Author: Jibril Qoobey.

Wasiirka Arimaha dibada Dawlada Fadaraalka Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta hortagay baarlamanaka Fadaraalka.   Xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraalka ayaa maalmo ka hor uyeeray Wasiir Yuusuf Garaad Cumar.   Wasiirka ayaa Xildhibaanadu wax ka waydiiyeen arimo dhawr ah oo ku saabsan shaqada Wsaaarada,waxaana ugu muhiimsanaa arimaha ay wax ka waydiiyeen hab qaybsiga safiirada Somaliya u fadhiya dalka dibadiisa..   Xildhibaanada ayaa qaba in lagu qaybiyo Safiirada Nidaamka 4.5 oo waayahan danbe Somalidu wax ku qaybsanaysay,halka Wasaardu ay wadato qorshe kale oo kaas ka duwan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/LnHnGy9KOWQ

Read More

Madaxweyne Faroole ayaa maanta iska casilay xubinimadisii Gudiga dastuurka Fadaraalka ah.   Madaxweynaha ayaa qoraal uu kaga codsanayo Aqalka-sare in laga aqbalo iscaislaadiisa waxuu ugudbiyay Gudoonka Aqalka-sare,iyadooo laga hor akhriyay Senetarada hortooda.   Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la buuxiyo Xubintaas sida ay sheegeen Gudoonka Aqalka-sare.   Guddigan ayaa ka kooban 10-xubnood oo kala ah,5-xubnood oo ka socda Golaha shacabka iyo 5-xubnood oo ka socda Aqalka sare, kuwaasoo dhamaantood Rag ah.   Beesha caalamka ayaa todobaad ka hor war ay soo saartay ku sheegtay in ay aad uga xun tahay ugana niyad jabtay markii Gudigan laga dhex waayay…

Read More

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa saaka ku guuleystay in dib loo furo waddo muhiim ah oo isku xirta Isgoyska Shaqaalaha iyo KPP, taasoo in muddo ah u xirneyd sababo amni. Wadadan oo ah laami ayaa u xirneyd Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, gaar ahaan dhanka dhismaha Guriga Shaqaalaha ee hadda noqotay xarunta Baasaboorada laga bixiyo. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in wadadan ay halbowle u tahay isu socodka qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir. Wadadan ayaa fududeyneysay marka wadada Maka Al-Mukarama uu noqdo mashquul in la aado waddooyinka kale, sidoo kale gaadiidka raba inuu aado dhanka Isgoyska KPP ayaa ku qaadaneysay…

Read More

Maxkmad ku Taala wadanka Hindiya ayaa 26 Maxaabiis Soomaali ah waxaa ay ku xukuntay Todobo sanno oo Xarig ah midkiiba, waxaa lagu eedeeyay dhalinyaradaan in ay Afduubteen Doon kaluumeeysi iyo 24 Shaqaale ah oo u dhashay wadanka Thailand sanadii 2011 kii. Garsooraha Maxkamadda Xukunka Fulisay oo lagu Magacaabo Jayendara Jagdal ayaa waxaa uu sheegay in dhalinyaradaan lagu helay isku day Dil, afduub iyo Fal Liddi ku ah Madax Banaanidda iyo Amaanka wadanka Hindiya. Maxkamaddu waxaa ay sidoo kale ku soo rogtay Maxaabiista laxukumay Ganaax dhan 17,000 oo Rubbiis mid kasta. 26 kaan Maxaabiista ah ayaa waxaa la filayaa in Doowladda…

Read More

Uhuru Kenyatta ayaa mar labaad loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Kenya, sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka Kenya. Mucaaradka ayaa ku gacanseyray natiijada. Haddana Uhuru Kenyatta waa kuma?   Doorashadii hore, Kenyatta waxa uu wajahayay maxkamada dambiyada caalmiga ah ee ICC waxaana loo haystay dacwado la xiriira xadgudubyo ka dhan ah aadanaha.   Arrimuhu iminka si wayn ayay isu badaleen.   “Waxa ay noo sheegeen in caalamka ay naga dheeraan doonaan, laakiin maanta ma jiro waddan dunidda ka tirsan oo ka baaqsanaya in uu la kulmo madaxweynaha jamhuuriyadda Kenya”.   Doorashadan tii ka horreysay dowladaha UK iyo Maraykanka ayaa Kenyanka uga…

Read More

Meello kale duwan oo ay dagan yihiin taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa waxaa xalay ka qarxay rabshaddo looga soo horjeedo guusha madaxweyne Uhura Kenyatta. Rasaas ayaa ka dhacaysay xaafaddaha isku-raranta ah ee Kibera iyo Mathare ee Nairobi, iyo xaafadaha kale ee saboolka ah. Sidoo kale magaalada dhinaca galbeedka ku taalla Kisumu rabshado ayaa ka dhacay. Booliska Kenya ayaa rasaasta dadka ka ilmeysiisa ku furay dad rabshado ka dhigay. Dhinaca kale, hay’adda Human Rights Watch ayaa booliska Kenya ugu baaqday inay is-xakameeyaan xiligan xasaasiga ah oo aanay awood u isticmaallin dadka dibadbaxyada sameynaya. Human Rights Watch waxay sheegtay in dibadbaxyada…

