Author: Jibril Qoobey.

“Caabuqa ‘Coronavirus’ waa khatar dunida ku soo siyaaday sidaas awgeed Dawladda Puntland waxay qaaday talaabooyin looga hortagaayo faafidda caabuqaan inuu dalka ku faafo. Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland waxaan ugu baaqayaa inay qaataan talooyinka Hay’adaha Caafimaadka iyo Arimaha Gudaha ee Dawladda Puntland inta suurto gal ah. Waan dareensanahay duruufaha dadkeena ku xeeran lakiinse waxaan ku baaqaynaa in la yareeyo; isu socodka laga maarmi karo, xafladaha iyo kulamada sida maqaaxiyaha iyo goobaha cibaadada.”,ayuu yiri Madaxweyne Deni. Jibril Qoobey.

Read More

Go’aanka joojinta Qaadka ee Dowlada Puntland saakay waa ka hirgalay guud ahaan garoomada Puntland. Wal-walka jira,ayaa ah in uu kasoo galo dhanka Dhulka oo aysan Dowladu xakamayn karin maadaama xuduud balaaran la leeyahay Itoobiya. Sidoo kale Xukuumada Puntland waxba iskama waydiin Dadkii danyarta ahaa ee noloshoodu ku tiirsanayd Qaadka iyo dhaqdhaqaaqiisa. Si kastooy tahay go’aanka joojinta Qaadka si weyn,ayaa loosoo dhaweeyay. Jibril Qoobey.

Read More

Yaasiin Cabdisamad,ayaan u arkay aniga iyo dad badan shaqsi xiligan wax ka badali kara Gaalkacyo. Ku qancidaas mahan laablakac ee waxay ku qotontaa tijaabo iyo talo la taaban karo. Yaasiin afar bilood oo uu hogaaminayay Magaalada wax la taaban karo,ayuu muujiyay… 1.Hufnaanta oo uu qorshe kala yimid 2.Amniga oo uu qorshe kala yimid. 3.Bilicda oo uu qorshe kala yimid. 4.isku duubnida oo uu qorshe kala yimid. Amniga oo ah xubinta ugu baahida badan markaan gaar usoo qaato Yaasiin waxuu la yimid qorshe sareeyay oo uu waliba dhaqaajiyay…. B.Waxuu diyaariyay qorshe dhaqaale oo lagu dhisayo 8-Saldhig Boolis oo cusub. T.Waxuu diiwaangaliyay…

Read More

Ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa laga helay cudurka Coronavirus, sida uu ku xaqiijiyey qoraal uu soo saaray. Johnson ayaa sidoo kale sheegay inuu is-geliyey go’doon iskiis ah, balse uu sii wadi doono inuu hoggaamiyo jawaabta ay dowladda ka bixineyso faafitaanka cudurkan. Afhayeen u hadlay xafiiska UK looga arrimiyo ee Downing Street ayaa sheegay in Johnson oo 55 jir ah uu astaamo fudud isku arkay Khamiistii, kadib markii uu ka jawaabay su’aalaha toddobaadlaha ah ee ra’iisul wasaaraha lagu weydiiyo baarlamanka. “24-kii saac ee lasoo dhaafay, waxaan isku arkay astaamaha, waxaana la iga helay Coronavirus,” ayuu yiri Johnson. “Hadda, si iskey…

Read More

Dowladaha reer Galbeedka ee xareeyay Dadkooda waxay damaanad qaadeen noloshoodii,Caafimaadkoodii iyo waliba ganacsiga khasaaraha soo gaari kara oo qiyaas ahaan dhaqaale lagu baritaaro mudo dhawr bilood ah loo qoondeeyay. Dowlada Hindiya,iyadoo isku muujinaysa nidaam guulaystay ayay talaabooyinkaas oo kale ku dhaqaaqday. In badan oo Dadka Hindiya ka mid ah Hoy ma haystaan,halka inta badan ayba ku adag tahay lasoo bixida nolol maalmeedka caadiga ah. Shacab aan waxba lagu darsan noloshooda in amaro la dul dhigo waa qayb ka mid ah musuqa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Muuqaalka sawiradan waa garoonkii diyaaradaha Barawe ee ay Dowlada Fadaraalku sheegtay in ay ku baxday aduun gaaraya 4.3-Milyan oo dolar. Sawiradan waxay muujinayaan heerka musuqu ka gaarsiisan yahay Dalka oo waliba ay ugu lug leeyihiin madaxda sare. Cajiib waxaa ah in Dad badan ugu sacab tumayaan oo aysan waxba iska waydiinayn damiirkooda la ilhaamaysanayo. Jibril Qoobey.

