Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/TjSaQFAAh30
Author: Jibril Qoobey.
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii magaalada Muqdisho ka dhacay 14-kii October ayaa maanta loo qaaday dalka Turkiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay dadkan oo gaarayey illaa 34 qof kuwaa soo qabay dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho 14-kii October . Dowladda ayaa sheegtay in dadka la qaaday ay dhaawacyadooda ahaayeen kuwo aan dalka wax looga qaban karin. Dhaawacyada ayaa lagu qaaday diyaarad qaas ah oo ay leeyihiin Ciidamadda Turkigu, waxaana…
Diblomaasiyiinta Safaaraadda Dowladda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa Dhiig ugu deeqay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Is-goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Isbitaalka Sheekh Zaayid ee Dowladda Imaaraadku ka hirgelisay Magaalada Muqdisho ayaa gacan ka geystay daaweynta Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe. Isbitaalka Sheekh Zaayid ayaa Sidoo kale gaarsiiyay deeq daawo ah qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho ee la tacaalaya daaweynta dadkii ku dhaawacmay Qaraxa. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ballan qaaday in ay gacan-weyn ka geysaneyso daaweeynta Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Ffp8ZKe1fQo
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/vIgUwf16nmE
Tan iyo intii ay dhacday masiibadii Soobe ee Muqdisho,waxaa is asoo taraya canbaaraynta ka imaanysa beesha caalamka. Hadaba ilaa iyo hada waxaa dhambaallo tacsi ah kasoo diray masiibadaas ay ku naf waayeen in ka badan 250-qof ee ka dhacday isgosyka Soobe ee magaalada Muqdisho hogaamiyaal dhawr ah,kuwaasoo kala ah:- Ismaaciil Cumar Geelle madaxweynaha Jabuti,Yoweri Museveni Madaxweynaha Uganda,Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdi Casiis, Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Binu Salmaan, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad iyo Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordugan.
Madaxweyne Gaas ayaa amray in la diyaariyo gurmad loo diro Muqdisho. Gurmadka Puntland ay dirayso ayaa ka kooban Dhakhaatiir,Dawo iyo Dhaqaale lacageed. Gurmadkan ayaa ilaa beri diyaar garoobaya waxaana hada socda diyaarintiisii. Si gaar ah Gurmadkan waxuu uga baxayaa khasnada dawlada mana ahan midka ay diyaarinayaan shacabka reer Puntland. Madaxweyne Gaas ayaa ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee tacsi ka dira masiibada Xamar ka dhacday.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka booqday qaar kamid ah goobaha Waxbarashada Magaalada Kismaayo. Madaxweynahu wuxuu tagay Iskuulada Jubba iyo Faanoole ee Magaalada Kismaayo oo ay dhigtaan boqolaal Arday ah. Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu ardayda dhigata labadan iskuul u jeediyay qudbad uu ku dhiiri galinayay waxbarashada iyo ahmiyada ay ubadka soo koraya u leedahay isagoo sheegay in wax laga badalayo manhajka ay hada dhigtaan isla markana la samaynayo mid Cusub oo dhaqanka iyo habraaca Soomaalida ku salaysan. “Manhajka aad hada wax ku barataan inkasto uu yahay mid duruufo adag aan kaga soo gudubnay hadana…
Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magacaabay Xeer Madaxweyne Lr-119 October, 15, 2017, Taliye Xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Dawladda Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland. Markuu Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo. Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta taliyaha ciidanka Madaxtooyada. Wuxuu Xeeriyey: Waxaa G/le Xasan Cabdullaahi Maxamed loo magacaabay Taliye Xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Dawladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu. =DHAMMAAD=
