Xaflad ballaaran oo lagu daah-furayey adeegga Internetka ee Viber Optic ayaa lagu qabtay magaalada Bosaso, iyadoo ay ka soo qeyb galeen madaxda Shirkadda Golis iyo Bulshada qeybaheeda kale duwan. ..Adeeggan si hufan ayuu u shaqeenayaa, dadweynaha in muddo ah ayey dhegaha u taagayeen, maanta waxaa soo gaarnay waqtigii la daah-furi lahaa, waana daah-furnay ayuu yiri Maareeyaha guud ee Shirkadda Golis Saciid Aadan Axmad. Madaxa suuq geynta Shirkadda Golis Sheekh Fu’aad ayaa sidoo kale ka hadlay goobta, waxa uuna sheegay in mashruucan uu yahay mashruucii ugu qiimaha badnaa ee Soomaali maal geliso oo dalka la keeno. Maanta waxaan…
Author: Jibril Qoobey.
Dhakhtarad sare Faadumo Cali oo si adag u difaacday Haweenka Somaliyed ee ku nool Danmark,kuwaasoo mid kamid ah Tv-yda dalku uu ku xadgudbay barnaamij aan dheelitirnayna ka sameeyay. Faadumo oo maanta waraysi siisay mid kamid ah Tv-yada Denmark ayaa si adag udifaacday haweenka Somaliyed iyo guud ahaan bulshada Somaliyed ee ku dhaqan dalkan Denmark. ”Soomaalida lama mid aha bulshada Turkida iyo Pakistaanta ee u yimid shaqada Denmark,isla markaana watay aqoontooda,Soomaalida waxaa keenay Denmark dhib iyo kasoo qaxid dagaal,kaasoo maskaxdooda gaarsiiyay dhibaato ubaahan kasoo kabasho”ayay tiri Dr.Faadumo.. Faadumo oo hadalkeedii sii wadata ayaa tiri”Marka maaha in TV2 iyo warbaahinta kale, ay…
Faah faahin ayaa ka soo baxaya weeraro toos ah iyo qaraxyo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo Ciidamada ammaanka ay ka hortageen weerar dabley hubeysan doonayeen inay ku qaadaan afaafka hore ee Madaxtooyada. Qaraxyada oo ahaa labo ayaa mid ka mid ah waxuu ka dhacay agagaarka Kayntaroolka banaanka Madaxtooyada, halka qaraxa labaad uu ka dhacay meel baabuurta la dhigto oo ku taal banaanka Hotelka cusub ee Doorbin ex Baar Fiat ama KM-0. Dabley hubeysan oo saarneyd gaari ayaa ka soo gudbay kayntaroolka Sayidka,iyagoo ku dilay askari barta kayntaroolka joogay oo baara gaadiidka wadada mara. Kadib Gaariga ayaa…
Dowlada Jabuti waxay ku dhawaaqday in ay ka baxday heshiiskii ay kula jirtay shirkada Dp World ee maamulida Dekeda Dooraale ee dalkaas. Dowlada Jabuti,ayaa u cuskatay ka bixideeda heshiiskii iyada iyo Dp World xadgudub ka yimid dhanka shirkada. Masuul u hadlay dowlada jabuti ayaa sheegay in shirkadu diiday codsi uga yimid dowlada kaasoo ahaa in dib u eegis lagu sameeyo heshiiska, Dowlada jabuti ayaa maamulkii Dekeda Dooraale ku wareejisay shirkad wadaniya oo boqolkiiba boqol ay leedahay dowladu,sidoo kale waxay cadaysay in ay ucelin doonto shirkada Dp World waxii hantiya ee ay xaq uyeelato. Hadaba markii dib…
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay wadahadalada u dhaxeeya Dowlada fedraalka Somaliya iyo maamulka Somaliland. ”Anigu waxaan ahay shaqsi utaagan midnimo waxaana ku matalaa dowlada dadka reer Somaliland hadii marka lagu khiyaamo Somaliland wadahadalada waan ka tagi doonaa dowlada’ayuu yiri Maareeye. Maareeye ayaa ka dalbaday dowlada fadaraalka ah in ay guul ka gaarto wada hadalada ,isla markaana ay iska ilaaliso in wada xaajoodkaas uu gacmaheeda ku burburo waa sida uu hadalka u dhigay Wasiir Maareeye. Hadalka Maareeye ayaa ah mid adag oo aan looga baran siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland…
Dalka Jabuuti waxaa saaka looga dareeray goobaha codbixinta iyadoo dadweynuhu ay soo dooran doonaan baarlamaanka waddankaasi oo ka kooban 65-xubnood. Kuraasta baarlamaanka 10 kursi mooye inta kale waxaa heysta isbahaysiga talada dalka Jabuti haya ee MRD. Wararkii ugu dambeeyey ee furitaanka goobaha codbixinta kala soco Idil News goor dhow.
