Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sacuudiga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee dib u dhiska dalka, gaar ahaan deeqda 50-ka Milyan ee dollar oo ay soo gaarsiisay Dawladda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa Boqortooyada Sacuudiga oo waqtigan baahida loo qabo noogu deeqday 50 milyan oo dollar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa sida dalka aan wallaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u daneynayso ka qeybqaadashada dib u dhiska dalkeena.” Booqashadii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu dhowaan ku tagey boqortooyada Sacuudiga ayaa aheyd…
Author: Jibril Qoobey.
Wuxuu ahaa weerarkii ugu xumaa taariikhda casriga ah ee Maraykanka, waxaana lagu dilay 59 qof , 500 kalana waa lagu dhaawacay. Kadib weerarka ayaa waxaa isoo taraya xogaha ku saabsan ninka dilkan geystay oo ah nin caddaan ah oo lagu magacaabo Stephen Paddock, oo 64 jir ahaa. Paddock waxaa la sheegay in uu ahaa nin ladan oo xisaabiye hore ahaa, islamarkaasna haystay shatiga duuliyenimada, iyo shatiga ugaarsiga, mana lahayn wax diiwaan hore oo dambi ah. Balse qof mar daris la ahaan jirey ayaa sheegay in uu qof qamaarka aad u ciyaara, islamarkaasna dhaqamadiisa ahaayeen kuwa aad loola…
Nin Soomaali ah oo qaxooti ku ahaa Canada ayaa lagu oogay dacwad ah in uu geystay shan fal dembiyeed oo uu ka mid yahay iskuday dil. Ninka ayaa lala xiriirinayaa weerarkii Sabtidii ka dhacay magaalada Edmonton ee gobolka Alberta. Cabdullahi Xasan Shariif oo 30 sano jir ah, wuxuu sidoo kale wajahayaa in si halis ah uu gaari u kexeeyay iyo in uu hub haystay. Shan qof, oo uu ka mid yahay askeri boolis ah oo shaqo ku jiray, ayaa ku dhaawacmay weerarka. Maamulka ayaa sheegay in ninkan laga shakisan yahay uu sidoo kale wajahayo dacwado la…
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si kooban uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee xilligan ka taagan waddanka Soomaaliya. Farmaajo oo ka hadlay munaasabad uu ku saxiixay sharciga isgaarsiinta dalka ayaa sheegay in xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ay mas’uul ka tahay arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Sharciga isgaarsiinta ee uu maanta saxiixay madaxweynaha ayaa waxaa dhowaan ansixiyey baarlamaanka Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka 1aad https://youtu.be/v95PK9tyA5I Halkan ka daawo muuqaalka 2aad https://youtu.be/2c_kC3dJTtw
Isku soo bax Nabadeed ay dhigeen ardayda wax ka barata Iskuulada Ku kala yaala Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo. Ardaydaan ayaa Ku dhawaaqayay ereyo ay ku dhiirigalinayeen midnimada iyo Wadajir dadka reeer Gaalkacyood,hoos ka daawo muuqaalka Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/NZZscLiSWX4
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 02 October 2017 magaalada Boosaaso xadhiga kaga jaray suuq ganacsi oo casri ah oo magaaladaasi laga hirgelyey. Xadhig jarka suuqani cusub ee New Bosaso Market ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, taliska qaybta gobolka Bari iyo qaar kamid ah bulshada rayid ka ah ee magaalada Boosaaso. Madaxweynaha ayaa ugu horayn boqaadiyey cidkasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta suuqani cusub gaar ahaan dawladda Jaban oo bixisay kharashka ku baxay mashruucani iyo weliba hay’adda UNOPS…
Afhayeenka Wasaarada amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Maxamuud Sayid Carab oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ciidmada amaanka ee dawladda soomaliya ay laba jibaareen hawlagalada ay kawadaan gudaha magaalada muqdisho kaasi oo ay ku shegeen inay ku baacsanayaan koox ay ku tilmaaameen in ay yihiin Argagixiso. Shacabka Soomaaliyeed ayaa laga dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidmada Hawlgalada ka sameynaayo gobalkaan Banaadir degmooyinka uu ka koo-banyahay oo mudooyinkii ugu danbeeyay ay ka dhacayeen falal amaan daro ah. Afhayeenaka ayaa intaasi sii raaciayay hadalkiisa in ciiidamdu qudhooda laga doonayo in ay u dhimriyaan shacabkooda islamarkaana uu dhex maro wada shaqeyn wacan,hoos…
Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Gudaha Garoonka Magaalada Gaalkacyo lagu dilay Taliyihii Ciidamada Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo Col. C/salaan Sanyare Cowke iyo Askari kale oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Garoonka. Dilka ayaa la sheegay inuu geystay Askari ka mida Ciidamada Puntland ee Ilaaliya Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo,waxaana Askarigaas uu Rasaas ku furay Taliyaha Dhintay iyo Ciidamo la socday,iyadoo Rasaastu ay sababtay in ay ku dhintaan Taliyihii Ciidamada Garoonka Gaalkacyo ee Puntland iyo Askari kale,waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo ka mida Ciidamada Puntland. Illaa hadda lama oga Sababta keentay Dilka uu Askarigu u…
