Author: Jibril Qoobey.

Magaalada Kismaayo waxaa maalinkii labaad ka socda shirka Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah dawladdda Fadaraalka ay uga tashanayaan xaalka dalka. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shirka furay, waxaana goob joog ka ah Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas),koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo kan maamulka ana sharciyada buuxin ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).hoos ka daawo muuqaalka shirka oo toso usocda. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/vvejSN-ls_E

Read More

INNAALILAAHI WAA INNA-ILLAAHI RAAJICUUN WAXAA 7-10-2017 KU GEERIYOODAY MAGAALADA JIGJIGA MARXUUM UGAAS XASAN XIRSI CALI DUBBAD OO AHAA CURADKII UGAAS XIRSI CALI DUBBAD KANA DHAXLAY UGAASNIMADA NOVEMBER 1986. UGAASKA AYAA DOWR MUUQDA KU LAHAA NABADDA KA HANAQAADAY DDSI Waxaana halkan tacsi ka diraya dhammaan Ehelka kala ah: Cabdi Maxamad Tarrax Ambassador Cabdulqani Muxumad Waceys Col. Zubeer Cabdilkariim Boorle Col. Nuux Maxamad Axmed Isaakh Sadiiq Xasan Cali Buraale Xildhiban Bashiir Axmed Cawar Maxamad Xasan Geelle Xuseen Beynax Barre Xuseen Xasan Geelle Eng.Shariif C/naasir Shariif Maxamad Shariif Muhdi Cabdicasiis Xaaji Cabdullaahi Qorraxeey Yuusuf-mahad Maxamad Aadan Xasan Xaaji Barre Bashiir Suldaan Maxamuud Heybe Dr.Asad Suldaan Maxamuud Heybe Yuusuf…

Read More

Shirka Wadatashiga ee u dhaxeeya Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka oo caawa ka furmay guriga Martida ee magaalada Kismaayo. Madaxweyne Axmed Madoobe oo shirka furay ayaa sheegay in shirka uusan aheyn mid ay isugu baheysanayaan dowladda Federaalka, isla markaana ujeedku yahay sidii wixii mugdi ah oo jira loo dhamayn lahaa, kadibna talo loo dhanyahay Dowlada dhexe loola tagi lahaaa. Madaxweynaha Dawlada Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo loo doortay shir gudoonka shirkan,ayaa sheegay in shirkan muhiimadiisu tahay in la sameeyo siyaasad ay ku mideysan yihiin madaxda dowladaha xubnaha ka ah DawladaFadaraalka, waxaana uu tilmaamay in ujeedku ay aanu aheyn…

Read More

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay inay soo qabteen doon si sharci-darro ah uga kalluumaysanaysay xeebaha bari ee Puntland doonidaas oo laga leeyahay dalka Iiraan kadib hawlgal ay sameeyeen ciidamada Badda Puntland. Korneel Maxamed Cabdi Xaashi oo ah taliyaha ciidamada dekedda Boosaaso,ayaa ka hadlay arintaas,hoos ka dhagayso codka. Halkan ka dhagayso codka Talyaha

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta gelinkii danbe 08 October 2017 si-diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaadh ka ah ee maamulka Jubbaland. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Maamulkaasi Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweyne ku-xigeenadiisa, Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha maamulkaasi, saraakiisha ciidanka Jubbaland, Isimo, Nabadoono, waxgarad iyo boqolaal shacabka magaalada Kismaayo. Soodhoweyn kadib Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si isku midda ugu mahadnaqay shacabka iyo Xukuumadda reer Jubbaland ee kusoo dhoweeyey garoonka…

