Author: Jibril Qoobey.

Guud ahaan ku matalayaashii Puntland Dowlada dhexe oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha dibada Axmed Ciise Cawad oo ka kooban Wasiiro , Xildhibaano iyo Senitaro,ayaa soo gaaray Garowe. Masuuliyiinta waxaa garoonka kusoo dhoweeyey xubno golaha wasiirarada Puntland ka tirsan , xildhibaano iyo gudiga qaban qaabada shirweynaha wada tashiga. Masuuliyiintan waxay soo ajiibeen baaqii Dawlada Puntland ee ku aadanaa dib u eegista Aayaha reer Puntland 22-sano kadib. Jibril Qoobey.

Read More

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay inuu dalkeeda soo gaaray Coronovirus ayna u keentay haweeney Kenyati ah oo katimid Mareykanka soona martay magaalada London. Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa xustay in Bukaanka xaaladiisa dagan tahay oo raashiinka ay qaadaneyso balse Isbitaalka ku jiri doonto ilaa ay ka caafimaado. Kenya waxey sidoo kale joojisay dhamaan duulimaadyada Dibadda marka laga reebo kuwa aan laga baaqsan karin. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Taliye Mahad Islaam Bismillaah, Marka hore waxaan salaamayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed dal iyo dibadba, si gaar ah waxaan u salaamayaa bulshada reer Jubbaland ee saddexda gobol ku kala sugan. Salaan kadib waxaan rabaa inaan bulshada Soomaaliyeed la wadaago nuxurka iyo natiijada ka dhalatey xiriir ay DFS ila soo sameeyeen oo nuxurkiisu ahaa inaan fuliyo dhowr qodob oo ay DFS ka damacdey Jubbaland gaar ahaan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose. Anigoo ah Gaashaanle Mahad Maxamed Islaam ahna Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow, waxaa maalintii arbacada ahayd ee taariikhdu ku beegnay 4-Maarso-2020 ila soo xiriirey sarkaal ka tirsan xafiiska…

Read More

Gudiga qabanqaabada shirka Aayo-ka talinta Puntland waxaa lagu dhaliilay sida ay ubilaabeen bixinta Kaararka ergada. Gudigu waxay toos ula xiriirayaan xubinta ay ugartaan in ay noqon karto ergay shirka ka qaybgali kara,halka laga doonayay in ay beesha uu xubintaas kasoo jeedo udaayaan ama ay usii maraan Wasiir ama Xildhibaan hadba kii ku matala Dowlada. Muhiimadu waa in Gudiga Shirku udaayaan soo xulida Xubinta ergayga shirka ku matalaya beesha Wasiirka ama Xildhibaanka ku matala Dowlada. Taasi waxay maqaam uyeelaysaa Wasiirka ama Xildhibaanka oo loo arkayo masuuliyiin gadiga kara siyaasada Dowlada macnana ku dhex leh,sidoo kalena waxay culayska ka dulqaadaysaa Gudiga Shirka.…

Read More

Xisbi siyaasadeed ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta miisaan culus oo horay usoo qabtay masuuliyado waa weyn,ayaa la diiwaan maanta. Xisbiga magaciisa,waxaa lagu sheegay “Mideeye”waxaana ku midoobey siyaasiyiinta kala ah…. 1.Jen Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) Siyaadi Cali Xaaji WarsameSiyaasi Faarax Cali ShireSiyaasi Maxamed CabdinuurSiyaasi Daahir Xaaji KhaliifSiyaasi Abdiweli Xirsi IndhaGuranSiyaasi Cabdulaahi Xirsi Timacadde Nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland uguurayso waxuu umuuqdaa mid guulaysanaya. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xanibaado kusoo rogay dadka Mareykanka uga soo safraya Yurub, si wax looga qabto faafitaanka cudurka Coronavirus, taasi oo sii dhaawaceysa xiriirka markii horeba hooseeyey ee kala dhaxeeyey qaaradda. Tallaabada Trump ayaa ku qasabtay kumanaan qof inay dib uga laabtaan ama bedelaan tikidhadii ay horey u goosteen, waxayna hoos u dhigtay suuqyada saamiyada caalamka Madaxweynaha Mareykanka ayaa amar ku bixiyey in dadka ka imanaya Yurub aysan Mareykanka soo geli karin muddo 30 maalmood ah, isaga oo ka jawaabaya walaaca laga qabo cudurka Coronavirus ee kusii faafaya Mareykanka. “Waxaanu isticmaaleynaa awoodda buuxda ee dowladda federalka Mareykanka iyo…