Wakaaladda Wararka dalka Qatar ayaa kasoo xigatay Madaxa xafiiska warfaafinta wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar Axmed Saciid Ar-rumeyxi in dhismaha Safaaradda Qatar ee Magaaladda Muqdisho oo ku yaala isgoyska Zoobe ay waxyeello ba’an kasoo gaaray qarixii ka dhacay isgoyska KM 5 ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale warka soo baxay Dowladda Qatar ayaa intaa lagu daray in arrime-fuliyaha dowladda Qatar u jooga Soomaaliya uu dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxa, xaaladiisuna ay aad u wanaagsan tahay xiligaan. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in dhammaan shaqaalaha iyo madaxda safaaradda Qatar ee Soomaaliya ay xaaladooda wanaagsan tahay, islamarkaana sidii xaaladooda loola socon lahaa ay dowladda…
Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magcaabay Xeer Madaxweyne Lr-121 October, 15, 2017 Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo. Wuxuu Xeeriyey: Waxaa Maxamed Cabdi Faarax (Qambi) loo magcaabay Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
Waxaa isa soo taraya cambaareynta Caalamiga ah ee ku wajahan Qaraxii shalay gelinkii dambe ka dhacay Isgyska Zoobe ee magaalada Muqdisho,kaasi oo lagu tilmaamay Musiibo Qaran. Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerarkii shalay dadka rayidka ah lagu laayay, waxaanay tacsi u dirtay dowladda, shacabka, ehellada iyo qaraabada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxaasi. Afhayeenka madaxtooyada Turkiga Ibraahim Galen ayaa sheegay in Madaxweyne Rajab tayeb Erdogan uu amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan Soomaaliya loogu diro diyaarad Milatari oo sidda agab caafimaad iyo dawaba, si wax loogu qabto dadka boqollaalka ah ee uu dhaawacu kasoo…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/NFqbo-Sg_kM
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/M-BwgFC1lFg
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/BFwkjLKiwac
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/2riTosDGKIY
Micheal Keatig Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho. Danjire Micheal Keatig ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso oo naxdin leh kaas oo lagu xasuuqay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan. “Waxaan cambaareynayaa weerarki argagixiso ee naxdinta lahaa , kaas oo lagu beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, weerarkaas oo ay ka dhalatay khasaaro baaxad weyn. Xeeladaha aan kala sooca lahayn ee lala beegsanaayo dadka Soomaaliyeed waa fal naxariis darro ah waana dembi mudan in la cambaareeyo.” ayuu yiri Keating.
The Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) for Somalia, Michael Keating, condemned yesterday’s bombings in the Somali capital that have killed a large number of innocent civilians. “I am shocked and appalled by the number of lives that were lost in the bombings and the scale of destruction they caused,” he said. “Our deepest condolences go to the families and friends of the dead, and our thoughts are with the injured and all those affected.” The United Nations and the African Union Mission in Somalia (AMISOM) are working closely to support the response by the Federal Government of Somalia and local government authorities in Mogadishu, including…