Read More

Madaxweyne Gaas iyo wfati balaaran oo uu hogaaminayo ayaa wax yar ka hor u anba baxay Magaalada kismaayo oo uu ka dhacayo shirka badbaadinta Qaranka. “tafaasiil badan ayaa laga bixiyay, waxyaabo badan ayaa laga falkiyay, laakiin runtu waxaa weeye, xaq bay u leeyihiin Dowladgoboleedyadu inay isku yimaadaan, duruufaha gaarka u ah iyo danaha ka dhexeeya iyaga, taan micnaheedu ma ah in ujeedo kale laga leeyahay, ee waa in laga wada hadlo howlaha qaranka ee socda ee uu ka mid yahay arrimaha dastuurka, awood-qaybsiga, iyo sida khayraadka loo wadaagayo” ayuu yiri Madaxweyne Gaas. Madaxweyne Gaas waa masuulkii ugu danbeeyay ee u…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta Aqalka Sare kula kulmay guddiga la socodka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka. Waxaana ay ka wada hadleen dar-dar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla.   Kulanka ayaa waxaa lagu falan qeeyey heerka wada shaqayn ee ka dhaxeeya laamaha ku howlan dastuurka iyo habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan dhammaystirka dastuurka Soomaliya.   Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dhammaystirka dastuurka, si loogu gudbo wax walba oo dib-u-dhac u keeni kara in waqtigii loogu talagalay ay ku dhamaan wayso dib-u-eegista Dastuurka.  …

Read More

Waxaa fashilmay shir ay soo abaabushay Dawlada Fadaraalka oo dib u eegis loogu samayn lahaa Dastuurka Fadaraalka, Shirkaas ayay ahayd in uu maanta ka furmo Magaalada Muqdisho. 1. Waxaa burburay shirkii Dastuurka ee lagu qaban lahaa Muqdisho 2. Sida Xukuumadda u waddo howlaha Dasturrka ayaa la saluugay 3. Waxaa ka hor yimid Gudiyadii heer Qaran 4. Waxaa si wadajir ah uga hor yimid dhamaan Maamul Goboleedyada Shirka ayaa berrito waxaa furi lahaa RW Kheire waxaa soo xiri lahaa Madaxweyne Farmajo Arrintan ayaa ah dib u dhac weyn oo siyaaasadeed ee soo gaartay Dowladda Md Farmaajo hogaamiyo. Guddoomiyaha Guddiga Dib…

Read More

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa si weyn magaalada Kismaayo ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha maamaulka aan sharciyada buuxin ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle. Axmed Madoobe ayaa uga hor tagay Garoonka diyaaradaha,waxaana waftiga gaaray kismaayo la socda Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulkaas. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya oo laga soo doortay Kismaayo ayaa sidoo kale ku sugan Magaalada,kuwaas oo la filayo in kulanka qeyb ka ahaadaan shirka Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ee looga xaajoonayo arimaha sii murgaya ee dalka.

Read More

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa si weyn magaalada Kismaayo ugu soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare. Axmed madoobe ayaa uga hor tagay Garoonka diyaaradaha Madaxweynaha iyo waftigiisa ,waxaana waftiga gaaray kismaayo la socda wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamul gobaleedka Hir-Shabelle. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo doortay Kismaayo ayaa sidoo kale ku sugan Magaalada Kismaayo,kuwaasoo la filayo in kulanka qeyb ka ahaadaan.

Read More

Guddoomiyaha Guddiga Dib U Eegista Baarlamaanka Soomaaliya  Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa War-murtiyeedka u aqriyay saxaafadda ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid caqabad iyo dhibaato ku ah geedi  socodka dib u eegista Dastuurka,waxaana uu uga digay Maamul Gobolleedyada iyo Ururada Bulshada Rayidka ah in ay ka qeyb galaan shirkaas. Halkan hoose ka akhriso wareegtada:-

Read More

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho aas Qaran loogu sameeyay alle ha unaxaristee Jeneral.Cismaan Shiikh Cali oo dhawaan ku geeriyooday Dalka Mareykanka   Alle ha unaxariistee waxaa maanta Magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay General Cismaan Sheekh Cali Badmeceeye oo 05-tii bishan Ku geeriyooday Wadanka Mareykanka Saakana Meydkiisa laga soo dejiyay Garoonka Aadan-cadde ee Magaalada Muqdisho.   Waxaana Aaska ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare C/xaashi Cabdullaahi,Taliyaha Ciidanka Milatariga Dawlada Fadaraalka Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid iyo masuuliyiin kale.   Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi u diray eheladda, qaraabada iyo guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed ee uu…

