Maamulka gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal shalay galab laysugu habeen madowsaday kaas dhex maray Al-Shabaab iyo ciidamada maamulka. Salaad Cabdi Maxamed oo kamid ah maamulka Hiiran ayaa sheegay inay dileen dhowr qof oo ka tirsan Al-Shabaab sidoo kalana ay gaysteen dhawac aysana jirin iyaga wax dhaawac iyo dhimasho ah oo kasoo gaaray dagaalkii shalay. Salaad ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in iyaga laga gubay Gaari gaadiidkii ay wateen kii ugu horeeyey uuna gabi ahaanba gubtay waxaana uu sheegay wax khasaare ah inuusan ka dhalan gaariga Al-Shabaab ay gubtay sida uu sheegay.
Author: Jibril Qoobey.
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa beeniyey warqad lagu magaacaabay madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi taas oo baraha bulshada lagu qaybiyey. Masuul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay inaysan warqadaas waxba ka jirin ayna tahay mid lagu been abuurtay saxiixa iyo Astaanta maamulka Koonfur Galbeed. Ugu danbayn wuxuu sheegay masuulkan inay wadaan baaritaano ku aadan cidii warqadan qortay ayna la xisaabtami doonaan cidii lagu helo.
Xoghayaha guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa Antonio Guterres’ ayaa sheegay in go’aanka maamulka madaxwayne Trump ay Qudus ugu aqoonsadeen caasimadda Israa’iil ay tahay mid aan nabada gobolka u waanagsanayn,isagoo ka digay in arintaasi ay ka dhalan karto awaaqib xumo. Wuxuu sheegay Mr Guterres in arintani ay wiiqeyso hanaankii geedi socodka Nabadda ee Bariga Dhexe,ee Falastiin iyo Israel,waxaana hadalkani uu jeediayaay mar uu u waramayaya Televeshinka CNN ee laga leeyahay Dalka Mareykanka. Hadalkan ka soo baxay Xoghayaha guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa Antonio Guterress ayaa imaanaya iyadoo dhamaan hoggaamiyaasha Muslimiinta ee Caalamka iyo kuwa kale oo ee Reer Galbeedku…
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Xaafada Jaamacadaha ee Degmada Hodan, dabley hubaysan ayaa xalay fiidkii waxa ay halkaasi ku dileen haweenay ka tirsaneyd ciidamada Booliska. Haweenayda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ridwaan Salaad, waxaana ay aheyd gabar dhalinyaro ah oo ka tirsan Booliska, iyadoo wararka ay sheegayaan inay baxsadeen dableydii dilka gaysatay. Haweenaydan ayaa waxaa lagu dilay afaafka hore ee gurigeeda, xilli ay halkaasi fadhisay. Ciidamada Booliska Somaliya oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa halkaasi waxa ay ka qaadeen maydka gabadha la dilay. Al Shabaab ayaa beegsada dhalinyarada ka tirsan ciidamada ee u taagan difaaca…
Difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee magaalada Gaarisa ayaa ku eedeeyay xukuumadda Kenya in ay adeegsanayso awood xad-dhaaf ah oo ay ku xadgubayso xuquuqda aadanaha si ay uga hortagto xag-jirnimada gobolka waqooyi-bari. Kooda xuquuqda aadanaha ee Gaarisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha Kenya (KNCHR) ayaa Axaddii sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay, ay heleen in ka badan 100 kiis oo ka dhan ah xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee deegaanka Gaarisa. Inta badan kiisaska, waxay yiraahdeen, ayaa la diwaangaliyay ka dib weerarkii Jaamacadda Gaarisa bishii Abriil 2, 2015 kaas oo lagu dilay 148 qof. Masuuliyiinta xuquuqda aadanaha ayaa…
Wasiirka Difaaca Malaysia, Hishammuddin Hussein ayaa sheegay in go’aanka madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda rasmiga ee Israel ay tahay dharbaaxo Wejiga kaga dhacday Maslimiinta Aduunka oo dhan,isagoo tilmaamay in Militariga dalka uu diyaar u yahay inuu guto waajibaadkiisa haddii loo baahdo. ” Ciidamada Hubeysan ee Malaysia (ATM),had iyo jeer waa diyaar,keliya waxay sugayaan amar kaga yimaada Hogaanka sare”,sidaasi waxaa Wakaaladda Wararka Malaysia ee Bernama u sheegay Hishammuddin Hussein oo ah Wasiirka Difaaca dalkaasi. Wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray Wasiir Hussein” Aan u barino in Khilaafka uusan horseedin Fowdo”, Waxaa dad careysan ay banaannbaxo ay ka dhigeen…
Sanadki 1948-kii ayey aheyd markii shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay la isugu raacay in 10-ka December ay tahay maalinta caalamiga ee dhowrista xuquuqda Aadanaha,iyadoo sanad walba aduunka si weyn looga xuso. Wasaaradda haweenka iyo horumarinta qoyska dawladda puntland ayaa qabatay munaasabad lagu xusayey maalinta caalmaiga ee dhawrista xuquuqda aadnaha. HALKAN HOOSE KA DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=5NDC70BSWys Abdirisak jubba -Idilnews.com