Waxaa sii koradhay tirada dadkii ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Waxaa soo baxaysa imika in qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho shalay uu ahaa kii ugu xumaa ee soo mara magaladaasi. Saraakiisha ayaa waxa ay sheegayaan in ugu yaraan 230 qof ay ku dhinteen qaraxaasi shalay ka dhacay Muqdisho. Warar aan la xaqiijin ayaa muujinaya in tirada ay intaasi ka badnaan karto. Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo badan oo lagu dawaynayo isbataalada magaalada Muqdisho. Kooxaha gurmadka ayaa weli ku mashquulsan sidii ay u soo badbaadin lahayeen dad laga cabsi qabo inay burburka…
Dibad-baxan waxaa soo qaban-qaabiyay Maamulka gobolka Banaadir waxaana looga soo horjeedaa Al-Shabaab iyo qaraxii shalay ka dhacay Zoope. Boqolaal qof oo ka kala yimid degmooyinka Muqdisho ayaa ka qeyb galaya banaanbaxan kuwaasoo haatanba ku qulqulaya goobta uu ka dhacayo. Masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia ayaa ka qeyb galaya banaanbaxan oo la sheegay inuu yahay mid careysan, iyadoo shucuurta dadweynaha magaalada ay aad u kacsan tahay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/4efuEXOa01k
Dawlada Turkiga ayaa Soomaaliya usoo dirtay diyaarad siday gaadiidka gurmadka iyo shaqaale caafimad si ay ugu gurmadaan dadkii dhibaatadu kasoo gaartay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Afhayeenka M/weynaha Turkiga Ibraahim Kaalin ayaa sheegay in diyaarad ciidan oo siday gaadiidka gurmad iyo shaqaale caafimaad inay maanta Soomaliya usoo direen waxaana kooxdaan ka qeyb qaadan doonaan u gurmashada dadka ku dhaawacmay qaraxii shalay. Wakaaladda wararka Anadooliya ayaa sheegtay in diyaaradaasi ay dalka Turkiga u qaadi doonto dhaawacyada ku jira isbitaaladda ee xaaladoodu culustahay. Afhayeenka u hadlay madaxtooyadda Turkiga waxaa uu sheegay in amarka diyaradaan iyo shaqaalaha caafimaadkaba lagu soo diray uu…
Xildhibanano ka tirsna baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in maydadka 220 qof la geeyey cisbitaalka Madina halka dhaawaca la geeyey cisbitaalkaas uu yahay 71. Tirada dhimashada guud waxa illaa iyo hadda la sheegaya inay gaareyso illaa iyo 237 ruux, waxaana suura gal ah in ay intaasi ka badato. Sidoo kale Isbitaalka Erdogan, (Ex Digfeer) waxa la geeyay 207 ruux oo dhaawacyo qaba oo 127 ruux oo ka mid ah aanan ehelladooda wali u imaan. Waxa isbitaalkaasi ku dhintay 11 ruux. Sidoo kale 6 ruux oo kale ayaa laga heley meydadkooda isbitaallada kale ee Muqdisho. Xildhibaannada Baarlamaanka waxay sheegeen in…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/XC2vcYEq_SM
Wasiirka caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cuuke,ayaa dalka Pakistan uga qaybgalay shirweynaha Caafimaadka Aduunka ee sanadkiiba mar la qabto. Wasiirka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cuuke oo ku matalayay Somaliya shirkan ayaa waxaa kala qaybaglay Safiirka Somaliya ee Pakistan. Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo kula qaatay halkaas dalal iyo hay’ado caalamiya,kuwaasoo ay kamid yihiin WHO,EMRO. DR Fikri of UAE.
Taratanka orodka maraton ee ciyaaraha fudud,ayaa ka qabsoomay caasimada Puntland ee garoowe. Tartankan oo ay ku tartameen Magaalooyinka Gaalkacyo,garowe,Qardho,Bosaso iyo Bursaalax,ayaa ksuoo idlaaday si qurux badan. Tartanka ayaa looga gol lahaa is dhexgalka dhalinyarada iyo sidii lagu heli lahaa ciyaartooy reer Puntland ah oo ku matasha masraxyada somaaliya iyo caalamka kale. Tartanka oo uu maalgaliyay Ururka leafe Education,ayaa Waxaa ku guulaystay Magaalada Gaalkacyo,sidoo kale waxaa kaalinta labaad galay Magaalada Garowe,iyadoo kaalinta sadexaad ay gashay magaalada Bursaalax. Madaxa ururka leafe Education Fahan Biixi Soofe oo ah Ururka maalgaliyay ciyaarahan oo goobta ka hadashay,ayaa dhiirigalisay ciyaartooydii ka qaybgashay…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/YqFMtJqUHok
