Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta qiimaha badan ee 12-ka Oktoobar oo ku beegaan maalintii la yagleelay Calankeenna. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar ay shacabka Soomaaliyeed ugu suntantahay maalin weyn oo halyeey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay Calankeenna quruxda badan ee aan dunida kale kaga tilmaaman nahay, taas oo muujineysa sida dadka Soomaaliyeed maskaxdooda, naftooda iyo maalkooda ugu hureen gobanimada dalka iyo helidda astaan ay gaar u leeyihiin. “Si aan u dareensiinno carruurteenna iyo jiilasha danbe maalintan qiimaha badan waa in aan xusnaa oo weynaynaa halgankii…
Author: Jibril Qoobey.
Waxaa dhowaan la filayaa in xariga laga jaro wajiga kowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee gobalka Mudug, kaas oo socday muddo sannado ah. Dhismaha wajiga kowaad ee Dekedda ayaa ka kooban labo jambi oo ay kusoo xiran doonaan maraakiibta iyo doomaha yimaada Dekedda Garacad, kuwaas oo kala ah (A&B). Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxda sare ee DFS ayaa la filayaa inay qeyb ka noqdaan furitaanka Dekedda, oo la qorsheynayo ilaa 20 bishan October. Qabanqaabada munaasabadda xarig ka jarka Dekedda cusub ee Garacad ayaa hadda socota, waxaana sidoo kale lagu casuumay wafuud ka socota Dawladdaha dariska ah, sida Itoobiya…
Dagaal culus ayaa ka soconaya deegaanka Yasooman ee gobalka Hiiraan, kaas oo u dhexeeya Ciidanka Dawladda FS oo garabsanaya Macawisleyda deegaanka iyo maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu yimid kaddib weerar kooxda Al-Shabaab ku qaaday fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada dawladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka. Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsanayaa dagaalka. Dadka deegaanka ayaana sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay dagaal, wallow aan la ogeyn inta uu le’egyahay. Wixii kasoo kordha nagala soco. IDILNEWS
Ciidanka gaarka ah ee dowladda ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Buulo Kuuno iyo deegaano kale oo dhaca dhulbeereedka dhinaca waqooyi kaga begaan degmada Balcad, ayaa waxay ku dileen Afar dhagar-qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ciidamadu ay gacanta ku dhigeen hal dhagar qabe, hub iyo gaari ay wateen maleeshiyaadka Argagixisada ah. Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii ciidamadu ay heleen xog la xariirta in tuulooyinka qaar ay cadowgu si dhuumaalaysi ah u tagayaan ayaga oo doonaya dadka beeralayda ah inay xoolo baad ah ka qaataan. Tan iyo markii ciidamada dowladda ay isku fidiyeen…
Sayid Cali Ibraahim iyo askari ka mid ah ilaaladiisa,ayaa ku dhintay qarax oo la sheegay inu ka dhacay meel aan ka fogayn makhaayad u dhow Bundada Degmada Qoryooley. Guddoomiyaha,ayaa hoggaaminayey Degmada Qoryooley muddo dheer, waxaana u suurtogashay in Ciidan Boolis oo degaan ay degaankaas gacanta ku hayaan muddadaas, amnigeedana ilaaliyaan. Mas’uuliyadda dawlada Somaliya,ayaa cambaareeyey dilkan. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka, balse rurka Al-Shabaab,ayaa inta badan sheegta qaraxyada lala beegsado mas’uuliyiinta Somalida.
Ugu yaraan 22 qof oo Somali ah oo u badan Dumar,ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen Xeebta dalka Giriigga, kaddib markii ay qallibantay Doon ay saarnaayeen. Dadka dhintay,ayaa u badan Gabdho da’dooda lagu qiyaasay inta u dhaxeysa Labaatan ilaa Soddon iyo Afar sano jir. Meydadka la helay waxaa sidoo kale ku jira Wiil Dhallinyaro ah oo da’adiisa lagu qiyaasay 15 sano jir iyo Nin Oday ah. Doonta qallibantay waxaa la socday muhaajiriin isugu jira Somali iyo Ajaaniib. Doobta,ayaa ka soo baxday dalka Turkiga, gaar ahaan Gobolka Izir, waxayna ku sii jeedday Giriigga.
