Weftiga labada Madaxweyne ay hogaaminayaan,ayaa ugu danbayntii soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey kumanaan ka mid ah bulshada magaalada Boosaaso iyo maamulka Gobolka,saraakiisha amaanka. Waxaa ugu horayn halkaas kusoo dhaweeyay ,Gudoomiyaha Gobolka Bari , duqa degmada Boosaaso , qaar ka mid ah Golayaasha dawladda Puntland, , isimo, Salaadinn , Cuqal , waxgarad , siiyaasiyiin , iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Madaxweynha Dawladda Puntland Iyo Madaxweynaha DF ee Soomaaliya oo ka haldlay munaasabdadii soo dhawaynta ahayd ee loogu sameeyay magaalada Boosaaso ayaa kala hadlay goob fagaarea ah dadkii…
Author: Jibril Qoobey.
Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 11 jan-2018 ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada carmo ee Gobolka Bari Puntland, Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa soo dhawayntooda ka qayb qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Carmo.madaxwaynayaasha ayaa kulan la qaatay bushada magaalada Carmo , waxayna uga mahadceliyeen soo dhaweynta aadka usaraysa ee ay usameeyeen. Madaxwaynayaasha ayaa sidoo kale booqday kuliyada taba-barka ciidanka Booliska Soomaaliyeed,,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/B67uR8VBF9s
Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Waaciya iyo deegaamadeeda soo dhawayntooda ayaa waxaa ka qayb qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka Degmada. Madaxweynayaasha ayaa Deegaamadii ay soo mareen waxaa ka mid ahaa magaalooyinka sheerbi , waaciye ,xiddda , dalwayn ,Carta ,iyo wliba degmada.,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/SN4O1eT1C_g
Goor-dhaweyd amadaafiic ayaa lagu garaacay Madaxtooyada dowlada Fadaraalka Somaliya,waxyn ku soo dhaceen meel u dhaw madaxtooyada,iyadoo ay ka dhasheen khasaaro dhaawacyo ubadan. Madaafiicda oo gaareysa ugu yaraan 3 Hoobiye ayaa ku soo dhacday meel u dhaw Guriga ay ku shaqayn jirtay Xukumada Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo Albaabka madaxtooyada Soomaaliya.sidoo kale Madaafiicda ayaa ku dhacday Ex fiyoore oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, Afar-qof ayaa ku dhaawacmay,sidoo kale waxaa jira dhimasho ana wali la shaacin inta ay gaarayso. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay jirto madaafiic kale oo ku dhacday agagaarka Godka jilacow ee…
War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in muddo Goluhu cadaadis uga imaanayay beelaha kuraasta leh, isla markaana ay haatan soo baxday go’aan Maxkamadda sare ay soo saartay oo dib loogu sii dhigayo xilligii loo qorsheeyay in doorashooyinka kuraasta banaan lagu qabto. War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in dastuurka KMG uu dhigayo in Maxkamadda ay gal dacwadeed furi karto marka doorashada dhacdo kaddib, hadii mid ka mid ah tartamayaasha uu ka cawdo inuu jiray musuq maasuq saameyn ku yeeshay natiijada doorashada. Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka digay dib u dhac ku yimaada qabashada doorashooyinka kuraasta banaan, sidoo kale waxaa uu ka…
Madaxweynaha dowlada Fadaraalka Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo waftigisii oo xalay ku hoyday Magaalada Qardho,ayaa saakay waxa uu sii watay booqashadisii uu ku marayay Gobolada bari ee Puntland,waxuuna goor dhawayd gaaray Magaalada sheerbi, Madaxweynaha iyo waftigiisa,ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Sheerbi. Madaxweynaha iyo waftigiisa,ayaa saacado kadib waxa qorshuhu yahay in ay gaaraan Magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland halkaas oo ay dadweyne fara badan oo diyaar u ah soo dhaweyntiisa ay ku sugayaan banaanka hore ee Magaalada. Waftiga Madaxweyne Farmaajo hogaaminayo ee ka yimid Fadaraalka,ayaa waxaa galbinaya oo socdaalka kula jira Madaxweynaha dowlada Puntland iyo…
Maleeshiyo qaswadayaal ah oo soo weeraray Saldhig Ciidan oo Puntland leedahay,sidaa waxaa yiri Tv-ga caalamiga ah ee CCTN. Sidoo kale wariye Cabdicasiis Bilaw oo ah wariyaha uga soo warama Tv-ga Somaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, iyadoo Puntland ay ku mashquulsan tahay mashaariic horumarineed iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo la dagaalanka argagixisada ayay Maleeshiyadan soo weerartay Saldhigooda milatari. Warbixintan ayaa muujinaysa oo banaanka soo dhigaysa xaqiiqda ka jirta halkaas,sidoo kale waxay daaha ka qaaday doorka Puntland ee la dagaalanka argagixisada caalamiga ah iyo horumarinta kaabayaasaha dhaqaalaha Soomaaliya. Warbixintan ayaa dharbaaxo Diblomaasiyadeed iyo mid saxaafadeedba ku ah maamulka beesha Isaaq…
