Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/OXK2714gr5s
Author: Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/FiVj-1XTD1Q
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/CvbAO7vi0U0
Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xildhibaanada maamulka Hir-Shabelle ay kalsoonida kala noqdeen madaxweynihii maamulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble. 76 xildhibaan oo kulankan ka qeyb galay, ayaa 68 ka mid ah waxay u codeeyeen mooshinka kalsooni kala noqoshada madaxweynaha oo horey baarlamanka loogu gudbiyay, halka ay lix xildhibaan ka soo horjeesteen, labana ay ka aamuseen. Kulanka Cosoble xilka looga qaaday, oo loo diiday wariyeyaasha in ay goob joog ka noqdaan, ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee magaalada Jowhar oo ah isla halkii lagu doortay madaxweynenimada.
Qarax xoog leh ayaa ka dhacay meel ku dhaw Hotel Jazeera oo kaabiga ku haya Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Qaraxa ayaa lagu soo xiray Gaari Tagsiile ah,waxaana dhaawac daran kasoo gaaray darawalkii gaarigaas sida ay xaqiijinayaan wararka na soo gaaraya Ciidamada ilaalada xarumaha QM iyo kuwa Hotel Jazeera, ayaa soo gaaray goobta Qaraxu ka dhacay, waxaana hadda lasoo sheegayaa in ay socdaan baaritaanno ay waddaan ciidanka dowladda. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaas.
Kudhawaad 13-wasiir iyo wasiir kuxigeeno katirsan maamulka Hirshabeelle ayaa iska casilay, xilka ay ka hayeen xukuumadda Cosoble. Cadaadiska ayaa kusii kordha Madaxwaynaha maamulkaas, maadaama mooshin isaga ka dhan ah la waday maalmihii lasoo dhaafay. Wasiirrada is casilay ayaa ku eedeeyay in aysan u dulqaadan karin dhibaatada uu hayo madaxwayne Cali Cosoble, kaas oo ay saluugsan yihiin xildhibaannada iyo wasiirrada maamulkaas,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ZLPLdaeJsC0
Toddoba iyo toban qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen weerar looga shakisan yahay in koox jihaad doon ah ay ka fuliyeen bartamaha caasimadda dalka Burkina Faso, Ouagadougou. Dad goob-joogayaal ah ayaa laga soo xigtay in saddex nin oo hubeysan ay xabbado ku fureen macmiil fadhisay bannaanka hotel iyo maqaayad. Bartamaha magaalada ayaa waxaa xiray ciidamada, safaaradda Mareykanka ayaana uga digtay muwaaddiniinteeda inay ka fogaadaan goobtaasi. Weerar koox jihaad doon ah ay ku qaadeen maqaayad dalkaasi ku taalla ayaa waxaa ku dhintay 30 qof bishii Jannaayo ee sanadkii hore. Waxaa laga cabsi qabaa in weerarka ay geysateen koox xiriir…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynahii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole. Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole uu ku yimid Magaalada Kismaayo oo uu xusay in ay tahay mid rasmi ah isla markana uu inta uu joogo wakhti la qaadan doono bulshada Magaalada oo uu sheegay in mudo ay ugu danbaysay. Madaxweynahu wuxuu sheegay in Senatorku uu kamid ahaa dadkii qaybta muhiimka ah ka qaatay dhismaha Jubbaland isla markana Dowlada…
Kudhawaad 13-wasiir iyo wasiir kuxigeeno katirsan maamulka Hirshabeelle ayaa iska casilay, xilka ay ka hayeen xukuumadda Cosoble. Cadaadiska ayaa kusii kordha Madaxwaynaha maamulkaas, maadaama mooshin isaga ka dhan ah la waday maalmihii lasoo dhaafay. Wasiirrada is casilay ayaa ku eedeeyay in aysan u dulqaadan karin dhibaatada uu hayo madaxwayne Cali Cosoble, kaas oo ay saluugsan yihiin xildhibaannada iyo wasiirrada maamulkaas. Dhamaan xubnahan ku dhawaaqay in ay iska casileen xilalkii ay ka hayeen maamulka ayaa dhinaca kale ah xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle iyaga oo guddoonka u gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble. Horay…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in cudurka dabaysha laga cirib tiray guud ahaan dalka muddadii sadexdii sano ahayd ee lasoo dhaafay. Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay munaasabad dowladdu ay kusoo bandhigaysay mira dhalka dadaalladii lagu dabar- gooynayey cudurka dabaysha ayaa waxa uu ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed, Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah sida ay ugu dhabeeyeen higsigoodii ku aaddanaa ciribtirka cudurkan dilaaga ah. “Dowladda Fadaraalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay joogteyso dadaallada lagu ciribtirayo, loogana hortagayo cudurrada dilaaga ah oo ay dabeyshu kamid tahay sida ku cad Qorshaha Horumarinta Dalka.” ayuu yiri…