Booliska magaalada Edmonton ee dalka Canada ayaa sheegay in ugu yaraan shan qof oo uu kujiro sarkaal katirsan ciidammada booliska lagu dhaawacay weeraro loo maleynayo inay yihiin fal argagixiso. Weerarka hore ayaa waxaa la sheegay in nin watay baabur uu jiirsiiyay saldhig ay leeyihiin ciidammada booliska, kahor inta aanu toori ku weerarin askartii halkaasi joogtay. Ninkan oo aan heybtiisa la aqoonin ayaa ka baxsdaay goobta. Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in calanka madowga ee lagu yaqaano kooxda isugu yeerta khilaafada islaamka ee Daacish lagu arkay goobta uu weerarka ka dhacay. Saacad kaddib baabur nooca baska oo xowli…
Xogahayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi aysan diyaar u ahayn xal u helidda khilaafka ka taagaan hanashada nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi. Xogayhaya ayaa hadalkan shaaca ka qaaday isaga oo ku sugan caasimadda dalka China ee Beijing, waana markii u horaysay ee tan iyo intii ay soo cusboonaatay xiisadda Kuuriyada Waqooyi uu ka hadlo. Waxaana uu saxaafadda u sheegay inay jiraan wadahadallo dhex maray labada dhinac, waxana uu sidoo kale tilmaamay inay ilaa imika jiraan ugu yaraan saddex qaab oo ay labada dal ku xidhiidhi karaan oo wali furan.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Xaaf,ayaa lagu sheegay in uu Xaalad Deg Deg ah ku soo rogay Degaamada Maamulkaas ka arimiyo oo Maalmahaan ay ka jirtay Xiisad dagaal. Halkan ka akhriso:-
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/wHzP6jwhk5U
Wasiirka Amniga ee dawlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa sheegay in xilkii laga qaaday Taliyayaashii Booliiska iyo Nabadsugidda ee degmada Xamarweyne kadib kadib dilkii maalintii Arbacada ka dhacay magaalada Muqdishu ee loo gaystay xubin ka tirsan mas’uuliyiinta ururuka Haweenka Canab Cabdullaahi Xaashi iyo wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaalida Batuulo Axmed Gaballe,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/bP3xFV0CW2I
Xildhibaanada xilka ka qaaday guddoomiyaha baarlamaanka ayaa tiradooda lagu sheegay 52 Xildhibaan, halka madaxweyne ku-xigeenka la sheegay Isagana in ay xilka ka qaadeen 49 Xildhibaan , labo xildhibaan ka aamustay, 1 xildhibaan uu diiday, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka Xareed Cali Xareed Arrintan ayaa u muuqata mid uga sii dareysa khilaafkii siyaasadeed ee markii horeba ka jiray maamaulka cadaado ee aans harciyada buuxin, maadaama horay sidan oo kale xildhibaanno ugu shiray Cadaado ku dhawaaqeen in ay xilkii ka qaadeen madaxweyne Xaaf. Xildhibaannada xilka ka qaaday madaxweynaha ayaa maanta uga dhawaaqay Cadaado guddi sida ay sheegeen ka…
Maalmihii u danbeeyey waxaan warbahinta ku aragnay/maqalney shirar lagu qaqbtay Boosaso oo looga soo horjeedo heshiiska DP World ay kula wareegayso Dekadda magaalada Bossaso. Haddaba aniga oo si guud iyo hooseba ula socday habkii heshiiskani kuyimid iyo asalka cabashoyinka hadda jira, ayaan go’aansaday inaan qoralkan kasameyo. Qormadan waxaan ku soo koobi su’aalaha hoose. P&O ama DP World sidaad u taqaanba, waa shirkad noocee? Heshiiska ay kula wareegtay dekada Boosaso nuxurkiisa? Cabashada hadda taagan maxay salka ku haysaa? Gunaanad iyo Xalka Shirkada DP World Shirkadda DP World waxa laga leeyahay dalka Isutagga Imaradka Carabta, waxa ay ka howlgashaa in kabadan 40…
09/30/2017- Masuuliyiintii waxbarashada gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacyo ayaa xilalkii laga qaaday sidoo kale Labo dugsi sare oo ka shaqayn jiray gobolka mudug buuxina waayey shuruudaha dugsiga sare ayaa aqoonsigii wasaarada lagala noqday. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, ka dib markii uu wareystay Guddigii kormeerka ahaa ee loo diray Gobolka Mudug, ka dib markii uu la tashay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, ka dib markii uu arkay baahida loo qabo tayeynta waxbarashada ee Wasaaraddda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare ayuu go’aansaday in uu sameeyo xil ka qaadis iyo magacaabis ku meel gaar ah. Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday waxaa ka mid…
Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo ka hortagga Dembiyadda Badda Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay inay joojiyeen guryo ay damacsanaayeen inay burbiyaan, wuxuuna eedaha ka imaanaya Xildhibaanada Federaalka ku sheegay inay yihiin kuwo salka ku haya arrimo siyaasadeed,hoos ka dhagayso codka Wasiirka. Halkan ka dhagayso codka Wasiir Siciid Raage
Dowladda Turkiga ayaa maanta si rasmi ah xarrigga uga jartay saldhig militari kii ugu weynaa ee ay Turkiga dibaddiisa ku yeelato, kaas oo ay ka dhistay magaalada Muqdisho. Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga, Hulusa Akar oo xafladdii furitaanka ka qeyb galay ayaa si wada jir ah saldhiggan xarigga uga jaray. Munaasabad xarig-jarka waxaa lagu qabtayg saldhiga oo ku yaalla deegaanka Jaziira, waxaana Munaasabadaas sidoo kale Goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka, iyo diblomaasiyiinta dalalka shisheeyaha. Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa sheegay in talaabadani ay…
Dadka la nool Virus-ka HIV ee kunool Puntland oo dalad ka shaqaysa Daryeelkooda samaystay,isla markaana doortay hogaamiye u olaleeya xuquuqdooda. Madaxweyne Camey ayaa kala qaybagalay dadkaas la nool Virus-ka HIV furitaanka Daladooda iyo xarunteeda ee Magaalada garowe. Waa horumar kale oo soo siyaaday dhiirigalinta iyo garab istaaga iyo waliba tusida in ay bulshada qayb ka mid ah yihiin Dadka qaba Xanuunkan ayaa ah talaabo horay loo qaaday. Waxaa xusid mudan in dadkaas ku dhiiradeen in ay banaanka usoo baxaan oo aysan qarsan xanuunka iskuna arkaan qayb bulshada ka mid ah oo mudan in la caawiyo,hoos ka daawo muuqaalka. …
Sida la wada ogsoonyahay dowlada puntland ee somaliyed waxaa la asaasay sanadku markuu ahaa 1998 dii,markii ay dawladii dhexe burburtay dalkana uu dagaal sokeeye ka dilaacay waxaa somaliya si daran u saameeyay burbur,kala go’go iyo fawdo waxaana la waayay oo meesha ka baxay hanaankii dawladnimo iyo dareenkii wadaninimo waxaana si dhab ah u suulay astaamihii qaranimo ee uu lahaa wadanka somaliya waxaana luntay gabi ahaanba sumcadii iyo sharafkii ay ku lahayd somaliya dawladaha caalamka. Dagaaladii sokeeye ee wadanka ka qarxay waxay shacabkii badeen qax iyo barakac aad u wayn waxaa muuqatay rajo xumo ku aadan midnimadii, qaranimadii iyo soo…
Ciidamada Amaanka ee Dowladda Kenya ayaa Waxaa uu Sheegay in Xiligan ay ka cabsi qabaan in Al-Shabaab ay Weeraro ka geystaan Magaalada Mandheere ee gobalka Waqooyi bari e dalka Kenya. Shacabka ku nool Magaalada mandheere ayaa waxaa looga digay inay ka fiijignaadaan weerarada ay qorsheynayaan Al-Shabaab inay ka fuliyaan Magaaladaas. Waxaa Jirta Cabsi Badan oo laga soo sheegayo magaalo xeebeedyada dalka Kenya , kaasi ku aadan in Al-Shabaab ay Sii Balaariyaan Weeraradooda,Maadaama Magaalada Mandheere ay ku badan yihiin dadka ka yimaada dalalka ka baxsan Kenya . Magaalada Mandera ayaa Waxaa ay xuduud la leedahay Magaalada Baledxaawo ee Soomaaliya oo dhawaan…
Xog-hayihii Caafimaadka Dowladda Mareykanka Tom Price ayaa jagadii uu hayay iska casilay kadib markii uu la kulmay cadaadis xoogan oo ku aadan in diyaarado Khaas ah uu ku aaday safaro shaqo iyadoo la adeegsanayo lacagta dadweynaha. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aqbalay iscasilaadda xoghayihiisa caafimaadka Tom Price kaasi oo ay ku cadaatay eedeymaha loo so jeediyey. Donal Jey Trump oo ka hadlayay dhacdadani ayaa muujiyay in uu aad uga xumaaday ficilka wasiirkani,isagoo tilmaamay isticmaalka diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee wasiirkan in aysan la jaan qaadeyn ballanqaadyadii Trump ee xilligii uu ku jiray ololaha doorashada, taasina keentay in wasiirka uu waayo…
Madaxweynaha Soomalaiya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa inuu xarigga ka jaro Saldhigga Milateri ee Turkiga ka dhistay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu tababarayo Ciidamada Soomaaliya. Sida ay sheegayaan wararka Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Ciidamada Milateriga Turkiga Gen. Halusi Akar oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa la sheegay inay si wadajir ah ay u furi doonaan saldhigga milateri ee uu Turkiga ku tababari doono Ciidamada Soomaaliya. Munaasabadda furitaanka Saldhigga ayaa waxaa lagu casuumay Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya, Saraakiil ka socda AMISOM, Midowga Yurub iyo NATO. Saldhiggan ayaa noqon doona kii u horeeyay ee Turkiga ka…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/CJQgr3fW_mU
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/6CpadHFYtYA
