Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa markii afaraad la doortay, ayadoo wajeheyso cadaadis uga imaanayo dadka ay wadaniyadda ku fogtahay. Xisbigeeda muxaafidka ayaa natiijadii ugu xumayd ka helay doorashada muddo 70 sano ah, laakiin weli wuxuu haystaa aqlabiyadda baarlamaanka. Xisbiga uu isbeheysiga kala dhexeeyay ee SPD ayaa sheegay in ay mucaarad ku noqonayaan dowladda cusub ka dib guuldarada taariikhiga ah. Isbeheysiga ay wadaniyadda ku fogtahay ee AfD ayaa ku guuleystay kuraas badan, wuxuuna sidaas ku noqday xisbiga seddaxaad, arrintaas oo sababtay dibadbax. Tobannaan qof ayaa isugu tagay xafiiska xisbiga midigta-fog ee Islaamka diidan ee Berlin, waxayna…
Author: Jibril Qoobey.
Gudaha Myanmar, ma aha goob laga jecelyahay waxaana loo diiday dhalasahada dalkaasi,sidoo kale dibadda inta badan kuma laha saaxib. Dowlada Hindiya ayaa hadda sheegtay in dadka Rohingya ee ku nool dalkeeda ay halis ku yihiin amniga qaranka. Markii ugu horeysay ayaa wasiir ka tirsan dowladda Hindiya ku dhawaaqay in la dhoofin doono oo la rari doono dadka Rohingya ee ku sugan dalkaasi. Tirada dadka Rohingya ee Hindiya ku sugan ayaa dhan ku dhawaad 40,000, oo ay ka mid yihiin 16,000 oo ay qaramada midoobey qaxooti ahaan u diiwaangalisay. Dadka Rohingya ,oo tiradooda ay dhan tahay ku dhawaad…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ballaariyay amarki uu dalkiisa uga mamnuucay in ay soo galaan muwaadiniinta qaar ka mid ah dalalka Islaamka, isaga oo hadda ka dhigay sideed wadan. Amarka cusub oo dhaqangali doona 18-ka bisha October ayaa saameyn doona dadka u dhashay dalalka Chad, Iran, Libya, Kuuriyada Waqooyi, Somalia, Syria, Venezuela iyo Yemen. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in dalalkani ay diideen inay Mareykanka la wadaagta xogta ku saabsan argagixisada iyo arrimo kale. Ku dhawaaqista go,aankan ayaa imanaysa xilli uu dhacayo 90-ki maalmood ee uu madaxweyne Trump u qabtay amarki uu muwaadiniinta lix wadan oo Muslim ah uga mamnuucay in…
Laga soo bilaabo 2008dii oo ah kolkaanu tubta dowladnimo cagta saarnay waxaa isoo tarayey dacaayado iyo mu´aamarado xaggiina ah,waxaa caado idiin noqotay maamulkiina Hargeysa inaad martigelisaan cadowga Ethiopia ee ay Msaarida ugu horreyso iyo camiiladeeda Muqdisho sida dagaal ooge Maxamad Xasan Xaad iyo Dhagarqabe Maxamad Nuur Galaal. Annagu Masar iyo camiiladeedu Ishaanu ku haynaa oo xuduudeenu ma dayacna ninkii xummaan la soo doonta abaalkii buu heli. Waxaanu si taxadar leh ula soconaa xeryaha tababarka Al-qushaash ee deegaanka Beer ee bariga Burco iyo dhaqdhaqaaqa wadaadka mayalka adag ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee argagixisada Al-qushaash Sheekh Cali Warsame. Kolkaan u…
Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa manta magaalada Garoowe shahaado sharaf ku gudoonsiiyey in kabadan 150 arday oo dhammaystay waxbarashada heerka 1aad ee jaamacadda Bariga Africa Garoowe. Munaasabadda ayaa waxaa goob jog ka ahaa wasiirka wasaaradda waxbarashada, ku-xigeenkiisa, wasiir ku-xigeenada deegaanka iyo shaqada iyo shaqaalaha, xildhibaano, waalidiin, arday iyo martisharaf kale. Dhammaan dadkii ka hadlay munaasabadda ayaa ammaan iyo hambalyo u jeediyey ardaydii qalin jebisey waxayna ku booriyeen inay aqoonta sii wataan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/H3ATFzcu8s4
Warar goor dhowayd naga soo gaaray magaalada Muqdishu ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka lagu dilay degmada Waaberi. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dablay hubaysan ay toogteen Jeneraal Cabdullaahi Maxamed Shiikh oo ka mid ah saraakiisha hoggaanka ciidamada Dawlada Xamar. Sarkaalkan ayaa la dilay mid ka mid ah ilaaladiisa waxaana la sheegay in la weeraray xilli ay kasoo baxeen masaajid. Dablayda ayaa goobta ka baxsatay. Sarkaal oo lagu naanaysi jiray Qururux ayaa la sheegay inuu hore u ahaa Taliye xigeenka saadka ciidanka dawlada Xamar.