Madaxweyne ku xigeenkii kilinka Oromada Mr Dr Abiyyi Ahimad,ayaa loo doortey in uu noqdo gudoomiyaha xisbiga Oromada Ee OBDO . Masuulkan ayaa waxaa muuqata in uu noqon doono musharaxa Oromada ee xaafiiska ra’isalwasaaraha itoobiya iyo gudoomiyaha xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee EPRDF. Mr Dr Abiyyi Ahimad ayaa horey uga tirsanaa Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ka hor intii aanu noqon madaxweyne ku xigeenka Kilinka Oromada. Dr.Abiyyi ee maanta loo doortay gudoomiyaha xisbiga muhiimka ah ee Oromada bah wadaagtana la’ah Xisbiga EPRDF ee talada dalka itoobiya haya,ayaa ah Nin Muslim ah. Doorashada raysal-wasaaraha cusub waxaa ka haray maalmo walina waxaa socda shirarka…
Warbixin gaaban oo uu mid ka mid ah telefishinada dalka Denmark ka sameeyey kulan ay lahaayeen haweenka Soomaaliyeed ee degmada Odense ee dalkaasi, ayaa dhaliyey hadalhayn badan oo ay qayb ka noqdeen siyaasiyiinta dalkaasi oo uu Raysal Wasaaruhu ka mid ahaa. Telefishankan ayaa su’aalo weydiiyey haweenka qaar, hasa ahaatee ay jawaabtoodi noqotey mid ka mid ah sheekooyinki qabsadey warbaahinta dalkaas maalmahaan. Somalida kale ee dalka danmark ku nool ayaa dareen xoog leh oo falcelin ah ka bixiyay arintaas. Somaida ayaa dhacdadan iska fogeeyay waxayna dhalinyaro badan oo wax ku baratay dalkan isla markaana shaqaysta soo bandhigeen doorkooda. Hadaba hoos ka…
It is not surprising that after three years in office – three years of famine, violence, and serious political and social instability – Ethiopian Prime Minister Hailemariam Desalegn has resigned, effective with the swearing-in of his replacement within a few weeks. The regime has also announced a six-month “state of emergency,” under which political and press freedoms are severely curtailed. What do these developments mean for the Ethiopian people? During his tenure, Desalegn appeared to be without viable solutions for the issues facing the Ethiopian people. On the other hand, he did arrange to release a large number of political prisoners…
Shir qaatay mudo sadex cisho ah ayaa maanta kusoo gabagaboobay Magaalada kismaayo. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah wasaaradaha Jubbaland, saraakiisha ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka Somaliyed, saraakiil ka socotay AMISOM iyo madax ka socotay Qaramada Midoobay. Madaxweyne kuxigeenka Jubaland oo qodobadii kasoo baxay saxaafada u akhriyay,ayaa sheegay in mudadii uu shirku socday laga doodayay qorshaha howlgallo la filayo in ay ka bilowdaan guud ahaan dalka, gaar ahaan deegaanada Jubooyinka. Maxamuud sayid Aadan Madaxweyne kux igeenka Jubaland,ayaa sidoo kale sheegay in shirka looga xaajooday sida ay u wada shaqeyn doonaan ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM,…
Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa cafis ufidiyay in kabadan 1500 oo maxaabiis dhaqancelin ugu jirtay xarunta dhexe ee dhaqan toosinta DDSI kuwaas oo isugu jiray nabadiid iyo kuwo galay danbiyo kala duwan kadib markuu gudiga cafiska heer deegaan xaqiijiyay inay saxmeen islamarkaana uu gudigu hordhigay madaxwaynaha DDSI. Sidaasna uu madaxwaynuhuna qalinka ugu duugay. Dhinaca kale maxaabiista heer federaal ku xidhan waxay isugu jiraan laba qaybood:- 1. Kuwo ay maxkamadaha heer deegaan xukumeen oo adaraa ahaan loo geeyay heer federal cafiskooduna uu ku xidhan yahay gudiga cafiska heer deegaan. Iyo kuwo ay maxkamadaha federaalku xukumeen oo kuxidhan heer federaal.…
London Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya laba wiil oo Soomaali ah oo xalay fiidkii siyaasabo kala duwan loogu dilay magaalada London ee dalka Ingiriiska, halka mid kalena lagu dhaawacay. Labada wiil ayaa waxaa lagu dilay laba xaafad oo ka mid ah xaafadaha ku yaalla London, iyada oo dilkooda loo adeegsaday Mindi, sida ay sheegeen Soomaalida halkaasi ku dhaqan. Dhalinyaradan Soomaalida ah ayaa Da’ahaan waxaa lagu qiyaasay in ay u dhaxeeyaan 18-sano ilaa 20-sano, waxaana sawirro laga soo qaaday ay muujinayeen jirkooda oo ku yaalla Mindida dilkooda loo adeegsaday. Booliska magaalada London ayaa gaaray goobta ay dilalka ka dhaceen,…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/6JK9Z5BPgPk
Dalka Itoobiya waxaa ka jira guux siyaasadeed oo muddo soo jiitamayey, heerar kala duwanna soo marey. Kacdoon dadweyne oo keenay xukunka deg-dega ah in lagu soo rogo dalka kaasoo markii danbe laga gaaray is-afgarad maxaabiis siyaasaddeed oo mucaarad ah muddo dheerna xirnaa in xabsiga laga sii daayo. Waxaa xigey, iscasilaadi raysul wasaarihi dalka,islamarkaasna ahaa hoggaamiyihii xisbiga talada dalka haya ee EPDRF. Dhanka kale waxaa socda wadahadalo udhaxeeya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo jabhada ONLF oo Nayroobi Kenya ka socday,kuwaasoo ay kasoo baxeen is afgarad ah in lasii wado wada xaajoodka bisha April ee sanadkana layskugu soo laabto wareeg kale oo…