Read More

Xildhibaan Ilhan Cumar oo ka tirsan Congress Maraykanka ayaa barteeda Instagram-ka ku shaacisay inay isguursadeen La taliyaheedii dhinaca Siyaasadda Tim Mynett Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minisoto ayaa bishii October ka dalbatay furiin ninkeedii hore Axmed Xirsi, oo ay kala tageen bishii November.Ilhan cumar iyo Axmed Xirsi waxa ay isku dhaleen Saddex carruur ah. “Waan guursaday, lamaane ayaanu ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, , Alxamdulilaah”, sidaas waxaa barteed nstagram-ka ku qortay Ilhan Omar

Read More

Wasiirka arrimaha dibedda Fadaraalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,ayaa shalay magaalada Nairobi kula kulmay dhiggiisa dalka Kenya Raychelle Omamo. Kulankan ayaa yimid ayada toddobaadkan ay dowladaha Soomaliya iyo Kenya wadeen dadaallo ay ku doonayaan in ay ku dejiyaan xiisadda labada dal muddada ka dhex oogneyd, dhowaan ka dartay kadib dagaal ka dhacay xuduudda. Dadaaladaasi waxaa qeyb ka ahaa safar ay dhawaan Muqdisho ku tageen wafti uu hogaaminayey wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya, ayada oo sidoo kalena la filayo in madaxweyne Farmaajo uu booqdo Nairobi. Dowlada Somaliya xiligan hogaamisa,ayaa Kenya ku fogaysay xiriirkeeda Jubaland iyo taageerada xoogan ee ay la garab taagan…

Read More

Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo fikirkiisa ka dhiibtay shirka wadatashiga puntland, lana dardaarmay dadka reer puntland. “Waan ku faraxsanaha in aan imaado dalkii oo nabada oo shacab iyo Dowladba lawada shaqaynayo, iyo in aan kasoo qayb galo Shirka wadatashiga oo aan rajaynayo in wanaag badan iyo wax badan oo wax tar u ah masiirka iyo horumarka Puntland in uu kasoo boxo.” Waxaan dadka Reer Puntland kula dar-daarmayaa waxaa waajiba midnimo, Puntland cadowyo badan bey leedaha oo dhan walaba ah Soomaaliduna waxay dhahdaa, “Markii Cadowgaagu bato Cududaada lamideeyaa”, waxaan ku dar daarmayaa wadajir iyo Midnimo,…

Read More

Shirka wadatashiga Puntland ee ka qabsoomi doona 15.3.2020 caasimada Dowlada Puntland ee Garowe waa mid loo han weyn yahay. Shirkaas,ayaa kusoo beegmaya xili xasaasi ah oo ay Dowladda Federaalka Somaliya kala guur doorasho wajaheyso, islamarkaasna uu uu hooseeyo xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlada Puntland ee xubinta ka ah. Markii uu ku dhawaaqday shirka wadatashiga ee masiiriga ah Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Saciid C/laahi Deni,waxaa ku dhawaaqistaas uriyaaqay shacabka Puntland gudo iyo dibedba iyagoo dareensan faragelinta khaldan ay Dowlada Federaalka ku hayso siyaasadda,wadajirka iyo horumarka Puntland. Waxaa si lamid ah usoo dhaweeyay shacabka Somaliyed ee ku dhaqan Gobolada kala duwan ee…

Read More

Labo wariye oo ku sugan dalka Itoobiya ayey shaqada ka eriday Wakaaladda Wararka ee ay leedahay dowladda, kaddib markii ay daabaceen sawir muujinaya Ra’iisul Wasaaraha iyo xaaskiisa oo qol hurdo iskula jira. Sawirka oo ah mid la jarjaray, oo wajiyada Abiy Axmed iyo xaaskiisa la dul saaray dad kale, ayaa muujinaya Ra’iisul Wasaaraha oo dhulka jiifa isagoo buste huwan, halka xaaskiisa, Zinash Tayachew, ay saarantahay sariir agtiisa ah, iyadoo waliba dhoollacaddeyneysa. Sawirkan ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada ee dalka Itoobiya, tan iyo markii la daabacay maalintii Isniinta. Qoraal ku saabsan jadwalka doorashada oo ay wakaaladda diyaarisay ayaa lala…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa saddexdi sano ee lasoo dhaafay kordhisay duqeymaha cirka ah ee ay gudaha Soomaaliya ugu geysaneyso kooxda Al-Shabaab. Sannadki 2019-ki Mareykanka waxay Soomaaliya ka fuliyeen ilaa iyo 64 duqeyn, halka sannadkaan ay fuliyeen ugu yaraan 25 duqeyn oo dhanka cirka ah. Dowlada Somaliya ee xiligan talada haysa,ayaa lagu dhaliilaa in aysan siday ahayd uag faa’idaysan taageerada dhanka Milatari ee Maraykanka.