Wasiirkii hore ee Wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska Puntland Anisa Xaaji Muumin ayaa maanta xilkii ku wareejisay Wasiirka cusub ee Wasaaradaas Madaxweyne Gaas usoo magacaabay. Anisa ayaa madasha xil wareejinta kusoo bandhigtay waxqabadkeedii mudadii ay hogaaminaysay Wasaarada, Hadaba waxqabadka Wasiirad Anisa oo ah xaqiiqdii ah mid aan la dhayalsan karin aadna u sareeya ayaa u qornaa sidatan:- Siyaasadda daryeelka dadban ee caruurta dayacan. Siyaasadda ka hortaga gudniinka gabdhaha. Siyaasadda horumarinta haweenka Siyaasadda guud ee caruurta Puntland Wasaaradda ayaa sidoo kale dejisay qorshe hawleedyo dhowr ah, kuwaasi oo intoodii badnayn ay hirgaleen. Qorshe howleedyada Qorshaha…
Wasiirka cusub ee Wasaarada amniga Puntland oo xilkii kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada amniga,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/SMGqhyk-aO4
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/x4NzUJn4NCc
Waxaa goor dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaarad siday Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo ka soo duushay degmada Xuddur. Mukhtaar Rooboow ayaa la sheegay in ay socdaalkiisan ay ku wehlinayaan wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid Cabdullaahi Maxamed iyo saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugida Qaranka oo ka soo qaaday degmada Xuddur kaddib wada hadal dhaxmaray Wadaadka iyo mas’uuliyiinta dowladda. Abuu Mansuur oo ka goostay Al-shabaab ayaa saakay isku dhiibay maamulka Koonfur galbeed ee degmada Xuddur, kaddib weerar ba’an oo uu kala kulmay xoogagga Al-shabaab, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay…
Dhalinta aqoon-yahanka ah ee kasoo jeeda Gobolka Karkaar iyo Kuwa Ku Sugan ayaa si wada-jir ah usoo qaban-qaabiyey munaasabad si fiican loosoo agaasimey laguna casumey qaybaha bulshada iyo Maamulka Gobolka iyo Laamaha amniga, munaasabadan ayaa waxay gaar u ahayd bahda saxaafada si loogu mahadinayo doorkooda baahinta wararka iyo war-bixinada la xiriira horumarka Gobolka Karkaar iyadoo la ogsoon yahay duruufaha kala duwan ee ku xeeran saxaafiyiinta dalka gudihiisa ka hawl-gala. Munaasabadaan oo Aqoon-yahano Dhalin ah Soo Agaasimeen Hussein Musse Nooh Si Ay U Mahadiyaan Tabinta Joogtada ah iyo Doorka Saxaafada Ay Ku Leeyihiin Horumarka iyo Hanaanka Dhaqan iyo Horumar Ee…
Wasiirka Arimaha dibada Dawlada Fadaraalka Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta hortagay baarlamanaka Fadaraalka. Xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraalka ayaa maalmo ka hor uyeeray Wasiir Yuusuf Garaad Cumar. Wasiirka ayaa Xildhibaanadu wax ka waydiiyeen arimo dhawr ah oo ku saabsan shaqada Wsaaarada,waxaana ugu muhiimsanaa arimaha ay wax ka waydiiyeen hab qaybsiga safiirada Somaliya u fadhiya dalka dibadiisa.. Xildhibaanada ayaa qaba in lagu qaybiyo Safiirada Nidaamka 4.5 oo waayahan danbe Somalidu wax ku qaybsanaysay,halka Wasaardu ay wadato qorshe kale oo kaas ka duwan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/LnHnGy9KOWQ
Madaxweyne Faroole ayaa maanta iska casilay xubinimadisii Gudiga dastuurka Fadaraalka ah. Madaxweynaha ayaa qoraal uu kaga codsanayo Aqalka-sare in laga aqbalo iscaislaadiisa waxuu ugudbiyay Gudoonka Aqalka-sare,iyadooo laga hor akhriyay Senetarada hortooda. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la buuxiyo Xubintaas sida ay sheegeen Gudoonka Aqalka-sare. Guddigan ayaa ka kooban 10-xubnood oo kala ah,5-xubnood oo ka socda Golaha shacabka iyo 5-xubnood oo ka socda Aqalka sare, kuwaasoo dhamaantood Rag ah. Beesha caalamka ayaa todobaad ka hor war ay soo saartay ku sheegtay in ay aad uga xun tahay ugana niyad jabtay markii Gudigan laga dhex waayay…
