Taliska Saldhiga dhexe ee magaalada Garowe ayaa maanta mar kale xabsiga dhigay dhalinyaro dhawaan Jeelka laga sii dayay kadib markii la waayay cadaymo muujinaya kiiska lagu haysto, taasoo markii dambe dhalisay in shaqada laga joojiyo Taliyihii ciidamada Booliiska Puntland. Dadka la sii dayay oo markii hore tiradoodu 12 qof oo qaybtood ahaayeen Arday wax ka barta Iskuullo ku yaalla Garowe, ayaa lagusoo bandhigay Taliska qaybta Garowe kadib markii dood laga keenay sii dayntooda, waxaana iminka lagu hayaa xabsiga. Taliyaha Saldhiga dhexe ee magaalada Garowe, Dhamme Maxamuud Muuse Bile Fardafuul oo saxaafada kula hadlayay xafiiskiisa Garowe ayaa ka warbixiyey…
Author: Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/4EsE8vXYQVo
Madaxweyne Ku-xgeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey, ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka golaha xukuumadda Dawladda Puntland, waxaana looga hadlay arrimaha kala ah, xoojinta Amniga dalka, xaaladda sicir bararka iyo xal u helidda lacagta shillin Soomaaliga. Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ayaa ugu horey ku booriyey dhammaan shacabka iyo masuuliyiinta dawladda Puntland in la illaaliyo oo laga wadda shaqeeyo xoojinta amniga, oo saldhig u ah xasiloonida iyo nabad gelyada dalka, isla markaana waxuu Madaxweyne Camey xusay in feejignaan gaara la sameeyo madaama lagu jiro u diyaar garawga ciidul Adxaha oo ay badi magaalooyinka waaweyn ee Puntland mashquul…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku gudajira gudashada acmaasha akhyriga ah ee Xajka ayaa Hambalyo u diray ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland iyo sidoo kale ciidamada qalabka sida ee dawladda Puntland munaasibadda ciidul Adxaha darteed. Madaxweynaha Puntland ayaa Alle ‘’SWC’’ u weydiiyey ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland in ciidan ciideeda Alle farxad, barwaaqo, Alla ka-cabsi, amni, horumar iyo mid nimo ku gaadhsiiyo, waxaana uu Madaxweynuhu kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed inay Eebe Weyne ka baryaan inuu ka saaro dalkooda colaadda, abaarta iyo cadawga, quluub-toodana isu soo jeediyo oo mideeyo. ‘’ Ciid Mubaarak, Ciid Mubaarak,…
Malayshiyaad kasoo jeeda maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado,isla markaana wata calanka ururka argagixisada ah ee Alshabaab,ayaa saaka aroortii weerar ku soo qaaday Ciidanka Difaaca Puntland fadhigooda deegaanka Godad oo qiyaastii 15-Km dhanka bariga kaga beegan magaalada Galkacyo. Weerarkan oo ahaa mid gaadmo ah ayay Ciidamada Difaaca Puntland si adag iskaga caabiyeen,waxayna gaarsiiyeen maleeshiyaadkii soo duulaan tagay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. ”Ciidamadu weerarkan waa iska caabiyeen,isla markaana maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday waxay ka dhigeen, wax dhintay,wax dhaawacmay iyo wax firxaday”sidaa waxaa noo sheegay Sarkaal kamid ah Ciidamada Difaaca Puntland oo aan la xiriirnay. Dhanka Ciidamada…
Waxaa maanta ku cibaadaysanaya Buurta Carrafo,Malaayiin xujey si ay u gutaan waajibka ugu weyn ee xajka,Xujeeyda ayaa taagnaan doona banka carrafa waxayna taagnaan doonaan ilaa qoraxda ay ka dhacdo. Culimaa’udiinka ayaa sheegaya in gudashada waajibaadka xajka ay tahay mid ka mid ah tiirarka ugu waa weyn Diinta ee islaamka. Maalaayiin kale oo kunool daafaha caalamka oo aan u suuro galin ayaa iyana bilaabay in ay soomaan taasi oo qeyb ka ah gudashada cibaadada waqtigan, kuwaasi oo eebe ka rajaynaya in uu siiyo dembi dhaaf badan. Dhanka kale Dowladda Sucuudigu ayaa sheegtay in ay sannadkan dib u celisay…
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya 25 qof in ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay deegaan duleedka ka ah magaalaad Jowhar. Shilkan gaari ayaa yimid markii ay isku dheceen labo gaari oo xamuul ah oo mid uu waday Dad shacab ah halka kan kalena ay saarnaayeen Xoolo gaaraya 100 neef oo ari ah, waxaana khasaare xoog leh soo gaaray gaarigii Dadku ay saarnaayeen,khasaarahaas oo gaaraya dhaawaca ilaa 25-Qof. Goobjoogayaal ay SONNA lahadashey ayaa sheegay in Deegaanka uu shilkaasi ka dhacay lagu magacaabo Crash Program oo qayaas ahaantii 10 KM dhanka Koonfureed kaga aadan magaalada…
