GOVERNMENT STATEMENT REGARDING THE UNWARRANTED VIOLATION OF KENYA’S TERRITORIAL INTEGRITY AND SOVEREIGNTY BY THE REPUBLIC OF SOMALIA His Excellency the President today, Wednesday, the 4th day of March, 2020 chaired a Special Session of the National Security Council (NSC); during which the Press Release issued by the Federal Government of Somalia on the 5th February, 2020; the accusations by the Government of Somalia made by Amb. Abukar Dahir Osman in New York, on 27th February, 2020; and the subsequent unwarranted attack on Kenya’s territorial integrity and sovereignty by the Federal Government of Somalia on 2nd March, 2020, were considered. The…
Author: Jibril Qoobey.
Wasaaradda maaliyada Jubbaland,ayaa hakisay ka qeyb galka shirarka looga arrinsanayo arrimaha maaliyada iyo deyn cafinta. Halkan ka akhriso Sidoo kale Wasaarada Maaliyada Puntland ,ayaa iyaduna hakisay ka qaybgalka shirarka looga xaajoonayo arimaha Maaliyada iyo dayn cafinta. Talaabadan,ayaa kusoo aadsysa,iyadoo todobaad kadib la qorshaynayay in ay Baydhabo iskugu yimaadaan Wasaaradaha Maaliyada Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Wasaarada maaliyada Dowlada dhexe. Fadhiga baaqday,ayaa qayb ka noqon lahaa qorshihii dib uhabaynta Maaliyada iyo Dayn cafinta ee horay usoo socday. Hakinta ay hakuyeen Puntland iyo Jubaland qayb kasii ahaanta hanaankii muhiimka ahaa ee dayn cafinta waxay waji gabax ku tahay Dowlada dhexe.…
Nin hubeysan ayaa xalay weerar loo adeegsaday Tooreey ku qaaday Nin la dhashay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, kaasi oo uu soo gaaray dhaawac Culus. Dhaawaca Cabdiraxmaan Muxumed,ayaa waxaa la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla gudaha Magaalada Dhagaxbuur, taasi oo la tilmaamay inuu isaga maamule uu ka yahay. Sidoo kale Ninka ku hubeysnaa Tooreyda ee weerarka ku qaaday Cabdiraxmaan Muxumed Cumar ayaa isku dayay inuu falka kadib goobta ka baxsado, hayeeshee Ciidanka amniga ayaa gacanta ku dhigay. Waxaa jira nacayb xoog badan oo loo qaaday Madaxweyne Mustafe kadib hogaamintiisa aadka loo dhaliilay ee Deegaanka
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa sagaal kun oo qoys oo u dhiganta 56000 oo qof,ay ka qaxeen Gobolka Gedo bishan oo qura kuwaasi oo badankoodu ka cararay magaalada Beled Xaawo. Magaalada Beled Xaawo ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubaland. Shalay waxaa magaalada ka dhacay dagaal dhex maray Ciidamada Jubaland iyo Mleeshiyo ay Dowlada Muqdisho kasoo daabushay Xamar,kaasoo ay ku dhinteen shan qof,isla markaana 15 kale ay ku dhaawacmeen.
