Author: Jibril Qoobey.

MAXAA KA SOCDA VILLA SOOMAALIYA?..     Dadka aadka u yaqaan Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay ku wada xaqiijinayaan inuu yahay shaqsi dabeecad fiican, niyad wanaagsan, jecel dabacsanaan iyo ixtiraam badan inuu u muujiyo dadka oo idil laakiinse arrintaas kama dhigna inuu yahay ninka ugu habboon hoggaaminta dal sida Soomaaliya u burburay noqdayna fagaare adduun wayne oo dhan ku hardamayaan, hoggaanka wadanka noocaas oo kale ah wuxuu u baahanyahay nin aragti fog culaysyada faraha badanna dusha u ridan kara, isagoo isla markaasna leh awood adkaysi iyo xeeladaysi uu ku dhaafi karo isrogroga mowjadaha iyo duufaanta siyaasadeed ee ku gadaaman wadankaan…

Read More

Wasiirka Waasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa agab isboorti kuwareejiyay Gudoomiyaha Deegaanka Goobweyn.   Goobta lagu wareejinayay Agabka,ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Wasaradda isboortiga xiriirka ciyaaraha fudud ee Jubbaland.   Gudoomiyaha Deegaanka Goobweyn,iyo qaar kamid ah masuuliyiinta kooxaha isboortiga deegaankaasayaa Agabkan kala wareegay,Wasiirka Wasaarada ciyaaraha Jubbaland mudane Cabdiwaaxid Axmed Yare.   Goobta lagu wareejinayay Agabka waxaa kaloo goob joog ka ahaa Agaasimaha Wasaradda isboortiga xiriirka ciyaaraha fudud ee Jubbaland.   Agabkan oo ka koobnaa Dharka lagu ciyaaro ee maaliyadaha kooxaha iyo 10-xabo kubadda cagta ah,ayaa loogu tala galay 2-da kooxood ee kadhisan Deegaanka Goobweyn,  …

Read More

Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Dowlada Federaalka Soomaaliya,ayaa maanta tababar ku saabsan badbaadinta qoyska ka furtay Magalada Kismaayo.   Tabarkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arimmaha Diinta Dowlada Fadaraalka Soomaaliya,   Dhanka Jubaland ayaa waxaa kasooq aybagalay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka Awqaafta iyo Arimmaha Diinta Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbland.   Wasaarada Awqaafta ayaa tababaradan oo kale horay oga soo qabatay meelo kaal duwan oo dalka ka mid ah,iyadoo looga gol leeyahay kor uqaadida wacyiga Bulshada iyo Culumada e dhibaatoyinka Furiinka iyo Gudniinka fircooniga ah. Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka Awqaafta iyo Arimmaha Diinta…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo garowe dib ugu soo laabtay kadib ka qaybgalkisii caleema saarka Madaxweyne Waare,ayaa kusoo dhaweeyay Qariga Madaxtooyada Waftigii ay hogaaminayeen labada hogaamiye ee Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya. Madaxweyne Gaas oo ka hadlayay soo dhaweyntii labada gudoomiye ayaa dhanka kale sheegay in dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka ah ay aqbaleen casuumaadii uga timdi Madaxweynaha fadaraalka mudane Farmaajo. ”Waxaan aqbalnay anigoo ku hadlaya afka dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka casuumadii Madaxweyne Farmaajo ee bishan 28-keeda”ayuu yiri Madaxweyne Gaas. Dhanka kale labada Gudoomiye oo ka hadlay imaanshahooda Puntland iyo soo dhaweyntii aadka usaraysay ee loo…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” oo socdaal ku maraya qaar ka mid ah wadamada Gobolka ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasumadda Jamhuuriyadda Jabuuti.   Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Ambouli International Airport, musiiliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.   Saacadaha soo socda waxaa kulan gaar ah yeelandoona Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo ay si qoto dheer uga hadli doonaan xiriirka walaaltinimmo ee labada dal iyo kaalinta Jabuuti dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.   Madaxweynahe Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safark qaatay muddo…

Read More

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Guud ahaan magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhaw dhaw waxaa ka hooray Roob ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada, waxaana ilaa hada ka da’ayaa Muqdisho iyo meelo kale.   Sidoo kale Roobka ayaa ka da’aya qaar ka mid ah Gobalada Dalka, sida Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Galgaduud waxa uuna Roobka ku soo beegmaya xili Dadka iyo duunyada ku nool deegaanada Gobolkaasi ay baahi-weyn u qabeen iyadoo ay Gobolka Galguduud uu ka mid ahaa deegaanada ay saamaynta xun ku yeelatay abaarta ka jirta inta badan Dalka.   Maalmihii lasoo dhaafay deegaano badan oo ka tirsan…

Read More

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada garoowe ayaa waxa goor dhoweyd si weyn loogu soo dhaweeyey Guddoomiyayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo halkaasi gaaray.   Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawri iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi Waxaa ku wehliyay xildhibaano katirsan labada Gole ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.   Waxaa ku soo dhaweyeey halkaasi madaxda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,iyadoo amaanka magaalada Garoowe siweyn loo adkeeyey.   Wefdigan waxaa uu ka qeybgali doonaa kulanka 40-aad ee kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo berri ka furmaya magaalada Garowe ee Caasimadda Dowlada Puntland.