Read More

Baarayaal ka socda Mareykanka ayaa Sudan ka caawin doona baaritaanka lagu sameynayo isku daygii dil ee fashilmay ee ka dhanka ahaa ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok, waxaa sidaas Arbacada sheegay wasiirka wafaafinta iyo dhaqanka Sudan. Faisal Mohammed Saleh ayaa weriyayaasha u sheegay in koox ka tirsan FBI-da “ay saaka soo gaareen si ay ugu biiraan baarayaasha Sudan.” Baarayaasha Mareykanka ayaa ku biirin doona Sudan “khibrada iyo farsamada ay u leeyihin kiisaska noocan ah”, sida uu sheegay Saleh. Warbaahinta gudaha oo soo xiganeysa wasiirka ayaa sheegay in kooxda Mareykanka ay ka kooban yihiin saddex qof.

Read More

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay Mashruuc Waxbarasho, kaas oo halku dhiggiisu yahay Ifiye. Munaasabadda Daah-furka ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Madaxwaynihii hore ee Puntland Santor Cabdiraxman Maxamed Maxamuud faroole, Sanator Cabdirisaaq Xuseen Cismaan Juurile, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Ismaaciil Maxamed Warsame, Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka Mulki Cabdisamed Xuseen oo ka mid ah Aasaasayaasha Mashruuca Waxbarashada ee Ifiye iyo masuuliyiin kale. Mashruucan oo in muddo ah howshiisa laga soo shaqaynaayey waxaa ka faa’iidaysan doona ardayda reer Puntland, waxaana iska-kaashanaya hirgelintiisa Dawladda Puntland iyo qurbajoogta Puntland. Mashruucani…

Read More

Qodobbo Xassaasiya oo Looga hadlay Kulankaas qaybtood ayaa ah sidatan hoose. 1) In Beesha Caalamku ay xaqiijisay Horumarka Dhaqaale, Amni, Siyaasadeed & Dimoqaraadiyadeed ee Dowladda PL. 2) In Beesha Caalamku soo dhawaynayso Shirka Aayo-Kalinta reer PL ee dhacaya 25th March 2020. 3) In ay lagaga Maar-maan tahay Madaxda Somaliyed ( DFS & Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Somaliya ) ay si Deg-Deg ahi isugu yimaadaan, ogana tashtaan arimaha taagan. 4) Beesha Caalamku waxay adkaynaysaa in la xaqdhowro Nidaamka qaanuuneed(Dastuurka KMG) ee Somaliyed. 5) Beesha Caalamka & Saaxiibada Somaliya waxay tixgalinayaan, xaq-dhowrayaana Dastuurka DPL. 6) Beesha waxay ka digaysaa arrimaha…

Read More

Ra’iisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa isaga oo aanay wax dhibaato ah gaarin ka badbaaday isku day lagu dili lahaa ayada oo qarax la adeegsanayo, sida uu sheegay kaaliyihiisa. “Qarax ayaa haleelay baabuurka ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok, balse Allah mahadiis cidna wax kuma noqon,” ayuu yiri Ali Bakhit oo ah agaasimaha xafiiska Hamdok. Wasiir ka tirsan xukuumadda Hamdok ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ra’iisul wasaaraha uu ka baxsaday weerarka oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Khartoum. Muuqaallo uu baahiyey taleefishinka dowladda ayaa muujinayey laba baabuur oo uu waxyeello gaarsiiyeey qaraxa oo ka dhacay degmada Kober ee waqooyiga bari ee…

Read More

Hal qof,ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo lagu aasay bar kantarool oo ay fariistaan ciidamada ilaalada Dekadda Bosaso. Saraakiisha amniga Gobalka Bari oo khadka telefoonka kula hadlay,ayaa sheegay in cid kale aysan waxna ku noqon qaraxaasi iyagoona xusay in ay goobta ka bilabeen baritaano.

