Wadada Ceel-daahir-Ceerigaabo,ayaa hada maraysa 88-km ,waxayna gaartay magaalada Baran ee xarunta Gobolka Sanaag. Waxaa halkaas ku eg wajigii koowaad ee dhismaha wadada kaasoo ah Caro-tuurka,waxaana bisha 9-aad bilaabanaya wajiga labaad ee dhismaha Wadada,kaasoo ah isaguna noqon doona Jay iyo laami wada socda. Hawsha dhismaha wajiga labaad ee Jayga iyo laamiga,ayaa waxaa dhigaya oo wadada saaraya qalab cusub oo hada loosoo iibshay,kaasoo ka yimid dalka Hindiya. Waxaa soo socda oo soo maraya Dalka Cumaan labadii Warshadood ee Daamurka iyo Jayga. Shaqaalaha wadada dhismaheeda gacanta ku haya,ayaa iskugu jira Somali iyo ajaanib. Dowlada Puntland iyo shacabka oo…
Author: Jibril Qoobey.
Haweenka ganacsatad ah ee Puntland ayaa maanta shir soconaya labo maalmood uag furmay garowe. Shirkan,ayaa wxaa daahfuray Madaxweyne xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey,waxaana kasoo qaybgalay xubno ka tirsan golaha Wasiirada,hayadaha caalamiga ah iyo marti sharaf. Dalada ganacsatada Haweenka Puntland,ayaa soo qabanqaabisay Carwadan waxaana lagu soo bandhigay agabka ganacsi ee ay haweenka ay ka shaqaystaan. Camey oo shirka furay,ayaa madasha uga hanbalyeeyay haweenka ,isla markaana qiray doorkooda muhiimka ah. Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indhoguran ayaa sidoo kale madasha ka hadlay bogaadiyayna Haweenka iyo horumarka ganacsi ee ay muujiyeen. Waa markii ugu horaysay oo…
Xog laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegaya in uu shirqool loogu tala galay in lagu dilo Madaxweynaha Dowladda Fedeaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo 14kii July 2018. Xogtu waxay intaas ku daraysaa in shirqoolkaas la qorsheeyey in uu dhaco xiliga uu Madaxweyne Farmaajo u safri lahaa ka qaybgalka shirkii looga hadlayey arrimaha Soomaaliya ee lagu qabtay magaaladda Brussels ee dalka Beljimka. Nooca shirqaaolkaas ayaa la sheegay inuu ahaa mid la xiriiray qaraxyo mataano ah oo la doonayey in lagu burburiyo gaariga uu Madaxweynuhu la socdo. Sirdoon dowlad ajnebi ah ayaa xogtu sheegaysaa inay Madaxweynaha uga digtay shirqool la doonayo…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23 July 2018 waxaa uu dib ugu soo laabtay Puntlnad, kadib safar shaqo oo uu ugu maqnaa magaalda Brussels ee Dalka Belgium. Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayey oo ka koobnaa qaar kamida Golaha Xukuumadda iyo Saaraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Aripot ee Magaalada Garoowe, qaar kamida goloyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Degmada Garoowe, kan Gobolka Nugaal, Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, ganacsato iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan. Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa magaalda Brussels…
Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating oo maanta ka hadlayay madal ay soo qabanqaabisay Ururka Warbaahinta Qaranka ee NUSOJ ayaa sheegay in Mustaqbalka Soomaalida uu ku jiro gacanta Soomaalida. Keating ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socota waddo wanaagsan,islamarkaana loo baahan yahay in laga taageero sidii loo dhisi lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya. Danjire Keating ayaa tilmaamay in maanta la jooggo xilli ay isku filaan laheyd Soomaaliya, loona baahan yahay in aysan cidna wax ka sugin. “Mustaqbalka Soomaaliya Waxaa Uu Ku Jiraa Gacanta Soomaalida” ayuu yiri Danjire Keating waxana uu amaanay qodobka…
Ka dib howlgal ciidamada Maamulka Jubbaland ay ka sameeyeen deegaano hoos yimaada degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada hoose ayaa waxay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab. Abaanduulaha Guutada labaad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Maxamed Axmed Xirsi ayaa sheegay in Ciidamada Howlgal ay ka sameeyeen fariisin ay Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Badhaadhe ay ku dileen labo dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab. Mid ka mid ah labada Sarkaal ee Al-Shabaab laga dilay ayuu ku sheegay Abaaduulaha inuu ahaa dhaqtarkii guud Al-Shabaab ee Aaga Galbeed ee Gobolka Jubbada hoose magaciisana loo soo gaabiyo Suheyb Khaalid. Shaqsiga kale ee Al-Shabaab looga dilay weerar ka…