Mareykanka oo war ka soo saaray duulaankii ay shalay Ciidamada DFS ku qaadeen Ciidamada daraawiishta Jubbaland ee ku sugnaa degmada Baladxaawo ,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
INNAALILAAHI WAA INNA-ILLAAHI RAAJICUUN إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ WAXAA KU GEERIYOODAY MAGAALADA GAARISSA KENYA 03-03-2020 MARXUUM KHALIIF UGAAS CABDI-BUDUL UGAAS CALI-MAAXIK KANA SOO JEEDA QOYS MAGAC IYO MAAMUS KU LEH QOWMIYADDA SOOMAALIWEYN Waxaana halkan tacsi ka diraya dhammaan Ehelka kala ah: Cabdi Maxamad Tarrax Ambassador Cabdulqani Muxumad Waceys Col. Zubeer Cabdilkariim BoorleCol. Nuux Maxamad Axmed IsaakhSadiiq Xasan Cali Buraale Xildhiban Bashiir Axmed CawarMaxamad Xasan GeelleXuseen Beynax BarreXuseen Xasan GeelleEng.Shariif C/naasir Shariif Maxamad Shariif MuhdiCabdicasiis Xaaji Cabdullaahi QorraxeeyYuusuf-mahad Maxamad AadanXasan Xaaji BarreBashiir Suldaan Maxamuud HeybeDr.Asad Suldaan Maxamuud HeybeYuusuf Suldaan Maxamuud HeybeMuxumad Suldaan Maxamuud Heybe Maxamad Cabdi Adar-GowsMaxamad Cabdi Xasan Eng.Maxamuud Beynax Barre Dr.Cabdirisaaq Macallim Cabdullaahi Cabdi Gaani YuusufShugri…
Ciidamada amaanka Puntland hawlgalkii Suuqa Bosaso ee saakay waxay kusoo qabteen Shabakad xiran oo Alshabaab ah. Balse waxaa ka baxsaday goobta Amiirkii hogaaminayay oo u dhashay beesha Isaaq,kaasoo ay Ciidanku ku raad joogaan. Bosaso waxaa ka socda hawlgalo culus oo amaanka sare loogu qaadayo. Jibril Qoobey.
Haweenay lagu magacaabo Khadiijo ayay Ciidamadu amaanku gacanta ku dhigeen,iyadoo isku dayaysa in ay sawiro ka qaadato Qasriga Madaxtooyada ee Garowe. Baaris kadib laamaha amaanku waxay xaqiijiyeen in ay ka tirsan tahay Alshabaab. Guud ahaan amaanka Puntland,ayaa la xoojiyay. Jibril Qoobey.
Si maqaam leh,ayaa loogu soo dhaweeyay Macalin Maxamuud Qasriga Madaxtooyada Puntland waxaana qaabilay Madaxweyne Deni goor dhaweyd. Kulan cabaar qaatay oo ugaar ahaa labada hogaamiye,ayaa kusoo idlaaday isfahan iyo garab istaag Puntland ay umuujisay Wadaadada lagu gardarooday ee maqaamka ku dhex leh Umada. Puntland waxay utaagan tahay ilaalinta Qaranimada Dalka. Jibril Qoobey.
Guud ahaan waxay Madaxtooyada Puntland hakisay qaabilaadii ilaa 19-ka bishan Maarso. Wareegto kasoo baxday Xaafiiska Madaxweynaha,ayaa lagu shaaciyay arinkaas. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu soo kordhin doono Bangiga Dhexe ee Dowladda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Beledxaawo xabada,ayaa ka bilaabatay waana la jabiyay Maleeshiyadii Xamar laga soo daabulay oo dhufaysyadii ayay si fidud uga baxeen. Guud ahaan Magaalada sifayn,ayaa ka socota goor dhowna waxay si buuxda usoo geli doontaa gacanta Dowlada Jubaland. Filo Saxaafada oo uu la hadlo Wasiirka Amniga.
Wararka ka imaanaya Muqdisho,ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhaawacmay weerar hoobiyayaal ah oo lala beegsaday deegaanka Xalane ee ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho. Faahfaahinta waa idinla wadaagi doonaa..
Halkan ka daawo muuqaalka
Ciidanka dalka Turkiga,ayaa burburiyay fariisimo ciidanka Syria ay ku lahaayeen magaalada Idlib ee dalkaas, Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay in howlgalkaas lagu burburiyay 8 diyaaradood oo Helicopter ah diyaarad Drone ah iyo 100 gaadiidka Taangiga ah oo ay lahaayeen ciidanka Syria, Sidoo kale waxaa ay warbaahinta Turkigu sheegtay in 2000 oo askarta dowladda Syria ah lagu dilay howlgalkaas waxaana ay arintaasi ka dambeysay markii Idlib lagu dilay maalmo ka hor 34 ka tirsan ciidanka Turkiga.
