Markii laga soo tago goolaaftanka Raga iyo Dumarka kasoo jeeda Sool iyo Sanaag ee ku salaysan xagsashada kuraasta iyo gunooyin fiican ee ay hada haystaan siyaasada Puntland ee Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn dhan walba oo aad ka eegto shafkay dhulka dhigatay. Laascaanood oo ah Caasimadii Gobolka Sool iyo magaaladii ugu muhiimsanayd waxay mudo ku dhaw 10-sano ka maqan tahay gacanta Puntland mana jirto dadaal muuqda oo loogu jiro dib usoo celinteeda,sidoo kale Deegaamada kale ee Gobolka Sool mahan iyaguna kuwa si buuxda ugu jira gacanta Maamulka. Nidaam shaqo oo ay ku hawlgalaan laamaha amaanka ee Gobolka majiro marka laga soo…
Author: Jibril Qoobey.
KISMAAYO : Bandhigaan ay waxaa ka soo qeyb galay dhamaan Haweenka ku Nool deeganadda Jubbaland waxaana marti gelisay Wasaaradda Haweenka Arimaha Qoyska iyo Xaquuqul insaanka Dowlad goboleedka Soomaaliyed ee Jubbbaland Madasha ayaa waxaa lagu soo bandhigay dhamaan agabyada Hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed waxaa uuna socon doonaa Muddo sadex maalmood ah. Ma ahan markii ugu horeysay ee bandhig noocaan oo kale ah lagu qabto Magaalada Kismaayo. Wasiirka Wasaarada Haweenka Arimaha Qoyska iyo Xaquuqul insaanka Dowlad goboleedka SoomaaliyeEd ee Jubbbaland Marwo Qamar Deeq Khaliif oo idilnews.com lahadashay ayaa sheegtay ujeedada loo soo qabanqaabiyay Bandhigaan in uu yahay “Isdhexgalka iyo dhiirigelinta nabadda iyada…
Ciidamada Amaanka Dowlada jubaland gaar ahaan kuwa ka hawlgala Degmada Luuq ayaa howlgalo ay Ka sameeyeen Degmadaas waxay kusoo qabteen Walxaha Qarxa iyo Rag watay. Maamulka Degmadda Luuq ee Gobolka Gedo ayaa meel fagaare ah shacabka ugu soo bandhigay Walxha Qarxa ee ay qabteen iyo Ragii watay. Ragan eedeysanayaasha ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ahaayen Rag si weyn looga yaqaan deegaanka,iyadoo mid ka mid ah uu ka shaqeyn jiray Isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaala Degmada Luuq. Saraakiisha hogaamisa Ciidamada Amaanka oo saxaafada la hadlay,ayaa sheegay in Ragan ay ka tirsan yihiin Ururka…
Muqdisho : Qarax Gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degaanka Weedow,waxaana la sheegay in Qaraxa lala Beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Midawga Afrika ee AMISOM. Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu Geystay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac,waxaana Dadka Qaraxa ku dhintay ku jira Dad Shacab ah oo goobta ka dhowaa Qaraxan oo ahaa Ismiidaamin ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada AMISOM lagula eegtay degaanka Weedow xilli halkaasi ay marayeen Kolonyo AMISOM . Qof ka mid ah dadka degaanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu arkay gaari nooca NOAHAda la yiraahdo oo ku Qaraxday…
Cilmi-baare Turkiga u dhashay oo lagu magacaabo Birk Elhan ayaa sameeyey muraayad cajiib ah oo muujisa wejiga qofka isticmaalaya keliya marka uu dhoola cadeeyo. Wareysi telefishanka CNN uu siiyay Mr.Elhan ayaa sheegay in muraayadda loo sameeyay si gaar ah si loogu dhajiyo gidaarka ku beegan wajiyada bukaanka kansarka qaba oo inta badan murugo ku jira. HALKAN HOOSE KA DAAWO Waxaa diyaariyey cabdirisaaq jubba https://www.youtube.com/watch?v=YbCX81cyrdc
Garoowe)Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Xeer Madaxweyne Lr- 136 November 13 2017 ayaa loogu magacaabay si kumeel gaar ah degmada Xumbays Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo. Markuu tixgeliyey: Tala soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Wuxuu xeeriyey: 1.Waxaa Axmed Yuusuf Cusmaan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha degmada Xumbays. 2. Waxaa Bashiir Maxamed Cali [Galla] si ku meel…
Ciidammada Myanmar ayaa sii daayay natiijada baadhitaan ay iyagu sameeyeen oo ay iskaga bariyeeleen eedaymaha rabshadaha Rohingya. Waxay diideen in ay dileen dadka qawmiyadda Rohingya, in ay guryahooda gubeen iyo in ay kufsadeen gabdhahooda iyo dumarkooda. Sheegashadaas ayaa liddi ku ah dhibaatadii uu indhihiisa ku soo arkay wariye BBC ka tirsan taas oo Qarammada Midoobayna ay ku tilmaantay xasuuq isir sifayn ah oo taariikhda gali doona. Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa sheegtay in warbixintu ay tahay isku day “lagu qarinayo wixii dhacay”. Hay’addaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa Qarammada Midoobay ugu baaqay…