Faah-faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaya weerar saakay aroortii ay kooxda argagixisada Al-Shabaab ku qaadeen saldhig maleeshiyo taabacsan dowladda fadaraalku ku lahaayeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose, Labo weerar oo is qarxin ahaa oo loo adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray saldhigga ciidan, waxaana xigay iska hor imaad toos ah. Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen rasaas culus iyo madaafiic ay labada dhinac isu adeegsanayeen, iyadoo dagaalka uu muddo saacado ah socday. Wararka ayaa sheegaya in tobaneeyo ruux oo u badnaa ciidamadii la weeraray lagu dilay dagaalka, halka tiro kalena ku…
INNAALILAAHI WAA INNA-ILLAAHI RAAJICUUN WAXAA 28-09-2017 KU GEERIYOODAY MAGAALADA JIGJIGA MARXUUM ADVOCATE CABDULLAAHI AXMED XAASHI (TURKI) OO AHAA GUDDOOMIYIHII MAXKAMADDA GOBOLKA BANADIR XILLIGII DOWLADDII DHEXE EE SOOMAALIYA Waxaana halkan tacsi ka diraya dhammaan Ehelka kala ah: Cabdi Maxamad Tarrax Ambassador Cabdulqani Muxumad Waceys Col. Zubeer Cabdilkariim Boorle Col. Nuux Maxamad Axmed Isaakh Sadiiq Xasan Cali Buraale Xildhiban Bashiir Axmed Cawar Maxamad Xasan Geelle Xuseen Beynax Barre Xuseen Xasan Geelle Eng.Shariif C/naasir Shariif Maxamad Shariif Muhdi Cabdicasiis Xaaji Cabdullaahi Qorraxeey Yuusuf-mahad Maxamad Aadan Xasan Xaaji Barre Bashiir Suldaan Maxamuud Heybe Dr.Asad Suldaan Maxamuud Heybe Yuusuf Suldaan Maxamuud Heybe Muxumad Suldaan Maxamuud Heybe Maxamad Cabdi Adar-Gows Maxamad Cabdi Xasan…
Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo maalmahan dalka dibadiisa ugu maqnaa ka qaybgalka kulanweynihii Qaramada midoobey ee New York,ayaa dib ugu soo laabtay dalka. Khayre ayaa shir saxaafadeed uu qabtay kadib soo laabashadiisa kaga hadlay arimo dhawr ah,kuwaasoo ay ugu horeeyaan arimaha amaanka ee dalka,gaar ahaan xarunta dawlada fadaraalka ee Muqdisho. Khayre ayaa sheegay in la kordhinayo qorshaha Howlgalka Xasilinta, kaasi oo lagu nabadeynayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Waxaa uu sheegay in mar walba nabad-galyada ku xiran tahay sida ay u wada shaqeeyaan ciidamada shacabka hadafkana uu yahay in magaalada iyo dalka oo dhan la nabadeeyo. ‘’Shacabka…
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii ku heshiiyay in la riixo abuuritaanka aag ka caagan xasaradaha oo laga hirgelinayo gobolka muhiimka ah ee Idlib ee waqooyiga Suuriya. Hadafka arrintani ayay madaxdani ku sheegeen sidii loo dhameyn lahaa dagaalka sokeeye ee Suuriya. Kadib marki ay dhamaadeen wadahadalada labadani hogaamiye, ayuu madaxweyne Erdogan ka sheegay magaalada Ankara in Turkiga iyo Russia ay doonayaan inay ka dhabeeyaan dhameystirka qorshahani. Heshiiskan ayaa loo arkaa inuu tallaabo weyn oo horay loo qaaday u yahay bilowga wadahadalo nabadeed oo lagu soo dhameynayo colaada sokeeye ee Suuriya. Gobolka Idlib waxaa hadda…
Guddoomiyaha Golaha shacabka JFS Soomaaliya Maxamed Sheekh cismaan jawaari iyo wafti uu hogaaminayo oo barqadii maanta gaaray Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Maser,ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Qaahair kusoo dhoweeyey masuiliyiin ka tirsan Baarlamaanka Maser iyo madaxda safaaradda Soomaaliya. Waftiga uu hogaaminayay Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ka kooban xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka waxaa kusoo dhoweeyay garoonak Diyaaradaha ee Qaahiram masuuliyiin uu ugu horeeyo Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Barlamaanka Masar Maxamuud Shariif iyo xog-hayaha guud ee Baarlamaanka dalkaas,sidoo kale waxaa soo dhaweynta waftiga Jawaari qayb ka ahaa ku xigeenka safaaaradda Somalida ee Dalka Masar Ilyaas Shiikh…
Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Turkiga Hulusi Akar iyo wafdi uu horkacayo ayaa goordhow ka soo degay Garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Waxaa wafdigan si diiran ugu soo dhoweeyey garoonka Aadan cadde Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Geeddi iyo saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Danjiraha Turkiga u fadhiya Somalia Ambasador Olgan Baker. Waxaa wafdigan loo galbiyay xarunta Safaaradad Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, halkaasoo ay kulamo uga socdaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Socdaalka taliyaha ayaa la sheegay iney hordhac u tahay wafdi Ballaaran oo ka socda…