Halkan ka daawo muuqaalka
2016 Munich security meeting Somaliya waxaa ku metelayay Madaxweyne Xassan Shiikh. Nasiib darada dhacday ayaa ah in Sanadaha 2017 iyo 2018 uu ku metelay Somaliya shirkaas wakiilka qaramada midoobey michael Keating. Dowlada Fadaraalka Somaliya ayaa lumisay doorkaas muhiimka ah waxayna wararku sheegayaan in dowladu wakiilatay wakiilka qaramada midoobey ee somaliya. Majirto wax faahfaahina oo ay dowlada fadaraalka Somaliya ay ka bixisay arintan ilaa iyo hada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaa soo baxaya xogo dheeriya oo sheegaya in uu jiro heshiis shidaal baaris ah. Heshiiskaas waxa qayb ka ah shirkado shidaal oo caalamiya iyo dowlado ay ka mid yihiin Qadar iyo Kenya. Ra’isalwasaare khayre ayaa heshiiskan la galay shirakadahaas. Xilka qaadistii Wasiir Juxaa ayaa wararku waxay tilmaamayaan in uu lugta la galay heshiiskaas shidaal baarista ah. Juxaa,ayaa eersaday booqashadisii xuduuda Somaliya iyo Kenya ee muranku ka taagnaa waxaana wararku sheegayaan in muranka xuduudu uu qayb ka yahay heshiiska shidaal baarista ee uu saxiixay Rw Khayre. Dhanka kale waxaa Puntland ku sugan Wasiirka shidaalka dowlada Fadaraalka oo horay usoo raacay waftigii…
Wasiirka maaliyadda ee Dowlada Fadaraalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in qaadista canshuurta iibka ee alaabooyinka jumlada ah ay muhiim u tahay shaqada dawladda iyo dhismaha kalsoonida lagu qabi karo dawladda. Beyle ayaa sheegay in dawladdu ay ka shaqaynayso midaynta guud ahaan canshuuraha dalka, shirar arrintaas khuseeyana ay socdaan. Canshuurta iibka ee ay dhowaan soo rogtay dawladda ayaa waxaa ka ka hor-yimid ganacsatada magaalada mqudisho oo ku dooday in ay badan tahay, waxayna ganacsatadu sameeyeen shaqo joojin iyaga oo xiray goobihii ganacsiga suuqa Bakaaraha labadii maalmood ee lasoo dhaafay. ”Lacagta laga doonayo ganacsatada waa waajib dawli ah oo…
Hakan Çavuşoğlu,waxaa uu booqashadiisa Afrika ka soo billaabayaa dalka Suudaan halkaas oo uu kula kulmayo dhiggiisa Suudaan, Bakri Xasan Saalax. Ra’isul Wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa dalka Suudaan xarigga ka jari doona dhismayaasha laba Masaajid,Kastamada Canshuuraha oo Dowladda Turkiga dayactirtay. Labada Masaajid oo kala ah Al Xanafi iyo Al Shaafici, kuwaas oo ay dhistay Dowladda Cusmaaniyiinta,waxaana hadda dayactir ku sameysay Hay’adda TIKA ee Turkiga. Sidoo kale waxaa uu booqan doonaa Jasiiradda Suakin oo dhawaan Suudaan ku wareejisay Turkigamtaas oo 261 Mayl uun u jirta Magaalada Jeddah oo ah tan labaad ee ugu weyn Sacuudiga,halkaas oo dowladdii Cusmaaniyiinta ay ka difaaci…
Socdaalkii ugu horeeyey ee rasmi ah ayuu Ra’iisal wasaaaraha Canada Justin Trudeau ku marayaa dalka Hindiya, balse lama uusan kulmin soo dhaweyn diiran, taasoo aad uga duwan safarradii kale ee ku tagay dalal badan. Inkastoo isaga iyo qoyskiisa ay heleen fursado ay ku booqdaan goobo taariikhi ah kuna galaan sawirro sida taalada Taj Mahal, haddana madaxda ugu sareysa ee Hindiya soo dhaweyn uma sameynin mas’uulkan. Markii uu yimid caasimadda dalka ee Delhi, waxaa ku qaabilay garoonka diyaaradaha wasiir darajadiisu hooseyso, taasoo loo fasirtay liidnimo. Dhanka kale ra’isalwasaaraha Hindiya ayaa maqnaa markii uu Trudeau booqashada ku tagay gobolka Gujarat ee uu…
Dowladda Fadaraalka Soomaaliya, ayaa maanta magacowdey taliyayaasha booliska, nabad-sugidda iyo asluubta, kadib kulan ay golaha wasiirada Muqdisho ku yeesheen. Taliyaha ciidanka booliiska ayaa loo magagacaabay Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed oo horey u ahaa taliye xigeenka booliiska, Talyaha asluubta ayaa loo magacaabay Jenerala Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe, oo horey xilkaasi mar u soo qabtay, ka hor inta aaney isla dowladdan xilka ka qaadin sanad ka hor, Agaaismaha nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka,ayaa loo magacaabay Xuseen Cismaan Xuseen, oo hore u soo noqday wasiir ku xigeennada ammaanka iyo caafimadka. Xuseen, sidoo kale waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka fadaraalka Soomaaliya xiligan Haddaba, taliyayaashan…
Waxaa dhawaan ka furmi doona Jabuti kulamo dhexmari doona dowlada Fadaraalka iyo Maamulka Somaliland. Kulamadan waxaa soo qabanqaabiyay sida xogaha hoose sheegayaan Madaxweynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle,ka gadaal markii uu sidaa ka codsaday Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi. Sidoo kale waxaa fududaynaya kulamadan Hay’ad laga leeyahay dalka Swizerland oo lagu magacaabo ‘Centre for Humanitarian Dialogeu’HD. ,. Somaliland ayay muhiimad weyn uleeyihiin wada hadalada,iyagoo u arka wadada kaliya ee maanta ufuran oo ay ku maarayn karaan mustaqbalkooda kuna jihayn karaan shacabkooda niyada jabsan. Dowlada Fadaraalka ah waxaa kulankan in ay ka qaybgasho cadaadis ku saaraya,beesha caalamka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland…
