Author: Jibril Qoobey.

Isagoo is bihibihinaya iskuna dhajinaya Xasan Culusow-gii uu khiyaamadiisii Olalihiisii Doorashada oo u ahaa Madaxii maaliyada ra’isalwasaare,ayuu Muuqaalkan iska soo duubay Khayre.   Siyaasadu Sxb joogto ah ma yeelan karto,balse wax xeerin bay leedahay mararka qaarkood.   Xasan Culusow imaanshihiisa Muqdisho ku dhawaad labo Sano uu ka maqnaa xoogaa waxay kululaysay siyaasada,balse lama filan karo wax weyn oo uu soo kordhin doono,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ODASGYvEQRU

Read More

As the SFG public property watchdog accuses some Hargeisa and Mogadishu based officials of succumbing to Emirati Darham Influence in the deal without transparency   An Emirati kiss for Berbera   By: Yumoha Pasha   Somalilandsun- The possibility of the United Arab Emirates-UAE armed forces establishing a base in the Somaliland port city of Berbera now seem bleak even after legislators in Hargeisa voted in unanimous approval.   This follows the entrance of the Mogadishu based Somalia Federal Government-SFG into the fray that has caused much political animosities within various stskeholders in Somaliland where the government managed to muscle approval…

Read More

SIDA KU XUSAN TAARIIKHDA ETHIOPIA LAGA SOO BILAABO 2015 WAXAA HAREEYEY MUDAAHARAADYO IYO FOWDO WADA JIRA,KUWAAS OO KA QABSOOMAY GOBOLADA OROMADA IYO AMXAARADA KAASOO LAGU DIIDANYAHAY XUKUNKA TIGREEGA-   BISHII FEBRAAYO 15-2018 WAXAA IS-CASILAY RAYSAL WASAARE HAILEMARIAM DESALEGN,WAXAA SHIR U FARIISTAY GOLAHA DHEXE EPRDF WAXEYNA DOORTEEN ABIY AHMED OO KA SOO JEEDA QOWMIYADDA OROMO WAXAANA LOO DHAARIYEY JAGADA RAYSAL WASAARE 2-APRIL 2018.   ABIY AHMED WUXUU BAALMARAY GEBI AHAANBA DASTUURKII QORNAA EE XISBIGA TALADA HAYA EE EPRDF WUXUUNA TALADA DALKA HOOS GEEYEY HOGGAAMIYAHA RUUXIGA AH EE OROMO NINKA XAGJIRKA AH EE JAWAR MOHAMMED.   DAGAAL OOGE JAWAR MOHAMMED AYAA BOGGIISA…

Read More

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro madaafiic lagu garaacay qaybo kamid ah xaafadaha Xamar   Duqeymahan ayaa hada inta lasoo wariyay waxa ay kusoo dhaceen xaafadaha Buurhindi iyo laanta xarunta degmada Warta nabada.   Sarkaal katirsan ciidamada dowladda,ayaa sheegay in duqeynta ay ka dhalatay khasaare dhimasha iyo dhaawac ah oo soo gaartay shacab ku dhaqan degmada Wardhiigley ee Gobalka Banaadir.

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo saaka soo gaaray Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay. Nuxurka qudbaddiisii ayaa waxa ugu weynaa in mudane Xasan uu sheegay in dalka uyimi sidii uu udhageysan lahaa afkaarta dadka, waxa uuna intaa ku daray in guud ahaan dalka uu soo mari doono, “kana shaqeyn doono arrimaha horumarka dalka”. Xasan Shiikh Maxamuud kama uusan hadlin arrimaha Siyaasadda, waxa uuna ku gaabsaday in uu xoogga saarayo la tashiga dadweynaha  iyo ka shaqeynta horumarka dalka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo…

Read More

Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar,ayaa Maxkamadayntiisu wali ka socotaa xarunta dalka itoobiya ee Adis-ababa.   Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar,ayaa maanta ka codsaday Maxkamadu in ay damiin kusii dayso,madaama uu xanuunsan yahay oo uu qabo Dhiigkar iyo Gaastiriko.isla markaana uusan wax danbi ah galin.   Wali Qaadiyada Maxkamadu go’aan kama gaarin codsiga Cabdi Maxamuud Cumar,sidoo kale lama sadaalin karo waxa ay noqond oonto damiinta lagu sii dayn karo hadiiba Maxkamadu ogolaato. Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar,ayaa Xabsiga lagu sii hayn doonaa 14-ka cisho ee soo soo socota,kadib markay sidaa codsadeen danbibaarayaashu si ay usoo gudbiyaan danbiyadiisii,hoos ka daawo muuqaalka. …

Read More

Jamhada Xoraynta Ogaden ee ONLF ayaa beenisay war shalay kasoo baxay Xaafiiska ra’isalwasaaraha itoobiya,kaasoo sheegaya in heshiis cusub dhexmaray ONLF iyo dowlada dhexe ee itoobiya.   ”Agaasimaha Xaafiiska Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Fitsum Arega ayaa sheegay in heshiiska cusub ay kala saxiixdeen Jamhada ONLF iyo Dolwada dhexe ee Itoobiya”.   Fariin qoraal ah oo lasoo dhigay Barta Twitter-ka ay ku leedahay Jamhada ONLFayaa lagu beeniyay sheegashada Xaafiiska rai’salwasaraha uu sheegtay in uu heshiis lagalay ONLF.