Read More

Wafti ka socda dalka Jabuuti oo ay galbinayaan Wasiiro dowladda Puntland ka tirsan,ayaa safar ku tagay Dekada Garacad. Wafti waxay kormeer ku sameeyeen sida uu u socdo dhismaha Dekadda. Safiirka Jabuuti oo waftiga hogaaminayay ka yimid Jabuti,ayaa amaanay iskutashiga shacabka iyo Dowladda Puntland ay ku dhisanayaan Dekadda Garacad. Halkan ka daawo muuqaalka.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntlans Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayo Madaxwayne Ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan karaash,ayaa qasriga Madaxtooyada kusoo dhoweeyey,wafti uu hoggaaminayo ergeyga gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliya Danjire James Swan.,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Maxaa laga filan karaa Shirweynaha Puntland” Waa shir aad loo sugayo, waxaa la filayaa in uu noqdo shir ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool u ah guud ahaan umadda Somaliyed,gaar ahaan reer Puntland. Hadaba si ay taasi u dhacdo maxaa muhiim u ah in ay ka soo baxaan shirkaas. 1.In Puntlad ay joojiso dhammaan wixii xiriir iyo wada shaqayn ah illaa laga helayo shuruudahan… B) In la isla meel dhigo qaabka ay noqonayso doorashada soo socota T) In ay DF ay joojiso xiisadaha dagaal ee ay waddanka ka hurinayso In lagu dhawaaqo shirweyne qaran oo lagu badbaadinayo masiirka…

Read More

WAR-SAXAAFADEED WADAJIR AH OO KU SAABSAN XAALADDA GEDO. Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay walaac xooggan ka muujinayaan ciidamada amniga ee isku urursanaya gobolka Gedo ee Jubaland, Soomaaliya iyo isku dhacyadii 2dii bisha Maarso ka dhacay agagaarka Beled-Xaawo kuwaas oo sababay barakaca dad rayid ah iyo khasaarooyin. Waxaan si deg deg ah ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ishaya inay is xakameeyaan, ay yareeyaan ciidamada amniga ee ku sugan Gedo, ayna ka fogaadaan fal kasta oo kicin kara rabshado. Waxaan ogsoonnahay muhiimadda ay leedahay xasilloonida iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya oo ku dhexmara deegaan xuduudeed ay wadaagaan halkaas…

Read More

Madaxweyne Deni oo ka hadlay Garsoorka iyo kiisaska kufsiga ah ee horyaala. Madaxweynuhu waxuu ku booriyay Garsoorka in ay dardar galiyaan Dacwadaha ay gacanta ku hayaan. Sidoo kale waxuu shacabka ugu baaqay in aysan degdegin oo ay ka war dhawraan Maxkamadaha iyo go’aamada kasoo baxaya. Madaxweyne Deni waxuu balan qaaday haduu umuuqdo gabood fal sharci in uu soo faragalinayo talaabana qaadayo. Hadalka Madaxweynaha waxuu cadaadis waxtar leh unoqonayaa Garsoorka ay Bulshadu aadka udhaliishay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Inkastoo uu Wasiir ahaa hadana waxaa qaabilay Madaxweyne Farmaajo. Qorshuhu waxuu ahaa in Uhuru yimaado Muqdisho casuumad horay loogu diray isagoo ka jawaabaya. Balse Uhuru casuumadaas kama soo jawaabin,waxuuna badalkiisii soo diray Wasiirkiisa Arimaha gudaha. Waxa ugu weyn ee laga wada hadlay waa dajinta xaalada xuduuda ee ay Dowlada Villa Somaliya ay kicisay markii eedayn aan xog rasmi ah ku fadhiyin ay dusha ka saartay Dowlada Kenya. Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo kulankii Farmaajo iyo Wasiirka Arimaha gudaha Kenya,waxaa lagu casumay Nayrobi Farmaajo. Farmaajo waxuu aad u danaynayaa xiriir dhow oo uu la yeesho Uhuru maadaama uu xiligan sii…

