Author: Jibril Qoobey.

Xisbiyada ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aankii ay ka qaateen wada-shaqeyntii dowladda ay la lahaayeen madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka ee ku shiray Kismaayo. Qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen in ay ku raacsan yihiin Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Dowlada fadaraalka dareenka ay ka muujiyeen horumar la’aanta dhinaca amniga, siyaasadda iyo garsoorka ee uu dalku ku sugan yahay. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri” Waxaan caqli gal heyn in madaxweynuhu shir ku baaqo iyada oo aan wax garowshiyo ah dowladdu ka bixin tabashada Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada fadaraalka siina socdaan fara-galinta ay ku heyso…

Read More

Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa dacwad ka dhan ah Agaasimaha NISA iyo kuxigeenkiisa u gudbiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, isagoo eedeymo kala duwan dusha uga tuuray..   Warqadan oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa soo baxday saacado kaddib, markii Madaxweyne Farmaajo uu dhammaan darajooyinkii Ciidanimo ka xayuubiyay Cabdalla Cabdalla.   Warqadan ayaa ku taariikheysneyd 2-dii bishan September, waxaana ka muuqata sumadda qabashada Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.   Cabdalla Cabdalla ayaa eedeymo kala duwan u soo jeediyay Agaasimaha Nabadsugida Xuseen Cismaan Xuseen iyo ku-xigeenkiisa Fahad Yaasiin.

Read More

Madaxweyne Gaas oo dib ugu soo laabtay Garowe kana hadlay shirkii Kismaayo iyo go’aamadii ad-adkaa ee kasoo baxay. Madaxweyne Gaas oo ah Gudoomiyaha golaha iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa shirkaas maalinkii shalay ahaa soo gunaanaday kana soo saaray Warmurtiyeed ay xiriirkii Dowlada dhexe iyo wada shaqayntii kala dhaxaysay ku hakiyeen,,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Wadada ugu muhiimsan ee isku xirta guud ahaan Magaalada Gaalkacyo waxaa ku bilowday dib udayactir ay aad baahi ugu qabtay.   Wadada oo dharerkeedu gaarayo 8.5 Km ayaa waxaa iska kaashanaya dayactirkeeda Bulshada Gobolka qaybaheeda kala duwan iyo Dowlada Hoose.   Dib u dayactirka wadadan waxaa ku baxaya dhaqaale gaaraya halkii Km Boqol iyo sideetan kun oo Dolar.(180.000 oo dolar),taasoo ka dhigaysa Wadarta Guud Hal Milyan iyo shan boqol iyo Sodon Kun oo Dolar (1530.000 oo dolar).   Waxaa xusid gaar ah mudan in shirkada dhisaysa Wadadan muhiimka ah ee Magaalada Gaalkacyo iyaduna qiimo dhimis uga qayb qaadatay dib udayactirka…

Read More

War kasoo baxay Xaafiiska Madaxweynaha Somaliya,ayaa lagu shaaciyay in shir wadatashi ah loogu yeeray Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya.   Shirkaas,ayaa la sheegay in uu ka dhici doona magaalada Muqdisho 17ka ilaa 18ka Sebteembar, 2018 waxaana looga wada-tashan doonaa dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Amniga Qaranka.   Qodobbada looga hadli doono shirkaas ayaa lagu sheegay in ay kamid yihiin arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhanyahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara.   Sidoo kale,…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,ayaa waraysi uu bixiyay caawa ku sheegay in uu khilaafsan yahay shirka Kismaayo  ee ay Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalku xiriirka ugu jareen Dowlada dhexe. ”Anigu shirkaas horaan uga hadlay waxaana u arkaa mid aan dani ugu jirin Umada Somaliyed,markii hore wa aloo han weynaa balse waxa kasoo baxay gabagabadii mahan wax la qaadan karo”ayuu yiri Camey.. Hadalkan ayaa ah mid waji gabax ku ah Madaxweyne Gaas oo ahaa masuulkii Puntland ku matalayay shirka,sidoo kale khilaafka madaxda sare ee Puntland ayaa ah mid ugub ah oo meel fool xun dhigaya nidaamka dowliga ah,hoos ka daawo muuqaalka…

