Author: Jibril Qoobey.

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u sheegay golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobey in uu burburin doono Kuuriyada Waqooyi haddii lagu qasbo in ay isdifaacaan ama ay difaacaan saaxibada Mareykanka.   Waxa ay ahayd khudbad kulul oo uu ku tilmaamay hogaamiye , Kim Jong-un, “Nin sita gantaal islamarkana ku jira howlgal ismiidaamin ah.”   Kuuriyadda waqooyi ayaa tijaabisay Nukliyeerka iyo gantaalo iyada oo ku gacansayrtay qaramada midoobe.   Ka hor inta uusan khudbadda jeedin Mr Trump, ayaa waxa hadal jeediyay xoghayaha guud ee qaramada midoobe Antonio Guterres oo ku baaqay in laga hortago dagaal dhaca.   Madaxweyne Trump waxa…

Read More

Wararka ka imanaya dalka Mexico ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dhul-gariir xooggan, oo cabbirkiisa lagu qiyaasay illaa 7.1 Magnitude. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ku soo waramaysa in dhimashadu ay haatan marayso illaa 134 qof. Dhul-gariirka ayaa sababay inay burburaan dhismayaal kala duwan oo ku yaalla caasimadda dalkaas, haatanna waxaa socda gurmadka loo fidinayo dadka dhismayaashu ku dumeen. Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka kuwaas oo ay ka muuqatay cabsi xooggani, isla markaana malaayiin qof ayaa waayay korontadii. Maayarka magaalada Mexico City ayaa sheegay in illaa 44 dhisme ay si weyn waxyeello u soo gaadhay ama ay guud…

Read More

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidammada Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee loo yaqaano AMISOM ay saaka isaga baxeen saldhigyadiii ay ku lahaayeen magaalada Baardheere. Dhaqdhaqaaqa bixitaanka ee Ciidamada Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay ka muuqanayay xeryaha ay magaalada Ku lahaayeen.   Bixitaanka ciidammada Kenya ayaa bilowday waqti danbe oo xalay ah iyagoo ku baxay waddada aada dhinaca degmada Ceelwaaq oo ku dhaw xadka Somaaliya ay la wadaagto wadanka Kenya.   Maamulka degmada ayaa BBC-da u xaqiijiyay in ciidammada Kenya ay guud ahaanba banneeyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen Baardheere isla markaana…

Read More

Waxaa ka furmay Muqdisho shir ay iskugu yimaadeen Saraakiisha Booliska Fadaraalka iyo kuwa Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka. Shirkan ayaa looga arinsanaya ama lagu dardargalinayaa sidii looga dhabayn lahaa qorshe ay horay ugu heshiiyeen Dawlada Fadaraalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah ee dhigayay in la dhiso Ciidan Boolis ah oo gaaraya 32000 oo Askari. Qorshaha dib u dhiska Ciidanka Booliska Somaliyed ee heer Fadaraal iyo heer Dawlad Goboleed ee ay horay ugu heshiiyeen Dawlada Fadaraalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ayaa waxaa taageeray beesha caalamka,balse waxaa ragaadiyay jahwareer ka jira sida loo fulinayo qorshahaas,waxaana eeda dib u…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uga qeyb galayo shirka Golaha ammaanka.   Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha,ayaa kula kulmay NewYork Wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Ruushka Sergei Lavrov,iyagoo ka wada hadlay xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.   Khayre ayaa khudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeedin doona shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Read More

Maamulka Hawada Somaliya oo ay dadaal dheer ugu jirtay tan iyo intii ay xaafiiska la wareegtay Dawlada Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa hada dib ugu soo laabtay qayb ahaan,taasoo ah qaybta saadaasha Hawada. Shalay ayaa waxa xariga ka jaray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xarunta laga hgi doono Saadaasha Hawada Somaliya oo muhiim u ah duulimaadka Diyaaradaha,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Rdu-8zOvlDE

Read More

Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn loo hadal hayay nin la sheegay in uu saxaafada usoo bandhigay sawir uu ku sheegay in uu yahay Nabi Maxamed, Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ahaatee. Kumannaan qof ayaa si kala duwan uga hadlay hadalka ninkaas, waxaana sidoo kale ka hadlay culimmada Soomaalida,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/vXiJFhkaZxs Waxaa la sheegay in ninkaasi uu joogo Magaalada Gaalkacayo,gaar ahaan qaybta koonfureed ee Baraxley oo uu gacanta ku hayo maamulka Cadaado. Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee maamulkaas ,ayaa amartay in ninkaasi la soo xiro…

