Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan,ayaa khudbadiisii ugu horeysay jeediyay tan iyo markii la toogtay xilli uu ka qeyb galayay isu soo bax ka dhacay magaalada Wazirabad ee bariga dalkaasi. Isagoo ku fadhiya kursiga loogu talagalay dadka lixaadkooda kala dhiman yahay isbitaal ku yaal Lahore, Mr Khan wuxuu sheegay inuusan ka badbaadeen toogashada haddii labada qof ee weerarka fuliyay ay “si darandoori ah u ridi lahaayeen rasaasta” . “Maadaama aan dhacay, mid ka mid ah kuwii toogashada geystay ayaa u maleynayay inaan dhintay, wuuna uu ka tagay goobta,” ayuu yiri. Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa ku…
Author: Jibril Qoobey.
Dowladda cusub ee Sweden ayaa iska fogeyn doonta maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee YPG, iyadoo isku dayeysa in ay ku guuleysato in Turkigu uu u oggolaado in ay ku biirto isbahaysiga NATO, sida uu Sabtida maanta ah sheegay wasiirka arrimaha dibadda Sweden. Maleeshiyada Kurdiyiinta Syria ee YPG iyo garabka siyaasadda ee PYD ayaa waxa uu Turkiga u arkaa qeyb kale oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK), kaasi oo sanadkii 1980-kii bilaabay kacdoon ka dhanka ah Turkiga, iyadoo Turkiga, Maraykanka iyo Midowga Yurub ay PKK u aqqoonsadeen koox argagixiso ah. Sweden, Maraykanka iyo dhowr dal oo kale oo ka tirsan xulufada NATO…
By Deeq S YusufSaturday November 5, 2022 In November 2022, between the 6th and the 18th, the Government of the Arab Republic of Egypt will host the 27th Conference of the Parties of the UNFCCC (COP 27), with a view to building on previous successes and paving the way for future ambition to effectively tackle the global challenge of climate change. With the Ministry of Youth and Sports taking the lead, the Somali government should support youth-led, climate mitigation and adaptation initiatives that create sustainable future for young people and society at large. Comprising of 75% of the national population,…
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta Aqalka Wakillada ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wefti uu hogaaminayo oo maalmahan safar ku jooga Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii sheegay inuu dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin kula heshiiyey in qamadiga Ruushka ee soo mara badda madow ay si bilaash ah ay ku tagaan dalalka Afrika ee saboolka ah. “Markii aan taleefoonka kula xiriiray Vladimir Putin, wuxuu igu yiri ‘ aan bilaash ugu dirno dalal ay ka mid yihiin Jabuuti, Soomaaliya iyo Suudaan’ – waana ku heshiinnay,” ayuu Erdogan ku yiri hadal uu u jeediyay ganacsatada magaalada Istanbul. Arrintan ayaa timid kadib markii Moscow ay Arbacadii dib u bilowday ka qaybgalka heshiiska dhoofinta qamadiga ee u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Turkiga, taas oo sooo afjartay…
Taliyaha Ciidamada Somaliland, Gen. Nuux Ismaaciil Taani ayaa si kulul ugu jawaabay Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland, Gen. Abshir London. Gen. Nuux Taani oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in Taliyaha Ciidamada Puntland uu yahay nin aan waxba kala socon wixii ka dhacay dalka, uuna ka yimid qurbaha. Somaliland ayuu sheegay in aysan wax xun ku dhihin Puntland, maadama ay ilaalinayso darisnimada, isagoo intaa raaciyay inay yaqaanaan jawaabta ay ka bixinayaan dagaalka uu ku hanjabay Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland. Gen. Abshir London oo dhowaan khudbad u jeediyay ciidammo ku sugan agagaarka Boocame, ayaa ku eedeeyay Somaliland inay taageerto argagixisada,…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa Jimcihii ku eedeeyay Ra’isul Wasaaraha xilka haya inuu ku lug lahaa shirqool lagu dili lahaa, xilli uu kasoo kabanayo dhaawacii kasoo gaaray isku day dil. Khan ayaa saxaafadda u sheegay in Ra’isul Wasaare Shahbaz Sharif, oo isaga bedelay kadib markii codka kalsoonida lagala noqday bishii April, inuu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarka lagu dili lahaa, wuxuuna intaas ku daray in qorshaha dilkiisa ay ku wehliyeen wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanullah iyo taliye sare oo ka tirsan ciidamada. “Saddexdan waxay go’aansadeen inay i dilaan,” ayuu Khan ku yiri muuqaalkiisii ugu horreeyay tan iyo…