Waxaa Magaalada Bosaso Dhowaan Soo Gaaray kooxdii Ugu horaysay Ee hordhac u ahayd Bilaabida mashruuca balaarinta Dekeda Bosaso, Kooxda Shaqaalaha ah ee dhawaan soo gaaray Bosaso ayaa ah kooxda dhisaysa deegaanka iyo Xaafiisyada ay dagi doonaan shaqaalaha fulinaya Mashruuca Ee ka Socda Shirkada DP World. Ilaa iyo hada kooxdan waxay dhamaystireen qaybo ka mid ah Deegaankii iyo Xaafiisyadii lagu hawlgali lahaa. Waxaa la sugayaa oo dhawaan la filayaa in ay soo gaaraan Bosaso Qalabkii iyo shaqaalihii sida rasmiga ah u bilaabi lahaa fulinta mashruuca balaarinta Dekeda Bosaso. Mashruucan Balaarinta Dekeda Bosaso ayaa ah midka ugu balaaran…
Iyadoo ay soo baxayaan warar iska daba imaanaya oo xaqiijinaya dhiibista loo dhiibay Itoobiya sarkaalkii muhiimka ahaa ee ka tirsanaa Ururka Xoraynta Ogaden ee ONLF,ayaa hadana dhanka kale waxaan ilaa iyo hada warcad aan kasoo saarin arinkaas Dawlada Fadaraalka ah. Kulan saxaafadu su’aalo ku waydiinaysay Rw Khayre iyo qayb kamid ah Wasiiradiisa oo loogu magacday Dadkaaga maqal,ayaa arinkaas wax looga waydiiyay RW Khayre ,balse waa ka gaabsaday waxaana arinkaas si jilicsan oo is khaafin ah jawaab aan haboonayn ka bixiyay Talyaha Nabadsugida Dawlada Fadaraalka Sanbalooshe, RW khayre iyo Wasiiradiisa Saxaafada hor fadhiyay ayaa ku dhici waayay in ay arinkaas si…
Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa si kulul uga hadlay tallaabadii dowladda Itoobiya loogu gacan geliyay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Jabhadda ONLF. Qoraal uu Bartiisa Facebook soo dhigay ayuu ku tilmaamay inuu ahaa fal aad u xun oo qiyaano qaran ah, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay madaxdeeda u bareertay. “Waxaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa falka xun oo khiyaanada Qaran ah oo dawladda Soomaaliya madaxdeedu u bareertay kaddib markay caddaatay inay Mawaaddin Soomaali ah u gacan gelisay cadow shisheeye ah oo caawa hilbahiisa ay cunayaan waraabayaal gumayste kan ugu…
Tv-ga Dawlada Itoobiya ayaa si rasmiya uxaqiijiyay in dawlada Fadaraalka Somaliya ay kusoo wareejisay oo usoo gacangalisay dawlada Fadaraalka Itoobiya sarkaal sare oo ka tirsan Ururka xoraynta Ogaden ee ONLF. Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Qalbidhagax waxuuna ahaa Aabaanduulihii Ciidamada Xoraynta Ogaden,isagoo 20-kii sano ee ugu danbeeyay ahaa Ninkii ay ugu raadinta badnayd Itoobiya. Qabidhagax ayaa hada la sheegay in lagu hayo xarunta Sirdoonka Itoobiya ee Nazeret. Waxaa iyaguna sidoo kale qiray Ururka ONLF oo war qoraal ah oo ay soo saareen ku xaqiijiyay in sarkaal ka tirsan Ururkooda Dawlada Fadaraalka Somaliya ay ugacan galisay dhigeeda Dawlada Fadaaralka ee Itoobiya,hoos ka…
Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta 30 August 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti uu hogaaminayo safiirka dalka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Mr. Markus Bollmohr. Kulanka ayaa waxaa Madaxweyna kuwehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaana lagaga arrinsaday kulankani arrimo ay kamid ahaayeen adkaynta xidhiidh ka labada dhinac iyo mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka fulliyo Puntland. Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa ugu horayn weftigani kusoo dhoweeyey qasriga Madaxtooyada Garoowe, waxaana uu kusimaha Madaxweynuhu tilmaamay inay tahay muhiim in layska…
Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa maanta 30 August 2017 magaalada Garoowe ka Daah-furay mashruuca xoojinta caafimaadka Puntland ee 2017-2019, waxaana mashruuca maalgeliyey Bangiga horumarinta Jamarlka. Daahfurka Mashruucani balaadhan ayaa waxaa madaxweyne ku-xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland, wefti uu hogaaminayo safiir ku-xigeenka dalka Jarmalka u fadhiga Soomaaliya Mr. Markus Bollmohr iyo hay’addaha hawl-waddeenka la ah Wasaaradda Caafimaadka Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixxakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey oo kahadlay daahfurka mashuucani ayaa sheegay in mashruucani yahay…
Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating, waxayna ka wada hadleen arimaha Dastuurka iyo shaqada aqalka sare. Kulanka labada masuul waxaa goob ka joog ahaa Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada aqal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo Warbixin ka siiyay Danjiraha sida ay socdaan hawlaha dastuurka. Kulanka ka dib Danjire Micheal Keating, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxay kormeer ku tageen Xafiisyada kala duwan ee aqalka sare, waxaana si gaara uu Danjiraha ugu kuur galay sida ay u…
Kuuriyada Woqooyi ayaa sheegtay in gantaalka ay dulmarisay Japan uu “tallaabo hordhac ah u yahay howlgal militari” oo ka billaabayo badda Pacific-ga, waxayna cadeysay in madaafiic dheeraad ah ay ridi doonto. Warbaahinta dowladda Kuuriyada Woqooyi ayaa ku celisay hanjabaadda ku wajahan saldhigga Mareykanka ee ku yaalla jasiiradda Guam. Gantaalka ay tijaabisay Talaadadii wuxuu dul maray Jasiiradda Hokkaido ee Woqooyiga Japan, wuxuuna sababay digniin ah in shacabka ay gabaad raadsadaan, ka hor inta uusan ku dhicin badda. Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey ayaa si wadajir ah u cambaareeyay ficilka Kuuriyada Woqooyi. Golaha Ammaanka oo shalay ku kulmay…
Malayshiyaad kasoo jeeda maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado,isla markaana wata calanka ururka argagixisada ah ee Alshabaab,ayaa saaka aroortii weerar ku soo qaaday Ciidanka Difaaca Puntland fadhigooda deegaanka Godad oo qiyaastii 15-Km dhanka bariga kaga beegan magaalada Galkacyo. Weerarkan oo ahaa mid gaadmo ah ayay Ciidamada Difaaca Puntland si adag iskaga caabiyeen,waxayna gaarsiiyeen maleeshiyaadkii soo duulaan tagay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. ”Ciidamadu weerarkan waa iska caabiyeen,isla markaana maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday waxay ka dhigeen, wax dhintay,wax dhaawacmay iyo wax firxaday”sidaa waxaa noo sheegay Sarkaal kamid ah Ciidamada Difaaca Puntland oo aan la xiriirnay. Dhanka Ciidamada…
Madaxweynaha maamulka Hir-Shabelle ee dhawaan ay sheegeen Xildhibaanada Maamulkaasi in ay xilkii ka qaadeen,ayaa ka dagay Magaalada Beledweyne. Cosoble oo shir jaraa’id ku qabtay markuu gaaray halkaas ,ayaa yiri”Caasimada Kmg ah ee Hir-shabelle waxay noqon doonotaa Beledweyne maamulkuna waa kusii shaqayn doonaa tan iyo inta dib ay gacanta ugu soo laabanayso caasimadii Hir-Shabelle Magaalada Jowhar”. Dawlada Fdaaraalka ayuu ku eedeeyay in ay qabsatay Jowhar fawdo iyo burburin nidaamka ay ka bilawday. Cosoble oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Waxaan ugu bishaaraynayaa shacabweynha Hir-Shabelle in aan anigu ahay Madaxweynaha Sharciga ah ee la doortay”hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraaid ee Cosoble. …
Ugu yaraan 11 qof ayaa ku geeriyootay kadib markii baabuur rakaab ah iyo baabuur xamuul ay isku dhaceen, waddada Bangal-Ukasi ee deegaanka Tana River ee dalka Kenya. Shilkan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 31 qof oo kale, sida ay goobjoogeyaal u sheegeen idaacadda. Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa la geeyey isbitaalka Garissa County Referral Hospital ee magaalada Gaarisa. Baska ayaa la sheegay inuu ka yimid magaalada Wajeer kuna socday magaalada Nairobi.,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/hGtfDmnZpU0
Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta gobolka uu isku soo dhiibay xubin ka tirsanaan jiray ururka Al-Shabab. Ninkan ayaa la sheegay inuu Al-Shabab mas’uul uga ahaa tuulada Ceel Guduud ee gobolkaasi. Ninkaan ayaa hadda uu xiran Ciidamada dowladda Fadaraalka Soomaaliya,waxayna ku wadaan baaritaan. Ninkan ayaa magaciisa aan wali la shaacin ayaa watay Markii uu isku soo dhiibaayay Ciidamada Dawlada Fadaraalka ah Qori iyo Bastoolad. Faahfaahinta kala soco wararkayaga danbe.