Halkan ka daawo muuqaalka https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10157995154691878&id=742346877
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Oo Daah-Furay Ololaha Talaalka Iyo Daaweynta Xoolaha Puntland. Garoowe: 01, March, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daah-furay Ololaha Talaalka iyo Daaweynta Xoolaha Puntland, kaasoo la gaarsiin doono 5 Milyan oo kamid ah xoolaha kunool 9 gobol ee Puntland Xoolaha ayaa laga tallaalayaa cudurka ku dhaca Sambabka Ariga waxaana uu soconaya muddo laba bilood ah. Munaasabadda daah-furka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Cisman Aadan (Fiisigis), Shaqalaha Wasaaradda Dhakhaatiirta xoolaha soo daweyndoona iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. Madaxweynaha dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay…
Siddeed xildhibaan oo laga soo doortay W/Bari Dalka Kenya ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha Wilson ee Nairobi,ka dib markii ay ka soo laabteen safar ‘qarsoodi’ ah oo ay ku tageen Muqdisho. Warar,ayaa sheegaya in ay jirto lacag Kaash ah oo ay kasoo qaateen kooxda Fahad Yaasiin. Halkan ka daawo muuqaalka
Maxkamada Sarre ee Puntland ayaa xukun kama danbays ah ku riday Mukhtaar Cabdikaafi Xirsi oo lagu soo eedayay in uu kufsi u gaystay,isagoo qaba Cudurka AIDS-ka dhibbane Farax Jaamac Faarax oo ah gabar markaas da’deeda lagu sheegay 9-sanno jir. Maxkamadda sare ee Puntland oo maanta go’aan kama dambays ah ka gaartay kiiska Mukhtaar, ayaa si buuxda u ayidday xukunkii maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal, oo ahaa 20-sano oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo dhan $5000. Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada Jubbaland Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dawlad goboleedka Jubbaland ay taageertay qodobadii laga soo saaray shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Wasiirku wuxuu sheegay in qodobada ay shirkaas ka sheegeen wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo isku duwaha siyaasadda ee Maraykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka Rodney Hunter ay yihiin kuwo ay horay Jubbaland ugu baaqday in laga shaqeeyo isla markaana ay sheegtay in aan la aqbali karin hab dhaqanka gurracan ee dawladda federaalka dalka. Dhibaatada iyo colaadda ay dawladda federaalku ka…
Heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa Midowga Yurub oo dhaqaalaha Doorashooyinka bixinaya. Sadexda Xisbi ee Somaliland,ayaa ku heshiiyey sadex qodob oo muhiim u ah geedi socodka doorashooyinka, iyadoo xooga la saaray sidii ay waqtigooda ugu dhici lahaayeen doorashooyinka labada golle iyo Deegaanka. 1. Somaliland waa in ay doorashada Golaha barlamaanka Iyo Golaha degaanka La qabtaaa Bisha 9-aad ee sanadkaan 2020. 2. Waxa doorashada Maamulaaya Koomishankii Hore ee Qaranka oo Lagu daray Saddex Xubnood oo beesha Caalamka Ah. 3.Dhamman Xogaha Iyo Ducmentiska Doorashooyinka Somaliland Waxa Maamulaaya 3 ruux oo ka Socda Midowga Yurub. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne ku-xigeenka Iran ee arrimaha haweenka iyo qoyska Masoumeh Ebtekar, ayaa ka mid noqotay dadka laga helay cudurka Coronavirus ee dalkaas kusii faafaya, sida uu sheegay wasiir ku-xigeenka caafimaadka Iraj Harirchi. Kiiska Ebtekar ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud, islamarkaana aan isbital loo dhigin. Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in tirada dadka u dhintay cudurka ay gaareen 26 qof, taasi oo ah dhimashadii ugu badneyd ee laga diiwaan geliyo dal ka baxsan Shiinaha. Tirada guud ee dadka uu Iran ku saameeyey cudurka ayaa gaareysa 245 qof, oo ay ku jiraan 7 mas’uul oo sare. “24-kii saac ee tagay waxaa…
Boqor Burhaan Boqor Muuse,ayaa la filayaa in uu maalinka beri foog ah soo gaaro Bosaso. Dowlada Puntland,ayaa diyaarisay soo dhaweyn maqaamkeedu sareeyo oo loogu talagalay Boqorka. Boqor Burhaan,ayaa mudo dalka dibadiisa ugu maqnaa safaro iskugu jira caafimaad iyo arimo Qoys. Bosaso,ayaa laga dareemayaa diyaar garowga soo dhaweyntiisa.