Read More

Shir looga hadlayo ka hortagga Fikirada waxa loogu yeero Argagixisada oo ay ka qeyb galeen Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiillo ka socda Beesha Caalamka ayaa Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya.   Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo Shirka Qudbad ka jeediyay ayaa sheegay in Shirkaan uu daba socdo Shirkii ka dhacay Magaalada London islamarkaana ujeedkiisa uu yahay in laga hortago Falalka Kooxaha Argagixisada ay ka geystaan Gudaha Wadanka Soomaaliya,kuwaas oo Ragaadiyay Ammaanka Dalka Soomaaliya.   Sidoo kale Dhinacyadii ka qeyb galay Shirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo…

Read More

Waxaa Magaalada kismaayo ka furmi doona maalinka Berri foog ah shirka Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ee Badbaado Qaran. Shirka oo xogtii udanbaysay ay heshay idlnews ayaa waxa qorshahiisu yahay sidatan soo socota:- 1. Shirka wuxuu bilaaban doonaa maalinta Axadda ah. 2. Maalinka Beri ah waxaa tagi doona Kismaayo Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Cadaado. 3. Madaxweyne Gaas iyo waftigiisa waxay tagi doonaan Kismaayo isla berrito subaxa hore. 4.Waxaa isla berri soo gaari doona madasha wafti sare oo ka socda Beesha caalamka. 5. Waxaa kaloo shirka ka soo qeybgali doona Senatarada Aqalka-sare ee Baarlamaanka fadaraalka. Kismaayo is weyn…

Read More

Waxaa fashilmay shir uu soo diyaariyay Wasiirka dastuurka Fadaraalka Cabdiraxmaan Xoosh Jibril,kaasoo ku saabsanaa ka doodida hanaanka dib u eegista Dastuurka Fadaraalka Somaliya.   Shirkan oo qorshihiisu ahaa in uu furmo maanta oo Sabti,isla markaana socon lahaa laba maalmood,ayaa waxaan imaan oo ka baaqsaday waftiyadii Puntland,Jubaland iyo Cadaado.   Shirkan oo daba socday shirar horay u dhacay oo looga dooday hanaanka dib u eegista dastuurka Fadaraalka ayaa sababta uu ubaaqday waxay ugu weyn Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ah oo si weyn uqawadsan hanaanka wada shaqayneed ee dawlada Dhexe.   Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka, ayaa maalinka…

Read More

Madaxweyne Farmaajo oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku jooga Dalka Sudan ayaa maanta soo gabagabeeyay.   Booqashada madaxweynaha oo shaati kale la huwiyay ayaa salkeeda hoose waxay ku salaysnayd Lacag lagu sheegay in ay Somaliya leedahay oo taala warshad lacagta samaysa oo Sudan ku taal.   Madaxweyne Farmaajo ayaa qorshihiisu ahaa in uu lacagtaas soo qaado kana hawlgaliyo gudaha dalka,balse waxaa is hor istaagay hay’ada lacagta Aduunka ee IMF ,taasoo usheegtay Farmaajo in lacagtan ay tahay mid sharcidaro ah aqoonsi caalamiyana aan helayn.   Waxaa go’aanka hay’ada lacagta Aduunka ku raacay Wasiirka Maaliyada Fadaraalka Beyle iyo Agaasimaha Bankiga dhexe Bashiir…

Read More

Dowladda Maraykanka ayaa cunaqabatayntii dhaqaalaha ka qaaday dowladda Suudaan. Cunaqabataytan ayaa Suudaan la saaray labaatan sano ka hor. War Maraykanka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan ay horumar ka samaysay xuquuqul insaanka. Waxay sidoo kale Suudaan wax ka qabatay baa la yiri arrimaha la dagaalanka xagjirka. Dalka Suudaan waxaa saarnaa cunaqabatayn ganacsi iyo xayiraado kaleba. Geedisocodka Suudaan xayiraada looga qaaday waxaa bilaabay madaxweynihii Barack Obama. Balse kooxaha xuquuqul insaanka ayaa cambaareeyey tillaabadan Suudaan cunaqabataynta looga qaaday. Waxay sheegayaan kooxahani in Suudaan aysan dhab ka ahayn inay isbadal muuqda samayso. Madaxweynaha Suudaan AlBashiir ayaa ah nin ay doondoonayso…

