Shirkii golaha wasiirrada dowlada dhexe maanta oo khamiis ah ku qabsoomay Villa-Somaliya,ayaa darajada safiirnimo loogu dallacsiiyay shan xubnood oo kala ah:-. 1.Muxyidiin Maxamed Kaalmoo -Eelaay.2.Xasan Daahir Dhibil-3.Xasan Xundubey Jimcaale-Abgaal4Maxamed Isxaaq Ibraahim-Eelaay5.Maxamed Cali Mire-Mareexaan Maxamed Cali Mire oo ka mid ah xubnaha la dalacsiiyay,ayay Walaalo yihiin Cabdishakuur Cali Mire oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Fadaraalka,isla markaana ay isku jifo yihiin Madaxweyne Farmaajo kana mid ah xubnaha sida weyn u taageera hogaamintiisa.Maxamed Cali Mire,ayaa noqonaya safiirkii labaad ee beesha Madaxweyne Farmaajo loo magacaabo.Dhanka kale safiirada la magacaabay kuma jiro hal xubin oo reer Puntland oo la filayy in lagu soo daro,madaama…
Author: Jibril Qoobey.
Golaha wasiirrada xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta iyo hindise sharciyeedka waddooyinka. Labada hindise sharciyeed ee goluhu meel mariyay oo ay soo diyaarisay wasaaradda howlaha guud, guryaynta iyo dib-u-dhiska.ayaan wax la tashiya lagala samayn Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,waxuuna umuuqda in uu ka mid noqon doono xeerarka ay iska ansixiyaan Golaha Wasiirada Dowlada dhexe ee aan meelna laga hawlgalin. Dhanka kale Shirka golaha wasiirrada,ayaa darajada safiirnimo loogu dallacsiiyay shan xubnood oo kala ah:-. 1.Muxyidiin Maxamed Kaalmoo 2.Xasan Daahir Dhibil 3.Xasan Xundubey Jimcaale 4Maxamed Isxaaq Ibraahim 5.Maxamed Cali Mire.
Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Shir guddoominayey Shirka Golaha Xukuumadda Puntland waxaana todobaadkan looga hadlay Imtixaanaadka Shahaadiga ah, Faragelinta Somaliland ee gobolka Sanaag, Saameynta Abaarta, iyo Warbixino Kale,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowlada Puntland,ayaa xariga ka jaray Wadada Halbowlaha ah ee Gaalkacyo,taasoo lagu sameeyay dib udayactir balaaran Wadada halbowlaha ah ee magaalada Gaalkacyo oo ay dhistay shirkadda wadaniga ah ee Kebarco ayaa dhererkaagu dhanyahay 2.1km, waxaana uu Madaxweynaha Puntland sheegay in wadada loo dhisay si tayadeedu sarayso oo xirfadaysan, isagoona uga mahadnaqay cid kasta oo ka qayb-qaadatay dhismaheeda. “Aad baad u mahadsantihiin dhammaan intii ka qayb qaadatay, Dowladda Hoose shacabka reer Gaalkacyo, shirkaddii dhistay oo dhismo qurux badan oo aad u fiican dhistay, sida uu qorshuhu yahay 8km inay dhamystiranto baan rajaynaynaa, waxaana ku talageli doonaa magaladu in jidad wanaagsan hesho”.…
Guud ahaan Deeggaamada Puntland,waxaa maanta si guul leh ugu soo gaba-gaboobay imtixaanka Sahhaadiga ah ee ardayda dugsiyada dhexe iyo sare. Imtixaanka Sahaadiag ah,ayaa ka dhacay 106-goobood iyo 306-iskuul,waxaana u fariistay ku dhowaad 16-kun oo arday. Wasaaradda waxbarashada Puntland,ayaa sheegtay in imtixaanka uu ku dhammaaday sidii ay wasaaradda u qorsheysay oo guul ah. Kusoo gabagaboowga si guul ah Imtixaanka Shaahadiga ah ee Puntland,ayaa imaanaya iyadoo kii ay soo diyaarisay Dowlada Dhexe fashilmay kadib markii si qish ah suuqa loogu kala iibsaday,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam,ayaa maanta kormeeray Saldhiga Ciidamada Daraawiishta ay ku leeyihiin Baarsaguuni. Saraakiisha iyo Cutubyo ka tirsan Ciidanka,ayaa si maqaam sare leh ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Saldhigaas. Madaxweynaha,ayaa u kuurgalayay xaalada Ciidamada xiligan lagu guda jiro bisha barakaysan ee Soonqaad. Saldhiga Baarsanguuni oo ka mid ah fariisimada muhiimka ah ee Ciidamada Jubaland ayay tiro ka dhawr jeer isku dayeen Maleeshiyada Alshabaab in ay qabsadaan. 7-sano ee uu Madaxweyne Axmed Madoobe hogaaminayay Jubaland waxay ku talaabsatay guulo la taaban karo oo ay ugu horeeyaan dhismaha Ciidamo Dowliya oo qalabakooda iyo tababarkooduba sareeyo,hoos ka daawo muuqaalka kormeerka Madaxweynaha. Halkan…
Ciidamada amniga degmada Guriceel ayaa ka hortagay qof doonayay inuu isku qarxiyo munaasabad ka socotay meel fagaaro ah oo ku taalla degmadaasi. Sawirro la soo dhigay internet-ka ayaa muujinaya dhowr askari oo qabtay nin la sheegaya inuu doonayay inuu is-qarxiyo. Taliyaha ciidamada daraawiishta Galmudug, Jeneral Mascuud Maxamed Warsame,ayaa sheegay in ninka la qabtay uu xirnaa jaakad waxyaabaha qarxa lagu xiray, oo uu doonayey inuu is-miidaamiyo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Gudiga amniga doorashada Jubaland oo la magaacabay. Gudigan waxuu awood uleeyhaya sugida habsi usocodka dooarshada Jubaland ee ay ka harsan tahay wax ka yar laba bilood. Maalmo ka hor ayuu hogaanka AMISOM si buuxda u aqbalay in laamaha amaanka Jubaland ku filan yihiin sugida amniga doorashada,iyadoo si buuxda loogu wareejiyaya Wasaarada amniga. Talaabadaas waxay hoosta ka xariiqday sida beesha caalamku ugu qanacsan tahay nidaamka Jubaland ,isla markaana uu usameeyay horumar la taaban karo. Jubaland oo sanado ka hor ku jirtay dagaal sokeeye,ayaa hada umuuqta mid kasoo kabatay una gudubtay nidaam dowliya. Halkan ka akhriso wareegtada
