Author: Jibril Qoobey.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax baabuur lala beegsaday xarunta degmada Warta Nabadda. Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay goobtaas ka socotay cunto qaybin xilliga uu qaraxu dhacay. Wararku waxay sheegayaan in ugu yaraan 4 qof ay ku dhinteen, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 12 qof oo kale. Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah xoghayihii degmada Warta Nabadda Cali Aadan Warsame. Xigasho VOA.

Read More

Madaxweyne Trump oo siyaasadihiisu aysan la dhacsaneyn Ilhaan ayaa maalin kahor sheegay in Yuhuud naceybka aysan melnana uga banaaneyn Maraykanka. “Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,” ayuu yiri Trump. Muranka hadda taagan ayaa yimid kadib markii lhaan Cumar ay sheegtay in xildhibanaada aqalka Kongreska ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi ay raali geli ka dalbato Ilhaan Cumar. Waxaa kale oo uu sheegay in raali…

Read More

Safiirka Dowladda Maraykanka ee Somaliya Ambassador Donald Y. Yamamoto ayaa sheegay in Dowladdiisa ay waxyaabo badan ka caawin doonto Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Maraykanka uu hadda kuso laabtay Soomaaliya, islamarkaana aanu mar kale dib u bixi doonin. Yamamoto ayaa hoosta ka xariiqay in ay ka shaqeyn doonaan sidii Soomaaliya looga caawin lahaa cafinta deymaha, si qarashka ay deynta ku gudi lahayd ay u adeegsato kaabayaasha kale ee dhaqaalaha,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Barnaamijka Galka Baadhistu ee VOA ayaa ogaaday in shirkadda Spectrum oo qandaraas lagu siiyey kaydinta iyo iibka xogta Soomaaliya ay lacago gaadhaya $1.35-Milyan oo dollar ay siin jirtay wasaaradihii kala dambeeyey ee shidaalka. Lacagahaasina waxay abuuri karaan shaki maadaama shirkaddu siinayso wasaaraddii siisay qandaraaska kaydinta iyo iibinta xogta. Waxaa kale oo Galka Baarista uu ogaaday in Soomaaliya ay hoos u dhigtay saamiga ay ka qaadanayso shidaalka soo baxa maalmo uun ka hor intii aan la tegin shirka London, waxaana saamigaasi laga dhigay 54-66% halka dokumentiyo hore oo la qoray ay gaarsiinayeen ilaa 85%,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ardayda wax-ka-barata SIMAD University oo maalmahan booqosho ku joogtay Garowe ayaa xarunta PDRC kula kulantay Shuuke oo ahaa wasiirkii waxbarashada Soomaaliya isla markaasna ahaa wasiirkii ugu wakhtiga dheeraa wasiirada wasaarada waxbarashada soo-martay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku joojiyay isticmaalka lacagaha curaaraha iyo khidmadaha ee la siin jiray Hay’adaha dowladda ee madaxa banaan iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee adeegyada u qabto dowladda. Madaxweynuhu wuxuu ku sababeeyay go’aankiisa inuu jiro ishdin dakhli oo baaxad wayn, ayna adkaatay in la bixiyo musharaharaadka shaqaalaha dowladda iyo hawl socodsiinta dowladda. ” Waxaa la farayaa madaxda ay warqad ay warqadani sida tooska ah ugu socoto in curaaraha loo qabto hay’adaha dowladda ee madaxa banaan, shirkadaha gaarka loo leeyahay, shirkadaha dakhliga dowladda khidmadda laga siiyo, curaaraha dowladu maamusho IWM, dhammaantood loo…

Read More

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa si joogta ah waxuu weerarka afka ah ugu qaadaa madaxda Dowlada Fadaraalka Somaliya. Hadaba Dad badan,aya aarinkaas is waydiiyay,iyagoo u arka in Muuse ku qarinayo faashil ka haysta gudaha maamulkiisa oo uu shacabka ku majara habaabinayo kuna mashquulinayo colaad ku aadan Koonfurta Somaliya Saxaafada Somaliland,ayaa ka diyaarisay barnaamij ay arinkaaa ku falanqaynayso,hoos ka daawo muuqaal uu diyaariyay Tv-ga Horyaal. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Nabadoonka ayaa la sheegay in la toogtay xili uu taagna meel aan ka fogeyn Hoygiisa oo ku yaalla dhinaca waqooyi Magaalada Gaalkacyo,waxaana la tilmaamay in markii hore dhaawac ahaan loo qaaday balse markii dambe uu isbitaalka ku geeriyooday. Nabadoonka ayaa la sheegay in uu Caan ka ahaa magaalada gaalkacyo,isla markaana lagu magacaabi jiray Cabdiqani baale. Sidoo kale Raggii dilka ka dambeeyay ayaa la sheegay iney goobta ka baxsadeen. Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee Magaalada Gaalkacyo,isla markaana looga hadlayo dilka caawa ka dhacay Gaalkacyo