Read More

Qarax ayaa waxaa fuliyay nin naftiisa halige ah,iyadoo ay ku dhaawacmeen afar qof oo rayid ah iyo ninkii qaraxa fuliyay oo ku geeriyooday.   Qaraxa waxaa uu ka dhacay dhanka bidix ee saldhiga bartamaha Bosaaso, dadka waxyeelada soo gaartay ayaa ku ganacsanayay goob qaadka lagu iibiyo oo dhanka bidix ka xiga saldhigga Bartamaha Bosaaso.   Qaraxa ayaa naftii haliguhu waxuu ku waday Gaari gacan,kaasoo ku qarxay intii uusan gaarin goobtii qorshuhu ahaa in uu ku qarxiyo,iyadoo la filayo in uu bartilmaameedsanayay saldhiga Bartamaha Booliska Bosaso..   Laamaha amaanka Bosaso ayaa waday waayahan danbe hawlgalo ay ku adkaynayaan amaanka,waxaana qaraxan noqonayaa…

Read More

Waxaa maanta kusoo wajahan caasimada Puntland ee Garowe Gudoomiyaha Golaha Shacabka FadaraalkaMohamed Osman Jawaari.   Booqashada Gudoomiye Jawaari uu ku tagayo Puntand ayaa timid ka gadaal markii uu casuumad ka helay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi.   Labada dhinac,ayaa ka wada hadli doona arimaha labada Baarlamaan.     La soco wararkayaga danbe .

Read More

#TURKEY Waxaa dhawaan laga furay Muqdisho saldhig milatari oo dowladda Turkiga ku yeelanayso saldhigii ugu horeyay noociisa oo laga furo burburkii ka dib Somalia !. Sababaha sahlay inuu saldhig noocaan ah dal shisheeye ku yeesho Soomaaliya waxaa ugu weyn burburka dalka ka jira iyo tuhunka laga qabo dhaqanka waxa Beesha Caalamka loogu yeero, Haddaba ma kula tahay inay ka faa.iideysatey Dowladda Turkey cabsida ka jirta Dalka?. Turkigu wuxuu tusay Soomaaliya taageero hiil sokeeye leh,marka loo eego gurmadka iyo taageerada uu la daba joogo VILLA SOMALIA laga soo bilaabo ilaa abaartii baahsanayd xilligii Shiikh Shariif Axmed, balse hadda u muuqda inay…

Read More

Madadaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23 October 2017 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Jawhar ee caasimadda maamul goboleedka Hir-shabeelle.   Madaxweynaha ayaa waxaa safarka ku wehelinaayey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Cabdixamiid Shiikh Abdisalaan, Madaxweynihii hore ee Puntland ahna xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka dawladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.   Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Jawhar kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Hir-shabeelle Dr.…

Read More

Taliyayaasha milatariga ee AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ayaa maanta ka shiray qorshayaasha milatari ee la sheegay inay socdaan ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab. Kulankan ayaa yimid toddobaad kadib qaraxii Zoobe ee shacabka badan lagu laayey, waxaana socda dadaallo dowladda ku dooneyso inay dagaal ku qaaddo kooxda Al-Shabaab. Gabagabadii shirkaasi ayaa taliyayaashu ay la hadleen saxaafadda,hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/BjpcjWRkNL0

Read More

Labada Madaxweyne waxa ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, amniga gobolka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.   Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadatay nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.   Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa dhankiisa tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan Soomaaliya.   Madaxweyneyaasha labada dal, wax ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku marayay qaar ka mid ah wadamada dariska ah ayaa gaaray magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya, Waxaana si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada AddiAbba Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Itoobiya iyo Masuuliyiin Kale.   Madaxwaynaha Dowlada Fadaraalka Soomaliya ayaa lakulmi doona Raiisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalen,iyagoo la filayo in ay kawada Hadli doonaan sidii loo dardar galinlahaa ladagaalanka Alshabaab. Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Soomaliya ,ayaa lugtiisan uu ku marayo wadamada dariska ah ee ay Somaliya ka joogaan Ciidamadu waxuu ksuoo gabagabayn doonaa sida ana ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo Dalka…

