Siciid Maxamed Raage Wasiirka Wasaarada Gadiidka Bada iyo Dakadaha ee Puntland ayaa Faah Faahin ka baxshay Xiliga ay ka war heleen Cilada doonta iyo sidey ula Tacaaleen, Wuxuuna Difaacay iney ka soo baxeen doorkiida ahaa Bad-baadinta Doontan ganacsi. Markale Wasiirka Dekadaha Puntland ayaa dhamaan eeda in doontu Caarido dusha uga tuuray Naakhuudihii doontaas, oo uu sheegay inuu ka danbeeyay shilka ku dhacay doontan, oo Uu Sheegay in iyada oo ciladeysan ay Rar soo qaaday,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Author: Jibril Qoobey.
Axmed Xasan Cabdi “Axmed Taajir” oo ka tirsanaa Xildhibaan Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta shaaciyay in uu iska casilay Xilkii Xildhibaanimo kadib markii maanta laga sii daayay Xabsi ku yaala magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose. Xildhibaanka ayaa saakay laga sii daayay Xabsi ku yaala kismaayo oo maalmihii la soo dhaafay ku xirnaa kadib markii xasaanadda ka qaadayn Gudiga anshaxa ee Baarlamaanka Jubbaland laguna amray Ciidamada madaxtooyada kismaayo in ay xabsiga dhigaan. “waan ka xumahay xeragi sharci darada ahaa ee laygu geestay Kismaayo, waxaan cadeynayaa in aan iska casilay xilkii Xildhibaanimo ee Jubbaland, waxaana u tanaasulay deganaanshiyaha kismaayo iyo jubbaland” ayuu…
Waxaa Xeebta Dekeda Bosaso kusoo caaryay Dooni urarnayd Ganacsato reer Puntland ah oo siday Raashin,Bagaash iyo Gawaari. Doonidan oo maalmihii lasoo dhaafay dul sabaynaysay Badweynta,ayaa markii hore kasoo shiraacatay Dalka Imaaraadka carabta. Wararka oo dhamaystiran goor dhow kala soco Idil News.
Warar Madax banaan oo ay heshay Warbaahinta Idil News.com una Xaqiijiyeen Ilo lagu kalsoonaankaro ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole uu dhaqaale ka helay Maaamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ee Somaliland, lacagtan ayaan ilaa iyo hada Cadadkeeda la xaqiijin,balse Marka ugu horaysa oo ay ogaato Warbaahinta IdilNews.com ay soo Bandhigi doonto. Faroole ayaa xiriir xididtinimo kala dhaxeeyaa Qoyska uu ka soo jeedo Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi. 15-July-2015-kii ayay ahayd markii uu booqasho ku tagay magaalada Hargaysa, Xiligaas wixii ka danbeeyay Xiriirka Faroole iyo maamulka Soomaaliland ayaa noqday mid sii xididaystay. …
Galabta ayay ahayd markii maleeshiyo taabacsan maamulka Hargaysa ay gudaha usoo galeen kagana dhawaaqeen in ay la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Boocame. Idil News oo warkaas siidaysay,ayaa tan iyo xiligaas si gaar ah ula socotay xaalada Magaalada Boocame. Hadaba wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaray Magaalada ayaa noo xaqiijiyay in Maleeshiyadii sheegatay in ay la wareegeen Magaalada ay iskaga baxeen dibna ugu laabteen fariisin ay markii hore joogeen oo magaalada ujira 70-km si iskood ah. Xaalada Magaalada ayaa hada degan mana jiraan wax xiisad ah oo ka taagan sidoo kale shacabka ayaa si caadiya noloshooda…
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidan ka gadooday xildhibaan dhowaan lagu xiray magaalada Kismay ay fuuleen daaro u dhow meesha uu xildhibaankaasi ku xiran yahay, hase yeeshee, ay wadahadal lala galay dartii uga soo dageen. Kismaayo ayaa maalmihii lasoo dhaafay aheyd mid ay xiisad iyo kacsanaan ka jirto, kadib markii maamulka Jubbaland xireen Xildhibaan lagu magacaabo Axmed Taajir oo lagu eedeeyay maamul dumis iyo been abuur. Dhinaca kale, Taliyaha Booliiska Jubaland ayaa beeniyey inay jiraan wararka ah in ciidan gadooday,hoos ka dhagaysoc odka. Halkan ka dhagayso codka Talyaha
Waxaa maanta lagu aasay Magaalada Gaalkacyo lle ha unaxariistee Faarax Ciise Samatar oo u geeriyoodey dhaawac ka soo gaarey qarax lagula beegsaday Galkacyo Faarax Ciise Samatar ayaa ka mid ahaa saraakiishii Ciidanka Xooga dalka waxaana aaskiisa kasoo qaybgalay Talyaha guud ee ciidanka Xooga dalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Galkacyo.