Read More

Madaxweynaha Somailand Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay dalbanayaan in wada-hadalladii u dhaxeeyay Somaliland iyo dowladda Soomaaliya ay dalal kale qayb ka noqdaan, ka dib markii ay midho-dhal noqon waayeen. Madaxweyne Biixi ayaa maanta sidaas u sheegay ergayga dawladda Turkiga u magacawday wada-hadalladan Mr. Oglan Baker oo kulan kula yeeshay Hargeysa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

ONLF ugu danbayn waxay wareejisay Ciidamadeedii,waxaana lagu daray kuwa amaanka Somalida. Ciidanka ay wareejisay ONLF,ayaa lagu sheegay 1742-askari. Waxaa muuqata in ay ONLF soo afjartay halagnkeedii ay mudada dheer ugu soo jirtay madax banaani uu helo Dhulka Somalida ee ay Itoobiya haysato,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa qorsheynaya iney loollan adag galiyaan haweenka muslimiinta ah ee ku biiray aqalka Koongareeska Mareykanka, kuwaasoo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar.Tan iyo markii ay dhacday doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka, warbaahinta garabka Midig ee dalkaasi ayaa bartilmaameed ka dhigtay Ilhaan Cumar, oo ah siyaasiyadda xisbiga Dimuqraaddiga ee Soomaaliya ka soo jeedda, isla markaana xijaabka xirata. Haweeneydan oo garab ka heleysa xisbigeeda ayaa u xusul duubeysa in meesha laga saaro sharci 180 sano jirsaday oo aqalka Koongareeska ka mamnuucaya in ay soo galaan dadka uu madaxa u daboolan yahay.Baadari lagu magacaabo E.W. Jackson oo ka…

Read More

Maanta waxaa shir jaraa’id ku qabtay Hotel-ka SYL tiro Xildhibaano ah oo sheegay in ay yihiin aqlabiyada baarlamaanka,isla markaana ay taageersan yihiin Madaxweyne Farmaajo kana soo horjeedaan Mooshinka laga keenay.Xildhibaanada maanta shirka sharaa’id qabtay,ayaa sheegtay in ay gaarayaan ku dhawaad 200 oo Xilhdibaan,balse warar madax banaan ayaa qiraya in ay ku dhawaayeen 135-Xildhibaan. Mid ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweyne Farmaajo,ayaa warbaahinta idilnews u sheegay in Madaxweynuhu ka war wareegayo hor imaadka Baarlamaanka iyo aqbalida mooshinka laga keenay.Madaxweyne Farmaajo karti ha uyeesho in uu Xildhibaanada hor yimaado aqbalana in Mooshin laga keenay sidii ra’isalwasaarihii Ingiriisa Theresa may”ayuu yiri.…

Read More

Amb. Franscisco Madiera ayaa sheegay inuu si dhow ula socday dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Koonfur Galbeed, kaddib xariggii Mr Mukhtaar Roobow. Waxaa uu sheegay in aanay AMISOM qeyb ka aheyn xariggiisa iyo sidoo kale tallaabadii loogu soo duuliyay magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka xun yihiin dadkii ku dhintay rabshadaha, isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan qoysaskii ay ka baxeen, sidoo kale waxaa uu soo bogasho degdeg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in AMISOM ay waajibaadkeeda u gudan doonto si daacadnimo ah, isla markaana si dhow ula shaqeyneyso…

Read More

Musharrax Juxa, ayaa ugu horrayn u mahadceliyay dadweynihii Garoowe ku soo dhaweeyay, isagoo boqollaal ruux marka kula hadlayay barxadda bartamaha, khudbadda uu halka ka soo jeediyay ayuu ballanqaadyo waa weyn ugu sameeyay shacabka Puntland. “Anigu Puntland ma ahi qof ku cusub siyaasadeeda iyo wax qabadkeedda.. anigoo yar ayaan u dhiidhiyay tabashada gobolkan iyo taariikhdiisa.. anigoo wasiirka waxbarashada ah ayaan ka soo shaqeeyay in wiilasha iyo gabadhaha reer Puntland ay helaan waxbarasho wanagsan oo maanta Soomaali oo dhami ku faanneyso .. Anigoo wasiirka arrimaha gudaha ah oo Federaalka ku matalaya ayaan idin ku matalay magaciinna iyo inan Fadaraalisimka la wiiqin in…