Read More

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne xigeenka Jubaland waxuu beeniyay in uu wada hadal kula jiro Dowlada Fadaraalka ah. “Maxamuud Sayid Aadan waxuu ku dhaartay Kitaab wafti uu ka mid yahay ama hogaaminayo oo Jubaland ah Dowlada Fadaraalkana wada xaajood kala gala is afgaran waaga jira way dhici kartaa,balse mid kaligay ah ma dhici karto”ayuu yiri M.Sayid Aadan. Hadalkiisa inkastoo uu ku cadeeyay in uusan xiligan wada hadal kula jirin Dowlada Fadaraalka,hadana waxaa laga dhadhansan karaa in Mustaqbalka la filan karo oo wax reebayaa aysan jirin. Maalmihii lasoo dhaafay,waxaa suuqa soo galay in Axmed Madoobe iyo M.Sayid is khilaafeen Xamarna kusii jeedo…

Read More

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in shaqaale ka mid ah qandaraalayaasha u shaqeeya oo ganacsade ah laga helay Coronavirus. Qandaraaslaha waxaa uu ku jiray sideed cisho karantiil si xaaladisa ay ula socdaan dhaqaatiiir kala duwan iyo sidoo kale xiriirkiisa shaqsiga ah Warka UNSOM laguma sheegin dalka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo qandaraslaha walow ay jiraan soomaali badan oo qandaraas ka qaadata hayaddaha kala duwan ee degan Soomaaliya. Kiiskan waxaa uu ka dhigayaa Soomaaliya qofkii sadexaad oo laga helo isaga oo qaba Covid – 19

Read More

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in kiiskii labaad ee Coronavirus ah ee gudaha Soomaaliya laga helay qof ku sugan magaalada Muqdisho. Wasiirka oo la hadashay warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in qofka labaad ee laga helay xanuunka Coronavirus uu yahay qof Soomaali ah oo ka yimid dibedda, kaasi oo ka mid ah dad ay karantiileysay dowladda. “Kiiskaan waa kiiskii labaad ee la helo, baaritaan aan isbuucii hore dirnay ayuu jawaab u ahaa, oo xaqiijiyey xanuunka. Ma ahan qof calamaduhu ay ka muuqdaan, wuxuu ka mid yahay dadka karantiilka ku jira,” ayay tiri wasiir Fowsiya Abiikar Nuur. Fowsiya ayaa…

Read More

The United Nations in Somalia confirms that an employee of a commercial contractor engaged by the United Nations has been diagnosed with the novel coronavirus disease (COVID-19). The contractor has been in quarantine for eight days prior to diagnosis and medical professionals are interviewing the individual to trace contact with the individual. The United Nations in Somalia takes the global COVID-19 pandemic seriously and, over the past weeks, has prepared operating, medical and support procedures for the possibility of such an incident occurring. Our priorities are the care of the contractor and to prevent the further spread of the virus. The UN,…

Read More

Dawladda Kenya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horeeeyey uu dalkaas ugu dhintay cudurka COVID-19. War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Kenya,ayaa lagu sheegay in qofka dhintay yahay muwaadin kasoo laabtay Koonfur Afrika 13-kii Maarso. Waxa kaloo wasaaraddu sheegtay in qofkaasi oo rag ah da’diisuna tahay 66-sano jir uu qabay sidoo kale xanuunka macaanka. Kenya ayaa diiwaangelisay ku dhowaad 30-kiis oo ah cudurka COVID-19 Kenya waxay dalkeeda kusoo rogtay bandow xiliga habeenkii ah,kaasoo bilaaban doona 7-da fiidnimo ilaa 5ta aroornimo. Xigasho:-VOA.