Read More

Gudiga dib u eegista Dastuurka Fadaraalka ee fashilmay waxuu ku dul wareegayaa Puntland. Xubnaha Gudigan qaybta ka ah ee Puntland ku matala oo uu ka mid yahay Madaxweyne xigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab,ayaa maalmaahan isku dayayay in uu Puntland ka dhaadhiciyo ku qabashada shirweynaha dib u eegista Dastuurka Garowe. Wasaarada Cadaalada iyo Dastuurka Puntland sida aan xogta ku helay way ka hor timid soo jeedinta xubnahaas waxayna usheegtay in Puntland ay Shir Aayo ka talis galayso kadib shirkaas waxii kasoo baxa lagu maarayn doono arimaha uu ka midka yahay Dastuurka. Xubnaha Gudiga Dastuurka Fadaraalka oo jawaabta Wasaarada…

Read More

Turkish Airline waa la joojiyay duulimaadkeeda illaa 29-ka bishan. Lama garanayo si dhab ah sababta loo joojiyay duulimaadyada Shirkadaas muhiimka u ahayd Dalka. Balse waxaa jiray shir ay Istanbuul ku yeesheen Xisbiyada Mucaaradka ah,kaasoo kooxda Villa Somaliya ay isku dayeen in ay baajiyaan inkastoo aysan usuuroobin. Shirkada diyaaradaha Turkish Airlines abaal gaar ah,ayaa loogu hayaa in ay ahayd tii ugu horaysay ee isku biimaysa duulimaad ay ku timaado Somaliya oo xiligaas ahayd meel aan lagu soo degdegi karayn. Jibril Qoobey.

Read More

Maanta Bosaso,waxaa ka dhoofay Hogaamiyaashii Ahlu-sunna Macalin Maxamed iyo Sh.Shaakir. Culumada oo ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay Puntland,ayaa saakay uduulay Dalka Imaaraadka Carabta. Garowe waxaa ku haray oo kasii wada kulamo xubno kale oo Culumada Ahlu-sunna ah. Sida aan xogta ku helay Culumada,ayaa Puntland ka codsaday sadex qodob oo kala ah.. 1.In Xaaf iyo iyaga lawada hadal siiyo. 2.In beesha caalamka iyo iyaga lawada xiriirsiiyo. 3.In qayb laga qaato dib isku abaabulkooda. Ma cada in Puntland aqbashay codsiyadaas,balse wax walba waxay kala cadaan doonaan maaalmaha soo socda. Jibril Qoobey.

Read More

Wuu sharaxi waayay sida uu ku baxiyo Shatiyada Kaluumaysiga markii Golaha Wasiirada fadhigooda lagu dhex waydiiyay Wasiir Faarax Cawaash. Haatan golaha Wasiiradu waxay go’aamiyeen in la hakiyo bixinta Shatiyada. Waxaa lagu amray Wasaarada arimaha gudaha in ay xaqiijiso ka hor tagida Doonyaha iyo Maraakiibta Jariifka ah. Ciidamada Booliska waxaa lagu amray in ay ka hawlgalaan qorshaha ka hor tagida Jariifka. Ciidamada Badda waxaa iyagana lagu amray in ay ka hawlgalaan Badda oo la daagaalamaan Maraakiibta iyo Doonyaha Jariifka ah.. Sidoo kale gudi baara Wasaarada habka ay ku bixiso Shatiyada,ayaa loo dirayaa maalmaha soo socda. Talaabadan,waxaa aad usoo dhaweeyay Kaluumaysatada Wadaniga…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka qayb galay xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka. Maarso 08, 2020 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay munaasabada maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka (International Women’s Day) oo maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe. Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka Adduunka waxaa Madaxweyne Deni kala qayb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaasi Sahra Cabdi Xirsi, qaar kamid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka socda Hay’addaha UN-ka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa ka jeediyey…

Read More

Dowladda Puntland waxay joojisay Doonyihii Kaluumaysi ee dibada ka imaanayay mudo bil ah. Talaabo loo baahnaa oo ay bogaadiyeen Kaluumaysatada Wadaniga ah ee reer Puntland. Kulan ay caawa yeesheen Golaha Wasiirada Dowladda Puntland,ayaa go’aankaas laga soo saaray. Madaxtooyada Puntland waxay bulshadu ka sugaysaa gole soo joojin lagu sameeyo Wasiirka Kaluumaysiga Faarax Cawaash. Shatiyadii ugu badnaa oo la bixiyo,ayuu sii daayay Wasiir Cawaash,taasoo sababtay in Kaluumaysatada reer Puntland awoodi waayeen in ay ka Kaluumaystaan Badda. Jibril Qoobey.

