Saciid Deni oo xalay ka hadlayay Kulan lagu lagu weydiiyay oo ay qabatay Hey’adda PDRC ayaa sheegay in dowladda ay dooneyso inay sameyso sharciyo doorasho aan lagala tashan Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadraaalka. Waxaa uu sheegay in sharciga doorashada ee hada la wado uu yahay sida kii Kacaankii oo kale, sidaas darteedna la rabo Liis xiran laga dhigo qofka la dooranayo hal deegaan doorasho kaliya ka yimaado Xamar ama Xudur sida uu yiri. “Labo aragtiyadood ayaa xoog u socota, aragtidaas mid waa tii Kacaankii u ekeyd oo Liis xiran ah Xamar ama Xudur ha joogoo hal meel ayaa lagu…
Author: Jibril Qoobey.
Madasha PDRC Talks,ayaa Madaxweyne Deni caawa lagu weeydiinayay su’aalo kala duwan oo ku saabsan xaalka dalka. Su’aalaha la waydiiyay waxa augu muhimsanaa.. -Siyaasada -Dhaqaalaha -Amniga, -Mooshinkii xilka looga qaaday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, -Sababta uu u soo magacaabi waayay Guddoomiyaha Maxkamada Sare. -Khilaafka ka taagan shirkada Adeega siin jirtay ciidamada Badda ee PMPF. – Qorshihiisa doorashada 2021, -Arrimaha jubbaland. -Guulaha uu gaaray halkii sano ee Uu Puntland hogaaminayay. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Deni waxuu doonayaa Makarafoon,kaddib markii ay cadaan weyday siyaasadiisa ku aadan arrimaha masiiriga u ah Puntland iyo Somaliya. Markii ugu horaysay taariikhda beesha caalamku waxay ku jahwareertay Mawqifka Puntland ee arimaha masiiriga ah. Madaxweyne Deni hadal aan dhamaad lahayn,cadayn,iska daba wareegaya ayay kala soo kulmeen diblomaasiyiinta beesha caalamka. Dadka la socda siyaasada Puntland waxay sheegayaan in Deni ku haftay siyaasada dibada ee Puntland,isla markaana ay muuqato karti yari iyo maarayn xumo ku aadan dhankaas. Kulanka loo balamiyay ee PDRC Talk,ayay hada Dad badani ka war dhawrayaan waxa uu ka sheego Madaxweyne Deni,maadaama ay wax walba taagan yihiin.
Shacabka ku dhaqan Gobolka Gardafu oo bilaabay dayac tirka waddada isku xirta gobolka iyo deegaanada kale ee Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Guddiga sare ee garsoorka Puntland ayaa magaalada Garoowe imtixaan uga furay 44-qof oo u tartamaya jagooyin kala ah xeer ilaalin iyo garsoor. 13-qof ayaa la doonayaa iney kasoo baxaan 44-qof ee imtixaanka u fariistay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Muuse Biixi oo shir Jaraa’id oo uqabtay kaga haddlay qodobo u badnaa Arrimaha doorashooyinka Maamulkiisa iyo caqabaha hortaagan. Waxa uu sheegay in Soomaliland uu ka jirto buuq siyaasadeed,isla markaana hadii aan doorashada waqtiga ugu macquulsan lagu qaban ay talada Somaliland bur bureyso. Waxa uu intaasi ku daray hadalkiisa in ay daaheen doorashooyinkii maamulka Somaliland arrintaasi oo uu ku micneeyay in ay tahay tabar daro siyaasadeed oo kajirta Somaliland oo shuruucda u dagsan aysan dabooli karin baahiyaha taagan.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta meel mariyay Hindisa sharciyeedyada Maareynta Maaliyada iyo Shirkadaha. Xeerkan waxa uuku kooban yahay Muqdisho iyo maamulkeeda wax saamaynana kuam lahan doono gudu ahaan dalka oo idil,madaama aysan qayb ka ahayn Dwoladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Magalada Hargeysa waxa maanta laga furay carwadda wax soo saarka warshadaha waddaniga ah ee Somaliland, iyadoo ay ka qaybgaleen madax sare oo ka socota dalka Itoobiya. Carwada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galaya milkiilayaasha warshadaha Somaliland iyo dadweyne badan. Wasiirka Maaliyada Somaliland,ayaa ka hadlay furitaanka Carwada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Qaar ka tirsan xildhibaannada ay soo xuleen maamulka Ahlu-Sunna,ayaa waxa ay eedeyn u jeediyeen Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Galmudug. Xildhibaannada ayaa waxa ay sheegeen in Guddiga Farsamada ay caqabad ku yihiin dhismaha maamulka Galmudug. Sidoo kale waxa ay sheegeen in xildhibaannada ay soo xushay Ahlu-Sunna aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin shuruudaha ay soo saareen Guddiga Farsamada
Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta gaaray magaalada Addis-Ababa, halkaasi oo uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya kula yeelanayo kulankii ugu horreeyey tan iyo markii uu abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace Prize ku helay billaabidda heshiiska labada dal. Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa dhex-maray dagaal xuduudda ka dhacay, 1998-2000, kaasi oo ay ku geeriyoodeen qiyaastii 80,000 oo qof. Waxyar un kadib markii uu xunkunka yimid, Abiy Ahmed, oo 43 jir ah, ayaa ka yaabiyey dunida iyo dalkiisaba isaga oo la xiriiray Afwerki, si uu heshiis nabadeed ula gaaro. Abiy ayaa Afwerki kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha calaamaiga ah ee Bole, sida ay sheegtay…
Dabley hubeysan ayaa xalay fiidnimadii waxay toogasho ku dileen Cismaan Axmed Askar oo ka mid ahaa shaqaalaha dekedda Boosaaso, xili uu gurigiisa u sii hoyanayey. Marxuumka ayaa u geeriyooday rasaas ay dableydu kaga fureen qaybaha sare ee jirkiisa. Dableydii falka dilka ah geystay ayaa baxsaday, mana jiraan wax war ah oo ay laamaha ammaanka ee Puntland ay ka soo saareen. Arrintan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo habeenimadii Isniinta ay gudaha magaaladda Boosaaso ay dabley aan haybtooda la garaneyn ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada amniga oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Ilkacase. Dhacdooyinkan waxay kusoo aadayaan iyadoo Wasiirkii amniga…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey Taliska Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Garoowe (54-aad). Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Dowladda Puntland, salaan kadib waxa uu Madaxweynuhu kormeeray dufcaddii sadexaad ee ciidanka Birmadka Madaxtooyada oo tababar uga socdo Taliska Xerada 54-aad, waxaa ka horeeyey dufcaddani laba dufcadood oo dhammaystay tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Birmadka Madaxtooyada dowladda Puntland. Madaxweynaha ayaa la hadlay dufcadda sadexaad ee Ciidanka Birmadka Madaxtooyada oo dhowaan tababarku usoo xidhmidoono, waxa uu u xaqiijiyey in Maanta uu u socdey shaqo la xidhiidha qiimaynta ciidanka iyo…
Talyaha Booliska Puntland sida warku igu soo gaaray waaa la badalay,waxaana loo dhiibay Cabdirisaaq Afguduud,inkastoo wareegtadu aysan soo bixin. Cabdirisaaq Afguduud waa Sarkaal ka dhabayn kara dib uhabaynta Booliska Puntland uu baahida weyn uqabo, Talye Muxyidiin oo hogaaminta Boolsika soo hayay sanadkii ugu danbeeyay,ayaa lagu dhaleeceeyay aqoon xumo,fudayd iyo isagoonba gaari karin Gobolada qaarkood. Xuskii sanadguuradii 76-aad ee Ciidanka Booliska,ayuu Madaxweyne Deni ka sheegay in dib -uhabayn balaaran lagu samaynayo Boolsika. Dib uhabaynta Booliska Puntland,ayaa loo igmaday Odoyaaal ay hormuud u yihiin Khaliif Ciise Mudan iyo Jeneral Bashiir talyihii hore ee Booliska Fadaraalka. Sida xogtu sheegayso saacadaha soo socda,ayaa la…
Wararka laga helayo xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago dalka Itoobiya,ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Dowladda Itoobiya ay soo gaareen halkaas. Ciidamadan oo aan ka mid aheyn AMISOM,ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Somalida. Ciidamadan oo wata Gaadiidka dagaalka,ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay tageen Deegaannadii ay dhawaan ku dagaalameen Ciidamada Liyuu Boolis-ka iyo Maleeshiyaad kasoo talaabay Xuduudka gudaha Somaliya. Deegaanadan ay ciidamada Itoobiya ee Fadaraalka soo galeen waxaa ka mid ah Deegaanka Boorancad.