Madaxweynaha dawladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda xil ka qaadis ku sameeyo qaar kamid ah Wasiirada Xukuumadda uu hoggaamiyo iyo Agaasimayaal guud. Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Idilnews, in Madaxweyne Deni uu xilka ka qaadi doono Wasiirada Wasaaraddo ay kamid yihiin Caafimaadka, Dekeddaha iyo Warfaafinta, isagoo u magacaabi doono xubno cusub. Sidoo kale, Siciid Deni ayaa bedeli doona Agaasimayaasha Wasaaraddaha Caafimaadka, Kalluumeysiga, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda, kuwaas oo arrimo siyaasadeed iyo kuwa hab qeybsiga beelaha xilalkooda ku weyn doona. Madaxweynaha Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo ku aadan isbedelada uu soo wado la lahaa kuxigeenkiisa,…
Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Xoghayaha Arrimaha Debedda ee UK James Cleverly,ayaa khadka isgaarsiinta kaga wada hadlay Qodobo ay ka mid yihiin in la xoojiyo xiriirkaka labada Dal. Xoghayaha Arrimaha Debedda UK,ayaa qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa Twitterka, wuxuu ku sheegay in dawladdiisu ay sii wadayso taageerada ay Somaliya ka siiso dhinaca la dagaalanka Ururka al-Shabaab. Sidoo kale Xoghayaha arrimaha debedda ee Britian,ayaa sheegay in dalkiisu uu Somaliya ugu deeqay sannadkan in ka badan £50 Milyan oo lacagta ingiriiska ah, taasoo ay si gaara loogu qorsheeyey in lagu taageero shacabka Somaliyed ee dhibaataysan, gaar ahaan…
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay culumada Soomaaliyeed inay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in looga baahan yahay culumada inay la hadlaan bulshada, una cadeeyaan in kooxda Alshabaab aysan ku socon wax diin ah, maadama ay yihiin dadka ay dhageysanayaan shacabku. Waxaa uu sheegay in marnaba aysan hiil u noqoneyn dawladda iyo dadka deegaannada ay ku sugan yihiin Alshabaab, hiilka qarsoon ee culumada, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka wadajirka ah ee socda. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa faray Wasaaradda Diinta…
Afar maalmood ka hor Ururka ay ku bahoobeen dalalka soo saara Saliida caalamka ee Opec+ waxay ku heshiiyeen in 2-Milyan oo Foosto maalintii Shidaalka ay soo saaraan ay ka dhimaan. Tallaabadan hoos loogu dhigayo wax soo saarka Shidaalka,ayaa keenaysa,in qiimaha shidaalku uu cirka isku shareero. Go’aankan,waxaa horboodayay Dalalka Sacuudiga iyo Ruushka. Hoos udhigista wax soo saarka Shidaalka,waxay guul weyn oo dhaqaale iyo Siyaasadba utahay Ruushka. Shidaalkiisa,ayuu ku iibinayaa qiime sarreeya. Macaashka uu ka helo shidaalkaasina,waxuu Madaxweyne Putin u isticmaalayaa dagaalka uu ka wado dalka Ukraine. Sidoo kale hoos u dhigista wax soo saarka shidaalka,ayaa dhaawacaysa dedaalada uu wado isbahaysiga uu…
Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Debedda ee Golaha Senate-ka Maraykanka Robert Menendez ayaa Isniintii ku baaqay in la hakiyo dhammaan iskaashiga Maraykanka uu la leeyahay dalka Sucuudiga. Menendes,ayaa si xooggan u muujinayey sida Maraykanku uu uga cadhooday tallaabadii uu Sucuudigu qaaday ee fursadda dhaqaale siinaysay dalka Ruushka. Bayaan uu soo saaray Senator Menendez ayuu ku baaqay inaan wax hub ah laga iibin dalka Sucuudiga, islamarkaana la joojiyo iskaashiga amni ee ka dhexeeya labada dal, marka laga reebo arrimaha lagama maarmaanka u ah danaha Maraykanka iyo difaaca amniga qaranka. Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa in ka badan 70 sannadood ah waxaa ka dhexeeya iskaashi…
Garowe, October 11, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa,ayaa xafiiska ku qaabilay wakiil UNSOM u fadhiya Puntland Mr Guy Griffin. Kulankaan,ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, wada shaqaynta Hay’adaha caalamiga ah iyo Hay’adaha kala duwan ee Dawladda Puntland iyo sidii loo dardargelin lahaa arrimaha Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee Hal Cod iyo Hal Qof. Dhammaad. Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa G/sare Mahadi Cumar Muumin u magacaabay Taliyaha Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. G/sare Mahadi ayaa ah khabiir dhanka ammaanka ah oo in muda ah kasoo shaqeynayay Amniga, isagoo soo noqday Taliyaha Hay’adda NISA ee Galmudug. Waxaana magacaabistiisa la hadal-hayay muddooyinkii u dambeeyay. Taliyaha cusub ayaa bedeli doona AUN Gen. Farxaan Maxamuud Qaroole, oo dhowaan lagu dilay qarax lagula beegsaday agagaarka deegaanka Basra. IDIL NEWS
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) isagoo weli ku jira booqashadiisa magaalada The Hague ee dalka Netherlands ayaa waxaa uu kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ. Marwo Joan E. Donoghue. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa waxaa xarunta Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ, ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Maxkamadda Marwo Joan E. Donoghue. Iyadoo la qaadatay kulan isbarasho iyo is xogwareysi ku aaddan sidii Soomaaliya loogu faaideyn lahaa shaqada garsoorka, sidoo kale Gudoomiyaha ayaa warbixin laga siiyey kiiskii badda Soomaaliya iyo Kenya oo Baarlamaanka KMG ah diideen xiligii uu gudoomiyaha ahaa iyo…
Ruushka ayaa gantaallo ku garaacay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, taas oo qayb ka ah, weeraro aargudasho ah oo uu doonayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, inuu kaga jawaabo, weerarkii dhowaan lala beegsaday buundada isku xidha Crimea iyo dhulweynaha Ruushka. Milateriga Ukraine ayaa sheegay in Ruushku uu duqayntiisa u isticmaalay, illaa 84 gantaal oo ah nooca meelaha durugsan laga hago iyo weliba duqaymo ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo bartilmaameedsaday ugu yaraan 14 goobood oo dalkaas ku yaal. Inta badan weeraradii ka dhacay, caasimadda Kyiv ayaa ahaa kuwo la bartilmaameedsaday, badhtamaha magaalada, waxaana ku dhintay ugu yaraan illaa 6…