Read More

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal oo goordhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu uga hadlay xariga loo geestay Sheekh Muktaar Roobow Abuu Mansuur iyo rabshadaha ka dhacay magaalada Baydhabo. Maxamed Mursal ayaa ugu horey ka tacsiyeeyay dadkii kala duwanaa ee ku dhintay rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhabo uu ku jiro Gudoomiyihii guddiga Amniga ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed . Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa xariga loo geestay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ku tilmaamay mid sharci daro ah, waxa uuna sheegay Abuu Mansuur in dhamaan uu biixiyay sharuudihii laga rabay uuna xaq u lahaa in uu tartamo. Waxa uu sheegay Gudoomiyaha…

Read More

Waxaa gudaha magaalada Baydhabo kusoo qulqulaya Ciidamo fara badan oo taageersan Wadaadka xagjirka ahaan jiray hadase ka mid noqday musharaxiinta madaxweyne ee maamulka Koonfur-Galbeed Mukhtaar Rooboow. Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada,ayaa isku dayay in ay ka hortagaan shacabka caraysan,balse waa ku guuldaraysteen waxayna xiligan difaac ka galeen aaga Saldhigooda,iyagoo aad uga baqsan Maleeshiyaadka faraha badan ee soo galaya gudaha Magaalada kana imaanayaa Deegaamada kale. ee Koonfur-Galbeed. Dhanka kale waxaa iyaguna waxba qaban waayay Ciidamadii Booliska ahaa ee laga soo daad gureeyay Muqdisho kal hore ee hoso imaanayay Dowlada Fadaraalka Somaliya. Xaalada Magaalada,ayaa saacadba saacada kasii danbaysa kasii daraysaa,waxaana sii xoogaysanaya…

Read More

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur-galbeed,isla markaana ahaa Gudoomiyaha gudiga Amniga,ayaa la dilay kadib markii uu si cad uga hor yimid qorshayaasha Dowlada Fadaraalka ee ku aadan Koonfur-Galbeed. Xildhibaanka,ayaa dilkiisu ahaa mid qorshaysan oo bar tilmaameed ah,waxaana toos u toogtay Askari kamid ah Ciidamada Dowlada Fadaraalka ee dhawaan Xamar laga soo daad gureeyay. Xildhibaanka,ayaa ka hor inta aan la dilin saxaafada la hadlay sheegayna in aysan doorasho ka dhici karin Baydhabo,isla markaana ay Dowlada Fadaraalku burburisay nabadii iyo nidaamkii Koonfur-Galbeed. Waa masuulkii lixaad oo muhiim ah oo la dilo kana soo jeeda beelweynta Raxanweyn. Magaalada Baydhabo,ayaa waxaa ka socda kacdoon shacab…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki, oo kulamo wada tashi ah ku yeeshay Villa Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Labada Dal. Labada Madaxweyne, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga ku aaddan arrimaha ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki booqashadan taariikhiga ah ee uu ku yimid Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee uu u ajiibay martiqaadkii rasmiga ahaa ee uu u fidiyey. Madaxweynaha…

Read More

David Concar safiirka Dowlada Ingiriiska ee Somaliya, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in xiisadii ka taagneyd doorashada Koofur Galbeed ay isu bedesho gacan ka hadal. “Waxaan aad uga walaacsanahay in xiisadii ka taagneyd doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ay isku bedesho gacan ka hadal, cid walba oo saameyn leh, waxa dhacaya waxaa ugu baaqayaa fadlan xaalada xakameeya, haloo turo dadka Baydhabo oo ay ku jiraan kumanaanka barakacayaasha ah”ayuu yiri Danjire Concar. Danjiraha UK u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka mid ahaa Diblomaasiyiin fara ku tiris ah oo ka socday reer Galbeedka ah oo la kulmay Mukhtaar Roobow oo…