Dowlada Jubaland ee Somaliyed gaar ahaan Wasaarada ciyaaraha ,ayaa ku guulaysatay in ay dib uhawlgaliso garoonkii kubada cagta ee Waamo. Garoonka kubada cagta ee Waamo,ayaa waxaa lagu sameeyay dib u dhis aad ubalaaran waxaana la gaarsiiyay dhismihiisa mid heer caalami ah,iyadoo dib u dhiskiisa ay qayb ka tahay Nalalka waa weyn ee suurtagalin kara in garoonka habeenimo lagu ciyaaro. Talaabadan ayaa ah mid ka mid ah guullaha horumarineed uu uu ku taalabsaday Maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe. Bulshada kismaayo,ayaa aad usoo dhaweeyay dib u dhiska garoonka,waxayna si farxad leh ugu dabaal dageen xarig ka jarida garoonka.…
Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan kula qaatay xarunta Safaaradda ee Magaalada Muqdisho safiirka dowladda Imaaraat-ka carabta u fadhiya Soomaaliya Amb; Maxamed Axmed Cusmaan Al-xamaadi. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraat-ka iyo sidii loo sii xoojin lahaa calaaqaadka taariikhiga ah. Danjire Al-xamaadi ayaa wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya u gudbiyay dhambaal salaan ah oo uu kaga siday dhiggiisa Dalka Imaaraat-ka Cabdala Bin-Zayed Al-Nahyaan iyo wasiiru dowlaha Dalkaasi Dr; Anwar Bin Maxamed Qarqaash, iyagoo u rajeeyay inuu ilaahay ku guuleeyo howlaha horyaalla. Wasiir Cawad ayaa…
Madaxweynihii hore ee dowlada Fadaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa baajiyay socdaal uu ku tagi lahaa dalka Sweden. Baaqashada socdaalka Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa yimid kadib markii Visaha Dal ku galka ah la diiday in lagu loo saaro ama lagu dhejiyo Baasaboorkiisa Diblomaasiga. Safaaradda Sweden ay ku leedahay dalka Tanzaania ayaa diiday in ay ku dhifato Baasaboorkiisa Diblomaasiga Visaha dal ku galka, maadaama aanay aqoonsaneyn Baasaboorka Soomaaliga ah. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dhankiis adiiday in uu ku safro warqada dal ku galka ah ee ay Safaaradu usoo jeedisay in uu ku galo dalkaas,waxuuna ku adkeystay in…
Wiilka ugu weyn dadka uu dhalay hoggaamiyihii hore ee dalka Cuba Fidel Castro ayaa geeriyooday isaga oo 68 jir ah. Wiilkan oo magaciisa rasmiga uu yahay Fidel Ángel Castro Díaz-Balart ayaa la sheegay in uu isaga gacantiisa isku dilay sida ay tabisay warbaahinta dowladda, kadib markii uu lasoo gudboonaaday walwal iyo tiiraanyo. Wuxuu ahaa seeynisyahan xagga hubka nuyuukleerka ah oo lagu tabobaray midoowgii Soviet-ka. Waxa uu la taliye xagga seeyniska u ahaa golaha maamula dalkaas, wuxuuna mar noqday madaxweynaha Akadeemiyadda Seyniska Cuba. Waxa uu sidoo kale mar madax ka noqday barnaamijka nuyuukleerka Cuba. Aabihiis oo muddo dheer soo xukumayay dalkaas…
Waxaa dib u dhac ku yimid magacaabidii la filayay ee Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida oo muddo saddex bilood ay banaan yihiin, kaddib markii dhamaadkii bishii October ee sanadkii hore laga qaaday Taliyeyaashii hayay xilalkaas Sanbaloolshe iyo Saacid. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa tan iyo xalay ka jiray guux ku aadan magacaabida Taliyeyaasha, iyadoo ay soo baxayeen magacyada shaqsiyaad loo waday xilalkaas, waxaana siyaasiyiinta iyo dadka u dhoon daloola arrimaha ciidamada ay isha ku hayeen dhaq dhaqaaqa magacaabid ee laga dhowrayay Madaxtooyada. Shirkii Golaha Wasiirada oo la filayay in lagu magacaabo ayaa la sheegay in aan lagu horkeenin soo jeedin la…
Taliska Ciidamada Booliska ee Maamulka Puntland ayaa faafaahin ka bixiyay weerarkii shalay lagu qaaday wasiiro Dowlihii Dekadaha ee Puntland, Sidoo kala taliska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ciidankii ka danbeeyay dhaawicii shali galab loo geystay Wasiiru dowlaha Dekadaha ee Puntland Axmed Siciid. Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan askarta dhaawacday Wasiiru Dowlihii Dekedaha ee Puntaland Axmed Siciid. Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska ee gobolka Bari ayaa sheegay in cadaalada la hor geyn doono askartaan weerartay Wasiiru Dowlaha Dagadaha ee Maamulka Puntland. Shalay galin kii danbe ayey aheyd markii…