Halkan ka hoose ka akhriso:-
Waa markii ugu horeysay oo Puntland Lagu soo bandhigo badeecad waqtigeedii dhaaftay waxaana badeecadahan gacanta ku dhigay xarunta Tayo Dhowrka badeecadaha Puntland soo gala oo dhawaan ay dawladu hirgalisay,isla markaana Xafiis ku dhex leh Dekeda Bosaso. Taliyaha qeybta booliska gobalka Bari Cabdixakiin Xuseen Yuusuf ayaa digniin u diray ganacsatada keensata badeecadaha waqtigoodu dhaafay. ”Sharciga ayaa lala tiigsan doonaa cid kasta oo ku hawlan soo gelinta raashinka dhacay gudaha Puntland”ayuu yiri talyha qaybta booliska bari. Gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobalka Bari Axmed Xaaji Maxamuud oo goobta ka hadlay,ayaa sheegay in ay Ka hortagayaan dadka raba inay dalka…
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, gelinkii dambe ee maanta. Qaraxan ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay. Waxana illaa iyo hadda la ogaadey dhimashada in ka badan labaatan ruux ayna ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay isku geedaameen isgoyska iyo dhismayaasha ka ag dhow oo qaarkood ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxa. Qaraxaasi ayaa waxa ku dhintay illaa iyo ku dhawaad labaatan ruux, iyadoo tiro badan kalena ay…
Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Fara-weyne ayaa sheegay in ragga la xir-xiray ay urur sharci darro ah kaga dhawaaqeen Puntland sidaa daraadeedna ay ku muteysteen in la xir. Waxa uu Fara-weyne sheegey in raggaasi maxkamadna la soo taagi doono. Isagoo La hadlayay Faraweyne SBC Ayuu sheegay inuusan Dastuurka Qabin in La sameysto madal siyaasadeed, isagoo beeniyay in Madaxweynaha uu amray Xariga Siyaasiyiintan,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan. Halkan ka dhagayso codka Gudoomiyaha
Qarax xooggan oo aad looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho Qaraxan oo ahaa gaari weyn oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa gil gilay magaalada oo dhan, waxaana uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Zoobe. Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa ah meel aad u mashquul ah oo ay ku dhow yihiin goobo ganacsi iyo hotelo. Uuro madow iyo qiic ayaa cirka isku shareeray, waxaana laga cabsi qabaa in qasaaraha qaraxa uu aad u xoogeysto, maadaama xajmiga qaraxa uu ahaa mid aad u ballaaran iyo goobta uu ka dhacay…
Mudanayaasha Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ayaa ansixiyey heshiiska isu celinta Maxaabiista ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo India. 161-mudane oo kulanka goob joog ahaa ayaa wada ogolaaday heshiiska, mana jirin wax mudanayaal diiday iyo kuwa ka aamusay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka u soo gudbisay Heshiiskaan Maanta Golaha Shacabka uu meelmariyay.
Dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose kaddib markii ay halkaasi isaga guureen ciidamada milateriga Soomaaliya. Ma ay cadda sababta keentay in xilligan ay ciidammada milateriga ee Soomaaliya ay banneeyaan saldhiggaasi muhiimka ah, sidoo kalana ma ay jirto weli wax war ah oo ka soo baxay milateriga Soomaaliya. Todobaadkii hore ayuu taliyihii hore ee milateriga Soomaaliya, Janaraal Axmed Jimcaale (Cirfiid), inta uusan xilka banayn waxa uu booqasho ku tegay deegaanka Bariire si uu ugu kuurgalo xaaladda ciidammada halkaas saldhigga ku leh. Ururka Al-Shabaab ayaa weerrar uu dabayaaqadii bishii hore…
