Magaalada Bosaaso, qaybaha kala duwan ee bulshada oo la hadlay Puntland State TV,ayaa soo dhowayey qodobadii kasoo baxay shirweynihii wadatashiga Puntland ee Garoowe kusoo gaba-gaboobey,hoos ka daawo muuqaalka.
Author: Jibril Qoobey.
Madaxweyna Jubbaland oo waqti la qaatay dadweynaha Afmadow isagoo ka xog wareystay baahiyaha ka jira deegaanka
Wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland iyo Jaamaacadda Islamic International University Uganda ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ay Jaamacadda heerkeeda tacliinta sare ee kowaad iyo labaad wax uga baran karayaan Ardayda Puntland ,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
War-murtiyeed ka Soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran,ayaa lagu taageeray War-murtiyeedkii laga soo saarey Shirwaynihii Wadatashiga Puntland. Jibril Qoobey.
WARBIXINO WANAGSAN AYAA HADA LAGA SOO SHEEGAYAA XANUNKA CORONA VIRUS DAAFAHA DUNIDA: -China waxay xidhay isbitaalkeedii ugu dambeeyay ee coronavirus. kuwana oo ku filan kiisas cusub oo buakanada lagu daweyay. Dhakhaatiirta Hindiya waxay ku guuleysteen daaweynta Coronavirus. Isku darka daawooyinka la istcimaalo: Lopinavir, Retonovir, Oseltamivir oo ay weheliso Chlorphenamine. Waxay u soo jeedinayaan daawo isku mid ah, adduunka oo dhan.Baarayaasha Xarunta Caafimaadka Erasmus waxay sheeganayaan inay heleen daawo ka hortaga cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’.haweeney da’ahayd oo Shinaha u dhalaty oo jirta 103 sano ayaa si buuxda uga soo kabatay COVID-19 kadib markii lagu daaweeyay 6 maalmood magaalada Wuhan, China.shirkada Apple…
Hoggaanka Dowladda Federaalka ayaa isku Dhax-yaac ku maareeynaya loolanka Masar iyo Itoobiya u dhexeeya ee arrimaha Webiga Niilka. Dowladda Soomaaliya waxay markii hore la jirsatay dowladda Masar iyadoo kulankii Jaamacadda Carabta codka ku taageertay Dowladda Masar. Itoobiya ayaa ka carootay arrinkaas. Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayday in ay raali gelin afka ah siiso Dowladda Itoobiya oo ay baahi badan u qabto taageeradeeda, gaar ahaan arrimaha haatan ka taagan Gobolka Gedo, laakiin Dowladda Itoobiya kuma qancin raali gelinta, waxay dalbatay in ay Dowladda Soomaaliya qaado talaabooyin muuqda. Dowladda Soomaaliya ayaa Jaamacada Carabta u qortay qoraal in ay ka gaabsatay (Taxafuday) go’aankii…
Beesha Muddulood oo Soo Dhawaysay Shirkii Wadatashiga Aayaha PL & Midka Somaliwayn ee maanta kasoo gaba-gaboobay Garowe.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan mahadcelin ah u sameeyay marti sharaftii iyo ergadii kasoo qeybgalay Shirka wadatashiga Puntland, Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlmaanka Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame. Sidoo kale waxaa kulanka ka qeybgalay Raísalwasaarihii hore ee Soomaaliya Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha Dowladda Puntland…
Halkan ka daawo muuqaalka
Aadbaan ugu faraxsanahay sida wax udhaceen caawa.Dulaal iyo danayste waa loo dayriyay dalkuna horay buu usocday. Puntland shir ay kasoo qaybgaleen ergooyin gaaraya 1825-Qof ayay qabsatay. Si hufan oo xor ah,ayaa loo dooday layskuna waydaarsaday afkaarta iyo aragtiyaha kala duwan. Waxay muujisay Puntland markale sida Bulshadeedu ubisishahay uga gudubtay yooyootan,muran iyo fawdo. Puntland waxay Somalida iyo caalamkaba tustay Wadaniyada iyo Somalinimada cid uga horaysaa in aysan jirin oo iyagu ay tilmaan gaar ah uleeyihiin. Puntland waxay muujisay in haldoor fara badan unool yahay oo hankoodu ka sareeyo dan gaar ah. Dowlada Puntland ee xiligan fadhida Villa-da waxaa lagu bogaadin karaa…
Halkan ka daawo muuqaalka