Read More

Kadib markii Ganacsato Somaliya oo ka mid ah kuwa ka Ganacsada Qaadka ay Kooxo Oromo ah ku laayeen Magaalada Awaday ee Qaadka Awadaygu ka baxo,ayaa waxaa sii xoogaysanaya isku dhacyada labada Qawmiyadood ee Oromada iyo Somalida,kuwaasoo hada isku badalay Colaad toos h oo dhextaal labada Qawmiyadood. Waxaa ka qaxay kumanaan Oromo ah oo ku noolaa Gudaha Dhulka Somalida ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland ee Waqooyi Galbeed Somaliya,sidoo kale waxaa iyaguna kasoo qaxay Kilinka Oromada Somali fara badan oo halkaas Ganacsi iyo Deegaan rasmiya kulahaa. Colaadan oo sii xoogaysanaysa ayaa waxaa ka hadlay maamulada labada qawmiyadood iyo Dawlada Fadaraalka Itoobiya,sidoo kale…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa u sheegtay Itoobiya in ay baarto 55 qof oo la sheegay in ay ku dhinteen dagaal qowmiyadeed ka dhacay Bariga dalkaasi.   Ugu yaraan 50 kun oo kale ayaa barakacay tan iyo markii dagaalka uu ka dhacay xuduudda gobolada Somalida iyo Oromada ee Itoobiya.   War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u xun.   Dowladda Itoobiya ayaa laga dalbaday in ay la xisaabtanto dadka masuulka ka ahaa rabshadaha ka dhacay Bariga Itoobiya ee dadka lagu dilay.   Dadka ku nool goobaha ay…

Read More

Waxaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ku soo idlaaday shirkii baarlamannada wadamada ku jira Urur Goboleedka IGAD, kaasi oo Saddex maalmood ka socday halkaas.   Soomaaliya ayaa shirkan waxaa ku matalayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya.   Arimaha shirkan looga wadaxaajooday ayaa waxaa ka mid ahaa:-   B.Amniga dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, T.la dagaalanka tahriibka dhalinyarada,   J.Cimilada iyo saadaasha hawada waddamada IGAD.   X.La dagaalanka gudniinka fircooniga ah.   Kulankan oo ahaa kii 9-aad ayaa ugu danbeyntii waxaa laga soo saaray war-murtiyeed qeexaya qaabka lagu…

Read More

Hogaamiyaha dalka Myanmar, Aung San Suu Kyi ayaa sheegtay “in aysan ka baqaynin cambaaraynta caalamiga ah” ee ku aadan sida dawladdeedu u maaraysay dhibaatada ka sii daraysa ee Rohingya.   Waa markii koobaad ee ay ka hadasho xaaladda ka taagan waqooyiga gobolka Rakhine ee horseeday in in kabadan 400,000 oo ruux oo qawmiyadda Rohingya ee Muslimiinta ah ay u tallaabaan xadka Bangladesh.   Waxay sheegtay in ay doonayso in ay Muslimiinta la hadasho oo ay waydiiso sababta ay u tagayaan.   Bulshada caalamka ayaa aad u dhaliishay hogaamiyaha Myanmar, Suu Kyi,hadalkeeda hadana waxuu umuuqdaa mid jees jees iyo kibir ka…

Read More

Xarunta PDRC ee garowe ayaa waxa ka socda xaflad lagu soo bandhigayo Urur siyaasadeed cusub,kaasoo lagu magacaabo Ururka Midnimo.   Ururkan ayaa noqon doona Xisbi hadii uu buuxiyo shuruudaha loo dajiyay hirgalinta Xisbiyada Puntland.   Cabdirashiid Maxamed Cali waa nin dhalinyaro ah oo Gudoomiye ka ah Ururkan cusub ee maanta lagu dhawaaqay.   Cabdiraxmaan Diiriye Shuuqe Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Ururkan cusub,isla markaana sheegay hadii uu buuxiyo shuruudaha furashada Xisbiyada in uu si buuxda u noqon doono Xisbi Siyaasadeed.   Ururkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee looga dhawaaqo garowe…

Read More

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa ogaaday, kadibna fashiliyay waxlo qarxa oo laga soo buuxiyay Baco kuwaasii oo la dhigay bartamaha wadada ugu mashquulsan, uguna muhiimsan magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Bosaso Ciidamada oo ogaaday qaraxa ka hor intii uusan qarxin ayaa goobta ka saaray ganacsatadii, baabuurta iyo dhamaan dadka shacabka ah ee adeegsanayay wadadaasi, ka dibna waxaa loo yeeray Ciidamada booliska qeebtooda baara Walxaha qarxa waxayna ku guuleesteen in qarxiyaan walxaasi, abaarihii 4:30 daqiiqo xiliga magaaladda Bosaso. Qaraxan ayaan wax khasaare ah gaysan, sida ay horseedmedia u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Qaraxan oo laga maqlay inta badan magaaladda Bosaso ayaa la dhigay…