Dowladda Fadaraalka Soomaaliya,gaar ahaan Gudoomiye xigeenka Bankiga dhexe,ayaa maanta amartay in la xiro akoonada ay leeyihiin shirkadaha ku shaqeysta adeega sarifka lagacaha qalaad ee suuqyada caalamiga ah. (Forex Exchange). Dad badan,ayaa ku tilmaamay go’aankan mid lagu deg-degay oo aan laga fiirsan oo keeni kara khasaare balaaran oo soo gaara ganacsatada iyo shacabka. Waxa ay halis ku tahay in ay lunsadaan lacagihii ay hore u hayeen lana baxsadaan, ka dib Marka ay arkaan warqaddan Shirkadaha shaqa joojinta lagu sameeyay. Sidookale ma jiro dembi lugu soo oogay oo shirkadahaas lugu haysto. Shirkaduhu waxa ay lacag u hayaan oo kayd ka dhigtay waayahan…
Shirkadda sameysa diyaaradaha ee saldhigeedu yahay dalka Mareykanka ee Boeng ayaa shaqada ka eriday madaxa shirkaddaasi, Dennis Muilenburg, si loo badbaadiyo sumcadda shirkaddaasi ka dib markii laba jeer oo ay burburtay nooc ka mid ah diyaaradaha ay shirkaddaasi sameyso ee 737 Max. In kabadan 340 qof ayaa shilalkaasi ku dhintay, waxaana shilalkaasi ka dhashay shaki ah in ay jirto cillad weyn oo haysata nooca diyaaraddaasi, waxaana shirkaddaasi lagu eedeeyay in ay faa’iidadeeda ganacsi ka doorbidday badqabka dadka isticmaala diyaaradaha ay sameyso. Qoysaska dadkii ku dhintay shilalkaasi ayaa soo dhaweeyay in shaqada laga eryo Muilenberg balse waxa ay durbaba shaki ka…
Go’aanka maxkamad Sacuudi ah ay uga bari yeeshay kaaliye sare oo ku dhow dhaxa-suge Maxamed Bin Salmaan inuu ku lug lahaa dilkii Jamal Khaashuqji, ayaa la kulmay cambaareyn caalami ah ayada oo lagu qeexay ka been-sheegid cadaaladeed, balse helay taageerada Mareykanka. Shan qof oo aan magacooda la shaacin ayaa Isniintii dil loogu xukumay dilkii weriye Jamal Khaashuqji, halka saddex kale lagu riday xukunno xabsi oo marka la isku geeyo gaaraya 24 sano. Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa go’aanka ku qeexay “tallaabo muhiim ah” oo lagula xisaabtamayo kuwii ka dambeeyey dilka. “Waxaan ku cadaadineynaa daah-furnaan intan ka badan…
Faroole,Faarax Cali Shire,Cali Gaab iyo Villa Wardhiigley oo ka hortagaya imaanshaha Cumar,soo socoshada Boqorka iyo Gaas,ayaa abaabulay Maleeshiyadan saakay jidgooyada sharcidarada ah dhigatay. Kooxdan isbiirsatay waxay ka xun yihiin in Cumar Cabdirashiid iyo Deni isfahmaan oo wada hadlaan. Sidoo kale Deni iyo Boqorka ay wada hadlaan oo isfahmaan. Kooxdan Wajiyada badan ee isbahaysiga ah waxay khatar u arkaan isbahaysi dhexmara Rag miisaan culus leh. Ragaas waxay kala yihiin,Cumar Cabdirashiid,Gaas,Madaxweyne Deni,Wasiir Xasan Shire iyo Maxamuud Shido. Qorshaha ay argagaxa ka qaadeen kooxdan Faroole ku jiro waxay tahay in isbahaysiga ragan uu maalmahan Garowe ka hirgali doono. Maxamuud Shido waxaa loo wadaa…
Qorshaha horumarinta Qaranka ee dowladdu ay ku shaqeyn doonto 5-ta sano ee soo socota,ayaa waxaa soo diyaariyey Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha. Arrimaha ugu waaweyn ee qorshahani uu diiradda saarayo waxaa ka mid ah… -Yareynta saboolnimada, -Dib u habeynta kaabayaasha dhaqaalaha, -Tayeynta hey’adaha dowliga ah. -Hirgelinta nidaam siyaasadeed loo dhan yahay, -Xoojinta sharciga, garsoorka -Xaqiijinta amniga dalka. Waa Qorshe ay umuuqato in uusan sii socon doonin markii laga eego dhawr dhinac oo muhiim ah.kuwaasoo kala ah.. B.Dowlada hada joogta oo wakhtigii gabagaba ka yahay in ay soo laaban doontana aan la xaqiijin karin. T.Qorshahan oo baalmarsan hanaanka dalku qaatay…