Read More

Hay’ada Saado oo ka Shaqeeysa horumarinta bulshadda ayaa maanta Magaaladda Kismaayo 50. Dhalinyaro ah oo laga soo xulay 5-ta xaafad ee Magaaladda tababar ku Saabsan mamulka iyo Maareynta oga furtay Hotel Kismaayo ee Magaaladda Kismaayo. iyadoona furitaanka tababarkaan ay ka soo qeyb Galeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Xilibaano ka tirsan Dowlad Goboledka Soomaaliyeed ee Jubbaland iyo Masuliyiinta Ururka Dhalinyarada.   Cali Cabdi Bootan oo ka mid ah masuliyiinta Hay’ada Saado oo ugu horeytii gobta ka hadlay ayaa Shegay inay ku dadaali doonan dhiiri gelinta dhalinyaradda iyo sidii loogu abuuri lahaa fursado shaqo.   Xildhibaan Cali Cabdi Waaxid Cali Xoog oo furitanka…

Read More

Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Lr. 126 , soona baxday shalay oo taariikhdu ahayd 22 October 2017 , ayaa lagu sheegay in shaqadii looga joojiyey xabsi gurina lagu xukumay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.   Digreeto kale oo ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha ayaa e G/Sare Cabdullaahi Shire Dool si kumeel gaar ah loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.   Shaqo-joojinta taliyaha ayaa la xiriirta ismaandhaaf iyo gacan-ka-hadal labo habeen ka hor ku dhexmaray Hotelka Jubba ee Garoowe taliyaha booliiska Gen Ereg iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Farweyne. Ismadhaafkan ayaa sababay in rasaas uu…

Read More

Wasiirka Wasarada Warfaafinta Isgaarsiinta iyo tagnoolajiyada Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Cabdi Nuur Cali Aadan oo la hadlayey Warbaahinta waxa uu sheegay wararka ah in uu is casilay inay yihiin been aan sal iyo raad midna lahayn. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay  in baraha bulshada  lagu faafiyo warar aan jirin labada Wasaarad ee Gadiidka iyo Wasaarada Warfaafinta in  lakala qaaday warqadihii been abuurkana timbaraha saarnaa  uu ahaa kii wasaradda Gaadiidka. Wasiir Cabdi Nuur Cali Aadan ayaa ku tilmaamay qoraladii la soo galiyay baraha bulshada kuwo looga soo horjeedo xasiloonida iyo horumarka jubbaland. Wasiirka Wasarada Warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdi Nuur…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray Magaalada jowhar ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle halkaas oo uu kaga qayb galayo munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle. Safarka Maaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa ku weheliyay qaar ka mid ah labada gole ee dowlad goboleedka soomaaliyeed ee jubbaland.

Read More

Waxaa goor dhow magaalada Jowhar ka bilaabatay munaasabada caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka, Ra’iisul Wasaare Kheyre, Guddoomiyaha Aqalka sare, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Xildhibaano, Senataro. Xaflada oo ka socota Hoolka shirarka Xarunta Farjano ayaa waxaa socota khudbadaha bilowga ee furitaanka Xaflada caleema saarka, iyadoo lagu wado inay khudbado ka jeediyaan madaxda dowladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ZbaBd4YNXlI

Read More

Wafti uu horkacayo Ra’iisal wasaaraha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,ayaa goor dhow ka degey garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar iyagoo ka qaybgalaya xaflada caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.   Waftiga uu horkacayo Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga,Wasiirka Waxbarashada,Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga,Wasiir ku xigeeno,xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida.   Magaalada Jowhar ayaa waxaa saaka soo gaaray Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Koofurgalbeed, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland.   Markii ay soo gaareen magaalada Jowhar ayaa madaxda dowlad goboleedyada waxa ay yeesheen shir uu albaabada u xiran yahay balse ma jiro wax war…

Read More

Afhayeenka Ciidanka Booliska Muqdisho Qaasim Axmed Rooble oo goor-dhaw Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidanka uu ka baxsaday Askarigii Labo maalin ka hor qof shacab ah ku dhax dilay Saldhigga degmada Heliwaa ee Gobalka Banaadir.   Afhayeenka ayaa sheegay in Askariga ay marka hore qabteen Ciidanka ka dibna uu rasaas ku furay kana fakaday waxa uuna sheegay in ay maalmahaan ku raad joogeyn balse ay waayeen.   Booliiska ayaa dalbaday in lala soo wadaago Xogta Askarigaan gudo iyo Dibadba sidoo kalane waxa ay cadeeyeen in ay la wadaageyn Booliska Caalamiga ah ee Interpol laguna raad joogo…

