Garowe, November 16, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xafiiska ku qaabilay wafti ka socday hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha qaxootiga oo ay hogaaminaysay madaxa Hay’adda UNHCR ee Puntland mss Monica. Wasiirka iyo madaxda Hay’adda UNHCR ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee qaxootiyada, barakacayaasha iyo qulqulka muhaajiriinta soo gala gudaha Puntland. Sidoo kale, waxaa looga wada hadlay kulankaan mashaariicda kala duwan ee ay hay’adda UNHCR ka waddo Puntland, sida la i saga kaashan karo kaalmada iyo maareynta qaxootiga iyo magangelyodoonka ku nool gudaha Puntland. Ugu damayntii Shirka ayaa…
Author: Jibril Qoobey.
Garoowe: 16 November 2022: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka maamul baahinta Puntland. Shirka oo ay kasoo qayb galeen Wasiirada Wasaaradaha bah-wadaagta la ah mashruuca maamul baahinta Puntland,ayaa looga hadlay.. 1.Xaalada maamul baahinta Puntland. 2.Dib-u-milicsi lagu sameeyey maxsuulka kasoo baxay shirkii IMC-da ee qabsoomay 20kii June 2022. 3.Soo jeedinta xeer-nidaamiyaha wareejinta lacagaha (Inter-governmental Fiscal Transfer IGFT Regulation) oo ah xeer loogu tala-galay maareynta wareejinta lacagaha ay dowladda dhexe u wareejiso dowladdaha hoose. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Donald Trump,ayaa ku dhawaaqay in uu mar kale u tartamayo madaxtinimada 2024-ka. “Waxaan ku dhawaaqayaa in aan u tartamayo Madaxweynaha Maraykanka,” Ayuu yiri Trump. Halkan ka daawo muuqaalka
Gantaalo uu Ruushku ku weeraray Dalka Ukraine,ayaa u gudbay magaalo ku taala dalka Poland. Laba Qof,ayaa ku geeriyooday Gantaaladaas. Wasiirka difaaca ee Ruushka,ayaa beeniyay in ay weerareen Poland. Maraykanka iyo Isbahaysiga NATO,ayaa iyaguna sheegay inay baaris wadaan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhaggax dhigay dhismaha Qeybta deegaanka Safiirka iyo Guriga Martida ee Safaarada Soomaaliya ee Dalka Zambia, Dhismaha xarumaha lagu kordhinayo Safaarada waxaa iska kaashanaya Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Safaarada. Waxaa Madaxweynaha ku weheliyay munaasabadda, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, Safiir Ku-xigeenka Safaarada Mudane Yaasiin Seed, Mudane Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia Mudane Maxamuud Maxamed Hiiraan iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Zambia,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha iyo weftigiisu,waa kasoo anba baxeen Zambia oo ay ku sugnaayeen maalmihii lasoo dhaafay. Si karaamo leh,ayaa loogu soo dhaweeyay Lusaka Caasimada Dalkaas oo uu ka degay maalmo ka hor. Jaaliyada Puntland ee Zambia,waxay muujisay gobanimo iyo Wadaniyad. Iyagoo iskuguna jira Mucaarad iyo Muxaafid ayay soo dhaweyn ku fadhida karaamayn Madaxweynanimo ee Puntland usameeyeen. Waxay dajiyeen Hotel sare,waxay geeyeen xarumo Ganacsi,Dalxiis iyo Dukaamaysi. Qado sharafyo iyo casho sharafyo isdaba joog ahna waa ku casuneen si weyna waa ugu soo baxeen. Ugu danbayn sagootis macno leh ayay usoo sameeyeen. Jibril Qoobey.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa tababar u soo xiray shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda. Wasiirka waxaa ku weheliyey Wasiirku xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cali Cumar Caarshe, Ku-xigeenka Xisaabiyaha guud ee Dowladda Mudane Cali Jaamac Gaashaan iyo Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyadda. Shaqaalaha tababarka loo soo xiray ayaa ka hawl gala gobolada Sool Nugaal iyo Sanaag ee Dawladda Puntland. Cali Cumar Caarshe Wasiirku xigeenka dakhliga oo ka hadlay munaasabada ayaa shaqalaha tababarka loo xiray u sheegay in ay bulshada shaqo adag uhayaan loona bahan yahay dadaal dheeri ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad soo xiray…