Read More

Ra’iisal wasaaraha dalka ethiopia mudane haylamariam desalegn ayaa sheegay inuu manta kuqaabilay xafiiskiisa qaar kamid ah cuqaasha Ugaasyda iyo Odayaasha dhaqanka ee labada Qawmiyadood ee Oromada iyo Somalida Itoobiya,sidoo kale Madaxweynayaasha labada Deegaan.iyo Culumaa’udiinka.   RW Haylumaryam ayaa u sheegay Madaxda,Culumada iyo Waxgaradka uu la kulmay in isku dhaca ay abuureen xubno tiro yar,isla markaana ukeeney dhibaato aad u balaaran oo ka dhacday Deegaankaas.   Ra’iisal wasaare Haylamaryam ayaa tacsi tiiraanyo leh udirey dadkii ku waxyeeloobey collaaddii ka dhacday labada Deegaan.   Ra’isalwasaaraha ayaa ugu danbayntii sheegay in uu arintaas wax ka qabanayo una maaraynayo sida qaabka uu ogolyahay Dastuurka…

Read More

Kullan lagu soo dhaweynayey Murashaxa u taagan hanashada xilka Duqa Degmada Kismaayo ayaa lagu qabtay magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnasota.   Xafladaan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnasota ee Cariga Maraykanka.waxaana ka soo qayb-gallay Madaxda Gobolka. Dadkii goobta ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Abdi Warsame Gudoomiyaha degmada 6-aad ee magaalada Minneapolis,guddoonka wax barashada Siyaad Ali, Odayaal,dhallinyaro iyo haween.   Waxayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin Musharax Cabdiweli,maadaaba sida ay sheegeen uu ka mid yahay jaaliyadda,isla markaas-na ay garanayaan kartidiisa iyo aqoontiisa.   Dhanka kale qoobka ciyaarka ayaa waxaa goobta ku soo bandhigay dhallinayarada…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa maanta 18 September 2017 xadhiga ka jaray mashruuca balaadhinta  biyo gelinta magaalada Boosaaso. Xadhig jarka Mashruucani ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari, guddoomiyaha hay’adda biyaha, tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah  ee PSAWEN, saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland iyo madaxa Hay’adda UNICEF Puntland Mr. Steven Laurence. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyey hay’adda biyaha, tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah  ee PSAWEN, sida haw karnimadale ee ay markasta ugu hawlan yihiin wanaajinta iyo dardar gelinta shaqada ay u hayaan shacabkooda, waxaana uu…

Read More

Duufaanta loogu magacdaray Maria ayaa la filayaa in ay noqota mid halis ah iyadoo u sii dhawaannaysa, jasiiradaha Leeward ee Caribbean-ka. Duufaantan heerkeedu yahay darajada koobaad ayaa si degdeg ah u sii xoogaysan doonta 48-da saac ee soo socota, jasiiradahaas ayayna ku dhufan doontaa Isniinta, sida ay ku warrantay waaxda qaran ee arrimaha duufaanta Maraykanka ee NHC loo soo gaabiyo. Duufaantan ayaa u socota si aad ugu dhaw dhankii duufaanta Irma, taas oo bishan burburisay gobolka. Digniinta duufaanta ayaa laga soo saaray Guadeloupe, Dominica, St Kitts and Nevis, Montserrat and Martinique. Maraykanka, British Virgin Islands St Martin, St Barts, Saba,…

Read More

Garabka hubeysan ee Xamaas, oo maamula magaalada Gaza ee dhulka Falastiin ayaa shaaciyay, in uu kala direyo maamulkiisa si uu u qabto doorasho guud taasi kadib markii heshiis laga gaarey khilaafkii u dhexeeyey Xamaas iyo Fatax.  Talaabadan ayaa loogu talagalay soo af-jarista khilaafka siyaasadeed iyo midka dhuleed ee ka dhex oognaa Xamaas iyo ururka Xoreynta Falastiin ee Fatax loo yaqaanno ee uu hogaamiyo madaxweynaha falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas. Go’aankani ayaa lagu tilmaamayaa in uu yahay mid dhabaha u xaareya dhismaha xukuumad loo dhan yahay oo ay wada yeelanaeyaan garabyada Falastiin ee kala maamula magaalada Gaza iyo Daanta galbeed. Khilaafka labada dhinac…