Waxaa amaan buuxa ka jiraa guud ahaan dalka Itoobiya iscasilaadii RW Desale kadib. Majirto habayaratee wax xiisad ah oo ka taagan waxayna Ciidamada amaanka qaybahooda kala duwan si adag gacanta ugu qabteen amaanka dalka xiligan dib usixidu socoto. Waxaa socda shirar isdabada joog ah oo looga tashanayo cida badali doonta Desale. Qowmiyada Tigreega ee iyagu ah awooda rasmiga ah ee gacanta ku haysa dalka,ayaa banaanka iska istaajiyay loolanka cida badali doonta Rw Desale waxayna ugaar yeeleen Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada si kale markii loo dhigo Tigreegu waxay dhigteen barkin dheer iyagooona usheegay Amxaarada iyo Oromada in ay iska soo dhex…
Magaalada Bossaso, waxaa maanta lagu guuleystay in la gaaro oo rarka laga dajiyo dooni ku caariday meel u dhow dekedda Bossaso. Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaa canshuur dhaaf u sameeyay xamuulka saaran doonidan oo muddo 9 cisho ah ku caarisanayd xeebaha Boosaaso,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/nOIN9rv35T0
Golaha wasiirada Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dalka la gelinayo muddo seddex bilood, taas oo isla maantaba billaabatay. Warkan, ayaa laga sii daayay idaacadda afka dowladda ku hadasha. Warka uu goluhu soo saaray ayaa lagu sheegey in arrintani looga gol leeyahay sidii loo ilaalin lahaa dastuurka, nabad galyada iyo xasilloonida dalka Itoobiya. Waxa sidoo kale lagu caddeeyay warka in xaaladdani deg degga ah ee la geliyay Itoobiya ay sidoo kale sababteeda laheyd qalalaasihii qowmiyadaha qaar u dhaxeeyay ee Itoobiya ka dhacay, kuwas oo sababay dhimashada dad rayid ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan…
Miyeey soo laaban doonaan? Asalaamu calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatuhu. Salaan dabadeed aan kula wadaago nuqulkan aan diirada ku saari doono suurta galnimada dib u noqoshada noolaha hoygiisii ka hayaamay. Noolaha oo dhan ayaa caan ku ah hadba in uu ka fakado halka uu ka waayo cunto, biyo, iyo badbaado. Mararka qaar ayey noolayaashu socdaalaan, waliba socdaal dheer iyaga oo raadinaya biyo, xilliga abaaraha, laakiin haddii dhulkoodii uu roobsado waxa ay noolayaashu caan ku yihiin in ay dib ugu soo laabtaan halkii ay ka hayaameen. Waa tan aan soomaalideennii hore dhaxalka uga helnay “lama huraan waa cawska jiilaal”. Sidaas…
Deegaanka Meegaagle waxaa maanta heshiis dhaxal gal ah ku kala Saxiixday Beel weynta Cumar maxamuud iyo Baharasame oo mudo Sanado ah ku dagaalamayay deegaanka Cagaare. Beelahan ayaa heshiis kooda waxaa qayb laxaad leh ka qaatay Isimada Dhaqanka Puntland oo isaga kala yimid Gobolada Puntland Waxaana shirkan fududaysay qabsoomidiisa Dowlada Puntland . Dhanka Amnigana waxaa sugayay Ciidamada Dowlad deegaanka Itoobiya. AKHRISO QODOBADII KA SOO BAXAY SHIRKA:- 1-In labada dhinac ay nabadda wada qaataan 2-In muddo saddex sano ah magta ah lagu bixiyo 3-In sanadka ugu horeeya labixiyo 33 4-Sanadka labaad waxaa la bixinayaa…
Hayle Mariam Desalegn Ra’isalwasaaraha maanta iscasilay ayaa ahaa Injineer dhanka Biyaha ah,waxuuna sidoo kale soo noqday Macalin Jaamacada Awaasa. Desale waxuu uxuubsiibtay Siyaasi,isagoo markii ugu horaysay kasoo fuulay salaanka Deegaanka Qowmiyadiisa oo uu kasoo noqday Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Shucuubta Koonfureed ee itoobiya. kadib wuxuu kaloo soo noqday Ra’iisal wasaare ku xigeen iyo Wasiirka arrimaha dibada iyo ku xigeen-ka Xisbiga talada haya ee EPRDF xiligii Melles Sanawi. Dhimashadii Meles Zenawi kadib wuxuu noqday Gudoomiyaha Xisbiga talada haya ee EPRDF iyo Ra’isalwasaare Kmg-ah. Desale kadib doorashadii dhacday xiligii Kmg ahayd waxuu noqday Ra’iisalwasaraha rasmiga ah ee itoobiya. …
Doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya oo maanta ka dhacday magaalaad Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland ayaa waxaa ku guuleystay Maxamuud C/llaahi Siraaji oo la dhashey Wasiirkii ee howlaha guud Cabaas Siraaji. Waxaa uu heley Maxamuud C/llahi Shiikh Siraaji codad gaaraya 50-cod, taasi oo fursad u siisay in uu ku guuleysto buuxinta kursigaasi ka bannaanaa Golaha shacabka. Waxaa kursigaasi kula tartantay Gabar lagu magacaabo Fardowso Xuseen Maxamed oo aan helin wax cod ah,iyadoo mid kamid ah codadkii la dhiibtay uu halaabay. Fardowso Xuseen Maxamed ayaa sheegtay in ay aqbashay qaabka ay u…
