Digreeto kasoo Baxday Xafiiska Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kuna saabsan magcaabid si kumeel gaar ah Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka Degmada Bursaalax. Xeer Madaxwayne Lr. 130 October 27 – 2017 , kuna saabsan magcaabid si kumeel Gaar ah Gudoomiyaha iyo kuxigeenka Degmada Bursaalax. Madaxwaynaha Dawladda Puntland. Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland. Markuu Tixgeliyay: Aqoontooda iyo Waaya Aragnimadooda shaqo Wuxuu Xeeriyay : 1.Waxaa Maxamed Sulaymaan Diiriye si kumeel Gaar ah loogu Magacaabay Guddoomiyaha Degmada Bursaalax. 2.Waxaa Bashiir Maxamed Guuleed si kumeel Gaar ah loogu Magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Bursaalax. 3.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo, wuuna Saxiixay…
Author: Jibril Qoobey.
Waxaa maanta oo khamiis ah heshiis ku-meelgaar ah wada gaaray dowladda iyo ganacsatada Puntland ee badeecadaha kala soo dega kana dhoofiya Dekeda weyn ee Magaaladda Bosaso. Qodobada heshiiska ay wadagaareen Wasaaradda Dekedaha Puntland, Wasaaradda Maaliyadda oo isku dhinac ah iyo ganacsatada waxaa kamid ah:- -In dekedu ku shaqayso nidaamkii hore. -In khidmaha laga qaadayo gaadiidka ay noqdaan sidii hore In shir saddex geesood ah ay wada yeeshaan wasaaradda, Ganacsatada iyo shirkadda P&O port ee lagu wareejiyay Dekeda, shirkaasi oo lagaga niqaashi doono isbedelka ku yimid nidaamka dekeda iyo khidmadaha. Wasiirka Dekedaha Puntland Siciid Maxamed Raage…
Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta khudbad ka jeediyay kulankii Baarlamaanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu is casilo, isagoo ku eedeeyay inuu hoggaamin waayay siyaasadda dalka. Xildhibaanka oo ka hadlayay xaalada amni ee dalka iyo dhibaatooyinkii bishii October ka dhacday magaalada Muqdisho ayuu sheegay in fashilka amni ee ka jira dalka ay gundhig u tahay siyaasadda dalka ragga hoggaaminaya inay fashilmeen. Waxaa uu sheegay in aan Taliyeyaal boolis iyo Nabadsugid oo la eryo, aanay ku filneyn, isagoo xusay in carqalada meesha ay ka jirto ay tahay buurta ragga fadhiya, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul…
Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa banaanbax ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso oo ay bilaabeen koox dhalinyarro oo aan badnayan & Ganacasatada waratada loo yaqaan qaarkeed, Kooxahan ayaa ah kuwo lasoo abaabulay waxayna isku dayeen in ay xoog ku galaan oo fawdo ka abuuraan xarun dowladu leedahay waxaase iska caabin kala hor yimid ciidamada amaanka eee goobtaas ilaalinayay. Rasaasta dhacday ee labada dhinaca dhexmartay ayaa keentay in uu dhinto hal qof,sidoo kale uu dhaawacmaan sadex qof kale. Rabshadahan saakay dhacay ayaa sidoo kale kalifay in ganacsigii magaalada uu hakad ku yimaado,balse goor danbe ayuu dib u…
Waxaa maalintii sadexaad ka socda Muqdisho shirkii wada tashiga madaxda Dolwadaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka iyo dowlada dhexe. Shirka oo galay qaybiisii ugu adkaa wada xaajoodka,ayaa waxaa goobjoog ka ah dhamaan madaxda Somalida,iyadoo arimo xasaasiya lagu gorfaynayo. Sida ay xogta ku helayso idilnews waxaa galabta kasoo bixi doona shirka warmurtiyeed madaxdu ku midaysan yihiin,isla markaana ay ku cad yihiin qodobada ay isku raaceen kadib wada xaajoodkoodii qaatay sadexda cisho,iyadoo shirku galabta soo gabagaboobi doono,hoos ka daawo muuqaalka shirka iyo wariyaheena Liibaan Bulle usoo diray. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Kr4VDohL1TE
Wakiilo ka socda mudanayaasha baarlamanka Jubaland,ayaa indha indhayn ku sameeyay Buundada DegmadaLluuq,iyagoo cod dheer ugu baaqay dowlada dhexe iyo dowlad goboledka jubaland in ay usoo gurmadaan Buundada Degmada Luuq oo ay soo wajahday dayac tir la’aan,sidoo kale ugu baaqay jaaliyada udhalatay Gobolka Gedo in ay isku tashi sameeyaan oo ay u istaagaan dib u dhiska Buunadada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ruUyqLtpWTA