Adhikat,waxaa ka dhacay dagaal xoogan oo udhaxeeya Ciidamada Eretria,Itoobiya oo wada socda iyo Ciidanka xooga difaaca Tigreega. Ciidamada Huwanta ah,ayaa kasoo gudbay Webiga Tekese ee xadka Eretriya,waxayna kusoo wajahan magaalada Shire. Ciidamada huwanka ah,ayaa Laba jiho kasoo weeraray Ciidamada Tigreega,kuwaasoo kal ah Adhigat iyo Shiraro. Ciidamada TPLF,ayaa duulaanka Huwanta kala hortagay difaac aad uculus oo faraha la iskula tagay. Dhanka Galbeedka Tigree waxa ka socda dagaal culus oo udhaxeeya Labada Ciidan. Ilaa iyo hada Ciidamada Tigreegu waxay ku jiraan difaac adag oo la jiiri waayay. Ciidamadii ugu awooda iyo tirada badnaa oo Eretereyaan ah,ayaaa lageeyay Aaga Humera Xadka Sudan si…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa kala hadlay xasilloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda. Madaxweyne Xasan Shiikh,ayaa la wadaagay Madaxweyne Yoweri Museveni halganka wadajirka ah ee ay wadaan shacabka iyo dowladda Somaliyed si ay isaga dulqaadaan Alshabaab. Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Yoweri Kaguta Museveni,ayaa ku bogaadiyey Dowladda Somaliyed guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada laga xoreeyey, isagoo carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa oo door weyn ka qaatay nabad ilaalinta iyo dib u dhiska Dowladnimada…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa magaalada Garowe ee Caasumadda Dawladda Puntland uga qaybgalay shir lagu dhammaystirayo nabadaynta colaaddii ka dhacday Deegaanka Saaxmaygaag iyo Sengejebiye. Shirkan oo daba socday shirar hore loogu dhexdhexaadiyey labada dhinac qaarkoodna go’aamo laga soo saaray ayaa waxaa hormuud u ah isimada dhaqanka Puntland, waxaana la filayaa in laga soo saaro go’aanno rasmi ah, kuwaas oo lagu dhammaystirayo nabadaynta labada dhinac. Dhammaad. Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xafiiska ku qaabilay wafti ka socday hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha qaxootiga oo ay hogaaminaysay madaxda Hay’adda UNHCR ee Puntland mss Monica. Wasiirka iyo madaxda Hay’adda UNHCR ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee qaxootiyada, barakacayaasha iyo qulqulka muhaajiriinta soo gala gudaha Puntland. Sidoo kale, waxaa looga wada hadlay kulankaan mashaariicda kala duwan ee ay hay’adda UNHCR ka waddo Puntland, sida la i saga kaashan karo kaalmada iyo maareynta qaxootiga iyo magangelyodoonka ku nool gudaha Puntland. Ugu damayntii Shirka ayaa kusoo dhamaaday Jawi Wanaaagsan…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ku tagay Aqalka dawladda hoose ee Muqdisho, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona u kuur galay shaqooyinka loo haayo Bulshada ku dhaqan Caasimada. Kulan ay wada qaateen Hogaanka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa waxa uu kula dar-daarmay in la dar-dargeliyo shaqooyinka loo haayo Bulshada Caasimada. IDIL NEWS
Maleeshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu go’doomiyay buur ku taalla deegaanka Jicibow, kaddib dagaal culus oo axaddii dhexmaray Ciidamada Dowladda oo garabsanaya dadka deegaanka iyo Al-Shabaab. Dagaalka oo socday muddo 10-saacadood,ayaa la isku adeegsanayay Hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana Al-Shabaab looga dilay Maleeshiyaad gaaraya ilaa 200 oo xubnood. Deegaanka Jicibow,ayaa qiyaastii 25-KM u jira Degmada Buula-burde ee Gobalka Hiiraan. Dagaalka,ayaa yimid kaddib markii ay Al-Shabaab weerar kusoo qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada DFS iyo Jamhadda deegaanka ee loo yaqaan Macawisleyda. Sidoo kale, Dagaalka,ayaa inta uu socday looga qabsaday Al-Shabaab maxaabiis fara-badan iyo saanad ciidan. IDIL NEWS
Tirada shacabka ee dalka Qatar,ayaa kor u kacday illaa 13.2% sannadkii la soo dhaafay, sida ay muujisay xog rasmi ah oo ay soo saartay dawladda Qatar. Dalkan ayaa haatan isu diyaarinaya inuu martigeliyo koobka adduunka ee bilaaban doona bisha November ee foodda innagu soo haysa. Dalka Qatar,ayaa sannadihii ugu dambeeyey wuxuu shaqaaleeyey kumanaan ajnebi ah, si ay u diyaariyaan goobaha lagu qabanayo Koobka Adduunka. Tirada dadka ee ku nool dalka Qatar ayaa gaadhay 2.94 milyan oo qof, ka dib markii ay dalkaas u guureen illaa 370,000 oo qof oo dheeraad ah sannadkii hore, iyada oo lagu salaynayo xog la ururiyey…
Waa dhab in Dowladii ka horaysay aysan fulin qorshihii Amni Qaran ee diyaarsanaa. Sidoo kale Dowladiisu weli lama imaan fulinta qorshaha Amniga Qaranka ee muhiimka u ahaan lahaa la dirirka argagixisada. Kacdoon Beelaysan,ayaa iskiis uqarxay kana dhashay hab dhaqanka xun ee argagixisadu ay kula dhaqanto Bulshada. Dowlada Xasan Shiikh,iyadoo ka duulaysa Laba ujeedo ayay isdaad raacisay kacdoonka Beelaha… 1.In ay ku hesho taageero caalami ah oo iskugu jirta dhaqaale,Saad Mileteri iyo sumcad. 2.In ay sheegato oo si dadban uhogaamiso Kacdoonka. Ma soo kordhin aragti Qaran oo ka saraysa midii Beeluhu hayeen oo lagula diriro argagixisada Dowlada Xasan. Waxaaba la oran…
Waa warbixin dhamaystiran oo ka hadlaysa goorta Xariga laga jarayo Dekeda Garacad oo dhismaha Labadii Janbi ee ugu horeeyay soo idlaaday. Halkan ka daawo muuqaalka
Waa loo baahan yahay in la xuso Haldoorkii Somaliyed ee ka hor yimid kalitalisnimada. Sidoo kale Bulshada Somaliland in lagu soo dhaweeyo Muqdisho waa muhiim si meesha looga saaro Eentii uu ka tagey kaligii talyihii hore. Balse Fiqi waxay ahayd in uu hadalkiisa kor uqaado oo uhadlo si gaarsiisan maqaamka uu hada ku fadhiyo. Somalidu waa Beelo wax isku darsaday balse Siyaasada iyo Qabiilka in lakala saaro waa in loo raraa. Maxamed Mooge,waxuu ahaa fanaan uu ka sareeyo Fankiisu Maaweelo Bulsho rabi ha’unaxariisto Janadiina haka waraabiyo.
