Author: Jibril Qoobey.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay u tartamida doorashadda madaxtinimada maamulka Galmudug,islamarkaana uusan ka mid noqon doonin musharaxiinta. Xaaf ayaa sheegay mudaddii uu xilka hayey sida uu hadalka u dhigay lugaha lagu dhigay, laakiin haddii uu heli lahaa madaxbannaani uu ku shaqeeyo Galmudug uu gaarsiin lahaa meel wanaagsan. ‘’Waxaan cadeynayaa in aan ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug, ciddii ay doonaan ha doorteen, laakiin waxaan kula dardaarmayaa in qofka la doorto lala shaqeeyo’’ ayuu yiri madaxweyne Xaaf. Maalmihii ugu danbeey waxaa soo baxayay warar sheegaya in Xaaf uu ka mid noqonayo musharixiinta u taagan…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay walaac ka qabto hanaanka doorashada lagu wado inay dhawaan ka dhacdo Jubbaland. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa lagu sheegay inay Jubaland ka soo gaarayaan cabashooyin, beelaha, siyaasiyiinta, murashixiinta iyo shacabka Jubbaland ay ka qabaan hanaanka lagu soo xulay odayaasha, qaabka loo keenayo xildhibaanada iyo sida lagu maamulayo doorashada. Dowadda ayaa ka dalbatay maamulka Jubbaland in liiska odayaasha dhaqanka ee xildhibaanada soo xulaya la waafajiyo diwaanka dhaqanka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka. Waxaa kaloo ay ka dalbatay in marka hore la dhameystiro soo xulista xubnaha Golaha Wakiilada Baarlamanka Jubbaland, ka…

Read More

Beesha Bah-dirooble ee Beelwaynta Cismaan Maxamuud ayaa Deegaanka Gari-Hel ee Degmada Qardho ku qabtay shir socday mudo dhan 4 cisho 1-4 Bisha August, shirkaan ayay beeshu uga tashanaysay aayahooda dhaw iyo midka Fog, waxaana ka qaybgalay Odayaal dhaqameed, Siyaasiyiin, Culimo, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween, Qurba-joog, Xildhibaan Faarax Khaliif Cilmi. Shirkaan ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 5 qodob oo kala ah:- 1: Ku dhaqanka shareecada islaamka meelkasto ay joogto iyo deeegaan kasta oo ay degan tahay beeshu, laguna saleeyo waxkasta oo beesha dhexdeeda ah iyo dadka ay ood wadaaga yihiin ku dhaqanka shareecada islaamka. 2: in la xoojiyo midnimada beesha…

Read More

Ugu yaraan laba qof ayaa maanta lagu dilay mid kalana waa lagu dhaawacay rasaas ay koox dabley ah ku fureen gaari rakaab waday oo marayay degaan lagu magacaabo Masaley oo hoostaga degmada Balcad ee gobalka Shabellada Dhexe.. Gaariga la rasaaseyay oo ka tagay magaalada Muqdisho ayaa labada qof lagu dilay waxaa ay kala yihiin darawalka gaariga iyo qof rakaab ah oo dumar ah. Wararka ayaa sheegaya in dad burcad ah oo hubaysan ay weerarka gaysteen. 17-kii bishii hore meel u dhow isla goobta maanta weerarka uu ka dhacay waxaa lagu dilay afar qof oo laba ka mid ah ay dumar…

Read More

Somalia’s Minister of Foreign Affairs Ahmed Isse Awad has signed the ratification instrument of the Convention on the Rights of Persons with Disabilities to deposit this vital Convention at the UN’s Treaty Section, officially concluding Somalia’s ratification process. UNSOM commends the Federal Government of Somalia – in particular President Farmaajo, Minister Deqa Yasin and the Ministry of Women and Human Rights Development – for taking another key step for the protection of the right of persons with disabilities, demonstrating its firm commitment to human rights.