Read More

Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeelada hoose Cali Nuur Maxamed oo la hadlay warbaahinta ,ayaa waxaa uu sheegay in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay bilabeen in miinooyin ay ku aasaan Deegaanada ka Tirsan Gobalkaas. Sidoo kale waxaa uu Xusay in labo miino dhawaan laga soo saaray inta u dhexeysa ceelasha biyaha iyo Xaawo Cabdi oo kawada Tirsan gobalka Shabeelaha Hoose.   Gudoomiye ku xigeenka gobalka Shabeelada Hoose ayaa Waxaa uu faahfaahiyay Sababta keentay in Al-Shabaab ay miinooyin ku aasan Gobalka Shabeelada hoose,Waxaa uuna Sheegay in Taasi ay keentay kadib markii dowlada federaalka soomaaliya ay dhawaan ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Dagaalamayaasha Al-Shabaab.…

Read More

Prof Hodon Isse ahna marwada madaxweynaha puntland oo ka mid noqotay 200da boqol ee haweenka ah uguna saameynta badan dunida. ” Hodan Isse was born in Hargeisa, Somalia. She holds a PhD in economics from George Mason University in Virginia and two master’s degrees in economics and international development from Ohio University. She is a clinical assistant professor emeritus at the University at Buffalo School of Management. Isse is a cofounder and board member of the UnitedStates–based Somali Mental Health Foundation, a member of the board of directors for the Central Bank of Somalia and a founder of H.E.A.L., a…

Read More

Madaxda qaar ka mid ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa saaka gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle, halkaasoo ay uga qeyb galayaan Caleema saarka Madaxweyne Waare.   Madaxweyne Gaas iyo waftigisii ayaa gaaray Jowhar daqiiqado ka hor,sidoo kale Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed. Jubbaland,ayaa goor dhow gaaray Jowhar, waxaana halkaas ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Waare iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabeelle.   Waxaa kaloo gaaray Jowhar Senatoro ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka, odayaal dhaqameedyo iyo siyaasiyiin.   Waxaa goor dhow lagu wadaa inuu ka dego garoonka diyaaradaha Jowhar Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.   Ra’iisul Wasaaraha…

Read More

What happened?  On 14 October 2017, twin truck bombings in Somalia’s capital, Mogadishu, killed upwards of 300 people. Al-Shabaab, an Islamist insurgency, was almost certainly behind the attack, but has not claimed responsibility. Why did it happen?  Al-Shabaab has been fighting the government since 2007. The targets of the attack are unclear, though may have been government buildings and the base of African Union forces fighting Al-Shabaab.   Why does it matter?  The attacks have united Somalis in disgust at Al-Shabaab and may shore up support for Somali President Farmajo’s government. They also illustrate the challenges he faces: not just…

Read More

Wararka ka laga helayo dalka Nigeria ayaa sheegaya in dad isku soo xiray waxyaabaha qarxa ay ku dileen in ka badan tobannaan qof laba weerar oo kala duwan nawaaxiga magaalada Maiduguri. Ma jirto Koox sheegatay in ay geysatay weerraradan, balse magaaladan Maiduguri waxaa si joogta ah u bartilmaameedsada kooxda Boko Xaraam. Sarkaal ka tirsan booliiska Nigeria ayaa sheegay in weeraradu ay ka dhaceen xero ay ku jiraan dad ka soo cararay colaada ay waddo maleeshiyaadka kooxda Boko Xaraam. Ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa ku barakcday collaada Boko Xaraam ee ka taagan magaalada Maiduguri. Xigasho BBC.

Read More

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta u anba baxaya Magaalada Jowhar,halkaas oo ay ka dhacayso caleema saarka Madaxweynaha cusub ee maamulka Hir-Shabelle.   Madaxweyne Gaas oo dhawaan madashii madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka loogu doortay Madaxweynaha Madasha,ayaa saacadaha soo socda u bakhooli doonaa Magaalada Jowhar.   La soco wararkayaga danbe

Read More

Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hir-Shabelle,ayaa sheegaya in saaka ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee Munaasabadda Caleemo Saarka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.   Magaalada maalmahan waxaa ku sii qulqulayay Wafuud kala duwan oo Munaasabadda lagu casuumay, waxaana laga dareemayaa diyaar garow aad u balaaran,   Wufuud kala duwan ayaa ka qaybgalaysa caleemo saarka Madaxweyne Waare.waxaana ugu horeeya Madaxweynaha Madaxweynayaasha dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraaalka ahna Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,sidoo kale waxaa madaxda imaanaysa ka mid ah Madaxweyne Axmed Madoobe,Shariif Xasan iyo Xaaf.   Dhanka Fadaraalka ayaa la filayaa in uu ka yimaado…