Qaban qaabo xoogan ayaa shalay ilaa iyo saaka ka socotay Magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland taas oo lagu soo dhawaynayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo. Goobaha lagu daabaco Boorarka ayaa aad umashquulsan ,waxayna ku howlanyihiin dadwaynaha daabacada Sawirada Madaxweynaha iyo Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/aiuGAkJAjI4
Boqor Burhan ayaa Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Gaas iyo waliba Siyaasi Salaad Cali Jeele gudoonsiiyey hadyado dhaqan, waxaana si gaar ah Madaxweynaha Jamhuuriyada oo uu Boqorka u gudoonsiiyey Faras iyo hadyado kale,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/n8RnHdsRc-I
Hakan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/PtOz3nrtk9w
Halkan ka daawo muuqaalka
Wasaarada Gaashaandhiga Fadaraalka Soomaaliya,ayaa maanta lagu wareejiyay 6-gaadiidka nooca aan xabadu karin ah. Ggaadiidkan ayaa waxaa ku wareejisay Wasaarada Gaashaandhiga Fadaraalka Somaliya Dowlada Maraykanka. Wasiirka Gaashaandhigga dowlada Federalka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa kala wareegay Gaadiidkan saraakiil ka socotay dowlada Maraykanka. Dowlada Mareykanka ayaa ka taageeraysa dowlada Soomaaliya qalabeynta, tababarka iyo taakuleynta Ciidamada Milateriga Soomaaliya. Tan iyo intii la doortay Madaxweyne Trump waxaa dardar xoog leh galay ku lug lahaanshaha dowlada Maraykanka ee arimaha la dagaalnka argagixisada iyo qalabaynta ciidamada Milatariga Somaliya.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/2Z1wH_V6JA4
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 09-Jan-2018 hoolk shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Garoowe kula kulmay boqollaal arday ah oo wax kabarta Jamaacadaha ku yaala magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland . Kulanka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Puntland iyo Federaalka Soomaaliya, saraakiisha Madaxtooyada dawladda Puntland, Maamulka iyo barayaasha Jaamacadda Bariga Afrika. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ardaydii kasoo qayb gashay kulanka uga sheekeeyey qiimaha ay leedahay wax-barashadu iyo doorka ay kaqaadan karto aqoontu dhismaha iyo…
Somalia’s separatist administration of Somaliland on Monday attacked a highly fortified Puntland check point in Tukaraq town, officials said. The attack which killed unspecified number of people reportedly wounded dozens of others during a four hour long battle between the two neighboring forces. Puntland security minster has said that state military have overpowered an aggression attack which is perpetrated by the Somaliland authorities stationing near the border. “That attack was a surprise to us, as we were busy in welcoming Somalia’s president who is now in the state for an official visit “the minster has said in…
Somalia president Mohamed Abdullahi Farmaajo on Monday opened a long awaited GArowe terminal which has been under construction for the past few months. A high level ceremony which is held for the airport is been attended by top Gov’t officials mostly from the Federal Gov’ and neighboring countries including Djibouti and Ethiopia. Somalia president has applauded the region’s progress before he officially open Gen. Abshir Muuse airport which will work as an international airstrip. The project which is 8/4km with 2.4km runway will boost up the state’s revenue in the upcoming years according to president Gaas who…
Yaassiin Cabdullahi waa siyaasi Soomaaliyeed oo deggen Magaalada Gothunberg ee dalka Sweden. Yaassiin waaa aqoon yahan Soomaaliyeed oo u tartamaya mid ka mid ah kuraasta Baarlamaanka ee Xisbiga Centerka (Centerpartiet) iyo weliba kan degmada. Runtii dad badan,ayaa aad ugu faraxsan in uu ka mid ahaado tartameyaasha matalaya Soomaalida maadaama uu yahay masuul waxqabad hore oo la taaban karo lahaa. Musharax Yaassiin Cabdullahi oo mar aan fadhi la yeeshay aan wax ka waydiiyay doorashada Sweden iyo Somalida wayuu ka yiri.. ” Waxaan u baahanahay in aan codkeena mideyno isla markaasna ucodeyno qof ka soo bixi kara waajibaadka aan u idmanay. Qofkaasi…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/H4_JLD3O2WU