Muqdisho: November,15,2022: Gudoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Cawl & wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda furitaanka Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal. Madaxweynaha DFS, Mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayaa si rasmi ah u daah furay kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal, isagoo ka jeediyey khudbadiisa dastuuriga ah oo ku saabsan xaaladda guud ee Dalka, waxqabadka DFS, qorshaha xoreynta Wadanka iyo arrimaha kale ee hortabinta u leh Dawladda Soomaaliyeed. Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Aadan Maxamed Nuur & Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa iyaguna khudbado ka jeediyey munaasabadda. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf…
BISMILAAH……. GUDDOONKA LABADA AQAL EE BARLAMAANKA JFSXILDHIBAANADA BARLAMAANKA JFSMARTI SHARAFTA KALEMUDANEYAAL IYO MARWOOYIN,Waxaan dhammaantiin idinku salaamayaa salaanta Islaamka ASCWRWB: Isla markii aan xilka la wareegay waxaan la kowsaday laba xaaladood oo kala daran: Abaaro saameeyay in ka badan 7 Milyan oo qof, iyo KHAWAARIJTA oo sii kordhiyay culayska ay ku hayeen shacabkeena taagta daran. Waxa aan qaaday tallaabooyin aan u arkayay inay lagama-maarmaan u yihiin u goggol-xaarista hannaan wax looga qaban karo dhibaatooyinka shacabka Soomaaliyeed ragaadiyay, maaddaama xalka dhibaatooyinkaasi uu ku jiro “Soomaali Heshiis ah” Annaga oo ka duuleyna yoolkaas baaxadda leh, sida ku cad Barnaamijka Xukuumadda, Dowladdeena waxay xoogga…
Kulanka Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Shiinaha,waxuu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan kulamada Shirkaas. Si gaar ah,waxuu muhiim u ahaa Dhaqaalaha Aduunka. “Madaxweyne Xi Jinping iyo aniga waxaa mas’uuliyad naga saaran tahay in aan ka wada shaqeyno caqabadaha caalamiga ah iyo in aan sii wadno wadahadalada furan ee ku dhisan daacadnimada oo aan had iyo jeer wadaagno”Ayuu yiri Biden. Waa kulan si weyn loo danaynayay Ishana loogu hayay. Halkan ka daawo muuqaalka
Hogaamiya yaasha Caalamka ugu miisaanka culus,ayaa iskugu tagay Dalka Indonisiya si ay uga qayb galaan Shirka G-20. Qodobada ugu waa weyn ee horyaala,waxaa ka mid ah.. 1.Dhaqaalaha Aduunka ee sii liicaya. 2.Colaadaha,gaar ahaan mid Ukrain.3.Cimilada Aduunka oo meeshii ugu xumayd maraysa. Shirka,waxaa kale oo lagu marti qaaday Dalal kale oo aan ku jirin Wadamada G-20. Halkan ka daawo muuqaalka
Miraa traders have shifted to Ethiopia as a source market for the stimulant, where they are buying nearly half of the allocated quota for the Somali market as high costs in Kenya force them to abandon the local crop. The traders said they procure at least 40 percent of the 19 tonnes that the Somali market has allowed Kenyan business people to export to Mogadishu from Ethiopia, denying Kenya millions of shillings in earnings. Traders are paying a commission of $4.5 (Sh548) for every kilogramme of miraa that is exported to Somalia from Kenya. The money is collected by brokers…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay xaflad Casho oo sagootin ah oo caawa loo qabtay isaga iyo wafdigiisa , taasi oo ay soo diyaariyeen Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Zambia. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa uga mahadceliyay Safaarada Soomaaliya ee Zambia, Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Ganacsatada sida weyn ee ay usoo dhoweeyeen Isaga iyo Wafdiga la socda, wuxuuna kula dardaarmay in ay illaashadaan midnimada ay ku caanbaxeen wadashaqeynta iyo is gacan qabashada dhexdooda ah. Waxaa Madaxweynaha ku weheliyay munaasabadda, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi…
Waxaa shaqo joojin lagu sameeyay Talyihii CID ee Booliska Puntland Cumar Bile. Sababta shaqada looga joojiyay Talyaha,ayaa ah in uu Laaluush ka qaatay Cabdi-yare. Cumar Bile Talyihii CID-da ee shaqada laga joojiyay,waxuu uqoray Cabdi-yare Warqad isla isaga la amrayo in lasoo xiro. Sidoo kale Warqadaas,waxuu udiray Xeer ilaaliyaha Puntland. Ujeedka Warqadahan loo abaabulay,ayaa ahaa in la abuurto xaalad kacsanaan ah iyo isku dhacyo. Cabdi-yare Warqadihii durba,waxuu ukala diray Odoyaal Beeshiisa ah,Saraakiil Ciidan iyo Dhalinyaro,isagoo ku habarwacanaya Deni,ayaa amray in lay soo xiro cadayntiina waataas. Kadib arinkii,waxaa deg-deg ugalay Odoyaal oo Talyihii Booliska utagey wada hadal kadibna,waxuu si cad ugu sheegay…