Read More

Shalay waxaa si aan la shaacin uga soo degay caasimada Danmark ee Copenhagen Wasiirka Amniga ee Dowlada Federaalka, Somaliya La taliyihiisa dhanka socdaalka Mahad iyo mid ka mid ah Kalkaaliyaashiisa oo lagu magacaabo Kooshin.   Waftiga Wasiirka amniga Somaliya Islow ,ayaa la dejiyey mid ka mid ah Hotelada qaaliga ah ee ku yaal bartamaha magaalada Copenhagen.   Isla shalay oo aan gaaray Hotel-ka la dajiyay ayaysan ii suurtoobin in aan la kulmo si aan xog dheeriya uga helo ujeedka socdaalkooda.   Balse ilo lagu kalsoonaan karo ayaa ii xaqiijiyay in ujeedada safarka Wasiirka ay tahay sidii 370 qof ee Soomaali…

Read More

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre ayaa haddiyado guddoonsiiyay Michel keating, waxa uuna uga mahadceliyay Shaqadii wanaagsanayd ee uu dawladda Soomaaliya la qabtay intii dalka ka shaqaynayay. Michael keating oo dhamaysatay xilli hawleedkiisii Soomaaliya ayaa waxaa bedelaya ergayga Cusub ee qaramada midoobay u soo magacaawday Soomaaliya kaas oo lagu Magaabo Nicholas Haysom,isla markaana u dhashay dalka Koonfur Afrika.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Warmurtiyeedka kasoo baxay shirka Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya aanu kusoo bixin si sahal ah, loogana tashtay qodob qodob iyo xaraf xaraf illaa iyo saacadihii ugu danbeeyey ee uu shirku socdey..   “Runtii waxay ahayd shan beri oo wada hadal adag ah, tashi adag ah, Warmurtiyeedku ma ahayn wax sahal kusoo baxay qodob qodob iyo xaraf xaraf ayaan illaa saacadihii u danbeeyey ka wada hadlayney waxaad garan kartaan dedaalka galay in uusan yarayn,   ‘Warmurtiyeedka sida aan u dhignay waa aragtidii saxa ahayd ee aannu qabney, kana aragno…

Read More

Waxaa maanta oo sabti ah isbadal lagu sameeyay Maxkamadaha  racfaanka ee gobalka Banaadir iyo tan gobalka ,kadib markii wareegto ka soo baxday Xafiiska gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed. Sidoo kale 14 degmo oo ka mid ah gobalka Banaadir ayaa waxaa loo magacaabay gudoomiyeyaal Maxkamadeed. Garyaqaan Abshir Cumar  Cabdullaahi Gudoomiyaha Maxkamada racfaanka ee gobalka Banaadir ayaa waxaa uu u aqriyay wareegta ka soo baxday xafiiska gudoomiyaha maxkamada Sare ee dalka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/OUpEN_13wo4

Read More

Xafiiska madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland,Cabdixakiin Xaaji Cumar(Camey) oo aan la xiriiray ayaa gebi ahaanba been-abuur iyo masa-bidasho ku tilmaamay warar laga faafiyay oo tibaaxay in uu ka soo horjeestay War-murtiyeedkii laga soo saaray shirka madaxda dowlad goboleedyada ee xiriirka loogu jaray Villa Soomaaliya.   Xafiiska ayaa sheegay in codad hore oo madaxweyne ku xigeenka Puntland la isku jar-jaray dabadeedna lagu sheegay in uu ka soo horjeestay shirkii madasha iskaashiga dowlad goboleedyada.   Sidoo kale xafiiska madaxweyne ku xigeenka ayaa ku hanjabay in ay sharciga la tiigsan doonan cid kasta oo lagu helo been-abuurkaas in ay ka dambaysay.   Hadalkan…

Read More

”Waxaa isoo wacay Nin aan sxb-nahay oo aad ujecel in dowladnimo lahelo oo dowladu shaqayso, waxuu igu yiri dowladu haday dhalatay oo wali ma socod barane maa la sugo,,,ana waxaan ku iri waa run ilmo dhashay wax ma qaban karo balse ilmaha dhashay markuu 6-bilood jiro waxaa la garan karaa in uu caafimaad qabo oo maskaxdiisu ay caadi tahay iyo in kale”’ayuu yiri Madaxweyne Waare.   Hadalka Madaxweyne ayaa ah fariin cad oo ku socota madaxda dowlada Xamar ee hada umuuqata in ay ku hafteen hogaamintii dalka iyo jihaynta siyaasada.   Madaxweyne Waare hadalkan waxuu ka jeediyay Kismaayo maanta markii…