Shirka wadatashiga wasaaradaha Warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraafederaal iyo wasaarada Warfaafinta ee dowlada dhexe oo Muqdisho ka furmay. Shirkan ayaa looga hadlayaa iskaashiga warbaahinta qaybaheeda iyo mideynta fikradaha loo gudbiyo bulshada. Shirkan ayaa socondoona mudo 3-maalmood ah waxaana goobjoog ka ahaa wasiirka warfaafinta dowlada fadaraalka soomaaliya iyo Wasiirada Warfaafinta Dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka ,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/JmDnaKEjFzg
“Wiil ka dhashay qoys sabool ah oo ka soo jeeda gobalka Joorjiya, yaraantiisii bukaan-socod ahaa, shil daran mar galay oo gacan ka naafoobay, markii uu dhaqdhaqaaqyada siyaasadda u soo hanqaltaagayna xabsiyo, musaafurin iyo cadaadisyo badan la kulmay; haddii uu hoggaamiyey mid ka kida awoodihii jiray markaas waa Midowgii soveitiye, kana tagay aragti siyaasaddeed oo kadib kiis la diwaan galiyey, Stalinisim, maxaa diidaya in Kheyre ka tago fikrad siyaasaddeed oo gadashiis shaqeysa looguna magac daro Kheyrisim”. Waan kugu raacsanahay, Haddii sida aad hadalka ku billowday aad ula jeeddo in wiil aan Dayniile u qada tagi karin, uu inta habeenkii CNN daawado…
Waxaa Halkan ay bahda PDRC meel walba oo ay joogaan Hambalyo dhalasho ay u dirayaan Abdinaasir Mohamed Ali ( Buraale kabayare) & Shaadiyo Loobaan Isxaaq oo Galabta Wiil ugu dhashay magaalada Garowe. Waxay rabi uga baryayaan in wiilkaas Noqdo Kii Dalkiisa, Diintiisa Iyo Weliba Dadkiisa Anfaca, Soona Barbaar oo noqo wiil ayaan badan,karti iyo awood badan,Sida aabihiisa oo kale,kii addeeca waynaha,Waalidkiyo dadkiisaba. EeBE hakaa dhigo Walad khayr.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa caawa fiidnimadii 30 October 2017 ka qayb galay shirkii wada tashiga DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS ee Muqdisho uga socdey oo si rasmi ah u Furmay. Shirkani oo ka furmay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka DFS, Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS, Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxweynaha Galmudug, iyo Madaxweynaha Hir-shabeelle iyo Masuuliyiin…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/j48lRfKxvK0
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/yjtmbltUs7U
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/nQT47Xam_Ic
Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdilaahi ayaa maanta waxaa Magaaladda Garoowe ee Caasumadda Dowladda Puntland ku soo dhaweyey Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntlad Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne Isimada Puntland iyo shacabka qeybahooda kala duwan. Waxaa Munasabada lagu soo dhaweynayey Ugaaska ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi isagoona sheegay in Ugaasku yahay nin dhaliyaaro ah lagana raabo isku keenida shacabka Puntland. Madaxweyne Ku xigeeka Dowladda Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo Madasha ka hadlay ayaa sheegay Ugaaska Abbihii inuu ahaa nin wanaag illahay u dhameyey wiilkisana sidii abbihii oo…
Uhuro Kenyatta ayaa mar kale ku guulaystay doorashadii ku celiska ahayd ee Khamiistii dalkaasi laga qabtay,wuxuuna helay in ka badan 98%(boqolkiiba sagaashan iyo sideed),sida uu shaaciyey Guddiga Doorashooyinka kenya,hoos ka daawo muuqaalka. Hoos Ka Daawo Muuqaalka https://www.youtube.com/watch?v=GxiM-HZN0T4