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in safaaradooda a kusii sugnaan doonto caasimada Israel ee Tel Aviv, inkastoo Madaxweynaha Maraykanka uu u aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israil. Shir jaraa’id oo uu qabtay, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Meles Alem ayaa u sheegay wariyeyaasha in go’aanka Trump uu ku koobanyahay Maraykanka kaliya. Islamarkaana ay iyaga qayb yihiin Midowga Afrika, oo taageersan xal labada dawladood ah. Arbacadii hore, December 6, 2017; ayuu Mareykanka si rasmi ah u aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israel iyagoo qorsheenaya inay safaaradooda u raraan magaalada barakeesan . Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa tan iyo markaasi dhaleeceeyeen tallaabada Trump oo ay ugu yeedheen dib-u-dhac…
Falastiiniyiinta ayaa si xoog leh isuga soo baxay wadooyinka Gaza, si ay uga mudaaharaadaan aqoonsiga Maraykanka ee al-Quds iyagoo gubay sawirrada madaxda Mareykanka iyo Sacuudiga. Dibad-baxa, oo ay soo abaabuleen kooxda Xoreynta Falastiin (PFLP), ayaa kumanaan qof buux dhaafiyay wadooyinka si ay uga mudaaharaadaan duulaanka ay ku soo qaadeen maraykanka iyo Israil inay kula wareegaan Magaalada barakeesan ee Islaamka. Dibad-baxayaashu waxay dab qabadsiiyeen calanka Mareykanka iyo Israel, iyo sidoo kale sawirrada madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, iyo boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz iyo wiilkiisa ahna Amiirka dhaxalsugaha Mohammad bin Salman. Yaacov Nagel, oo ka mid ahaa la taliyayaasha ra’iisal wasaaraha Israa’iil…
INNAALILAAHI WAA INNA-ILLAAHI RAAJICUUN WAXAA 10-12-2017 KU GEERIYOOTAY MAGAALADA NAIROBI(KENYA) MARXUUMAD BAAR CISMAAN JIRAC Waxaana halkan tacsi ka diraya dhammaan Ehelka kala ah: Cabdi Maxamad Tarrax Ambassador Cabdulqani Muxumad Waceys Col. Zubeer Cabdilkariim Boorle Col. Nuux Maxamad Axmed Isaakh Sadiiq Xasan Cali Buraale Xildhiban Bashiir Axmed Cawar Maxamad Xasan Geelle Xuseen Beynax Barre Xuseen Xasan Geelle Eng.Shariif C/naasir Shariif Maxamad Shariif Muhdi Cabdicasiis Xaaji Cabdullaahi Qorraxeey Yuusuf-mahad Maxamad Aadan Xasan Xaaji Barre Bashiir Suldaan Maxamuud Heybe Dr.Asad Suldaan Maxamuud Heybe Yuusuf Suldaan Maxamuud Heybe Muxumad Suldaan Maxamuud Heybe Maxamad Cabdi Adar-Gows Maxamad Cabdi Xasan Eng.Maxamuud Beynax Barre Dr.Cabdirisaaq Macallim Cabdullaahi Cabdi Gaani Yuusuf Shugri Cumar Gaboose Dr. Cabdilxakiim…
Qalabka tegnoolajiyada casriga ah ayaa la sheegayaa in looga hor tegi karo caanaha carruurta ee la been abuuro iyo dawooyinkaba. “Waxaan aad uga cabsi qabaa waxyaabaha caruurta ee la been abuuray,” ayey tidhi Zeng oo gabadheeda ay 11-jir tahay. Waxay ka walaacsan tahay dhibaatada caafimaad ay gabadheeda wajihi karto ee ka dhalan kara caanaha la been abuuray ee aan ahayn kuwa saxda ah. Walwalkeeda wuxuu muujinayaa fadeexadda ballaadhan ee aadanaha dhankiisa ka timaada ee caalamka oo dhan hadda ka jirta, waxaana la arkay alaabo been abuur ah oo laga faa’iday malaayiin dollar, suuq fiicanna yeeshay. Haddii dharka been abuurka ah…
Dhinacayadii diyaarinayey shirkii shidaalka iyo Gaaska ee lagu waday in uu ka dhaco Nairobi bisha March ee sanadka soo socda ayaa baajiyay kadib markii ay dowladda federaalka ah ku eedeeyeen kala hadal iyo maamul xumo. Qoraal soo baxay 10 December , ayaa lagu sheegay in shirkadaha Amsas iyo IRN ay baajiyeen shirkii Nairobi iyaga oo intaasi ku daray in ay qaban-qaabin-doonaan shirar kale haddii fursadda u helaan. Warbixin kale oo bishii hore ay soo saareen International Research Networks (IRN) waxaa iyadana lagu eedeeyay dowladda federaalka ah oo iska fogeysay in ay wax ka og tahay ama tagi-doonto shirkaasi kadib markii…
Hay’ada Madaxa Banaan ee ka Shaqeysa dhanka Xaquuqda Aadanaha deegaanada Soomaaliland aya waxa ay soo saartay tacadiyada ka dhanka ah xaquuqul Aadana ee Sanadkaan . Gudoomiyaha Hay,ada Madaxa Banaan ee Xuquuqul insaanka Soomaaliland Guleed Axmed Jaamac ayaa sheegay in Madaxda Soomaaliland ee uu Siilanyo hogaamiyo ay masuul ka aheyd tacadi loo geystay dad Wariyayaal u badan iyo qeybaha kale ee bulshada. Waxa uu sidoo kale hadalkiisa intaas raaciyay in dhamaan tacadiyadaas ay geysteen intooda badan Ciidamada Maamulka Soomaaliland. Gudoomiyaha Hay,ada Madaxa Banaan ee Xuquuqul insaanka Soomaaliland Guleed Axmed Jaamac ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Soomaaliland Muuse…
Ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhimatay dagaal ka dhexeeya kooxo ka mid ah qowmiyadaha dega gobolka Western Lakes ee waqooyiga koonfurta Suudaan. Weerarka ayaa waxaa soo qaaday dagaalyahanada Pakam, iyagoo ka aargoosanayay weerarro ay horay u gaysteen kooxo dhallinyaro ah oo kasoo jeeda qabaa’ilka Ruop. Wasiirka Warfaafinta Gobolka Shadrack Bol Maachok ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u culus, islamarkaana ay ku dhinteen in ka badan 45 qof kuwo kalena ay ku dhaawacmeen,”. Wasiirka ayaa sheegay in milatariga Koonfurta Suudaan, ay ciidama u direen caasimadda gobolka, Rumbek, si ay isugu dayaan una joojiyaan rabshadaha kuwaas oo sidoo…
Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Abul Qeyd ayaa ka sheegay kulanka deg degga ah ee Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira ka socda in go’aanka Madaxweynaha Mareykanka ee la xiriira in magaalada Qudus u aqoonsaday Caasimadda Israel. Abul-Qeyd ayaa intaa raaciyay in qaraarkaasi uu gaaraay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee arrimaha Qudus khuseeya uu yahay mid baadil ah,wuxuuna cadeeyay in qaraarkaasi oo ka soo horjeedo mabiidi’da sugan iyo cahdiga Qaraamada Midoobay oo sheegay in Israel ay magaaladaasi xoog ku haysato iyo waliba dhulalka kale ee dadyowga Falastiin. Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Abul Qeyd,…
29 Mudane ayaa codka kalsoonida siiyey Muumino Sheekh Cumar, taas oo Xubin ka noqoneysa Gudiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka. Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa sheegay in sirasmi ah Abuukaate Muumino Sheekh Cumar ay uga mid noqotay Gudiga Qaabilsan Arrimaha Dastuurka. Ansixinta xubnaha Golaha Aqalka sare ee dalka Kadib ayaa halkaasi lagu dhaariyey Muumino Sh Cumar oo kamid noqotay Guddiga qaabilsan Arrimaha dastuurka. Gudoomiyaha Gudiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale ayaa Guul ku tilmaamay in Gudigoodu hello qof aqoon dheer u leh Arrimaha Dastuurka. Dhanka kale waxaa Golaha Aqalka Sare…
Isu soo bax looga soo hojeedo maamul xumida Xukumadda Israa’iil ayaa ka socoda Magaalada Tel Aviv. waxaana ka qeyb galay kumanaan qof oo Israa’liliyiin ah oo wata boorar ay kaga soo horjeedeen kuna qornaayeen erayo ka tarjumaya sida ay uga so horjeedaan maamul xumida iyo Musuqa Xukuumada R/wasaare Benjamin Netanyahu. Boorarka ay dibad-baxyaashaasi wateen ayaa waxaa ku qornaa Midig iyo bidix midna maya,balse waxaa codsdanaynaa inTalaabo laga qaado Mamulka Xukuumadda R/wasaare Benjamin Netanyahu. Isu soo baxaasi oo galay Todobadkiisi Labaad waxay banaan-baxyaashaasi ka cabanaya wax isdabamarinta iyo musuqa Xukuumadda Benjamin Netanyahu. Benjamin Netanyahu ayaa beeniyay iskana fogeeyay musuqa lagu eedayay…
Dadka rayidka ah ayaa ahaa dhibbanayaal ay kooxo aan Dowladda ahayn u geysteen weerarro sharci darro ah – iyagoo si toos ah loo beegsanayo loona adeegsanayo bambooying aan loo meeldayin iyo weerarro ismiidaamin ah. Inta badan weerarradaas, oo uu mamnuucayo sharciga caalamiga ee xuquuqul insaanka iyo sharciga caalamiga ee xilliyada dagaalka, waxay u badantahay inay noqdaan dembiyo dadgaal, waxaana waajib ah in la aqoonsado kuwa geysta lalana xisaabtamo, ayay tiri warbixintu. Dhacdadii ugu xumayd ee hal maalin dhacda waxay ahayd qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay caasimadda Soomaaliya, Muqdisho, 14kii bishii Oktoobar, ee ay saraakiisha dowladda Soomaaliyeed u aaneeyeen Al-Shabaab,…
Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Magaalada Garowe ayaa muujiyay dhibaato ay sheegeen in ay ku heysato Gudaha jeelka isla markaana aysan helin daryeel wanaagsan. Maxaabiistaas oo mudo ku xiran Xabsiga ayaa waxa ay sheegeen in ay waayeen cadaalad isla markaana mararka qaar ay moodan in aysan aheyn Soomaali kadib markii rag ku eedeysnaa Burcad badeednimo lasiidaayay. https://www.facebook.com/MaansoorHD/videos/1062464330557271/
Ururka Al Shabaab ayaa soo saaray Bayaan ku cad mowqifkooda ku aadan go’aankii Donald Trump ee Magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel. Bayaanka Shabaab ay soo saareen oo ku qornaa Luuqada Carabiga, ayaa waxa ay ku sheegeen in Magaalada Qudus ay tahay dhul Muslimiinta ay leeyihiin, iyagana ay difaacan doonaan. “Kedis naguma ahayn hadalka kasoo yeeray, Trump Iyo ku dhawaaqistii uu ku sheegay in Qudus-ta muslimadda ah ay tahay caasimadda Israel, sidoo kalana lama aynaan fajacin sida liidnaanta ku jirto ee dhawaaqiida dabadhilfiyada u ah reer galbeedka ay u meel mariyeen heshiiskan, kani waa dhaqankooda, taasina waa…
Kuuriyada Waqooyi ayaa dhaleeceyn xoog leh u jeedisay kuna tilmaamay “fal aan qummaneyn, iyo ficil xun” go’aanka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku aqoonsaday al-Qudus caasimada Israel, iyaga oo sheegay in tallaabadaasi muujinayso Maraykanka inuu yahay burburiyaha nabada adduunka.” Wasaarada arimaha dibada ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in xukuumada Pyongyang ay si adag u cambaareyneyso” tallaabada Mareykanka islamarkaana u muujiyay “taageero adag iyo midnimo dadka Falastiiniyiinta iyo Carabta ku dhibtooday inay ku guuleystaan xuquuqdooda sharciga ah.” “Maraykanka waa in lagula xisaabtama dhammaan natiijooyinka ka iman kara falkan xun,,” ayay raacisay wasaarada. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee North Korea, ayaa…