Read More

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’aankii Ruushka dalkooda uga soo saareen in ka badan 750 diblumaasiyiintii ka shaqeyn jirtay Safaarada Maraykanka ku leeyahay Moscow.   “Waa soo dhaweenayaa arrintaasi, maadaama ay noo baajin doonto lacag badan oo nooga bixi jirtay mushaharka diblumaasiyiintaasi joogay Moscow…” ayuu yiri Trump oo si la yaableh uga hadlay arrinta oo uu in muddo ah ka gaabsanayey inuu soo hadal qaado.   Warkan kasoo yeeray Trump ayey durbaba dhaliileen diblumaasiyiinta Maraykanka qaarkood, walow Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Xoghayaha Dibada Rex Tillerson aysan si rasmi ah weli arrintan uga hadlin.   Hase…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay daawashada Ciyaaro kala duwan oo Muqdisho lagu qabtay, kuwaas oo lagu maamuusayay maalinta dhalinyarada Adduun ka.  Waxana ciyaarahan soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha, iyadoo ay ka qeyb qaadanayeen dad kala duwan oo isugu jirey dhalinyaro iyo waaweyn oo goobtaasi ku soo bandhigay xirfadahooda. Ra’iisal-Wasaaruhu wuxuu dhiirigeliyey qeybihii kala duwanaa ee ciyaaraha soo bandhigay, wuxuu xusay inay maanta tahay maalin taariikhi ah oo ka turjumaysa doorka dhalinta Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarka dalkooda. Isagoo sheegay inuu dareen sanyahay xaalada adag ee dhalinta Soomaaliyeed ku sugan yihiin xiligan…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo mar labaad dib loo doortay.  Madaxwyenaha ayaa yiri “Madaxweyne Kenyatta ma aha saaxiib qura, balse waa hoggaamiye dadaal badan oo dareen horumarineed leh. Waan ugu hambalyeynayaa guushiisa.” Madaxwyene Farmaajo waxa uu kalsooni weyn ku qabaa in dib u doorashada Madaxweyne Kenyatta ay sii xoojineyso xiriirka wanaagsan ee haatan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. “Aniga iyo Madaxweyne Kenyatta waxaan wadaagnaa hiraal ku dhisan nabad, xasillooni iyo koboc dhaqaale oo dhexmara labadeenna dal iyo guud ahaa gobolka.” Soomaaliya waxaa kala dhaxeeya Kenya xiriir dhaqaale iyo…

Read More

Wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar kale maanta ku qaadeen saldhigga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur kadib dagaalkii dhacay subaxnimadii Arbacada ee dib loogu soo rixay Al-Shabaab. Weerarkan cusub ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey markii Al-Shabaab ay maleeshiyo badan keeneen deegaankaasi, kuwaasi oo la sheegay inay qayb ka yihiin weerarkan. Dagaalladii dhacay maalintii Arbacada ayaa la sheegay inay ku dhinteen 19 qof oo ka tirsan labada dhinac. Jaamac Buulle oo ka tirsan laanta afka somaliga ee VOA,ayaa ka wareystay Wasiirka amniga gudaha maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed,hoos ka dhagayso codka. …

Read More

Guddiga doorashada ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu mar kale ku guulaystay doorashadii aadka looga war sugayay ee dhacay Talaadadii.   Musharraxan oo ka tirsan xisbiga Jubilee ayaa helay 54% codadkii la dhiibtay halka musharraxa xisbiga mucaaradka Raila Odinga uu helay 44% codadkii la tiriyay.   Xisbiga mucaaradka ah ee NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn sida ay u dhacday doorashadan, balse kormeereyaasha caalamiga ah ayaa ammaanay gudiga iyaga oo sheegay in ay qabteen doorasho xor iyo xalaal ah.   Isbeheysiga mucaaradka Kenya ayaa sheegay in aysan maxkamad aadi…