Ganacsatada Gobolkaan Banaadir ayaa kala qeyb samay kadib kulankii reysul wasaaraha xukumada fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu la yeeshay. Kulankaas oo leysku mari waayay kuna soo dhamaaday natiijo la`aan kadib waxaa la sheegay in laka fur furay ganacsatadii qaar hadda ay taageersan yihiin reysul wasaaraha qaarka kalane wali ay ku taagan yihiin go`aan kii hore. Mudooyinkaan dambe waxaa hakad ku jira shaqada Dekada magaalada muqdisho oo aan u socon sidii loogu talo galay kadib markii ganacsatada gobolka Banaadir ay joojiyaan in ay la baxaan Badeecadaha uga jira gudaha Dekada, iskaba daa in mid cusub keenaane taasi oo…
Madaxad caddaalada ee dalka Koonfur Afrika, Mogoeng Mogoeng ayaa xilka madaxweynaha ee dalka Koonfur Afrika u dhaariyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi, imikana ah madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa. Barlamaanka dalka Koonfur Afrika oo kullan ku yeeshay magaalada Cape Town ayaa Cyril Ramaphosa u doortay inuu noqdo madaxweynaha dalkaasi. Mr Mogoeng Mogoeng ayaa maanta ku dhawaaqay in Ramaphosa loo doortay madaxweynaha dalka, iyadoo aysan jirin cid kula loollantay kursiga. Ramaphosa oo madaxweyne ku xigeen ah ayaa sida uu sharcigu qaba noqonaya madaxweyne ku xigeen marka uu madaxweynuhu xilka baneeyo. Wuxuu xilkan sii hayn doonaa ilaa…
Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay wada hadal u dhaxeeyay ONLF iyo Itoobiya. Shirkaasi ayay dhinacyadu isku afgarteen sii wadista wadahadallada, inkastoo aanu jirin heshiis la saxiixday. Wariyaha laanta afka Somaliga ee VOA Yaasiin Ciise Wardheere ayaa arritan ka wareystay, guddoomiyaha Gaarisa, Cali Bunow Qorane oo ka mid ahaa xubnihii dhexdhexaadinta,hoos ka dhagayso codka. Halkan hoose ka dhagayso codka Gudoomiyaha
Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa iscasilay, sida laga baahiyay telefishinka qaranka Itoobiya. Ilaa iyo haatan lama sheegin sababta ka dambaysa is casilaadiisa. Hailemariam Desalegn ayaa sidoo kale la sheegay in uu iska casilay gudoomiyanimadii xisbiga haya talada dalkaasi ee People’s Revolutionary Democratic Front. Iscasilaadiisa ayaa ku soo beegmaysa ka dib muddo bilooyiin ah oo ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeeday. Dibadbaxyada ayaa intooda badan ka socday gobolada Oramada iyo Amxaarada. Dibadbaxyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa ku dhintay 10 qof tira kaalana waay ku dhaawacmeen. Wariyaha BBC Emmanuel Igunza, oo…
Hogaamiyaha ku fashilmay talada Puntland Marxuum Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu soo laabtay caaismada Puntland ee Garowe,ayaa ka hadlay arimo dhawr ah. Madaxweyne Gaas arimaha uu ka hadlay waxa ugu muhiimsanaa safarksii Muqdisho iyo waxii kasoo baxay shirarkii uu halkaas ku galay. Sidoo kale Madaxweyne Gaas,ayaa wax laga waydiiyay xaalada Tukaraq,isagoo ka hadlaya arinkaas waxuu yiri. “Dastuurka dalka ayaa na faray in aan difaacno xaduudaha,hadda anagu shacabka warkooda kuma shaqeyno,dowladuna kuma shaqeyso”hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/k-Cr-47agPc
NAIROBI : WAXAA MADASHA SHIRKA LAGU DHEXDHEXAADINAYO O.N.L.F. & DOWLADDA FEDERAALKA EE ETHIOIPIA SOO GAARAY MADAXWEYNE SAYID AXMEED SHEEKH MAXAMAD ISLAAM; SHIRKAN WUXUU DABA SOCDAA SHIRAR HORE OO KA SOO QABSOOMAY LONDON,NAIROBI,DUBAI,STOCKHOLM,WUXUUNA MADAXA LA GALAY SANNADKII LIXAAD. WAXAA SHIRKA KA QEYBGALAYA WAFDI KA SOCDA DOWLADDA FEDERAALKA EE ETHIOPIA OO UU HOGGAAMINAYO MADAXWEYNE CABDI MAXAMUUD CUMAR, HALKA WAFDIGA O.N.L.F. UU HOGGAAMINAYO U QEYBSANAHA ARRIMAHA DIBADDA MUDANE CABDIRAXMAAN MAXAMAD SHEEKH MAHDI; WAXAANA DHEXDHEXAADINAYA GOGOSHANA LAHAA GUUD AHAAN SIYAASIYIINTA GOBOLKA WAQOOYI BARI EE KENYA GAAR AHAAN GOVERNARKA GARISSA MUDANE CALI QORANE BUNOW,SENATOR MAXAMAD YUUSUF XAAJI,MUDANE YUUSUF XASAN CABDI. …
Wasiirka arimaha dibada dowlada fadaraalka Somaliya mudane Cawad oo waraysi siinaya Tv-ga SomaliCable iyo wariye Cabdixakiin cabdi ismaaciil,ayaa ka hadlay arimo dhawr ah oo muhiim ah. Arimaha ugu waa weyn ee uu wasiirka arimaha dibada Somaliya uu faahfaahiyay ama ka hadlay waxaa ugu horeeyay wada xaajood uu horay u sheegay wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland Sacad Cali Shire in uu dhexmaray isaga iyo Wasiir Cawad. Wasiir Cawad ayaa yiri”Ma jirin wax wada xaajood rasmi ah oo na dhexmaray aniga iyo Sacad Cali Shire kaliya waxaa na dhexmaray salaan lama oran karo taas wadaxaajood” Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri Wasiir…
Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Canshuur dheeraad ah kusoo rogtay ganacsatada gobolka Banaadir, waxa ayna ganacsatada ka cabanayaan in aan si siman canshuurta looga qaadin dhamaan ganacsaada dalka. Dekadda magaalada Muqdisho ayaan wax dhaq dhaqaaq ah ka jirin muddo Todobaad ah kaddib markii Ganacsatada Gobolka Banaadir ee Dekadda wax kasoo degsata lagu soo rogay canshuur dheeraad ah. Wasiir Beyle ayaa Sheegay in Canshuurta sideeda ahaaneyso, Ayna la Fariisanayaan Ganacsatada gobalka Banaadir, Wasiir C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku doodaya in dalkasta ay dadkiisa Canshurta bixiyaan sidaas darteedna Ganacsatada Soomaaliyeed looga baahanyahay iin ay canshuurta bixiyaan. Wasiirka ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed…
Iyadoo uu ka socdo nayrobi caasimada dalka Kenya wada xaajoodka u dhaxeeya Dowlada Itoobiya iyo jamhada xoraynta Ogaden ee ONLF,ayaa waxaa ka hadlay wada xaajooodkaas Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka kenya Faarax Macalin Dawaare. Faarax Macalin ayaa aad uga soo horjeentay wada xaajoodkaas kuna tilmaamay khiyaamo weyn oo loosoo maleegay ONLF. ”ONLF way fiicnaayeen ways oo halgameen,balse waxay noqdeen Ninkii Boqolka soomay ee bakhtiga ku afuray,maantoo itoobiya burburayso in lagu danaysto ma ahayn in ay aqbalaan” Hadaba hoos ka daawo Faarax Macalin oo ka hadlaya arinkaas. …
Madaxwaynaha Suudaan ayaa bedelay Madaxa sirdoonks iyo Ammaanka, Qaranka sudan wakaaladda wararka ee SUNA ayaa Axaddii sheegtay, in dib loo soo celiyo sarkaal sare oo hore uga tirsanaa ciidanka sirdoonka sudan dawladaha reer galbeedka isku fiican yihiin Sarkaalka ayaa la yiraah Salah Abdallah Mohamed Salih, oo sidoo kale loo yaqaan Salah Gosh, oo madax ka ahaa Adeegga Amniga Qaranka (NISS) intii u dhaxaysay 2004 iyo 2009, ayaa dib loo soo celiyay, isaga oo beddelay Maxamed Atta al-Moula, oo ahaa madaxa sirdoonka sudaan ilaa sannadkii 2009. Salah godh oo ahaan jiray taliyihii hore ee hay’adda sirdoonka Qaranka Suudaan ayaa…
Madaxda dowladda federaalka oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleedyada dalka oo afartii maalmood ee la dhaafay shir uga socday Muqdisho ayaa heshiis ka gaaray qaabka loo qaybsanayo dakhliga ka soo xarooda ruqsadaha la siiyo shirkadaha ajnebiga ah ee ka kalluumaysta xeebaha Soomaaliya. Halkan Ka Akhriso Qodobada Lagu Heshiiyay HOR-DHAC Annagoo tixgelineyna baahida weyn ee loo qabo ilaalilnta, maareeynta iyo in si joogta ah looga faaiideysto kheyraadka kalluunka badda. Annagoo aqoonsan muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalku ay heshiis ka gaaraan dakhliga Kalluumeysiga. Markaan aragnay baahida loo qabo…
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay munaasabada kana jeediyey khudbad taariikhi ah ayaa ka hadlay arimaha soomaaliya iyo waxyaabihii looga hadlay shirkii madasha amniga qaranka ee 10 bishaan lagu soo gabo-gabeeyey Muqdisho ayaa yiri , ” aad iyo aad ayaan uga mahadcelinaynaa cashadaan sharafta badan ee uu nagu casuumay saaxiibkay Cabdiraxmaan cumar cisman gudoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo intiina ka soo qayb gashay fanaaniinta murtida iyo madadaalada halkaan ka soo jeedisay , wax badan meeshaan ka oron maayo lkn waxaan ku faraxsanahay in aan caawa arkano fanaaniinteenii Nakruuma iyo Hibo, aragtidooda iyo imaatinkoodu wuxuu leeyahay dhadhan kaas oo…
Maxkamada Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ, ayaa dhawaantan u dooratay in uu muddo seddax sano ah madaxweyne ka noqdo garsoore Soomaaliyeed, kaas oo lagu magacaabo Cabdul-Qawi Axmed Yuusuf. Wareysi gaar ah ayuu siiyay idaacadda VOA. Wariye Sahra Cabdi Axmed, oo ka tirsan laanta afka Somaliga ee VOA,ayaa waraysi la yeelatay,hoos ka dhagayso codka. Halkan hoose ka dhagayso codka oo faahfaahsan
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/2NdepcuZkzo
Dib u eegista Distuurka waa arrin muhiima una baahan in distuurka loo qaabeeyo hab ku salaysan rabitaanka ummadda Soomaaliyeed kana tarjumaya habka Federaaliga ah ee ku salaysan in awooda maamulka dalka hoos laga soo dhiso distuurkana lagu qeexo sida hawlaha loo kala leeyahay, heer Dawlad Dhexe iyo heer Dawlad Goboleed. Sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in dadka hogaaminaya heerka Dawlad Dhexe iyo heerka Dawlad Goboleedkaba ay yihiin dad sharciga aqoon u leh isla markaana aaminsan hirgelinta iyo ku dhaqanka habka Federaaliga ah. Khaasatan dhinaca Dawlad Goboleeyada waxaa looga baahan yahay in shakhsiga ama shakhsiyaadka hogaaminayaa noqdaan kuwa leh aqoon…
Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo HooyoCaasho Aadan Warsame Islaan oo saacado ka hor ku geeriyootay Garowe. Bahda Idil News waxay Tacsi tiiraanyo leh udirayaan Jibril Qoobey iyo xaaskiisa idil Keenadiid ,sidoo kale waxay tacsi gaarsiinayaan Ilmo Xasan Cismaan Keenadiid iyo Guud ahaan ehelkoo idil. Waxaan leenahay samir iyo imaan rabi haka siiyo.iyadana janadii haka waraabiyo..
Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ay iskugu yimaadeen siyaasiyiin, xildhibaanno hore, odayaal waxgarad, haween iyo dhalinyaro ka soo jeeda Jubbaland, Kulankaas ayaa looga xaajooday xaalka Deegaamada jubaland ee xiligan ay ka jiraan xaaladu kacsanaan ah oo looga soo horjeedo Madaxweyne Axmed Maxamed islaam. Hadaba Kulanak ayaa laga soo saaray baaq lagu codsanayo in isbadal maamul uu si sharci ah uga dhaco jubaland.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/QNo-0ju8gsU
Waxaa caawa si rasmi ah u soo gabagaboobay Shirkii amniga ee madaxda dowlada Fadaraalka iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka Somaliya. Shirkan ayaa dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Muqdisho,iyadoo qorshuhu ahaa in lasoo gabagabeeyo maalinkii shalay ahaa balse arimaha qaar oo aan laysku raacin ay dib urideen. Shirkan ayaa qodobada kasoo baxay ee ay madaxdu isku raaceen waxaa ugu waa weynaa.. A.Dhaqan gelinta dhismaha ciidamada qaranka. B. Wadaaga kheyraadka dalka C.Dib U’eegista Dastuurka, E.Hanaanka doorasho ee hal qof iyo hal cod ee la rejeynayo in dalka ka dhacdo sanadka 2020.
Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in ay dib ufurmayaan wadahadalladii kala dhaxeeyay dowladda federalka ah ee Soomaaliya. Shire oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu jiro qoshe shir furitaan u ah ambaqaadka wada hadallada labada dhinac, kaas oo ka dhici doono dalka Jabuuti, ayna isku arki doonaan Madaxweynaha dowlada fadaraalka iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi. Weli dowladda Fadaraalka Soomaaliya kama hadal wada hadalladan uu wasiirk araimaha dibada Somaliland ka dhawaajiyay iyo kulan uu horey u sheegey in isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda dowlada Fadaraalka Soomaaliya ay Addis Ababa…
Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay seddex qof iyo seddex shirkadood oo lagu eedeynayo inay taageeraan kooxda isku magacowdey Dowladda Islaamiga ah ee ISIS. Shirkadahan iyo dadkan oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Filibbiin iyo Turkey, ayaa lagu eedeyay in uu xiriir ganacsi dhex maray kooxda iyo iyaga. Ganacsatada xayiraaddan lagu soo rogay waxaa ka mid ah, Maxamed Mire Cali Yuusuf, oo war-saxaafadeedka ay dawladda Maraykanku soo saartay lagu sheegay in shirkadihiisa Liibaan Trading iyo Al Mutafaq Company ay taageeraan garabka Daacish ee Soomaaliya. Waraysi ay la yeelatay laanta Afka Somaliga ee VOA Ganacsade Mire,ayuu…
Xarunta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegaya in xarunta Maxkamada ay ka bilaabatay dhageysiga Kiis dil ah oo la xariira dilkii dhawaan Magaalada Muqdisho loogu geystay Taliye Ku xigeenkii hore ee ciidanka badda Soomaaliya Saciid Aadan Yuusuf (Siciid Mariino). Dilkaas ayaa waxaa geystay Gaashaale sare Cabdinaasir Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya, islamarkaana Saciid Mariino ku dhex dilay Xafiiskisa bishii aan ka soo gudubnay ee sanadkaan. Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku sugan xarunta Maxkamadda kuwaa soo dhageysanaya sidda ay u socota Maxkamadeynta eedeysanaha. Maxkamadeyntan ayaa ku soo beegmeysa,iyadoo maanta ay…
Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay seddex qof iyo seddex shirkadood oo lagu eedeynayo inay taageeraan kooxda isku magacowdey Dowladda Islaamiga ah ee ISIS. Shirkadahan iyo dadkan oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Filibbiin iyo Turkey, ayaa lagu eedeyay in uu xiriir ganacsi dhex maray kooxda iyo iyaga. Waaxda lacagaha Mareykanka, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay Abdulpatta Escalon Abubakar, oo lagu eedeyay inuu dhaqaale iyo agabba ugu deeqay kooxda ISIS ee dalka Filibbiin. Waxa sidoo kale cuna-qabateyn lagu soo rogey Yunus Emre Sakarya iyo shirkaddiisa Profesyoneller Elektronik ee…
Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa markii ugu horaysay waxaa ay Su,aallo toos ah waydiinaysay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo,waxaana uu kaga hadlayaa waxyaabo badan iyadoo uu ka jawaabyo Su,aallo badan oo aysoo waydiinayan shacabka Soomaaliyeed,arrimaha uu ka hadlay ee wax laga waydiiyey waxaa kamid ah arrinta kiiskii Qalbi-dhagax oo Dowladda Soomaaliya ay itoobiya ku wareejisay sanadkii hore,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ifX33ei6ahA