Booliska Canada ayaa sheegay in nin hubeysan uu Axadi 14 ruux ku toogtay magaalada Toronto, kuwaas oo laba ka mid ahi ay geeriyoodeen. Ninka toogashada geystay ayaa la sheegay in lagu dilay is-rasaaseyn dhexmartay isaga iyo booliska. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maqleen dhawaaqa rasaas gaareysa ugu yaraan 20 ilaa 30 xabbadood, oo uu ridayay ninka weerarka qaaday, gudaha xaafadda Greektown ee magaalada Toronto. Taliyaha ciidanka booliska magaalada Toronto Mark Saunders, ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan sababta keentay in ninka dadka dilay uu weerarka qaado. Duqa magaalada Toronto John Tory ayaa wariyaasha u sheegay in magaalada…
Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa weerar ku ekeeyay xero ay si wada jir ah u degenaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta 43-aad iyo kuwa Jubbaland, waxaana weerarkaas kasoo baxaya warar dheeraad ah. Waa markii sedexaad oo xaruntaasi weerar lagu qaado muddo bilo ah tan iyo intii ciidamada ay saldhig ka dhigteen halkaas. Weerarkii saakay waxaa loo adeegsaday labo gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana xigay dagaal fool ka fool ah oo culus. Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo muhiim ah oo Jubbaland ka tirsan, Alshabaab ayaa gabi ahaanba la wareegay xerada Baar Sanguuni, iyaga gubay teendhooyinkii ay ciidanka…
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ee dowladda Puntland Cabdullaahi Xirsi Cali (TIMA-CADDE) ayaa waxaa looga hadlay dhismaha golayaasha deegaanka ee Puntland. Gudoomiyaha gobolka Nugaal, ku-simaha gudoomiyaha gobolka Nugaal iyo dhammaan isimada gobolka Nugaal ayaa wasaaraddu fartay inay 22-ka July ilaa 22 Agoosto ku soo xulaan xubnaha golaha deegaanka ee degmada Garowe. Halkan hoose ka akhriso:-
Wararka ka imanaya magaalada Baraawe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay hubka hoobiyaha ah ku weerareen markab taagan xeebta magaalada oo saanad u keenay ciidamada AMISOM iyo kuw adalwdada Soomaaliya. Ilaa hadda ma cadda khasaaraha. Warar aanu ka helnay dadka deganaka ayaa sheegaya in ilaa saddex hoobiye ay maleeshiyada Al-Shabab ku tuureen badda, mana cadda in qaar ka mid ah hoobiyayaashaasi lala helay markabka iyo in kale. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo ku saabsan weerarkaasi.
Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya Micheal Keating iyo Talyaha Ciidamada Booliska Fadaraalka,ayaa maanta soo gaaray Gaalkacyo. Waftiga Keating hogaaminyay,ayaa u yimdi Gaakacyo qiimaynta qorshaha xasilinta ee hopray layskula qaatay. Waftigu waxay booqdeen Xarumaha Ciidamada Booliska isku dhafka ah iyo goobaha ganacsiga Magaalada. Ciidamada Booliska isku dhafka ah ee Gaalkacyo oo ah kuwo ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan amniga Magalaada soona celiyaan kalsoondiii shacabka,ayaa Qaramada Midoobey waxay qorshaynaysaa in ay si buuxda utagaeerto hawlgaladooda. Gaalkacyo oo soo martay labadii sano ee lasoo dhaafay dagaalo soo noqnoqday,ayaa hada waxaa ka muuqda isbadal xoog leh oo dhinacyo badan leh,kuwaasoo ay ka…
Dowladda Shiinaha ayaa shaacisay inay lacag 1.5 million oo Dollar ugu deeqday Somalia, si wax loogu qabto dadka ay dhibaatooyinka ka soo gaareen Fatahaadda webiyadda Shabelle iyo Jubba ee ku habsaday qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia. Danjiraha Shiinaha u jooga Somalia, Qian Jian ayaa sheegay inay dowladiisa go’aansatay inay dowlada ku wareejiso lacagtaasi, si loogu taageero Dadka waxyeelladda kala kulmay daadadka Webiyadda. Shiinaha ayuu sheegay iney ka go’an tahay inay Soomaalida is-garab taagaan xilliga adag oo ay ku jiraan, maadaama uu labada dal ka dhexeeyo xiriir saaxiibtinimo oo soo jireen ah. Xafiiska QM ugu qaabilsan Isku-xirka hawlaha samafalka Somalia…
Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa waxaa saaka ka furmaya shirweyne ballaaran oo lagu soo afmeerayo dagaalo soo noqnoqday oo dhexmaray beelo ood wadaag ah oo wada degan gobolkaasi. Gogosha nabadeynta beelahan walaalaha ah ee Cali Saleebaan iyo Muuse Saleebaan oo uu dhigay Boqor Burhaan Boqor Muuse ,ayaa waxaa ka qeyb galaya wufuud kala duwan kuwaasoo kamid ah isimo,madax dhaqameed, masuuliyiin heer dowladeed iyo wufuud kale oo kamid ah beelaha la heshiisiinayo.
Ku dhawaad 200 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku xayiran degaanka Guji oo ku yaalla Xadka ay wadaagaan Soomaalida iyo Oromadda ee dalka Itoobiya. Dadkaan ayaa kasoo barakacay degaano u dhow halka ay ku sugan yihiin ciidamada Oromadda, waxaana ay ku jiraan saldhig ay leeyihiin Ciidamada Booliska dalka Itoobiya. Dadkaan ayaa sheegay in aysan heysanin meel ay u baxaan,islamarkaana hadii ay banaanka u soo baxaan in ay halkaasi ay ku dili doonaan ciidamada Oromadda. Bilihii udanbeeyay waxaa si xoog leh usocda colaad u dhaxaysa Somalida iyo Oromada Itoobiya,taasoo hada maraysa heerkii ugu sareeyay.