Read More

Warar goor dhowayd naga soo gaadhay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay gudaha xabsiga dhexe oo u dhow dekadda Muqdisho. Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa ismiidaamin, waxaana la sheegay in qof uu isku qarxiyey afaafka hore ee masaajid ku yaalla gudaha xabsiga dhexe. Warar hadda naga soo gaadhay Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxa loola dan lahaa Taliyaha ciidamad asluubta Jeneraal Xuseen Xasan Cusmaan. Wararku waxay sheegayaan in taliyaha uu ka degay baabuur kadibna isaga oo kusii jeeda masaajidka uu nin ka daba orday kaasi oo uu hor istaagay mid ka mid ah ilaalada taliyaha. Ninka ayaa…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa amray howlgal qorsheysan oo ay nala fuliyeen saaxiibada caalamka ee ShaashWeyn oo bannaanka gobolka Benaadir ah halkaas oo lagu dilay horjooge sare ee kooxda maleeshiyaadka argagaxisada Al-Shabaab.  Horjoogahan kooxda argagaxisada ka tirsan ayaa mas’uul ka ahaa qorsheyaasha lagu fulinayey qaraxyada iyo dilalka qorsheysan eek a dhacayey Muqdisho oo lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Labadii usbuuc ee u danbeysey ayaa geesiyaasha ciidanka Soomaalida ayaa bartilmaameysanyey kooxaha argagaxisada jid-gooyooyinka ay lacagaha baadka uga qaadaan shacabka, oo weliba weeraradaas mid ka ah lagu qaarajiyey horjoogihii Muqdisho u qaabilsanaa argagaxisada…

Read More

Waxaa maanta oo jimcaha ah dadka reer Kenya ay u dhega taagayaan ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee doorashadii talaadadii ay u dareereen. Mucaaradka ayaa dhinaca kale sii wada diidmadooda ku aadan natiijada ilaa iyo hadda la shaaciyay, iyagoo qamiistii shalayna sheegay in murashaxooda, Raila Odinga, uu yahay midka sida xaqqa ah ku guuleystay. Shalay galab Guddiga doorashadu waxey sugayeen ilaa iyo 170 form oo ka imaanayay 290ka deegaan doorasho ee Kenya, iyo ilaa iyo Kun form oo kale oo Iyana ka imaanayay 40, 883 goob codbiin. Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo xuduudaha ee Kenya, Wafula Chebukati, ayaa sheegay in dhamaan…

Read More

Shir jaraa’id oo ay goordhow ku qabteen magaalada Nairobi isbahaysiga mucaaradka ee NASA ayay ku sheegeen in musharaxooda Raila Odinga uu heley codadka ugu badan, iyaga oo ugu baaqay in guddiga doorashooyinka ee IEBC in ay ku dhawaaqaan in Raila uu ku guuleystey madaxweynenimada Kenya. Waxa uu sheegey in ay jireen waxyaabo badan oo la’is dabo mariyey, ayna dhacday ku shubasho, isaga oo guddiga ku eedeeyey in uusan soo bandhigin caddeyn ku filan oo ay ku xaqiijin karaan natiijada. Mar la weeydiiyey sida ay ku ogaadeen natiijada uu Raila heley ayuu sheegey in dad ka mid ah IEBC ay usoo…

Read More

Qarax baabuur ayaa ka dhacay wadada maka al-Mukarramah ee magaalada Muqdisho Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in gaarig qaraxa siday uu ahaa mid ay ciidamadu ku raadjoogeen, waxaana qaraxu dhacay markii ay ciidamadu baabuurka joojiyeen. Qaraxan ayaa waxaa la sheegayaa inuu ku dhaawacmay mid ka mid ah ciidanka miino-baarista,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/XBA9o7JfpfA

Read More

Xubnaha guddiga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee horyaala oo ay ka mid tahay hannaanka wada shaqeynta xubnaha guddiga, gaar ahaan xubnaha ku sugan goballada iyo dalka dibaddiisa, mideynta dadaallada shacabka ee ku aaddan ka qayb qaadashada taakuleynta ciidamada iyo diyaarinta istaraatiijiyadda wacyi-gelinta laamaha kala duwan ee ciidamadda Qalabka Sida. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulanka ka dib la dar-daarmay xubnaha guddiga ayaa u sheegay in kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan xubnaha guddigan ay furo u noqonayso ka mira-dhalinta ujeedka loo asaasay. Madaxweynaha ayaa yiri “Muhiimadda ugu weyn ee guddigan waa sida aan u dareensiin lahayn ciidamadeenna in…

Read More

Illaa 12 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka ayaa mooshin ka gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar, si wax looga weydiiyo ku dhaqan la’aanta faritaanka sharciLr. 112 sharciga shaqaalaha arrimaha dibadda ee dalka la dhaqangalay 05/09/2013 gaar ahaan qodobkiisa 1aad(b) iyo qodobka 4aad ee shuruudda diblomaasiga dibadda loo diraayo.   Qodobadda Yusuf Garaad lagu heysto waa awood qeybsiga beelaha 4.5 iyo qoondada beel walbo ay ka tahay in ay ka hesho shaqaalaha arrimaha dibadda, waxaa kale oo wax laga weydiin doona shuruudaha laga doonayo diblomaasiga dibadda loo dirayo.   Su’aalaha La Doonayo in Yusuf Garaad Ka Jawaabo:  …