Read More

Si buuxda ayay Dowlada Puntland ugu diyaar garowday qabashada shirka muhiimka ah ee Aayo ka talinta. 4-gudi oo ka hoos shaqaynaya Gudiga guud ee Shirka qabanqaabadiisa loo magacaabay,ayaa la sameeyay. Qorshuhu waa in shirku uusan noqon mid gacanta ka baxa oo ajandihiisa ku taagnaada lagana soo saaro go’aamo masiiriya. Garowe waxaa ku xarooday haldoor fara badan oo ka qaybgalaya shirka,sidoo kale maalmaha soo socda ayay kuwa kalana gaari doonaan. Dowladnimada Puntland ha xoogaysato. Jibril Qoobey.

Read More

Dhamaan Dadkii qaaday sawiradan Booliska Puntland qaybta Bari gacantay ku dhigeen. 7-ka mid ah shaqaalaha Dabdamiska garoonka diyaaradaha Bosaso,ayaa la qabtay baaris dheer kadib waxaa lasii daayay 4-ka mid ah Dadkaas. Shaqaalaha Dabdamiska garoonka Bosaso waxay ahaayeen kuwa kaliya ee loo daayay Taleefoonadooda gacanta xiliga ay soo dagaysay diyaaradan. Talaabadan waxay wax weyn ka taraysaa in aan mar danbe lagu xadgudbin nidaamka. Jibril Qoobey

Read More

Si maqaam leh,ayaa loosoo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Oo soo gaaray Puntland,kadib hal sano oo wareejiyay xilka. Waxaa garoonka uga hor tagay Gudoomiyaha Baarlamaanka ,Xildhibaano,Wasiiro iyo haldoor fara badan. Madaxweyne Gaas waxuu qayb ka yahay haldoorka ka qaybgalaya shirka Aaya ka talinta ee Puntland. 8-beri kadib sida qorshuhu yahay Garowe waxaa ka furmi doona shirweyne loo han weyn yahay. Madaxweyne Gaas soo dhaweynta garoonka kadib,waxaa loo galbiyay Qasriga Madaxtooyada oo uu kusoo saalamay Madawenyne Deni. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

“Dooda Waxbarashada Garowe waa loo baahnaa” Dowlada Federal-ka Somaliya waxay baal-martay Dastuurkii Federalka ahaa ee aynu dejisanay oo qeexaayey Habka Waxbarashada Dalka. Dowlada dhexe Imtixaankeeda ma aha mid Puntland ka qayb geli karto waxaana lagu gada Suuqa Xamar. Wasiir Godah Barre waxaan ahaa anigu Macalinkiisi Gudi aan ku jiro baa la kulmay wuxuu i yiri waanka xumahay in aan adiga ku baro waxbarashada balse anigu waxaan ahay shaqaale waana laygu amray. Waxaan nimi Puntland waxaanu Wasaaradda Waxbarashada waxaan tegey Imtixaanki degmada Qandala oo la ilaaliyey xifdisan taasi xamar kama jirto. Aniga iyo Sen Faroole waxaan u tagnay RW khayre waxaan…

Read More

FAHAD OO DUULAAN KU AH GAALKACYO” Xalay saqdii dhexe shir,ayaa ka dhacay Villa-da ayaanka daran ee Wardhiigley. Shirkaasi wuxuu u dhexeeyay Fahad Yaasiin iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Galmudug, gaar ahaan xaafada Baraxley ee koonfurta Gaalkacyo. Shirka waxaa ujeedkiisu ahaa in beesha Sacad u ogolaato Maleeshiyada Fahad Yaasiin ee Qadar taageerto in ay gaaraan magaalada Gaalkacyo. Fahad waxuu Beesha Sacad u balanqaaday in uu ku taageeri doono in ay jagooyin ka helaan isku shaandhayn lagu samayn doono mustaqbalka dhaw Wasiirada Villa-da ayaanka daran. Fahad wuxuu carabaabay in qorshahoodu yahay midaynta Gaalkacyo iyo usamaynta maamul xuduudkiisu noqdo ilaa inta ka sokaysa Degmada…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland. Munaasabada furitaanka Kal-Fadhiga labaad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa kasoo qaybagalay Madaxweyne ku xigeenka labaad Xubno katirsan labada gole ee Dowlada Xildhibaano iyo masuuliyiin kasocda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo munaasabadan ka hadlay ayaa ku dheeraaday waxyaabaha ay xooga saartay Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay ugu weyn yihiin amaanka iyo Hormarka. Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhaqaalaha la kobciyay iyadoo Wasaarada iyo hay’adaha kala duwan ee dakhligu ay…