Dilka ayaa ka dhacay Suuqa degmada Kaaraan oo ah meel aad u mashquul badan, iyadoo qofka la dilay uu ahaa Nin waday gaari ka shaqeeya Waqooyiga Magaalada Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dilka ka hor ay jirtay muran u dhexeeyay askariga iyo qofkii gaariga waday, waxaana muranka uu salka ku hayay bixinta lacag baad ahaa. Wararka ayaa intaa ku daraya darawalka uu iska diiday bixinta lacagtaas, taasoo keentay in markii dambe uu askariga rasaas ku furo, dabadeedna uu goobta ku dhintay. Ciidamo Boolis ah oo ka tagay saldhiga degmada Kaaraan ayaa daqiiqado kadib gaaray goobta uu dilka…
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa goor dhaw gaaray taliyaha ciidamada Booliska Fadaraalka Soomaaliya Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed oo ay wehliyaan wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo saraakiil kale. Danjiraha a Qaramada Midoobay iyo taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxaa magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyey saraakiil katirsan ciidamada Booliska iyo masuuliyiinta magaalada Gaalkacyo. Wafdigaan ayaa magaalada u gaaray sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen howlaha amni xaqiijinta ah ee magaaladaasi ay ka wadaan ciidamada isku dhafka ah ee loo xilsaaray xasilinta magaalada Gaalkacyo ee ka kala socda dowlad-goboleedyada Puntland iyo Galmudug. Taliyaha ciidamada…
Gudoomiyaha xisbiga Wadani ee Somaliland Cabdiraxmaan cirro oo saxaafada kula hadlyay magaalada Hargaysa,ayaa canbaarayn dusha uga tuuuray maamulka jeegaanta ee Muuse Biixi,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Dawladda Federalka Somalia ayaa soo dhaweysay taageerada looga muujiyey shirkii Madasha Iskaashiga Somalia ee dalka Belgium ka dhacay. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arr. Dibedda ayaa lagu sheegay in dowladdu ay soo dhaweynayso in dalalka iskaashiga Somalia la lihi ay sheegeen inay Somalia ku yaboohayaan 1.2 billion oo Euro ah. Dowladda Somalia ayaa sidoo kale soo dhaweysay ka qeybgalkii iyo hadalkii uu danjiraha Imaaraatka Carabta u fadhiya dalalka Belgium iyo Luxemburg uu shirka ka sheegay ee ahaa in Imaaraadka ay ka go’an tahay taageerida dadaalada lagu soo celinayo midnimada, amniga iyo xasiloonida Somalia iyo in wax laga qabto caqabadaha amniga,…
Maamulka Minisota ee Dalka Maraykanka oo ugu baaqay Oromada iyo Somalida Itoobiya in ay coladaha dhexdooda ah joojiyaan,isla markaana wada xaajood arimaha ay isku hayaan. Sidoo kale waxuu maamulka Minisota ugu baaqay raisalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed in uu wax la taaban karo qabto sidii ay u istaagi lahaayeen dagaalada socda. Oromda iyo Somalida Itoobiya ,ayaa waxaa ka dhex socda colaado ay dad badanu ku le’deen,isla markaana barakac xoog leh dhalisay. Dowlada fadaraalka Itoobiya ,ayaan ilaa iyo hada wax la taaban karo ka qabaan joojinta colaadahaas lagu riiqday. Hadaba hoos ka daawo muuqaalka baaqa uu maamulka Miinisota soo saaray.oo uu saxaafada…
Halkan ka daawo muuqaalka
Xalay waxaa kulan socday dhawr saac wada qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo ra’isalwasaare khayre. Kulankaas ayaa kusoo idlaaday is afagaran waa xoog leh oo dhexmaray labada masuul. Hadaba idilnews oo xogta kulankaas aad u raadisay,ayay usuura gashay in masuuliyiin xogtooda lagu kalsoonaan karo kana agdhow madaxtooyada ay u xaqiijiyaan is afgaranwaaga ka dhex qarxay Madaxweynaha iyo ra’isalwasaaraha. Madaxweyne Farmaajo waxuu usoo jeediyay ra’isalwasaare Khayre in uu iscasilo dood dheer kadib,madaama xaalada dalku ka hoosayso maalinkii loo magacabaay booskan,sidoo kale siyaasadii dibada ay ka imaanayaan wajigabaxyo isdaba joog ah. Ra’isalwasaare Khayre wuu ku gacansayray dhaliilaha madaxweynuhu soo jeediyay,waxuuna…
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed islaam iyo wafti uu hogaaminayo ayaa goor dhawayd soo gaaray Dalka Sweden. Madaxweynaha iyo waftigiisa oo kasoo kicitimay Dalka Belgium oo qayb kaga ahaa shirkii looga xaajoonayay amaanka Somaliya. Jaaliyada Jubaland ee dalka Sweden,ayaa soo dhaweynta Madxweynaha iyo waftigiisa door muhiim ah ka qaadatay. Madaxweyne Axmed Madoobe ,aya aku sugnaand oona halkaas maalmaha soo socda waxuna goob joog ka ahaan doonaa shirweynaha jaaliyadaha Jubaland ee Qaarada yirub,kaasoo maalinimada beri ah ka furmi doona dalkaas. Dhanka kale waxaa lagu guulaystay in Dowlada Sweden laga dhaadhiciyo in ay dalkeeda u ogolaato in uu soo galo Madaxweyne Axmed…
Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa markii ugu horeesay ka hadlay shirkii looga hadlayay arimaha Soomaaliya ee ka dhacay dalka Biljamka iyo kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Feysal Cali Waraabe. ”Gudoomiyihii Xisbiga UCID ayaa tagay Bruesless maanan ogeyn mana nagala tashan , waana arin u baahan in dib la isaga arko, amakaag ayey nagu noqotay kulankaas, xataa maanaan ogeyn in uu baxay isaga oo Farmaajo la jooga aragnay dee amakaag bey nagu noqotay” Ayuu yiri Muuse Biixi. Hadaba hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/TNwCbn7hWg4
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/5LI-2FygUdQ
Israa’iil ayaa billaawday duqeymo xooggan oo ay ku bartilmaameedsaneyso xerooyin ciidan oo ku yaalla marinka qaza, kaddib marki askari lagaga dilay rasaas laga soo riday xadka marinka Qaza. Ciidamada Israa’iil ayaa waxay sheegeen asakari inuu kaga dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas dhinaca Falastiin laga soo riday marki ay rabshadaha halkaasi ka soo cusboonaadeen. Saraakiisha ku sugan Qaza ayaa waxay sheegeen iney duqeymahaasi ay ku dhinteen 4 qof oo Falastiini ah, seddex ka mid ahna ay yihiin dableey ka tirsan ururka Xamaas. Ciidamada Israa’iil waxaa ay sheegeen iney duqeymahooda ku beegsadeen 15 goobood oo ay leeyihiin ciidamada…
Maxkamadda Darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka soo muuqday Jaamac Xuseen Xasan oo lagu eedeeyay in muuqaalada uu u duubi jiray Kooxda Daacisho. Eedeeynsane Jaamac ayaa lasoo qabtay sida Ciidamada amniga ay sheegeen asigoo aasayay Miino aga gaarka deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose 18- bishii Abriil ee sanadkaan. Jaamac ayaa sidoo la sheegay in tan iyo sanadkii 2013 kii uu ka mid ahaa kooxaha Al-shabaab iyo Daacisho. Waqti dheer kadib Guddoomiyaha Maxkamdda darajada 1-aad ee ciidamada qalaabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhigii maxkmadda, waxa…
Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay lagu dilay nin lagu magacaabayay Cabi Cali Gareen oo ka mid ahaa Ergadii dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda Hirshabeelle. Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay inay ninkaas ku dileen goob ganacsi uu ku lahaa mid ka mid ah xaafadaha Beledweyne, iyagoo goobta ka baxsaday ragga dilka geystay. Ciidamada ammaanka Beledweyn ayaa la sheegay in wadaan baadigoobka kooxihii dilka ka dambeeyay, waxaana ka socda xaafadaha magaalada howl gallo baaritaano ah. Dilalka loo geysto ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada ayaa muddooyinkii u danbeeyay ka dhacayay…
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax lagu soo xiray gaari yar oo kuwa raaxada kaa oo ku qarxay xili uu marayay degmada Boondheere maal aan wax badan ka fogeyn xarunta Wasaaradda Amniga. Dadka gaarigan la socday ayaa la sheegay in ay ahaayeen Dad isku Qoys ah, waxaana goobta ku dhintay qofkii waday gaariga. Gaariga oo ahaa nooca Fielder waxaa saarnaa oo la socday saddex ruux oo isku Qoys ah oo uu ka mid ahaa marxuumka dhintay, waxaana dadka ku dhaawacmay qaraxa ka mid aheyd Hooyadii oo la saarneyd gaariga. Ninka ku dhintay Qaraxa ayaa lagu…
Alaha u naxariistee waxaa xalay isbitaal ku yaala magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Wariye Yoonis Cali Nuur oo ka mid ahaa wariyeyaasha ugu caansanaa Warbaahinta Soomaalida, isagoo ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho iyo Idaacadda laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da. Yoonis Cali Nuur ayaa muddo dheer saxaafada ku soo jiray, isagoo ka shaqo bilaabay Radio Muqdisho, sidoo kale sanadkii 1983 ku biiray Laanta Afka Soomaaliga BBC-da. Yoonis Cali Nuur ayaa muddo dheer saxaafada ku soo jiray, waxaana lagu tilmaamaa aabayaasha Warbaahinta. Yoonis Cali Nuur waxaa uu dhashay sanadkii 1952, isaga oo ku dhashay deegaanka Arabsiyo…
Guddiga amniga qaranka ee dowladda Federaalka Somalia oo xalay ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa amray in muddo 48 saacacood gudahood lagu furo waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho. Xirnaanshaha waddooyinka ayaa saameyn badan ku yeeshay bulshada ku nool magaalada, waxaana dadka qaarkood ay soo dhaweeyay in waddooyinka loo furo. Waddooyinka xiran ee Muqdisho,ayaa waxaa kamid ahaa sida Soddonka, Maka Al-mukarramma, Afisyooni. Guddigu waxa ay ku amreen Wasaaradaha, Maaliyadda, Gaadiidka, iyo maamulka gobolka Benaadir in ay dib u eegis ku sameeyaan hannaanka isticmaalka waddooyinka caasimadda, iyadoo ay sii kordheen tirada Gaadiidka iyo Bajaajyada ee soo galeysa Gobolka Benaadir.