Guul iyo Gobanimo Shirweynihii Wadatashiga Puntland,waxaa kasoo baxay waxaan rabnay oo Puntland iyo Somaliba badbaadada u ahaa. Shirweynuhu waxuu awood dhamaystiran oo ay fulin karto gacanta ugaliyay Dowlada Puntland oo ay ku jirto hadii lagama maarmaan ay noqoto gooni isu taag. Dhamaan arimihii taagnaa ee muhiimka ahaa Shirku waa taabtay go’aana waa ka qaatay. Sharaf iyo dadnimo waxaa ah in Qoladii Xamar ka timid,iyagoo fadhiya lagu dul akriyay Qodobo hankoodii soo afjaray. 11-Qodob oo midba midka kale ka muhiimsan yahay,ayaa kasoo baxay Shirweynaha Wadatashiga Puntland. Qodobada soo baxay markii la faahfaahiyo si Bulshadu wada fahmi kartana loo dhigo waxay udhigmayaan…
“Xukunka dalka waxaa haya niman aan rabin in ay doorasho sax ah qabtaan, dastuurka ku dhaqmaan, federaalnimada ilaaliyaan, ciidamada qarankana u adeegsanaya dano gaar ah oo siyaasadeed. Puntland keligeed ma diiddana ee maamulkasta baa diiddan. Puntland waxaan ugu baaqayaa in ay isugu yeerto madal kale oo qarannimada lagu badbaadiyo”” ,ayuu yiri Saleebaan Xaashi. Isagoo hadalkiisa si wata Xildhibaan Saleebaan Xaashi waxuu yiri markale… “Nimanka Wasiiradda ah ee DFS idinka yimid yay idin hodin waxba Muqdisho idinka keeni maayaan waa niman kursigooda illaashanaya ee ogaada reer Puntlandnow.” Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Miiskaa Maanta dood adag,ayaa ka dhacday oo aan waxba laysku reeban. Qoladii Xamar ka timid Odoyaal rug cadaa ah,ayaa jilibka u aasay,waxaana lala galay dood adag hufan oo dimuqraadi ah. Qolada Xamar ka timid,waxaa la tusay in ay Puntlander-yihiin dooda wax ku leeyihiin hadana si waafaqsan Dastuurka looga gar leeyahay. Madaxweyne Deni,Gaas,Faroole Gudoomiye Jibril iyo Madaxweyne Karaash,ayaa dhanka Puntland dood lagalay Qolada Xamar ka timid tusayna in ay khaldan yihiin dibna ugu laabtaan kooxdoodii,iyagoo run loo sheegay. Dood caafimaad qabta oo furan,ayaa maanta Shirka ka dhacday,iyadoo loo qaybiyay 5-Miis. Isku soo wada duuboo Shirku beri,ayuu soo gabagaboobaya,waxaana la jeedin doonaa…
Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay labadii habeen ee la soo dhaafay ka wadeen gudaha magaalada Bosaso hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga,hawlgalladaas oo weli socda lagagana hortagayo falal argagixiso oo ay kooxaha cadowga ahi ku doonayaan in ay ku beegsadaan xarumaha dowladda, saldhigyada ciidamada iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto sida #masaajida iyo suuqyada ee magaalada #Bosaso. Ciidanka PSF oo kaashanaya shacabka magaalada Bosaso waxay ku soo qabteen hawlgalladan socda xubno lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha cadowga ah,kuwaas oo baaritaano ku socdaan. Ciidanka #PSF waxay shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaan iskaashiga ay la garab taagan yihiin ciidamada Amniga; soo wac…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Talyihii Sirdoonka Somaliland ee qaybta Laascaanood,ayaaa goor dhawayd la dilay. Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Cabdiqani Guhaad,ayaysan jirin cid sheegatay ilaa iyo hada dilkiisa. Masuuliyiinta Somaliland ee Gobolka Sool kama hadlin dilka Sarkaalka. Magaalada Laascaanood waxaa todobaadyadii udanbeeyay si isdaba joog ah uga dhacayay dilalka masuuliyiinta maamulka Gobolka ee Sl.
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta darajada Gaashaanle Dhexe u dalacsiiyay Taliyihii Ciidanka Daraawiishta qeybta Afmadow Mahad Islaam, kaasoo dhowaan sheegay in xubno ka tirsan dowladda Federaalka iyo Hey’adda Sirdoonka la soo xiriireen, si uu u afgambiyo degmada Afmadow, uguna wareejiyo dowladda Federaalka ciidamada uu taliyaha u ahaa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Gobolo kale oo laga ciribtiray Virus-ka dibna loogu laabtay Iskuulada Dalka Shiinaha. Sida la saadaalinayo ugu badnaan bil kadib Virus-kan waa soo afjarmayaa caalamkoo idil.