Read More

Ugu danbayntii Xildhibaanadu waa ansixiyeen Wasiiradii si aqlabiyad leh.   Waa talaabo soo dhaweyn mudan,intaas ka badan xasarad siyaasadeed laguma sii jiri karo.   Waxaa la gaaray xiligii loo shaqaynlahaa dalka iyo dadka.   Madaxweyne Gaas waa lagu amaani karaa sida uu usoo xushay markan Wasiiradiisa oo waliba uu ugu fariisiyay Wasiirada intooda badan Wasaaradihii ay ku wacnaayeen.   Baarlamaanku iyagoo wajiyada qarsanaya ayay gacmaha kor uwada taageen hal mar oo aan kala har lahayn marka laga reebo labo mudane oo iyaguna aan didin ee ka gaabsaday,waxaana Golaha fadhiyay 63 mudane,iyadoo uu shir gudoominayay fadhiga Gudoomiye Axmed Cali Xaashi.  …

Read More

Ku dhowaad 20 qof ayaa ku dhintay dagaallo qaraar oo shalay ka dhacay Gobolka Bay kuwaasi oo dhexmaray maleeshiyada Al-Shabaab iyo kuwo kale oo daacad ah Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo horey uga tirsanaa ururkaasi.   Dagaalkaas oo aad u kululaa ayaa Maleeshiyada Alshabaab waxay kasoo weerareen dhawr jiho Ciidamada Mukhtaar Rooboow.   Ku Simaha Madaxweynaha Koonfgur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa dagaalkan uga warramay Haaruun Macruuf.oo ka tirsan laanta Afka Soomaaliga ee VOA,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan. Halkan ka dhagayso codka

Read More

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa si buuxda u ansixiyay dhamaan Golihii Wasiirada dawlada Puntland ee Madaxweyne Gaas soo magacaabay maalmo ka hor.   Ma jirin Xildhibaan diiday marka laga saaro labo mudane oo aan iyaguna diidin balse ka gaabsaday oo aamusay,sidaana waxaa cod aqlibayd leh ku helay kasloonida Baarlamaanka Golihii Wasiirada ee cusbaa.   Talaabada saakay Baarlamaanku ku ansixiyay Golaha Wasiirada ayaa guud ahaan Puntland laga soo dhaweeyay,iyadoo bulshadu aad isha ugu wada haysay,   Bulshada reer Puntland qaybaheeda kala duwan ayaa intooda badan qabay in ay muhiim ay ahayd kalsooni siinta Wasiirada cusub ee Baarlamaanka,iyagoo cudurdaar uga dhigaya in xiligan…

Read More

Puntland ayaa sheegtay in ciidamada badda ee loo yaqaan PMBF ay awood buuxda u leeyihiin inay burcad badeedda kula dagaallamaan isla markaana ka ilaaliyaan xeebaha si aysan weerar ugu gaysan maraakiibta iyo doonyaha ganacsiga.   Ciidankan ayaa isku diyaarinaya inay ilaaliyaan xeebaha kadib marka uu dhammaado xilliga bad xiranka oo ay haatan ka harsan tahay saddex toddobaad keli ah, xilligaasi oo laga cabsi qabo inay doomaha burcad badeeddu dib u galaan biyaha.   Talyaha Ciidamada Bada Puntland Cabdirisaaq Diiriye ayaa waraysi uu siiyay laanta Afka Somaliga ee VOA waxuu kaga hadlay arintaas,hoos ka dhagayso codka talyaha iyo faahfaahin warkaas ku…

Read More

Madaxweynaha Jmahuuriyada Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cbadulaahi Farmaajo ayaa Television-ka Qaranka Somaliyed siiyay waraysi xiiso leh oo uu kaga hadlay arimo dhawr ah. Madaxweynuhu arimaha usoo qaaday waxaa kamid ah ,ansixinta Miisaaniyda iyo shrciga isgaarsiinta,Aamaanka caasimada,la dagaalanka argagixisada,sidoo kale waxuu Madaxweyne Farmaajo Tacsi ka diray Geerida labada Haldoor ee kala ah Dhakhtar Maxamed Jaamac Salaad iyo Wariye Axmed kismaayo oo ku kala geeriyooday Dalalka Hindiya iyo Talyaaniga. Halkan hoose ka daawo muuqaalka waraysiga Madaxweyne Farmaajo oo dhinacyo badan taabanaya. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/PjMe36uh2K8

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay Askirigii badbaadiyay Radio Muqdisho mudadii burburka ahayd ee 26-kii sano ee lasoo dhaafay. Askarigan oo u dhabar adaygay guud ahaan dagaaladii Sokeeye ,Barakicii ka dhacay Xamar iyo rafaadkii Nololeed ee dalka soo maray ilaa iyo 1991 burburkii Dawladii dhexe waxuu ilaalo ka ahaa oo gacanta ku hayay kaydka Radio Muqdisho oo ay dhex yaaleen dhamaan taariikhdii dalka. Madaxweyne Farmaajo xiligii uu ka ahaa Ra’isalwasaaraha dawladii madaxweyne Sh.Shariif hogaaminayay ayaa mar uu booqday xarunta Radio Muqdisho waxuu u balanqaaday Askarigaas in uu dalacsiin doono oo Xidig gudoonsiindoono iyo bilad sharaf. Hadaba Madaxweyne…