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa saaka ku guuleystay in dib loo furo waddo muhiim ah oo isku xirta Isgoyska Shaqaalaha iyo KPP, taasoo in muddo ah u xirneyd sababo amni. Wadadan oo ah laami ayaa u xirneyd Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, gaar ahaan dhanka dhismaha Guriga Shaqaalaha ee hadda noqotay xarunta Baasaboorada laga bixiyo. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in wadadan ay halbowle u tahay isu socodka qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir. Wadadan ayaa fududeyneysay marka wadada Maka Al-Mukarama uu noqdo mashquul in la aado waddooyinka kale, sidoo kale gaadiidka raba inuu aado dhanka Isgoyska KPP ayaa ku qaadaneysay…
Maxkmad ku Taala wadanka Hindiya ayaa 26 Maxaabiis Soomaali ah waxaa ay ku xukuntay Todobo sanno oo Xarig ah midkiiba, waxaa lagu eedeeyay dhalinyaradaan in ay Afduubteen Doon kaluumeeysi iyo 24 Shaqaale ah oo u dhashay wadanka Thailand sanadii 2011 kii. Garsooraha Maxkamadda Xukunka Fulisay oo lagu Magacaabo Jayendara Jagdal ayaa waxaa uu sheegay in dhalinyaradaan lagu helay isku day Dil, afduub iyo Fal Liddi ku ah Madax Banaanidda iyo Amaanka wadanka Hindiya. Maxkamaddu waxaa ay sidoo kale ku soo rogtay Maxaabiista laxukumay Ganaax dhan 17,000 oo Rubbiis mid kasta. 26 kaan Maxaabiista ah ayaa waxaa la filayaa in Doowladda…
Uhuru Kenyatta ayaa mar labaad loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Kenya, sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka Kenya. Mucaaradka ayaa ku gacanseyray natiijada. Haddana Uhuru Kenyatta waa kuma? Doorashadii hore, Kenyatta waxa uu wajahayay maxkamada dambiyada caalmiga ah ee ICC waxaana loo haystay dacwado la xiriira xadgudubyo ka dhan ah aadanaha. Arrimuhu iminka si wayn ayay isu badaleen. “Waxa ay noo sheegeen in caalamka ay naga dheeraan doonaan, laakiin maanta ma jiro waddan dunidda ka tirsan oo ka baaqsanaya in uu la kulmo madaxweynaha jamhuuriyadda Kenya”. Doorashadan tii ka horreysay dowladaha UK iyo Maraykanka ayaa Kenyanka uga…
Meello kale duwan oo ay dagan yihiin taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa waxaa xalay ka qarxay rabshaddo looga soo horjeedo guusha madaxweyne Uhura Kenyatta. Rasaas ayaa ka dhacaysay xaafaddaha isku-raranta ah ee Kibera iyo Mathare ee Nairobi, iyo xaafadaha kale ee saboolka ah. Sidoo kale magaalada dhinaca galbeedka ku taalla Kisumu rabshado ayaa ka dhacay. Booliska Kenya ayaa rasaasta dadka ka ilmeysiisa ku furay dad rabshado ka dhigay. Dhinaca kale, hay’adda Human Rights Watch ayaa booliska Kenya ugu baaqday inay is-xakameeyaan xiligan xasaasiga ah oo aanay awood u isticmaallin dadka dibadbaxyada sameynaya. Human Rights Watch waxay sheegtay in dibadbaxyada…
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’aankii Ruushka dalkooda uga soo saareen in ka badan 750 diblumaasiyiintii ka shaqeyn jirtay Safaarada Maraykanka ku leeyahay Moscow. “Waa soo dhaweenayaa arrintaasi, maadaama ay noo baajin doonto lacag badan oo nooga bixi jirtay mushaharka diblumaasiyiintaasi joogay Moscow…” ayuu yiri Trump oo si la yaableh uga hadlay arrinta oo uu in muddo ah ka gaabsanayey inuu soo hadal qaado. Warkan kasoo yeeray Trump ayey durbaba dhaliileen diblumaasiyiinta Maraykanka qaarkood, walow Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Xoghayaha Dibada Rex Tillerson aysan si rasmi ah weli arrintan uga hadlin. Hase…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay daawashada Ciyaaro kala duwan oo Muqdisho lagu qabtay, kuwaas oo lagu maamuusayay maalinta dhalinyarada Adduun ka. Waxana ciyaarahan soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha, iyadoo ay ka qeyb qaadanayeen dad kala duwan oo isugu jirey dhalinyaro iyo waaweyn oo goobtaasi ku soo bandhigay xirfadahooda. Ra’iisal-Wasaaruhu wuxuu dhiirigeliyey qeybihii kala duwanaa ee ciyaaraha soo bandhigay, wuxuu xusay inay maanta tahay maalin taariikhi ah oo ka turjumaysa doorka dhalinta Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarka dalkooda. Isagoo sheegay inuu dareen sanyahay xaalada adag ee dhalinta Soomaaliyeed ku sugan yihiin xiligan…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo mar labaad dib loo doortay. Madaxwyenaha ayaa yiri “Madaxweyne Kenyatta ma aha saaxiib qura, balse waa hoggaamiye dadaal badan oo dareen horumarineed leh. Waan ugu hambalyeynayaa guushiisa.” Madaxwyene Farmaajo waxa uu kalsooni weyn ku qabaa in dib u doorashada Madaxweyne Kenyatta ay sii xoojineyso xiriirka wanaagsan ee haatan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. “Aniga iyo Madaxweyne Kenyatta waxaan wadaagnaa hiraal ku dhisan nabad, xasillooni iyo koboc dhaqaale oo dhexmara labadeenna dal iyo guud ahaa gobolka.” Soomaaliya waxaa kala dhaxeeya Kenya xiriir dhaqaale iyo…
Wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar kale maanta ku qaadeen saldhigga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur kadib dagaalkii dhacay subaxnimadii Arbacada ee dib loogu soo rixay Al-Shabaab. Weerarkan cusub ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey markii Al-Shabaab ay maleeshiyo badan keeneen deegaankaasi, kuwaasi oo la sheegay inay qayb ka yihiin weerarkan. Dagaalladii dhacay maalintii Arbacada ayaa la sheegay inay ku dhinteen 19 qof oo ka tirsan labada dhinac. Jaamac Buulle oo ka tirsan laanta afka somaliga ee VOA,ayaa ka wareystay Wasiirka amniga gudaha maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed,hoos ka dhagayso codka. …
Guddiga doorashada ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu mar kale ku guulaystay doorashadii aadka looga war sugayay ee dhacay Talaadadii. Musharraxan oo ka tirsan xisbiga Jubilee ayaa helay 54% codadkii la dhiibtay halka musharraxa xisbiga mucaaradka Raila Odinga uu helay 44% codadkii la tiriyay. Xisbiga mucaaradka ah ee NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn sida ay u dhacday doorashadan, balse kormeereyaasha caalamiga ah ayaa ammaanay gudiga iyaga oo sheegay in ay qabteen doorasho xor iyo xalaal ah. Isbeheysiga mucaaradka Kenya ayaa sheegay in aysan maxkamad aadi…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/BHSYyOWU_RY
Warar goor dhowayd naga soo gaadhay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay gudaha xabsiga dhexe oo u dhow dekadda Muqdisho. Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa ismiidaamin, waxaana la sheegay in qof uu isku qarxiyey afaafka hore ee masaajid ku yaalla gudaha xabsiga dhexe. Warar hadda naga soo gaadhay Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxa loola dan lahaa Taliyaha ciidamad asluubta Jeneraal Xuseen Xasan Cusmaan. Wararku waxay sheegayaan in taliyaha uu ka degay baabuur kadibna isaga oo kusii jeeda masaajidka uu nin ka daba orday kaasi oo uu hor istaagay mid ka mid ah ilaalada taliyaha. Ninka ayaa…
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa amray howlgal qorsheysan oo ay nala fuliyeen saaxiibada caalamka ee ShaashWeyn oo bannaanka gobolka Benaadir ah halkaas oo lagu dilay horjooge sare ee kooxda maleeshiyaadka argagaxisada Al-Shabaab. Horjoogahan kooxda argagaxisada ka tirsan ayaa mas’uul ka ahaa qorsheyaasha lagu fulinayey qaraxyada iyo dilalka qorsheysan eek a dhacayey Muqdisho oo lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Labadii usbuuc ee u danbeysey ayaa geesiyaasha ciidanka Soomaalida ayaa bartilmaameysanyey kooxaha argagaxisada jid-gooyooyinka ay lacagaha baadka uga qaadaan shacabka, oo weliba weeraradaas mid ka ah lagu qaarajiyey horjoogihii Muqdisho u qaabilsanaa argagaxisada…