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Kulan la qaatay Madaxa UNDP ee Soomaaliya. Garoowe, Luulyo, 31, 2019: Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xarunta Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Madaxa UNDP Soomaaliya Jocelyn Mason iyo saraakiil kale. Kulanka waxaa looga hadlay guud ahaan mashaariicda horumarineed ee UNDP ka wado Puntland gaar ahaan mashruuca JPLG oo uu Mason ka hambalyeeyey sida habsamida leh ee dowladdu u wado iyo guulaha la gaaray. Madaxwayne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu sheegay siday uga go’an tahay Dowladda Puntland inay maamul daadejinta gaarsiiso degmooyin hor leh…

Read More

Madaxweyne Deni ayaa galabta ka qeybgalay Ciyaar Kubadda Cagta ah oo lagu soo dhoweeynayo 1August maalintii la’asaasay Puntland. Madaxweynuhu wuxuu dhaggax dhigay dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Mire Awaare Garoowe, kaasoo laga dhigi doono Garoon cagaaran oo heer caalami ah. Sidoo kale Madaxweyne Deni waxuu ku dhawaaqay in labada garoon ee Magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkayo iyagana la bilaabayo,kuwaasoo qayb ka ah wajiga koowaad ee dib u dhiska garoomada Kubada cagta ee Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Shanta gobol iyo Dembiyada culus ee Dowladda Puntland ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday 10 eedeysane uu ka mid yahay Askari lagu soo eedeeyey inuu fududeeyey dilka maareeyihii Dekedda Boosaas Magaalada Boosaaso. Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo maalmihii ugu dambeeyay u fadiday dhageysiga Kiiska Eedeysanayaashan, ayaa xukun dil ah ku riday Mahad Xasan Xuseen oo Argagixisadu u taqaanay Jacfar, kaas oo ay ku cadataay inuu fududeeyay dilkii Maareeyihii Dekedda Boosaaso Pual, iyo dilal iyo weeraro kale oo ka dhacay Boosaaso, sidoo kalena qirtay,hoos ka daawo muuqaalka Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cismaan Karaash oo furay shirka ayaa sheegay inuu xog-ogaal u yahay mashuurcaan horumarinta degmooyinka, waxaana uu tilmaamay inuu waxtar ballaaran u leeyahay shacabka Puntland, isla markaana uu ka muuqday horumar ahaan degmooyinka uu ka shaqeeyo. Mudane Axmed Karaash ayaa xusay inuu jiro tartarn dhinaca degmooyinka ah, kaasoo salka ku haya horumarka iyo Kobaca ay samaynayaan magaalooyinku, isla markaana ay muhiim tahay in mashruucaan la baahiyo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada garowe ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha golaha wakiiladda Puntland iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada puntland. Waftiga Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa mudada ay joogaan magaalada Garoowe waxay kaga qeyb geli doonaan Xuska markii la aas aasay Dowlad Puntland iyo sidoo Kale xiritaanka fadhiga 44-aad ee golaha wakiilada Dowlada Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Bari ee Puntland. Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 27- Bishaan July duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen Buuraha Golis ,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya. Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen hal Xubin oo ka tirsanaa Daacish,isla markaana sidoo kale ay baaritaan ku sameyn doonaan hadii dad rayid ah ay wax ku noqdeen duqeyntaas.…

Read More

Ciidamada Burundi ayaa xaqiijiyay in lix askari looga dilay weerar gaadmo ah oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku qaaday kolonyo ciidamada Burundi ah oo marayay meel u dhow degmada Balcad. Afhayeenka ciiamada Burindi Col Floribert Biyereke ayaa VOA u xaqiijiyay weerarkan. Ilo degaanka ku sugan ayaa xaqiijiyay in 6 ka mid askarta Amisom lagu dilay weerarka oo loo adeegsaday qaraxyo. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay in weerarka ay ku dishay ugu yaraan 10 askari Gudoomiyaha Gobalka Shabellaha dhexe Axmed Meyle Makaraan oo VOA ay wax ka weydiisay Khaasara Amisom weerarka ka soo gaaray ayaa ku soo koobay in qarax lagu dhuftay…