Read More

Agaasimaha Xaafiiska Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Fitsum Arega ayaa sheegay in heshiiska cusub ay kala saxiixdeen Jamhada ONLOF iyo Dolwada dhexe ee Itoobiya. Labada dhinac qodobada ugu waa weyn ee ay ku heshiiyeen,ayaa waxaa ka mid ah:- 1.Hub ka dhigis ciidamada Jabhadaha 2.In ciidamada hubeysan ee Jabhada lagu daro ciidamada dawladda fadaraalka Itoobiya. 3.In heshiiskan la dhaqangaliyo si deg deg ah. 4.In la sameeyo xaafiis deg-deg ah oo arrimahan ka shaqeynaya lagana hirgalinayo gudaha dalka. 5.In Jabhaddu halgankeeda ay ugu jirto Madax banaanida ay ku raadiso wadiiqo nabadeed oo xagga Qalinka iyo Afka ah. Waxaa xusid mudan in Isla xiliga heshiiska la…

Read More

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in duqayn cusub oo ay ka gaysatay Soomaaliya lagu dilay saddex ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab. Hawlgalka milatariga Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqayntan ay ka dhacday meel illaa 40 km dhinaca Koonfur Galbeed ka xigta magaalada Muqdisho. Duqayntan ayaa dhacday maalintii Isniinta, waxaana AFRICOM ay sheegtay inaanay dad rayid ah waxba kasoo gaadhin duqayntaas. Duqayntan ayaa noqonaysa tii 21-aad ee milatariga Maraykanku ka gaystaan Soomaaliya sannadkan 2018-ka, waxaana dhammaan duqaymahaasi ay ahaayeen kuwo lala beegsaday ururka Al-Shabaab. Duqaymahan ayaa Maraykanku ay ku dileen tobannaan ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, waxaa sidoo kale lagu burburiyey dhowr…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa Goordhaweyd ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,   Madaxweyne Farmaajo ayaa ku sii wajahan dalka shiinaha halkaasi oo kaga qeyb galayo shirka ay yeelanayaan madaxda Africa iyo madaxweynaha shiinaha.   Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka shiinaha.

Read More

Maxkamadda Sare ee Itoobiya ayaa waxaa la horkeenay Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo afar mas’uul kale oo maamulkiisa horey uga mid ahaan jiray.   Sida ay tabinayso warbaahinta dowladda Itoobiya, Cabdi iyo dadka kale oo ay haweenay ku jirto ayaa loo heystaa dambiyo la xiriira ku xad gudubka xuquuqda aadanaha iyo kicin rabshado qoowmiyado ka dhaxeeya.   Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga xirey guri ku yiilay magaalada Addis Ababa 27-dii bisha, kadib markii maalin ka hor baarlamaanka deegaanka uu xasaanaddii ka qaaday isaga iyo 6 mas’uul oo kale.   Lama oga in Cabdi qareen loo…

Read More

Sidda uu goor dhaw sheegay Taliyaha ciidamada Booliska Faderaalka ee dalka Itoobiya Jen, Sayn Jamaal ayaa sheegay in la qabtay shaqsiyaad lagu xariirinayo in ay ka mid ahaayeen ama masuul ka yihiin dad Soomaaliyeed oo lagu dilay xadka u dhaxeeya Ismaamul gobaleedyada Soomaalida & Oromada, kuwaas oo ka tirsan maamulka Oromada.   Jeneraalka ayaa sheegay in ay dadkaas hadda sugayaan cadaaladda oo ay horkeeni doonaan Maxkamad laguna ogaayo dambiyada ay geysteen ee lagu soo qabtay.   Sidaas oo kale dadka la qabtay ayuu sheegay in ay ku jiraan kuwa abaabulayo dhiilo colaadeed, ayna hadda dhamaantood sugayaan Cadaaladda in ay wajahaan.…

Read More

Waxaa la soo idlaatay doorashadii golaha deegaanka ee degmada Garowe,iyadoo ay  ku loolamayeen labada musharax ee kala ah Axmed Barre Siciid iyo Axmed Abshir Jaamac.   Axmed Barre Siciid,ayaa helay 18-cod.   Axmed Abshir Jaamac (Bakuuke) ayaa helay 9-Cod Sidaa ayaa waxaa dooarshadii Duqa caasimada Puntland ee Garowe ugu guulaystay Axmed Barre.   Sidoo kale xildhibaanada golaha deegaanka degmada Garowe ay gudoomiye ku-xigeenka degmada u doorteen Maxamed Cali.   Duqa cusub ayaa horay usoo noqday Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Puntland,sila markaana hada ahaa Gudoomiyaha Xawaalada Iftin.   Axmed Barre,ayaa lagu tilmaamaa shaqsi hufan Diin iyo akhlaaq wanaag caan ku ah.…

Read More

Go’aankan ayaa si gaar ah uquseeya dadka kasoo jeeda Qowmiyadaha kale ee itoobiya kuna dhaqan Deegaamada Somalida.   Go’aankan waxuu ka danbeeyay booqasho maanta uu ku tagay Madaxweynuhu xarumaha kaniisadaha ee Jigjiga,kuwaasoo ay dhibaato kasoo gaartay rabshadihii ka dhacay Magaalada xiligii isbadalka.   Go’aanku waxuu sheegayaa in Bulshada ku dhaqan Deegaanka Somalida ee aan ahayn Somali ay helaan xuquuqo la siman tan bulshada Deegaanka.   Hadaba go’aanka qodobada uu ka koban yahay waxay udhignaayeens idatan soo socota:-   1. Qomiyadaha kale ee nala daga oo heli doona Kuraasta deegaanka ( Wasiir kuxigeeno, Agaasino iyo Shaqaale Hosaad).   2. In xafadaha…