“Cabdulaahi Yuuusuf Nin qalafsan oo Isimada aan uroonayn buu ahaa mar uu dan ka leeyahay maahee,Faroole xoogaa buu noo dhaamay oo mar-mar buu noo yeeri jiray..Gaas-na noomaba yeeri jirin oo talo waxaa la siiyay ah kuwaas ka fogoow balaayaduba waa iyaga ,,been kama sheegayo waa fadhiyaa..Deni ma dhaliilayo ee waa eegaynaa suu yeelo”Sidaa waxaa yiri Garaad Shirwac oo ka hadlayay shalay madash ashirweynaha wadatashiga Puntland ee Garowe. Madaxweyne Gaas oo ka jawaabayay hadalka Garaad-ka,ayaa yiri sida tan…. “Isimadu iskuma yeeri jirin balse mid mid bay ii dhamaysteen Garaadkuna waa ka mid ahaa oo waliba dheeri,ayuu qaadan jiray”. Hadal adag oo…
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa kala qeybgalay ergooyinka Shirka kulamada gaarka ah ee looga doodayo Qodobada Shirka looga hadlayo. Dhammaan ka qeybgalayaasha shirka ayaa loo kala qeybiyey 5-qeybood oo kala ah: • Golayaasha Dowladda iyo Saraakiisha • Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Qurbajoog • Isimada • Ganacsatada iyo Cuqaal • Ergooyinka Gobalada, Haweenka, Dhallinyarada, Bulshada rayidka ah iyo Hayáddaha madaxa banaan. Ergooyinka Shirka ka qeybgalaya ayaa ka doodaya Saddex qodob oo midkiiba dhowr qodob usii kala baxo: 1-Puntland:- Midnimada-…
Ciidamada amaanka oo ka saaray Hoolka Shirka kana qaaday Qalabkii uu wax ku duubayay Wariyaha ka socda Tv-ga Muqdisho,kadib markii lagu helay khaladaad khatar ku ah habsami usocodka Shirka. Wariye Sakariye,ayaa lagu dhaliilay in aysan dhexdhexaad ahayn sida uu uduubayo Wararka Shirka uu ka dirayo iyo warbixinada uu ka diyaariyay caaismada Garowe. War usoo dhigay bartiisa Fc-ga,ayuu ku xaqiijiyay in talaabadaas laga qaaday.
Ajandaha Shirka oo markii ugu horaysay loo ogolaaday Saxaafada iyo in Bulshadu isla wadaagto. Gudiga shirka,ayaa lagu amaanay sida ay uxakameeyeen Ajandaha oo uusan suuqa ugalin. Halkan ka akhriso
“Dawladda Puntland waxaa la gudboon in ay shacabka u soo bandhigto tabashooyinka ay ka tirsanayso Federaalka si looga doodo looguna gorgortamo, dawladda dhexena waxaan ugu baaqaynaa in ay la timaaddo garawsiiyo, waxaana ka codsanaynaa in aysan maroorsan umuuraha masiiriga ah ee dalka sida doorashooyinka 2021, qaybsiga khayraadka iyo awoodqaybsiga” ayuu yiri Jeneral Morgan. Morgan oo hadalkiisa sii wata,ayaa markale yiri.. “Muddo sannad ah waxaa taagan khilaaf u dhaxeeya Puntland iyo Federaalka, dawladdii Xasan hoggaaminayay waxaa jirtay xasillooni siyaasadeed iyo wada shaqayn ku timid kudhaqanka nidaamka Federaalka ah, sababta keentay wada shaqayn la’aanta Federaalka iyo maamullada xubnaha ka ah waa ka…