Iyada oo ay maalmahaan gacanta ka sii baxayo ammaankii Caasimadda Soomaaliya ayaa hadana waxaa soo baxaya in aysan jirin cid lagula xisaabtamo waxaana dhacday:- 1. In labadii ku xigeen ee NISA laga joojiyey shaqadii 2. In uu Agaasimaha NISA oo waddanka ka dhoofay uu hawlihii Haya’dda ku dhaafay nin aan ka tirsanayn Haya’dda. Idilnews waxaa u suurto gashay in ay baaris ku samayso Ninka hawsha loo idmaday oo lagu magacaabo Dr. Cabdullahi Aadan Kulane, Idilnews waxay xaqiijisay in uu yahay Nin ay qaraabo dhaw yihiin madaxweyne Farmaajo,sidoo kale mahan Dhakhtar shahaadada Doctor PHD ee caafimaadkana mahaysto. …
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/wH_nrHCFwIw
Halkan ka daawo muuqaalka 1aad https://youtu.be/GspO5kuXREQ Halkan ka daawo muuqaalka 2aad https://youtu.be/uE6ulJcU6dI
Halkan hoose ka akhriso:-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,ayaa goor dhawayd soo gaaray Dalka Turkiga. Madaxweyne Gaas,ayaa ku hakashadiisa Turkiga waxuu kula kulmay Madaxweynaha Turkiga iyo xubo ka tirsan Xukuumadiisa, Madaxweyne Ordagan iyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxay wada qaateen kulan gaaban oo ku koobnaa isa salaamid iyo is waraysi kooban. Madaxweyne Gaas ayaa kusii jeeda Dalka Kenya caasimadiisa Nayrobi,isagoo uga sii gudbi doona caasimada Puntland ee Garowe. Madaxweyne Gaas,ayaa Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ugu qeyb galay Shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya
Wafti baraalan uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ugu qeyb galay Shir looga hadlaayay arrimaha Soomaaliya . Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/TU1IVr_qRIQ
Wararka ka imaanaya dalka Zambia ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu ansixiyey xubinnada Soomaaliya ee ururka baayacmushtarka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika. Xubnaha ururkaasi ayaa haatan dhan 21 kadib markii sidoo kale uu ku biiray dalka Tunisia. Wafdi ka socday Soomaaliya oo uu hogaaminayo ra’isalwasaare Khayre,ayaa goob joog ka ahaa oo joogay magaalada Lusaka ee Zambia markii la ansixinayey xubinnimada Soomaaliya,hoos ak daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://www.facebook.com/Ibnu.haji.maslax/videos/2140259866002336/
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed islaam oo dib looga celiyay garoonka diyaaradaha Brusel ee dalka Belgium xili uu qorshaynayay in uu usoo kicitimo dalka Sweden. Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa qorshihiisu ahaa in uu ka qaybgalo kulan balaaran oo ay iskugu imaanayaan jaaliyadaha Jubaland ee Qaarada Yurub.. Masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Jubaland oo idilNews ay la xiriirtay,ayaa noo xaqiijiyay baaqashada Madaxweynaha. Sidoo kale Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dowlada Sweden ay diiday soo gelida dalkeeda ee Madaxweyne Axmed Madoobe,iyadoo ka duulaysa eedayn meel sare la gaarsiiyay oo ka dhan ah,taasoo ku aadan iibinta dhuxusha. Madaxweyne Axmed…
Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlayay xalay qaar kamid ah Jaaliyaddaha Puntland ee Qaaradda Yurub oo shir ku qabsaday magaalada Brussels ayaa si aad ah uga hadlay xaaladda gobalka Sool iyo dagaalka looga xoraynayo Soomaaliland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.facebook.com/Shiine.culay/videos/2089165551107445/
Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlayay xalay qaar kamid ah Jaaliyaddaha Puntland ee Qaaradda Yurub oo shir ku qabsaday magaalada Brussels ayaa si aad ah uga hadlay xaaladda gobalka Sool iyo dagaalka looga xoraynayo Soomaaliland. Gaas ayaa caddeeyey in ay ka go`an tahay soo celinta Sool, oo aan ku soo laabaneyn hadalo, ciidamo iyo deeqo la aruursho, balse kusoo laabanaysa talaabo la qaado iyo ilaahay oo lagu kalsoonaado, maadaama uu sheegay in weerar lagu soo qaaday dhankooda. ”Wax la yiraahdo Somaliland majirto,dhul Somaliyed oo ingiriisku ku maysan jiray ayaa jira,sidoo kale Lixdan-kii Calanka la saaray…
Wasiirka warfaafinta dalka Eritrea Yemane Meskel ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo bandhigay sawiirada rakaabkii ugu horreeyay ee soo raaca diyaaradda Itoobiya oo lagu soo dhaweeynaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara. Rakaabka waxaa kamid ah Ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo mas’uuliyiin kale oo uu soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea. ”Maiden commercial flight of Ethiopian Airlines arrives at Asmara International Airport today after interlude of 20 years. Foreign Minister Osman Saleh welcomes former Ethiopian PM and other dignitaries. Passengers on flight include businessmen, artists, journalists/individuals”
Ra’isalwasaare Khayre,ayaa qorshaynaya in uu xilka ka qaado Wasiirka Waxbarashada Dowlada Fadaraalka, Wasiirka waxbarashada oo ay Kheyre yihiin saaxiibbo waqti dheer ayuu rabaa in uuku badelo Goodax Barre oo isagu xildhibaan ah.. Wasiirka Waxbarashada ayuu uwdaa khayre safiirka Somaliya u fadhiyi doona South Africa. Xildhibaan Goodax Barre oo ka mdi ah xildhibaanada sida xooga leh udifaaca kooxda Nabad iyo Nolol,ayaa Wasiir raajiciye ahaa mudooyinkan danbe. Goodax Barre,ayaa lagu tilmaamaa Nin isbadal badan oo hadba meeshii uu markaas dantiisa ka arko si fuddud ugu booda.