Waxa uu sheegay in Arbacadii ay hal meel isugu keenayn Madaxweyne Xaaf iyo Gudoomiye Ku xigeenka 1-aad Baarlamaanka oo isu dhinac ah iyo Madaxweyne Ku xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiye Ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo dhinaca kala ahaa, ayna ku guuleysteen inay wada heshiisiiyan, sidoo kalena ay u sameeyen khariirad ay ku wada shaqayn karaan, si khilaaf dambe oo dhexdooda ah aanu u imaan. Wixii lagu heshiiyay si loo dhaqangeliyo, ayuu sheegay inay diidmo kala kulmeen Madaxweyne Ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), oo soo istaagay inuu yahay Madaxweynaha maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado ,hoos ka daawo muuqaalka.…
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellasda Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dawladda Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Bariirre. Mas’uuliyiinta Gobolka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay adeegsadeen baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kadibna maleeshiyo hubaysan ay weerareen saldhigga. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inuu dhacay dagaal laba wareeg ahaa oo qaraar oo u dhexeeya ciidamada dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabab. Saldhigga Bariirre ayaa ciidamada dawladdu ay Al-Shabaab ka qabsadeen bishii Ogosto, waxaana weerarkan imanayaa iyadoo ciidamada dawladda isku diyaarinayeen inay isku ballaadhiyaan meelo kale. Hoobiyaal ayaa sidoo kale la sheegay in Al-Shabab ay kusoo rideen saldhigga…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/-4IDZwZn3gA
Kulanka oo ka dhacay xarunta dawlaad hoose ayaa waxaa soo qaban qaabiyey wasaradda Dekadaha Puntland ,Maamulka gobolka Bari, iyo kan degmada Bosaso. kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa ahaa sidii bulshada reer Puntland faa-faahin looga siin lahaa qaabka loo ballaarinayo dekadda magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari. Waxaa ka soo qeyb galay kulanka maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso madaxda wasaaradda dekadaha iyo bulshada qeybaheeda kale duwan,hoos ka daawo muuqaaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/pqevHAAoIp0
Shirka Horumarinta iyo Qorsheynta magaalada Garowe oo socday muddo 3 maalmood ah ayaa maanta soo xirmay, waxaana ka qeybgalay dhamaan xaafadaha magaalada,Dowlada hoose,Wasaaradda Hawlaha guud, Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Wasaaradda Deegaanka,Hay,adda UN-habitat,World bank, Laamaha Amniga,Issimadda,Nabadoonada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan. Kulankaan waxaa soo qabanqaabiyay Dowlada hoose GAROWE oo gacan ka helaysa Hay,adda UN-habitat mashruuca JPLG, waxaana goob joog u ahaa khuburo uu ka mid yahay Madaxweynihii horre ee Dowlada Puntland Ahna mudane ka tirsan Aqalka sarre ee Dowlada Federalka Somalia. Shirka oo lagu gorfeynayay sidii nashqad loogu samayn lahaa mustaqbalka magaalada Garowe ayaa lagu go,aamiyay maareynta Qashinka iyo sidii loogu nashqadeyn lahaa…
Ugu yaraan todoba qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad 10 kalena wey ku dhaawacmeen qarax gabal dhicii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhaxeysa kaalin Shidaal iyo Bacadlaha Xamar Weyne. Qarax maanta ayaa ku soo beegmay iyadoo maalmihii u dambeeyay ay weeraro qorsheysan oo dad lagu dilay ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/tbNcqAQaPsM
War Murtiyeedkan ayay xildhibaanada iyo Senatarada ku sheegeen in Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle uu oggolaaday in wadahadal lagu xalinayo khilaafka uu la yeesho dhinacyada ka soo horjeeda balse Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay diideen in wax wadahadal ah la galaan Xaaf maadaama uu yahay qof kalsoonidii ay kala laabteen xildhibaanada maamulka Cadaado,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/PGvWAXN9EKg
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa wareysiga Uu Siiyay Barnaamijka Kulanka SBC Kaga Hadlay Arimo Xasaasi ah oo Ka Taagan xiligan Puntland iyo Soomaaliyaba. Gaar ahaana Arinta Dhismaha iyo La wareegitaanka Dekedda Boosaso ee Dowladda Imaaraadka Carabta, Nidaamka Asxaabta Badan ee Puntland, Kaluumeysiga Sharci darada ah, Sare U kaca Sarifka & Diidmada Lacagta Shilinka Soomaaliga, Wuxuu Sidoo Kale uu Ka hadlay Taageeradii uu Taageeray Xulufada sucuudiga ee Muranka Badan dhalisay, jahwareerka siyaasadeed ee Ka taagan Galmudug iyo Dhiibistii Saargaalkii ONLF ee Cabdikariin Sh. Muuse qalbi Dhagax,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka…
Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya,ayaa kulamo la qaatay madaxda dalkaas. Madaxweyne Farmaajo,ayaa ugu horaynba booqasho ugu tagay Qasrigiisa Boqor Salmaan,sidoo kale waxuu kulamo kale la qaatay dhaxal sugaha Boqortooyada iyo Wasiirka Arimaha Dibada. Kulankii ugu muhiimsanaa kulamada Madaxweyne Farmaajo uu la qaatay madaxda dalkaas ayaa waxuu ahaa kulankii uu la qaatay madaxa sirdoonka dalkaas. Wararka laga helayo kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo madaxa sirdoonka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegaya in uu ahaa kulankii ugu adkaa uguna muhiimsana, Arimaha Madaxweyne Farmaajo gacanta laga saaray ee looga digay lana…
