Author: Jibril Qoobey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadanaysa muddo  labo cisho ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sultan Bin Saciid Al Badi. Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo La-taliyeyaal,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/lMxdM1C49nE

Read More

Qaahira : Madaxweynaha masaarida ayaa sheegay inay ssi adag isaga difaacayso ethopia xeelad kasta oo ay la timaado . Madaxweyne Cabdifitaax al-Siisi, ayaa hadalkan sheegay mar uu la hadlaayay Saxaafada dalka Masar, waxa uuna tilmaamay in Ethiopia ay ku dadaaleyso inay leexsato Webiga Niil . Cabdifitaax al-Siisi, waxa uu ku goodiyay inaysan aqbali doonin in lagu xadgudbo saamiga soo jireenka ah ee ay ku leeyihiin Webiga, haddii ay taa dhacdana ay qaadi doonaan talaabo adag. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowlada Ethiopi ay dooneyso inay leexsato Wabiga Nile, balse dowladiisa ay kasoo horjeedo isla markaana ay diyaar u tahay inay…

Read More

Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa bishii Sebtember 18,2017, magacaabay guddi ka kooban 15 xubnood. Guddigaas waxaa loo xil saaray inay baaritaan ku sameeyaan sidii Itoobiya loogu dhiibay muwaadin Soomaali ah, Cabdikariin Sheikh Muuse (Qalbi-Dhagax). Bishii August 23,2017, Cabdikariim waxa lagu qabtay magaalada Galkacyo. Maalin ka dib waxaa loo soo gudbiyey Xarunta Dhexe ee Nabad-Sugidda ee Xamar. Maalmo ka dib waxaa loo gacan galiyey dawladda Itoobiya. Waxaa xusid mudan in Cabdikariim Sheikh Muuse muwaadin Soomaali ah oo kaliya ahayn, balse uu ka mid ahaa ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed, oo iyagu naftooda u huray difaaca ciida iyo calanka Soomaaliyeed. Guddigii Golaha Shacabka oo…

Read More

Warbxin la helay ayaa lagu sheegay in hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo ka soo jeeda daka Kenya uu doonayo inuu kooxda ka tago, isagoo baxsad ah, kaddib markii ay isku dhaceen hoggaanka Al-Shabaab. Wargeyska Standard Media oo soo xiganaya War Sir ah oo la hellay ayaa sheegaya in Axmed Iimaan oo ah hoggaamiye sare ka tirsan Al-Shabaab ay isku dhaceen hoggaanka sare ee Al-Shabaab, kaddib markii uu ka hor yimid dilal lagu fuliyay xubno ka tirsan dagaalyahanada Kenya oo lagu eedeeyay inay ku xiran yihiin Al-Shabaab. Axmed Imaan iyo Saraakiil ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in uu…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa la filayaa ilaa beri in ay u anba baxaan dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta.   Madaxweyne Gaas ayaa ku hormari doona Dalka Itoobiya halkaas oo kulamo kula qaadan doono Madaxda ugu saraysa Dalkaas.   Madaxweynaha oo casuumad rasmiya ka helay Ra’isalwasaare Desale,ayaa la filayaa in ay kawada xaajoodaan arimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin..   1.Iskaashiga Amniga labada dhinac 2. Ganacsiga gobollada xuduudaha wadaaga 3.Xaalada Guud ee Geeska Africa.   Puntland iyo Itoobiya waxay leeyihiin xiriir qoto dheer oo soo jireen ah waxaana labada…

Read More

Garoowe : Kalfadhiga golaha deegaanka garoowe ayaa 6dii biloodba mar laqabtaa waxaa lagusoo ban dhigaa wixii u Qabsoomay dowlada hoose ee degmada garoowe. Kalfadhigan ayaa noqonaya kalfadhigii 23 aad ee kasoo wareeegtay intii uu jiray golaha deegaankani Furitaanka kalfadhiga waxaa kasoo qayb galay gudoomiyaha gobolka ,duqa caasimada qaarka mid ah Fudoomiyayasha degmooyinka gobolka nugaaal , culimada iyo cuqaasha gobolka ,ururada haweenka golaha Deegaanka degmada garowe iyo dadwayne kale . Duqa caasimada pl ee garoowe xasan maxamed ciise goodir ayaa ugu horayn ka warbixiyey wax qabadkii 6 bilood ee lasoo dhaafay Gudoomiyaha gobolka nugaal cumar abdilahi farawayne ayaaa ku Amanay wax…

Read More

Madaxweynaha dowlada Fadaraalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa u anba baxay dalka Imaaraadka Carabta.   Safarka Madaxweynaha ayaa ah kii labaad ee ku aado Dalka Imaaraadka.   Arimaha ugu muhiimsan ee ay kawada xaajoon doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Imaaraadka ayaa ah..    1.Arrimihii Khaliijka 2.Heshiis labada dhinac iyo is cafis dhexmara.   Booqashadan ayaa wararka kasoo baxayaa  waxay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo codsaday booqashada iyo kulankaba.   La soco wararkayaga danbe iyo socdaalka Madaxweynaha.