Read More

Jaran jarooyin dhowr ah ayey martaa deyn cafintu mana ahan sida loo dhigayo in ay u sahlan tahay. Waxa hadda Soomaaliya, laga cafinayo maahan deyntii rasmiga ahayd oo dhowr iyo toban dal ku leeyihiin. Waxa la fududeynayo waa ‘‘arrears clearance’’ oo ah dulsaarkii iyo khidmadii fuushay deymihii Soomaaliya, la siiyey ilaa xorriyaddii. Wadiiqada lagu gaaro in dulsaarka ‘‘arrears clearance’’ lagaa fududeeyo, waxay International Monetary Fund iyo World Bank, ugu wacaan ‘‘decision point’’ oo ah in aad la timaado hufnaan maaliyadeed iyo koror dakhli gudaha ah si adi laftaadu isu bixiso. Si aad hufnaan maaliyadeed ula timaado waxaa lagugu tijaabin mashruuc…

Read More

Soomaaliya Deyn Ma Laga Cafiyey? Waxaan dhegaystay Clip kooban oo Wasiir Beyle (Finance Ministry of SFG) duubay isagoo ku dooday dhowr arimood oo aan ku habboonayn maqaamka wasiir maaliyadeed. Wasiirku, isaga isleh difaac go’aamadda aan loo meel deyin ee xukummaddiisu qaadanayso iyaga oo eegaya maslaxadooda siyaasadeed ee dhow keliya isla markaasna halis gelinaya mustaqbal facaha (next generations) soo socda, wuxuu ku andacooday dhow arimood oo ah jahwareerin (disinformation) ummadeed: Wuxuu ku tuhmay shacabka Soomaaliyeed iyo aqoon yahankooda in aysan fahmi karin qaabka iyo foormulooyinka (formula) loo maray “deyn cafinta” (haddii ay run tahay!). Wuxuu sheegay Wasiirku in ay isticmaaleen “Bridge…

Read More

Aadbay dad badani kaaga niyad jabeen markii loo sheegay in aad aaday Fasax nasasho,iyadoo Bosaso iyo Gaalkacyo xaalkoodu bariga dhexe yahay lagaana filayay Shirka kadib in aad ka hawlgalayso!!!. Madaxweyne adoo kale fasax iyo dalxiis ma’aado!!. Nin dalkiisu usugan yahay,ayaa fasax gala haystana waxuu isku haleeyo!! Shacabkaagii waxaa iskugu darsoomay sadex…… 1.Amaan xumo baahsan. 2.Dayac iyo Darxumo 3.Khatar Caafimaad. Gaas ugu yaraan nasashadiisa waa kala fogaan jiray shacabka oo Adis iyo Nayrobi,ayuu la aadi jiray!!. Waa nasiib daro in aad sawiradan iyo qoraalkan la wadaagto Bulshadan dayacan ee quusta taagan!!! Saxaafadu yaysan ka aamusin hab dhaqankan hadii damiir Wadananimo ku…

Read More

The International Monetary Fund (IMF) and the World Bank’s International Development Association have determined that Somalia has taken the necessary steps to begin receiving debt relief under the enhanced Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative. Somalia is the 37th country to reach this milestone, known as the HIPC Decision Point. Debt relief will help Somalia make lasting change for its people by allowing its debt to be irrevocably reduced from US$5.2 billion at end-2018 to US$557 million in net present value terms (NPV) once it reaches the HIPC Completion Point in about three years’ time. As Somalia continues on its…

Read More

“Somaliya oo 3-sano kadib raja ka qabta cafinta daynta”. Sida bayaanka lagu xusay, Somaliya marka ay soo gaarto qiimaynta HIPC ee ku dhawaad saddex sano kadib, waxay fursad u heli doontaa in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay,islamarkaana waxaa bulshada caalamku dib u furi doontaa marin u helista ilo dhaqaale oo dheeraad ah oo lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka, gacan ka gaysato hagaajinta xaaladaha bulshada iyo kor u qaadista shaqo abuurka Somalida. “Waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka Somaliya ay ugu jirto soo celinta xasilloonida, la shaqeynta kuwa amaahda leh, iyo qaadashada istiraatiijiyad yareynta saboolnimada,” ayuu yiri Madaxweynaha Baanka Adduunka David Malpass. Dib ugu…

Read More

Saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo manta ka dhacay magaalada Muqdisho. Qof isa soo miidaamiyey ayaa isku qarxiyey meel u dhowr baarkii hore ee Baar BULSHO oo ay haatan deggan yihiin dad barakacayaal ah. Goobjoogayaal ayaa idaacadda VOA u sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay yihiin rayid. Qaraxan ayaa yimid xilli ay xaaladda amniga magaalada wanaagsaneyd toddobaadyadii tagey, ayada oo aysan ka dhicin qaraxyo. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Balse hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin qaraxa.