Dhalinayarada Gobolka Mudug ayaa si iskood ah iskugu xilqaamay ka shaqaynta soo celinta bilicda iyo nadaafada magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka ah. Dhalinyaradan oo koox koox isku raacay ayaa wadooyinka magaalada ka guraya qashinka,isla markaana calaamadaynaya,iyagoo dib usoo nooleeyay calaamidihii hagi jiray Gaadiidka ee Taraafikada. Waa talaabo ay shacabka Mudug aad usoo dhaweeyeen,sidoo kale rajo galinaysa dhalinyarada ubadatay in ay kasoo tahriibaan dalka kadib markii ay ku adkaatay nolosha rajada ay qabaana ay sii yaraatay,hoos ka daawo muuqaalka dhilnyarada is abaabushay oo hawlgal soo celin biliceed bartanka uga jira. Halkan ka daawo muuqaalka 1aad https://youtu.be/LNWynIsy4ms
Warar ay isla dhexmarayeen maalmahan warbaahinta Somalida qaarkood,ayaa sheegaya in dhawaan Ra’iisal Wasaaraha Soomaliya Xasan Cali kheyre iyo wafti uu hoggaaminayo ay tagayaan magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Warka ayaa intaa ku daraya in Madaxweyne Farmaajo oo la qorsheynayey in uu booqdo magaalada Boosaaso uu ka baaqday,iyadoo booqashada Madaxweynaha ee Bosaso ay soo dhex gashay safarka uu ku aaday Boqortooyada Sacuudiga,waxaana hada dib loogu dhigay safarkiisa Puntland bisha Oktoobar ee Sanadkan sida warkan sheegayo. Waa markii labaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ka baaqdo Safar uu ku gaaro Puntland tan iyo markii la doortay,safarkiisii hore ee u ka…
Waxa la sheegay in wiilka Donald Trump sodogga u yahay ee Jared Kushner uu diiwaangelintii doorashada isku qoray inuu yahay gabadh. Waraaqihiisa ku jira faylasha gudida doorashooyinka ee gobolka New York ayaa muujinaya in ay u qorantahay “dheddig”, waxaana sidaa muujinaya sawirro laga soo qaaday waraaqahaas oo warbaahintu faafisay. Sawirrada waraaqahaasi waxay muujinayaan in Kushner, oo la taliye sare u ah madaxweynuhu, in uu isu diiwaan geliyey inuu cod bixiye noqdo bishii Noofember 2009. Jared oo ahaan jiray nin ka shaqeeya maalgashiga guryaha ayaan ilaa hadda ka hadal warkan, waxaana muuqata in aanay caddayn sababta khaladkaasi u…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo safar shaqo ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa la kulmay Boqor Salmaan Bin Cabdi Casiis. Madaxweynaha oo qado sharaf loogu sameeyay Qasriga Nabadda ee magaalada Jeddah ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga. Madaxweynaha waxay ka wadahadleen Boqorka iyo Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sucuudiga xoojinta xiriirka labada dal,iyadoo ay ugu muhiimsanaayeen arimihii ay kawada hadleen:- B.Maalgashiga, T.Iskaashiga Ganacsiga J.La dagaallanka xagjirnimada, X.Dhismaha iyo tayaynta Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya Kh.Mashaariic horumarineed oo ay dowladda Sucuudigu ka fulineyso Soomaaliya. D.Qadiyada haatan…
War saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayaa illaa amar dambe lagu joojiyay duulimaadyada ka imaanayay Muqdisho, marka laga reebo kuwa hey’adaha sama falka iyo diyaaradaha u socda AMISOM. Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka maamulka Cadaado, Wasaaradda Amniga iyo Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay in la joojiyay duulimaadyada ka imaanaya Muqdisho. Arrintan ayaa ka dambeysay, markii ay soo baxday in wafti ka socda Xukuumadda Soomaaliya ay maanta oo Khamiis ah ku wajahan yihiin Cadaado. Madaxweynaha Xaaf ayaa ku tilmaamay imaanshahooda in uu ka dhalan karo dhibaato dhanka ah Amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada ah. Markii si…
Waxaa magaalada Garowe lagu soo dhaweeyay Wasiirka Maaliyada Dawlada Fadaraalka Somaliya Dr Abdirahman Beyle iyo wafti uu hogaaminayo. Waftiga Wasaaradaha Maaliyada Fadaraalka ayaa garoonka ksuoo dhaweeyay Wasiirka Maaliyada Puntland Dhaqaaje iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Puntland. Waxaa shalay ka furmay Xarunta Wasaarada maaliyada Puntland shir hor dhac ah oo qayb ka ah shirweynaha Wasaaradaha Maaliyadaha Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraaalka iyo Wasaarada Maaliyada ee heer Fadaraal ,kaasoo looga arinsanyo sidii loo midayn lahaa nidaamka canshuuraha dalka. Wasiir Beyle ayaa shir gudoomin doona shirkaas oo maanta si rasmiya ufurmaya.