Shirkadda Twitterka,ayaa si ku meel gaadh ah u xidhay xafiisyadeeda maalintii Jimcihii, iyada oo shaqaalaha loo sheegay inay heli doonaan fariin email ah oo loogu kala sheegayo inay shaqada sii wadan doonaan ama in shaqada laga fadhiisinayo. Tallaabadan ayaa daba socota,ka dib markii uu dhowaan shirkadda Twitter-ka iibsaday muulkiilaha cusub ee Elon Musk, iyada oo ay hubanti la’aan badani soo foodsaartay, mustaqbalka shaqaalaha shirkadda. Maamulka cusub ee shirkadda Twitter iibsaday ayaa haatan bilaabay inay kala hufaan shaqaalaha shirkadda ee gaadhaya 7,500 oo shaqaale ah. Elon Musk oo ah qofka ugu taajirsan adduunka ayaa qorshaynaya inuu shaqada ka fadhiisiyo illaa 3,700…
In ka badan 280 Gawaarida xamuulka qaada ah,ayaa Gaalkacyo usoo gaaray soo daabulida Shixnadaha Dekeda Garacad. Markabka shaqadiisu socoto marka laga soo tago Laba kale,ayaa diyaar u ah in iyagana la dajiyo. Isbadal weyn oo Dekedu la timid,ayaa durba la dareemay,iyadoo weli wax walba bilow yihiin,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Gudiga joogtada ah ee Baarlamaanka Fadaraalka oo fariistay Garowe kuna diyaarinaya Ajandaha Kal-fadhiga soo socda. Waa talaabo muujinaysa horudocod Qaran iyo wada shaqayn loo baahan yahay. Bulshada Somaliyed baahi weyn ayay uqabtaa Dowladnimadooda oo udhisanta. Halkan ka daawo muuqaalka
Waa Shirkad bixisa adeeg iskugu jira Deegaan,Cunto,Saad iyo amaan,waxaana leh Qoyska reer Deni. Waxay haysataa ilaa Afar Qandaraas oo adeeg bixin ah,kuwaasoo kala ah… 1.Macdan Qodoyaal.2.Shirkada Dekeda balaarinaysa.3.Shirkada garoonka balaarinaysa4.Shaqooyin kooban. Dhaqaalaha lagu yagleelay Shirkadan waa mid lagu helay Dowladnimada Puntland,si gaar ah Ciidamada Badda,ayaa si weyn loogaga faa’idaystay. Waxaa la yaab leh Hay’ada loo dhiibay Aamiin Xaaji Khayr Ciidankeedu waa kuwa u ah Shirkadan ilaaladeeda gaarka ah ee amni. Guri ka kooban ilaa 40-Qol oo ku yaal Bosaso uuna leeyahay Ganacsade Kamaal Xaaji Aadan ayay wada degan yihiin Shirkada iyo Ciidamada Pisf ee Aamiin Xaaji Khayr. Wax Indhaha Bulshada…
“Dagaalka ay ku jiraan Dowladda iyo Shacabka Somaliyed ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, waxa uu u baahan yahay awood lagu xaqiijiyo hiigsaga aan uga golleenahay, hiigsigaas oo ah xaqiijinta Somaliya oo aan argagixiso joogin, xasillooni, amni ah, heshiis ah, dunidana heshiis la ah, doorkeedii firfircoonaa ee soojireenka ahna ku leh heer Carbeed, Gobol iyo caalamba.”Ayuu yiri Madaxweyne Xasan. Codsigaas sida la filayo Carabtu si macno leh uguma jawaabayso oo loogama baran waxtar weyn oo ay sameeyaan. Balse Dowladaha qaar way dhici kartaa in laga helo taageero tababar Ciidan,Saad iyo Wardoon sida… 1.Sacuudiga2.Masar3.Aljeeriya. Fursada ugu weyn ee jirtaa waa in…
Mareykanka,ayaa Arbacadii bogaadiyay heshiis dhexmaray dhinacyada isku haya Itoobiya, iyagoo rajeynaya in lasoo afjaro colaadda labada sano ka socotay dalkaas, wuxuuna sheegay inuu u furan yahay inuu hagaajiyo xiriirka Addis Ababa. “Waan soo dhawaynaynaa tallaabada muhiimka ah ee maanta ka dhacday Pretoria ee lagu hormarinayo ololaha Midowga Afrika ee lagu doonayo in lagu aamusiyo hubka,” ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken ku yiri hadal uu soo saaray. “Waxaan soo dhaweyneynaa bixinta gargaarka bini’aadantinimo ee aan la carqaladeyn iyo ilaalinta dadka rayidka ah ee ka dhalan karta hirgelinta heshiiskan,” ayuu yiri. Waxa uu bogaadiyay “dadaalka weyn” ee dhex-dhexaadiyeyaasha Midowga Afrika oo…
Taliyaha Ciidanka Difaaca dawladda Puntland, Gen. Abshir Cabdi Jaamac (Abshir London)ayaa gaaray agagaarka degmada Boocame ee gobalka Sool, oo maalmo kahor ay yimaadeen maleeshiyaad taageersan maamulka Somaliland. Taliye Abshir London oo ay weheliyaan Wasiirka Duulista Hawada Puntland, Xildhibaano iyo saraakiil Ciidan ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo Ciidanka Puntland ee jooga aaga Boocame. Boocame ayaa aheyd degmada kali ah ee katirsan gobalka Sool, oo ay Puntland gacan ku heyso. Waxaana saldhig ay u aheyd maamulka gobalka Sool iyo Talisyada Ciidanka ee gobalkaas u qaabilsan Puntland. Wararka ayaa sheegaya in Ciidammo cusub oo katisan Puntland ayaa la geeyay agagaarka Boocame, iyagoo…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray caasimadda Puntland ee Garoowe. Waftiga Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir. Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland, Xildhibaano, xubno katirsan Xukuumadda iyo shacab ayaa zoo dhaweeyay. Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur oo ay weheliyaan labadiisa Guddoomiye kuxigeenka, ayaa maalmo ku sugnaan doona Garoowe, isagoo kulamo la qaadan doona Guddoonka Baarlamaanka Puntland iyo Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland.
Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timi Guddomiyihii hore ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland Gen.Siciid Abyan Cigaal “Saalax Liif” oo caawa ku geeriyooday Garoowe. Madaxweynaha ayaa geerida marxuumka uga tacsiyeeyey qoyskiisii, ehelada, asxaabta, Ciidmada qalabka sida iyo guud ahaan shacabka reer Puntland. Madaxweyne ku xigeenka ayaa xusay kaalinta muhiimka ah ee marxuumka kasoo qaatay dowlad dhiska dalka, gaar ahaan hagida iyo toosinta Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland mudadii uu hogaaminayey. Ugu dambaayn Kusimaha Madaxweynaha…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Algiers ee dalka Algeria Madaxweynaha dowladda Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi. Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga warbixiyay dhiggiisa dalka Masar howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobalada dalka iyo dadaalada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab si dadka ku nool ay u helaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada ayaa xoojiyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya lagu taageero dagaalka ay uga soo horjeeddo argagixisada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale kala hadlay Madaxweynaha Masar saameynta daran ee abaaraha iyo isbedelka cimiladu ay u…
Puntland waxay ka aqbashay Madaxweyne Xasan Shiikh in ay kulansiiso ama dhex-dhexaadiso Gudoomiye Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Laftagareen. Imaanshaha Puntland ee Gudoomiye Aadan Madoobe waxay ku salaysan tahay qorshahaas. Laftagareen,waxuu rabaa in ay Aadan Madoobe is afgartaan si uusan garab usiin Mucaaradkiisa diidan mudo kororsiga uqorshaysan. Rabitaanka Laftagareen,waxaa ku garabsiinaya Madaxweyne Xasan Sh. Madaxweyne Deni,ayaa arinkaas laga codsaday fulintiisa,waana aqbalay. Sida muuqata waxaa jira isla jaanqaad Dowlada Fadaraalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Jibril Qoobey.
Inkastoo aysan wax cad oo Qodobaysan isku raacin Isimada iyo Madaxweynaha hadana kulan barakaysan buu ahaa. Inta badan hadalka,waxaa qaatay Madaxweynaha oo la dhagaysanayay. Kulamo kale,wada shaqayn iyo isfahmad guud,ayaa lagu balamay. Midnimada iyo horumarka Bulshada Puntland waa umuhiim wada shaqaynta dhaqanka iyo Dowlada. Dib udhaca hirgelinta Dimuqraadiyada,ayaa sababay in saamaynta dhaqanka ee Arimaha Siyaasadu sii jiro. Jibril Qoobey.
Doraad Faroole oo Madaxweyne ah,ayuu ahaa Ninkii fogeeyay Beesha Dhulbahante oo si cad Gacmaha ugu qabtay Beesha Isaaq. Shalay,iyadoo la dagaalamayo oo hadafku yahay in Laascaanood dib loo qabto Gaasna hogaaminayo Faroole,ayuu ahaa Ninkii Shirka jaraa’id qabtay oo ku dhawaaqay in dagaalkaas xaaraan yahay Ciise Maxamuudna ugu baaqay in aysan gelin. Saaxo-meygaag Maleeshiyaadkii Beesha Xasan Ugaas,waxaa Biili jiray una diri jiray Saadka Xasan Shire si loo kala fogeeyo Beelaha wada dega. Maanta Boocame Maleeshiyaadka Ina Canbaashe ee yimid,waxaa Lacagta udiray Aaran-jaan si Deni loogu xumeeyo. Qowdhan dhamaan waa xiriiriyaha qorshayaashaas,isagaana dhaqaalaha loo dhiibaa,sida kii ugu danbeeyay ee Boocame. Hankiisu waa…
Kulan,ayaa dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Xildhibaanada PL ku matala Labada Gole ee Fadaraaliga ah. Sadex Qodob,ayaa ku saabsanaa si guud markii loo eego.. 1.Xildhibaanada oo Madaxweynaha kula dooday in uusan la tashan kana tixgelin talada Dalka. 2.Soo gelintaanka Maleeshiyaad SL ay taageerto ee Boocame. 3.Hanaanka Dimuqraadiyaynta. Madaxweynuhu,waxuu uga jawaabay la tashi la’aanta lagu eedeeyay in Xildhibaanadu masuul ka yihiin oo aysan usoo jeedin danta Guud mid walbana tiisa eryanayo. Arinka SL ee Boocame,waxuu kaga jawaabay in si gaar ah PL uga jawaabayso oo Warmurtiyeedkii Golaha kasoo baxay uu ahaa mid guud oo Somaliyed. Xildhibaanada qaar,ayaa ku dooday waliba Siciid Daahir…