Read More

Sadex sano oo faan iyo indhacadays raaxada nalooga qaaday natiijadii deyn cafinta Soomaaliya maanta waxay ku soo aruurtay in la yiraahdo Soomaaliya waxay gaartay marxaladda koowaad ee u qalmidda deyn cafinta ee loo yaqaanno Decision Point. Loona gudbay marxalada deyn cafinta kama dambeysta ah ee loo yaqaanno Completion Point oo la saadaalinayo in ay qaadan karto ugu yaraan 3 sano illaa iyo 16 sanadood! Haddaba, waxaa in la iswaydiiyo mudan Nabad iyo Nolol maxay beenta intaas la’eg ummadda ugu sheegeen mise iyaga ayaa u qaatay marxaladda koowaad ee u qalmidda deyn cafinta in ay tahay deyn cafinta kama dambeysta ah…

Read More

Magaalada qardho ee xarunta Gobolka Karkaar iyo deegaano badan oo hoos yimaada ayaa Roobsatay Xalay. Roobkan oo ahaa mid aad u xoogbadan ayaa biyo xoogan ku soo celiyay magaalada qardho hakad yarna galiyay isu socdka gaadiidka iyo dad waynaha magaalada sida uu ii sheegay Wariye Yaxye nuur Muumin. Lama sheegin wax khasaaro ah oo uu roobankan uu gaystay waana mid ay siwayn ugu diirsadeen dadka iyo Duunyadu,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaaalka

Read More

Hogaamiyihii Alshabaab ee Puntland Kilwe ayay gacanta lagu dhigay xalay saq dhexe sida wararku sheegayaan. Qabashadiisa oo ka dhacday Laascaanood,ayaa waxaa fuliyay Ciidamada Maraykanka oo kaashabaya Dad Deegaanka ah oo maxliya,sida warku sheegayo. Hogaamiyaha Shabaabka Puntland xiliga la qabanayo waxuu ka yimid qoyskiisa oo degan Boorame. Hadii warkan dhaboobo waxay noqon doontaa guul weyn oo la gaaray. Jibril Qoobey.

Read More

Galabta xarunta hay’ada Nabadsugida Muqdisho ee NISA waxaa lagula shiray dhalinyaro reer Puntland ah. Dhalinyaradaas waxay iskugu jiraan Rag iyo Dumar. Qorshaha loola kulmay Dhalinyaradan waxay tahay in ay Puntland tagaan kana abuuraan kacdoon shacab iyo khalkhal gelin. Madaxa hay’ada sirdoonka Puntland Mukhtaar Jeyte oo xogtaan laysku dayay in la gaarsiiyo way suuroobi wayday. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne maantoo kale Nin Raga dalxiis ma aado!!. Madaxweyne Deni oo horay usii kaxaystay Qoyskiisa,ayaa Dalxiis iyo nasasho ku jooga maalinkii Afraad Xeebta qurxoon ee Eyl. Bosaso habeen hore waxaa Xaafado ka mid ah ay Alshabaab ku rideen Hoobiye,iyagoo kasoo ridaya isla Magaalada gudaheeda!!. Ganacsatadii,haldoorkii iyo Culumadii waxay noqdeen wax lacag baad ah bixiya,wax cararay iyo wax aan dhaqdhaqaaqi karin!!. Wasiirada,Agaasimayaasha iyo shaqaalaha Dowladu Makhribku meesha uu ugu dumo ayay ku hoydaan. Gaalkacyo Dadkeedii waa mid cararay,mid baad bixiya,mid amarada Alshabaab toos ufuliya iyo mid dil suga ah oo waali baqdineed la meeraysanaya!!. Si buuxda ayay Alshabaab u xukumaan Gudoonka…

Read More

Talye xigeenka Xabsiga Gaalkacyo iyo ilaaladiisii,ayaa la weeraray xoogna looga furtay Nin danbiile ah oo ay Xabsiga usii wadeen. Maleeshiyo kasoo jeeda beesha reer Bicid yahan oo Alshabaab gadaal ka riixayaan,ayaa fuliyay weerarka sida xog lagu kalsoonaan karo ay xaqiijisay. Talyaha iyo mid ka mid ah ilaaladisa waxaa la geeyay dhaawacooda Isbitaalka Gaalkacyo. Ujeedka Alshabaab,ayaa ah in ay beelaha iska horkeenaan. Waa falkii labaad oo dhacaya Gaalkacyo 24-saac kadib dilkii Xildhibaanka oo Alshabaab ay ka danbeeyaan. Jibril Qoobey.