Dhammaan lixdii dal ee kale ee saxiixay heshiiska nukliyeerka ee Iiraan ayaa sheegay inay ka go’an tahay meelmarinta heshiiskaas, walow uu Madaxweyne Trump sheegay inuusan qadarin doonin heshiiskaasi. Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu hakiyo dhaqangalka ka mid ahaanshihii Mareykanka ee heshiiska Nukliyeerka ee Iiraan, taas oo horseedday cambaarayn ka timid quwadaha kale ee caalamka ee heshiiskaasi saxiixay. Trump ayaa sheegay in Tehraan ay dhowr jeer ku xadgudubtay heshiiskii 2015-kii ee lagu xakamaynayay barnaamijkeeda Nukliyeerka. Waxa uu sheegay inuusan heshiiska durbadiiba meesha ka saarayn balse uu kala saqeyn doono Congress-ka in dib…
Ciidamada milatariga Turkiga ayaa Jimcihi shalay gudaha u galay dalka ay deriska yihiin ee Suuriya, si ay goob xasaradaha ka caagan uga hirgeliyaan gobolka Idlib ee dalka Ciraq. Wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu ayaa ku warrantay in ay xadka Turkiga ka tallaabeen ilaa iyo 30 baabuurta gaashaaman oo ay la socdaan in ka badan 100 askari oo ka mid ah kumaandooska Turkiga
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo jimce ah gelinkeedii danbe 13 October 2017 kormeer ku tegey xarunta dalxiiska iyo nasashada Maandeeq ee magaalada Boosaaso, waxaana Madaxweynaha ku wehelinaayey kormeer kaasi saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa markuu soo gaadhay xarunta maandeeq ee magaalada Boosaaso soo dhexmaray dhammaan qaybaha ay ka kooban tahay xaruntaasi, waxaana uu Madaxweynuhu wakhtisiiyey qof walba oo ku sugnaa halkaasi, isagoona kala kulmay muwaadiniinta halkaasi ku sugnaa farxad, soo dhoweyn, weji furan iyo hadalo aad u dabacsan oo ka turjumayey sida Madaxweynaha dawladda Puntland iyo xukuumaddiisuba ay markasta…
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in aanu ku qancayn in Iran dhaqan gelisay heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka ee la saxeexay 2015-ki, in kasta oo aanay afkiisa ka soo bixin in uu gebi ahaan ba laalayo heshiiskaa. Trump wuxu sheegay in Iran marar badan ku xad gudubtay heshiiskaa xadidayey barnaamijkeeda nukliyeerka, waxaanu sheegay in uu kala shaqayn doono Congress-ka iyo xulufada Maraykanka sidii loo guffayn lahaa gol daloolooyinka badan ee heshiiskaasi leeyahay. Hadii taasi suurto geli weydana wuxu sheegay in uu awoodiisa madaxweyne u adeegsan doono sidii gebi ahaanba Maraykanku uga bixi lahaa heshiiskaa. Trump waxa uu ballan qaaday in aanay…
Xogo hoose oo laga helayo kulan dhexmaray Madaxweynaha Dawlada Fadaraalka Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wakiilada beesha caalamka ee Somaliya,ayaa sheegaya in uu guuldaraystay kuna soo idlaaday is afargad la’aan. Kulanka oo ka dhacay Muqdisho ayay wakiiladu madaxweynaha uga digeen siyaasada uu dalka ku hogaaminayo waxayna u sheegeen in ay u arkaan mid jahwareersan dib u dhacna ku ah horusocodka dawladnimada Somaliya waxayna wakiiladu Farmaajo ka codsadeen in uu wada hadal la furo dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka si loo xaliyo khilaafka xooga leh ee jira. Kulankan dhexmaray Farmaajo iyo Wakiilada Beesha caalamka ayaa kusoo idlaaday isfahan…
Wixii ka dambeeyey bur-burkii dawladii dhexe 1991, Soomaali badan ayaa ku barakacay dalka gudihiisa iyo banaankiisa. Marka laga soo tago, dayaca badan ee Soomaalidaas kasoo food saaray qaran-jabkii kadib, hadana waxaa jiro fursado iyo guulo mar walba garab socday gaar ahaan Somalidii qurbaha u baxday. Waxaan muran ka jirin in taageerada maaliyadeed iyo maskaxeed ee Somalida qurbuhu’ ay door mugleh ka qaadatay dib-u-dhiska dalka Somaliya – dhan dhaqaale iyo mid siyaasadeedba. Intaas, waxaa dheer, kororka mugleh oo ka muuqday heerka ka qayb-galka qurba-joogta ee siyaasada dalalka ay ku nool yihiin gaar ahaan wadamada reer-galbeedka oo xilal iyo mansabyo kala duwan…