A top leader of the banned Ogaden National Liberation Front (ONLF) has been handed down to Ethiopia by Somalia government, sources said. Abdikarim Sheikh Muse, known by his nickname “Qalbi dagah” was captured in the northern town of Adado town, 500km north of the Somali capital last Friday, according to reliable sources. Some Somali websites described him as ONLF’s main man and an Eritrean trained leader of the military wing of ONLF. The same sources indicated that Abdikarim was flown from Adado to Mogadishu in military aircraft, escorted by government security forces on Sunday and arrived in Bishoftu on Monday. No official…
Sida uu qoray Warkeyska Ethiopian Observer C/xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa loo gacan galiyay dowlada wadanka Itoobiya. C/xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa ahaa Madaxii Xarunta Dhexe ee Ururka ONLF, waxaa bartamihii bishan laga qabtay Koonfurta Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo loo soo gudbiyay Magaaladda Cadaado. Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Dawlada Fadaraalka Soomaaliya ee ka howlgala deeganada Maamulka aan sharciyada buuxin ee Galmudug ayaa Jimcihii la soo dhaafay keenay magaalada Muqdisho,kadib markii diyaarad gaar ah loogu soo qaaday Magaaladda Cadaado. Wararku waxay intaa ku darayaan dowladda Itoobiya in ay dalbatay in Sarkaalkaas lagu soo wareejiyo, waxaana la sheegay…
Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaliya Cabdi Siciid Faarax Juxaa, ayaa ka hadlay go’aankii Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka dalka ka soo baxay ee Golaha Wasiirada Soomaaliya looga mamnuucay inay Warbaahinta qaybaheeda kala duwan isticmaalaan, iyagoo aanan fasax ka haysan Ra’iisal Wasaaraha. Juxaa oo la hadlaayay Idaacada BBC, ayaa sheegay wixii shaqada Wasaaradda arrimaha Gudaha ku saabsan inuu ka hadlo karo, maadaama uu yahay Wasiirka arrimaha Gudaha. “Waxaan la filayaa go’aankaasi lama xiriirto shaqadeyda, anigoo kale hadda waxaan ahay Wasiirka arrimaha Gudaha, shirkaan anaga ayaan qaban qaabinay, tan oo kale fasax uma qaadaneyno, laakiin haddii ay noqoto arin kale oo Siyaasada dalka khuseysa…
Magaalada Minneapolis waxaa shalay la dhagax dhigay waddo loogu magac daray Allaha u naxariistee Xuseen Samatar oo ahaa mas’uulkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee dalkan Mareykanka xil looga doorto. Xuseen ayaa sidoo kale ahaa asaasihii Xarunta Afrikan Development Center oo ah goob hormarisa dhaqaalaha dadka afrikaanka ee gobalkan Minnesota. Dadki kasoo qeybgalay munaasabaddi dhagaxdhigidda ayaa waxaa ka mid ahaa duqa Minnepolis Betsy Hodges, Duqii hore ee magaalada RT Reyback, Cabdi Warsame oo Xubin ka ah golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis, Mas’uuliyiin iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobalka Minnesota. Ubax Cali Jaamac Biixi oo ahayd Xaaskii Xuseen Samatar rabi…
Kuuriyada Woqooyi ayaa gantaal ay ridday dul marisay woqooyiga Japan oo wuxu ku dhacay badda. Ciidamada Japan iskuma ay dayin in ay soo ridaan ama dhexda ku qabtaan gantaalkaa in kasta oo raadaalladu markiiba digniin bixiyeen, waxaana gantaalkaa la riday aroornimadii hore ee saaka. Ra’isal wasaaraha Japan, Shinzo Abe, ayaa ku tilmaamay gantaalkaa la dul mariyey dalkiisa khatar “aan hore loo arag”. Beryahan dambe waxa Kuuriyada Woqooyi ridaysay gantaalo badan oo tijaabo ah, hase yeeshee dhif iyo naadir bay ahayd in ay dul mariso Japan gantaalahaa ay ridaysay. Jimcihii iyo Sabtidii ayaa Kuuriyada Woqooyi waxay ridday saddex gantaal oo nooca…
Guddigii Dowlada Soomaaliya u xilsaartay inay baaraan Dhacdadii Bariire ayaa gaaray deegaankaas. Gudigaan ayaa u kuur galaya dhacdadii Jimcihii ka dhacday Deegaanka Bariire, waxayna wareysiyo la yeelan doonaan dadka deegaanka si ay u ogaadaan xaqiiqda. “Ujeedada gudiga waa in ay ka keenaan xog dhab ah dhacdadii deegaanka ka dhacday, waxay la soo kulmi doonaan dadka deegaanka si ay u soo ogaadaan sida wax u dhaceen, sababta naloo xilsaaray waa inaan keenaa xaqiiqda” Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Guddigan magacawday 26-da bishaan, waxaana loo qabtay mudo shan maalmood inay ku soo ogaadaan sida wax u dhaceen, waxaana u haray…
Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa lagu baab’iyay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyadoo wareegtada lagu xusay sababaha loo baabi’iyay. Qoraalkan ka soo baxay wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa lagu sheegay in wixii laga bilaabo maanta la baab’iyay rugta ganacsiga iyo warshadaha maadaama ay jiraan labo rug ganacsi oo ka dhisan magaalada Muqdisho. Wareegtadan ayaa lagu sheegay in wasaaradu ay soo sheegi doonto xilliga la qabanayo doorashada .isla markaana rugaha ganacsiga ee ka jira maamul goboleedyada ay si toos ah ula soo xiriiraan Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha. Hoos ka akhrsio wareegtada:-
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Fxy2nTnUbl0