Wada hadalkii usocday Dowlada Itoobiya iyo Maamulka Tigreega waa lagu heshiiyay. Tigree waxay rabeen,ayaa loo ogolaaday,waxayna kala yihiin… 1.In Xabad joojin la sameeyo. 2.In Madaxbanaanida Itoobiya la ilaaliyo oo Ciidanka Eretereya Dalka laga saaro. 3.In Dhamaan Adeega Bulsho loo furo Tigreega. 4.In Magdhow la siiyo Tigreega. 5.In Maamulka Dowliga ah ee Fadaraalka Tigreega qaybtooda la siiyo. 6.In dib loo mideeyo Ciidamada Mileteriga Itoobiya. Sida muuqata Abiy waa tanaasulay,waxuuna aqbalay cadaadiskii gudaha ee dagaalka iyo kii dibada ee reer Galbeedka. Markii si dhab ah loo qiimeeyo xaalada Itoobiya waa ku khasbanaa Abiy in uu tanaasulo,sababtoo ah Dowladnimadii Itoobiya Boqolkiiba Lixdan dhan…
Mareykanka,ayaa ka walaacsan yahay hanjabaadaha Iran ee ka dhanka ah Sucuudiga, waxaana sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Aqalka Cad Talaadadii aanu Mareykanku ka laba-labayn doonin inuu ka jawaabo hanjabaadahaas haddii loo baahdo. “Waxaan ka walaacsanahay khaataraha muuqda, waxaan weli ku jirnaa xiriir joogto ah anagoo adeegsanayna khadadka militariga iyo kuwa sirdoonka ee Sucuudiga,”Ayuu yiri Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka. Waxuu intaas ku daray “Kama waaban doono in aan u dhaqaaqno difaaca danahayaga iyo Sxb-dayada Gobolka” Mas’uulkan,ayaa hadlay kadib markii wargeyska Wall Street Journal uu sheegay in Sacuudiga uu la wadaagay xog sir ah oo uu Mareykanka uga digayo weerar ka…
Golaha Ammaanka QM,ayaa si xooggan u cambaareeyey qaraxyadii ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay magaalada Muqdisho, 29-kii Oktoobar 2022, kuwaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 120 qof, in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen. Xubnaha Golaha Ammaanka,ayaa sheegay sheegay in ay aad uga xun yihiin qaraxyadaas, islamarkaana ay tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay, shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah kuwii ku dhaawacmay. “Xubnaha Golaha Ammaanku waxay dib u xaqiijiyeen in argagixisadu nooc kasta iyo muuqaal kasta oo ay tahay ay ka dhigan tahay mid ka mid ah khataraha ugu daran ee…
Booliiska dalka Kenya,ayaa sheegay in maleeshiyo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, darawalkii waday gaari nooca ambalaas ah iyo bukaankii ay wadeen ay ka afduubteen meel ku dhow xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya. Kooxda weerarka soo qaadday ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday gaari ambalaas ah oo ay leedahay dowlad goboleedka Mandera ee waqooyi bari dalkaasi, xilli ay bukaanka u qaadaysay isbitaal ku yaala deegaanka. Booliska saldhiga Lafey ee Mandhera,ayaa sheegay in Ambalaasta iyo shaqaalaha caafimaadka ay kusii jeedeen isbitaalka Ceelwaaq si loogu gudbiyo bukaan, iyada maleeshiyada looga shakisanyahay Al-shabaab ee…
Ciidanka Booliska Gobolka Bari Oo Xalay Howlgal Ka Sameyay Gudaha Magalada Bosasso . Howl galkan oo uu hogaaminayay Kusimaha Taliyaha qeybta Booliska Gobalka bari Ahne Taliye Kuxigeenka Qeybta Booliska G/dhaxe Khaalid Mohamed Abdirahman ( Ukun )Qeybaha Kala duwan Ee Cidamada . Howlgalkan oo u ujeedkiisu ahaa mid lagu baadi goobo kuwa ka ganacsada Mukhadaraadka , Ciyaal weerada , Xasilinta amniga Magalada Bosasso . Ciidamada ayaa sido kale baritaan ku sameynayay qaar ka mida hotelada,guryaha iyo gadiidka .