Ra’isalwasaare Khayre,ayaa qorshaynaya in uu xilka ka qaado Wasiirka arimaha dibada dowlada Fadraaka Axmed Ciise Cawad. Khayre,ayaa u arka Wasiir Cawad Nin aan miisaan lahayn Puntland-ta uu kasoo jeedana wax tixgalin ah ku dhex lahayn,isla markaana ku guul daraystay in uu isku xiro Puntland iyo Dowlada Fadaraalka ah. Ra’isalwasaare Khayre ayaa qorshaynaya in uu ku badalo Axmed Ciise masuuliyiin kale oo kasoo jeeda Puntland. Ilaa iyo hada waxaa la xaqiijiyay in ay miiska usaaran yihiin siyaasiyiinta kala ah Cali Cabdi Awaare iyo Cabdiqani Orhaye. Si rasmi looma xaqiijin karo maalinta ay soo baxayso wareegtada xilka qaadista…
Amni Xumada sii xoogaysanaysa maalinba maalinta ka danbaysa ee Magaalada Muqdisho,ayaa xeeldheerayaal dhanka amaanka a waxay sheegeen in ay sabab u tahay dhawr arimood oo ubaahan in wax laga qabto,kuwaasoo kala ah:- 1. Haya’adaha amniga oo aan isku meel amar ka qaadan sida NiSa,Police iyo Ciidanka Xasilinta. 2. Ma jiro qorshe midaysan oo Amniga wax looga qabanayo. 3. Wadooyinka magaalada ka soo gala dhinacyada Balcad n Afgooye oo dowladdu 100% gacan ku hayn. Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo,ayaa la daalaa dhacaysa adkaynta amniga Muqdisho. Tan iyo xiligii uu hogaanka dalka la wareegay Madaxweyne Farmaajo ,waxaa…
Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa Talaadadii shalay beddelay hadal uu ka sheegay shir-madaxeedkii magaalada Helinski ee dalka Finland ee dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Madaxweyne Trump ayaa hadda sheegay in uu qaatay macluumaadkii sirdoonka Maraykanka ee ku saabsanaa in Ruushku uu faraha la galay doorashadii Maraykanka ee 2016kii, isaga oo maalin ka horna Madaxweyne Putin ku raacay in Ruushku uuna wax kaalin ah ku lahayn faragalinta doorashadii madaxtinimo ee Maraykanka. Madaxweyne Trump ayaa yiri isaga oo wariyeyaasha kula hadlaya Aqalka Cad “Waxaan ogolaaday gunaanadkii ay bulshadeena sirdoonku ka gaartay in Ruushku uu faraha la galay doorashadii 2016kii. Dad…
Waxaa Maanta lagu soo geba-gabeeyey Magaalada Brussels ee Dalka Belgium shir heer caalami ah oo soconayay 16th ilaa 17th, July, 2018, shirka waxaa kasoo qayb-galey ergo isaga timid 58 dal iyo 6 uru oo caalami ah, shirkaan ayaa daba-socdey shir hore oo gogol-xaar u ahaa kana dhacay Magaalada Mogadishu ee Caasumada Dalka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd 5th, December, 2017. War-murtiyeedka wada-jirka ah ee shirka kasoo baxay ayaa wuxuu ka kooban yahay 81 qodob oo laga gaarey dhinacyada Siyaasadda, Ammaanka, Kobcinta Dhaqaalaha, Kaalmada Gargaarka Aaadanaha, Xaquuqda Insaanka iyo Iskaashiga Ururada iyo Dawladaha, qodobada intooda badan ayaa ku saabsan arimo farsamo iyo…
Shirkii Brussels uga socday Somalida labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa ka soo baxay war murtiyeed ka kooban 82-qodob kuwaas oo ka hadlayey arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo Bini’aadnimada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/G6CEUFd64ew
Qaarkamid xildhibanada Golaha Deegaan Degmada Galkacyo ayaa mooshin ka keenay Duqa degmada Galkacyo Maxamed Yaasiin Tumey. Xildhibanada ayaa sheegay in duqu uu Takri falay qodobo Tastuuri ah. Xildhibaan Ibraahim Jibriil Ciis, ayaa sheegay in qodobo dastuuri ah uu ka takri falay Duqa Degmada Gaalkacyo,isla markaana Duqa degmadda Gaalkacyo Maxamed Yaasiin Tumey kasoo bxii wayay masuuliyadii loo igmaday,hoos ka dhagayso codka Xildhibaanada. Halkan hoose ka dhagayso codka Xildhibaanada Halkan ka daalaco Mooshinka iyo Xildhibaanada keenay