Read More

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda dalka Mareykanka oo ay kaga qeyb gali doonaan Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.   Masuuliyiin ka tirsan ayaa ka mid ah wafdiga uu horkacayo Ra’iisul wasaare Kheyre, waxaana la filayaa inuu Khudbad dheer uu kaga hadlayo Xaalada dalka iyo Isbedeladii ka dhacay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doona qaar ka mid ah madaxda ka soo qeyb galeysa shirka.   Wasiirka…

Read More

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Fadaraalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay inuu ka cudur daaranayo xubinimada Guddiga loo saaray kiiskii Qalbi Dhagax iyo qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay 6-dii bishan. Mr Odawaa ayaa sheegay inuu safar shaqo oo uu dibadda ah uu ku maqan yahay, isla markaana aanay u saamixi karin inuu Guddigaas kala shaqeeyo arrinta loo xil saaray, isagoo xusay inuu ka cudur daaranayo. “Safar shaqo ayaa dibadda ugu maqanahay, inaan guddigaas ka mid noqdo waa ka cudur daaranayaa, anigoo aysan ii saamaxeyn inaan guddigaas la shaqeeyo iyo mudada guddigaas loo qabtay…

Read More

Wiil lixaadka la oo ku nool magaalada Boosaaso ayaa gacmahiisa ku ciyaara kubadda cagta. C/llaahi Salaad ayaa lubadiisa lugood cuuryaan ka ah, wuxuuna xiiseeyaa ciyaarta kubadda cagta. C/llaahi ayaa kubadda ku ciyaaro labadiisa gacan iyo madaxa, halka saaxiibadiisa ay lugaha ku ciyaaraan. Wiilkaani yar ayaa si kaftan ah u sheegay maadaama saaxiibadiisa labada lug ku ciyaaraan hadii ay gacanta ku taabtaanna kubadda laga dhigayo maano halka isagana haddii uu ku taabto lugahiisa laga dhigayo maano. Wuxuu sheegay in wax dhibaato ah uusan ku qabin marka dadka caadiga ah kubadda la ciyaarayo, wuxuuna hoggaamiyaa koox uu isagu ku kalsoon,hoos ka daawo…

Read More

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Md. Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa maanta guddi soo baara go’aankii ay golaha wasiirada ka soo saareen iyo dhiibistii sarkaalkii ONLF ka tirsanaa C/kariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo dowladda Fadaraalka Soomaaliya ay Dawlada Itoobiya u gacan gelisay. Xubnaha guddigan oo ka kooban 15 xubnood, ayaa waxa ay kala yihiin: Axmed Dhimbil Rooble Casoowe Axmed Mayow Cabdulle Burhaan Aaden Cumar Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi Cali Yuusuf Cismaan (Ganeey) Cali Yuusuf Cali (Xoosh) Hani Maxamed Aaden Lutfi Shariif Maxamed Maryam Cariif Qaasim Maxamed Axmed Maxamed (Garrweyne) Maxamed Cumar Caymow Maxamed Ibraahim Cabdi Diyeeshe Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi)…

Read More

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu sheegey in maamulkaasi uu taageerayo go’aankii xulufada Sacuudiga ay xiriirka ugu jareen dalka Qadar, bishii June. War-saxaafadeedka, ayaa lagu sheegey in Sacuudiga iyo Imaaradka Carabta uu xiriir soo jireen Soomaaliya kala dhaxeeyo oo ay ka mid yihiin dhaqanka iyo ganacsiga. War-saxaafadeedka ayaa lagu eedeeyay dowladda Soomaaliya go’aankii dhex dhexaadnimada ay ka qaaday xiisadda dalalka Khaliijka, waxana uu maamulka go’aankaas ku tilmaamay mid aan wax talo ah laga siin maamul goboleedyada. War-saxaafadeedka maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sidoo kale lagu sheegey in dowladda ay dalbatay in muddo la siiyo si…

Read More

The United Nations, African Union, European Union and Inter-Governmental Authority on Development, Ethiopia, Italy, Sweden, the United Kingdom and the United States congratulate Mohamed Abdi Ware on his election as President of HirShabelle in a vote held by the HirShabelle regional assembly yesterday. Voting took place in an open and public process. International partners welcome the conducting of the elections in an orderly manner according to the applicable legal framework. They continue to urge all parties to respect the outcome of the voting in the regional assembly and refrain from any actions that could undermine the consolidation of the state-building…

Read More

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Shan Carruur ah oo wada dhashay ay ku dhinteen Magaalada Kismaayo ka dib markii uu Dab qabsaday Guri ay ka daganaayeen Xaafad ka mida Magaalada Kismaayo. Carrurta wada dhashay ee ku dhintay Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in ay ku wada jireen Hal Qol islamarkaana Shantiiba ay halkaas kuwada dhinteen. Carruurta Gubatay ayaa Degenaa Xaafadda Farjano gaar ahaan Dalxiiska,waxaan halkaas ku nool Qoysas Barakacayaal,ah,iyadoo ay Xusid mudan tahay in Carruurta Gubatay ay ka mid ahaayeen Barakacayaasha ku nool Kismaayo Duleedkeeda. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland oo uu…