https://youtu.be/vevCCCNIOl8
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu shir uga qaybgalay magaalada Sharmal Sheekh ee Masar. Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya,waxaana safarka Madaxweynaha Soomaaliya ku wehliyay xubno katirsan Golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada. Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ka qayb-galay Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga. Khudbad uu shirkaasi ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ka…
Maamulka Falastiin ayaa walaac ka muujiyay in Sucuudi Carabiya ay iska indho tirayaan xuquuqda Falastiiniyiinta ee muhiimka ah iyaga oo gacan saar hoose la leh Mareykanka si ay u hormariyaan “gorgortan ka dhan ah iskahorimaadka Falastiiniyiinta iyo Israil kaas oo loogu eexanayo Israel. Qaar ka mid ah Saraakiisha maamulka Falastiniyiinta oo codsaday in aan la shaacin aqoonsigooda ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Amiirka Sacuudiga Mohammad bin Salman uu kala hadlay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Abbas qorshe ka dhan ah xuquuqda ay leeyihiin qaxootiga Falastiiniyiinta inay kusoo laabtaan dhulkooda iyo xaaladda Qudus ee caasimada mustaqbalka Falastiin taas oo badalkeeda…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, aqoon-yahano, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah shacabka magaalada Garoowe. Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa ka warbixiyey shirkii amniga qaranka Soomaaliya iyo kii beesha caalamka iyo Madaxda Soomaalida, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu…
Diyaarad nooca Mileteriga ah oo ka timid wadanka Masar, islamarkaana siday deeq daawo ah oo gaareysa 5-tan ayaa soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde . Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qunsulka Safaaradda Masar kala wareegay deeqdani waxaana goob joog ka ahaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya, saraakil ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo madax kale. Abdirisak jubba- Idilnews.com . Halakna hoose ka daawo https://www.youtube.com/watch?v=HcGUYkv2e9U
Dab xooggan ayaa Goordhow ka kacay kaalin Shidaal oo ku yaala isgooyska Sanca ee Magaalada Muqdisho. Dabka ayaa u muuqda mid kusii fidaya goobaha kala ee ganacsi waxaana hadda goobta uu dabka ka kacay gaaray Gawaarida deb damiska. Dadka Suuqa ku Ganacsada qaarkood ayaa sidoo kale muujinaya dadaal ay ku doonayaan in dabkaasi lagu demiyo si uusan Goobaha kale ugu fidin. Hoos ka daawo sawirada Abdirisak Jubba -Idilnews.com-
Wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda Kanada, Axmed Xuseen Dirir oo ku sugan Dalka Maraykanka ayaa Soomaalida gobolka Minnesota ku dhaqan la yeeshay kulamo kala duwan. Wasiirka ayaa ka hadlay ujeedada socdaalka uu ku joogo Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka oo ay Soomaalidu aadka ugu badan yihiin, wuxuuna sheegay in uu u yimid arrimo badan oo ay ka mid tahay in Dowladda Canada ay u soo dirtay inuu la shiro Guddoomiyaha Gobolka, masuuliyiinta Golaha deegaanka iyo Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolkaasi. Wasiirka oo ka hadlaayay Xiriirka u dhaxeeya Canada iyo Maraykanka ayaa yiri, ” labada dal waxaa ka dhaxeeya arrimo…
Kulankaan ayaa looga hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa Shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airline, waxaana ka qeyb galay masuuliyiinta wasaaradda oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Wasiiru dowlaha Wasaaradda C/raxmaan Xersi Kulmiye, xubno kasocday Guddiga Gaadiidka ee Baarlamaanka iyo qaar kamid ah shaqaalihii shirkadda Diyaaradaha Soomaali Airline. Kulanka ayaa intii u socdey waxaa la is dhaafsadey fikrado ku aadan qaabka ugu fadud ee loo howgalin karo Shirkadda Somali Airline oo baahi weyna ay u qabaan bulshada in la helo adeegyadii ay qaban jirtey. Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gadiidka iyo Duulista hawada C/Raxmaan ayaa sheegay in wasaaraddu ay…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey maalinta caalamiga ah ee ku astaysan la dagaalanka musuqmaasuqa, ayaa hadal adag ku yiri “Xukuumadaydu haba yaraatee wax dulqaad ah uma yeelan doonto musuqmaasuqa iyo wax-is-daba-marinta, isla markaana waxaan dadaal badan ku bixin doonaa sidii loo ciribtiri lahaa musuqa”. Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in dawladdu ay dedejisay ansixinta sharciga dhismaha guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa, oo baarlamaanku meelmariyey bishii hore, isagoo caddeeyey in ay qaadeen tallaabooyin dheeri ah oo ay ka mid tahay magcaabista Hanti-dhawre Guud iyo Xisaabiye Guud oo shaqo-yaqaanno ah. Waxuna raaciyey in bilaha soo socda la…
Hay`ad loogu magac daray Operational Readiness Assessment (ORA), kana shaqeysa qaabka ciidamada Soomaaliya ay ugala wareegayaan amniga AMISOM xilliga kala guurka ayaa la hirgeliyay, waxaana sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku sugan magaalada Muqdisho Simon West uu sharraxayaa waxa ORA ay qabaneyso. https://www.facebook.com/MaansoorHD/videos/1061928983944139/
Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho, ciidamo ka tirsan dowladda ayaa halkaasi waxaa ku dhexmaray dagaal. Ciidankaan oo hab beeleed u abaabulan, ayaa kala difaacanaayay dhul ku yaalo nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka, waxaana la sheegay ciidamadan inay ka tirsan yihiin ciidamada Militariga. Wararka ayaa sheegaya in goobta dagaalka uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan Nabad Suggida Somaliya, kuwaasi oo isku dayay inay kala dhex galaan ciidanka dagaalamay, balse waa ay kala celin waayeen. Ciidamadan dagaalamay oo reerahooda ay dagan yihiin guryaha jiindagaha ah ee ku yaala aagga Isgoyska Tarabuunka, ayaa muranka dhulkooda soo…
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarkii dilka ahaa ee lagu qaaday ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC). Antonio Guterres ayaa farta ku fiiqay in weerarradan sida ula kaca ah ee lagu bartilmaameedsanayo nabad-ilaaliyeyaasha Qaramada Midoobay aan la aqbali karin waxaana uu ku tilmaamay dembi dagaal,isagoo intaa ku daray, inuu cambaareynayo weerarkan si aan kala go ‘lahayn.” Dagaalyahano looga shakisanyahay kooxda fallaagada Allied Democratic Forces (ADF) ayaa weeraray Xarunta Howl-galka oo ay maamusho MONUSCO (Hawlgalka Xasilinta ee UN-ka ee DRC), oo ku taala Semuliki ee deegaanka Beni, halkaa…
Deegaanka af Urur ee gobolka Bari ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada Nabad sugidda Puntland. Dagaalkan oo Al-Shabaab ay ku soo qaaday Saldhig ciidamada ammaanku ay ku lahaayeen Duleedka deegaanka Af-Urur ayey kala kulmeen iska caabin xoogan mana jirto wax khasaare ah oo soo gaaray dhinacyadii ku dagaalku dhexmaray sida ay noo xaqiijiyeen dadka reer guuraaga ah. Sidoo kale waxay sheegayaan wararku inay Al-Shabaabkii laga soo cayriyey Koonfurta Soomaaliya ay soo galeen deegaanada Buuralayda Gal-Gala iyo Silsilada Golis taas oo fariisino hore ay ka ku lahayeen Xoogaga Al-Shabaab. Ciidamada Nabad Sugidda Puntland ee gobolka Bari ayaa…
Shir degdeg ah oo uu isugu yimid Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu cambaareeyay go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday in Qudus ay tahay Caasimadda Israel. Xubnaha golaha ammaanka, marka laga reebo Mareykanka ayaa waxay si wadajir ah u cambaareeyeen go’aankii Trump. Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Bariga Dhexe Nickolay Mladenov ayaa ka digay tallaabada ka dhalan karta go’aanka Mareykanka, waxaana uu xusay in isku dhac ka dhex bilaabata Israel iyo Falastiniiniyiinta ay keeni karto dhibaato aan la mahdin. Dalal badan oo caalamka ayaa cambaareeyay go’aanka Madaxweyne Trump uu ugu aqoonsaday Qudus inay tahay Caasimadda Israel. Ururka Jaamacadda…
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Maalinta Qowmiyadaha Itoobiya, isagoo matalayay dowladda Soomaaliya. Munaasabaddan oo lagu qabtay magaalada Samara ee gobolka Cafarta ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desalegn, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madax kalle. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo horay uga soo baxay Jaamacad ku taal Itoobiya ayaa ugu horeyn khudbadiisa ku furay afka Amxaariga oo uu ku salaamay madaxdii iyo dadweynihii ka soo qeyb galay Munaasabadda. Halkan ka daawo. https://www.facebook.com/MaansoorHD/videos/1061905663946471/
Tartanka Ciyaaraha maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa galabta ka furmay garoonka kubadda cagta ee Stadium Koonis, iyadoo ciyaartii u horeysay lagu furay Xulka Kubadda cagta ee Gobolka Banaadir iyo Xulka Kubadda Cagta Jubbaland. Tartankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa waxaa ka qeyb galaya shanta maamul goboleed iyo Gobolka Banaadir, kuwaasoo labo Group loo kala qeybiyay. Ciyaartii u horeysay ayaa lagu bilaabay xulka Gobolka Banaadir iyo Xulka Jubbaland, iyadoo ay si rasmi ah tartanka u furtay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaa daawashada ciyaarta galabta ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Xasan…
Waxaa heshiis buuxa laga gaaray dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo Bariga Itoobiya ku dhex maray Qowmiyada Oromada iyo Soomaalida kadib kulamo kala duduwan oo ka dhacay Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. Ibraahim Maxamuud Mubaarak Duqa Magaalada Jigjiga ayaa sheegay in marka hore la go’aamiyay in dadkii ka soo barakacay deegaanadii lagu dagaalamay lagu celiyo,sidoo kale cid alaala cidii ka tagtay Jigjiga ay ku soo laabato iyo in dadkii kala heystay hanti la isugu celiyo. Duqu wuxuu sheegay in shirarkii kala duwanaa ee ka dhacay Magaalada Adis Ababa heshiiskaas lagu gaaray isla markaana Bulshadu ay aad u soo…
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka walaacsantahay go’aanka uu qaatay maalinti Arbacadii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday caaismadda Israa’iil. War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha diebdda ee Soomaaliya ayaa go’aankaasi ku tilmaantay inuu yahay mid halis ah, waxaana dawladdu ugu baaqday Maraykanka in ay si “dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka” sida lagu sheegay war safaaxadeedka War saxaafadeedka ayaa ugu baaqay dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helista Qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada…
Kumanaan shacabka muslimiinta reer Falastiin ayaa bilaabay bannaan baxyo looga soo horjeedo go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israel. Jidadka magaalada Qudus waxaa lagu arkayaa dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo ku qeylinayo ereyo ka dhan ah siyaasadda Mareykanka,sidoo kale dadkani waxaa ay dabqabadsiiyeen sawirka madaxweyne Donald Trump taasi oo muujinaysa sida ay uga soo horjeedaan in Uhuudda loo gacan geliyo magaalada Barakaysan ee Qudus. Gabi ahaanba waxaa Albaabada u laaban goobaha ganacsi,I skuulada iyo xafiisyada shaqo, si dadku ay uga dhiidhiyaan qadiyadda magaalada Qudus,dibadbaxayaasha, ayaa wadooyinka ku gubay taayeero, sidoo kalena…
Munaasabad lagu daah furayay Tartanka Ciyaaraha Kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Garoonka Koonis Stadium, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, Wasiirada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dowlad goboleedyada, Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, iyo Guddiyo ay Wasaaradda Dhalinyarada u saartay howlaha Tartanka. Ugu horeyn waxaa Socod wareeg ah garoonka ku maray Ciyaartoyda ka qeyb qaadanaya Tartankan, ee ka kala socda Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Gobolka Banaadir, waxaana intii uu socodka wareega socday waxaa garoonka qabsaday heeso daah fur u ahaa Tartanka.…
Laacibka caanka ah ee u ciyaara kooxda Real Madris ayaa xalay ku guuleystay koobkii shanaad ee Ballon d’Or, waxaana uu iminka soo qabtay saaxiibkii Lionel Messi oo ay wada haystaan mid shan koob oo Ballon d’Or ah. FIFA ayaa sannadkan bilowgiisii u aqoonsatay Cristiano Ronaldo ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, waxaana uu halkaasi kala tagay koob kale oo ah kan ciyaaryahanka sannadka. Mar wax laga weydiiyay dareenkiisa iyo waxa uu haminayo ayaa waxaa uu yiri ” – Waxaan haminayaa oo aan rabaa cunug kale in uu ii dhasho, waxaana marka la isu geeyo doonayaa 7 ciyaal ah iyo 7 Ballon d’Or ah”. https://twitter.com/francefootball/status/938847082668011520
Gudoomiye ku xigeenkii degmada Xaafuun ee Gobolka Karkaar ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas uu ku furay taliyaha Saldhiga Booliiska degmadaasi Xaafuun kadib muran dhex maray. Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Muuse Bahaleey oo dhaawac ahaan u jiifay Isbitaalka Boosaaso ayaa ugu dambeyn geeriyooday dhaawiciisa oo cuslaa aawgiis. Gudoomiyaha Gobolka Karkaar ayaa Warbaahinta u sheegay in arrintaan ay si kedis ah u dhacday ,wxuuna intaas ku daray in laamaha amnigu arintaas baaris ku hayaan. Warar ay si hoose Idilnews.com u heshay ayaa sheegaya in labada masuul uu dhex maray muran dhinaca dhulka ah taasoo sababtay in uu u…
Kulanka Golaha Wasiirada ee khamiislaha ee ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen Arrimo ay ka mid yihiin Amniga,Dib u heshiisiintii ay gaareen Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna. Kulanka Wasiirada ayaa intii uu socday socday waxaa lagu ansixiyay Qorshaha Amniga Qaranka ee shanta sano ee soo socoto,sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow,hoos ka dhagayso codka. HALKAN HOOSE KA DHEGAYSO Abdirisaq Juba idil News Garowe
Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa faah faahin ka bixisay rag tirsan Shabaab iyo Gaadiid ay wateen kuwaasoo isku soo dhiibay maamulka koonfur galbeed. Raggan oo watay mid ka mid ah Gaadiidka dagaalka nooca loo yaqaano Cabdi Bilaha ayaa la sheegay in ay tiro ahaan gaarayaan ilaa 7 Ruux ayaa isku soo dhiibay Maamulka degmada Diinsoor ee Gobolka Baay. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in raggaan ay ka soo tageen deegaan lagu magacaabo Carabow oo qiyaastii 154 KM dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Diinsoor ee Gobolka Baay. HALKAN KA DHEGAYSO CODKA Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga…
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday qaar kamid ah ciidanka Madaxtooyada oo dhaawac soo gaadhay dhowaan iyagoo ku guda jira difaaca dalkooda. Madaxweynaha ayaa waxaa booqashada ciidanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshayta Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Madaxtooyada dawladda Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa kulan laqaatay maamulka cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho suu uga warayso xaaladda caafimaad ee saraakiisha, waxaana ay u xaqiijiyeen Madaxweynaha in guud ahaan ciidanka ay xaaladdooda caafimaad wanaagsan tahay, isla markaana ay maalinba maalinta ka danbaysa…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho kulna kula yeeshay Ciyaartooyda Xulka kubada Cagta Jubbaland ee ka qayb galaya Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir oo lagu qabanayo Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Xildhibaanada labada Aqal iyo masuuliyiin kale ayaa munaasabadan ka qayb galay. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu rajaynayo in Xulka kubada Cagta Jubbaland ay ku guulaystaan koobka Dowlad Goboleedyada dalka isla markana ay muujiyaan niyad wanaag iyo habdhaqan wanaagsan marka ay garoonka ku jiraan. Madaxweynahu wuxuu Ciyaartooyda ku booriyay in ay soo celiyaan tariikhdii Jubbaland ay caanka ku…
Madaxweynaha dawladda Puntland oo ku hadlaya magaca Madaxweynayaasha dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna yahay mid ka qayb qaadanaya geeddi socodka nabadda Soomaaliyeed, dib usoo celinta sharaftii, karaamadii iyo dawladdanimadii Soomaaliyeed. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in heshiiskani ay ka muuqato isu tanaasul iyo garasho xeeldheer, waxaana uu ku bogaadiyey Madaxweynaha maamulka Galmudug sida waaya aragnimadu ku jirto ee uu uga shaqeeyey midawga shacabka reer Galmudug. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in Ahlusunna ay markasta u taagnaayeen difaacidda dalkooda iyo dadkoodaba, isla markaana waxa uu tilmaamay Madaxweynuhu in heshiiskani Soomaali oo dhan…
Muwaadinkaan Soomaaliyeed ee Maxkmada dalka Kanada ay xukunka ku riday ayaa waxaa lagu Magacaabaa Cali Cumar Adeer waxaana loo heystaa afduubka Wariye Amanda Lindhout oo mudo 15 Bilood ah Afduub ahaan loogu heystay gudaha Soomaaliya mudo Sagaal sano ah ka hor. Cali Cumar Adeer oo 40 jir ah ayaa Maxkamada Kanada waxa ay sheegtay in dembigaas lagu helay, balse isagu uu sheegay in uusan arrintaasi waxba ka ogeyn sidoo kalena isla isaga uu afduubnaa. Waxaa Maxkamada Kanada ay sheegtay in dacwadaan oo la dhageysanayay mudo 10 Cisho ah ugu dambeyn lagu xukumay xabsi daa’in ah balse la filayo in lagu…
Wassaaradda Arrimaha dibada kuuriyada Woqooyi ayaa sheegtey dhoolatuska balaaran ee ay wada jirka u samaynayaan Maraykanka iyo Kuuriyada koonfureed iyo sidoo kale hanjabaada Maraykanka ee ku aadan Pyongyang inay horseedayso dagaal ka qarxa gacanka Kuuriya. Xiisada gacanka Kuuriya ayaa sii xumaanaysey bilihii u dambeeyey kadib markii kuuriyada Woqooyi si isdaba joog ah u tijaabisay nooca xambaara Madaxyada Nuclearka Kuuriyada Woqooyi waxay sheegtey todobaadkii la soo dhaafey inay tijaabisey gantaalihii ugu badnaa isla markaana horumar balaaran ka samaysey xaga gantaalaha qaaradaha iskaga gudba sidoo kalana waxay iska dhaga tirtay baaqyada iyo qaraarkii Qaramada Midoobey ee looga dalbanayay inay joojiso tijaabada gantaalaha…
Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljamaaca ayaa sheegay in dagaalkii Gobolada qaar looga saaray Al-Shabaab ay doorweyn ku lahaayeen taas oo keentay in uu amni noqdo deegaanada ay maamulaan. Waxa uu sheegay in dadka ku nool Gobolada Dhexe gaar ahaan deegaanada Ahlusuna aan waqtigaan laga helin cid ka tirsan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in deegaano badan oo ku dhow dhow Gobolada Ahlusuna ay maamusho ay difaac u yihiin. “Waxaan idiin sheegayaa in gobolada iyo Maamulda ku teedsan deegaanada Gobolada dhexe iyo dowladda Itoobiya hadii aysan jiri laheyn Ahlusuna in ay…
Waxaa xalay xiligii Salaada Subax magaalada Hargeysa ku geeriyootay, Alle ha u naxariistee, Shamis Abuukar (Guduudo Carwo) oo ahayd gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee idaacadii ugu horreysay ee Raadiyaha Hargeysa ka heesta 1952. Shamis Abuukar ayaa sannadihii u danbeeyay xannuunsanayd, waxaana geerideeda xaqiijiyay qaar ka mid ahelkeeda iyo fanaaniinta ku nool Magaalada Hargeysa Ee deegaanada Maamulka Soomaaliland. Xilligii ay Guduudo Carwo bilowday in ay heesto, dumarka kuma aysan dhiiran jirin xiligaas fanka iyo ka hadalka idaacadaha. Doorka dumarka ee ruwaayadihii xilligaa iyo heesaha waxaa matali jiray rag, ka hor inta aysan Shamis Abuukar aysan billaabin heesaha. Maadaama dumarka aan…
Madaxweyne Trump ee Mareykanka shir jaraa’id ayuu caawa ku aqoonsaday magaalada barakeysan ee Qudus iney tahay Magaalo Israa’iil, isagoo ku bilaabay hadalka waxaan go’aansaday aqoonsiga Qudus caasimada Isra’iil. Ra’isul wasaaraha Yahuuda Netanyahu ayaa isna warsaxafadeed ku qabtay Qudus ” Waligeed ayey caasimad noo eheed Qudus sedex-kun oo sanno ayey noo eheed caasimad , dhulkii nabiyadeena iyo boqoradeena- waligeed ayey eheed rajadeena & riyadeena ee dhamaan umadda Yahuuda ee caalamka soo laabto kusoo noqda Israa’iil. Boris Johnsan wasiirka arrimaha dibadda Uk waxu yiri waa welwel cusub. Falastiin waxey sheegtay in dagaal ay gali doonto. Turkiga waxa uu ku dhawaaqay shir degdeg…
Wadamada Islaamka ayaa soo horjeestay go’aanka Madaxweye trump sheegay inuu qudus ugu aqoonsanayo caasimada israel . Aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Trump uu ka hadli doono Arbacada go’aankiisa ku aadan in safaarada Mareykanka ee Israil loo raro Qudus iyada oo ay soo wajaheyso dhaleeceyn caalami ah oo sii kordheyso. Afhayeenka aqalka cad ayaa sheegtay in madaxweyne Trump Uu aad ugu adkaa fikirkiisa arrintaan ku saabsan. Tiro hoggaamiyeyaasha Carabta ah ayaa dhammaan madaxweyne Trump uga digay si toos ah wax ay u arkaan cawaaqib xummo ka dhalata tallaabadan. Abdirisaq Juba idil News Garowe HALKAN KA…
Xildhibaan aadan ducaale oo kamid ahaa xildhibaanadii barlamaanka kenya ayaa maanta hortegay Maxkamad ku taala magaalada nairrobi . Aadan ducaale oo lagu soo eedeeyey inuu musuqmaasuqay doorashadii hore ee kenya ,ayaa eedahaas Iska difaacay. HALKAN KA DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=–db8S22Mvw Abdirisaq Juba idil News Garowe
Ahlsuna iyo maamulka Galmudug ee Cadaado,ayaa goor dhowayd si rasmiya ah ugu kala saxiixday Magaalada Muqdisho heshiis ay ku midoobayaan. Munaasabada saxiixa heshiiskan oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Wasiirka Arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo xubno kale. Heshiiskan ayuu maamulka uu hogaamiyo Shiikh Axmed Shaakir ee taageerada ka haysta Cukumada Ahlusunna waxuu ku helayaa jago cusub oo aan horay ugu jiri jirin awoodaha nidaam ee Dowldaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka ah,taasoo…
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dawladda dhexe ee soomaaliya Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa waxa uu ka hadlay duruufaha heysta xiligaan garsoorka dalka Soomaaliya. Waxa uu shegay in aan weli la helin cadaalad sidaas darteedna loo baahan yahay in Miisaaniyadda dowldda ay wax ka heleen Garsoorayaashu HALKAN HOOSE KA DHEGAYSO . Abdirisaq Juba idil News Garowe
Madaxweynaha dawladda dhexe ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in heshiisyada horumarineed ee Soomaaliya ay la saxiixatay dowladaha Maraykanka iyo Qatar ay yihiin kuwa ka tarjumaya horumarka ay dowladdu ka samaysay dhanka xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah. Madaxweynaha ayaa yiri “Heshiisyada horumarineed ee aan la galnay Mareykanka iyo Qatar waxay si xoojinayaan xiriirka haatan naga dhaxeeya dowladahaas, waxa ayna caddayn muuqata u tahay sida uu u sii xoogaysanayo iskaashiga iyo xirriirka aan caalamka la leenahay iyo kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda.” Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey heshiisyada horumarineed ee dhawaan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Dowladda Mareykanka…
Kulankan,ayaa Waxaa Soo xaadiray Xildhibaano tiradooda gaareyso 141-Mudane, Xildhibaanada ayaa waxaa loo qeybiyay Ajendayaasha kulanka maanta oo ka koobnaa laba qodob oo kala ahaa. Qeybinta iyo Akhrinta Qorshe-Howleedka Guddiyada Golaha Shacabka. Xisaab celinta Gargaarka degdegga gaarka ah ee Xildhibaannada. Mudanayaasha Golaha shacabka ayaa guda galay ajendaha ugu horeeya ee kulanka iyagoo loo qeybiyay Qorshe Howleedka guddiyada, waxaana ka hor Akhriyay Xildhibaanada hortooda Guddoomiyaasha Guddiyada Golaha oo mid mid u Akhriyay Qorshe howliidkiisa. waxa ay Mudanayaasha Golaha Shacabka sidoo kale u gudbeen ajendaha labaad ee kulanka iyagoo codsaday in dib loo dhigo ajendaha labaad si Xildhibaanada ay uga yeeshaan dood ku…
Xulka kubadda cagta ee puntland ayaa tababarkoodii ugu horeeyey ku qaadanaya garoonka Banaadir stadium . Waxaana ka muuqda diyaar garow fiican inay heleen ,waxayna u rajaynayaan in labaad inay qaadan koobka gobolada soomaaliya oo ay horay usoo qaaden . HALKAN HOOSE KA DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=ZzK69mMHNs8&feature=youtu.be Abdirisaq Juba idil News Garowe