Read More

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in qof hubeysan uu gelinkii dambe ee shalay ugu yaraan 3 ruux ku dilay goob uu ka socday Mahrajaanka Tuunta oo ku taalla Goblka California ee galbeedka dalka Mareykanka. Saraakiishu waxa ay intaasi ku dareen in qofka dilka geystay uu ku hubeysnaa qori. Weerarkan oo ka dhacay magaalada Gilroy ayaa waxaa ku dhaawacmay 15 qof oo kale. Sida uu sheegay taliyaha Booliska Gilroy Scot Smithee, waxaa goobta ay toogashadu ka dhacday ku sugnaa ciidamo Boolis ah oo durbadiiba ninka weerarka gaystay toogasho ku dilay . Smithee oo shir jaraa’id qabtay ayaa wariyayaasha u sheegay in goobjoogayaal ay…

Read More

Ra’iisal Wasaare Abiye Ahmed ayaa hormuud u ah mashruucaan oo looga golleeyahay in looga hortago nabaad guurka iyo isbadalka cimilada. Xafiisyada dawladda qaarkood ayaa la xiray si shaqaalaha madaniga ahi ay hawshaan uga qayb qaataan. Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in kaymaha Itoobiya ay baabe’een 35% guud ahaan dhulka dalkaas. Mr Abiy ayaa daahfuay shaqada geed beerista waxayna qayb ka tahay hindisaha loo bixiyey Green Legacy Initiative, kaas oo laga qabanayo 1,000 goobood oo dalkaas ka mid ah. Ujeedada Dowlada Itoobiya ee mashruucan,ayaa ah in la beero afar bilyan oo geed si ay qayb uga qaataan dib usoo kabashada Dhulka kaymaha…

Read More

Taliska Qeybta Booliiska Gobolka karkaar iyo kan saldhiga Degmada Qardho ayaa maanta soo bandhigay noocyo kala duwan oo mukhaadaraad ah (Maan-dooriye), kuwaasi oo ay ku soo qabteen hawlgallo ay xalay ka sameeyeen xaafadaha Magaalada Qardho ee Xarunta gobolka Karkaar. Saraakiisha Ciidanka Booliska ayaa sheegay in mukhaadaraadkan ay ku soo qabteen dad si sharci-darro ah uga ganacsanayey gudaha Degmada Qardho, kadib hawlgallo ay ciidanka Amnigu ku qaadeen goobaha lagula dhuunto maan-dooriyaha ee ku yaalla Magaalada, waxaana ay tilmaameen in xabsiga loo dhaadhiciyay dadkii ka ganacsanayey mukhaaddaraadkaasi. Sidoo kale, Saraakiisha Booliisku ayaa sheegay inay soo qa-qabteen dhalinyaro kooxo u abaabulan oo habeenkii…

Read More

Hay’adaha ammaanka Dowladda Puntland oo Shir looga hadlay amniga ku yeeshay Magalada Garoowe, ayaa joojiyay gaadiid wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo, laga bilaabo 31-july-2019. Masuuliyiinta Hay’adaha ammaanka Puntland, ayaa sheegay in ujeedada loo joojiyay gadiidka wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo ay tahay xaqiijinta ammaanka, maadama Degaanada Puntland ay ka bilaaban doonto dabaal-dega 1-da August oo ku began aas-aaskii Dowladda Puntland, oo 21 sanno jir.,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Laamaha ammaanka Dowladda Puntland ayaa magaalada Boosaaso kusoo bandhigay Qaraxyo ay soo qabteen Ciidanka amniga Puntland ee PSF, kuwaas oo howlgallo balaaran ka wada Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland. Qaraxyadan oo kooxihii diyaariyay ay doonayeen in ay amniga Magaalada Boosaaso ku dhibaateeyaan, ayaa Ciidanka PSF-tu ku soo qabteen hawlgallo ay sameeyeen xafaado ka tirsan Boosaaso,hoos ka daawo muuqaalka Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Iran ayaa ku tilmaantay cadaawad iyo daandaansi, qorshe ay Yurub ku rabto in ay ku sameyso ciidamo isbaheysi ah oo galbiya maraakiibta laga leeyahay Yurub ee maalin walba marto gacan biyoodka Hormuz ee u dhaw Iran. Afhayeen u hadlay dowladda Iran oo la yiraahdo Ali Babiel ayaa maanta sheegay in Iran ay ogtahay in Yurub ay rabto in ay ciidan u soo dirto Hormuz, taasoo buu yiri ah farriin cadawtooyo. Xiisadda u dhaxeysa Iran iyo galbeedka ayaa in-dhawaalaba sii xoogeysaneysay kaddib marki ay Tehran kordhisay dhaqdhaqaaqyada ay ka waddo marin biyoodka Hormuz. Horaanti bishaan ayay ciidamada kacaanka Iran Hormuz ku…