Afar caruur ah ayaa geeriyooday, hooyadoodna waxa soo gaaray dhaawac, ka dib markii gurigii ay degganaayeen oo magaalada Hargeysa ku yaalla uu dab qabsaday. Dhibaatadan ayaa la sheegay inay timi ka dib markii uu gubashada gurigooda sababay shoodh ka dhashay korontada guriga ku jirta. Masuuliyiinta dawladda ayaa sheegay in baadhis lagu wado sababta dabka keentay, isla markaana aan wali la aasin maydadka caruurta, iyadoo hooyada ubadka dhashayna lagu daweynayo cusbitalka guud ee Hargeysa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/bpsmMYcIZoc
Habeenkii xalay ahaa ayaa Diyaaradaha dagaalka ee bamka xambaara ee uu leeyahay Maraykanku waxay dulmareen meel u dhow Xeebaha Bari ee Dalka Waqooyiga Kuuriya oo Caalamka indhaha uu ku hayo,waxaana arrintani lagu sheegay in ay muujinayso mid madaxweyne Trump uu ku kala dooran karo tlaabooyinka dhanka dagaalka ah haddii uu u arka khatar kaga timaada Kuuriyada Pyongyang . Wasaaradda Difaaca Xukuumadda Washington ayaa Tallaabadan ku tilmaamtay inay ahayd dhoolatus ay ku muujinaysay ilaa heerka ay gaarsiisan tahay awoodda Maraykanka iyo go’aamada uu qaadan karo madaxweynaha Mareykanka Donal Jey Trump oo ku eedeeyay Waqooyiga Kuuriya in ay khatar ku tahay…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay Xogahaya guud ee Qaramada Midoobey António Guterres, waxayna kala wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyey António Guterres, sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey xarunta Qaramada Midowbey, sidoo kale wuxuu ka warbixiyey guulihii ay Dawladda Soomaaliya gaartay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulanka intii uu socday ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ka hadlay arrimo la xiriira nabad gelyada iyo siyaasadda qaranka, isla markaana waxuu ka codsaday Qaramada Midoobey in taageero…
Gabay Soomaaliyeed ayaa ahaa Ushii Yaa wax arkay? Maanta waxay mareysaa Madaxweynihii dalka meel ku sheeg?. Dalka waxaa ka dhacay dhacdooyin isdaba joog ah oo dhamaantood dalka geliyay khalkhal iyo jahwarer. kuwaas oo intooda badan aan ilaa hada la xalinin Sida. A. Geeridi wasiir cabaas oo ila hada aan xal loo helin. B. Banaanbaxyo joogta ah. C. Barakicinta danyarta. D. Isku dhaca ciidamada dhexdooda. E. Gumaadka shacab aan waxba galabsan( bariire). F. Dhiibistii Qalbi dhagax. G. Go,aanki golaha wasirada 6/9/2017. H. Khilaafka Dowlad goboleedyada iyo federalka. I. Khilaafka Khaliijka. Iyo kuwa kaloo badan. Sidoo kale Madaxweynaha waxaa laga sugayay inuu…
Madaxweynaha Maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo Maanta dib ugu laabtay Magaalada Cadaado,ayaa ka hadlay Safarka uu dib ugu laabtay Magaalada Cadaado. Madaxweyne Xaaf oo ka soo kicitimay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, ayaa diyaaradii uu saarnaa ay ka dejisay magaalada Hargeysa, waxaana halkaas uu saacado ku ahaa Transit. Madaxweyne Xaaf oo wariyeyaasha la hadlay markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya ay isku dayday inay carqaladeyso diyaaradii ka qaadi laheyd Hargeysa islamarkaana Mudo dhan Shan Saac uu halkaas ku Xarinaa. Waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Maamulkiisa…
Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Madaxweyne xigeenka maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado Carabey uu xabsi guri ku yahay magaaladaas. Carabey ayaa shalay isku dayay in uu u dhoofo Muqdisho,balse waxaa isku gadaamay Garoonka Maleeshiyo taabcsan Xaaf ,kuwaasoo ka hor joogsaday in uu ka dhoofo Garoonka dibna ugu celiyay Madaxtooyada maamulkaas ee Cadaado.. Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas ayaa ka hor yimid go’aankii Xaaf ee uu kaga hor yimid go’aanka Dawlada Fadaraalka ay ka qaadatay khilaafka dalalka khaliijka carabta. Xaaf oo waraysi siiyay laanta Aafka Somaliga ee VOA ayaa sheegay in Dawlada Fadaraalka faragalin xoog…