Read More

Maxamed Yuusuf Tigey oo ka mid ahaa guddiga Taakuleynta heer Qaran ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu iska casilay xubinnadii guddiga, waxaana uu noqonayaa mas’uulkii labaad ee isaga baxay guddiga tan iyo markii lagu dhawaaqay. Waxaa uu sheegay in uu iska casilay xubinnimadii guddiga, kaddib markii uu arkay madax banaani la’aanta Guddiga, isku dheeli tirnaan iyo ixtiraam la’aan guddiga. Tigey ayaa shalay ka mid ahaa xubnaha Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada, ayaa bishii July, ee sanadkan waxaa ku dhawaaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya waxaana…

Read More

Ujeedo : Waragalin Deeq Waxbarasho Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland waxay soo gudbinaysa Deeq Waxbarsho oo loogu talagalay in lagu kobciyo sarena loogu qaado kartida,Tayada iyo xirfadda shaqalaha Dowladda, Deeqdan oo heerka Kowaadee jamacadda ah (Bachelor Degree) . Wasaaradda oo ka duulaysa hufnaanta qaybinta deeqaha waxbarashada waxay shaqaalaha dowladda ku wargalinaysaa inay soo codsadaan isla markaana keenaan codsiyadooda xarrunta dhexe ee Wasaradda Waxbarashada gaar ahaan xafiiska Tacliinta sare ugu danbayn 01- October-2017 ama ay kusoo diraan araajidooda ciwanada kala ah Mashirdon@gmail.com ama Pneb100@gmail.com. Shuruudaha deeqda Waxbarsho waxay ku qoranyihiin waraaqda ku lifaaqan qoraalka. Mahadsanidiin.

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 September 2017 ku daah-furay magaalada Boosaaso mashruuca caafimaadka aasaasiga ah ee gobolada Bari iyo Gardafuu Puntland. Daah-furka Mashruucani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo madaxda kale ee Wasaaraddaasi, masuuliyiin ka tirsan golaha xukuumadda Puntland, masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Xubno ka socdey hay’adda UNICEF, Isimo, aqoon yahano, ururrada haweenka iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha ayaa ugu horay bogaadiyey shaqooyinka lataaban karo ee ay Puntland ka qabteen Wasaaradda Cafimaadka iyo Madaxdeedu, waxaana uu xaqiijiyey in uu cad-yahay, muuqdona wax qabadka Wasaaradda Caafimaadka Puntland. “Runtii waxaan rabaa marka…

Read More

Ra’iisal wasaaraha dalka ethiopia mudane haylamariam desalegn ayaa sheegay inuu manta kuqaabilay xafiiskiisa qaar kamid ah cuqaasha Ugaasyda iyo Odayaasha dhaqanka ee labada Qawmiyadood ee Oromada iyo Somalida Itoobiya,sidoo kale Madaxweynayaasha labada Deegaan.iyo Culumaa’udiinka.   RW Haylumaryam ayaa u sheegay Madaxda,Culumada iyo Waxgaradka uu la kulmay in isku dhaca ay abuureen xubno tiro yar,isla markaana ukeeney dhibaato aad u balaaran oo ka dhacday Deegaankaas.   Ra’iisal wasaare Haylamaryam ayaa tacsi tiiraanyo leh udirey dadkii ku waxyeeloobey collaaddii ka dhacday labada Deegaan.   Ra’isalwasaaraha ayaa ugu danbayntii sheegay in uu arintaas wax ka qabanayo una maaraynayo sida qaabka uu ogolyahay Dastuurka…

Read More

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shalay booqday xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ee kala qeybiya magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera. Axmed Madoobe ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliyay Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Jubbaland, waxaana ay indha indheyn ku sameynayeen xaalada xuduuda. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa tagay halka ay dowladda Kenya ka dhiseyso darbiga, oo muddooyinkii la soo dhaafay uu muran ka taagnaa. Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalmahan kormeero ku maraya deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, isagoo booqday xeradii Al-Shabaab ay weerareen todobaadkii hore ee duleedka degmada Beledxaawo. Dhismaha Darbiga ayaa laga bilaabay meel ka soo yara durugsan, halka markii hore loo calaameeyay…