Read More

”Waxaan Social media ku arkay warqad lagu sheegay in ay kasoo baxday dowlada fadaraalka ,taasoo sheegaysa in nalaga codsaday hadaan nahay dowlada goboleedyada in ay xisaab celin soo samayno””ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe .. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Waxay isku muujinayaan in ay wax nasiiyeen oo ana anagu wax khaldayno,hadaba anaguna waxaan leenahay waxaad nasiiseen baraha bulshada soo dhiga si cad oo shacabku uwada jeedo kadib anaguna xisaab celinteedii baraha bulshada ayaans oo dhiagynaa”. Madaxweyne Axmed Madoobe waxuu si cad iskaag beri yeelay in ay jirto wax dhaqaale ah oo la siiyay oo ay kasoo xisaab celiyaan hadii…

Read More

DFS oo go’doon siyaasadeed iyo mid qaynuuni ah madaxa la gashay kadib markii dawlad Goboleedyadu wadashaqayntii u jareen Warmurtiyeedkii ka soo baxay shirka uga socday Kismaayo Golaha Iskaashiga dawlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in wadashaqyntii ka dhaxaysaay dawlada Fadaraalka iyo dawlad goboleedyada la joojiyey, inta xal laga gaarayo khilaafka ka dhex jira. Madaxda golaha ayaa waxayna Soomaalida iyo Beesha Caalamka ugu baaqeen in khilaafka lasoo dhexgalo oo xal loo raadiyo, lana helo roadmap lagu dhamaystiro hawlaha qabyada ah. Golaha ayaa waxay ku baaqeen shirwayne qaran oo ka dhaca Garawe bisha soo socota. Nuxurka war-murtiyeedka ayaa ah inaysan hada…

Read More

Dowlada Jabuti waxay uga mahadcelisay sheegtayna in ay abaal ugu hayso heshiiska dhexmaray iyada iyo dalka Eretereya dowladaha itoobiya iyo Sacuuidga. Qoraal usoo dhigay bartiisa Twitter-ka Wasiirka arimaha dibada ee dowlada Jabuti Maxamuud Cali Yuusuf,ayuu ku sheegay ina y dowladaha Sacuudiga iyo Itoobiya ay door muhiim ah ka qaateen heshiiskaaas. Warka kasoo baxay Dowlada Jabuti waxuu wajigabax ku yahay Madaxweynaha dowlada xamar Farmaajo oo isku muujinayay in uu yahay shaqsiga ka danbeeyay heshiisinta labadaas dal. Xogo hoose oo la helayo ayaaba sheegaya in kulankii Ismaaciil Cumar Geelle iyo Farmaajo ee Jabuti uu kusoo dhamaaday fashil ,isla markaana dowlada Jabuti ay…

Read More

Ciidamada Mareykanka ee jooga dalka Afghanistan ayaa xaqiijiyay in howlgal ay bishi hore ka sameeyeen bariga dalkaasi ay ku dileen hogaamiyihii Daacish ee gobolka Khorasan. Daacishta Khorasan ayaa ah garabka Daacish ee ka howlgala dalalka Afghanistan, Pakistan iyo dalalka kale ee deriska la ah. Abu Sayeed Bajaur, oo caan ku ah magaca Abu Saad Orakzai, ayaa noqonaya hogaamiyihii saddexaad ee ka tirsan kooxdani oo ay isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka dileen labadi sano ee lasoo dhaafay. Ku dhawaaqista dilka hogaamiyaha Daacish ee Khorasaan ee maanta lagu dhawaaqay ayaa kusoo beegantay, xilli taliye cusub oo Mareykan ah uu la wareegay hogaanka ciidamada…

Read More

Baarlamaanka Maamulka Somalida waxuu maanta ansixiyay qaodobo masiiriya. Baarlamaanka oo saaka yeeshay fadhi aan caadi ahayn, ayaa waxay ku doorteen afhayeenka baarlamaanka oo loo doortay Cabdi Maxamed Aadan (Ugaas). Cabdullaahi Siciid Cumar,ayaa isna loo doortay guddoomiyaha maxkamadda guud. Baarlamaanka waxuu kaloo isku raacay in magaca dawlad deegaanka uu noqdo Dawlad-deegaanka Soomaalida,lagana saaro Itoobiya. Waxay kaloo isku raaceen in calanka dawlad-deegaanka in uu noqdo mid xagga dambe ku leh xiddigta cad ee shanta gees leh ee ku dhex jirta midabka buluugga ah. Sidoo kale waxaa magaca Itoobiya laga reebay xisbiga maamula dawlad deegaanka oo hadda ka dib loogu yeeri doono Xisbiga…