Xubaha la xiray waxaa ka mid ah Dr. C/rixmaan Siciid Maxamud (Dhegawayne) oo xilal kala duwan Puntland, ka soo qabtay. Daahir Ciiro oo horay u noqday Xildhibaan Dowladii Federaalka KMG aheyd ee Soomaaliya, Ganacsade Duni Maxamed Guulato iyo Faysal Faarax Cali. Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Farawayne ayaa oo aan taleefoonka kula hadlalnay ayaa sheegay in amarka lagu xiray uu bixiyey Gudiga nabad Galyada gobolka Nugaal isla markaana ay ku eedaysan yihiin khalkhalgalin Amniga iyo xasiloonida Puntland . Shacabka Puntland ayaa intooda badan dareenkooda ku muujiyay in ay soo dhaweeyeen talaabada dawladu ka qaaday kooxdan la baxday…
Madaxwayne Farmaajo Maahan Kim Jong-un,Ra,iisal Wasaare Khayrena Ma ahan Fidel Castro,Gudoomiye Jawaarina ma ahan Mugabe. Dalkeena Colaad sokeeye iyo Mid shisheeye ayaa saameen ku yeeshay,Waana in Dowlada ay xeerisaa Dhibka Dalka soo marey oo ay ka mid tahay: Qabiil la isku so dagaalay 27sano Ganacsato 27 Sano Dhiig Miirad ah Argagixiso Dalka kusoo duushay. Hadaba intaas oo jira awgood waa in dowlada la timaada siyaasad Baaxad weyn oo Wadaag ah, Xukuumadu waa in Halkubeeg siyaasadeed ay Leedahay waa inay Dhamaan Qabaa,ilka soomaaliyeed ka kooban tahay iyadoo la Tixgalinayo Hal kubeegyo kale oo dhinaca Farsamada la xiriira. …
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/WsKyJet5YmY
Wasiirka Gaashaandhigga dawlada Fadaraalka Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa goor dhaw iska casilay xilkii uu hayay. Wasiirka ayaa maanta kulankii golaha wasiiradda xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya ka hor sheegay in uu xilka iska casilay, waxaana uu ka codsaday gollaha wasiirada in ay ka aqbalaan is casilaadiisa. Iscasilaada Wasiirka ayaa ka danbaysay sida xogaha hoose sheegayaan is qabad isaga iyo Rw Khayre u dhaxaysay oo maalmahan soo jiitamayay. Dawlada Khayre hogaamiyo ayaa kusii socota wadada faashilka,iyadoo ay sii yaraanayso kalsoonida shacabku ay kaga qabaan sida ay ugudan karto waajibaadka loo igmaday.
Warar goor dhaw na soo gaaraya Muqdisho, ayaa sheegaya in uu is casilay taliyaha ciidamada Milatariga ee dawlada Fadaraalka Soomaaliya Jen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid), Talye Cirfiid ayaa maalin ka hor booqasho ku gaaray Deegaanka Bariire oo dhawaan ay ciidamo ka tirsan dawlada fadaraalku ku xasuuqeen dad shacab ah. iscasilaadiisa ayaa ka danbaysay sida aan xogta ku helayno isfahan waa soo kala dhexgalay isaga iyo madaxda sare ee dawlada Fadaraalka Somaliya. Iscasilaada Talye Cirfiid ayaa ku ah dawlada Farmaajo dharbaaxo xoog leh oo wajiga uga dhacday.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ee ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada Kismaayo ayaa maanta 12 October 2017 dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso. Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakisha ciidamada qalabka sida, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, nabadoono, waxgarad, aqoon yahano iyo qaybaha kal duwan ee bulshada. Madaxweynaha Dawladda Puntland oo markii uu soo gaadhay Magaalada Boosaaso lahadlay warbaahinta ayaa ugu mahadnaqay sidii diiranayd ee loo soo dhaweeyey isaga iyo weftigiisa, isla markaana isaga…
Madaxweynaha Dawlada Puntland ahna Madaxweynaha madaxweynayaasha Somaliya,ayaa ka degay magaalada Boosaaso, waxaana si weyn ugu soo dhaweeyay xukuumada iyo qaybaha bulshada Bosaso. Madaxweyne Gaas oo saxaafada la hadlay markuu gaaray Bosaso ayaa yiri” shirkaas waxuu ahaa mid jawi wanaagsan kusoo dhamaaday, isla markaana lagu sameeyay madal ay wadaagaan dowlad goboleedyada taasoo in muddo ah laga baaraan dagay samaynteeda.
