Author: Jibril Qoobey.

Hoos waxaad ka akhrisan doontaan magaca shirkada loo samaystay in ay soo daabusho Kunteenada laga soo dajin doono Berbera. Sidoo kale waxaad hoso ka daalacn kartaan magaca qofak lagala xiriirayo iyo xarumaha ay shirakdaasi dagan tahay. Waa cadayn cad oo muujinaysa qorshaha Aaran.jaan uu rabo in uu albaabada iskugu dhufto Dekeda muhiimka ah ee Bosaso. Puntland Logistic And shipping Cargo” Eid Wngn dhaman shacab waynaha somaliyed Gaar ahan shacabka reer Puntland waxan idinku bisharayna dhaman Ganacsata Reer Puntland ee Dagan dalka Emaratka Gaaar ahaan Dubai anigo ku hadlaya magaca shirkada Puntland logistic shipping And Cargo inan asbucan bilaabi doono Rarida…

Read More

Waa waxaan la aqbali karin in Dekeda Bosaso oo ah Hooyada Puntland albaabada layskugu dhufto oo la xiro. Kooxda Aaran-jaan ee xuurtada ku haysata Madaxweynaha waxay abuurteen shirkado iyaga ugaar ah,kuwaasoo alaabaha kasoo waaridi doona Dekeda Berbera. Xarun weyn oo ay kusoo dagi doonaan alaabahaas kuntuneerada looga soo daabuli doono Dekeda Berbera,ayay ka dhisteen Garowe. Ujeedka ganacsigan loo abuuray,ayaa ah in laga maarmo Dekeda Bosaso,isla markaana adeegii laga keeni jiray loo weeciyo Dekeda Berbera. Kulankii Deni iyo Muuse Biixi ee Dubai,ayaa lagu gorfeeyay ganacsigan laguna kala saxiixday heshiis ganacsi oo dhigaya sida tan… B.In Muuse Biixi uusan canshuur ka qaadin…

Read More

Dhamaan curaarihii ama lacagihii ugo’i jiray hay’adaha madaxa banaan ee Dowlada Puntland waa la joojiyay. Sidoo kale waxaa la joojiyay lacagihii fadlanta ku bixi jiray iyo gunooyinkii lasiin jiray shaqaalaha Dowlada. Xogo aan ka helnay ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo,ayaa noo xaqiijiyay in kayd lacageed oo xoog badan uu u’ururay. Waxa iswaydiinta mudan,ayaa ah lacagtaas faraha badan ee laga xakeemayay ilihii ay ku bixi jireen halkee loo jiheeyay?. Waa marka hore Lacagtaas faraha badan ee la kaydiyay waxaa si buuxda umaamulaya kooxda Aaran-jaan ee Madaxweynaha ku wareegsan. Masuuliyiin Xukuumada Puntland ka mid ah oo xog ogaal ah waxay…

Read More

Hogaamiyayaasha banaanbaxyada dalka Sudan ayaa diiday soo jeedinta ah inay wada-hadal la galaan jeneraalada militariga, ayaga oo baaqaas ugu yeeray mid aan daacad laga ahayn, xilli ciidamada ammaanka ay sii wadaan beegsidooga ka dhanka ah dibad-baxayaasha. Afhayeenka xirfadlayaasha Sudan, Mohammed Yousef al-Mustafa ayaa maanta sheegay in baaqa Jeneral Abdel-Fattah Burhan “uusan ahayn mid dhab ah,” islamarkaana “kuwa isaga ka amar qaata ay dileen dad reer Sudan ah ayna sii wadaan inay sidaas sameeyaan.” Xiriirkan oo ka mid ah isbahaysiga ciidamada xoreynta iyo Is-beddelka oo ah isbahaysiga matalaya dibad-baxayaasha ayaa taa beddelkeeda sheegay inay sii wadi doonaa ololaha dimoqraadiyad doonka ah,…

Read More

DANIYOOW MUDUG DHEESHA KA DAAYOO, DHADHAMADAADA BISLAYSOO, U DHAANSANOW AARAN JAAN!!!! Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid C/laahi Deni oo Safar ugu maqan dalka Shiinaha mudo dhan 12 cisho ayey Madaxtoodaya dawladda Puntland waxay shalay baahisay inuu galay labo heshiis. Mid ka mid ah heshiiskaas ayaa waxa lagu sheegay mataaneynta labada magaalo ee Tongxiang iyo Gaalkacayo, taas oo ah dheel aan laga soo dhawayn gobolka Mudug (DHAAN DABAGAALE ISKA DHEH). Markii uu madaxweynuhu dhawaan booqday gobolka Mudug wuxuu reer Mudug u balan qaaday inuu ka shaqayn doono inay hirgalaan mashaariicda horumarineed ee gobolka ka socday ama qorshaysnaa markuu xilka la wareegay(WAR MUXUU…