Read More

Socod lagu xoojinayo heshiiskii nabada ee beelaha taleex la dhex dhigay oo uu hogaaminayo Boqor burhaan,ayaa ka qabsoomay Degmada Taleex. Boqor Burhaan iyo wafti isimo ah oo uu hogaaminayo,ayaa gaaray kal hore Degmada Taleex si ay nabad u dhex dhigaan beelo ay dhextaalay colaad raagtay.. Colaada Taleex hada heshisi rasmi ah,ayaa laga gaaray,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Shirkii Nabadeynta beelaha walaalaha ah ee deegaanka Dhumay oo ka socday magaalada Jigjiga ayaa lagu gaaray heshiis rasmi ah oo ka kooban 7 qodob. 1: In la bixiyo dhamaan wixii mag ah ee labadan beelood ay isu gaysteen oo ah 170 qof , lagana dulqaado culayska magtan . Waxaaana bixinaya Beel waynta Daarood . 2: Mudada lagu bixinayo magtanina waa 12 bilood ama sanad qofkii Waxaa la xisaabinayaa 50 halaad. 3: Dhaawac labada beelood waxaa loo xilsaarey in ay soo xaqqaan Gudiga Culimada gobolka Sool , mudada ay howshaa ku soo dhamaynayaana waa 6 bilood gudeheed. 4:Wixii khasaare guryo la…

Read More

40-jirka yaraanta ku hana qaaday ee leh taariikh loo hakankaro ee hogaamineed iyo mid difaac in uu hankiisu gaaro Madaxweyne hadii laga fogaado cudurka quuriwaaga waxuu mudan yahay soo dhaweyn. Sidoo kale Wiilkaas yaraanta ku hana qaaday ee kasoo jeeda qoyska caanka ah ee leh taariikhda halgan waxuu mudan yahay bogaadin hankiisa sareeya. Sida aan kasoo xigtay Dadka sida fiican u yaqaan astaamaha ay ku tilmaameen oo lagu daray muuqaalkii maanta ee waxa badan laga akhrisan karay iyo waliba khudbadisii koobnayd,waxaa la oran karaa macno,ayaa ku jiray is qarintsii uu caanka ku ahaa. Puntland sharaf bay u tahay dhalinyaradeeda in…

Read More

Waa muhiim dagaalkaan lagula jiro Musuq maasuqu waana talaabo soo kordhin karta horumar dhaqaale, dhaqan dowlad wanaag iyo islaxisaabtan Maalmahaan waxaa warbaahinta aad looga hadal hayey shaqaale iyo askar loo xiray Musuq awgiis.   Tusaalihii u dambeeyay wuxuu ahaa askar mushaarkoodu ahaa 100-dollar oo si farsamaysan laba mushaar u qaatay oo Booliska iyo Militariga ka qaatay.   In sharciga lagu fuliyo dadka aan garabka haysan oo ay Somalidu u taqaan “looma ooyaanka “ iyada oo aan lala xisaabtamin ama aan sharciga la hor keenin dadka isbidaya in ay haystaan garab ay isku hallayn karaan.ayaa waxaa ka dhalan kara.    …

Read More

Ujeedada safarkiisa ayaa waxaa lagu sheegay in uu u kuurgalayo xaalada deegaanada Bari,sidoo kale uu ka qyeb geli doonaa munaasabad xariga looga jarayo Xabsi laga dhisay Magaalada Burco.   Wararka qaar,ayaa waxa ay sheegayaan in uu la kulmi doono waxgaradka deegaanada Bari ee Somaliland oo eedeymo bilihii ugu dambeysay uga imaaneysay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/8uI1rSRmx4Q

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo,ayaa u ambabaxay dalka Talyaaniga, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Talyaaniga.   “Dalka Talyaaniga waxa aynu wadaagnaa xiriir taariikhi ah, dowladdayduna waxay dadaal gelinaysaa sidii aan dib ugu xoojin lahayn, maadaama ay dowladda Talyaanigu kaalin weyn ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya, saaxiibbo dhawna ay yihiin labada shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.   Waftiiga Madaxweynaha,ayaa kulamo ku qotoma dib u habaynta xiriirka labada dal iyo iskaashiga waxa ay la yeelan doonaan masuuliyiinta dhiggooda ah ee dalkaas.   Booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha ayaa qaadanaysa muddo saddex maalmood ah.…

Read More

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen oo Muqdisho soo gaaray.   Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dawladood, fududaynta isu socodka, kor-u-qaadidda taageerada Finland ay siiso Soomaaliya, horumarinta ganacsiga iyo dar-dar gelinta mashaariicda dawladda Finland ay ka fuliso Soomaaliya.   Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland ayaa Ra’iisul wasaare Khayre u sheegay dawladda Finland in ay aqoonsanayso baasaboorka Soomaaliya iyo in si toos ah ay dawladda dhaqaale ugu taageerayso ayna joojinayso dhaqaalihii…