Shir Jaraa’id oo ay goordhaweyd BOSASO ku qabteen Wasiiro & Maamulka Gobolka Barri ee Dowladda Puntland ayaa looga hadlay xaaladda xirnaanshaha Dekedda magaalada Bosaso, waxaana si gaar ah diirada loo saarey cabashada kasoo yeeraysa qaar ka mid ah Ganacsatadda. Wasiirka Dekedaha Dowlada Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa si adag uga digay faafinta warar uu ku tilmaamay inay been abuur yihiin, wuxuuna sheegay dhibta ka taagan dekedda inay tahay mid u gaar ah Ganacsatadda oo aanan jirin habayaraatee aanan jirin wax laga bedelay nidaamkii horre ee Dekedda. Wuxuu beeniyay Wasiirku inaysan Dowladda iyo Shirkadda maamulaysa dekkedda aysan jirin, balse tani ay…
Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dawlad goboleedka jubaland ,ayaa sheegtay in ay qabannayso 1 December ee dhamaadka sanadkan aan kuguda jirno ,doorashada gudoomiyayaasha ururada dhalinyarada ee Gobolada Jubada hoose jubada dhexe iyo Gedo.markii hore waxaaa Jiray Hal Gudoomiye Mideeya Ururadda dhalinayarada Deegaamadda Jubalad,balse Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubaland ayaa sheegtay in meesha uu ka baxayo gudoomiyihii midaynayey dhamaan Ururada dhalinyarada,waxayna wasaaradu sheegtay in maamullada dhalinyarada Sadexda Gobol ay wasaarada si toos ah u hoos imaan doonaan . . Agaasimaha Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland,ayaa ugu horayn halkaa ka hadlay,ayaa yiri. “Maanta waxaan halkaan ku iclaaminaynaa in dhawaan la qabanaayo…
Halkan hoose ka akhriso:-
Deegaan xeebeedka Garacad oo kulaala badweynta Hindiya ( indian ocean ) Wuxuu 260KM dhanka bari ka xigaa Gaalkacyo oo xarrun u ah Gobolka Mudug. Garacad waxay degmo ahaan hoostagtaa Degmada Jariiban oo ay u jirto masaafo dhan 64KM waa deegaan xeebeed ay ku nool yihiin dad badan. Bahda IDILNEWS ayaa booqasho ku tagtey 24 bishan October si ay u soo arkaan hormarka ka socda deegaanka Garacad,waxayna la kulmeen waxgaradka iyo odoyaasha deegaanka oo xiligaas ku faraxsanaa Nolosha deegaanka iyo hormarka uu gaaray sanadihii dambe. Horumarka ka socda deegaanka waxaa ka mid ah xarrumo ay ka furteen wasaaradaha kala ah , Wasaarada…
Waxaa soo idlaaday kulmao goos goos ahaa oo hor udhac u ah shirka wadatashiga ee dowlada dhexe iyo dowlada Fadaraalka. Kulamada goos gooska ah,ayaa madaxdu waxay uga wada hadleen arimaha taagan. Sida xogaha ay helayso idlnews ay sheegayaan kulamadaas,ayaan waxba laysku reeban si hoose oo lafa gur ahna loogu wada hadlay. Hadaba shirka ayaa maanta afarta galabnimo si rasmiya ufurmi doona. Qodobada looga xaajoonayo ee ajandaha shirka u ah ayaa waxay kala yihiin sida tan soo socota:- 1.Xoojinta wada shaqaynta iyo xalinta arimaha taagan ee dowlada dhexe iyo dowladaah xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka.…
Maxamed Xaashi Cabdi Carabey Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka wadanka Ingiriiska u dhafiyay Soomaaliya Ambassador Mrs Mary shockledge Kulanka oo ka dhacay safaarada wadanka UK ee Soomaaliya ayaa Madaxweyne ku xigeenku waxaa uu kala hadlay safiirka Xaalada Galmudug iyo Guud ahaan Soomaaliya. Mas’uuliintaan kulankooda oo saacado qaatay qodoba ay uga hadleen waxaa ka mid ahaa, in UK dhanka amniga Galmudug ka taageerto, xal u helidda siyaasadaha isdiidan ee ka dhax jira madaxda Galmudug, shirka hogaanka maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe ee hadda kasocda Muqdisho iyo in il gaara ay safaaraddu u yeelato qodobada kasoo baxa…
Waxaa weli Magaaladda Muqdisho ka socda Shirki u dhaxeeyey Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dawladdaha xubanaha ka ah Dowladda. wada hadalaya Arrimo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda dalka, wada-shaqeynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Shabaab hormarinta hanaan fadaraalayta Dalka Dar dargalinta dib u eegista Dastuurka iyo Hanaan wada jir ah Geedi socodka Doorashada hal qof iyo hal cod 2020 iyo Mashaariicda hormarineed iyo gar gaarka bini aadinimo.
Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku dhawaaqay muddo aan fogayn inay wada tashi isugu yimaadaan Dawlad Dhexe iyo Dawlad Goboleedyadu 28/10/2017 si looga wada hadlo arrimo loo arko inay xasaasi yihiin oo wada tashi u baahan. Sida la ogsoon yahay Dawlada Dhexe raali kama ahayn qabsoomida shirkii wada-tashiga ee Dawlad Goboleedyada ee ka dhacay Kismaayo, Magaalo madaxda KMG ah ee Jubbaland, in kasta oo uu wadatashigoodu ahaa mid distuurka Soomaaliyeed u ogol yahay. Shirkaas ayaana sida la sheegay sabab u ahaa in madaxweynuhu codsado wadatashiga. Sida soo baxday madaxweynuhu wuxuu ku amray labada gole ee Baarlamaanka…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u naxariistee, Marxuum Cawad Axmed Cashara oo xalay ku geeriyooday magaalada Toronto. “Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Cawad Axmed Cashara waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.” Madaxwyne Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumka oo ka mid ahaa Barlamaankii dowladdii kumeel gaarka ahayd, uu u soo shaqeeyey dalkiisa xilli adag isaga oo…
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo in Booyadaha aysan magaalada gudaheeda ku socon karin 7-da subaxnimo ilaa iyo Sideeda Fiidnimo iyo in Gaadiidka xamuulka qaada aysan rari karin tan ka badan culeyska gaariga, maadaama rarka xad dhaafka uu dhibaato ku yahay Shacabka iyo Gaadiidka jidadka la wadaagaya. Darawalada Gaadiidka xamuulka qaada iyo Booyadaha ayaa lagu wargaliyay cidii jabisa xeerkan ama ku xad gudubta in ay la kulmi doonto ganaax lacageed oo gaaraya Toban Milyan oo Shilin Soomaali ah (10,000,000). Maamulka Gobolka ayaa sheegay in wareegtadan lagu baahin doono Warbaahinta mudo sedex maalin ah si…
Maamulka dowlada hoose iyo Talyaha Qaybta Gobolka Kar-kaar oo saaka howlgal lagu banaynayo dhul dowladu leedahay oo shacab rukumaystay ka sameeyay agagaarka jaamacada EAU iyo ceelka Qaawane. Waxaa la burburiyay dhamaan rukumadii la dhigtay dhulka iyadoo dhagixii lagu daadiyayna laga baneeyay goobta.
Uruurka Arday Jamacadda PSU ee marka magacooda la soo gabiyo loo yaqaano ”PSUSA” ayaa Magaaladda Garoowe ee Caasumada Dowladda Puntland ku soo bandhigey 6bilood ee la soo dhafey wixii u qabsoomey. Kulaanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha Guud ee Dhaliyaradda iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Guddoomiye ku xigeenka Jamacadda PSU iyo Marti sharaf kale. Ugu horeen Ardayda Jamacadda PSU ayaa so bandhigey wixii u qabsoomey 6bilood iyo waxaa u dhimaan ay rabaan iney qabtaan. Fardowso Muuse Faraax Guddoomiyaha Ardayda Jamacadda PSU ayaa sheegtay in Uruurka ardayda ay 6bilood ay u qabsoomen shaqooyin muhiim ah. Agaasimaha Guud ee Dhaliyarada iyo…
Jariidada kasoo baxda dalka Britten ee The Gurdian ayaa daabacday in Dagaalamayaashii Al-shabaab ee 5-ta ahaa ee gudaha u galay Hotelka Naasa hablood-2 ay gashanaayeen dharka ciidanka Nabad sugida Fadaraalka Soomaaliya ee NISA. kooxda hubaysan ee gudaha u gashay Hotelka ayuu wargeysa tilmaamayaa inay adeegsadeen kaararka aqoonsiga ee sirdoonka dalka si ay ugu suurta gasho galitaanka Hotelka qaraxa kadib. Dagaalamayaasha oo xirna dharka NISA ayaan laga muujin wax shaki ah si ay gudaha u galaan Hotelka. Wargeyska The Gurdian aayaa wareystay Corneel Axmed Yare oo saraakiisha sirdoonka Soomaaliya ka tirsan waxana uu yiri .. ”Waxay haysteen…
Waxaa Maanta Dalka Canada ku geeriyoodey Xildhibaan hore Cawad Axmed Cashara oo ka mid ah xildhibaanadi Dowladdii fadaraalka KMG ahayd ee Soomaaliya. Waxaa sidoo kale uu kamid ahaa Cawad Axmed Casharo dadkii qeyb muhim ah ka ahaa dhismihii Dowladda Puntland ee la Aas-asaasey 1998,isagoona marki ugu horeysay ka noqdey Wasiirki Wasaaradda Waraafinta Puntland.