Read More

Xalay saq dhexe ayay noqotay Ra’isalwasaaraha Dalka Boqortooyada Danmark hogaamiyaha Xisbiga Social Dimuqraadiga Mette Frederiksen . Waxay ahayd doorasho xamaasad kulul oo si aad ah loo sugayay natiijada kasoo baixi doonta. Xisbiga Finistiqa iyo Xisbiyo la jaal ah oo dalka soo hogaaminyaya 8-dii sano ee lasoo dhaafay,ayaa wajahay tartan adag oo uu lagalay Xisbiga Soshal Dimuqraadiga oo ah mid ka mid ah xisbiyada dalkaas ugu saamaynta badan. Dadka soo galootiga ah oo lagu qiyaaso in tiradoodu gaarayso Nus mIlyan,ayay doorashadan u ahay mid tixgalin gaar ah u leh,sababtoo ah waxay cadaadis xoog leh kala kulmeen 8-dii sano ee lasoo dhaafay…

Read More

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay xubno ka tirsan kooxda Daacish ku dileen duqeyn 4-tii bishan ka dhacday buuraha Goolis ee gobolka Bari ee Puntland. Duqeyntan,ayaa ah tii toddobaad oo bishii u dambeysay lala beegsado kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysta buuraha Goolis.“Waxaan sii wadi doonnaa inaan cadaadis saarno shabakadaha argagixisada Soomaaliya, si dowladnimada ay u hanaqaado” waxaa sidaas yiri Jeneral William P. West, oo ah agaasime ku-xigeenka howl-gallada ee taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM). Jeneral West,ayaa sheegay in Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonaan inay ka faa’iideystaan fursadaha ay ka helaan kooxahan argagixisada si loo arbusho…

Read More

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Ayaa Maanta waxaa uu labadda ragcadood ee salaadda ciidda waxaa kula Tukaday maamulka Gobolka sanaag, kan degmadda Badhan iyo qaybaha Kala Duwan ee Bulshadda Magaaladda Badhan Garoonka Kubadda Cagta Ee Degmaddaas,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ugu horayn guud ahaan umada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadan weyn isagoo ugu baaqay inay is cafiyaan oo gacmaha ay is qabsadaan. Madaxweynahaha ayaa sidoo kale ka hadlay marxaladahii burburka lahaa ee dalku uu soo maray isagoo xusay in Soomaalida ay u nugul yihiin wax duminta iyo in hantida umada la burburiyo taas oo wadaniyada iyo dal jacaylka aan sal ku lahayn wuxuu intaas ku daray in burburkii dalka laga dhaxlay kala daadsanaan iyo sharciga oo aan la aaminin. Madaxweynahu wuxuu sheegay in Dowladnimada Soomaaliya ay tahay wax adag in dadka sharciga lagu hago balse sanadahii…

Read More

Kenya ayaa soo saartay liis ay ku qoran yihiin 66 sarkaal oo Soomaali ah kuwaasoo laga mamnuucay inay galaan gudaha dalka Kenya. Waxaa kujira liiskan saraakiil Soomaali Kenyan ah oo ay isku qabiil yihiin Madaxweynaha Soomaaliya sida uu qory wargeyska Standard,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Congo. Jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Congo ayaa dhawr arrimood ku noqonasa dawladda caalamka ugu qanisan: 1-Waa waddanka ugu badan caalamka oo dhan ee ay ku duugantahay macdanta qeydhiin, waxaa lagu qiyaasa dhaqaalaha macdantaas 24 tiriliyam oo dollarka maraykanka ah. 2-waa dawladda labaad ee ugu weyn qaaradda Africa, saddex laab ayay ka weyn tahay bedka waddanka Turkey, halka maraykankana ay leegtahay rubuc ahaan bedkiisa, dadka reer Congo wuxuu noqday sannadkii (2017) 81mallion oo qof. 3-waxaa mara webiga labaad ee Africa ugu dheer, (Congo) sidoo kalena ah kan labaad ee caalamka oo dhan ugu dheer. 4-sidoo kale dalkan…