Read More

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku gacan seyray xabad joojinta uu Turkiga codsaday si looga hortago in uu dhiig ku daato waqooyiga Suuriya.   Shirka saddex geesodka ahaa ee maanta dhacay ayuu Mr Putin ka sheegay in Ruushka uu sii wadi doono dagaalka uu kula argagixiada ku sugan gobolka Idlib.   Idlib ayaa ah goobta kaliya ee ku soo hartaya gacanta kooxaha mucaaradka, waxana ku nool dad gaaraya ku dhowaad Saddex milyan oo qof.   Ciidamada milatariga Suuriya oo ay taageeraan Ruushka iyo Iiraan ayaa isu diyaarinaya in goordhow ay dagaal xooggan ku qaadaan gobolkaasi.   Shirkaan saddex geesoodka ah…

Read More

War murtiyeed Golaha Iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka ay soo saareen ayay ug hadleen dhinacyada amniga, siyaasadda, arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka. Dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka, ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe in ay faragelin ku heyso, isla markaana Dhaqaalaha amniga loogu tala galay u adeegsaneyso burburinta maamulada. Golaha Iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka,ayaa sheegay inay hakad geliyeen wada shaqeynta kala dhaxeysay dowladda dhexe inta ay ka hirgelineyso heshiisyadii ay horay u wada gaareen. Warkan ayaa ku ah dharbaaxo xoog leh oo siyaasadeed oo ku dhacday dowlada dhexe ee Fadaraalka ah,

Read More

Xarunta Gobolka Karkaar ee Qardho waxaa ka dhacay goor dhawayd Qarax uu sababay Wiil yar oo ku ciyaarayay Bambo Gacmeed uusan aqoon ulahayn ama fahansanayn waxa ay tahay. Isbitaalka Guud ee Qardho,ayaa lasoo gaarsiiyay dhawaacyada 5-qof oo waxyeelo soo gaartay,sidoo kale waxaa Qaraxa ugeeriyooday Wiilkii yaraa ee Bambada uu ku ciyaarayay ay sababatay Qaraxa. Dadka dhaawacyadu soo gaareen waxay ahaayeen shaqaalo geerashka qaraxu ka dhacay  ka shaqeynayay,kuwaasoo xiligaas ku howl jiray shaqo nolol maalmmeedkooda ay kula soo baxayeen. Dadka dhaawacyada soo gaareen xaaladooda qeyb kamid ah aadbay u culus tahay sida uu ii xaqiijiyay mid kamid shaqaalaha caafimaadka. Taliska Amniga…

Read More

Saraakiisha sar sare ee maamulka Trump ayaa iska fogeeyey in ay qoreen maqaal lagu daabacay wargeyska New York Times kaasoo qofka qorey uu magaciisa qariyey. Maqaalkaas ayaa lagu dhaliiley qaabka hogaamineed ee madaxweyne Trump oo lagu tilmaamey mid mid aan saameyn laheyn oo aan shaqeyn. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo hadlaayey isagoo ku sugan dalka India ayaa sheegey in maqaalkaasi yahay mid laga xumaado, isagoo sidoo kale xusey in qoraalkaasi yahay mid ay warbaahintu ku xaqireyso maamulka jira isagoo si weyn u qasaya xaalada. Madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ayaa xafiiskiisa uu sheegey in qoraaalkaasi uu ahaa mid…

Read More

Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ahaa ku-simihii duqa Bosaso ayaa loo doortay guddoomiyaha gollaha degaanka ee degmada Bosaso doorasho ka dhacday hoolka dowladda Hoose ee Bosaso. Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowlada hoose C/laahi Timacade oo ku dhawaaqay natiijada doorashada waxaa uu sheegay in C/salaan bashiir wuxuu helay 28 Cod, halka Maxamed Faarax Xaaji Mire ayaa helay 3 Cod, iyadoo tirada guud ee xildhibaanada codaysay 31 xubnood. Duqa Cusub ee Bosaso C/salaan Bashiir oo ka hadlay guushiisa waxaa uu u mahadceliyay ninkii la tartamayay, waxaana uu sheegay in doorashadii dhammaatay, loona baahan yahay shacabka Bosaso oo mid…