Read More

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u muuqda inuu wali kaga horreeyo hogaamiyaha mucaaradka codadka ilaa iyo hadda la tiriyey ee doorashadi Talaadadi ka dhacday dalkaasi.   Ninka sida aadka ah kula tartamayo doorashadan, Raila Odinga ayaa Arbacadii qaadacay natiijooyinka hordhaca ah ee ay soo saareen guddiga doorashada.   War ay goor danbe oo Arbacadii shalay ah soo saareen ayey guddiga doorashada ku sheegeen, in ilaa iyo iminka la tiriyey 96 boqolkiiba codadka la dhiibtay. Waxay sheegeen in madaxweyne Kenyatta uu kaga horeeyo Odinga 55 boqolkiba, halka Odingana uu marayo 44 boqolkiiba.   Saraakiisha doorashooyinka ayaa heysta muddo todobaad ah…

Read More

Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo guud ahaan shacabka Puntland samir iyo imaan haka siiyo,si gaar ah waxaan Tacsi ugu dirayaan bahda idilnews Xaaskiisii iyo Caruurtisii.    Allaha u naxariistee Wariye Ahmed Maxamed Cali (Ahmed Kismaayo), ayaa ku geeryooday isbitaal ku yaalla dalka India.   Marxumka, ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa uu xaalad caafimaad uu u joogay Magaalladda Nairobi iyadoo laba todobaad ka hor uu tagay dalka India. Taariikh Nololeedkii Axmed Maxamed Cali(Axmed Kismaayo):- “Allaha u naxariisto” Axmed –kismaayo waxaa uu ku dhashay magaalada Kismaayo dabayaaqadii Sannadkii 1964, wuxuuse waxbarashadiisa h/dhexe iyo sare ku dhammaystay magaalada Muqdisha. Markii uu…

Read More

Talyaha Ciidamada Booliska Fadaraalka Soomaaliya Jen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa maanta Gaadiid ku wareejiyay Ciidamada Booliska isku dhafka ah ee shalay tababarka loosoo xiray magaalada Gaalkacyo.   Gaadiidkan oo gaaraya Lix ayaa afar kamid ah waxaa ku hawlgali doona Booliska isku dhafka ah,halka labada soo hartay lagu wareejiyay Puntland iyo maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado.   Gaadiidkan ayaa ka soo dagay Dekadda Magaalada Boosaaso todobaadkii hore.   Talyaha Ciidamada Booliska Fadaraalka Soomaaliya Jen,Saacid ayaa tilmaamay in u waqti badan galiyay sidii baabuurtan ay soomaaliya u heli-lahayd,kuwaaso muddo labo sanno ah ku xanibnaa Dalka jabuuti,waxuuna si gaar ah ugu…

Read More

Waxaa jiray warar ay soo baxyaya saacadihii lasoo dhaafay ,kuwaasoo lasoo galiyey baraha bulshada oo sheegaya in magaalada mombasa ay ka jiraan mudaaharaadyo iyo rabashado xoog leh. Hadaba Tv-ga ntv ayaa warkaas beeniyay ,waxaana wariyiha tv-gaas oo kasoo waramay si toos ah Mombasa sheegay in magaaladu degan tahay noloshuna si caadiya usocoto,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/e9jHsKVlAlI

Read More

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa maanta sheegay in kooxaha jabsada kombiyuutarada ay fuliyeen qiyaano “weyn oo xad dhaaf ah” oo ka dhan ah kombiyuutarada guddiga doorashada Kenya. Odinga ayaa sheegay in taasi oo dhalisay wax uu ugu yeeray tiro codad ah oo muujinaya in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu kaga horreeyo doorashada madaxweyne. Website-ka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya ee loo soo gaabiyo IEBC, ayaa muujinaya in madaxweyne Kenyatta uu doorashada ku hoggaaminayo codad ah 54%, halka Odinga uu haysto 45%, ayada oo la tiriyey 93% codadka. Odinga ayaa weriyayaasha maanta u aqriyey qoraal uu ku eedeeyey…

Read More

Magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska warar hadda ka imaanaya ayaa sheegaya in weerar gaari loo adeegsaday uu ka dhacay halkaas.   Gaariga ayaa xoog kusoo galay goob ay ku badnaayeen Booliska oo ku taallay xaafadda caanka ah ee Lavallions Parette ee magaalada madaxda dalka Faransa ee Paris.   Lix qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas,waxaana goobta isku gadaamay ciidanka Booliska oo ka bilaabeen hawlgalo.   Dhawr jeer hore ayaa weeraro noocan oo kale ay ka dhaceen Paris, balse weerarkan wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee ka dhaca tan iyo intii  la doortay madaxwaynaha cusub Emanuel Macron,hoos ka daawo muuqaalka. …