Halkan ka daawo muuqaalka
War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa looga jawaabay tallaabooyin dhowr ah oo ay Kenya ka qaadday isu socodka ganacsiga iyo dadka ee labada dhinac. “Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (“dowladda Soomaaliya”), iyada oo qaddarinaysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya (“Dowladda Kenya”), waxay aad uga walaacsan tahay go’aankii ay dhawaan qaadatay Dowladda Kenya ee lagu xadaynayey dal ku galka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya,” ayaa lagu billaabay qoraalka warkan ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Arrintan waxay imaaneysaa iyadoo wafdi heer sare ah oo ka socday Soomaaliya, kana qeyb gali lahaa shir…
Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa cambaareeyey kuna sheegay wax aan la aqbali karin waqti la sheegay in Mareykanka uu u qabtay Turkiga, si uu uga laabto heshiis uu ku iibsanayo habka difaaca gantaallaha Ruushka ee S-400, taa beddelkeedna uu iibsado midka Mareykanka ee Patriot. Moscow ayaa ka jawaabaysay warbixin uu baahiyey taleefishinka CNBC oo sheegtay in Washington ay Turkiga siisay kaliya laba toddobaad si ay heshiiska Ruushka uga laabtao, mid cusubna ula gasho Mareykanka, ama ay wajihi doonto ganaax culus. Turkiga iyo Mareykanka ayaa muddo isku hayey arrimo dhowr ah, oo ay ku jirto go’aanka Ankara ay ku…
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo wafti uu hogaaminayo oo kormeer ku marayay Gobolka Sanaag qiimaynayayna sida uu u socdo Imtixaanka Shahaadiga ah,ayaa carqalad kala kulmay Maleeshiyo ay soo adeegsatay Somaliland. Ciidamada Daraawiishta qaybtooda Sanaag,ayaa ka hor tagay carqaladayntaas uans uurta galiyaya Wasiirka iyo waftigiisa in ay si dhamaystiran usii wataan kormeerkooda,marka laga saaro Deegaanka Carmale. Gobolka Sanaag ayay intiisa badan Puntland gacanta ku haysaa,isla markaana shacabkiisu boqolkiiba sagaashan ku faraxsan yihiin ka mid ahaanshaha dhulweynaha Dhul-udug,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiirka wasaarada maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal oo booqday garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo. Wasiir Shire oo ku guda jira kormeer uu ku samaynayo qaybaha Maaliyada ee Gobolka,ayaa bogaadiyay shaqada garoonka iyo dadaalka xooga badan ee ka muuqda shaqaalaha. Garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo,ayaa ah isha labaad ee Miisaaniyada Dowlada Puntland ka timaado,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Marwo Caasho Geelle oo afur usamaysay waftiga Madaxweynaha ee ku sugan Gaalkacyo. Madaxweynaha oo ka hadlay goobta,ayaa ka mahadceliyay Afurka ay Caasho usamaysay iyo guud ahaan soo dhaweynata aadka usaraysa ee kala kulmay Gobolka Mudug. Madaxweyne Deni waxuu kaloo amaanay dadaalka iyo horumarka baaxada leh ee ya ku jiraan Bulshada Gobolka. Garoonka Kubada cagta ee Cawaale oo heer gabagaba ah maraya,ayuu si gaar ah uxusay sheegayna in uu si dhwo ula socdo dadaalka isku tashi ee Bulshadu wado dibna loogu casriyaynayo,hoos kad aawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Si buuxda ayay Puntland yo Galmudug uga hor yimaadeen dhamaan xeerarka kasoo baxay Dowlada Dhexe. Xeerarka ay qaadaceen,ayaa kala ah:- 1.Xeerka Doorashada. 2.Xeerka Canshuuraha. 3.Xeerka Shidaalka. Sadexdaa Xeer iyagoo isku duuban oovku hadlaya hal luuqad ayay qaadaceen una sheegeen caalamka in aysan iyagu qayb ka ahayn. Wadajir muhiim ah iyo go”aan midaysan oo xiligiisii la qaatay ayaa lagu tilmaami karaa go”aanka kasoo baxay Puntland iyo Gslmudug,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka Halkan ka akhriso Warmurtiyeedka
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Cabdullaah Maxamed Xasan,ayaa maanta booqashadiisi deegaanka Damalla-xagare ee degmada Ceerigaabo sii watay iska kadib iska hor imaad ka dhacay halkaas. Iska hor’imaadka,ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,kaasoo dhexmaray ciidamo uu watay wasiirku iyo kuwo ka tirsan maamulka Somaliland oo deegaanka soo gaaray.