Read More

Madaxweynaha maamulka Soomaalida Mustafe Cumar Muxumed ayaa soo magacaabay qaar kamid ah taliyeyaasha laamaha ammaanka iyo xukummadda. Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in sababta uu soo magaacaabay jagooyinkan ay tahay baahida badan ee loo qabo adeegyada dhanka ammniga iyo xafiiska maamulka Dowlad deegaanka. Taliyeyaasha Liyu booliska. Maxamed Cabdi Mawsar waxaa loo magacaabay taliyaha guud ee ciidammada Liyu booliska. Cabdi Xasan Muuse- Ku-xigeenka taliyaha Liyu booliska. Bashiir Aw Xasan-Madaxa howlgalka Liyu booliska. Mukhtaar Sheikh Xusen Amiin-Madaxa adeega Liyu booliska. Jarmali Muxumed- Madaxa sirddoonka Liyu booliska. Taliyeyaasha booliska caadiga. Janaraal Maxamed Xasan Cali(Maxamed Yare)- Taliyaha booliska. Maxamed Cabdi Gurey-…

Read More

Todobaad ka hor Madaxweyne Gaas waxuu magacaabay agaasimaha guud ee hay’ada sirdoonka Puntland ee PISA.   Isbadalka lagu sameeyay hogaaminta sare ee hay’ada sirdoonka Puntland,isla markaana loo baabi’iyay dhawr qaybood oo ay ahaayeen loogana dhigay hal mid waxay ka danbaysay habacsanaan xoog leh oo lasoo daristay hawlgalka sirdoon ee Puntland.   Hadaba aan idin soo gudbiyo xaalka amaan ee Puntland todobaadkii ugu danbeeyay ee la ogol yahay in la shaaciyo bulshadana lala wadaago.   Burcad badeed”.   Waxay ka kooban yihiin dhaqdhaqaaqyada burcad Badeeda Puntland maanta ka jira sadex madax ah ,kuwaasoo kala ah..   1.Koox uu hogaamiyo Bashiir Maxamed…

Read More

Isagoo la hadlaya Baarlamaanka ayuu Madaxweyne Mustafe yiri sida tan”Sida uu dalka inta kale u xaroobay waa in baarlamanakuna xor unoqdaa oo waajibaadkiisa shaqo ugutaa oo aniga su’aalo ii waydiin karaa ilana xisaabtami karaa,waxaan ka hadlayo mahan Maraykanka iyo Ingiriiska ee waa sida kan noo dhow ee Somaliland”. Hadaba hadlkaas mahan mid xun ama liita oo lala yaabo,balse waa mid bogaadin iyo soo dhaweyn mudan,waxase dad badan ay ka hakadeen su’aalana iska waydiiyeen waxay tahay tusaalaha Somaliland. Madaxweyne Mustafe muxuu Somaliland u yaqaan? Muxuuse ka fahansan yahay Somaliland? Siyaasi kasoo jeeda DDS ma uqalantaa in afkiisa uu warkaas kasoo baxo?…

Read More

Magaciisu waa Cadnaan Daahir gacanyarihii Madixii Sirdoonka milatariga itoobiya u qaabilsanaa Somaliland Magaciisuna Ahaa Tashome Gidhay,sidoo kale waa maamulilahii Geedka isku Qarinayay Ee Admas University College–Hargaysa,isla markaana sifiican ula shaqayn Jiray Taliyiihii Sirdoonka Gobolka Maroodi Jeex Ama Waqooyi Galbeed ee magalada Hargaysa Magaciisuna Ahaa Muxsin Iyo Madaxii Baadhista Sirdoonka Somaliland Cabdikiin. Cadnaan Waa Nin aad U Neceb Beesha Ugadeen Gaar ahaan Reer Cabdile,waana Ninkii ka danbeeya calooda fogaatay ee dhexmartay beelaha Reer Cabdille,gaar ahaan Cali wanaag iyo beesha Shiikhaal reer Awqudub ee degmada Raaso. Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar,ayaa talaabo ka qaaday ilaa uu ka cararay Deegaanka una baxsaday Hargaysa…

Read More

Ugu yaraan seddex qof oo shacab ah ayaa galinkii dambe ee manta lagu dilay magaalada Baledweyne 2 kalana waa lagu dhaawacay ka dib iska hor-imaad dhex maray ciidamada amniga iyo maleyshiyo beeleed. Isku dhacyada ayaa yimid kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay isku dayeen in ay saldhigga booliska kala baxaan askari lagu eedeeyay in uu shalay magaalada ku dilay wade mooto bajaaj. Dhimashada seddexda qof iyo dhaawaca labada kale waxaa xaqiijiyay howl-wadeennada caafimaadka ee isbitaalka Baledweyne. Maleeshiyo beeleed fara badan oo magaalada la soo galiyay ayaa kala xiray isu socodka gaadiidka iyo dhaq-dhaqaaqii ganacsiga Baledweyne. Xaaladda magaalada ayaa aad u kacsan,…