Dowladda Mareykanka,ayaa kordhisay Lacagta abaal-marinta ah ee ay ku bixineyo xog hoggaamin karta aqoonsiga iyo halka ay ku sugan yihiin madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab iyo carqaladeynta hanaankeeda maaliyadeed. “Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, oo ay maamusho Waaxda Nabadsugidda Diblomaasiyadda, ayaa kordhinaysa oo illaa $10 milyan gaarsiineysa abaal-marinta la siinayo ciddii keenta xog horseedda aqoonsiga ama halka ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Al-Shabaab ee kala ah; Axmed Diiriye, Mahad Karate, iyo Jehad Mostafa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka. Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee loo soo gaabiyo RFJ ayaa sidoo kale…
Dowladda Federaalka Somaliya,ayaa sheegtay in Ciidamada Amniga ay soo xireen Mustafa Cali Caanood oo sida ay sheegtay faafinayey Fikirka Khawaarijta. Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri “ Iyada oo laga duulayo go’aanka dowladda ee la xiriira ciribtirka fikirka marin habaabinta ah ee kooxaha Khawaarijta ah ayaa Ciidamada Amnigu waxa ay xalay oo ku beegnayd 13-11-2022 soo xireen Mustafa Cali Caanood oo ah shakhsi caadeystey fidinta fikirka Khawaarijta.” Qoraalka ayaa intaas kud aray in howlgalka lagu qabtay Mustafa uu ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana laqabtay xilli “uu isku dayay in uu ka baxsado” Ciidamada Amniga. “Mustafa Caanood…
Waxaa maanta kulan gaar ah isugu yimid dhamaan 9-ka xubnood ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, kulankan ayey ku doorteen Goddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka rasmiga ah ee Guddiga kadib markii xubnaha Guddiga ka dhimanaa ay mareen dhaarta dastuuriga ah maalmihii la soo dhaafay. Guddoomiyaha Guddiga,ayaa si buuxda loogu doortay Mudane Abdirisak Axmed Sacid oo horay u ahaa Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga mana jirin cid la tartantay. Halka Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga si rasmi ah loogu doortay mudane Cali Jaamac Faarax (Hon Cali Dhegacade) oo horay u ahaa Guddoomiye Kuxigeenka KMG ah ee Guddiga mana jirin cid la tartantay. Halkan ka akhriso:-
Saaka,waxaa furmay Wajigii 1aad ee Shirweynaha Nabadaynta Beelaha Gobolka Mudug. Shirka,waxaa furay Gudoomiyaha Gobolka Mudug,Talyaha Qaybta Booliska iyo Gudoomiyaha Degmada Bursaalax. Waxaa goobjoog ka ah dhamaan Waxgaradka Beelaha Mudug,si gaar ah kuwa wax kala tirsanaya ee Gogosha loo fidiyay. Waa dadaal muhiim ah oo mudan in la garab istaago.
Doorashooyinka Maraykanka,waxaa ku tartamay 146-Musharax in ka badan Muslimiin ah,waxaana guulaystay 86 ka mid ah Xubnahaas. Guulahaas,ayaa ka dhacay Gobollada Texas, Virginia iyo Georgia, waxaana ku jiray 20 -Murashax oo horey xilal u hayay iyo 17-Musharax oo cusub. Kuraastaasi waxay u dhaxaysaa Guddiyada Waxbarashada Deegaanka iyo Golaha Deegaanka ilaa Aqalka Congress-ka ee Maraykanka. Taariikh cusub ayay ka sameeyeen Muslimiinta Maraykanku Doorashooyinka. Waa wax muujinaya sida reer Galbeedku ugu horeeyaan tixgelinta kala duwanaanshaha Diimaha iyo Xoriyada Qofka. Halkan ka daawo muuqaalka
Ciidamada Ammaanka Turkiga,ayaa soo Bandhigay Haweenaydan oo lagu Magacaabo Ahlan Albashir, taas oo ay sheegeen in ay ka dambeysay weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Istanbul, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 6 ruux halka 81 kale ay ku dhaawacmeen. Haweenadan ayaa sida Boolisku sheegay waxay kasoo jeedaa Dalka Suuriya. Tallaabada soo qabashada Haweenaydan kasoo jeeda Suuriya,ayaa imaanaysa iyadoo Dowladdu dusha ka saartay Qaraxa Kooxda Dalkaas laga mamnuucay ee PKK.