Askari ka tirsan ciidamada booliiska ayaa caawa lagu dilay isgoyska Banaadir ee Magaaladda Bosaso. Askariga la dilay oo lagu magacaabo Sharma’arke Axmd Waabeeri, waxaa uu ka tirsanaa saldhig Mijir ee magaaladda. Rag hubaysan ayaa rasaas ku furay Baabuur nooca loo yaqaan Brobox oo lagu midabeeyay calaamada Booliiska, kaasi oo ay saarnaayeen Askariga la dilay iyo labo askari oo kale. Askari kale ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray weerarkaasi. Ilaahay Naxariistii Janno ha siiyo.
Dowlada kenya waxay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyata ku xanibtay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan golayaasha xukuumada Fadaraaliga ah ee Somaliya. Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Nayrobi,ayaa tilmaamaya in wasiirada qaar ay ka baxeen garoonka,kadib markay isticmaaleen Basabooradoodii ajaanibka ahaa,halka kuwa aan haysan Basabooro Dalal shisheeye ku xaniban yihiin garoonka. Masuuliyiinta ka baxay garoonka iyo kuwa ku xaniban,ayaa kala ah…… 1.Wasiirka Qorsheynta Jamaal waa laga diiday in Passport Diplomatic ah loo saaro visa, kadibna wuxuu lasoo baxay Canadian. 2.La-taliyaha amniga Madaxweynaha Abdi Said waa laga diiday diplomatic waxuu lasoo baxay Netherlands. 3.Wasiirka Caafimaadka Fowsiya waa laga diiday diplomatic Passport,…
Maal-qabeenno Itoobiyaan ah ayaa bixiyey 173,000 oo dollar midkiiba, si ay uga qeyb galeen casho uu sameeyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo lacag loogu ururinayey qurxinta magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa, sida ay werisay warbaahinta dowladda. Warbaahinta dowladda ku xiran ee FANA, ayaa daabacday sawirrada dadka cashada ka qeyb-galay oo xiran suudad, islamarkaana fadhiya kuraas lagu deday ubaxyo. “Halkii kursi ee cashada waxaa lagu qiimeeyey 5 milyan oo birr” ayey tiri warbiixnta Fana. 5 milyan oo birr waxay u dhigantaa ku dhowaad 173,000 oo dollar. Xafladda ayaa waxaa loo qabtay in lacag loogu ururiyo mashruuc saddex sano soconaya oo uu wado…
Xildhibaan Cosoble”7-Febraayo 2021-ka haddii doorasho dhici weyso halla ogaado dalkaan 10-Madaxweyne ayuu yeelanayaa,Waxaa Socota Farsamo ah Baarlamaanku ha qeyliyo hadhoowna hala yiraahdo doorasho lagama gaaree aan sannad iyo laba sano ku darsanno, Hadalkan,ayaa fariin cad u ah Madaxweyne Farmaajo oo lagu xamanayo in uu quudaraynayo ku darsasho sanad ama laba ah,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan Halkan ka daawo muuqaalka
Soomaali badan oo ku nool dalka Kenya iyo daafaha caalamka ayaa caro ka muujiyay muuqaal ay duubeen mutacallimiin Kenyan ah oo ka hadlay muranka badda ee u dhexeeya xukuumadaha Nairobi iyo Muqdisho. Muuqaalka oo ay soo duubeen ardey Kenyan ah oo jaamacado ka dhigta dibedda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya oo kaashanaysa dalal caddaan ah ay gumaysan rabto Kenya, isla markaana ay doonayso inay dhacdo badda lagu muransan yahay. Dhaliyarada muuqaalka ku jirta ayaa ku doodaya in haddii maxkamadda cadaallada ee caalamiga ah ay go’aamiso in Soomaaliya ay leedahay badda lagu muransan yahay ay taasi horseedi doonto in Kenya ay…
Jamhad hubaysan,ayaa loogaga dhawaaqay Magaalada burco ee Gobolka Togdheer Somaliland. Jamhadan,ayaa kasoo horjeeda maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi hogaamiyo. Sakaalka hogaamin doona Jamhada Badbaada Gobolada Waqooyi,ayaa sheegay in aysan udulqaadan doonin Muuse Biixi iyo cagajuglayntiisa. Halkan ka daawo muuqaalka