Read More

Diyaaradda African oo galabta ka baxday Muqdisho ayaa caawa ku xaniban Garoonka Diyaaradaha Wajer, iyadoo ay saaran yihiin rakaab ku dhow boqol ruux oo ay ku jiraan Wasiiru Dowle ka tirsan Xukuumadda Labo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo rag dowlada ka tirsan. Diyaaraddan ayaa la sheegay inay ku daahday Garoonka Wajeer intii baaritaanka lagu hayay, waxaana lagu wargeliyay in aanay xilli habeen ka duuli karin Garoonka Wajeer oo aanan la ogoleyn in Garoonkaas xilli habeen diyaarad ka kacdo, sidaas uu duulimaadkooda Nairobi uu dib ugu dhacay maalinta berri. XIGASHO: WERIYE GOLF YARE

Read More

Maxkamada sare ee dalka Sacuudiga,ayaa ku wargalisay shucuubta Islaamka in bisha Ramadaan ay ku dhamaaneyso 29 oo ku beegan caawa, taa oo macnaheedu yahay in aan la buuxin doonin 30.ka bisha. Maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga waxaa loo dabaal-dagi doonaa maalinta berri, Gudaha Sacuudiga,ayaa durbaba dadku waxaa ay bilaabeen in ay isku diraan fariin qoraaleed ay isugu hambalyeeynayaan munaasabada Ciidda.

Read More

Sacuudi Carabiya ayaa maanta ku dhalleeceysay Qatar diidmadeeda natiijadii kasoo baxday wada-hadalladii ku saabsanaa xiisadda gobolka iyo Iran ee dhowaan ka dhacay magaalada Makkah, halka Imaaraadka ay ku eedeeyeen Doha inay dib uga guratay natiijada shirka. Qatar oo ka qeyb-gashay kulamo saddex maalmood socday oo ka dhacay magaalada barakeysan ayaa axaddii ku gacan seertay qodobada kasoo baxay, ayada oo sheegtay inaan lagala tashan. Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Sacuudiga, Adel al-Jubeir ayaa u jawaabay Qatar. “Dalalka…waxay inta ay socdaan shir madaxeedyada ku dhowaaqaan mowqifyadooda iyo waxyaabaha ay diidan yihiin sida caadada ah ee ma aha kadib shirarka” ayuu ku yiri qoraal…

Read More

Naxariistii Janno alle ha siiyo Xamari Qodax oo Salaadii Maqrib kadib lagu dilay Isgoyska Xalwo Banaadir ee Boosaaso. Xamari Qodax,ayaa ka tirsanaa ciidamada Amaanka Puntland.Sidoo kale waxaa isla goobta lagu dilay Askariga lagu dhaawacay Haweenay ka mid ah Dumarka ku iibiya Qaadka Goobtaas. Bosaso,ayaa waxaa ka socad hawlgalo joogta ah oo amaanka lagu xoojinayo,iyadoo ilaa iyo hada Ciidamada amaanku ka gaareen guulo la taaban karo.

Read More

Dowladaha Itoobiya iyo Cuba,ayaa si wadajir ah ugu dabaaldagay sanadguuradii 41-aad ee kasoo wareegtay markii ay guul kasoo hoyeen dagaalkii ay la galeen Somaliya ee Gobolka Ogaden. Xuska maalinta difaaca qaranimada iyo geesiyaasha,ayay labada Dowladood u dabaaldagaan sanad walba. Madaxweyne Farmaajo,ayaa ka qaybgalay xuskaas,waxayna isaga iyo ra’isalwasaaraha Itoobiya uwada beereen Geed ay ugu talagaleen xasuustaas. Somaliya oo ah dalka dagaalkaas la xusayo lala galay,ayaa Madaxweynaheeda xiligan uusan soo qaadin geesiyaashii ku shahiiday halgankaas. Halka uu qayb ka noqday xuska geesiyaasha Itoobiya iyo Cuba.