Read More

Doodii Aqalka Sare ayaa maanta lagu kala aragti duwanaaday. Senator Goonjeex oo ay Madaxweynaha isku hayb yihiin iyo Senator Dhagdheer oo RW isku hayb yihiin ayaa si indho la’aan ah ula saftay Dowladda Dhexe. Labadan Senator waxaa laga soo doortaa Galmudug balse waxay ka shaqeeyeen in la rido Madaxweyne Xaaf ayagoo dulaalay lacagtii ka timid waddanka Qatar ee loogu talo galay in Dowladaha xubnaha ak ah Dawlada Fadaraalka lagu dumiyo. Nasiib waxaa fikirkooda guracan ka hor yimid inta badan xubnaha Aqalka sare ee Matala Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,hoos ka daawo muuqaalada. Halkan…

Read More

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa xaqiijiyay inay soo gaartay martiqaad uu Madaxweyne Farmaajo u diray Madaxda maamul-goboleedyada Somalia, kuwaasoo lagu Casuumay inay kasoo qayb-galaan shir-wadatashi ah oo dhamaadka bishan ka dhacaya Muqdisho. Axmed Ducaale ayaa xusay inuu ka qeyb galayo shirka dhowaan ka dhacaya Muqdisho, taasoo la micno ah in dowladda ay aqoonsan tahay, kaddib markii bishii hore warqad ka soo baxday wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu taageeray xil ka qaadistii ay ku sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Galmudug. Madaxtooyada ayaa kasoo dabacday Mowqifkeeda arrimaha maamullada ka jira dalka oo horay loogu eedeeyay inay fara gelin ku heyso. Sidoo…

Read More

Degmadda #GARYAQAAN (Yoombeys) waa mid ka mid ah magaalooyinka fara ku tiriska ee Gobolka Nugaal oo uu ka socdo horumar xawli leh   Ka sokow dadka ku nool deegaankaas waxaan qirayaa in ay door muhiim ah ka geysteen horumarkan dhaayaha bini’aadamka u roon dhalinyaro ay ka mid yihiin Hon Saacid Cismaan Salaad iyo Cabdale Geedgale,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/3oD44zkrlGA

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka si ay uga soo qeybgalayaan shir wadatashi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 28ka Oktoobar, 2017.   Shirkaas ayaa looga arrinsan doonaa hawlo muhiim ah oo horyaalla Qaranka, ayna ugu horreyso sidii musiibadii Qaran ee ka dhacday Magaalada Muqdisho 14 kii bisha Oktoobar 2017 loogu beddali lahaa midnimo Qaran. qodobada kale ee diirada lagu saari doono shirkaan waxaa kamid ah sidii loo xoojin ahaa wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka.   Sidoo kale, waxaa shirkaas looga…

Read More

Shir looga hadlayay amniga caasimadda Garoowe oo ay ka qaybgaleen Wasiirka amniga Puntland, Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Taliyaha Booliiska Puntland,Talyaha la dagaalanka Argagixisada iyo Talye xigeenka Booliska,ayaa rasaasi ka dhacday. Rasaasta dhacday,waxaa ku dhaawacmay Taliye xigeenka Booliiska Puntland Bile Faarax Cali waxayna xabadu ka haleeshay lugta,iyadoo dhaawaciisa lagu dabiibayo isbitaalka guud ee caasimada. Rasaastaas uu ku dhaawcmay Talye Bile ayaa si lama filaan ah oo ogaansho la’aan ah waxay uga dhacday Buskoolad u xirnayd Talyaha Booliska Puntland Jeneral Ereg. Shirka looga xaajoonayay amniga ayaa ahaa mid lagu dajinayay qorshaha amniga caasmada kaasoo ugu danbaynta laga soo saari lahaa qorshe dhamaystiran oo…

Read More

HAG NATIONAL HAWIYE STRATEGY (HAG) Position regarding the Darod clan Hawiye action Group seeks to effectively sideline the Darod clan by working with the central government by implementing certain political strategies. This includes but not limited to the empowerment of the Isaak and Rahanweyne clans, ensuring that Somalia’s  federal presence stays largely in Mogadhishu, emphasizing the importance for the International community to directly deal with only the central government, working with Somaliland in containing the terrorist threat in eastern Somailand as well as providing limited federal funds to Darod regional administrations.