Warar aan ka helayno ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa tibaaxaya in uu jiro kala duwanaan xoog leh oo Madaxweyne Farmaajo iyo ra’isalwasaare Khayre iyo Fahad Yaasiin oo dhinac ah,kaasoo maalinba maalinta kasii danbaysa usii ekaanaya khilaaf. Arimaha laysku diidan yahay ee keenay kala duwanaanshaha usii ekaanaya khilaaf xoog leh oo Dadka siyaasada Muqdisho la socdaa ay ku tilmaamayaan mid aan sii dabool naan doonin,ayaa ukala qaybsan labo arimood,kuwaasoo kala ah:- 1.Khayre iyo Fahad Yaasiin waxay si buuxda u taageereen gacantana ugu galeen dalka Qadar. Madaxweyne Farmaajo arinkaas meel dhexe ka taagan yahay,isla markaana doodiisu ay ku fadhido in…
Ra’isalwasaaraha Dowlada Fadaraalka Somaliya iyo wafti uu hogaaminayo ayaa kusoo wajahan Puntland bishan dhamaadkeeda. Khayre oo hogaaminaya wafti ka kooban Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano ayaa imaan doona Puntland 29-ka bishan. Qorshaha booqashada Khayre ee Puntland ayaa uqaybsan laba qaybood,kuwaasoo kala ah:- 1.Shirka Golaha Wasiirada Fadaraalka ee khamiislaha ah oo Garowe ku qabsoomi doona. 2.Dhagaxdhiga Mashruuca dhismaha Dekeda Garacad ee diyaarka ah laguna sharfay madaxda Fadaraalka in ay goobjoog ka ahaadaan bilaabistiisa. Ra’isalwasaare Khayre iyo waftigiisu waxay safar dhanka dhulka ah ku maridoonaan dhul balaaran oo Puntland ka mid ah. Khayre iyo waftigiisa,ayaa dib ugu…
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa beeniyey inuu wax akhbaaraad ah oo dhaawici kara ka hayo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Putin ayaa wareysi uu siiyey weriye Chris Wallace oo ka tirsan taleefishinka Fox News waxa uu sidoo kale ugu yeeray fikradda ah in Ruushk uu faro-geliyey doorashadii Mareykanka ee 2016 mid nacasnimo ah. “Miyaad rumeysan tahay in qof matalaya Ruushka uu saameyn karo Mareykanka iyo doorashada malaayiin qof oo Mareykan ah” ayuu yiri Putin. Wareysiga oo la sii daayey habeenkii isniinta ayaa waxyar un kadib markii Trump iyo Putin ay ku kulmeen magaalada Helsinki ee dalka Finalnd. Putin ayaa sidoo kale…
Xulka kubadda cagta Faransiiska oo ku guuleystay Koobka Adduunka ee sanadkan 2018 ayaa dib ugu laabtay dalkooda, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Paris. Boqolaal kun oo taageerayaal isugu soo baxay fagaarayaasha waa weyn iyo waddooyinka Paris ayaa soo dhoweeyay geesiyaaasha ciyaartoyda Faransiiska ee u soo hoyay in markii labaad ay ku guuleystaan Koobka Adduunka. Ciyaartoyda oo wajiyadooda farxada ka muuqatay ayaa fagaarayaasha la tagay koobkooda, iyagoo saarnaa gaari bas oo dusha ka furnaa, waxaana ay kor u qaadayeen koobka. Diyaarado ayaa la arkayay oo dul heehaabayay, kuwaasoo sii deynayay calanka Faransiiska, iyadoo ammaanka si aad…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku Sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium,ayaa maanta oo taariikhdu tahay 17 July 2018 kulan gaar ah la qaatay Ambassador ka Sweden Ee Africa Helena Grondahl Rietz. Kulanka uu Madaxweynaha Dawladda Puntland uu laqaatay marwo Helena ayaa waxaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, iyadoo si gaar ah uu kulanku ugu saabsanaa xoojinta xidhiidhka horumarineed ee ka dhexeeya Puntland iyo Sweden. Sidookale kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday xoojinta Mashaariicaha horumarineed ee Dowladda Sweden ay ka caawiso Puntland iyo Sidii layskaga Kaashan lahaa dhicanyada Horumarinta dhaqaalaha, deeqaha iyo ammaanka guud ee…
Nidaam Dowliya oo sal balaaran laysku halayn karo.lagu naaloon karo,laguna faani karo ayaa Puntland ka hanaqaaday. Wax ka yar 20-cisho nidaamka dowliga ah ee Puntland waxuu jirsanayaa 20-sano. 20-kaa sano Puntland waxay gaartay horumar dhinacyo badan leh,marka laga eego gees walba. Puntland waxay horukac ka samaysay dhanka nidaamka Dowliga ah. Puntland waxay horumar ka samaysay dhanka Caafimaadka. Puntland waxay horumar ka samaysay dhanka Waxbaarshada. Puntland waxay horumar ka samaysay dhanka kaabayaasha dhaqaalaha. Puntland waxay horumar ka samaysay dhanka Biyaha macaan. Puntland waxay horumar ka samaysay dhanka amniga. Puntland waxay horumar ka samaysay soo celinta qaranimadii Somaliya. Puntland waxay horumar ka…