Madaxweyne Gaas oo ku guda jira gudashada waajibaadka Xajka,ayaa dhanka kale sii wada dadaalka uu ugu jiro horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga Puntland. Dadaalkisii ugu danbeeyay Madaxweynuhu waxuu kula kulmay Ammiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi. Kulanka Madaxweynaha iyo Ammiir Suldaan Binu Nassar ayay uga wada xaajoodeen dhawr arimood oo muhiim ahaa,kuwaasoo kala ah:- B.Dhaqaalaha Puntland. T.Iskaashiga Ganacsi Puntland iyo Sacuudiga. X.Adkaynta xiriirka Puntland iyo Sacuudiga. Kh.Maalgashi balaaran oo Sacuudigu ku sameeyo Puntland. D.Arimaha Siyaasada guud ahaan Soomaaliya ,gaar ahaan Puntland. Kulanka oo ahaa mid jawi wanaagsan ku dhacay ayay labada dhinac isku afgarteen arimihii…
Madaxweyne xigeenka Dawlada Puntland ayaa shaqo joojin ku sameeyay Talyaha Booliska Puntland Jeneral Ereg. Shaqo joojintan ayaa Madaxweyne Camey waxuu u cuskaday kadib markii Talye Ereg la imaan waayay wada shaqayn wanaagsan sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday Xaafiiska Madaxweyne xigeenka. Hadaba waxaa jawaab ka bixiyay shaqo joojinta lagu sameeyay Talye Ereg,isagoo maanta saxaafada kula hadlay Taliska Guud ee Booliska ee Magaalada Garowe. Hoos ka dhagayso shirka jaraa’id ee uu Talye Ereg kaga jawaabayay Eedaynta loosoo jeediyay iyo shaqo joojinta lagu sameeyay. Halkan ka dhagayso codka Talyaha
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Max’ed C/llaahi Salaad ayaa ku faahfaahin ka bixiyey qorshaha ku aadan waqtiga rasmiga ah ee Dowladda Soomaaliya lagu wareejinayo Maamulka Hawada dalka. “Hawada Soomaaliya markii ugu horeysay 27 sano waxaa laga maamuli doonaa magaalada Muqdisho, hadda waxaan u baahanahay, in aanu helno shaqaale tababar fiican leh, markii ay soo laabtaana ka qeyb qaata maamulka hawada Soomaaliya, sida aan qorsheynayno dhamaadka bisha Oktoobar ayaa rajaynaynaa in maamulka hawada si rasmi ah loogu wareejiyo dowlada Somalia” ayuu yiri Wasiirka. Waxaa uu sheegay in la dhameystiray adeegyadii looga baahnaa garoonka diyaaradaha si loo…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/UBVPIevEvw8
Cali Khaliif Galayr oo waayahan danbe ku wareegaysanayay Hargaysa si uu heshiis ula galo Maamulka Hargaysa ee Beesha Isaaq ku adeegato,ayaa shalay saxaafada ka hor sheegay in ay wada gaareen isaga iyo maamulkaas heshiis rasmiya. Waxaa iyaguna goobjoog ka ahaa shirka jaraa’id siyaasiyiin u dhahay beesha isaaq oo ay kamid ahaayeen Faysal Cali Waraabe iyo Sacad Cali Shire,kuwaasoo sheegay in ay heshiiskan la galeen Cali Khaliif Galayr. Heshiiskan ayaa ka kooban 10 qodob oo dhamaantod khatar ku ah midnimada iyo jiritaanka Qaranka Somaliyed. Cali Khaliif ayaa sanadihii udanbeeyay sheeganayay Madaxweynaha Khaatumo,isagoo wareegayay deegaanada ay degto Beeshiisu,halkaas ay…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/_goeogxyUW0
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/T_orV4y8XUI
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Y-RBaxARXow
Laamiga dheer ee isku xira Gaalkacyo iyo Bosaso,gaar ahaan inta u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Garowe oo uu dib u dhis ka bilawday,ayaa maraya heer dhexe,iyadoo la filayo in dhawaan lasoo gabagabeeyo dib u dhiskiisa. Dhismha laamiga ayaa maraya heer qolof ka qaadis ah,waxaana xigi doona dib usaarida Laamiga cusub. Mashruucan ayaa ah mid aad muhiim u ah oo baahi badan loo qabay madaama laamigu aad ugu baahnaa dayactir deg-deg ah,waxaana maalgalinaya dawlada Jarmalka. Dawlada Madaxweyne Gaas hogaaminayo ayaa noqotay tan ku guulaysatay hirgalintiisa Mashruucan muhiimka ah,waxuuna ka mid noqon doona mashruucyada uu hirgalintooda taariikhda ku gali…
The United Nations Under-Secretary-General (USG) for Political Affairs, Jeffrey Feltman, visited Somalia and held a series of meetings with the country’s leadership to show solidarity with the government and people of Somalia, as well as to reiterate the United Nations’ support to the new government and discuss ways to address the country’s challenges such as the recent drought and security. The Under-Secretary-General was welcomed by the President of the Federal Government, Mohamed Abdullahi Farmaajo; Prime Minister, Hassan Kheyre; the Speakers of the Upper House and the House of the People; the Minister for Constitutional Affairs and the Chairperson of the…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/QT5hfuOSdWE
Afar qof oo labo kamid ah ay shacab yihiin ayaa ku dhawaacantay qarax galabta ka dhacay waddada mashquulka badan ee Maka almukarama gaar ahaan meesha loo yaqaano Garaasha Xaaji Baasto kaas oo saraakiisha amniga ku sheegeen in uu ahaa gaari la dhigay waddada dhinaceeda. Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed gaashanle sare Qaasim Axmed Rooble oo saxaafadda kula hadlay halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in gaarigan ciidanka ka war heleen isla markaana waddada la xirey dadkana laga fogeeyay goobta uu yiiley gaariga qarxay. Afhayeenka ayaa intaa ku daray in labo qof oo shacabka iyo labo askari oo booliiska…