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley hogaamiyeyaasha labadda xisbi mucaarad, kuwaas oo ka wada hadlays sidii doorashada golaha wakiilada iyo Deegaanku u qabsoomi lahayd,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Liiska xildhibaanada uu soo gudbiyay madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan,ayaa waxa ay ka kooban yihiin 20-xubnood . Xildhibaanadan waxay qyab ka yihiin kuwa guud ee maamulka cusub ee Galmudug loo dhisayo,kuwaasoo gaaraya 89-Xildhibaan. Dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca (ASWJ) ayaa horey ugu heshiiyay awood qaybsi. Halkan ka akhriso
Shan qof ayaa dil loogu xukumay dilkii weriye Jamal Khaashuqji, hase yeeshee labadii qof ee ugu sarreeyey dadkii loo baarayey dilkan ayaa dambi lagu waayey, waxaa sidaas Isniinta sheegay dacwad-oogaha guud ee Sacuudi Carabiya. Khaashuqji, oo wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa waxaa la dilay bishii October ee 2018, ayada oo Riyadh ay dilkaas ku sheegtay howlgal ay fuliyeen “fallaago”. 59 jirkaas, oo ahaa nin wax badan ka og boqortooyada balse markii dambe isu-rogay mid dhalleeceeya, ayaa waxaa qunsliyadda Sacuudiga ee Istanbul ku dhex-dilay 15 nin oo Sacuudiyaan ah, kuwaas oo kadibna jar-jaray meydkiisa, sida ay sheegeen saraakiisha Turkiga. Illaa…
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa maanta dib u qabsaday degaanka Goofguduud Buurey kadib weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen saacadihii hore ee saaka. Askar ka tirsan kuw adawladda iyo maleeshiyaad ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen weerarkaas, ayada oo qaar kalena ay ku dhaawacmeen. Dad goobjoogeyaal ah,ayaa sheegay in muddo kooban ay Shabaabku qabsadeen saldhigga ciidamada, in kasta oo maamulka deegaanku ay taas beeniyeen
Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland Waxaan bogaadinayaa soona dhaweynayaa dhisida Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo ay wadajir u dhiseen dawladda uu mudane Siciid Cabdullaahi Deni madaxda ka yahay iyo golaha shacabka ee Puntland. Waxaa iyaduna bogaadin iyo soo dhaweyn mudan guddiga oo ay muuqato inuu mudadii yareyd ee ay jireen ay soo bandhigeen hindisa waxqabadkooda. Intaasi waa iga dhiirigelin. Dabcan ma aha markii uugu horaysay ee guddiga noocaan oo kale la aasaaso. Labadi dawladood ee tan ka horeeyey wey isku dayeen balse waxba kama suurtoobin. Marka la yaab ma leh haddii in badani ka qabto tuhun…
Maalmaha soo socda waxaa kusoo aadan Garowe sida aan xogta ku helay Wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam. Booqashada Garowe ee Axmed Madoobe,ayaa salka ku haysa wada tashi ay labada maamul ka yeelan doonaan xaalka dalka,gaar ahaan dooarshada soo socota. Kulankaas waxaa qayb ka noqon doona sida warku sheegayo Cumar Cabdiarshiid oo saakay soo gaaray Garowe. Ugu danbayn qorshuhu waxuu yahay in uu soo baxo go’aan ama hanaan ku aadan doorashada 2020-2021 oo ay wada qaateen Puntland iyo Jubaland,kaasoo lala wadaagi doono Somalida iyo caalamka. Jibril Qoobey.