Shirkii shalay ugu furmay Magaaladda Muqdisho Dowladda Faderaalka iyo Dowladdaha xubnaha ka ah,ayaa maanta galay maalinkii labaad. Shirka ayaa waxaa looga hadlayey Arrimo badan ay kamid yihiin khilaafka uu dhaxeeya Dowladda Faderaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo la dagaalanka Kooxaha nabadiidka ah ee argagixisada ah. Shirkan ayaa waxaa la filayaa ilaa beri in laga soo saaro Warmurtiyeed.
Xafiiska madaxa dacwad soo oogaha Spain ayaa sheegay in dacwadaha ka dhanka ah Mr Puigdemont lagu wado in la soo bandhigo maanta oo isniin ah. Mr Puigdemont ayaa diiday in uu aqoonsado amarkii xilka looga qaaday ee ka soo baxay xukuumadda madrid. Labada dhinac ee kala ah xukuumadda Spain iyo hogaamiyayaasha Catalonia ayaa waxa ay kala taagan yihiin mowqifyo adag. Maalinti Shalay ayaa Magaaladda Barcelona waxaaa iskugu soo baxay Dadweyne aad u tiro badan iyagoona ku baaqayey midnimada Spain.
Madaxwaynaha Kurdiyiinta Ciraaq Masoud Barzani, ayaa jeediyay khudbad kulul ka dib markii ay baarlamaanka gobolkaasi ka aqbaleen codsigiisii ahaa in uu xilka ka dago. Khudbad uu si toos ah uga jeediyay Telefishinka, Mr Barzani waxa uu sheegay in aysan jirin cid garab istaagtay Kurdiyiinta ka dib codeyntii madaxbanaanida ee bishii aanu soo dhaafnay. Mr Barzani ayaa carabka ku adkeeyay in marnaba aan la baab’in doonin natiijada aftidaasi.
Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wada iney iskugu yimadaan kulaan Magaaladda Muqdisho oo xarun u ah. Kulanka maanta xildhibaanada ayaa Ajandihii u yahay ka doodista xeerka Batroolka oo ay so diyaarisey Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Faderaalka Soomaaliya. Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya,ayaa Xildhibaanada ka hor aqrin doono hindise sharciyeedka batroolka, iyada oo sidoo kale Wasiirka uu sharaxaad ka bixin doono ahmiyada sharcigan iyo sida ay Wasaaradiisa u soo diyaarisay. Akhrinta ka dib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa ayka doodi doonan hindise sharciyeedkaas. Dhanka kale Hindise shrciyeedkan,ayaa waxaa ka hor yimid Dowladaha xubnaha…
Xarakada AL Shabaab oo Bartooda ay ku leeyihii baraha bulshada waxay Kusoo Bandhigeen Magacyada masuuliyiinta ay ku dileen Weerarkii Hotel Naasa Hablood-labo ee Degmada Xamar Weyne Magaalada Muqdisho. Masuuliyiintan ay Magacyadooda soo bandhigeen ayaa qaar ka mid ah geeridooda la xaqiijiyay,halka qayb ka mid ah aysan jirin cid madax banaan oo xaqiijianaysa,hoos ka akhsri magacyada masuuliyiinta ay soo bandhigeen Alshabaab. ( 1 ) Cabdi Naasir Gaarane Aadan EX Xildhibaan Hore Hadana Kamid ahaa Saraakiisha Gudiga Taakuleynta Ciidamada Dowladda ( 2 ) Korneel Maxamed Yuusuf Nuur ( Fanax ) Taliyihii Saldhiga Booliiska degmada Dayniile Waxaana La Dhintay ilaaladiisa ( 3…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/tY8DHcXNhTY
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe 29 October 2017 safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho kaga qayb galay xafladda lagu maamuusayey maalinta xuriyadda dalkaasi oo ay kasoo wareegtey 94 sano kadib markii ay qateen xuriyaddooda October 29 1923-dii. Xuska xafladda sanadguurada 94-aad ee dalka Turkiga ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane. Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Axmed, Madaxweynaha Hir-shabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare, siyaasiyiin, aqoon-yahano iyo marti sharaf kale. Munaasibadda Xafladda lagu maamuusayey maalinta xuriyadda dalka Turkiga ayaa waxaa ka hadlay…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/aGcYHcUYrz0
Isbitaalka Guud ee Magaalada Kismaayo ayaa lagu soo kordhiyey qayb kale oo lagu tala galay in lagu dabiibo bukaanada la ildaran nafaqo darrada, dhismahan cusub ayaa socday mudo hal sano ah waxaana gacan weyn ka gaysatay Hay’ada ARC oo ayadu waday mashruucaan. Qaybtaan cusub ayaa waxaa la seexin karaa bukaano gaarayo boqol iyo toban ruux waxaa uu sidoo kale uu leeyahay hoolal gaaraya ilaa sideed hool. Sidoo kale dhismahan cusub ayaa lagu soo korhiyey mashiin biyaha Sifeeya. Xuseen Shiikh Qaasim Agaasimaha Guud ee isbitaalka Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in adeegyada laga bixiyo isbitaalka guud yihiiin kuwa lacag la’aan ah. Wasiir…