Garowe, November 14, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Guddoomiyaasha 9ka Gobolka ee Dawladda Puntland. Shirkaan ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Gobolada iyo Degmooyinka Puntland, xoojinta xiriirka Gobolada iyo Degmooyinka, dardargelinta amniga iyo arrimaha Bulshada. Guddoomiyaasha Gobolada ayaa mid mid uga warbixiyey xaaladda Gobolada, sida nabadgelyada iyo abaaraha, ka hortga khilaafaadka soo dhexgala beelaha iyo joojinta Deegaamaynta cusub. Intii shirku socday ayaa waxaa looga dooday xoojinta yaraynta khataraha Deegaanka iyo isku xirka Shacabka iyo Dawladda iyada oo loo wada shaqaynayo sida…
Garoowe, November 14, 2022: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada ahna ku-simaha Guddoomiyaha Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Xildhibaannada Golaha oo maalmihii la soo dhaafay ka doodayey hindise-xeereedka Kheyraadka biyaha Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyey guud ahaan qodobada xeerkan, waana markii ugu horeysay oo xeer loo sameeyo habka isticmaalka & soo saarista biyaha deegaanada Puntland. Ugu dambeyn, Golaha waxaa loo qaybiyey wax-ka-badalka xeerka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah, waxaana lagu wareejiyey Guddiga arrimaha bulshada, dhaqanka, warfaafinta…
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Zambia oo xaflad weyn oo soo dhoweyn ah Xalay u sameeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdiga la socda , ayaa taageero iyo garab istaag u muujiyey Shaqooyinka ay wado Dowladda Puntland iyo Doorashada hal qof iyo cod ee Goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland. Waxaa Madaxweynaha ku weheliyay munaasabadda, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Mudane Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia Mudane Maxamuud Maxamed Hiiraan iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee…
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Shiikh Cali iyo Isimada Gobolka,ayaa kulan hordhaca Caawa ku yeeshay Degmada Bursaalax oo uu beri ka furmayo Shirka Nabadaynta Beelaha Mudug. Kulankan Caawa oo ay goobjoog ka ahaayeen Talyaha Qaybta iyo Gudoomiyaha Degmada Bursaalax,ayaa looga xaajoonayay Ajandaha iyo sida loo qaabaynayo Shirka. Waxay Maamulka iyo Isimadu isla qaateen in Shirka laga dhigo Sadex Waji oo kala gaar-gaar ah. Dhamaan Waxgaradkii matalayay Beelaha,ayaa kusoo xarooday Bursaalax. Shirkan,waa mid macno badan uleh Bulshada Mudug. Faysal Shiikh Cali,waxuu muujiyay hogaamin masuuliyad iyo bisayl ka muuqato. Jibril Qoobey.
Sidee Hubka udhigayaan Tigreegu? 1.Shacabka la hubeeyay ee Tigreega,ayaa Hubka laga dhigayaa. 2.Ciidamada Difaaca Shacabka Tigreega waxay noqonayaan Ciidamada Deegaanka ee la mid ah kuwa Deegaamada kale. 3.Ciidamada Tigreega ee qaybta ka ahaa kuwa Mileteriga Itoobiya dib,ayaa loola midaynayaa Milateriga. Maxay helayaan Tigreegu? 1.Adeegii Nololeed oo dhamaystiran sida… B.IsgaarsiintaT.Bangiyada.J.Korontada.X.Biyaha.Kh.CaafimaadkaD.Miisaaniyada. Awood qaybsiga Siyaasada” Waxay dib uhelayaan awood qaybsigoodii Xukuumada Fadaraaliga ah,waxaana ka mid ah awoodaha ay qaadan doonaan.. B.Wasaarada Arimaha Dibada.T.Wasaarada Maaliyada.J.Sirdoonka Qaranka. Taariikhda Itoobiya waa markii ugu horaysay oo aan awooda hogaamineed lagu kala adkaan oo awood qaybsi iyo kala hakasho wax lagu qaybsado. Tigreegu waxay xaqiijiyeen in ay yihiin…
Muqdisho, Nofeembar 13, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Gaashaanle Sare Mubarak Cabdiqani Muuse Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa faray Taliyaha cusub in uu sii amba-qaado qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska Ciidamada Badda Soomaaliyeed, si loo helo ciidan awood u leh hanashada sugidda amniga marin-badeedyada dalka iyo difaaca xeebaheenna ballaaran. Xeerkan Madaxweyne oo waafaqsan qodobbada 80-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhaqan galay faafinta rasmiga ah. DHAMMAAD…
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Axaddii cambaareeyay “Weerarka uu ku sheegay mid waxashnimo ah” oo ka dhacay bartamaha Istanbul, kaas oo uu sheegay inay ku dhinteen lix qof. Qarax ka dhacay bartamaha Istanbul maalinta oo Axad ah ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 38 kalena, sida uu sheegay guddoomiyaha magaalada Istanbul Ali Yerlikaya. Qaraxa oo aan la ogeyn waxa sababay ayaa dhacay wax yar kadib 4-tii galabnimo, kaas oo ka dhacay wadada caanka ah ee Istiklal oo ay inta badan dalxiiseyaasha iyo dadka deegaanku iskugu yimaadaan. Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa muujinayay holac ka…
Xayawaanka Duurjoogta ah ee loo yaqaan Caasho Bari ayay Ciidamada Booliska Puntland qabteen,iyadoo la dhoofinayo. Sidaanoo kale Ciidamada amaanku horay waxay uqabteen Geed Quwaax larabo in la dhoofiyo.