Mashruuc balaaran oo Waxbarasho,ayaa laga hirgaliyay Magaalada Qardho. Mashruucan waxaa maalgashanaya ganacsato reer Puntland ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Yasid sharci tii ugu waynayd ayay ku kacday Wasiirad Khadiija Diiriye oo si ilhaamaysan ula dhaqantay shaqaale utaagnaa ka hor tagid Xanuunka Carona Virus garoonka diyaaradaha Aadan-cade ee Muqdisho,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Baarlamaanka Fadaraalka oo lagu dhaliilay sharciga doorasho ee ay soo gudbiyeen. Waxaa lagu ceebeeyay in ay doorkoodii masuuliyadeed ee ka saarnaa Dalka ay ka gaabiyeen. Sharci doorasho oo aan tixgalin baahiyaha Haweenka,Dadka laga tirada badan yahay ayay meel mariyeen Baarlamaanka Fadaraalka. Sidoo kale sharciga doorasho ee ay sii daayeen Xildhibaanadu waa mid jah wareersan oo aan lahayn jiho rasmi ah oo lagu soo hagaago. Beesha caalamka waxay digniinteedu ku wajahan tahay in aysan imaan mudo kororsi . Sida xanta hoose tilmaamayso sii daynta sharciga doorasho ee Jah wareersan waxaa looga gol leeyahay in ugu danbayn ay timaado mudo kordhin,sababtoo ah…
Dowladaha, iyo ururada caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa war ay si wada-jir ah Talaadadi shalay u soo saareen ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya in ay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan, sidii Soomaaliya looga qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda. Qoraal saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shaciga doorashada federaalka Soomaaliya ee ay dhawaan ansixiyeen Golaha Shacabka, isla markaana uu 20-ki bishaan saxiixay madaxweyne Farmaajo, uu qeyb ka yahay hannaanka doorasho ee aasaasiga iyo lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashooyin qaran, oo u suurto-gelinaya in tirada ugu badan ee muwaadiniin ah ay…
Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka ee dalka Iiraan ayaa laga helay Caabuqa Corona, xilli ay Iiraan ahdda si weyn ula tacaaleyso cudurkaas oo saameyn weyn ku yeeshay dalkeeda, ilaa haddana dilay 15 ruux. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijiyay in Iraj Harirchi uu ku dhacay cudurka dhawaan magaciisa loo bixiyay Covid-19, uuna hadda ku jiro karantiil. Madaxweyne Xasan Rouhani ayaa dhanka kale ku boorriyay dadka reer Iiraan inaysan argagixin, isagoo yiri: “Waan ka gudbi doonnaa Caabuqan”. Saraakiisha Iiraan ayaa isbuucii lasoo dhaafay xaqiijiyay in 95 ruux uu ku dhacay Corona, laakiin waxaa la rumeysan yahay in tirada saxda ah…
Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in duqayn dhacday 22-kii bishan Febraayo lagu dilay laba argagixiso ah, oo mid ka mid ah uu lug ku lahaa weerarkii Al-Shabaab ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya iyo Maraykanka ee Manda Bay ee Gobolka Lamu. Maraykanku waxay sheegeen in qofka labaad ee la dhintay ay ahayd xaaskiisa oo xubin ka ahayd Al-Shabaab. Waxa milatariga Marayanku sheegay in labada xubnood ay kala ahaayeen sarkaal sare oo Al-Shabaab ah oo mas’uul ka ahaa qorshaynta iyo diyaarinta hawlgallada ka dhaca dhulka xuduudda la ah Kenya oo uu ku jiro weerarkii Manda Bay iyo xaaskiisa oo xubin ka ahayd isla…