Read More

FARMAAJO IYO 21st Oct. 21st Oct.1969 yuu afwayne ku dhawaaqay afgambi iyo xaalad deg deg ah inuu dalku ku jiro, arinkaas oo ahaa dhacdo lagu maja xaabiyey dastuurkii, sharciyadii, iyo dimoqraadiyaddii cardunka ahayd ee dalku lahaa. Maantaas taariikhdii madoobayd ee dalku galay ilaa maanta yey Somali la dhakafaarsan tahay waxii ka dhashayna si loo maareeyo la la’yahay, hadaba maqaalkan waxaan rabaa inaan si kooban uga hadlo dambiyadii waawaynaa ee ummadan laga galay iyo in kacaan kusheegii kaligii taliyuhu uu sababay maalmaha mugdiga ah ee aan wali ku jirno. Siyaad Barre oo ka mid ahaa dictators-kii aduunka soo maray kuwii ugu…

Read More

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray magaalada Garoowe, isagoo ka soo laabtay safar uu ku joogay magaalada Boosaaso ee xudunta Ganacsiga Puntland.   Madaxweynaha ayaa faahfaahin ka bixiyey dhismaha Madashii wadatashiga ee lagu dhisay magaalada Kismaayo, looguna doortay Hogaamiyaha madashaas, wuxuu sheegay in ay ka shaqeynayso wada tashiga iyo horumarka Soomaaliya.   Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin sidda looga turjumay ama loo buun-buuniyey, balse ay tahay madal Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya uu qabo sameynteeda oo sharciyad ku dhisantay.   Mr, Gaas ayaa kusifeeyey warsaxaafadeedkii maanta soo baxay mid muhiim ah, kuna…

Read More

Iyadoo laga duulayo xasuuqii ka dhacay Muqdisho 14kii bishaan oo in ka badan 300 qofood oo rayad ah oo aan waxba galabsanin lagu xasuuqay islamarkaana in ka badan 300 kalana lagu dhaawacay iyo saameynta ay tani ku yeelatey arimaha amniga iyo siyaasadda dalka; ayey Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, Soomaaliya waxay soo saareen war murtiyeedkan: 1. Golaha Iskaashiga wuxuu umada Soomaaliyeed la wadaagayaa murugada iyo tiiranyada ka dhalatey xasuuqii ka dhacay Caasimada Muqdisho, waxayna tacsi u dirayaan dhamaan eheldii, qaraabadii iyo guud ahaan umada Soomaaliyeed, inta dhimateyna waxay ilaahay uga baryayaan in janadiisa ugu deeqo inta dhawaca ahna cafimaad deg dega…

Read More

Dawlada soomaaliya oo soo bandhigtay macluumaad saabsan qasaaraha qaraxii zoobe. Dowladda Soomaaliya ayaa caawa shaacisay macluumaad ku saabsan Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe. Goobta waxaa tagay Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cusmaan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Gobolka. Wasiirka Amniga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu hayo dad lala xiriirinayo Qaraxa, sidoo kalena uu socdo baaritaan. Wasiir Yariisow oo soo bandhigay xogta Qaraxa ayaa sheegay qaraxa guud ahaan inuu waxyeeleeyay 642 qof, dhimashaduna ay tahay 358 qof, halka ay ku dhaawacmeen 228 qof. Wasiir Yariisow ayaa sheegay dadka lagu…

Read More

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta 20 October 2017 booqasho ugu soo ambabaxay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar. Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey oo kasoo kicitimay magaalada Boosaaso ayaa kormeero kusoo maray dhammaan kaantaroolada inta u dhexaysa Boosaaso iyo Qardho, waxaana uu Madaxweynuhu halkaasi kula kulmay ciidamada ka hawlgala goobahaasi, isagoona Madaxweynuhu ka xog waraystay xaaladdooda guud, amni iyo midda gaarka u ahba, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay in markasta xasuusnadaan shaqada baaxaddale ee ay u hayaan shacabkooda.   Madaxweynaha dawladda Puntland oo safarkiisa sii wata ayaa waxa uu kulan…

Read More

Shir ku saabsan habka maareynta dhulka magaalooyinka Puntland, waxaana ka qeybgalay Madaxda Wasaarada Hawlaha Guud,Guryeynta iyo Gadiidka,Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Wasaaradda Deegaanka,Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Haweenka,Masuuliyiin ka socda Dowladaha hoose.   Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gadiidka Dowlada Puntland oo ka warbixiyay ujeedada kulanka ayaa sheegay inuu daba socdo shirar taxane ahaa oo mudooyinkii u dambeeyay lagu dejinayay habka nidaaminta magaalooyinka Puntland. Wuxuu sheegay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Shan Wasaaradood oo ka tirsan Dowlada Puntland inay ku hawlanaayeen in muddo ah sidii loo heli lahaa xeer magaalooyinka lagu maamulo oo la socda habka casriga ah oo maanta lagu dabakhi karo dunida.hoos…