Read More

DFS ayaa Heshiis la gashay Shirkad lagu magacaabo Park Strategies oo uu madax ka yahay Alfonse Marcello D’Amato, kaasi oo  ka tirsanaa Kongareeska Maraykanka muddadii u dhexeysay sannadihii 1981-kii ilaa 1991-kii. Alfonse Marcello D’Amato, oo 80-jir ah waxa uu weli Galaangal ku dhex leeyahay Arrimaha Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka, wuxuuna sxb la yahay Aqalka Cad, wuxuuna horey u taageearay Ololihii Doorashadda ee uu Madaxweyne Donald Trump ku guuleystay. Waxa kale oo uu caan ku ahaa inuu Danaha Somalia ku difaaco Kongareeska Maraykanka ee ay ku xooggan yihiin Mudaanayasha Jamhuuriga. Heshiiska ay DFS iyo Shirkadda Park Strategies dhawaan kala saxiixdeen, waxay DFS oggolaatay…

Read More

Madaxweynaha Zimbabwe ee awooda laga qaaday ayaa la sheegay inuu diiday inuu wax cuno, isagoo ka cabanaya Xabsiga Guriga uu ku jiro. Sarkaal ka tirsan Xisbiga haya Talada dalkaasi ee ZANU PF ayaa sheegay in Madaxweyne Mugaabe diiday inuu wax cuno tan iyo shalay, kadib, markii lagu wargeliyey in si rasmi ahaan looga qaaday Xafiiska. Wasiir ka tirsan Xisbiga ZANU PF ayaa sheegay inuu Madaxweynaha 93-jirka uu isku tijaabinayo Khiyaano kala duwan ilaa habeen hore, waxa uu galay cunto-diidid, inuu hadlo, wuxuuna mararka qaarkood ku dhawaaqaya Cabsi-gelin. Dhinaca kale, Golaha Dhexe ee Xisbiga ZANU PF ayaa maanta kulan ku leh…

Read More

Kal fadhigii 4-aad fadhigiisi 5aad,ayaa maanta ka dhacay xarunta Baarlamaanka Jubbaland waxaana  soo xaadiray 42 -Xildhibaan.  Ajandaha maanta ay ka doodayeen xildhibaanada ayaa ahaa dabagalka dhaqaalaha golaha  shacabka Waxaana  ay qaadatay  ka doodidda qodobkaas saacado badan iyada oo  ugu danbayna laysku afgartay,sidoo kale wxay Xildhibaanadu ubalameen in maalinka birri foog ah dib u eegis ay ku sameeyaan xeer hoosaadka baarlamaanka jubbaland. Markii ay soo dhamaatay dooda baarlamaanka kulankana lasoo xiray, ayaa waxaa Warbaahibta Warbixin kooban  siiyay Gudoomiyaha gudigga hab-dhowrka Baarlamaanka Jubbaland. Bashiir Maxamed Baahale,hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id ee Baahale. Halkan ka daawo muuqaalka…

Read More

Kismaayo waxaa Lagu soo Gaba Gabeeyay Kulan wadatashi Wasaaradaha Ciyaaraha Dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka ah  iyo Dowlada dhexe Kaasi oo inta badan xooga lagu saaray Habsami usocodka Diyaar garowga Ciyaaraha Dalka ee kismaayo Lagu qaban doono. Kulankaas ayaa waxaa Laga soo saaray War Murtiyeed qeexaya arimaha laysku afgartay iyo xiliga ayFurmayaan Ciyaaraha Dalka. Halkan hoose ka akhriso Warmurtiyeedka shirka:-