Dib,ayuu Jigjiga ugu soo laabtay Madaxweyne Mustafe Cagjar. Cagjar,ayaa Jabuti uga qaybgalay kulan fikrado iswaydaarsi ku saabsanaa oo ay soo abaabulay Machadka cilmi baarista Heritage Muqdisho. Safar dhanka dhulka ah,ayuu ku yimid Madaxweyne Cagjar Magaalada Jigjiga.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo Kismaayo ka daah-furay shirka wasaaradaha maaliyadda ee DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Siyaasi Miisaan culus leh ahna xiligan Senatar Aqalka-sare ku matala Puntland,ayaa soo gaaray Garowe. Imaanshihiisa Puntland oo la hadal hayay todobadayadii lasoo dhaafay,ayaa warka aan ka helayno waxuu tilmaamayaa in ay ku salaysan tahay laba arimood oo kala ah. B.kala shaqaynta Dowladaha Jubaland iyo Puntland hanaanka doorasho ee dalku galayo 2020-2021. T.Isku soo dhaweynta Madaxweyne Deni iyo beelaha Puntland qaarkood oo madmadow xoog leh dhexyaal. 6-da bisha Janaayo waxaa soo gaari doona Puntland Boqor Burhaan Boqor Muuse. Sidoo kale waxaa tagi doona Qardho ama Bosaso Deni iyo Cumar oo ay weheliyaan siyaasiyiin iyo waxgarad kale. Imaanshaha Cumar waxaa la filayaa…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa maanta Qado Sharaf ugu sameeyay deegaanka Jibigalle ee duleedka Garowe, qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Gobolka Bari oo maalmahan ku sugnaa Garowe,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
“Maamulka nala deriska ah ee Galmudug dhismihiisa foosha ayaa ku daahday, tusaalaha Koonfur Galbeed qaata, waxaana leeyahay dowladda halkaas yeysan ka dhicin doorasho khalalaaso ka dhasha oo la isku fahmi waayo ayuu yiri” Madaxweyne Waare. Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka in Maamul Goboleedyada wadashaqyenta la leh ee Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabelle oo kale uu noqdo maamulka loo dhisayo Galmudug si uu u dareemo dowladnimada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Shacabka Koonfur Galbeed waa dad nabad jecel, dadnimo leh, ilbaxnimo wada noolaasho iyo dad la dhaqanba leh. Dadkii lagu laayey 13-kii December 2018 Baydhabo waxaa ka qayb qaatay ciidanka Itoobiya iyo kuwa Federaalka ah. Amarkana waxaa bixiyey Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale Roobow iyo dadkii kale ee la xiray amarka xoriyadda looga qaaday waxaa lahaa Farmaajo. Walaalkey C/Casiis Laft gareen, xilligaas xil ma haynin, isaguna amarka dadka lagu laayey ma dhiibin, laakiin kursi dhiig leh ayuu meesha ka qaatay. Ma aha in uu daboolo ama dafiro shacabkii la xasuuqay iyo kuwa xorriyadda laga qaaday ee xabsiga ku jira, ee waa in…
Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jawaab ka bixiyay war ay soo saareen Beesha Caalamka, kaas oo ku aadanaa arrimaha doorashooyinka dalka. War saxaafadeed ay soo sareen guddigu, oo ka koobnaa ilaa 6 qodob ayaa waxa uu u dhignaa sidatan:- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka waxa uu ka mahadcelinayaa taageerada beesha caalamka iyo ka go’naanta ay u muujiyaan inay garab istaagaan Guddiga iyo howlgalka doorashada. Guddigu wuxuu caddaynayaa in uu diyaariyay howlaha farsamo ee muhiimka u ah u diyaar garawga hirgelinta doorashada. Wuxuu guddigu rajaynayaa in arrimaha muhiimka u ah doorashada lala garab istaago sida diyaarinta miisaaniyadda doorashada,…
Sharci cusub oo ay ka fakareyso Itoobiya ayaa lagu qeexay mid halis ku ah xoriyadda hadalka iyo internet-ka. Xeerkan lagu magacaabo “Ka hor-tagga hadal naceybka iyo been-abuurka” ayaa hadda maraya heer qabyo ah, balse haddii la anisixyo wuxuu dambi ka dhigi doonaa hadallada online-ka, idaacadaha iyo qoraallada ee sare u qaadaya naceybka, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch.Sharcigan ayaa diidaya wax kasta oo hurinaya naceyb, takoor ama weerar ka dhan ah qof, ama koox lagu beegsado sababo la xiriira jinsigooda, diintooda, qowmiyaddooda iyo naafo-nimadooda. Wuxuu sidoo kale mamnuucayaa wararka been abuurka ah ama marin-habaabinta, sida lagu…
Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa alay lagu qabtay munaasabad lagu xusayay sanad guuraddii ka soo wareegtay markii la doortay madaxweynaha maamulka Cabdicasiis Laftagareen. Munaasabaddaas ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka socday dowladda federaalka oo uu ka mid yahay afhayeenka golaha shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, iyo madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cadbi Waare. Laftagareen oo ka hadlayay munaasabada,ayaa sheegay in maalin walba uu maqlo Dad caadeystay in ay been ka sheegaan Maamulka Koonfur Galbeed,isla markaana sheegaya in uu xasuuq ka dhacay Magaalada Baydhabo. Siyaasiyiinta mucaaradka ah sida Xisbiyada waxay ku mashquulaan Arrimaha Koonfur Galbeed,isla markaana…
Fariin adag baa loo diray si gaar ah Dowlada Dhexe,marka laga soo tago afgobaadsiga oranaya doorasho Qof iyo Cod ah oo ay ogyihiin Diblomaasiyiintu in aysan xiligan dhici karin ama waxyaabihii sahli lahaa dhicidiideeda aysan diyaarsanayan. Dowladda federaalka waxaa loogu baaqay in ay fuliso ballanqaadyadii, islamarkaana aan la kordhin waqtiga xil haynta ee hay’adaha Dowladda Federaalka. Qodaobada ay soo saareen beesha caalamka ,ayaa waxay kala yihiin…… In la ixtiraamo dastuurka Federaalkain la xaqiijiyo in doorashooyinka federaalku dhacaan waqtigooda 2020-2021, islamarkaana aan mudo kordhin loo samayn barllamaanka iyo xukuumadda. Xaqiijinta mataalad dhab ah ee qaybaha bulshadda SoomaalidaGaarsiin fursad shacabku ay si…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Diyaradaaha dagaalka Israel ayaa maanta weeraray warshad hub oo ku taalla Marinka Gaza oo kooxda Xamas ay maamusho, kadib markii dagaal-yahananda Falastiiniyiinta ay gantaallo ku tuureen Israel, waxaa sidaas sheegay ciidamada Israel. “Gantaallo ayaa xalay dhulka Israel looga soo tuuray dhanka Gaza, ayada oo taas laga jawaabayo diyaaradaha dagaalka waxay duqeeyeen warshad hubka soo saarta oo Xamas ay ku leedahay Waqooyiga Marinka Gaza.” Waxaa sidaas lagu yiri qoraal ay soo saareen ciidamada Israel. Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka gantaallada iyo duqeymaha xigay. Mas’uuliyiinta Israel ayaa sidoo kale goor dambe oo khamiista ah ku dhowaaqay tallaabo lagu…
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa soo dhoweeyey go’aankii shalay ay xubnaha hay’adda IMF ku meel-marisay qorshaha maaliyadeed ee hay’adda ka gacan siinaya deyn-cafinta Soomaaliya. Wasiir Beyle,ayaa sheegaya in go’aankaas uu ahaa mid ay dowladdaFadaraalka Soomaaliya filaysay. Wasiirka,ayaa dhinaca kale sheegay in bisha Febraayo ee 2020 cafin doonta deynta lagu leeyahay Soomaaliya, oo la rumeysan yahay inay ku dhowdahay 5 bilyan oo dollar. Beyle,ayaa sheegay in Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ay dadaal ugu jirto inay soo dhameystirto waxa looga baahan yahay ka hor inta aan la gaarin waqtiga deyn cafinta.
Agaasimaha maamulka hey’adda lacagta aduunka oo soo dhaweysay horumarka iyo qorshaha deyn Dhaafka Soomaaliya, Kristalina Georgieva Agaaismaha maamulka IMF ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay kadib markii ay ansixisiyeen Guddiga Fulinta ee IMF ee xirmada maaliyadeed ee Soomaaliya: “Maanta, Guddiga Fulinta Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) wuxuu meel mariyey qorshe maaliyadeed oo gacan ka geysanaya abaabulidda ilaha looga baahan yahay IMF si ay u qaadato doorkeeda deyn dhaafka Soomaaliya. Qorshahan wuxuu ku tiirsan yahay dadaal ballaaran oo caalami ah, oo ku saleysan xubinta kaalmooyinka lacageed iyo xaddiga laga helay ilaha gudaha ee IMF.Managing “Tani waxay muujinaysaa muhiimadda In laga caawiyo Soomaaliya talaabo…
Aqalka Hoose ee Congresska Maraykanka waxuu ucodeeyey in xilka laga qaado madaxweynaha Maraykanka D. Trump. Madaxweyne Trump,ayaa lagu soo eedeeyey labo qodob oo kala ah 1) Inuu ku takri falay awooddii madaxweynenimo. 2)Inuu horjoogsaday codsigii kongereeska ee ahaa inuu soo gudbiyo waraaqaha uu goluhu codsaday. Codbixintii qodobka koowaad,ayaa waxa natiijadiisu ahayd 230 mudane oo oggolaatay in madaxweynaha xilka laga qaado iyo 197 mudane oo diiday. Qodobka labaad ayaa isna sidan loo kala codeeyey: 229 mudane oo oggolaaday, 198 mudane oo iyagu diiday. Xigasho:VOA.