Read More

Ugu fogaan mudo Bil gudaheed ah waxaa si rasmi ah usoo gabagaboobaya dib u dhiska isbitaalka guud ee Gobolka Mudug sida ay noo xaqiijisay Marwo Caasho Geelle Diiriye oo xubin ka ah gudiga dib u dhiska isbitaalka.   Dhaqaale gaaraya Hal Milyan oo dolar-ka Maraykanka ah,ayaa ku baxay dib u dhiska isbitaalka,iyadoo markii hore la filayay in ay ku baxayso dhaqaale gaaraya Nus Milyan.   Dhaqaalahaas ayaa ka kala yimid sida ay noo xaqiijisay Marwo Caasho Geelle qurba joogta iyo ganacsatada Gobolka marka laga saaro lacag gaaraysa Labo Boqol iyo afartan Kun oo dolar oo laga helay hay’ad Khayriya oo…

Read More

Waxaa si rasmi ah maanta xilkooda loogu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Gollaha deegaanka Boosaaso,iyadoona dhaartu ka dhacday guriga gobolka Bari ee Boosaaso. Dhaarta waxaa goobjoog ahaa maamulka gobolka Bari iyo Guddiga soo xulista Golayaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland. Xildhibaanada cusub ee la dhaariyay ayaa ka kooban 31 xubnood,iyadoona lagu wado in maalinta berri ah ay doortaan duqa cusub ee degmada Boosaaso iyo Kuxigeenkiisa. Duqa cusub ee Boosaaso waxaa u sharaxan Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan iyo Maxamed Faarax Xaaji Mire,halka Kuxigeen uu u sharaxan yahay Siciid Garoon. Doorashada ayaa lagu wadaa in ay la qabsoonto maalinta berri ah(Khamiis) xarunta dowladda hoose ee…

Read More

Taliska qaybta Booliska Gobolka Nugaal,ayaa shaqadii ka joojiyay qayb ka mid ah Ciidanka Booliska. Kadib shaqo ka eryida uu sameeyay Talyaha qaybta Booliska waxaa dhacay is fahan waa soo kala dhexgalay Ciidankii shaqada laga joojiyay iyo Taliska qaybta. Isfahanwaagaas ayaa sababay isku dhac kooban oo keenay dhaawaca Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska. Gudoomiyaha Gobolka Nuugaal iyo Talyaha Booliska qaybta Nuugaal,ayaa ka hadlay arinkaas faahfaahina ka bixiyayy siad wax u dhaceen,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Cabdi Salaan Bashiir Cabdisalaan Wasiir ku Xigeenkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland oo iska Casilay Xilkii Wasiir ku xigeenka,lana dhaariyay una Tartami Doona Duqa Degmada.Boosaaso.   Cabdisalaan oo Madaxweyne Gaas mudo ku dhow Labo bilood ka hor umagacaabay Duqa Kmg ah ee Bosaso,kadib kala diristii golihii deegaanka,ayaa umuuqda Nin kalsooni badan ku qaba in uu ku guukaysan doono booskaas.   Sidoo kale Bashiir Cabdisalaan,ayay xanta hosoe sheegaysaa in uu garab xoog leh ka helayo Wasaarada arimaha gudaha iyo Odoyaasha Qabiilooyinka ee Gobolka Bari.   Maxamed Faarax Mire ayaa ah musharaxa uu la gali doono tartanka ugu adag oo ay…

Read More

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa maanta tagey dalka Pakistan, halkaasi oo wada-hadallo heer sare ah uu kula yeelan doono hogaamiyayaasha dowladda cusub ee dalkaas, xilli xiriirka labada dal uu marayo meeshii u hooseysay.   Pompeo ayaa weriyayaasha u sheegay in howlgalkiisa Pakistan looga gol leeyahay in labada dal ay halaan marin ay si wada-jir ah ugu dhaqaaqi karaan, meeshana laga saaro xiriirka xumaaday ee fadhiidka noqday ee labada dal.   Pompeo ayaa waxaa socdaalka ku wehliya taliyaha taliska ciidamada Mareykanka General Joseph Dunford, taasi oo hoosta ka xariiqeysa muhiimadda ka hor-tagga argagixisanimada ay ku leedahay socdaalka.   Wafdiga…