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay furitaanka meertada 31-aad ee Shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Aljeris ee dalka Aljeeriya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shirkan ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo dhibaatooyinka arggagixisadu ay ku hayso nabadda, horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale guulaha dawladda iyo shacabka oo wadajira ay ka xaqiijiyeen dagaalka dalka looga ciribtirayo khawaarijta. Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Aljeeriya waxa uu kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka Carabta, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeybgalay meertadan. Madaxweynaha waxaa ku wehelinaya shirkan, Wasiirka…
Ku-simaha Madaxweynaha JFS,L ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa hoygiisa ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftageen. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, arrimaha la xiriira abaaraha saameeyay deegaanada maamulkaasi iyo sidoo kale howlgalada ka dhanka kooxaha khawaariijta ah ee socda deegaannada iyo degmooyinka maamulka Koonfur Galbeed. Kusimaha madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyay doorka maamulka Koonfur Galbeed ee ku aadan la dagaalanka…
Weftiga Somaliya ee ka qaybgalaya Shirka Jaamacada Carabta ee Aljeeriya oo uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan,ayaa la kulmay Xoghayaha guud Qaramada Midoobey Antonio Guterres. Somalida iyo Qaramada Midoobey,waxay ka wada hadlay arimo ay ugu waa weyn yihiin… 1.Dadaallada Dowladda Somaliya ee la dagaallanka argagixisada caalamiga ah. 2.Wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadantinimo,Abaaraha, iyo saameynta isbeddelka cimilada. Madaxda Somalida,ayaa isku raacay in ay Wadajir uga shaqeeyaan horu-socodka Dowladnimada kulankoodii Muqdisho kusoo idlaaday. Beesha caalamku waxay aad udanaynaysaa midnimada Somalida iyo wada shaqayntooda nidaam. Jibril Qoobey.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil,ayaa magacaabay Guddiga soodhaweynta Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane Aadan Madoobe & Wefti uu hogaaminayo oo ku soo wajahan Puntland 3-da bishan. Halkan ka akhriso:-
Wasaaradda Lacagta ee dalkan Maraykanka ayaa cunaqabatayn saartay xubno ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya oo lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin inay ku lug leeyihiin iibka hubka ee Bariga Afrika, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Maraykanka ayaa sannadkii 2018-da liiska ururrada argagixisada ku daray ururka Daacish ee Soomaaliya. Shaqsiyaadka cunaqabataynta la saaray waxaa ku jira Cabdirahman Maxamed Cumar, oo lagu eedeeyey inuu xubin ka yahay Daacishta Soomaaliya, iyo inuu yahay xubinta ugu firfircoon ee laga soo bilaabo 2020-kii hubka sharcidarada ah kasoo dejiya Puntland, sida ay qortay Reuters. Waxaa sidoo kale cunaqabatayn la saaray Ciise Mohamoud Yusuf,…
Sida uu qoray wargeyska The U.K.’s Guardian, Maamulka Somaliland,ayaa la ogaaday in ay hadyado iyo Deeqo su’aalo la iska waydiin karo uu siiyay Xubno ka tirsan Baarlamaanka UK. Sidoo kale maamulka Somaliland waxuu Lacag ku bixiyay Congress-ka Maraykanka in looga dhex olaleeyo Ictiraafdoonkiisa. Sharci,ayaa la horkeenay Aqalka Congress-ka Maraykanka, kaas oo dhigaya in Maraykanku u aqoonsado Somaliland dal madax-bannaan. Aqalka Odoyaasha Maraykanka,ayaa arinkaas diirada saaray kuna dadaalaya in uusan Sharcigaas kaabaya Aqoonsi helida Gobolka Waqooyi Galbeed ee Somaliya uusan abid meelmarin. Waa wax layska og yahay in Somaliland ku bixiso dhaqaale u olalaynta ictiraafdoonkeeda,waxaase hada cusub in la xaqiijin karo…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan Qado ah la qaatay Isimada kala ah Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad. Isimada mid walba dan gaar ah,ayuu uyimid Muqdisho,waana mida keentay in ay Madaxweynaha ku kulmaan. Boqor Burhaan,wuu ku hakaday Muqdisho,isagoo socdaal ah. Beeldaajayaashuna waxay ukala yimaadeen Muqdisho arimo Guryo iyo Caafimaad. Waa kulankoodii ugu horeeyay Isimadu ay la kulmaan masuul Siyaasiya ah marka laga soo tago RW Xamse oo booqasho gaar ah ugu tagey Hotelka ay degan yihiin. 16-Nov,ayuu Madaxweyne Deni ku aadan yahay Bosaso hadii rabi…
Madaxweyne Deni iyo Boqor Burhaan saakay in ay ku kulmaan Xamar ayay ubadan tahay. Kulanka,waxaa dalbaday Madaxweyne Deni oo ergo udiray Boqorka. Hotel Airport in uu ka dhaco kulankaas,aysy ubadan tahay. Sida muuqata Deni,waxuu qaatay talooyinkii ahaa is furfurid iyo dabacsanaan hogaamin in uu muujiyo.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,ayaa sheegay in ay faragelin weyn oo shisheeye lagu hayo wadahadalka socda ee u dhexeeya dowladda iyo maamulka Tigray. Wada hadalada,ayaa hakad galay kadib markii dhanka Dowlada ay ka timid diidmo. Balse Abiy,ayaa sheegay in uu weli rajo ka qabo in heshiis nabadeed la gaaro. Isagoo la hadlayay Telefishinka Caalamiga ah ee Shiinaha (CGTN),Abiy ayaa sheegay in Itoobiyaanku ay xalin karaan arrimahooda inkastoo cadaadis caalami ah lagu saarayo xabbad-joojin. “Dabcan, haddii ay jiraan faragelin badan oo bidix iyo midig ah, aad ayay u adag tahay,”Ayuu yiri Abiy. “Itoobiyaanku waa inay fahmaan inaan arrimaheena ku xallisan karno”…
Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed says there is “heavy foreign interference” in the continuing talks between the government and Tigray administration but remains hopeful a peace pact will be reached. Speaking to the China Global Television Network (CGTN), Mr Abiy said Ethiopians can solve their matters despite international pressure for a ceasefire. “Of course, if there are lots of interventions from left and right, it’s very difficult,” Mr Abiy said. “Ethiopians should understand we can solve our own issues by ourselves.” He also confirmed the federal army’s capture of the Tigray towns of Shire, Axum and Adwa last month from…
Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL, ayaa fadhigii 7-aad ee maanta oo ay goob-joog ahaayeen 54 mudane, ayaa waxay Ansixiyeen xubnaha Maxkamadda sare ee DPL. Waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 53 Xildhibaan, Diidmo majirin, waxaa ka Aamusay 1 Mudane. Xubniha magacownaa ee Maxkmadda sare oo ahaa 7-xubnood ayaa sidaa ku helay kalsoonidii & ansixintii Golaha Wakiillada DPL, Waxaana lagu dhaariyey isla fadhigii maanta ee Golaha.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa u socdaalay dalka Algeria, halkaas oo ay uga qeybgali doono shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta. Villa Somalia ayaa baahisay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu xalay kusii hakaday magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan, isagoo kulan kula qaatay Wasiirka Difaaca Sudan oo ay ka wada-hadleen dagaalka argagixisada. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa caawa gaaray magaalada Khartuum, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin.” “Madaxweynaha Jamhuuriyadda…
Ruushka,ayaa sii xoojiyey weerarada dhinaca cirka ah ee uu ku bartilmaameedsanayo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka Ukraine, gaar ahaan isaga oo waxyeello ballaadhan soo gaadhsiiyey xarumaha korontada iyo biyaha ee caasimadda Kyiv iyo magaalooyin kale oo dalkaas ku yaalla. Weeraradan ugu dambeeyey ayaa ku soo beegmaya, iyada oo Ruushku uu ku eedeeyey Ukraine inay weeraro ku qaaday maraakiibta Ruushka ee ku usgan badda madow. Duqa caasimadda Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in weeraradii ka dhacay caasimaddu inay gooyeen korontadii iyo biyihii qaybo badan oo ka mida magaalada, taasoo keentay in 80% shacabka ku nool caasimaddu inaanay haatan haysan biyihii qasabadda.…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo xoogga saaraya sidii Somaliya looga taageeri lahaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa caawa gaaray magaalada Khartuum. Madaxweynaha,ayaa Khartuum kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Sudan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta, ayaa isaga iyo waftigiisa waxa ay ku sii jeedaan dalka Aljeeriya.
Muumin Cabdi Shire si maqaam sare leh,ayuu Caawa ula wareegay hogaaminta Booliska Puntland. Waa hogaamiye Ciidan oo daacad ah,Wadani ah,karti leh kana fog musuq iyo Eex Muumin Cabdi Shire. Xaflada Caawa xilka Booliska lagula kala wareegay,waxaa ka muuqatay in Booliska Puntland meel wanaagsan soo gaaray,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Hoggaamiyayaasha Madasha Wadatashiga ee kushirsanaa 3dii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa soo saaray. 1- Somaliland ayaa loogu baaqay in ay ilaashadaan Nabadda iyo Xasiloonida. 2- Waxaa ganacsatada Puntland ayaa lagu bogaadiyey dhismaha dekeda Garacad & Iskudayga Dimuquraadiyadda. 3- In mudnaan gaar ah lasiiyo dhameystirka Dastuurka, gaar ahaana qodobada Siyaasiga ah, lagana wada hadlo oo dhinacyada siyaasaddu ka wada tashadaan. 4- Golaha ayaa isku raacay in la dhameystiro guddiyada Dawlad gobaleedyada si loo dhameystiro dhameystirka Dastuurka. 5- In dalka laga dhaqangaliyo Nidaamka asxaabta badan, Codbixiyaal diwaangashan, doorashooyin Dimuquraadi ah. 6- In dalka oo dhan laga hirgaliyo 2 doorasho, Mid heer Federaal…
Halkan ka daawo muuqaalka
Baarlamaanka Puntland ayaa maanta u yeeray xubnaha cusub ee dhowaan loo magacaabay Maxkamadda Sare ee Puntland, si loogu qaado codka kalsoonida ah. Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo saaka yeeshay kulankoodii 6-aad ee Kalfadhigga 51-aad, ayaa cod galiyay soo jeedin ka timid Guddoonka Golaha Wakiillada, oo ahaa in berri cod loo qaado xubnaha magacaaban ee Maxkamadda Sare. Xildhibaano gaaraya 37 oo kamid ahaa 41 Xildhibaan oo xaadiray kulanka maanta, ayaa u codeeyay in berri ay yimaadaan xubnaha Maxkamadda Sare Baarlamaanka hortiisa. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan isbedel ku sameeyay Xubnaha Maxkamadda Sare ee Puntland, kaddib markii ay Baarlamaanka Puntland horey…
Madaxwayne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti uu hoggaaminayey Madaxa mashuurca Horumarinta degmooyinka JPLG ee Soomaaliya, Paul Simkin oo ay ka mid yihiin saraakiil ka socday UNJPLG . Waxaa Kulanka looga hadlay dar-dargelinta mashruuca Horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG iyada oo diiradda la saarayo fursadaha iyo caqabadaha jira iyo qorshaha looga gudbayo marka uu dhammaado wejiga hadda socda ee Mashruuca.