Read More

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxay ku dhaleeceysay isku day u muuqday weerar gaadmo ah oo ciidamo hubeysan ay ku hareereeyeen xarunta Madasha iyo hoyga Guddoomiyaha Madasha Shariif Sheekh Axmed. Wasiirka Amniga ayaa goor sii horeysay beeniyay wararka sheegaya Ciidamo dowladeed la dul dhigay ama weerar ku ah hoyga Sheekh Shariif.

Read More

Dowladda Soomaaliya ayaa ka daba-tagtay, kana laabatay qaraarkii Jaamacadda Carabta ee ay horay u taageertay, kaasoo lagu cambaareynayay dowladda Itoobiya qorshaheeda ku saabsan biyo xireenka Wabiga Niil. Go’aanka dowlada Soomaaliya ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed cadaadis ku saaray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre in dowlada Soomaaliya ka laabato qaraarkaas! Waxaa xusid mudan in dowlada Qatar oo xiriir aad xun kala dhaxeeyo Masar ay taageertay qaraarka Jaamacada Carabta, ayna lama filan tahay in DFS buriso mowqifkeedii hore ee ay ku taageertay qaraarka Jaamacada Carabta. Annagoo wada xusuusanna in dowladda Soomaaliya ay la safatay Masar markii Wadamada…

Read More

Wasiirka arimaha dibada Itoobiya,ayaa uga digay Dowlada Somaliya in ay taageerto qaraarkii Masar ee Biyaha Niil. “Somaliya dan waxay ugu jirtaa in aysan qaraarkaas taageerin oo ay ka gaabsato”ayuu yiri W.Arime dibadeedka Itoobiya. Dowlada Villa Somaliya ee mudo xileedkeedu gabaabsiga yahay,ayaa si fudayd ah ugu codaysay qaraarka Biyaha Niil ee Itoobiya looga soo horjeeday. Sidoo kale si fudayd ka muuqdo ayay markale uga booday taageeradeedii hore,isla markaana itoobiya si liidnimo ah u hoos fariisatay. Itoobiya kuma qancin intaas waxayna si cad ugu sheegtay in aysan ku filnayn jilba jabsiga diblomaasi ee ay la timaado Dowlada wakhtigeedu gabaabsiga yahay ee Muqdisho…

Read More

Guud ahaan Masaajidada Deegaamada Puntland muddo laba todobaad,ayaa la amray in la xiro ka hortagida Korona Faayres. Wasiirka Caddaaladda Puntland Cawil Shiikh Xaamud,ayaa amarkaas bixiyay. Marka laga soo tago dadaalka Dowlada,ilaa iyo hada Puntland lagama helin Virus-ka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ciidanka amniga Dowladda Puntland ee PSF-ta ayaa gacanta ku dhigay xubno lagu tuhunsan yahay ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Qoraal kooban oo lagu baahiyay barta Facebook, ee Ciidanka PSF-ta ayaa lagu sheegay in howlgallo ay Ciidanku ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso lagu qabtay xubnaha, iyo agabyo la doonayay in la doonayay in loo gudbiyo Kooxahan Argagixisada ah ee ku dhuumaleysanaya Buuraleyda Cal-madow iyo Cal-miskaat. “Ciidamada Amniga Puntland #PSF oo muddooyinkan dambe ka waday gudaha magaalada Bosaso hawlgallo weli socda oo lagu adkayno amniga magaalada Bosaso ayaa…