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamed ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubadda Hoose. Xasan Shiikh,ayaa xiligan ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka iyo Guddoomiyaha Xisbiga UDP,waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ku-xigeenkiisa iyo mas’uuliyiin kale. Safarka Xasan Shiikh ee Kismaayo ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii Xisbigiisa uu xafiis uga furan lahaa iyo la kulanka qeybaha bulshada iyo maamulka Jubbaland. Booqashada Xasan Shiikh uu ku tagay Kismaayo ayaa ku soo aaday, xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Dowladaha Fadaraalka, kaasoo aan weli…

Read More

Xubin ka tirsan baarlamanka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe horena u ahaan jiray hogaamiye maleeshio ayaa loo diray Hague. Waxaa lagu soo oogi doonaa dacwado ah dambiyo aadamenimada laga galay iyo kuwo dagaal marka la hor geeyo Maxkamadda Dambiyada ee Caalamiga ah. (ICC). Alfred Yekatom oo loo yaqaanay “Rambo” ayaa hogaaminayey maleeshiyo Masiixiyiin ah markii ay socotay colaadii diimaha ku salaysnayd ee aloonsantay markii fallaagadii Muslimiinta ahaa talada dalkaa la wareegeen 2013-kii. Weli qalalaasihii wuu ka socdaa dalkaas oo ku dhawaad 40 qof ayaa ku dhintay dagaalo ka dhacay Jimcihii. Askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa isna ku…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay inuu filayo in Talaadada nagu soo aadan lasoo saari doono warbixin dhameystiran oo ku saleysan ciddii ka dambeeysay dilkii loo gaystay weriyaha Sucuudiga u dhashay ee Jamaal Kaashuqji. Trump oo warbaahinta kula hadlayay gobolka California wuxuu ku tilmaamay warbixinta kasoo baxday laanta sirddoonka Mareykanka mid horudhac ah. Laanta CIA-da Mareykanka ayaa shalay sheegtay in amarka lagu dilay Jamaal uu kasoo baxay dhaxal sugahaa Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan. Mas’uuliyiinta Sucuudiga waxay beeniyeen in dhaxal sugaha uu wax ka ogaa dilka Khaashuqji. Afahayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, Heather Nauert ayaa sheegtay in weli ay…

Read More

Madaxweynaha Puntland oo Gaalkacyo u Magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr. 176, November 17 2018, ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Gaalkacyo. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo inay sii socoto shaqada Degmada Gaalkacyo. Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudahada, Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga. Wuxuu Xeeriyey. 1. Waxaa Yaasiin Cabdisemed Cumar si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo. 2. Waxaa Maxamed Cabdinaasir Cigaal Xirsi si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Gaalkacyo. Xeerkani…

Read More

Madaxweynaha Puntland oo Kala Diray Golaha Dagaanka Degmada Gaalkacyo. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr. 175, November 17 2018, ku kala diray Golaha Dagaanka Degmada Gaalkacyo. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudahada, Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga. Markay caddaatay: in ay hanan-waayeen shaqadii loo igmaday. Wuxuu Xeeriyey. 1. Waxaa la kala diray Golaha Dagaanka Degmada Gaalkacyo. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo,wuuna saxiixay Madaxweynuhu. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Read More

Dr.Aby Ahmed  oo halkaasi ka jeediyay khudbaddii furitaanka ,waxa uu soo dhoweeyay madaxdii ka qeybgashay shirkaasi , isagoo ka warbixiyay in la sii ambaqaado  qodobada muhiimka ah ee  loo baahan yahay in Qaaradda Afrika ay ku tallaabsato . Ra”iisul wasaaraha Itoobiya, waxa uu caddeeyay in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeyn laga yeesho aayaha Qaaradda, gaar ahaan sidii loo abuuri lahaa jewi nabadeed iyo  kor u qaadidda dhaqaalaha. Madaxweynaha dalka  Rwanda Paul Kagame  ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ee sanadkaan ayaa sheegay in hadafka isbadalka loo baahan yahay uu yahay in la helo Afrika oo xoogan, isla markaana dadkeedu ay helaan…

Read More

Kullan ay Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ku yeesheen Xildhibaanada maamulkaasi ayey cod gacan taag ah ku ansixyeen xubnaha lagu dhameystiraayey Gudiga Doorashada Madaxweynaha maamulkaasi. Fadhiga Xildhibaanada ayaa waxaa xaadir ku ahaa Xildhibaano gaaraya 138, Xildhibaan, waxaana u codeeyay 134 Xildhibaan oo cod gacan taag ah ugu codeeyay, waxaa diiday laba Xildhibaan, halka laba kalena ay ka aamuseen. Halkan ka akhriso magacyada gudiga:-