Waxaa maanta oo jimcaha ah dadka reer Kenya ay u dhega taagayaan ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee doorashadii talaadadii ay u dareereen. Mucaaradka ayaa dhinaca kale sii wada diidmadooda ku aadan natiijada ilaa iyo hadda la shaaciyay, iyagoo qamiistii shalayna sheegay in murashaxooda, Raila Odinga, uu yahay midka sida xaqqa ah ku guuleystay. Shalay galab Guddiga doorashadu waxey sugayeen ilaa iyo 170 form oo ka imaanayay 290ka deegaan doorasho ee Kenya, iyo ilaa iyo Kun form oo kale oo Iyana ka imaanayay 40, 883 goob codbiin. Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo xuduudaha ee Kenya, Wafula Chebukati, ayaa sheegay in dhamaan…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/JOdOD21PDWM
Shir jaraa’id oo ay goordhow ku qabteen magaalada Nairobi isbahaysiga mucaaradka ee NASA ayay ku sheegeen in musharaxooda Raila Odinga uu heley codadka ugu badan, iyaga oo ugu baaqay in guddiga doorashooyinka ee IEBC in ay ku dhawaaqaan in Raila uu ku guuleystey madaxweynenimada Kenya. Waxa uu sheegey in ay jireen waxyaabo badan oo la’is dabo mariyey, ayna dhacday ku shubasho, isaga oo guddiga ku eedeeyey in uusan soo bandhigin caddeyn ku filan oo ay ku xaqiijin karaan natiijada. Mar la weeydiiyey sida ay ku ogaadeen natiijada uu Raila heley ayuu sheegey in dad ka mid ah IEBC ay usoo…
Qarax baabuur ayaa ka dhacay wadada maka al-Mukarramah ee magaalada Muqdisho Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in gaarig qaraxa siday uu ahaa mid ay ciidamadu ku raadjoogeen, waxaana qaraxu dhacay markii ay ciidamadu baabuurka joojiyeen. Qaraxan ayaa waxaa la sheegayaa inuu ku dhaawacmay mid ka mid ah ciidanka miino-baarista,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/XBA9o7JfpfA
Xubnaha guddiga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee horyaala oo ay ka mid tahay hannaanka wada shaqeynta xubnaha guddiga, gaar ahaan xubnaha ku sugan goballada iyo dalka dibaddiisa, mideynta dadaallada shacabka ee ku aaddan ka qayb qaadashada taakuleynta ciidamada iyo diyaarinta istaraatiijiyadda wacyi-gelinta laamaha kala duwan ee ciidamadda Qalabka Sida. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulanka ka dib la dar-daarmay xubnaha guddiga ayaa u sheegay in kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan xubnaha guddigan ay furo u noqonayso ka mira-dhalinta ujeedka loo asaasay. Madaxweynaha ayaa yiri “Muhiimadda ugu weyn ee guddigan waa sida aan u dareensiin lahayn ciidamadeenna in…
Illaa 12 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka ayaa mooshin ka gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar, si wax looga weydiiyo ku dhaqan la’aanta faritaanka sharciLr. 112 sharciga shaqaalaha arrimaha dibadda ee dalka la dhaqangalay 05/09/2013 gaar ahaan qodobkiisa 1aad(b) iyo qodobka 4aad ee shuruudda diblomaasiga dibadda loo diraayo. Qodobadda Yusuf Garaad lagu heysto waa awood qeybsiga beelaha 4.5 iyo qoondada beel walbo ay ka tahay in ay ka hesho shaqaalaha arrimaha dibadda, waxaa kale oo wax laga weydiin doona shuruudaha laga doonayo diblomaasiga dibadda loo dirayo. Su’aalaha La Doonayo in Yusuf Garaad Ka Jawaabo: …
Ugu danbayntii Xildhibaanadu waa ansixiyeen Wasiiradii si aqlabiyad leh. Waa talaabo soo dhaweyn mudan,intaas ka badan xasarad siyaasadeed laguma sii jiri karo. Waxaa la gaaray xiligii loo shaqaynlahaa dalka iyo dadka. Madaxweyne Gaas waa lagu amaani karaa sida uu usoo xushay markan Wasiiradiisa oo waliba uu ugu fariisiyay Wasiirada intooda badan Wasaaradihii ay ku wacnaayeen. Baarlamaanku iyagoo wajiyada qarsanaya ayay gacmaha kor uwada taageen hal mar oo aan kala har lahayn marka laga reebo labo mudane oo iyaguna aan didin ee ka gaabsaday,waxaana Golaha fadhiyay 63 mudane,iyadoo uu shir gudoominayay fadhiga Gudoomiye Axmed Cali Xaashi. …
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/I_oFSHdkBcI
Ku dhowaad 20 qof ayaa ku dhintay dagaallo qaraar oo shalay ka dhacay Gobolka Bay kuwaasi oo dhexmaray maleeshiyada Al-Shabaab iyo kuwo kale oo daacad ah Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo horey uga tirsanaa ururkaasi. Dagaalkaas oo aad u kululaa ayaa Maleeshiyada Alshabaab waxay kasoo weerareen dhawr jiho Ciidamada Mukhtaar Rooboow. Ku Simaha Madaxweynaha Koonfgur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa dagaalkan uga warramay Haaruun Macruuf.oo ka tirsan laanta Afka Soomaaliga ee VOA,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan. Halkan ka dhagayso codka
Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa si buuxda u ansixiyay dhamaan Golihii Wasiirada dawlada Puntland ee Madaxweyne Gaas soo magacaabay maalmo ka hor. Ma jirin Xildhibaan diiday marka laga saaro labo mudane oo aan iyaguna diidin balse ka gaabsaday oo aamusay,sidaana waxaa cod aqlibayd leh ku helay kasloonida Baarlamaanka Golihii Wasiirada ee cusbaa. Talaabada saakay Baarlamaanku ku ansixiyay Golaha Wasiirada ayaa guud ahaan Puntland laga soo dhaweeyay,iyadoo bulshadu aad isha ugu wada haysay, Bulshada reer Puntland qaybaheeda kala duwan ayaa intooda badan qabay in ay muhiim ay ahayd kalsooni siinta Wasiirada cusub ee Baarlamaanka,iyagoo cudurdaar uga dhigaya in xiligan…
Puntland ayaa sheegtay in ciidamada badda ee loo yaqaan PMBF ay awood buuxda u leeyihiin inay burcad badeedda kula dagaallamaan isla markaana ka ilaaliyaan xeebaha si aysan weerar ugu gaysan maraakiibta iyo doonyaha ganacsiga. Ciidankan ayaa isku diyaarinaya inay ilaaliyaan xeebaha kadib marka uu dhammaado xilliga bad xiranka oo ay haatan ka harsan tahay saddex toddobaad keli ah, xilligaasi oo laga cabsi qabo inay doomaha burcad badeeddu dib u galaan biyaha. Talyaha Ciidamada Bada Puntland Cabdirisaaq Diiriye ayaa waraysi uu siiyay laanta Afka Somaliga ee VOA waxuu kaga hadlay arintaas,hoos ka dhagayso codka talyaha iyo faahfaahin warkaas ku…
Madaxweynaha Jmahuuriyada Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cbadulaahi Farmaajo ayaa Television-ka Qaranka Somaliyed siiyay waraysi xiiso leh oo uu kaga hadlay arimo dhawr ah. Madaxweynuhu arimaha usoo qaaday waxaa kamid ah ,ansixinta Miisaaniyda iyo shrciga isgaarsiinta,Aamaanka caasimada,la dagaalanka argagixisada,sidoo kale waxuu Madaxweyne Farmaajo Tacsi ka diray Geerida labada Haldoor ee kala ah Dhakhtar Maxamed Jaamac Salaad iyo Wariye Axmed kismaayo oo ku kala geeriyooday Dalalka Hindiya iyo Talyaaniga. Halkan hoose ka daawo muuqaalka waraysiga Madaxweyne Farmaajo oo dhinacyo badan taabanaya. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/PjMe36uh2K8
Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay Askirigii badbaadiyay Radio Muqdisho mudadii burburka ahayd ee 26-kii sano ee lasoo dhaafay. Askarigan oo u dhabar adaygay guud ahaan dagaaladii Sokeeye ,Barakicii ka dhacay Xamar iyo rafaadkii Nololeed ee dalka soo maray ilaa iyo 1991 burburkii Dawladii dhexe waxuu ilaalo ka ahaa oo gacanta ku hayay kaydka Radio Muqdisho oo ay dhex yaaleen dhamaan taariikhdii dalka. Madaxweyne Farmaajo xiligii uu ka ahaa Ra’isalwasaaraha dawladii madaxweyne Sh.Shariif hogaaminayay ayaa mar uu booqday xarunta Radio Muqdisho waxuu u balanqaaday Askarigaas in uu dalacsiin doono oo Xidig gudoonsiindoono iyo bilad sharaf. Hadaba Madaxweyne…
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u muuqda inuu wali kaga horreeyo hogaamiyaha mucaaradka codadka ilaa iyo hadda la tiriyey ee doorashadi Talaadadi ka dhacday dalkaasi. Ninka sida aadka ah kula tartamayo doorashadan, Raila Odinga ayaa Arbacadii qaadacay natiijooyinka hordhaca ah ee ay soo saareen guddiga doorashada. War ay goor danbe oo Arbacadii shalay ah soo saareen ayey guddiga doorashada ku sheegeen, in ilaa iyo iminka la tiriyey 96 boqolkiiba codadka la dhiibtay. Waxay sheegeen in madaxweyne Kenyatta uu kaga horeeyo Odinga 55 boqolkiba, halka Odingana uu marayo 44 boqolkiiba. Saraakiisha doorashooyinka ayaa heysta muddo todobaad ah…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/6vRAQHUrANY
Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo guud ahaan shacabka Puntland samir iyo imaan haka siiyo,si gaar ah waxaan Tacsi ugu dirayaan bahda idilnews Xaaskiisii iyo Caruurtisii. Allaha u naxariistee Wariye Ahmed Maxamed Cali (Ahmed Kismaayo), ayaa ku geeryooday isbitaal ku yaalla dalka India. Marxumka, ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa uu xaalad caafimaad uu u joogay Magaalladda Nairobi iyadoo laba todobaad ka hor uu tagay dalka India. Taariikh Nololeedkii Axmed Maxamed Cali(Axmed Kismaayo):- “Allaha u naxariisto” Axmed –kismaayo waxaa uu ku dhashay magaalada Kismaayo dabayaaqadii Sannadkii 1964, wuxuuse waxbarashadiisa h/dhexe iyo sare ku dhammaystay magaalada Muqdisha. Markii uu…
Talyaha Ciidamada Booliska Fadaraalka Soomaaliya Jen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa maanta Gaadiid ku wareejiyay Ciidamada Booliska isku dhafka ah ee shalay tababarka loosoo xiray magaalada Gaalkacyo. Gaadiidkan oo gaaraya Lix ayaa afar kamid ah waxaa ku hawlgali doona Booliska isku dhafka ah,halka labada soo hartay lagu wareejiyay Puntland iyo maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado. Gaadiidkan ayaa ka soo dagay Dekadda Magaalada Boosaaso todobaadkii hore. Talyaha Ciidamada Booliska Fadaraalka Soomaaliya Jen,Saacid ayaa tilmaamay in u waqti badan galiyay sidii baabuurtan ay soomaaliya u heli-lahayd,kuwaaso muddo labo sanno ah ku xanibnaa Dalka jabuuti,waxuuna si gaar ah ugu…
Waxaa jiray warar ay soo baxyaya saacadihii lasoo dhaafay ,kuwaasoo lasoo galiyey baraha bulshada oo sheegaya in magaalada mombasa ay ka jiraan mudaaharaadyo iyo rabashado xoog leh. Hadaba Tv-ga ntv ayaa warkaas beeniyay ,waxaana wariyiha tv-gaas oo kasoo waramay si toos ah Mombasa sheegay in magaaladu degan tahay noloshuna si caadiya usocoto,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/e9jHsKVlAlI
https://youtu.be/iRRz9GXKJ4k
Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa maanta sheegay in kooxaha jabsada kombiyuutarada ay fuliyeen qiyaano “weyn oo xad dhaaf ah” oo ka dhan ah kombiyuutarada guddiga doorashada Kenya. Odinga ayaa sheegay in taasi oo dhalisay wax uu ugu yeeray tiro codad ah oo muujinaya in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu kaga horreeyo doorashada madaxweyne. Website-ka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya ee loo soo gaabiyo IEBC, ayaa muujinaya in madaxweyne Kenyatta uu doorashada ku hoggaaminayo codad ah 54%, halka Odinga uu haysto 45%, ayada oo la tiriyey 93% codadka. Odinga ayaa weriyayaasha maanta u aqriyey qoraal uu ku eedeeyey…
Magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska warar hadda ka imaanaya ayaa sheegaya in weerar gaari loo adeegsaday uu ka dhacay halkaas. Gaariga ayaa xoog kusoo galay goob ay ku badnaayeen Booliska oo ku taallay xaafadda caanka ah ee Lavallions Parette ee magaalada madaxda dalka Faransa ee Paris. Lix qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas,waxaana goobta isku gadaamay ciidanka Booliska oo ka bilaabeen hawlgalo. Dhawr jeer hore ayaa weeraro noocan oo kale ay ka dhaceen Paris, balse weerarkan wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee ka dhaca tan iyo intii la doortay madaxwaynaha cusub Emanuel Macron,hoos ka daawo muuqaalka. …
Warqadan ayaa ku socotay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Goalah Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyadoo lagu ogeysiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. “Aniga oo ku hadlaya magaca Kooxda Copenhegan oo ka kooban Safiirada Itoobiya ,Sweden, Talyaaniga, Qaramada Midoobay, Ingriiska, Mareykanka, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Urur Goboleedka IGAD waxa aan qoraalkeygan idinku wargalineynaa in aan tixgalinnay doorashadii 7da Ogosto loogu doortay Senotor Cabdi Xasan Cawaale Qybdiid inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Wadajirka ee Dib U eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya, hase yeeshee waxa aan ka walaacsannahay in uu guddigaasi uu shaqo bilaabo, iyadoo haweenku aaney…
Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa ku guuleysatay koobka Uefa Super Cup kadib marki ay xalay 2-1 ku garaacday naadiga Manchester United ee dalka Britain, ciyaar ka dhacday magaalada Skopje ee caasimadda dalka Macedona. Real oo aad ugu gacan sarreysay inta badan ciyaarta ayaa la hormartay goolka waxaana u dhaliyey Casemiro daqiiqadii 24-aad, goolka labaadna wuxuu yimid daqiiqadii 52-aad ee gelinki danbe ee ciyaarta, waxaa saxiixay Isco. Manchester United oo qeybti labaad ee ciyaarta sameysay fursado aanan sidaasi u badneyn ayaa heshay gool, waxaa u dhaliyey weeraryahankeeda cusub Romelu Lukaku kaasoo shabaqa ku dharbaxay darbo laga soo tufay Marcus…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu goodiyay Kuuriyada Waqooyi in ay la kulmi doonto cadho iyo dab uusan caalamka waligii arkin, hadii aysan Mareykanka ka joojin hanjabaadaha. Trump, ayaa Talaadadi hadalkaan ka sheegay beertiisa nashadada ee lagu ciyaaro golf-ka kuna taala degmada Bedminster ee gobolka New Jersey. Wuxuu ku eedeeyey hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, inuu aad ugu hanjabayo Mareykanka, kadib marki ay Kuuriyada Waqooyi ku celceisay in ay sii wadi doonto tijaabinta gantaalada riddada dheer. Hadalka madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid saacado kadib marki ay qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Mareykanka ku warrameen in…
Magaalada Bosaso ee xarunta Ganacsiga Puntland,ayaa goor dhaweyd waxaa lagu dilay taliye ku xigeenkii saldhiga bartamaha ee magaaladaas. Talye Cabdi Dheere rabi ha unaxariistee waxaa dilkiisa fuliyay kooxo bustoolado ku hubaysan oo isla markiiba ka baxsaday goobta dilku uu ka dhacay. Bosaso xaaldeeda guud ayaa degan waxaana goobta dilku ka dhacay soo gaaray ciidamada amaanka,kuwaasoo hawlgalo ka bilaabay aaga dilku ka dhacay.
Axmed Maxamed Cali(Axmed Kismaayo) oo geeriyooday. Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo guud ahaan shacabka Puntland samir iyo imaan haka siiyo,si gaar ah waxaan Tacsi ugu dirayaan bahda idilnews Xaaskiisii iyo Caruurtisii. Allaha u naxariistee Wariye Ahmed Maxamed Cali (Ahmed Kismaayo), ayaa ku geeryooday isbitaal ku yaalla dalka India. Marxumka, ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa uu xaalad caafimaad uu u joogay Magaalladda Nairobi iyadoo laba todobaad ka hor uu tagay dalka India. Axmed Kismayo ayaa la xaqiijiyay saaka aroortii inuu u geeriyooday xaaladii dhanka caafimaadka aheyd ee haysatay, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan ehelada…
Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya, Raila Odinga oo qaadacay natiijada hordhaca ah ee doorashada, iyadoo weli ay socoto tirinta codadkii la dhiibtay. Raila wuxuu sheegay in aysan ku qanacsaneyn qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Qj53qvUrIJE
Madaxweynaha talada haya ee dalka Kenya Uhurru Kenyatta ayaa hogaaminaya codadka ilaa iyo iminka la tiriyey ee doorashadi madaxtinimada ee Talaadadi shalay ka dhacday dalkaasi. Tirinta codadka ayaa wali socaneysa, balse guddiga doorashada ayaa sheegay in Kenyatta uu ku hogaaminayo 55 boqolkiiba halka hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu hadda marayo 44 boqolkiiba. Guddiga doorashooyinka ayaa heysta muddo todobaad ah si ay usoo bandhigaan natiijada rasmiga ah, balse waxay heystaan ikhtiyaar ah inay soo hormarin karaan natiijada si looga hortago qalalaase. Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa durbaba qaadacay natiijada hordhaca ah, isaga oo ka dalbaday guddiga doorashooyinka in ay soo gudbiyaan…
Rabi ha unaxariisto waxaa goordhow ku geeriyooday Dalka Talyaaniga Dr Maxamed Jaamac Saalaad oo ah dhaqatar siweyn looga yaqaanay Gayiga Soomaalida ay degto. Dr. Maxamed Jaamac Salaad ayaa taqasuskiisu uu ahaa Daweynta Xanuunka Neerfaha iyo qaliimada waxaana uu xarun caafimaad ku lahaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug. Dhakhatarka ayaa mudooyinkan Dambe waxa uu ku xanuunsanaa dalka Talyaaniga,kaasoo sababay ugu Danbayntii in Caawa uu ugu geeriyoodo isbital kuyaala Dalka Talyaaniga. Warbahinta idilnews waxay Tcasi tiiraanyo leh udiraysaa guud ahaan shacabka Somaliyed meel walba oo uu joogo.