Read More

Warqadan ayaa ku socotay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Goalah Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyadoo lagu ogeysiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.   “Aniga oo ku hadlaya magaca Kooxda Copenhegan oo ka kooban Safiirada Itoobiya ,Sweden, Talyaaniga, Qaramada Midoobay, Ingriiska, Mareykanka, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Urur Goboleedka IGAD waxa aan qoraalkeygan idinku wargalineynaa in aan tixgalinnay doorashadii 7da Ogosto loogu doortay Senotor Cabdi Xasan Cawaale Qybdiid inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Wadajirka ee Dib U eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya, hase yeeshee waxa aan ka walaacsannahay in uu guddigaasi uu shaqo bilaabo, iyadoo haweenku aaney…

Read More

Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa ku guuleysatay koobka Uefa Super Cup kadib marki ay xalay 2-1 ku garaacday naadiga Manchester United ee dalka Britain, ciyaar ka dhacday magaalada Skopje ee caasimadda dalka Macedona. Real oo aad ugu gacan sarreysay inta badan ciyaarta ayaa la hormartay goolka waxaana u dhaliyey Casemiro daqiiqadii 24-aad, goolka labaadna wuxuu yimid daqiiqadii 52-aad ee gelinki danbe ee ciyaarta, waxaa saxiixay Isco. Manchester United oo qeybti labaad ee ciyaarta sameysay fursado aanan sidaasi u badneyn ayaa heshay gool, waxaa u dhaliyey weeraryahankeeda cusub Romelu Lukaku kaasoo shabaqa ku dharbaxay darbo laga soo tufay Marcus…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu goodiyay Kuuriyada Waqooyi in ay la kulmi doonto cadho iyo dab uusan caalamka waligii arkin, hadii aysan Mareykanka ka joojin hanjabaadaha.   Trump, ayaa Talaadadi hadalkaan ka sheegay beertiisa nashadada ee lagu ciyaaro golf-ka kuna taala degmada Bedminster ee gobolka New Jersey.   Wuxuu ku eedeeyey hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, inuu aad ugu hanjabayo Mareykanka, kadib marki ay Kuuriyada Waqooyi ku celceisay in ay sii wadi doonto tijaabinta gantaalada riddada dheer.   Hadalka madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid saacado kadib marki ay qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Mareykanka ku warrameen in…

Read More

Magaalada Bosaso ee xarunta Ganacsiga Puntland,ayaa goor dhaweyd waxaa lagu dilay taliye ku xigeenkii saldhiga bartamaha ee magaaladaas.   Talye Cabdi Dheere rabi ha unaxariistee waxaa dilkiisa fuliyay kooxo bustoolado ku hubaysan oo isla markiiba ka baxsaday goobta dilku uu ka dhacay.   Bosaso xaaldeeda guud ayaa degan waxaana goobta dilku ka dhacay soo gaaray ciidamada amaanka,kuwaasoo hawlgalo ka bilaabay aaga dilku ka dhacay.

Read More

Axmed Maxamed Cali(Axmed Kismaayo) oo geeriyooday.   Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo guud ahaan shacabka Puntland samir iyo imaan haka siiyo,si gaar ah waxaan Tacsi ugu dirayaan bahda idilnews Xaaskiisii iyo Caruurtisii.     Allaha u naxariistee Wariye Ahmed Maxamed Cali (Ahmed Kismaayo), ayaa ku geeryooday isbitaal ku yaalla dalka India.   Marxumka, ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa uu xaalad caafimaad uu u joogay Magaalladda Nairobi iyadoo laba todobaad ka hor uu tagay dalka India.   Axmed Kismayo ayaa la xaqiijiyay saaka aroortii inuu u geeriyooday xaaladii dhanka caafimaadka aheyd ee haysatay, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan ehelada…

Read More

Madaxweynaha talada haya ee dalka Kenya Uhurru Kenyatta ayaa hogaaminaya codadka ilaa iyo iminka la tiriyey ee doorashadi madaxtinimada ee Talaadadi shalay ka dhacday dalkaasi. Tirinta codadka ayaa wali socaneysa, balse guddiga doorashada ayaa sheegay in Kenyatta uu ku hogaaminayo 55 boqolkiiba halka hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu hadda marayo 44 boqolkiiba. Guddiga doorashooyinka ayaa heysta muddo todobaad ah si ay usoo bandhigaan natiijada rasmiga ah, balse waxay heystaan ikhtiyaar ah inay soo hormarin karaan natiijada si looga hortago qalalaase. Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa durbaba qaadacay natiijada hordhaca ah, isaga oo ka dalbaday guddiga doorashooyinka in ay soo gudbiyaan…

Read More

Rabi ha unaxariisto waxaa goordhow ku geeriyooday Dalka Talyaaniga Dr Maxamed Jaamac Saalaad oo ah dhaqatar siweyn looga yaqaanay Gayiga Soomaalida ay degto.   Dr. Maxamed Jaamac Salaad ayaa taqasuskiisu uu ahaa Daweynta Xanuunka Neerfaha iyo qaliimada waxaana uu xarun caafimaad ku lahaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.   Dhakhatarka ayaa mudooyinkan Dambe waxa uu ku xanuunsanaa dalka Talyaaniga,kaasoo sababay ugu Danbayntii in Caawa uu ugu geeriyoodo isbital kuyaala Dalka Talyaaniga.   Warbahinta idilnews waxay Tcasi tiiraanyo leh udiraysaa guud ahaan shacabka Somaliyed meel walba oo uu joogo.