Madaxweynihii hore ee Masar Hosni Mubarak ayaa geeriyooday isaga oo ahaa 91 jir, waxaa sidaas sheegay taleefishinka dowladda, Talaado. Wiilka Mubarak, Alaa Mubarak ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Subaxdan, aabahay, madaxweyne Mubarak wuu geeriyooday”. Mubarak ayaa muddo la xarbinayey xanuun, waxaana dhowaan loo gudbiyey qeybta daryeelka dadka xaaladdoodu liidato ee isbitalka. Mubarak ayaa waxa uu Masar xukumayey muddo 30 sano ah ka hor inta inta aan xukunka looga tuurin dibad-baxyo waa weyn oo dalka ka dhacay sanaddii 2011. Waxa uu xabsi ku jira sanado kadib kacdoonkii lgu riday, hase yeeshee waxaa lasii daayey sanaddii 2017 kadib markii…
Halkan ka daawo muuqaalka
“Sharciga doorashada mahan wax la fahmi karo oo waa lagu wareerayaa,door ma siinayo dadka laga tirada badan yahay iyo Haweenka,Dastuurka waa ka hor imaanayaa,isla markaana Somalidu ma ogola”sidaa waxaa yiri wakiilka Qaramada midoobey ee Somaliya. Halkaas waxaa ku dhimatay rajadii kooxda Nabar iyo Naxdin ee ay qorshaysteen. 6-bilood oo ku darsasho ah in ay Baarlamaanka horgeeyaan,kadibna Xildhibaanadu ka doodaan soona jeediyaan in aysan mudadaasi ku filnayn hirgalinta doorasho qof iyo Cod ah oo ay markaas 18-bilood guud ahaan hay’adaha Fadaraaliga ah ugu daraan ayay quudaraynayeen kooxdu. Balse jab iyo naasa beel siyaasadeed,ayaa ku dhacay,waana looga adkaaday kubadii.
Isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda Gobolka Gedo iyo ciidamada Dowladda Federaalka ay ku daabushay magaalooyin ka tirsan Gobolkaasi. Hunter oo sii wata hadslkiisa,ayaa sheegay in mas’uuliyadda ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah ay tahay la dagaalanka Al Shabaab, halkii uu isku dhac hubeysan dhexmari lahaa dhexdooda. The deployment of SNA troops to a politicaly motivated offensive in the Gedo region of Jubaland is unacceptable… We call president Farmajo to end the Somali national army offensive in Gedo and for president Farmajo and Jubaland president Madobe to…
Dharbaaxo diblomaasi oo aad u xoog badan,ayuu kala kulmay Farmaajo beesha caalamka oo uu isku qancinayay in ay wax badan kala og tahay qorshayaasha uu wado. Sida muuqata waxaa loo sheegay Farmaajo iyo kooxdiisa in aan raali laga ahayn sida uu wax uwado. Dhamaan qorshayaashiisa waxaa lagu tilmaamay kuwo baalmarssn waxii laysku ogaa. Ciidamada uu Gedo ku daabulay waa lagu diiday amar cadna waxaa lagu siiyay in uu dib usoo cesho. Barnaamijkiisa doorashada waxaa loo sheegay in uusan macno samaynayn hadii aysan Dowlad Goboleedyadu qayb ka ahayn. La dagaalanka Alshabaab waxaa loo sheegay in uu ku fashilmay khasabna ay tahay…
Golaha ammaanka ee Qarama Midoobay,ayaa shalay kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya. Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka ayaa ka jeediyay khudbado ay kaga war bixinayaan xaaladda siyaasadeed, tan dhaqaale iyo tan amni ee Somaliya. Isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda Gobolka Gedo iyo ciidamada Dowladda Federaalka ay ku daabushay magaalooyin katirsan Gobolkaasi. Rodney Hunter,waxuu sheegay in sanadkan 2020-ka uu Soomaaliya u yahay sanad adag, maadaama ay dooneyso inay xal ka gaarto deyn cafinta, doorashooyinka Qaranka iyo…