Read More

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kulan laqaatay Safiirka Midowga Yurub uqaabilsan Soomaaliya Nicolás Berlanga Martinez. kulan kan Wasiirka waxaa ku weheliyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maxamed Cabdulqaadir, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Cumar saalax aadan, Agaasimaha guud ee W/Maaliyadda Faysal Cabdullahi Warsame, iyo khabiirka qaybta xiriirka PFM Ruqiyo Cabdi Casiis kulan kan ay wada yeesheen Safiirka iyo Madaxda Wasaaradda ayaa looga wada hadlay sidii ay wada shaqayn dhow uga yeelan lahaayeen Arimaha Mashaariicda iyo Arimaha bini- aadantinimada ee laga qabanaayo Puntland. Madaxda Wasaaradda ayaa safiirka u gudbiyay Arimaha Deeqa ee Midowga Yurub ay Soomaaliya ka fuliyaan in Puntland qayb…

Read More

Siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay Puntland iyo qaar kamid ah aas-aasayaasha dowlada Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe,ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyey in ay dumineyso Puntland. Siyaasiyiintan waxay sheegeen in aysan xukuumadda Puntland afkeeda ku hadleyn balse ay ka xun yihiin waxa ay ugu yeereen dhalinyarada la qaldayo ee loo adeegsanayo carqaladaynta nidaamka Dowladnimo ee Puntland . Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Gudigan oo ah Dad lagu tuhmayo aqoon iyo waayo aragnimo durugsan,ayaa Madaxweyne Deni uxushay in ay unoqdaan lataliyayaal rasmi ah. Nuuradiin Aadan Diiriye,ayaa Gudoomiye looga dhigay horintan lataliyayaasha ah. Nuuradiin waxuu soo noqday musharax Madaxweyne Puntland,sidoo kale sanadihii udanbeeyay waxuu ka shaqaynay Xaafiiska siyaasada ee Qaramada midoobey. Dadka la socda siyaasada Puntland way soo dhaweeyeen magacaabista Kooxdan,waxayna u arkaan in ay tahay nidaamka oo la xoojiyay ama Dowladnimada oo xaydaan fiican loo sameeyay. Kooxdan loo xushay lataliyayaasha Madaxtooyada Puntland ah,waxaa dhibsan doona oo ay fooda isdari doonaan kooxda kale ee isku arkaysay in ay iyagu leeyihiin Madaxweynaha ee Aaran-jaan. Madaxweyne…

Read More

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay qarax ka dhacay xarunta maamulka gooblka Banaadir oo mas’uuliyiin ay ku dhinteen. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in qaraxa galabta ay ku dhinteen lix ruux, oo laba ka mid ah ay yihiin guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo seddex agaasime. Maareeye ayaa sheegay in sidoo kale qarax ay ku dhaawacmeen Lix ruux oo ay ku jiraan Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin, kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaaleen. Illaa hadda waxaa la xaqiijiyey dhimashada: 1 – Gudoomiyeyaashii degmada Cabdicasiis, Sabaax Cabdullahi Asad 2 – Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi…