Read More

Iyadoo uu dhamaaday muddo xileedkii danjiraha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa lagu wadaa in uu shaqada la wareego Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Africa. Wali si rasmi ah looma shaacin magacaabistiisa, hasse ahaatee mas’uulkan cusub ayaa noqon doona ergayga xoghayaha guud ee Qaramada u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Waa 66 sano jir ka soo shaqeeyay dalalka, Suudaan, Koonfur Africa iyo Pakistan, waxaana uu ku taqasuusay arrimaha dimoqraadiyada, dowlad wanaagga, dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u habeynta. Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo xilka ka degaya ayaa…

Read More

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka sheekeeyay taariikhdii Soomaaliya iyo weliba horumarkii uu dalku ku talaabsaday, taasoo uu xusay in laf dhabar ay u ahayd midnimadii iyo dowladnimadii Soomaaliya, waxa uu sidoo kale ka sheekeeyay burburkii dowladdii Somamaliya, iyo faragelintii shisheeye saameynta ay dalka ku reebtay, ”Nasiibdaro ka weyn majirto in koox yar ay iaygu isku arkaan in ay kaligood caqli leeyihin,aqoon leeyihiin,saxsan yihiin”ayuu yiri Madaxweyne Waare oo hadalkaas ula jeeday madaxda d0owlada fadaraalka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/R1q-HaZ73yY

Read More

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa soo dhaweynta madaxda kadib ka sheekeeyay ahdaafta loo aasaasay golahan, isagoo xusay in goluhu u taaganyahay iskaashi iyo wax wada qabsiga dowladaha xubnaha ka ah dwolada fadaraalka.   Madaxweyne Axmed madoobe Waxa uu aad ugu dheeraaday arimaha dastuurka oo uu xusay in kulamada wadatashiga ee dib u eegista dastuurka aan loo marin wadadii la rabay, waxa uu sheegay in haddii dastuurku noqon waayo mid loo dhanyahay in ay ka dhalan karto dhibaato.   Dhinaca kale, dowladda ayuu ku eedeeyay in ay ka gaabisay fulinta go’aamadii kazoo baxay  shirarkii kala duwanaa ee ay wada…

Read More

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhankooda ka hadlay ahmiyadda kulanka, iyagoo xusay in waxa laga tashanyo ay tahay danta umadda Soomaaliyeed- ”Dalku labada sano ee hartay waxuu ubaahan yahay badbaado,aqoon yahan,Culumo,Waxgarad haday Somali leedahay haysku tagto o dalka hala badbaadso”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.  hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/y7l8JvXHrg4

Read More

Gudoomiyaha golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ahna Madaxweynaha dowlada Puntland Mudane C/weli Max’ed Cali Gaas, ayaa sheegay in shirkan looga tashan doono arimo la xiriira aniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo isdhexgalka dowlad goboleedyada.   Waxa uu sheegay in shirka inta uu socdo la iska wareeysan doono golaha mudadii uu dhisnaa waxa u qabsoomay iyo in la xaqiijiyay ahdaaftii loo aasaasay.   Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in sidoo kale ay goluhu ka shiri doonaan waxyaalaha la qabsoomay heshiisyadii iyo wadahadalladii dhexmaray dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/gD-Bbg2o9UQ

Read More

Saraakiil ciidan oo Muddo ku dhow 30 Sanno gacanta ku hayay Xeradda Ciidamadda Siinay ee Magaalada Gaalkacyo ayaa Maanta ku wareejiyay Isimadda Gobalka mudug oo u hogaaminayay islaan Bashiir Islaan C/dille, si loogu iibiyo, looguna dhiso Dekadda Garacad. Xeradda Siinay ayaa Xiligii ay jirtay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa lagu dhisay si iska wax u qabso ah iyadoo la adeegsanayo hal ku dhigii ahaa ” anna dhoobadda adna dhagax Ninkii dhuunta dhaxal ku ma lahan”. Sida aan ka so xigtay Col.Xusen oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidamadda Hore ee Soomaaliya Dhinaca kale, Xeradda warshadda Kibidda oo iyana u ahaa qorshuhu…