Shirka golaha Wasiirada oo maanta uu shir gudoomiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa golahu ay dood ka yeesheen Hindise Sharciyeedka Xeerka shaqaalaha Ra’yidka ah iyo xeerka gudiga shaqada iyo Shaqaalaha iyadoona dood kadib golahu ay sharcigan oo uu soo gudbiyay gudiga shaqada iyo shaqaalaha ay meel mariyeen. Hindise sharciyeedka shaqaalaha ayaa tusmo iyo tixraac u noqon doona hananka shaqaalaysiinta shaqaalaha Ra’yidka ah. Waxaa kale oo golahu Warbixin la xiriirta Hiigsiga qorshaha Hormarinta Jubbaland ee 2020 ka dhagaystay Wasaarada Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah iyadoona qorshan oo qoraal ah golaha loo qaybiyay. Hiigsiga qorshaha Hormarinta Jubbaland ee 2020 waxaa uu ka…
Ma jirtaa hay’adda culumadda Somaliyeed, mase jirtaa meel ay Ummadda Somaliyed isugu tagtay oo ay ku magacaabeen hay’adda culumadda Somaliyed iyo madaxdeeda, jawaabtu waa maya, ma jirto, balse waxaa jira kooxo ismagacaabay oo isticmaala magacyadan:- 1- Hay-‘dda culumadda Somaliyed 2- Ururka saxafiyiinta Somaliyed 3- Ururka dhalinyarada Somaliyed 4- Ururka abwaaninta Somaliyed 5- Dalladda Haweenka Somaliyed Dhammaan waa magacyo ay kooxo la baxeen laguna marin habaabinayo Ummadda Somaliyed, waxaan warbaahinta ka dhageystay Bashiir Salaad oo sheegta madaxa hay’adda Culumadda Somaliyed, balse ah madaxa urur diimeedka Al-ictisaam oo baaq ku wajahan Tuko-raq u diraya Somaliland iyo Puntland, Bashir Salaad isagoo dhex dhexaad…
In 2012, the Chinese government “graciously offered” African States a gift and constructed the African Union’s headquarters in Addis Ababa. The act of soft diplomacy proved to be a rather self-serving maneuver to spy on the activities and discussions being conducted by leaders of the exclusive continental group. In Addis Ababa, ministers and heads of states meet twice a year to discuss major continental issues. While strict security measures give the impression that that building is closely monitored and secured, an unseen security threat was present from 2012 until 2017. The threat was from none other than those who…
Jaaliyada Puntland ee ku dhaqan dalka Qadar ayaa kulan Soo dhaweyn ah u samaysay Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Dowlada Puntland Mudane Saalax Xabiib Jaamac . Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Gudoonka Jaaliyada oo ugu horeeyo Gudoomiye Cabdinaasir Cawaale,isagoona kusoo dhaweeyay Wasiirka Dalka Qadar sheegayna in ay hayaan niyad wanaagsan,isla markaana yihiin dad isku xiran oo kamidaysan danta guud,sidoo kale ku faraxsan horumarka ay dowlada ka wado Gobolada iyo Degmooyinka Puntland. Wasirka Cadaalada Saalax Xabiib ayaa dhankiisa uga mahadceliyay jaaliyada soo dhaweynta wanaagsan ee uu kala kulmay ,waxuuna uga warbixiyay xaalada guud ee deegaanada Puntland, Horumarka ka jira…
Halkan ka daawo muuqaalka khudbada
Innaalilaahi waa innaa Illaahi raajicuun Waxaa ku geeriyooday 26-01-2018 Dalka Sweden Marxuum XASAN CUMAR GABBOOSE Waxaana halkan tacsi ka diraya dhammaan Ehelka kala ah: Cabdi Maxamad Tarrax Ambassador Cabdulqani Muxumad Waceys Col. Zubeer Cabdilkariim Boorle Col. Nuux Maxamad Axmed Isaakh Sadiiq Xasan Cali Buraale Maxamad Cabdullaahi Qoordheere Xuseen Cusmaan Jirac Xildhiban Bashiir Axmed Cawar Maxamad Xasan Geelle Xuseen Beynax Barre Xuseen Xasan Geelle Eng.Shariif C/naasir Shariif Maxamad Shariif Muhdi Cabdicasiis Xaaji Cabdullaahi Qorraxeey Yuusuf-mahad Maxamad Aadan Xasan Xaaji Barre Bashiir Suldaan Maxamuud Heybe Dr.Asad Suldaan Maxamuud Heybe Yuusuf Suldaan Maxamuud Heybe Muxumad Suldaan Maxamuud Heybe Maxamad Cabdi Adar-Gows Maxamad Cabdi Xasan Eng.Maxamuud Beynax Barre Dr.Cabdirisaaq Macallim Cabdullaahi Cabdi Gaani…
Qarax baabur ayaa maanta oo Sabti ah gilgilay banaanka dhisme ay dawlada Afghanistan ay leedahay oo ku yaala caasimada dalkaasi ee Kabul. 93 qof ayaa dhintay, in kabadan 160-kalena way ku dhaawacmeen qaraxaasi oo loo adeegsaday baabuur “Ambulance” oo walxaha laga buuxiyay. Mas’uuliyiinta yaa sheegay in qofka ismiidaamiyey uu walxaha qaraxa ka soo buuxiyey gaadhi kuwa gargaarka ah ee loo yaqaano Ambulance-ka si uu weerarka uga fuliyo goob ay si weyn ugu xoonsanaayeen dadweyne badan. kooxda Taliban ayaa isla markiiba sheegatay masuuliyada weerarka, waxaana uu sheegay afhayeen u hadlay kooxdu in bartilmaameedku uu ahaa xubno ka mid…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/oIoTaKKP7do