Read More

Waxaan rabaa in aan wax yar ka iraahdo lacag ay Dawlada Dhexe u soo dirtay Bosaaso taas oo xasarad abuurtay. Si lacagtaas loo soo diro waxaa Dawladu la hadashay laba nin oo ka mid ah guddiga gacanta ku haya dhismaha wado Bosaaso laga dhisayo. Guddigaas waxaa magacaabay muddo hore Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas. Sida la sheegay muddo hadda laga joogo waqti fog ayaa Dawlada Federaalka laga codsaday inay ka qayb qaadato dhismaha wadadaas oo halbowle u ah isu socodka magaalada laakiin wax khabaar ah Dawlada lagama helin. Labada nin oo lala soo hadlay si lacagta magacooda loogu…

Read More

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay warbixin lagu daabacay wargeyska New York Times oo dowladda Qatar la xiriirishay qarax ka dhacay magaalada Boosaaso. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo wareysi siinayey laanta afka Somaliga ee VOA,ayaa sheegay in ay arrintan kala hadleen dowladda Qatar ayna beenisay. Wasiirka waxa uu sheegay inuu u yimid safiirka Qatar ee Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay ku qanacday sharaxaaddii uu arrintan ka bixiyey. jawaabta Wasiirka arimaha dibada ee Somaliya Cawad waxuu ka hor imaanaya hadalkii Madaxweyne Deni uu ku sheegay in ay xogtaas dhab tahay,isla markaana ka codsanayo labada aqal ee Baarlamaanka Fadaraaliga ah in…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa wadajir u qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender. Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirada,ayaa looga xaajooday arimo ay ugu waa weynaayeen dhawr qodob oo kala ah sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan Villa Somaliya. 1.Dhamaystirka Dastuurka Fadaraalka ah.2.Udiyaar garowga doorashada 2021.3.Qorshaha dayn ka cafinta Somaliya Dhanka kale warar hoose oo aan ka helnay ilo xog ogaal ah,waxay noo xaqiiijiyay in Danjirayaashu Farmaajo ugudbiyeen saluuga iyo walaacooda sida xaalka dalka yahay. Gaar ahaan waxay Danjirayaashu Madaxweyne Farmaajo hor dhigeen dhaliilo waa weyn oo ku aadan…

Read More

Gudoomiyaha Baarlamaanka,ayaa magacaabay Guddiga Dib u eegista sharciga Doorashooyinka. Madaxweyne Farmajo iyo Fahad ayaa doonayey in loo gudbiyo sharciga Doorashooyinka oo ah mid aan la isku waafaqsanayn. Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka, Xubnaha Baarlamanka iyo Aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa u arka Sharci dhalanteed ah oo Farmaajo iyo Fahad doonayaan in ay ku xalaalaystaan nidaam doorasho oo aan lagu heshiin. Farmaajo,ayaa waday kulamo uu doonayo in lagu ansixiyo sharcigan nasiib darro way ku fashilmeen. Gudoomiyaha oo og dareenka Baarlamanka ayaa magacaabay Guddi dib u eegis, halka Madaxweynaha uu doonayey in sidiisa lagu ansixiyo ka hor 27 July oo ah maalinta Baarlamaanku…

Read More

Wafti sare oo kas ocda Midowga Africa oo uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee South Africa Taawo Embeki,ayaa soo gaaray Muqdisho. Waftigu waxuu kulan guud la qaatay madaxda Dowlada Dhexe ee Somaliya. Sidoo kale waxaa jiray fadhi gaar ah oo ay yeesheen Farmaajo iyo Thabo Mbeki ,kaasoo aan la ogayn arimaha ay kawada xaajoodeen. Sida uu Warbaahinta la wadaagay Wasiirka arimaha dibada Dowlada dhexe ee Somaliya Axmed Ciise Cawad,booqashada waftigan waxay ku salaysan tahay horumarka amaanka.laga sameeyay Cilmi baarista,ayaa ku salaysan amaanka Geeska Africa,Bada Cas iyo Gacanka Cadmeed. Khuburo la socota oo Somaliya,ayaa labada maalmood ee soo socda samayn doona Cilmi…