Read More

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa iska casilay safiirnimada sababo la xiriira arrimo isaga u gaar ah.   Ambassador Schwartz ayaa ahaa safiirkii ugu horeeyay ee uu Mareykanka u magacaabo Soomaaliya muddo rubac qarni ah, waxaana xilka loo dhaariyay bishii June sanadki 2016-kii.   Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u xaqiijiyay is casilaadda safiirka Maraykanka, isagoo sheegay in iscasilaadiisa la soo gaarsiiyay laba maalmood ka hor.   Safiirku waxa uu sheegay in Mr. Schwartz uu isu casilay arrimo isaga u gaar ah.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan. Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud gudoonka Baarlamaanka iyo xubno katirsan golayaasha Dowlad Goboleedka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Madaxweynaha kala qayb galay soo dhawaynta wafdiga kasocday Koonfur Galbeed oo kismaayo u yimid ka qayb galka shirka Dowlad Goboleedyada Soomaaliya. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka wafdiga Koonfur Galbeed oo horudhac u ah madaxda kala duwan ee ka qayb galaysa shirka…

Read More

Dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa mar kale sheegtay in ay ka go’an tahay inay soo daabacdo lacag cusub oo iskugu jirta shilimaad iyo waraaq ka hor inta uusan dhammaanin sannadkan. Wasiirka Maaliyadda Fadaraalka Soomaaliya Cabdiraxmana Ducaale Bayle ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey saxaafada ayuu ku sheegay in lacagaha lasoo daabacayo ay noqon doonaan kuwo aan la been abuuri karin,hoos ka dhagayso codka. Halkan ka dhagayso codka Wasiirka

Read More

Dowladaha Soomaaliya iyo Sudan ayaa heshiisyo ku kala saxiixday magaalada Khartoum ee dalka Sudan oo uu booqahso ku tagey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia. Heshiisyadan ayaa ku saabsan amniga, iskaashiga caalamiga ah, waxbarashada, beeraha, fanka, ciyaaraha, socdaalka iyo duulista hawada. Diblomaasiyiinta ka hawlgala Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa iyagana tababarro ku qaadan doona dalka Sudan. Sida qoraalka Villa Somalia lagu sheegay, fulinta heshiisyadan ayaa waxaa loo xil saaray guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dowladood kuwaas oo yeelan doona kulamo joogto ah. Waa heshiisyadii ugu ballaarnaa ee ay galaan taniyo…

Read More

Wasaaradda Deegaanka Dalxiiska iyo Daaqa, Waa wasaarad ka mid ah wasaaradaha puntland, kana mid ah xafiisyadda dawliga ah kuwasoo aad Muhiim u ah, Waxayna Guud ahaan laf dhabar u tahay bulshadda iyo Deegaanka,  Baahidda loo Qabo ilaalinta Deegaanka iyo muhiimadda goonidda uu leeyahay Deegaanka ayaa keentay, in Wasaaradaan la abuuro, lagana Dhigo mid shaqaysa, Waxaa Xaqiiq ah in himilooyinkii loo Yagleelay Wasaaradda iyo Hadafkii Shacabka puntland ka Qabeen Wasaaradda la marin habaabiyey, Iyadoo Guud ahaan Meesha laga saaray, ,iyadoo laga sugayey ilaalinta Deegaanka iyo hormarinta iyo Ilaalinta Noolaha Ku Xeeran kuna nool Deegaanka, balse taasi waxay noqotay dhado roob noqon…

Read More

Ruushka iyo Sacuudiga ayaa gaaray heshiisyo dhowr oo wax ku ool ah. Boqor Salmaan ayaa booqashadii ugu horeysay ee rasmi ah hadda ku jooga Moscow.   Wararka qaar waxay sheegayaan in ay wada saxiixan doonaan heshiis dhanka hubka oo ku kacaya dhaqaale gaaraya $3 bilyan oo dollar.   Sidoo kale, heshiis dhanka tamarta ah oo lagu maal gelinayo $1 bilyan oo dollar ayey wada saxiixan doonaan madaxda labada dal.   Boqorka ayaa sheegay in labada dal ee soo saara shidaalka ugu badan caalamka ay sii wadi doonaan in ay ka wada shaqeeyaan xasilinta suuqa.   Balse, ajandaha waxaa qeyb ka…