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo taariikhdy tahay 07 January 2018 ka qayb galay kulan wadatashi ah oo udhexeeyay dawladda federaalka ee Soomaaliya iyo dawladda Puntland. Madaxwaynaha aya waxaa kulanka wada tashiga ku wehelinayay Madaxwayne ku xigeenka dawladda Puntland, golayaasha dawladda Puntland, saraakiil katirsan madaxtooyada dawladda Puntland iyo masuuliyiin kale. Kullankan oo ka dhacay hoolka shirarka ee wasaaradda maaliyadda Puntland waxaa diirada lagu saaray oo lagaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga guud ee dalka, Dimqoraadiyada iyo dhaqangalinta nidaamka federaalka, Waxaa kaloo kulanka looga hadlay xuquuqaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo sidii deeqaha…
AQOON KORORSI Marwalba oo madaxweyne ka socda dawladda Federaalka uu booqdo Puntland waxaa suuqa la soo galiyaa khuraafaad badan oo sumcada looga dilayo nidaamka Federaalka Khuraafaadkaas waxaa ka mid ah in Soomaaliya dawlado loo kala qaybiyay oo dalkii balaayo u tashatay. Khuraafaadka noocan ah waxaa loo cuskadaa tusaale ku saabsan sida la isku barbardhigay calanka Soomaaliya iyo calanka dawlad goboleedka markaas martida loo yahay. Khuraafaadka noocan ah waxaa looga caafimaadi karaa in dadka la baro aqoon ku saabsan qaabka nidaamka federaalka ah u shaqeeyo. Tusaale ahaan wadankan Canada ee aan ku noolahay waxaa lagu dhaqmaa nidaamka federaalka ah.…
Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiwe Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 07 January 2018 ayaa waxa uu kusoo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo. Madaxwaynaha ayaa waxaa soo dhawaynta madaxweynaha ku wehelinyey Madaxwayne ku xigeenka dawladda Puntland, Gudoomiyaha golaha wakiilada, golayaasha dawladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal, kan degmadada, saraakiisha ciidamada, saraakiisha madaxtooyada dawladda Puntland, qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Garoowe. Madaxwaynaha Jamhuriyada Federaalka ee somaliya iyo Weftigiisa ayaa waxa ay kasoo kicitimeen Magaalada Muqdisho, waxayna u yimaadeen magaalada Garoowe in ay ka qayb galaan munaasabadda 08 January oo…
Halkan ka daawo muuqaalka qaybta 1aad https://youtu.be/x3hMPFdwfg8 Halkan ka daawo qaybta labaad https://youtu.be/8lmhKWBG8-4
Kulan balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Afhayeenka golaha baarlamaanka ahna gudoomiyaha XDSHI mudane Maxamedrashiid Isaaq , Qaar kamid ah kaabaneega deegaanka, Agaasimayaasha iyo heerarka kaladuwan ee shaqaalaha heer deegaan odayaal dhaqameedka deegaanka culimo owdiinka ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee madaxtooyada ee Kaali1. Hadaba kulankan Dood cilmiyeedka ah ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn si kooban uga warbixiyay sooyaalka taariikheed ee horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban islamarkaana sheegay in uu ujeedada kulankan yahay dood cilmiyeed ku…
Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke waa siyaasi, waana Reysal Wasaarihii ugu horeeyay ee Dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, 2009-kii. Waxaa dhalay madaxweynihii 2-aad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Raysulwasaarihii Hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirtashiid Cali Sharmaarke waa shaqsiga keliya oo maanta nool Soomaaliya laba jeer Raysulwasaare ka noqda nasiibkaa u diiday in uu noqdo Madfaxweynaha Soomaaliya waana shaqsi ay aad u qadariyaal shacabka soomaaliyeed iyo Dhamaan Beesha Caalamka waa siyaasi degan khibrad iyo kalsooni ku dheehan tahay waxaa tusaale kuugu filan Cumar miis wada fariista markaas ayaad dareemaysaa Cumar Qofka uu yahay. Laakiin Waxaa jira shakhsiyaad ka…
Senator Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid oo ka mid ah golaha Aqalka Sare ee Fadaraalka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka oo goor dhaweyd la hadlay warbaahinta,ayaa faah faahin ka bixiyay Howlgalkii maanta lagu galay gurigiisa iyo khasaarihii ka dhashay. Waxa uu sheegay in gurigiisa ay galeen ciidamo kasocday DFS ilaaladii guriga iyo xaaskiisana ay dhibaato ugaysteen,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Safiirkii Safaarada Somalida ee dalka Zambia,ayaa maanta jaaliyada Somalida ee zambia si weyn u sagootisay. Gudoomiyaha Jaaliyada Somalida ee Zambia Maxamud Maxamed Hiiraan oo hormuud u ahaa jaaliyada ayaa uqabtay safiirka kulan sagootin ah. Gudoomiyaha Jaaliyada Somalida ee Zambia Maxamud Maxamed Hiiraan,ayaa safiirka gudoon siiyay shahaado sharaf ay ku sharaftay jaaliyadu. Safiir ayaa ahaa masuul aad ay ujecel yihiin guud ahaan jaaliyada Somalida ee dalka Zambia,waana mida keentay in ay gudoon siiyaan shahaado sharaf ay ku tilmaamayaan wadaniyadisii,daacadnimadiisii iyo hawlkarnimadisa. Safiir Mohamed Hasan Dawaare,ayaa safiir ka ahaa Safaarada Somalida ee dalka zambia Ilaa 17/07/12 mudo ku siman 5 sano iyo…