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo Maalinta berri ah uu ka furmi doono Shir Madaxeedka Caadiga ah ee Midowga Afrika. Shirkan oo ah kii 30-aad ee Madaxda Afrika isugu yimaaddaan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, waxaana sanadkaan looga hadli doonaa xoojinta dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa oo ay hoggaamiyeyaasha Afrika si wadajir ah uga shaqeyn doonaan. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka aasaaska u dhigay…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caalamka ka codsaday in la dar-dargaliyo sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa daynta si ay ugu suurto gasho hirgelinta isbedelka ay wado, isagoo tilmaamay inay lama huraan tahay in Soomaaliya ku soo laabto saaxadda caalamka. Isagoo ka hadlayay kulan maanta ku qabsoomay Fagaaraha Dhaqaalaha Caalamka (WEF2018) ee magaalada Davos si gaar ahna diiradda loogu saaray arrimaha Soomaaliya, wuxu yidhi mudane Khayre “Dowladda Soomaaliyeed way ka go’antahay in ay fuliso ballamaha ay u qaaday ummada Soomaaliyeed. laakiin waxaan ognahay in hirgelinta mashaariicda dib-u-habeynta iyo qorshaheega horumarineed oo ay ka mid tahay…
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Aamina Maxamed u magacaabay Wasiirka Waxbarashada Kenya, iyadoo baneyneysa xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda oo muddo shan sano ay heysay. Aamina Maxamed ayaa mar kale ka mid noqotay Xukuumadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaa horay loo hadal hayay in aysan ku soo laaban doono Golaha Wasiirada. Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa loo magacaabay Haweeneyda lagu magacaabo Dr Monicah Juma, oo horay u soo noqotay Safiirka Kenya u fadhin jiray Jabuuti iyo Itoobiya. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo sanadkii hore dib loo doortay ayaa si tartiib u wada magacaabista xilalka Wasiirada, waxaana uu dib u soo celiyay…
Sii buuxda ayaan uga raali galinaynaa hadaan nahay warbaahinta Idil News warka ku saabsan dagaalka Tukaraq akhristayasha nagu xiran. Warkan sheegaya in Dagaalka Tukaraq uu bilawday saakay aroortii mahan mid sax ah waxaana ku fududaaday mid kamid ah Wariyayashayada garowe. Aadbaan uga xunahay in aan sii daynay war aan dhamaystirnayn mana ahan dhaqankayaga iyo hab qoraalkayaga. Dhamaan akhristayasha Idil News waan ka raali galinaynaa warkaas. Idil News
Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaa maanta ka furmay shir laba maalmood soconaya oo ay yeelanayaan wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Midowga Afrika. Shirkan ayaa gogol xaar u ah shir madaxda dalalka Midowga Afrika uga furmaya 28-ka bishan magaalada Addis Ababa. Shirkan oo looga hadli doono arrimo dhowr ah oo Afrika quseeya, ayay wasiirrada kulmey waxay cambaareeyeen hadal uu dhawaan ugu gefay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waddamada Qaaradda Afrika,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan. Halkan ka dhagayso codka Wasiirka
Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa khudbad dheer ka jeediyay Fadhi Golaha Ammaanka ay ku yeesheen magaalada New York. Keating ayaa khudbadiisa kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ee sanadkii 2017, is bedelkii nabadeed ee lagu kala wareegay xukunka, kaddib doorashadii Madaxweyne Farmaajo, waxaa si gaar ah diiradda ku saaray waxyaabihii ka qabsoomay Soomaaliya, guulihii ay gaartay dowladda, ammaanka, howl galka AMISOM iyo dagaalka Al-Shabaab. Mr Keating ayaa sheegay in xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ay meel aad u kacsan gaartay, xiisadihii bishii December ee ka dhashay dhacdooyinkii is xigay ee ka…
Qaybtii ugu danbaysay maleeshiyaadka SNM ee ku sugnayd deegaanada koonfurta Gobolka Sool,ayaa laga soo raray deegaanadaasi laguna xoojiyay maleeshiyaadka beesha Isaaq SNM ee Tukaraq ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland. Maleeshiyaadka SNM-ta ayaa la iskugu geeyay goobo ay difaac ka gali karaan,waxayna isbaarooyin cusub dhigteen gooobo hor leh oo ku yaal Wadooyinka ka soo baxa Deegaamada laamiga laga soo fuulo ee Gobolka Sool. Cabsida xoogan ee soo wajahday maleeshiyaadka SNM-ta,ayaa siyaaday kadib markii ay arkeen abaabulka xoogan ee shacabka iyo xukuumada Puntland. Waa markii ugu horeysay oo la arko abaabul noocan oo kale ah oo looga soo…