Waxaan tacsi tiiraanyo leh udireynaa dhamaan qoyska reer Xaaji Aadan Guuleed, gaar ahaan ilmihii iyo xaasaskii awoowe Huruuse Xaaji Aadan Guuleed oo ku geeriyooday magaalada Nairobi 28dii October 2017. Waxaa tacsidaan diraya aniga oo ah Abdikayf Bashir Faarax Cali Qase,Xaaskeyga Safiya Dr. Aydarus Muuse Guuleed, Saalado Dr. Aydarus Muse,Dr. Abdirahman Ali Omar iyo Mahad Muse Guleed. Waxaan illaah uga baryeynaa in uu kitaabkiisa midigta kasiiyo janatul Fardowsa intii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan haka siiyo *aamiin aamiin* Leicester,UK
Madaxweyanaha Dowlada Puntland Abdiweli Mohamed Ali Gaas oo magaalada Muqudisho u jooga kulanka dowlada fadaraalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa maanta la kulmay xildhibaanada iyo Wasiirada ka soo jeeda puntland ee ku matala dowlada fadaraalka. Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ayaa ka wada hadlay arimo dhawr ah oo ay ugu horeeyeen nidaamka fadaraalka, khilaafka dowlada fadaraalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ayaa aad iskula jeexjeexay una gorfeeyay arimhaas,iyagoo ugu danbayntiina isla meeldhigay in la xoojigo midnimada umadda soomaaliyeed meelna looga soo wada jeesto horumarka iyo midnimada Puntland.
Wararka kale oo laga helayo ilo lagu kasloonaan karo oo ay heshay idilnews,ayaa sheegaya in laga yaabo in xilak laga qaado Wasiirka Amniga Dowlada Fadaraalka ah. Warkan ayaa soo baxay daqiiqadihii ugu danbeeyay ka gadaal markii ay xilalkii ka qaadeen Golaha Wasiirada Fadaraalka Talyayaashii Nabadsugida iyo Booliska Fadaraalka. La soco wararkayaga danbe…..
Golaha Wasiirada Fadaraalka oo kulan deg-deg ah iskugu yimdi goor dhawayd,ayaa xilkii ka qaaday Talyihii Nabadsugida iyo Talyihii Booliska Fadaraalka Saacid iyo Sanablooshe. Saraakiishan ayaa waxay eersadeen qaraxyada isdaba jooga ah ee ka dhacaya Xamar,kuwaasoo uu ugu danbeeyay labadii Qarax ee shalay ka dhacay Hotel Naasa-hablood-2. Xogo muhim ah oo lagu kasloonaan karo,ayaa idilnews u xaqiijiyay in Talyayaasha xilalka laga qaaday lagu badali doono kuwa kasoo kala jeeda Beelaha Majeerteen iyo Abgaal. Sida xogtu sheegayso Talyaha Booliska ayaa booskiisa la gayn doonaa Masuul kasoo jeeda beesha Abgaal halka booska Talyaha Nabadsugida la gayn doono Masuul kasoo jeeda beesha Majeerteen. …
Wasiirka Wasarada Arrimaha Gudaha Dowladaha hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed ayaa maanta meydkiisa laga dajiyey Magaaladda Baydhaabo. Meydka Wasiirka oo laga dajiyey Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo ayaa kamid ah Masuuliyiinti ku geeriyooday Qariixi ka dhacay Hotelka Naasa Hablood 2. Sawirro. [contact-form][contact-field label=”Name” type=”name” required=”true” /][contact-field label=”Email” type=”email” required=”true” /][contact-field label=”Website” type=”url” /][contact-field label=”Message” type=”textarea” /][/contact-form]
Shirki Goolaha Wasiirada Dowladda Faderaalka Soomaaliya ee ka socdey Magaaladda Muqdisho ayaa warar hor dhac ah oo ka soo baxay ay sheegayaan in Golaha Wasiiradu ay xilalkii ka qaadeen Talyihii Nabad-sugidda Sanbalooshe iyo Talyihii Booliska Saacid. Golaha Wasiiradda ayaa la filayaa in qodobo dhowr ah ay shirka ka soo saaraan,iyadoo la filayo in shirka uu ku soo biiro Raysulwasaare Khayre. Wixii Warar ah halkan kala soco
Wararka ka imaanaya Dalka Afgaanistan ayaa sheegaya in Guddoomiye ku-xigeenkii Gobolka Kunar ee Waqooyi Galbeed Afgaanistaan lagu afduubtay magaalada Peshawar ee dalka Pakistan. Mohammad Nabi Ahmadi iyo walaalkiis oo kayimid dalka Afghanistan ayaa lagu afduubtay Pakistan. Laamaha ammaanka ee dalka Pakistan ayaa sheegay in baritaano ka wadaan Gobolka Kunar ee Afduubku ka dhacay.