Ra’iisal wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo xalay ka qeyb galay Xaflad dumarka Soomaaliyeed looga dalbanayay in ay taageeraan Howlgalka Ciidamada Xoogga Soomaaliya dhawaan ay ka bilaabi doonaan Dalka kaas oo looga soo hor jeedo Al-Shabaab. Kheyrre ayaa Haweenka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan xasilinta amaanka Soomaaliya iyo dagaalada ay xukumadiisa qorsheysay, sidoo kale Kheyrre ayaa Haweenka ka codsaday in aysan dhex dhexaad ka noqon wax uu ugu yeeray Dowlad diid kuwaas oo mar walba kala dhantaala Qorshaha Xukuamdda. “waa in aadan dhex dhexaad ka noqon Shabaab iyo Dowlad diid waxaan badbaadineynaa Caruurtiina Naftiina iyo Qaranka…
Idilnews.com ( Dhahar ) Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf iyo wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta 13 Nov 2017 kormeer shaqo ku tegey magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoween shacabka magaaladaasi. Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland ayaa waxaa safarka ku wehelinaayey Wasiiru dowlaha Xanaanada xoolaha, Wasiir Ku-xigeenka Duulista Hawada iyo garoomada Puntland, Agaasimaha Xafiiska, Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland, taliyayaasha ciidamada Booliiska iyo Daraawiishta ee gobolada Sagaag iyo Hayland. Waxaana banaanka magaaladda ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Hayland, Duqa Degmada, Isimada iyo…
Wasiirka wasaarada amniga Gudaha ee dawlada faderaalka ee soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow. Ayaa maqrib nimadii caawa soo gaaray Magaalada kismaayo xarunta Kmg ah ee Jubaland. Wasiirka Amniga Fadaraalka ayaa waxaa Garoonkadiyaaradaha Magaladda Kismaayo kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dawlada Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur iyo muusuliyiin ka tirsan labada gole ee Dawlada Goboleedka Jubbaland Labada wasiir ayaa saxaafada kula hadlay qaybta nasashada ee Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kusoo dhaweynta Wasiirka amniga gudaha ee Dawlada Faderaalka Magaalada Kismaayo. Wasiirka Amniga Fadaraalka Maxamed Abuukar Ducale Islow ayaa uga mahadceliyey Wasiirka…
Wefti kasocda dawladda Puntland ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 13 Nov 2017 gaarey magaalada Xingalool ee gobolka Haylaan, halkaasi oo ay shacabka magaaladaasi kala qayb galeen banaanbaxyo lagu tageerayo dawladda Puntland iyo kuwo looga soo horjeedo maamulka Soomaliland. Weftigan gaadhey magaalada Xingalool ee goblka Hayland ayaa waxaa hogaaminayey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Sucaad Saalax Xaaji Nuur iyo Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-galinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl. Banaabaxa ka dhacay degmada Xingalool ee gobolka Hayland ayaa waxaa sidoo kale shacabka Magaaladaasi kala qayb galay Guddoomiyaha gobolka Hayland iyo taliyayaasha booliiska…
Ciidamada Dowladda Puntland ayaa maanta howlgallo kala duwan ka sameeyey Buuraha gobolka Bari . Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in howlgalladan oo intooda badan laga sameeyay deegaano lagu shegay kooxda Daacish-ta Soomaaliya ee dagaalka kula jirta Puntland. Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa arkayay iyaga oo howlgallo ka wada Aaga buuraha Gobolka Bari . Saraakiisha puntland ayaa sheegay in maalmaha soo socda markay hawlaglkaas soo dhameeyaan inay bixin doonaan xog faahfaahsan. Idilnews.com Xafiiska Garoowe. Hoos Ka Daawo Sawirrada
Hay”ada Shaqaalaha rayidka Puntland ayaa imtixaan ka qaaday qaar kamid ah shaqaale ay qaadanayaan wasaaradaha dawladda puntland . Qaar kamid ah dadkii u fariistay imtixaanka ayaa shegay inu ku dhacay si cadaalada ah oo hufan . https://www.youtube.com/watch?v=1qQNiby4a98
Afhayeenadda Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM,SAMANTHA RELHO oo Wareysi Khaas ah siisay Wargeyska Asharqal Awsad ee ka soo baxa magaalladda London ayaa sheegtay in Ciiddanka Maraykanka ee ka hawlgala gudaha Somalia, ay ku jiraan in ka badan 500 oo Askar iyo Rayid ah. Afhayeenadda oo la wareystay iyadoo ku sugan Xarunta Dhexe ee AFRICOM ku leeyihiin magaalladda STUTTGART ee dalka Jarmalka waxay tilmaamtay in Joogitaanka Ciiddanka Maraykanka ee Somalia ku timid Casuumaad iyo Ansixin ka timid Madaxda Sare ee DFS, waa sida ay hadalka u dhigtay. Waxay kaloo xaqiijisay in ay DFS la socodsiiyaan Duqeyn kasta oo ay Ciiddanka…