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa markii uu ka degay Boosaaso ayaa hadal uu siiyay Warbaahinta waxaa uu sheegay in shirkaas uu ahaa mid jawi wanaagsna ugu soo dhamaado, isla markaana lagu sameeyay madal ay wadaagaan dowlad goboleedyad,a taasoo uu tilmaamay in muddo laga fikirayay. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si kala duwan Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka ahuga soo sagootiyay Magaalada Kismaayo oo dhawrkii cisho ee udanbeeyay ay ku lahayaeen kulan wadatashi. Madxaweynayaasha Puntland,Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa kasoo anba baxay Kismaayo Madaxweyne Gaas ayaa ka dagay bosaso si weyna waxaa ugu soo dhaweeyay…
Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Bangiga Puntland ayaa maanta gubay lacag shilling Soomaali faalso ah taasoo ay dhawaan qabteen Ciidanka Kontoroolka magaalada. Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Carshe(Abdullahi Arshe Wasiirka Maaliyadda) oo weheliyaan maamulka gobolka,Maamulka Bangiga,Agaasimayaasha Wasaaradda ayaa goobjoog ka ahaa gubista lacagtan. Lacagtan sida uu sheegay maamulaha Bangiga Boosaaso Muuse Aw Xuseen waxay dhan tahay 600,500,000(Lix boqol oo milyan iyo shan boqol oo kun) Sh.so taasoo Puntland uga timid dhanka gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Wiilka markuu hadlayo isbuufiya sida Xoorkii waxuu yiri”Waxaa muhiim ah in aan qofna laga ogolaan dhaliil dalka lagu duminay, dhaliil ujeeddo gaar ah leh oo lagu fushanayo dano qaas ah in lagu dumiyo iftiinka nolosha ee hada u soo if baxay”. Yaa iftiinka baxaya duminaya oo aan isaga ahayn. Yaa nidaamka laga soo shaqaynayay 10-kii sano ee udanbaysay fashilinaya oo aan isaga ahayn. Haduu jiro musuq maasuq isagaa aabo u ah cadayna waxaa kuugu filan doorkii uu kulahaa Xasan Culusow iyo lunsashadisii hantida Qaranka. Haduu jiro siyaasi u adeega dalal kale ama sirdoono isagay ka bilaabataa oo ilaa dhawr…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/G5LmGvyzdUc
Dawladda Puntland ayaa goor dhaw wareejisay dekedda magaalada Boosaaso, waxaana lagu wareejiyey Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ee lagu magacaabo P & O oo qeybka ah shirkada weyn ee DP WORLD. Xafladda waxaa ka soo qeyb galay mamaulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, nabadoono, ganacsato, dhalinyaro, madaxda shirkadda DP WORLD iyo marti shataf kale.