Wasiirka Wasaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim oo ay weheliyaan Wasiirka ku xigeenka Wasaradda Hodan Saciid Xasan, Agaasimaha guud Mudane Jaamac Xasan Cabdulle iyo Masuulin ka tirsan xiriirka Kuubada cagta Somaliya iyo Puntland,ayaa galabta garoonka Kubadda Cagta Mire awaare kaga qayb galay ciyaarta xiritaanka horyaalka heerka kowaad ee Kubada Cagta Puntland. Ciyaarta soo xiritaanka,waxaa kuwada ciyaaray kooxaha SBC Fc iyo Horseed Fc. Kooxda SBC Fc,ayaa noqotay Champions Puntland 2021/2022 ,halka Horseed ay noqotay Kooxda gashay kaalinta Labaad. Kooxaha kala galay Kaalinta 1-aad iyo 2-aad,ayaa la gudoon siiyey abaal marino kala ah… 1.kooxda kaalinta koowaad…
Mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay in ay dhamaatay mudo xileedkii Sharciga ah ee Madaxweynanimada Muuse Biixi iyo Golihiisa Wasiirada. “Laga bilaabo Maanta waxaan u aqoonsanahay Madaxweynihii hore ee Somaliland ee wakhtigiisu dhamaaday”Ayay yiraahdeen. Sida muuqata,waxaa fashilmay dhex-dhexaadintii Duqa Hargaysa iyo Warancade hormuudka uhayeen ee ilaa Xalay socotay. Qodobada Xisbiyada Mucaaridku ku dhawaaqeen,waxaa ka mid ah…. Halkan ka daawo muuqaalka
Garowe, November 13, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, ahna Guddoomiyaha Guddiga dardargelinta Doorashooyinka Puntland, Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa Guddoomiyey Shirka Guddiga dardargelinta Doorashooyinka Puntland oo yeeshay shirkoodii Shanaad. Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa looga wada hadlay arrimaha hortebinta u leh dardargelinta Doorashooyinka iyadoo la isku waydaarsaday warbixin guud, taas oo ay soo jeediyeen xubnaha Golaha Wasiirada kala duwan ee ka tirsan Guddiga. Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa guddiga la wadaagay xogta guud ee Degmooyinka Puntland, meelaha…
Halkan ka daawo muuqaalka
Muqdisho: 13,November,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Cawl & wefti uu hoggaaminayo oo saaka kasoo kicitimay Garoowe ayaa lagu soo dhaweeyey Muqdisho. Weftiga Guddoomiyaha waxaa kamid ah Xild. Saadaq Abshir Garaad, Xild. Axmed Jaamac Cabdulle, Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Xidig Warsame iyo howlwadeeno kale. Safarka shaqo ee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo qaadan doona muddo maalmo ah waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka DFS, Senataro ka tirsan Aqalka sare, habdhowraha guud Golaha Shacabka iyo xubno kale oo ka tirsan DFS. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha…
Culumada Masjid Rowda,ayaa beeniyay kana hor yimid Nin horay uga jeediyay khudbad uu ku sheegayo in Garoomada iyo Dekedaha Puntland lagu wareejiyay Shirkado Yuhuud leedahay. “Hadalkaasi xaqiiq kuma dhisnayn munaasabna kuma ahayn in Manbarka Masaajidka la keeno”Ayay yiraahdeen Culumada. Talaabo loo baahnaa ayay qaadeen Culumada Masaajidka Rowda waxayna ka hor tageen isfahan waa soo kala dhexgala Laamaha Amniga.
Muqdisho, Nofeembar 13, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Axmed Jumca Al-rumeysi. Danjire Axmed Jumca ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada shacab, taas oo uu ka siday Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraatka Mudane Maxamed Binu Saayid Aala-nahyaan. Sidoo kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee…
Wasiirka Arimaha dibada Fadaraalka Somaliya Abshir Cumar Huruse,ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga Danjirannimo safiirka dowladda Imaaraadka Carabta Dan.Axmed Juma Al Rumaithi. Wasiirka iyo Safiirka cusub ee Imaaraadku usoo wakiishay Somaliya,ayaa yeeshay wada hadal kadib ka Gudoomidii Waraaqaha Aqoonsiga Danjiranimo. Arimaha ay ka wada hadleen,waxaa ugu weynaa Xiriirka iyo Saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada Dowladood Somaliya iyo Imaaraadka. Hardankii Siyaasada Somaliya ee Dowladaha Khaliijka Carbeed,ayaa umuuqda in Imaaraadku kaga adkaaday Qatar oo ay si gaar ah ugu loolameen. Jibril Qoobey.