Read More

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ciidamo isku-dhaf ah oo ka kala yimid Waqooyiga iyo Koonfurta Mudug ama Puntland iyo maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado ayaa maanta loosoo xiray tababar in mudo ah uga socday Gaalkacyo.   Mas’uuliyiin fara badan oo ugu horeeyo Madaxweyne xigeenka Puntland mudane Camey,Talyaha Booliska Fadaraalka,Talyaha Booliska Puntland,saraakiil ka socotay AMISOM iyo Qaramada Midoobey,Ku xigeenka Xaaf ee maamulka Cadaado ayaa kasoo qaybgalay munaasabada.   Camey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in muddo lix bilood ah ay bixin doonaan mushaaraadka ciidamadan,waxuuna ku booriyay Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka in ay lixdaa bilood gudahood ku soo diyaariyaan…

Read More

Waxaa goor dhow soo xirmay goobaha cod-bixinta doorashada ee dalka Kenya, iyadoo meelaha qaarna ay ka bilaabatay tirinta codadka. In ka badabn 19 milyan oo qof ayaa u diiwaan gashanaa inay codeeyaan, oo ay kala doortaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo 55 jir ah oo u ordaya in mar kale dib loo soo doorto, iyo Raila Odinga oo hoggaamiya mucaaradka ahna 72 sano jir.,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka 1aad https://youtu.be/291fj8Fud4U Halkan ka daawo muuqaalka 2aad https://youtu.be/U5mmqebxsJI

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 08 August 2017 kulan Qado sharaf ah u sameeyey ganacsato Soomaaliyeed oo ka kala yimid 12 degmo oo ka tirsan gobolada dhexe ee Soomaaliya. Munaasibadda qado sharafta ah oo ka dhacday xarunta dhaqanka iyo dalxiiska ee Hiddo Raac Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Ganacsatadan Soomaaliyeed ee ka kala timid 12 ka degmo ee ka tirsan golbolada dhexe ee Soomaaliya iyo Guddi Wasiiro ah oo Madaxweynaha Dawladda Puntland u xilsaaray wadda hadalada Puntland iyo ganacsatadaasi ayaa maanta wada…

Read More

Waxaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe maanta 08 August 2017 lagu dhaariyey todoba Wasiir oo isugu jirey Wasiir, Wasiirru Dawleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno, kuwaasi oo kamid ah Golaha Wasiirada Cusub ee Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Magcaabay. Munaasibada lagu dhaarinayey Wasiirada ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Masuuliyiin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda dawladda Puntland. Wasiirada, Wasiirru Dawlayaasha iyo Wasiir Ku-xigeenada maanta loo dhaariyey xilaalkaasi ayaa waxaa kamid ahaa. Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Warfaafinta Boostada, Dhaqanka  iyo Isgaadhsiinta Cabdiweli Maxamed Yuusuf Wasiirru Dawlaha Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta…

Read More

Wariye Cumar Siciid Maxamed (Cumar Dheere) ayaa maalintii labaad ku jira xabsi ku yaalla duleedka koonfureed ee magaalada Garowe ee caasimada Puntland kadib markii habeenkii Axadda ay qabteen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.   Wariye Cumar Dheere ayaa waxaa markii ay qabteen ciidamada waxay markiiba u kexeeyeen saldhig ku yaalla kontaroolka koonfureed ee magaalada Garowe, halkaasoo uu ku yaalla xabsi ay ciidamadu ku xiraan dadka lagu tuhmayo ka mid ahaanshaha kooxda Al-Shabaab.   Xarigga wariye Cumar Dheere ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa amar ka soo baxay madaxtooyada Puntland.   Illaa hadda ma jirto wax eedeyn ah oo lagu soo oogay…

Read More

Buuq iyo gacan ka hadal ayaa ka dhashay fadhigii Baarlamaanka Somaliland, maalin kaddib doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka loogu doortay Baashe Maxamed Faarax. Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ayaa waxaa dhex maray gacan ka hadal ka dhalatay buuq ka dhashay natiijadii doorashadii dhacday Axadii la soo dhaafay. Wararka ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay gudaha xarunta Baarlamaanka Somaliland, iyadoo markii dambe ay deg deg u soo fara geliyeen Ciidamada Booliska, kuwaasoo la wareegay ammaanka Xarunta. Darawalka Xildhibaan Koore ayaa lagu eedeeyay inuu rasaas furay, taasoo uu ku dhaawacmay Xildhibaan lagu magacaabo Nacnac. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha…

Read More

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyey codbixiyayaasha dalkiisa inay codkooda u dhiibtan si nabad ah, isla markaana ay qadariyaan sharaftii aasaasayaasha dalka Kenya. Doorashadan ka dhacaysa Kenya ayaa ah mid si weyn isha loogu hayo, waxaana si aada ugu tartamaya Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ninka ay sida weyn isaga soo horjeedaan ee Raila Odinga. Doorashada Kenya ayaa isugu jirta illaa lix qaybood oo kala duwan, inkasta oo doorashada ugu xamaasadda badani ay tahay tan madaxtooyada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/hx_nukIHagE

Read More

Dadweynaha Kenya ayaa maanta oo ah Talaado, 8-da August 2017, u dareeray goobaha cod-bixinta doorashooyinka guud ee dalkaas. Waxaa si weyn isugu soo baxay taageerayaasha madaxweynaha talada haya ee Uhuru Kenyatta iyo ninka ay sida weyn u loolamayaan ee Raila Odinga. Safaf dhaadheer ayaa loo galayaa afaafka hore ee goobaha codbixinta dalka oo dhan, iyadoo dadka intooda badan ay ilaa xalay saqdhexe dhoobnaayeen goobahaas. Amniga ayaa sidoo kale si weyn loo adkeeyey. Waxayna codbixintu ka bilaabatay inta badan goobaha dooarshooyinka 6-dii subaxnimo, ayada indhaha oo dhan ku foogan yihiin xaqiijinta Aalladda Elektoroonikada ee diiwan gelinta iyo nidaamka tirinta codadka ay…

Read More

Mogadishu: Monday 07/08/2017 NUSOJ condemns the arbitrary arrest of a journalist in Garowe. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) condemns – in the strongest terms possible – the arbitrary and detention of a Somali journalist on late Sunday, 6 August, 2017 in Garowe, Puntland. The reason behind the arrest of the editor of Horseed media in Puntland Omar Said Mohamed isn’t yet clear but Puntland authority seems to be furious about some of the news stories he recently wrote to his website including an interview with a local MP who criticized to the government finance institutions for the involvement…

Read More

Talyaha qaybta booliska gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo ka hadlay dilkii duhurnimadii maanta kadhacay magaalada Bosaaso ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay ragii ka dambeeyey dilkaasi.   Waxaa uu sheegay soo qabashada inay gacan ka gaysteen odayaasha dhaqanka , ayna hayaan cadaymo ku filan raga lasoo qabtay inay falkaan gaysteen.     Khalar Ismaaciil oo horay usoo noqday guddoomiye kuxigeenka gobolka Bari ayaa maanta lagu dilay Bosaaso iyadoona marxuumka uu horay uga soo shaqeeyey arimaha amaanka gobolka Bari,hoos ka dhagayso codka Talyaha. Halkan ka dhagayso codka Talyaha

Read More

Waxaa Maanta gelinkii danbe 07 August 2017 lagu dhaariyey Qasriga Madaxtooyada Garoowe 38 Wasiir, Wasiirru Dawlayaal iyo Wasiir Ku-xigeeno oo kamid ah golihii Wasiirada Dawladda Puntland ee maanta  Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas magcaabay. Munaasibadda Dhaarta ayaa waxaa goob joog ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saaraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta kadib la dardaarmay dhammaan Wasiiradda Cusub, waxaana uu Madaxweynuhu kula dardaarmay in ay garawsadaan in xilalka loo…

Read More

Wasiirka wasaaradda arrimaha dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya AVV. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta Muqdisho ka furay shir afar maalin socon doona oo lagu diyaarinayo istiraatiijiyadda waxbarashada madaniga, wacyigelinta dadweynaha, iyo La-tashiyada dadweynaha ee dib-u-eegista dastuurka.  Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen wasiirka wasaaradda warfaafinta XFS, madax katirsan DFS, madax ka socotay wasaaradaha dastuurka ee dawlad goboleedyada, iyo dhamaan ururada bulshada rayidka ee ka jira dawlad goboleedyada ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Cabdi Xoosh oo mahadcelin u jeediyay dhamaan ka qaybgalayaasha. “Maanta waxaa farxad weyn inoo ah wasaarad ahaan in aan kulankan ka furno Muqdisho oo lagu…

Read More

mid ka mid ah Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ahaana  kii ugu naxariista darnaa,isla markaana ahaa xasuuqe caanka ku ahaa xasuuqa shacabka Somaliyed Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka.   Qeybdiid ayaa doorasho la galay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, waxayna guddiga doorashada ay sheegeen in Qeybdiid uu ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka oo ka kooban labada aqal ee Baarlamaanka Fadaraallka Soomaaliya.   Cabdi Qeybdiid ayaa helay 6-cod halka Madaxweyne faroole uu ka helay 4-cod.   Waa arin waji gabax ku ah Madaxweyne faroole markii laga eego dhinacyo badan.   Dhanka…

Read More