Read More

Madaxweynaha ayaa kormeeray dhismaha wadada ceel-daahir – ceerigaabo oo dhismeheedo meel wanaagsan marayo, waxaana Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey kormeerkooda ku gaadheen  5km oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Ceel-daahir oo iyadu ah goobta laga bilaabay wadada, 55km ayaa wadada loo dhamaystiray caro-tuur iyo jayba, 15km oo kamid ahna isbuucan gudihiisa ayaa la dhigi doonaa caro-tuurka iyo jaygaba, guud ahaan wadada inta lagashaqeeyey ayaa ah 70km,hoo ska daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/pjREAcUhaM0

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa ka reebay Guddiga Gurmadka QARAN labo wasiir oo muhiim u ahaa hawsha gurmadka sida Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid “Juxa” iyo Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka Maryan Qaasim Axmad . Guddiga Raysal wasaare Kheyre u magacaabay arrimaha gurmadka ayaa isugu jira Wasiiro iyo Ururada bulshada, waxaana gudoomiye looga dhigay Guddiga Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducale). Wasiir Juxa iyo Raysal wasaare Kheyre mudooyinkii dambe waxaa u dhaxeeyay khilaaf salka ku haya arrimaha Federaalka iyo xilka qaadistii Xogyahihii Joogtada Wasaarrada Arrimaha Gudaha, oo markii xilka laga qaadey Raysal wasaare Kheyre uu geeyay xafiiskiisa…

Read More

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay dilkii ka dhacay Kismaayo ee loo geestay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Jubbaland. Al-Shabaab ayaa sheegay in dilkaasi ay ka danbeeyeen waxayna sheegeen in dilkaas uu yahay kii ugu horeeyay oo loo geesto Xildhibaan ka tirsan Jubbaland. In kastoo Al-Shabaab ay sheegteen dilkaasi ayaa warar kale oo lagu kalsoonaan karo waxay xaqiijinayaan in dilka Xildhibaanka uu salka ku hayo muran kala dhaxeeyay Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Jubbaland murankaas oo ka dhashay is qab qabsi la xariira dhul ku yaala Magaalada Kismaayo.

Read More

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa Arbacadii sheegay in gaboodfallada dalka Myanmar loogu geystay muslimiinta laga tirada badanyahay ee Rohingya ay mas,uuliyaddeeda qaadi doonaan hogaanka millatari ee dalkaasi. Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in aduunyadu aysan marqaati ka noqon dil wadareedka laga soo sheegayo gobolka Rakhine. In ka badan nus milyuun dadka kasoo jeeda qowmiyada Rohingya ayaa ka gudbay xuduuda uu Myanmar la wadaago Bangladesh dhowrki todobaad ee lasoo dhaafay. Dadkan ayaa lafahooda kala carraray gaboodfallo la sheegay in ay millatariga dalkaasi Myanmar kula dhaqaaqeen muslimiinta Rohingya, Hadalka Tillerson ayaa kusoo beegmay kadib warbixin ay qalalaasaha Myanmar kasoo…

Read More

Wasaaradda gaashnaadhigga Afghanistan ayaa sheegtay in ugu yaraan 43 askari la dilay kadib markii Daalibaan ay maanta weerar ku qaadeen saldhiga milatari oo ku yaalla koonfurta dalkaas. Sagaal askari oo kale ayaa lagu dhaawacay weerarkan saaka aroortii lagu qaaday saldhigga ku yaalla gobolka Kandahar, ayada oo lix kale la la’ yahay. Wasaaradda ayaa sheegtay in 10 dagaalyahan oo Daalibaan ah la dilay. Bayaan ay soo saareen oo ay ku sheegtay mas’uuliyadda, ayey Daalibaanka waxay ku sheegeen in 60 askari ay ku dileen weerarka. Weerarka ayaa ka billowday qarax baabuur oo ismiidaamin ah, waxaana xigay dabley ku xoomay saldhigga. Waa weerarkii…