Boqortooyada Sacuudiga ayaa u diyaarisay in ay sugaan Ciidan aad u diyaarsan una qalabaysan amniga Xajka iyo Xujayda xiliga lagu gudo jiro gudashada waajibaadka Xajka ee rabi Muslimiinta ku waajibyeelay. Hadaba hoos ka daawo muuqaalka Ciidankaas oo dhoolatus ay kusoo bandhigayeen awoodooda ka hor sameeyay Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/INndtEOrkgE
Go’aan ka soo baxay xafiiska Raysalwasaare Khayre,balse uu ku saxiixan yahay Ra’isalwasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, lana ogeysiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda,ayaa amar lagu siiyey golaha wasiirada in ay mamnuuc ka tahay in ay arrimo siyaasadeed u adeegsadaan baraha isku xirka bulshada sida Twitter iyo Facbook, iyo weliba Idaacadaha iyo Telefishanada, haddii aysan oggolaansho ka haysan xafiiska Raysalwasaaraha. Amarkan ayaa ka dambeeyay markii Wasiiro ka tirsan dowladda ay si iska soo horjeeda uga hadleen dhacdadii Bariire, waxaana Wasiirada qaar ay barahooda bulshada ku soo qoreen hadalo is burinaya, taasoo jahwareer badan dhalisay. Halkan hoose ka akhriso:-
Mashruuc balaaran oo horumarinta Caafimaadka ah ayaa waxaa maanta lagu daahfuray xarunta Wasaarada Caafimaadka Puntland ee garowe. Mashruucan oo si gaar ah uga hirgali doona Gobolada kala ah Mudug iyo Nuugaal,ayaa waxaa maalgalinaysa Dawlada Jarmalka. Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland Cabdinaasir Cuuke oo daahfuray mashruucan ayaa sheegay in uu qayb ka yahay mashruuc balaaran oo buuxin doona inta ka dhiman adeega Caafimaadka Goboladaas , kaasoo maalinta Arbacada ah si rasmiya loo daahfuri doono Wasaarada Caafimaadka ayaa wada dadaal xoog leh oo ay ku hormarinayso adeega Caafimaad ee Guud ahaan Gobolada Puntland,iyadoo Wasaaradu noqotay mida ugu adeega wanaagsan guud ahaan Somaliya,hoos ka…
Markab weyn oo sida Deeq Raashin ah oo gaaraysa 4000 tan ayaa kusoo xirtay Dekeda Bosaso. Raashinkan oo mucaawino ah ayaa waxaa ku deeqay Dawladaha Turkiga iyo Indoneesiya,waxayna soo marsiiyeen Dawlada Fadaraalka ah. Deeqdan Raashinka ah ee soo gaartay Bosaso ayaa waxaa kala leh Puntland,Maamulka Cadaado iyo Maamulka Hir-shabelle. Dawlada Puntland oo deeqdan masuul ka ahayd ayaa ku wareejisay qaybihii maamulada Hir-Shabelle iyo Cadaado taasoo gaaraysa 2500 oo tan. Dekeda Bosaso oo ahayd Goobta lagu kala wareejiyay Deeqdan,ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiiro ka tirsan maamulada Cadaado iyo Jowhar,kuwaasoo si weyn ugu mahadnaqay Puntland sida masuuliyada aadka u wanaagsan ay…
Waxaa maanta soo gaaray Magaalada Bosaso Wafti ka socda Shirkada dhisaysa Dekeda Bosaso Ee DP World. Wasiirka Dekedaha iyo la dagaalanka Burcad Badeeda Siciid Maxamed Raage oo la socday Waftiga DP World,ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Bosaso Wasiiro ka tirsan Xukuumada Puntland iyo maamulka Gobolka Siciid Maxamed Raage ayaa saxaafada uga waramay halka uu marayo masharuucii dhismaha Dekeda Bosaso iyo qorshaha wafti DP World ay kusoo gaareen Bosaso ,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/BJtPZK9yiFU
Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ugu horeyn ka tacsiyeysay dadkii ku geeriyooday dhacdadii Bariire ee shalay ka dhacday. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Fadraalka ah ee Soomaaliya Mahdi Guuleed Maxamed (Khadar) ayaa sheegay in kulan ay isug yimaadeen Golaha Amniga ee Wasiirada ay ku magacaabeen Guddi baaris dhab ah ku soo sameeya dhacdadii 25-kii bishan ka dhacday deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Guddigan ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya, iyadoo ay xubno ka yihiin Wasiiro iyo Saraakiil ciidan.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/DiDHAXAEmf0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa maanta la kulmay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Barigga Africa, Alexandar Rondos iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxayna ka wada hadleen howlaha ay midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyo sidii loo dar-dargalin lahaa. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in uu ku farxsan yahay kulan ka danjiraha midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa oo ay Soomaaliya ka mid tahay, wuxuuna uga mahed-celiya howlaha muhiimka ah ee dalka ay ka hayaan iyo sida ay shacabka Soomaaliyeed u taageeraan xiligan muhiimka ah. “Waxaan aad ugu faraxsanahay…
Tan iyo intii uu madaxwayne ka noqday dalka Faransiiska Emmanuel Macron bishii May 2017 ayaa waxa uu qurxinta jirkiisa ku qarash gareeyay lacag dhan 26,000 oo yuuro. Arrintan ayaa waxa ay noqotay mid ay si aad ah u hadal hayaan dadka isticmaala baraha bulshada. Wargayska todobaadlaha ah ee ka soo baxa Faransiiska ee Le Point ayaa sheegay in lacagtani uu madaxwaynaha Macron ku qarash gareeyay waxyaabaha lagu qurxiyo jirka sida qurxinta wajiga oo loo soo kireeyay qof ku xeeldheer qurxinta. Aqalka madaxtooyada oo ka jawaabayay arrintan ayaa u sheegay wakaalada France Info inkastoo ay badan tahay tirada lacagta…
Dowlada Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka dhisatay Saldhiga Milatari ee ugu weyn ee dowladaasi ku leedahay meel ka baxsan dalkeeda, waxaana saldhigan loogu tala galay in lagu tababaro Ciidanka dowlada Soomaalia. Saldhiga Milateri ayaa markii u horeysay lagu arkay gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Turkiga, waxaana gudaha xerada ammaankeeda sugaya Ciidamo Turkish ah oo dhowaan Muqdisho la geeyay. Dhismaha Xeradan Milateri ayaa ku taal dhanka xeebta, wadada aada Jazeera, waxaana magaalada Muqdisho ay u jirtaa illaa 3KM. Dhismaha ayaa ka kooban dhowr qeybood, sida dhismayaal kala duwan oo ay seexanayaan askarta la tababaro, masaajid, guryaha saraakiisha iyo Ciidamada…
Dowladda fadaaraalka ah ee Soomaaliya ayaa saddex war oo kala duwan kasoo saartay weerarkii degaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose ka dhacay. Waxa la yaabka noqday ayaa ah markii madaxweyne Farmaajo la noqday tacsidii uu kasoo saaray dadkii weerarkaas ku geeriyooday iyo hadalkisii ahaa Dawladu way baaraysaa dhacdadaas. Tacsidaas ayaa daqiiqado kooban kadib hawada laga saaray. Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Yariisow oo ugu horeyn war kasoo saaray dhacdadan ayaa sheegay in howlgal ciidamada xoogga dalka iyo ciidamada caalamiga ku qaadeen agagaarka Bariire ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab. “Ciidamada xoogga dalka waxay saaka…
Duufaanta Harvey ayaa gabaldhicii Jimcihi bilowday inay garaacdo xeebaha gobolka Texas ee dalkan Mareykanka, iyadoo Dowlada Mareykankana ka digtay masiibo xoog leh oo ka dhalata duufaantan aadka u xoogan. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu saxiixay bayaan qeexaya masiibo heer fadaraal ah. Wuxuu sheegay inuu si dhaw ula socdo xaaladda Texas. Xarunta Qaran ee Duufaanada ayaa sheegtay in heerka darajada duufaanta oo awal aheyd sadex ay hadda kor ugu kacday qeybta afraad, taasoo ka dhigeysa in saacaddiiba ay duufaantu jareyso 250-km. Gudoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa sheegay in duufaanta Harvey ay noqon doonto masiibo, isaga oo uga digay…
Wasiir Cali Mareexaan ayaa Diyaarada FLY Dubai uga soo haray reebitaan laga reebay Gabar Somaliya oo usocotay Uk. Gabadhan ayaa ka raacaysay Diyaarada Magaalada Hargaysa,balse Kabtanka Diyaarada ayaa diiday in ay raacdo Gabadhaas Diyaarada ,isagoo ku eedeeyay in ay tahay qof aan laysku halayn karin oo dagaalanta,amaanka diyaaradana khatar ku noqon karta. Wasiir Cali Mareexaan oo kamid ahaa Rakaabkii Diyaarada raacayay ayaa kasoo dagay Diyaarada isagoo ka xumaaday dajinta laga dajiyay Diyaarda Gabadhaas, Ugu danbayntii waxaa arinta soo dhexgalay Wasiirka Duulista Hawada Somaliland ,inkastoo uusan ku guulaysan in ay Gabadhu diyaarada raacdo,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. …
Gabar Somaliyed ayaa ka mid noqotay 40-Haween ah oo ka qaybgalayay tartanka Quruxda ee Uk . Waxa soo jiidashada leh ayaa ah in Gabadhan ay noqotay Gabadhii koowaad ee Muslin ah,iyadoo asturan ka qaybgashay Tartankaas,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/3HvUN4l0hGg
Nin Soomaali ah ayaa la toogtay ka dib markii uu xalay faas ku weerarray askar u dhalatay dalka Belgium, kuwaasoo ku sugnaa caasimadda Brussels. Dacwad oogayaasha dalkaasi ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso. Ninka weerarka fuliyay oo da’diisa lagu sheegay 30 jir ayaa markii dambe ku dhintay cisbitaal lagu daweynayay. Mid ka mid ah askarta uu bartilmaameedsaday ayaa gacanta uu dhaawac kasoo gaaray. Booliska iyo milateriga Belgium ayaa xiray goobta uu weerarka ka dhacay, oo lagu magacaabo Boulevard Emile Jacqmain, kuna taalla bartamaha caasimadda Brussels. Xafiiska dacwad oogaha federaalka Belgium ayaa sheegay in ninka weerarka fuliyay aan lagu aqoon “taageeridda…
Dawladda Qadar ayaa si dhamaystiran u soo celisay calaaqaadkii dublamaasiyadeed ee ay dawladda Iiraan la lahaan jirtay, iyada oo iska dhago tiraysa dalabkii kaga yimid dalalka Carbeed ee ahaa in ay hoos u sii dhigto xiriirka ay dalkaas la leedahay. Qadar ayaa safiirkeeda u yeertay sannadkii 2016kii ka dib markii la weeraray xafiiskii dublamaasiyadda Sacuudiga ee Iiraan ku yaalay, ka dib markii Sacuudiga lagu dilay sheekh ka mid ah ahaa dadka magaca ku leh Shiicada. Laakiin hadda Qadar ayaa doonaysa in ay xoojiso xiriirka ay Iiraan la leedahay dhankuu doonaba ha noqdee. Iiraan ayaa Qadar gacan ka…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa sheegaya in bartmaha magaalada lagu toogtay nin ka dib markii uu toori ku weeraray labo askari. Muqaalo laga soo duubay halka ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya ciidamada ammaanka oo xiray goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana halkaasi soo gaaray kooxaha gurmadka degdega. Qof goobjooge ayaa BBC-da u sheegay in uu maqlay dhawaqa rasaasta, ma cadda in ninka weerarka geystay uu baxsaday iyo inkale. Mana jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada booliska ee dalka Belgium-ka. Wixii kusoo kordha weerarkani dib ayaan idinkala socodisiin doonaa.