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowlada Jubaland waxuu gaaray Dhoobley si weyna waa loogu soo dhaweeyay. Axmed Madoobe Fariisin cusub oo Ciidamada Jubaland iyo kuwa Maraykanka,ayuu ka dhagax-dhigi doonaa Halkaas. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
At first, 23-year-old Khadar Abdi Abdullahi’s eyes began turning yellow. Then the palms of his hands did the same. Soon he was bleeding from his nose, and from his mouth, and his body was swelling all over. Eventually he collapsed with fever. He later died. A deadly sickness is spreading through villages near a Chinese natural gas project in Ethiopia’s Somali region, according to locals and officials who spoke to the Guardian. Many of Khadar’s neighbours have suffered the same symptoms. Like him, some died. It is not clear what is causing the sickness, and officials in the federal government…
Wadadda xeebta marta oo Muqdisho iyo Habyo waa 500 km ammaan maaha Muqdisho iyo Beletweyn waa 335 km ammaan maaha Muqdisho iyo Jowhar waa 100 km ammaan maaaha Buuloburte, Aboorey, Maxaas, Moqokori, Dac illaa Celbuur waa 90 km xor maaha Dhuusamreeb, Galhareeri, Ceelbuuri illaa Ceeldheer(Xeebta) waaa 240 km ammaan maaha Gaalkacyo iyo Xarardheer waa 310 km Xor maaha Muqdisho, Afgooye, Shalaanbood, Xaramka, Jilib, Jamaame illaa Kismaayo waa 500 km ammaan maaha Muqdisho, Afgooye, Wanlaweyn, Buurhakaba illaa Baydhaba 350 km ammaan maaha Baydhabo, Luuq illaa Doolow waa 300 km xor maaha …
Guddiga KMG ah ee doorashooyinka dawladda Puntland ayaa hay’addaha dawladda iyo siyaasiyiinta Puntland u soo bandhigay hawlaha ay ilaa hadda ku guulaysteen iyo wacyigelinadii ay ka sameeyeen dhamaan Gobolada Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho shirka watashiga beelaha Mudulood iyadoo ay ka soo qeybgaleen duubabka dhaqanka Beesha, Xildhibaanada labada Gole Baarlamaanka Federaalka, xubno ka tirsan Dowlad goboleedka Hirshabelle, Siyaasiyiin, Madaxweynayaashi hore. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ka mid ah mas’uuliyiintii ka qeybgashay ayaa waxa uu ku baaqay in shirkan uu noqdo mid sii ballaarto oo dhammaan beelaha Soomaaliyeed loogaga sii gudbo. Mar uu ka hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya warar sheegayay in shirka wadatashiga Mudulood la joojiyay ayaa sheegay inaysan suurtogal ahayn in la caburiyo shacabka ayna xaq u leeyihiin inay shiraan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan…
Halkan ka daawo muuqaalka