Read More

Waxaa gacanta Dowlada Fadaraalka Somaliya ka baxay Markab siday Qaraxyo una rarnaa Alshabaab. Markabkan oo lagu qabtay Dekeda Muqdisho,ayaa waxaa gacanta ku dhigay laamaha amaanka Dowlada,gaar ahaan Nabadsugida,balse waxyar kadib waxuu ka baxay gacantooda. Sida uu xaqiijiyay Col.Cabdullaahi Cali Macow oo ah khabiir dhanka amaanka ah aadna uga faalooda amniga Somaliya, Markabakaas waxuu ugacangalay kooxda Alshabaab oo uu markii horaba usocday. Markabka waxaa ka buuxay aaladaha ay ku sameeyaan Qaraxyada kooxda Alshabaab,siiba waxaa saarnaa aalada aadka khatarta u ah ee ay Gaadiidka ku dhajiyaan kadibna samaysa qaraxyada aadka uculus ee wax halaaga.sida uu markale sheegay Col.Macow. Warkan,ayaa waxuu waji gabax…

Read More

“Dadka eedeysaneyaasha oo Garoowe iyo Boosaaso ku xiran madaxweynaha ma amrin in la soo xiro, waxaa loo soo qabtey in ay ku xadgudbeen shuruucda u deggan Puntland.” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee Puntland. ” Dadka hadda ka hadlaya muwaadiniin la soo xiray, ma aqaano ujeeddada ay leeyihiin, dalka sharci buu leeyahay, horeyna dad waa la soo edeyn jiray, waana la soo xiri jiray.” ,ayuu yiri markale.. Ugu danbayn Xeer-ilaaliyaha Puntland wuxuu sheegay in Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Farmaajo uusan midkoodna sii deyn karin dadka xiran, cidda awoodda lehna ay tahay sharciga oo waxa uu ka qabo lugu qaadi doono…

Read More

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada ee Congresska Mareykanka ayaa soo dhigtay bogeeda Twitterka Arbacadii shalay, sawirkeeda, iyadoo xiran xijaab, kuna fadhida kursiga Afhayeenka Aqalka, sawirkaa oo xambaarsanaa fariin ku soctay Madaxweyne Trump iyo taageerayaashiisa. “Waxaan ku suganahay halkii aan mudnaa ee aan lahaa, aqalkii shacabka Mareykanka. Waa inaad liqdaan” ayey ku tiri Ilhaan Fariinteeda oo ay kaga jawaabeysay hadal uu Trump maalmahan ku celcelinayay, taageerayaashiisuna ay ku dhawaaqayeen oo ay ku lahaayeen Ilhan “ku noqo halkii aad ka timid” oo ay Soomaaliya ula jeedeen. Sidoo kale, Ilhaan Cumar ayaa xalay ku soo xigatay fariin ay Twitterka soo dhigtay…

Read More

Senator Saciido ”Madaxwayne Farmaajo waxa uu baalmaray hanaanka awood qaybsiga beelaha” Madaxweynuhu qabiil waa yaqaan,waana been ma yaqaan Qabiil,waxaana cadayn kuugu filan beeshiisa kaliya waxuu siiyay Laba Safiir anaguna kii kali ahaa ee awood qaybsiga aan ku helnay,ayaan ka la’nahay’ayay tiri Senatar Siciido markale. Madaxweynuhu waa kan wax walba ku fadhiya albaabadana soo xirtay oo aan rabin in wax hagaagaan”ayay tiri Senatar Siciido oo hadalkeeda sii wadata. Senatar Siciido oo ka mid ah Xubnaha laga soo doorto Puntland,gaar ahaan Gobolka sanaag waxay kaloo ku eedaysay Madaxweyne Farmaajo in uu Puntland si gaar ah weerar ugu yahay xiligii doorashadeedana uu faragalin…

Read More

Madaxweyne Deni ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyey Dhismeyaasha iyo Deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 03, ee 17ka Luulyo 2019, wuxuu ku joojiyay dismeyaasha iyo deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin ee u dhexeeya Garoowe iyo Buuro wadal. Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta.Ku: Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Is-bedelka Cimilada. Ku: Wasaaradda Amniga iyo DDR Ku: Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Ku: Taliyaha Ciidanka Booliska UJeeddo: Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin. Waxaa Dhammaan Wasaaraddaha iyo Teliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee warqadani sida tooska ah ugu…