Read More

Madxweynaha Soomaaliya oo galabta la hadlayay banaanbaxayaal isugu soo baxay magaalada Muqdisho ayaa dhinaca kale fariin u diray siyaasiyiin uu sheegay inay dalal shisheeye xiriir la leeyihiin. Fariintaas ayaa madaxweynaha waxa uu ku yiri “waxaa la joogaa waqtigii aan siyaasadda meel iska dhigi laheyn oo aan gacmaha isqabsan laheyn.” Inkastoo uusan madaxweynaha carabaabin magac, hadana fariintaasi ayaa loo turjuntay inay ku socoto siyaasiyiinta ay dowladdu isku hayaan mowqifka dhexdhexaadnimo ee ay ka qaadatay Khilaafka wadamada Khaliijka Carabta. Siyaasiyiintaa waxaa ka mid ah Ra’iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke. Wariyehenna Maxamed Colaad Xassan ayuu khadka taleefanka ee dalka Talyaaniga ugu…

Read More

Waxaa gor dhow Magaalada Kismaayo lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowlad Gobaleedka Jubnaland. Xildhibaanka la dilay ayaa lagu Magacaaba Cabdixakiin Tima Faras waxaana la dilay Saladii maqribka iyo Cishaha inta u dahaxaysay. Dilka Xildhibaan Cabdixakiin ayaa waxa gaystay Nin ku hubaysan Ake 47 qoriga lo yaqaano waxaana Xabadaha ay kaga dhaceen Xildhibaanka qaybta sare jirka. Ciidamada Amaanka Jubbaland ayaa gaaray Xaafada Calanleey oo dilka Xildhibaanka uu ka dhacay waxayna dhamaan xireen wadooyinka Xaafadaas so galo.

Read More

Nin Libin kaa Xasdiyey Xumihii Waa Yaab! Kaalamada Dawladda Puntland, Ee Somaliya Manta Ma bilaaban, Maantana Kuma Eka, Ee Way sii socon Illaa Laga helayo Waxa Puntland loo Dhisay ee ah Somaliya Oo Fakhriga, iyo Dib udhaca ka baxda, Gaartana Horumarka Ay u wadaan Somaliya. Sanadihii 2004 – 2008, Waxaan Xasuustaa Puntland Oo 7,000 Oo Ciidanka Dalaayadaha Ku Booda, Saad, Saanad, Maal iyo Moodba la Dul istaagtay Dawladdi Kumeel gaarka ahayd, Ciidanka Waxaa Ka So Nabad Noqday Gen Saciid Dheere Taliyaha Guud ee Ciidan ka Puntland Inkasto qudhiisa la Sumeeyey, Has Yeeshe Waxay Suurto Geliyeen in Villa Somaliya Ay noqoto…

Read More

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magacaabay Xeer Madaxweyne Lr-122 October, 18, 2017 Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dibu-dhiska iyo Horumarinta Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay:                      Dastuurka dawladda Puntland. Markuu arkay:                      Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo. Markuu Tixgeliyey:              Baahida loo qabo in la magacaabo Wasiir Ku-xigeenka                                                                     Wasaaradda Dibu-dhiska iyo Horumarinta Puntland. Wuxuu Xeeriyey:                                                Waxaa Abshir Cabdullaahi Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dibu-dhiska iyo Horumarinta Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Read More

Waxaa muqdisho gaaray Deeqdii ka koobnayd dawada,dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha Caafimaadka ee ka tagtay garowe caasimada Puntland. Deeqdan oo gaaraysay 4-tan ayaa waxaa qaaday wafti uu hogaaminayo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Puntland,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/1hZ300FMPN8

Read More

Deeqdan maanta u anba baxday Muqdisho ayaa gaaraysa 4-tan oo dawo ah,sidoo kale waxaa qayb ka ahaa gurmadka Dawlada Puntland ee ku wajahan Muqdisho 10-qof oo iskugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal Caafimaad.   Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Dawlada Puntland oo waftiga iyo kaalmada Puntland hogaaminaya ayaa sheegay in kaalmadan ay tahay hordhac,balse ay jiri doonaan kaalmooyin kale oo ka imaan doona Dawlada iyo shacabka Puntland oo sikugu jiri doona dhaqaale,dawo iyo agab kale.   Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha Dawlada Puntland ayaa markale Tacsi udiray dadkii ku geeriyooday qaraxaas,sidoo kale kuwii ku dhaawacmay rabi uga baryay in uu u sahlo dhaawacooda.…

Read More

The man who killed more than 300 people with a truck bomb in the centre of Mogadishu on Saturday was a former soldier in Somalia’s army whose home town was raided by local troops and US special forces two months ago in a controversial operation in which 10 civilians were killed, officials in Somalia have said. The death toll from the bombing now stands at more than 300, making it one of the most devastating terrorist attacks anywhere in the world for many years. On Tuesday remains of victims were still being brought out of rubble spread over hundreds of square metres. Investigators believe…

Read More