Ciidanka maamulka Somaliland ayaa maanta gudaha u galay degmada Boocame ee gobalka Sool, oo horey ay ugu sugnaayeen Ciidammo katirsan Booliska iyo kuwa Difaaca Puntland. Wararka ayaa sheegay in maleeshiyaad kasoo jeeda Sool, ee ka mushaar qaata Somaliland oo gudaha u galeen magaalada ayna ku sugnaayeen saacado kooban. Maleeshiyaadkii galay Boocame ayaa dib uga baxay magaalada, waxaana jira kulamo ay la yeesheen waxgaradka deegaanka oo ay isku beel yihiin. Boocame ayaa kamid ah degmooyinka Sool ee gacanta Puntland ku jiray. Xukuumadda ayaa dhowaan shaacisay inay ku jirto Boocame 37 degmo ee la qorsheynayo in horaanta sanadka 2023 laga qabto doorashooyinka…
Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Dawladda Soomaaliya ayaa aroornimadii saaka xukun dil ah ku fulisay saddex kamid ah maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab. Xubnaha xukunka lagu fuliyay oo ahaa Rag, ayaa lagu kala magacaabi jiray Nuur Wayne, Xasan Boy & Keerow. Raggan ayaa Maxkamadda Ciidamada ay ku heshay inay qaraxyo ku dileen Shacab iyo Masuuliyiin kale, waxa ayna Fulin Sugayayaal ahaayeen ilaa 2019.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa shir guddoomiyay shir Golaha Wasiirrada oo degdeg ah oo looga hadlayey gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ay shaley magaalada Muqdisho ka geysteen kooxaha Khawaariijta ee magaca diinta Islaamka ku qaraabanaya. Waxaana ka soo baxay qodobaddan soo socda. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay lacag dhan hal million oo dollar ku deeqday sanduuqa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada waxashnimada ah ee argagixisada khawaarijtu ku beegsadeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay kafaala qaadeysaa daweynta iyo daryeelka dadka ku dhaawacmey qaraxyadii shaley ee KM5.Waxaa kale…
Si qurxoon leh maqaam sare oo nidaam Dowladeed ah,ayaa loola kala wareegay hogaaminta Booliska Mudug. Muumin meel hoose,ayuu kasoo qaaday Booliska Mudug,waxuuna keenay muuqaalka muuqda. Talyaha cusub,waxaa laga rabaa in uu halkaas kasii anba qaado. Muumin oo loo dalacsiiyay hogaaminta Booliska Guud ee Puntland,waxaa loo filayaa in uu ka sameeyo isbadalka uu ka muujiyay Mudug. Halkan ka daawo muuqaalka
Munaasabada Xilwareejinta Taliyaha Cusub ee Qeyta Booliska Gobolka Mudug ayaa maanta lagu qabtey Magalada Galkacyo. Gudoomiyaha Gobolka Mudug ,Duqa Degmada Galkacyo,Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida,Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida,Talyaha Ciidama Daraawiishta Gobolada Mudug,Cayn iyo saraakiil kale,ayaa maantay ka qaybgalay munaasabada xil wareejinta Talyaha cusub ee qaybta Booliska Gobolka Mudug . Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf Talyaha cusub,waxaa xilka ku wareejiyay Ayax Maxamuud Aadan oo ahaa ku-simaha Talyaha Qaybta Booliska Gobolka .
The two car bombs that exploded at Somalia’s education ministry, next to a busy market intersection, killed at least 100 people and wounded 300, President Hassan Sheikh Mohamud said on Sunday, warning the death toll could rise. Mogadishu’s K5 intersection is normally teeming with people buying and selling everything from food, clothing and water to foreign currency and khat, a mild narcotic leaf, but it was quiet on Sunday, when emergency workers were still cleaning blood from the streets and buildings. Saturday’s attack was the deadliest since a truck bomb exploded at the same intersection in October 2017, killing more…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya hawlaha gurmadka ee qaraxii KM5. Ra’iisul Wasaaraha oo xiganaya qodobada 99 iyo 100 ee Dastuurka KMG ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana jawaabaya baaxadda khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska KMG iyo mudnaanta ay leedahay in daryeel degdeg ah loo fidiyo dhibbanayaashii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxyada, wuxuu magacaabay Guddi Heer Qaran ah oo shaqeyn doona tan iyo inta laga soo gabagabeynayo hawlaha gurmadka. Xubnaha Guddiga Gurmadka oo ka kooban 10 qofood, waxay kala yihiin sidan: Dr. Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caafimaadka GuddoomiyeDr. Maxamed Axmed Sh…
Garoowe: 30,October,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad, Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta ayaa waxaa warbixino looga dhageystay 4 Guddi oo kala ah. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka.Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ee Golaha Wakiillada DPLGuddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha.Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska $ Horumarinta Haweenka. Guddiyadda ayaa soo jeediyay warbixin la xiriirta dhammaan Kormeerada ay ku tageen Wasaaradaha, Hay’adaha Dawladda iyo socdaalkii U Kuur-gelida Gobolada…
Ugu yaraan 100-Qof,ayaa ku geeriyooday halka 300-Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen labadii qarax oo Baabuurta loo adeegsaday. Waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Madaxweynaha Fadaraalka Xasan Shiikh Maxamuud. Madaxweynaha,ayaa ka codsaday beesha caalamka in ay u soo diraan Dhaqaatiir iyo Agab Caafimaad si ay ula tacaalaan dhaawacyada. Si la mid ah Madaxweynaha,ayaa ku booriyay shacabka in ay tagaan isbitaalada oo ay dhiig ugu deeqaan Dadkii ku dhaawacmay weerararadan. Xasan Shiikh,ayaa ballanqaaday in Waxbarasho lacag la’aan ah uu siin doono Carruurihii ay ka tageen Dadkii ku le’eday weerarradii Shalay iyo kuwii ka horeeyay ee Al-shabaab. Jibril Qoobey.