Dowlada Dhexe in ay Goodax ubadalaan Wasaarad kale macno ma samaynayso,balse waxa muhiimka ah,ayaa ah in laga dhex saaro golaha. Warar hoose,ayaa sheegaya in loo wareejin doono Goodax Wasaarada arimaha gudaha ,madaama uu ku fashilmay Wasaaradii Waxbarashada. Dowlada Villa Muqdisho,ayaa u aragta Goodax xubin muhiim u ah markay timaado sika difaaca mucaaradka xooga badan ee kasoo horjeeda. Goodax waa Nin caan ku ah aflagaadada iyo xishood la’aanta fagaaraha lala soo istaago. Markaan dib ujaleecno xasuusihiisii hadaladisii xumaa ee ceebta iyo yax-yaxa watay waxaa ka mid ahaa:- Xasuusta bilihii April Iyo May ee Abdullahi Godax barre!1 1. Wuxuu yiri “Baarlamaanka waxaa…
“Waxaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiir ku-xigeenaka Maaliyadda oo kala soo hadlaya sidii Dowladda Itoobiya iyo Puntland ay uga wadashaqayn lahaayeen Kastamka Tuurdibi, Wasiirka Maaliyaddana dhowr beri ka bacdi ayuu u gudbayaa halkaas si ay dhinaceena heshiisku uga hirgalo mudo ayaan sugaynay waxaan goosanay wada-hadalkiina inaan wadno shaqadiina aan bilowno, Madaxweyne Deni,ayaa sheegay in Kastamkii Tuurdibi ee Degmada Goldogob ee Puntland iyo Itoobiya isku xira laga hawlgalay dhawaana la hawlgalin doono . Si gaar ah waxuu Madaxweynuhu u xusay in dhnak Puntland lasii hawlgalin doono shaqada Kastamka. Talaabadan,ayaa ah mid ay soo dhaweeyeen bulshada Gobolka iyo…
Madaxweynaha,ayaa ku sheegay safarkiisa shiinaha in uu la xiriiro mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin Garoonka diyaaradaha Galkacyo iyo Wadada Eyl-Garowe. “Safarkeena Shiinaha aan ku tagayno haduu hirgalo waxyaabaha ugu waaweyn ee aan ka hadli doono waa mashaariic horumarineed oo qaybta ugu weyn ay Mudug ka leedahay oo ah garoonka diyaaradaha iyo mashaariic kale” “Mashaariicdan waaweyn ee hada socda iyo kuwa imaan doona intaba Inshallaah dedaalka Dadweynaha iyo Dowladda oo is kaashaday ayey ku hirgaleen inta qabsoontay inta dhimana intaas ayeey ku hirgeli doonaan hadii Alle yiraahdo” Ayuu yiri Madaxweyne Deni. Socdaalkan,ayaa horay loo baajiyay xili Madaxweynuhu ku sugnaa…
Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay Jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, kadib markii uu dhawaan fashilmay Imtixaankii ay qaadeysay Wasaaradda,markii la helay qishka Maadooyin ka mid ah Imtixaanka. Imtixaanka ayaa bilaaban doona 27-ka Bishan,waxaana uu socon doonaa ilaa 31-Bishan May ee sanadkan 2019,. Waxaa xusid mudan in Imtixankaan oo ku celis ah ay dood badan ka dhalatay markii inta badan ay ardayda Somaliyed diideen.
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Jamuuriyadda Soomaaliya,ayaa maanta meel mariyay sharciga Batroolka dalka,kaasi oo ay soo gudbisay Xukuumadda Soomaaliya. Kulanka Golaha ee Maanta,ayaa waxaa soo xaadiray 154-Xildhibaan,waxaana ay ansixiyeen Xeerka Batroolka.Waxaa ogolaatay meelmarinta sharcigan Batroolka,150-xildhibaan,waxaana diiday,4-mudane,sidaasi ayuuna ansax ku noqday,sida uu ku dhawaaqay guddoonka Golaha Shacabka. Sharcigan maanta baarlamaanka fadaraalku meel mariyay,ayaa inta badan Dowladaah xubnaha ka ah Dowlada fadaralku raacsan yihiin marka laga saaro Puntland oo gebi ahaanba qaadacday heshiiskii Baydhabo oo sharcigan lsaldhig u ah.