Muqdisho, Oktoobar 11, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed. “Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/8oW_X90WNs8
War murtiyeed ayaa kasoo baxay shirkii madaxda dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo waxaana lagu aas-aasay gole ay ku mideysan yihiin madaxda. Golahan ayaa loogu magac daray Golaha Iskaashiga dawladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka,waxaana Madaxweynaha Madaxweynayaasha Somaliya loo doortay mudane Gaas,iyadoo ku xigeen loo doortay Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare,hoos ka dhagayso codka Madaxweyne Gaas. Halkan ka dhagayso codka madaxweyne
WAR MURTIYEED Shir wada tashi ah oo socday mudadi u dhaxaysay 08-10 Oktobar 2017. laguna qabtay Magaalo Madaxda KMG ah ee Kismaayo, Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa waxaa ka ka soo qayb galey Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gas Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Madaxweymaha Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare. Mudadi shirku socday, waxuu Goluhu si qoto dheer uga wada tashadeen arrimo badan oo ay ka mid yihin xoojinta xiriirka Dowlad Goboleedyada, arrimaha siyaasadda, adkaynta amniga, dib u heshiinsiinta iyo hirgalinta hannaanka Federaalka.…
Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Rabi ha unaxariisto Janadiina haka waraabiyo. Xusuusta marna kama bixi doono. 1- Wuxuu noqday Hogaamiyaha kaliya ee aan laga dhaxlin Aduunyo nooc kasta oo ay tahay, aana ku tagri-falin ama adeegsan Hantida Dadweynaha ee uu marar badan soo maamulay. 2- Wuxuu ahaa nin ay ka go’antahay in uu Somalia ku soo celiyo sidii ay ahayd waqtigii uu mucaaradka noqday oo ay mar uun noqoto mid kamid ah dawladdaha ugu xooga badan. 3- Wuxuu ahaa nin dadka dhagaysta tiisana meel u taala, balse aad odayaasha iyo dadka markaas hawsha kala hadalaya qanciya, jecelna in wax kasta ay Isimaddu…
Marwada koowaad ee Maraykanka Melania Trump ayaa si kulul ugu jawaabtay xaaskii hore ee madaxweyne Donald Trump oo lagu magacaabo Ivana Trump, taas oo taleefishinka ABC u sheegtay in ay iyadu tahay ‘marwada koowaad’. Afhayeen u hadlay marwada koowaad ayaa sheegay in Ivana ay raadinayso caannimo, tahayna qof danaheeda ka shaqaynaysa. Ivana ayaa barnaamijka Subax Wanaagsan ee ABC u sheegtay in ay xiriir toos ah la leedahay Aqalka Cad, balse aysan doonaynin in ay wax maseer ah dhaliso. Haweenaydan oo soo saaraysa buug cusub oo ay ka qortay ninkeedii hore iyo caruurteeda, ayaa waxa ay Trump is guursadeen…
Ugu yaraan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dab xoog leh oo ka soconaya meelo badan oo ka mid ah gobolka California ee dalka Mareykanka. Madaxa maareynta dabka ee gobolkaasi ayaa sheegay in sidoo kale uu dabku baabi,iyay in ka badan 1,500 oo guri iyo dhismooyin ganacsi. In ka badan 20 kun oo ruux ayaa laga daad gureeyay meelaha uu sida aadka ah u ugu sii fidayo dabka. Gudoomiyaha gobolka California Jerry Brown ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogay magaalooyinka Napa, Sonoma, iyo Yuba counties,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/0dMSCGcqMT8
Waxaa maalinkii sadexaad si habsi leh uga socda Kismaayo shirka Madaxweynayaasha dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka. Shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war murtiyeed, waxaana Madaxdu ay labadii cisho ee lasoo dhaafay ay lahaayeen doodo aad u kul-kulul. Lama oga ilaa iyo hadda qodobada leysku afgartay,balse kulamadii ugu danbeeyay ee dhacay ayaa qaarkood ahaayeen kuwo Albaabadu u xirnaayeen. Xogaha la helayo madasha shirku ka socdo,ayaa tilmaamaya in qodobada ajandayaasha shirka u ahaa intoodii badnayd madaxdu isku raacday. Galabta ayaa shirku soo afmeeramayaa lagana soo saari doonaa Warmurtiyeedka rasmiga ah ee madaxdu isku afgaratay. …
Xilli hore oo saaka ah, waxaa weerar ku soo qaaday Koontaroolka magaalada Bosaso maleeshiyo ka tirsan ururka argagixisada Al Shabaab. Ciidamada booliska Puntland ayaa si geesinimo leh iskaga difaacay Weerarkan fulaynimada ah ee ururka argagixisada Al Shabaab ku soo qaadeen Koontaroolka Bosaso, waxaana ku dhintay weerarkan dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan Booliska Puntland. Al Shabaab waxay si cadowtinimo leh u xalaalaysteen dhiigga shacabka Soomaaliyeed. Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay tacsi u dirayaan dhamaan ciidamada Puntland iyo qoysaskii iyo qaraabadii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkan argagixisanimo; Waxaana ka go’an ciidanka #PSF la dagaalanka kooxda argagixisada Al Shabaab. #PuntlandGuul #PSFGuul Early this…