Raysul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa shir deg-deg ah isugu yeeray golihiisa wasiirrada, iyadoo laga yaabo in shirkaan laga soo saaro go’aano la xiriira Amaanka Dalka, kaddib Qaraxii shalay lagu Weeraray Hotelka Naasahablood 2. wararka ayaa sheegaya in kulanka la filayo qodobo lagu xoojin doono AmnIga Magaaladda Muqdisho,iyaadoo Magaaladda labadi todobaad ee la soo dhafey ka dhaceen Qaraxyo.
Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Fadaraalka Somaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur,ayaa Maanta booqatay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ,halkaasi oo la geeyay inta badan dhaawacyadii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho. Waxa ay mid mid ah usoo aragtay Xaaladda dhaawacyadaas,waxayna sheegtay in dhaawac badan la geeyay Isbitaalka Madiina. In ka badan 20-qof ayaa ku geeriyootay Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Naasa Hablood-2 ee degmada Xamarweyne ee magaalada mqudisho,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan. DHAGEYSO.
Cabdir Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland oo maanta warbaahinta kula hadlayey Magaaladda Garoowe ayaa shacabka ugu baaqay inay ammaanka ka shaqeeyaan, wuxuuna ka digey falal lamid ah kuwii kadhacay Muqdisho. ”Dadweynaha reer Puntland meel walba ay joogan ay ka wada shaqeyaan xoojinta amniga iyo horumarka cid walbana ay shaqada meesha kaga aadan ay ka gasho hadaana sidaa yeelin ogaada wax noo suurta galayaa majiriaan.” sida waxaa yiri Wasiir Cabdi Xirsi Qarjab. Wasiirka wasaradda warfaafinta Puntland oo hadalka sii wata,ayaa ku booriyay shacabka in ay soo sheegaan wixii ay ka shakiyaan,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan. …
Waxaa Magaaladda Muqdisho maanta ka furmay shirkii wada tashiga Dowladda dhexe iyo dolawladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka. Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Fadaraalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,Ra’isalwasaare Khayre,Madaxweynaha dowlada Puntland ahna gudoomiyaha maadsha dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka ah,Madaxwrynaha Jubaland,Madxweynaha Koonfur-galbeed iyo Madaxweynaha galmudug. Qodobada shirkan diirada lagu saari doono ayaa waxaa ugu muhiimsan khilaafka u dhaxeeya dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka iyo dowlada dhexe. Dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka iyo dolwada dhexe ayaa waxaa dhexyaala khilaaf xoog leh,kaasoo la filayo in shirkan uu dhaliyo isku soo dhawaansho labada dhinac dhexmara,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.…
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Cabdicasiis Xildhibaan,ayaa sheegay in ciidamada Nabad suggida ay gacanta ku dhigeen 3-kamid ah raggii weeraray Hotel Naasa-hablood 2 ee Magaalada Muqdisho. Afhayeenka ayaa sheegay raga weerarka fuliyay in ay dhamaayeen 5-qof 2 kamid ahna la toogtay,isagoona xusey in wali ay socdaan hawlgalkii iyo gurmadkii badbaadinta,hoos ka dhagayso codka. Halkan ka Dhageyso codka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkii argagixisada ahaa ee lala beegsaday Hotel Naaso-hablood. Madaxweynahu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku shahiiday weerarkaas arxan darrada ah. “ Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Janadiisa ku manaysto, dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee lagu laayey weerarkaan. Intii dhaawacanta iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in Alle uu siiyo caafimaad deg-deg ah.” Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay weerarkan mid ay doonayso argagixisada Alshabaab in ay ku cabsi galiso…
Wasiirkii Arrimaha Gudaha Maamulka Koofur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday weerarkii galabta lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa xaqiijiyay geerida Madoobe Nuunow oo goor dhow meydkiisa laga soo saaray Hotelka. Sidoo kale dadka ku dhintay ayaa la sheegayaa inuu ku jiro La Taliyaha Wasiirka Amniga oo lagu magacaabi jiray Zakariye Ciise. Ciidamada Ammaanka iyo dableyda hubeysan ee ka dhex dagaalamaya gudaha Hotelka ayaa wali is weydaarsanaya rasaas culus, waxaana la maqlayaa qaraxyo bambooyinka gacanta laga tuuro oo ay adeegsanayaan dableyda hubeysan.