Waxaa la aasaasay 1991-dii, waxaana la sheegay in loo aasaasay danaha dadka Canfarta ah ee ku nool dalka Jabuuti. Jabhadda ayaa waxaa la sheegaa inay haysato taageerayaal ku nool dalka dibaddiisa. Sannadkii 1994, kooxdu waxay u kala jabtay laba garab: garab qunyar socod ah oo uu hoggaaminayay Cali Maxamed Daa’uud, kaas oo heshiis nabadeed 26 December 1994 dowladda kula saxiixday magaalada Adiis Ababa, halka garabkii kale ee uu hoggaaminayay Axmed Diini Axmed uu ku gacan sayray heshiiskaas, kaas oo sii ahaa mid hubeysan oo ku dhawaaqay iska caabin. Khalalaasihii dhacay sannadkii 1994 waxaa la sheegay in ay ku dhinteen ku…
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kala diray labada guddi ee kala ah Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa oo ay ansixisay dowladdii hore, isgaoo amray in la toosiyo hannaanka loo soo dhisay labada guddi. Labada Guddi,ayuu ansixiyey Aqalkii Hoose ee Baarlamaankii 10aad, waxaana saxiixay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hase yeeshee xiligaas ma uusan ansixinin Aqalkii Sare ee Baarlamaanka. Sidoo kale xilligaasi la meelmariyey Labadan Guddi waxaa muran ka taagnaa awoodda sharci ee Dowladda. Wareegtada Madaxweynuhu ku kala diray Guddiyadan,ayaa u qorneyd sidan:- TOOSINTA HABRAACA MAGACAABISTA GUDDIGA GOLAHA ADEEGGA GARSOORKA IYO GUDDIGA LA-DAGAALANKA MUSUQMAASUQA. Muqdishu, Oktoobar 09, 2022:…
Masuuliyiin uu horkacayo Raiisulwasaare Abiy Axmed,ayaa booqday dhul Beereedka Qamadiga ee Tulli Guuleed ee Gobolka Faafan. Waxaa booqashada Raiisulwasaaraha ku weheliya Madaxweynayaasha Deegaanada iyo xubnaha Gudiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo. ” Waxaan awoodnaa inaan soo saarno qamadiga inaga iska dhaafe xitaa dadka kale ku filan,Waddadeediina waan haynaa, waxaana tusaale inoogu filan Deegaanka Somalida, waxaa abuurmay jawi aan halkii hektar uga soo saari karno 40-kiintaal”. Waxa uu intaa ku daray in sannadkan 2015 la qorsheeyay in qamadiga laga Beero 1.3 milyan oo hektar si looga soo saaro 52-milyan oo kiintaal. Todobaadkii hore ayey aheyd markay dowlada itoobiya sheegtay in ay Qamadiga…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur ayaa maanta ka amba-baxay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo kusii jeeda magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa kulan kula qaadanaya magaalada Amsterdam dhiggiisa dalka Netherlands, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay Golaha Shacabka BJFS. “Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Netherland waxaa uu la kulmi doonaa dhigiisa dalkaas, isagoona kulamo la qaadan doona Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.” IDIL NEWS
Ciidamada Amniga Dawladda Puntland ayaa howlgallo culus ka wada buuraleyda gobalka Bari, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo aagag la tuhunsan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada ah. Howlgallada oo ay iska kaashanayaan ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland, ayaa soconayay maalmihii lasoo dhaafay. Taliska Ciidabka Difaaca Puntland ayaa sheegay in howlgalladan lagu xaqiijinayo amniga. Shalay ayay aheyd markii 5 askari oo kamid ahaa ciidamada PMPF Puntland ay ku geeryoodeen qarax kolonyo gaadiidka ciidamada ah lagula beegsaday agagaarka togga Sugurre ee buuraleyda gobalka Bari, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen. In ka badan 10 sano ayay Ciidamada Puntland howlgallo joogto ah ka…
Kenya ayaa ku Guuldaraysatay shidaalkii ay sharci-darrada uga baaraysey dhul-badeedka Dalkeena Somalia,Dhul-badeedka ay Kenya sheeganaysey ayaa ku fadhiyey 100,000 KM oo laba jibaaran. Lknse Kenya ayaa haatan ku Hungowday inay shidaal iyo gaas ka hesho qayb ka mid ah dhul-badeedkaas, sida uu qoray Wargeyska Daily Nation. Hay’adda Tamarta iyo Shidaalka Kenya EPRa ayaa sheegtay in shirkadda ENI ay joojisey sahankii ay halkaa waddey bartamihii sanadkan,kaddib markii ay wax shidaal ama gaas ah ka waydey balooggaas . Baaritaanka lagu sameeyey baloogga Mlima-1 ayaa lagu ogaadey inaysan waxba ku jirin, taasoo soo afjartay 10 sano oo ay Kenya ay si sharci-darro ah…
Gurigiisa lagama kaxayn,lagamana qaadin Taleefoonadiisii kaliya,waxaa laga hakiyay muuqaaladii Baraha Bulshada uu soo gelin jiray Aabaha argagixisada Geeska Afrika. Warka la shaaciyay,waxaa loogu talagalay in lagu qaboojiyo dareenka Bulshadu ay ka bixisay muuqaaladiisa. Sidoo kale Safaaradaha reer Galbeedka,ayaa la tusayaa in talaabo adag laga qaaday Xasan Daahir oo la aaminsan yahay in uu xiliganba ku jiro shaqo argagixiso. Guri si weyn loo adkeeyay amaankiisa,ayuu kula nool yahay Xaaskiisa iyo Caruurtiisa. Argagixisada ka hawlgasha Bartamaha iyo Koonfurta Dalka waxay ku dhex nooshahay sidii Kaluunkii musuq iyo Eexda ka jirta halkaas. Jibril Qoobey.
Kampala, Oktoobar 8, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay booqasho uga bilaabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasumadda dalkaas. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo garab istaagga halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab waxa uu la yeelanayaa Madaxda dalkaas, si taageero heer gobol ah loogu helo howlgallada socda, lana xoojiyo iskaashiga ku aaddan amniga. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kala qeyb geli doonaa Madaxda dalalka Gobolka xuska 60-guurada Uganda ee ka soo wareegtay…
Dowaldda Fadaraalka Somaliya,ayaa sheegtay in ay dambi tahay faafinta wararka kooxda Al-Shabaab sida hanjabaadaha, muuqaallada qatarta ah iyo faafinta afkaarta kooxda. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya Cabdiarxmaan Al-Caddaala, ayaa maanta saxaafadda u sheegay in ay xireen 40 goobood oo baraha bulshada ay ku lahaayeen shaqsiyaad farriimaha xagjirka faafiya. Talaabadan waxay saamaynaysaa xagjiraha weyn ee Xavsi Guriga ku jira Xasan Daahir Aweys ee maalmo ka hor Wiilkiisa lala dilay Ninka loo saadaalinayay in uu hogaamiyo kooxda argagixisada ah ee Alshabaab. Waa go’aan lasoo dhaweeyay laguna amaanay Dowlada ay ahaydna in horay loo qaado. Saxaafada Somalida,ayaan ubislayn kala fahamka xagjirnimada iyo xornimada…
Waa muuqaal lagu farxo oo muujinaya rajo dib usoo kabasho. Barxadii Garowe in saakay sidaa Shacabku ugu soo baxo Xuska Dhalashada Nabi Maxamed CSW waa wax weyn. Dalku dib buu usoo kabanayaa oo naxariistii iyo jacaylkii Umadda,ayaa soo iftiimay markale. Guud ahaan Somaliya si weyn,ayaa looga xusay dhalashada Nabi Maxamed CSW,waxaana la oogay isku soo baxyo balaaran. Hoos ka daawo isku soo baxa Xuska Dhalashada Nabiga CSW ee Garowe. Halkan ka daawo muuqaalka
Jabuuti ayaa sheegtay in toddobo ka mid ah askarteeda lagu dilay weerar ay koox fallaago ah gelinkii hore ee Jimcihii ku qaadday xero ciidan, iyadoo billowday in ay baadi-goobto lix askari oo wali la la’ yahay. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Jabuuti ayaa lagu eedeeyay weerarka lagu qaaday saldhiga Garabtiisan ee waqooyiga dalka yar ee ku yaalla Geeska Afrika in ay ka danbeeysay kooxda hubeysan ee FRUD (Front for the Restoration of Unity and Democracy), oo ay wasaaraddu ku tilmaantay “koox argagixiso ah”. “Inkastoo ay askarteennu si geesinimo leh isaga difaaceen weerarkaasi, waxaa ku dhintay…
Agaasimaha Guud ee Ciidamada PMPF Mudane Cabdirabbi Cabdisamed Maxamed (Abdulrab Nour)waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida ciidamada xaq u dirir ka ah ee ku shahiiday, iyagoo difaacaya diintooda, dalkooda iyo dadkoodaba, kuwaasi oo ku hawlanaa hawlgallo ka dhan ah cadawga Argagixisada xag-jirka ah ee Al-Shabaab iyo Daacish. Sidoo kale Agaasimaha Guud ee ciidamada PMPF Mudane Cabdirabbi Cabdisamed Maxamed waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Maxamed Siciid oo ahaa wiil dhallinyaro ah oo ku geeriyoodey god uu ka qodayey Dahab oo ku yaalla deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag. Alle naxariistii Janno haka waraabiyo, samir iyo iimaanna haka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka…
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Ciidammo katirsan PMPF Puntland qarax lagula eegtay togga Sugurre ee buuraleyda gobalka Bari. Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaaa lala beegsaday kolonyo kamid ah gaadiidka ciidamada, waxaana ku dhintay ilaa 5 askari, halka tiro intaa ka badana ku dhaawacmeen. Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inay ku jireen howlgallo lagu xaqiijiyo amniga. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’addaha Amniga Puntland oo ku aadan qaraxa lala beegsaday ciidamada PMPF. Ciidamada Puntland ayaa in ka badan 10 sano howlgallo joogto ah ka wada buuraleyda goballada Bari iyo Sanaag,…
Waxaa goor-dhaweyd laga soo saaray meydka AUN Maxamed Siciid Cali god laga qodo dahabka oo ku yaalla deegaanka Milxo, kaas oo ku dumay habeenimadii khamiista. In ka badan 35 saacadood ayay socdeen dadaalo ay wadeen dadka deegaanka, oo la doonayay in lagu soo badbaadiyo marxuum Maxamed Siciid. Dadka gurmadka ka qeybqaadanayay oo gaarayay 600 oo qof ayaa adeegsanayay gaadiid tiro yar oo ah nooca wiishashka loo yaqaan, si ay u gaaraan gunta godka oo la sheegay inuu qodon yahay ilaa 30-Miter. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in meydka marxuumka la aasi doono ilaa galabta, waxaana hadda socda diyaarinta aaskiisa. Milxo ayaa ah…
Guddoomiyaha Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa sheegay inay doorashada qof iyo codka ah ee degmooyinka harray qaban doonaan kahor bisha April ee sannadka soo socda ee 2023. Wareysi uu siiyay BBC-da ayuu xusay Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed in la siiyay in ilaa bisha June ee sannadka soo socda ku qabtaan doorashooyinka, balse aysan iyagu waqti intaa dhan u baahneyn, ayna kahor soo gaba-gabeyn doonaan. Sidoo kale, Guddoomiyaha TPEC ayaa sheegay in bishan October ilaa bisha November, ay soo dhameyn doonaan asteynta Seejooyinka la dhigayo sanduukhda codbixin, ayna bilaabi doonaan diiwaangelinta codbixiyayaasha. Waxaa uu tilmaamay in dhaqaalaha lagu…
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ay xaqiijin doonaan in dalka laga ciribtiro argagixisada Al-shabaab lagana hortago dhagaraha qarsoon ay ummadda Soomaaliyeed umaleegayaan. Sidoo kale, Generaal Odawaa, ayaa tilmaamay in ay ka dhabeyn doonaan hadafkii uu u god galay taliyihii booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan Qaroole ee ahaa in argagixisada laga ciribtiro guud ahaan dalkeenna. “Waan ka dhabeyn doonnaa hadafkii taliye Farxaan Qaroole ee ahaa in dalkeena argagixisada laga cirib tiro” ayuu yiri taliyaha ciidanka Xoogga Gen. Odowaa Yuusuf Raage. Taliyaha oo ka qeybgalay soo xirista gogosha tacsida taliyihii hore qeybta Booliska Gobolka Banaadir…
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Khamiistii qirtay inuu guuldarreystay mid ka mid ah khamaar siyaasadeedkiisii arrimaha dibedda ee ugu weynaa uguna bahdilka badnaa oo ah; salaan gacan-duubkii uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan oo lala xiriiriyo xadgudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha. Kulankii yaabka lahaa ee Biden uu July la yeeshay Maxamed Bin Salmaan ayaa ahaa isku day uu ku hagaajinayey xiriirka quwadda ugu saameynta badan shidaalka caalamka, xilli Mareykanka uu raadinayey caawimaad la xiriirta sare u kaca shidaalka ee ka dhashay duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine. Salaan gacan-duubkaas dhacay saddex bil kahor waxaa xigay dharbaaxo weji…
Maxamed Siciid, oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa muddo ka badan 30 saacadood ku xaniban God laga qodo dahabka oo ku yaalla deegaanka Milxo ee gobalka Sanaag. Godka oo dherar ahaan gaaraya 30-Miter ayaa habeenkii khamiista ku dumay Maxamed, waxaana xanibay ciid iyo dhagxuun waa weyn. Dadka deegaanka Milxo ayaa wada dadaalo lagu soo saarayo wiilkan, iyagoo qodaya godka. Ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta nolal iyo geeri mida uu ku sugan yahay wiilka dhalinyarada ah ee uu ku dumay godku. Goobjoogayaal ayaa sheegay in lagu dhow yahay hadda salka godka, lana filaya in la gaaro saaka.…
Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta,oo ah Ergayga uqaabilsan Madaxweyne Ruto Dowlado ay ku jirto Itoobiya,ayaa shaaciyay in uusan ka qayb gali karin wada hadalada TPLF iyo Dowladda dhexe ee Itoobiya. Uhuru,ayaa ku doodaya in marka hore loo baahan yahay fulinta hal Qodob oo muhiim ah.. 1.In dagaalka la joojiyo oo mudnaantana la siiyo Xabbad joojinta. Suurtagal ma’ahan,iyadoo dagaal socdo in wada hadal ufurmo labada dhinac. Waxaa muuqata Dowlada Abiy in aysan daacad ka agayn joojinta dagaalka iyo soo hor fariisiga Tplf. Wada hadalada,ayaa lagu waday Maanta in ay ka furmaan Koonfur Afrika,balse way baaqdeen. Tplf,ayaa qoraal ay soo saartay…
Laba Oday oo midna Ururkiisii fashilmay midna aan Urur lahayn mustaqbalkeenu kuma xirna. Mudo kororsi aan uga badalano hirgelin Dimuqraadiyadeed aan raacno Reer Puntland-noow,intaan raaci lahayn fashilin Dimuqraadiyadeed. Waa derbi adag mudo kororsigu,balse in la dumiyo markan ay ku jirto danta Puntland ee fog. Doodii Galabta Dowladu way cadaysay jihada ay usocoto. Gaas?? 1.Urur maleh waxayna taasi cadaynaysaa in uusan dan ka lahayn Dimuqraadiyada. 2.Dan khaas ah ayay isku hayaan isaga iyo Deni. 3.Mudo xileedkiisii 5-ta sano xataa waa ku guulaysan waayay in uu dhiso Gudi Doorasho. 4.Saakay warkiisu macno nooma leh. Faroole” 1.Tare Jifi hoosaad buu ilaalinayaa oo si…
Dib udhigista kulankii Maanta ka furmi lahaa Koonfur Afrika ee dhexmari lahaa Tplf iyo Dowlada Abiy,waxuu abuuray dareen kale. Sidoo kale kulanka Madaxweynaha Kenya iyo Ergayga Maraykanka ee Geeska Afrika,isaguna dareen kale,ayuu leeyahay. Fashilinta Shirkii Xisbiga PP ee Abiy uu Maanta Jig-,jiga ku qabsan lahaa si uu dibugu doorto Golayaashiisa la xaaraantimeeyay waa dareen kale. Gabadha kasoo jeeda Amxaarada xagjiriinta ah ee Gudiga Doorashada kusoo dheeraynteeda Abiy waa dareen kale. Xaalka Itoobiya waa wada dareen..!!
Shirkii Xisbiga Barwaaqo ee qorshaysnaa in uu ka qabsoomo Jig-jiga,ayaa fashilmsy. Marwo Bertukan Medheksa,ayaa ganafka ku dhufatay Shirka Jig-jiga,iyadoo usheegtay in uusan noqon karin Shirweyne Xisbi. “Ma aqoonsaneyno natiijo walba oo kasoo baxda Shirka Jig-jiga,waxaa loo baahan yahay sida sharciga ah 10-kun oo Ergo in ay ka qeybgalaan Shirweynayaasha Xisbiyada lagu dhisayo qaab dhismeedkooda” Ayay tiri Bertukan. Marwo Bertukan oo khadka Taleefoonka kula hadashay RW Abiy,ayaa ku tiri”Hogaaminta Deegaanada Dalka iyo Golaha Wasiirada Qaranka kulan ay iskugu yimaadeen ma noqon karo Shirweyne Xisbi”. Abiy,ayaa wada hadalkooda kadib Ajandihii Shirka ubadalay kawada xaajoodka xaalada Dalka iyo qiimeynta waxqabadka Rubaca 1aad ee…
Senator Maxamed Yuusuf Gaagaab, ayaa sheegay in dadka reer Puntland waxa uga maqan dawladda Federaalka Soomaaliya, ay uga maqan yihiin isku duubni la,aanta ka dhex jirta. Gaagaab ayaa xusay in dad kunool deegaannada Puntland uu soo dhexgalay tafaraaruq weyn, ayna la kala jirsadeen dhinacyo kala duwan, sida DFS iyo Dawladda Puntland. “Tiirkeena gaarka ah waa Puntland hoggankeeda aan ilaashano Soomaaliya way saxmi doontaa, lamid ma nahin meelaha kale Puntland waa meesha kaliya ay ka socdaan mashaariic hormarin waxa inaga maqan waxay inooga maqan yihiin inaga darteen iyo aragtideena oo kale duwan.” ayuu yiri Senator Gaagaab. Waxaa uu ugu baaqay shacabka…
Warbaahinta madaxa banaan ee Itoobiya,ayaa tabinaysa in dib loo dhigay kulankii berito ka dhaci lahaa Koonfur Afrika. Kulankan ayaa lagu waday in wada hadalo loogu furo TPLF iyo Dowladda dhexe ee Itoobiya. la soco wararkayaga danbe.
Raisul wasaare Abiyi Axmad oo jigiiga soo gaaray Raisulwasaraha Dowlada Itoobiya Abiy Axmad Cali iyo wafti uu hogaaminaayo,ayaa soo gaaray magaalada Jigjiga ee Caasimada Dawlada Deegaanka Somalida. Waftiga Raysul wasaaraha waxaa ka mid ah Raisulwasare ku xigeenka Dalka ahna Wasiirka Arimaha Dibada Dhamaqe Mokonin Xasan iyo Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo Aadan Faarax. Raisulwasare Abiyi,ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garaad wil waal ku soodhaweeyay madaxwaynada DDS mudane Mustafe Muxumad Cumar. Caasimada Dawlada Deegaanka Somalida ee Jigjiga,ayaa marti galinaysa shirka Golaha Fulinta ee Xisbiga Barwaaqo, oo markii ugu horaysay lagu qabanaayo meel ka baxsan Caasimada Dalka ee Addis Ababa. Shirka,ayaa ka…
Guddiga Fulinta Xisbiga Barwaaqo ee talada Itoobiya haya,ayaa soo gaaray Jig-jiga. Madaxweynayaasha Dawlad Deegaannada Itoobiya,ayaa goor-dhawayd kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal ee magaalada Jigjiga. Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar iyo masuuliyiinta sare ee xukuumada ah,ayaa kusoo dhaweeyay weftiga Jig-jiga. Deegaanka Soomaalida,ayaa markii ugu horaysay tan iyo Aas-aaskii Xisbiga Barwaaqo marti gelinaya Shirweynaha Guddiga fulinta Xisbiga.
Argagixiso guuraysa in ay Puntland soo Aado baqdintii laga qabey hada hoos ayay udhacday. Sababtoo ah culays xoog badan,ayaa ka soo fuulay Bartamaha iyo Koonfurta mana heli karaan fursad iyo awood kala qaybsanta. Balse,waxaa jira firxad soo aadi kara Puntland oo biirin kara kuwa Buuraha Bari oo haday ahaayeen 300 gaarsiin kara 500 oo Xubnood. Firxadka argagixisadu waxay kusoo geli karaan Puntland Lug iyo Gaadiid,waxaana looga hortegi karaa Bulshada oo lagu wacyigeliyo la shaqaynta Ciidanka. Wasaarada Amniga Puntland waxay ahayd goor horaba in ay hadasho Dadkana wacyigeliso soona saarto digniino iyo warbixino joogta ah. Si gaar ah,waxaa tixgelin umadan Degmooyinka…
Puntland way ubaahan tahay hay’ad ah “Customs Security”. Inkastoo ay tahay hay’ad heer Fadaraal ah hadana,waxaa la dhisi karaa mid heer Puntland oo mustaqbalka la hawlgasha tan Fadaraalka. Garoonka Bosaso,waxaa Gacanta ku haya Ciidanka Badda oo baara Dadka iyo Alaabta. Dekeda Bosaso,waxaa Gacanta ku haya oo baara Ciidanka Booliska. Garoonka Diyaaradaha Garowe,waxaa Gacanta ku haya oo baara Ciidanka Booliska. Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo,waxaa Gacanta ku haya Ciidamada Daraawiishta. Dekeda Garacad,waxaa Gacanta ku haya Ciidamo gaar ah oo Shirkada Wadaagsin ah. Waa la midayn karaa dhamaantood? Hal hay’ad,ayaa laga wada dhigi karaa Ciidamada Garoomada,Dekadaha iyo Xuduudaha Puntland jooga. Waxaa loo samayn karaa……
Ciidanka Deegaanka Somalida Itoobiya,ayaa shaaciyey magacyada Saraakisha AS ee ay ku dileen hawlgaladii Aaga Yeed,Qudhacle iyo Rabdhure. Magacyada Horjoogayaashii ugu sareeyay argagixisada Al-Shabaab ee dagaalki 2-da Cisho ee lasoo dhaafay ay ku dileen Ciidamada gaarka ah ee Dowlad Deegaanka Somalida,ayaa kala ah… 1.Aaden Madoobe xubin sare oo katirsan Argagixisada. Salaxuddin oo ah sarkaal sare iyo hogaamiyaha kooxda argagixisada ah ee dhaq-dhaqaaqyada degdega ah.Axmed Dheere (Ku-xigeenka Abuu Zubeer oo u xilsaaran Garabka Itoobiya ee Argagaxisada).Sheikh Mohammed Khayr Salad (Taliyaha kooxda argagixisada ah ee aagga Bokool ee Soomaaliya).Mohammed Hussain Gumou (oo loo yaqaan Hussain Ethiopia), hogaamiyaha sare ee kooxda gurmadka dag dag…
Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay,ayaa ku guul daraystay inay meel mariyaan qaraar la doonayey in sannadka danbe dood laga yeesho, oo lagaga hadlo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gobolka Xinjiang, ee dalka Shiinaha, tacadiyadaas oo si gaar ah loogu geysto qowmiyadda Uyghur iyo muslimiinta kale ee gobolkaas ku nool. Qaraarkan oo la soo hordhigay inay u codeeyaan 47-ka xubnood ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, ayaa 17 ka mid ahi waxay taageereen in sannadka dambe dood laga yeesho, halka 19 dal ay ka hor yimaadeen, waxaana qaraarkan ka aamusay 11 xubnood. Ka hor intii…
Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Khamiistii ku dhawaaqay tallaabooyin fulineed oo looga dan leeyahay in wax ka bedel lagu sameeyo mowqifkii dawladda ee Maraykanka ee la xidhiidhay isticmaalka “Marawaanada” Marijuana. Illaa 19 gobol oo Maraykanka ah ayaa ogol in Marijuana loo isticmaalo faakihaysi ama ay si rasmi ah ay sharci uga tahay, halka ay jiraan gobollo kale oo ogol in daawo ahaan loo isticmaalo, iyo gobollo kale oo ay sharci darro ka tahay in la isticmaalo, laga ganacsado ama la haysto Marijuana-da. Waxaa xabsiyada Maraykanka ku jira, kumanaan qof oo ay ku dhaceen xukunno la xidhiidha isticmaalka, haysashada ama…
Agaasimaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Puntland ee PISA, Jamaal Carab Yuusuf ayaa la wareegay xilka, kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Hay’adda sabtidii. Jamaal Carab oo horey u soo noqday Wasiirka Qorsheynta Puntland iyo Agaasimaha Puntland TV/Radio, ayaa Madaxweyne Deni magacaabay 23-September, waxaana lagu bedelay Mukhtaar Jeyte oo Hay’adda hoggaaminayay muddo sanado ah. AWOODDAHA SICIID CABDULLAAHI DENI SIIYAY AGAASIMAHA CUSUB EE PISA. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Madaxweynaha Puntland uu qaatay go’aan la xiriira dib u dhis ballaaran oo lagu sameeyo sirdoonka Puntland. Siciid Deni ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha cusub…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasilinta deegaannada laga xoreynayo argagixisada Alshabaab. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyadoo dowladdu ay gurmad degdeg ah gaarsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha laga xoreeyey argagixisada Alshabaab, waxa uuna faray dhammaan Wasaaradaha in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii deegaanadaas looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah…
37-Degmo oo Doorashooyinka lagu qabanayo,ayaa Golaha Wasiirada Puntland ansixiyeen. Sidoo kale Gudiga Doorashooyinka,ayaa lagu wareejiyay Degmooyinkaas si rasmi ah. Waxaa xusid mudan in Degmooyinkaas loo dhamaystiray Soohdimahoodii. 3-Degmo,ayaa horay looga hirgeliyay Dimuqraadiyaynta marka lagu daro 37-dan ,waxay isku noqonayaan 40-Degmo. Guud ahaan Puntland waa 52-Degmo hadii 40-ka mid ah laga hirgeliyo Doorashooyinka waa guul weyn oo la gaaray. 12-ka Degmo ee harsan markii la tixgeliyo duruufaha jira dib waa loo dhigan karaa. Muhiimada waa in la helo Sadex Xisbi oo jaangooya Siyaasada Puntland loogana gudbo saamaynta Qabiilka ee Qaawan. Puntland Wadadii guusha ayay qaaday. Jibril Qoobey.