Read More

Dekedda magaalada Bosaso ayaa si toos ah looga daah-furay  xafiiska taya dhowrka Badeecada soo gala dalka iyo kuwa ka dhoofaba . Daah-furka xafiiskan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland ayaa waxaa daah-furay wasiirka dekedaha iyo gaadsiidka badda Puntland Siciid Maxamed Raage Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay agaasimaha waaxda taya dhowrka Puntland ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Mudane Salaad Sadan Maxamed waxaana uu sheegay ganacsatada wax la soo degaysa iyo kuwa dhoofinaya ay iska ilaaliyaan in ay dalka keenaan alaab dhacday ayna ka dhoofiyaan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Gobolleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Awaare. Madaxweyne Farmaajo waxa uu bogaadiyeya hannaankii ay u qabsoontay doorashada Hirshabelle, isaga oo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa bisaylka siyaasadeed ee ka hana qaaday guud ahaan dalka. Madaxweynuhu waxa uu kula dar-daarmay dhammaan bulshada Hirshabelle in ay ka wada shaqeeyaan taaba-galinta iyo hana-qaadka Maamulkooda, si lo xaqiijiyo horumarka iyo nabadgalyada deegaanka. ““Waxaan Alle uga baryaayaa, hoggaanka cusub ee Hirshabelle, in uu u fududeeyo howlaha adag ee horyaalla, oo ay ka mid tahay dar-dargalinta dib-u-heshiisiinta, xaqiijinta amniga iyo dhamaystirka…

Read More

Maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa saaka waabarigii weerarray oo muddo kooban qabsaday koontaroolka Kalabeyr oo dhowr iyo labaatan KM waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyne. Maleeshiyadan ayaa si gaadmo ah halkaasi ku taga, waxaana wararku sheegayaan inay dileen saddex ka mid ilaaladii kontaroolka. Koontaroolka Kalabery wuxuu u dhow yahay xadka Ethiopia iyo Somalia, waana isha ugu weyn ee dhaqaalaha uu ka soo galo maamulka gobolka Hiiraan. Koontaroolkan waxaa mara gaadiidka isku xira koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya. Wararka u danbeeyay waxay sheegayaan in maleeshiyadu ay halkaasi ka tagtay.

Read More

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo xubno la socda ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, kuwaa oo horudhac u ah wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo maalinta berri lagu wado inay u kicitimaan New York   Yuusuf Garaad oo shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu horu dhac u yahay wafdi Wasiiro ka kooban oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre.kuwaa oo ka Qeeb Gali Doono Gulaha Guud ee Qaramada midoobay,   “Waxaan hordhac u ahay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo isaga oo hoggaaminaya wafdi Wasiirro ka kooban Soomaaliya ku matali doona…

Read More

Waxaa soo gaba gabowday doorashada Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ee ka socotay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe oo ay ku tartamayeen 8 Musharax.  Tartan adag kadib oo dhexmaray musharaxiinta waxaa wareegii saddexaad usoo gudbay labo Musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Waare oo helay 44  iyo Daahir Cabudlle Cawaalle oo helay 20 Cod Maxamed Cabdi Waare ayaa  ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle kaasi oo helay 74 Cod halka musharaxii la tarmayay Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 Cod, sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Barlamanka Maamulka Cismaan Barre. Madaxweynaha cusub ee hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa doorashadii tan ka horeysay ee lagu…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta la kulmay Guddiga Taakuleynta & Wacyi-gelinta Ciidamada Qalabka, waxana kulankani looga hadlay dar-dar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla.  Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha guddiga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee horyaala oo ay ka mid tahay dadaallada shacabka ee ku aaddan ka qayb qaadashada taakuleynta ciidamada iyo diyaarinta istaraatiijiyadda wacyi-gelinta laamaha kala duwan ee ciidamadda Qalabka Sida. “Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iney gacan ka geystaan taakuleynta Ciidanka Qaranka, haddii aynaan gacanteena ku dhisan ciidan tayo leh ma jirto cid kale oo intay meel kale nooga…

Read More

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Xabsiga la dhigay 200 Qof oo Oromo ah kaddib markii lagu helay sida ay dowladda sheegtay in ay ka dambeeyeen dilka 43 Qof oo Soomaali ah. Koox Oromo hubeysan ah ayaa degaanka Hawadaay ee Dalka Itoobiya ku dilay 43 Soomaali Ganacsato ahaa waxaana xilligaas wixii ka dambeeyay billowday colaad soo kala dhexgashay Oromada iyo Soomaalida. Wasiirka Warfaafinta dalka Itoobiya Negeri Lencho ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Adis ababa waxaa uu ka sheegay in dowladda dhexe ay Ciidamo milatari iyo Boolis ah u dirtay Gobolka iyaga oo xir xiray dad badan oo lagu tuhmayo…