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdiho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminyo Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidanka AMISOM General Cisman Noor Subagle. Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta caasimadda iyo kordhinta Howlgalada amniga lagu sugayo ee ka socda magaalda Muqdisho. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleyn sidii Ciidamada AMISOM oga bixi lahaayeen goroonka Kubadda Cagta ee Mogadishu Stadium, halkaas oo mudo fariisamo u aheyd Ciidanka AMISOM.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Maanta Madaxtooyada Soomaaliya Kulan kala qaatay Guddiga Dastuurka Baarlamaanka iyo Wasiiradda Arrimaha Dastuurka u qaabilsan Maamul Gobolleedyada Dalka ka jira,waxaana sidoo kale Kulanka Goobjoog ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi,Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed. Kulanka ayaa looga hadlayay Dardar gelinta Dastuurka KMG Soomaaliya iyo in laga heshiiyo waxyaabaha Muranku uu ku jiro sida Qeybsiga Kheyraadka Dalka,Mideynta Canshuuraha,Matalaada Gobolka Banaadir iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Kulanka ka sheegay in Dhamaan ka qeyb galeyaasha laga doonayo in ay Mideeyaan Mowqifkooda ku…
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray degmada Buula-burte ee gobolka isaga oo ka soo anbabxay magaalada Beledweyne. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa diyaarad Helicopter ka soo qaaday magaalada Beledweyne, waxaana garoonka diyaaradaha degmada Buul-burte ku soo dhaweeyay odayaal iyo waxgarad. Madaxweynaha socdaalkiisa ku wehlinaya guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo Xildhibaano ka soo jeeda Buulo Burde. Waxaa xiligan soconaya kulamo kala duwan oo uu halkaa kula leeyahay qeybaha bulshada iyo saraakiisha ciidamada isaga oo u kuurgalaya xaalada guud ee degmada Buula-burte. Ammaanka Buulo Burde ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la arkayay ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti…
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Golaha Shacabka horgeeyey Wax Ka Bedel Lagu Sameeyey Xeerka Saxaafada si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah una ansixiyaan. Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaa sharaf weyn ii ah inaan maanta hortiina imaado oo idiin soo gudbiyo Wax Ka Bedel lagu sameeyey Xeerka Saxaafada, isla markaasna idinkaga mahadceliyo doorkiina muhiimka ah ee aad ku mataleysaan bulshada Soomaaliyeed oo aan anigu ka mid ahay.” Wasiirka ayaa ka warbixiyey taariikhda uu Xeerka Saxaafada soo maray oo markii ugu horreysey 2007 uu Baarlamaankii KMG ahaa ansixiyey, walow aan markaas si…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/QOXFlv_BYis
Ciidamada amaanka Puntland,ayaa waxay maanta Magaalada Bosaso ee xarunta Ganacsiga Puntland kusoo bandhigeen Dooni Hub sharcidaro ah siday oo ka keentay dalka Yemen. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Bada Puntland oo saxaafada usoo bandhigay Hubkaas iyo Doonida siday ,ayaa sheegay in aan ilaa iyo hada la aqoon cida iska leh ee loo waday hubkaas,balse ay wadaan baaritaan xoog leh saxaafadana ay la wadaagi doonaan waxii xog ah ee kasoo kordha baaristaas,hooos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/E9wKqXrAQ2Q
Ciidamada Difaaca Puntland ayaa fuliyay hawlgal ay kaga hortagayeen maleeshiyo kasoo jeeda maamulka Cadaado oo Deegaanka Jeexdin ku lahaa fariisin,kuwaasoo jidka ugali jiray xiliyada habeenkii ah Gaadiidka shacabka ee u kala goosha Magaalada Gaalkacyo iyo Bariga Mudug. Hawlgalkan ayaa Ciidamadu waxay ku dileen 5-ka mid ah maleeshiyadaas,sidoo kale waxay kaga qabsadeen Hub iyo saanad Milatari. Ciidamada Difaaca Puntland ayaa dhankooda waxaa ka dhaawacmay 2-sarkaal oo dhaawacooda lasoo gaarsiiyay isbitaalka Guud ee Gaalkacyo . Maleeshiyada ay Ciidamadu weerareen ayaa ahaa kuwii labo habeen ka hor jidka ugalay gaadiid dadweyne oo isiticmaalayay wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Bariga Mudug,iyagoo…
Shiikh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow bartiisa Facebook waxa uu soo dhigey qoraal kooban oo uu ku muujinayo fikirkiisa ku aadan arrinta culeyska leh ee ah go’aanka ay dowlada Federalka Soomaaliya ka qaadatay arrimaha Khaliijka taasoo ay dowladu ku sheegtay inay tahay mid dhex-dhexaad ka ah khilaafka ka dhex jira wadamada Khaliijka. Qoraalka uu soo dhigey Sheekh Shariif Sheekh Axmed boggiisa Facebook ayaa u qornaa sidan:- ASC WALAALAYAAL Go’aanka xukuumadda Soomaaliya ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka waxa uu iila muuqdaa mid lagu degdegay oo aan ka tarjumayn masaaliixda dalkeenna, waxaana shaki ku jirin in dalalka Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo…