PDRC waxay qayb ka ahayd bulshada rayidka ah ee maanta kula kulmay Garowe wafti ka socda beesha caalamka ee maanta yimid Garowe. Dhinacyada kulmay,ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee Soomaaliya, dastuurka, amniga iyo doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya 2021. Waftigan oo ka kooban midowga yurub, midowga afrika, iyo urur goboleedka IGAD,ayaa waxaa hogaaminayay ergayga qaramada midoobey uqaabilsan arimaha soomaaliya James Swan si ay u raadiyaan aragtida maamulka puntland, odayaasha iyo bulshada rayidka ah.
Wakiilo kala matalayay Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Gobaleedka IGAD, iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta booqasho ku tegay Puntland, waana kulankii afaraad ee kamid ah kulamo wadatashi ah oo taxane ah oo ka kala dahacayay Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah. Annagoo sugeyna sanadka 2020ka, iyo sida uu u noqon doono sanad muhiim u ah Soomaaliya, ayaan dalka oo dhan kulamo kula yeelanaynay dad kaladuwan oo ay hawshu khusayso, si aan u dhageysanno aragtiyadooda ku aaddan sida sanadka soo socdo lagu gaari karo arrimaha muhiimka ah ee hortabinta qaran leh. Arrimahaas waxaa ku jira diyaarinta doorashooyin ‘qof-iyo-cod’ ah, dhameystirka…
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka, Axel van Trotsenburg, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Swizerland. Kulanka oo qeyb ka ahaa kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qeyb geleysa madasha qaxootiga adduunka ayaa looga hadlay arrima muhiim ah oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya. Bangiga adduunka ayaa taageera hey’adaha dowladeed ee dalka si loo dhiirri geliyo dowlad wanaagga, loona karaariyo dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo shaqo abuurka
Ciidanka amniga Dowlad Puntland ee PSF ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan, islamarkaana ka hortagaan qaraxyo lagu xiray bartamaha magaalada Boosaaso. Qoraal kooban oo ay soo dhigeen bartooda facebooga ayay ku sheegeen in cadowgu dooneyeen inay qaraxyadaas ku waxyeeleeyaan shacabka reer Puntland,gaar ahaan magaaladda Bosaso. Ciidamada Amniga Puntland (PSF) waxay saaka (18 December 2019) ku guulaysteen in ay ka hortagaan oo fashiliyaan qaraxyo iyo miinooyin ay kooxaha cadowga ahi geliyeen gudaha magaalada Bosaso si ay ugu waxyeeleeyaan shacabka reer Puntland ee ku dhaqan magaalada Bosaso,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Taliska Asluubta Soomaaliya ayaa sheegay in shaqadii laga joojiyey taliyihii xabsiga dhexe Jeneraal Maxamed Sheekh Xirsiile kadib markii uu dhintay nin maxbuus ahaa oo jiranaa. Ehellada maxbuuska geeriyooday ayaa taliye Maxamed Sheekh Xirsiile ku eedeeyey inuu ka bixiyey cisbitaalkii lagu daweyn lahaa. Jeneraalka Maxamed Sheekh oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa ku dooday inuu maxbuuskaasi geeyey cisbitaalka Martiini, isagoo raacayey sharciga oo yiri waa goobta dawladu leedahay ee ugu dhow, sharciguna uu tilmaamayo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxda Puntland iyo xubno ka socday beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Midooga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobe ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe. Kulanka ayaa looga hadlayay isu soo dhoweynta Dowlada dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah iyo Doorashooyinka soo wajahan sanadka soo socda. Dhinacyada ayaa sidoo kale ka wada hadalnay arrimaha ku saabsan dayn cafinta, iyo arrimaha amniga sidii horumar looga gaari lahaa. “Dhammaan qodobadii aan ka wadahadalnay waxay ku dheceen jewi wanaagsan. Waxaan halkan ka cadaynayaa in Puntland diyaar u tahay wax kasta oo Soomaaliya danaheeda looga hadlaayo iyo siyaasaddeedana horumarinaaya”,ayuu yiri Madaxweyne…
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA
Beri waxaa Kismaayo kasoo dagaya wafti sare oo ka socda beesha caalamka. Waftigaas waxuu ka kooban yahay 14-Xubnood oo Safiira ah,waxaana hogaaminaya James Swan Wakiilka Qaramada midoobey ee Somaliya. Arimaha ay kala hadli doonaan madaxda Jubaland,waxaa ka mid ah…. B.Arimaha doorashada 2020/21, T.La dagaalanka Alshabaab, J.Dhamaystirka Dastuurka qabyada. X.Sidii loo abuuri lahaa jawi isfahan oo dhexmara Dowladda dhexe iyo Dawladaha Xubnaha ka ah. Sidoo kale waftigan beesha caalamka ka socda ee beri laga sugayo Kismaayo,waxay mari doonaan guud ahaan dalka.