Read More

Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee Somaliland C/raxmaan Ciro ayaa sheegay in xal iyo is-afgarad laga gaaray cabashooyinkii xisbiga ee doorashadii madaxtinimada Somaliland ka dib labo maalmood oo wadahadalo u socdeen iyaga iyo guddiga doorashada Somaliland. Guddoomiye Ciro oo ay shir jaraa’id wada qabteen guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland C/qaadir Iimaan Warsame, wuxuu sheegay in la tixgaliyay dalabyadoodii la xiriiray  degmooyinka Hargaysa iyo Gabilay, islamarkaana wuxuu ku dhawaaqay in xisbigu uu soo celiyay wada shaqayntii ay la lahaayeen guddiga doorashadda ee ay dhawaan joojiyeen “ waxaanu islagaranay oo ku soo gunaanadnay in la dhagaysto codsigii xisbiga wadani. Komishanka doorashooyinku waxay cadeeyeen in buugaasi…

Read More

Ururka Midowga Africa ayaa Jimcihii shalay ugu baaqay Masuuliyiinta Libya inay baaris ku sameeyaan – suuqyo adoonsi oo la sheegay in Muhaajiriinta Madowga ah lagu kala iibsado oo ku yaala dalka Libya. Baaqa Midowga Africa ayaa yimid ka dib markii Telefishinka CNNta ee dalkan Mareykanka laga sii daayay muuqaalo naxdin badan oo muujinayay dhalinyaro afrikan ah oo lagu kala iibsanayo suuq xaraash ah dalka Lybya. Sida ka muuqatay muuqaaladaa, dhalinyarada ayaa laga iibinayay dad ka soo jeeda dalalka Waqooyiga Africa Dhalin yaradaas ayaa la sheegay in lagu kala iibsanayay lacag 400 oo dollar ah midkiiba – si ey uga shaqeeyaan…

Read More

Waxyaabaha sababa fashilka ganacsiga aad ayay u badan yihiin laakiin waxaan kusoo koobayaa 20 Qodob. 1-Kharash aan loo baahnayn oo la galo (over spending):- Qaladaadka la galo waxaa ka mid ah in aan la isu miisaamin waxa shirkadda soo galaaya iyo waxaa ka baxaayaa isla markaana la galo kharashaad badan, tusaale ahaan xafiiska oo la geliyo kharash badan, maamulka oo iska qorta mushahaaro badan iwm. 2. Shaqada oon lahayn nidaam la raacayo (without guiding principles): Shirkaddo badan ayaa marka ay bilaamayaan aan lahayn nidaam la raacayo, kedibna marka ay muddo yar joogaan suuqa ka baxa, ganacsi kastaa waa ay jiri…

Read More

Bedfordshire : Diyaaradda ugu weyneyd dunida The Airlander 10 ayaa maanta ku dhacday Deegaanka Cardington ku dhow magaalladda Bedfordshire  ee dalka Britain. Shilkaasi waxaa ku dhaawacantay Haweeney, waxaana la wada xiray Waddooyinka. Goobjooge ayaa sheegay in Diyaaradda Markabka oo la dherer ah Garoonka K/cagta in ay cadcad ugu soo dhacday meel dhir badan oo ku dhow RAF Cardington. Sawiro laga soo qaaday Diyaarada ayaa muujinaya burbur xooggan oo ka soo gaaray qeybta hore ee Diyaaradda .

Read More

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Soomaaliyeed  Jubbaland  Mudane  Maxamud Sayid Aadan ayaa daahfuray shirweyne looga hadlayay u diyaar garowga tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee dowlad gobolleedyada Dalka iyo Maamulka gobolka banaadir kasoo lagu qaban doono Magaaladda Kismaayo. Shirkaan ayaa waxaa kaqayb galay Wasiiradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlad gobolledyada dalka Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowlada federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Xirirrka kubadda Cagta Dalka. Wasiir dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalka Xildhibaanad  Khadiijo Maxamed Diiriye oo goobta ka hadalay ayaa sheegay in ay ahmiyad siin doonaan dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalka. Madaxwayane Kuxigeenka Koowaad ee Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Maxmuud Sayid Aadn…

Read More

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo danjiraha dalka Shiinaha ee Soomaliya Mr. Qin Jian ayaa maanta si wada jira shir jaraa’iid ugu qabtay Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe . Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sheegay in ay danjiraha ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen horumarinta mashaariicda dalka Shiinaha ay kawadaan Puntland,yagleelida xidhiidh dhaw oo ay yeeshaan Puntland iyo Shiinaha, arimaha Soomaaliya iyo horumarka ay dowladda Puntland  ka samaysay kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/watch?v=OLaiJ6jGcRA