Read More

Qaraxa oo ahaa Miinada Nuuca dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday Gaari Cabdi bila ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan Dowlad Puntland,kaas oo marayay inta u dhaxeeysa Buuraha Galgala iyo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.   Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi,marka laga soo tago,wararka qaar,ayaa sheegaya in laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Puntland in ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi,kuwaas oo Dhaawacooda la geeyay Isbitaal ku yaalla Magaalada Boosaaso.   Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada qaraxa lala beegsaday Ciidamada Puntland,waxa ayna sheegteen in khasaaro fara badan ay Qaraxaasi ku…

Read More

Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Sirdoonka arrimaha dibadda ee CIA ayaa soo afjartay baaritaan ay ku baadigoobayeen cidii amartay dilkii wariyihii dhaliili jiray Boqortooyada Sacuudiga Jamaal Kashogi oo lagu dhex dilay gudaha Qunsiliyada Sacuudiga uu ku leeyahay Dalka Turkiga. CIA ayaa waxa ay si qeyxan u sheegeen in Amir Maxamed Bin Salmaan uu si toos ah uu u bixiyay amarka lagu qaarijiyay wariye Jamal, hadalkaasi oo noqonayaao mid kasoo horjeeda sheegashada Dowladda Sacuudiga ay sheegatay in Amiirka iyo gebi ahaan Dowladda Boqortooyada Sacuudiga uusan wax lug ah aysan ku laheyn dilka Wariyaha. Warbixinta baaritaanka ay sameeyeen Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ayaa sidoo…

Read More

Gabre oo hore u ahaa taliyihii ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya kadibna noqday lataliyaha dhinaca siyaasada ee urur goboleedka IGAD balse laga ceyriyay bishi June ee sanadkan ayaa loo haystaa dambiyo la xiriira ku xad gudub xuquuqda aadanaha ee gobolka ay Soomalidu degto ee dalka Ethiopia iyo inuu ku lug lahaa banaanbaxyadii rabshadaha watay ee dadka badan ku dhinteen ee  ka dhacay magaalada Jigjiga. Sidoo kale Colonel Gabre oo sanado badan xaruntiisu ahayd magaalada Muqdisho ayaa loo haystaa inuu ka iibiyay hub  qeybaha kala duwan ee isku haysta siyaasada Soomaaliya. Dowlada Ethiopia ayaa  dhowaan bilowday inay  sharciga horgeyso saraakiishii ciidamada…

Read More

Waddamada Soomaaliya, Liibiya iyo Afqaanistaan ayaa noqday meelaha ugu halista badan caalamka, sida lagu sheegay daraasad cusub oo khariidad loogu sameynayay dadka dunida u socdaala.   War bixintan oo ay si wada jir ah u soo saareen hay’adda caalamiga ah ee caafimaadka iyo nabad galyada ee SOS iyo hay’adda la socodka khataraha adduunka ayaa musaafuriinta loogu sheegayay xaaladaha ka jira meelaha ay safarrada ku tagayaan sannadka foodda nagu soo haya ee 2019-ka.   Dalalka ku yaalla qaaradda Yurub ee kala ah Finland, Norway iyo Iceland ayaa loo aqoonsaday iney yihiin meelaha ugu nabdoon ee loo safri karo.   Liibiya, Afqaanistaan,…

Read More

Waddamada Soomaaliya iyo Eritrea oo ku wada yaalla gobolka geeska Afrika ayaa waxaa saarneyd cunaqabateyn dhanka hubka ah hase ahaatee, Qaramada Midoobay ayaa dhawaan cod aqlabiyad leh cunaqabatentaas uga dul qaadday Eritrea halka ay tii Soomaaliya saarneydna mar kale cusbooneysiisay,   Hadaba su’aalo badan,ayaa la iska weydiinayaa sababta loo kala qaaday labada dal.   Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dalalkii u ol’oleynayay in xayiraadaha hubka, dhaqaalaha iyo safarradaba laga qaado Erirtea.   Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa soo jeediyay in la soo af jaro xayiraaddaas oo Eritrea saarneyd muddo 9…

Read More

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulankoodii Arbacadii shalay looga hadlay xaalada dalalka Eritereya iyo Soomaaliya gaar ahaan cunaqabateynta saaran wadamadaasi, iyadoo Goluhu warbixinta ka dhageystay wakiilada dalalkaasi ka socda & Warbixinta Guddiga UN-ka u qaabilsan kormeer cunaqabteynta hubka oo warbixintoodii ugu danbeysay waji gabax ku noqday Dowlada Federaalka Soomaaliya. Dalka Eritereya ayaa ahmiyada ugu weyn ee cunaqabateynta loo saaray ahayd in ay taageero hub siiso kooxda Al Shabaab ee ka dagaalameysa gudaha Soomaaliya, waxaana horey ugu ololeeyey hirgelinta go’aankaasi dalalka jaarka la ah Eritereya ee Itoobiya iyo Jabuuti oo ay iyagu ka dhaxeysa xurguf la xariirta dhulka ay isku…