Read More

Waxuu saxiixay Wasiirka arimaha dibada Dowlada Dhexe ee Somaliya Axmed Ciise Cawad warqad ay Dowlada Puntland kula gashay Dowlada Shiinaha heshiis horumarineed. Maalin kadib saxiixa heshiiskaas,waxuu soo saaray warqad uu ku beeninayo in uu wax ka ogaa heshiiskaa. Xogaha la helayo waxay sheegayaan in Khayre la hadlay waydiiyayna in uu wax ka ogaa heshiiskaas,isla markaana usaxiixay warqada Puntland ay ku gashay heshiiska. Balse si jilicsan oo liidata ayuu uga jawaabay su’aashaas,waxayna masuuliyiin muhiim ah noo xaqiijiyeen in uu ku cataabay Wasiir Cawad erayo ay ka mid ahaayeen… ”Waxaasi waxba kama jiraan ,,uma saxiixin,…ma aqaan warqadaas,,waa been abuur. IWM”. ”Makari waayay…

Read More

Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa ka dhawaajiyay inuu jiro qorshe la doonayo in lagula dagaalamo Maamulada Galmudug iyo Jubbaland oo xilligan dowladda Federaalka faragelin xooggan ku heyso. C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in safarka Ra’iisul Wasaaraha uu tagay dalka Qatar, safaro uu horay Taliye kuxigeenka NISA ku tagay Itoobiya iyo Safarka maanta Madaxweyne Farmaajo ku tagay Itoobiya ay yihiin qorshe isla socda oo ku wajahan dagaalka Galmudug iyo Jubbaland. “Dagaalka Galmudug iyo Jubbaland ka dhan ah waxaa awood ciidan iyo mid dhaqaale looga raadsaday Qatar iyo Itoobiya”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame. “Nabad iyo Nolol waxay masiirkooda siyaasadeed ku…

Read More

Qaraarka cusub ee tirisigiisu yahay 2472 ee Golaha Amniga (GA) ka soo saaray xaaladda Soomaaliya 31 May 2019 waxaa loo cuskaday Cutubka 7aad ee Axdiga Qaramada Midoobay (QM) sida xusan boga 2aad ee qaraarka ka kooban 7 bog. Dabcan Soomaaliya illaa burburkii bilawgii sagaashamaadkii waxa loo cuskanayay Cutubka 7aad , balse wali in meeshii aan joogno ayaa ayaan darro ah . Waxaa qaraarku ugu baaqayaa Dawladda Federaalka (DF) iyo Dawlad Goboleedyada (DG) inay dadajiyaan xaqiijiyaan hannaan siyaasadeed oo loo dhanyahay, sida in lagu heshiiyo hannaanka wadaaga iyo maaraynta khayraadka dalka , abuuridda hannan xukun oo leh hay’addo iskorjoogteeya iyo kala…

Read More

Ilaa 9 qof oo saddex Caruuri ah ay ku jiraan ayaa ku dhintay roobabkii ka da’ay Puntland sida uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad. Wasiirka ayaa hadalkan ka kulan maanta xarunta wasaaradda maaliyada ku dhexmaray Gudddiga Dowladda Puntland u saartay qiimeynta iyo wax ka qabashada waxyeeladii Roobabku geysteen iyo hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka howlgala Puntland. ” Saddex Caruur ah oo hal qoys ah waxay biyo ku qaadeen Karkaar, Labo qof, biriq ayaa ku dishay Sanaag, Saddex qofna hore ayay u dhintee, Islaana waxay la ii sheegay in biyo la tageen” Sidaas waxaa…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa cafis u fidiyay 120 Maxbuus ciidadal Fidriga awgeed. Maxaabiista cafiska loo fidiyay ayaa ku kala jira xabsiyada Garoowe, Bosaso, Qardho iy Galkacayo. Maxaabiistaan ayaa u badan kuwo dambiyo fudud galay 52 maxbuus waxaa laga sii deynaya Xabsiga Garoowe29 Maxbuus waxaa laga sii deynaya Xabsiga Bosaso27 Maxbuus waxaa laga sii deynaya Xabsiga Qardho13 Maxbuusna waxaa laga sii deynaya Xabsiga Gaalkacyo Halkan hoose ka daawo muuqaalka Halkan ka akhriso:-

Read More

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa maanta magaalada Gaalkacyo waxa uu ku qaabilay Madax ka ka socotay Hay’adda UN OCHOA, kuwaas oo Gaalkacyo u tagay arimo la xiriira tacsida marxuum Maxamed Cabdi Khyre Vimto oo xalay lagu dilay Koonfurta magaalada Gaalkacyo. Maxamed Cabdi Khyre Vimto, ayaa Qaramada Midoobey u qaabilsanaa Arrimaha Galmudug waxaana xalay toogasho ku dilay dabley aan heybtooda lagaran. Wafdiga ka socday QM waxaa hoggaaminayey Madaxa UN-OCHOA Justin Bradley waxa ay kulan kula qaateen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle oo isagu ka tacsiyeeyay geerida ku timid Sarkaalkii QM. Madaxweyne Xaaf ayaa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in…