Mareykanka ayaa horay usheegay in ay kordhinayaan ololohooda ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish. Duqaymahan oo ay Fuliyeen Diyaarado aan lamagacaabin ayaa waxaa lagu dilay Dagaalamayaal ka Tirsan Al-shabaab sida ku cad war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska maraykanka AFRICOM ee Qaaradda Africa uqaabilsan, qoraalkaas ayaa lagu sheegay in Sadexda Weerar oo is xig xigay uu Mareykanku ka Fulliyay gudaha Soomaaliya. Mareeykanka waxaa Howlagaladaan kala shaqeyay Dowladda Soomaliya sida qoraalka lagu sheegay. Midka Koowaad ee Weeraradaas waxaa uu ka dhacay 4:30 Galabnimo ee Sabtigii Wuxuuna ka dhacay Goof-gaduud oo ka tirsan gobolka Bay 250 Mile na ujirta Muqdisho, waxaa…
Dhulgariir xoog badan oo cabirkiisu yahay 7.3 ayaa ku dhuftay xadka waqooyiga ku yaalla ee u dhexeeya Iiraan iyo Ciraaq, kaas oo dilay in kabadan 200 ruux. Ugu yaraan 320 ruux ayaa ku dhintay gobolka Kermanshah ee galbeedka dalka Iiraan, sida ay masuuliyiin u sheegeen warbaahinta dawladda. Afar ruux oo kale oo dheeri ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Ciraaq. Waxay u badan tahay in dhimashadu ay intaas ka sii badato. Dhulgariirka ayaa jahwareer abuuray, dadkuna waxay billaabeen in ay guryahooda ka cararaan oo ay wadooyinka tagaan. Masaajidda caasimadda Ciraaq ee Baqdaad ayaa salaad iyo duco laga billaabay…
Hay’adda la dagaalanka cudurka AIDS-ka (PAC), ayaa qabatay kullan looga hadlayay jojinta takoorka iyo dhaleecaynta lagu hayo dadka la nool cudurka HIV/AIDS, ee ku nool Puntland Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay dad ka socday qeybaha kala duwan ee bulsahda, sida nabaddoonada, haweenka dhalinyarada iyo masuuliyiin katirsnan hay’addaha dowladda. Hay”ada la dagaalanka cudurka HIV/AIDS ee puntland ayaa sheegtay inay kulankan u qabatay inay bulshadu u naxariistaan dadka la nool cudurkaas lagana joojiyo takoorka loona fududeeyo waxyaabaha la macaamilka dadka . Dr. Cabdirisaaq Xasan (Tubaako) ayaa sheegay takoorida iyo caawin la’aanta dadka la nool cudurkaan inay keenayso in cudurku sii faafiso…
Warbaahinta idil News,ayaa dadweynaha usoo gudbinaysa hordhaca warbixin xiiso leh oo ku saabsan sahanka barwaaqadda dayrta ee deegaano ka tirsan Gobolladda Mudug iyo Nugaal ka dib socdaal saddex cisho qaatey oo uu ku tagey Tafatiraha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane. Hadaba hoos ka daawo hordhaca barnaamijkaas… Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/-cDx9GEsqGA
Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay soo saartay jawaabtii ugu horraysay ee ay ka bixisay booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku marayo qaaradda Aasiya. Bayaanka ayaa waxaa gaashaanka loogu daruuray waxa ay ugu yeertay booqashada loogu durbaan tumayo dagaalka, taas oo aanan ka hor istaagi doonin Waqooyiga dhismaha barnaamijkeeda Nukliyeerka. Dhanka kale Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in uu la yaaban yahay sababta hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu u aflagaadeeyay kaddib markii uu yiri waa nin da’ ah, hasayeeshee uusan weligii cay ugu jawaabayn oo uusan oranayn waa “nin gaaban oo buuran”. Bayaankeedii rasmiga ahaa ee ugu horreeyay…
Madaxweyne kuxigeenka Puntland cabdixakiin cabdulaahi xaaji cumar ayaa maanta furay shir looga hadlayey Horumarinta degmooyinka Puntland . https://www.youtube.com/watch?v=8xCeueNrhz0
Wasaarada shaqada shaqaalaha iyo Ciyaaraha Puntland ayaa magacowday Guddi dalka iyo dibedda dhaqaale uga Soo ururiya dhismayaasha Garoomada kubadda cagta ee Puntland oo horumarin lagu samayn doono garoomadan ayaa loo dhisi doonaa heer gaarsiisan garoomada caalamka. Guddigaasi waxaa gudoomiye looga dhigay samafale Mohamed Yusuf Tigey halka xogheynta guddigaasina loo Magacaabay Ummal Khayr Cawad Halkan ka dhegayso Khudbado ay kulankaas ka jeediyeen Wasiirka shaqada shaqaalaha iyo Ciyaaraha Puntland ,Agaasimaha guud ee wasaaradda iyo gudoomiyaha Gobolka nugaal.