Read More

Hal-sano ka hor waxaa loo dhiibay Hay’ada sirdoonka Puntland ee Pisa oo dayac iyo kala daadsanaan xoog leh ay ka muuqatay Mukhtaar Jeyte. Waxaa loo kordhiyay dhaqaalihii 3-jibaar si joogta ah,ayuuna uhelayay bil walba. Madaxtooyada oo awooda magacaabista Agaasimaha lahayd waxa ay ka codsatay in uu wax la taaban karo qabto sida ugu dhakhsiyaha badan. Mukhtaar waa loogu han weynaa dib uhabaynta Hay’adan marka dib loo eego taariikhdiisa arimaha Wardoonka. Balse si buuxda,ayuu ugu fashilmay shaqadaas ilaa iyo hadana ma dhisin xataa unug isku xiran oo hawlgasha. Balanqaadkiisu waxuu ahaa in 6-bilood gudahood isbadal la arki doono,waase beenoowday. Sida muuqata…

Read More

Kooxo hubeysan,ayaa Gaalkacyo waxa ay ku dileen Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka,kaasoo lagu Magacaabi jirey Mukhtaar Axmed Cumar Tinle. Guddoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur io ka hadlay dilkaas,ayaa sheegay in ragga hubeysan ay dhowr xabadood ku dhufteen,isaga oo kasoo baxey Xildhibaanka Goob Ganacsi,sidoo kalena ay dhaawaceen Askari kasoo hor baxay markii ay dilka geysteen,iyaga oo sii baxsanaya. Guddoomiyuhu waxa uu ku eedeeyey in ay dilkaasi ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Read More

Gogosha Puntland ay ku baaqday ee Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah waxaa si buuxda utaageeray Beesha Caalamka. In Somaliya dayn laga cafiyo,isla markaana doorashadu ku dhacdo wakhtigeeda waxay ku xiran yihiin in gogosha Garowe la ajiibo oo uu dhaco kulan dhexmara Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah. Taageerada caalamka ee iska soo daba dhacaysa kuna aadan socdaalka Madaxweyne Deni Muqdisho looguna gogol xaarayo gogosha Garowe waxay muujinaysaa sida siyaasadii Somaliya halmar ay ugu wareegtay gacanta Puntland. Kooxda Villa Muqdisho waxay isku dayayaan in ay fashiliyaan imaanshaha Deni ee Muqdisho oo ay ogsoon yihiin in uu soo afjarayo…

Read More

Safiirka UK ee Soomaaliya Amb. Ben Fende, ayaa soo dhaweeyay soo dhaweeyay safarka Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ee muqdisho iyo kulanka Madaxda DFS iyo Dowladda Gobaleedyada ee ay iclaamisay Puntland. Amb. Ben Fender oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in kulan ay yeeshan dhinacyadu ay muhiim u tahay geedi socodka Doorashooyinka dalka, deyn cafinta iyo ka hor-taga caabuqa Corona-virus. “Wadahadalka u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS waa lama huraan: si looga faa iideysto deynta cafinta, doorashooyinka iyo la tacaalida coronavirus. Waxaan soo dhaweynayaa talaabooyinkaan muuqda ee horay…

Read More

Waxaan Tacsi udiraynaa Aniga iyo Xaaskayga Idil Keenadiid reer Xaaji Ismaaciil iyo reer Ciise Seeraar geerida ku timid Cabdullaahi Ciise Seeraar oo ku geeriyooday Dalka Sweden caasimadiisa Stokholm. Si gaar ah waxaan ugu tacsiyaynaynaa Walaal Sahro Xaaji Cali Faahiye. Naxariistii rabi ha siiyo Cabdullahi Ciise Seeraar hana ka dhigo marti la jecel yahay hoygiisuna ha noqdo janada. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Deni,ayaa ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray Xaliimo Yareey Gudoomiyaha Gudiga doorashada Kmg ah iyo Wasiirka arimaha dibada Dowlada Fadaraalka Axmed Ciise Cawad. “Guddiga Doorashada DFS hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay, waana talaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay Wasiiradu qabteen”,ayuu yiri Madaxweyne Deni. Jibril Qoobey.