Read More

Tuulada Yaka-yaka oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Qardho ayaa waxaa saaka la soo gaarsiiyey shan ruux oo koome kujira kadib markii biyo iyo qabow roob ay isu galeen. Marka laga reebo shantaasi ruux ee koomada kujira waxaa dooxada lagu magacaabo Dan-dhagax oo dhanka Galbeedka ka xigta Yaka-yaka lagu la’ayahay saddex ruux oo la sheegay in daadadkii xalay ay qaadeen,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa loo xilsaaray in ay soo qiimeeyaan, isla markaasna warbixino ka soo diyaariyaan baaxadda waxyeelo ee fatahaadaha roobka, ayna wax ka qabtaan waxyeelada ay u geysteen daadadku dadka, xoolaha, wadooyinka, deegaanka iyo saamaynta ay ku reebeen roobabkii ka da’ayey guud ahaan deegaanada Puntland. Sidoo kale Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa ka kooban Wasaarado, Hay’addo dowliya, Guddoomiyayaal Gobol iyo Taliska ciidanka Booliska Puntland, waxaana ay leeyihiin Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen iyo Xoghayn. Guddiga ayaa kala ah: – 1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiye 2. Wasaaradda Hawlaha Guud , G/Ku Xigeen 3.Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha , Xubin 4. Wasaaradda Maaliyadda Xubin 5. Wasaaradda…

Read More

Hay”ada Wadooyinka Puntland ma fashilmin ee bogaadin bay mudan tahay. Laga soo bilaabo Yube Sanaag ilaa Xeebta Garacad ee Mudug ayay kawadaa dhismooyin Jidad waxtar u leh Bulshada PHA. Hadii roobkii Xalay da”ay uu jaray Dhawr Buundo ma waxaa lagu hadaaqayaa way fashilantay PHA. Fursad hala siiyo ay ugu gurmato Buundooyinkaas hana la sugo inta xaalku isbadalayo. PHA 5-tii sano ee lasoo dhaafay waxay qabatay wax bulshadu uriyaaqday.

Read More

Madaxweyne Deni,waxaa looga fadhiyaa in uu bulshada ubalbalaariyo heshiiska Shiinaha lala galay markale. Dowladii Madaxweyne Gaas oo heshiiskan horay usoo diyaarisay ,isla markaana la saxiixatay Shiinaha waxay horay saxaafada ula wadaagtay in uu ka kooban yahay laba mashruuc oo kala ah… B.Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo T.Wadada Garowe-Eyl. Hadaba Bulshadu way ku farxeen dhismaha Dekeda Kaluumaysi ee soo korortay,waxaase ay fahmi la’yihiin oo ay is waydiinayaan 4-arimood oo kala ah… B.Maxaa iska badalay heshiiskii hore? T.Dhismihii garoonka diyaaradaha Gaalkacyo miyaa lagu badalay Dekeda Kaluumaysi ee Eyl? J.Madhaqaalihii 50-ka Milyan ee Dolar ahaa ee garoonka diyaaradaha Galkacyo loo qoondeeyay,ayaa qayb loo leexiyay Dekeda…

Read More

”Caasimada Puntland waa wareegto waxii ka danbeeya 2019!!. Waa qabaa oo waa garab taaganahay si buuxda Xildhibaanada diyaarinaya qorshaha oranaya caasimada Puntland waa wareegto. ”Waxyaabihii Puntland dhismaheeda nagu khasbayay ee aan udadajinaynay waxaa ka mid ahaa in Garowe oo khatar ugu jirtay ka guuris aan dadka nolol usamayno si aysan Bosaso iyo Gaalkacyo ugu kala hayaamin ”ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf mar uu ka hadlay dhismihii Puntland. Puntland oo hormuud u ah nidaamka Fadaraaliga ah ee ka hana qaaday Somaliya waxay ka duulaysay in aan dalka lagu soo ururin hal magaalo ee uu wada gaaro maamulka iyo horumarka. Hadaba Puntland-taas…

Read More

Qaaradda Yurub. Dagaalkii labaad ee dunida kadib, reer yurub waxay go’aansadeen in ay ka heshiiyaan sidii ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen, dhaqaalahana isaga kaashan lahaayeen, halkii ay dagaal joogto ah isku burburin lahaayeen. Sannadkii 1957-dii ayaa waxaa samaysmay isbahaysi dhaqaale oo la dhihi jirey Beel Dhaqaaleedka Yurub (European Economic Community) oo loo soo gaabiyo EEC. Isbahaysigaasi waxa uu abuuray suuqwayne guud oo ka dhexeeya dalalka xubnaha ka ah. Waxa ka dhashay xeerar dhaqaale oo lagu dabbaqay Yurub oo dhan ku waas oo u ogolaaday dadku in ay si xor ah u ganacsadaan, si xor ahna ugu kala gudbaan dalalka…