Read More

Faladagan waa wiil dhalinyaro ah oo dhawaan kusoo biiray fanka Soomaalida, Faladagan toodbaadkii waxuu soo saaraa ugu yaraan 5-10 hees, wuxuu tagaa goob cagaaran wuxuu qaataa Mopile Camera-diisa isaga ayaa iska soo duuba,sagaa Music-gada saarta, isagaana ku codeeya kadibna wuxuu soo geliyaa Face-book-ga, tiyaartar iyo dad daawada uma baahna. Farmaayo waxaa Madaxweyne hab dhagankiisu ku cusub yahay siyaasada. Farmaajo wuxuu kusoo kordhiyay siyaasada Soomaaliya in uu yahay shakhsi isku qanacsan oo kaligii muraayad isku eega,afkana buura. Farmaajo waraaqihiisuna malaha wax Protocol dawli ah wuxuu qoraa waraaq wuxuuna soo dhigaa Face Book-ga waana warqad ku socota dhammaan Maamulada,isagoo cinwaan uga…

Read More

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo gaaray Muqdisho, sida uu xaqiijiyay Howlgalka Mareeykanka ee Soomaaliya oo war ku daabacay boogiisa internet-ka. Danjire Donald Yamamoto oo dhawaan loo magacaabay safiirka Soomaaliya ayaa u faiisanaya Mareeykanka ayaa waxaa uu maalmihii lasoo dhaafay safar ku maraya Goboladda ay Soomaalidu degto mareeykanka halkaas oo uu shaqadiisa ka bilaabay uuna kula kulmay hogamiyeyaasha bulshadda. “Mareeykanku waxaa uu ku dhawaaqayaa in uu yimid Danjire Dolad Yamamoto si uu u hogaamiyo Xafiiska Mareeykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Faderalka ah ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Howlgalka Mareeykanka ee Soomaaliya. Yamamoto waxaa uu ka mid yahay Danjireyasha…

Read More

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddiga Difaaca uuna ku saxiixnaa guddoomiyaha guddiga, Xuseen Carab Ciise ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu geystay waxyeelo kala duwan oo isugu jiray, dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed. Guddiga Difaaca, waxa uu xaqiijiyay in la isticmaalay dareyskii cusbaa ee ciidammada xoogga dalka oo ay wateen dableydii hubeysneyd ee ka tirsaneyd al-Shabaab. Baaritaanka guddiga ayaa billaabanaya ,kaddib markii shir jaraa’id oo u maanta qabtay xildhibaan  Axmed Macalin Fiqi uu ku sheegay weerarka inuu ahaa shirqool la rabay in lagu dilo Xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan dowladda oo deggenaa Hotelka,hoos ka daawo muuqaalka. …

Read More

Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa shir ay maanta ku yeesheen Muqdisho uga hadlay tirakoobsha shaqaalaha dawladda, xubinnimada Soomaaliya ee suuqa ganacsiga Bariga iyo Koofurta Afrika iyo qorshaha geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulanka maanta oo sidoo kale warbixin looga dhagaysatay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa intii kulanku uu socday u sheegay wasiirrada in muhiim ay tahay in wasaarad waliba shaqadii loo xil saaray ay dardar geliso si loogu guulaysto qorshaha qaran,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/jVHyyCzyQ40

Read More

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha wasiirada Jubbaland.  Ugu horayn Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay xaaladahii u danbeeyay ee dalka gaar ahaan Jubbaland iyadoo wasaarada Amnigana laga dhagaystay xaaladaha amniga. Wasaarada Arimaha gudaha ayaa ka warbixisay qaybinta xeerka lagu dhisayo gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbalana xeerkan ayaa dhawaan la guda gali doona akhrintiisa koobad iyadoo kadibna uu golahu ansixin doono. Dhinaca kale Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ka warbixisay u diyaar garoowga tartanka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka iyo sida loo diyaarinayo xulka Jubbaland ee tartankaas ka qaybgalaya. Waxaa kale oo…