Xisbiyada Mucaaridka Somaliland,ayaa ku baaqay in Madaxweyne Muuse Biixi laga badbaadiyo dalka. “waa in la qabtaa Doorasho Madaxtooyo oo wakhtigeedii laga soo horaysiiyey,Muuse Biixina wuu ku fashilmay Hogaamintii dalka waxaanu sameeyey Khiyaamo qaran” ayay yiraahdeen Madaxda Xisbiyada. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam,ayaa maanta booqday Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab gaar ahaan aaga Degmada jamaame. Madaxweynaha,ayaa halkaas u tagay si uu u dhiiri galiyo Ciidamada geesiyaasha ah ee kaabiga ku haya Degmada Jamaame iyo deegaanada kale ee Gobolka Jubbada Hoose ay Argagixisadu kaga harsan yihiin. Halkan ka daawo muuqaalka
Shir dib u heshiisiin ah oo beelo walaalo ah uga socday magaaada Balli-busle ayaa la soo gaba gabeeyay, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed Halkan ka daawo muuqaalka
Shirweynihii Mudulood ee ay Aayahooda kaga tashanayeen,ayaa bilowday saakay. Markii Bulshadu aragtay hab dhaqanka Dowlada Villa Somaliya waxay uqumeen badbaadinta dalka. Shirkan waxuu gogol xaar u yahay shirweyne Somaliyed oo qaranimada lagu badbaadinayo,kaasoo ka dhici doona Garowe kadib shirka Puntland ee Aaya ka talinta. Guud ahaan waxaa socda abaabul xoog badan oo Dadku uga hor tagayaan in aan dalku dib ulaaban. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Agaasimaha bangiga dhexe ee Puntland Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shacabka Puntland uga digay inay hantidooda galiyaan suuqa onlineka ee sarifka lacagta qalaad ee Forex, kaasi oo dad badan ku cayroobeen,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne ku xigeenka 2 aad ee Jubbaland oo shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada Jubbaland Halkan ka daawo muuqaalka
Shirkii Golaha Wasiirada Dowlada Puntland ee Khamiislaha ahaa oo shir gudoominayay ku simaha Madaxweynaha Cawil Sh.Xaamud,ayaa qabsoomay. Wasiirka Qorshaynta oo kusime usii ah Wasiirka Warfaafinta,ayaa ka warbixiyay Qodobadii shirka looga xaajooday,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Jamaame iyo Kamsuuma ayay ka baxeenAlshabaab, waxaana kaabiga ku haya Ciidanka Jubbaland. Shalay ayay Shabaab ukhudbeeyeen shacabka dagan Deeganadaas,waxayna u sheegeen in ay iskaga baxayaan Jamaame iyo Kamsuuma, Maadaama culays badan la soo saaray. Alshabaab ka hor intaysan ka bixin Magaalooyinkaas,waxay Qaateen wax kasta oo jilib Ka yaalay Mana jirto Ciidan lataaban Karo oo Ku sugan Jilib iyo nawaaxigeeda. Guud ahaan Deegaamada ay ka baxeen waxay ku aaseen Miinooyin. Ciidanka jubaland ee kulaalaya Deegaamadaas,ayaa la filayaa in ay gudaha ugalaan Magaalooyinkaas maalmaha saacadsha soo aadan. Isgaarsiinta Deegaanka,ayaa hawada ka maqan,waxaana malaynayaa in Alshabaab ay jareen.
Xaqiiqdii ilhaamada Farmaajo ku sameeyay Islaan Ciise waa mid taariikhda gashay oo mudan in lagula xusaabtamo gooray noqotaba. Islaan Ciise haatan waa iskaga tagay Muqdisho,waxuuna udhoofay Nayrobi. Islaanku markii horana balan qaad Farmaajo,ayuu ku tagay Muqdisho markii danbana codsi isla isaga ka yimid ayay Isimadii ay wada socdeen Islaanka ugarteen in uu sii joogo Xamar. Balse ugu danbayn isagoo la xumeeyay,ayuu ka duulay Islaan Ciise. Farmaajo waxuu horay ubalanqaaday in uu qayb ka bixinayo Magtii Beelaha Bah-ararsame iyo Qayaad dhextaalay.balse lugooyo,ayuu ku maamuusay Isimadii.