Wali waxaa meesheedii ah wareegtadii dhinaca socdaalka ee Madaxweynaha Maraykanka D. Trump, taas oo ka dhan ah dhowr wadan oo Muslim ah oo Somaliyana ay ku jirto. Waxaa dalka Mareykanka gudihiisa ka helay sharciga dhalashada dad qaxootinimo Maraykanka ku yimid. Xaflad Todobaadkan ka dhacday magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa dad gaaraya Labo Boqol iyo Dhowr qof oo badi Afrikaan ahaa, Somalina ubadnaawaxaa lagu siiyay dhalashada dalka Mareykanka. Xafladii dadkan lagu gudoonsiiyey dhalashada waxaa goobjoog ka ahaa hay’adaha u dooda xuquuqda dadka soo galootiga ah, Xeerbeegti iyo Qaadiyo kasocda gobolka Ohio, iyo waliba ehelada iyo saxiibada dadka…
Horaantii toddobaadkan, magaalada Vancouver ee dalka Canada ayaa qoys Soomaali ah waxaa laga qaaday 10 caruur ah oo ay dhaleen. Labadii waalid ayaa iyagana la sheegay in la xiray ka dib markii caruurtooda la qaaday. Haddaba faahfaahinta sida ay wax u dhaceen, caruurtii meesha ay hadda ku sugan yihiin, sida xaalkoodu noqonayo ayaa Maxamed Cabdi Sandhere uu ka wareystay Sheekh Cusmaan Xaaji Maddad oo ah Imaamka Masjidka Al-iimaan ee magaalada Vancouver,hoos ak dhagayso codka. Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan Xigasho VOA
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la kulmo dacwad oogaha gaarka ah ee baaraya fadeexada farogalinta Ruushka ee doorashadii Maraykanka Mr Robert Mauller. Trump ayaa intaas ku daray in su’aalo weeydiinta uu rajaynayo in ay dhici doonto muddo 3 todobaad gudahood ah. Trump ayaa horey u sheegay in aysan u badneyn in Mr Mauller uu su’aalo weeydiin doono isaga, wuxuuna baaritaanka Ruushka ku tilmaamay mid isaga lagu ugaarsanayo. Inkasta oo uu Trump ku adkaysanayo in wax xiriir wada shaqayn uusan dhexmarin isaga iyo Ruushka, haddane hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa isku raacay in ay…
Qaraxan miino ayaa lala eegtay gaari raaxo ah oo ay saarnayeen ciidamo katirsan kuwa dowladda oo marayay inta inta u dhaxeysa Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan. Wali lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay qaraxa miino ee lala eegtay ciidamada dowladda fadaraalka Soomaaliya, balse wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ku dhaawacmay hal ruux oo marayay wadada hareerteeda. Wali majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa lala eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda fadaraalka soomaaliya.
Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Banaadir ahna Duqii M/Muqdisho ayaa maanta magacaabay Guddiga Xilwarerjinta. Guddigan uu magacaabay Duqii hore ee Muqdisho ayaa waxa ay ka kooban yihiin Saddex iyo Toban xubnood oo isugu jira Rag iyo Dumar, kuwaasi oo diyaarinaya Munaasabadda xil wareejinta ee guddoomiyaha cusub iyo guddoomiyihii hore. Xafladda xil wareejinta ayaa lagu wadaa in ay dhacdo maalinta Axadda ee todobaadka soo socda sida ay sheegayn xubno ka tirsan Gobalka Banaadir iyo Guddiga la magacaabay. Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan “Eng. Yariisow” iyo ku xigeenadiisa ayaa xilka la wareegi doona, kuwaasi…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaal qaatay muddo 17 maalmood ah waxa uu ku maray Puntland iyo maamulka ana sharciyada buuxin ee Galmuudg,waana socdaalkii ugu horreeyey ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku maro Gobolada dalka kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Haddaba maxaa laga dhaxlay Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku maray Deegaanadaas Halkan waxaan kuugu soo gudbineynaa dhowr arrimood oo dhaxal gal ka dhigaya socdaalkaas 1- Xoojinta Dowladdnimada, Madaxweyne Farmaajo, ayaa qaar kamid ah deegaanadii uu tagay dadka ku soo dhoweeyey qaarkood ay ilmeeyeen markii Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay arkeen, iyaggoo sheegay…
Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magacaabay Saraakiisha hogaamin doono Ciidamada Booliska Puntland. Xeer Madaxweyne Lr-04 January 2018 Taliyaha iyo kuxigeenada koowaad iyo labaad ee Ciidanka Booliska Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay: Datuurka Dawladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1-Waxaa S/GUUTO Cabdulaahi Shire[Dool] loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boosliska Puntland. 2-Waxaa G/Sare Bile Faarax Cali loo magcaabay Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Puntland. 3-Waxaa G/Sare Cusmaan Xassan Cuuke loo magcaabay Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Puntland.