Senator Juurile “Eebbe weyne waa ku mahadsanyahay suurtogalnimada shirkan, innagu guuleeyay shirkii aan ku dhisnay Puntland 22 sano ka hor, maalintaas aanu yagleelnay nidaam dawli ah oo sharciyad leh, adeeg dawladeedna fuliya. In maanta aan dib u milicsanno oo aan is weydiino maxaa saxmay? Maxaa khaldamay waa nimco weyn” ,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaa ka soo qayb-galaasha loo qaybiyay gurubyo ay ka dooodeen 3-mowduuc oo ka mid ahaa.. (1) Xaaladda gudaha ee Puntland, (2) Geedi-socodka federalaynta Soomaaliya, (3) Wadashaqaynta Dawladda Puntland & Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Halkan ka daawo muuqaalka
Cawad waxuu jeediyay hadal sii xoojiyay xantii hore ee laga haystay. Hadal aan jiho lahayn oo aan cadayn,isla markaana isku dayay in uu Ragii Xamar isku tuso Nin fikirkoodii goobta geeyay.ayuu kasii daayay Shirka. Hadal muujiyay waxa uu yahay oo Dadku aad uga dhargeen qiimihiisa,ayuu Cawad sii daayay isagoo gariiraya. Afgaroocnimo,jileec,karti xumo iyo hogaamin liidata,ayay Dad badani saakay ku yaqiinsadeen in uu hibo uleeyahay Cawad. Puntland waxba uma dhimin umana dhimi doono hadalkiisa liita,taa badalkeeda Shirka,ayuu macno usii yeelay oo hadafkii laga lahaa,ayuu sii xoojiyay. Shirweynaha Wadatashiga Puntland guul baan urajaynayaa.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland khudbadiisii waxay ahayd mid qiimo leh. Wadaniyad,Karti iyo isku kalsoonaan,ayuu muujiyay Gudoomiye Abwaan Jibriil.Puntland in uu leeyahay cidna marti uga ahayn ilaalsanayo kuna dirirayo qadiyadeeda,ayuu cadeeyay. Aadbay shacabka Puntland ula dhaceen maqsuudna uga noqdeen hadal jeedintii Gudoomiye Jibriil. Shirweynaha Wadatashiga guul baan urajaynayaa.
Madaxweynihii hore mudane Gaas khudbad miisaaman,ayuu jeediyay bulshaduna soo dhawaysay oo uriyaaqday. Waxuu xusay dhismihii Puntland iyo soo jireenkii ka danbeeyay.Sidoo kale waxuu si cad utaabtay Dowlada dhexe iyo hagardaamadeeda,waxuuna ku booriyay in Puntland xisaabtanto oo waxii ka maqan ay ku dagaalsnto. Hadaladiisii meel galaaga ahaa ee laga xusi karo khudbadiisa,waxaa ka mid ahaa… “1998 haday taladu naseegi lahayd Garowe maanta Bu’aale oo kale ayay noqon lahayd.”Shirweynaha Wadatashiga guul baan urajaynayaa.
Afgarooc aan nidaamka Dowliga ah meelna kasoo gelin,ayuu Axmed Karaash ahaa maanta. Hadal uma diyaarsanayn mana soo qoran erayo fiicana iskuma aadin si deg-deg ah.Karaash macno ma sheegin balse waxaa ilaahay mahadii ah in Madaxweyne Deni hadalka uga horeeyay oo dadka kaafiyay. Sidoo kale dhawrkii eray ee kasoo baxay waxay xoojinayeen xantii hore ee ahayd in uu Xamar ku xiran yahay,waxuuna isku dayay in uu hoos udhigo macnaha Shirka.Erayadiisii liitay,waxaa ka mid ahaa…. “Horay baa balani ujirtay oo ahayd in aan lays khilaafin ana taasaan fulinayaa oo Madaxweynahaan ku raacsanahay hadalka”. Shirweynaha Wadatashiga Puntland guul baan urajaynayaa.