Read More

War saxafadeed ay soo saareen waxgaradka beesha Sade ee Caabudwaaq,ayay kaga hor yimaadeen hanaanka uu uwado Ra’isalwasaare Khayre ee dhismaha Galmudug. Waxgaradka waxay sheegeen in qorshaha Khayre uusan waxba dhaamin ama uga badalnayan kii hore loogu yagleelay Galmudug,kaasoo ay qabaan in lagu dulmiyay iyaga si gaar ah,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Galeyr ayaa sheegay inuu eeday odhaahda ah ‘Somaliland la wada leeyahay’ taasi oo dhowr jeer oo hore uu si adag uga hadlay barnaamijkii Tabliiqa Siyaasadeed. “Waar bahashan yaan la moodin qofku hadduu dhulkana u dhashay kuna da’daalayo daacadna ka yahay is qiimayn adag in lagu cunsuriyadeeyo oo lagu dhaleeceeyo oo tuke baal cad laga dhigo, aniga iyo Axmed Ismaacil Samatar waa inaga maqan yahay ee laakiin waa dhawayd tabliiq siyaasigii aan meelahan ka bilownay, hadda ogaada waa arin xiisa leh dad badan oo xasaasiyad ka qabayna waa ay jiraan”,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Wasiirudowlihii Cadaalada Puntland Xabiib Jaamac,ayaa iscasilay. Qoraal usoo dhigay bartiisa,ayuu ku xaqiijiyay iscasiladiisa,iyagoo xogo hoose tilmaamayaan in cadaadis uu kala kulmay beeshiisa ay sababtay. ” Waxaa sharaf weyn ii ahayd inaan shacabkayga aan u soo adeegayay 4 sanno ee la dhaafay, lana soo shaqeeyy xukuumadda madaxweyne Gaas. muddo 4 biloodna aan la soo shaqeeyay xukuumadda Deni” ayuu yiri Wasiir Saalax Xabiib. Sidoo kale waxuu waraysi uu kaga hadlayo iscaislaadiisa siiyay warbaahinta,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka ka qaaday agaasimihii ciidanka badda Puntland ee PMPF Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xassan. Madaxweynaha ayaa agaasimaha cusub ee PMPF u magacaabay Cabdirabbi Cismaan Maxamed oo uu adeer labaad u yahay,waxaana dhalay ina adeerkii laxmiya. Maalin ka hor ayay ahayd markii Marwada Koobaad ee Puntland Walaalkeed loo magacaabay Agaasimaha Furdooyinka Puntland. Mahan wax ku cusub Puntland ama lala fajaco,balse waa dhaqan soo jireen ah oo ay kuwada dhaqmayaeen dhamaan madaxdii soo martay Puntland. Waxa kaliya ee la yaqiinsaday,ayaa ah in aysan jiri doonin isbadal ku yimaada hanaankii maamul ee soo jireenka ahaa.

Read More

Qatar’s regime has created a new terrorist entity in Somalia. Terrified by the Saudi, Emirati, and Egyptian support for the Somalian president, it funded the Brotherhood’s Islah party in the roiled country and founded a militia formed from Al-Shabaab terrorist group. Al Jazeera’s Fahad Yasin had secretly met with Qatari and Iranian intelligence officers and a Somalian presidency official has close ties with Doha’s regime. Tamim tasked him with destabilizing Jubaland, Galmudug, and Puntland, but the self-governed provinces reject Qatar’s pro-terror policies. The goal is to form a militia in Somalia similar to Hezbollah and Hamas. Zakaria Ismail, a leader…

Read More

Ra’isalwasaaraha Britain Theresa May ayaa cambaareysay hadalka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu haweenka ka tirsan aqalka Koongreska Mareykanaka oo aan ahayn caddaan uu ku yiri ‘Dib u laabto’. Raisalwasaraaha Britain ee xilka ka sii tageyso ayaa hadalka Mr Trump ku tilmaantay ‘mid aan la qabali karin’, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay Mrs May. Madaxweyne Trump waxaa uu yiri haweenka “asal ahaan ka soo jeedo waddama baaba’ ah oo ay dowlado ka jirin”. Wuxuuna madaxweynaha hadalkaasi uu ula jeeday afar haween ah oo ka tirsan aqalka Koongreska mareykanka oo ay seddex ka mid ah ay ku dhahseen Mareykanka midda afaraadna…