Dawladda Jarmalka ayaa sheegtay in Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ay ugu yabooheyso lacag dhan 32 Milyan oo Euro oo ay ugu tala gashay in lagu taageero kaabayaasha shaqada ee Soomaaliya. Lacagtan ayaa Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa loo soo marsiin doonaa Bankiga Adduunka, gaar ahaan qeybta wadanka Jarmalka oo lagu magacaabo Multiple Partner Fund (MPF), taasi oo gacan ka geysanaysa xoojinta kartida degaanka iyo kartida hirgelinta si loo hagaajiyo helitaanka kaabayaasha aasaasiga ah ee Soomaaliya. Madaxa Iskaashiga horumarinta Maalgashiyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Jarmalka Marius Rau ayaa sheegay ayaa sidoo kale lacagtan in loogu tala galay koritaanka magaalooyinka, horumarinta…
Magaalda Davos ee dalka Switzerland ayaa waxaa shalay ka furmay shirweynaha caalamka ee dhaqaalaha. Shirkan oo ay sanad walba ka qeyb galaan hoggaamiyeyaasha ganacsiga caalamka, madaxweynayaal iyo marti sharaf kale, ayaa xoogga lagu saaraa sidii loo abuuri lahaa mustaqbal dhaqaale oo wadaag ah. Soomaaliya, waxaa uga qeyb galaya wafdi uu hoggaaminayo Ra’isul Wasaare Xassan Cali Khayre. Ra’isalwasaare Khayre oo ku guda jira ka qaybgalak shirkaas,ayaa maanta kulan la yeeshay ra’isalwasaaraha dalka Norway. Kulankan ayaa looga hadlayay sidii labada dal u xoojin lahaayeen xiriirka ka dhaxeeya iyo sida dowlada Norwey u kordhin laheyd taageerada ay siiso dowlada…
Madaxweynaha jamhuuriyada Fadaraaliga ah ee Somaliya Maxameed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa qabtay caawa shir jaraa’id ku qabtay Villa Somaliya kaasoo uu kaga warbixiyay booqashadsii Puntland iyo Galmudug. madaxweynaha oo safarkaas ugu magacdaray socdaalkii Nabada ayaa warbixntiisa la wadaagay saxaafada caawa,hoos ak daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/4XZ157N-RVc
Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Puntland Abdirisak Saciid Nuur,(Faahim). Ayaa kooras Maamulka iyo maaraynta dhaqaalaha Dawladda waxay uga socotaa Jaamacada Harvard School of Government Boston USA. Koorsadan ayaa ah mid sanadkii Hal Mar ay jaamacadani u qabato madaxda Sare ee dawladaha Ku hawlan dib u habaynta Maaliyadda (Public Financial Management Reform), Koorsadan ayaa sanadkan waxaa ka Soo qaybgalay Xubno ka socda 32-dal oo aduunka isaga yimi kana kala yimid wadamada horumaray, kuwa hada humaraya iyo kuwo xaalad soo kabasho kujira. Sidoo kale xisaabiyaha Dawladda Puntland ayaa ah xubinta Kali ah ee Mataylaysay Puntland iyo Guud ahaanba Somaliya. …
Taabid Cabdi Maxamed ayaa aqbalay xil ka qaadistii lagu sameeyay, isagoo u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisow. War Saxaafadeed uu caawa soo saaray isla markaana ku muujinayay mowqifkiisa ayuu ku sheegay Taabid Cabdi Maxamed in wax walba ay ka muhiimsan tahay ammaanka shacabka Muqdisho. “Madaxda qaranka waa rag aan soo wadashaqeynaya halgan dheerna aan soo galnay go’aano masiiri ahna aan soo wada gaarnay,”ayuu ku yiri war saxaafadeedkiisa. Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku sheegay waxyaalihii dhaliyay khilaafka siyaasiga arrimo ay ka mid yihiin Xasiloonida gobolka Banaadir oo is guud iyo si gaar ahba ugu…
Wareegto kasoo baxdayXxafiiska Madaxweynaha Fadaraalka Soomaaliya saaka ayaa xilkii looga qaaday Duqii magaalada Muqdishu Thaabit Cabdi Maxamed, waxaana xilkaasi loo magacaabay Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo hayey xilka wasiirka warfaafinta. Tallaabadan ayaa timid kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Guddoomiye Thaabit iyo madaxda dawladda federaalka. Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya qaarkood ayaa aaminsan in khilaafka siyaasadeed ee keenay in shaqada laga cayriyo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir uu dhinaca kale ka yahay mid dastuuri ah oo aan weli la xallin kaasi oo la xiriira maqaamka caaismadda Muqdishu ee mustaqbalka. Haddaba sidee lagu xallin karaa…
Ururka suxufiyiinta qurba joogta Puntland ee marka la soo gaabiyo magacooda afka qalaad lagu yiraahdo PDJ Puntland diaspora journalist waxay marka hore uga mahadcelinayaan dowladda iyo shacabka Puntland soo dhawayntii balaarayd ee ay u sameeyeen madaxwaynaha dowlad federaalka Soomaaliya Mohamed Cabdulaahi Farmaajo oo dhawaan socdaal ku soo gabagabeeyay dhulka Puntland. Wax jiraa marqaatiya waxayse dowladda iyo shacabka Puntland muujiyeen inay dareensanyihiin in Soomaali waxa ka maqani yihiin dowladda dhexe oo gudata waajibaadka ka saaran dalka iyo dadka, sidoo kale waxay shacabka reer Puntland muujiyeen qiimaha ay leedahay wada shaqaynta shacab iyo dowladdu. Dhanka kale ururka suxufiinta qurba jooga…
Doorasho caawa ka dhacday Xarunta Aqalka dowladda Hoose,ayaa lagu doortay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. 17-ka Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka degmooyinka ayaa Guddoomiye Taabid Cabdi u doortay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota. Wararka ayaa intaa ku daraya in 70 xubnood oo isugu jira Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo xubnaha golaha deegaanka degmooyinka ay doorasho u dhacday qaab gacan taag ugu codeeyeen. Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee arrimaha bulshada Mr Ereg ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo xusay in golayaasha degmooyinka ay u doorteen Taabid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota.…