Halkan ka daawo muuqaalka
Sheeko Taajirad Iyo Fiqiir Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah oo naxariis oo dhan iska leh.. Waxaa jiray nin, wax yaabaha aadamuhu qiimeeyaan ka aradnaa, hadday ahaan lahayd meelaha la seexdo, oo ma uusan haysan qol uu seexdo hadba wuxuu seexan jiray meesha ay ku qabsato, gidaar, geed hoostiis iyo meel banaanba. Hadday ahaan lahayd huga la xirto, ma uusan haysan dhar lakala bedesho, bal waxaa ku kor dhammaaday surwaalkii iyo shaarkii uu qabay. Wuxuuse ahaa nin aan jeclayn oon cidna ka yeeli jirin in sharaftiisa iyo karaamadiisa meel looga dhaco, lacag kastoo la hor dhigana kuma gadan jirin sumcaddiisa shaqsinimo…Maalin maalmaha…
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Deni oo Munaasabadda ka hadlay ayaa aad ugu dheeraday muhiimadda ay Puntland u leedahay Dhismaha Dekedda Garacad “Qalabkan oo Dowladda Puntland dhammaanteed, gaar ahaan gobolka Mudug ay mudo dheer sugayeen inaan maanta halkan iyada oo nabad qabta iyo anagoo nabad qabna aan iskugu nimaadno waa guul xag Alle ka sugnaatay, mashaariicdan waaweyn oo hada laga sheekeeyey kuwa hada socda iyo kuwa imaan doona intaba dedaalka dad weynaha iyo Dowladda oo is kaashaday ayey ku hirgaleen” “Waad ogtihiin mashaariicdaas bilowgeedii xukuumadihii naga horeeyey ayaan uga mahadcelinaynaa haday ahaan lahayd Dekedda, haday ahaan lahayd garoonka diyaaradaha iyo kastamkaba, Dowladnimadu waa qori…
Halkan ka daawo muuqaalka
Samsam Axmed oo ah gabar dhigata dugsiga sare ee Xaaji Cali Biixi Galkacyo ayaa imtixaanka gurigeeda looga qaadayaa maadaama ay tahay hooyo umul ah oo aan xaadiri karin dugsigeeda si ay u soo gasho imtixaanka, waxaana ilaalo looga dhigay hooyo macalimad ah oo la socon doonta marxaladeheeda,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Booqashada Safiirka,ayaa daba socota qiimayn ay beesha caalamku ku samaynayso arimihii keenay in uu fashilmo shirkii garowe. Safiirka,ayaa Kismaayo kula soo kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe oo uu kasoo xog waraystay arimahaas,waxayna xogo hoose sheegayaan in uu Axmed Madoobe ka gudbiyay dacwad madaxda Dowlada Fadaraalka ah. Wakiilada caalamka ee Somaliya,ayaa Madaxweyne Farmaajo kulan kula qaatay garoonka diyaaradaha Aadan-cade xiligii uu kasoo laabtay shirkii Garowe. Halkan ka daawo muuqaalka
Qoraalka waxa uu ku sheegay in la siiyay xog khaldan taasoo eheyd in madaxweynaha Puntland uu Garowe ka sheegay in la jabsaday Imtixaanka Puntland, sidaasna uu u sheegay ardeydii Jowhar ee uu khudbada u jeedinayay, isagoo aan iska hubin hadalka. Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in hadalkan uu yimid daqiiqado kadib markii wadahadal dhinaca talefoonka ah uu dhex maray Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, taasoo looga dalbaday in Goodax uu raalli gelin ka bixiyo hadalkii ka soo yeeray. Dad badan ayaa qaba in raali galinta Goodax aysan macno usamaynayn reer Puntland maadaama ay fahansan yihiin in…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
28-sano kadib wali waaqiciga waa u hakan la”yihiin Somaliland-ta halka beel danteeda lagu ilaaliyo. Waxa ugu weyn ee ay ku faanayso 28-sano kadib Somaliland-ta ka dhalatay carada beelaysan waa xasilooni aan cago badan ku taagnayn. Majiraan adeeg bulsho oo macno leh oo ay ku faani karto maanta Somaliland-ta Muuse Biixi hogaamiyo. Majiraan hay”ado Dowladeed oo dhaafsiisan heer maamul goboleed. 28-sano kadib waaqiciga ah ma heli kartaan aqoonsi ka weyn maamul goboleed Somaliyed oo wax tabanaya dhawr sababood oo jira awgood waa la jaanqaadi la”dahay Somaliland-ta caraysan. 28-sano kadib u hakan wayday in ay ku dayato Rwanda oo Qowmiyad ka mid…
Mudaahaaraadyo,isku dhacyo beelaysan,muran xuduudeed oo aan joogsi lahayn,waxay hariyeen hogaamintii ra’isalwasaare Abiye ilaa iyo hada. Guud ahaan itoobiya waxaa ka socda arimahaas aan soo xusnay oo markii deegaan la damiyo mid kale istaarmayo. Shirkii uu yeeshay guddiga fulinta ee Xisbiga talada haya ee EPRDF ugu danbayntii warmurtiyeed kasoo baxay waxaa walaac aad u weyn looga muujiyey xaaladda amni ee dalka Itoobiya. Guddiga,ayaa si gaar ah u tilmaamay arimaha sii murginaya xaalka dalkaas,waxaana ka mid ah qodobada ay carabka ku dhufteen.. B.Qabyaaladda oo sii xoogaysatay. T.Hubka sharci darrada ah siyaabo kala duwan ugu soo qulqulaya. J.Isku dhacyada beelaha oo tiro beel…
Qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa shaaciyay war ku saabsan in ruqsadii wadista gaadiidka ee gudaha Australia lagala noqday haweeney Soomaali ah oo ka shaqeyn jirtay tagsi, kadib markii ay ku tuhamatay shuruucda, balse isla haweeneydan oo BBC-da la hadashay ayaa beenisay eedeymahaas. Xaawo Faarax Caad, oo ka shaqeysa magaalada Melbourne, ayaa lagu soo warramay in laga mamnuucay kaxeynta tagaasida, arrintaas oo la sheegay inay ku muteysatay markii ay qof indhaha la’ oo gaarigeeda soo raacay weydiisay jihooyinka magaalada. Waxaa kale oo la shaaciyay inay si khalad ah uga gudubtay calaamadaha casaanka ah ee loogu talogalay in lagu hakado…
Wasiirka Duulista Hawada,Garoomada Puntland Iyo Masuuliyiinta Shirkada Carafaad Ee Qaadaysa Dadka Soo Cimrasanaya Iyo Xujayda Deegaanada Puntland ayaa Maanta Ku Sagootiyey 126-Qof Garoonka Diyaaradaha Ee Garowe. Inkastoo la amaanay diyaarada qaadaysa Xujayda oo toos uga dagaysa Sacuudiga siina mari doonin Magaalo kale oo Somaliya gudaheeda ah iyo maamulka shirkada Carafaat ee dadka soo Xajisiinaysa hadana waxa is waydiinta mudan,ayaa ah…. ”Meeyay go”aankii qaadacaada Dowlada Puntland ay ka qaadatay arinka Xajka?. Wasiir Cawil Shiikh Xaamud shirkiisii jaraa’id ma waxba kama jiraan buu noqday mise si hoose ,ayaa wax loo kala goostay? Markii horeba su’aalaha taagnaa waxaa ka mid ahaa qaylada Wasaarada…
517-Maxbuus oo u xirana dambiyo fudud ayuu cafis u fidiyay maalinta 18 May oo ah Somaliland ay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
‘’Madaxweyne Farmaajo waxaan weydiistay hub aan Al-shabaab kula dagaalano balse waxaa uu iigu jawaabay [Ma Caabud-waaq ayaad ku Weerari rabtaan} ayuu yiri Xaaf oo arintaas ku tilmaamay mid lala yaabo oo nasiib daro ah. Madaxweyne Xaaf ayaa dhanka kale sheegay in madaxweyne Farmaajo mas’uul ka yahay sida uu hadalka u dhigay dhibaatada ka taagan deegaannada labada maamul ee Galmudug iyo Jubbaland oo sida uu hadalka u dhigay ah halka kaliya oo ay degan yihiin Jifada ama Qabiilka uu ka soo jeedo. ‘’Madaxweyne Farmaajo oo jifada ama Qabiilka uu ka soo jeedo waxey degaan ahaan deggaan Galmudug iyo Jubbaland, isaga ayaana…
Galabta waxa aannu daahfurnay barnaamijki (Nomberynta-Guryaha) oo lagu diiwaan gelinayo Guryaha Magaalada Bosaaso, si loo xoojiyo amniga magaalada. Waxaa furitaanka barnaamijkan kasoo qayb galay Wasiiru-Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudahaha Fadaraalka Iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari. Barnaamijkan,ayaa muhiim unoqonaya in lagu ogaado xogta Guriga iyo cidda iska leh,dowr muhimana ka qaata xaqiijinta amniga Caasimadda Ganacsiga Puntland Ee Bosaaso,hoos ka daawo muuqaalka. Hallkan ka daawo muuqaalka
Shirkii Garowe intii lagu guda jiray,waxaa soo baxayay xogo tilmaamaya in uu jiray isfahan dhexmaray Dowlada Dhexe iyo Puntland. Xogahan lama xaqiijin karo,balse waa kuwo ay dhici karto in ay wax ka jiraan boqokiiba Lixdan. Isfahanada dhexmaray Puntland iyo Dowlada dhexe,ayaa lagu sheegay in ay saldhig u noqdeen dhawr qodob oo kala ah:- 1.Puntland in booskii Gudoomiyaha Bangiga dhexe loogu badalo Xisaabiyaha guud ee Xukuumada Dhexe. 2.Puntland in la siiyo agaasimaha hay’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha Fadaraaliga ah. 3.Puntland in la siiyo lacag gaaraysa 8-Milyan oo dolar oo qayb ka ah Deeqo caalamka laga helay. 4.Puntland in la siiyo Saanad Milatari…
Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, uuna goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa todobaadkan looga hadlay, Amniga dalka, Imtixaanaadka Shahaadiga ah, Arrimaha Xajka iyo Warbixino Kale,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka
Qarax xoog badan,ayaa lala Beegsaday Gaari Ciidan oo Marayay agagaarka halka loo yaqaan Minasaariyadda ee Xaafada Al Raxma Bosaso. Qaraxa,ayaa waxa aku dhaawacmay sadex askari sida ay noo axqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland. Goobta qaraxu ka dhacay waxaa hada gaaray Ciidamada Booliska,kuwaasoo ka bilaabay baaris. La soco wararka kasoo kordha Qaraxaaas.
Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa ku wajahan Magaalada Gaalkacyo subaxa Sabtida ah hadii rabi idmo. Qabanqaabada soo dhaweynta waftiga Madaxweynaha,ayaa si weyn uga socota Gobolka. Inta uu joogo Madaxweyne Deni Gobolka Mudug waxay kulamo lasii qorsheeyay wada yeelan doonaan waxgaradka iyo guud ahaan qaybaha bulshada. Arimaha ugu waa weyn ee uu ku salaysan yahay safarka Madaxweynaha ee Mudug,ayaa laga xusi karaa laba qodob oo kala ah:- 1.Amaanka 2.Mashaariicda horumarineed. Tan iyo intii la doortay Madaxweyne Deni waa markii ugu horaysay oo uu booqdo Gobolka Mudug,waxuuna kusoo aadayaa iyadoo dajin lagu bilaabay Markabkii siday Qalabka dhismaha…
Madaxweynuhu waxuu umuuqday mid hadalka ka aradan oo haba yaraatee aan lahayn balaaqo uu wax ku gaarsiiyo Bulshada. Nin fudud kalatalisnimo iyo fikradayda hala raaco ay ka muuqato,sidoo kale Nin aan wax badan kala socon xaalka dalka iyo nidamaka uu hada ku shaqeeyo. Shaqsi aad moodo erayo loosoo qoray in uu warqad kasii akhrinayo,balse aan isagu lahayn aragti uu wax ku tilmaamo. Waxaa xusid mudan in Farmaajo 13-kii SYL uu buugiisa uu qoray ku xusay in ay ahaayeen ” SYL in ay gumays-tihii Talyaaniga U shaqayn jireen” Masuul aan doorkiisa hogaamineed,isku wadidid,isu tanaasul iyo isku keenid Bulsho aan fahansanayn,balse colaad…
Halkan ka akhriso wareegtada wasaarada arimaha gudaha kasoo baxday :-
Sadex qof,ayaa geeriyootay 9-kalena waa ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay duleedka degmada Carmo ee Gobolka Bari. Shilka Gaari,ayaa ka dhashay Gaari kuwa dadweynaha ah iyo mid Booyad ah sida ay muujinayaan sawiro goobta laga soo qaaday. 4-qof oo dhaawac ah,ayaa xaalkoodu aad u culus yahay, dhamaantoodna waxaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Bilcil ee Degmada Carmo, dhaawacyada culus ayaana lagu wadaa in loo qaado Magaalada Boosaaso saacadaha soo socda. Gaariga Raaxada ah Ee Dadka Badani ku Dhinteen,ayaa Safar u ahaa Magalada Garowe. Alle ha u naxariisto inta ku dhamatay inta dhaawacantayna alle ha u booga dhayo
Hay’adda Mareykanka u qaabilsan dhinaca hawada ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaanno NASA ayaa xog cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in Dayaxa uu cabirkiisa sii yaraanayo isla markaana uu gariirayo.Tobankii sano ee lasoo dhaafay, seynisyahannada adduunka ayaa ogaaday in gudaha dayaxa uu qabowga ku sii batay, uuna marba marka ka dambeysa sii angagayo. Arrintaas ayey sheegeen inay sababtay cirifyo uu yeeshay dayaxa oo lagu magacaabay “Geesaha harraadka ku soo baxay”, kuwaasoo isku gedaamay guud ahaan dusha sare ee dayaxa. Hadda, xog kale oo cusub oo lagu ogaaday howlgal ay sameysay hay’adda Nasa ayaa muujineysa in dayaxu uu…
Wararka ka imaanaya Muqdisho,ayaa sheegaya in dawladda Soomaaliya ay qabatay Nin u shaqeeya Wasaaradda Waxbarashada oo lagu tuhunsan yahay in uu bixiyey imtixaanaadkii la baabi’iyay. Booliiska Dowlada Fadaraalka Soomaaliya,ayaa sheegay in la qabtay Ninkaasi oo lagu magacaabo Jamaaluddiin Xasan Xirsi lana sheegay in uu yahay 29-sano jir. Ninka la qabtay ayaa la sheegay inuu ka shaqaynayey imtixaanaadka degmada Balanballe ee Gobolka Galguduud. Dawladda Fadaraalka,ayaa imtixaanaadka joojisay Isniintii waxayna sheegtay in dib loo qaadayo dhammaadka bishan May. Qaar ka mid ah ardayda dugsiyada waxay shalay bannanabax ka sameeyeen magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Soomaaliya,kaasoo ay kaga soo horjeedaan imtixaanaadka la…