Jeeniqaar Talyihii Ciidamada Danab,isagoo Qaranka difaacaya hujuum culusna ku haya argagixisada,ayaa loo dhigay damin. 21- dagaal oo aad ukululaa ,ayuu la galay argagixisada,waxuuan ka qabsaday goobo muhiim ahaa. Nasiib daro hogaamiyahaas taariikhda difaaca dalka doorka shariifka ah ka galay saakay Xabsi,ayuu ku jiraa, Jeeniqaar waxaa loo dhigay inqilaab dadban oo ilaaladisiii,ayaa loo adeegsaday,waxaana lagu eedeeyay in ay Hub la fakadeen oo ka iibsadeen suuqyada. Jeeniqaar arinkaas waxba kama ogayn xiliga qaar kamid ah ilaaladiisu ay Hubka la fakanayaan waxuu joogay jiida hore ee dagaalka,isagoo hogaaminayay Ciidamada. In xilka laga qaado mahan wax lala yaabo,balse waxaan la aqbali karin Daminka loo…
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed islaam,ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo kadib saocdaal qaatay in mudo ah oo uu ku gaaray dalka Kenya. Axmed Madoobe oo markii uu soo laabtay garoonak diyaaradha kula hadlay saxaafada,ayaa kawaramay socdaalkiisii iyo waxa uu daranaa. Sidoo kale waxuu Madaxweyne Axmed Madoobe xaqiijiyay in waftiyo muhiim ah oo beesha caalamka ka socda ay imaan doonaan Kismaayo maalmaha nagu soo aadan. Axmed Madoobe waxuu dhaliil xoog leh usoo jeediyay Dowlada Dhexe oo uu ku tilmaamay mdi baalmaraysa dastuurka dalka uyaal,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiirka Wafaafinta oo Su’aalo adag laga weydiiyay Sababta Mas’uuliyiinta Dowladda oo kaliya loogu buun buuniyo Warbaahnta Qaranka,Wariyeyaal la sheegay in laga eryay SNTV,iyo Kuwa dalka ka maqan oo mushaar ka qaata Warfaafinta Sidoo kale waxaa la waydiiyay sababta Xasan Daahir Aweys uhelay Taleefoon Mukhtaar Rooboow uwaayay xaqaas,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka 1-aad Halkan ka daawo muuqaalka 2-aad
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay Xoghayaha Maaliyadda Dowladda Mareykanka, Steven Mnuchin, oo kamid ahaa madaxda ka qayb geleysay madasha 19-aad ee Dooxa. Wararka laga helayo kulankaas waxay sheegayaan in Xoghaya maaliyada Maraykanka uu ka cudurdaartay arinka dayn cafinta ka hadalkiisa una sheegay Khayre in arinkaas xirmay Hanti dhawraha iyo Congres-ka Maraykanka ay diideen lagana reebay Xisaab xirka sanadkan. Maalmo ka hor ayay ahyd dmarkii Wargeys kasoo baxa Maraykanka qoray in Dowlada Maraykanku diiday cafinta daynta ay ku leedahay Somaliya. Dowlada uu hogaamiyo Farmaajo ee Somaliya xiligan ka talisa ,ayaa geed dheer iyo…