Read More

Ciidamada Ciraq ayaa magaalada Hawija iyo xaafadaha ku hareereysan ka qabsaday kooxda Daacish, inkasta oo weli dagaalo kooban ay ka socdaan bariga iyo waqooyiga magaalada, sida ay sheegeen milatariga. Kadib qabsashada Hawija, kooxda Daacish ayaa waxa ay iminka uga hartay dalka Ciraq kaliya xaafadaha ku teedsan xuduudda dalka Syria ee dhinaca galbeed. Hawija ayaa waxa ay ku dhowdahay magaalada Kirkuk ee saliida badan, islamarkaana ay maamulaan Kurdishka. “Ciidamada qeybta sagaalaad iyo booliska federaalka waxay xoreeyeen magaalada Hawija” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay taliyaha howlgallada ciidamada Ciraq Jeneraal Abdul Ameer Rasheed Yarallah. Weerarka lagu xoreeyey Hawija waxaa wada fuliyey ciidamada…

Read More

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay sameynta dallad dhaqaale oo ay ku mideysanyihiin dalalka Geeska Afrika   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sudan ayaa caawa kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas Mudane Cumar Xasan Al-Bashiir.   Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Suudaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa. Sidoo kale, xubnaha Golaha Wasiirrada ee la socda wafdiga Madaxweynaha ayaa iyagana gaar gaar ula kulmay dhiggooda.   Labada Madaxweyne ayaa ayaa isla gartay qorshe lagu sameynayo dallad dhaqaale oo…

Read More

Fahad Yaasiin Xaji Dahir Agaasimaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waa suxufi horey ugu soo shaqeeyey warbaahinta Qatar laga leeyahay ee Aljazeera, wuxuuna kamid ahaa xubnihii xisbigii la baxay Damuljadiid ee gacanta weyn siiyey inuu xilka Madaxweynaha ku guuleysto doorashadii 2012, Madaxweynihii hore Xassan Shiikh Maxamuud. Fahad Yassin ayaa sidoo kale horey isugu magacaabay (Researcher) ka hawlgala xarunta [Al-Jazeera Center for Studies], xiligaasi oo uu warbixino ka qori jiray xaalada Soomaaliya iyo Siyaasada dalka. Ciwaanka kor ku xusan ayaa qeyb ka ahaa warbixin dheer oo uu sanadkii 2014 ka qoray Puntland iyo Xiriirka maamulkaasi la leeyahay Dowlada Federaalka. Fahad ayaa la sheegaa…

Read More

Xafiiska ra’iisul Wasaare Mariano Rajoy , ayaa warbixin kasoo baxday lagu sheegay in Dowladda Spain ay ku gacan seertay baaqii uu u jeediyay hogaamiyaha Catalan, Carles Puigdemont, si waan waan loogu dhameynayo murankii ka dhashay dalabkooda madaxbanaanida Catalonia,islamarkaana dowladdu aysan aqbaleynin waxa ay ugu yeertay daandaansi. Hadalkan ayaa soo baxay Iyadoo ay dhawdahay suurtagalnimada in hogaamiyayaasha Catalan ay ku dhawaaqaan madaxbanaani todobaadka soo socda,bale Spain waxa ay ku adkeysaneysa inay kasoo horjeedo arrintaasi. Mowqifka rasmiga ah ee Spain ayaa ah in aftididii ka dhacday Catalonia axadii lasoo dhaafay ay ahayd mid sharci daro ah, maxkamadaha Spainaa ay ku xukumeen sharci…

Read More

Maxkamad ku taalo dalka Turkiga ayaa xukun ku riday 40-Qof oo lagu helay danbi ah iney qorsheynayeen shirqool lagu dili rabay madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyib Erdodan intii lagu guda jiray Afganbigii dhicisoobay ee dhacay sanadkii la soo dhaafay.  31-Eedeysanayaal oo ay ku jiraan saraakiil sar sare ayaa midkiiba maxkamada ay ku xukuntay xabsi daa’in ,waxaana xukunka uu ka dhacay maxkamad ku taalo magaalada Magula ee dhacda Koonfur Galbeed dalkaasi Turkiga,sida ay qortay Wakaalada Wararka ee sida gaar ah loo leeyahay ee Dogan. Magaalada Magula ayaa ah magaalo loo tamashleyn tago halkaasi madaxweyne Erdogan iyo qaar ka mid ah qoyskiisa ay si…