Halkan ka daawo muuqaalka
Ra’iisulwasaarihii Hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, ayaa goor-dhaweyd soo gaaray Magaalada Garoowe, waxaana uu ku biirayaa Shirweynaha Wada-tashiga Puntland oo uu furay daqiiqado kahor Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Abdirashiid A. Warsame
“Shirkaan waxaan isugu yeernay inaan ka tashanno Aayeheena, Meeshaan joogno iyo meeshaan ku socono” Madaxweyne Deni,ayaa yiti sidaas. Khudbada Madaxweynaha oo lawada sugayay,ayaa ahayd mid miisaan culus oo uqalanta Shirkan muhiimka ah. “Halkan waxaynu isugu nimid in aynu tashano oo aan iswaydiino wadadii aynu ku soconay 20-sanno ee la soo dhaafay waxaa inoo hagaagsan, waxaa innaga qabyada ah iyo jihada aynu ku socono guddo iyo dibadba, annigoo rajaynaya inaad dhammaantiin si mug leh uga qayb qaadan doontaan qiimaynta marxaladihii la soo maray, jihaynta mustaqbalka iyo aayaha Puntland”Madaxweyne Deni,ayaa yiri sidaas. “Suurtagal ma aha in Dowldda federaalka ka leexato mabaadiidii loo…
Midowga Yurub,ayaa soo saaray warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya, waxayna sheegeen dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay xuduuda Kenya iyo Somaliya,si gaar ah ciidamada dhowaan la geeyay Gobolka Gedo ay abuureen daganaansho la’aan iyo barakac ballaaran. Midowga Yurub wuxuu ku eedeeyay Dowladda fadaraalka Soomaaliya hantidii iyo feejignaantii Milatari ee la rabay in lagu wajaho howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda labada Gobol ee shabeele in loo leexiyay meel kale. Midowga Yurub wuxuu sheegay in wadashaqeyn buuxda loo baahan yahay in ay dhexmarto Dowlada Federaalka ah ee Somaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada fadaraalka iyo sidoo kale wada…
Ra’isalwasaare Cumar Cabdirashiid oo beri 5-saac kasoo degi doono caasimada barakaysan ee Garowe. Cumar waxuu qayb ka yahay haldoorka muhiimka ah ee ka qaybgalaya Shirweynaha Wadatashiga ee Puntland. Jibril Qoobey.
Former President Dr. Mulatu Teshome Delivers PM Abiy Ahmed’s Message on GERD to EU and France Officials A high level delegation led by H.E. former president Dr. Mulatu Teshome, has concluded its mission to deliver the message of H.E. Prime Minister Abiy Ahmed to the leadership of the EU Council and Commission as well as to French president H.E. Emmanuel Macron. The message to Council president Charles Michel was delivered to Mr. Francois Roux, Chief of Cabinet while the message to EU Commission president Ursula von der Leyen, was delivered to HE Josep Borrell , Vice-President of the European Commission…
Taliyaha guud ee ciidanka Dowlad goboleedka Jubbaland Sarreeye Guuto Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa dib u habayn ku sameeyay Taliska booliska magaalada Dhoobleey. Taliyihii hore ee ciidanka booliska magaalada Dhoobleey Gaashaanle Dhexe Haybe Axmad Cabdulaahi ayaa laga qaaday xilkan waxaana loo badalay taliska qaybta booliska ee gobolka Jubbada Hoose. Dhinaca kalena wuxuu Taliyuhu u magacaabay Gaashaanle Maxamuud Cabdi Daahiye in uu noqdo Taliyaha cusub ee ciidanka booliska magaalada Dhoobleey, halka uu Dhamme Maxamad Cabdulaahi Kureed uu u magacaabay ku xigeenkiisa.
Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya,ayaa ku dhawaaqay goobaha ay ka dhici doonto doorashada Guud ee dalkaaas oo dhacaysa bisha Ogosto ee Sanadkan. 547-goob doorasho ayay siidaayeen,waxaana muuqata in Somalida lagu ilhaameeyay qiimayntan. Degmooyinka noqon doona Goob doorashada waxay kala yihiin sida tan….. . 1.Tigray 38 2.Cafar 8 3.Amhara 138 4 Oromiya 178 5.Soomaalida 23 6.Beni shangul 9 7.Shucuubta koonfureed 123 8.Gambeela 3 9.Harari 2 Diridhabe 2 10.Addis Ababa 23 Jibril Qoobey.
Declaration by the High Representative on behalf of the European Union on the latest developments in Somalia. The latest incidents on the Kenya-Somalia border and the recent build-up of security forces in the Gedo region have created instability and resulted in casualties and large-scale displacement of civilians. This has had a severe humanitarian impact notably on vulnerable women and children. The fighting in Galmudug at the end of February has also fuelled tensions. Overall, these situations are extremely serious. Furthermore, they divert assets and attention away from military operations against al-Shabaab in Lower and Middle Shabelle and jeopardize hard won…
Farmaajo waxuu codsaday in uu Garowe yimaado isaga iyo Gudoomiyayaasha labada Aqal. Codsigaas waxaa waday Wasiiradii Xamar ka yimid ee uu ugu Madax buurnaa Wasiir Cawad. Madaxweyne Deni si cad buu isla goobtii loogu soo gudbiyay codsigaas ugu diiday. Talaabo bogaadin mudan. Jibril Qoobey.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland,ayaa shaacisay in mudda saddex maalmood ah la fasaxay dhammmaan goobaha Waxbarashada ee ku yaalla caasimadda Garowe. Jibril Qoobey.