Read More

Kooxda Villa Somaliya waxaa astaamahooda ka mid ah oo isla markiiba maskaxdaada kusoo dhacaya markhaati beenaale iyo Qoorye xeralaawe. Xaliimo Yareey waa Cawadkii labaad oo ay ku adeegtaan. Waxay lasoo hor istaagaysaa Umada,iyadoon haba yaraatee beri waxba u reebanayn doorasho Qof iyo Cod ah,ayaa ka dhacaysa Somaliya 2020-2021. Xasuusnoow waa ugu badnaan 6-bilood gudahood wakhtiga haray !!. 1.Dadka Somaliyed tirakoobkooda saxda ah lama yaqaan. 2.Afgooye iyo Muqdisho diyaarad bay ukala raacaan madaxda Fadaraalku. 3.Xisbiyo siyaasadeed majiraan markii laga saaro 63-urur oo Muqdisho Hoteladeeda ku kulma baraha Bulshadana wax kusoo qora. 4.Dowlada leh doorashaan hirgalinaynaa Xisbi maleh . 5.Sharcigii Xisbiyadu doorashada…

Read More

Cawad waa Nin jilicsan oo liita!!. “Farmaajo iyo Khayre,ayaa ku yiri Waxa Garowe kaaga adkaaday adoo Wasiir ah Juxaa,hadii aan lagaa adkaan oo aad rabto Wasiirkaaga in aad difaacato waa in aad hadashaa” Ninkaas Wasiir arime dibadeedka ah,hankiisuna yahay Madaxweyne Puntland ama Fadaraal warsaxafadeedka waxaa loogu diray Juxaa,ayaa ka adkaaday!!. Farmaajo iyo Khayre ujeedkooda hoose,waxaan xog ku helay in uu ahaa fashilinta socdaalka Deni ee Muqdisho oo ay u arkeen mid iyaga qorshahooda soo afmeeraya. Beesha caalamka,ayaa labada dhinac ku saartay cadaadis in ay kulmaan oo sameeyaan tanaasul. Puntland doorkeeda tanaasulka way ku dhaqaaqday beesha caalamkuna bogaadin ayay usoo dirtay,waxa…

Read More

Itoobiya way Isku Hub urursatay,waxaana todobaad walba soo gala Hub Iyo Raasaas aad u badan korna u Dhaafaya hal Millyan. Waxaa muuqata in Qowmiyaduhu si gaar-gaar ah udiyaar garoobayaan iskuna hubaynayaan haddii marxalada Dalka isku badasho dagaal sokeeye oo qabiliya ama mid Diiniya. Dagaaladii sokeeye ee ugu danbeeyay,waxaa lagu gubay 34-Masaajid iyo 4-Kiniisadood. Ciidamada amaanka Itoobiya waxay dadaal ugu jiraan ka hor tagida Hubkaas faraha badan ee kusoo qulqulaya Dalka,waxaana ugu danbeeyay Booyad ay ka buuxaan Hub iyo Rasaas oo ay gacanta ku dhigeen. Jibril Qoobey.

Read More

Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga,ayaa taageeray qoraalkii Qaramada Midoobey ku boggaadisay safarka Madaxweyne Saciid Deni ku tagi doono Muqdisho. “Safiirka Midowga Yurub waxaan aaminsanahay in isu tanaasulku yahay siyaasadda dhabta ah ee loo baahan yahay in wadadeeda la qaado”ayuu yiri Safiirka Midowga Yurub. Taageerida Danjiraha Midiwga Yurub ee Somaliya socdaalka Madaxweyne Deni ee Muqdisho waxay muujinaysaa saamaynta siyaasadeed ee Puntland ay ku dhex leedahay Somaliya iyo caalamka. Halkan ka akhriso Jibril Qoobey.

Read More

Qaramada Midoobey,ayaa ammaantay socdaalka la filayo in Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku tago Muqdisho. Qaramada Midoobey waxay ku faraxsan tahay waftiga dowladda Federaalka ee ka qeyb galay shirka Wadatashiga Puntland in ay soo dhoweeyaan socdaalka Madaxweyne Deni ee Muqdisho. Qaramada Midoobey waxay kaloo ku sheegtay War Saxaafadeedkeeda in ay ka war dhawarayaan kulanka Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Farmaajo ee muhiimka u ah danaha guud ee Somaliyed. Sida muuqata ku dhawaaqista Madaxweyne Deni ee tagista Xamar waa mid ay dabada ka riixayaan Qaramada Midoobey iyo Maraykanka aadna udanaynayaan kulanka labada hogaamiye ee Puntland iyo Fadaraalka. Jibril Qoobey.