Maxaan U qabsoomin? Dhanka kale dadka kasoo horjeeda ayaa u arka in aysan dowlada Madaxweyne Farmaajo hogaaminayo aysan waxba soo kordhin balanqaadyadeediina kasoo bixin,isla markaana guulaha ay sheeganayso ay yihiin igu sawir iyo faan xaqiiqda ka fog. Dadkaas ayaa dhaleecayntooda kusoo koobay 30-kan qodob ee soo socda. 1. Xasuuqii Bariirre 2. Dilkii Wasiir Siraaji 3. Kala dirka & isku dirka Rugta Ganacsiga Soomaaliya 4. Qaraxiii 14 October oo ay ku geeriyoodeen 512 qof, ahaana kii ugu weynaa taariikhda Africa 5. Is-casilaaddii Wasiirro iyo safiirro aad ugu dhowaa Farmaajo balse ka yaqyaqsooday heerka musuq-maasuqa iyo dhaqan xumada (Maryan…
Hal sano kaddib, kacaanka 8-da February maxaa lagu xusuusan doonaa: Muddo sanad ah ayaa ka soo wareegtay markii xilka madaxtinnimada dalka loo doortay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, hadaba sanad kadib maxey yihiin waxyaabaha u qabsoomay dowlada, maxeyse ka gaabisay, mise jiraan caqabado ka hor yimid muddadaaasi? Maxaa u qabsoomay” Dadka taageersan ayaa qaba in dowlada Madaxweyne Farmaajo hogaaminayo ay gaartay guulo la taaban karo ,kuwaasoo ay ka mid yihiin 12-ka qodob ee soo socda. HESHIISKA SOCDAALKA EE SOOMAALIYA IYO KENYA. Heshiiskaan ayaa meesha ka saaray dhibaatadii Dadka Soomaaliyeed ay ku qabeen garoonka…
Waxaa meel wanaagsan mareysa hawlgalka lagu badbaadinayo alaabta saaran doonta ku soo caaridey xeebta Boosaaso, Waxaa ku howlan badbaadinta alaabta saaran doonta guddi isugu jira ganacsato, culimo’udiin iyo farsamayaano. Waxaa lagu guulaystay in marin waddo ah la saaro xeebta Bosaso qaybo ka mid ah si loo gaaro Doonida ku caariday xeebta Bosaso. Waxaa gurmadkan qayb ka ah Dowlada,Ganacsatada iyo Culumada. Talaabadan lagu badbaadinayo Doonidan ayaa ah mid muujinaya isku tashiga bulshada iyo Dowlada heerka uu gaari karo hadii lagu dhaqaaqo,madaama waxqabdka ilaa iyo hada la sameeyay uu yahay mid aan caadi ahayn oo ana la qiyaasayn in…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Magalada Muqdisho Kulan Kula Qaatay Michael Keating. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta oo ay taarikhdu tahay 07-Feb-2018 waxa Kulan kula yeeshay Garoonka Calamiga ah ee Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Michael Keating. Madaxweynaha dawaladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Michael Keating ayaa kulankooda waxyaabihii ay uga wada hadleen waxaa kamid ahaa shirka Amniga qaranka ee ka soconaya magalada Muqdisho, iyo sidii looga qayb qadan laha adkeynta amniga Soomaaliya iyo in la helo ciidan…
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma uu xilka ka dego , waxaana la sheegay in ay u egtahay in uu aqbalay codsiyadii loosoo bandhigay, balse uu soo jeediyay shuruudo. Xisbiga ANC ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in shirkii ay la yeesheen Zuma ay kasoo baxeen miro wanaagsan, islamarkaasna ay dib u dhigeen shirkii golaha dhexe oo looga doodi lahaa mustaqbalka Zuma. Sidoo kale baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa dib u dhigay waqtigii uu furmi lahaa kalfadhiyada sanadkan, sababo la xiriira mustaqbalka madaxweynaha. Mar sii horeysay…
Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada ee ku taala Magaalada Hague ee Dalka Netherlands ayaa maanta u dooratay inuu noqday Madaxweynaha Maxkamadaas Garsoore Cabdiqawi Axmed Yusuf oo ah muwaadin Soomaali ah kana soo jeeda Deegaamada Puntland. Garsoore Cabdiqawi oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ahaa Madaxweyne ku xigeenka ayaa maanta loo doortay in saddexda sano ee soo socota uu noqddo guddoomiyaha Maxkamada Caalamiga ah ee Haig. Cabdulqawi waa garsoore Caalami ah waxana uu xilal kala duduwan ka soo qabtey hay’ado ay ka mid yihiin UNESCO, UNIDO, iyo UNCTAD intuusan ku soo biirin Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada February 6, 2009.…
Waxaa ka furmay magaalada Muqdisho Shirka Amniga Qaranka oo u dhexeeya madaxda Dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka dowlada Fadaraalka,iyadoo looga hadlayo Xaaladda guud ee Amniga dalka, waxyaabaha ka qabsoomay shirarkii hore iyo wixii aan qabsoomin. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ah shirka guddoomiyaha ayaa furay kulanka waxaana sidoo kale ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka, dhammaan Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Amniga, La taliyeyaasha Madaxweynaha iyo hoggaanka kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida. Muddada…