Waxay dib udhigeen Shirkoodii jaraa’id ilaa 6-da Makhribnimo. 13-kii Nov,ayaa lasoo gaaray,iyadoon wax doorasho ah oo diyaarsan aysan jirin waxayna ahayd saakay in Madaxweyne Doorasho ku yimid uu la wareego hogaaminta Somaliland. Ilaa xalay waxaa dadaal isxilqaan ah waday Duqa Hargaysa iyo Warancade,inkastoo aysan ku guulaysan la kulanka Cirro hadana Faysal oo ay kulmeen,waxay ka codsadeen in la siiyo Saacado ay Muuse jawaab uga keenaan. Somaliland Saacado kadib maleh Maamul Sharciyad haysta,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Xisbiga Madaxweynaha Mareykanka ee Dimuqraadiga ayaa sii haysan doona maamulka Aqalka Sare ee Senate-ka, kadib doorshada xilliga dhexe oo ay ka soo baxday natiijo meesha ka saartay saadaashii aheyd in xisbiga Jamhuurigu uu la wareegi doono labada aqal ee kongareeska. Doorashooyinka xilliga dhexe ayaa caadiyan waxa ay yihiin kuwa ay dharaaxo kasoo gaarto xisbiga talada haya, iyadoo sicir bararka iyo shacbiyadda Biden oo hooseysay ay keentay in Jamhuurigu ay raja badan ka muujiyaan mowjad gaduudan ama cas oo ay kula wareegi doonaan aqalka senate-ka iyo kan golaha wakiillada. Laakin warbaahinta Mareykanka ayaa Sabtidii wariyay in tartankii Senate-ka ee ka dhacay…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Somaliyed ayaa tilmaamay in hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda ay tahay wajiga qaranka. Dhismaha xaruntan oo si wanaagsan loo qalabeeyay,ayaa qeyb ka qaadaneysa hufnaanta iyo gudashada waajibaadka shaqo ee bixinta adeegyada muhiimka u ah qaranka, waxaana Ra’iisul Wassaaruhu uu kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka koobantahay xaruntaan cusub, waxuuna mahad celiyay dowladaha Denmark, Norway, UK iyo Finland oo dowladda ka taageeray dhismaha xaruntaan. Xamse Cabdi Barre,ayaa tilmaamay in tallaabada lagu dhisay xaruntaan ay muujinayso dardarta ay ku socdo horumarka hey’addan…
Waa muhiim Shirka Amniga iyo Nabadaynta Beelaha Mudug ee Bursaalax ka furmaya saakay. Beelaha hada Aanooyinkoodu taagan yihiin oo la rabo in la xaliyo,waxaa ka mid ah… Wagardhac iyo Reer Mahad.Wadalmoge iyo Leelkase.R.Bicidyahan iyo Leelkase. Maamulka Gobolka iyo Talyaha cusub ee Booliska Gobolka way isla jaanqaadeen mudadii yarayd ee uu joogay wax badan ayay kuwada guulaysteen xalintooda. Waxay xakameeyeen Dilal si masuuliyad daro ah udhici jiray iyo kuwa Aanooyin ah oo ay isfahan dari sababi jirtay. Haatan Shirkan ayay abaabuleen oo ay rabaan in lagu soo afjaro Aanooyinka jira. Guud ahaan Amniga Mudug waa wanaagsan yahay,waxaana kor loo qaaday sugidiisa…
Doodda Doorashada Puntland?? Markii aan dhegeystay hadal jeedintii Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Hon Abdirashid Yusuf Jibril iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Abdi Farah Juxa: Waxaa muuqata in dood siyaasadeed oo ku aadan Dimoqraadiyadda ay jirto oo u baahan in faham buuxa laga wada yeesho sida: Arrimahaas waxay u baahan yihiin in ay ka tashadaan Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Gudoonka Baarlamanka, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dimoqraadiyadda, Ururada siyaasadda iyo TPEC. Doorashadu kama soo harto heshiis loo dhan yahay. Case study – Somaliland ayaa PL ugu filan. Waxaan ogahay in TPEC farsama ahaan diyaar garow fiican ku jirto.. Guul PUNTLAND, BDM
Garowe: 13 November 2022: Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland,ayaa maanta sameeyay diiwaangalin tijaabo ah, boqolaal Arday oo ka mid ah Ardada Jaamacadda Boosaaso Faraceeda Garowe iyo Dadweyne kale ayaa safaf dhaadheer ugalay diiwaangalinta tijaabada ah. Guddiga ayaa dhawaan ka sameyndoona dhamaan goboladda Puntland Diiwaangalinta codbixiyaha. XAFIISKA WARFAAFINTA GUDDIGA KMG DOORASHOOYINKA PUNTLAND. codkaaguwaaxaqaaga codkaaguwaamustaqbalkaaga
Garoowe: 13,November,2022: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Golaha Wakiillada ayaa weli ku guda jira ka doodista & qodob qodob u ansixinta hindise-xeereedka Khayraadka Biyaha Puntland sida uu dhigayo qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Dooda hindise-xeereedkan oo Goluhu curiyey ayaa sii socon doonta maalmaha soo socda sida uu dhigayo qodobka 58-aad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiillada DPL. Halkan ka daawo muuqaalka DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland
Si gaar ah,waxaa Caawa Madaxweynaha ubooqday Beesha Cumar Maxamuud ee ku dhaqan Zambia. Kulankaas,waxuu ku saabsanaa 7-Qodob oo kala ahaa.. 1.Soo dhaweyn. 2.Mahadnaq doorkii Dowlada ee Amniga Gaalkacyo iyo Dekeda Garacad. 3.Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo. 4.Dhismaha Wadada Garacad-Goldogob. 5.Dhamaystirka Toogashada Shabaabka xiran. 6.Dimuqraadiyaynta. 7.Isimada iyo isfahankooda. Jawaabta Madaxweynaha” 1.Madaxweynuhu,waxuu si weyn uga mahadnaqay soo dhaweynta iyo karaamaynta loo sameeyay isaga iyo weftigiisa. 2.Waxuu sheegay in Amni xumada jirtay ee wajiyo badnayd ay kuli kusoo ururtay Alshabaab rabina na waafajiyay ka hawlgelideedii. 3.Garoon weyn oo aan leenahay,ayaa ku yaal Magaalada marka in aan isaga dayactirno oo balaarino iyo in aan mid…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta booqday Safaarada Soomaaliya ee Dalka Zambia, halkaasi oo ay kusoo dhoweysay Safiir Marwo Xaawo Xasan Maxamed iyo Masuuliyiinta kale ee Safaarada. Madaxweynaha ayaa qeyb qeyb u booqday Dhismaha Safaarada, xafiisyada kala duwan iyo qeybta loogu talagalay deegaanka Safiirka oo ay dhismihiisa iska kaashanayaan Safaarada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia. Madaxweynaha Dowladda Puntland, ayaa Safiirkeenna Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, uga mahadceliyay soo dhoweynta heerkeedu sareeyo iyo maamuuska, wuxuuna boggaadiyey shaqada Safaaradu u hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. Waxaa Madaxweynaha ku weheliyay booqashada , Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Qado Sharaf ay u sameeyeen Ganacsatada Soomaaliyeed Dalka Zambia,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Muqdisho, Nofeembar 12, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliy dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya. Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidanka Badda ee tababarka u jooga Ereteriya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin difaaca iyo xoreynta dalka. Madaxwaynaha Jamhuuriyada ayaa ku bogaadiyey ciidankan dadaalka, aqoonta iyo kartida ay muujiyeen, inta ay tababarka ku jireen, waxa uuna u sheegay in ay yahiin tilmaamihii lagu yaqaanno Ciidanka Badda Soomaaliyeed. Madaxwayna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqashada kaddib waxaa uu dib ugu…
Madaxweyne Ku-xigeynka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa shir Gudoomiyey kulan ay Golaha Wasiiradda Dowladda Puntland ku Ansixiyeen Xeerka Booliska Puntland. Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan,ayaa xeerkan u soo gudbiyey Golaha Wasiiradda. Waa talaabo horay loo qaaday oo ay Puntland baahi uqabtay.
MADAXWEYNAHA OO KA QEYBGALAY KULAN QADO SHARAF AH OO AY U SAMEEYEEN GANACSATADA DALKA ZAMBIA. Lusaka: 12 November 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Qado Sharaf ay u sameeyeen Ganacsatada Soomaaliyeed Dalka Zambia, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Ganacsatada sida weyn ee ay usoo dhoweeyeen Isaga iyo wafdigiisa. Waxaa Madaxweynaha ku weheliyay munaasabadda, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Mudane Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia Mudane Maxamuud Maxamed Hiiraan iyo Ganacsatada Soomaaliyeed…
Kulankii uu ka balanqaaday Beesha caalamka ee ay ahayd in uu qabsoomo Maanta,waa baajiyay Muuse Biixi. 13-ka Nov waa Maalinka ay ku eg tahay mudo xileedkii sharciga ahaa ee ay haysatay Dowladiisu,waana muuqata in aysan dhacayn Doorasho. Dhankiisa,waxaa u abaabulan Labo sano oo mudo kororsi ah iyo qabashada tartanka Ururada Sagaalka Bilood ee soo sicda gudahood,waxuuna sheegay in durbaba ay isdiiwaangelisay Sagaal Urur. Gudiga doorashadu weli ma samayn Xeerka tartanka Ururada oo majiro nidaam heshiis lagu yahay oo tartan lagu qaban karo. Mucaaradka” Faysal wax weyn mahayo oo xataa dhaqaale iyo cududba,waxaa Gacanta ku haya Cirro iyo Xisbigiisa. Waxa kaliya…
Waxaa jira Mashruuc ay maalgeliso hay’ada UNDP oo lagu taageero Booliska Puntland. 17-Gaari ayay UNDP gudoonsiisay Booliska Puntland xiligii uu Talyaha ka ahaa Cabdi-yare. Gaadiidkaas mid ka mid ah oo Saldhiga Degmada Garowe uu lahaa,ayuu la haray markii xilka laga qaaaday oo uusan wareejin Cabdi-yare. Waxaa jiray heshiis ay wada galeen UNDP iyo Booliska oo ahaa in Gaadiidkaas la dhowro. Haatan UNDP waxay keentay Afar Baabuur oo kale,Mid Miino-baar iyo Laba Saldhig dhismahood,waxayse ku xirtay Shuruud wareejintooda,taasoo ah in Baabuurka Cabdi-yare haysto lasoo celiyo. Taliska cusub ee Booliska,ayaa la xiriiray Cabdi-yare una bandhigay xaalka taagan kana codsaday si aan Gawaaridaas…
Lusaka: 12 November 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta booqday Safaarada Somaliya ee Dalka Zambia, halkaasi oo ay kusoo dhoweysay Safiir Marwo Xaawo Xasan Maxamed iyo Masuuliyiinta kale ee Safaarada. Madaxweynaha ayaa qeyb qeyb u booqday Dhismaha Safaarada, xafiisyada kala duwan iyo qeybta loogu talagalay deegaanka Safiirka oo ay dhismihiisa iska kaashanayaan Safaarada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia. Madaxweynaha Dowladda Puntland, ayaa Safiirkeenna Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, uga mahadceliyay soo dhoweynta heerkeedu sareeyo iyo maamuuska, wuxuuna boggaadiyey shaqada Safaaradu u hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. Waxaa Madaxweynaha ku weheliyay booqashada , Wasiiru…