Cali Maxamed oo ah askari ka tirsan Ciidamada xoogga Soomaaliya oo sheegay in uu ahaa askarigii qabtay markii ay Gurigiisa galeen qaar ka mid ah raggii ka tirsanaa Shabaab ee 28,kii Bishii Octoper ee Sanadkan weeraray Hotelka Naasa Hablood Muqdisho. Askarigan oo Wareysi siiyay mid ka mid ah idaacadaha muqdisho ayaa sheegay in ay Saaka soo weerareen gurgiisa ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-Sugida iyo Booliiska Soomaaliya oo doonayay inay qabtaan. Waxa uu sheegay in arrintaan ay timid kadib markii Saddex ka mid ah ragii weeraray Hotelkaas uu si xeeladeysan u qabtay abaalgud looga dhigay in Caruurtiisa la xiro marna isaga…
Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga iyo DDR-ka dawladda Puntland Axmed Cabdullaahi Yusuf (dowlad) ayaa maanta 12 Nov 2017 gaaray Magaalada Badhan, halkasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Wasiirka ayaa waxaa safarka ku wehlinaayey Wasiiru dowlayaasha Xanaanada xoolaha, Dekeddaha, Wasiir Ku-xigeeno, xildhibaano iyo saraakiil ciidan, waxaana ku soo dhaweeyay magaalada Badhan Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon , Duqa Degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise, Xildhibaano ka tirsan gollaha degaanka degmadda Badhan, Taliyaha ciidamada Asluubta Gobolka Sanaag Axmed Dhaaye Jibriil iyo Isuduwayaasha Wasaaraddaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha, Ganacsiga, Degaanka, nabadoono, waxgarad iyo shacabka magaaladaasi. Soo dhaweyn ka dib Wasiirka…
Wasaarada Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegtay inaysan xilligan macquul ahayn inay AMISOM ka baxaan Somalia, waxayna ka digeen inay Kooxaha Xag-jirka wax u dhimi doonaan Mandiqadda Gobolka, Sarkaal ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibedda Maraykanka oo lagu magacaabo Wohleris Mariyoon ayaa u sheegay Wargeyska The EastAfrican ee ka soo baxa magaalladda Nairobi inaysan Dowladda Maraykanka rajeyn doonin inay wax Ciiddan AMISOM ka baxaan Somalia bisha soo socota ee December. Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladda Maraykanka diyaar u tahay inay Ciiddanka AMISOM siiyaan Taageero dhinacyadda Tababarka, Dhaqaalaha, Loojistikada iyo Taageeradda La-talinta, si loo dhiso Awoodda Ciiddanka Somalia ee ka garab…
Siyaasi Cabdulaahi Maxamed Yuusuf (Yeey) oo kamid ah Siyaasiyinta Puntland ayaa ka hadlay xadgudubka Somaliland ee dhulka Puntland,isagoo sheegay in Puntland Mar walba difaacayso xuduudaha iyo shacabka gobaladda Sool,Sanaag iyo Cayn. Cabdulaahi maxamed yuusuf ayaa ugu baaqay dawladda puntland inay gebi ahaanba sugto puntland xuduudaheeda HALKAN HOOSE KA DHEGAYSO
Cutubyo cusub oo ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa maanta tegay magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, waxayna ciidamadani ka yimaadeen magaalada Bosaso kuwaasi oo ka hortgaya sanaadiiqda doorashoyinka Somaliland in la keeno deegaamadaasi oo Puntland katirsan. Sidoo kalle xalay ayaa waxaa gaaray magaalada Baran ee gobolka Sanaag wasiirka amniga Puntland Cabdilaahi Yuusuf Dawlad iyo wafdi uu hogaaminayo. Puntland ayaa horay u sheegtay inaanay ogolaan doonin deegaamada ay maamusho ay saameeyaan doorashooyinka somaliland ,waxaana sidoo kalle arrintan go’aan kasoo saaray baarlamaanka Puntland oo u sheegay dowladda inay difaacdo xuduudaheeda. Shacabka magaalada Baran ee gobolka Sanaag ayaa soo dhoweeyey wasiirka amniga Puntland ayaa…
Gudiga gurmadka masiibadii Soobe ee Puntland oo ay hogaaminayaan culumada reer Puntland ee dhawaan gaarsiiyay deeqda dhaqaale Muqdisho,ayaa maanta gudoonsiiyay lacag 100-ka mid ah Agoontii ku waxyeeloobay Qaraxaas. Agoontaas ayay culumada reer Puntland uqaybiyeen min 300 oo dolar Maraykanka ah Agoon walba,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ewKnnv7-gcc
Jaamacadda Stafford University oo ku taalla dalka Uganda Ayaa gebi ahaanba laga joojiyay hawlihii waxbarasho ee Ay waday , kaddib markii la oggaaday iney ShahaadooyinDegree ah oo been abuur ah ka iibiyeen Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo u sii marinaysa Jaamacadda Jobkey University oo ku taalla magaalada Muqdisho sida uu qoray Wargeyska Afka dheer ee New Vision. Jaamacadaha Ugandha ayaa lagu eedeeyaa musuq, dhawr jeer oo hore ayay dalkaas ka dhaceen dhacdooyinkan oo Kale oo ay ka mid ahaayeen in natiijooyin imtixaan arday Laga iibiyey sida ka dhacday jaamacada MAKARERE oo ka Mid ah jaamacadaha ugu…
Waxaa Soconaya Diyaar Garowgii ugu dambeeyey ee Xulka Kubadda Cagta Puntland si ay uga qayb noqdaan Cayaaraha Dowladd Goboleedyada uga Furmi Doona Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbaland. Puntland ayaa koobkii hore ee lagu qabtay muqdisho Kusoo guulaysatay ,waxayna mar kale kooxda puntland doonaysaa inay hanato koobka . Maalmihii ugu dambeeyey tababarayaasha kooxda qaran ee puntland waxay ciyaartoyda siinayeen tababarkii ugu dambeyey ee diyaargarowga HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAAL LAGA DIYAARIYEY https://www.youtube.com/watch?v=Rm7TsSaJHZI&feature=youtu.be
A Puntland soldier who had been on the run in Jubbaland and arrested by Kismayo police has been deported back to the northwestern Somalia region. “The flight is headed to Galkacyo. Jubbaland is footing the flight cost and two jubbaland police are accompanying the suspect. He will be charged in Puntland ” Mohamed Ahmed Sabrie Jubbaland State Director of Communications told Radio Dalsan. Abdirizak Ahmed Warsame is alleged to have shot Faiza Abdi Hayo twice on her private parts after she reportedly declined the soldier’s sexual advances The two are said to have been lovers. He immediately fled Bossaso after…
Magaalada Muqdisho maalmihii u dambeeyey waxaa laga hadlayay in ay jiraan qaraxyo laga Cabs iqabo in ay Garoonka aadan cade ka geystaan Al-Shabaab iyaga oo adeegsanaya Gawaari ay ka qabsadeen Ciidamada AMISOM Waxaase Maanta beeniyay jiritaanka wararkaas Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Xasan,shira saxaafadeeda uu maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho , waxa uuna sheegay in aan Waxba ka jirin wararkaas sheegaya in Shaqada Garoonka ay hakad gashay.
Xogahayana guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterras, ayaa ka digay colaad hor leh oo ka dhalata Lubnaan ay Cawaaqib xun GOBOLKA BARIGA DHEXE ku reebi doonto. Wadamada deriska la ah lubnaan iyo kuwa bariga dhexeba wuxuu ugu Baaqay inay taxadar muujiyaan oo ay ka Fogaadaan wax kasta oo shaki iyo khilaaf hor leh ka dhalinya nidaamka dawliga ah ee lubnaan . guatrres ayaa Sheegay inay doonayaan nabad gelyada lubnaan iyo gobolka bariga dhexe Dhinaca kalena Hogaamiyha ururka xisbilah ayaa maanta kahadlay iscasiladaa raysalwasaarihii lubnaan ,wuxuuna Ku tilmaamay mid ay Sucuudigu sacad xariiri ku khasbeen inuu is casilo ,xasan nasrulaah ayaa…
Ciiddanka hoos taga Hawlgalka AMISOM ayaa bilaabayo inay Ka-bixitaan Qorsheysan uga baxaan Somalia, marka la gaaro dabayaaqadda bisha December ee soo socota, iyadoo ay sii kordhayaan weerarada iyo cabsida laga qabo Alshabaab. Ka-bixitaanka AMISOM ee Somalia waxay dhibaato ku noqon kartaa Hawlgalka Maraykanka ka wado gudaha Somalia. Daad-gureynta Ciiddamadda ka kala socda 5-ta Waddan ee Jabuuti, Uganda, Burundi, Ethiopia, iyo Kenya ayaa la qorsheeyey, kadib, natiijadda Qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM ee Tirsigiisu ahaa 2373, sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykaanka. Qaraarkaasi waxa uu Hawlgalka AMISOM awood u siiyey inay Hawlgalka sii wadaan…
Maamulka jubaland ayaa maanta diyaarad soo saaray Cabdirisaaq Warsame oo gabar magaceeda la yiraahdo faaisa Tacadi ugu gaystay magaalada boosaaso una baxsaday magaalada kismaayo . Soo qabashada eedaysanahan waxaa iska kaashaday Dawladda puntland iyo jubbaland waxaana dhowaan la Rajaynayaa in maxkamada lasoo saaro . Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan sheegay in Askarigaas oo ka tirsan ciidamada Badda Puntland la maxkamadeyn doono. Madaxweynaha jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa u mahad celiyay ciidamada sirdoonka jubbaland ee soo Qabtay eedaysanaha . Madaxweynaha Jubbaland ayaa uga mahad celiyay puntland sida ay uga qayb qaateen in ninkan gacanta lagu soo…
Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Xeer Madaxweyne Lr- 134 November 11 2017 ayaa loogu magacaabay si kumeel gaar ah degmada Dhudhub Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Cali Maxamed Ismaaciil si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha degmada Dhudhub. 2. Waxaa Jaamac Maxamed Saciid si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Dhudhub. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu…
Dawladda puntland ayaa ciidamo tiro badan u dirtay xuduudaha puntland ay la wadaagto maamulka somaliland . Ciidamadan ayaa difaacaya xuduudaha puntland kuwaasoo ka hor tegaya hadii somaliland kusoo xad gudubto xiliga ay socdaan doorashooyinka somaliland ,Sirdoonka puntland ayaa helay warar sheegaya in somaliland dmacsan tahay meelo kamid ah dhulka puntland ee xuduudaha inay keento sanaadiiqda codaynta. Ciidamada puntland dirtay ayaa ah cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Ee DANAB. Wixii faahfaahin ah naga filo goordhow Idilnews.com Garowe
Dad yar oo banaanka ka jooga dalka Sucuudiga ayaa horey u maqlay magaca Amiir Maxamed Binu Salmaan oo ah dhaxalsugayaha boqorka dalkaas ka hor intii uusan aabihiis noqon boqorka sanadkii 2015-kii. Amiirkan oo 32 jir ah ayaa noqday shaqsiga ugu awoodda badan ee dalka Sucuudiga oo ah kan ugu horeeya adduunka ee dhoofinta shidaalka. Bishii June ee sanadkan ayaa loo dalacsiiyay in uu noqdo ninka leh dhaxalka boqortooyada , isaga oo xilkaas looga qaaday ninka lagu magacaabo Maxamed Bin Nayef, talaabadaas oo ahayd mid loogu talogalay in lagu weeciyo dariiqa uu dalka markii hore uu ku socday. …
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Rex tillerson ayaa maanta sheegay inaysan jirin “wax tilmaamo ah” oo muujinaya in ra’iisul wasaarihii is-casilay ee Lebanon Saad al-Hiriri ay xabsi geliyeen Sacuudiga. Hariri, ayaa sabtidii lasoo dhaafay isaga oo ku sugan dalka Sacuudiga ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii ra’iisul wasaare ee dalka Lebanon. Tillerson ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Adel al-Jubeir uu u xaqiijiyey in go’aanka is-casilaadda ee Hariri uu ahaa mid isaga u gaar ah. Tillerson iyo al-Jubeir ayaa wada hadlay talaadadii. “Sida aad ogtihiin Hariri wuxuu haystaa laba dhalasho oo kala ah Lebanon iyo Saudi. Qoyskiisa waxay Sacuudiga ku…