Read More

United Nations Secretary-General António Guterres today announced the appointment of James Swan of the United States as his Special Representative for Somalia and Head of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM). He will succeed Nicholas Haysom of South Africa to whom the Secretary-General is deeply grateful for his dedicated service in UNSOM and Somalia at a challenging time. Mr. Swan is an experienced diplomat with a long international career in the United States Government. He spent most of his career in African countries facing complex political transitions. He served as Ambassador to the Democratic Republic of the Congo…

Read More

Isbitaalka magaalada Carmo ayaa la gaarsiiyay dhaawaca shan askari iyo qof rayid ah. Abaaro duhurnimadii maanta ayuu Gaari nooca loo yaqaano Candha-meylaha uu dusha ka marey Gaari Ciidan oo ay la socdeen askar ka tirsan dowladda Puntland. Shilkaan oo noqonaya kii saddexaad oo shalay dhacay,ayaa ka dhacay Deegaanka Karin oo ka tirsan Gobolka Bari. Dhanka kale labo qof ayaa ku dhaawacmey halka 50-Neef oo ari ah ay ku le”deen,ka dib markii maanta Gaari kale oo xamuula uu ku qalimey deegaanka Laasa-dawaco ee ka tirsan Gobolka Bari. Shilalka gawaarida waaweyn ayaa saacadihii u dambeeyay u muuqanaya kuwo noqdey sidii tusbax afka…

Read More

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa wakiil cusub u soo magacaabay Soomaaliya, kadib muddo lix bilood ah oo xilkaasi uu bannaanaa. Wakiilka cusub ee Xoghayaha guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Somalia ayaa loo magacaabay James Swan oo ah diblomaasi Mareykan ah oo kasoo shaqeeeyay dalal badan oo Afrikaan ah, isla markaana hore u soo noqday ku xigeenka xoghayaha Arrimaha dibadda Maryekanka ee qaabilsan Afrika. Wakiilka cusub ee Q/Midoobay u qaabilsan Somalia ayaa dalkiisa Mareykanka safiir uga soo noqday dalalka DRC iyo Jabuuti, waxaana uu bedelayaa wakiilkii hore Nicholas Haysom oo dowladda Soomaaliya ay dalka ka ceyrisay markii ay…

Read More

Si rasmi ah,ayaa gacanta loogu soo dhigay gacan ku dhiiglihii dilay Nimco,iyadoo Taraawiix ka timid xalay magaalada Gaalkacyo. Laamaha amaanka Mudug oo Madaweyne Deni isbadal ku sameeyay maalmo ka hor.ayaa waxaa ka muuqda firfircooni iyo dadaal xoojinta amniga ah. La soco wararkayaga danbe. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaa,ayaa caawa Aqalka martida afur sharafeed ugu sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Jubbaland. Afurkan oo sanad walba bisha Ramadaan uu Madaxweynahu u sameeyo Xildhibaanada Baarlamaanka,ayaa waxaa kasoo qayb galay mudanayaasha Baarlamaanka iyo gudoonkooda waxaa kale oo kasoo qayb galay Xildhibaano iyo Senataro ka tirsan Aqalka-sare eev Baarlamaanka JFS iyo qaar kamid ah golaha Xukuumada Jubbaland. Afur sharafeedkan oo ah kii afraad oo Madaxweynahu u sameeyo Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Jubbaland,ayaa ahaa mid la iskaga xog waraysanayay halka uu marayo xaalka dalka iyo hiigsiga Shacabka ree Jubbaland ee la xiriira dhismaha Dowladnimada. Jibril Qoobey.