Read More

Isagoo Dalka Cumaan jooga ayuu Soo duubay fariin Muuqaal ah Jeneral Maxamed Sicid Xirsi Morgan oo ahaa Wasiirkii Gaashandhiga dowladii Siyaad Barre waxuuna sheegay in Facebook TV -ga Qaranka lagu qoray in uu geeriyooday Balse u noolyahay. “Ehelo baa telefoon igu waalay Waxaan idiin sheegayaa waxay rabaan ha sheegeen waqtigeyga Ayaan sugayaa “ayuu sii raaciyey Jeneral Moragn,hoos ka daawo muuqaalka Janaraalka oo hadlaya. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo danjiraha dalka China ee Soomaliya Mr. Qin Jian ayaa maanta 18 Nov 2017 si wada jira shir jaraa’iid ugu qabtay qasriga Madaxtooyada Garoowe . Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in ay danjiraha ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen horumarinta mashaariicda dalka China ay kawadaan Puntland, samaynta xidhiidh dhaw ay yeeshaan Puntland iyo dalka China iyo guud ahaan Soomaaliya, horumarka ay dawladda Puntland  ka samaysay kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay in isaga iyo danjiraha dalka China ee Soomaaliya ka wada hadleen sidii ay shirkaddaha laga leeyahay…

Read More

Baarlamaanka soomaaliya ayaa isku raacay in dhiibisti Qalbi dhagax ay aheyd sharci daro kadib kulankii Maanta la horgeeyay warbixin la xiriirtay Kiiskii Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax. Guddiga ayaa Baarlamaanka ka hor Akhriyay baaritaanadii ay ku sameeyeen kiiskii lagu dhiibay Cabdi Kariim Muuse Qalbi dhagax oo ka mid ah Madaxda Ururka ONLF. Intaas kadib Xildhibaanada ayaa cod u qaaday Warbixinta Kiiska Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax, 152 Mudane ayaa u codeeyay 6 way diiday 3 way ka aamustay. Guddiga ayaa Warbixintooda waxa ay ku sheegeen in Nabad-Sugida Soomaaliya ay maareysay isla markaana aan lagala tashan Madaxda dalka dhiibista Qalbidhagax,hoos ka…

Read More

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo Wareysi siiyey mid ka mid ah idaacadaha muqdisho ayaa sheegay in mooshinkaan la diyaariyay isla markaana la gudbin doono. Waxaa la weydiiyay Su’aal aheyd hadii Gudoomiye Jawaari mooshin laga gudbiyo cid shir gudoomin doonta shirka Beri ee Xubnaha Baarlamaanka ayuu shegay in ku xigeenkiisa uu shir gudoomin doono. Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo uu arrimo badan uga hadlay.

Read More

Riyaad : Wargeyska Daily Mail ayaa daabacay in Boqorka Dalka Sacudiga, Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-Sa’ud uu xilka ku wareejinayo wiilkiisa 32 jirka ah ee Amiir Maxamed bin Salmaam. Hadalkan oo uu wargaysku kasoo xigtay Qof ku dhow qoyska reer Boqor ayaa intaa ku daraya in Todobaadka soo socdo laga yaabo inuu talada Dalka si buuxda ula wareego Amiir Maxamed haddii aysan arrintu is beddelin. Boqor Salmaan ayaa la sheegay inuu noqon doono shaqsi sharafeed maamula oo keliya Xaramaynka, balse awoodda kale uu u gacan gelin doono wiilkiisa, kaasoo haatanba saamayn weyn ku talada Waddanka Sacuudiga. Amiir Maxamed ayaa in…

Read More

Maxkamad ku taaalla Jermalka ayaa go’aamisay in shirkadda diyaaradaha ee Kuwait Airline ay xaq u lahayd in ay diido in aysan qaadin muwaadin Israa’iil u dhashay. Go’aankaas ayaa ka caraysiiyay Ururrada Yuhuudda iyo kuwo kale oo ku ku baaqay in la cambaareeyo Yuhuud nacaybka. Shirkadda Kuwait Airways ayaa diiday in ay qaado macmiil ka goostay tigid oo ka bixi lahaa Frankfurt isaga oo u socday Bangkok. Maxkamad ku taalla Frankfurt ayaa sheegtay in shirkadda diyaaraddu ay ixtiraamaysay shuruucda dalka Kuwayd oo aan aqoonsanayn dalka Israa’iil. Maxkamaddu waxay sheegtay in aysan awoodin in ay meesha ka saarto sharciga dalka Kuwayd, Sharciga…