Read More

Wasiir Cawad ayaa tacsi ka diray dadkii Soomaaliyeed ee lagu dilay Kismaayo, Wuxuuna xusay in Wasaaradda Arimaha debeddu ay bixin toonto Sanad kasta Abaal Marin loogu magac daray Hodan Naaleeye, Taasi oo lasiin doono Qof Soomaaliyeed oo dalkiisa ka bixiyey Sawir wanaagsan.Wasiir Cawad waxaa uu ka hadlay Shirka uu magaalada London uga Qayb galay, Arimaha looga hadlay, Kulamo uu la yeeshay Madaxda Dawladda Ingiriiska Iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweyne Donald Trump ayaa maanta mar kale weerar afka ah ku qaaday afar mudane oo dumar ah ka tirsan Koongareeska Mareykanka oo aanan caddaan aheyn, kuwaas oo ay ku jirto Ilhan Cumar. Hadal qoraal ah oo uu Isniinti maanta ku faafay bartiisa Twitter-ka ayuu Trump ku sheegay in afartaasi dumarka ah ay u gafeen Mareykanka, Israil iyo madaxtooyada. Trump ayaa qoraalkiisa ku yiri:”Goorma ayay dumarka xildhibaanada ah ee bidixda mayalka adage ee ku jira Koongareeska raalli gelin siin doonaan waddankeenna, dadka Israil iyo xitaa xafiiska madaxtooyada, sababo la xiriira luqadda khalan ee ay adeegsadeen iyo hadallada gurracan ee ay sheegeen.…

Read More

Machadka Cilmi baarista Puntland ee PDRC oo maktabadiisa lagu sameeyay balaarin iyo dib u casriyayn. Xariga waxaa ka jaray Cali Ciise Cabdi oo kamid ah Aas-aasayaashii Machadka. PDRC waa xarunta kaliya ee u taagan Cilmi baarista Deegaamada Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Trump oo Weeraray Soomaaliya Iyo Ilhaan cumar ” Waxaad ka timid Dalka Adduunka ugu Xun ! Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa weerar ku qaaday xubno ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga kuwaasoo uu u sheegay inay ku laabtaan “dalalkooda ay dembiyadu la degeen” ee ay asal ahaanta kasoo jeedaan. “Waxaa xiisa leh in ‘isbeddel doonka’ Dimoqraadiga ugu jira Koongarayska, oo asal ahaan kasoo jeeda dalal ay dowladohoodu yihiin kuwa gebi ahaanba musiibo ah, ugu liita, uguna musuq badan meel kastoo caalamka ah (haddiiba ay dowlad shaqaynaysa leeyihiin), ayay haatan cod dheer noogu sheegayaan sida ay tahay in loo maamulo Marayanka oo…

Read More

Baarlamaanka Dowlada Puntland ayaa wax ka badal ku sameeyey shirkadda HRM oo maamusha garoomada diyaaradaha ee Puntland. Shirkaddan oo ay heshiis 20-sano ah lagashay xukuumaddii Madaxweyne Gaas ayaa 5-sano laga jartay muddadaas iyada oo lacagta ay qofka dhoofaya ka qaaddo oo ahayd $20 dollarna laga dhigey $18 dollar. Waxaa muuqata in Xildhibaanada la dhexgalay lana shaasheeyay talaabadii shacabku ka filayay ee ahayd in ay meesha ka saraan shirkadan iyo lacagta ay qaado. Go’aanka kasoo baxay Baarlamaanka mahan mid macno badan samaynaya,isla markaana cunaqabataytii ka qaadaya garoomada Puntland ee u xirmaysan shirkada HRM oo uu saamigeeda ugu badan leeyahay Maxamuud Shido…

Read More