Muqdisho, Oktoobar 30, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho si uu ugu kuur galo baaxadda dhibaatada xooggan ee ka dhalatay qaraxyadii arxan darrada ahaa ee argagixisada Khawaarijta Al-shabaab ay maanta ku gumaadeen muwaadiniinta birmu-geydada ah ee ku sugnaa goobtaas. Madaxweynaha oo ku suganaa burburka dhismaha Masaajid ku dumay qaraxyadan argagixiso ayaa tilmaamay in weerarkan bahalnimada ah uu sababay dhimashada tobonnaan qof oo ku tukanayey masaajidkan, taas oo ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee laga diiwaan geliyey. “Dadkeennaan la xasuuqay ee birmu geydada ah, waxaa ku jiray hooyooyin ilmahooda dhabta…
Si Qaran,ayaa loo xakameeyay wararkii been abuurka ubadnaa ee Baraha Bulshada yaaci jiray markii Qarax dhaco. Wararkaas waxay ukala qaybsanaayeen kuwo ay Sadex jiho kala maalgalinayeen… 1.Kuwo N&N haraadigeedii ay maalgelinayso. 2.Kuwo Argagixisadu maalgelinayso. 3.Kuwo lagu raadinayo daawasho ama akhris. Amaradii horay usoo baxay wax weyn ayay ka tareen xakamaynta Wararka wax yeeli jiray Amniga. Meel aan Somaliya ahayn oo Wararku faaf reeb aysan lahayn kama jirto caalamka. Saxaafada caalamku waa mid iyadu masuul ah,Wadaniya oo Dalka iyo Dadka udamqata ama mid laga masuul yahay oo la xakameeyo. Caasimadaha Caalamka marna Bulshada si sax ah loolama wadaago khasaaraha dhaca ee…
Kuuriyada Koonfureed isbuurashadii dabaaldega Halloween,waxaa ku dhintay 120-Qof,waxaana ku dhaawacmay 100-kale. Wadan sida Kuuriyada Koonfureed oo kale uhorumarsan in uu dabaaldeg nidaamin waayo dad badan kaga le’daan waa nasiibdarro. Halkan ka daawo muuqaalka
Shirka Wadamada Carabta ee ka furmay Aljeeriya. Maanta waxaa dhacay Shirkii Wasiirada Jaamacada Carabta. 31-ka,waxaa furmaya Shirka Madaxda Carabta oo ah mid ka duwan kuwii hore oo Indhaha lagu wada hayo. Somaliya,waxaa ku matalaya Wasiirka Arimaha dibada,iyadoo Beri uu gaarayo Madaxweyne Xasan.
Sida la filayo Qodobadan,ayaa qayb ka noqon doona Warmurtiyeedka kasoo baxaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran. 1.Dhamaystirka Dastuurka oo hada meel gabo gabo ah maraya,ayaa laysla gartay in la dhamaystiro inta harsan. 2.Dagaalka Nabad diidka,ayaa lagu heshiiyay in guluf balaaran oo wada jir ah lagu qaado. 3.Qaybsiga khayraadka,ayaa Gudi in loo saaro lagu balamay lana dhamaystiro habraaca dhiman mudo kooban lagu dhameeyo. 4.Isku xirka Wasaaradaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed,ayaa lagu heshiiyay. 5.Abaaraha,ayaa lagu heshiiyay in gurmad lawada gaarsiiyo Dadka Abaarahu saameeyeen,dakhliga iyo Raashinka lahayana loo jiheeyo meelaha Abaartu saamaysay. Waxaa laysku raacay in aan lagu soo darin War murtiyeedka…
Muqdisho, Oktoobar 29, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee birmo-geydada ah ee maanta argagixisada Alshabaab ay ku xasuuqeen isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in culimada Soomaaliyeed iyo Wasaaradaha Awqaafta iyo Diinta, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ay shanti cisho ee la soo dhaafay si wada jir ah uga doodayeen hannaanka la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, taas oo ka tarjumaysa dhibaatada iyo xanuunka khawaarijtu ay u geysteen dadkeenna Soomaaliyeed iyo been abuurka ay ku sameeyeen diinteenna suubban. “Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa sii caddaanaysa arxan-darrada iyo cadaawadda khawaarijta Alshabaab…