Read More

Muqdisho : Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay inay wadaan mowshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka  Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Xildhibaanada ayaa ku eedeeynaya ku tagri fal awoodeed iyo khaladaad ka dhex jira guddiyada baarlamaanka ee dowladda, waxaana xildhibaanada qaar ay sidoo kale ku eedaynayaan habka loo soo xulay shaqaale dhan 360-shaqaalle oo u shaqeeya baarlamaanka kuwaasi oo mushaarka ay qaataan laga jaro golaha baarlamaanka. Inka badan konton xubnood ayaa gudbiyay kalfadhiga hadda socda mooshinka guddoomiyaha in lagu darro , arrintaasi oo abuurtay shaqooyinkii baarlamaanka inuu hakad galo.

Read More

Qaar ka mid ah salaadiinta soomaliland ayaa cambaaeereyey gudiga doorashooyinka soomaaliland oo ay sheegeen inay sameeyeen musuq maasuq muuqda iyagoo xisbiga kulmiye ka qaatay lacago laaluush ah . Salaadiinta ayaa sheegay in la helay warqado malaayiin ah oo been abuur ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/watch?v=hfT1AB1G40w

Read More

Qaar Ka Mida Dhalinyaada Tabacsan Xisbiga Mucaadka Ee Wadani Ee Magalada Burco Ayaa Mudaharad Ka Sameeyay Qaar Ka Mida Wadooyinka Magalada Burco Mudaharadkan ayaa salka  Ku Haya Saluug Ay Taageerayaasha wadani  Ka Tabeen Natiijada Doorashada Oo Aaan Wali La Shaacin Ka Dib Markii Ay Xubnihii Xisbiga Wadani U Qaabilsanaa Komishanka Doorashooyinka Ay Tageerayashooda Warbaahinta U Mariyeen In Cabashadoodi Wax Laga Qaban Wayay Oo Ay Joojiyeen Wadashaqayntii Ay Lalahayeen Komishanka, Dhalinyaradani Mudaharaadayey  Ayaa Gubay Taayiro Iyo Isla Markaana Shiiday Goobaha Ganacsiga Oo Sababay In Hal mar Loo Laabo Albaabada  Goobahaas  Waxa La Maqlaya Dhawaqa Rasaasta Oo Ciidanka Boolisku Ku Kala Eeryayaan…

Read More

War goordhow naga soo gaaray degmad Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa wax ay sheegayaan in deegaano ka tirsan ay la wareegeen Al-Shabaab. Dad Goobjoogayal ah ayaa Radio Dalsan u sheegay in Tuulada lagu Magacaabo Geed faqay oo Balcad u jirt 10-km kaga beegan dhanka deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ay kooxda shabaab la wareegtay . Qaar ka mid ah dadka deegaanka Geed faqay ayaa waxa ay sheegeen in tiro Al-Shabaab ah ay deegaanka soo galeen isla markaana ay Shacabka Khudbad u jeediyeen. Weli  Maamulka degmada Balcad kama hadlin la wareegitaanka Al-Shabaab ee deegaanka geed faqay.

Read More

Kin Cheng danjiraha China ee soomaliya waxaa garoonka diyaaradaha ee Garowe kusoo dhoweeyey xubno kamid ah golaha Wasiiradda Dowladda Puntland . Danjiraha waxaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Madaxweynaga Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/watch?v=P5bwb6CxylU

Read More

Hargaysa : Xisbiga Wadani waxaa uu sheegay inay hakiyeen dhamaan wada shaqeyntii ay la lahaayeen Guddiga Doorashooyinka, Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen goordhoweyd Hargeysa waxaa ay ku sheegeen inay go’aankaasi qateen kadib markii ay guddigu ka jawaabi waayeen cabashooyin ay u gudbiyeen. Xubnaha u hadlay Wadani waxay ka dhawaajiyeen inuu jiro musuq guddigu sameeyay, waxay sheegeen in codadka Kulmiye loo tiriyey ay ku jiraan kuwo been abuur ah, iyagoo soo bandhigay buug u sameysan sida kaadhadh-ka lagu codeynayey.,hoos ka daawo muuqaalka.                              …