Nin Soomaali ah oo deggan gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa maxkamad rayid lala koray, ayada oo lagu eedeynayo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo uu gaystay xilli uu sarkaal sare ka ahaa dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Dacwad madani oo ka dhan ah Yuusuf Cabdi Cali ayaa toddobaadkan ka billaabatay maxkamadda federaalka ee magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, waxaana la koray Farhan Mohamoud Tani Warfaa. Farhan ayaa ku eedeeyey Yuusuf inuu jir-dilay, islamarkaanauu geeri ku sigtay sanaddii 1988-kii. Dacwaddan ayaa lagu sheegay in Yuusuf uu ahaa taliye ku tirsan Guutada Shanaad ee Ciidamadii Xoogga Dalka ee ku sugnaa Somaliland.…
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa agaasimaha cusub ee Villa Somaliya u magacaabay inuu noqdo Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Nuur Diiriye ayaa waxa uu beddelayaa Dr. Aamin Saciid Cali, oo xilkaas haysay muddo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada. “Waxaan maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Madaxtooyada. Intii uu kamidka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo.” Ayuu madaxweyne ku yiri qoraal lasoo dhigay barta twitter ee Villa Somaliya. Waxa dad badan isweydiinayaan waxaa Qasbay in mudo…
Ujeedka laga leeyahay in la xiro Wiil kusoo labistay Tuutaha Calanka Buluuga ah waxay tahay in aysan Bulshada Hargaysa caadi u arag xaalka oo argagax laga galiyo Calanka iyo Somalinimada. Horay Faysal Cali Waraabe ayaa u yiri”Isma lahayn Mooska Koonfur ka yimaadaa Hargaysa lagu cunayaa,sidoo kale heesihii Xasan Aadan baa la dhagaysanayaa”.. Dhamaan hab dhaqankaasi waa mid looga gol leeyahay sare usii qaadida fogaanshaha shacabka Somaliland ay ka fog yihiin Somali weyn. Halkan ka daawo muuqaalka
Haweenka Puntland,gaar ahaan kuwa Degmada Burtine waxaa loogu baaqay in ay abaabulaan Mudahaaraadyo waa weyn oo ay kaga soo horjeedaan Raga Burtinle ka hadlay ee difaacaya Danbiilayaasha. Mudaaharaadyadaas waxay xoojinayaan Xukunka dhacay,waxayna dhiirigalinayaan Dowlada,sidoo kale indhaha caalamka ayay si mug leh ugu soo jeedinayaan Xukunka. Haweenku hadaysan maanta isku duubni muujin kana dhiidhiyin hadalka ragaas beri cidna ma eedayn karaan dhibkuna waa sii soconayaa waligoodna dib uma arki doonaaan cadaalad. Haween weynaha Puntland waxaa loogu baaqayaa in ay Taageeraan Xukunka maxkamada oo ka dhiidhiyaan hadalka Raga Burtinle ka hadlay.
Bulshada Puntland oo aad u canbaareeyay Odoyaal ka hadlay Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal. Odoyaasha,ayaa difaacayay danbiilayaasha kufsaday oo dilay Gabadhii yarayd ee Caasho Ilyaas. ”Wax cadayn cad ah oo Ragaas lagu helay majiraan,Xeer ilaaliyuhu waxuu cuskaday waxaan lagu kalsoonaan karin”ayay yiraahdeen Odoyaasha Burtinle ka hadlay. Hadaba Bulshada Puntland gudo iyo dibad aad ayay uga xumaadeen ugana caroodeen hadalka kasoo yeeray ragaas ee ay ugu qiil dayayaan Danbiilayaal si cad loogu wada jeedo. ”Waa nasiib daro,waa damiir la’aan,waa ilhaamo in saakay la difaaco Niman kufsaday oo dilay Gabar yar oo 12-jir ah”sidaa waxaa yiri mid ka mid ah Bulshada kasoo…