Ciidamada amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xiray qaar ka mid ah wadooyinka Gobalka Banaadir, waxaana la soo dhigay Ciidamo badan oo isugu jira Booliis iyo nabad Sugid. Xirnaanshiyaha wadooyinka ayaa timid kaddib markii ay soo baxday warar sheegaya in banaan bax uu ka dhici rabo magaalada kaas oo looga soo horjeedo wararka sheegaya in uu jiro khilaaf soo kala dhaxgalay R/W Xasan Cali Khayrre iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir. Waddooyin dhowr ah ee la xiray ayaa waxaa ka mid ah waddda Maka Al-Mukarama, qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha, halkaasoo ah goobo ay inta badan ay banaan baxyada ka soo…
Dhowrkii maalmood ee u dambeeyey waxaa aad u soo xoogaysanayey inuu jiro khilaaf u dhaxeeya guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhinac ah iyo madaxda dawladda fadaraalka Soomaaliya. Khilaafka ayaa la aaminsan yahay inuu dibadda u soo baxay wixii ka dambeeyey subaxnimadii Jimcaha, markaasoo qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha lagu shaaciyey in aan “dhulka dowladda la hibeyn karin, la bixin karin, lana wareejin Karin”. Qoraalkaas waxaa lagu sii daray “Iyada oo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay kaddib…
Shir 7-saacadood qaatay oo xalay ay Muqdisho ku yeesheen Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye,ayaa lagga soo saaray bayaan madaxda sare loogu sheegaayo in ay waajib tahay in uu qabsoomo shirka looga tashanayo aayaha gobolka Banaadir. Sidoo kale war saxaafadeedka kasoo baxay shirkan ayaa loogu digay madaxda sare ee dowlada Fadaraalka in aysan ku deg degin go’aan ka qaadashada dhulka dowlada ee ku yaal Xamar kaligiis,waxaana lagu yiri warxafadaeedka. ”Dhulka Hantida dowlada waxuu ku yaalaa dalkoo dhan hadii gudi loo saarayo ama go’aan laga qaadanayo waa in uu dalkoo dhna saameeyaa oo uusan noqon mid Xamar kusoo kooman”. Halkan ka…
Booqashadii uu dhawaan Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ku yimid Puntland waxaa lagu soo dhoweeyey si heer sare oo aan loo kala harin, waxayna muujisay taagero niyadda kasoo go’day, shacabkuna soo dhawayntaasi kama lahayn dano u gaara aan ka ahayn dareen ka dhex-guuxaya oo ah inay u heelanyihiin dolwad dhexe oo awood leh oo shaqaysa, sharaftii, karaamadii, iyo kala danbeyntiina dib u soo celisa. Waxaa ifaafale wanaagsan muuijinaya in shacabku bisayl dhinac walba ah gaaray, uuna ka gudbay wax inuu ku qiimeeyo waxyaala aan dan ugu jirin (sida qabiil iyo danaysi ) oo aan saamayn toosa ku yeelanayn oo aan taabanayn…
Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo Maanta u bixi-lahaa Dhuuso-mareeb socdaal uu uga qaybgali lahaa dhamaystirka heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna,ayaa dib uga laabtey Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo Dib uga laabashada garoonka diyaaradaha ee Madxaweynaha iyo waftigiisa,ayaa ka danbaysay kadib Markii Diyaaradii Qaramada midoobey ee qaadi-lahayd ay diiday in ay qaado boorsooyinka madaxda baaritaan la’aan. Masuuliyiinta Diyaarada ayaa Ku andacoonayay in Bad-baada diyaarada ay ka bilaabato dhulka sidaas Daraadeedna ay waajib tahay in labaaro agabka ay madaxdu wataan,balse talabaadaas waxaa diiday oo ka hor yimid masuuliyiinta Madaxtooyada Puntland dibna uceliyay waftigii Madaxweynuhu uu hogaaminyay ee ku wajahnaa Dhuusamareeb. Ugu Danbayntii waxaa ka kacday…
Wararka laga helayo Degaanka goofgaduud Buurey iyo deynuunaay ee gobalka Bay,ayaa sheegaya in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay Weerar ku soo qaadeen deegaankaas,islamarkaana ay u suura gashaty in ay halkaas la wareegaan. Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray deegaanka Daynuunay oo qiyaastii 25-KM dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo. Shabaab ayaa weerarka soo qaaday Salaadii Subax ee saaka, iyadoo dagaal la isku adeegsaday hub kala duwan uu ka dhacay deegaanada Daynuunay iyo Goof-gaduud Buurey. Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, hase ahaatee dadka deegaanka ee ku sugan deegaanada dhaca duleedka Baydhabo ayaa warbaahinta u sheegay inay maqlayeen hubka…
Madaxweynaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo waftgiii uu hoggaaminayay, ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusa-Mareeb. Madaxweynaha iyo waftigiisa oo socdaal dhulka ah ku maraya gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa xalay ku hoyday magaalada Cadaado, halkaasi oo loogu sameeyay Munaasabad casho sharaf ah. Ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya uu u tagayo Dhuusa-Mareeb ayaa qeyb ka ah sidii uu uga qeyb geli lahaa shirweynaha lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen garabyada Cadaado iyo Guriceel ee Galmudug iyo Ahlu Sunna. Magaalada Dhuusa-mareeb waxaa ku sii qulqulayay wufuud kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha…
Qarax xooggan ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho Qaraxa,ayaa loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda lagu aasay oo Remote Control laga hagayey waxuuna ka dhacay agagaarka Maxkamadii hore ee Xararyaale oo ku taalla degmada Wardhiigley. Qaraxa ayaa lala beegsaday gaari uu la socday Taliye ku-xigeenkii hore ee saldhiga Booliska degmada Dayniile Macalin Faarax. Macalin Faarax,ayaa ka badbaaday qaraxaas mana jirto wax khasaare ah oo ka dhashay, ciidamada amaanka ee dowlada Fadaraalka ayaa halkaas gaaray kana bilaabay baaritaano.