Read More

Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) ayaa goordhow ka furmay ka furmay magaalada Beijing iyadoo ay ka qeybgalayaan madaxda 53 dal oo Afrikaan ah.   Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo si rasmi ah u furay shirka ayaa sheegay dalka Shiinaha iyo Afrika ay leeyihiin iskaashi dhinacyo badan leh,waxana uu rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada qodobada la isku afgarto ee ka soo baxa shirka.   Shirka oo labo maalin socon doona ayaa diirada lagu saarayaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.   Madasha Shiinaha iyo…

Read More

Golaha Baarlamaanka DDS oo ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee uu Magacaabay Madaxweyne Mustafe.   Waxaan idin kugu soo gudbinaynaa halkan hoose Magacyada,Wasaaradaha iyo qabiilooyinka ay kasoo jeedaan Wasiirada cusub.   1. Mustafe Maxamed Omar M/Weyne (Kusiime) Dh/buur/ Ogaden (Reer Isaq)   2. Aadan Faarax Daahir M/weyne Kuxigeen Shiniile (Ciise)   3. Bashiir Shaafi M/X/ Biyaha Fiiq/ Ogaden (Reer Amaadin)   4. Bubashir Dubad M/X/ Maaliyada Jigjiga (Abaskuul)   5. Hassan Dadhi M/X/ Madaxtooyada Jigjiga (Bartire)   6. Cabdullaahi Maxamed Muuse M/X/ Waxbarashada Doollo (Majeerteen)   7. Dr. Yuusuf Maxamed M/X/ Caafimaadka Shiniile (Ciise)   8. Dr. Abdulkadir Iman M/X/ Beeraha…

Read More

Shirka Golaha Amniga dowlada Jubbaland ayaa maanta ka furmey Magaalada Kismaayo.   Shirka Golaha Amniga Jubbaland oo ah mid bille ah,ayaa waxaa ka soo qayb gala Madaxda ugu sarreysa Jubaland iyo Golaha Wasiirada Jubbaland iyadoona Warbixino looga dhagaysto Saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Nabad Ilaalinta u Jooga dalka ee Amisom,iyadoo looga dooda qodabada iyo sida loo xoojin karo Ammaanka iyo dardar galinta howl-gallada lagu xoreynayo deegaanada ka maqan gacanta Jubbaland.   Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir Guddoominaya Shirka Golaha Amniga Jubbaland isagoo Warbixin ku aadan Xaalada Ammaan ee gobolka kaga dhagaysan doona Saraakiisha Ciidamada…

Read More

Madaxweynaha dowladaa Koonfur-Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo isagoona si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo. Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay waxaana ku weheliyay soo dhaweynta qaar ka mid ah labada gole ee Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda Rayidka ah. Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ka qeyb geli doono Shirka golaha Iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka  ee ka furmaya Guriga Nabadda ee Magaalada Kismaayo. Halkan ka daawo sawirada:-

Read More

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa soo gaaray Magaalada Kismaayo, Waxaana garoonka diyaaradaha ku kusoo dhaweeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Mas`uuliyiin kale oo kamid ah golayaasha dowlada Jubaland. Soo dhaweynta ka dib waxaa loo soo galbiyay Guriga Nabadda Jubbaland,halkaas oo uu kula kulmay dhammaan Madaxda dowlada xubnaha ka ah dowlada fadaraalka Soomaaliya Keating,ayaa la qaatay madaxda Somalida kulamo gaar-gaar ah ,ka hor kulan balaaran oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan Madxda dowlada Goboleedyada iyo Waftiga qaramada midoobey ee uu hogaaminayo Michael Keating. Kulanka madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka iyo Wakiilka Qaramada midoobey…

Read More

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Kismaayo ka furaya shirka madasha madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya. Shirkaan looga hadlayo arrimaha ammaanka, iskaashiga, arrimaha Soomaaliya, dhaqaalaha, dhismaha ciidanka iyo fulinta heshiisyadii hore ayaa waxaa ka qaybgelaya madaxda Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Puntland. Maalinimadii shalay ahayd ,ayaa lagu soo dhoweeyey Wafuuda shirak ka qaybgalaysa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan qarax khasaaro geystay oo Maanta lagu weeraray Xarunta Maamulka degmada Howl-Wadaag ee  Gobolkan Banaadir. Qaraxaan oo ahaa Gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyey ayaa waxaa lagu dhuftay Albaabka Xarunta degmada Howl-Wadaag,waxana la soo sheegayaa in qaraxa ay ku waxyeeloobeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada iyo dad Rayid ah. Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka degmada Howl-Wadaag oo Warbaahinta kula hadlay Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasada degmada oo xilliga qaraxa dhacayay ku sugnaa degmada. Ururka Alshabaab ayaa sheegtay…