Read More

Iyada oo dalka Zimbabwe ay ka socdaan isbadalo waaweyn xili ciidamada militariga dalkaas ay sheegeen in ay la wareegeen awoodda, ayaa waxaa halkan kaga hadlaynaa taariikhda xaaska madaxweyne Mugabe oo la aaminsanyahay in iyada darteed ay ciidamada gadood u sameeyeen. Grace ayaa lagu waday in loo magacaabo madaxweyne ku xigeenka Zimbabwe si ay marka dambe iyada xilka ugala wareegto ninkeeda oo 93 jir ah, waxaana dhacday in madaxweyne ku xigeenkii Zimbabwe Emmerson Mnangagwa xilkii laga qaaday kadib markii ay isku dhaceen Grace. Grace waa 52 jir, 40 sano ayay ka yartahay ninkeeda Robert Mugabe kaas oo Zimbabwe…

Read More

Garoowe :Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa laba kooxood oo caafimaad u kala diraysa gobolada puntland ka kooban tahay . Labadan kooxood ayaa qiimayn kusoo samayn doona waxyaabihii laga qabtay la dagaalanka cudurka duumada shantii sano ee ugu dambaysay . Kooxahan wasaaradda caafimaadku udirtay dirtay gobolada waxay sidoo kale soo sahminayaan qiyaasta caruurta kayar shanta sano ee uu gaaray talaalka cudurka duumadu . Sida ay sheegeen agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka cabdirisaaq xirsi xasan Puntland iyo madaxa la dagaalanka cudurka malaariyada ee wasaaradda caafimaadka puntland cabdikariin xuseen xasan . Kenya medical school iyo hayada caafimaadka aduunka ayaa sahminta ka caawinaysa wasaaradda caafimaadka Puntland .…

Read More

Jariiban : Wasaarada Caafimaadka  dawawlada Puntland ayaa xariga ka jartay xarunta Caafimaadka ee degmada Jariiban ee gobolka Mudug. Maxamed Yuusuf Shirwac gudoomiyaha degmada jariiban ayaa munaasbada xarig jarka xarunta caafimaad ka  sheegay inay Baahi weyn u qabeen Xarunta Caafimaad ee laga furay jariiban ,wuxuuna sheegay inay hada kadib shacabka jariiban helayaan adeegyadii caafimaad ee ay meelo fog u aadi jireen Wasiirka wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland mudane C/naasir Cismaan Cuuke ayaa xariga ka jaray xarunta Caafimaadka ee degmadaasi taas oo ay dhismihiisa ay qayb weyn  ka qaadatay wasaarada caafimaadka Puntland, wuxuuna sheegay inay xaruntan caafimaad ee jariiban ka hawl geli doonaan…

Read More

Muqdisho : Wasiirka maaliyadda dowladda federalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Bayle ayaa saakay isaga baxay kulankii Golaha wasiirada , kadib markii uu Khilaaf soo Kala dhax-galay rasysal Wasaare khayre . Arintan ayaa loo aanaynayaa xiriirka bayle iyo khayre oo aan fiicnayn mudooyinkii ugu dambeeyey. Warar aan ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa noo sheegay in dhawr jeer oo hore bayle qorshaystay inuu is casilo,wuxuuna dhibsaday farogelin muuqata oo raysalwasaare khayre ku hayey shaqadiisa. Arintaan ayaa kusoo beegmaysa is casilaadii wasiirkii gargaarka taasoo sheegtay inay shaqada uga tagtay is barbar yaac ka jira shaqada .

Read More

Mustaqbalka madaxwaynaha Zimbabwe, Robert Mugabe, ayaa u muuqda mid aan kala cadayn,xilli militariga dalkaasi ay xabsi guri ka dhigeen. Ma jirto mucaaradad badan oo hortaagan militariga dalka Zimbabwe oo imika si toos ah ula wareegay taladii dalkaas. Qaar badan oo ka mid ah dadka reer Zimbabwe ee ku sugan caasimada Haraare ayaa aqbalay in hogaamiyaha kali ah ee ay yaqiineen tan iyo xoriyaddii xafiiska laga qaado. Qaar badan oo ka mid ah dadkii ay isku dhawaayeen ayaa isaga dheeraaday xaaskiisa Grace, oo loo arko in ay ahayd qofkii horseeday in militariga ay soo faragaliyaan xaaladda. Halka ay ku sugan tahay…