It is an honour to address the 72nd Session of the UN General Assembly. I bring you warm greetings and good wishes from our President, H.E. Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, and the entire Government and People of the Federal Republic of Somalia. Bismillahi Rahmani Rahim Mr. President Mr. Secretary-General of the United Nations Honourable Delegates, Excellencies, Ladies and Gentlemen, It is an honour to address the 72nd Session of the UN General Assembly. I bring you warm greetings and good wishes from our President, H.E. Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, and the entire Government and People of the…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/spO25JLcpUo
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/kYf2ZRcbMuc
Ethiopian Prime Minister meets Somali PM in NewYork Ethiopian Prime Minister Hailemariam Desalegn held bilateral talks with Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire on the side line of the United Nations General Assembly in New York. The two officials have discussed at length on ways to further strengthening the already existing fraternal bilateral ties between Somalia and Ethiopia. Prime Minister Hailemariam expressed Ethiopia’s unwavering support to realize strong and stable Somalia. The Somali Prime Minister on the occasion appreciated Ethiopia’s relentless support to the Government and people of Somalia. He also expressed that his country value the relation it has with…
Ra’isalwasaaraha Itoobiya Haylumaryam Desale ayaa uga mahadceliyay Ra’isalwasaaraha Somaliya wada shaqaynta wanaagsan ee uu ka muujiyay xiriiirka labada dal. Kulan ka dhacay NewYork ayay labada hogaamiye uga wada hadleen xiriirka labada dhinac oo ugu horeeyo amaanka guud ee Geeska Africa. Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desaleng iyo Ra’iisal wasaare khayre ayaa isla gartey in la der galiyo dhamaan heshiisyada labada dhinac ee ku aadanaa la dagaalanka kooxaha argagixisada ee khatarta ku ah amniga labada dal iyo guud ahaan Gobalka Geeska africa Ra’isalwasarae Desale ayaa ku tilmaamay Ra’isalwasaare Khayre Nin dhalinyaro ah oo maskax furan ayna ka go’an tahay…
”Xiriirka Caalamiga ah waxaa iska leh Dowlada Dhexe doorka uga furan maamul goboleedyada waa talo bixin waa farsamo waa danahooda iyo mashaariicdooda ay soo gudbiyaan.”ayuu yiri Madaxweyne Waare dhowr maalmood kahor inta aan la dooran isagoo ka qeybgalayay barnaamij dood ah oo loo qabtay musharaxiintii ka qeybgashay tartanka doorashada Madaxweynaha Hirshabelle. Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ku taliyay in la dhowro dastuurka dalka u yaala oo qeexaya awoodaha Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada ay kala leeyihiin. “Waxaa lagu heshiiyay dastuur weli qabyo ah,dastuurkana waxa uu qeexayaa masuuliyada ay leedahay dowlada dhexe,waxa kale oo uu qeexayaa awoodaha ay leeyihiin Maamul Goboleedyada.”…
Kim Jong-un ayaa sheegay in maskaxda aan “fadhiyin” ee Trump ay ku qancisay in uu ku saxsan yahay hormarinta hubka dalkiisa Kuuriyada Waqooyi. War qoraal ah oo naadir ah oo uu warbaahinta sii mariyay ayuu hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ku sheegay in Trump ay “saamayn wayn” ka soo gaari doonto khudbaddii uu dhawaan ka jeediyay golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay. Madaxweynaha Maraykanka ayaa Talaadadii sheegay in haddii Maraykanka lagu qasbo in uu is difaaco uu guud ahaanba burburin doono, Kuuriyada Waqooyi. Labadan dal ayaa bilihii u dambeeyay is waydaarsanayay dagaal afka ah oo sii kululaanayay. Kuuriyada…
War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyeen in fara gelin xambaarsan dhiilo qabiil ay ku hayaan, wuxuuna tilmaamay Xaaf in dowladda dhexe ay garab martay qodobo ka mid ah dastuurka, gaar ahaan inay wadatashiyo la sameyso maamulada dalka. Arrintan ayaa ka dambeysay markii maanta shir jaraa’id oo magaalada Cadaado ku qabteen Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka ay ka soo horjeesteengo’aankii Madaxweyne Xaaf kula saftay isbaheysiga Sacuudiga, waxayna taageereen mowqifka dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka Khaliijka War saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada…
Halkan ka daawo muuqaalka garowe https://youtu.be/sB-7yEFrsxg Halkan ka daawo muuqaalka Gaalkacyo https://youtu.be/-OlrDUHL7jA
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/erqG7-pqXJ8
Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa ku tilmaamay “Afgombi dhanka garsoorka ah” go’aankii ay maxkamada ugu sareysa ku laashay guushii ay doorashada ka gaareen. Madaxwaynaha oo ka hadlayay kulan uu aqalka madaxtooyada kula yeeshay qaar ka mid ah hogaamiyayaasha gobolka waqooyi bari, ayaa wax la yaab leh ku tilmaamay in “shaqsiyaad ay wax waliba badalaan”. Madaxweynaha ayaa ka jawaabayay go’aankii faahfaahsanaa ee shalay ay shaaciyeen garsoorayaasha maxkamada ugu sareysa Kenya oo sharaxay sababta ay natiijada doorashada u laaleen. Aqlabiyada garsoorayaasha ayaa waxa ay sheegeen in doorashada ay ahayd mid aan hufnayn oo aan la…
Hay’adda u doodo xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartay bayaan ay uga hadlayso dhibaatada ay wajahaan qaxootiga Itoobiya ee ku sugan dalalka bariga Afrika. Hay’adda ayaa sheegtay in dhibaatooyiin ay la kulmaan qaxootiga, qaarkoodna loo gacan geliyo dowladda Itoobiya oo raadineyso dadka mucaaradka ku ah. Warka waxaa lagu xusay in dadka caanka ah ee mucaaradka ku ah Itoobiya ee loo dhiibay maamulka Addis ay ka mid yihiin kuwa haysta dhalashooyiinka dalal Reer Galbeed ah. Dadkaasi waxaa ku jiray nin dhalasho British haystay oo lagu qabtay Yaman iyo qof kale oo lagu qabtay South Sudan…
Madaxweynaha cusub ee dowlada Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wafdiga Madaxweynew Waare ayaa waxaa si weyn Garoonka Dayuuradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ugu soo dhaweeyay Maamulka gobolka, kan degmada iyo qeybaha bulshada. Waare ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Beledweyne waxa uu la kulmi doonaa Qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Odayaasha dhaqanka oo uu kala hadlayo wada shaqeynta maamulka cusub. Socdaalkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Hirshabeelle ku tago magaalada Beledweyne, tan iyo markii lix maalmood ka hor lagu doortay magaalada…
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mahdi Maxamed Guled (Khadar). Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga Qaranka, Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale. Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ugu horreyn golaha siiyey warbixin la xiriirta xaalada amniga guud, sheegeyna in hay’adaha amniga ay laba jibaarayaan howlgalada xasilinta, shacabkana laga codsaday inay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sidii dalka loo nabadeyn lahaa. Maanta oo ah maalintii nabadda, caalamkana u dabaaldegayo, ayaa Golaha Wasiiradu waxey ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in nabada la wada…
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado Maxamed Xaashi Carabey, Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Guddoomiye kuxigeenka ayaa war wadajir ah oo ay goor dhow ka soo saareen Cadaado waxay kaga soo horjeesteen go’aankii xalay ka soo baxay Madaxweyne Xaaf, kaasoo lagu taageerayay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee xiriirka u jaray dowladda Qatar. Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in aanan lagala tashan warqadii ka soo baxday xaafiiska madaxweynaha maamulkaas ee Xaaf. Qoraal ay si wadajir ah ay u soo saareen ayay waxay ku sheegeen in Galmudug ay ku mowqif tahay dowladda Dhexe, ayna taageerayaan dhex dhexaadnimadii ay ka qaadatay Khilaafka…
Safarkii Madaxweyne Farmaajo uu ku tagi lahaa 27 September oo la fashiliyey. Kadib markii shirkii Golaha Wasiirada ee Muqdisho maanta mar kale lagu sii fogeeyey mowqifkii horay Madaxweynaha ugu qaatay arrinta waddamada Khaliijka. Maanta ayaa la filayey in la khafiifiyo go’aankii hore ee Dowladda. Nasiib darro, Fahad Yasiin iyo xulafadiisa ayaa xalay olale culus ku qaaday xubnaha Wasiirada kadibna ku cadaadiyey inaan Qatar laga hor imaan. Go’aanka Golaha Wasiirada Xamar ee ay kusii xoojiyeen go’aankii hore ee Dawlada Fadaraalka ay ka qaadatay arimaha khilaafka Dawladaha khaliijka ayaa ku ah wajigabax safarka Madaxweyne Farmaajo ee la qorsheeyay in uu…
Diblomaasi u dhashay Kuuriyada Waqooyi ayaa ku tilmaamay khudbaddii uu madaxwayne Trump ka jeediyay shirka Qaramada Midoobey in uu ahaa “siidii eey ciyay oo kale “. Madaxwayne Trump oo ka hadlayay kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxa uu sheegay in”gabi ahaan ba uu burburin doono Kuuriyada wuqooyi haddii ay khatar galiso Mareykanka iyo saaxibadii. Hadalka ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Ri Yong-ho waa jawaabtii ugu horeeysay ee ay ka bixiyaan khudbaddii Trump. Kuuriyada Waqooyi ayaa wali sii wada balaarinta barnaamijka hubkeeda Niyukleerka ,waxa ayna ku gacan seyrtay mamnuucidii ay ku soo rogtay Qaramada Midoobe.…