Read More

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow xil ka qaadis ku sameeyay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Muumin oo loo yaqaano Siraaji, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Maaliyadda.   Kulanka khamiislaha ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa xilka looga qaaday Xisaabiyaha Guud, waxaana lagu magacaabay Xisaabiye Guud oo cusub.   Xisaabiyaha Guud ee Cusub ayaa loo Magacaabay Haweeney la yiraado Faadumo Cusmaan Faarax oo horay Bankiga Dhexe uga soo shaqeysay. Xisaabiyaha Guud Mr Siraaji ayaa muddo la hadal hayay in xilka laga qaadayo.   Golaha Wasiirada ayaa horay xil ka qaadis ku sameeyay Mas’uuliyiin xilal hayay, waxaana ugu dambeeyay Hanti…

Read More

Reer Koonfur Galbeed Fadaraal ayaa tihiin, Soomaaliya Fadaraal ayay qaadatay, waxaa la rabaa inaan labo gacmood ku qabsatiin, dad ayaa ku fikiraya in Fadaraalka la baabi’iyo maamulada la dumiyo”ayuu yiri Shariif Xasan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/vlPGOQ0wV4Y

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Gudoomiyay kulanka khamiislaha ah ee golaha Wasirada. Labada Madaxweyne ku xigeen ayaa Madaxweynaha kala qayb galay shirkan oo ahaa mid caadi ah oo kamid ah kulamada Todobadlaha ah ee Xukuumada Jubbaland. Golahu wuxuu Madaxweynaha ka dhagaystay halka ay marayso siyaasada dalka iyo marxaladahii ugu danbeeyay isagoo dhinaca kale warbixin ka siiyay sida uu u socdo dadaalka loogu jiro qabsoomida shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada ee lagu dhamaynayo khilaafka ka dhex curtay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe ee Federaalka ah. “Shirkan wuxuu muhiim u yahay Soomaaliya waxaan go’aan sanay intii…

Read More

Shacabka Puntland wuxuu rumaysan yahay in aanay jirin cid hortaagan mashruuca horumarineed oo Puntland laga hirgalinayo haddii aanay caqabado kale jirin. Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa jiray Magaalada Bosaaso buuq hareeyay oo ku saabsan ballaarinta dekedda Bosaso oo sabababay in howshii hakad gasho, sababaha soo socda Dartood. Ugu horrayn goobta wax laga dhisaayo shacabka deriska la ah maamulka Puntland waa dhayal-saday wax shirar iyo wacyi gelin midna lama yeelan, si loola socod siiyo ahmiyadda Mashruucu u leeyahay dalka iyo dadka Puntland. Arrintaasna eedeeda waxaa la saaray Madaxda dowladda Puntland oo dareenkaasu ka maqnaa. In aan (timir ba laf laga filan)…

Read More

“Asc, Dhamaantiin xili kasta iyo meel kasta oo aad kala joogtaan. Qoraalkani wuxu ku socdaa Saxibkay xildhiban Ahmed Moalin Fiqi, Waxan dhageystay Waraysi aad bixisay oo fasiraado kala duwan laga bixiyay, balse inta badan bulshadu u fasirtay hanjabaad ku socota Madaxweyne Farmajo iyo Faan ahaa in Beeshaadu dumisay Dowladi kacaanka. Hadiiba shacabka soomaaliyeed Iska ilaaway cidii masuulka ka ahayd Dagaalkii sokeeye looma baahna in Dadka somaliyeed la xususiyo xiligii adkaa ee lasoo maray iyo cidii masuulka ka ahayd mana jirto cid mahadisay oo ka faaiiday. Arinta Galmudug iyo Guud ahaan Dowlad Goboleedyada waa Danbi Qaran hadii leysku dayo in la…