Garoowe, 12,November,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan & Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame,ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta waxaa Guddiga Arrimaha Deegaanka & Khayraadka Golaha ay u soo gudbiyeen warbixin ku saabsan hindise-xeereedka Khayraadka Biyaha Puntland, kaas oo Goluhu curiyey, waxaana Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & ansixinta hindise-xeereedkan oo muhiim u ah Puntland, doodaas oo socon doonta maalmaha soo socda sida uu dhigayo qodobka 58-aad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiillada DPL. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta &…
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ”Dalku ma gali karo firaaq, hadii doorasho qof & cod ah la qaban waayo waxaa loo noqonayaa lifaaqa…” Halkan ka daawo muuqaalka
Ciidamada Ukraine,ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kherson kadib markii ciidamada Ruushka ay sheegeen inay isaga baxeen magaaladan muhiimka ah ee ku taalla koonfurta dalkaaas. Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinayay shacabka oo dabaaldegyo ka dhigaya waddooyinka , waxay isug soo baxeen farasmagaalaha habeennimadii iyaga oo ku heesaya heeso waddani ah, xilli ay soo dhaweynayeen ciidamada Ukraine oo soo galay magaalada. Guddoomiye gobol ayaa dhanka kale isna sheegay in dhanka galbeedka ee wabiga Dnipro ay ku soo noqotay gacanta dawladda Ukraine, kaddib bixitaankii ciidammadii Ruushka. Kherson waxay ahayd magaalada madaxda gobolka kaliya ee Ruushku qabsaday ka dib duulaankii uu ku…
Sarkaalka Mareykanka u qaabilsan ilaalinta amniga xuduudaha ayaa sheegay in laga codsaday in uu iscasilo ama la ceyriyo. Chris Magnus – Guddoomiyaha Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha – ayaa difaacay shaqadiisa inkasta oo tirada sharci-darrada ah ee ka gudbaya xadka Mareykanka iyo Mexico ay gaareen heerkii ugu sarreeyay sanadkan. Wararka waxay sheegayaan in sarkaalka uu diiday in is casilo isla markaana wuxuu difaacay shaqadiisa. Ninkan ayaa dhaleeceyn kala kulmay tirada muhaajiriinta sida sharci darrada ah ku galeyso Mareykanka oo korodhay. Intooda badan muhaajiriinta waxay kasoo qulqulayaan dalalka Venezuela, Cuba iyo Nicaragua-dalalkaasoo ay ka taagan yihiin xaalado siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale oo…
Aqalka Cad,ayaa sheegay in Madaxweyne Joe Biden aysan u qorsheysneyn inuu la kulmo dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga marka uu furmo shirka dalalka warshadaha ku horumaray ee G20, kaas oo ka dhacaya Waddanka Indoesia. Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan,ayaa Jimcihii sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uusan qorsheyneynin inuu kulan la yeesho Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Sullivan,ayaa hadalkan u sheegay warfidiyeenka xilli uu Biden kasoo baxay shirka isbedelka Cimilada ee Qaramada Midoobay ee COP27 oo socda waddanka Masar. Biden,ayaa la kulmay amiirka leh dhaxalka Sacuudiga bishii Luulyo, laakiin ururka OPEC+ ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa bilo kadib…
Taliska Mareykanka ee Africa ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uu duqeyn cirka ah ku dilay 17 ka tirsan maleeshiyada Al-shaabaab, kaddib codsi uga yimid dowladda Soomaaliya. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay AFRICOM, ma jirto waxyeello dhimasho ama dhaawac ah oo duqeybtan kasoo gaartay dadka rayidka ah. “Codsi ka yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar ballaaran oo ay isaga difaacayaan argagixisada Al-Shabaab oo weerar ku ah ciidamada Soomaaliya.” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM “Soomaaliya ayaa weli ah xubin lagama maarmaan u ah xasilloonida iyo amniga dhammaan Bariga Afrika. Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sii…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo caawa magaalada Lusaka kaga qeybgalay xaflad casho oo ay ku maamuuseen Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Zambia, ayaa uga mahadceliyey Safaaradda Soomaaliya, Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Ganacsatada sidii wanaagsaneyd ee isaga iyo wafdigiisa loo soodhoweeyay. Waxaa Munaasabadda ka qeybgalay Safiirka Soomaaliya ee Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Guddoonka Jaaliyadda Somaliyed iyo Ganacsatada Somaliyed ee Dalka Zambia. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Xasan dareen damqasho leh,ayuu umuujiyay dhalinyarada Eretereya lagu lugooyay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka