Sida ay qorayaan qaar ka mid ah warbaahinta waaweyn ee dalka Ingriiska ayaa waxa ay sheegayaan in sirdoonka dalkaasi uu ka hor tagay qorshe lala damacsanaa in lagu dilo r/wasaaraha dalkaasi Theresa May. Warbaahinta The Independent iyo Sky News oo soo xiganaya sirdoonka ayaa sheegay in r/wasaare May la doonayay in boorso laga soo buuxiyay waxyaalo qarxa la doonayay in la dhigo xafiiskeeda Downing Street 10, kadibna halkaasi lagu qarxiyo. Haddii ay qaraxaasi ka bad-baadi laheyd, waxaa loo qorsheeyay in mindi lagu dilo inta uu khal-khalka qaraxu socdo. Madaxa sirdoonka MI5 Andrew Parker ayaa sheegay in sannadkan keliya ay ka hor tageen sagaal isku day weerar kaas…
Author: Jibril Qoobey.
Waxgaradka Puntlnd ayaa maanta kulan ku qabtay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa hesiis kala dhex dhigay Ganacsatda iyo Maamulka kadib markii ay isku khilaafeen Shirkadda lagu wareejiyay Dekada Mgaalada Boosaaso. Kulanka xal looga gaaray khilafka ayaa waxaa ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, Ganacsatada Puntland, qaar ka mid ah waxgaradka Puntland, iyo Bulshada qeybaheeda kuwaas oo dhamaantood heshiiska ka qeyb galay. Qodobada Maamulka iyo Ganacsatada ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah. 1:-In laga wada shaqeeyo Nabadgelyada 2:- In Maamulku uu soo bandhigto Hashiiska Balaarinta Dekedda Boosaaso 3:-In la taageero Mashaariicda Horumarineed ee la girgelinayo -In…
Waxaa lagu wadaa in maanta oo Arbaca ah uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku dhawaaqo in Mareykanku u aqoonsan yahay magaalada Jerusalem caasimadda Israel, waxaana uu kaga dhawaaqayaa go`aankan magaalada Washington. Arrintan oo durbaba dhalisay caro xooggan oo dhanka Falastiinta iyo waddamada carabta ah ayaa waxaa ka bilowday dibadbaxyo ku aadan go`aankan cusub ee uu Mareykanku ka qaadanayo arrinta Jerusalem, waxaana xalay kooxo ku mudaaharaadayay Falastiin ay gubeen boorar uu ku sawiran yahay madaxweyne Trump. Saddex casho oo dibadbaxyo waaweyn ah ayaa looga dhawaaqay dhulka Falastiinta, waxaana sidoo kale la filayaa in dibadbaxyo waaweyn ay iyana ka dhacaan wadamo kale oo…
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in heshiisyada horumarineed ee Soomaaliya ay la saxiixatay dowladaha Maraykanka iyo Qatar ay yihiin kuwa ka tarjumaya horumarka ay dowladdu ka samaysay dhanka xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah. “Heshiisyada horumarineed ee aan la galnay Mareykanka iyo Qatar waxay si xoojinayaan xiriirka haatan naga dhaxeeya dowladahaas, waxa ayna caddayn muuqata u tahay sida uu u sii xoogaysanayo iskaashiga iyo xirriirka aan caalamka la leenahay iyo kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda.” Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey heshiisyada horumarineed ee dhawaan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Dowladda Mareykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga…
Gaalkacyo – Taliyihii Saldhigga Waqooyiga Gaalkacyo Cali Ibraahim Cali (Cali Magafe) ayaa ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa, xilli uu marayay bartamaha Magaalada Gaalkacyo. Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha uu soo gaaray dhaawac culus, waxaana la geeyay Isbitaal, halkaasoo markii dambe uu ku geeriyooday. Ciidamada Booliska ayaa wada baaritaan ku aadan falkan, waxaana qeybo ka mid ah xaafadaha Waqooyiga Gaalkacyo lagu arkay ciidamada. Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Taliska Booliska iyo Maamulka Gobolka Mudug qeybta Puntland Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa horay waxaa uga dhacay qaraxyo noocyo kala duwan, iyadoo mid ka mid ah…
https://www.facebook.com/MaansoorHD/videos/1059872377483133/
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka qayb galay maalintii labaad shirka Madaxda qaranka Soomaaliya iyo beesha caalamka. Shirka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle, ergayga gaar ka ah ee qaramada midoobey ee Soomaaliya, danjirayaasha waddamada shisheeye, Saraakiil ka socdey AMISOM, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha DFS, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladdaha xubnaha ka ah DFS, xeeldheerayaal, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland oo Khudbad muhiima ka jeediyey shirka horaantiisii ayaa sheegay in qabyo tirka geeddi-socodka dastuurka…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay Shirka Amniga Soomaaliya oo ay ka qayb galayaan Dowladaha tageera Soomaaliya ayaa sheegay in loo bahan yahay dabagal dhab ah iyo islaXisaabtan la xiriira sababaha Al-Shabaab looga saari layahay deeganada ay wali joogan iyadoo boqolaal milyan lagu bixiyo hawlgalka AMISOM taas badalkeedana aanay si joogta ah mushaarka u helin Ciidamada Soomaaliya. Madaxweynahu wuxuu sheegay in beesha Caalamka looga baahan yahay in AMISOM ay kula xisaabtamaan dhaqaalaha faraha badan ee ay ku bixiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab sidoo kalana Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada looga bahan yahay in…
Kulankan ayaa shacabku su’aalo ku weydiinayeen qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ,su’aalaha Xildhibaanada la weydiiyey ayaa u badnaa Miisaaniyada Puntland 2018 , doorashooyinka Puntland ee soo socda .heshiisyada golaha fulintu ay galaan waxay kala socdaan Barlamaanku Xildhibaanada kasoo qaybgalay kulanka ayaa si faahfaahsan uga jawaabayey su’aalaha la weydiiyey waxayna bogaadiyeen kulankan oo ay sheegeen inuu qayb ka yahay maamul wanaaga,hoos ka daawo muuqaalka. …
https://www.facebook.com/MaansoorHD/videos/1059812664155771/ [ Khudbadihii ay jeediyeen Madaxda Dalka ] Wajiga 2-aad ee shirkii London ee arrimaha Soomaliya, islamarkaana madaxda Dowladda Fedraalka ah, kuwa Maamul goboleedyada dalka iyo Beesha caalamka uga socda Magaaladda Muqdisho, ayaa maanta lasoo gabagabeeyey. Shirka waxa laga jeediyay khudbado kala duwan oo aad muhiim u ah, waxaana khudbadii ugu horeysay jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay hormaro badan oo dhinaca dhaqaalaha iyo amniga ah oo dowladda sanadkan ay ku talaabsatay, Federaalka, Qorshaha Doorashada 2020 iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Maamuladda Dalka. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar…
Madaxweynaha dawladda dhexe Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleystay fulinta qorsheyaashii Lix biloodlaha ahaa ee ay higsaneysay muddadii koobnayd ee ay jirtay. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Shirweynaha Muqdisho oo ay ka soo qeyb galeen ku dhawaad 30 dowladood oo saaxiib la ah Soomaaliya, Saraakiil ka socotay Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay, Madaxda dalka heer Qaran iyo heer Dowlad Gobolleed ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sii amba-qaaddo qorsheyaasha horumarineed ee loo jeexay sannadka cusub ee 2018ka. “Siddeed bilood ka hor, markii aan Xafiiska qabannay waxaan qorsheynay hiigsi lix…
https://www.youtube.com/watch?v=HQml49aJoFw
Shirkadda Al-Beyrak ee Maamusha Dekedda Muqdisho ayaa fulisay howl lagu hagaajinayo goobta ay kusoo xirtaan Maraakiibta oo laga soo saaray qalab ka haray maraakiib horey ugu quustay dekedda, si loo fududeeyo hanaanka shaqo ee dekedda magaalada Muqdisho. Waxaa muuqanayey howlwadeenada Shirkadda Al-Beyrak oo ku howlan soo saarista Haraadiga Maraakiib ku quustay dekedda iyaga oo adeegsanaya qalab casri ah oo loogu tala galay nadiifinta dekedda, waxaana ay ku guuleysteen in howsha oo bilow ah ay dibadda usoo saaraan qashin badan oo caqabad ku ahaa habsami u socodka howsha socota iyo soo xirashada maraakiibta kala duwan ee dekedda kusoo xiranaya. Idilnews.com -Garoowe…
Heshiiskaan ayaa ku kacaya ku dhawaan $300 oo milyan oo Dollar, ayaa waxa wax looga qaban doonaa arimaha Caafimaadka, Waxbarasha iyo hormarinta dhaqaalaha Dalka. Hishiiskaan, ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo xiriirka caalamiga ah, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, iyaddoona uu goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre. Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa dhowaan hishiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo dhismaha wadooyinka ka baxa Magaaladda Muqdisho lagalay Dowladda Qatar, taasi oo ku baxaysa lacag dhan $200 oo Milyan…
Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dib u eegista lagu sameynayo Dastuurka dalka laga talo geliyo masuuliyiin horay dalkan xilal uga soo qabtay. Waxa uu sheegay in ay jiraan xildhibaano farabadan iyo dad badan oo waayo joog ah kuwaas oo u baahan in Guddiyada qaranka ay ka mid noqdaan wax badana laga faa’iidi karo. Waxa uu barlamaanka ka dalbaday in ay qaraar ka keenaan in xildhibaanadii hore Dastuurkan laga talo geliyo maadaama ay ogyihiin halka uu marayo. HALKAN HOOSE KA DHEGAYSO
Colombia – Edwin Orlando Mosquera oo ah bir qaade u dhashay dalkaasi Colombia islamarkaana ka qeyb-qaatay ciyaarihii Rio2016 ayaa habeenimadii Axada waxaa lagu dilay magaalada Palmira, Colombia. Bir qaadaha ayaa waxaa u yimid xilli uu fadhiyay baar ku dhow hotelka Villa de las Palmas nin dhallinyaro ah kaas oo u muuqday mid loo soo diray in uu dilo, waxaana uu ku dhuftay labo xabadood kuwaas oo uga kala dhacay lugta iyo madaxa. Booliska ayaa sheegay in ay ku raad joogaan dambiilaha, walow eysan ogeyn ilaa iyo iminka sababta loo dilay. Edwil ayaa jiray da`da 32 sano, waxaana uu kaalinta 15-aad ka galay…
Mdaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Miss. Jutta Frasch. Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, waxaana kulanka looga wada hadlay xidhiidhka Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo dalka Jarmalka, mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka furliyo Puntland, fursado shaqo abuur oo loosameeyo dhallinyarada Puntland, tayaynta iyo qalabaynta cisbitaalada waaweyn ee Puntland. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn xaqiijiyey in dawladda Puntland ay diyaar u tahay xoojinta xidhiidhka Jarmalka iyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland, waxaana uu…
Maamulka Galmudug iyo Ehlu Sunna ayaa todobaadkan heshiis horu-dhac ah ku gaaray magaalada Jabuuti ee xaruntaa wadanka Jabuuti, waxaana dhamaystirka heshiiska lagu balamay in lagu qabto gudaha dalka. Madaxda Galmudug iyo Ehlu Sunna ayaa ku sugan magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, waxaana ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda dawlada Soomaaliya marka uu soo dhamaado kulanka Madaxda Soomaaliyeed uga socda Xalane. Waxay uso bandhigi doonaan heshiiska ay gaareen, waxaana ay ka dalban doonaan inay door ka qaataan hirgalintiisa. Idinnews, ayaa helay Xog ah in dhamaystirka heshiiska uu ka dhici doono magaalada Dhuusa Mareeb oo ay gacanta ku hayaan Ehlu Sunna. Inkasta…
Waxaa la isku aadiyay Kooxaha kubada cagta ee maamul goboleedada Soomaaliya, kuwaas oo tartankoodu uu furmayo todobaadkan. Guruubka A -Benaadir. -Galmudug. -Iyo Jubbaland. Guruub B. -Puntland. -Koonfur Galbeed -Iyo Hirshabeele. Maalinta Jimcada oo taariikhdu ay ku beegan tahay 8/12/2017-ka, ayaa tartanku uu furmi doona, waxaana lagu furi doona Kooxaha Jubbaland iyo Benaadir, waana ciyaar aad u xiisa badan. Puntland oo ku jirta Guruubka B, ayaa ciyaarta 1-aad la qaadan doonta Kooxda matalaysa Hirshabeele, waana ciyaar aad u adag. Tartanka Maamul goboleedada, ayaa ah tartan aad u xiisa badan, kaasi oo dadka Soomaaliyeed ay si wayn u sugayaan, waxaana horyaalka tartanka…
Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah bulshada Puntland, ayaa ka qayb galay kulan looga hadlayay tacadiyada ka dhan ah Haweenka, kaasi oo ahaa mid si wayn loso agaasimay. Wasiirka Haweenka dawlada Puntland Marwo Faa’ido oo Daahfurtay Kulanka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in si wada jir ah la isaga kaashado sidii looga hortago lahaa tacadiyada, waxaana ay xustay in kulamo kuwan dhigooda ah ay horay ugu qabteen qaybo ka mid ah gobolada Puntland. Waxay sheegtay in muhiim ay tahay in bulshadu ay si wada jir ah uga qayb qaataan Illaalinta haweenka, isla…
Mdaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Miss. Jutta Frasch. Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, waxaana kulanka looga wada hadlay xidhiidhka Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo dalka Jarmalka, mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka furliyo Puntland, fursado shaqo abuur oo loosameeyo dhallinyarada Puntland, tayaynta iyo qalabaynta cisbitaalada waaweyn ee Puntland.Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn xaqiijiyey in dawladda Puntland ay diyaar u tahay xoojinta xidhiidhka Jarmalka iyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland, waxaana uu xusay…
Axmed Cali Cabdallah Saalah, oo ah wiil jeneral ah oo uu dhalay Madaxweynihii Hore ee dalka Yemen Cali oo shalay lagu dilay magaalada Sanca ayaa waxaa uu ku hanjabay aargoosi kadib markii uu wareysi siiyay taleefishin lagu magacaabo al-Ekbariya oo laga leeyahay dalkaasi Sacuudiga. Waxa uu hanjabaadan u diray maleeshiyada shiicada ah ee Xuutiyiinta kuwaas oo lagu eedeynayo dilka aabihii oo shalay ka dhacay magaalada Sanca. ” Aniga ayaa hoggaamin doona dagaalka dalka looga xoreynayo Xuutiyiinta, dhiigga aabaheyna waxa uu cadaab ku noqon doonaa dhawaqa dhagaha Iran” Xuutiyiinta ayaa gacan ciidan ka hela dowladda Iran oo ay diin ahaan wada wadaagaan…
Magacaabista Libaaxa socod baradka ah ee Sucuudiga, kadib horumar deg-deg ah ayey arkeen, tobaneeyo sanadood oo isbadalku gaabis ahaa. Su’aal – Maxaa deg-degga keenay? Daawo warbixin ay BBCSomali ka samaysay. https://www.facebook.com/MaansoorHD/videos/1059620387508332/ Ayub A. Ali – Idil News.
Duqa degmada Garowe Xasan Ciise [Goodir] oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa warbahinta uga warbixiyay ujeeda safarkiisa shaqo ee uu ku tagay Dalka Rwanda caasumadiisa Kigali. Goodir ayaa wax laga waydiiyay inuu iscasili doono, maadama dadka dhaliila siyaasadiisa ay tilmaameen inuusan wax badan ka qaban balan-qaadyadii uu horay ugalay, iyadoona mar sii horaysay ay mooshin ka keeneen qaar kamida golihiisa deegaanka. Daawo – https://youtu.be/VdGfzDZdRdw Ayub A. Ali – Idil News.
Qardho – Guddoomiyaha Gobolka Kar-kaar Cabdullaahi Maxammed Barre [Caato] oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ee xarunta, ayaa go’aamo cusub ka soo saaray hubka noocyadiisa kala duwan. Caato, ayaa sheegay in maamulkiisu uu tilaabo cad ka qaadi doono cid waliba oo jabisa go’aamadan cusub ee lasoo saaray. Daawo- https://youtu.be/EOJ126-zN1s Ayub A. Ali – Idil News.
Wasiirka Wasaaraddda Amniga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin dhinacyo kala duwan taabanaysa ka bixiyay xaaladda amniga dalka. Islow ayaa tilmaamay in ay meel wanaagsan marayso howgala laamaha amniga Soomaaliya ku xaqiijinayaan amaanka Muqdisho iyo gobolada dalka. Wasiirka ayaa soo hadal qaaday in ay wax badan ka hirgaleen qodobadii kasoo baxay shirkii London ee looga hadlay arrimaha amniga Soomaaliya kaasoo ay goobjoog ka ahaayeen Madax kala duwan. Dhagayso – Ayub A. Ali – Idil News.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa rajo aad u wanaagsan ka muujiyay shirka Amniga Qaranka ee ka furmay Magaalada Muqdisho kaas oo ay ka qeyb galayaan madaxda Dowladda kuwa dowlad Goboleedyada iyo Wufuud ka socota beesha Caalamka. War Qoraal ah oo uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook ayaa u qornaa sidatan. “Madasha “Somali Partnership Forum” oo ka furmay magaalada Muqdisho waxaan u rajeynayaa guul iyo iney ka soo baxaan go’aanno saldhig u noqda xallinta mushkiladaha Amniga, siyaasadda, dhaqaalaha ee maanta uu dalkeennu la daalaa dhacayo— Waxaan ku baraarujinayaa madaxda Soomaaliyeed iyo shacab-weynahaba biyo sacabbadaadaa looga dhergaa…
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saakay oo Talaado ah waxay xukun ku riday 4 nin oo eedeysanayaal ah, waxaana qaarkood ay ku eedeysnaayeen inay ka mid yihiin Al-Shabaab. Gudoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqayey xukunka raggan ayaa sheegay in dhammaan lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay. Cabdiqaadir Abukar Shaacir – Dil toogasho. Maxamed Cumar Akiile – Xabsi Daa’im Daa’uud Maxamed Cali – 10-Sano oo xabsi ciidana Cabdilaahi Ibraahim Geesey – 2-Sano oo xabsi ciidana. Ayub A. Ali – Idil News
Washiton – Maxkamadda ugu sarraysa Mareykanka ayaa u oggolaatay maamulka Trump in ay si buuxda u dhaqan geliso xayiraadda safarka lagu beegsanayo sideed waddan, oo lix ka mid ah wadamadaas ay u badanyihiin muslimiinta. Xukunka cusub ayaa la micno ah in Xukuumadda Trump uu si buuxda u dhaqan galin karo xaddidaadda inta badan muwaadiniinta kasoo jeeda wadamada Iran, Liibiya, Suuriya, Yemen, Soomaaliya, Chad iyo Waqooyiga Kuuriya, iyo kooxo ka tirsan dadka reer Venezuela. Amarka Maxkamadda Sare ayaa wuxuu bur-buriyey heshiiskii horay u jiray tan iyo bishii Jun, markii ay maxkamaddu ku dhawaaqday in dadka “xiriirka wanaagsan” la leh Maraykanka ay…
1. Cali Cabdalle Salax waxa uu ahaa madaxwaynihii ugu xukunka dheeraa ee Yemen soo mara isaga oo muddo 30 sanno ka badan dalka xukumay (1978-212) , waliba wuqooyi iyo koonfur oo wada jira iksu xukumay. Cali hortiis , madaxwaynayaasha intooda badan waa la dili jiray iyagoo aan wax yar joogin . Cali wadanka Yemen waxa uu la soo maray duruufa kala duwan, dalkana waa dhisay dhanka kaabayaashasida jidadka , dekadaha iyo jaamacadaha , haseyeeshee , dalka kama hirgelin hannaan maamul wanaag oo suurta geliya dawlad casri ah , waxana Yemen la degay musuqmaasuq , qabyaalad iyo eex keentay in dalku…
Wasiika Wasaaradda Maaliyadda Puntland, ayaa maanta hortagay Golaha Baarlamaanka oo uu horgeeyay Miisaaniyadda Puntland ee sanadka 2018-ka, taasi oo ay horay uso Ansixiyeen Golaha Xukuumadda Puntland. Cabdullaahi Siciid Caarshe Dhaqaaje oo Baarlamaanka uga Xogwaramay Miisaaniyadda, ayaa sheegay in Miisaaniyadu ay ka kooban tahay; 1. Dakhliga Gudaha 2. Dahkiga Dawladda Hoose 7 dagmo 3. Mashaariicda Bangiga Aduunka 4. Mashaariicda Qaramada Midoobay. Shaxda hoos ku qoran waxay muujinaysaa koror dakhliga oo kala ah sidan 1. Dakhliga Gudaha US Doller 450,000 2. Dakhliga Dawladaha Hoose 7 degmo US Dollar 2,547 3. Mashaariicda Bangiga Aduunka US Dollar 141,958 4. Mashaariicda Qaramada Midoobay US Dollar…
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad muhiim ah ka jeediyey furitaanka shirka amniga ee u dhexeeyey Madaxda qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayaa sheegay in Soomaaliya u baahan tahay in si wada jira oo adag loosugo amaanka iyadoo la xoojinayo hay’addaha amaanka si Soomaaliya looga cidhib-tiro kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab, Daacish iyo cid kasta oo gacan saar-laleh. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay si loosugo amaanka Soomaaliya in loo baahan yahay sharci iyo kala danbayn, sugidda xaquuqda hay’addaha garsoorka, shaqo abuurka dhalinyarada, la dagaalanka fekerada taban, isla markaana waxa uu xusay Madaxweynuhu in intaasi ay buldhig…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/J2hfLROBHXU
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Muqdisho kaga qayb galay shir lagaga hadlayay xaaladaha amaanka Soomaaliya. Shirkan waxaa ka qayb galay dhamaan Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah JFS iyo hogaanka Dowlada Dhexe Beesha Caalamka iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa wadamada daneeya arimaha Soomaaliya iyo cid walba oo gacan ka gaysanaysa nabad kusoo dabaalida Soomaaliya ku booriyay in ay sii laban laaban tageeradooda Soomaaliya. Dagaalka lagula jiro Argagixisada ayuu Madaxweynahu sheegay in uu u baahan yahay Midnimo iyo wadajir in loo wajaho si gaar ah Madaxweynahu AMISOM iyo Beesha Caalamka ayuu…
Xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraalka Soomaliya,ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen gudaha Magaalada Muqdisho kaas oo ay ku ansixiyeen xubin ka mid noqotay Guddiga madaxa banaan ee Hirgalinta Dastuurka. kulankaan ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh CIsmaan Jawaari,waxaana kulanka soo xaadiray xildhibaano gaaraya ilaa 159 Mudane. Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa waxa ay guda galeen ajendayaashii maanta la hor keenay iyadoo uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku wargeliyay mudanyaashaa Golaaha in ay cod u qaadaan ajendaha koowaad oo ahaa Xubin ka mid noqon doonta Guddiga Madax-Banaan ee Hirgalinta Dastuurka, waxaana Muumino Sheekh Cumar u codeeyay Xldhibaano tiradoodu gaareysa…
Mid ka mid ah Dadkaasi oo la hadlay Qareenkiisa ayaa sheegay inay isaga iyo in ka badan 100 qof oo Somali ku xiran yihiin Xarun dadka lagu hayo oo ay Hay’adda Socdaalka Maraykanka ku leeyihiin magaalladda Oakdale ee Gobalka LOUSISIANA ee K/bari ee dalkaasi. Waxa uu intaasi ku daray inay wada sugayaan sidii loogu soo masaafurin lahaa Somalia, inkastoo aysan ogayn xilliga la dhoofin doono. Sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Xoojinta Canshuuraha Maraykanka (ICE) In 7 qof oo Somali ah oo ku xirnaa Xarunta dadka lagu hayo ee Elk River loo wareejiyey loo wareejiyey Xarun ku taalla…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/0B6n_4WmhKQ
Garowe – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay kullan ku saabsan arrimaha amniga Soomaaliya kaas oo ay ka qeybgalayaan madaxda Soomaaliya iyo wufuud caalami ah. Shirka wuxuu daba socdaa shirkii bishii May ka dhacay magaalada London kaas oo looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen dhismaha ciidamada qaran ee Soomaaliya iyo maalgelintooda. Shirka waxaa sidoo kale la filayaa in diiradda lagu saaro arrimo muhiim ah oo ku saabsan bixitaanka ciidamada AMISOM, in militariga Soomaaliya la wareegaan howlaha amniga iyo dhaqaalaha ciidamada Soomaaliya ku baxaya. Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay furitaanka shirka maanta ka furmay Muqdisho wuxuu sheegay “Waxaan wax badan…
Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys(Dhedo), ayaa sheegay in xaaladaha ka jira magaalada Boosaaso ee dhinaca amaanka iyo muranka Dekeda ay ka danbeeyaan ganacsato rabta in Qandaraasyada dhismaha Dekeda qaybta ka ah la siiyo. Gudoomiye Dhado ayaa yiri”Iskuma hayno Ganacsatada Canshuur kordhin ee waxaan isku haynaa qandaraasyo”. Hadalkan ayaa yimid ,iyadoo maalmihii lasoo dhaafay uu buuq iyo muran ka taagnaa Dekeda Bosaso kaasoo ku saabsanaa canshuur la sheegay in lagu kordhiyay badeecadaha kasoo dega.inkastoo shaqadii Dekeda ay hada dib ubilaabatay si caadiyana ay uga dhoofaan xooluhu uguna soo dagaan badeecadaha kale ee kala duwan. Hadalkan ayuu Gudoomiye Dhado ka jeediyay…
https://youtu.be/iby6iEu69BU
Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in Jubbaland deegaanadiisa kala duwan ay dhibaato ku hayaan Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM. Waxa uu sheegay in Jubbaland ay Xaruntiisii ka maqan tahay, waliba sidoo kale Guud ahaan Gobolka Jubbada Dhexe ay ku jirto Gacanta Al-Shabaab kaas oo ah Gobol Muhiima sida uu sheegay. Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in tani ay keentay in hoggaamiyayaasha Shabaab oo dhan ay ku soo dhuuntaan gobolka Jubbada dhexe . Hadalkaan ayaa madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu sheegay xili uu Maanta ka…
Madaxweynihii hore Yemen Cali Cabdallah Saalax waa la dilay sida uu mujinayo muqaalkan oo uu baahiyay bogga Facebook ee Al Jazeera,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/HpPROQqRdEw
Munaasabad ay ku qalinjabiyeen Dufacadii 17-aad ee ka qalinjabisay Jaamacadda Bariga Afrika, aya ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Munaasabada ayaa waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, maamulka Jaamacadda, Waalidiin iyo marti sharaf kale. Ardayda ka qalinjabiyay Jaamacadda ayaa tiradoodu ay gaaraysaa 541 Arday, kuwaas oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho, waxaana qayb ka noqonayaan Ardaydii horay Jaamacadda uga qalinjabiyay. Mas’uuliyiinta ka qayb galay Munaasabada ayaa Ardayda ugu hambalyeeyay guusha Waxbarasho ee ay gaaren, waxayna ku booriyeen inay bulshadooda uga faa’iideeyaan Aqoonta ay barteen. Qaar ka mid ah Ardayda oo la hadlay Idilnews, ayaa sheegay inay…
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa sheegay innaan la joogin xillkigii ay Amisom dalka ka bixi lahayd, waxaana uu sheegay in haddii xaaladan ay Amisom uga tagto dalka dhibaato wayn laga dhaxli doono. ”Amisom bixitaankeeda la sheegay, annigu waxaan is leeyahay xilligii Amisom ay bixi lahayd lama joogo, sababtoo ah Ciidankeena ma dhismin dhulkuna ma aha Nabad” Ayuu yiri Madaxweynaha Konfur Galbeed Soomaaliya” Ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Wuxuu intaas ku daray”…..Dadka Soomaaliyeed haddii sidan ay yihiin looga tago dhibaato ayay noqonaysaa, waxaan rajaynaya in Ciidanka la dhiso Amisom iyada oo Ciidanka dhistay dhulkuna Nabad yahay,…
Xoolo isugu jira Geel iyo Ari, ayaa si habsami leh uga dhoofaya Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Baro, xilli dhinaca kalena ay dagayaan Doonyo wada Badeecooyin kala duwan. Maraakiibta iyo Doonyaha raraya Xoolaha, ayaa u dhoofi doona wadamada Khaliijka ee xiriirka Ganacsi uu kala dhexeeyo Puntland, kuwaas oo Xoolaha Soomaalida si wayn loogu iibgeeyo. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekedaha, Gaadiidka badda iyo ka hortaga dambiyada ka dhaca badaha Cabdi Majiid Samatar Jaafaan, ayaa sheegay in Xoolaha ka dhoofaya Dekeda iyo Badeecaha degaya ay si wannaagsan u socdaan, waxaana uu xusay in Ganacsatadu ay la jaanqaadeen maamulka cusub ee Dekeda…
Kooxda Kubada Cagta ee matalaysa Maamulka Puntland, ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, waxaana ay ku wahan yihiin magaalada Muqdsho ee Caasimada Soomaaliya. Kooxdan ayaa ka qayb galaya tartanka Maamul goboleedada iyo gobolka Banaadir, kaasi oo furmi doona Muqdisho 7-da bishan hadduu ALLE raali ka noqdo, waxaana qabanqaabada Koobka furmi doona laga dareemayaa magaalada Muqdisho iyo xarumaha maamul goboleedada. Waxaa Ciyaaryahanada garoonka Garowe ka sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, waxaana maanta ay gaari doonaan magaalada Muqdisho. Kooxda Kubada Cagta Puntland, ayaa ah Kooxda difaacanaysa Koobka maamul goboleedada, kaasi oo ay qaadeen sanadkii tagay, waxaana mar kale ay…
Iyadoo dhowaan Madaxweynaha Hirshabeele uu magacaabay Golihiisa Xukuumadda, ayna jiraan Wasiiro iscasilay oo ka mid ahaa Xukuumadda, ayaa waxaa soo baxay Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabeele oo dhaliilsan hannaanka loo dhisay Xukuumadda cusub. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeele, ayaa yeelanaya shirar goos goos ah, kuwaas oo ay isugu diyaarinayaan inay kaga hortagaan in Xukuumaddu ay codka kalsoonida hesho, waxaana Xildhibaanada kulamadu ay u socda ay dhaliilo xoogan u jeediyeen Madaxweyne Waare. Eedeymaha ay u jeediyeen Madaxweynaha Hirshabeele Xildhibaanadu ayaa waxa ugu wayn; -In Madaxweynuhu uusan hannaan Dastuuri ah u marin magacaabista Xukuumadda cusub. -In Xukuumadda cusub ay qayb ka yihiin…
Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo shir guddoominaya wejiga labaad ee shirkii London oo maanta si rasmi ah uga furay Muqdisho ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in la xoojiyo taageerada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dagaalka ka dhan ah Kooxda Argagixisada Al-Shabaab. Sidoo kale, Waxaa madasha ka hadlay madaxda Dowlad Goboleedyada dalka,kuwaasoo sheegay iney door muhiim ah ka qaadan doonaan sugida amaanka dalka iyo in la xoojiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay iney diyaar u yihiin iney qaataan doorkooda ku aadan dhismaha Ciidamada Qaranka. Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubbaland oo isna ka…
Nairobi – Faysal Khaliif Barre Gudoomiyaha xilligiisiidhammaaday ee ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP oo waraysi siiyay RTNTV ayaa ka hadlay arimo la xiriira doorashada madaxda ururkaasi iyo murashixiinta xilligan u taagan qabashada xilkaasi. Gudoomiye Faysal ayaa sheegay in ururka uu gudoomiyaha ka ahaa aysan aqbali doonin inay isu sharaxaan shaqsiyaad uu sheegay inaysan aqoon ahaan iyo khibrad ahaanba u qalmin inay isu sharaxaan aysana aqbali doonin. Gudoomiyaha ayaa sheegay inay kooto gaar ah u qorsheeyeen gabdhaha kujira ururka ee ka qay-bgelaya doorashada haseyeeshee, wuxuu dhalinyaro iyo suxufiyiin sharaxan ugu baaqay inaysan fursadda ka khasaarin dadka aqoonta leh. https://www.youtube.com/watch?v=Y2Hw0EEr8Sw
Weerar yahanka da’da yar ee kooxda PSG ayaa si cad u soo muujiyay jacaylka uu u qabo laacibka Real Madrid. Kylian Mbappe ayaa sheegay inuu marwalba ku daydo Cristiano Ronaldo oo ah laacib uu si wayn u taageero. Wuxuuna sheegay in darbiga qolka jiifkiisa uu ku sharaxay sawirada Cristiano Ronaldo waqtigii uu yaraa. “Ronaldo? Aad ayuu saamayn iigu lahaa yaraantaydii, sawiradiisa ayaa iigu dhagnaa qolka jiifka” ayuu yiri Kylian Mbappe. “Waa laacib aan jeclahay, wuxuu leeyahay xirfad cajiib ah laakiin shaqadii uu qabtay ayaa u badashay inuu noqdo halyeey”. Kylian Mbappe ayaa ku dhawaaday 2013 inuu ku biiro akadeemiyada Real Madrid…
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha qaybtiisa Tayeeynta Hay’adaha Dowladda (Capacity Injection Project CIP) ayaa maanta lagu soo gabagabeeye Hotel Royal Palace. Madshan oo looga doodayey horumarada iyo caqabadaha haysta Maamulka guud ee Hay’adaha Dowliga ah ayaa waxaa ka soo qayb galay maamul goboleedyada dalka, wasaaradaha dowladda, aqoon yahano ka kala socday dalka dibadiisa iyo gudihiisa iyo qaybaha bulshada rayidka ah. Waxyaalaha kulankaan looga dooday ayaa waxaa ka mid ah: Dhisidda hey’adaha dawliga ah oo adkaysi u leh marxaladaha isbedelada badan ee dalka jira. Tayada hey’daha dawliga ah oo lagu cabirayo waxqabad, la qabsigooda iyo Xasiloonidooda (heer Federaal iyo heer maamul goboleedba). Doorka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay shaqooyinka ka bannaan oo loo dartamayo. Waxaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ka bannaan jagooyinka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Federaalka, Agaasinka Bii’ada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaaraha iyo Xog-hayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. “Si loo dhaqangeliyo qorshaha isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta, waxaa Dawladda Federaalka ka go’an si caddaalad ah oo siman in dadka Soomaaliyeed ay ku helaan shaqooyinka, qof walba na lagu qiimeeyo aqoonta uu u leeyahay shaqada loo dhiibayo” Sonna. Si aad u soo codsato fadlan la soo deg labada fayl ee hoos ku lifaaqan. Faylka kowaad waxa uu faahfaahin kooban ka…
Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan ayaa Maraykanka uga digay cawaaqib halis ah haddii uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil. Ayman Safadi ayaa sheegay in uu wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson u sheegay in ku dhawaaqidda arrintaas ay keensan doonto caro wayn oo ay qaadaan Carabta iyo Dunida Muslimka. Waxaa la isla dhexmarayaa in madaxweyne Trump uu arrintaas ku dhawaaqi doono wakhti dhaw, isaga oo fulinaya ballanqaadkii uu sameeyay markii uu ku jiray ol’olaha doorashada. Jared Kushner oo uu sodddog u yahay Trump ayaa sheegay in aysan jirin go’aan noocaas ah oo wali la qaatay. Wasiirka arrimaha dibadda ee…
Goordhow waxaa Magaalada Muqdisho ka furmay shirka Amniga Qaranka kaas oo uu furay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo. Shirka oo ka furmay Xarunta Xalane ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxda ugu sareysa dalka,Madaxda Dowlad Goboleedyada, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho,taliyayaasha Ciidamada iyo qaar ka mid ah Madaxda Beesha Caalamka. Shirkaasi waxaa looga xaajoon doonaa hababka lagu maalgelinayo Hay;addaha Ammaanka Somalia iyo Tallaabooyinka xigta Xilliga Kala-guurka ee AMISOM,waxa uuna shirkan socon doonaa mudo laba Cisho ah.
AC.Milan ayaa indhaha ku haysa tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte kaas oo la sheegayo inuusan ku qanacsanayn hab dhaqanka maamulka kooxdiisa. Maamulka kooxda reer talyaani ayaa sugaya Antonio Conte ilaa dhamaadka xiliciyaareed kaan si uu sifiican uga fikiro mustaqbalkiisa. Waxaana la filayaa in Conte uu aqbalo dalabka AC.Milan haddii uu sii bato khilaafka haatan kala dhexeeya maamulka kooxda Chelsea. Conte ayaa ah tababarihii markale dib u soo dhisay Juventus isla markaana kula guulaystay horyaalka talyaaniga 3-mar oo xiriir ah. Maamulka Milan ayaana u arka Conte inuu yahay tababaraha ku haboon ee badali kara Gennaro Gattuso.
Real Madrid ayaa qorsheynaysa heshiis is dhaafsi oo waali ah si ay u soo jiitaan xiddiga Juventus ee Paulo Dybala. Waa sida ay qabaan warsidayaasha Talyaaniga Rai Sport, Calciomercato, kuwaa oo sheegaya in madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez uu go’aansaday inuu isku dayo sidii uu caasimada Spain u keeni lahaa xiddiga reer Argentina. Real Madrid ayaana la warinayaa inay dooneyso in heshiiska Dybala ay qeby uga dhigto xiddigeeda qadka dhexe eeToni Kroos oo ay waliba raacin doonto lacago si ay heshiiska u dhammeystirto. Kooxda lagu naaneyso Marwada duqada ah ee Juventus ayay ka go’an tahay sidii ay u xafidan lahayd…
Muqdisho – Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Maanta lagu arkayaa Wadooyinka waaweyn ee ku yaalla Muqdisho kuwaas oo u diidaya Gaadiidka inay Wadooyinkaas isticmaalaan. Wadada Maka Al-Mukarama iyo tan Wadnaha ayaa Ciidamada lagu arkayaa,waxaana Gaadiidka dadweynaha iyo midka caadiga ahba mararka qaar lagu arkayaa Wadooyinka qarda jeexa ah iyaga oo isticmaalaya. Dadka Muqdisho ayaa saakay ku soo toosay Ciidamo farabadan oo Wadooyinka taagan,waxaana dadka qaar ay sheegeen in aysan saakay aadin goobohoodii Ganacsiga halka Ardayda qaarkood ay ka baaqsadeen goobahoodii Waxbarashada. Ammaanka Muqdisho aya siweyn Maanta loo adkeeyay,waxaana la filayaa in Xarunta Xalane uu Maanta ka…
Muqdisho – Shir heer sare ah oo Amniga Qaranka looga hadlayo ayaa maanta ka furmaya Xarunta Xalane oo xarumo iyo Talis u ah howl galka AMISOM iyo safaaradaha reer galbeedka, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan xubno sar sare ah oo caalami ah sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisow. Shirka looga hadlayo amniga Qaranka ayaa waxaa shir guddoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaa ka qeyb galaya Madaxda maamul goboleedyada, Taliyeyaasha Ciidamada, Safiirada Beesha Caalamka iyo Saraakiil Ajnabi ah. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Yariisow] Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somalia oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in shirka looga hadlayo wixii…
Dowladda Somalia ayaa si xooggan u cambaareysay gantaalkii Jabhada Xuutiyiinta Yemen maalmo ka hor ku weerareen agagaarka Garoonka Diyaaradaha magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya. War saxaafadeed ku qornaa Afafka English-ka iyo Carabiga oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu xadgudub ku yahay sharciga caalamiga ah, isla markaana walaac looga muujiyay kororka rabshadaha wiiqi kara amniga iyo xasiloonida Gobolka iyo Caalamka. Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay ku garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Sacuudi Carabiya ilaalinta amniga iyo xasiloonida dalkooda, waxaana dowladdu cadeysay inay si dhow ula shaqeyneyso dowladda Sacuudiga, si looga hortago…
Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu guddoonsiiyay shahaaddo illaa 7 xisbi siyaasadeed, kuwaas oo horay isku diiwaan-geliyay, taasoo rasmi ka dhigtay in Soomaaliya laga hirgeliyo nidaam xisbiyo badan kadib 48 sano. Hadaba idil News waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa magacyada axsaabta shahaadada la siiyay, guddoomiyeyaashooda iyo xarunta. Halkan Ka Akhriso 1. Xisbiga Garsoor, Waxaa guddoomiye u ah Zakariye Maxamud Xaaji oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka. 2. Xisbiga Midnimada iyo Qaranka Soomaaliyeed waxaa guddoomiye u ah Salaad Cali Jeelle, oo horay usoo noqday wasiir ku-xigeenka gashaandhigga ee Soomaaliya, Xaruntiisa waa Muqdisho. 3. Xisbiga Qaranka iyo Dimoqoraadiyadda, Waxaa guddoomiye…