Read More

Laga soo billaabo Axaddi aan soo dhaafnay magaalada Mooyaale waxaa ka socda dagaallo ay dhiig badan ku daateen. Sida ay dadka deegaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamullada labada deegaan ee Soomaalida iyo Oroamada ay u sheegeen BBC-da dagaallada ku dhex maray magaalada Mooyaale labada qowmiyadeed waxaa ku dhintay 19 qof 102 kalana waa ay ku dhaawacmeen.   Shanu Godana oo ah la taliyaha dhinaca ammaanka oo ka tirsan maamulka Soomaalida ayaa wuxuu sheegay dhinaca Soomaalida iney ka dhinteen 13 qof 30 kalana ay ku dhaawacmeen dagaalladi maalmahan ka socday magaalada Mooyaale.   Madaxa xafiiska caafimaadka ee degmada Mooyaale ee maamulka…

Read More

Dacwad oogaha sacuudiga ayaa sheegay inuu ogaaday in sarkaal ka tirsan sirdoonka uu amray in la dilo Jamaal Khaashuqji ee uusan jirin amar ka soo baxay dhaxal sugaha boqornimada, Amiir Maxamed Bin Salmaan.   Sarkaalka ayaa lagu tirtirsiiyey inuu saxafiga ku soo celiyo Sacuudiga, sida uu afhayeen sheegay.   “Khaashuqji ayaa lagu duray cirbad sun ah, ka dib markii uu gacan ka hadal ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, 2dii Oktoobar” ayuu ku sii daray.   Wuxuu eedeymo ku soo oogay 11 qof oo uu ku eedeyey dilka, wuxuuna weydiistay in 5 ka mid ah dil lagu xukumo.   Kiiska…

Read More

Golaha Amaanka ee QM ayaa waxaa lafilayaa in ay soo saaraan qaraar lagu cusbnooneeysiinaya cuneqabateeynta saaran Somaaliya, laguna qaadayo cuneqabateeynta saaran Eritrea  oo isuu jirta  Cuneqabateyn hub, Duulimaadyo lamamnuucay iyo hanti lafariisiyay taasi oo la saaray 2009kii. Qaraarka Golaha amaanku waxaa uu sidoo kale kala dirayaa Guddigii la socodka cuneqabateeynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea ee magaciisu ahaa Monitoring group waxaana la aasaasayaa guddi cusub oo qubaro ah kaasi oo qaabilsanaan doona cuneqabateenta Soomaaliya ee la cusbooneeysiinayo. Guudigaan Magaciisu waa Panel of Experts on Somalia. Warbixin lagu daabacay Bogga internet ka ee Golaha Amaanka ee QM ayaa waxaa lagu sheegay in…

Read More

Askari ka tirsan ciidamada badda maamul goboleedka Puntland ayaa habeenimdii xalay magaalada Boosaaso ku dilay laba askari oo ciidamada Badda maamulka Puntland ay ka wada tirsanaayeen. Askariga ayaa la sheegay in askarta geeriyootay uu raas ku furay iyaga oo kuwada jira hawlga ay amaanka ku sugayaan. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Badda Puntland, ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan askarigii dilka gaystay, islamaraana ay ku hawlan yihiin baritaanka sababta ku kaliftay in askarigaani toogasho ku dilo labadan askari ee ay hawlgalka kudawada jireen.

Read More

Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahayd ganacsiga sharci darrada ee hubka, sida lagu sheegay barnaamij uu tebiyay telefishinka dowladda ee ETV. Waxaa xabsiga la dhigay madaxii hore ee shirkadda Metec Janaraal Gen Kinfe Dagnew oo isku dayay inuu u xabsado dalka Suudaan. Barnaamijka ayaa ku eedeeyay saraakiisha maamuleysay shirkadda inay hubka u safrin jireen dalka Soomaaliya. Suleymaan Dedefo oo ah safiirkii hore ee Itoobiya u fadhin jiray Jabuuti ayaa barnaamij ka baxay ETV u sheegay in sannadkii 2016-kii shirkadda Metec lagu tuhmay inay soo iibsatay labo maraakiib ah oo markii…

Read More

Eritrea ayaa xayiraadahani lagu soo rogay sagaal sano ka hor, xilligaasi oo lagu eedeeyay in ay taageerto mintidiinta Soomaaliya ee Al-Shabaab.   Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo calaaqaadka gobolku uu soo hagaagayo, heshiis taariikhi ahna ay la galeen dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya.   Qaraar qabyo ah oo ay Britain hor dhigtay Qaramada Midoobay ayaa sheegayay in kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada arrintaas ay ku guul darraysteen in ay keenaan caddaymo lagu xoojiyo eedaymaha Eritrea loo soo jeediyay.   Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka,…

Read More