Read More

(Maxay Puntland uga duwan-tahay maamullada kale?). Waxaan arkay warar la daabacay oo warinaya in ay jiraan shaqsiyaad ka shaqaynaya burburinta Puntland! Markaan dhugtay warka noocaas ah ayaa waxaa maskaxdayda kusoo dhacay in aan qadiyadaas wax ka qoro. 1- Marka hore waxaan aaminsanahay in Puntland tahay dowlad gaamurtay oo ay u dhammaystiranyihiin Hay’adihii Dowligi ahaa, gu’ahaanna 19 sano jirsatay. Kuwa qaba walwalka iyo in shaqsiyaad lacag la siiyay haddiiba ay jiraaan ay Puntland dumin karaana, waxaan qabaa kuwaasi Puntland ayay gef u gaysteen, ee cadow kama aysan dhicin! 2- Puntland waxay leedahay ciidan u gaar ah oo ay muushaarka siiso,…

Read More

Wafti uu hogaaminayo Madaxweyne xigeenka Dawlada Puntland Eng Camey ayaa goor dhawayd gaaray Dalka Zambia.   Jaaliyada Puntland ee Zambia ayaa si weyn ugu soo dhawaysay garoonka Diyaaradaha Caasimada Dalkaas ee Lusaka.   Madaxweyne Camey ayaa booqasho ugaar ah ku tagay dalkaas,waxaana la filaya in uu ku sugnaandoono ilaa mudo Todobaad ah.

Read More

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa fiidnimadii xalay waxay toogasho ku dileen hal qof oo shacab ah, waxaa kaloo weerarkaas ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Saldhiga Baalade ee magaalada Boosaaso Laba-xidigle Cabdiraxmaan Barre Saalax iyo nin shacab ah. Weerarkan ayaa wuxuu ka dhacay goob lagu shaaheeyo oo ku taalla isgoyska Afar irdood ee magaalada Boosaaso. Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadaan. Kooxda Daacish ayaa sheegtay in ay weerarkaas iyagu gesteen,hoos ka dhagayso codka. Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan

Read More

Waxaa wali socda qabanqaabada shirka wadatashiga Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ee Kismaayo.   Shirka oo la filayay in uu maanta oo Arbaco ah furmo ayaa dib u dhacay ilaa Axada,   Dib udhaca shirka ayaa waxaa kalifay khilaafka wali ka taagan Maamulka Cadaado,iyadoo laysku afgartay in wakhti la siiyo xalintiisa.   Arimaha ugu waa weyn ee shirkna looga xaajoonayo ayaa waxaa ugu muhiimsan:-   1. Horumarinta Xiriirka u dhexeeya Dowlad Goboleedyada sida Iskaashiga Amniga, Ganacsiga iyo Daris-wanaagga.   2. Xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga u Dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayadoo loo marayo Dastuurka Dalka.  …

Read More

Rex Tillerson oo ah xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka oo todobaadkan hadalheyntiisu badnayd ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo dhawr ah.   Waxaa ka mid ahaa in uu si xoog ah u beeniyay warar warbaahinta kusoo baxay oo ku saabsan in uu is casilayo kadib markii ay is qabteen madaxweyne Donald Trump.   Tillerson ayaa teegeero mug leh siiyay siyaasadaha madaxweyne Trump, wuxuuna sheegay in uu xilka sii hayn doono illaa inta madaxweynaha uu ku kalsoonyahay shaqadiisa.   Madaxweyne Trump ayaa todobaadkan fariimo uu Twitter-ka soo dhigay waxa uu ku canaantay Tillerson, kuna yiri “Tillerson waqtiga ha…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Gaaray Khartuum Suudaan. Madaxweynaha soomaaliya maxamed Cabdulahi farmaajo iyo waftigiisa ayaa hada ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada khartuum.   Booqashada Madaxweyne Farmaajo ayaa qaadan doonta muddo labo maalmood ah, waxaana soo dhoweynta madaxweynaha qeyb ka qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Suudaan.   Madaxweynaha ayaa intuu ku sugunyahay dalka suudaan aya kulamo la.qaada doona dhigiisa dalkaas Labada madaxwayne ayaa kulankooda uga wada hadli doono xoojinta xiriirka labada dal,waxbarashada, dhaqaalaha, xanaanada xoolaha,beeraha,isboortiska taasoo sii xoojin doonta xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan .   Waa safarkii ugu horeeyay uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi…