Khilaafkii golaha wakiillada Somaliland ee ka dhashay doorashada guddoomiyaha golahaas ayaa maanta la soo afjaray. Mudanayaal ay ka mid yihiin guddoomiyihii hore ee xilka banneeyay ee golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cirro, guddoomiyaha cusub Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo xilkaasi u tartamayay, isla markaana sheegay in isaga la doortay balse tirada la qalday, ayaa mar dhawayd warbaahinta wadajir ugu sheegay in khilaafkaas lagu soo afjaray in guddoomiyaha rasmiga ah ee golahaasi yahay Baashe Maxamed Faarax,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/pFIzptCU5xg
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in hawlgal ka dhacay degaan u dhow Bariire maanta ay fuliyeen ciidamada dawladda. Hawlgalkaasi ayaa saraakiishu xaqiijiyeen inay ku dhinteen 10 qof. Mid ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in ciidanka dilka gaystay ay ka tirsanaayeen shirkadda Bancroft, hase yeeshee waxaa taasi beeniyey wasiirka gaashaandhigga. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay inay dadkaasi hubaysnaayeen isla markaana ay rasaas fureen,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka 1aad https://youtu.be/ajyjIHnfwNo Halkan ka daawo muuqaalka 2aad https://youtu.be/xbWjiANyOG0
Maxkamad ku taala magaalada Seoul ee caasimadda dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa shan sano oo xarig ah ku xukuntay Lee Jae-yong oo leh dhaxalka shirkadda Samsung sababo la xiriira dambiyo musuqmaasuq. Maxkamadda ayaa Lee ku heshey in uu laaluush siiyey dowladda , islamarkaasina ka filayay in loo eexdo isaga. Dacwaddan ayaa salka ku haysa fadeexado musuq ah oo horseeday in madaxweynihii hore ee dalkaa xilka laga qaado. Waa dacwad soo jiidatay dareenka dadweynaha dalkaasi xili carro badan loo qabo shirkadaha waawayn ee Koonfurta Kuuriya oo lagu eedeeyey dhaqamo aan fiicnayn oo ganacsi. Lee oo madax ka ah shirkadda ugu weyn…
Biixi hadalkan uu ku qoray bartiisa Fc-ga mahan mid uu ku xadgudbay shaqada xaafiiska Madaxtooyada ,sidoo kale mahan mid uu ugu gafay shaqsiyaad ama ku bixiyay sir lagu aaminay,balse taa badalkeeda waxuu Umada uga digay oo u iftiinshay ujoodkooda iyo qorashahooda qarsoon shaqsiyaad ku gabanaya shaatiga marka qof dantiisa waayo uu xirto ee lagu magacaabo”danta guud iyo tan deegaankayga aya la dayacay”. Tusaale:- Maxamuud Xaaji Yuusuf waxuu ka mid ahaa shaqsiyaad aad udoonayay in lasiiyo Wasiir,si gaar ah waxuu isagu ugu olalaynayay in Wasiirka Beesha Sawaaqroon la siiyo oo meesha laga saaro Wasiirkii Haweeenka Marwo Anisa…
Laamiga dheer ee isku xira Gaalkacyo iyo Bosaso,gaar ahaan inta u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Garowe oo uu dib u dhis ka bilawday,ayaa maraya heer dhexe,iyadoo la filayo in dhawaan lasoo gabagabeeyo dib u dhiskiisa. Dhismha laamiga ayaa maraya heer qolof ka qaadis ah,waxaana xigi doona dib usaarida Laamiga cusub. Mashruucan ayaa ah mid aad muhiim u ah oo baahi badan loo qabay madaama laamigu aad ugu baahnaa dayactir deg-deg ah,waxaana maalgalinaya dawlada Jarmalka. Dawlada Madaxweyne Gaas hogaaminayo ayaa noqotay tan ku guulaysatay hirgalintiisa Mashruucan muhiimka ah,waxuuna ka mid noqon doona mashruucyada uu hirgalintooda taariikhda ku gali doono Madaxweyne Gaas. Waa…