Read More

Ra’isalwasaaraha dowlada fadaraalka Somaliya Xasan Cali kheyre ra’iisulwasaaraha,ayaa maanta waxa uu shir guddoomiyay Kulan la iskugu yeeray deeq bixiyayaasha caalamka ee jooga Soomaaliya,waxaana laga dalbaday in ay ka gacansiiyaan dowladda sidii si deg deg ah lagu soo daabici lahaa lacag cusub oo ay Soomaaliya yeelato. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay in lacag cusub in la helo ay tahay mid muhiim a,si lacagihii hore ee duugo loo baddalo. Kulanka waxaa masuuliyiintii ka hadlay ka mid ah Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan ducaalle Beyle oo sheegay in ay aad ugu hamiweenaayeen in ay soo sameeyaan lacag cusub,waxa uu mahadceliyey xubnihii ka socday beesha caalamka…

Read More

Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Omar Cagjar ayaa soo dhoweeyey talaabada maanta dowlada Itoobiya ay xabsiga ku dhigtay madaxweynihii isaga ka horeeyey ee degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar. Waxaa uu sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu istaahilo in xabsiga la dhigo, uuna geystay xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo aan la cafin Karin. “Cabdi Maxamuud Cumar Illey waxaa uu dalkan ka galay ma ahan wax la cafin karo, Danbiyo ka dhan ah Xaquuqda aadanaha oo isugu jira Dil, Barakicin, Isir naceyb ayuu Deegaanka ka gaystey mudaddii uu xukumaayey isaga iyo xubno ku fikir ahaa” ayuu…

Read More

Isbedalka DDSI iyo waxyaabaha dahsoon ee ku xeeran (Qormo Xasaasi Ah)!   Fallanqeyntaan kooban ayaa jeclahay inaan wax yar kaga iraahdo isbedallada siyaasadeed ee hareeyay dalka Itoobiya, gaar ahaanna arrinta Qawmiyada somaliada   Maxaa keenay in la xiro Cabdi Max’ed Cumar?   Sida ay faafisay wakaalada wararka ee Itoobiya ee FANA, xeer illaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in loo haysto dacwado la xiriira gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed.   Lama oga caddeymaha xeer illaalinta ay maxkamadda horkeeni doonto, iyo goorta maxkamadda la hor geyn doono.   Sida ifafaalaha wax u socdaan laga…

Read More

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay isa soo tarayeen warar ku saabsan Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo diyaar garowgiisa ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi ay kala hoggaaminayaan Guddooomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.   Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa la sheegayaa in kulamo uu la qaatay Ra’iisul Wasaare Kheyre, sida ilo wareedyo ay xaqiijinaya.   Wafdiga la socday Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa la sheegay in aann loo ogolaan inay goobjoog ka noqdaan kulanka dhexmaray isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana la ogeyn waxyaabaha ay rasmi ahaan ka…

Read More

Is rasaasayn ayaa laga soo sheegayaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan taasoo dhexmartay ciidammada ammaanka iyo maleeshiyaad hubeysan .   Dad goob joogayaal ah,ayaa xaqiijiyay in galabta is israsaasaytan ay u dhexeysay maleeshiyaad qabaa’iil ah iyo ciidammada ammaanka ayna ku dhexmartay saldhigga booliska ee magaalada Beledweyne.   Saddex qof ayaa ku dhaawacantay xiisaaddaasi,   Dadka dhaacawmay waxaa loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.   Wararka waxay sheegayaan in maleeshiyaadkan ay doonayaan in xabsiga saldhigga booliska xoog ugala baxaan nin ku eedeysanaa inuu dil u gaystay nin ku shaqaysanayay Bajaaj.   Ninkan ayaa la sheegay in shalay lagu dilay…

Read More

Wasiirkii arrimaha deegaanka ee Faransiiska Nicolas Hulot ayaa xilka iska casilay isagoo si toos ah uga hadlaya idaacad, arrintaas oo noqotay tallaabo habka loogu dhawaaqay uu xitaa aad ula fajacay madaxweyne Emmanuel Macron.   Siyaasigan oo horay u ahaan jiray wariye Telefishin una doodi jiray xuquuqda deegaanka ayaa sheegay in uu xilka isaga dagay ka dib markii uu ku batay walbahaarka ku aaddan dhibaatooyinka dhinaca deegaanka ee wax laga qaban waayay.   Wuxuu ka dhawaajiyay in go’aankiisa ay sabab u noqdeen guul darrooyin uu kala kulmay isku dayo dhowr ah oo uu ku raadinayay in wax laga qabto isbaddalka cimilada.…

Read More

Kenya oo ku dhawaaqday in ay bilaabayso hawlgal ay ku raafayso ajaanibta dalkeeda sharcidarada ku joogta sida uu saxaafada usheegay Wasiirka arimaha gudaha Kenya… Wasiirku waxuu sheegay in Kumanaan ajaanib ah oo dalkiisa ku jooga sharcidaro uu hawlgal saamayn doono,sidoo kale kooxaha ka ganacsadaha daroogada iyo maandooriyayaasha kale ayuu tilmaamay in uu saamayn doono hawlgalku. Warkan waxuu niyad jab iyo walwal ku beeray ajaanib fara badan oo dalkaas ku dhaqan kana xamaasha. Bulshada Somaliyed oo iyadu ah mida ugu saamaynta badan dhanka ganacsiga,ayuu wal wal ku beeray dhawaaqa Wasiirka arimaha gudaha Kenya. Dad badan ayaa qaba in hawlgalkan uusan waxbadan…