Read More

Mombay : Tuugo xirfadoodu aad u sarayso ayaa dhulka hoostiisa kasoo qoday god dhererkiisu dhan yahay 8 mitir, kadibna u dhacay bangi, halkaas oo ay ka dhaceen lacag badan. Bangigan oo ay dowladda hindiya leedahay ayaa lagu magacaabaa Baroda, wuxuuna ku yaalaa magaalada ganacsiga dalka hindiya ee Mombay. Tuugada ayaa isticmaalay hab la mid ah sidii lagu jilay filimkii Hollywood-ka ee The Bank Job, kaas oo dhulka hoostiisa inta lasoo qodo, bangiga dhulka looga soo baxayo. Booliiska Hindiya ayaa warbaahinta u sheegay in bangiga laga dhacay lacag iyo dahab badan, islamarkaasna ay baarayaan kiiskan. Tuugada ayaa isticmaalay guri ku dhegan…

Read More

Wasiirkii Gargaarka ee hore Maryan Qaasim waa is casishay kadib markii ay ka niyad jabtay hab dhaqameedka RW Khayre. Iscasilaada Wasiirada ayaa dhacday saakay subixii hore. Maryan ayaa barteeda Twitter-ka qoraal kooban oo ays oo dhigtay ku tiri”Maanta oo ah arbaco 15-ka November 2017, waxaan si rasmi ah isaga casilay xilka aan ka hayay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, duruufo aniga khaas ii ah. Dhanka kale waraysi khaas ahaa oo ay siisay Tv-ga Goobjoog ayay ku sheegtay war ka duwan midkii ay kusoo qortay Twitter-keeda,hadlkaas ayaa ahaa sida tan soo socota. ”Waxaan uga tagey xilkii Wasiirnimo daruufta shaqo oo igu adkaatay…

Read More

London : Orodyahanka reer Britain ee asalkiisuna yahay Soomaali, Mohamed Farah, ayaa lagu daray liiska dadka sannadka cusub la guddoon siin doono billadaha ay bixiso boqorrada ingiriisku . Mohamed Farah ayaa sannadkan loo dallacsiiyey derajada ‘Sir’, taas oo ah Darajada ugu sarreysa ee la siiyo dadka aan milatariga ahayn ee shaqo ama magac fiican u soo hooya Britain. Billaddan ayaa sidoo kale la siiyaa dadka aan haysan dhalashada waddanka Britain, waxaa sidoo kale lagu sharfaa dadka sumcadda weyn ku dhex leh caalamka. Derajadan ayaa hadda ka dib u saamaxaysa Mo Farah in magaciisa marka loogu yeerayo laga hor mariyo laqabka…

Read More

Hay’adda Adeegga Caafimaadka Qaranka ee Gobalka England ee dalka UK (NHS) waxay markii ugu horreysay soo bandhigtay Xogta ku aadan Tirada dadka asalkoodu yahay Somali ee wehelka la ah Cuddur-sidaha HIV AIDS Warbixin ay soo saartay Hay’adda NHS oo ka shaqeysa Nidaamka Daryeelka Caafimaadka ee England waxay tilmaamtay in 683 qof oo sheegay inuu asalkooda Somali yahay laga helay Cuddur-sidaha HIV AIDS-ka muddadii u dhexeysay sannadihii 2000 ilaa 2016-kii, Tiro-koobka Xogtaasi waxaa kaloo lagu xusay in 310 qof oo ka mid ah dadkaasi yihiin rag, halka 373 yihiin Haween, waxayna badankooda (70%) qaadeen xanuunkaasi wixii ka dambeeyey sannadkii 2003-dii. Warbixinta…

Read More

Harare :Madaxwaynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa la dhigay xabsi guri caasimadda dalkaasi ee Haraari, sida uu sheegay madaxwaynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma. Mr Mugabe ayaa ugu sheegay qadka taleefanka inuu wanaagsanyahay, sida laga soo xiganayo xafiiska madaxwaynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo uu lasoo xiriiray. Rasaas culus iyo madaafiic ayaa laga maqlayaa waqooyiga magaalada Haraare maanta oo Arbaco ah. Qalalaashaha dalka Zimbabwe ayaa yimid kadib markii madaxwaynaha uu xilka ka qaaday kuxigeenkiisa, arrinkan ayaa waxaa ka carooday taliyaha ciidamada militariga oo sheegay inuu soo afjaryo khilaafka xisbiga Zanu BF. Dowladda Ingiriiska ayaa muwaadiniinteeda usoo jeedisay inay ka bixin oo…