Wasiiru Dowladaha maaliyada ee Dowlada Fadaraalka Somaliya Maxamuud Xayir Ibraahim,ayaa sharci daro ku tilmaamay go’aankii Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Beyle uu shaqadii Wasaarada uga sii tagay Wasiir ku xigeenka Maaliyada,iyadoo uu gudaha dalka ku sugan yahay Wasiiru Dowlihii Wasaarada. Wasiir Xayir,ayaa soo saaray Warqad uu ku saxiixan yahay oo uu ku qeexayo sida uu sharcidaro u yahay go’aankaas,,isla markaana uu ku cadaynayo xeer hoosaadka qeexaya habka wada shaqaynta Wasaaradaha Fadaraalka Wasiir Beyle ayaa xiligan ku sugan Dalka Belgium,halkaasoo kaga qaybgalayo shirka caalamiga ah ee loo qabtay Somalida. Hoos ka akhriso warqada kasoo baxday Xaafiiska Wasiiru Dowlaha:-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,ayaa si xoog leh iskaga bari yeelay ,isla markaana iskaga fogeeyay in uu samaynayo mudo kororsi. Madaxweyne Gaas oo la waydiiyay su’aal ahayd waxaa jira warar maantaba shirka lagu soo qaaday oo ah in mudo kororsi uu jiro guud ahaan Somaliya oo xataa Dowlada Fadaraalku xiliga kororsanayso ee adigu makororsanaysaa? ”Warkaas ma umalaynayo in uu jiro mana filayo in uu jiro qof ku fakaraya mudo kororsi,lkn haduu suuqa soo galay waa in laga hadlaa oo meesha laga saaraa,mudo kororsi majiro cid kursiga xoog ku haysan kartaana majirto ninkii raba in uu soo laabtana ha…
Brussels xarunta dalka Belgiumka waxaa maanta lagu soo gaba gabeyn doonaa shirkii arrimaha Soomaaliya.ee shalay sida rasmiga ah ufurmay. Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,ayaa Shirkan ka qeyb galaya ,waxaana ku weheliya Madaxda Dowladda dhexe iyo kuwa dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,Bulshada rayidka,maalgashadaal caalami ah iyo wadamada daneeya arimaha Soomaliya Shirka,ayaa shalay looga xaajooday arrimo fara badan oo la xiriira xaalada Dalka Soomaaliya.isagoo galay maanta qeybtiisii muhiimka ahayd oo uu furay Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Shirkan waxaa barbar socda shir looga hadlayo arimaha ay ka mid yihiin xaalada barakacayaasha,ganacsiga iyo doorka Haweenka ee nidaamka Dowliga…
Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada Puntland ee Gobalka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Maxamuud Diiriye (Geesey),ayaa xilka maanta kala wareegay kaaliyihii xisaabiyihii hore ee is casilay 24kii june Barkhadle Aadan Muuse, kadib markii Musuqmaasuq dartiis ay xilka wasaaradda maaliyadda dawladda Puntland ka joojisay 17-kii june. Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland C/laahi Siciid Caarshe, Maamulka Gobolka Mudug, kan Degmadda Gaalkacyo iyo marti sharaf kale. Xisaabiyaha maanta xilka la wareegay Ismaaciil Cabdinuur Maxamuud Diiriye (Geesey) ayaa ah masuul dhalinyaro ah ooa qoon yahan ah,karti iyo wadaniyad lagu yaqaan, Xisaabiye Geeseey,ayaa xilkan loo magacaabay 04-tii…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Lo9MVoemtkw
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka qayb ka ah madaxda ka qaybgalaysa shirka Somalida ee Belgium,ayaa ka hadlay sanadguurada 20-aad ee Puntland iyo dagaalka Tukaraq. Madaxweyne Gaas waxuu yiri”Puntland waa 20-tan jirsatay guulo la taaban karo ayay gaartay shacab iyo xukuumad-ba ,waxaana urajaynayaa in ay gaari doono 20-ka sano ee danbe ee soo socota horumar ka baaxadw eyn midka ay gaartay 20-kii sano ee lasoo dhaafay” Madaxweyne Gaas oo ka jawaabayay su’aal kale oo la waydiiyay oo ahayd colaada Tukaraq iyo Muuse Biixi,ayaa yiri”Muuse dagaal buu soo qaaday waxuuna u haystaa in uu Xabad wax ku haysan…