SOO DHAWAYN, HAMBALYAYN & MAHADNAQ KU SAABSAN MAGACAABITAANKA GUDOOMIYAHA DEGMADA BURSAALAX Waxaan u hanbalyaynayaa Gudoomiyaha cusub ee Degmada Bursaalax Maxamed Saleebaan Diiriye Abaar. WAA KUMA GUDOOMIYAHA CUSUB? Maxamed Saleebaan waa ah: 1-Dhalinyaro aqoonyahan ah 2-Dad wadasho & daacadnimo ku sifoobay 3-Karti iyo Hufnaan lagu yaqaan 4-Kasoo shaqeeyey Waxbarashada Gobolka Mudug, una ahaa wakiilka Waxbarashada ee Hay’adda EDC ee Gobolka Mudug 5- Wuxuuna Maxamed si xoogan uga soo shaqeeyey arimaha horumarinta Gobolka Mudug iyo gaar ahaan Degmada Bursaalax. SOO DHAWAYN & HAMBALYEYN GUDOOMIYAHA CUSUB Waxaan filayaa inuu wax wayn ka qaban doono Degmada cusub ee Bursaalax una horseedi doono horumar lagu…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii danbe 28 October 2017 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimadda DFS. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Fadaralka Somaaliya, Madaxweynaha Hir-shabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada DFS, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Madaxweyna oo kula hadlay garoonka Aadan cade warbaahinta ayaa uga mahad-celiyey masuuliyiinta goloyaasha DFS ee soo dhoweeyey isaga iyo weftigiisa, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in isaga iyo weftigiisu Muqdisho u yimaadeen ka…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/COFmbANXtW0
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Thpij_Zb1Wc
Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ee sida gaarka ah u tababaran oo ay weheliyaan ciidamada PMPF Puntland oo hawlgal dagaal oo ka dhan ururka argagixisada Al Shabaab ee ku dhuumaalaysta Buuraha Cal madow ka fuliyey Buuraleyda deegaanka Dalxooqle oo hoostaga tuulada Afurur ee gobolka Sanaag. Ciidamada ayaa howlgalkaan waxay hawlgalkan ciidamada Puntland ku soo qabteen 5 xubnood oo ka tirsan argigixisada Al Shabaab. Hawlgalladan sifaynta ah ee ciidamada dawladda Puntland wadaan awgood, argagixisadu waxay bilaabeen in ay baxsadaan oo ay cararaan qaybna ay is-dhiibaan sida caadada u ah fulayada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/xCM9EpDeRK8
Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa gaari iyo weerarka lugu qaaday hotel Nasahablood-2 ee magaalada Muqdisho. Al-Shabaab hotelka ay weerarka ka fuliyeen, waxay ku sheegeen inay degganyihiin mas’uuliyiin iyo saraakiil kale oo dowladda ka tirsan, sida lugu baahiyay warbaahinta ururka taageerta. Lama xaqiijin wali khasaaraha weerarka ka dhacay, warbaahinta gudaha iyo goobjoogayaal ay sheegayaan dhimashada 10-ruux in ay gaartay oo shacab ah iyo dhaawac intaa ka badan, Ciidamada amaanka Muqdisho,ayaa xiray goobta qaraxu ka dhacay mana jirto wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha amaanka oo ku saabsan Qaraxa.
Goobta qaraxa uu ka dhacay,ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana wararkaasi ka mid ah in uu goobta ku Geeriyooday Talyihii booliska degmada Dayniile Maxamed Yuusuf Nuur oo ku magac dheeraa Fanax Xagaleey. Taliyaha ayaa marayay wadada xilliga uu qaraxa dhacayay, sida ay wararku sheegayaan.
Qarax kale ayaa Goor dhow ka dhacay Meel u dhow Taalada Daljirka Dahsoon oo aan ka fogeyn Hotelka Naasa-hablood 2 ee Degmada Xamar-weyne oo asna lagu Weeraray Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa.