha: dalabka madaxweynaha.” Farmaajo ujeedka casuumadiisa waxay daarnayd in Xildhibaanada Hawiye laga dhaadhiciyo taageerida codsi uu Baarlamaanka horgayn lahaa oo ku aadan Mahdi Guuleed mudada hartay in uu sii hayo xilka Ra’isalwasaaraha. Sida muuqata Farmaajo waa ku dhici la’a yahay in uu beesha Hawiye…
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland ayaa soo afmeertay saxiddii imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga asaasiga ah (Hoose/dhexe) ama fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedkii 2019-2020. Imtixaanka oo ay u fariisteen in ka badan 11 Kun oo arday, ayaa ku dhawaaqistiisa si weyn looga sugayaa degaanada Puntland, maadama aysan arday dhameysatay fasalka 8-aad weli iska diiwaan-galin fasalka 1-aad ee dugsiyada sare. Agaasimaha Waaxda Imtixaanka ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Maxamuud Maxamed Siciid (Caynsane), ayaa sheegay in dadaalkii iskaashigii mugga lahaa ee ay sannadkan sameeyeen xafiiska waxbarashada, bah-wadaagta waxbarshada, macallimiinta Puntland iyo guddiyada waaliddiintu tahay tan keentay…
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika oo kaashanaya Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa dukheyn cirka ah oo ay fuliyeen kula beegsaday hogaamiye xigeenkii Ururka Al-Shabaab 25-bisha oo ku beegnayd maanta agagaarka Degmada Saakow. In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. Africa Command conducted an airstrike targeting an al-Shabaab senior leader in the vicinity of Saakow, Somalia, on Aug. 25.
Majiro hal dal ama hay’ad caalami ah oo soo dhawaysay waxii kasoo baxay kulankii Dhuusamareeb ee dhicisoobay. Maraykanku waxuu Farmaajo ugu gudbiyay kulankii garoonka Aadancade in loo baahan yahay wax Somalidu ku midaysan tahay in la helo. Safiirka ingiriisku dhankiisa waxuu si kulul ugu yiri..’Waad nalu goysay wakhtigii,ayaad naga lumisay beena waa noo sheegtay cid walbana waad la dirirtay”. Gabadhii ka socotay Midowga Yurub waxay usheegtay in waxa kasoo baxay Dhuusamareeb aysan ahayn waxii loo baahnaa oo ay filayeen. Wakiilka Qaramada midoobey su’aal buu waydiiyay Farmaajo,taasoo ahayd…”Maku filan tahay in aad raadiso labada Dowladood ee Jubaland iyo Puntland mise waa…
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa kusoo wajahan beri magaalada Garowe caasimada Puntland. 25-ka bishan oo ay maalini naga xigto,waxaa ka dhaci doona Garowe Shir ku saabsan doorashada Dalka. Kulankii Dhuusamareeb-3 ee dhicisoobay kadib waxaa jira dhaqdhaqaaq xoog badan oo lagu qorshaynayo in lagu qabto kulan kama danbays ah oo lagu go’aamiyo hanaanka doorasho ee Somaliya.
“Cabdullaahi Nin raga oo waxraba weeye kaligiina meel taagan ee idinku Nin in aad daba istaagtaan baad rabtaan oo aad qabaan ahaataan marka dabadhilif waan u ahay ceebna uma arko”Ayuu yiri Boqor Cadde. Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo Boqor Cadde. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Qoor-qoor waa ku haftay siyaasada oo waxuu ilaalin waayay asluubta hadalka,waxuuna muujiyay in uusan qaangaar ka ahayn dhankaas. Jubaland iyo Puntland waxay soo saareen warsaxaafadeed aysan ugu gefin madaxdii Dhuusamareeb ku shirtay oo ilaaliyay luuqadaha diblomaasiyada ee lagu wada hadlo. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Horumarada Soomaaliya ka socda, sida dhinacyada siyaasadda, ammaanka iyo samafalka ayaa lagu soo qaadi doonaa shirka looga hadlayo Soomaaliya ee maanta. James Swan Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya ayaa warbixin u jeedin doona xubnaha golaha. Kulanka waxaa si toos ah. Halkan ka daawo muuqaalka
Ergooyinka xisbiga Dimuquraadiga ayaa habeenkii saddexaad xalay yeeshay shirweynahooda la xiriira doorashada. Dadkii xalay qudbadaha ka jeediyay waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore Barack Obama, Hillary Clinton oo doorashadii 2016-kii uu Donald Trump ka guuleystay, afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi iyo gabadha uu Joe Biden u soo xushay inay madaxweyne ku xigeen u noqoto Kamala Harris hadii uu guuleysto. Dhanka kale, markii xalay qudbadaha ay jeedinayeen madaxda Dimuquraadiyiinta, ayaa Madaxweyne Donald Trump uu ka jawaabay dhalleeceynta loo soo jeediyay, isagoo dhankiisa cambaareeyay Obama oo uu ku tilmaamay nin wax tari waayay dalkan, dimuquraadiyadii Mareykankana halis geliyay. Isagoo wariyeyaasha la…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