Wasiiro katirsan golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa Caasimadda Garowe kaga qaybgalay dood ku saabsan hibada iyo hal-abuurka. Halkan ka daawo muuqaalka
Kulan dood wadaag ah oo ay soo qaban qaabiyeen Dhalinyarada Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qayb galay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed C/qaadir Cismaan, Xisaabiyaha Wasaaradda ismaaciil Cabdi nuur geesay iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Puntland. Kulankan ayaa ahaa dood wadaag ku aadan habka horumarinta magaalada Gaalkacyo ee ay ka mid yihiin Amniga, Wadooyinka, Caafimaadka iyo dhanka dhaqaalaha. Intii ay uu socday Barnaamijkan dood-wadaaga ah ayaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed C/qaadir lagu waydiiyay su’aalo ku aadan Dhanka Cashuuraha iyo qorshaha Dawladdu ku horumarinayso magaalada Gaalkacyo taasi oo Wasiirku si qoto dheer uga jawaabay…
Muxuu kaaga dhiganyahay shirka wadatashiga puntland? Mid kamid ah aas-aasayaashii Puntland, horeyna u soo noqday guddoomiyaha Barlamaanka Puntland, Siciid Xassan Shire, ayaa aragtidiisa ka dhiibtay shirka wadatashiga Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Agaasimaha waaxda tacliinta sare iyo deeqaha ee wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa shir jaraa’id oo uu Garowe ku qabtay kaga warbixiyay ardeyda reer Puntland ee deeqaha waxbarasho ka helay dalka dibadiisa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiirka caafimaadka Dawlada Puntland oo shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa Fariin udiray dawlada dhexe iyo Dawladaha xubnaha ka ah. 14 March,2020: Wasiirka wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa maanta shir saxaafadeed uu ku qabtay xarunta wasaaradda kaga hadlay qodobo ku saabsan xaalada caabuqa COVID-19. Wasiirka ayaa ugu horayn ka warbixiyay xaalada guud ee cudurka iyo saamaynta aduunka uu ku sii yeelanayo maalinba maalinta ka danbeysa, waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday shaqooyinka wasaaraddu qabatay oo ay ugu weynyihiin in la tababaray xirfadlayaasha caafimaadka, in la diyaariyay meeshii lagu karantiili lahaa hadii cid laga helo ama…
Urur Siyaasadeedka XAQSOOR ayaa maanta u gudbiyey warqdihiisa diiwan gelinta ururada guddida doorashooyinka Puntland ee TPEC. Xisbigan ayaa ah Xisbi u badan Aqoonyahan, Hogaanka ururada Bulshada, Ganacsato, siyaasiyiin da’a yar iyo dhalinyaro. Waxa maanta dukumentiga xisbiga Gudbiyey Drs. Sumaya C/qaadir Shoole oo ku xeeldheer arimaha Siyaasada iyo Warfaafinta iyo Aqoonyaho iyo waxgarad kale. Xaqsoor ururka_jiilka_Cusub
Shirkii saddex geesoodka ahaa ee Dowladaha Kenya,Itoobiya iyo Somaliya loo ballansanaa 16-ka bishan Maarso oo Kenya ay baajisay goor dhawayd. Jibril Qoobey.
At the invitation of His Excellency Yoweri Kaguta Museveni, President of the Republic of Uganda, Her Excellency Mrs. Sahle–Work Zewde,President of the Federal Democratic Republic of Ethiopia paid a one-day working visit to the Republic of Uganda on 13 March 2020. Ina warm and cordial atmosphere,the two Heads of State held official talks at State House, Entebbe. The two leaders exchanged views on a wide range ofbilateral, regional and international matters of mutual interest.On the Nile Basin, H.ESahle-Work Zewdewelcomed Uganda’s ratification of the Cooperative Framework Agreement. She noted that with Uganda’s ratification,an additional two ratifications would facilitate the entry into…
Itoobiya,ayaa xaqiijisay in xanuunka Corona Virus markii ugu horaysay laga helayqof u dhashay dalka Japan. Wasaarada Caafimaadka ee Dalkaas,ayaa sidaa uxaqiijisay Wakaalada Wararka ee Reuters. Ethiopia confirms its first case of the new coronavirus, the country’s public health institute tells Reuters; according to the mayor of Addis Ababa, the person affected is a Japanese citizen. Halkan ka daawo muuqaalka