Read More

Ciidammada Difaaca Dawladda Puntland ee tababarku uga socdo Xerada Ciidammada ee Xorgoble ayaa laga dareemayaa in ay siwanaag san u gudanayaan Hanaankii Tababar ee lagu carbinaayay mudooyinkii u dambaysay. Xukumada uu hoggaaminaayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdulaahi Deni waxaa ka go’an in Puntland yeelato Ciidammo la yaqaan Tiradooda iyo tayadooda. Waxaa xusid mudan in tababar uga socdo Ciidammada Difaaca Dawladda Puntland Xeryaha 54aad Garoowe iyo Xerada Ciidammada Degmada BADHAN. FG. Xuquuda Sawirdan Hannaanka wanaag san waxaa qaaday Wariye Siciid Muumin oo Xerada Xorgoble booqaday. Xigasho:Jookar

Read More

Wasiiraduna waxay sheegeen in Shirweynihii Puntland loo qabtay dadka Puntland oo keliya,isla markaana aysan door ku lahayn Dowladda federaalka Soomaaliya. Wasiirradu waxay kale oo sheegeen in safarka Madaxweyne Deni ee Xamar uu keliya yahay gogol xaarka shirka Puntland ku baaqday ee Dowladda dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah Waxay sheegeen in madaxweyne Deni aanu wada-hadallo hadda la yeelanayn madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Kheyre. Jibril Qoobey. Halkan ka daawo muuqaalka Abdirashiid A. Warsame

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland oo shaacisay sida ay ukale guuleysteen Degmooyinka horumarka ka sameeyey Mashaariicda Hormarinta ay fuliyeen. Degmada Burtinle Iyo Degmada Garowe ayaa wada galay kaalinta koobaad 1-aad. Halka Degmada Boosaaso ay gashay kaalinta labaad 2-aad. Degmada Qardho waxay gashay Kaalinta 3-aad.

Read More

Golaha Wasiirada Puntland waxay taageereen Shirkii Wadatashiga waxayna si buuxda uqaateen Qodobadii kasoo baxay. Golaha Wasiirada Puntland waxay go’aamiyeen in Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay shir iskugu yimaadaan Garowe,iyagoo tixraacaya baaqii Shirka ee ahaa gogol Somaliyed in ay fidiso Puntland . Golaha Wasiirada Puntland waxay go’aamiyeen in Gudi loo saaro diyaarinta shirkaas lana cayimo xiliga uu dhacayo. Golaha Wasiirada Puntland waxay go’aamiyeen in wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Deni ay bilaabaan gogol xaar Shirkaas ku aadan booqashana ku tagaan caasimada Dalka iyo caasimadaha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. Golaha Wasiirada Puntland waxay go’aamiyeen in mudo laba Todobaad…

Read More

Wajigii koobaad oo ahaa is diiwaangalinta ayay ka gudbeen 17-ka Urur,,waxayna ugudbeen hal bil oo Wajiga labaad ay kusoo dhamaystiri doonaan. Ugu danbayn 17-ka Urur kuwooda Wajiga labaad kasoo gudba waxay geli doonaan doorashada Dowladaha Hoose ee qorshaysan. Puntland waxay utahay maalin weyn oo lagu dhiiraday hami mudo soo jiitamayay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Qardho si weyn oo aan loo kala harin soo dhaweynta Boqorka ayay ugu diyaar garowday . Boqorka oo ay galbinayaan haldoor fara badan,waxuu kasoo anba baxay Bosaso saakay xili hore. Boqor Burhaan Boqor Muuse waa maqaamka ugu sareeya ee dhaqanka Puntland saamayn balaarana leh. Jibril Qoobey.

Read More

Dowladda Australia ayaa maanta ku dhawaaqday in ay xireyso xuduudaheeda dhamaan aysana soo geli karin dalkan dadka aan heysan dhalashada iyo deganaanshaha. Taasi macnaheeda waxaa weeye: Dhammaan dadka aan muwaadiniinta ahayn iyo kuwa aan deganeynba waa laga mamnuucay inay yimaadaan Australia 9-ka fiidnimo ee Jimcaha beri. Dadkase Australiyaanka ah ee ka soo laabanaya dibedda iyaga way iman karaan laakiin waxaa looga baahan yahay inay gooni u noolaadaan 14 maalmood (guryahooda ay ku jiraan muddo 14 casho ah). Allaha sahlo…

Read More