Read More

Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa eegaysa in ciidamada kumandosta ee Maraykanka ay kala soo baxdo dalka Niger, isla markaana ay soo xirto badi xeryaha ay deggan yihiin ciidamada aragixiso la dirirka ee qaaradda Afrika, sida laga soo xigtay wargeyska The New York Times. Saraakiil wasaaradda ka tirsan ayaa wargeyska u sheegay in xeryaha militariga Maraykanka ee ku yaalla dalalka Camaroon, Kenya, Libya, iyo Tunisia, iyagana la soo xiri doono, haddii Xoghayaha Gaashaandhigga, Jim Mattis uu qorshahan ansixiyo. Hase yeeshee, militariga Maraykana ayaa si weyn u sii joogi doona dalalka Nigeria iyo Somalia. Sida wargeysku qoray, talaabadani waxay qeyb ka…

Read More

Xasuuqii Oromadu ku haysay shacabka Somaliyed waa sii laba jibaarmay,halka Madaxweyne Mustafe ku mashquulsan yahay arimo aan muhiimad badan ulahayn bulshada. Waxba matarin,umana tacsiyayn qoysaskoodii oo xataa ma booqan Dadkaas Oromadu soo gumaaday Madaxweyne Mustafe. Dad badan ayaa ku tilmaamay hab dhaqanka Madaxweynaha cusub nasiib daro kale oo soo wajahday Gobolka Ogaden,hoos ka daawo muuqaalka Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Mudane Xi Jinping. Wadahadallani waxa ay hordhac u yihiin Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, madaxweyne Farmaajo waxaa uu Madaxweyne Xi Jinping ku bogaadiyey dib u habaynta uu ku sameeyey siyaasadaha dalkiisa si waddanka Shiinaha loo gaarsiiyo horumar ballaaran. Dhankiisa, Madaxweyne Xi Jinping ayaa bogaadiyay waxa uu ku tilmaamay iftiinka horumarineed ee  bilowga ah ee kasoo muuqda  dhinacyada siyaasadda, dibu dhiska iyo dhaqaalaha Somaliya. Labada Madaxweyne waxa ay lafa gureen qodobo la xiriira iskaashiga labada dhinac, ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo…

Read More

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in weli halkaasi ay ka sii socdaan boobka lagu hayo goobaha ganacsi ee ay leeyihiin dadka ajnabiga ah oo ay Soomaalidu ku jirto. Maanta ayaa ilaa iyo sideed dukaan oo ay lahaayeen Soomaali, Itoobiyan iyo Bangaladheesh lagu bililiqeystay meel 120km u jirta magaalada Cape Town. Qaar kamid ah ganacsatadii hantidooda lagu boobay toddobaadkan magaalada Soweto ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya in ay cadaadis ku saarto xukuumadda Koofur Afrika, sidii ay wax uga qaban laheyd dhaca iyo burburinta loo geystay ganacsigooda. Dhinaca kalena dowladda Koofur Afrika ayaa sheegtay in ilaa 15 ruux loo…

Read More

Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa sheegay in uu ku dadaalayo qancinta qofkaste, balse haddii ay taasi suuragali waydo aan cidna loo qabsanaynin “xagxagashadiisa”. Madaxweynaha ayaa barta uu Facebook ku leeyahay ku soo qoray “Dadku inay cawdaan, cagajugleeyaan, car wakaase yidhaahdaan waa wax ilaahay lagu mahadiyo iyo xoriyad inoo soo korodhay. Waa bilawgii hanaanka dimooqraadiyadda ee aynu u oomaneeyn”. Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay caasimadda Jigjiga iyo deegaanno kalaba ay ka socdaan shirar iyo kulamo ay qabaa’illadu uga arrinsanayaan sidii ay uga dhex muuqaan lahaayeen xukuumadda cusub. Waxaa jira walaac laga qabo in dadka…

Read More