Beelaha Cumar Maxamuud iyo Bah-Ararsame oo dhawaan ku dagaalamay deegaanka Cagaare ee ismaamulka Somalida Itoobiya,ayaa maanta gaaray heshiis hor dhac ah oo xabad joojin ah. Heshiiska maanta ay gaareen beelahaas ayaa ka koobnaa sideed qodob,iyadoo ay dhexdhexaad ka ahaayeen Isimo iyo waxgarad ka kala yimid beelaha kale ee beelweynta Daarood iyo maamulada Puntland,ismaamulka Somalida Itoobiya iyo dowlada Fadaraalka Itoobiya. Hesiiskan,ayaa waxaa ukala saxiixay labada beelood min 21-ergo oo ay kala hogaaminayaan labada Isin ee kala ah islaan Bahiir Islaan Cabdulle iyo Garaad jaamac Garaad cali. Sidoo kale heshiiska waxaa ka mid ah in mudo bil gudaheed ah…
Maareeyaaha garoomada ee Maamulka Somaliland ,ayaa sheegay in Hawada deegaamada Somaliland aysan marna hoos imaanayn maamulideeda dowlada Fadaraalka Somaliya,taasoo maanta si rasmi ah ula wareegtay maamulka guud ahaan Hawada Dalka Somaliya. Dhawaaqa kasoo yeeray Maamulka Somaliland,yaa ku salaysan rabitaankooda ah in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale. Somaliland mahan dal madax banaan umana hirgalin hamigoodii ahaa ka go’ida jamhuuriyada Somaliya. Hadalkan kasoo yeeray maanta Maareeyaha Garoomada Somaliland mahan mid saamayn leh,sababtoo ah iyagoo indhahoodu shan yihiin ayay dowlada Fadaraalka Somaliya la wareegtay maamulka guud ahaan Hawada Somaliya oo ay Somaliland qayb ka tahay. Caalamka ayaa u aqoonsan Somaliland qayb ka…
Xidiggii hore ee kubadda cagta George Weah ayaa iskudaygii labaad waxa uu ku noqday madaxweynaha Liberia. Iyadoo la tiriyay inta badan codadkii laga dhiibtay wareegga labaad ee doorashada Liberia ayaa Mr Weah waxa uu weli ka horreeyay ninka ay tartamayeen Joseph Boakai. Waxa uu badeli doonaa madaxweyne Ellen Johnson Sirleaf, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee loo doorto inay hogaamiso dal Afrikaan ah, waana markii ugu horreysay taariikhda Liberia muddo tobannaan sanno ah oo awoodda si dimuqraadi ah la isugu kala wareejiyo. Mrs Sirleaf ayaa ka adkaatay Mr Weah wareeggii labaad ee doorashooyinkii la qabtay 2005, kaddib…
Taageer oo codkaaga sii musharax Xildhibaan Yaasiin Cabdulaahi Cabdi’ Yaasiin waxuu ka sharaxna yahay Xisbiga Centre Party ,waxuuna u sharaxan yahay Baarlamaanka Fadaraalka Sweden. Yaasiin waa masuul dhalinyaro ah,aqoon iyo karti u leh in uu waxqabto. Hadaba hadaad tahay muwaadin awood uleh in uu codeeyo codkaaga siii Musharax Yaasiin Cabdulaahi Cabdi,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/bWgmbB7ejqg
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 27 December 2017 waxaa si balaadhan koon furta magaalada Gaalkacayo ugu soo dhaweeyay Maamulka Galmudug. Madaxawaynaha iyo Masuuliyiinta ku Wehelinaysay ka qayb galka kulan kaasi is dhex galka bulshada ayaa waxaa kusoo dhaweeyay dhinaca Galmudug Masuuliyiin katirsan Golayaasha Maamulka Galmudug, Talisika ciidamada mamulkaasi, saraakiil katirsan Madaxtooyada Galmudug , isimo Cuqaal, wax garadd, nabadoono, aqoonyahano, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada maamulkaasi, Soo dhawayn kadib Madaxwaynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa uu kulan laqaatay ciidamada isku dhafka ee Magaalada Gaalkacayo,…
Maalmo ka hor ahayd markii Madaxweynaha Fadaraalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu tababar usoo xiray Cutubyo Ciidamo cusub ah oo dowlada Fadaraalka loogu tababaray Saldhiga Milatari ee Turkigu ku leeyahay Magaalada Muqdisho. Hadaba maanta ,aya amarkale Madaxweyne Farmaajo ku tagay kormeer saldhigaas,halkaasoo uu kula wareegay saanad milaatri oo ubadan Hub casriya oo dowlada Turkigu ugu deeqday dowlada Fadaraalka Somaliya. Madaxweyne Farmaajo oo gudoomay saanadaas Milatari ayaa aad ugu mahadceliyay dowlada turkiga. Sida lawada ogsoon yahay dowlada Turkiga waxay si weyn ugarab istaagtay dowlada iyo shacabka Somaliyed,inkastoo deeqdeedu ku kooban tahay inteeda badan Muqdisho iyo hareeraheeda.
Raysul Wasaarihi hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirishiid ayaa baaq udirey beelaha Cumar Maxamuud iyo bah-Aararsame ee ku dagaalamay dhulka hawdka ee u dhaxeeya Sool iyo Nuugaal. Cumar ayaa sheegay in dagaalkoodu soo noqnoqdey, islamarkaasna aan wali xal laga gaarin,loona baahan yahay in xal waara laga gaaro. Cumar Cabdirishiid ayaa ka hadlay eedaynta ay usoo jeediyaan masuuuliyiinta dowlada Fadaraalka iyo sidoo kale arragtidiisa ku aadan sanadkan gabagabada ah iyo xaalada Soomaaliya,hoos ka dhagayso codka. Halkan ka dhagayso codka Cumar
Cabdisaabir Nuur Shuuriye oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya oo maanta hadal uu saxaafada siiyay si cad ugu sheegay in Mooshin xilka looga qaadayo ay keeni doonaan dhawaan Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya. Xildhibaan Shuuriye ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay khiyaano qaran waxuuna tusaale usoo qaatay oo saldhig uga dhigay eedaymihiisaa qodobo ay ka mid yihiin dhiibistii Qalbidhagax iyo weerarkii guriga Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Shuuriye waxuu yiri”Waxaan usheegayaa shacabka Somaliyed in Mooshin ka yaal Madaxweynaha kaasoo ah aan ahayn Qaran dumisnimo,balse uu yahay mid wax toosin iyo isla xisaabtan ku salaysan’ Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri Xildhibaan Shuuriye”Maxaan…
Golaha walaaleenta Bulshada iyo qabyaalad diidka oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Bosaaso,ayaa waxa ay baaq nabadeed udireen dadka ku dagaalamaya deegaanka Cagaare ee Degmada Burtinle. Hadaba mas,uuliyiintii Golaha katirsanayd ee madasha kahadlay ayaa waxaa kamid ahaa Shiikh Fu’aad Xaaji oo ah G/ kuxigeenka golaha dhaxe iyo Maxamuud Faarax Bile oo ah xubin kamid ah Gudiga,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/S5UaBg54wkc
Madaxa Qaramada Midoobay ugu sarreeya Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay ansixintii dhowaan la ansixiyay miisaaniyadda federaalka ee dalka, taas oo ah guul weyn oo laga gaaray horumarinta dhaqaalaha, waana tallaab dalka u soo dhoweynaysa in uu dhaqaale ka helo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah. “Tani waxay calaamad u tahay masaafada ay Soomaaliya ka soo gudubtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay – waxay kusoo dhowaanaysaa inay awood u yeelato inay cageheeda isku taagto maaliyad ahaan, sida xubnaha kale ee beesha caalamka. Marki ay hirgalaan tallaabooyinka dakhli ururinta iyo dib-u-habaynta muhiimka ah, Soomaaliya waxay awood u yeelanaysaa inay hesho deeq iyo maalgelin shuruudeheedu…
The top United Nations official for Somalia has welcomed the country’s recent adoption of a federal budget as a major milestone in its economic development, bringing it one step closer to gaining access to funds from international financial institutions. “This is a sign of just how far Somalia has come over the past few years – it’s getting closer to being able to stand on its feet financially, like most other members of the international community. Once key reforms and revenue collection measures are working, Somalia will be able to receive grants and concessional funding from international financial institutions, instead of…
Xildhibaan Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroolle oo katirsan aqalka sare ee baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya ,yaa shir jaraa’id oo uu saakay ku qabtay hoygiisa magaalada Garowe waxaa uu ku eedeeyey Wasiirka dastuurka iyo guddoomiyaha baarlamaanka inay faraha kula jiraan shaqooyin aan kuwooda ahayn. Dr Faroole ayaa sheegay mar haddii la dhisay aqalka sare ee baarlamaanka Fadaraalka ah inay tahay inay howsha dastuurka iyo faderaalka ee dalka iyagu la wareegaan, balse waxaa uu sheegay inay jiraan dad la diriraya nidaamka faderaalka oo uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya Prof Jawaari oo adeegsanaysa Wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil. Faroolle ayaa ugu…
Waxaa Magaalada Muqdisho gaaray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland,kuwaasoo oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi . Gudoonka iyo Xildhibaanada Puntland ee gaaray Muqdisho,ayaa casuumad ka helay Gudoonka Golaha shacabka Fadaraalka Somaliya. Gudoonka iyo Xildhibaanada Puntland ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan-cade ee magaalada Muqdisho Gudoonka iyo Xildhibaanada golaha Shacabka Fadaraalka Somaliya. Casuumadan ayaa daba socotay socdaal ay kal hore ku gaareen Puntland Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka. Dhanka kale Gudiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Gudoonka iyo Xildhibaanada Puntland,ayaa waxaa isla maanta uga furmay xarunta Golaha…
Waxgaradka Gobolka Bari oo maanta soo booqday xaafiiska idil.Tv ee Bosaso,ayaa baaq nabadeed udiray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Cagaare ee Hawdka Degmada Burtinle ku beegan. Colaadan oo soo noqnoqotay,ayaa waxaa ku naf waayay dad tiro badan,sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad kale oo tiro badan. Waxgaradka maanta baaqa diray,ayaa beelahaas ka codsaday in ay joojiyaan colaada Rabigoodna ka baqaan qaataana talada ehelka,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/KaFba3qkvgU
Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Jen Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere)oo Saxaafadda la hadlayay, ayaa sheegay in ay jiraan Dad reer Mudug ah oo ka qeyb qaata Dagaalada Qabiilka ku saleysan ee ka dhaca Dhulka Miyiga ah ee Gobolka Mudug. Jen.Saciid Dheere ayaa sheegay in Dad ubadan Ganacsatada Gobolka iyo Haweenka ay qeyb ka yihiin Dadka Huriya Colaaddaha Gobolka. Talyaha ayaa ugu baaqay in ay Joojiyaan ka shaqaynta hurinta colaadaha Dhiiga Dadka Islaamka ah uu ku daadanayo ee ku nool Gobolka Mudug. Maalmo ka hor ayey aheyd Markii Puntland iyo maamulka Galmudug ay Magaalada Gaalkacyo ku kala Saxiixdeen…
Tiro Hoobiyaal ah ayaa Goor Dhow ku soo dhacay Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan inta u dhexeysa Gurigii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde iyo Xarunta Madaxtooyada Ee Villa Soomaaliya. Saddex kamid ah Hoobiyaasha ay ku soo dhacay Aaggaas,iyadoo Hoobiyaasha ku soo dhacay Agagaarka Madaxtooyada aysan Qarxin. Ma jirto wax Khasaare ah oo ay sababeen Hoobiyaasha ku soo dhacay Agagaarka Xarunta Madaxtooyada,waxaana aan la ogeyn Jihada laga soo tuuray Hoobiyaasha Maanta soo dhacay. Weerarkna ayaa waji gabax ku ah sheegashada Dowlada Somaliya ee ah in ay ku guulaysatay sugida amniga Muqdisho. Shalay ayay…
Ugu yaraan 5 qof oo dhinacyadii dagaallamayey ka tirsan ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaal saaka barqadii ka qarxay deegaan ka tirsan gobolka Sool. Dagaalka oo ilaa goor dhow oo duhurkii ah ka socday halka lagu magacaabo Xoorre oo u dhow degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa salka ku haya deegaan iyo aano qabiil. Wararku waxay sheegayaan in hub culus oo tikniko ah ay labada dhinac isu adeegsadeen. Khasaaraha dagaalka ka dhashay, kaasoo u dhaxeeya laba beelood, ayey dad goob joogeyaal ahi sheegayaan inuu aad u weyn yahay.…
Gaalkacyo oo ay saamayn xoog leh ku yeesheen colaadiihi sokeeye ee Somaliya ka bilawday 1991 iyo ka horba waxay hada u muuqataa mid si weyn usoo kabatay. Gaalkacyo maanta waa magaalada afraad ee ugu balaaran guud ahaan Somaliya,isla markaana waa magaalada labaad ee Ganacsiga Puntland.sidoo kale waxay ahmiyad gaar ah uleedahay Puntland. Waa magaalo ay ku nool yihiin dadka labaad ee ugu faraha badan Puntland kuwaasoo lagu qiyaaso lix ilaa Todobo boqol oo kun oo qof. Waa magaalo ay iskuulada udareeraan ugu yaraan Lixdan kun oo arday kuna yalaan Iskuulo Waxbarasho oo heerar kala duwan leh oo gaaraya…
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay in uu deeqaha ka jaran doono dalalka taageeray qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagaga soo horjeedsaday in uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil. Bishan horraanteedii ayuu Trump gaaray go’aankaas iyadoo caalaamka aad looga dhaliilay. “Waxay naga qaataan boqolaal milyan oo doolar iyo xataa balaayiin doolar haddana codkooda ayay nagu mucaaradayaan,” ayuu u sheegay saxafiyiinta. “codkooda hanagu mucaaradaan, lacag badan baa anagana noo baaqan doonta.” Haddalkiisan ayaa yimid ka hor codaynta loo qaadayo qaraarka ka dhanka ah in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil ee uu qabanayo Golaha loo dhan yahay ee…
Golaha Iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka ah,ayaa qoraal ay soo saareen waxay kaga hadleen sii deyntii xalay ee Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kaasi oo habeenkii 18-kii bishan lagu soo qabtay Howlgal dhiig uu ku daatay oo ka dhacay guriga Muqdisho uu ka degan yahay. Golaha Iskaashiga Dowladaha xubnahaha ka ah dowlada Fadaraalka ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday howlgalkaas, waxaa uu Goluhu sheegay in labadii maalmood ee la soo dhaafay uu isha ku hayay xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka soo cusboonaatay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay sheegeen in hadii aan xal siyaasadeed oo…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya xabsiga kasii deysay siyaasiga Cbadiraxman Cabdshakur, saddex maalmood kadib marki ay ciidanka ka xireen gurigiisa. Wali ma cadda in cafis lagu sii daayay iyo in ay jiraan shuruudo, hase yeeshee Isniitii lasoo dhaafay ayay Dowlada Soomaaliya sheegtay in Cabdiraxman uu wajahayo eedeymo la xiriira khiyaano qaran iyo dowlad dumis. Weerar ay habeenki Axadda ee aanu kasoo gudubnay gurigiisa ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya, ayaa lagu xiray Cabdiraxman Cabdshakur. Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay shan ruux,hoos ka daawo muuqaalka. …
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa si xooggan u cambaareeyey xarigga loo gaystay siyaasiga Cabdiraxman Cabdishakuur oo habeenkii Axaddii ay xireen ciidamada dawladda Soomaaliya kadib markii ay weerareen guri uu degganaa. Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in siyaasigaasi si degdeg ah loo sii daayo. Weriyahayaga Jacfar Kuukaay ayuu uga warramay dareenkiisa xariggaasi. ”Caburinta siyaasiga mucaaradka ah waa kaligii talisnimo iyo dib u dhac iyo arrin khatarteeda leh.Siyaasiga hadii la soo eedeeyo waa in sifo sharci ah loo maraa”ayuu yiri Cumar Cabdirashiid. Isagoo hadalkiis asii wata ayuu yiri Cumar”Hadii dowladu, Imaaraatka khatar u arkaan ha u…
Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hor-yimid amar ka soo baxay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, kaasoo ahaa in aanay cidna shir qabsan karin, iyadoo aanay fasax ka heysan Hey’addaha ammaanka iyo Gobolka Banaadir. Wasiir Xoosh ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray inay qalad aheyd amarkaas, isla markaana ka hor imaaneysa Dastuurka “Waxaan hadda daawaday shirkii Jaraa’id ee Wasiirka Amniga Gudaha Mr Islow oo uu ku yiri Cidna shir gaar ah ma qabsan karto, iyadoo aysan fasax ka heysan dowladda, hagaag, taasi waa qalad, Dastuurka ayaa u ogolaanaya Xoriyadda ah in cid walba ay qabsan…
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in maalinka beri fog ah la sii dayn doono Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay ciidamada amaanka dowlada Fadaralka xalay gurigiisa weerareen kana kaxaysteen. Hawlgalkaas ayaa waxaa ku geeriyooday afar kamid ah ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Hadaba warar aan ka soo xiganay ilo gaar ah oo aan si buuxda loo xaqiijin karin xaqiiqo ahaantooda,ayaa sheegaya in kulan alaabadu uxirnaa oo tan iyo galabta udhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo waxgaradka beesha Habargidir uu kusoo idlaaday in beri subax lasii daayo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. ”Abdirahman Abdishakur Warsame beri Subax ayaa lasoo daynayaa kadib kulan la isku jilba…
Magaalada Gaalkacyo waxaa shalay ku kala saxiixday heshiis muhiim ah oo ku saabsan adkaynta amaanka Mudug Puntland iyo maamulka aan sharciyada buuxin ee la magac baxay Galmudug. Heshiiska ay wada gaareen labada dhinac,ayaa ka koobnaa 11-Qodob. Mahan markii ugu horaysay ee Mudug lagu kala saxiixdo heshiis,kaasoo isla markiiba si fudud ku fashilma,balse waxaa la filayaa kan in uu ka duwanaado oo ugu yaraan uu ka mid noqdo mid kamid ah heshiis horay loo gaaray ee waxtarka noqday marka laga eego dhinacyo badan. Halkan hoose ka akhriso heshiiska qodobadiisa:- 1.In la sameeyo Guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya Nabadgalyada Gobolka…
Waxaa maanta la daahfuray Istiraatiijiyadda guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka shanta sano soo socota oo qeexesa arrimo ay kamid yihiin hirgalinta doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 ,diyaaarinta sharciyada doorashooyinka,wacyigalinta bulshada ee dhanka doorashooyinka, diwaangalinta cod bixiyaasha iyo hirgalinta axsaabta ,waxaana sidookale Guddiga ay soo bandhigeen qaamuuska eray bixinta doorashooyinka Somaaliya iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Qorheynta dowladda federaalka ah ,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ,xubnaha Guddiga madaxabanana ee doorashooyinka iyo wakiilo kaoscday Beesha caalamka iyo axsaabta siyaasadeed. Gudoomiyaha Guddiga madaxa baanaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in qaamuuska ay soo bandhigeen uu shacabka…
Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa kulan gaar ah magaalada Masqad ee dalka Cumaan kula yeeshay Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka Dowlada Turkey Mudane Numan Kurtulmuş. Eng, Yariisow ayaa uga mahad celiyay wasiirka Mashruucyada hormarineed oo dowlada Turkiga ay ka wado Soomaaliya iyo sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxayna is weydaarsadeen arimo ku saabsan dhaqanka iyo dalxiiska labada dal. Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka Dowlada Turkey Mundane Numan Kurtulmuş ayaa balanqaaday in wasaaradiisa ay fiira gaar ah u yeelan doonto dib usoo nooleynta dalxiiska Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay tahay dal aad…
Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday in Qudus ay tahay Caasimadda Israel. Khudbad uu Guddoomiyaha ka jeediyay kulankii Xildhibaanada ee maanta ayuu sheegay in Soomaaliya iyo Muslimiinta aysan marna gorgortan ka geli doonin lahaanshaha Qudus. “Soomaaliya iyo Muslimiinta marna gor gortan ka gali meyso lahaanshiyaha Qudus, Qudus waa magaalo ku taalo dhulka falastiin waana magaalo ay leeyihiin muslimiinta oo dhan mana loo dulqaadan doono muranka ka taagan Qudus” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari. Waxaa uu sheegay in magaalada Qudus ay soo martay waayihii ugu…
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si adag ugu hadlay go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimada Israel, wuxuuna sheegay Madaxweyne Erdogan in Israa’iil ay tahay dal argagixiso oo caruurta disha. “Israa’iil waa Argagaxiso, dIlaaga carruurta” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga, isagoo sheegay in go’aanka Trump uu yahay mid colaada sii hurinaayo isla markaana xasilooni kusoo kordhin doonin bariga dhexe. “Falastiiniyiinta waa dad laga gardaran yahay, Israel waa wadan argagaxiso haa, waa argagaxiso caruur leys ah. ugama hari doono magaalada Qudus wadan carruur laays ah.”” ayuu yiri Erdogan. Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa ku baaqay shir deg deg…
Muwaadin reer Somaliland ah ayaa ciidamada gaarka u tababaran ee RRU-du waxay kala baxeen gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa,waxaana loo dhiibay oo loo gacan galiyay dalka Jabuuti. Ehelada muwaadinkan ayaa si adag uga hadlay dhacdadan. https://youtu.be/2kIWLEslZxA
Shirkadda Google oo leh barta bulshada video-yada lagu shubo ee Youtube ayaa soo saartay warbixin ku aadan bartaasi, video-yada ku jira, kuwa ay tir-tirtay iyo kuwa maalin walba lagu shubo qiyaastooda. Google ayaa sheegay in ay kugu qaadaneyso in aad daawato video-yada ku jira barteeda Youtube saddex kun iyo lix boqol oo sano (3.600?, waxaana ay intaasi raacisay in video-gii ugu horreeyay ee bartaasi lagu shubo lagu shubay 23-dii biusha April, sannadka 2005. 300 oo saacaddii oo video ayay shirkaddu sheegtay in Youtube-ka lagu shibo daqiiqad kasta, waxaana ay intaasi raacisay in ay isticmaalaan oo wax ku shubtaan dad lagu sheegay…
Lacago ay iska soo uruuriyeen Haweenka Gobolka Banaadir ayaa xalay waxaa dhiira gelin looga dhigay Ciidamada ilaalinta magaalada Muqdisho,iyadoo mas’uuliyiin ka socota Haweenka Gobolka Banaadir socdaal ku soo maray qaar ka mid ah Isgoysyada magaalada Muqdisho. Isgoysyada Haweenka Gobolka Banaadir ay xalay soo mareen waxaa ka mid ah Balaagsii,Baar ubax,Bakaaraha,Tarabuunka,Soobe,Numbar 4 iyo kuwa kale oo ay Ciidamada qaabilsan nabad galyada Muqdisho ay ku sugnaayeen. Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir,Jawaahir Barqab oo ay wehlinayeen Guddoomiyeyaasha Haweenka 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa sheegtay in deeqda lacagta ah ugu talagaleen iney ku dhiira geliyaan Ciidanka heeganka ku ah shaqada iyo iney dareesiiyaan…
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo soo daad gureeyo daraasiin carruur ku xanuunsaneysa deegaanada Mucaaradka ay gacanta ku hayaan ee duleedka caasimadda Dimishiq,iyado wali halkaasi rabashado ay ka jiraan. Shan carruur ah oo ku noolaa bariga Ghouta ayaa lagu soo waramayaa iney geeriyoodeen,halka 137-kalena ay u baahan yihiin gargaar caafimaad oo deg deg ah,sida ay ku sheegtay warbixin ay soo saartay Hay’adda UNICEF. Carruur da’dooda u dhaxeyso 7 bilood illaa 17 sano,ayaa la soo sheegayaa ineysan u helin karin gargaar caafimaad xaaladaha ay ku sugan yihiin oo kelyaha aan shaqeyneyn iyo…