Read More

Ma gafbaa mise toloow aqoon darra ayaa jirta?. Isbuuci tagay xasuuqii Aanole ka dhacay ee Mililik ku xasuuqay shacabka Oromiya taariikhdiisa ayaan waxbarashada dalka ka saareynaa ayeey yirahdeen, oromo ayeeyna ka xanaajiyeen, shalayna taariikhdii Kaaramardha inteey xuseen ayeey shacabki Somaliyed ka xanaajiyeen. Kaaramardha in loo ekeysiiyo meel Dowladdi Dergiga kaliya kaga adkaatay Dowladdii Siyaad Barre, Ethiopiana guul loo qiro in loo ekeysiiyo, waa qalad aad u ballaaran. Taariikhdu markasta waxay u baahantahay in la xuso labadeeda waji, waxay ku fiiriyeen kaliya ishii Dergiga iyagoo hilmaamay taariikhdii shacabka Deegaankaas. Shacabka Somaliyed iyo Shacabka bariga Oromiyaba dagaalkii waagaas dhacay guul kuma xasuusto…

Read More

Saraakiishan oo kasoo jeeda Puntland,kana mid ahaa Ciidankii saldhigay Dowladnimada Villa Somaliya,ayaa laga joojiyay mushahaarkii ay ka qaadan jireen Taliska Ciidanka Fadaraalka. Sariikashan majirto sabab ay mushahaarkooda uwaayaan aan ka ahayn in ay ka mid ahaayeen Ciidankii Cabdullaahi Yuusuf ka tagay kana soo jeedaan Puntland. Saraakiisha mushahaarka laga jaray,waxaa ka mid ah….. 1)Sareeyo guuto Cawil Dhiig Sokeeye 2)G/sare Axmed Huruuse 3)G/dhexe Abdirahman Mursal Yuusuf Waa wax lala yaabo Askari dallkiisa iyo dadkiisa usoo halgamay in qaab qabiil loola diriro. Sida xogtu igu soo gaartay amarka looga jaray mushahaarka,waxaa bixiyay Fahad Yaasiin oo Farmaajo raali uga yahay lana og yahay. Jibril…

Read More

Ra’isalwasaaraha Itoobiya oo oo ka qaybgalay xuska dagaalkii 1977 oo ay uyaqaanaan dhankooda Guushii Kaaraamardha,ayaa si jees-jees ah ugu digtay Somalida Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay dhankiisa dagaalkii 1977,ayaa si diciifnima ah oo qancin itoobiya ay ka muuqato wax uga usoo qoray xuska maalinkaas. Shacabka Somaliyed intiisa badan dhaleecayn xoog badan ayay kala dul dhaceen hadalka Farmaajo ee liitay. Mustafe Cumar Madaxweynaha Deegaanka Somalida Itoobiya,ayaa si ka duwan sida Farmaajo uga hadlay dagaalkaas uga hadlay. Mustafe waxuu naqdiyay hadalkii Abiye,waxuuna bogaadiyay Mujaahidiintii Somalida ahaa ee ku shahiiday dagaalkaas. Qormada Mustafe waxaa si weyn usoo dhaweeyay bulshada Somaliyed.

Read More

Norway,ayaa kala macaamiishay Baanka Aduunka lacagta saakay ay bilaabeen in ay ku faanaan Villa-da ayaanka daran kuwa fadhiya. Lacagtaas waxay gaaraysaa 366-Milyan oo dolar. In RW uu noqdo Khayre,dagaalka Jubaland ku socda,fogaynta Kenya iyo lacagtan 366-Milyanka ah waa wax isla wada socda. Habayaraatee dan Somaliyed kuma jirto marka danta shisheeyaha laga soo tago Khayre,ayaa laga yaabaa in uu helo gacan maris uu ku doonto kursiga sare,waaba hadii ay hirgasho riyadaas.