Read More

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay, siddeed kalena wey ku dhaawacmeen isku dhac saakay magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.   Isku dhacay ayaa yimid ka dib markii sida la sheegay ay ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugidda tageen xarrun ay militeriga ku leeyihiin deegaankaa loo yaqaan Haanta Dheer ee Jidka Warshadaha ee magaalada Muqdisho,hoos ka dhagayso codka. Halkan ka dhagayso codka

Read More

Baarlamaanka HirShabeelle ayaa maanta u doortay Maxamed Cabdi Waare inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamul goboleedkaasi, ka dib markii uu helay 74 cod. Waxa uu wareegga labaad uga adkaaday Daahir Cabdulle Cawaale oo helay 23 cod. Maxamed Cabdi Waare oo looga adkaaday doorashadii ugu horaysay ee HirShabeelle, taasoo uu madaxtinnimada ku guulaystay Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa muddo kasoo shaqeeyay arimaha bani’aadannimada. Doorashada oo ka dhacday magaalada Jowhar ayaa timid ka dib markii uu baarlamaanka maamulkaasi xilka ka qaaday Cali Cabdullaahi Cosoble, walow Cosoble aanu aqbalin go’aankaasi. HirShabeellee ayaa ah maamulkii ugu dambeeyay ee kusoo biira nidaamka federaalka ee ay hadda…

Read More

DawladaPuntland ayaa horey ugu adkaysatay in ay ku jirto dagaal adag, ciidankooduna ay ku filan yihiin inay iska difaacaan isla markaana ka saaraan Al-Shabaab buuralayda Galgala.   Dadka Falanqeeya arimaha amaanka Puntland ayaa tilmaamay in qorshihii Puntland ee la dagaalanka Alshabaab uusan waxba iska badalin,balse waxa kaliya ee jira ay tahay Alshabaab oo kusoo batay Deegaamadaas iskuna urursanaya Buuraha Galgala kadib culays kasoo food saaray weerarada Ciidamada Dawlada Fadaraalka iyo kuwa Maraykanka ee Koonfurta Dalka.   Madaxii hore ee sirdoonka Puntland ayaa sheegay in Puntland ay caqabado waaweyn ka haystaan la dagalanka Al-Shabaab.   Cabdi Xasan Xuseen “Cabdi Yare” ayaa…

Read More

Dhalinyaro iskood isku abaabushay oo Reer Gaalkacyood ah,ayaa kala hagaajinta Gawaarida ama calaamada cadaynaysa sida ay wadayaasha Gawaarida u kala leeyihiin waddada ka bilaabay Magaaladaas.   Sidoo kale Dhalinyaradaas ayaa bilaabay calaamadaynta qaybo cusub oo cadaynaysa meesha loogu talagay inuu maro qofka marka uu goynayo wadada laamiga ah ama ka tilaabsanayo.     Halkan hoose ka daawo sawirada Dhalinyaradaas is abaabulay.

Read More

Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa maanta soo xirey Bandhigga Buugaagta oo muddo sedex maalmood ah ka soconayay magaalada Muqdisho.  Guddoomiye Jawaari ayaa bogaadiyay dhamaan dadkii ka qeybqaatay soo bandhigista buugaagtan oo ay ahaayeen aqoonyahano Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in dhalinyaradu ay ujeheeyaan bulshada dhanka horumarka,Caalamkana la tuso halka ay Soomaaliya hiigsanayso. Sidoo kale waxaa maanta ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guudleed oo dhankiisa bogaadiyay dowrka aqoonyahanada Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada. Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho oo ay ku qornaayeen luuqado kala duwan, ayaa waxaa…

Read More

Kusoo jeedsanka ay dawlada Puntland kusoo jeensatay Ururkan dhaqdhaqaaqisa ayaa ah mid loo baahnaa maadaama ay wadaan qorshe balaaran oo ay isku diyaarinyaaan,kaasoo sikugu jira hub urursi,maleeshiyo qoris iyo dhaqaale urursi,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/xBZ7-4TdeCo

Read More

Qoraal ka soo baxay xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in magacii hore ee uu urur goboleedka IGAD ku howlgalayay dalka Soomaaliya la bedelay. Xafiiska IGAD ee dalka Soomaaliya oo la furay sanadkii 2008dii ayaa howlaha loogu talagalay inuu qabto waxaa ka mid ah inuu ka caawiyo dowlada federalka Soomaaliya  nabad dhisida,ammaanka iyo xasiloonida iyadoo loo marayo dib u heshiisiin heer qaran. Balse qoraalkan ayaa lagu sheegay in xafiiska IGAD ee dalka Soomaaliya uu lahaa labo magac taasoo keentay in ay abuurto jahwareer ka dhashay aqoonsiga xafiiska. Ugu dambeyntii qoraalkan ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta…