Read More

PUNTLAND GOVERMERMENT SUSPENDS ALL COOPATION WITH THE FEDERAL GOVERMERMENT OF SOMALIA Puntland Government Policy Decisions: Puntland Government shall not recognize all new laws approved by Federal Government of Somalia, pending the completion of Federal Constitution in a transparent, inclusive and consultative process with the Federal Member States; Puntland Government hereby suspends all cooperation with the Federal Government of Somalia in the following areas/processes: a) constitutional review; b) federal elections; and c) national security; Puntland Government shall present detailed policy propositions for engagement with FMS and international partners, to manage the new political reality; and Puntland Government calls for continued direct…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo waft uu hogaaminayo,ayaa u anbabaxay Dalalka Shiinaha iyo Ethiopia. Safarka Madaxweynaha waxaa Ku Wehelinaya Qaar Ka Mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Dowlada Jubbaland ee xubinta ka ah Dowlada Fadaraaliga ah ee Somaliya,waaxay caddeynaysaa in ay doorashadeeda u madax banaantahay xilna ka saarantahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah. Dowlada Jubaland oo raacaysa habraacyada iyo xeerarka doorasho ee u yaal iyada,isla markaana ku xusan dastuurka Fadaraaliga ah waxay xaqiijinaysaa xaqeeda dastuuriga ah iyo masuuliyada ka saaran Bulshada ay u adeegto ee Somaliyed. Halkan ka daawo muuqaalka Jibril Qoobey.

Read More

Wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa sidan u qornayd: Madaxweynaha Dowadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 27 May 25, 2019, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Guddoomiye Ku-xigeenada Gobolka Mudug. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waaya aragnimadooda shaqo Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland. Wuxuu xeeriyey: 1.Waxaa Axmed Muuse Nuur loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug. 2. Waxaa Xasan Cabdullaahi Warsame (Wardheere) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Mudug. 3.Waxaa Maxamed Xasan Xuseen (Waloore) loo magacaabay Guddoomiye Ku- Xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug. 4. Xeerkani wuxuu…

Read More

WAXAA MAGAALADA NAIROBI KU GEERIYOODAY 24-05-2019 MARXUUM AXMED BEYNAX BARRE Waxaana halkan tacsi ka diraya dhammaan Ehelka kala ah: Cabdi Maxamad Tarrax Ambassador Cabdulqani Muxumad Waceys Col. Zubeer Cabdilkariim BoorleCol. Nuux Maxamad Axmed IsaakhSadiiq Xasan Cali Buraale Xildhiban Bashiir Axmed CawarMaxamad Xasan GeelleXuseen Xasan GeelleEng.Shariif C/naasir Shariif Maxamad Shariif MuhdiCabdicasiis Xaaji Cabdullaahi QorraxeeyYuusuf-mahad Maxamad AadanXasan Xaaji BarreBashiir Suldaan Maxamuud HeybeDr.Asad Suldaan Maxamuud HeybeYuusuf Suldaan Maxamuud HeybeMuxumad Suldaan Maxamuud Heybe Maxamad Cabdi Adar-GowsMaxamad Cabdi Xasan Dr.Cabdirisaaq Macallim Cabdullaahi Cabdi Gaani YuusufShugri Cumar GabooseDr. Cabdilxakiim Golongol Deyl Cabdiraxmaan Muxumad Aardoon Muqtaar BashiirCabdirisaaq CeymadMaxamad Xuseen AdarXasan Sheekh Axmed NuurCali Maxamad HirmoogeBishaar Yuusuf GamaadiidAxmed Cabdullaahi GeneyAxmed Xaaji Maxamad NuurCabdi Maxamad KaahinDeeq KediyeYuusuf BarqadleMuxsin Xaaji Cabdi QorraxeeyXuseen CabdullaahiMaxamad…

Read More

Madxaweynaha Puntland oo Wax Ka bedel Ku Sameeyey Garsoorka Gobolka Mudug. Gaalkacyo, May 25, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kusoo saaray Xeer Madaxweyne Lr ,26, May, 25, 2019 bedelid ku meel gaar ah, rukhso garsoorayaasha maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Mudug, tan racfaanka iyo xeer ilaalinta gobolka Mudug. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Tala soo jeedinta guddiga sare ee garsoorka Dowladda Puntland Wuxuu xeeriyey: Waxaa Maxamed Maxamuud Jamaac oo ahaa garsoore maxkamadda derejada 1-aad ee Xarfo si kumeel gaar ah loogu bedeley Guddoomiyaha Maxakamadda derejada 1-aad ee Gaalkacyo. Waxaa la rukhseeyey garsoorayaasha maxkamadda…

Read More

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Golayaasha dowladda ee safarka ku weheliyey, Saraakiisha ciidanka gobolka Mudug, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu kormeeray xaruunta dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo. Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa kala diray maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Mudug, tan racfaanka iyo xeer ilaalinta gobolka Mudug. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Waxaa maanta ku geeryooday magaalada Gaalkacyo Allaha u naxariistee Sheekh Cabdiqaadir Uurbarwaaqo. Waxaan Allah uga baryayaa inuu marxuumka dambigiisa dhaafo janadii fardowso ahaydna ka waraabsho, Caruurtiisii, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtiisii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo Amiin Yaa Allah. Wuxuu geeryooday marxuumku bil bakaysan ee Allah janatul Fardowsa hoygiisa ha ka dhigo amiin. AUN wuxuu ahaa Marxuumku nin wanaaga ka shaqeeya oo Nabadoon ah, isla markaasna wuxuu ahaa macalin bara caruurta iyo dadka waawayn Qur’aanka isagoo aflixiyey dad aad u badan oo uu baray diinta. Nin wanaag ayuu ahaaye Allah ha u naxariisto anagana gadaashiis nama fidneeyo amiin.

Read More

Madaxweyne Deni oo maalmahan ku guda jiray kormeer uu ku joogay Gobolka mudug,ayaa la filayaa in uu ka anba baxo ilaa maanta. Deni iyo wafti uu hogaaminayo waxay ukici timi doonaan dalka Shiinaha oo ay ka haystaan martiqaad rasmi ah. Madaxweyne Deni maamlmihii uu ku sugnaa Gobolka Mudug waxuu kormeeray dhamaan xarumaha dowlada iyo goobaha adeega bulshada.Sidoo kale waxuu la kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan. Sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo waxaa kusii sugnaan doona Gobolka Wasiiro ka mid ah Xukuumadiisa oo sii dhamaystiri doonaa qorshayaashii Gobolka ee ay Dowladu la timid. Wararkayaga danbe ayaan idinku soo gdubin…

Read More

Golaha millatari ee sida kumeel gaarka ah u xakuma dalka Sudan ayaa wacad ku maray in ay taageeri doonaan dalka Sacuudiga, haddii ay khatar kaga timaado dalka Iran oo ay Sacuudiga hadda ku xafiiltamayaan siyaasadda Bariga Dhexe. Kaddib kulan uu Jimcihi maanta magaalada Riyadh kula yeeshay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman, ayuu General Mohamed Hamdan Dagalo, oo ah ku xigeenka taliska milatariga ee talada Sudan haya, sheegay in Sudan ay isgarab taagi doonto Sacuudi Caraibya, haddii ay weeraro ama khatar kasoo wajahahaan Iran ama maleeshiyaadka xuutiyiinta Yemen. General Mohamed Hamdan, wuxuu sidoo kale ballan-qaaday in ciidanka milatariga Sudan uu…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam,ayaa habeenkii labaad dhex jooga Ciidamada Daraawiishta qaybtooda fariisinka ku keh Baarsanguuni. Madaxweynaha,ayaa ukuurgalaya xaalada Ciidamada dhan walba,sidoo kalena umuujinaya garab istaag iyo dhiirigalin difaaca Jubaland ee ay u taagan yihiin. Talaabadan iyo muuqaalada laga soo dirayo Baarsanguuni,ayaa niyad jab ku noqday guud ahaan cadawga Jubaland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo,ayaa u ambabaxay Magaalada Pretoria ee Dalka Koonfur Afrika si uu uga qaybgalo caleema saarka Madaxweyanaha dhawaan la doortay ee dalkaa Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afrika Mudane Matamela Cyril Ramaphosa oo ku martiqaaday xafaladdiisa qaar ka mid ah Madaxda caalamka. Madaxweyne Farmaajo,ayaa awooday in uu safarkan udiro Ra’isalwasaaraha ama wasiirka arimaha dibada,balse iyadoo xaalada amni iyo dhaqaale ee dalku dayacan yahay,ayuu sii wataa safaradisii aan macnaha badan ku fadhiyin. Waxa kaliya ee uu socdaaladan isadaba jooga ah ka faa’ido waa in…

Read More

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqasho duco ah ku tegay Qabriga Alle Ha’unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Afhayeenka Dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixyey booqashada Madaxweynaha uu ku tegey Qabriga naxariistii Jano Alle hasiyee Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed. “Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu booqday Qabriga Alle Ha’unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahaana Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland Cabdullaahi Yuusuf Axmed, halkaas oo ay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta ku wehelinayey socdaalkiisa ay u duceeyeen in Alle Janadii Fardowso ka waraabiyo, denbigiisana dhaafo, acmashiisii wanaagsanayd  uu uga tegey dalkiisana ku abaal…

Read More