Read More

Laba todobaad ka hor ayey ahayd markii mid kamid ah Wasiirada Puntland xilkii laga qaadey kadib markii uu aragtidiisa ka dhiibtey sarkaalkii ONLF ka tirsanaa ee Dowladda Federaalka gacanta u gelisey Itoobiya.   Cabdiraxmaan Gurxan ayaa shaqadiisi ku waayey fikir uu dhiibtey isla markaana sheegay in uu yahay kan Puntland. Digreetada shaqada looga cayriyey waxaa soo saarey Madaxweyneku-xigeenka Puntland oo markaas ahaa ku-simaha Madaxweynaha, maadaama Dr. Cabdiweli Cali Gaas ku maqnaa gudashada waajibaadka xajka.   Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo Muqdisho safar ugu baxay maalintii shalay ee Talaadada, ayaa ka horyimid go’aankii Madaxweynaha Puntland uu ku soo…

Read More

Olalahan oo si Iskooda ay isugu xil qaameen Dhalinyarada Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa si wanaagsan oga socda Halkaasi, iyagona Howlo Kala duwan Qabta, Howlaha samafalka ah ee ilaa hadda u qabsoomay waxaa kamid ah Nadiifinta Magaalada, oo ay ka hortagayaan Cuduro ka dhalan kara Roobabkii dhawaan ka da’ay halkaasi, Umulkheyr Axmed Cawad Oo Ah Hormuudka Dhalinyaradan ayaa uga warantay saxaafada waxyaabaha ilaa iyo hadda u qabsoomay, iyadoona baaq u dirtay Dhalinyarada kale ee Magaalooyinka Puntland, Waxey sheegtay in waxyaabihii ku dhaliyay Qorshahan ay aheyd fikir ay muddo ku haminaysay, islamarkaana ay dhalinyarada magaalada ku gacansiiyaan sidii loo hirgalin…

Read More

Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu Magcaabay Xeer Madaxweyne Lr-105 October 03 2017, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dawladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha. Madaxweynaha Dawladda Puntland: Markuu Arkay:                     Dastuurka Dawladda Puntland Markuu Arkay:                     Aqoontooda, kartidooda iyo waayo’aragnimadooda shaqo. Wuxuu Xeeriyey: Waxaa Maxamed Cali Nuur (Juba) loo magcaabay Agaasimaha Guud ee                    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.   Waxaa Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor)  loo Magcaabay Agaasimaha Guud ee             Wasaarada  Shaqada, Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.…

Read More

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 04 October 2017 gudoosiiyey shahaado sharaf iyo abaalmarin kale ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Bari iyo PMPF ee cidamada badda Puntland, waxaana ay ciidanka ka koobnaayeen saraakiil, saraakiil xigeeno iyo dabley oo tiradoodu dhammayd 64 askari. .Munasibadda abaalmarinta ciidanka oo ka dhacday Madaxtooyada Boosaaso ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, Taliyaha ciidanka qalabka sida ee dawladda Puntland Sareeye Guud Saciid Maxamed Xirsi, taliska qaybta gobolka Bari, saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska gobolkaasi iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04 October 2017 kormeeray kawaanka xoolaha ee magaalada Boosaaso oo laga hirgeliyey dhismihiisa magaaladaasi. Kormeerka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland. Kawaankan oo ah mid casri ah ayaa waxaa iska kaashaday dhismihiisa xukuumadda dawladda Puntland, dawladda Talyaaniga iyo hay’adda FOW ee qaramada mudiibey, waxaana kawaankani lagu diyaarin doonaa hilibka xoolaha sida Gella, Adhiga iyo Lo’da oo loo diyaarin doono si casriya, isla markaana waxa uu ka kooban yahay kawaankani qaybtii qalliinka xoolaha, qaybtii diyaarinta…

Read More

Madaxweynaha J. F. S. Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” iyo wafti uu hogaaminayey ayaa goor dhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, isaga oo ku sii jeeda dalka Sudan.  Madaxweynaha ayaa la filayaa in marka uu gaaro Sudan uu kulamo la qaato madaxda dalkaasi. iyaga oo ka wada hadli doona iskaashiga labada dal iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Waxbarashada. Madaxweynaha Soomaaliya waxaa safarka uu ku aaday Sudan ku wehlinaya xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Booqashada madaxweynaha ayaa la qorsheeynayaa iney qaadato muddo labo maalin ah, waxaana lagu…

Read More