Read More

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray Magaalada Beled-Xaawo ee gobalka Gado isagoo booqday Xero Ciidan oo ay Ciidamada Darawiishta ku leeyahiin duleedka Magaalada halkaas oo dhawaan ay weerar ku qaadeen Kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Sarakiil sare oo katirsan Jubbaladn iyo xubno labada gole ka socda waxaa ay soo kormeereen xerada oo ay hada si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidamada Jubbaland iyadoo Madaxweynahu uu Khudbad u jeediyay Askarta Dowlada. Madaxweynahu wuxuu ku amaanay sida ay dhabar adeega u muujiyeen Ciidamada qalabka sida oo maalmo kahor iska caabiyay weerar ay ku qaadeen kooxda Al-Shabaab. Waxaa uu sheegay in ay…

Read More

Ciidamada Xoogga Puntland ee PSF ayaa ka bilaabay magaalada Qardho wajigii labaad ee lagu dhiraynayo Waddooyinka magaalada . Ciidamada ayaa isu xil-saaray iney dhireeyaan magaalooyinka Puntland ,kaasoo uu hormuud u yahay Agaasimaha guud ee PSF Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi(Diyaano). Maamulka gobolka,kan degmada Qardho,saraakiisha ciidamada xoogga Puntland iyo kuwa gobolka Karkaar ayaa ka qeybgalay wajiga labaad ee lagu dhiraynayo magaalada Qardho. Col. Bashiir Bicir Faarax Guutaale oo loo xil-saaray Kormeerka iyo habsami u socodka shaqada dhiraynta degmada Qardho ayaa sheegay in ciidanka Xoogga Puntland ka go’an tahay difaaca iyo dalka horumarkiisa. Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Dheere ayaa u mahadceliyey Madaxda…

Read More

Madaxweynaah dawladda Puntland ayaa ugu horayn ka warbixiyey socdaalkiisii dalka sucuudiga iyo dalka isutaga Imaaraadka Carabta oo uu soo maray, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in isaga iyo weftiga uu hogaaminayo ay dalka Sucuudiga u tageen gudashada waajibaadka Xajka . Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in isaga iyo wefti uu hogaaminayo ay soo mareen dalka Imaaraadka Carabta,  halkaasi oo ay u tageen arrimo la xidhiidha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dawladda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/x0eUBzGuhgs

Read More

Somaliya waligeed waxay ku hoosaysay Siyaasadda Arrimaha Dibadda maaraynteeda. Marqaati cad waxaa ka ah Taariikhda noo qorantay,,, Sidoo Kale Siyaasadda Arrimaha Gudaha Ee Somaliya waxay ku salaysan tahay inta badan hiyi kac iyo xog ogaal xumo ugu danbaynta laysku naco,hoos ka daawo muuqaalka Barnaamij kooban oo ka hadlaya Taariikhda siyaasada Aarimaha dibada ee Soomaaliya ay soo martay iyo fursadaha ka lumay. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/H1fogP6JMAM

Read More

Qarax ayaa lala beegsaday tareen ka mid ah kuwa London ee dhulka hoostiisa mara, waxaana lagu soo warramayaa in qaar ka mid ah rakaabka tareenkaasi ay ku dhaawacmeen. Qaraxa ayaa dhacay 08:20 xilliga London, waxaana booliska iyo howlwadeennada caafimaadka ay gaareen goobta uu ka dhacay oo ah boosteejada Parsons Green ee Fulham. Sawirro laga soo qaaday tareenka ayaa muujinaya in xajmiga qaraxa uu koobnaa, oo aanu geysan burbur muuqda. Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dhowr qof oo dhaawacya qaba. Booliska la dagaallanka argagixisada ayaa sheegay inay qaraxa ula tacaalayaan inuu yahay “fal argagixiso.” Askar hubaysan ayaa la geeyay goobta uu…

Read More

Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaal dul marisay Japan, waana daandaansigii labaad ee noociisa ah ee dhaca todobaadyo gudahood.   Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in gantaalkani uu sare u kacay masaafo gaaraysa 770km uuna jaray 3,700km ka hor intii uusan ku dhicin badda Hokkaido.   Rai’iisulwasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegay in dalkiisuu uusan “marnaba” u dulqaadan doonin ficillada halista ah ee Kuuriyada Waqooyi.   “Haddii Kuuriyada Waqooyi ay sii wado in ay ku sii socoto jidkaaas, mustaqbalku ma iftiimahayo,” ayuu ku yiri war qoraal ah oo uu soo saaray.   Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sidoo kale cambaareeyay…

Read More