Read More

Dani waa kuma”.. Siciid Cabdullaahi Dani musharax utaagan hogaaminta Puntland 2019. Dani waxuu soo noqday Xildhibaan Baarlamaanka Fadaraalka ah oo laga doorto Deegaamada Puntland,sidoo kale waxuu soo noqday Wasiir iyo ra’isalwasaare xigeen heer Fadaraal ah. Dani waa masuul aqoon leh,ganacsade aad looga yaqaan Deegaamada Puntland. Waxa lagu amaanaa oo taariikhdiisa lagu xusaa in uu qayb ka qaatay horumarinta waxbarashada Puntland. Hadaba Dani waa nin nooceeya” Mar aan kula kulmay labo sano ka hor hotel ku yaala Copenhegen oo aan la fariistay mudo,isla markaana aan wax badan wax ka waydiiyay waxuu iila muuqday sida tan.. Nin degan. Nin isku kalsoon. Nin…

Read More

Suldaan Cabdicasiis Afgaduud oo ka mid ah isimada Gobolada Jubaland,ayaa si adag u dhaliilay hogaaminta Madaxweyne Axmed Madoobe.   Suldaan Cabdicasiis Afgaduud waxuu sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu dadkii caburiyay magaaladii Kismaayo uxiran tahay.   ”Lama oran karo waxaa kuraasta qaybsaday beesha daarood ee waxaa qaatay guud ahaan jagooyinkii maamulka hal beel ,kuwa la jooga ee magacyada beelaha kale sheegta in ay matalaan waxaa la oran karaa waa Waytaro isaga u adeega oo uu ku sheegay in ay yihiin Madaxweyne xigeeno iyo Wasiiro”ayuu yiri Suldaan cabdicasiis Afgaduud.   Suldaan Cabdicasiis Afgaduud ayaa si adag oo faahfaahsan uga hadlay xaalka…

Read More

Xildhibaanada barlamaanka Puntland ayaa saaka codka aqlibiyadda u qaaday mooshinkii dhowaan xildhibaano katirsan barlamaanku ay ka gudbiyeen shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka ee DP WORLD oo gacanta ku haysa dekedda Boosaaso. Guud ahaanba waxaa meesha ka baxay kadib markii ay ka codeeyeen inta badan mudanayaashii barlamaanka ee ka qaybgalay kulanka, 7 xildhibaan ayaa ka aamusay, 8 ayaa u codaysay inuu mooshinku meel maro halka ay 23 kalena ka horyimaadeen,hoos ka daawo muuuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/m6PExU5d2TA

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 27 August 2018 waxaa booqasho iyo salaan ugu tegay Beeldaajiyaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawladda Puntland. Booqashadan uu madaxweynuhu ugu tegay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Cabdullaahi Beeldaaje Iismaaciil ayaa waxaa ku wehelinayey saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha ayaa kulan gaara la qabatay Beeldaajaha, kulankaas oo ahaa mid is xogwaraysi, islamrkaana madaxweynaha Dawladda Puntland uu ku dhiiri gelinayey taabagelinta nabadaynta beelaha, xoojinta dhaqanka iyo sidii loo dhowri lahaa dhaqanka bulshooyinka Puntlnad. Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland…

Read More

Warsaxaafadeed ay soo saartay dawlada faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawladu ay ciidamada Amisom kala wareegtay garoonka Muqdisho Stadium. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay dawlada Soomaaliya bilaabayso qorshe ay dib ugu hawlgalinayso garoonka, isla markaana Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu tilmaamay in Soomaaliya ay haatan joogto marxalad ay higsanayso dib u dhiska kaabeyaasha nolosha iyo soo celinta kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahayd Qaaradda Afrika. Saraakiisha Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa iyaguna uga warbixiyey Madaxweynaha qorsheyaasha ay kaga baxayaan garoonkan, iyagoona tilmaamay in ay haatan ka qalab urursadeen, kuna wareejinayaan Dowladda…

Read More

Is-rasaaseyn ka dhacdey xaley magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa la sheegayaa in hal qof oo Soomaali uu ku dhintey mid kalena uu dhaawac culus soo gaarey, sida ay sheegeen madaxda jaaliyadda. Booliiska ayaan illaa iyo hadda sheegin waxa keeney is-rasaaseyntaas.   Mahan markii ugu horaysay oo dhalinyrada Soamlida lagu dilo Maraykanka ama guud ahaan waqooyiga Maraykanka.

Read More

Ugu danbayn Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar waxaa loo taxaabay Xabsiga.   Ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan Fadaraalka Booliska dowlada dhexe,ayaa saakay isku gadaamay hoygiisa magaalada Adis-ababa.   Ciidamadan saakay qabtay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar,ayaa sidoo kale hubka ka dhigay ilaaladii gaarka ahayd ee Madaxweynaha.   Cabdi Maxamuud Cumar,ayaa loo haystaa danbiyo fara badan oo iskugu jira Dad la dilay,kuwo mudo si aan waafaqsanayn sharciga loo xiray,kuwo la jirdilay iyo sidoo kale kuwo la gubay iyagoo nool.   Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee HRW ,ayaa dhawaan baahisay muuqaal dad tacadiyo loogu geysanayo Xabsiga Jeel Ogaadeen ee magaaladda Jigjiga.   Ra’isalwasaare Abiye…

Read More

Xisbiga haya talada dalka Zimbabwe ayaa sheegay inuu xanuunsan yaay madaxweynihii hore ee dalkaasi Robert Mugabe oo 94 jir ah islamarkaasna xaaladdiisa caafimaad laga deeyrinaayo. ”We have received news that our former 1st Secretary and President R.G Mugabe is not feeling well. Get well soon Gushungo. His Excellency the President of the Republic of Zimbabwe @edmnangagwa will ensure you get the best medical care you deserve” Arrintan ayaa kusoo aadeysaa saacado uun kaddib markii xilka loo dhaariyay madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa.  

Read More

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa aqalka cad ee looga arrimiyo dalka kulan kula qaadan doonaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ka hor inta aysan kulan kale oo labo geesood ah la yeelan waftiga labada dhinac. Kulankooda ayaa la sheegay inuu qaadan doono muddo 20 daqiiqo ah. Mareykanka ayaa ah isha ugu wayn ee howlaha dalxiiska Kenya. Kenya waxay ku rajo wayn tahay in duulimaadka tooska min New York ilaa Nairobi ee bilaabanaya bisha Oktoobar uu xoojin doono ganacsiga dalxiiska. Kenya ayaa loo arkaa saaxibka ugu muhiimsan ee Mareykanka marka ay timaado la dagaalanka aragagixisada ee gobolka bariga Afrika. Trump iyo…

Read More

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa kaaliyeyaashiisa u sheegay in uu rabo in uusan mar dambe la kulmin madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari oo 75 jir ah oo uu ku tilmamay mayd noole, ka dib markii uu Aqalka Cad ku qaabilay bishii Abriil, sidaa waxaa wargeyska UK ka soo baxa ee Financial Times u sheegay saddex ilood. Buhari ayaa ahaa hoggaamiyihii koobaad ee dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya ee Trump uu ku casuumo Aqalka Cad, taas oo muujisay in madaxweynaha Maraykanku uu Nigeria oo shidaal badan soo saarta lana dagaalamaysa koox jihaaddoon ah u arkay mid ka mid ah xulafadiisa muhiimka ah.

Read More

Suudaanta Koonfureed waxay shaaca ka qaaday inay dib u bilaabayso howlaha shidaal soo saarista bisha dambe kaddib markii sannadkii 2013-kii la hakiyay wax soo saarka ceelasha shidaalka.   Wax soo saarka ceelasha shidaalka Suudaanta Koonfureed ayaa lagu wadaa in uu gaaro wax soo saarka maalin laha ah 375,000 barmiil muddo saddex sanno gudahood.   Shan sanno ka hor ayay ahayd markii dagaallada dartood loo joojiyay howlaha shidaal soo saarista dalkaasi, dalka wuxuu qorsheynayaa in maalin kasta uu ceelasha kasoo saaro 80,000 barmiil.   In dib loo bilaabo howlaha shidaalka waxay ka qayb ahayd heshiiskii xabad joojinta ahaa ay dhawaan kala…

Read More

Isaga oo ka hor hadlayay baarlamaanka deegaanka oo shir ku yeeshay magaalada Jig Jiga ayuu mudane Mustafa jeediyay khudbad dheer, wuxuu si hordhac ah uga hadlay qodobo badan oo ku saabsan waxyaabaha uu qaban doono muddada xilka uu haynayo.   Waxaan kasoo qaadanay 9 qodob oo ka mid ah waxyaabaha uu sheegay in uu qaban doono.   1.Isbadelada Isaga laftiisa waxa uu ku yimid isbadal siyaasadeed kii ugu balaarnaa oo ka dhacay guud ahaan Itoobiya tan iyo intii uu xilka Ra’isulwasaarenimada qabtay Abiy Axmed, sidaas darteed Mustafa Cumar waxa uu doonayaa in isbadalada ka socda guud ahaan Itoobiya ay ka…

Read More

Madaxweyne Mustafe iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo,ayaa maanta soo gaaray caasimada DDS ee Jigjiga.   Waftiga uu hogaaminayo Madaxweyne Mustafe waxaa kamid ah siyaasiga reer Kenya Faarax Macaliin oo ay si weyn ukala fogaayeen Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar   Dhanka kale Madaxweyen Mustafe Omar ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay Madaxweynaha Somali State.   Baarlamaanka maamulkaas oo galabta kulmay,ayaa cod aqlibiyad leh ku ansixiyay Madaxweynaha cusub,sidoo kale waxay baarlamaanku aqbaleen ka saaridii Xisbiga Dhexe 7-Xubnood.   Baarlamaanka Somali State ee galabta fadhi muhiim ah yeeshay,ayaa sidoo kale laalay dhamaan Degmooyinkii uu magacaabay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar xiligiisii ugu…

Read More

Faarax Cali Shire siyaasi qunyar socod ah,leh astaamo badan oo hogaamineed oo loogu hakan karo. . Nin Puntland-nimadu ku weyn tahay,degan oo aragti sare leh ayuu ahaa mar aan si toos ah ukulanay dhawr sano ka hor. Faarax waa mid ka mid ah Raga lagu tuhmayo in ay kursiga Puntland ugu sareeya ay kusoo bixi karaan,marka arimo badan la qiimeeyo. Faarax maxaan ku aqaan” Nin Puntland aysan gorgortan uga jirin. Nin Fadaraalisimku uusan gorgortan uga jirin. Nin qabyaalada hoose aysan ku weynayn. Nin maamul yaqaan ah oo aan ceeb lahayn la tilmaamo. Faarax maxaa khatar ku ah” Faarax waxaa khatar…

Read More

Waa maalin kamid ah maalmaha aan sida caadada ahayd u socdaalayo dhismaha aan wax ka baranayo,waxaan sii raacay basaska waaweyn ee “Metro bus-ka”,meesha aan u socdo maadaama ay in door ah durugsantahay oo ugu yaraan labo saac lasii socon doono,rakaabku waxay bilaabeen in ay sheekaystaan oo wakhtiga isdhaafiyaan. Inta aan halkaan joogay,waxaan caqabad weyn kala kulmay ku hadalka luuqadda dalkaan oo afka wali kuma aan ahi xariif,kolkaasay dantu i badday in aan iska aamuso. Hortayda waxaa fadhiya nin oday ah da’ ahaanna aan yarayn. Wuxuu go’aansaday bal inuu ila hadlo oo labada saacadood aynu isu xogwarran ku qaadanno. Isbariidin kadib,wuxuu…

Read More

Wadadii Gaalkacyo iyo Garoowe oo dhismaheedu mudo socday,ayaa maanta lagu bilaabay saarida Daamurka.   Wadada waxay gashay wajigeedii ugu danbeeyay ee saarida Daamurka,iyadoo qorshuhu yahay in bisha October bartankeeda xariga laga jarayo iyadoo dhamaystiran.   Muuqaalkan ayaa soo afjaraya warar ay baahiyeen saxaafada qaarkeed,kaasoo sheegayay in ay fashilmay dhismihii Wadadaas.   Mashruuca lagu dhisayo Wadada Galkacyo iyo Garowe ayaa ahaa mid uu soo diyaariyay maamulka Gaas,isla markaana xaalado kala duwan soo maray ayna maalgalinayaan Midwoga Yurub,balse ugu danbayn umuuqda mid guulaystay..   Mashruucan oo ah mid ka mid ah mashruucyada ugu muhiimsan Puntland ayay shacabku si gaar ah isha ugu…

Read More

Kadib kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qodobadii looga hadlay waxaa ka mid ahaa weerarkii ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Jubbaland ku qaadeen Xarunta Ciidanka Nabadsugida Jubbaland ee ku taalla Magalada Kismaayo. Madaxweynaha dowlad Goboleedka jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo kulanka ka hadlay ayaa waxa uu amar ku bixiyay in  la xiro Ciidamo ka tirsan Daraawiishta jubbalanka oo uu ku sheegay in weerar ay ku qaadeen xarunta Ciidamada nabadsugida jubbland,isla markaana  ay kala baxeyn Askari iyaga ka tirsan,kadiba halkaasi uu ka dhacay dagaal. Ugu dambeyn waxaa haatan Wararka aan heleyno ay sheegayaan in…

Read More

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta ayaa waxaa loo magacaabay C/qaadir Axmed Warsame, waxaa xilkaas hayay oo laga qaaday Cabdi Diirshe, waxaana wararku sheegayaan in Wasiirka iyo Xoghayaha xilka laga qaaday aanay in muddo xiriirkooda wanaagsaneyn.   Sidoo kale Wasiir Jamaal oo ka mid ah Wasiirada ugu saameynta badan Xukuumadda ayaa waxaa uu Agaasime u magacaabay Asad Yuusuf Afrax oo ahaa La Taliyihiisa, waxaana booska loo magacaabay horay u hayay C/qaadir Axmed Warsame oo Xoghayaha Joogtada Wasaaradda noqday.   Magacaabida Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta ayaa u dhacday qaabka awood qeybsiga beelaha ee Xoghayeyaasha joogtada iyo Agaasimayaasha Wasaaraddaha.   Bishii May ayuu Ra’iisul…

Read More

In ka badan afar iyo toban baabuur oo iskugu jira noocyadda kala duwan ee Gaadiidka oo laga soo dhacay Itoobiya ayaa maanta lagu wareejiyey dawladda Itoobiya. Gaadiidkan ayaa lala soo baxsaday maalmihii shaqaaqooyinku ka socdeen Jig-jiga, waxaana lala soo gallay gobolada Awdal, Togdheer, Maroodi jeex iyo Gabiley, kuwaas oo badankooda ay dawladdu qabatay,isla markaana ay gacanta ku haysay ilaa inta ay deganaysay Jigjiga. Xaflada lagu wareejinayey Gaadiidkan la soo dhacay ee lala soo galay gudaha Somaliland waxay ka dhacday magaalo xuduudeedka Togwajaale, waxaana ka soo qaybgalay labadda wakiil ee u kala fadhiya Somaliland iyo Itoobiya. Maalmihiii qalaalaasuhu ka dhaceen Dawlad…

Read More

Wasiir ka tirsan golaha wasiirrada ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland ayaa sheegay in ay sii daayeen laba wasiir oo ka tirsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.   Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland,ayaa sheegay in Ibraahim Aadan Mahad (Ibraahim-Sacad), wasiirkii hore ee waxbarashada, iyo Cabdijamaal Axmed Qaloombi, wasiirkii hore ee cadaaladda maanta la sii daayey.   Labada Wasiir waxaa laga qabtay garoonka dayaaradaha ee Hargaysa, 21kii bishan Agoosto, ayagoo doonayey inay halkaa ka dhoofaan.   Maxamed Kaahin Axmed wuxuu sheegay in labadaas wasiir loo haystay “in ay sharciga u gafeen…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tegaya dalka Shiinaha, kaasoo noqon doonaa markii ugu horeysay ee uu dalkaasi tago. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mida madaxda Afrika ee ka qeyb galeysa Shirka Iskaashiga ee Shiinaha iyo Afrika oo 3-da bisha September ka furmaya magaalada Beijing, waxaan ka qeyb galaya inta badan madaxda Afrika. Shiinaha ayaa si gaara u daneyneynaya muddooyinkan danbe arrimaha Soomaaliya, iyadoo shirkado Shiinees ay doonayaan inay maalgelin ku sameeyaan Soomaaliya, iyadoo wararku sheegayaan in wafdiga madaxweyne Farmaajo ay Shiinaha kula kulmi doonaan shirkado kala duwan oo Shiinees ah. Shirkii ugu danbeeyay ee Madasha Iskaashiga…

Read More

Senator John McCain ayaa lagu xasuusanayaa geesinimadiisa, wadani-nimadiisa iyo adeegii uu dalkiisa u qabtay. McCain ayaa sabtidii shalay ku geeriyooday da’da 81 jir ka, ka dib markii ku dhacay kansarka maskaxda. Madaxweyne Donald Trump ayaa boggiisa twitterka ku qoray inuu u tacsiyadeynayo qoyska Senator John McCain. Waxa uu yiri Qalbigeena iyo ducooyinkeena ayaa adinla jira!” Aqalka Cad ayaa kala bar hoos u dhigay calanka si loo sharfo McCain. Madaxweyne kuxigeenka maraykanka Mike Pence ayaa bartiisa twitterka ku qoray, “Karen iyo aniga waxaan u duceeyneynaa Senator John McCain, Cindy iyo qoysaskooda. Ilaahay ha barakeeyo dhammaan waqtigan adag.” Madaxweynihii hore ee Barack…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta qabtay shirkiisii jaraa’id ee ugu horeeyay tan iyo markii uu la wareegay maamulka dalkiisa ayaa ugaga hadlay arrimo faro badan oo ay ka mid tahay sida laga yeelayo madaxda ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Abiy Ahmed ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa shirkiisa jaraa’id  ku sheegay in ay ka jiraan dalkiisa dad  abuuraya  qalqal siyaasadeed ,waxana uu xusay in rabshadihii ka dhacay gobolka Bari ee ay Soomaalidu degto ay joogsadeen,balse waxa uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono madaxdii hore ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya uuna ka mid yahay Madaxweynihii hore Cabdi Maxamed Cumar. Hase yeeshee Abiy Ahmed…

Read More

Dab ayaa qabsadey Keydka haamaha shidaalka ee ay leedahay shirkada Puntland petrolium una dhow xerada Ciidanka Amniga Puntland PSF sida ay ii xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah. Dabka ayaa ah mid xoogan waxaana ka dhashey qaraxyo waaweyn oo ay sameeynayaan haamaha shidaalka maadaama ay aheyd keydka ugu weyn ee shirkada shidaalka ee Puntland Petrolium. Wey adagtahey in la ogaado khasaaraha maadaama ay tahey xili habeena wixii kasoo kordha halkan baan idinkula wadaagi. Wixii kasoo Kordha waan idiinla soo wadaagi doonaa.

Read More

Cabdinaasir Seeraar Maax oo ah siyaasi ka tirsan Jubaland ayaa wareysi uu siiyay VOA waxaa uu masuulyiinta Jubaland ku eedeeyay arrimo ay kamid yihiin ku tagrifal awoodeed, caburinta dadka Jubaland, sharcigii uu Maamulka Jubaland ku dhisnaa oo la hareermaray, Ciidamadii SNA ee Jubaland oo la burburiyay ayadoo laga leeyahay dano siyaasadeed iyo arrimo kale Arrimaha kale ee uu ka hadlay Seeraar waxaa kamid ahaa in Madaxweynaha iyo Golaha Baarlamaanka Jubaland ay qorsheynayaan in ay muddo korarsi sameeyaan taasoo uu aad uga diggay.. xiriirka DFS iyo midka Jubaland ee xumaaday wuxuu ku eedeeyay in ay ka dambeyso Jubbaland oo danno siyaasadeed…

Read More

Jabhadda ONLF ayaa la sheegay in heshiis xabad joojin la gashay madaxweynaha KMG ee dowlad deegaanka Somali galbeed. Afhayeenka jabhadda ONLF Cabdulqaadir Hirmooge Cadaani,ayaa sidaas u sheegay,waxaa kale oo uu sheegay in maalmaha soo socdo la qabandoono shirweyne,kaas oo ka dhicidoona xarunta dowlad deegaanka Somali -albeed ee Jigjiga.

Read More

Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cumar, waxaa la sheegayaa iney jiraan caqabado uu la kulmi karo. Dhowr dhinac ayaa la sheegayaa in ay caqabadahaas kaga imaan karaan. Qormadan ayaan mid mid ugu eegi doonnaa caqabadahaas, waxa ay yihiin, iyo dhinacyada ay uga imaan karaan.   Liyuu Boolis   Caqabadda ugu horreysa ee uu la kulmi karo madaxweynaha ayaa waxaa lagu tilmaamay iney noqon karto mid uu kala kulmo ciidamada Liyuu Booliska deegaanka oo uu aasaasay, daacadna u ahaa madaxweynihi hore ee deegaanka ee xilka iska casilay, Cabdi Maxamuud Cumar.   – Ciidanka oo aan loo…

Read More

Xiriirkii Internet –ka deegaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa dib u soo noqday, gaar ahaan magaalada Jigjiga sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka. Qof ka mid ah dadka degan magaalada Jigjiga ayaa u sheegay wakaallada wararka China Xinhua in galab-nimadii Jimcaha shalay dib loo helay adeegii Internetka guud ahaa dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Laakiin wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinac xukuumadda dhexe ee Itoobiya ee la xiriira dib u soo noqoshada Internet –ka iyo waliba markii hore oo hawada laga saaray intaba. Hasse ahaatee adeega Internet-ka ayaa go’ay 04, bisha August oo ciidamada Itoobiya…

Read More