Dawladda Fadaraalka Soomaaliya waxay go’aan ka gaartay 6-dii bishii June, iyadoo aan la tashanin dowlad goboleedyada Soomaaliya, waxay saameyn doontaa dhamaan Soomaalida oo dhan meel kasta”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay Maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado. War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Shirkii Madasha Hoggaanka Qaranka ee lagu qabtay Muqdisho ay ku wargeliyeen in Xukuumadda Soomaaliya aanay mowqif dhex dhexaad ah ka qaadan karin arrimaha Khaliijka, sababo ku aadan xiriirka taariikhiga ah iyo istiraatiijiga ay la leeyihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. War saxaafadeedka ayaa waxaa kaloo lagu xusay in Soomaaliya xiriir ganacsi oo weyn la…
Maamulka iyo waxgaardka Gobolka Mudug ayaa shir saxaafadeed ay ku qabteen xarunta Gobolka waxay kaga hadleen maleeshiyo kasoo jeeda maamulka Cadaado oo habeen hore weerar gaadmo ah ku sameeyay Gaari Dad shacab ah ay la socdeen oo marayay wadada wadaagsin ee isku xirta Bariga Mudug iyo xarunta Gobolka ee Gaalkacyo. Masuuliyiinta Gobolka iyo waxgaradka hadlay ayaa fariin adag udiray maamulka Cadaado,waxayna yiraahdeen ”Hadii aad nabadii waayahan la waday iyo dadaaladii socday aad rabtaan in aad fashilisaan waan idinku soo dhawaynaynaa waana layska kiin dhicin doonaa”. Sidoo kale Maamulka Gobolka Mudug iyo waxgaradka,ayaa fariin udiray guud ahaan reer Puntland waxayna ugu…
Wasiirka cusub ee Wasaarada amniga Puntland oo maalmahan booqasho ku joogay Magaalada Bosaso ayaa kulan la qaatay Gudiga amniga Gobolka Bari iyo guud ahaan masuuliyiinta laamaha amaanka ee Gobolka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/sJOa4IKIOIg
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/WxGp65xQWAg
Waxaa baaqday kulan ay iskugu imaan lahaayeen Madaxda Fadaraalka ugu saraysa iyo Madaxweynayaasha Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka. Kulankan oo loo balansanaa in u dhaco todobaadkii lasoo dhaafay ayaa u baaqday kadib markiii ay madaxdu isla fahmi waayeen arinta dhiibista Qalbidhagax oo ay codsadeen madaxda Fadaraalku in lagu daro ajandaha looga xaajoon doono Kulankaas. Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ayaa isku mawqif ka noqday arinta Qalbidhagax,iyagoo si cad udiiday in lagu soo daro ajandaha kualanka arinta dhiibista Qalbidhagax. Ugu danbayntiina waxaa halkaa ku fashilmay kulankii madaxda Somalida ee muhiimka ahaa. Warar kale ayaa…
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in afar dal oo ay ku jirto Soomaaliya aanay wax cod ah ka dhiiban karin shirka sanadlaha ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey United Nations General Assembly (UNGA). Qoraal uu soo saarey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey 7-dii bishan September ayaa waa lagu sheegay in afarta dal oo ay ka mid tahay Soomaaliya inay bixin lacagaha qaaraanka ee ku waajibtay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey. Arinka maaha Qalad ay Sameeyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare khayre Dawladii ka horeysay ayaan bixiin lacagtaa 2015 – 2016 Wadanka soomaaliya ayaa waxaa lagu…
Inta la xaqiijiyay 1-qof ayaa ku dhintay 2-kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax gaari lagu xirey uu ka dhacay Nawaaxiga isgoyska Xaafadda Maana-booliyo dhinaca degmada Boondheere ee gobalka Banaadir. Qaraxa ayaa la xaqiijiyay In gaarigiisa loogu xirey sarkaal ka shaqeynayay garoonka diyaaradaha Magaaladda muqdisho ee aadan cadde oo lagu magacaabi jirey Abuu Shiine kaasi oo qaraxa ku dhintay, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka maamulka Gobolka banaadir C/fitaax Cumar Xalane Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamada miino baarista Dowladda federaalka Soomaliya kuwaasi oo halkaas ka sameeyay baaritaano iskastoo aan si dhab ah loo ogeyn cida ka…