Wasiirka aminga dowladgoboleedka Puntland Axmed C/alahi Yusuf ayaa maanta kormeeray saldhigga bartamaha Bosaso, Dekedda magaalada iyo garoonka diyaardaha, wasiirka ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee maxaabiista ku jira xabsiga saldhigga bartamaha iyo ciidamada. Wasiirka Amniga Puntland intii uu kormeerka ku guda jiray waxaa uu la kulmay saraakiisha garoonka diyaaradaha Bosaso, waxaana uu ka waraystay halka shaqadu marayso iyo waxyaalaha garoonka iska bedelay tan iyo markii xarigga laga jaray. Wasiirka ayaa sidoo kale booqasho ku tegey dekeda Boosaaso oo aad mashquul u ahayd wuxuuna sheegay in ciidamada saldhiga dekeda laga doonayo iney xoojiyaan amniga marsada Boosaaso oo halbawle u…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” ayaa maanta u amba baxay dalka Boqortooyada Sucuudiga. Safar shaqo oo qaadanaaya muddo labo maalmood ah ayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey safarka Madaxweynaha, waxa uuna sheegay in safarkan shaqo ee madaxweynaha uu dabo socdo safarradii hore ee u ku tagay dalkaas kuwaas oo lagu xoojinayey dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga. Safarkan waxaa ku weheliya Madaxwenaha Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya xubno uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar. Safarka Madaxweyne…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/aVtwvb3oKtg
Gali Gacal Casir oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Madaxtooyada Cadaado ay ku xaniban yihiin, isla markaana saddex jeer loo diiday inay banaanka u baxaan. “Runtii Cadaado waxaa ka taagan arrin aad isugu cakiran oo aad loo abuurayo, aniga, Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka, xabsi guri ayaa nahay muddo todobaad ah”ayuu yiri Guddoomiye Cali Gacal Casir oo intaa ku daray in Madaxweyne Xaaf uu bixiyay awaamiirta xabsiga guriga looga dhigay. Waxaa uu sheegay inuu jiro mooshin ay diyaariyeen Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo qorshihiisa yahay in xilka looga qaado, waxaana uu ku tilmaamay in…
Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Dawaldda Puntland C/salaan Bashiir C/salaan oo daah furay kalan horfhaca ah oo ku aadan midaynta dhaqaalaha dalka lana qaatay Waftigii shalay Soo gaaray Garoowe. kulan kan ayaa ka dhacay Hoolka shirarka iyo Xafladaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxana uu gogol xaar uyahay shir dhowaan furimi doona oo looga hadli dono dhaqaalaha dalka dhanka kale Wasiirk ku xigeenka Maaliyaadda iyo Masuuliyiin kale ayaa Waftigan soo dhex mariyay qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda. Halkan hoose ka daawo sawirada:-
Xaflad galinkii dambe shalay 25 Setemper lagu qabtay magaalada Garowe ayaa lagu shaaciyay Urur siyaasadeed cusub oo magaciisa la yiraahdo UMMADDA, waxaana ka qeybgalay munaasabada masuuliyiin ka tirsan Gollaha Xukuumadda, Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ee Puntland, Odoyaal,Aqoonyahano,Dhalinyaro,Haween iyo Marti sharaf kale. Cabdirashiid Maxamed Cali oo ah Aqoonyahan reer Puntland ah ayaa shaaciyay Ururka la dhaho Ummadda,wuxuuna sheegay inuu qeyb ka noqon doono kooxaha u tartamaya hogaaminta siyaasadda Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya, Islamarkaana ay ka dambeysay furitaankiisa ka dib markay ku midoobeen Aqoonyahano Soomaaliyeed oo kala jooga gudaha iyo dibadda. Wuxuu sheegay inuu kaga duwan yahay Ururka Ummadda kuwii ka horeeyay…
Xogo dheeriya oo laga helayo Madaxtooyadda Puntland iyo Saraakiisha Hay,addaha Amniga ayaa sheegaya inuu lahaa Siyaasi Siciid Cabdulaahi Deni hubkii maalmo ka hor ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ku qabteen deegaanka Mareero oo 9 KM u jirta magaalada Bosaso dooni kasoo socdaashay dalka Yemen. Siciid Cabdulaahi Deni oo ka mid ahaa musharaxiintii looga guulaystay doorashadii Villa Somalia ayaa intii ka dambeysay dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo loogu gogol xaarayo doorashada 2019 ee Puntland bilaabay xilli uu saldhig ka samaystay Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta (Dubia) waxaana wararka laga helayo Madaxtooyadda Puntland iyo Saraakiisha Amniga sheegayaan inay u socotay doon ay saaran yihiin 90…