Mareykanka waxaa maanta looga dabbaal degayaa dhalashada halgamaagii dadka Madow ee Mareykanka Martin Luther King. Luther King ayaa dalkan Mareykanka lagu xusuustaa hal-gankiisii soo shaac baxay sanadkii 1955tii illaa iyo lixdamaadkii ee uu ku doonayay xuquuqda dadka madow, iyo khudbadiisii caan baxday ee ( Waan Riyoonayaa, ama I have a dream) ee uu ka jeediyay socodkii dhaq dhaqaaqii xuquuqda madaniga uu ka sameeyay magaaladan Washington bishii March sanadkii 1963dii,hoos ka dhagayso codka. Halkan hoose ka dhagayso codka taariikhda
Dibadbaxyo dhowr ah ayaa ka dhacay magaalooyiinka Mareykanka taasi oo looga soo horjeedo hadalo Gef ah oo ka dhan ah Haiti, El Salvador iyo wadamada qaarada African oo la sheegay in uu jeediyay madaxwayne Trump. Dibadbaxyadani ayaa magaalooyiinka ay ka dhaceen waxaa ka mid ah New York, Los Angeles iyo West Palm Beach. Dibadbaxayaasha magaalooyiinka New York, Los Angeles iyo West Palm Beach ayaa ku eedeeyay Mr Trump cunsurinima. Ururka midowga Afrika ayaa horey ugu baaqay madaxwayne Trump in raalligalin uu ka bixiyo hadalka la sheegay in uu ka soo yeeray. Dowladda Nigeria ayaa dhankeeda u yeertay safiirka Mareykanka si…
Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda DF ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta 14 january 2018 waxaa qada sharaf ugu sameeyay Magaalada Gaalkacayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax. Munaasabada hadhimo sharafeedka ayaa waxaa kasoo qayb galay golayaashada dawladda Puntland, golayaasha Dawladda Faderaalka Soomaaliya, qaar kamid ah saraakiisha Madaxtooyada dawladda Puntland iyo marti sharaf kale. Munaasabadaan ayaa waxaa ku maamuusay madaxda dawladda Puntland iyo madaxda dawladda Federaalka ee Soomaaliya Islaan Bashiir Islaan Cabdule, waxaana ay ahayd munaasabad lagu soo dhawynayo Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wefdiga balaadhan ee uu hogaaminayo oo booqsho…
Kadib marki uu todobaadki hore Golaha Wakiilada Somaliland kulan aan caadi aheyn ka yeesheen xaalada colaadda ka oogan xadka gobolka Sool ee ay ku muransanyihiin Somaliland iyo Puntland, ayuu baarlamaanka Puntland isna maanta ka hadlay. Faah-faahinta warkan hoos ak daawo muuqaalkiisa. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/8QgGEqhmkSM
Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr .Cabdiwe Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13-January 2018 ayaa waxa uu kusoo dhaweeyay magaalada Gaalkacayo ee xaruntaa gobolka Mudug Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo. Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa waxaa soo dhawaynta Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxwaynaha dawlad-goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Gudoomiyaha gobolka mudug, duqa degmada Gaalkacayo, golayaasha dawladda Puntland ,saraakiil katirsan Madaxtooyada dawladda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Gaalkacayo. Madaxwaynaha dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Weftigiisa ayaa waxa ay kasoo kicitimeen Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaas oo maalmihii udanbeeyay safar booqasho ah ku marayeen Madaxwaynaha…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Iic1oDNWOUQ
Warka ka imaanaya magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Gal-guduud ayaa sheegaya in maanta ciidamo la sheegay inay ka tirsan-yihiin maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe ay xireen gudoomiyihii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliima Ismaaciil (Xalima Yareey). Goob joogayaal ayaa sheegay in gawaari ay la socotay guddoomiyaha iyo xubno 10 ka badan oo ka tirsan shaqaalaha guddiga doorashada oo ka tagay magaalada Guriceel kuna sii jeeday Dhuusa-Mareeb lagu joojiyay kantoroolka magaalada Dhuusamareeb, ka dibna xabsiga loo taxaabay. Dhanka kale Saraakiil ka tirsan maamulka Ahlu Sunna ee ka arimiya Dedmadaas,ayaa beeniyay in la xiray guddoomiye Xaliimo Yareey,waxayse sheegeen in…
Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 12 jan-2018 ayaa waxaa ay si wada jir ah xadhiga uga jareen dhisme cusub oo shirkada Golis ay ka hirirgelisay magaalada Boosaaso iyo Viber Obtic oo ah khad internet oo badda lasoo mariyey kana hawl gelidoona gobolada Puntland. Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinayay munaasabada xadhig-kajarka Madaxwaynaha DF Soomaaliya, maamulka degmada Boosaaso, maamulaka gobolka Bari ,masuuliyiin ka tirsan golayaasha dawladda Puntland, iyo dawladda federaalka ee Soomaaliya, saraakiil ka tirsan madaxtooyada, ganacsato, waxgarad. iyo maamulka shirkada isgaarsiinta Golis. Madaxwaynaha dawladda Puntland…