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in kooxo dabley ah weerar ku qaadeen gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayay deegaanka Godad oo Bariga uga beegan Magaalada Gaalkacyo . Weerarka ayaa waxaa ku dhintay saddex ruux oo shacab halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 7-ruux oo kale. Dadka la dilay iyo kuwa wax dilay ayaa wada ah xoolo dhaqato. Guddigii dhawaan loo xil saaray nabadeynta Gobolka Mudug oo ka kooban Puntland iyo maamulka Cadaado,ayaa lagu waddaa in ay dhawaan gaaraan goobta ay wax ka dhaceen. Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug ayaa lasoo…
Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u sheegay golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobey in uu burburin doono Kuuriyada Waqooyi haddii lagu qasbo in ay isdifaacaan ama ay difaacaan saaxibada Mareykanka. Waxa ay ahayd khudbad kulul oo uu ku tilmaamay hogaamiye , Kim Jong-un, “Nin sita gantaal islamarkana ku jira howlgal ismiidaamin ah.” Kuuriyadda waqooyi ayaa tijaabisay Nukliyeerka iyo gantaalo iyada oo ku gacansayrtay qaramada midoobe. Ka hor inta uusan khudbadda jeedin Mr Trump, ayaa waxa hadal jeediyay xoghayaha guud ee qaramada midoobe Antonio Guterres oo ku baaqay in laga hortago dagaal dhaca. Madaxweyne Trump waxa…
Wararka ka imanaya dalka Mexico ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dhul-gariir xooggan, oo cabbirkiisa lagu qiyaasay illaa 7.1 Magnitude. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ku soo waramaysa in dhimashadu ay haatan marayso illaa 134 qof. Dhul-gariirka ayaa sababay inay burburaan dhismayaal kala duwan oo ku yaalla caasimadda dalkaas, haatanna waxaa socda gurmadka loo fidinayo dadka dhismayaashu ku dumeen. Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka kuwaas oo ay ka muuqatay cabsi xooggani, isla markaana malaayiin qof ayaa waayay korontadii. Maayarka magaalada Mexico City ayaa sheegay in illaa 44 dhisme ay si weyn waxyeello u soo gaadhay ama ay guud…
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidammada Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee loo yaqaano AMISOM ay saaka isaga baxeen saldhigyadiii ay ku lahaayeen magaalada Baardheere. Dhaqdhaqaaqa bixitaanka ee Ciidamada Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay ka muuqanayay xeryaha ay magaalada Ku lahaayeen. Bixitaanka ciidammada Kenya ayaa bilowday waqti danbe oo xalay ah iyagoo ku baxay waddada aada dhinaca degmada Ceelwaaq oo ku dhaw xadka Somaaliya ay la wadaagto wadanka Kenya. Maamulka degmada ayaa BBC-da u xaqiijiyay in ciidammada Kenya ay guud ahaanba banneeyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen Baardheere isla markaana…
Waxaa ka furmay Muqdisho shir ay iskugu yimaadeen Saraakiisha Booliska Fadaraalka iyo kuwa Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka. Shirkan ayaa looga arinsanaya ama lagu dardargalinayaa sidii looga dhabayn lahaa qorshe ay horay ugu heshiiyeen Dawlada Fadaraalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah ee dhigayay in la dhiso Ciidan Boolis ah oo gaaraya 32000 oo Askari. Qorshaha dib u dhiska Ciidanka Booliska Somaliyed ee heer Fadaraal iyo heer Dawlad Goboleed ee ay horay ugu heshiiyeen Dawlada Fadaraalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ayaa waxaa taageeray beesha caalamka,balse waxaa ragaadiyay jahwareer ka jira sida loo fulinayo qorshahaas,waxaana eeda dib u…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uga qeyb galayo shirka Golaha ammaanka. Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha,ayaa kula kulmay NewYork Wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Ruushka Sergei Lavrov,iyagoo ka wada hadlay xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Khayre ayaa khudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeedin doona shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Maamulka Hawada Somaliya oo ay dadaal dheer ugu jirtay tan iyo intii ay xaafiiska la wareegtay Dawlada Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa hada dib ugu soo laabtay qayb ahaan,taasoo ah qaybta saadaasha Hawada. Shalay ayaa waxa xariga ka jaray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xarunta laga hgi doono Saadaasha Hawada Somaliya oo muhiim u ah duulimaadka Diyaaradaha,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Rdu-8zOvlDE
https://youtu.be/raLca47nF_A
Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn loo hadal hayay nin la sheegay in uu saxaafada usoo bandhigay sawir uu ku sheegay in uu yahay Nabi Maxamed, Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ahaatee. Kumannaan qof ayaa si kala duwan uga hadlay hadalka ninkaas, waxaana sidoo kale ka hadlay culimmada Soomaalida,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/vXiJFhkaZxs Waxaa la sheegay in ninkaasi uu joogo Magaalada Gaalkacayo,gaar ahaan qaybta koonfureed ee Baraxley oo uu gacanta ku hayo maamulka Cadaado. Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee maamulkaas ,ayaa amartay in ninkaasi la soo xiro…
Kadib markii Ganacsato Somaliya oo ka mid ah kuwa ka Ganacsada Qaadka ay Kooxo Oromo ah ku laayeen Magaalada Awaday ee Qaadka Awadaygu ka baxo,ayaa waxaa sii xoogaysanaya isku dhacyada labada Qawmiyadood ee Oromada iyo Somalida,kuwaasoo hada isku badalay Colaad toos h oo dhextaal labada Qawmiyadood. Waxaa ka qaxay kumanaan Oromo ah oo ku noolaa Gudaha Dhulka Somalida ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland ee Waqooyi Galbeed Somaliya,sidoo kale waxaa iyaguna kasoo qaxay Kilinka Oromada Somali fara badan oo halkaas Ganacsi iyo Deegaan rasmiya kulahaa. Colaadan oo sii xoogaysanaysa ayaa waxaa ka hadlay maamulada labada qawmiyadood iyo Dawlada Fadaraalka Itoobiya,sidoo kale…
Dowladda Mareykanka ayaa u sheegtay Itoobiya in ay baarto 55 qof oo la sheegay in ay ku dhinteen dagaal qowmiyadeed ka dhacay Bariga dalkaasi. Ugu yaraan 50 kun oo kale ayaa barakacay tan iyo markii dagaalka uu ka dhacay xuduudda gobolada Somalida iyo Oromada ee Itoobiya. War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u xun. Dowladda Itoobiya ayaa laga dalbaday in ay la xisaabtanto dadka masuulka ka ahaa rabshadaha ka dhacay Bariga Itoobiya ee dadka lagu dilay. Dadka ku nool goobaha ay…
Waxaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ku soo idlaaday shirkii baarlamannada wadamada ku jira Urur Goboleedka IGAD, kaasi oo Saddex maalmood ka socday halkaas. Soomaaliya ayaa shirkan waxaa ku matalayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya. Arimaha shirkan looga wadaxaajooday ayaa waxaa ka mid ahaa:- B.Amniga dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, T.la dagaalanka tahriibka dhalinyarada, J.Cimilada iyo saadaasha hawada waddamada IGAD. X.La dagaalanka gudniinka fircooniga ah. Kulankan oo ahaa kii 9-aad ayaa ugu danbeyntii waxaa laga soo saaray war-murtiyeed qeexaya qaabka lagu…
Hogaamiyaha dalka Myanmar, Aung San Suu Kyi ayaa sheegtay “in aysan ka baqaynin cambaaraynta caalamiga ah” ee ku aadan sida dawladdeedu u maaraysay dhibaatada ka sii daraysa ee Rohingya. Waa markii koobaad ee ay ka hadasho xaaladda ka taagan waqooyiga gobolka Rakhine ee horseeday in in kabadan 400,000 oo ruux oo qawmiyadda Rohingya ee Muslimiinta ah ay u tallaabaan xadka Bangladesh. Waxay sheegtay in ay doonayso in ay Muslimiinta la hadasho oo ay waydiiso sababta ay u tagayaan. Bulshada caalamka ayaa aad u dhaliishay hogaamiyaha Myanmar, Suu Kyi,hadalkeeda hadana waxuu umuuqdaa mid jees jees iyo kibir ka…
Xarunta PDRC ee garowe ayaa waxa ka socda xaflad lagu soo bandhigayo Urur siyaasadeed cusub,kaasoo lagu magacaabo Ururka Midnimo. Ururkan ayaa noqon doona Xisbi hadii uu buuxiyo shuruudaha loo dajiyay hirgalinta Xisbiyada Puntland. Cabdirashiid Maxamed Cali waa nin dhalinyaro ah oo Gudoomiye ka ah Ururkan cusub ee maanta lagu dhawaaqay. Cabdiraxmaan Diiriye Shuuqe Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Ururkan cusub,isla markaana sheegay hadii uu buuxiyo shuruudaha furashada Xisbiyada in uu si buuxda u noqon doono Xisbi Siyaasadeed. Ururkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee looga dhawaaqo garowe…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/YObdOxGmv38
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa ogaaday, kadibna fashiliyay waxlo qarxa oo laga soo buuxiyay Baco kuwaasii oo la dhigay bartamaha wadada ugu mashquulsan, uguna muhiimsan magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Bosaso Ciidamada oo ogaaday qaraxa ka hor intii uusan qarxin ayaa goobta ka saaray ganacsatadii, baabuurta iyo dhamaan dadka shacabka ah ee adeegsanayay wadadaasi, ka dibna waxaa loo yeeray Ciidamada booliska qeebtooda baara Walxaha qarxa waxayna ku guuleesteen in qarxiyaan walxaasi, abaarihii 4:30 daqiiqo xiliga magaaladda Bosaso. Qaraxan ayaan wax khasaare ah gaysan, sida ay horseedmedia u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Qaraxan oo laga maqlay inta badan magaaladda Bosaso ayaa la dhigay…