Labadii bilood ee lasoo dhaafay waxaa hoos u dhacay tirada dadka muhaajiriinta ah ee ka imanayey dalka Itoobiya kuwaas oo soo gala Puntland si ay halkaasi uga sii tahriibaan. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay bishii August inay tiradu ahayd ilaa 2093 qof, September tirada dadka yimid ay ahaayeen 1,300, halka October ay ka ahaayewen 2180. Waa markii ugu horraysay ee tirada dadka imanaya ay ka hoos marto 3 Kun muddo dheer. Sababta hoos u dhaca waxaa warbixintan nooga diyaariyey Haaruun Macruuf oo ka tirsan idaacada Afka Somaliga Ee VOA. Halkan ka dhagayso codka Haaruun Macruuf
Militariga Mareykanka ayaa sheegay in tiro ka mid ah maleeshiyada ururka al-Shabaab ee Soomaaliya ay ku dileen duqeyn ay khamiistii shalay ka fuliyeen meel ka mid ah gobolka Baay. Afhayeen u hadashay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee –Pentagon- oo la yiraahdo Aricia Harris ayaa sheegay in duqeyntaas oo ay geysatay dayuurad Drone ah ay ka dhacay meel qiyaastii 160 km galbeedka kaga beegan magaalada Muqdisho. Harris waxey intaasi ku dartay in cid rayid ah aysan wax ku noqon duqeynta. Sida uu shaaciyay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee (AFRICOM), duqeynta ayaa dhacday abaare saddexdii galabnimo xilliga Soomaaliya, iyadoo…
War qoraal ah oo ka soo baxxay Taliska ugu sareeya Milatariga Dalka Uganda ayaa lagu bar bar istaagay Howlgalka Soomaaliya looga dul qaadayo Dagaalamyaasha Al-Shabaab kaas oo ay dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya. Dowladda Uganda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka taageeri doonto Howlgalkaas Islamarkaana ay ku caawin doonto wax kasta oo lagu helayo Nabad iyo daganaansho. Uganda ayaa sheegay in ay Soomaaliya u direyso ciidamo gaaraya 5, 000 oo Askari, kuwaaa oo ka madaxbanaan howlgalka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay si ay qeyb uga qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab hadii ay u baahato Dowladda Soomaaliya. Brig. Richard Karemire,…
Eedeeysanaha ayaa lagu soo bandhigay xarunta Booliska Jubbaland, ayadoo saraakiisha ciidamadu ay sheegeen in ay u suurogashay in ay ninkani gacanta ku dhigeen kadib markii ay heleen xog ah in uu yimid Kismaayo. Taliyaha Booliska Jubbaland Col. Cabdi Naasir ayaa sheegay in ninkani uu ku jiro gacanta Booliska Jubbaland ayna u gudbin doonaan dhanka Puntland, si halkaasi loogu maxkamadeeyo,hoos ka daawo muuqaalka. Hakan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/LcJCBa_dq0g Dhanka kale waxaa arintan horay uga hadlay Madaxweyne Gaas oo sheegay in Ninkaas lasoo qabanayo maxkamadna la saari doono waajibkiisana laga waraabin doono,hoos ka daawo muuqaalka Madaxweynaha oo arikaas ka…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/15Oc9mZ0vT4
Raiisul wasaare ku xigeenka xukuumada fadaraalka soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khaddar iyo wafti ay ka mid yihiin Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo Agaasimaha waaxda carabta ee wasaarada arimaha dibada oo mudo sadax cisho ku sugnaa magaalada Sharma shiikh oo ay uga qeyb galayeen shirka dhalinyarada caalamka oo sanadkan ay marti galisay dowlada masar ayaa dalka dib ugu laabtay. Raiisul wasaare ku xigeenka xukuumada fedaraalka Somaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan-cade muqdisho,ayaa marka hore u mahad celiyay safaaradda soomaaliya ee Dalka Masar, Khadar ayaa ka warbixiyay kulamadii uu la…
AMISOM ayaa qoraal ay soo saartay maanta ku sheegay in dhammaan wax alle wixii shaqo ah oo ka socday Xalane la joojiyay maalmaha 9-13, November 2017-ka. Qoraalka Waxaa Ugu Muhiimsanaa: AMISOM waxaa ay sheegeysaa in baaritaan xagga amaanka la xiriira ka sameyn-doonto Kaamka 5-taas maalmood, iyada oo la adeegsan-doono tillaabooyin dheeraad ah sida Bandow la soo rogo, Eeyo wax baara iyo isbaarooyin ama Checkpoints. Dhammaan dadka halkaasi u shaqo-tagi jiray waxaa loo sheegayaa in ay u hoggaansamaan xayiraadda, waxaa kale oo Kaamka laga mamnuucay shaqada dhismaha, ganacsiga, Airportiga, dhaqista gawaarida iyo dukaameysiga. Inta uu bandowga ama howlaha ammaanka socdaan waxaa safaaradaha,…
Warar goor dhowayd naga soo gaadhay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa sheegaya in xaakimka Soomaaliyeed ee Cabdulqawi Axmed Yuusuf mar kale dib loo doortay inuu garsoore ka ahaado maxkamadda caalamiga ah ee garsoorka ee fahdigeedu yahay magaalada Hague. Garsoore Cabdulqawi ayaa maxkamaddaasi garsoore kasoo ahaa sagaalkii sano ee lasoo dhaafay, waxaana mar kale dib loogu doortay inuu ka mid noqdo 15-ka garsoore ee maxkamaddaas. Cabdulqawi ayaa ka mid ahaa shan garsoore oo maanta uucod u qaaday Golaha Guud ee Qaramada Midobay ee magaalada New York.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 9/11/2017 waxaa si habsi leh u soo gabagaboobay Shirweynihii Dhallinyarada Isxilqaamayaasha Puntland kaas oo ka socday muddo labo maalmood ah Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug , Waxaa ka soo qeyb galay dhalinyaro ka kala timid todoba degmo oo isxilqaamayaal ah kuwaasoo kala ah : Hormuudka Horumarka –Gaalkacyo Mudug. #WaanAwoodnaa –Garoowe Nugaal. Hormuud baynu nahay – Qardho Karkaar. Dal-Iftiinshe – Carmo Bari. Daldhis –Waaciye Karkaar. Hagran mayno – Badhan Sanaag. Horumarku Waa Annaga –Bosaaso Bari. Warmurtiyeedkaan ka kooban 10 qodob ayaa ka soo baxay Shirweynihii…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/WpL148iewUw
Marxuumka ayaa sanadihii dambe la daala-dhacayay Xanuuno soo wajahay waxaana mar xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Hindiya. Sdioo kale Marxuumka ayaa markii uu dalka dib ugu soo laabtay mar kale loo magacaabay Talyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Fadaraalka Soomaaliya. Xildhibaano, Wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Aaska Marxuumka oo loogu Sameeyay Magaalada Muqdisho,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/XdHT_gSlJQs
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/nmUDgL03Oe8
Shirka Todobaad-laha ah ee Golaha Wasiirada Xukumadda Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay Xaaladda Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran Xabsiyada Dalka India waxaana la sheegay in ay ku jiraan xaalad aan wanaagsaneyn. Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Fadaraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo shir Guddoomiyay Kulanka Golaha ayaa sidoo kale looga hadlay Xaaladda Soomaaliya ee amniga iyo siyaasadda. Warbixin laga dhageystay Wasiirada Wasaaradaha Cadaaladda iyo Arimaha Dibadda Fadaraalka Soomaaliya waxayna labadooda ka hadlay Xaaladda maxaabiista oo ay sheegeen in aysan wanaagsaneyn,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/oRrYeYjGx3o Halkan ka daawo muuuqaalka 2aad https://youtu.be/wEk7XPNR63M
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa la filayaa in uu Si Deg Deg U Yimaado Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobalka Mudug. Madaxweyne Gaas ayaa Safarkiisu Ku Qotama Isbedel Balaaran Oo Uu Ku Sameynayo Maamulka Gobalka Mudug, Kan Degmada Gaalkacyo & Taliska Booliska Gobalka Mudug. Odayaasha, Iyo Waxgaradka Puntland Ee Gobalka Mudug, ayaa Madaxweynaha Mudooyinkii Ugu Dambeeyay U Gudbinayay Cabasho La Xiriirta Waxqabad La,aan baahsan oo ka jirta Gobalka Mudug Iyo Magaalada Gaalkacyo, Ammaanka Oo Si Xumaanaya Iyo In Uusan Jirin Shaqo Ka Socota Xafiisyada Maamulka Iyo Kan Degmada Gaalkacyo. Madaxweynaha Ayaa La Filayaa In Uu…
Donald Trump Madaxweynaha Trump ayaa kulan la qaadanaya dhiggiisa dalka Shiinaha Xi Jinping, xilli Trump oo ku gudo jiro maalintii labaad ee booqashadiisa uu ku joogo Beijing. Madaxweyne Trump ayaa la filayaa in uu dhiggiisa Shiinaha ka dhaadhiciyo in uu cadaadis ku saaro in ay joojiso barnaamijkeeda Niyuukleerka, arrintaasi oo ah ujeedada ugu muhiimsan ee socdaalkiisa uu ku marayo qaaradda Aasiya. Waxaa lagu wadaa sidoo kale in labada hoggaamiye ay ka wada hadlidoonaan arrinta xasaasiga ah ee ku saabsan ganacsiga. Madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer oo hore ku eedeeyay Shiinaha hab dhaqan ganacsi oo aan caddaalad ku…
Alle ha u naxariistee Waxaa magaalada Muqdisho Xalay ku Geeriyooday Taliyihii Ciidanka Taraafikada Soomaaliya Cali Maxamuud Cali oo mudooyinkaan ku xanuunsanayay G/Banaadir. Marxuumka ayaa sanadihii dambe la daala-dhacayay Xanuuno soo wajahay waxaana mar xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Hindiya. Sdioo kale Marxuumka ayaa markii uu dalka dib ugu soo laabtay mar kale loo magacaabay Talyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Fadaraalka Soomaaliya. Xildhibaano, Wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Aaska Marxuumka oo loogu Sameeyay Magaalada Muqdisho.
Warbixinta oo ay soo saareen Khubaro ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha ka tirsan kooxda Daacish-ta Soomaaliya ay ku sii fidiyaan deegaannada Puntland. Warbixintan oo ay daabacday Wakaladda Wararka ee Reuters ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay tirada Daacish ee sanadkii hore in ay ahaayeen tiro Toboneeyo ah, hadana ay marayaan 200 oo qof. Sidoo kale warbixintan Qaramada Midoobay ay soo saartay ayaa waxaa lagaga digay tirada kororka ee Daacish in ay fududeyn karto in xubnaha Daacish ee ka soo baxsanaya dalalka Iraaq iyo Syria in ay ku soo dhuumaaleystaan Waqooyi Bari ee…
Xoogagga taabacsan dawladda Suuriya ayaa galay magaalada xadka bari ku taalla ee Albu Kamal, waana magaaladii u dambaysay ee ay ku xoogbadnaayeen kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ee Suuriya. Telefeshinka ay dawlladdu leedahay ee Al-Ikhbariya ayaa sheegay in malayshiyo ay si buuxda u xoraysay magaalada habeennimadii Arbacada. Laakiin wakaaladda rasmiga ah ee dawladda ee Sana iyo telefeshinka dawladdu waxay sheegeen in ay burburiyeen difaacii IS ayna dagaal kharaar kula galeen gudaha magaalaa Albu Kamal. Wakaaladda wararka ee Sana waxaa kale oo ay sheegtay in ciidammadu ay sidoo kale la kulmeen kuwa Ciraaq ee xadka ka agdhaw.
Midoowga Afrika ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in ay bilaabayaan in ciidammada nabad illaalinta AMISOM ay ka baxayaan Soomaaliya sanadkan dhammaadkiisa. Tirada askarta baxaysa sanadka waa kun askari, waana tiro aad u yar marka laga qiyaas qaato tirada guud ee AMISOM ee Soomaaliya ku sugan oo gaaraysa 22 kun oo askari. Balse waxa ay ahayd war lama filaan ah oo dhegaha Soomaalida ku cusub 10kii sano ee lasoo dhaafay ee AMISOM ay ku sugnayd gudaha Soomaaliya , xiligaas oo ciidamo lasoo kordhiyo mooyee, wax dhimis aysan jirin. Ciidammada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika (AMISOM) waxa ay markii…
Saacadu waa 4am, waxaan ka dhaqaaqnay Garoowe aniga, saaxiibaday ( Njeep Abdullahi & Mohamed Bashir ) iyo saaxiibo kale oo safarka dalxiiska nagu weheliya. Safarkeena dhamaadkiisu waa halka uu barrigu (dhulku) ku dhamaado oo ah cirifka Bari ee Qaarada Afrika oo ku beegan degmada Xaafuun. Waxaan ka quraacanay Tuulo-Shire, intaa kadib waxaan laamiga dheer ee u dhexeeya Garoowe iyo Boosaaso ka leexanay markaan maraynay meel ku toosan tuulada Kalabayr oo Boosaaso u jirta 60 KM. Cimiladu maahan mid kulul oo cirka waxaa ku xardhan daruuro tiro badan. Saacado aan wado raf ah ku jirnay kadib waxaan nimid Tuulada Dharjaale oo qado naloogu sameeyay, waxaan ku…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/roeCPtIB-_4
Gudoomiyaha cusub ee degmada Bursaalax mudane Maxamed Saleebaan Diiriye ayaa maanta si ballaaaran loogu soo dhaweeyay Degmada Bursaalax. Gudoomiyaha cusub ayaa 27kii oktoober waxaa xilka u magacaabay madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Waxaana soo dhawaynta Maxamed Saleebaan ka qayb qaatay Qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Bursaalax sida Aqoonyahanada, Waxgaradka, Nabadoonada, Dhalinyarada, Haweenka iyo Gudiyada xaafadaha Degmada Bursaalax. Shacabka Degmada Bursaalax ayaa usoo dhaweeyey maanta Gudoomiyahooda si heer sare ah oo aan horay loo arag, iyagoo aan u kala harin oo si wadajir ah usoo dhaweeyey. Munaasabadda xil la wareegista Gudoomiyaha Munaasabadda…