Read More

Shacabka Puntland,gaar ahaan Kaluumaysatadu cabasho xoog badan ayay ka qabaan Wasiir Faarax Cawaash. Kaluumaysatada in badan oo ka mid ah ay ila soo xiriireen waxay aad uga cabanayaan Maraakiib iyo Doonyo Kaluumaysi oo harqiyay Badda Puntland. Doonyaha yar-yar ee Kaluumaysatada Puntland ay adeegsadaan markay Badda galayaan,ayaan dhaafi karin Xeebta,sababtoo ah Badweyntii waxaa qaatay Maraakiibta Jariifka ah,kuwaasoo waliba hubaysan soona rasaaseeya Kaluumaysatada Deegaanka. Faarax Cawaash Wasiirka Kaluumaysiga Puntland waa masuulka bixiyay Shatiyada ay isticmaalayaan Maraakiibtaas iyo Doonyahaas Jariifka ah. Faarax Cawaash sanadkii uu joogay Xaafiiska Wasaarada Kaluumaysiga, waxuu bixiyay ugu yaraan 1234-Shati.kuwaasoo toban jibaar kusoo labanlaama kuwii la bixiyay 20-kii sano…

Read More

Barlamaanka dowlada Jubbaland ee xubinta ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa cod aqlabiyad ah ugu codeeyay codsi ka yimid Madaxwaynaha. Codsiga Madaxweynaha,ayaa ku aadsnaa in muddo kordhin labo bilood ah la siiyo si uu soo dhiso Golahiisa Wasiirada cusub oo mudadii horay loo siiyay ay ka dhamaatay. Xildhibaanada soo xaadiray fadhiga,ayaa u codeeyay in muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha mana jirin cid ka aamustay ama diiday. Jibril Qoobey.

Read More

Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka ku wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka. Farmaajo iyo Kenyatta,ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka…

Read More

Turkey oo Soomaaliya ka abuuraya dagaal sokeeye? Dowladda Turkiga ayaa u muuqata mid Soomaaliya ka abuureysa colaad sokeeye oo salka ku heysa qabyaalad, muddo soddon sano ah kaddib oo dalka ay ka dhacayeen dagaal beeleedyo hubeysan oo khasaare naf iyo maalba leh geystay. Dowladda federaalka oo ay hoggaaminayaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ayaa wadda saansaan colaadeed oo dalka dib ugu celin karta dagaalkii qabiilka ee uu ka soo gudbay. Qorshahani dowladda Turkiga ay dagaal qabyaaladeed uga abuureyso Soomaaliya, ayaa waxaa ka dambeeya dhowr ujeeddooyin oo xukuumadda Ankara ay ka leedahay kheyraadka iyo siyaasadda Soomaaliya. Xukuumadda Ankara ayaa…

Read More

Dhaawac fara badan oo Maleeshiyada Fahad Yaasiin kasoo gaaray dagaalkii Beledxaawo oo laga soo dajiyay Muqdisho. Maleeshiyada Fahad Yaasiin sida wararku xaqiijinayaan dagaalkaas,waxaa kasoo gaaray dhimasho iyo dhaawac fara badan oo saxaafada laga ilaaliyay. Jibril Qoobey.

Read More

Maleeshiyadii Fahad Yaasiin ee Dhuusamareeb joogtay oo loo soo daad gureeyay Beledxaawo. Daad guraynta Maleeshiyada Fahad Yaadiin ,ayaa ka danbaysay kadib jab xoog leh oo kasoo gaaray dagaalkii cuslaa ee ay la galeen Ciidamada Jubaland. Jubaland,ayaa dhankeeda diyaar garow xoog leh ku jirta soona dhoobtay Ciidamo dheeriya fariisimaheedii Beledxaawo.. Sida aan xogta ku helay 48-saaca ee soo socota waxaa la filan karaa dagaal kale oo xoog leh in uu dhaco. Jibril Qoobey.

Read More

Waa soo afmeermay shirkii 5-tii cisho ee lasoo dhaafay uga socday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga Xisbiyada Qaran. Wada xaajoodka intiisa badan waxuu ku salaysnaa sidii dalka loo badbaadin lahaa,loogana hor tagi karo fashil ku yimaada nidaamkii Dowladnimo ee mudada lasoo dhisayay. Qodobada kasoo baxay Shirka,waxaa lagu xusi karaa in la go’aamiyay Madasha ay hadda ku mideysan yihiin illaa Lix Xisbi ay noqdaan Hal Xisbi oo weyn,isla markaana doorashada soo socota si wadajir ah uga qeyb galaan. Kadib dhismaha Xisbigaas ay ku midoobi doonaan Xisbiyada Qaran waxaa la shaacin doonaa Musharaxa Xisbigaas ee doorashada 2021 uga qaybgeli doona. Warmurtiyeed,ayaa kasoo…

Read More