Read More

Garoowe: Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii hore 15 Nov 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabiley qaar kamid ah hay’addaha caalamiga ah ee ka hawl-gala Puntland, hay’addahaas uu Madaxweynuhu ku qaabilay xafiiskiisa ayaa waxaa kamid ah Relief International, SCF, SSF iyo UNICEF. Kulamadaas uu Madaxweynaha Dawladda Puntland la qaatay hay’addahaasi oo ahaa kulamo gaar gaar ah ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-Xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabddullaahi Cumar Camey iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee dawladda Puntland  Mudane. Burhaan Cilmi Xirsi. Kulankii ugu horeeyey ee Madaxweynuhu la qaatay saraakiisha ka…

Read More

Wasiirka Wasaarada Gar-gaarka iyo masiibooyinka xukuumada fadaraalka soomaaliya Maryan Qaasin ayaa maanta iska casishay xilkii Wasiirnimo.   Maryan Qaasim Wasiirkii hore ee Gar-gaaarka iyo masoobiiyinka ayaa is casilaadeda  xogo hoose oo ay ka helayso idil News waxay tilmaamayaan in ay sababtay hawlihii shaqo ee Wasaaradeeda oo ay Dad kale gacanta kula jiraan cabasho in badan ay ka gudbisayna aan waxba laga qaban.   Dhanka kale Maryan Qaasim Wasiirkii hore ee Gargaarka Dowlada Fadaraalka,ayaa barteeda Twiter-ka soo dhigtay qoraal ay ku xaqiijinayso in ay iska cashishay xilkaas,iyadoo xil ka tagistaa ucuskatay  sababo iyada ugaar ah.   Maryan Qaasim ayaa ka mid…

Read More

Muqdisho, 14 November 2017 – Shir gaar ah oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyey miisaaniyadda 2018 isla markaasna hambalyo loo direy doorashooyinka Somaliland. Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay guddi heer wasiir ah oo daraasad ku soo sameeyey dardargelinta xasilinta dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho. Guddiga ayaa warbixin dheer ka dib ay soo jeediyeen tallooyin muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen in amniga caasimada la deegaameeyo oo barnaamijka dariseynta la dhaqangeliyo, in la diiwaangeliyo gaadiidka iyo guryaha, in taariko gaar ah loo…

Read More

Hargeysa : Xamse Khayre oo ah  Madaxii ololaha Doorashada Musharax madaxweynaha soomaliland ee xisbiga Wadani ayaa ciidamada somaliland jirdileen markii dambe ay xabsiga u taxaabeen sida uu Pagekiisa Facebookga goor dhoweyd ku shaaciyey Cabdiraxmaan musharaxa madaxweyne ee xisbiga wadani . Musharax Ciro ayaa qoray sidan “Waxaan Cambaaraynayaa Xadhiga iyo jidh dilka loo gaystay Gudoomiyihii Kaambaynka heer qaran ee Xisbiga Waddani Xamse Khayre . Shacabku ha is dejiyaan meeshii u fiicnayd ayaa wax waliba innoo marayaan.”

Read More

Entebe : Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa soo gaba gabeeyey Booqasho Rasmi ah oo uu ku joogay Uganda, isagoo Casuumaad ka helay Madaxweyne Yoweeri Museveni. Warbaahinta Uganda ayaa sheegtay inay Labada Madaxweyne Kulan ay ku Qaateen Aqalka Madaxtooyadda Uganda, waxay iska waraysteen Xaaladda Somalia, Hawlgalka AMISOM, Xiriirka Labada Dal, Horumarinta Iskaashiga, Dhaqaalaha, Labada Madaxweyne waxay Kulankooda kadib soo saareen War-murtiyeed ka koobnaa 15 qoddob, iyadoo ay ku jireen Qoddobo khuseeyey Arrimaha dalka Somalia iyo Hawlgalak AMISOM. Qodobka 12-aad ee War-murtiyeedka waxay Labada Madaxweyne ugu baaqeen Beesha Caalamka inay taageero ka geystaan Dhismaha Hay’addaha Dowladda Federalka, gaar ahaan dhinaca…

Read More

London : YVONNE RIDLEY waxay ka mid ahayd saxafiyiinta britain ugu caansan kana soo shaqaysay warbaahino Caalami ah oo kala duwan ,waxay leedahay Qiso cajiib ah , K ooxaha Daalibaan ayaa afduubtay iyadoo hawlaheedii Shaqo ku jirta waxayna diinta islaamka qaadatay iyadoo xor ah markay dalkeedii dib ugu laabatay . Warabahinta Idilnews.com ayaa idiin soo diyaarsisay Qisadeeda ka hor inta aanay islaamka qaadan ilaa maanta Nolosheeda,hoos ka daawo muuqalka.                                                        …

Read More