Gudiga Nabad Galyada ee gobolka Mudug ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo waxay uga hadleen xaalada Amni ee gobolka Mudug iyo Colaadaha kasoo cusboonaaday dhanka Miyiga. Kulankii gudiga Maanta ayaa laga soo saaray 4 Qodob oo dhamaan salka ku hayey sidii looga shaqayn lahaa nabad galyada gobolka Mudug. Gudoomiyaha gobolka Mudug Xassan Maxamed Khaliif oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in laga wadda hadlay sidii loo adkayn lahaa nabad Galyada gobolka isla markaana Xassan wuxuu sheegay in laga wadda hadlay hadalada ay saxaafadu sii daynayso ee nabad galyada wax u dhimaya iyagoo ku baaqay inay joojiyaan. Qodobada shirkii…
By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has betrayed its own people. All betrayals are not made equal. In recent weeks, a political disaster of epic proportions has befallen upon Somalia. The Somali government has committed what many – including some of its staunchest supporters – consider a treasonous act. Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) has extradited a Somali citizen, a highly decorated military officer, a war hero who was wounded in the 1977 war against Ethiopia and an officer of the Ogaden National Liberation Front (ONLF) to Ethiopia without any due process.…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/nA0mcIEgtJA
Waa su’aal da’weynoo madaxa daalinaysee, Ma dan guud buu Dadweynaha Puntland u wadaa Siciid DENI.? Mise DUMIN?. Puntland oo muddo la daalaa dhacaysay duruufo Dhaqaale,Amni iyo Siyaasadeed, ayna ka muuqato diiftii daneystayaashii Aaran-doofaar ayaa markale waxaa muuqata damiir laawayaal daneynaya dantii eege INA DANI oo ah kii isdaba raacin lahaa oo dumin lahaa dal udug PUNTLAND inay u xayaysiiyaan Shacabka balse War la qabaa xiiso ma leh. #WAA_KUMA_SICIID_DANI? Siciid Cabdulaahi DANI waa shakhsi ku caan baxay inuu siyaasada ka eegto Ganacsigiisa iyo Dantiisa, waana xubin ka tirsan Kooxdii dhagar-qabayaasha Soomaaliya ee DAMU JADIID ee uu hogaamiyo Xasan Shiikh…
Ujeedka qado sharafatan ayaa ahad mid soo dhawen iyo maraxabayn loogu sameynayey Isimadan ka soo kicitimay gobalka Mudug oo dhaqan ahaan ismadu ay u leeyihin in isim kasta uu Deegankiisa ku soo dhaweeyo Isimka soo booqda. Dhankooda Isimadan uu hor kacayey Islaan Bashiir Islaan Cabdule oo ka soo kicitimay Magaalada gaalkacayo ayaa dhan kooda ka mahad celiyey soo dhawenta ay Isimadan ugu sameeyen Magaalada Boosaso Ee Xarunta Gobalka Bari,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Een-gktqCiM
Shir u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda Fadaraalka iyo Wasaaradaha maaliyada ee Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ayaa ka furmay Caasimada Garowe. saakay. Shirkaan ayaa looga hadli doonaa inta uu socdo Mideynta Miisaaniyadda guud ee Jamhuuriyada Fadaraalka Somaliya. Shalay ayaa waxaa soo gaaray Garowe wafti ka kala socda Dawlada Fadaraalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Wasaaradahooda Maaliyada,ujeedka socdaalkooda ayaa ahaa sidii loo bilaabi lahaa dardargalinta habka ugu fudud ee loo midayn karo miisaaniyada dalka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beylle ayaa horay u sheegay in Wasaaraddiisu ay Xooga saari doonto sidii loo mideyn lahaa Canshuuraha Dalka islamarkaana Siyaasad…
Hubkii Maalin ka hor Ciidamada Puntland ay ku qabteen Xeebta Magaalada Boosaaso oo la warar soo baxaya ay tilmaamayaan in la ogaaday cida iska leh Xogo laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Hubka lagu qabtay Bosaso 23-kii Bishan uu lahaa Siyaasi Saciid Cabdullaahi Deni oo ka mid ahaa Musharaxiintii Madaxweynaha fadaraalka,sidoo kale soo noqday Wasiirkii Qorshaynta ee Dawladii Xasan Shiikh iyo Xildhibaan Baarlamaanka Fadaraalka ah. Hubka ayaa la sheegay in laga soo iibiyay Dalka Yemen islamarkaana lagu soo dhex qariyay Doon siday Shixnado kala duwan,waxaana Hubka Gacanta ku dhigay Ciidamada Badda Puntland,kuwaas oo ku soo…